Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,154
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A Myanmar government spokesman on Wednesday rejected a report by United Nations investigators that called for top generals to be prosecuted for genocide, saying the international community was making "false allegations". Source: Hiiraan Online
  2. Axmed Barre, duqa cusub ee Garowe Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa ku guuleystay doorashadii duqa caasimada Garowe. Axmed Barre ayaa helay 18 cod, waxaana la tartamayay musharax Axmed Abshir Jaamac (Bakuuke) oo helay 9 cod, waxayna doorashadu ku dhacday cod qaarsoodi. Sidoo kale ku xigeenka duqa caasimada Garowe waxaa ku guuleystay Maxamed Cali Xamari oo helay 17 cod, halka masharaxii la tartamayay oo ahaa Cismaan Maxamuud Siciid uu helay 10 cod. Faahfaahinta doorashada duqa Garowe iyo ku xigeenkiisa goor-dhow ayaan soo daabiici doonaa. PUNTLAND POST The post Axmed Barre oo ku guuleystay duqa Garowe appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Garoonka Muqdisho iyo ka bixitaanka Amisom ee halkaas. Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu CC Shakuur isku dayey inuu wax kama jiraan kasoo qaado bixitaanka Amisom ee garoonka inay ahmiyad leedahay, isaga oo taa beddeleeda dareenka dadka u weecinaya dagaalka dowladda ay kula jirto Al-Shabaab. Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, ayaa sheegaya in waqtigan ay ahayd in Al-Shabaab laga sarao dalka, balse aysan ahayn in loo dabaal dego in Amisom laga xoreeyey garoonka kubadda cagta Stadium Muqdisho. Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Madaxweynaha maalmo ka dib markii uu xilka la wareegay wuxuu isagoo la shiraya saraakiisha sar sare ee AMISOM u sheegay in 2 sano gudahood dalka Alshabaab looga xorayn doono. Labadii sano bilo yar ayaa ka harsan, waxaase maanta loo dabaal degayaa in AMISOM Istaadiyow Muqdisho laga xoreeyey” Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah ah mucaaradka uga weyn ee dowladda, ayaa caadiyan meel un dhaliilo uga raadiya xitaa haddii dowladdu ay qaado tallaabo dadka shacabka ay ku farxaan una arkaan guul, sida midda in Amisom ka baxday garoonka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Maxamed oo kamid ah golaha wakiillada Somaliland ayaa sheegay in calanka Somaliland oo laga taagay qasriga Boqortooyada Sacuudiga ay uga dhigan tahay Somaliland arrin guul ah. Wuxuu carrabaabay xildhibaanku in Wadamada Khaliijka oo ay u horreeyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ku guda jiraan qorsheyaal ay ku aqoonsanayaan Somaliland, isagoo tilmaamay in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo xunna ay ka faa’iideysanayaan. “Arrintaas waxay inooga dhigan tahay Ictiraaf, waana heli doonnaa, waxaan leenahay walaalahayo Soomaaliyana ha tuso in aynu nahay laba dal oo walaalo ah” ayuu yiri xildhibaanka. Dhanka kale, xildhibaan Axmed Maxamed oo kamid ah baarlamaanka Somaliland oo sheegay in dhowaan ay sugayaan aqoonsiga guud, wuxuuna ka dhawaajiyay qorshe ay wadaan wadamada Khaliijka. “Waxaa jira qorsheyaal ay wadaan Sacuudiga, Imaaraadka Iyo Cumaan oo ku aaddan in Somaliland ay tahay dal madaxbannaan ay dhowaan ku dhawaaqaan” ayuu yiri xildhibaanka Somaliland ka tirsan. Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo bilihii la soo dhaafay xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya xukuumadaha Muqdisho iyo Abu Dubai uu gaaray meeshii u hooseysay. Dhanka kale, Dalka Sucuudiga oo xiligaan lagu gudo jiro gudashadii Xajka ayaa boqor Salman waxaa uu qaabilaad ugu sameeyey qasriga booqrtooyada dalkaas Madaxdii wadamada Islaamka ah ee kasoo qayb galay gudashada Xajka. Shir ka dhacay boqortooyada Sacuudi Careebiya oo laga soo baahiyay talefishinka afka dowladdaasi ku hadla ayaa waxaa ka soo muuqday calankii Somaliland oo ka babanaya gudaha qasriga boqortooyada. Boqor Salmaanka Sacuudiga ayaa qaabilay madaxdii ka socotay caalamul Islaam waxaana kamid ah oo muuqaalka ka soo muuqday madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Seylici. Xukuumadda Riyadh oo madax u ah isbahaysiga Carbeed ee Khaliijka oo sanadkii la soo dhaafay xiriirka diblumaasiyadeed u jaray dalka Qatar ayaa waxay muddo ka shaqeynaysay sidii dowladda federaalka Soomaaliya ay uga gadi lahayd siyaasadda ah in xiriirka ay u jarto Qatar. Somaliland ayaa la xasuustaa in khilaafkaasi khaliijka markii uu soo shaac baxay in aragti wadaag la noqotay isbahaysigani Sacuudigu hoggaamiyo. Dowladahani Khaliijka ee uu hurmuudka u yahay dalka Sucuudiga ayaan marna ku qanacsaneyn mowqifka madaxda dowlada Federaalka ee ku aadan xiriira ay la leeyihiin xukuumadda Dooxa, iyagoo aamnisan in go’aankooda dhexdhexaadnimida ah uusan aheyn mid daacad ka ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  5. Jigjiga (Caasimada Online)-Madaxweynaha DDSI Mustafe Cagjar ayaa markii ugu horeysay u digay Siyaasiyiinta iyo ciidamada kasoo jeeda dhulka Soomaalida ee xilalka ka haya maamulkiisa. Mustafe Cagjar, waxa uu sheegay inuu u digaayo dhinacyadaasi waxa uuna tilmaamay in saldhig ay u noqon doonaan la xisaabtan. Mustafe Cagjar, waxa uu sheegay in cidii lagu helaa waxyaabo khalad ku ah nidaamka uu mari doono ciqaab, waxa uuna ka digay in la baalmaro sharciga maamulka. Waxa uu madaxweynaha carab ***** inuu la socdo in dhibta ka dhacday deegaanka ay sabab u ahaayen Siyaasiyiin ka cabsi qabay in loo qabsado dambi ay galeen, hase yeeshee ay jiri doonto la xisaabtan. Waxa uu sheegay in xiligaan uu si gaara ugu digayo Siyaasiyiinta, Saraakiisha iyo dhammaan ciidamada Liyuu boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, waxa uuna uga digay inay isku dayaan in loo adeegsado dhibaatooyin. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in looga baahan yahay inay ka feejignaadan,isla markaana amarada ka soo baxa maamulka deegaanka kaliya ay qaataan. Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dad wada boro bagaandada ee ku sugan gudaha deegaanka ay xili hore uga sii digayaan inay ka waantooban dhaqanadooda. Dhinaca kale, shacabka DDSI ayuu ugu baaqay inay la Shaqeeyaan maamulka,isla markaana aysan dhageysan dadka waxyaabaha been abuurka ah u sheegaya. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Afeef; Qormadaan ulama jeedo reer iyo deegaan gaar ah, lkn waxaan rabaa in aan idinla wadaago dhaqan xun oo ragaadiyey 50 sano Qaran-keena iyo mustaqbalka Somaaliya, welina aan wax laga baran. Kali-taliye, Diktator, Qab-Qable, Dagaal-ooge, Hogaamiye-kooxeed iwm, waa magacyo aan baranay 50 kii sano ee lasoo dhaafay lkn lagu qurxiyo mar kasta; Madaxweyne, Hogaamiye, Gudoomiye, Mujaahid, Amiir iwm. Waxaan tusaale kooban u qaadanayaa Markhaati aan ka aruuriyey dadkii ugu dhawaa Tol ahaan Madaxdii Militeriga, Jabhadaha iyo Gobalada ee nasoo maray 50 kii sano ee ugu danbeysay وشهد شاهد من أهلها)؛) 1-Shalay waxaan dhageystay xubin ka tirsan Xizbiga Shacbiga Soamli-galbeed ee uu hogaaminayey Cabdi Ilay isaga oo leh; “Tacadiyadii ugu ba’naa ee laga galo bani’aadam ayaa ka dhacay Jigjiga oo uu geestay maamulkii hore”, Odayaal reer Jigjiga ah ayaa ii sheegay “In Amxaaro aysan u geesan dhibaatadii ay kala kulmeen Cabdi Ilay iyo Tegree oo dhinac ah iyo Jabhada ONLF garabka hubaysan oo dhinac kale ah” waxa Tacadiyada ugu daran ku dhaceen Tolka Cabdi Ilay. 2.Waxaan dhageystay Video uu duubay nin reer Somaliland ah “Xasuuqii ay Jabhadii SNM u gaystay Somaliland mid la mid ah kama dhicin Somaaliya oo dhan” nin reer Hargeysa ah ayaa isna ii sheegay in Hargeysa kaliya ay SNM ku dishay kana qaxisay in ka badan 50 kun qof sanadkii 1994 kaliya. 3-Waxaan wareystay qaar ka mid ah Madaxdii asaastay Jabhadii USC oo yiri “waxaan ka dhiidhinay dulmi iyo tacadi loo geestay Tolkeen lkn waxaan gelinay una geysanay dhib iyo tacadi ka badan toban jibaar kii aan ka xorreynay”. 4-Waxaan waydiiyay qaar ka mid ah xubnihii SSDF maxaa laga faa’iiday halgankii dheeraa? Waxa ay ku jawaabeen “Nama soo marin dhibaato iyo dib u dhac ka daran xilligii SSDF Tol ahaan iyo Deegaan ahaan”. 5-Waxaan waraystay qaar ka mid ah Tolkii Madaxweyne M. Siyad Barre, maxaad kala harteen? Waxa ay ku jawaabeen “Eed, Qax, Qaxooti iyo Gobalkeynii oo ugu liita nolosha Gobalada kale”. Hadaba waxaa iswaydiin mudan: 1-Hadii Tolku uusan ka qaba karin wiilkooda ama wiilashooda dulmiga iyo xad-gudubka ku dhacaya iyaga iyo dadka kale! Maxay u diidayaan in ay doortaan Wiil kale oo Cadaalad ku xukuma?. 2-Haddii Kali-taliyuhu Eeda iyo Dulmiga uu galo uga tegayo Magaca Tolkiis! Maxaa diidaya in laga beri noqdo? 3-Haddii Kali-taliyuhu u fasiro dhibaatada iyo xad-gudubka uu ku hayo Reeraha iyo Gobalada kale Difaaca Kursiga iyo Xuduuda Tolka iyo Iska caabinta Cadawga Tolka iwm, dhibka uu Tolka u geestana ku fasiro; Dagaal sokeeye, Isku-dhac Walaalo iwm, sow dhibka sokeeye kama xanuun badna kan shisheeye?. 4-Dhaqanka Kali-taliye ma jecla in Tolku la qeybsado Talada, Awooda xukunka Iyo Hantida isaga oo ka baqaya in ay la sinmaan ama ay Awood yeeshaan! Tolku maxay u jecelyihiin in uu sii joogo ama mid kale oo Tolka ah lagu bedelo?. 5-Haddii aanan arag 50 sano kali-taliye Ammaan iyo Horumar u keenay Tolkiis magaca uu rabo ha watee! Lkn aan hayno Kali-taliye uga tegay Tolkiis; Magac xumo, Ihaano, Dhimasho, Dhaawac iyo Naafo, Qax iyo Barakac, Facaa ka har iyo Dib u dhac iwm! Diyaar ma u nahay in aan doorano Qof aan tol aheen oo Cadaalad nagu Hogaamiya lalana Xisaabtamo?. 6-Haddii Magacyadii Jabhadaha, Maamul-gobaleedyada, 4.5 yada, Dawlad-deegaanada, Kalitalis-Toleedka iwm lagu hongoobay, laguna Khaaray 50 sano ma wada baadi goobnaa hal-Magac, hal-Calan, hal-Hogaamiye Tolka uu rabo ha noqdee? Hadaba waaya aragnimada iyo aqoonta Somaalida 50 sano kadib waxaan rajaynayaa in laga gudbo “Faqi Tolkii kama Janno tago” “Tolkaa iyo Kabtaa dhexda ayaa looga jiraa” loona gudbo yaa na gaarsii kara: Dawladnimo, Xorriyad buuxda, Karaamo, Cadaalad iyo Sharaf. Korna u qaadi kara Magaca Somaaliyeed oo wada harsado. W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacan) Afeef: Qormadaani waxa ay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan, kama turjumeysa qoraalka shabakada Caasimada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Jowhar (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Hir-Shabelle ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Maxamed Cabdi Waare oo sameynaayo isku shaandheyn. Xildhibaanada aan xogtani ka xiganay ayaa sheegaya in Hogaamiye Waare uu sameyn doono Isku shaandheyn degdeg ah si uu uga hortago Mooshinka laga wado. Waxa ay tilmaameen in Isku shaandheynta uu wado Waare ay tahay mid uu isaga badbaadinayo Mooshin heerkiisa sareeyo oo ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Isku shaandheynta ayaa la sheegay inay tahay mid uu ku kala diraayo Xildhibaanada wada Mooshinkiisa oo horay uu uga baxay ballamo uu ka qaaday. Seddex meelood laba meel iyo bar ayey Xildhibaanada sheegen in Waare uu Golaha Wasiirada u magacaabi doono Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo qeyb ka ah Mooshinka socda. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa socday olole ka dhan ah oo ay wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle,kuwaas oo dhaliilsan Madaxweyne Waare qaarkoodna ay sheegayeen inay mooshin xilka qaadis ah ay ka geynayaan. Si kastaba ha ahaatee, culeyska Siyaasadeed ee saaran Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu wadaa inuu isaga yareeyo isku shaandheynta oo la xaqiijiyay inay dhaceyso maalmaha fooda nagu soo haya, waxaana lasoo warinayaa inay ka dhexmuuqdan Xildhibaano badan. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  8. Four years after announcing its cross-border "caliphate" in Iraq and Syria, a stinging string of defeats has pushed the Islamic State jihadist group to reorganise and change strategy to survive. Source: Hiiraan Online
  9. The United States tries to keep a tight lid on its official involvement in Africa — particularly the Horn where several nations have invested large sums of money and constructed bases in recent history. However, this build-up is getting hard to ignore. But what is Washington’s plan? Is a new war for resources on the horizon? Source: Hiiraan Online
  10. I was born stateless – that is, legally without a country. So I was shocked and disturbed to learn the Conservative Party of Canada passed a motion last week to end birthright citizenship in Canada. This move is reckless and dangerous – and risks making the world’s most vulnerable people even more so. Source: Hiiraan Online
  11. After initially refusing to do so, rebel leader Riek Machar said he would sign the deal to end the country's brutal civil war. Machar will return to government as one of South Sudan's vice presidents. Source: Hiiraan Online
  12. The federal police commission detained six additional officials of Ethiopian Somali regional state who have lost their immunity from prosecution last Sunday. Source: Hiiraan Online
  13. Chinese forces begin arriving for the massive Vostok-2018 exercises, involving 300,000 troops and 1,000 aircraft, which will simulate large-scale warfare in Russia’s east Source: Hiiraan Online
  14. The Milwaukee Muslim Women’s Coalition, along with coordinated efforts from local volunteer groups, held a voter registration drive on August 24 as part of the National Muslim Voter Registration Day, a grassroots campaign to reach and register U.S. Muslim voters in Wisconsin and across the country. Source: Hiiraan Online
  15. Ofcom says ad shown during crown prince’s visit broke rules on paid political advertising Source: Hiiraan Online
  16. Somalia has joined the China-proposed Belt and Road Initiative, aiming at boosting cooperation and communication with participating nations. Source: Hiiraan Online
  17. President Uhuru Kenyatta has said it impossible to say when Kenyan troops will withdraw from Somalia. Source: Hiiraan Online
  18. A new round of violence in eastern Ethiopia has claimed the lives of over a dozen ethnic Somalis, privately-run local media portal Addis Standard reported on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  19. The attempted murder of former Garissa Finance executive Idriss Mukhtar was planned by Governor Ali Korane’s cousin, police sources told the Star yesterday. Source: Hiiraan Online
  20. I was born stateless – that is, legally without a country. So I was shocked and disturbed to learn the Conservative Party of Canada passed a motion last week to end birthright citizenship in Canada Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo wuxuu markii saddexaad magacaabay taliyaha ciidanka xoogga dalka muddo 18-bilood ah, dad badan arrintaan waxey ku tilmaameen fudeed siyaasadeed iyo ka fiirsi la’aan, weyna adag tahay in ciidanka xoogga dalka saldhigtaan maadaama uu jahawareer ka taagan yahay hogaankooda. Indhaqarshe waa qofkii ugu dambeeyay ee madaxweyne Farmaajo uu usoo magacaabay xilka taliyaha ciidanka xoogga, mana ahan nin ku cusub xilkaan, hadaba waxaa is weydiin mudan muxuu madaxweyne farmaajo ku doortay indhaqarshe?. Caasimada waxay baartay ujeedada ka dambeysa magacaabista Indhaqarshe, waxaana la hadalnay qaar ka mid ah saraakiisha xoogga dalka. Madaxwyene Farmaajo wuxuu lixdii bilood ee lasoo dhaafay waqtigiisa ugu badan la qaatay ciidanka xoogga, laba ilaa saddex jeer oo kala duwan ayuu xafiiskiisa u raray wasaaradda gaashaandhigga halkaas oo uu habeenno badan ku hoyanayay. Waxaa naloo sheegay in madaxweynaha uu wareysanayay ciidanka mar walba oo uu meesha tago, isagoo kulamo gaar-gaar ah la qaadanayay saraakiisha, waxyaabaha uu diiradda saarayay waxaa ka mid ahaa hoggaanka ciidanka, qanacsanaanta, sida looga adkaan karo Al-Shabaab, maareynta dhaqaalaha ciidanka iyo qofka ugu habboon xagga hogaanka. Warar hoose ayaa sheegaya in Saraakiil badan ay madaxweynaha usoo jeediyeen inuu isbadal ku sameeyo hoggaanka ciidanka, xog aruurinta Farmaajo wuxuu ku ogaaday in Indhaqarshe uu yahay qofka ugu mudan ee manta hagi kara ciidanka xogga dalka, sidoo kale askarta wey la qabaan arrintaas marka lala barbardhigo taliyihii ugu dambeeyay ee militariga Cabdiwali Jaamac Gorod. Inkastoo Indhaqarshe uu horay ugu fashilmay booskaan, hadana waxaa la isku raacsan yahay inuusan jirin qof ka mudan oo uu farmaajo aamini lahaa. Dadka arrimahan la socda waxey leeyahiin, hadii uu saxo qaladaadkiisii hore, wax badan ayuu ku guuleysan karaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Garowe (Caasimada Online) – Daacish waa xarako islaami ah oo ku cusub gayiga Soomaaliya, horay waxaa u jiray Al-Shabaab oo ay isku qaab u dagalamaan isku qaabna u ugaarsadaan. Waligaa ma maqashay Al-Shabaab ayaa weeraray Somaliland? Jawaabtu waa Maya. Hadana Daacish isla dhabbahaas ayey martay, hadaba ma taqaanaa sababta aaney labadaba u weerarin Somaliland? Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa todobaadkaan farta ku fiiqay xiriirka la qariyo ee ka dhaxeeya Somaliland iyo xooggaga islaamiyiinta ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Somaliland ay gacan ku leedahay hawlgalladada Al-Shabaab iyo Daacish. Sidee ku dhici kartaa in Al-Shabaab iyo Daacish oo ku sugan agagaarka buuraha Gal-gala ay weeraraan Puntland balse aaney u weerarin Somaliland, tiiyoo labada maamulba ay u fududahay iney weeraraan, taas waa arrin u baahan in baaris guud lagu sameeyo, balse Gaas oo uu dagaal kala dhaxeeyo Somaliland wuxuu arrintaan ku fasiray inuu jiro gacansaar labada dhinac ah, dad badan arrintaan wey la qabaan Gaas waxeyna aaminsan yahiin in Somaliland ay dhaqaalo ahaan taageerto labada koox taasina ay sababtay inaaney marnaba falal amni darro ah ka geysan deegaanadeeda. Waxaa u baahan in aad loo baaro cidda xiriirkaan fududeysay, ma ganacsata Somaliland ama Dowladd, dad badan waxey aaminsan yahiin in dowladdu fududeysay bale wax cadeyn ah looma hayo. Labadii jeer ee ugu dambeysay hogaanka Al-Shabaab waxaa qabtay laba nin oo kasoo jeeda Somaliland, taas laftirkeeda waa arrin tuhun badan abuureysa, si walba dadka wax falanqeeya waxey leeyahiin eedeynta Gaas waa loo qaateen. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  23. Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Jabhad cusub ka dhan ah maamulkiisa oo uu ku dhawaaqay Korneel Caare oo kamid ahaa Saraakiisha maamulkiisa. Muuse Biixi, waxa uu sheegay inuu la socdo dhaqdhaqaaqa Jabhada kasoo horjeeda maamulkiisa ee uu ku dhawaaqay Korneel Caare, hase yeeshee uusan aqbali doonin in la burburiyo Somaliland. “Cidna kama yeeli doono in Somaliland ay u horseedo burbur iyo abuurka Jabhado looga soo horjeedo maamulka aan hogaaminaayo” “Korneel Caare kama diidin wadahadal balse kama qaadan doono inuu qalalaaso amni galiyo maamulka waxaa u furan wadahadal iyo inuu la imaado tabashooyinkiisa” Muuse Biixi, waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu la fadhiisto misna la hadlo Korneel Caare iyo garabkiisa, balse uusan diyaar u aheyn colaado Jabhadeed oo xiligan ka dhaca Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, Koeneel Caare oo la goostay ciidamo iyo gaadiid dagaal ayaa isku dhiibay maamulka Puntland waxa uuna halkaa kaga dhawaaqay Jabhada looga soo horjeedo Xukuumada Biixi oo lagu eedeeyay cadaalad daro. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa amar lagu xiray dhamaan Albaabada laga galo Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho markii laga soo tago hal albaab oo keliya. Amarkani oo kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM ayaa waxaa ugu weyn oo sabab looga dhigay amni darro iyo habacsanaan dhanka amaanka ah. Taliska oo helay xogo Sirdoon ayaa la xaqiijiyay inuu qatay go’aanka lagu soo koobay Albaabada laga galo xarunta iyo kuwa laga baxo, waxaana lagu soo koobay hal albaab oo qura, sida aan wararkeena hore ku sheegnay. Haddaba sababaha ugu weyn soo bixitaanka amarkaasi oo lagu soo koobay 3 arrin ayaa kala ah:- 1-Weeraro laga cabsi qabo in lagu qaado Xarunta kadib hanjabaado is xigxiga oo gaaray Taliska AMISOM ee xalane. 2-La socodka gaadiidka gala xarunta oo hoos u dhacay iyo Al-Shabaab oo laga cabsi qabo inay isticmaasho gaadiidka gaashaman isla markaana ka gasho albaabada dhowrka ah midkoodkood. 3-Saraakiisha cadaanka ee degan Xerada Xalane oo cabasho ka muujiyay Shidaal sharci daro iyo saadka ciidanka oo laga saaro Albaabada la amray in la xiro oo aan ku badneyn isticmaalka. Xerada Xalane ayaa waxaa deegaan ku ah diblumaasiyiin iyo Saraakiil ciidan oo ka socda dowladaha deeqaha bixiya kuwaa oo tuhun ka qaba shaqooyinka ay hayaan taliyayaasha AMISOM, oo qaarkood suuqyada u iibgeeya shidaalka iyo Saadka ciidamada. Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka ah xerada Xalane ayaa waxaa u sahlanaan doona koontaroolka Xerada maadaama laga gali doono hal albaab oo keliya. Al Shabaab ayaa dhawr mar isku dayay inay weeraro ku qaadaan Xarunta Taliska ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee Xalane oo ah goob amnigeeda si wayn loo adkeeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Xili la filaayo in dhawaan ay doorasho ka dhacdo maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia, ayaa waxaa arrintaasi ka hadashay Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somalia Aamina Maxamed Mursal. Aamina Maxamed Mursal, ayaa sheegtay inay kamid tahay shaqsiyaadka Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan kula tartamaaya xilka, waxa ayna DFS ugu baaqday inay faragalin kusoo sameyso doorashada. Aamina Maxamed Mursal, ayaa sheegtay in qaban qaabada doorashadaasi uu Afduubtay Shariif Xasanb Sheekh Aadan isla markaana ay ka cabsi qabaan in la qabto doorasho magac u yaal ah. Shariif Xasan ayey sheegtay in sida uu rabo uu umaamulanayo doorashadaasi oo u taagan yihiin dhowr Musharrax. “Dowlada Somalia waa inay faragalin kusoo sameysaa doorashada, musharaxiinta aan aniga kamidka ahay xitaa kama warqabaan howlaha doorashada waa inaan helnaa cadaalad loo maro doorashada” Waxa ay ugu baaqday dowaldda federaalka ah ee Somalia xitaa inay hakiso doorashada inta laga saxaayo gudiga Doorashada, waxa ayna cod dheer ku sheegtay inaanu dhici doonin doorasho xalaal ah. Haddalka, Aamina Maxamed Mursal, ayaa kusoo beegmaaya xili qeyla dhaan xoogan laga muujinaayo qaabka ay u socoto doorashada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com