-
Content Count
213,126 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa qoraal turxan bixin ah ka sameeyay muranka dhanka miisaaniyadeed ee kadhex aloosan dowlada Somalia iyo Maamul Goboleedyada ka jira dalka. Xildhibaan Xiddig oo in badan ka tirsan baarlamaanka horay uga soo shaqeeyay Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa xogagaal u ahaa sida ay dowlada Somalia ku bixiso dhaqaalaha loo qoondeyn jiray maamulada. Xildhibaanka waxa uu qoraalkiisan iminka ku xaqiijiyay in dhaqaalaha ay dowlada siiso maamulada ay ku tagrifaleen Hogaamiyayaasha maamulada taasina ay keentay inay beeniyaan dhaqaalaha lasiiyay. Waxa uu qoraalkiisa oo uu kusoo daabacay Bogga uu Facebook ku leeyahay ku muujiyay inay hubaal tahay in dhaqaalahaasi ay bixisay dowlada Somali hase yeeshee ay isdabamariyeen Hogaamiyayaasha. HOOS KA AKHRISO QORAALKA UU XILDHIBAANKA KA SAMEEYAY MURANKA DF IYO MAAMULADA Miisaaniyada Federaalka iyo Muranka Maamul Goboledyada: Markale waxan bulshada u iftiiminaya: Dhaqaale Dowladed heer Federal iyo mid Maamul Goboled intuu doono Hala ekaado waxaa lagama maarmaan ah inu ku baxo Qorshe Cad oo in la maalgeliyo u baahan haday tahay Mushaar, Guno, Dhismo/Dayactir waxbarasho , Caafimaad, Wadoyin, Gargaar, Dib u heshisin iwm: Madaxda Maamul Goboledyadu waxay Qirteen inay Wasaarada Maaliyada Federaalka ay siisay lacago AMA tiraday sheegteen ha shaato AMA haka badnaatee waxaa in lays waydiiyo u baahan: 1-Marki lacagahas la qaadayay maxaa loogu talo galay? 2-Kan La siiyay muxu ku Qaatay? 3-Kan siiyay muxuu ku siiyay ma (Sooryaa)? 4-Ma jirtay Mashruuc AMA Qorshe maamuladu keeneen oo Wasarada maaliyadu ku qanacday kadibna la maalgeliyay? 5-Wasaarada maaliyada federaalku masoo hubisay lacagtii ay bixisay in siday ahayd loogu fuliyay howshi loogu talo galay: hadiiba uu jiray wax masharic ah: 6-Lacagahaas ma la mariyay Bank transfer Mana lagu transfer gareyay Accountiga Official ka ee Maamul Goboledka?. 7-Mise inti Boorso lagu guray ayaa xili habeen ah meel madow laysugu dhiibay? Sida Xaqiiqada ah Madaxda Maamul Goboledyadu waxay Dowlada federaalka ka qaateen lacago farabadan, waxaana hubaal ah inan Madaxda maamul goboledyadu lacagtaas ku fulinin mashaariic Kuna bixinin Ciidamada Amniga ee furimaha ku jira waa sida ay iyaguba qireen inaanay mudo sanad ah wax mushaar ah Qadanin haba yaraatee: Waxaa hubaal ah hadii Madaxda Maamul Goboledyadu Si aan musuqmaasuq ku jirin u maamuli lahayeen dhaqalaha ay Qirteen inay Dowlada federaalku siisay iyo Dhaqaalaha kaso gala kaabayasha Dhaqaalaha ee deegaanadooda iyo taageerada dhaqaale ee ay ka helaan Heyadaha Caalamiga iyo Dowladaha qaarkood inay ku filaan lahayd Ciidamada iyo Siyaasiyinta la sheegay inaysan Sanad ku dhawaad wax mushaar ah Qaadanin: Waxaa cad in Madaxda Maamul Goboledyada lacagaha lagu siiyo sida ku qoran qodobka 7aad ee Qoralkeygan, Hadaba madaxda Maamul goboledyadu ma Waxay u qaateen in lacagtani tahay Baad ay dawladu iyaga shakhsiyan u siisay AMA Sooryo saaxibtinimo Ileen wax mashariic ah oo loogu talogalay oo lagula xisaabtamayo ma jirine ? Hadaba soo ma cada in lacagahas Madaxda Maamul goboleedyadu dano shakhsi ku fushadeen taasina keentay inaan mudo sanad ku dhaw wax mushaar ah lasiinin ciidamada iyo xildhibaanada iwm. Qoraalada xiga Waxan ku cabiri doonaa waxa khaldan iyo sida loo sixi karo: Waxan codsanayaa in 7 Qodob ee ah Suaalaha Qoraalkaygan loo helo jawabo qanciya Shacabka Maamul Gobaledyada ee waxa magacooda lagu soo qaaday hadana lala dhinac maray? Fiiro dheer u lahaada kuwa difaaci doona iyagoo marmarsiiyo u raadinaya? Waa muhiim inaan iftiimino wixi khaldan federal iyo Maamul goboled midkay doonto ha ahaatee ? W/Q. Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Bosaso (HOL) - Two young men have been shot dead in Bosaso on Tuesday near the town's main market. Source: Hiiraan Online
-
Rag hubeysan ayaa xalay waxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku dileen Labo wiil dhallinyaro ah kuwaasi oo kamid ahaa dhallinyarada waxbaratay ee magaaladaasi. Goob jooge ayaa u sheegay Goobjoog News in ragga wax diley ay goobta isaga baxsadeen, iyadoo dhanka kalena la sheegay in halkaasi ay gaareen ciidamada ammaanka. Lama oga sababta ka dambeysay in la dilo dhallinyaradan, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay oo fal sidan ah uu ka dhaco Boosaaso. Ciidamada Puntland ayaa waxay sameeyeen howlgallo aan weli wax natiijo ah laga sheegin. Boosaaso ayaa marar badan waxaa ka dhacay dilal iyo sidoo kale qaraxyo, waana magaalada Ganacsiga ee Puntland. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ergeygii gaarka ahaa ee QM u qaabilsanaa arrimaha Somali ee uu xilka ka dhamaaday Michael Keating, ayaa si adag uga hadlay cadaalad daro uu sheegay inay ka jirto Somali. Michael Keating, waxa uu sheegay in Somalia ay ragaadisay cadaalad daro ka jirta dhanka sharciga, waxa uuna tilmaamay in aad ay u hooseyso cadaalada. Waxa uu tilmaamay in awooda Sharciga Somalia uu yahay mid aad u liita taasina xiliyada qaar ay sababto in uu dhaco musuq-maasuq badan. Michael Keating, oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu ka dayrinayo hanaanka Caddaaladda Somalia oo uu carab ***** in sanadihii lasoo dhaafay uu gaaray heerkii ugu hooseeyay. Waxa uu sheegay in hoos u dhaca cadaalada Somalia ay sabab u noqotay in dadka shacabka ah ay fursado dhanka Cadaalladda ah ay ka raadiyaan meelo kale oo ay kamid tahay Shabaab. Waxa uu cadeeyay in cadaaladu ay tahay mid muhiim ah, hase yeeshee markii laga waayay dowlada Somalia ay shacabku ku dhiiradeen inay u raadsadan dhinacyo ay kamid yihiin Al-Shabaabka. “Waa arrin xaqiiq ah uma baahna in qaab kale loo dhigo xeerka sharciga Somalia waa mid daciif ah oo aad u hooseeya, Habka Caddaaladda iyo Xeer-ilaalinta wuxuu ku dhow yahay in uu istaago oo loo waayo dad loogu shaqeeyo” “Awooda ayaa weli ah mid xadidan, dowladdu ma haysato habab lagu hubiyo in xukunka la fuliyo, Inta badan, dadku waxay u jeedaan dhanka Al-Shabaab , halka ay ka aadi lahaayeen dhanka dowladda” “Marka la’eego dhanka cadaalada waxa ay shacabku dowlada kaga kalsooni badan yihiin Al-Shabaab waayo waxan jirin cadaalad loogu shaqeeyo shacabka” Michael Keating, waxa uu sheegay in musuq maasuq daran uu ka jiro Somalia, taasina ay saameyn doonto dadka aan la heyn awoodaha ee Saboolka ah. “Musuqa ka jira dhanka cadaalada Somalia waxa uu saameyn weyn ku yeeshay dadka saboolka ah oo aan heysan dhaqaalihii lagu iibsan lahaa cadaalada, waxa ay doorbidayan cadaalada Al-Shabaab” Bilihii lasoo dhaafay dowladda Somalia ayaa waday dadaallo lagu dagaallamaayo Musuq Maasuqa dalka ragaadiyay gaar ahaan kan ka dhex jira cadaalada iyo xafiisyada dowlada, waxaana jiro xubno dowladda ka tirsanaa oo xabsiga loo dhigay musuqa. Geesta kale, madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhawaan isbedel ku sameeyay Maxkamadaha dalka si loo helo cadaalad ka duwan mida laga cawanayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Shirkada Cargil ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa bixineysa lacago magdhaw ah oo la sheegay inay siin doonto dhalinyaro Soomaali Mareykan ah oo kamid ahaa shaqaalaheeda. Shirkada oo shaqaalahaasi ka hor istaagtay Dukashada Salaada ayaa lagu xukumay bixinta lacag dhan $1.5 Milyan oo dollar-ka Mareykanka ah. Dhalinyarada Soomaali Mareykanka ayaa la sheegay in cadaadis wakhti qaatay kadib ay shaqada ka tageen si ay usii wataan salaadahooda waxaana dacwad ka gudbiyay Soomaalida. Shaqaalaha ayaa dacweeyay shirkada waxaana lagu ganaaxay bixinta lacagta $1,5 Milyan oo magdhow ah kadib markii lagu helay in ay ku xadgudubtay xuquuqda dadka rayidka ah. Shirkadani lagu xakumay magdhawga ayaa waxa ay xarunteeda ku taalla Gobolka Colorado ee Dalka Mareykanka taa oo sameysa Hilibka. Shaqaalaha sida joogtada ah uga howlgala shirkada ayaa tiradooda lagu sheegay 138 shaqaale kuwaa oo ka howlgali jiray baceynta iyo Baakadeynta Hilibka Warshadeysan. Sidoo kale, madaxa Sharikadda Cargil, Brian Sikes, ayaa sheegay in ay u hoggaansameen xukunka Maxkamadda sidoo kalena shaqaalaha ku soo laabanayaan shaqada iyada oo la siinayo waqtiyada salaadda ee ay u baahanyihiin. Inta badan shirkadaha reer Galbeedka ayaa shaqaalahooda muslimka ah ku cadaadisa inay ka tagaan salaadahooda si ay uga sii shaqeeyan shirkada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasaaradda amniga ee maamulka Jubbaland ayaa sheegtay in maxkamad lasoo taagi doono 10 nin oo la sheegay in lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Maxamed Cabdi Kaliil, wasiiru dowlaha wasaaradda amniga ee Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in raggan lasoo qabtay iyaga oo maleegayey falal amniga wax u dhimaya. Waxa uu tilmaamay wasiirka in ragga la hayo loo haysto falal la xiriira qaraxyo dhacay, kuwo ay qorsheynayeen iyo dilal ka dhacay magaaladaasi. “Ciidamada waxay soo qabteen 10 nin oo amni darri wadday, qaarkood qaraxyo ayeey magaalada ka fuliyeen kuwana dilal qorsheysan, waxaa lasoo taagi doonaa maxkamadda si cadaaladda loo waafajiyo” ayuu yiri Kaliil. Ciidamada Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxay howlgallo amni ka wadeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa saakay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Wararka ay Goobjoog News heleyso waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar lama filaan ah kusoo qaadeen xaafadda Buulo Foolyo ee degmadaasi, halkaasi oo fariisin ku lahaayeen ciidanka dowladda. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan oo socday ku dhowaad saacad. Shacabka ku dhaqan degmada Afgooye ayaa waxaa soo wajahay cabsi xooggan inta dagaalka uu socday. Ma jirto wax war ah oo ay soo kala saareen dhinacyada ku dagaallamay degmadaasi. Al-shabaab ayaa marar badan sidan oo kale waxay weerar ugu qaadeen degmada Afgooye ee Shabellaha Hoose. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qaraxa habbeenimadii xalay ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo jugtiisa uu aad u xooganaa ayaa waxaa inta badan laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay Gaari gacan laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo la doonaayay in gudaha loo soo galiyo magaalada. Qaraxa ayaa si gaara uga dhacay meel ku dhow Xawaalada Amal Suuqa bakaaraha waxaana ka dhashay burbur iyo khasaaro hantiyeed. Saraakiisha iyo ciidamada amaanka ayaa ku sugnaa goobta waxaana xusid mudan in Qaraxa uu dhacay wakhti danbe oo xalay aheyd. Waxaa soo baxaaya warar kala duwan oo ku aadan Qaraxa mana la oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxa. Qaraxa noocaas ah ee loo adeegsaday gaari gacan ayaa noqonaaya kii labaad oo lagu soo xiro gaari waxa uuna kii koowaad uu ka dhacay suuqa siinaay asbuucii tagay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
VIENNA/ROME (Reuters) - Italian far-right leader and Deputy Prime Minister Matteo Salvini likened African immigrants to slaves at a European conference on Thursday, drawing an angry response from Luxembourg’s foreign minister, who cursed at him in frustration. Source: Hiiraan Online
-
The county government of Garissa has allocated Sh450 million towards skills training , entrepreneurship and home industries to empower youth and women. Source: Hiiraan Online
-
Suspected Al-Shabaab militants allegedly killed two people on Friday morning after ambushing a bus heading to Garissa town. Source: Hiiraan Online
-
Despite some gains, female politicians face an uphill battle in reaching the country’s 30% quota. By Omar Mahmood Source: Hiiraan Online
-
In an article on Hiiran Online on 17 August 2018, I called on Eritrea, Ethiopia and Somalia who were working to bury the decade old enmity (Ethiopia and Eritrea) and the renewal of the strong ties that existed between Somalia and Eritrea Source: Hiiraan Online
-
Although some say it was too late, the government of Dr. Abiye should be commended for decisive action it has taken against criminals who have wreaked havoc in Jijiga. Many are happy to see Abdi Iley and his murderous gang behind bars for the crimes they have committed against the law abiding citizens of the country. Source: Hiiraan Online
-
Uganda is the most physically active nation in the world, according to a recent report by the World Health Organization. The BBC's Patience Atuhaire went to find out why. Source: Hiiraan Online
-
In early September, the Somali regional leaders met in Kismayo. It was a meeting where the President Mohamed Farmajo was not present, but yet his big portrait was so visible that it covered the pictures of the five regional leaders. Source: Hiiraan Online
-
Kenyans in border towns are now forced to import affordable fuel from Somalia after local prices hit the roof. Source: Hiiraan Online
-
Jannaale (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa 4-tii bishan weerar ku qaaday guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u raxmadee Aaden Cabdulle Cismaan, oo ku yaalla magaalada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada ayaa guriga ka ka xeystay seddex wiil oo ka mid ahaa ehelka madaxweyne Aaden Cabdulle. Ciidamada weerarka soo qaaday ayaa sidoo kale guriga kala baxay boorso xiran, oo la sheegay in uu dardaaran xooggan ka bixiyey madaxweyne Aadan Cadde. Sida ay Caasimada Online xog ku heshay boorsada ayaa xitaa qoyska aanay aqoon waxa ku dhex jiray. Boorsada ayaa la sheegay in markii ay Soomaaliya ka qarxeen dagaalalda sokeeye sanaddii 1991-kii ay guriga Aadan Cadde uga tageen qoys qax ahaa, oo uu madaxweynihii hore soo dhoweeyey, kuwaas oo hilmaamay markii ay sii baxayeen. Madaxweyne Aadan Cadde ayaa la sheegay inuu didiay in boorsadaas la furo, maadaama aysan fasax ka haysan dadkii lahaa. Wuxuu sidoo kale ku amray qoyskiisa inaysan marnaba furin illaa dadkii lahaa ay ka yimaadaan oo ayaga qaataan. Boorsada ayaa illaa iyo xilligaas taalay guriga, mana jirin cid furtay ayada oo la fulinayo amarka madaxweynaha, waxaase nasiib darro qaatay ciidamadii guriga soo weeraray, lamana yaqaan halka ay geeyeen iyo waxa ay ku sameeyeen. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaalia Xassan Cali Kheyre ayaa raali-galin ka siiyey qoyska Aadan Cadde, weerarka lagu qaaday gurigooda, balse sooma hadal qaadin boorsada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa aad u dhaliilay qoraalkii shalay kasoo baxay madaxda maamul goboleedyada ee ay shuruudaha ugu xireen wada-hadal ay la galaan madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, xilli khilaafka labada dhinac uu kasii darayo. Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu Mahad Salaad ku sheegay in aad looga wanaagsanaa in madaxda maamullada ay u gacan haatiyaan shisheeye, oo ay ka dalbadaan inay dhexdhexaadiyaan ayaga iyo dowadda, islamarkaana yiraahdaan “ma aamini karno dowladda” “War-Murtiyeedka kasoo baxay Dowlad Goboleedyada in ay codsadaan in gacan sadexaad dhex-dhexaadiso iyaga iyo Dowlada Federaalka ah waa wax la fahmi karo, inkastoo laga fiicnaa oo sida meesha ka muuqata ay u gacan haatinayaan faragelin shisheeye, kuna kalsoonaan waayeen hay’adihii Dowlada Federaalka” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraalkiisa. Mahad Salaad waxa uu sidoo kale sheegay in shuruudaha ay soo bandhigeen madaxda maamul goboleedyada iyo hadalkooda ah inaysan amniga ku aamini karin dowladda dhexe ay tahay mid dhaawaceysa dowladnimada Soomaaliya oo aan la aqbali karin. “In wada hadalka Dowlada Federaalka ay shuruud ku xiraan. Sharciyada dowlada dhexena ay shaki geliyaan. Amnigana kuma aamini karno dowlada ay dhahaan waxay dhaawac weyn ku tahay dowladnimada Soomaaliya. Mana ahan wax la aqbali karo” ayuu yiri Mahad Salad.
-
Garowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ee Cabdi Weli Gaas, ayaa war kasoo sartey go’aankii dowladda Jarmalka ay ku joojisay Mashruucii dhismaha jidka laamiga ah ee isku xira magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, qaybtiisa u dhexaysa Jalam iyo Xarfo. Mashruucii oo mudo dood ka taagnayd qaabka loo hirgelinayo ayaa gebi ahaanba dowladda Jarmalka isaga baxday mashruuca, kadib markii maamulka Madaxweyne Gaas fulin waayay qodobadii iyo shuruudihii Heshiiska, sida ay sheegeen Jarmalka. Hay’adda GIZ, oo dowladda Jarmalka u qaabilsan dhanka horumarinta, islamarkaana usoo xil-saartey fulinta mashruuca dhisamah wadada Xarfo iyo Jalam oo ah mid hawlbowle u ah Puntland ayaa ka baxdey dalka. War Saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland kaasoo lagaga jawaabayo go’aankii dalka Jarmalka oo wakiil ka ah wadamadii bixiyey dhaqalahan ayaa lagu sheegay inuu ahaa mowqifkaan mid qoomamo iyo shaleyto uu ka muujinayo maamulkaan, iyagoo dalbaday in wadahadal laga sameeyo waxa keenay joojinta. Sida ku xusan War-saxaafadeedka, maamulka Puntland ayaa Jarmalka ku tilmaamay dal kaalin yar ku lahaa maal-gelinta dhismaha jidka Xarfo iyo Jalam, waxaana uu amaan kala dul-dhacay Midowga Yurub oo dhameystir uga raadinayo mashruuca. Jarmalka ayaa sabab uga dhigay go’aanka hufnaan la’aan iyo inaysan ku qancin sida howsha loo fulinayay, oo mad-madow iyo musuq-maasuq badan uu ka jiray, sida la sheegay taasoo keentay inay kusoo wadi waayaan mashruuca. Qoraalkaan Puntland kasoo baxey xilli Madaxweyne Gaas shir aan caadi aheyn oo golihiisa Wasiirda la qaatey todobaadkan, kaasoo kaga warbixiyey go’aankii maamulada xiriirka ugu jareen Dowlada Federaalka ayaa qoraal kasoo baxay lagu sheegey in wadadaan uu maamulkiisa dhisayo, iyadoo aysan waxba yeeleyn joojinta mashruuca ee dowlada Jarmalka. Gaas ayaa ku sii darey hadalkiisa In tageero dhaqaale dhismaaha jidkaan uga raadin doono bangiga hurumarinta Africa. Dalka Jarmalka iyo Farnsiisaka ayaa dalalka midowga Yurub waxay ku hogaamiyaan awood dhaqaale iyo mid siyaasadeed, waana kuwa ugu tunka weyn dhan walba. Dhinaca kale, sida lagu arkey baraha bulshada sawiro ay soo dhigeen tageeraysaha Madaxweyne Gaas In 40-KM oo kamid ah 80km wadada isku xirta tuulooyinka Jalam iyo Xarfo lagu bilaabey in la saaro laami madow, oo aan tayo badan lahayn. Xigasho: Garowe Online
-
Afgooye (Caasimada Online) – Dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab ayaa aroornimadii saakay weeraray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo dhanka kalena aan la garanayn khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. Shabaabka ayaa weerarkan soo qaaday, xilli dadka reer Afgooye ay isu diyaarinayeen Salaadda Subax, oo waqtigeeda ay ku soo beegeen weerarka. Maleeshiyada Shabaabka ayaa beegsaday saldhiga ay Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin aagga Buulo Fooliyo. Waxaana la sheegay maleeshiyada weerarka soo qaaday in ay ka timid dhanka Awdheegle. Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey) oo ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay caabiyeen Shabaabkii weerarka soo qaaday, iminkana ay xaaladdu degan tahay. Cumar Carabey ayaa intaa ku daray inaanu jirin waxyeelo dagaalka ka soo gaaray Ciidamada Dowladda, sidoo kalena aanay garanayn khasaaraha Shabaabka lagu gaarsiiyay. Dhanka kale Shabaabka ayaa Maqribnimadii xalay weeraray Deegaanada Tixsiile, Garas-bandiiro iyo Warmaxan, oo ku yaala wadada xiriirisa Degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn. Wararka ayaa intaa ku daraya in Shabaabku ay muddo kooban la wareegeen gacan ku haynta Tixsiile, intii ay haysteena ay ku dileen saddex ka mid ah Ciidamada Militariga Somaliya. Shabaabka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay kordhiyay weerarada ay ka gaysanayan Degmada Afgooye iyo deegaanada kale ee ku xeeran, waxaana muuqata inaanay weli dowladdu diyaarin qorshe ay kaga hortageyso weeraradaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com