Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,085
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jeddah (Caasimada Online) – Dalalka Eritrea iyo Ethiopia ayaa maanta heshiis taariikhi ah ku kala saxiixday magaalada Jeddah, halkaasi oo loogu qabtay munaasabad uu goobjoog ka ahaayeen boqor Salman Bin Cabdulcaziiz iyo wiilkiisa ahna dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salman. Waxa sidoo kale munaasabadda joogay xoghayaha guud ee QM Antonio Gutteres iyo wasiirka arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Abdullah bin Zayed Al-Nahyan, kuwaasi oo dhammaantood daawanayey ayada ay heshiiska qalinka ku duugeen ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Eritrea Isiais Afwerki. Wasiirka arrimaha gudaha Sacuudiga Abdulaziz bin Saud bin Nayef, wasiirka arrimaha dibedda Adel Al-Jubair iyo wakiilka boqortooyada Sacuudiga ee QM Abdullah Al-Maalami, ayaa sidoo kale ka qeyb-galay xafladda Heshiiskan ayaa si rasmi ah loogu soo geba gebeeyey colaaddii 20-ka sano u dhaxeysay Ethiopia iyo Eritrea, ayada oo Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay lahaayeen fikraddii ka dambeysay in labadan dal la isku soo dhoweeyo. Kadib saxiixa heshiiska, ayaa waxaa labada hogaamiye la guddoonsiiyey biladda boqortooyada Sacuudiga ee lagu magacaabo Order of King Abdulaziz.
  2. MOGADISHU (Caasimada Online) — Somali PM Hassan Ali Khaire has paid a visit on Sunday to wounded lawmaker, who was hospitalized at Erdogan hospital runs by Turkey in the capital of Mogadishu. Khaire accompanied by and some his ministers and other lawmakers met with MP Mohamed Mursal Borow, after he was injured in bom explosives fitted into his car that exploded near National Theater in the capital. Mr. Khaire has strongly condemned the attack claimed by Al Shabaab, which seriously injured Hon. Borow and killed his driver on Saturday night, while driving near Presidental Palace in Mogadishu. He expressed his condolences to the families and colleagues Borow’s driver. Somali PM wished the injured lawmaker Mohamed Mursal Borow a full and speedy recovery. The bomb attack was claimed by Al-Qaeda linked Al Shabaab group. Al-Shabab, which is fighting to overthrow Somalia’s government, routinely stages attacks. The group was pushed out of Mogadishu in 2011 by Somali troops backed by African Union soldiers. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  3. Farole oo Garowe ku soo dhoweeyay xubnaha guddigiisa Madaxweynihii hore dowladda Puntland,ahna xubinka ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya,Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud(Faroole) oo shalay loo magacaabay,guddoomiyaha guddi uu aqalka sare u saaray,in ay xog-uruurin ka sameeyaan khilaafka madaxda Puntland iyo Federaalka,ayaa maanta Garoowe ku soo dhoweeyay xubnaha guddigaasi oo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho. Mudane. Faroole ayaa madax u ah,guddi ka kooban 10 xubnood oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya,kana soo jeeda degaannada Puntland,kuwaasoo loo xilsaaray in ay baaritaan xog uruurin ah ka sameeyaan,tabashooyinka ay madaxda Puntland ka qabaan dowladda Federaalka Soomaaliya,si loo xalliyo khilaafka iyo is-faham la’aanta u dhexaysa labada dhinac. Sidoo kale waxaa guddiga weheliya laba xubnood oo lagu sheegay(hawl wadeenno). Guddoomiyaha guddiga aqalka sare u magaacaabay,xog-uruurinta khilaafka Puntland iyo Federaalka, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud(faroole) oo garoonka diyaaradaha Garoowe ku soo dhoweeyay,senator-ada ka yimid magaalada Muqdisho,ayaa sheegay in wefdigan u yimaadeen in ay baaritaan ku sameeyan waxyaabaha uu salka ku hayo khilaafka Puntland iyo Federaalka. Faroole wuxuu sheegay in ay jiraan khilaafaad kale oo aan ahayn,muranka dhexeeya golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka iyo madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka dhashay go’aannadii ka soo baxay shirka Kismaayo ee xiriirka loogu jaray Federaalka. “War la qabaa xiiso ma leh,xoogaa waad ogtihiin khilaaf in uu jiro,dowladaha xubinta ka ah dowladda Federaalka ah;golaha iskaashiga,shirkii Kismaayo 4-tii ilaa 8-dii,weesooyin baa qubtay,khilaafyo kalena waa jiraan oo maamulada qaar gudahooda ah oo maanta halkaan intaan joognay aan isla-sheeg-sheegaynnay. Mar haddii doorashooyinku soo dhowaadana hadde kuwa kale waa iska jiraan oo dab la iska shid-shido”ayuu yiri Faroole. Ugu dambeyntii, Guddiga xubnaha aqalka sare ee Puntland loo soo diray,ayaa sida Faroole sheegay inta ay Puntland joogan u kuur-geli doona arrimaha;siyaasadda,amniga,Federaalismka iyo arrimaha bulshada,si lamid ah guddiyada kale ee loo diray dowlad goboleedyada dalka. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Faroole oo sheegay in meelaha qaar dab laga shidayo appeared first on Puntland Post.
  4. People working in the trucking industry say a shortage of drivers is looming larger than ever and freight and logistics companies say they can't fill positions as fast as baby boomers are leaving them. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macaliin Fiqi ayaa ammaanay qoraalka Jimcaha kasoo baxay golaha iskaashiga maamul goboleedyada ee ay ku dalbadeen in dhinac saddexaad uu dhex-dhexaadiyo ayaga iyo dowladda federaalka, oo uu khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyo. Qoraal uu soo dhigay Facebook, ayuu Fiqi ku sheegay in War-muriyeedka Golaha Iskaashiga ay ka muuqato mas’uuliyad, uuna baaqoodu muujinayo in ay diyaar u yihiin xal u helidda khilaafka kala dhexeeya madaxda dawladda dhexe ee Soomaaliya. Fiqi ayaa u muuqda inuu qaatay fikir ka duwan kan saaxiibkiisa Mahad Salaad, oo ka mid ah mucaaradka dowladda, kaasi oo sheegay in qoraalkaas uu ahaa mid loogu gafay dowladnimada Soomaaliya. Hoos ka aqri qoraalka Fiqi:- War-muriyeedka Golaha Iskaashiga waxaa ka muuqda mas’uuliyad, wuxuuna baaqoodu muujinayaa in ay diyaar u yihiin xal u helidda khilaafka kala dhexeeya madaxda dawladda dhexe, si arrintaasi wax loogo qabto waxey dalbadeen jawi iyo goob suurtagalin kara in la wada hadlo ayagoo horey cabasho uga muujiyey in qodobadii wadahadaladii hore lagu wada heshiiyey aysan waxba ka fulin. Haddii madaxdii dalku ay ka garaabi waayeen xaaladda cakiran ee dawlad goboleedyada kala dhexeysa, muddo 10 casho ahna ay ka soo wareegtey markt ay soo saareen warmuriyeedkoodii, waa Arrin dabiici ah in laba qolo haddii ay isqabato ay qolo saddexaad ku soo baxdo, kuwa ceebta arrintaas nooga dhigayana waxey u muuqaal eg yihiin kuwo qaska iyo xasrada in lagu sii jiro macaash ugu jiro Iyo nacamlayaashooda durbaanka ka daba tuma. Aqalka sare dadaalka ay wadaan ayaa noqon kara darafka saddexaad ama cid kasta oo kale oo labada dhinac ay ku kalsoonaan karaan oo u istaagta xallinta khilaafkaan. Madaxda dawladda Federaalka waxaa la gudboon in ay jawaab aan aheyn aflagaadeyn iyo caayid ay ka bixiyaan khilaafka cirka isku sii shareeraya ee kala dhexeeya dawlad goboleedyada, lana soo afmeero inta uu cusub yahay oo uusan gaarin meel uusan hadda joogin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. The road leading to Hagadera in the Dadaab Refugee Complex is wide, straight and dusty. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa bogaadiyay hawl-galka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ku soo qabteen qaar ka mid ah dadkii dukumiintiyada been abuurka ah ka sameyn jiray magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka hirgeliyeen degmooyinka Gobolka, xafiisyada qaabilsan bixinta dukumiintiyada sharciga ah ee ay u baahan yihiin shacabku, lagana soo gudbay xilligii isla xisaabtan la’aanta. “Waxaan kula dardaarmayaa bulshada gobolka Banaadir inay hubiyaan dukumiintiyada sharciga ah ee ay heystaan, sababtoo ah maanta Hay’adaheenna Dawladeed waxa ay u diyaarsan yihiin hubinta iyo xaqiijinta dukumiintiyo shaqsiyadeed sida baasaboorrada, shatiyada ganacsiga, dhalashada iyo sugnaanta IWM ah.” Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Benaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Xeer Ilaalinta Qaranku ay si deg deg ah u hor-keento eedaysanyaasha la soo qabtay Maxkamadda Gobolka, arrinkaas oo horseedaya in guul laga gaaro olalaha ka dhanka ah musuq maasuqa iyo dukumiintiyada been abuurka ah. Ugu dabmeyn, Duqa Muqdisho ayaa faray Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar iyo Waaxaha Gobolka oo kaashanaya Ciidanka Booliska in ay soo xiraan xarumaha sameeya dukumiintiyada aan sharciga ahayn iyo goobaha ganacsi ee lagu hawl-geliyey shatiyada been abuurka ah. PUNTLAND POST The post Maamulka G/Banaadir oo billaabay ololaha ka hortaga dukumiintiyada been-abuurka ah appeared first on Puntland Post.
  8. In ka badan 2000 oo Neef oo lo’ah ayaa maanta laga dhoofiyey marsada wey nee magaalada kismaayo, xoolahan oo in mudo ah lagu xannaanaynayay maxjarka xoolaha Jubba ayaa loo dhoofiyey dalka Cummaan. Tiro afar jeer oo laga dhoofiyey lo’da dekadda magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa inay tahay tiradii ugu badnayd. Cabdilaahi fanax waa Maareeyaha Maxjarka kismaayo waxa uu sheegayaa inay ku dadaaleen suuq u helida xoolaha dalka, isagoona sheegay in dalalka carbata intooda badan ay u dhoofin doonaan. Xoolaha Soomaaliya oo la sheego inaysan caafimaad ahaan u wanaagsanayn taasoo mararka qaar keenta in dalalalkii loo dhoofiyery ay dib isaga soo celiyaan, laakin maareeyuhu wuxuu sheegayaa inay hubiyeen isla markaana ay muddo daryeelayeen. Maxjarka xoolaha Juba oo sanadkii hore uu xadhiga ka jaray madaxwaynaha Jubbaland kadib markii la dayactiray maadaama uu kamid ahaa meelihii ay saameeyeen dagaaladii sokeeye ayaa La aaminsanayahay inuu meesha ka saari karo walaaca xoolalaydu ay ka qabaan Meel ay ugu helaan xoolahooda suuq wanaagsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud kulan ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas. Kulanka ayaa marka hore waxa ay Xildhibaanada uga doodeen mooshinkii ay ka keeneen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug,iyaga oo halkaasi ku soo bandhigay waxyaabaha ay ku eedeynayaan. Maalinta Berri ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb lagaga dhawaaqo Codka kalsoonida kala noqoshadda Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug. Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Baarlamaanka maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa sidoo kale ku dhawaaqay Guddiga doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug, Maadaama xilkii horay looga qaaday Gudoomiyihii Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir. Guddiga doorashooyinka oo ka kooban 11 xubnood ayaa soo diyaarin doona qaabka ay u dhaceysa doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug. Xaaladda Galmudugy ayaa noqotay mid cakiran waxaana laga yaabaa inay yeelato laba madaxweyne iyo Labo Guddoomiye Baarlamaanka marka loo fiiriyo sida uu hadda xaalku yahay. Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin xiisadda Galmudug inkastoo dadka qaar aaminsan yihiin inay dowladda qeyb ka tahay oo ay la safan tahay garab ka mid ah kuwa isku haayo Maamulka. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  10. Asmara (Caasimada Online) – Jabhadda ONLF ayaa rajo ka muujisey in natiijo wanaagsan ay kasoo baxdo shir ay magaalada Asmara kula leeyihiin dowladda Itoobiya. C/qaadir Hirmooge, Afhayeenka Jabhadda ayaa u sheegay idaacadda Goobjoog ee magaalada in hadda la gaaray xilligii isbedallada ee dalka Itoobiya. Waxaa lagu wadaa todobaadyada soo socda in Magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea uu ka qabsoomo heshiis u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo ururka Jabhadda ONLF kaasi oo la doonyo in lagu dhameeyo dagaalka labada dhinac. Kulan ay 5 July magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku yeesheen xildhibaannada baarlamaanka ee dalkaasi ayaa waxay si rasmi ah liiska argagaxisada uga saareyn saddex urur. Baarlamaanka ayaa u codeeyey in wixii ka dambeeya 5 July aanay liiska argagaxisada ku jirin ururada kala ah ONLF, OLF iyo Ginbor 7. Horey waxaa Ururuadan liiska uga saaray golaha wasiirada ee dowladda Itoobiya, iyadoo ulajeedka uu yahay in si nabadeed loo wadahadlo. Wixii ka dambeeyey markii Itoobiya uu Ra’iisul wasaare u noqday Dr Abiy Axmed ayaa waxaa la dareemay isbedallo siyaasadeed oo aad u waaweyn. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Afhayeenka-ONLF-Cabduqaadir-Cadaani-Hirmooge.mp3
  11. Jabhadda ONLF ayaa rajo ka muujisey in natiijo wanaagsan ay kasoo baxdo shir ay magaalada Asmara kula leeyihiin dowladda Itoobiya. C/qaadir Hirmooge, Afhayeenka Jabhadda ayaa u sheegay Goobjoog News in hadda la gaaray xilligii isbedallada ee dalka Itoobiya. Waxaa lagu wadaa todobaadyada soo socda in Magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea uu ka qabsoomo heshiis u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo ururka Jabhadda ONLF kaasi oo la doonyo in lagu dhameeyo dagaalka labada dhinac. Kulan ay 5 July magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku yeesheen xildhibaannada baarlamaanka ee dalkaasi ayaa waxay si rasmi ah liiska argagaxisada uga saareyn saddex urur. Baarlamaanka ayaa u codeeyey in wixii ka dambeeya 5 July aanay liiska argagaxisada ku jirin ururada kala ah ONLF, OLF iyo Ginbor 7. Horey waxaa Ururuadan liiska uga saaray golaha wasiirada ee dowladda Itoobiya, iyadoo ulajeedka uu yahay in si nabadeed loo wadahadlo. Wixii ka dambeeyey markii Itoobiya uu Ra’iisul wasaare u noqday Dr Abiy Axmed ayaa waxaa la dareemay isbedallo siyaasadeed oo aad u waaweyn. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Afhayeenka-ONLF-Cabduqaadir-Cadaani-Hirmooge.mp3 https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Afhayeenka-ONLF-Cabduqaadir-Cadaani-Hirmooge.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen Shidaal uga imaan jiray dalka Itoobiya, kasoo la keeni jiray degaano ka tirsan maamulka Somaliland. Somaliland waxa ay sheegtay in ay la wareegtay Haamaha Shidaalka, islamarkaana isbedel Ballaaran lagu sameyn doono dhaqaallaha degaanada maamulka Somaliland. Wasiirka Ganacsiga Somaliland ayaa amray in aan shiidaal laga soo gelin Karin Magaaladda Baligubadle ee xad la leh dalka Itoobiya, oo Somaliland y shidaalka meelo kale oo dhaqaale ahaan u wanaagsan ayada. Amarkaan ayaa waxa uu ku sheegay in looga gol leeyahay Maadaama ay Xukuumadda Somaliland la wareegtay Haamihii Shiidaalka, si loogu sameeyo suuq. Dhinaca kale dadka ku nool Magalada Bali-gubadle ayaa amarkan ka soo baxay Wasiirka Ganacsiga soomaaliland waxa ay ku sheegeen in ay tahay mid lagu cunaqabateynayo, islamarkaana ay ku lug leeyihiin Mas’uuliyiinta Xisbiga talada haya ee Kulmiye. Magalada Bali-gubadle ayaa waxaa Maalin walba shidaal farabadan uu uga imaan jiray dalka Itoobiya, balse laga mamnuucay, waxana tallaabada ay Soomaaliland qaaday weli ka hadlin dowladda Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  13. Riyadh (Caasimada Online) – Waxaa la wariyey in Sucuudiga ay Israel ka soo iibsadeen difaacca gantaalada, taas oo muujineysa heshiiska ay labada dal gaareen, sidaas waxaa laga soo xiganayaa dhawr ilo diblomaasiyadeed ah oo ay soo xigatay Khaleej Online. Sucuudiga kaliya siyaasadda kalama heshiin Israel, sidaas waxaa laga soo xiganayaa ilo wareedyo, laakiin waxa ay dooneysaa heer ay si aan gambasho lahayn ay uga soo iibsato hubso casri ah. Xiriirka Israel iyo Sucuudiga waxa uu hadda marayaa heerkii ugu wanaagsanaa abid. Wasiirka difaaca Israel, General Gadi Eisenkot, dhawaan wareysi uu siiyey Saudi Elaph oo ah wargeys fadhigiisu yahay Birtain ayaa sheegay in Israel ay diyaar u tahay in ay Sacuudiga la wadaagto sirdoonka si ay uga hortagaan saameynta Iran. Waxaa intaa dheer, sarkaal sare oo uga tirsanaa ciidanka Israel ayaa dhawaan laba kulan la yeeshay laba amiir oo reer Sucuudi ah aadna caan u ah, kuwaas oo xaqiijiyey in Israel aysan hadda wixii ka dambeeya cadaw u ahayd Sacuudi Careebiya. Ila wareedyadu waxa ay xaqiijiyeen in dhawaan Sacuudiga ugu qanciyey arintaas isaga oo u maray dhex dhexaadin xoog badan oo Mareykanka ah xilli kulanka seddex geysoodka ah ee sida sirta ah loogu qabtay Washington lagu qanciyey Israel in ay ka iibiso Iron Dome System (Habka looga hortago gantaalaha). Caasimada Online Xafiiska Jeddah Caasimada@live.com
  14. MOGADISHU (Caasimada Online) — Somalia’s Upper House of Federal Parliament has sent a delegation to headquarters of Puntland to mediate in the political crisis between regional states and the central government. The first delegation from the country’s Upper House departed from the airport in Somali capital Mogadishu to the headquarters of Puntland, according to source. The Senate’s standing committee led by Hon. Abdirahman Farole flew to Garowe town to defuse the escalating standoff in Somalia, a country now struggling with instability and poverty The Upper House’s efforts is seen as a significant step towards to defuse the latest political stalemate in Somalia. Last week, in a statement by Upper House has urged all regional leaders to stop current tension, calling for giving enough a chance to the mediation efforts. The row comes after regional leaders announced to have suspended all working relationships with the weak-western backed central government. In a bid to end the ongoing row, Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed invited all his regional leaders to join in an urgent meeting in Mogadishu that will be discussed on security, relations and war on Al-Shabaab and ISIL groups in Somalia. The latest ongoing political row is said to be threatening to derail the progress achieved by the Somali government battling with the deadliest Islamist group of Al Shabaab. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  15. Kenya’s Olympic champion Eliud Kipchoge pulverised the marathon world record with a blistering run on Sunday, to shave off a staggering 78 seconds off the previous best and land the one major running crown that had eluded him. Source: Hiiraan Online
  16. Suuqayada Magaalada Muqdisho ayaa laga la’yahay qaar ka mid ah noocyada khudaarta, kadib markii aysan sanadkan soo go’in dalayadooda. Ganacsatada ayaa sheegay in la la’yahay Liinta nooca loo yaqaan Bambeelmada iyo sidoo kale Cambaha. Ganacsatada ayaa ku sheegay sababta ay u maqanyihiin dalagyadaan dadkii beera leyda ahaa oo ka soo barakacay deegaannadoodii iyo colaado ka jira halkaasi. Axmed C/risaaq C/laahi oo ka mid ah ganacsatada Khudaarta ayaa Goobjoog News u sheegay in ilaa iyo hadda Suuqyada laga la’yahay dalagyada Cambaha iyo Liin Bambeelada. “Isbedelka Suuqa Khudaarta ka jira waxaa ay ka mid tahay,Khudaarta qaar waa ay go’aday kuwa go’ay waxaa ka mid ah Cambaha iyo Liin Bambeelada maqnaashaha labadan nuuc waxaa uu saameyn ku yeeshay dadweynaha oo aad u isticmaali jiray”. Dadka ka shaqeyn jiray dalagga beeraha ayaa noqday kuwo barakacyaal ah sidaas darteedna uu yaraaday abuurkii, waxaa ayna sababtay in dalagyo badan ay ka baxaan Suuqyada Khudaarta ee Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Hindiyo Abdulkadir, 18, and her family fled Somalia for Uganda nearly 11 years ago, following political instability back home. Source: Hiiraan Online
  18. Dhoobleey (Caasimadda Online) – Khasaa lixaad leh ayaa ka dhashay qarax aad u xooggan oo ciidamo Kenyaan ah lagula beegsaday deegaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya. Wararka ka imaanaya duleedka degmada Dhoobleey ayaa sheegaya in qarax aad u xooggan maanta baraqadii kolonyo katirsan ciidamada Melleteriga Kenya lagula beegsaday deegaan lagu magacaabo Taabto. Goob Joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qarax aad u xooggan kadib ay arkeen qiic iyo Uuro madoow oo cirka isku shareeray. Qaraxa ayaa haleelay gaari xamuul ah oo qeyb ka ahaa kolonyada ciidamada Melleteriga Kenya, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu burburiyay gaariga xamuulka ah ayna dhimasho iyo dhaawac noqdeen dhammaan ciidamadii gaariga saarnaa. Xarakada Al Shabaab ayaa war kooban oo ay soo saartay ku xaqiijisay in ay qarax ku weerartay kolonyo iidamo Kenyaan ah balse faah faahin dheeri ah kama bixin khasaaraha ka dhashay qaraxaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhoobley Caasimada@live.com
  19. Dad ka carreysan dad shalay lagu diley degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay xaafadaha ay ka kooban tahay degmadaasi. Bashiir Caydiid oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay Goobjoog in dadkan ay kasoo horjeedeen dil shalay Labo qof oo mid ka ka mid ah horey uga tirsanaa ciidanka NISA midna shacab ahaa u geysteen ciidamo ka tirsan Booliiska oo howlgal waday. Waxa uu sheegay in ciidanka ay dileen Labadan qof iyaga oo ku sheegay iney joogeen goob isbaaro ah. Ninka askariga ahaan jirey ee dhintey ayaa hubeysnaa, halka ninka kalena uu kus heegay in lagala degay gaari yar oo uu watey waa sida uu hadalka u dhigaye. Waxa ay dibadbaxayaasha ka codsadeen dowladda dhexe in maxkamad ay soo taagto askartii dishey Labadan qof iyo saraakiishii ammartay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Cod-Kaxka-Banaanbax.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. MOGADISHU — Roadside bomb explosion has ripped through an armored personell carrier with Kenyan soldiers near its border along Somalia. The explosion targeted Kenyan military soldiers travelling through near Dhobley, a town close to Somali-Kenya border, causing untold number of casualties. It is too early to say the exact number of soldiers who were killed or injured in the bomb explosion. The attack was immediately claimed by Al Qaeda linked Al Shabaab. There was no word from Kenyan military over the claims. The attack comes days after two people were killed and several others injured in bus ambush attack claimed by Al Shabaab in Kenya’s Garissa town. The explosions increasingly have been the weapons of choice for Al-Shabab, according to UN-mine action mission in Somalia. The group frequently targets Somali and AMISOM military convoys with roadside bomb explosions as part of their deadly ambushes on supply routes in south-central Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasiada@live.com
  21. MOGADISHU (Caasimada Online) — Somali Federal MP has serously injured in bomb explosion claimed by Al Qeda linked Al-Shabaab group in Somali capital Mogadishu. Hon. Mohamed Mursal Borow sustained injuries and his driver was killed after bomb explosives fitted into his vehicle exploded near National Theater area in the capital. Somali police says the injured lawmaker Borow had been taken into hospital runs by Turkish doctors in Mogadishu. The blast has partially destroyed the Borow’s vehicle. Somalia’s armed group Al Shabaab claimed the responsibility for the explosion through its website. The group vowed to rump up attacks targeting Somali lawmakers in the capital of Mogadishu. The Islamist group has been waging insuregency for more than 10 years in Somalia. The group, which once controlled much of Mogadishu capital in 2011, wants to topple the weak-western backed govenment of Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.co
  22. Cadaado[Puntland Post]-Golaha Wasiirada Dowlad goboleedka Galmudug ayaa looga yeeray inay si deg deg ah ku tagaan Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud xilli khilaafka Madaxda Galmudug uu sii xoogeysanayo. Warqad ka soo baxday Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa lagu sheegay in wasiirada Galmudug ay si deg deg ah ku tagaan Magalada Cadaado. Waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in Wasiirkii qaadan waaya amarka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ee tegi waayo cadaado lala xisaabtami doono. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Golaha Wasiirada Galmudug Oo looga Yeeray Magaaladda Cadaado appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wafdigii u horeeyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diro dowlad goboleedyada, si ay u baadigoobaan xalinta khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta u ambabaxay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland Wafdigan oo ka kooban Senataro ka tirsan Aqalka Sare iyo howl wadeeno ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxaana Garowe uga horeeya Senator C/raxmaan Faroole oo Guddoomiye u ah Wafdiga Aqalka Sare ee Puntland loo diray. Ujeedka Safarka maanta ay ku aadeyn guddiga ayaa lagu sheegay inuu yahay xog ururrin dhab ah iyo xal waara sidii loo heli lahaa. Wafdigan ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Puntland C/weli Cali Gaas iyo golayaasha dowlad goboleedka Puntland. Lama oga inta uu qaadan doono safarka wafdigan, hase ahaatee waxaa la filayaa in wixii ay kala soo kulmaan ay dib ula soo laaban doonaan Aqalka sare, si ay warbixin u siiyaan. Golaha Aqalka Sare oo shalay isugu yimid shir aanan caadi ahayn kana dhacay xarunta Aqalka Sare ayaa si wadar-ogol ah ku ansixiyay go’aankii Guddiga joogtada uu gaaray September 12, 2018 oo ahaa in loo diro Dowlad Goboleed kasta guddi soo baara una kuurgala xaaladda siyaasadeed, amni, nololeed, bulsho, iyo arrimaha federaalka ee ka jira Dowlad Goboleedyada, si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Dowlad Goboledyada isla markaasna xal loogu heli lahaa xaaladda hadda taagan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Wafdigii ugu horeeyey ee Golaha Aqalka Sare ee BaarlamaankaFederaalka Soomaaliya u diro Dowlad Goboleedyada dalka si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa saakaka ambabaxay Magaaladda Mogadishu. Wafdigan ayaa ku wajahan Dowlad Goboleedka Puntland, waa 10 Senator iyo 2 kaaliye, oo ujeedku yahay xog ururrin dhab ah iyo xal kagaarista khilaafkan soo noqnoqday ee ragaadiyay horumarka iyo magaca dowladnimada Soomaaliya. Golaha Aqalka Sare oo shalay isugu yimid shir aanan caadiahayn kana dhacay xarunta Aqalka Sare ayaa si wadar-ogol ah ku ansixiyay go’aankii Guuddiga joogtada uu gaarey September 12, 2018 oo ahaa in loo diro Dowlad Goboleedkasta guddi soo baara una kuurgala xaaladda siyaasadeed, amni, nololeed, bulsho, iyo arrimaha federaalka ee ka jira dowlad goboleedyada; si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah eeka jirta Dowlad Goboledyada isla markaasna xal loogu helilahaa xaaladda hadda taagan. Dowlad Goboleedyada dalka ayaa ku baaqay in la helo gacansaddexaad ee u istaagta dhamaynta khilaafkan iyada oo aqalka sare oo gudanaya wajibkiisa dastuuriga ahna uu u istaagay sidii xal waara looga gaari lahaa xaalkan murugsanee horseedi kara dib u dhac aanan si sahal ah looga soo Kansan lahaa Goobjoog News Source: goobjoog.com