Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    193,184
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (PP) ─ Waxaa warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa Inj. Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga UCID, isla markaana ka mid ahaa saddexdii musharrax ee u tartamay doorashada madaxnimo ee Somaliland, wuxuuna si kulul uga hadlay Doorashadii Somaliland dhawaan ka dhacday. Inj. Waraabe ayaa sheegay inay doorashada ku tartaameen xisbiyo, Haddana uu xisbi ka mid ah suulaystay. Wuxuuna ka digay inay dhibaato dhacdo isagoo sheegay inaan Reer Hargeysa iyo Beesha uu kasoo jeedo aysan marbana rabin inay dagaal ka qayb-gelaan. Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in Maxkamad lasoo taago raggii rabshadihii ka dhacay dhawaan magaalooyin ka tirsan Somaliland kiciyay, kuwaasoo ahaa kuwo ka dhashay doorashada madaxnimo ee Somaliland oo aan natiijadeedii weli lagu dahawaqqin. Dhinaca kale, Inj. Faysal Cali Waraabe ayaa eedayn dusha u saaray xisbiga WADDANI oo uu sheegay inay billaabeen hanaan beeleysi ah, isagoo xusay in doorashadu ay dhexmartay saddex xisbi oo reer Somaliland oo aan xilligaan loo baahnayn in beel-beel wax lagu raadiyo. Ugu dambeyn, Inj. Faysal Waraabe ayaa wuxuu hadalkiisu u muuqda inuu ku guulestay doorashadii madaxnimo ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku tartamayay magaca xisbiga talada dalkaasa haya ee KULMIYE, inkastoo aan weli si rasmi ah loogu dhawaaqin cidda doorashada ku guuleysatay. Haddaba, Daawo muuqaalka Shirka jaraa’id ee Inj. Faysal Cali Waraabe PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo si kulul uga hadlay Doorashadii ka dhacday Somaliland appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta Saldhiga Turkiga ee Magaalada Muqdisho booqday Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) iyo Saraakiil ka tirsan Taliska ciidamada Xoogga. Taliyaha ayaa halkaa ku gacanqaaday Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa tababarka u socdo oo gaaraya ilaa 400. Inta uu ku sugnaa Saldhiga ayaa waxa uu sidoo kale Taliyaha kulan la qaatay Saraakiisha Turkiga ee Tababarka siineysa Ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna ka dhageystay warbixin ku saabsan sida Tababarka uu u socdo. Gorod, waxa uu sidoo kale kormeeray qeybaha Cuntada, Jiifka, Tababarka iyo Fasalada ay ku wax ku bartaan ciidamada. Intaa kadib Gorod waxa uu Saraakiisha iyo ciidamada ku baraarujiyay in ay tababarka si wanaagsan kaga faa’iideystaan, maadaama uu yahay mid tayo fiican leh isla markaana ay tahay fursad qaali ah oo ay ciidamada u heleen inay ku tababartaan Saldhigan leh adeeg kasta oo ka jira Saldhigyada caalamka.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Siyaasiyiinta Mashaariicda kasoo qaatay dalka Imaaraadka Carabta ayaa Maalinta Arbacada ah ee Taariikhda ku beegan tahay 22 Bishaan iskula doodi doono Xaflad uu ku bixinayo lacag taasoo ka dhici doonto Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho. Xafladdaaan ayaa loogu magac daray (Dood furan oo uu Marti ku yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur), waxaana qof kasta oo ka qeybgalayo la siinayaa 100 Dollar si ay xafladda u noqoto mid camiran. Balse nasiib darro, sida aan xogta ku helnay dhammaan Saxafiyiintii lagu casuumay kulankaas way ka cudur daarteen kadib markii la fahmay qorshaha qarsoon ee uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka leeyahay kulankaas, maadaama uu rabo inuu kaligiis isla doodo, taasoo ka dhigan in ajande qarsoon uu ka leeyahay kulanka Arbacada. Wariyeyaal waaweyn oo uu ka codsaday in ay barnaamijka u camiraan ayaa ka diiday, wuxuuna mid kamid ah wariyaashaas Caasimadda u sheegay inuu hortiisa ku jeex jeexay waraaqdii Casuumadda. ” Maxaa doodda furay haddii uu albaabka ka xirtay dadkii la doodi lahaa. Alleylahe waa dood xiran oo xujo kale laga leeyahay ee ma aha mid furan” ayuu Caasimadda Online u sheegay mid kale oo kamid ahaa Wariyaashii lagu casuumay shirkaas ee qaadacay oo ka gaabsaday inaan warbixintaan ku xusno magackiisa. ” Qof kasta oo ka qeybgalayo Shirkaas waxaa la siinayaa 100 Dollar, marka dood dadka ka qeybgalayo lacag lagu siinayo maxay tahay ujeedka laga leeyahay, aniga ma fahmin, balse wax iga weyn ayaa jiro” ayuu sii raaciyey. Kulankaan ayaa wuxuu kamid yahay kulamada uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur qabanayey maalmihii ugu dambeeyey, waxaana la xaqiijiyey inuu Imaaraadka Carabta kasoo qaatay mashruuc uu dulaal ka ahaa Cumar Cabdishariid oo lagu doonayo in dalka xasilooni darro lagu geliyo. Cabdiraxmaan Cabdushakuur oo hore u iibsaday Badda Soomaaliya, ayaan weli ka quusan siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna dhawaan kamid ahaa musharixiintii isku soo taagtay Doorashadii ka dhacday Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Wasiirka maaliyadda ee dowladda federaalka ah Xil. Dr. Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa maanta golaha shacabka hor-geeyay miisaaniyadda 2018-ka. Miisaaniyadda 2017-ka waxaa ay aheyd $245.9 Milyan balse middan cusub waxaa lagu sameeyay isbadal yar. Wadarta Miisaaniyadda La Qoon-deeyay: Miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si ay u meel-mariso hawlaha u qorsheysan sanad miisaaniyadeedka ka bilaabanaya 1-da Janaayo 2018 kuna dhamaada 31, December 2018 ayaa si hoos ku qoran loo qoondeeyay dakhliga khasanadda iyo lacagaha kale ee dowladda, sida lagu qeexay jadwal-kan. Wadarta miisaaniyadda ee loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah iyo tan rasumaalka wa sidan: (B) Kharash-ka joogtada ah: US$ 260,171,727 (T) Kharashka Raasumaalka: US$ 14,458,464 Wadarta Guud: US$ 274,630,191 Haddii ay timaado hoos u dhac kharashaadka ah, waxaa mudnaanta la siin-doonaa: Raashiinka iyo Gunnooyinka ciidamada qalabka sida Khidmadda maaliyaddu ku shaqeyso(Banka iyo Gobolka) Mushaarooyinka/Gunooyinka shaqaalaha rayidka ah Gunnada Xildhibaannada iyo G/Wasiirada Mushaaraadka iyo Gunnooyinka gashibaxa ku jira ee ka soo wareegay sanadkii hore Adeegga iyo Agabka xafiisyada dowladda qaranka iyo gobollada Gashibaxa alaabta iyo qaamaha la hormarsaday Qeybta Laga Qaadayo Canshuurta shaqaalaha dowladda 0-200 dadka dakhligooda yahay waa 0 ama waxba lagama rabo. 201-800: waxaa laga rabaa: 6% 801-1,500 waxaa laga qaadayaa: 12% 1501 iyo wixii ka sareeyay: 18% Canshuuraha kale: Qaadka: 2.5 per Kg Noocyada Tobacco: $6 iyo midda magaadka $4, Sigaarka royal iyo Sports: $22, sigaar Benson $24. Bansiin iyo Gaas: $56.25, Naafto MT $50.00, Fuusto Bansiin: $12.50 iyo Fuusto Naafto, Gaas: $11.25 Canshuuraha soo degayaasha iyo dhoofayaasha: $30 Canshuurta Hotellada Muqdisho: 5% adeegga ay bixiyaan. Canshuurta iibka isgaarsiinta, Korontada iyo Biyaha: dhammaan shirkadaha isgaarsiinta, korontada iyo biyaha waxaa waajib ah in ay bixiyaan canshuurta iibka sida tacrifada ku cad jaantuska hoose Isgaarsiinta: 15%, Korontada: 5%, Biyaha: 5% iyo Internetka iyo TVyada: 5% Deeqaha ay Dowladda fileyso: Dowladda Turkiga oo sanadka laga helay 28,105,332 waxaa laga filayaa sanadka 2018-da illaa 20,000,000 Dalka Sacuudiga oo sanadkan waxba aan bixin sida miisaaniyadda ku qoran waxaa laga filayaa sanadka 2018-dda illaa 32,360,000, Dalka Qatar waxaa sanadkan ay bixiyeen 10,000,000 isla 10-kaas Milyan ayaa laga filayaa sanadka soo socda. Source: Caasimada.net
  5. Wasiirka maaliyadda ee dowladda federaalka ah Xil. Dr. Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa maanta golaha shacabka hor-geeyay miisaaniyadda 2018-ka. Miisaaniyadda 2017-ka waxaa ay aheyd $245.9 Milyan balse middan cusub waxaa lagu sameeyay isbadal yar. Wadarta Miisaaniyadda La Qoon-deeyay: Miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si ay u meel-mariso hawlaha u qorsheysan sanad miisaaniyadeedka ka bilaabanaya 1-da Janaayo 2018 kuna dhamaada 31, December 2018 ayaa si hoos ku qoran loo qoondeeyay dakhliga khasanadda iyo lacagaha kale ee dowladda, sida lagu qeexay jadwal-kan. Wadarta miisaaniyadda ee loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah iyo tan rasumaalka wa sidan: (B) Kharash-ka joogtada ah: US$ 260,171,727 (T) Kharashka Raasumaalka: US$ 14,458,464 Wadarta Guud: US$ 274,630,191 Haddii ay timaado hoos u dhac kharashaadka ah, waxaa mudnaanta la siin-doonaa: Raashiinka iyo Gunnooyinka ciidamada qalabka sida Khidmadda maaliyaddu ku shaqeyso(Banka iyo Gobolka) Mushaarooyinka/Gunooyinka shaqaalaha rayidka ah Gunnada Xildhibaannada iyo G/Wasiirada Mushaaraadka iyo Gunnooyinka gashibaxa ku jira ee ka soo wareegay sanadkii hore Adeegga iyo Agabka xafiisyada dowladda qaranka iyo gobollada Gashibaxa alaabta iyo qaamaha la hormarsaday Qeybta Laga Qaadayo Canshuurta shaqaalaha dowladda 0-200 dadka dakhligooda yahay waa 0 ama waxba lagama rabo. 201-800: waxaa laga rabaa: 6% 801-1,500 waxaa laga qaadayaa: 12% 1501 iyo wixii ka sareeyay: 18% Canshuuraha kale: Qaadka: 2.5 per kg Noocyada Tobacco: $6 iyo midda magaadka $4, Sigaarka royal iyo Sports: $22, sigaar Benson $24. Bansiin iyo Gaas: $56.25, Naafto MT $50.00, Fuusto Bansiin: $12.50 iyo Fuusto Naafto, Gaas: $11.25 Canshuuraha soo degayaasha iyo dhoofayaasha: $30 Canshuurta Hotellada Muqdisho: 5% adeegga ay bixiyaan. Canshuurta iibka isgaarsiinta, Korontada iyo Biyaha: dhammaan shirkadaha isgaarsiinta, korontada iyo biyaha waxaa waajib ah in ay bixiyaan canshuurta iibka sida tacrifada ku cad jaantuska hoose Isgaarsiinta: 15%, Korontada: 5%, Biyaha: 5% iyo Internetka iyo TVyada: 5% Deeqaha ay Dowladda fileyso: Dowladda Turkiga oo sanadka laga helay 28,,105,332 waxaa laga filayaa sanadka 2018-da illaa 20,000,000 Dalka Sacuudiga oo sanadkan waxba aan bixin sida miisaaniyadda ku qoran waxaa laga filayaa sanadka 2018-dda illaa 32,360,000, Dalka Qatar waxaa sanadkan ay bixiyeen 10,000,000 isla 10-kaas Milyan ayaa laga filayaa sanadka soo socda. Goobjoog News Qoraalkan waa mid u gaar ah, Goobjoog News Source
  6. Waxaan wali la sugayaa natiijadii doorashadii madaxtinimo ee 13-kii November todobaadkii hore ka dhacday Somaliland, taas oo ay ku dartamayeen saddexda musharax ee kala socda saddexda xisbi ee Kulmiye oo uu u sharaxanyahay Muuse Biixi, Waddani oo uu u sharaxanyahay Cabdiraxmaan Maxamed Ciro iyo Ucid oo uu u sharaxanyahay Faysal Cali Waraabe. Sidee u dhacday doorashada Somaliland? Somalilnad oo adduunku u aqoonsanyahay qeyb kamid ah Soomaaliya, balse iyadu isku magacowday Jamhuuriyad madax banaan ayaa la sheegay todobaadkii hore in ay noqoneyso goobtii ugu horeysay oo qaarada Afrika ah oo ay ka dhacdo codbixin dadku ay isticmaalayaan Aalada casriga ah ee loo yaqaan Iris, taas oo wajiga qofka aqoonsata haddii uu markale soo laabto. Balse doorashadii Somaliland ka dhacday ee 13-kii November todobaadkii hore ma noqon mid taariikhi ah, waxaana ka dhacay khaladaad fara-badan, kadib markii la sheegay in aan la isticmaalayn Aalada casriga ah ee loo yaqaan Iris oo wajiga qofka aqoonsata iyo yadoo la sheegay in la isticmaalay waraaqaha codeyna oo been abuur ah, iyadoo sidoo kale Kor-meerayaasha caalamiga ah ee doorashada ayaa soo bandhigay dal-daloolooyin dhowr ah oo dhacay. Maxay ka yiraahdeen Kor-meerayaasha caalamiga ah doorashada? Kor-meerayaasha caalamiga ah ee doorashada Somaliland goob-jooga ka haa ayaa qoraal hor-dhac ah oo ay soo saareen 15-kii November waxay ku sheegeen in doorashadu u dhacday qaab wanaagsan, balse waxay soo bandhigeen dal-daloolooyin ka muuqday qaabka ay u socotay doorashadu, iyagoo sheegay in hanaanka wacyigalintu ay aad u liidatay taasina keentay in dad badani ay garan waayaan goobaha ay codka ka dhiibanayaan. Kor-meerayaasha caalamiga ah ayaa sidoo kale qoraalkooda ku sheegay in ay ka war hayaan caruur aan gaarin da’da codeynta oo loo ogolaaday in codeeyaan. Sidoo kale Kor-meerayaasha caalamiga ah ayaa sheegay in qaabkii sirta ahaa ee loogu talagalay in uu codeeyuhu codkiisa ku dhiibto la kashifay ama banaanka la soo dhigay, sidoo kale dadka waayeelka ah ee u baahnaa caawinta cidii ay u codeyn la haayeen la is waydaariyay meelaha qaarkood, iyagoo intaas ku daray in dhawaan ay soo saari doonaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan doorashada Somaliland. Rabshado iyo isqab-qabsi ka dhacay Doorashada 15-kii November 2017 mudaraadyo ayaa ka dhacay magaalooyinka Burco , Hargeysa iyo Ceerigaabo, kadib markii xubno kamid ah xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ay sheegeen in musuq-maasuq ka dhacay doorashada, iyagoona wakiiladii matalayay kala baxay xarunta Gudiga doorashooyinka ee Hargeysa, rabshadahaas 3 ruux ayaa ku dhimatay tiro intaas ka badana way ku dhaawacmatay. Balse 18-kii November 2017ayaa is-afgarad laga gaaray cabashooyinkii xisbiga Waddani qabay,kadib labo maalmood oo wadahadalo u socdeen iyaga iyo guddiga doorashada Somaliland. Xisbiga Waddani ayaa xalay mar kale wakiiladiisa kala baxay Guddiga doorashada, kaddib markii ay sheegeen in Guddigu ay ka hor-istaageen in la baaro qaar kamid ah sanaadiiqdii laga keenay Gabiley, balse isla xalay ayay dib ugu soo noqdeen wakiiladii Waddani, kadib markii la xaliyay cabashadii ay qabeen. Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa tirinta codadka ugu danbeysiiyay magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley ee gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland, taas oo dhilisay shaki ah in lagu shubtay, iyagoo Muuse Biixi uu ka soo jeedo gobolkaas, waxayna tirinta codadka ee Gobolkaas qaadatay muddo shan bari ah, iyadoo la soo gaba-gabeeyay maanta galinkii hore. Todobaad ayaa ka soo wareegatay doorashadii dhacday Isniintii hore, waxaana xeerka doorashada ee Somalinad uu dhigayay in todobaad gudihiis lagu shaaciyo natiijada doorashada, wuxuuna waqtigaas ku ekaa saaka lixdii subaxnimo. Muxuu ka yiri doorashada Faysal Cali Waraabe? Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa amaanay qaabkii ay u dhacday doorashii madaxadtinimada Somaliland ee natiijadeeda weli la sugayo. Faysal Cali Waraabe oo siysaasadiisu u janjeerto xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa sheegay natiijada doorashada in la aqbalaa ay waajib tahay. Sidoo kale Faysal Cali Waraabe waxa uu canbaareeyay rabshadihii 15-kii November ka dhacay magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Ceerigaabo isagoo eedana saaray musharaxa xisbiga mucaaradka Waddani Cabdiraxmaan Ciro. Maxay isaga egyihiin doorashii 2003 iyo tan 2017? Doorashadii April 2003 ka dhacday Somaliland ayaa waxaa ku guuleystay Daahir Riyaale oo u sharaxna xisbigii markaa talada hayay ee Udub, isagoo helay dhan 205,595 oo u dhiganta 42.80% cod, halka Xisbiga Kulmiye oo uu markaa mucaarad aha uuna u sharaxnaa Axmed Siilaanyo uu helay 205,515 oo u dhigma 42.07% cod, sidoo kale Xisbiga Ucid oo u sharaxnaa Faysal Cali Waraabe ayaa helay 77,433 oo u dhiganta 15.85% cod. Doorashadaas 2003 oo Daahir Riyaale ku guulestay 80 cod oo kaliya ayaa la sheegay xiligaas lagu shubtay codadka, iyagoo xisbiga Kulmiye uu aa minsanaa in uu isagu guuleystay, inkastoo markii danbe lagu qanciya natiijada. Maxay noqon kartaa Natiijada doorasha hadda la sugayo? Muuse Biixi CabdiIyadoo dib loo xasuusto tii 2003 ayaa la aaminsan yahay in doorashada natiijadeeda la sugayo uu ku guuleysan doono xisbiga talada haya ee Kulmiye oo uu madaxweyne ugu sharaxanyahay Muuse Biixi Cabdi. Natiijada oo ilaa caawa fiidkii soo bixi doontaa ayaa wararka xog ogaal ah oo aan helnay sheegayaan in Guddigu ay si hor-dhac ah ugu dhawaaqi doonaan in uu guuleystay xisbiga Kumiye ee Muuse Biixi, waxaana hadda socota sidii xisbiga Waddani ee Cabdiraxmaan Ciro loogu qancin lahaa natiijada soo bixi doonta. PUNTLAND POST Hargeysa The post Faallo: Muuse Biixi oo noqon doona Madaxweynaha Somaliland appeared first on Puntland Post.
  7. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ee saaka 20 Nov 2017 u ambabxay dalka Ethiopia ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkaasi, safarka Madaxweynaha ayaa yimid kadib markuu casumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Hailemariam Desalegn. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa kusoo dhoweeyey Wasiirada Arrimaha Dibadda, Gacasiga, Gaashandhigga, saraakiil ka tirsan Xasiifka Ra’iisul Wasaaraha iyo qunsulka Guud ee Qunsuliyada Ethiopia ee Soomaaliya. Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxa ay kulan gaara kula qaaten qolka nasashada [VIP] ee garoonka diyaaradaha Addis Ababa Wasiirada Arrimaha Dibadda, Gacasiga, Gaashandhigga ee dalkaasi Ethiopia, iyo Qunsulka Guud ee Qunsuliyadda Ethiopia ee Soomaaliya Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiirada dawladda dhexe ee Ethiopia ayaa waxa uu hordhac u yahay kulamo uu Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas la qaadan doono Madaxda ugu saraysa ee dalka Kaasi Ethiopia oo lagaga arrinsan doono arrimo laxidhiidha ganacsi ee Puntland iyo Ethiopia ka dhexeeya, Amaanka iyo Siyaasadda guud ee Puntland iyo Soomaaliya oo dhanba. Safarka Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa yimid kadib casumaad rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Hailemariam Desalegn, waxaana Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopa yeelan doonaan melinimada berito ee foodda inagu soo haysa kulan koodii ugu horeeyey ee safarkani. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wefti Balaandhan oo Uu Hogaaminayey oo Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyey Addis Ababa. appeared first on Puntland Post.
  8. Munaasabadda xuska maalinta Caruurta adduunka ayaa maanta lagu qabtay xarunta gabdhaha agoonta degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin u dooda xuquuqda caruurta. Sagal Cali Maxamuud oo kamid ah mas’uuliyiinta hay’adda Tubta Nabadda Soomaaliyeed waxay sheegtay in carruurta Soomaaliyeed ay hadda ku sugan yihiin dhibaatooyin aad u xooggan oo ay kamid yihiin askareynta iyo in lagu shaqeysto iyaga oo aan gaarin da’da shaqada. Waxay Sagal dowladda iyo hay’adaha kaleba ugu baaqday in laga shaqeeyo badbaadinta caruurta Soomaaliyeed. Qaar kamid ah carruurta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwii ka qeybgalay munaasabadda ayaa ka digey in caruurta lagu shaqeysto, sidoo kalena la askareeyo. “Waxaan wargelin lahaa dowladda iyo hooyooyinka in caruurta laga dhaafo ku shaqeysiga iyo askareynta, waxaan leeyahay hooyooyinka in maanta oo kale caruurta laga farxiyo, sababtoo ah waa maalin caan ah, xuska maalinta caruurta adduunka” sidaasi waxa tiri Canab Xasan Cismaan. Carruurta Soomaaliyeed ayaa ah kuwo u baahan daryeel wanaagsan, sidoo kalena ka nabad gala qataraha dalka ka jira. Goobjoog News Source
  9. Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe. Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa la sheegay iney jidka u galeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan. Inta la xaqiijiyey 2 qof ayaa ku dhimatay dagaalkaasi, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay. Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo dhaawac kasoo gaaray dagaalkan ayaa la xaqiijiyey in la gaarsiiyey isbitaalka degmada Jowhar. Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe iyo sharaakiisha ciidamada dowladda ee gobolkaasi weli wax faah faahin ah kama aanay bixin dagaalkan dhacay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source
  10. Sida uu daabacay Wargeyska Daily Nation, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale shaqaaleysiiyay Senator-ka howl-gab-ka ah ee Alfonse Marcello D’Amato, sidii uu Soomaaliya uga iibin lahaa maamulka Trump. Heshiiska waxaa uu dhigayaa in dowladda federaalka ah ay bishii siiso shirkad uu madax ka yahay Alfonse Marcello D’Amato lacag dhan $120,000, Alfonse waa mas’uul ka tirsan xisbiga jamhuuriga oo uu wakiil uga ahaa gobolka New York isaga oo aqalka Senate-ka Mareykanka ku jiray 1981-1999. Isla heshiiska waxaa ku jira in la siiso shirkadda Mr. D’Amato ee Park Strategies sanadkii lacag aan ka badneyn $36,000 oo ku bixi-doono jid iyo jiif. Xiriirka Shirkadda PARK STRATEGIES Iyo Dowladda Soomaaliya: Alfonse Marcello D’Amato iyo shirkadiisa waa markii 2aad ee ay la shaqeeyaan maamulka Farmaajo, iyada oo xilligii uu ra’iisul wasaaraha ahaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo, bishii March 2011-kii uu la galay Alfonse Marcello D’Amato iyo PARK STRATEGIES heshiis ay bil walba qaadan jireen $20,000 iyo lacag aan ka badneyn sanadkii $36,000 oo jid iyo jiif ah. Mr. Farmaajo waxaa uu xilligaas sheegay in muqaddas tahay in codka dowladda Soomaaliya laga maqlo Washington. Halkan Ka Akhriso, qoraal Ka Soo Baxay Xafiiska Ra’isul Wasaare Farmaajo March 21, 2011-kii: Halkan Ka Akhriso: Heshiiska uu 2011-kii Ra’iisul wasaare Farmaajo La Saxiixday Shirkadda PARK STRATEGIES March 2011-kii, Si Aad U Akhriso Heshiiska Halka Guji: park_strategies Qoraal ay shirkadda PARK STRATEGIES u gudbisay waaxda garsoorka Mareykanka waxaa ay ku sheegtay in ay dowladda Soomaaliya heshiis la galay March 2011-kii, heshiis-kaas oo hal sano ahaa, waxaa ay heshay lacag 3 bil ah illaa June 2011-kii, markii uu Farmaajo iska casilay jagada kadib “Kampala Accord” shirkadda lacagtii la siin-jiray waa laga joojiyay, sida ku cad qoraalka hoose. Heshiiskan Cusub Ee Shirkadda PARK STRATEGIES: Warqado loo gudbiyay wasaaradda cadaaladda Mareykanka waxaa ay dowladda Soomaaliya ballan-qaaday in lacagta ku bixi-doonta Mr D’Amato iyo shirkadiisa aan laga bixin-doono deeqaha beesha caalamka iyo lacagaha loogu talo-galay gar-gaarka arrimaha banii’aadamka. “Shirkadda Park Strategies waxaa ay ku hadli-doontaa afka jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa ay shaqadeeda tahay in ay wanaajiso xiriirka dowladda Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka” Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ka go’an tahay sidii ay u wanaajin laheyd xiriirka kala dhaxeeyay Mareykanka. Howl-galka AMISOM: Mareykanka waxaa uu 10-kii sano ee la soo dhaafay illaa $2 billion ku bixiyay arrimo la xiriira Banii’aadnimada iyo hor-u-marka Soomaaliya. Waxaa intaasi dheer, Washington waxaa ay $900 million ku taageertaa AMISOM. Lacag kale oo dhan $720 million waxaa ay Mareykanka u taageereen howl-gallada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. Ciidamada Mareykanka ah ee hadda ku sugan Soomaaliya waa illaa 5oo, waxaa ay tababar iyo taageero kale siiyaay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Arrimaha Musuqa: Waxaa jira saraakiil Mareykanka u soo jeediyay in wax laga badalo la dhaqankiisa hey’adaha dowliga ah ee Soomaaliya sababtana waxaa lagu sheegay in musuq uu ka buuxo siyaasiyiinta iyo militariga. Ujeedka Heshiiska Ma Lagaaray? Heshiiskan cusub iyo midkii horeba waxaa uu ujeedkiisu yahay in shirkadda ka shaqeyso sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen labada dal iyo sidii kaalmo dhinac walbo oo toos ah Mareykanka u siin lahaa dowladda Soomaaliya, waxaa intaas dheer in Muqdisho la tiro arrimaha musuqa iyo maamul xumada. Hadaba, Goobjoog News waxaa ay xiriir la sameysay saraakiisha wasaaradda arrimaha dibadda oo ay ugu horeeyo wasiirka iyo madaxda kale, intaba nooma suuro-gelin in aan helno. Goobjoog News Source
  11. Bosaso-[Puntland Post] Bannaanbax ka dhan ah Shirkadda P&O PORT oo la wareegtay gacan ku hanta Dekadda. ayaa maalintii 2-aad ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dadka bannaanbaxa dhigayay oo u badnaa Haween, ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin ”Waa in si dag adg ah loo dhameeyo Khilaafka Dekadda”, waxaana ay socod kuso mareen qaar ka mid ah Waddooyinka magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari. Bannaanbaxa ayaa ahaa mid Nabadeed, mana jirin wax dhibaato ah oo ka dhacay sida kuwii ka horeeyay oo dad ay ku dhinteen, laguna burburiyay Hanti. Dhinaca kale gudoomiyaha gobalka Bari, Yuusuf Maxamed Waceys [Dhado] oo warbahinta Boosaaso kula hadlay aya eeden u Jeediyey dad uu ku sheegay in ay ka danbeeyaan kicinta shacabka reer Puntland gaar ahaan kuwa Boosaaso. Gudoomiye Dhado waxa uu sheegay in dadkaasi ay ku jiraan Nabadoono iyo dad wax garad ah, lakiin ay iyagu ay garawsadeen in ay shacbaka ay adeegsadan isla markan ay talaabo sharci ah ka qaadi doonan. Lama oga sida ay xaaladu noqon doonto, hasa yeeshe waxaa dadku ay ka cabanayaan in maamulka P&O PORT ee Dekadda Boosaaso uu ku keenay sicir barar dhinaca cunatada ah. Cabdiqani Boos Puntland Post – Bosaso The post Daawo:- Mudaharaadyo maanta ka dhacay Bosaso iyo Maamulka gobalka Bari oo ka hadlay appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kala hadlay Shariif Xaaladda Soomaaliya iyo sidookale sidii uu kaga qeyb qaadan lahaa dejinta Xiisaddaha kala duwan ee ay wajaheyso Xukuumadda Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Shariif booqashada uu maanta ugu yimid, wuxuna tilmaamay mudane shariif inuu yahay muwaadin dalkiisa wax badan u soo qabtay mudadii uu xilka hayay, xiligana diyaar u ah inuu wixii tallo ku biiriyo madaxda qaranka. Sheekh Shariif ayaa ka mid ah Shaqsiyaadka ah sameyn weyn ku leh Siyaasadda Soomaaliya, waxaana uu dhawaan dib ugu soo laabtay Soomaaliya. Waxaa sidoo kale soo baxayay maalmihii lasoo dhaafay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay xil u magacowdo Sheekh Shariif.
  13. Muqdisho (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerartay Gaari ay saarnaayeen ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda xilli ay marayeen inta u dhexeysa degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa lagu dilay weerarkaas oo ahaa mid qorsheysan, halka afar askari oo kalena lagu dhaawacay, iyadoo la sheegay in gaariga iyo ciidamaduba ay kusii socdeen degmada Jowhar oo ah xarunta maamulka Hirshabeelle. Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Golaley, waxaana la sheegay inay ka baxsadeen goobta kooxihii rasaaseeyay askartan. Inkastoo ay dableyda iyo ciidamadii dowladda ee weerarka ka badbaaday ay qadar kooban ay dhex-martay is-rasaaseyn. Inkastoo aysan weli maamulka Hirshabelle iyo Dowladda Somalia aysan ka hadlin weerarkan ayaa haddana Al-shabaab waxay sheegtay inay weerarkan ka dambeysay, ayna ku dileen laba laba askari shan kalena ay dhaawacyo u geysteen, isla markaana ay ka furteen hub. Dhanka kale, Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli madaxweynaha maamulka Hirshabelle uu maamlo ka hor sheegay inaan lagala tashan maamulkiisa weerarkii Al-shabaab lagu qaaday ee ka dhacay deegaan ku dhaw Degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe. Ugu dambeyn, Weerarkan maanta ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa qalqal ku abuuri kara mas’uuliyiinta Hirshabelle oo badankood adeegsada Waddadan marka laga reebo madaxda sar-sare oo iyagu raaca diyaarad. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo Weerartay Ciidammo ka Tirsan kuwa Dowlada oo ku socday degmada Jowhar appeared first on Puntland Post.
  14. Ankara (Caasimadda Online) – Ilaa 21 Siyaasi oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee DFS, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed iyoF aarax Sheekh C/qaadir ayaa lagu soo waramay inuu Kulan Siyaasadeed uga furmay Caasimadda dalka Turkiga ee Ankara. Ilo ku dhowdhow Kulankaasi ayaa sheegay inay Siyaasiyiinta Kooxda Qabyo ka wada hadlayaan Qorshadooda Siyaasadeed ee Mustaqbalka iyo Falaanqeyn lagu mucaaradayo DFS iyo sidii loo minjixaabin lahaa Dowladda Farmaajo. Wasiiro hore iyo Xildhibaano ka tirsan BFS, oo maalmihii la soo dhaafay ka dhoofay Muqdisho ayaa lagu soo waramay inay ka qeyb galayaan Kulan Siyaasadeedka ka furmay magaalladda Ankara, kuwaasi oo ay ka mid yihiin: Wasiiradii hore ee Amniga, Arrimaha Gudaha, Wasiiru-dowlihii Madaxtooyadda, Agaasimihii iyo Ku-xigeenkii hore ee Madaxtooyadda ee Dowladdii Xasan Sheekh, kuwaasi oo haatan dhamaantooda ah Xildhibaano. Sidoo kale, Kulankaasi ayaa la sheegay in lagu dejin doono Istaraatijiyadda Siyaasiyiinta Qabyo ee Fursadaha Doorashadda soo socoto, inkastoo ay Siyaasiyiintaasi ku kala qeybsan yihiin Murashax ay ku mideysan yihiin. Madaxweynihii hore ee DFS, Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu isagu noqdo Murashax Madaxweyne, balse xubno kale ayaa ku taliyey in Xubin Cusub lagu tijaabiyo Doorashada soo socota. Si kastaba ha ahaatee. Shirka Siyaasiyiinta Kooxda Qabyo uga socda magaalladda Ankara ayaa ah Kulan-siyaadaeedkii ugu ballaarnaa oo ay yeeshaan tan iyo markii Xasan Sheekh looga guuleystay Doorashadii Madaxtinimadda ee dhacday bishii Feberaayo 8-dii ee sannadkan, taasi oo uu ku guuleystay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo. isha: RADIO DALSAN Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Abu Dhabi (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegayo inuu daqiiqado ka hor furmay Shirkii uu dhaxeeyey Madaxda ugu sareyso dalkaas iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shirkaas oo ah mid xasaasi ah oo ku saabsan sidii loo soo dhameyn lahaa mugdiga yar ee soo kala dhex galay dowladda Imaaraadka Carabta iyo Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa arrintaas ka wada hadlayo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Dhaxal Sugaha dalka Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Zayed. Qodobada ugu muhiimsan ee shirkaas looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah sida aan kasoo xiganay ilo wareedyo ka tirsan Wafdiga Madaxweynaha : In la tixgaliyo go’aanka Soomaaliya ee dhex dhexaadnimada ahaa oo ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka. Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka. Inay Imaaraadka ka qeyb qaadato dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab. In meesha laga saaro dhammaan mugyadii labada dhinac soo kala dhex galay Wararka hordhac ah ee aan hadda ka heleyno shirka ayaa sheegayo inay dowladda Imaaraadka Carabta muujineyso dabacsanaan siyaasadeed isla markaasna ay diyaar u tahay inay dowladda Soomaaliya ku tixgeliso go’aankii ay ka qaadatay Khilaafka Dowladaha Khaliijka sida ay sameeyeen dowladaha Sacuudiga iyo Masar oo Soomaaliya la leh xiriir wanaagsan. Kulanka ayaa ku bilowday qaab wanaagsan, waxaana la filayaa inay labada dhinac wada gaaraan heshiis, waxaana dhawaan idiin soo gudbineynaa natiijada kasoo baxdo kulankaas oo qodobeysan Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu Hogaaminayo ayaa maanta 20 Nov 2017 Safar shaqo ugu ambabaxay dalka Ethiopia. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe kusii sagootiyey Madaxweyne ku-Xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, qaar kamidda saraakiisha ciidamada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay muhiimadda safarkisa ayaa sheegay inuu dalka Ethiopia gaar ahaan caasimadda dalkassi u aadidoono arrimo la xidhiidha Ganacsiga, Amaanka iyo Siyaasadda guud ee Puntland iyo Soomaaliya, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in safarkiisu qaadan doono muddo shan cisho ah. “waxaan saaka u safraynaa aniga iyo weftigayguba magaalada Addis-Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia oo aan ku tegi doono socdaal muddo shan cisho ah oo ah safar shaqo, kaas oo aanu rabno inaanu dawladda Ethiopia kala soo xaajoono hawlo badan oo la xidhiidha dhanka Amniga, Ganacsiga iyo Siyaasadda guud ee Puntland iyo Soomaaliya oo dhanba” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in isaga iyo weftigiisuba kulamo la qaadan doonaan madaxda dalkaasi ugu saraysa, isla markaana ay kala xaajoon doonaan arrimaha kor-kuxusan, waxaana uu Madaxweynuhu Alle ‘SWC’ ka rajeeyey inuu safarkoodu kuso dhammaado Guul. “Waxaan is arki doonaa Madaxda ugu saraysa dalkaasi ‘INSHA ALLA’, waxaanna rajaynayaa inuu guul kusoo dhammaado safar-kayagu” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo safar Shaqo ugu ambabaxay Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  17. Hogaamiyaha sare ee dalka ma mooga inuu awooda ku yimid danleey ay gacmo dufan leh, dano gaara isku dhaafsadeen, shacabkana waa u muuqataa maanta dadka ku wareegsan iney ka turjumayaan danahii qarsoonaa ee la is dhaafsaday. Hogaamiyuhu waa ka leexday wixii loo doortay oo ahayd u adeegida danta guud iyo maslaxada dalka, wuxuuna taas bedelkeeda doorbiday u adeegida maslaxada dadkii maalgeliyey doorashadiisa oo dhamaantood aan wax miisaana ku lahayn bulshooyinka ay ka kooban tahay shacabka guud oo ay ku abtirsadaan beelaha waaweyn ee Soomaalida. Tiro yarida ay ka soo jeedaan ka sokow waxaa u wehlisa aragti la’aan sababtay qorshexumo in lagu hago xukuumadda iyo isxayeysiin aan ku habooneyn madax qaran oo aan waxqabad lahayn. Beenabuurka shaqsiyaad guulwadayaal loo soo watay ee lagu dheelitirayo awoodqeybsiga beelaha oo ah waxaan dhab ahaan u jirin waxa keliya ee dhaqanxumadaas looga hortegi karo waa in qaranka Soomaaliyeed laga qabto mariinhabaabiyeyaashaas inta aysan soo dhaafin xarkaha waabiya xuduudaha dowladnimo ku dhaqanka. Ma arag mana maqal xukunka dadka tirada yar oo ka libin keena mucaaradka dadka tirada badan, taas oo ka horimaaneysa murtida addunka ka caanbaxday ee oraneysa”xukunka inta badan iyo xaqsiinta inta yar.” Inkastoo aar libaax koox waraabaa ay ka dhigaan dibed joog oo uu ka wareegto goobta ay taalo raqdu, waxaan shaki lahayn markuu gurxanka iyo boor sayrinta uu isku daro iney gariirto qalbiyada duhurjoogta aan garaadka lahayn, oo marka carada iyo ciilku ku batana uu shafka kudaha u dhigo coomaadiga calooshooda la ciyaarka ah. Waxaa xasuus mudan sidoo kale hooyadu amarada ay siineyso carruurteeda waxey ugu gudbisa fariin codsiya, marka ilmuhu ka dhego adeygaan fulinta codsigeeda ayey la kulmaan dharbaaxo ku dhacda wajigooda, markaas ayey xaqiiqsadaan in codsiga hooyadu ay tahay amar lagu qasban yahay in la fuliyo. Wadanka weli kama aysan hirgelin talada xisbiyada lagu hogaaminayo dalka oo marka ay dhacdo xisbiga ku guuleysta codadka badan ay soo dhisayaan xukuumad ku kooban xubnaha xisbigooda, taas waxey ka turjumeysaa in talada dalka lagu saleeyo talowadaag oo aysan dhicin in koox ay si gaara talada dalka gacmahooda keliya ku soo koobaan, inta kalena ka dhigaan gaaf wareeg go’ loo hurgufo. Mucaaradnimadu shil ahaan kuma curato, laakiin waxey ku timaadaa qorshe siyaasadeed oo xeeladeysan oo ka dhasha guuldarada xukuumadda iyo hogaanxumada madaxda dowladda, waxeyna xal u tahay badbaado qaran oo fashilka bedelkiisa la yimaada aragti siyaasadeed oo ka hortagta burbur ku yimaada qaranka. Wanaagii loo galay hogaamiyaha dalka waa abaal qasaaray mar haddii uu ka dhumay mariinkii saxda ahaa ee ku dhisnaa dowladnimo wanaaga, taas bedelkeedna uu soo aruursaday raxan ah dalaaley, oo haddana ah daneysteyaal ku soo bulaalay musuq iyo xaaraan ugu adeegida danaha shisheeye, waana soo ifbaxday sida muuqata oo laga sugayey aayoxumada uu ka dhaxlay, iyo waxa ay kula dambeyn doonto legdan masrixiyeedka uu kula jiro mucaaradka ay tiro badidoodu sii xoogeysaneyso. Shacabka ayaa garsoore ka ah dhanka ay sida dhabta ah ugu cadaato dhaliishu, laakiin waxaa marag ma doonto noqon doonta in madaxda dowladdu ama ha adeegsato qabiilada yar yar ama ha codsato xukun ku haynta ciidamada Xabashida, ama ha u gacan haatiso boqortooyooyinka yar yar ee Carabta, ama lacagta gargaarka loogu keeno ha u adeegsato dacaayad iyo isxayeysiin, in ay hubaal noqon doonto in hogaanka dalka talisnimadiisu ay saqiirnimo ku dhimaneyso. Siyaasadda Soomaaliya waxaa markasta bud-dhig u ahaa qabiilka, kooxeysiga diinta, danta iyo lacagta. Miisaanka awood qeybsiga siyaasadeed ee dowladdu maanta ay ku dhisan tahay waa isku dheelitirka awood qeybsi qabiilada. Dowladda maanta waxey ku shaqeyneysaa fikirka qabyaaladda waayo jagooyinka qaar waxaa loo asteeyey qabiilo gaara. Tusaale, marka la doortay madaxweynaha waxaa raisulwasaaraha loo qoondeeyey qof ka qabiil duwan madaxweynaha. marka la magacaabayo gudoomiyaha maxkamada sare waxaa loo astaameeyey qabiil gooniya. Markii la ridey gudoomiyeyaasha Galmudug iyo Hirshabeele, labadaba waxaa loo qoondeeyey qabiilo gooniya. Sidoo kale gudoomiyaha baarlamaanka iyo gudoomiyaha magaalada Muqdisho waxaa la siiyey qabiilo gaara. Waxaa intaas wehlisa marka la tago maamulada gobolada ama wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya in meelahaas oo dhan cida joogta ay u adeegeyso waxqabadka qabiilada ay ka soo jeedaan, haddii ay noqoto shaqo siinta ama qandaraas bixinta. Marka goorma ayuu madaxweynaha garwaaqsan in dowladiisu ay ku shaqeysato danaha qabiilada oo uu maalin kasta la kulmayo odeyaashooda dhaqanka, meesha laga sugayey inuu xukuumadiisa u dejiyo qorshihii ay hayadaha dowladu ku hawlgeli lahayeen oo shacabka ay ugu fidin lahayeen adeegyada lagama maarmaanka ah oo ay ka sugayaan. Madaxweynuhu wuxuu ku eedeeyey mucaraadka inay dowladiisa ku duminayaan qabyaalad, isaga oo ula jeeda in dowladdiisu ay xaq u leedahay iney ku shaqeysan karto qabiilada oo beeshey doonto u adeegsan karto iney ku waxyeeleyso dadka ay siyaasadda ku bartilmaameysanayaan, laakiinse ay ka reeban tahay mucaaradka iney la kulmaan qeybaha kala duwan ee bulshafda Soomaaliyeed, haddii sidaas dhacdana ay banaan tahay in taageerayaasha mucaaradka lagu sunto iney yihiin qabiilo dowladiisa duminaya. Tani waxey i xasuusineysaa dhaqankii dowladda Kacaanka Oktober oo ku maamulaneysey qabiilkla, haddana qabyaaladda ku dhaliileysey, kuna dileysey mucaaradka. Waxey sidoo kale tani ii soo xasuusineysaa kooxdii hogaamineysey Maxkamadaha Islaamka oo awooda qabiil ku qeybsaday haddana muujinayey iney qabyaaladda la dagaalamayaan oo diinta wax ku maamulayaan. Waxaa si gaara aad isugu dhaqan dhow hogaankii Maxkamadaha Islaamka iyo hogaanka dowladda maanta jirta, waxeyna ka mideysan yihiin si hoose u adeegsiga qabyaaladda, adeegsiga wadaniyad beenabuura, fudeydka dagaal jaceylka, dagaalgelinta dhalinta da’da yar, iyo ka ka wada amar qaadashada boqortooyo yar oo Caraba. Waxaa fiiro gaara mudan in dowladdii kacaanka ay ku liibaantey adeegsiga shaqsiyaad laangaaba iyo haweenka, kuwaas oo loo adeegsan jirey waxyeeleynta shaqsiyaadka iyo beelaha lagu tuhmayey mucaaradnimada. Taas macnaheedu ma ahan in xeeladaas mar labaad ay guuleysaneyso waayo duruusteeda ayaa horay loo soo qaatay, waxaana isku daygoodii ay ku adeegsanayeen ku fashilmay Maxkamadaha Islaamka iyo dowladihii ka dambeeyey, sidaas si la midana dowladda maanta jirta waxey raacday mariinkii madoobaa oo hoobadkeeda ay cagta saartay. Madaxweynaha ayaa mucaaradkiisa mar kale ku eedeeyey iney yihiin Danleey, wuxuuna fahamsan yahay siyaasadu iney u adeegto dano, ha ahaato mid guud ama mid gaara. Waxaana marag ma doonto ah inuu awooda ku yimid taageerada koox danley ah oo ka kooban shisheeye iyo Soomaali isku jira. Marka cabirka siyaasadeed lagu saleeyo xaqiiqda waxaa iska cad in madaxda dowladu ay tahay mida awooda dowladda u adeegsata danahooda gaarka ah, mucaaradkuna ay fikirkooda ku difaacaan danta iyo maslaxada guud ee dalka. Tusmo gaaban waxaa kuugu filan in madaxweynuhu marka uu booqashooyin ku tegey Sacuudiga iyo Imaraadka, in tabashadiisa looga xaal mariyey sida muuqata qancinta danahiisa gaar ahaaneed oo sooryo lacageed iyo Dahaba lagu maamuusay, wuxuuna booqashadiisa kadib ka gaabsaday inuu si cad uga hadlo mashkiladaha Soomaaliya dalalkaas kala dhexeeyey iyo xaaladoodu waxa ay ku dambeysey. Waxaan sidoo kale xasuusanaa in taliyaha ciidanka XDS uu feejignaan iyo digniin ka bixiyey boqortooyo Carabeed oo gudaha Muqdisho ka abaabulatey ciidan ay ka soo xulatay dadka laga tirada badan yahay, tababar ciidana u furatay beelahaas, markii madaxda sare ay maqli weysana uu isaga tegey xilkii uu hayey. Waxaan wada ogsoonahay in dhismihii ciidanka qaranka Soomaaliyeed lagu heshiiyey in hab qabiil loo qeybsado oo loo maro maamul goboleedyada meesha ay ahayd in wasaaradda difaaca iyo saraakiisheeda loo xilsaaro in Soomaalida oo dhan ay ka soo qoraan ciidanka cidii daneyneysa oo buuxisa shuruudaha looga baahan yahay iyadoo aan lagu xirin qabiilkiisa. Madaxweynuhu yuu u sheegayaa daneysi iyo qabyaalad iney dowladiisu ka hufan tahay, yeyse tahay cida ka dhegeysaneysa in mucaaradku meel cidlo ah ay ka maagayaan iyadoo aysan dowladiisu tabareysan!!! Soomaaliya waa dal xor ah, mana muuqato sabab dib loogu xoreeyo, laakiinse waxaa ka maqan oo aysan haysan dowlad leh hogaamin wanaagsan, waxeyna madaxda sare ee dowladda ku guuldareysteen in kalsoonidii lagu doortay ay himilooyinkeedi meelmarin waayeen, waxeyna xeelad ahaan u adeegsadaan marka ay u cadaato guuldarrada iyo fashilka ku timaada hogaamintooda iney eeda dusha ka saaraan mucaaradkooda ama ay isaga leexiyaan cadaw aan muuqan oo ku haya colaad aan jirin. Madaxdaas waxey jeclaan lahayeen in guuldarrada iyo fashilka hogaamintooda lagu taageero oo loogu guulwadeeyo, waxeyna inta badan maskaxdooda si dhalanteeda uga dhaadhiciyeen inaan la mucaaradi karin inta ay ka dhameysanayaan wakhtiga ka dhiman xilalkooda. Mucaaradnimadu waa astaan wanaagsan oo ay leeyihiin bulshooyinka xorta ah. Haddii aan la mucaaradi lahayn gumeysigii, dalku maanta xor ma ahaadeen oo haddii aan la mucaaradi lahayn xukunkii kelitaliska ahaa, dalku maanta ma haweysteen inuu noqdo. Cidda ku hamineysa dalku inuu mucaarad la’aan ahaado waxaa qalbigooda ku duugan hilowga ay u qabaan dhaqangelinta xukunka kalitelisnimada, waxaana xaqiiqa in madaxda iyo mucaaradka ay shacabku yihiin kuwo u dhexeeya oo cid walba ay la wadaageyso aragtida wadanka lagu hormarinayo, taas oo qaabeeysa dareenka iyo ra’yiga dadweynuhu ka qaadanayo marxaladda ay mareyso dowladoodu. Madaxda dalka oo dhaqaalaha iyo awooda dalka gacanta ku heysta haddii ay kasban waayeen qalbiyada shacabka oo ka sugayey waxqabadka, waa liidnimo iney ku meermeereystaan in mucaaradku ka horkeenay shacabka, waxeyna taas astaan tilmaameysa u tahay rajobeelka hogaamineed ee laga dhaxlay. Siyaasiyiinta madaxabanaan waxey ka falcelinayaan tilaabooyinka sida qaldan loo qaaday, waxeyna ka digayaan cawaaqibxumada ka dhalan karta hogaaminta xun. Waxaan shaki lahayn hogaamiyaha dalku inuu raacay mariinkii ay ku turaanturoodeen madaxdii ka horeysey oo uu la iman waayey waxqabad muuqda, sidaas daradeedna ay waajib ku tahay siyaasiyiinta madaxabanaan iney marsiiyaan waajibaadka uu mudan yahay. Madaxda sare ee dalka haddii ay iska dhaadhiciyeen iney hogaanka u hayaan sidii xukun boqortooyo ah, bal ha ka dhaadhiciyaan shacabka inaan laga daba hadlin oo hadalkooda keliya ay shacabku meel mariyaan. Waxaa filanwaa shacabka ku ah in madaxda ku fashilantay hogaaminta dalka ay mucaaradka ku tilmaamaan iney yihiin cadowga dalka. Siyaasad xumadaas liidata waxey gaarsiineysa madaxda dalka in iyagana loo arko cadowga labaad oo dalka u diidan inuu gaaro horumarka dimoqaraadiyada iyo hirgelinta maamul wanaag dowladeed. Dadku ma heystaan xuquuqda iyo adeegyada ay ka rajeynayeen dowladda, sidaas daradeed ayeysan ugu muuqan iney maqlaan eedeymaha madaxda dowladda ay u soo jeedineyso mucaaradka. Shacabka Soomaaliyeed ha ku baraarugaan in geedi socodka loogu jiro helitaanka dowlad wanaagsan ay lagama maarmaan u tahay in dalku yeesho siyaasiyiin ka madaxbanaan aragtida dowladda oo ku kalsoon cabirka aragtidooda iftiimineysa qaladaadka siyaasadeed ee ka dhasha hogaanxumada madaxda sare ee dalka, taas oo haddii aan la qaban dalka u horseedeysa inuu galo burbur aan dhaqso looga soo kabsan karin. Sidaas daradeed, shacabku waa ineysan dan iyo heelo midna aysan ka gelin hadalada naflacaariga ah ee ay isku dhex qarinayaan madaxda ku fashilantay hogaaminta dalka. wuxuuna dardaaranka guud cabirayaa in cidii aan si dhaba hogaanka u hanan karin in xilka laga cirdeeyo, waxeyna noqoneysaa xaq in cidii hogaaminteedu bahalnimo isku bedesho in goor ay noqotaba xilka laga cirdeeyo. Waxaa hubaala in rabitaanka shacabku uu horseedayo in daciifnimada ka jirta hogaanka dalku inuu ku dambeynayo in maalin cad jidadka Xamar la isku cirdeysto, lagana guuleysto kooxda ismoodey iney talada dalka keligeed isku koobi karaan. Qaranimo in la helo waxaa loo huray dhiig, maal, iyo naf, sidaas si la midana ayaa dowladnimo wanaaga helideeda waxaa lagu gaarayaa dhagaxyo siyaasadeed in lagu tuuro madaxda bahalowdey oo u baahan talada dalka in laga tuuro. Iskuday kasta oo lagu xalaaleysanayo hantida dadweynaha waxey u baahan tahay in laga yureeyo isbaheysiga dhacaya ee habar dugaagta u soo hayiinraacday madaxtooyada Soomaaliya. Adiga oo u daneynaya maslaxada dalkaaga ka qeybqaado dhagaxtuurka lagu waabinayo sharta sheydaanka, laguna cirdeynayo madaxda bahalowdey. Shaki yuusan kaa gelin in khatarta ay soo wado hogaanxumada dowladda maanta jirta in looga hortegi karo iyadoo saqiirnimada ku dhimata. Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim) Saciidciise258@aol.com Maine, United States of America Afeef: Aragtidan waa leh qofka ku saxiixan! Source
  18. Somali graduates Abbas Mohamad Mahdi , 28 (left), and Ahmed Derow Isak, 32, from Mogadishu, are determined to return home and work in their home country after completing both their Bachelor and Master degrees in Information Technology. Pix by Amran Hamid SINTOK: Despite the unrest in some parts of their country, two Somali graduates from Universiti Utara Malaysia (UUM) are keen to return home to serve the people. Abbas Mohamad Mahdi, 28, and Ahmed Derow Isak, 32, from Mogadishu, are determined to return home and work in their home country after completing both their Bachelor and Master degrees in Information Technology. The duo received their Master of Science (Information Technology) from UUM Pro-chancellor Tan Sri Osman Aroff today. Abbas said as the second of six siblings, he wanted to support his younger siblings to further their education. “My father passed away when I was eight years old and my mother raised the family by doing odd jobs. “I was able to further my studies here thanks to my elder sister and a younger brother who helped me financially,” he said when met. Abbas said he chose to come to UUM after he heard about it from friends who had furthered their studies at the university. He initially planned to further his studies in Sudan but when he came to know about the peace, harmony and good social development enjoyed by Malaysians, he decided to come here to study. Ahmed Derow said life in Malaysia was better than Somalia but he would still return home to work in his own country. “My wife is there and so are my siblings who have helped to finance my studies here. I will use the knowledge and experience I gained in this country to give back to my people back home,” he said. Ahmad Derow said although his mother has migrated to United Kingdom and he could further his studies there, the cost that he need to bear was too high. He said Malaysians should be grateful by the various benefits that they enjoy especially in the furthering their studies locally. NST
  19. Jilib (Caasimadda Online) – Xarakada Al-shabab ayaa soo bandhigay 3 Askari oo ay sheegeen in ay ka goosteen Maamulka Jubaland ee Koofurta Soomaaliya. Saddexda Askari ayaa lagu soo bandhigay Magaalada Jilib oo ay maamulaan Xarakada Al-shabaab,waxaana Maxkamadda Al-shabaab ee Jilib sheegtay in Raggan ay soo goosteen u sheegeen in ay ku biireen Al-shabaab. Al-shabaab ayaa sheegtay in Askarta dowladda ka goosta iyaga iyo hubkooda ay hubka lacag ugu beddeli doonaan islamarkaana degaannada Al-shabaab ka taliyaan ku noolaan karaan. Ciidankan ayey Al-shabaab sheegeen in ay ka soo goosteen Saldhigga Buulo Guduud ee Ciidamada Jubaland kaas oo dhawaan weerar ka dhacay Al-shabaab ay sheegteen in ay ku dileen Askar badan oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubaland. Askarta la soo bandhigay oo la hadlay Idaacada Andalus ee afka Shabaab ku hadasha ayaa waxa ay sheegeen inay u dulqaadan waayeen dhibaatooyin kala duwan oo ay sheegeen inay ku haysatay Buulo gaduud.
  20. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane.Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u kicitimay waddanka Ethiopia. Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Kanooko ayaa sheegay in socdaalkiisu oo qaadan doona muddo 5 cisho ah uu la xiriiro kulan ku saabsan arrimaha amniga,ganacsiga iyo siyaasadda. Halkaan ka daawo. PUNTLAND POST The post Daawo:Madaxweyne Gaas oo u dhoofay dalka Ethiopia.Muxuu safarkiisu ku saabsan yahay? appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (PP) ─ Ciidanka xasilinta Muqdisho ayaa lagu rasaaseeyay xalay bar-koontarool oo ay gaadiidka ku baarayeen oo ku yaala Xaafadda Xamar-jadiid ee degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir. Weerarkan ayaa waxaa geystay kooxo hubeysan oo watay baabuur yar oo kuwa raaxada ah, waxayna ciidamada rasaas ku fureen iyagoo ku gudo-jiray hawl baaritaan ah oo lagu sugayo ammaanka caasimadda Soomaaliya. Sidoo kale, Mid ka mid ah ciidamadii ku jirtay baaritaanka ayuu dhaawac soo gaaray, kaasoo markii dambe dhaawiciisa u geeriyooday, iyadoo askar kale oo dhawr ahna ay ku dhaawacmeen weerarkaas. Ciidammo ka tirsan kuwa xasilinta Muqdisho oo gaadiid kuwa dagaal ah wata ayaa dur-badiiba goobta gaaray, inkastoo kooxihii weerarka geystay ay ka baxsadeen goobta. Dhanka kale, Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa yaraaday Weerrarada lagu fuliyo gaadiidka ee ay adeegsadaan kooxha hubeysan, kaddib markii ciidamada ammaanka ay bar koontaroolo ka sameysteen Waddooyinka ku yaalla caasimadda oo dhan. Hay’adaha Ammaanka Dowladda Somalia ayaan wax war ah kasoo saarin falkan ay kooxaha hubeysan ku weerareen ciidamada dowladda ee goobta koontaroolka ah ku sugnaa. Ugu dambeyn, Weerarkaan ayaa noqonaya midkii u horreeyay noociisa oo ka dhaca Muqdisho, iyadoo weerarrada noocan oo kale ah ay horay uga dhici jireen qaybo ka mid ah gobollada ku dhaw-dhaw Muqdisho. PUNTLAND POST The post Kooxo hubeysan oo Weeraray Koontarool ay Muqdisho ku lahaayeen Ciidamada Xasilinta appeared first on Puntland Post.
  22. Nairobi (Caasimadda Online) – Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa tuurtay dacwad ka dhan ahayd dib u soo doorashada madaxweyne Uhuru Kenyatta bishii la soo dhaafay. Lixda garsoore ee dhageysanayay dacwaddan ayaa isku raacay ansixinta guusha Kenyatta iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay. Guddoomiyaha garsoorayaasha David Maraga ayaa sheegay in garsoorayaasha ay 21 bari guduhood ku bixin doonaan faahfaahin ku aadan sababta ay u ansixiyeen guusha Kenyatta. Go’aankan ayaa waxa uu waddada u xaarayaa in Kenyatta mar kale xilka loo dhaariyo isbuuca soo socdo. Maxkamadda oo la alkumay sanaddii 2010 ayaa taariikh sameysay bishii September markii ay waxba kama jiraan ka soo qaaday gushii Kenyatta ee doorashada Agosto. Waxayna amartay in doorasho hor leh lagu qabto lixdan maalmood gudahood. Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay qaadacaan doorashadaasi kuceliska ahayd isagoo sheegay in guddiga doorashada uu diiday inuu sameeyo isbadel hubin lahaa in doorashadu ay u dhacdo si xaq iyo xor ah. Weriye ka tirsan BBC-da ayaa ku soo warramaya inuu jira shaki ah in go’aanka maxkamadda ee maanta uu soo aafjari kara qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dalka. Jimcihii, rabshado ayaa ka dhacay Nairobi kuwaas oo u dhexeeyay booliska iyo taageerayaasha Raila Odinga oo doonayay in ay hoggaamiyahooda soo dhoweeyaan. Wuxuu ka soo laabanayay Mareykanka oo uu isbuuc ku maqnaa. Sabtidii afar qof ayaa lagu dilay magaalada Nairobi. Dadka deegaanka ayaa sheegay in koox ku hubeysan qoryo iyo baangado ay weerareen xaafado kala duwan, ayna ku dileen dad, hantina dheceen. Booliska ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdada iyo waxa sababay. Maydadka ayaa lagu tuuray meelo qashin qub ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com