Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,126
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu furitaanka kalfadhiga 4aad ee golaha shacabka ku daah-furay barnaamijka ” Is-xilqaan”, kaas oo ah mid uu dadka ugu baaqayo in si iskaa wax ku qabso ah lagu dhiso 11 hey’adood. Farmaajo waxaa uu sheegay in Barnaamijka “Is-xilqaan” uu halbeeg u yahay waddaniga dhabta ah ee ka dhiidhiya dayacsanaanta dhulkiisa hooyo. waxa uu ku qotomaa mabaadii’da aasaasigaah ee Dastuurku ku dhisan yahay oo si cad u kala qeexay xuquuqda iyo waajibaadka muwaadiniinta. Waxa uu ku qotomaa mas’uuliyadda Islaamnimo ee muwaaddin-nimo. Waa maxay Is-xilqaan? Waa barnaamij wax-qabad oo Soomaaliyeed oo sal iyo cidhibba ku leh dhaqanka Soomaaliyeed ee isku-tashiga, isku-tiirsanaanta iyo is- gargaaridda heer walba ah. Waa Barnaamij gogol-xaadh u ah soo bandhigidda wax-qabad taabbo gal ah oo ay horseed ka tahay Xukuumadda Nabad iyo Nolol, laguna xusayo sannad guurada 60aad ee Xorriyadda Soomaaliyeed. Waa barnaamij ama mashruuc heerar badan gaadhaya ama saamayntiisa ku yeelan doona. Heerarka uu gaadhi karo waxaa ka mid ah: mid qofeed, mid qoys (family), mid deegaan iyo mid Qaranba. Haddaba, waxaa muhiim ah in Olole xooggan oo ballaadhan lagu qaado, loona sameeyo barnaamijka ”Is-xilqaan” ee u diyaargarawga 60 guurada maalmaha xorriyadda. Ololahaas oo ah wac-yigelinta bulshawaynta Soomaaliyeed si ay dalkooda iyagu u dhistaan isuguna xisaabtamaan. Sidee loo fulinayaa? Waxaa la abuurayaa Guddi heer Qaran ah oo ka kooban wasaaradaha ku shaqada leh ee xukuumadda, bulashada rayidka ah, culimaa’uddiinka iyo ciidamada. Waxaa la abuurayaa farsamo yaqaanno iyo Injineerro hawlaha dib-u-dhiska haga iyadoo jumca kasta la shaqaynaayo laba saacadood iyo badh (2:30 hrs). Sidoo kale Khamiis kasta oo ugu dambaysa bil walba waxaa loo asteeyay maalinta ololaha “Is-xilqaan” ee nadaafadda iyo dib-u-dhiska dalka. Waxa dib-u-dhis ballaaran lagu sameeynayaa qaar ka mid ah xarumihii iyo hantidii dawladda ee ku burburtay dagaallada sokeeye, iyadoo:- La abaabulayo, lagana shaqaysiiyo cududda dadweynaha (Dhalliyaaro, Shaqaale, Haween, Iskaashatooyin, ciidamada, dadweynaha xaafadaha iyo degmooyinka), laguna tartamo, la iskuna abaalmariyo In barnaamijka Is-xilqaan ee dib loogu dhisayo dalka si ballaaran looga wada qayb-galo xoog, fikar iyo dhaqaaleba. Maxay Guddidu Qabanayaan: Waxa ay abaabuleysaa bulshada Soomaaliyeed, caruur iyo cirroole, dhalinyaro, waayeel, haween, shaqaalaha dowladda iyo ciidamada. Xubnaha Guddida: Guddida Ololaha is-xilqaan waxa ay ka kooban tahay Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Hawlaha Guud, Warfaafinta, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Caafimaadka, Haweenka, Gaashaandhigga,Amniga, Cadaaladdaiyo Gobolka Banaadir. Sidee Loo Maal-gelinayaa: Waa is-xilqaan ku dhisan oo uu qofku xooggiisa, xoolihiisa iyo xirafadiisa ku tabarrucaayo dalkiisana ugu deeqaayo. Hase-yeeshee. Waxaa la furi doonaa sanduuq loogu yabooho Qurbejooqta, ganacsatada, bulsho waynta Soomaaliyeed iyo qof kasta oo danaynaaya in uu wax ku darsado, iyada oo la dejinayo nidaam maamul, qaab sahlaya uruurinta iyo macluumaadka tabarucaadka dadweynuhu uga qayb-qaadanayo barnaamijka isxilqaan ee dib u dhiska dalka. In laqu guulaysto Barnaamijka Is-xilqaan waxaa asaas u ah: Sida taariikhdu na barayso horumarka ay bulsho kasta gaarto, waxa aasaas u ah qaabka ay u fekeraan iyo sida ay ugu heelan yihiin in ay qadarkooda iyo is-xilqaankooda ku gaaraan horu-kac baaxad leh oo ay uga baxaan dib-u-dhaca ay dariska la yihiin, una hiigsadaan horumarka dhaqan dhaqaale iyo bulsho ee asaagood gaaray. Haddaba, waxaa muhiim ah in ay is-abaabusho Ummadda Soomaaliyeed iyaga oo ku tashanaya maalkooda, maskaxdooda iyo muruqooda, si dib loogu soo nooleeyo hay’adihii Dowladda ee qaybta weyn ku lahaa horumarka iyo xadaaradda dalka. Sidaa awgeed, iyada oo la muunaynayo sanad-guurada 60aad ee xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya ee ku aadan 2020-ga, lagana amba-qaadayo talooyinka iyo tilmaaha ay bixiyeen Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, waxa lagama-maarman ah in dib loo dayactiro, loona haw-galiyo; wajiga koowaad ee Barnaamijka ls-xilqaanna lagu bilaabo hay’adaha iyo Dhismayaasha kala ah:- Matxafka Qarahka. Golaha Murtida iyo wacyi-gelinta Dadweynaha. Maktabadda Qaranka. Xaruntii Dhexe ee Xisbiga. Tuulada Ciyaaraha (Mogadishu Stadium). Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka (Isbitaal Benaadir). Taalooyinka Taariikhiga. Hir-gelinta Barnaamijka Bar ama Baro. Isku filnaansha xagga quudka. Abuuritaanka Tuulooyin Kalluumaysi. Dayactirka Buundooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeedo siyaasadda ay dowladda Soomaaliya ku maamusho dalka ayaa ka hadlay gurxufta cusub ee kasoo if baxday Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle oo ah kuwa ugu daciifsan maamulada dalka ka jiro shaqo ahaan iyo tayo ahaan. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Galmudug iyo Hirshabeelle inay ka shaqeeyaan danaha maamuladooda, iyadoo uu soo ifbaxayo xiisado siyaasadeed oo maamuladaas lugaha la galayo iyo mooshino is barbar socda. Axmed Fiqi ayaa sheegay in hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee ugu jawaabay hadaladooda ay u ekaayeen kuwo jiibis ah iyo balan-qaad, kaddib markii Madaxweynuhu sheegay inay labada Guddoomiye Baarlamaan ay kala shaqeynayaan danta Guud. Halkaan hoose ka akhriso hadalka uu Fiqi soo dhigay Bartiisa Facebook Guddoomiyaasha barlamaanada Dawlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa la gudboon in ay ka shaqeeyaan danaha maamuladooda, kulana shaqeeyaan madaxda maamuladaas xayndaabka dastuurka, si ka waxgaradsan qaabka ay hadda u dhaqmayaan, oo u ekeysiinaysa kuwoloo adeegsanayso burburinta maamuladooda sida ka muuqatay haddaladoodii munaasabaddii furitaanka Kalfadhiga Afraad ee golaha shacabka, iyo hadaladii jiibiska & ballanqaadka ahaa ee uu madaxweynuhu uga jawaabay hadalkoodii. Caasaimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidan isugu jira Soomaali iyo cadaan ay xalay saq dhexe weerar qorsheysan ka fuliyeen degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose. Weerarka oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa waxaa iska garabsaday Ciidanka cadaanka iyo kuwa Bancroft kuwaa oo Weerarka ka hore diyaaradihii ay wateen uga degay banaanka deegaanka Mubaarak. Ciidamadan ayaa gudaha deeganka ku galay lug iyadoo halkaa dagaal culus kula galay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab. Dagaalka oo socday ku dhawaad saacad iyo bar ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawacba leh. Dagaalka ayaa inta uu socday waxaa dhacay duqeyn lala eegtay Saldhigyo ay maleeshiyaadka ku lahaayen deeganka, taasi oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo ay wateen ciidanka cadaanka ah ee Mareykanka. Duqeynta iyo dagaalka tooska ah ayaa waxaa ka dhashay dhimashada 3 maleeshiyo oo laba kamid ah la sheegay inay ahaayen Horjoogayaal qeyb ka ah maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose. Sidoo kale, qoraal ay Hay’adda Sirdoonka qaranka Somalia soo dhigtay barta Twitter-ka ku sheegtay in hawlgal xalay saq dhexe ka dhacay Mubaarak ay ku dileen xubin ka tirsan Al Shabaab, sidoo kalena lagu dhaawacay kuwa kale. Qoraalka Hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha la weeraray ay ku hawlanaayeen weeraro ay ka geystaan magaalada Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee weerarka ayaa dhacay xili ay maleeshiyaadka Alshabaab weeraro is xig xiga ka geysteen magaalada Muqdisho iyo Marko. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Jowhar (Caasimada Online)-Xildhibaano ka tirsan Hirshabelle ayaa ku dhawaaqay inay aad uga soo horjeedan go,aankii maamul gobaleedyada ee kasoo baxay shirka Kismaayo. Xildhibaanada maamulka ayaa sheegay in Madaxweynaha maamulka Hirshabelle aysan ku raacsaneen go,aanka uu ka qaatay dowlada Somalia ee laga soo maanguuriyay shirka. Waxa ay Xildhibaanadu sheegeen in Waare uu kaligiis qaatay go’aanka oo aysan jirin cid uu kala tashtay,sidaasi aawgeedna ay qaadacsan yihiin war murtiyadeedkii ka soo baxay shirkii Kismaayo. Waxa ay sheegen Xildhibaannadan in go’aanka uu qaatay Madaxweyne Waare ay muujineyso kalsooni darada kala dhexeysa maamulkiisa islamarkaasna uusan kala tashan baarlamaanka iyo guddoonka Hirshabelle labadaba sidaas daraateedna waxaa ay ka dalbadeen madaxweynaha in uu arrinkaasi raali gelin ka bixiyo. Xildhibaanada oo arrintaasi shir ka yeeshay ayaa sheegaya in Waare uu qudhiisa dayacay amniga iyo nidaamka maamulkiisa, siadaa aawgeed uusan xaq u laheyn inuu ka hadlo khaladaadka yaryar ee kadhaca dowlada. Waxa ay tilmaameen in Waare uusan deegan ku aheyn halka uu ka taliyo, isla markaana laga doonaayo in marka hore uu hagaajiyo maamulkiisa kadib uu dhaliilo madaxda ka sareysa. Sidoo kale, Xildhibaano kale oo ka tirsan isla baarlamaanka maamulka ayaa sheegay in Waare ay ku raacsan yihiin go’aanka uu kala midka yahay maamulada kale ee ka jira dalka. Xildhibaanada taabacsan go’aanka Waare ayaa tilmaamay in HirShabeelle ay ku go’aan tahay maamulada kale, isla markaana ay adeecsan yihiin qodobada kasoo baxay shirka Kismaayo. Qodobada laga soo saaray shirkii golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyada sideedii bishan ayaa lagu sheegay in lagu hakiyey xiriirkii ka dhaxeeyey dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Dhinaca kale, waxa ay dowlad goboleedyada sidoo kale ku eedeeyeen dowladda dhexe farogelin gudaha maamullada ah. Caasaimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  5. Wasaaradda warfaafinta Galmudug ayaa sheegtay in dowladda dhexe ay farogelin ku hayso maamulkooda, islamarkaana iska horkeeneyso shacabka ku dhaqan deegaannada Galmudug. Wasiirka wasaaradda wasaaraddan, Maxamuud Cismaan ayaa sheegay in dowladda dhexe ay waddo qorsheyaal ay ku dooneyso iney ku burburiso heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-sunna. Sidoo kale, wasiirka ayaa uga digay shacabka Galmudug dhibta ka dhalan karta arrintaasi, isaga oo dhanka kalena ugu baaqay beesha caalamka iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya in arrintan ay si dhow ula socdaan. “Waxaan ugu baaqeynaa shacabka Galmudug iney ka digtoonaadaan cawaaqib xumada ka dhalan karta farogelinta qaawan ee ay hormuudka ka tahay dowladda federaalka, waxaan ugu baaqeynaa waxgaradka, culimada, xisbiyada, beesha caalamka iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya iney si dhow ula socdaan farogelinta qaawan ee dowladda federaalka ku hayso dowlad goboleedka Galmudug” ayuu yiri wasiirka. Galmudug ayaa marar badan sheegtay in dowladda federaalka ay farogelin qaawan ku hayso maamulkooda, iyaga oo ku baaqay in arrintaasi ay dowladda ka fiirsato. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa sheegay in uu gacanta ku hayo mooshin laga soo gudbiyey guddoomiyaha baarlamaankaasi Cali Gacal Casir. Waxa uu sheegay Xareed in mudane Casir ay mooshin kasoo gudbiyeen 89 xildhibaan, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay 10 cisho gudahood inuu isaga difaaco eedeymaha loo soo jeediyey. Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in xilligan wixii ka dambeeya aanu guddoomiye Casir haysan awood uu ku shir guddoomiyo maadaama mooshin uu ka yaallo. “Waxaan halkaan ka caddeynayaa iney isoo gaartay mooshin ka dhan ah guddoomiyahii baarlamaanka Galmudug, mooshinkaasi oo ay ii soo gudbiyeen xildhibaanno tiradoodu gaareyso 89” ayuu yiri Xareed. Muddooyinkan dambe waxaa jiray khilaaf ka dhaxeeyey madaxda sare ee maamulka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-XIldhibaan Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo ka mid ah mudanayaasha BFS ayaa sheegay in qodobada kasoo baxay shirka kusoo dhamaaday magaalada Kismaayo aysan wada khaldaneen. Gaandi, waxa uu sheegay in cadaadiskaasi uu dowlada Somalia uga imaaday faragalin uu sheegay inay ku sameysay arrimaha maamulada. Xildhibaan Gaandi, waxa uu dowladda Somalia ku eedeeyey inay dagaal la gashay maamulada, isagoo tilmaamay inay ku howlan tahay duminta Dowlad Goboleedyada dalka, sida uu hadalka u dhigay. Gaandi, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay mar waliba dooneyso in Madaxda maamulada ula dhaqanto sida Guddoomiyayaasha Degmooyinka. Waxauu sheegay in dowlada Somalia ay ilowday wadatashigii kala dhexeeyay maamulada ka jira dalka, waxa uuna taa ku sheegay cadaadinta iyo khilaafka ugu badan ee kadhex oogan dowlada iyo maamulada. Xildhibaanka waxa uu tilmaamay in wax walba oo ka dhasha go’aankii kasoo baxay shirka Kismaayo ay eedeeda qaadaneyso dowladda Federaalka Somalia. Sidoo kale, Xildhibaan Gaandi ayaa carab ***** in waxbadan ay ka jiran wararka kasoo baxay Hogaamiyaha Jubbaland ee ku aadan in DFS ay qalqal amni kawado deegaanada Jubbaland, sida lagu sheegay warbixin uu Gaandi siiyay Idaacada dalsan ee magaalada Muqdisho. Haddalka Gaandi, ayaa u muuqanaya mid lagu garbinaayo qodobada shirka, iyadoo ay xusid mudan tahay in go’aanka kasoo baxay ay isku khilaafen madaxda maamulada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. I was intrigued by the title of an article written by a certain Karanja Kabage, a Kenyan, who is an Advocate of the High Court of Kenya. The article was probably written in a Kenyan Newspaper and reproduced in Hiiraan Online Source: Hiiraan Online
  9. Addis Ababa (Caasimadaa Online)-Waxaa lagu wadaa in si rasmi ah loo soo afmeero khilaaf Siyaasadeedka ka dhextaagan dowladaha Eriterea iyo Jabuuti oo gaaray heerkii ugu xumaa. Gogosha lagu soo afmeerayo Khilaafka labada dowladood ayaa la sheegay inay taalo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia oo uu ka furmi doono shirka IGAD. Gogosha lagu heshiisiinayo Eriterea iyo Jabuuti ayaa waxaa ka qeybqaadan doona Madaxda wadamada qeybta ka ah IGAD. Madaxweynayaasha Eriterea Afwerki iyo Jabuuti Ismaaciil Geele ayaa xalinta khilaafkooda kadib la filayaa in ilaa iyo bari danbe ay Heshiis ku kala saxiixdan magaalada Addis Ababa oo maanta arbaca ah uu ka furmi doono shir ay yeelanayaan Wasiirrada arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD. Shirkan maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ajendayaashiisa ka mid ah in lagu saxiixo heshiiska kama dambeysta ah ee ay gaareen dhinacyada dalka South Sudan iyo in Ururka ay dib ugu soo biirto Dowladda Eritrea oo tobankii sano ee la soo dhaafay ka maqneyd. Labada Madaxweyne ayaa la sheegayaa in halkaas lagu dhexdhexaadin doono iyada oo ay horay u jirtay in labada dalba Madaxweynayaashooda ay casuuntay dowladda Ethiopia. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Ethiopia ayaa horay usii shaacisay in gogasha Heshiisiinta labada dal ay taalo magaalada Addis Ababa, iyadoo ay garwadeen ka yihiin dowladaha Somalia iyo Ethiopia. Caasimadaa Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  10. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal shalay ka dhacay deegaanka Malable oo ku dhow deegaanka Ceel-macaan ee gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Dagaalkan ayaa u dhaxeeyey ciidamo ka wadatirsan Hirshabelle, gaar ahaan kuwo ilaalo u ahaa Cismaan Xaadoole oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo dekadaha ee maamulkaasi iyo kuwa maamulka degmada Balcad. Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku geeriyootey Afar Askari, waxaana ku dhaawacmay 5 kale sida ay xaqiijiyeen saraakiil Hirshabelle ah. Saakay ayaa lagu soo waramayaa in xaaladdu ay tahay mid wanaagsan, balse waxaa goobtii lagu dagaallamay ka jirta walwal ay qabaan dadka shacabka ah. Maamulka Hirshabelle weli kama aanay hadal dagaalkan dhexmaray ciidamadan ka wada tirsan maamulkaasi, iyadoo dagaalkanna la ogaan waxa uu salka ku hayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in saacadaha fooda nagu soo heysa uu u ambabaxo dalka Ethiopia. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa socdaalkiisa dalka Ethiopia ku wehlin doona Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada, waxaana laga sugayaa magaalada Addis Ababa. Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa salka ku haya ka qeybgalka shir ka dhacaya Addis Ababa iyo kulanka lagu heshiisiinayo dowladaha Eriterea iyo Jabuuti. Shirkaas oo ahmiyad gaara leh ayaa waxaa ka horeeya shir gaar ah oo ay yeelanayaan Wasiirada Arrimaha Dibada Wadamada IGAD,iyada oo toban Sano kadib shirkaasi uu ka qeyb galayo Madaxweynaha Dowladda Eritrea Afwerki. Dowlada Somalia ayaa qeyb weyn ka ah dowladaha xiriirka ka dhex abuuraya Eriterea iyo Jabuuti oo sanado dhowr ah uu xiriirkooda ahaa mid sii xumaanayay. Geesta kale, Farmaajo ayaa kamid noqon doona madaxda ku nagaan doonta magaalada Addis Ababa inta dowladaha uu muranka u dhexeeyo ka kala saxiixanayan Heshiiskooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose. Guddoomiyahii hore ee Marka, Maxamed Cismaan Yariisow ayaa u sheegay Goobjoog News in dagaalyahannada Al-shabaab ay Saddex jiho kusoo weerareen Marka. Waxa uu tilmaamay in dagaalka uu ahaa mid xooggan, islamarkaana gilgilay guud ahaan magaaladaasi. Yariisow ayuu sheegay in Al-shabaab ay kasoo galaan dhanka Jilib Marka, wuxuuna sheegay in saraakiisha ciidanka xoogga dalka u sheegeen arrintaasi balse aanay dheg jalaq u siin. Mar uu guddoomiye Yariisow ka hadlay khasaaraha dhanka ciidanka dowladda soo gaaray ayuu sheegay iney ka dhaawacantay Saddex Askari, balse dhanka Al-shabaab lama oga. Marka ayaa dhowaan waxaa gabi ahaanba la wareegay ciidanka xoogga dalka, iyadoo dagaal looga saaray Al-shabaab. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WAREYSI-MARKA-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Inspector General of Police Joseph Boinett has raised concerns over the wearing of niqabs — full face veils — by terror suspects during trial after a woman appeared in court on behalf of her accused sister. Source: Hiiraan Online
  14. An immigrant to Canada is now a multi-millionaire after winning the lottery twice in the span of just five months. Source: Hiiraan Online
  15. CheapAir.com released the results from its international airfare study on Thursday, and the results could have serious implications for the next time you book a trip out of the country. Source: Hiiraan Online
  16. On August 29, U.S. forces carried out their 21st confirmed air strike in Somalia this year. The short U.S. Africa Command (Africom) press release announcing the strike on al-Shabaab, the al-Qaeda–linked insurgency that has sought to implement a hard-line Islamic state in Somalia Source: Hiiraan Online
  17. Bodabodas (motorbikes) are slowly becoming the preferred means of transport in Mandera. Source: Hiiraan Online
  18. From refugee to storyteller, a Danish Somali filmmaker challenges stereotypes about young Somalis - one film at a time. Source: Hiiraan Online
  19. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the United Nations Mine Action Service (UNMAS) have pledged to strengthen their collaboration to effectively counter the threat posed by Improvised Explosive Devices (IEDs) to the country’s stability. Source: Hiiraan Online
  20. Somali security forces have arrested a senior al-Shabab commander and three other militants during operations conducted in Heliwa and Yakhshid districts of Benadir region in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  21. There's a 70% chance of a recurrence of the El Niño weather event before the end of this year, according to the World Meteorological Organisation. Source: Hiiraan Online
  22. Wararka naga soo gaaraya Degmada Marko ee xarunta Gobolka Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi uu ka dhacay dagaal culus. Dagaalkaan ayaa waxa uu u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa dhowr jiha ka soo weeraray degmadaasi sida uu Goobjooge halkaasi ku sugan u sheegay PUNTLAND POST. ” Mar qura waxaan maqalnay jug culus iyo rasaas xoogan oo ah dagaal u dhaxeeya Dowlada iyo Al-Shabaab waxaan dareenay cabsi xoogan” ayuu yiri Goobjoog aan la hadlay. Degmada Marka ayaa dhowaan waxaa la wareegay ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM kadib markii muddo ay halkaasi maamulayeen Al-Shabaab. ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi walina masuuliyiinta dowlada kama hadlin dagaalkaasi iyo qasaaraha uu geeystay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho. The post Dagaal ka dhacay Degmada Marko appeared first on Puntland Post.
  23. Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa maamulka Puntland Cabdiweli Gaas iyo Cabdixakiin Camey ayaa ka gaabsanaya in ay shacabka maamulkooda uga run sheegaan xaaladda collaada ee Tukaraq. Dagaal bilowday bishii Janaayo kaddib markii uu mmaulka Somaliland qabsaday Tukaraq ayaa ilaa iyo hadda la isku horfadhiyaa jiiidda hore ee deeganadaas. Tiraba afar jeer ayuu aagaas dagaal aan natiijo dhalin ku dhexmaray labada maamul ee ku hardamaya gacan ku haynta gobolka Sool. Hase ahaatee, iyada oo markii horeba loo arkayey in Gaas iyo Camey ku doonayeen in ay xukunka ku dheereystaan ayaa waxa ay hadda Caasimada Online heshay xog sheegeysa in Puntland iyo Somaliland saxiixeen heshiis lagu soo afjarayo collaada Tukaraq. Muxuu yahay heshiiska? Saraakiil sare oo ka tirsan madaxtooyada Puntland, gaar ahaan xafiiska Injineer Camey, oo ah ku xigeenka hoggaamiyaha maamulkaas ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Puntland iyo Somaliland kala saxiixdeen heshiis dhigaya in la joojiyo dagaalka. Heshiiska waxaa gar wadeyn ka ah beesha Caalamka iyo waliba urur gobolleedka IGAD. Qodobka ugu weyn ee lagu heshiiyey waa in qolaba halka ay iminka ku sugan tahay ay joogto halkaasna lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya labada mamul. Sidoo kale, waxa ay Puntland dalbatay sida laga soo xiganayo xafiiska hoggaamiye ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullahi Xaaji Cumar Camey in muddo la siiyo kala qaadista ciidamada is horfadhiya si aysan shacabka uga horimaan. Sidoo kale, waxa ay Gaas iyo Camey ka baqayaan falcelinta uga imaan karta musharixiinta, shacabka Sool iyo waliba guud ahaan Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  24. Nairobi (Caasimada Online) – Ergeygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobw u joogay Soomaaliya ee hadda xilkaas baneenaya, Michael Keating ayaa wariyaha BBC-da Marry Harper uga warramay arrintii aadka uga yaabisay intii uu Soomaaliya ka shaqeenayey. Keating oo bedelay Nicolas Kay oo u warramaya Marry Happer waxa uu yiri: “Waxa aan aadka ula yaabay waxaa ka mid ah in Soomaalida aad dood kulul la gali karto hadana waxyar kaddib ay noqonayaan kuwo ilaaway wixii idin dhexmaray oo halkii ay saaxiibtinimadiina ka sii soconeysaa.” Waxa uu sheegay in dadka Soomaalida yihiin kuwa aan aqoon wax niyadda lagu sii qaado, oo durba ay iska noqonayaan dad caadi ah. Keating oo uu toddobaadkii hore uga ekaa xilkii ergeynimo ee uu Qaramada Midoobe ugu qaabilanaa Soomaaliya ayaa wareysigiisa lagu sii daayey barnaamijka Focus On Africa ee xalay ka baxay BBC World Service. Dhinaca kale, Keating waxaa sagootin wanaagsan u sameeyey qaar ka mid ah madaxda Soomaaliya sida ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre halka uu sidoo kale si qadarin leh u sharfay doorkiisii diblomaasiyadeed ergeyga Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya Nicholas Madeira. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  25. Halkan ka aqri qeybihii hore. Maalgashiga Imaaraad ee Barbara markii hore waxa uu u muuqday in ujeedkiisa ugu wayni uu yahay in ay Abu Dabey cagta la hesho meel ay ku qabsan karto badeecadaha iyo adeegyada uu ubaahan yahay Suuqa Itoobiya si ka duwan Jabuuti, wana hadaf taabtay hanka istiraatiijiga ah ee fog ee Itoobiya oo walwal ka qabtay ku ku tiirsanaanta ganacsigeeda Jabuuti oo kaliya, sidoo kale waxaa soo muuqday in tallaabooyinkan Imaaraadku ay aad ugu habboon yihiin sidii ugu ciqaabi lahayd Jabuuti khilaafkii ka dhashay Xaruntii Kunteenarrada ee Dooraale iyo eryiddii ciidamadii Imaaraadka 2015-kii. Yeelkeede, faa’iidooyinka heshiisku intaa kaliya kuma koobnaanin, ee Imaaraad iyo Itoobiya waxa ay si isula fahmeen sidii loola dhaqmi lahaa Eratariya, iyada oo ay taageertay Adis Ababa dadaalada Imaaraadku ay saldhig badeedka kaga dhisanayso Barbara si loo yareeyo muhiimadda uu leeyahay saldhigga Casab, kahor inta aysan Itoobiya caddaynin aragtideeda ku aaddan joogitaanka Imaaraadka ee Eratariya, gaar ahaan markii xiriirka Adis Ababa iyo Abu Dabey uu hormaray, iyada oo Itoobiya ay is tustay in buuxinta Imaaraadka ee saldhigyada Eratariya uu ugu yaraan ka hortagi karo in Eratariya ay halkaa ka kirayso Masar oo ay Itoobiya u aragto halis istaraatiji ah. Abiy Axmed markii uu talada qabtay bishii Maarso, xiriirka labada dal waxa uu galay weji cusub,gaar ahaan ajandaha dib u heshiisiineed ee uu la yimid Raysulwasaaraha cusubi, oo ay ugu wayn tahay in uu meesha ka saaro cadaawadda taariikhiga ahaa ee waddankiisa loo hayo oo ay ugu horayso Eratariya. 15-kii juun, 10 maalmood kaddib markii uu ku dhawaaqay Abiy Axmed in Itoobiya ay fulinayso heshiiskii Aljeeriya ee la sixiixay 2002-dii ayna aqoonsanayso in Eratariya ay leedahay tuulada Baadame, ayuu booqday Adis Ababa dhaxal sugaha Abu Dubey Maxamed Bin Saayd si uu ula kulmo Abiy, halkaas oo labada dal ay kaga dhawaaqeen in Imaaraadku ay dhigi doonto $1,000,000,000 bangiga dhexe ee Itoobiya si loo dajiyo loona kordhiya kaydka lacagaha adag ee dalkaasi, intaana waxaa sii dheerayd in ay siisay $2,000,000,000 oo kaalma ah oo lagu taageerayo dhaqaalaha Itoobiya. Wax yar kaddib safarkii Maxamed Bin Saayd ee Itoobiya ayaa waxaa Adis Ababa u safray wafdi Eratariyaan ah si ay wada hadallo ula soo yeeshaan, wafdigaas oo qaatay diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Imaaraadka ee Fly Emirates, maalmo yar kaddib ayuu booqday madaxwaynaha Eratariya Asiyaas Afawarqe Abu Dabey halkaas oo uu kula kulmay Maxamed Bin Saayd maalgashiyo waaweyn oo xagga beeraha iyo kaabayaasha Eratariya ah, ugu dambaynna lagu soo afmeeray safarradaas u kala dab qaadidda ah in 9 Luulyo ay hab isku siiyaan Abiy Axmed iyo Asiyaas Afawarqe magaalada Asmara, sheegaanna in ay gaareen heshiis nabadeed oo taariikhi ah, gar wadeenna ay ka tahay dowladda Imaaraadku. Bishii Abriil ayuu Yamamoto soo gabagabeeyay booqosho uu ku tagay Eratariya, waxa ayna ahayd booqashadii ugu horaysay ee masuul Maraykan ihi uu ku tago Asmara muddo sanado ah, isaga oo halkaa ka sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay dhexdhexaadiso Itoobiya iyo Eratariya. Iyada oo ay jirto kaalinta wayn ee ay ka gaysatay Abu Dabey heshiisiinta Itoobiya iyo Eratariya, haddana waxaa xusid mudan in jadwalka hawsha heshiisiinta, ama haddii si kale loo dhigo qorshaha dhaqan celinta Eratariya uu ahaa qorshe Maraykan, halka ay Abu Dabey ka wadday Afrika socdaallo musaalaxo, sidoo kale waxaa ka socday xafiisyada wasaaradda arrimaha dibadda ee Washington dadaallo kale oo kuwaas garab socday, oo ay ka soo qayb galeen wasiirka arrimaha dibadda ee Eratariya Cismaan Saalax iyo Yamaani Gabriyeet, la taliyaha madaxwaynaha Eratariya, iyo sidoo kale raysulwasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn. Wadahadaladaas oo uu gar wadeen ka ahaa madixii arrimaha dibadda ee wasaaradda arrimaha dibadda ee xilligaas Donald Yamamoto. Dhawr usbuuc kahor wada hadalladii Washington siiba bishii Abriil ayay ahayd markii uu Yamamoto soo gabagabeeyay booqashadiisii uu ku tagay Eratariya, taas oo ahay booqashadii ugu horreeysey ee uu masuul Maraykan ah uu ku tago Asmara muddo dheer, weliba mid ka hadlaya dhexdhexaadin, taas oo ahayd wax aan horay looga baranin Maraykanka marka ay timaaddo u dhowaanshihiisa Asmara oo uu mar walba u arki jiray in ay tahay mid kamid caasimadaha Afrika ee ”sharci” ka bood ka ah colkana la ah Maraykanka. Taariikhiyan, Maraykanku badanaa col ayuu la ahaa Eratariya, laga soo billaabo markii Ingiriiska iyo Maraykan ku ay soo jeediyeen in mustacmaraddii hore ee Talyaaniga lagu daro Itoobiya bilawgii kontomaadkii, iyada oo aysan Eratariyiintu rabin, mar dambana xilligii uu socday dagaalkii qaboobaa waxa ay taageertay Washington xaliifkeedii xayla Salaase oo ahaa boqorkii Itoobiya dagaalkiisii uu kaga soo horjeeday dagaal yahannadii Eratariyiinta ahaa. Xitaa todobaatamaadkii iyo sideetamaadkii markii uu Itoobiya oo uu xukumayo Mingiste Xayle Maryam oo isbahaysi la ahaa Midowgii Soofiyeeti, Maraykanku col ayuu la ahaa Eratariyiinta, inkastoo xilligii maamulkii Clinton uu dhacay waxoogaa uu furfurmay xiriirka labada dal kaddib bilowgii sagaashamaadkii oo ay siisay kaalmo lacageed iyo mid millatari, haddana furfurnaantaasi meesha way ka baxday dhawr sano kaddib markii uu dhacay dagaalkii u dhaxeeyay Itoobiya iyo Eratariya 1998-kii markaas oo Washington ay joojisay in ay hub ka iibiso Eratariya. Intii lagu jiray xukunkii maamulkii George W. Bush-kii yaraa Eratariya waxa ay ahayd mid kamid ah faylasha ay sida cad isugu khilaafsanaayeen diblomaasiyiinta iyo askarta sar sare ee Washington, diblomaasiyiintu waxa ay u arkayeen Asmara in meel waxba ku kallifaynin si ay ugu dhagto qiyam uu Maraykanku sheegto ee xuquuqul insaanka iyo dimoqraadiyadda, ka sii horna siyaasiintu sida badan waxa ay siiyeen Itoobiya miisaan wayn oo cad iyaga oo fiirinaya maslaxadda Itoobiya, dariska xajmiga wayn ee ee boqolka malyan ah, halka masuuliyiin waawayn ee Bentagon-ku ay udoonayeen ilaa iyo waqti hore in si dhow loola dhaqmo Eratariya ilaa iyo xilligii wasiirkii arrimaha dibadda ee hore Donald Rumsfeld kaas oo ka hadlay sanadkii 2002-dii, dadaalada Eratariya ee la dagaalanka argagixisada iyo faa’iidooyinka uu Maraykanku ka helayo haddii lala dhaqmo. La soco qaybta 5-aad… Waxaa Tarjumay: Dr Maxamed Xasan Nuur