Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ugu yaraan 38,100 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 87,705 kalena waa lagu dhaawacay weerarka militariga Israa’iil ee Gaza tan iyo 7dii Oktoobar, wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sidaa sheegtay. Tirada ayaa waxaa ku jira ugu yaraan 87 dhimasho ah 48-kii saacadood ee la soo dhaafay, ayaa lagu yidhi bayaan ay wasaaraddu soo saartay. Kuwaasi oo ay ku jiraan ugu yaraan 2 ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay oo ku sugnaa Bakhaar ay leedahay hay’ada UNRWA oo ku yaalla deegaanka Maghazi ee badhtamaha Gaza, halkaasi oo ay Israel duqeysay. Sidoo kale dadka la dilay saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa ku jiray 5 suxufi oo u dhashay Falastiin. Source
  2. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka socday Xafiiska UNDP Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wakiilka Joogtada ah, Mudane Lionel Laurens. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dhowr arrimood oo muhiim ah oo ay ka mid tahay xoojinta iskaashiga ka dhaxeeeya Wasaardda iyo Hey’ada UNDP Soomaaliya, iyo horumarinta warbixinta Tusaha Saboolnimada ee qeybaheeda kala Duwan Multidimensional Poverty Index (MPI), Sido kale kor u qaadista xog ururinta, beegsiga dadaallada dhimista faqriga, iyo horumarinta mustaqbal waara. Wasiirka waxaa sidoo kale kulanka ku wehlinayay Wasiir-dowlaha, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, isagoo ka dhacay xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee magaalada Muqdisho, wasiirka ayaa hey’adda UNDP iyo MPI uga mahadceliayay mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya. Hey’adahaan ayaa mashaariic kale duwan ka fuliya gobollada dalka iyo caasimadda, kuwaas oo lagu hormarinayo arrimaha bulshada, gaar ahaan caafimaadka waxbarashada iyo ceelasha laga qodo deegaannada fog fog ee miyig ah, iyagoo dhowaan mashaariic ka fuliyay deegaanadii la xoreeyay. Source: goobjoog.com
  3. Kismayo (HOL) - Jubbaland regional state leader Ahmed Mohamed Islam Madobe called for an immediate cessation of hostilities between two rival clan militia forces in the Luuq district in the Gedo region on Friday. Source: Hiiraan Online
  4. Ugu yaraan 16 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerar cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil ku bartilmaameed-sadeen dhisme iskuul oo ay ku noolyihiin qoysas barakac ah bartamaha Gaza. Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in madaafiicda cirka ee lagu garaacay iskuulka Al Nuseyrat ay sidoo kale ku dhaawacmeen in ka badan 50 ruux oo Falastiiniyiin ah. Milatariga Isra’il waxay sheegeen in ay taxaddir dheeraad ah muujiyeen ka hor inta aysan weerarka fulinin, si bay yiraahdeen ay u yareeyaan khasaaraha rayidka, isla markaana u duqeeyaan malleeshiyo ay ku sheegeen in ay aaggaasi kasoo weerareyeen. Dhinaca kale Waaxda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 24-ki saac ee lasoo dhaafay ay ciidamada Israa’iil duqeyn ku dileen ugu yaraan 29 qof oo Falastiiniyiin ah, halka ay dhaawaceen in ka badan 100 qof. Dagaalka sagaalka bilood ka socda ee Gaza, ayaa la xaqiijiyay in tirada dadka ay Isra’il dishay ay gaareen in ka badan 38,000 oo ruux oo u badan dumar iyo carruur. PUNTLAND POST The post Millatariga Israa’iil oo duqayn cirka ah ku dilay barakacayaal reer Falastiin ah appeared first on Puntland Post.
  5. Ururka Xamaas ayaa si rasmi ah u aqbalay hindisihii soo jeedinta madaxweyne Biden ee ahaa xabad joojin iyo in Israa’iil iyo Xamaas ay is weydaarsadaan la heystayaal iyo qodobbo kale, arrintaan ayaa u muuqa mid hoos u dhigeysa xaaladda Gaza. Mas’uuliyiinta Ururka Xamaas ayaa Reueters u sheegay, in Xamaas ay ka laabatay dalabkeedi hore ee ahaa, in marka hore Israa’iil aqbasho ka bixintaannka dhulka Gaza, kaas oo keenay in Israel dhankooda ay ka biyo diidaan dalabka Xamaas. Dhan kalena Ugu yaraan 16 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerar cirka ah oo ay ciidamada Isra’il Sabtidi ku bartilmaameedsadeen dhisme iskuul oo ay ku noolyihiin qoysas barakac ah bartamaha Gaza. Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in madaafiicda cirka ee lagu garaacay iskuulka Al Nuseyrat ay sidoo kale ku dhaawacmeen in ka badan 50 ruux oo Falastiiniyiin ah. Isra’il ayaa weerarka ku sheegtay mid ay ku bartilmaameedsatay malleeshiyaadka. Milatariga Isra’il waxay sheegeen in ay taxaddir dheeraad ah muujiyeen ka hor inta aysan weerarka fulinin, si bay yiraahdeen ay u yareeyaan khasaaraha rayidka, isla markaana u duqeeyaan malleeshiyo ay ku sheegeen in ay aaggaasi kasoo weerareyeen. Hase yeeshee Xamaas ayaa beenisay in dagaalyahannadeedu aysan halkaasi joogin. Source: goobjoog.com
  6. Djibouti (HOL) - The leader of the SSC Khatumo administration, Abdikhadir Ahmed Aw Ali Firdhiye, arrived in Djibouti on Saturday following an invitation from the President of the Republic of Djibouti, Ismail Omar Guelleh. Source: Hiiraan Online
  7. Ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo gaaray magaalda Baydhabo ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagreen). Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa ay kaga wada hadleen Arimo dhor ah oo ku jiraan Siyaasada, Amniga, Mashaariicda, bini’aadanimada iyo Daadejinta Adeegyada Dowlada, xilligaan maamulku qorsheynayo gaaritaanka deegaannada gacantiisa ka maqan. Madaxweyne Laftagareen ayaa uga mahadceliyey Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan Booqashadiisa Magaalada Baydhabo iyo taageerada ay la garab taagan yihiin Dowlad Goboleedka iyo Shacabka Deegaannada Koonfur Galbeed. Kulanka Madaxweynaha iyo Ergayga waxaa ku Wehlinayey Wasiiro, La Taliyaal iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed, waxaana kulanka intii uu socday looga hadlay arrimo dhowr ah oo xilligaan ka taagan deegaannada maamulkaasi. Source: goobjoog.com
  8. Israa’iil ayaa lagu warramaya in ay diiddi doonto soo jeedinta heshiiska xabbad-joojinta, sababa la xiriira dalabaad ka yimid dhinaca Xamaas. Xamaas ayaa ka dalbamaya Israa’iil in ay samayso ballanqaad qoraal ah oo ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ee Qasa. taasi oo ay dheertay inay Xamaas ka dalbatay in ay dammaanad qaadan Qatar, Masar iyo Mareykanka in xabbad-joojintu sii socon doonto illaa laga gaarayo heshiis dhammeystiran oo dagaalka soo afjaraya. Madaxa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da , Bill Burns ayaa tagi doona Doha toddobaadkan, isagoo ka hortagaya in meesha ay ka baxdo fursada soo dhaweynaysa heshiis la gaaro si loo sii daayo 120 maxbuus oo Xamaas ay ku hayso Qasa. Wuxu si wadajir ah ula kulmi doona Ra’iisal Wasaaraha Qatar, Agaasimaha Hay’adda Mossad ee Israa’iil iyo Madaxa Sirdoonka Masar, sida ay sheegtay Axios. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo ka horjeedda xabbad-joojinta dhexmarta iyaga iyo Xamaas appeared first on Puntland Post.
  9. An estimated 4.5 million people are currently displaced in both rural and urban locations in Ethiopia, the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (UNOCHA) has disclosed. Source: Hiiraan Online
  10. Prime Cabinet Secretary and Cabinet Secretary for Foreign and Diaspora Affairs Musalia Mudavadi has urged East African Community member states to fast-track regional integration and address the pressing needs of the region’s youthful population. Source: Hiiraan Online
  11. Samet Akaydin's first-half opener wasn't enough for the Turks as the Dutchmen bounced back with two goals in seven minutes in Berlin on Saturday to seal the semifinal clash with England at the Euro 2024. Source: Hiiraan Online
  12. Prime Minister Muhammad Shiaa Al-Sudani confirmed on Saturday, that Iraq today possesses information, experience and know-how in the field of combating terrorism and tracking its groups. Source: Hiiraan Online
  13. ROCHESTER, Minn. (KTTC) – Dozens gathered in SE Rochester to recognize and celebrate an important Independence Day. Source: Hiiraan Online
  14. Somalia has paid $7.8 million, its full budget contribution dues for the financial year 2024/25. Source: Hiiraan Online
  15. England's 5-3 (1-1) victory over Switzerland on penalties helped the Three Lions to advance into the semifinals of the Euro 2024 on Saturday in Dusseldorf. Source: Hiiraan Online
  16. 449413908_1254327232225310_2435980756527144861_n Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay wada-hadalka la sheegay in lala galayo kooxda Al-Shabaab, waxaana arrintan si faah-faahsan uga hadlay madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta daah-furay kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, kadibna khudbad u jeediyay xildhibaanada labada Gole. Ugu horreyn madaxweynaha ayaa beeniyay in dowladda federaalka ay haatan waddo qorshe guud oo wada-hadal lagula galayo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in aanay jirin wax ajende ah oo ay dowladda Soomaaliyeed ka leedahay arrintaasi. Madaxweynaha ayaa gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ku aadan wada-hadalka labada dhinac oo maalmihii dambe ay tabineysay warbaahinta. “Ma jiro qorshe aan wadno oo wada-hadal kula galeyno argagixisada oo aqoonsaneynba dowladda Soomaaliyeed, arrintaas waxaan rabaa inaan caddeeyo ma’aha mid jirto” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale wuxuu ku hadlay dagaalka ay dowladdiisa kula jirto kooxaha Khawaarijta, isaga oo sheegay in guullo waa wayn laga gaaray, isla markaana sanadkan imtixitaanka shahaadiga ah lagu galay degmooyin dhawaan uun laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna ballan qaaday inay sii wadi doonaan howlgallada xoreynta ee ka socda dalka. “Waxaan kusii socon doonaa la dagaallanka Al-Shabaab, illaa dalkeenna oo xor ka noqono” ayuu sii raaciyay madaxweynuhu. Dhinaca kale wuxuu ka hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday dalka, isaga oo sheegay inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab, balse ay ka hortegi doonaan, si loo nabadeeyo deegaanada ay haatan kasoo cusboonaadeen dagaallada sokeeye. Beryahan dagaallo sokeeyo oo ahli ah ayaa kusoo noqnoqday deegaanada qaarkood waa qayb kamid ah qorshaha cadowga argagixisada oo rabta iska horkeenidda shacabkeenna, si aan uga jeesano ka xoreynta dalka Khawaarijta, taasina ma dhaceyso dalkeena waa nabadeyneynaa Khawaarijta dagaalkeedana waan waa wadeynaa” ayuu mar kale yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay wadaan guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo haatan ka socda inta badan gobollada dalka. The post War cusub oo kasoo kordhay wada-hadalka DF iyo Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay banaanka hore ee xarunta golaha shacabka, iyadoo ay garbihiisa taagan yihiin xildhibaano kale oo badan ayaa ku hanjabay in hadii xilka Madaxweynaha ay dib u eegis ku samey doonaan hadii sidaan aan wax laga bedelin. “Dadku ma fahansana mooshin, laakiin baarlamaankaa ku shaqeeya oo wax ku toosiya, waxaana isticmaali doonaa awoodeena inta sharcigu noo ogolyahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad oo isla xisaabtan ugu hanjabay madaxda ugu sareysa dalka. Xildhibaan Cabdisamad ayaa Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ku eedeeyey inay dalka la habaabeen, isagoo xildhibaanada ugu baaqay inay gutaan waajibaadka qaran oo ay u dhaarteen, kuna dhaqaaqaan sidii loo badbaadin lahaa dalka. “Waxaan idiin cadeynayaa baarlamaanka uu kalfadhigiisu furmay waxay isku diyaariyeen isla xisaabtan adag, xildhibaanadu waxay dareensan yihiin in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay dalkii la habaabeen, waxaana u taaganahay inaan wax saxno,” ayuu yiri Cabdisamad Macalin. Sidoo kale Xildhibaan Cabdisamad ayaa sheegay in xildhibaanada loola dhaqmo si aad u liidata markii ay marayaan jidadka Muqdisho, isagoo ku goodiyey in arrintaas ay degdeg wax uga qabanayaan. “Xildhibaanada baarlamaanka 11-aad waxay noqdeen dadka xasaanada leh kuwa ugu liita ee dalka ku nool, waxaa lagu furtaa oo lagu handadaa jidadka, intaan ka badan ma sii dulqaada doono, laguma sii tuma doono sharafteena,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud. Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaano badan ay hadda u diyaarsan yihiin in xaaladda sidaan laga bedelo, isla markaana ay ku dhaqaaqi doonaan hadii ay la noqoto inay dantu ku jirto in madaxweynaha xilka laga qaado. “Xildhibaano aad u badan ayaa hadda u diyaarsan inay xaaladaan wax ka bedelaan, iyadoo hadii ay la noqoto in dib loo eego xilka madaxweynaha ay sameynayaan, xaqna waa u leeyihiin,” ayuu yiri. Xildhibaan Cabdisamad ayaa intaas ku sii daray, “Wax kasta ayaa la soo maray tan ugu daran waa in Qabuurihii lasoo fagayo maanta, ma jirto meel ka dambeysa in kii noolaa iyo kii dhintay ay baxsa la’yihiin, sidaan looma dul qaada karo, xildhibaanada waxaa ka go’an inay badbaadiyaan dadka ay u dhaarteen.” Hoos ka daawo The post Daawo: Xildhibaano ku goodiyey inay mooshin ka keenayaan Madaxweynaha appeared first on Caasimada Online.
  19. Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland oo is kaashanaya ayaa galabta kooxda Alshabab kala wareegay deegaan istiraatiiji ah oo lagu magacaabo Filfile, kaas oo dhaca waqooyiga deegaanka Buulaxaaji ee gobolka Jubbada Hoose oo sina dhowaan laga saaray kooxda. Saraakiisha ciidanka howlgalka sameeyey ayaa Warbaahinta u sheegay in deegaankaas uu Alshabaab u ahaa meel ay xoolaha baadda ah uga qaadaan dadka shacabka ah, isla markaana ay ka gaysteen dhibaatooyin badan. Sidoo kale Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan baacsiga ka dhanka ah kooxda Alshabaab. Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ayaa si xoog leh uga socda deegaanada dowladda goboleedka Jubbaland, waxaana la filayaa in todobaadyada soo socda ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta sii xoojiyaan gulufka ka dhanka ah Alshabaab. Source: goobjoog.com
  20. Dhalinyaro ka kooban aqoonyahan iyo wax garad isla markaasina ka soo jeeda jifada madaxweyne Muuse Biixi ee reer Samatar ayaa kulamo mudo qaatay la yeeshay qaar ka mid ah madaxda xisbiga Waddani ee Somaliland madaxdaasi oo ay isku deegaano ka soo wada jeedaan dhalinyaradani. Dhalinyaradani ayaa saaka kulan balaadhan oo duco iyo is waraysi ah la yeeshay suldaanka guud ee beelaha Gabiley Clan suldaan Xasan Wararku waxa ay sheegayaan in dhalinyaradani ay qayb ka yihiin isbadal doonka ka socda dalka waxana lagu wadaa in dhalinyaradani ay ku biiraan xisbiga Waddani oo ah xisbiga rajada iyo midnimada Somaliland. Dhowrkii todobaad ina soo dhaafay waxa aad xisbiga Waddani ugu soo badnaayay oo taageero buuxdavla garab istaagay deegaanada ay ka soo kala jeedaan Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka arimaha gudaha mudane Maxames Kaahin Axmed oo bulshadii deegaankiisu ay todobaadkii hore ku biireen xisbiga Waddani. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Jubaland ayaa dhowaan u codeeyay wax ka bedel lagu sameeyey qaar ka mid ah qodobada dastuurka Jubbaland, tallaabadaasi waxay sii xoojisay hubanti la’aan ka taagan doorashada maamulkaas, carada iyo walaaca mucaaradka ayaa cirka isku sii shareeray. Wasiir ku xigeen wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ee dowlad goboleedka Jubaland Bishaar Aadan ayaa markii ugu horeysay sheegay waqtiga rasmiga ah oo ay dhaceyso doorashada madaxtinimada maamulkaas oo wajaheysa hubanti la’aan weyn. Wasiirka oo ka qeyb galay barnaamij dood ah oo BBC ay qabatay ayaa muddo ka meer-meeray su’aal laga weydiiyey goorta ay dhaceyso doorashada maamulkiisa, balse markii dambe wuxuu sheegay in bisha 11-aad ay doorasho ka dhaceyso Jubbaland. “Wakhti ay doorasho dhacayso wasiir ma sheego ee guddi doorasho ayaa sheega, taana qorsheheedu waa uu socdaa, madaxweyneheyga ayaa saxiixay in ay November doorasho dhacayso, sidaas ayuuna qorshuhu yahay,” ayuu yiri Wasiir ku xigeen wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Jubaland. Waxaa taagan muran ka dhashay wax ka badelka dastuurka, baarlamaanka ayaa toddobaadkii hore u codeeyey in dastuurka Jubbaland laga saaro qodobkii xadidayey inta jeer ee xilka Madaxweynaha uu u tartami karo Axmed Madoobe oo hoggaanka maamulkaas hayey tan iyo markii la aas-aasay Jubbaland 10 sano ka hor. Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Axmed Madoobe ee ka soo jeeda Jubbaland ayaa qaba in wax ka bedelka lagu sameeyey dastuurka maamulkaas ay tahay tallaabo khaldan oo aysan fileyn. Sidoo kale mucaaradka ayaa sheegay in arrintaan ay horseedi karto muddo kororsi uu sameyto Axmed Madoobe, waxay ku doodeen in muddo xileedkii baarlamaanka uu gabaabsi yahay oo bishii ugu dambeysay ay ku jiraan, sidoo kale waxay sheegeen in Axmed Madoobe uusan xaq u laheyn in mar kale uu u tartamo kursiga madaxweynaha. Siyaasiyiinta maamul-goboleedkaas oo qaar ka mid ah ay yihiin musharraxiinta madaxtinnimada ayaa dalbaday in la shaaciyo xilliga rasmiga ah ee doorashadu ay dhacayso. Bisha soo socota ee Agoosto ayuu ku egyahay muddo xileedka Axmed Madoobe, mana socoto ififaalo muujineysa inuu doorasho qaba doono, balse wasiirkiisa ayaa sheegay in bisha November ay doorashada qabanayaan, doorashooyinka ka dhaca Jubbaland ayaa lagu tilmaamaa kuwo aan xor aheyn oo Axmed Madoobe toos u maamulo. The post Xilliga doorashada Jubaland ay dhaceyso oo la shaaciyey iyo qorshe culus oo ka horeeya appeared first on Caasimada Online.
  22. Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa safar shaqo ugu anbabaxay dalka Djibouti kadib markii uu casuumaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle Qoraal kasoo baxay SSC Khaatumo ayaa lagu yidhi “Safarka Hoggaamiyaha ayay muhiimadiisu tahay xoojinta walaalnimada, nabadda, xasilloonida gobolka iyo taageerada dhismaha Dowlad-dhiska Soomaaliya”. Kooxda Khaatumo ayaa hore dowlada Jabuuti ugu eedayn jirtay in ay qayb ka ahayd dagaalkii Laascaanood, lakiin Wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa sheegay in Jabuuti anay wax lug ah ku lahayn dagaalka. Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, labadiisa Aqal ayaa ka hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka iyo dastuurka dalka. Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay in doorasho qof iyo cod ah uu qabanayo 2026-ka, si ay codadkooda u dhiibtaan dadka Soomaaliyeed, una soo doortaan hoggaankooda. “Maanta waxaa nalaga sugaa inaan daka u jiheyno doorasho toos ah oo qof iyo cod ah oo guud ahaan shacabka qaybihiisa kala duwan siisa fursad ay ku codeeyaan iyaga oo xor ah, waana siineynaa shacabkeenna fursaddaas, insha allah” ayuu yiri madaxweynaha. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan fursad ay wax ku dooran karaan, laguna dooran karo, si looga gudbo doorashooyinkii dadbanaa ee soo maray Soomaaloya. “Waxaan kusii siqeynaa in muwaadinka Soomaaliyeed uu helo fursad uu wax kuu dooran karo, laguna dooran karo, waxaan filayaa in doorashooyinkii dadbanaa aanay ahayn kuwa loo xiiso qabo” ayuu sii raaciyay. Dhanka kale madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday arinta dastuurka isagoo baarlamaanka ku boggaadiyay tallaabado ay u qaadeen dhameystirkiisa, mudd 12 sano ah kadib. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay sii wadi doonaan doodaha ku saabsan arrimaha dastuurka, si loo dhameystiro qodobada kale ee weli harsan. “Waxaa kale oo iyadana ahmiyad wayn ah leh sii wadida cutubyada ka dhiman dastuurka, si uu dalka uga baxo hubanti la’aanta dastuuriga ah” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ay taagan tahay cabashada kasoo yeereyso xubnaha mucaaradka iyo Puntland oo kasoo horjeestay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan doorashada soo socota iyo tallaabada loo qaaday wax ka beddelka dastuurka dalka. The post Xasan Sheekh oo war culus kasoo saaray doorashada 2026-ka iyo dastuurka appeared first on Caasimada Online.