-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
askari oo soo faarujiyay aagga Dhanaane ayaa loo soo xiray ka bixid aag dagaal iyo amardiido ay ku samaayeen Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka kowdii bishii sideedaad ee sanadkan. Askartan ayaa ka soo baxay aagga Dhanaane ee gobalka Shabeelaha Hoose halkaasi oo ay ku qornaayeen, waxaana sagaal kamid ah ay wada ahaayeen isku difaac halka sedaxda kale ay iyana ka soo baxeen gooba kale oo ka tirsan aagagga dagaalka ee gobalka Shabeelaha Hoose oo ay dowladda Soomaaliya dhawaanahaanba ka waday dib u xureyn deegaanno iyo waddooyin kamid ah gobalka. 20-ka Bishii sagaalaad ee sanadkan ayaa loo soo gudbiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dacwadda la xiriirta eedeysanayaasha, waxa ayna xilligaas weydiisteen garsoorka in loo gudbiyo xabsiga garsuge ahaan. 23-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dalbadeen in la muddeeyo dacwad qaadista eedda loo heysto 12-kan askari ee ah amar diidada iyo ka bixid aagga dagaal ee Dhanaane, waxaana maalin kadib codsiga Xeer Ilaalinta loo ballamay in la qaado Maxkamadeynta 12-kan Askari. 24-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayaa loo fariistay fadhiga hore ee dhageysiga dacwadda la xiriirta 12-ka askari oo loo soo xiray ka bixid aag dagaal iyo amar diido, waxaa xafiiska xeer ilaalinta ku soo bandhigeen Maxkamadda taliya ururukii iyo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka oo si wada jir ah u soo gudbiyay dacwadda eedeysanayasha, sidoo kale maxkamadda ayaa dhageysatay dhammaan jawaabaha ay ka bixiyeen eedda loo jeediyay oo dhammaantood isla qiray in sedax kamid ah maahe intooda kale ay ka soo baxeen agga dhanaane halka kuwa kale ay iyagane loo heysto in ay ka soo baxeen furin dagaal oo ay ku qornaayeen. Waxaana Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida weydiisteen Garsoorayaasha In lagu xukumo xukunno u daneynayo adkeysiga iyo amar qaadashada ciidamada dhexdooda si loo ilaaliyo hadaf ciidan oo ku dhisan u adeegidda qaranka. Qareenada u doodayay eedeysanayaasha ayaa ka hor sheegay garsoorka in la siiyo fursad kale oo ay dib ugu noqdaan goobihii ay ka soo baxeen maadama markii hore iyaga ay ahaayeen kuwa qeybta ka ahaa xureeynta goobaha ay ka soo baxeen. Garsoorayaasha oo ka baaraan degayay nuxurka dacwadda, doodda dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenada, ka falciladda jawaabaha ay ka bixiyeen eedeysanayaasha fadhiga maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in dhammaantood si wada jir ah loogu xukumo min Shansano oo xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyacda goob joogga u ahaa fadhiga Maxkamadda Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow. Xukunka Maxkamadda ayaa xoojin karo adkeysiga ciidamada iyo in aysan soo faarujin goobaha ay kala wareegaan maleeshiyada Alshabaab sida horay u dhici jirtay. Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan rafcaan hadii aysan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada koowaad. Source: goobjoog.com
-
NASA iyo hey’ado kale oo caalami ah ayaa ka digaya dabeysha Luban oo maalmihii la soo dhaafay ka jirtay Gacanka Carabta. Dabeysha Luban ayaa la filayaa in axadda oo berri ah(October 14, 2018) ay soo aado waqooyiga jasiiradda Socotra, waa dhulka xeebaha Soomaaliya. Dabeyshan ayaa laga yaabaa in 48 saacadood gudahood at ku dhufato dhamaan dhulka ku teedsan Gacanka Cadan oo ay ka mid yihiin Gobolada Waqooyi iyo kuwa Bari oo ah qeybo ka mid ah (Somaliland iyo Puntland ) . Dabyasha Luban waa middii 3aad ee muddo sanad gudahiisa ah ku dhufata jasiiradda carabta iyo xeebaha waqooyi ee Soomaaliya. Dabyashan ayaa la sheegayaa in meelaha qaar ay ku socoto 140 km/h, waxaana lagu wargeliyey dadka inay ka digtoonaadaan. Bishii May ee sanadkan waxaa xeebaha waqooyi ee Soomaaliya ku dhufatay dalbeysha Sagar, boqoraal ayaa ku dhimatay, waxaana ku khasaaray hanti badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—The Norwegian Government announced a commitment of NOK 450 Million ($54.3 million) to support the reconstruction, reform and development process in Somalia. Channeled through the World Bank’s Multi Partner Fund (MPF), the contribution will provide resources through the Government’s systems to address the country’s most critical challenges on its path towards stability. The additional financing from Norway comes two weeks after the approval of Somalia’s first Country Partnership Framework (FY 2019-2022), and the first International Development Association (IDA) financing for government in more than 30 years. “This additional contribution from Norway signals our recognition of the considerable progress the Somali authorities have made in bringing the country together,” said Nikolai Astrup, Norway’s Minister of International Development. “This contribution reflects our confidence in the country’s institutions. The reform momentum is bringing tangible dividends to the country. This is the time to advance on the back of the gains we have collectively achieved and to sustain progress towards peace and stability” The MPF has been investing in intergovernmental fiscal reform through the Recurrent Cost and Reform Financing (RCRF) Project. This project brings the Federal Government and the Federal Member States together to discuss resource distribution, service delivery and financial reforms across the country. In September this year, the World Bank Group Executive Board approved the expansion of the RCRF project using IDA pre-arrears clearance grants. The RCRF project will therefore receive financing from both the MPF and IDA. The Norwegian contribution to the MPF will allow for a scale up in the resources going through the RCRF project, which include transfers to Federal Member States. “This is an important time in the World Bank’s engagement with Somalia. It is also an important time for Somalia’s engagement with the international community, including its neighbours,” said Hafez Ghanem, Vice President of the World Bank for Africa. “We welcome the significant support from Norway as Somalia pursues the path towards stability. This is the only means to achieve a reduction in the vulnerability and poverty of the Somali people”. The contribution from the Norwegian Government recognizes the key role of government in increasing domestic revenue and access to services in Somalia, in line with the MPF’s approach to using country systems and putting the government in the lead of the country’s development. The World Bank will partner closely with Norway throughout the implementation process and reform policy dialogue. The Multi Partner Fund works predominantly through Somali authorities and includes institution-building, economic growth and urban development activities. MPF is supported by the European Union (EU), United Kingdom’s Department for International Development (DfID), the German Federal Ministry for Economic Cooperation and Development, the Swedish International Development Cooperation (SIDA), the Royal Norwegian Embassy, Danish International Development Agency (DANIDA), the Swiss Agency for Development Co-operation (SDC), the Ministry of Foreign Affairs of Finland, United States Agency for International Development (USAID), Italy’s Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation, and the World Bank’s State and Peacebuilding Fund (SPF). PRESS RELEASE
-
New York (Caasimada Online) – Somalia was elected to the United Nations’ top human rights body on Friday for a period of three years beginning January 1, 2019, getting 170 votes in the African States category. Somalia won the election as a new member of the United Nations Human Rights Council, with a strong effort made by the Permanent Representative of the Federal Republic of Somalia to the United Nations in New York, Ambassador Abukar Dahir Osman. The 193-member UN general assembly held elections for new members to the UN Human Rights Council. The 18 new members were elected by absolute majority through a secret ballot. Countries needed a minimum of 97 votes to get elected to the Council. Somalia was vying for a seat in the African States category. Along with Somalia, Burkina Faso, Cameroon, Eritrea and Togo. Somalia was overwhelmingly elected by 170 votes out of 193. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Xildhibaan Sharmaake Xasan Ganey oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in madaxweyne Waare ay la xisaabtan dhab ah la sameyn doonaan. Waxa uu sheegay mudanahan in madaxweynaha Hirshabelle uu ka meermeerayo inuu horyimaado xildhibaannada, iyadoo taasina horey u keentay in mooshin laga keeno. Xildhibaanka ayaa tilmaamay haddi uu madaxweyne Waare ka madax adeego inuu baarlamaanka u sheego qorshihiisa shaqo iyo wixii u qabsoomay in mar kale uu imaan doono mooshin, islamarkaana aan la aqbali doonin oday dhaqameed dambe oo ka hor istaaga mooshinkaasi. “Isla Xisaabtanka wuu socdaa waana sababta aan ugu yeernay madaxweynaha, muxuu ku diidan yahay inuu noo yimaado, madaxweyne Waare ha iska soo xaadariyo baarlamaanka, mar dambe kuma deyn doonno odoyaasha dhaqanka sidii hadda dhacday” ayuu yiri xildhibaanka. Dhowaan ayeey ahayd markii xildhibaannada Hirshabelle ay ka laabteen mooshinkii ay ka keeneen madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Senat-ka Maraykanka ayaa meelmariyay danjiraha cusub ee dowladdaasi u qaabilsanaan doona Soomaaliya Donald Yamamato. Mareykanka ayaa danjiraha cusub oo Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya u magacaabay Mr. Yamamato oo khibrad aad u badan u leh dhinaca dibloomaasiyadda. Madaxweyne Trump oo Yamamato Danjiraha Soomaaliya u magacaabay. Iyadoo aqalka sare ee Mareykanka uu magacaabiddiisa uu ku meelmariyey cod buuxa. Yamamato oo horay danjiranima uga soo shaqeeyey waddama badan oo qaaraddan Afrika ka tirsan, isaga oo noqday danjirihi ugu waaya aragnimada badnaa ee Soomaaliya loo magacaabo tani iyo inta ay Soomaaliya bur-brutay Mareykankana uu xiray Safaaraddiisi Muqdisho. Aqoonyahan Maxamed Maxamuud ayaa waeysi uu siiyey Goobjoog ku sheegay in Danjirahaan loo soo magacaabay Soomaaliya uu waxbadan ka badali karo siyaasadda dalka iyo is faham. Waxa uu sheegay inuu yahay Yamamato shaqsi fur furan oo siyaasada geeska afrika wax badan ka garanaya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAREYSI-DANJIRE-CAAALIM.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
American pastor Andrew Brunson flew out of Turkey late Friday after a Turkish court convicted him of aiding terrorism but sentenced him only to time served. His release came one day after U.S. officials said a deal had been reached with Turkey’s government to secure his freedom. Source: Hiiraan Online
-
Maamulka Gobalka hiiraan ayaa sheegay in ay isku furi doonan wadada isku xirta magaaloyinka Jalalaqsi iyo Buulo-burde, xilli AMISOMay iyana ka dhawaajiyay howlgal waddo furis ah. Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee maamulka gobolka Hiiraaan, C/raxiin Muxummad Taakooy ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid dhowaan la fulin doono, islamarkaana dadka lagasaari doono go’doonka. Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM u dhaqaaqeen sidii ay ula dagaallami lahaayeen Al-shabaab, islamarkaana u furii lahaayeen waddooyinka xiran. Dhanka kale, qoraal kasoo baxayAMISOM ayaa lagu sheegay in lagu furi doono waddooyinka ay xirteen Al-shabaab ee gobolka Hiiraan, shacabkana loo fududeyn doono isku socodkooda. AMISOM ayaa sheegtay in howlgalladan ay yihiin kuwo sidoo kale lagu doonayo in lagu fududeeyo shacabka ku dhaqan deegaannada iyo degmooyinka go’doonsan in lagu gaarsiiyo gurmad Bini’aadannimo. Maalmahan dambe, ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo ballaaran waxay ka bilaabeen deegaanno ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada B/weyne, gaarahaan xaafadda howlwadaag ee magaaladaasi ay ka dhacdo munaasabad ballaaran oo maamulka West-land ugu biirayo maamulka Hirshabelle. Wararka aan heleyno waxay sheegayaan in munaasabaddan si gaar ah maanta loogu soo wareeejin doono ciidamadii uu haystay maamulkaasi, laguna dari doono ciidanka xoogga dalka. Muddooyinkaan dambe waxaa socdey dedaal badan oo lagu doonayey in maamulka West-land uu ku biiro Hirshabelle. West-land ayaa haysta ciidamo gaaraya 500, kuwaasi oo markii hore aan jirin cid ay si gaar ah uga tirsanaayeen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dadkii dhowaan ka barakacay magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa bilaabay iney dib ugu laabtaan guryahooda, kadib markii xaaladda magaaladaasi isbedal uu ku yimid. Xasan Cumar oo ah guddoomiyaha Marka ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog wuxuu ku sheegay in shacabka ay hadda intooda badan oo laabteen kuwa kalena la sugayo iney yimaadaan. “Ammaanka magaalada Marka aad ayuu u wanaagsna yahay, dadkii waxay bilaabeen iney kusoo noqdaan guryahooda, waxaana ay yihiin kuwo si cabsi la’aan ah u imaanaya…dadka waxay usoo laabanayaan waa in la heshiisiiyey maleeshiyaadkii magaalada ku dagaallami jiray sidoo kalena magaalada ay hayaan ciidanka xoogga dalka” ayuu yiri guddoomiyaha. Dhanka kale, guddoomiye Xasan ayaa sheegay in maamulkooda uu kaalin weyn ka qaadan doono dib u dhiska magaaladaasi oo ku burburay dagaalladii dhacay. Marka ayaa muddo badan ahayd furin dagaal, iyadoo xaafadaha qaar ee magaaladaasi ay mar hore isaga barakaceen shacabkii deganaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgal ballaaran ka sameeyeen degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, iyaga oo kusoo qabtay howlgalkaasi rag hubeysan. Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, inuu arkay ciidanka oo wada 5 qof oo Labo ka mid ah yihiin kuwo hubeysan. Raggan la qabtay ayaa la sheegay in dhac ay ka geysan jireen degmada Dharkeenley, balse weli sharaakiisha Booliiska ee howlgalkaan sameeyeywax faah faahin ah ma aanay bixin. Maalmihii ugu dambeeyey, ciidamada Booliiska ayaa howlgalllo ammaan sugid ah ka waday magaalada Muqdisho. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Germany's Interior Ministry will extend migration controls at borders with Austria and Denmark for another six months. Denmark, Austria and France have also announced their intention to extend border controls. Source: Hiiraan Online
-
Washington’s newly named point man for Afghan peacemaking met Taliban representatives in the Gulf nation of Qatar on Friday, a person familiar with the gathering said, as the Trump administration stepped up efforts to cobble together a road map for talks aimed at ending the 17-year war in Afghanistan. Source: Hiiraan Online
-
Cyber attackers stole data from 29 million Facebook accounts using an automated program that moved from one friend to the next, Facebook Inc (FB.O) announced on Friday, as the social media company said its largest-ever data theft hit fewer than the 50 million profiles it initially reported. Source: Hiiraan Online
-
At this time last year Riyadh was gearing up to host a raft of leading figures from the world of business and banking at its inaugural Future Investment Initiative. Dubbed "Davos in the Desert" — in a nod to the yearly global economic forum and the kingdom's own lofty ambitions — the conference in the Saudi capital suggested a new era of openness and innovation under the young crown prince, Mohammed bin Salman. Source: Hiiraan Online
-
Al-Qaeda-linked Al-Shabaab rebels are profiting from the illegal trafficking of charcoal exports produced in Somalia and transiting through Iran, United Nations experts said in a report recently shared with the UN Security Council. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin dastuurka ay adeegsadaan maamullada Soomaaliya, sida ku cad warbixin ay soo saartay kooxda QM ee la socodka xayiraadda hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii warbixinta ay sheegtay in Imaaraadka Carabta ay si buuxda ugu xadgudbayaan madax-bannaanida Soomaaliya. Warbixintan oo QM ay soo bandhigi doonto bisha November, ayaa waxaa qeyb ka mid ah arkay taleefishinka Al-Jazeera, waxaana lagu sheegay in saldhigga milatari ee Imaaraadka ka dhisayaan magaalada Berbera uu yahay mid sharci darro ah oo xadgudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya iyo xayiraadda hubka. Imaaraadka Carabta ayaa markii ay khubarada QM weydiiyeen sababta ay ugu xadgudbayaan Soomaaliya, ayaga oo dhisaya saldhigyo iyo dekado aysan ogleyn dowladda federaalka, waxay ku jawaabeen “Imaaraadka waxay heshiisyo la galeen maamullada ka jira Soomaaliya, si waafaqsan awoodaha dastuuriga ah ee dastuurka uu siinayo madax goboleedyada, si ay ugu guuleystaan amni, xasilooni iyo baraare” Imaaraadka ma sheegin dastuurka ay ka hadlayaan ee awoodaha siiyey madax goboleedyada, hase yeeshee waxaa cad inuu yahay kan goboleedyada, sababta oo ah dastuurka Soomaaliya waxaa awoodda saxiixa heshiisyada caalamiga ah leh kaliya madaxweynaha Jamhuuriyadda. Hoos ka eeg qodobka arrintaas ka hadlaya ee dastuurka. Qodobka 90aad. Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya (q) In uu saxiixo heshiisyada caalamiga ah kadib markii Golaha Wasiirrada soo jeediyo, Golaha Shacabkuna ansixiyo. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u diiday saldhiga Imaaraadka iyo dekadaha Berbera iyo Boosaaso, waxaase iska indha-tiray Imaaraadka oo la macaamilaya maamulka Somaliland iyo midka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Sida ay Caasimadda Online ku heshay xog lagu kalsoon yahay, kooxda Daacish-ta Soomaaliya ayaa waxa ay bilowday in ay dhammaan ganacsatada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ka qaaddo lacagta canshuurta ee ay ugu yeeraan Zakada. Tallaabadan oo cabsi galisay bulshada iyo ganacsata Boosaaso ayaa timi kaddib markii saraakiisha Daacish ay bilaabeen In ay soo wacaan maamuleyaasha ganacsatada magaalada, iyaga oo ku amray in ay bilaabaan bixinta Zakada iyo Canshuurta. Ganacsade ku sugan magaalada Boosaaso oo u xog warramaya Caasimadda Online ayaa sheegay in Daacish la soo hadashay kaddibna ku wargaliyeen in looga baahan yahay bixinta Zakawaad-ka. Sida uu no xaqiijiyey ganacsadaha oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, sababo amni awgood, ma aha kaligii ee waxaa dhammaan la wada wacay ganacsata oo la siiyey isla amarkaas. Muddooyinkan dambe waxaa gobolka Bari ku xoogeysaneysay Daacish oo saldhigyo ka sameysatay deegaano ka tirsan gobolkaas. Sidoo kale waxaa magaalada Boosaaso ka dhacay dilal dhowr ah oo koxodan ay sheegtaya Waxaa Daacish hoggaamiya Cabdulqaadir Muumin oo ka soo jeeda beesha Cali Saleeaan, Majeerteen, Daarood, oo ah beesha ugu badan ee degta magaalada. Kooxda Al-Shabaab oo Daacish ay ka go’day ayaa lacagta Zakada ama canshuurta ka qaadda dhammana ganacsatada dalka Soomaaliya, lacagtaas oo ay ku maal-geliyaan howl-galladooda. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
