Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Somalia, Xasan Cali Khaye, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sucuudiga ayaa la kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mohammed bin Salman bin Abdulaziz. Kulanka oo ka dhacay qasriga Boqortooyada ayey ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo dhaxal-suge Mohammed bin Salman bin Abdulaziz uga wada hadleen danaha labada qaran. Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa Boqortooyada uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loo sameeyay wafdiga uu hoggaaminayo iyo isgarab istaagga Sucuudiga ee shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed. Dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman bin Abdulaziz ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay maamul wanaagga, Siyaasadda, dhaqaaalaha iyo amniga, waxa uuna ballan qaaday in Sucuudigu ay sii wadayaan taageerrida dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Khayre ayaa shalay qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. PUNTLAND POST The post Kulan dhex-maray Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga appeared first on Puntland Post.
  2. labo iyo labaatan xubnood oo ka mid ah aqalka senate-ka ee dalka Maraykanka ayaa Madaxweyne Trump u diray qoraal ay ku dalbanayaan in la bilaabo baadhitaan rasmi ah oo ku aaddan saxafigii Sucuudiga u dhashay ee la waayey iyo suurta galnimada ah cunaqabatayn la saaro Sucuudiga. Tallaabadan xubnaha senate-ka Maraykanka ayaa faraysa madaxweyne Trump in uu cunaqabatayn kusoo rogo Sucuudiga, haddii baadhitaanka lagu ogaado in Sucuudigu uu ku lug lahaa in Mr Khashoggi la waayo. Madaxweyne Trump ayaa weriyasha u sheegay in Mr Khashoggi arrintiisa uu ka la hadlay saraakisha Sacuudiga gaar ahaan kuwa ugu sareeya. Intaan la waayin raq iyo ruux ba maalintii uu galay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, Khaashoqgi oo dalkiisa iskii uga tagay wuxu u dhexeeyey oo kolba mid joogayey dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga. Ninkan wuxuu Sucuudiga ka tagay bishii Sebtember 2017 ka dib markii ay isa seegeen maamulka Boqortooyada. Dalalakaa dibadda ee uu joogay ayuu ka soo qori jiray aragtidiisa sida adag uu ugu dhaliilo maamulka Sucuudiga, oo waxa uu ku qori jiray wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee Washington Post iyo sidoo kale boggiisa Twitter-ka ee aadka loola socdo oo ay ku xidhanyihiin in ka badan 1.6 milyan oo qof Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in Mr Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda, maydkiisiina halkaas laga saaray arrinkaas oo xukuumadda Riyadh ay beeninayso. Xigasho- BBC The post Senate-ka Maraykanka oo ku taliyay cunaqabatayn Sacuudiga lagu soo rogo appeared first on Puntland Post.
  3. Ciidamada Booliiska ee DFS ayaa xalay waxa ay howlgal ka sameeyeen degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, waxaana ay ku qabteen dhowr Mooto Bajaaj oo la sheegay in lagu sameynayey falal ammaanka wax u dhimayey. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan ayaa sheegay in ay soo qabteen ciidanka illaa 19 Mooto Bajaaj iyo sidoo kale kuwa Labada Lugood leh, waxaana la geeyey saldhigga degmadaasi. Waxay ciidanka sidoo kale qabteen raggii watey mootooyinkan kuwaasi oo baaritaan lagu hayo. Howlgallada sidan oo kale ah ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxayna ciidanka habeen kahor howlgal ay ka sameeyeen degmada Shibis ee Muqdisho ku qabteen Mootooyin sidan oo kale ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar xalay lagu qaaday hoyga ay magaalada Baydhabo ka deggan tahay Muraayo oo ah guddoomiyaha ururka Haweenka gobolka Baay. Rag dhallinyaro ah ayaa la sheegay in Bam gacmeed ku weerareen gurigaasi, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhaawac ah. Inta la xaqiijiyey waxaa goobta ku dhaawacmay Labo qof, iyadoo dadka dhaawaca ah loola cararay Isbitaalka magaalada Baydhabo. Muraayo ayaa badqabta, iyadoo halkaasi ay gaareen ciidamada Booliiska K/galbeed. Howlgal ay ciidamada sameeyeen ayeey kusoo qabteen dad lagu tuhunsan yahay falkaasi, waxaana ku socda baaritaanno. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Rheumatoid arthritis is a chronic inflammatory disease that can affect people of all ethnicities. There are no published studies that attempt to elaborate disease-specific characteristics of Somali immigrants. Source: Hiiraan Online
  6. Warbixin aan weli la shaacin, oo ay soo saareen kooxda indho-indheynta cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee loo yaqaano “Monitoring Group on Somalia and Eritrea” ayaa lagu sheegay in Imaaraadka iyo Iran ay ku tunteen cunaqabateyntaasi. Qoraalka oo la hor dhigay khubaro UN-ka ah waxaa ku jiray in Imaaraadka Carabta ay Iran u isticmaalaan Transit-ka dhuxusha ka timaada Soomaaliya, kadibna ay ka faa’ideystaan. Warbixintan cusub, ay soo daabacday Reuters waxaa ku jiray in Iran ay dhuxul ka qaadato Al-shabaab iyaga oo ku dhejiya shahaadooyin been ah oo la xiriira dalka ay ka timid si looga gudbiyo dekadaha Imaaraadka. Marka dhuxusha ay gaarto Iran, dalkaasi uu dib u geliyaa baakado cusub, iyaga oo ku qoraayo in dhuxusha laga soo saaray Iran, una iib geeya Imaaraadka Carabta. Qoraalka waxaa kale uu sheegay in Imaaraadka ay sii wadaan dhismaha sharci-darrada ah ee Saldhigga Militari iyo Madhaarka Berbera. Isla warbixinta waxaa lagu sheegay in Imaaraadka ay la wareegeen hub iyo saanad kala duwan oo ka timid dalka Yemen Warbixinta waxaa lagu sheegay in Al-shabaab ay dhuxusha sanadkii ka helaan $150 Milyan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Hargeysa (Caasimada Online)-Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Somaliland ay ku dhawaaqay in ay duulaan ku yihiin magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland Xildhibaanada oo aad uga carooday Hoobiyayaal lagu garaacay goobaha ay ciidamada Somaliland uga sugan yihiin deegaanka Tukaraq ayaa sheegay in Jawaabta Hoobiyayaasha ay noqon doonto duulaan ay ku qaadan magaalada Garoowe. Xildhibaanada oo ka hadlaayay kulan uu baarlamaanka maamulka lahaa ayaa sheegay in Puntland ay ka gudubtay xadka ay kuwada noolaan lahaayen hase yeeshee ay qaadayan duulaan ay gabi ahaan ku qabsan doonaan Garoowe. Xildhibaanada ayaa ugu baaqay shacabka ku nool magaalada Garoowe inay isaga barakacaan magaalada iyo daafaheeda, iyagoo sheegay in Somaliland ciidamadeeda dagaal diyaar u yihiin marwalba. Nuqul kamid ahaa hadalada Xildhibaanada ayaa ahaa “Shacabka xitaa hadii aad dhinaceena timaadan waxba idin yeeli mayno. kaliya ciidanka iyo inaga nooga dhex­baxa anaga ayaa Puntland tuseyna awoodeeda”. Waxaa intaa la raaciyay “Sababta aanan talaabo u qaadin waxay ahayd inaan adduunka tusno inay Puntland nagu heyso daandaansi, waxaa hadda noo cad inay noo furan tahay inaanu qabsano Garoowe” Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa muddo ku dhow lix bil ka dhexeeya dagaalo ka dhashay lahaanshaha Gobolka Sool oo labada maamul ay sheeganayaan. Si kastaba ha ahaatee, Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa dagaal ku qabsaday ciidamada Somaliland bishii January ee sanadkaan, xilli uu Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku joogay Garoowe. Beesha Caalamka ayaa ku guul dareysatay kala qaadista labada ciidan oo wali is horfadhiya iyo in xal laga gaaro colaada oo ah mid sii xoogeysaneysa. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  8. Afgooye (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka KG ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay weerar lagu qaaday Hooy ay degneed Haweeney u shaqeyneysay maamulka. Weerarka oo ahaa mid qalqal galiyay dadka deegaanka ayaa waxaa fuliyay Koox hubeysan kadib markii ay Bam gacmeedyo ku weerareen Hooy ay magaalada Baydhabo ka degan tahay guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Baay oo magaceeda lagu soo koobay Muraayo. Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay laba qof, kuwaasi oo la dhigay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Baydhabo. Haweeneyda la weeraray ayaa waxaa la sheegay in ay badqabto, ciidamo ka tirsan booliska Koonfur Galbeed ayaa gaaray goobta uu weerarka ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaan aanay jirin cid lagu soo qabtay. Weerarka Bam kadib ayaa waxa ay dadka deegaanka sheegen in la maqlaayay rasaas xoogan, waxaana Qaraxa ka dhashay khasaaro. Weerarka Bamka ayaa dadka deegaanka u muujiyay amni daro kusii kordheysa magaalada Baydhabo iyada lagu guda jiro abaabulka iyo diyaar garowga ku aadan doorashada la qorsheeyay inay dhacdo 17-ka November ee sanadkan. Haweeneyda la weeraray ayaa la sheegay inay u ololeyneysay musharax la tartamaaya Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo dadka deriska la ah ay sheegen in maalmahaani ay marti galineysay Xildhibaanada Haweenka ah ee ku jira BMKG. Magaalada Baydbao ayaa waxaa laga yaabaa inay saameyn ku yeelato xaalada siyaasadeed ee ka taagan magaaladaasi, maadaama doorashada ay ku loolamayaan dhinacyo awoodooda ay ka muuqato degaanada Koonfur Galbeed oo kala ah madaxweyne Shariif Xasan oo doonaya inuu ku soo laabto hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Sheekh Muqtar Roobow oo wata saameyntiisa siyaasadeed iyo mida amni. Dhinaca kale, Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku wada sugan ciidamo kala duwan oo qaarkood ay wataan musharaxiin uu ka mid yahay Sheekh Muqtaar Roobow oo horey uga soo goostay Ururka Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
  9. Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday xalay duleedka magaalada Gaal-kacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wiil ayaa dil u geeystay adeerkii qabay hooyadii kadib markii adeerka uu masaafeeystay hooyadii. Dhacdadaan naxdinta leh ayaa waxa ay ka dhacday deegaanka Laanbaar oo dhaca duleedka magaalada Gaal-kacyo ee xarunta Gobolka Mudug dhanka Gal-Mudug. Ninka falka dilka ah geeystay ayaa ka hor inta aanu dilin adeerkii ugu yeeray martiqaad kadib martiqaadkana uu dilay. Allaha u naxariistee marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Dhoore waxaana uu kamid ahaa odoyaasha deegaankaasi. Sababta uu wiilkaasi adeerkiis hooyadii qabay u dilay ayaa lagu sheegay in uu ka xumaaday masaafada uu adeerkiis masaafeeystay hooyadiis. Lasoco Waxii kasoo kordha Puntland Post ayaa wata xireero ay la sameeyneeyso deegaanka uu falka ka dhacay wareeysi dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Nin Adeerkii Dilay kadib markii uu masaafeeystay Hooyadii Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho-[Puntland Post] Qoraal la soo dhigay bogga Twitter-ka hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaliya ee NISA ayaa lagu cadeeyay in howlgal qorsheysan oo laga sameeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde in lagu soo qabtay shabakad ka shaqeysata sameynta dollar-ka. Warka ka soo baxay hay,adda NISA ayaa lagu sheegay in labo kamid ah kooxdan gacanta lagu dhigay kuwa kalana lagu raad joogo. Kooxdan la qabtay ayey NISA ku sheegtay in ay xiriir la lahayeen Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la sheegay in uu u fududeyn jiray galida garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, laakiin lama cadayn magaca Xildhibaanka oo xogtiisa lo gudbiyay NISA, sida ku cad qoraalka hay’addaha amniga. “Ciidamada ammaanka garoonka Aadan Cade ee Muqdisho waxay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-dambiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba kamid ah shabakadaas, kuwa kalana waa lagu daba jiraa”. Ma’aha markii ugu horeysay oo ay dowladda Soomaaliya gacanta ku dhigto rag sameey-nayay dollar been abuur ah oo dadka lagu khaldo, waxana arintan ku lug leh Xildhibaano ka tirsan dawlada Soomaliya oo ragan la shaqayn jiray sida lagu sheegay qoraalka. Cabdiqani Boos Puntland Post The post NISA oo qabatay rag ku shaqeysta dhaqida iyo farsameynta dollar-ka appeared first on Puntland Post.
  11. Ciidammada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa Howlgalo kula wareegay deegaano hoostaga degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan sida uu Warbaahinta dowladda u sheegay Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi Ibraahim Madoobe Nuur. “Howlgalka Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ay ka sameeyeen deegaano u dhow Degmada Jalalasi ee Gobalka Hiiraan waa mid balaaran waxaana Ciidamada ay si nabad galyo ah ula wareegeen deegaano ay Nabad diidka Al shabaab ku dhibaateyn jireen Shacabka oo ay ka mid yihiin Buurweyn, Dibileey, Faaxaale iyo deegaano kale”. Ciidankan oo ka baxay Degmada Jalalaqsi ayaa isku maray Deegaano dhowr ah, iyagoo aan dagaal kala kulmin Argagaxisada Al shabaab oo ka cararay goobaha ay Ciidammada gaareen. Howlgalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii Shacabka ku nool deegaanadaasi ay cabasho usoo gudbiyeen Ciidammada Xoogga Dalka iyagoo sheegay in Hanjabaadyo joogta ah ay kala kulmaan Al shabaab. “Howlgalkan waxaa door weyn ka qaatay dadka deegaanka gaar ahaan Dhalinyaro is abaabushay oo dagaalka lagula jiro Al shabaab ka qeyb qaadanaya, Jifileey, Buurweyn iyo Tuulooyinka yaryar oo ciidamada ay tageen shacabka way ka barakaceen ka dib markii Al shabaab ay Boob iyo dil u geysteen, waxaana Shacabka ka go’an inay iska dulqaadaan Argagaxisada iyagoo inoo soo gudbiya xogo dhameystiran”.ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi. Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ayaa dagaalo badan ka wada dhinacyo badan, oo Hiiraan, Shabeelooyinka iyo Jubbada hoose ay ku jiraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Women suffer more from chronic depression in the EU member states than men, according to new data released by Eurostat for World Mental Health Day. Source: Hiiraan Online
  13. Kenyan security forces Wednesday intensified hunt for more than 20 militants who raided a local school in the country's border region, killing two teachers. Source: Hiiraan Online
  14. A section of elders from Garissa County are a worried lot over political instability in neighbouring war torn Somalia, saying it might extend to the country. Source: Hiiraan Online
  15. It was only six months ago that Saudi Arabia’s young crown prince was feted in Hollywood and Silicon Valley, Manhattan and Washington as a reformist monarch-in-waiting, already putting a modernist stamp on an intensely traditional — and fabulously wealthy — desert kingdom. Source: Hiiraan Online
  16. The battle to offer the world's longest non-stop flight steps up a gear on Thursday, when a new Singapore-to-New York service takes off. Source: Hiiraan Online
  17. Harriett Baldwin, the British Foreign Office development minister for Africa, has completed a tour of East African nations to announce development and humanitarian aid from the United Kingdom. Source: Hiiraan Online
  18. The crown prince of Saudi Arabia, Mohammed bin Salman, ordered an operation to lure Washington Post columnist Jamal Khashoggi back to Saudi Arabia from his home in Virginia and then detain him, according to U.S. intelligence intercepts of Saudi officials discussing the plan. Source: Hiiraan Online
  19. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed met on Wednesday with several hundred soldiers who had marched on his office to demand pay rises and were invited in to see him, his office and state media reported. Source: Hiiraan Online
  20. Mohammed bin Salman, the Crown Prince of Saudi Arabia, ordered that Washington Post contributor Jamal Khashoggi be lured to that country from his home in the U.S. and detained, the paper reported Wednesday evening. Source: Hiiraan Online
  21. The Somali national army took control of Gawaan village in Lower Jubba region in southern Somalia, military officials said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay kooxda QM ee la socodka xayiraadda hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in Imaaraadka Carabta ay si buuxda u jebinayaan xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya. Warbixintan oo QM ay soo bandhigi doonto bisha November, ayaa waxaa qeyb ka mid ah arkay taleefishinka Al-Jazeera, oo ku warramay inay ku jireen xadgudubyo waa weyn oo Imaaraadka Carabta ay ku hayaan madax-bannaanida Soomaaliya. Waxyaabaha warbixinta ku qoran ee Al-Jazeera ay sheegtay ayaa waxaa ka mid ah in Imaaraadka Carabta ay Soomaaliya kusoo daabulayaan hub sharci-darro ah oo laga keenayo dalalka Serbia iyo Croatia ee bariga Yurub. Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in saldhigga milatari ee Imaaraadka ka dhisayaan magaalada Berbera uu yahay mid sharci darro ah oo xadgudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya iyo xayiraadda hubka. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u diiday saldhigaas, waxaase iska indha-tiray Imaaraadka oo la macaamilaya maamulka Somaliland ee caalamku aanu aqoonsaneyn. Waxaa sidoo kale Imaaraadka ay ku eedeysay warbixinta, inay maal-gelinayaan kooxda Al-Shabaab ayaga oo iibsanaya dhuxusha Soomaaliya, oo Al-Shabaab ay ka hesho lacag badan. Warbixinta ayaa lagu sheegay in ganacsiga dhuxusha uu yahay mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan kooxda al-Shabaab, lagana soo xareeyo lacag dhan 7.5 milyan oo dollar, oo laga sameeyo baadda laga qaado baabuurta xamuulka ee dhuxusha sidda. “Dhammaan ficilladan waxay Shabaab usoo xareeyeen dhaqaale ay kusii wadi karto dagaalka” ayey tiri warbixinta kooxda UN Monitoring. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. New York (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay kooxda QM ee la socodka xayiraadda hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in ilaha dhaqaalaha gudaha ee kooxda Al-Shabaab ay ka badan yihiin kana nidaamsan yihiin kan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Warbixinta ayaa lagu sheegay in ganacsiga dhuxusha uu yahay mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan kooxda al-Shabaab, lagana soo xareeyo lacag dhan 7.5 milyan oo dollar, oo laga sameeyo baadda laga qaado baabuurta xamuulka ee dhuxusha sidda. Lacagta kasoo gasha dhuxusha ka sokow, Al-Shabaab ayaa sidoo kale malaayiin dollar sanadkii ka hesha lacagta ay ka qaado gaadiidka ay jidgooyooyinka u sameysteen ee sida dalaga beeraha iyo xoolaha. “Dhammaan ficilladan waxay Shabaab usoo xareeyeen dhaqaale ay kusii wadi karto dagaalka” ayey tiri warbixinta kooxda UN Monitoring. Jidgooyada ugu dakhliga badan al-Shabaab waa mid ku taalla meel 160 km u jirta Muqdisho, waxayna ku taalla waddada caaisimada ku xirta Baydhaba. Qof al-Shabaab kasoo goostay ayaa laga soo xigtay in jidgooyadaas ay maalinkii kasoo xarooto 30,000 oo dollar – 10 milyan oo dollar sanadkii. “Ayaga oo adeegsada xeelado la mid ah kuwa maafiyada, ayaa Shabaab waxay dadka saartaa canshuur, ayada oo fulinta lagu salleeyo rabshado iyo cabsi-gelin” ayay tiri warbixinta. Buug laga helay xisaabiye Shabaab ahaa oo la dilay ayaa faahfaahin ka bixiyey dakhliga Al-Shabaab uga soo xarooda iyo kan uga baxa gobolka Hiiraan, waxaana buugga uu muujiyey nidaam xisaabeed aad u horumarsan oo kooxdan ay adeegsato. Kooxda QM waxa ay sheegtay in habka canshuuraha al-Shabaab uu aad uga horumarsan yahay ugana tayo badan yahay kan dowladda Soomaaliya, ayada oo kooxdu adeegsato nidaam cad oo ku saleysan xisabatan dhab ah, halka dowladda Soomaaliya lacagta ay ciidankooda qaarkood ururiyaan aysan lahayn meel loo raaco. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay baaq ay dhawaan jeediyeen safiirada dalalka Denmark iyo Holland u jooga dalka Kenya, oo sidoo kalena qaabilsan arrimaha Soomaalida. Safiirka Denmark ee Kenya Mette Knudsen iyo safiirka wadanka Holland ee Kenya Frans Makken, ayaa dhawaan ku baaqay in deg deg loo bilaabo wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya islamarkaana la kulansiiyo madaxda Somaliland iyo Soomaaliya waxaanay hadalkan ka sheegeen magaalada Nayrobi. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa yidhi “Inagu Somaliland ahaan marnaba kamaynu bixin wada hadalada, Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, hore ayuu u sheegay inay Somaliland diyaar u tahay inay Somaliya la hadasho, marka la helo jawi lagu wada hadlo, waxaana xaqiiqo ah in Somaliya ka leexatay jawigii labada dal ku wada hadli lahaayeen” Waxa uu intaas ku daray “Waxaa xaqiqo ah in Farmaajo uu yidhaahdo wada hadalada Somaliland diyaar ayaanu nahay, haddana uu xaqiiqada iska indho tirayo, mar walbana mawqifkayguna in aanu Somaliland iyo Somaliya ahaadan laba dal oo jaar ah oo kala madax banaan, maxaa yeelay markii hore ee aanu isku darsanay ee aanu midawnay laba dal baanu kala ahayn, haddana waanu kala baxnay, si kasta oo loo wada hadlana sinaba suurtagal ku noqon mayso in qadiyada iyo mawqifka Shacabka reer Somaliland laga noqdo, oo ah in Somaliland ahaato dal madax banaan, waxaana 97% Shacabka reer Somaliland u coddeeyeen in aanay rabin inay Somaliya la midobaan”. Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay socdaalka ay Somaliland ku timid Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Britain u qaabilsan Afrika ayaa yidhi “Cid kasta oo Somaliland marka hore fikir kale ka aaminsan, markay arkaan oo ay yimaadaan, ayey qiraan nidaamka, dhismaha, dimuqraadiyada, nabadgelyada, horumarka iyo kala dambaynta ka jira, waxaana dhaba in Wasiirul Dawlaha inoo timid, ay ogaatay horumarka balaabadhan ee dhan kasta leh ee dalkeena ka jirta, iyo kala duwanaasha aynu kala duwan nahay Somaliya, waxaana dhab ah in Somaliland dhabihii horumarka hayso, halka Somaliyana aynu ognahay xaalada ka jirta”. Wasiirka Arrimaha Dibadda mar aanu wax ka weydiinay walaaca Beesha Caalamka ee dib u dhaca ku yimaada Doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiilada ayaa ku jawaabay “Wax walba siday u dhacayaan ALLE ayaa og, qaybkana ALLE ayaa og, balse qorshuhu wuxuu ahaa in Doorashooyinka Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanku inay qabsoomaan Sannadka dambe bishiisa Saddexaad, ilaa haddana qorshihii waa sidii wax iska bedelayna ma jiro, dib u dhac ku yimidna ma jiro, haddii ay dib u dhac ku yimaadana ilama ah in isla sannadkaas ay dhaafi doonto, aniguna waxaan saddexda Xisbi kula talinayaa inay ka heshiiyaan oo is fahan ka gaadhaan arimaha Komishanka, iyo arimaha Doorashooyinka ee lagama maarmaanka ah”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  25. Tehran (Caasimada Online) – Abaanduulaha ciidamada mutadawiciinta Iran ee Basij, General Gholam –Hussein Gheib-Parvar waxa uu ka digay iskaashi ay Sacuudiga iyo Israel kala sameynayaan Mareykanka sidii Iran loogu qaadi lahaa dagaal dhaqaale. “Maanta waxaan wajahaynaa dagaal buuxa oo dunida nooga imaanaya waxaana si cad u muujiyey xushmad daradda Madaxweynaha Mareykanka iyo cadaawadda uu u qabo Iran,” waxaa sidaas yiri General Gheib-Parvar, xilli uu la hadlayey dad isugu soo baxay Tehran Salaasaddii. Waxa uu sheegay in Mareykanka uu taageero uga helayo dagaalkan labaddiisa hub ee gobolka [Sacuudiga iyo Israel], sidoo kale waxa uu sheegay in Sacuudiga iyo Israel dowladahooda ay lacago badan ku bixiyaan sidii ay Washington ugu gudbin lahaayeen xogo sirdoon ah oo ka dhan ah dowladda kacaanka Islaamiga ah. Mas’uuliyiinta Iran waxa ay dhawr oo hore uga digeen in CIA-da iyo Mossad oo garabsanaya dowlad gobolka ah ay dagaal saxaafadeed iyo mid Borobagaan ku bilaabeen Iran. “Saxaafadda iyo ol’olaha Borobagaandada hore ayuu u socday, laakiin hadda ayuu xoogeystay. Sida xogta aan helay sheegeyso, wardoonka Mareykanka iyo dowladda Yuhuudda – iyo taageerada dhaqaale ee dowladdaha deriska nala ah – waxa ay dhiseen qalab warbaahineed oo dagaal waxa ayna si joogta ah ugu mashquulsan yihiin sidii ay hawada saxaafadda bulshadeena uga wasakheyn lahaayeen,” waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dowladda kacaanka Islaamiga ah Ayatollah Sayyed Ali Khamenei bishii Sebteembar, waxa uu xilligaas Tehran kula hadlayey xubno ka mid ah golaha khubrada ee Iran. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com