Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddiga qabanqaabada maalmaha xoriyadda ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa shaqada guddiga, waxaana shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka mudane Cali Yuusuf Cali oo Guddoomiyaha guddiga. Guddoomiye Cali Yuusuf iyo xubnaha guddiga ayaa sii wada kulammada aan kala go’a lahayn ee diyaargarowga xuska maalmaha qaran oo nagu soo aadan, kulankaan ayaa ka dhacay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed, waxaana kasoo qeybgalay mas’uuliyiin kale duwan oo xubno ka ah. Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Xubnaha Golaha Wasiirrada XFS, Taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada Amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo bandhigay qorshaha iyo u diyaargarowga todobaadka Xorriyadda oo nagu soo wajahan, taas oo ay qayb ka yihiin dhammaan Hay’adaha Dowladda heerarkooda kala duwan. Guddigaan ayaa waa dhowaan magacaabay Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre waxaana loo idmaday qabanqaabinta maalmaha qaran ee nagu soo aadan ee 26-ka June iyo 1-da Luulyo, oo sanadkaan dhaca Mudishoo xasiloon. Source: goobjoog.com
  2. Jigjiga (HOL) — Defying expectations, the Nogob region football team defeated Afdheer 2-1 to claim their first-ever title in the 11th Somali Region Football Tournament, held in Jigjiga on Sunday. Source: Hiiraan Online
  3. Dowladda Puntland oo baaq degdeg ah u dirtay Beesha Caalamka ayaa sheegtay in dowladda Muqdisho siyaasadeysay gargaarka bini’aadanimo ee la siiyo Soomaaliya. Qoraal ku qoran luuqadda English-ka oo ay Puntland u dirtay deeq-bixiyaasha Caalamka ayay ku sheegtay in Muqdisho siyaasadeysay gargaarka bini’aadanimo iyo mashaariicda horumarinta ee la siiyo Soomaaliya. Dowladda Puntland ayaa deeq-bixiyaasha ka dalbatay in ay wax ka qabtan tallaabada Muqdisho ku siyaasadeysay gargaarka iyo mashaariicda horumarinta ee lagu bixiyo magaca Soomaaliyeed. Xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale deeq-bixiyaasha ka codsatay in caddaalad loo qeybiyo gargaarka bini’aadanimo iyo mashaariicda kale ee la siiyo Soomaaliya islamarkaana lagu maamulo mas’uuliyad maaliyadeed. “Waxa aan adkaynaynaa in si caddaalad ah loo qaybiyo taageerada deeq-bixiyaasha, iyada oo diiradda la saarayo maamul wanaagga iyo mas’uuliyadda maaliyadeed” ayaa lagu yiri baaqa ka soo baxay Puntland. Halkan ka akhriso baaqa Puntland PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo deeq-bixiyaasha Caalamka ku dacweysay Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  4. Mogadishu (HOL) – Heightened security measures are now in place in the Landhere area of Galgaduud Province, central Somalia, following violent intercommunal clashes that began on June 8. The conflict, involving two rival local militias, has resulted in at least 50 deaths and more than 60 injuries. Authorities have deployed armed troops to the region to control the violence and prevent further conflict. Source: Hiiraan Online
  5. ROME (Reuters) - For the first time farmed aquatic production has exceeded the catch from traditional captured fisheries, the U.N. food and agriculture agency said on Friday, underscoring hopes that aquaculture can meet growing global demand for seafood. Source: Hiiraan Online
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada Oslo ee dalka Norway, waxaana halkaas kaga qeyb-galayaan shir caalamiga ah ee Oslo forum oo dhowaan halkaas ka furmaya. Shirkan oo uu guddoominayo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Norway ayaa looga hadlayaa nabadda iyo xasiloonida adduunka, waxaana ka qeyb-galaya madax iyo wakiillo ka socda in ka badan 50 dal, hay’ado waaweyn iyo ururro caalami. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la filayaa inuu shirka socdo kulamo doceedyo kala duwan la yeelan doona madaxda ka qeyb-galaysa, iyo hoggaanka dalka Norway, asagoo la wadaagi doona hormarka ay Soomaaliya ka gaartay nabadda iyo dib u dhiska dowladnimo ee dalka, iyo guulaha dagaalka ka dhanka kooxda Alshabaab, iyo kobaca dhaqaalaha. Sidoo kale madaxweynaha ayaa kulan la yeelan doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway iyo dalalka iskaandaneefiyaanka, wuxuuna kala hadli doona halka ay marayso xaaladda dalku, guulaha la gaaray, iyo qorshaha dowladda sida ay sheegtay villa Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga billowday imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad. Imtixaanka ayaa waxaa u fariistay maanta illaa 35,307 arday oo dhigata 656 iskuul, sida uu shaaciyay gobolka Banaadir. Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa si rasmi ah u daah-furay qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir oo ay u fariisteen ardeydii u badneyd. Ardayda maanta imtixaanka u fariisatay ayaa isugu jirta 19,766 wiil iyo 15,541 gabdhood. Maamulka gobolka Banaadir ayaa sannadkii 5-aad qaadaya imtixaanka dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad. Mr Yabooh oo ku hadlay afka Duqa Muqdisho maadaama uu ka maqnaa goobta waxa uu Ardayda ku dhiirra-geliyay in ay dedaalkooda waxbarashada ka mira-dhaliyaan. “Waxaan u mahadceliyay dadkii ka shaqeeyay ama isku dabariday xarumahii lagu gali lahaa imtixaanka iyo xarumaha saaka lagu galaayo oo ay ugu horreyso jaamacadda ummada sida ay uga qeyb qaateen na aad ayaan uga mahadcelinaayaa,” ayuu yiri guddoomiye Yabooh. Ardeyda maanta imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8-aad u fariisatay ayaa waxaa qayb ka ah ardeyda baahiyaha gaarka ah qaba (naafada) kuwaasi oo iskuullo gaar u ah wax ku barta. The post Ardeydii ugu badneyd oo maanta Muqdisho u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah appeared first on Caasimada Online.
  8. OSLO, Norway (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud began a three-day working visit to Norway on Sunday. Source: Hiiraan Online
  9. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/448112403_476463298204454_689810997823188920_n.mp4 Qaran News
  10. ANKARA - Türkiye on Saturday condemned a terrorist attack in Somalia. Source: Hiiraan Online
  11. Xisbiyada garabka midig ayaa ku soo baxay doorashada baarlamaanka Midowga Yurub, iyagoo guuldarrooyin waaweyn gaarsiiyay Madaxweyne Macron iyo hoggaamiyaha Jarmalka, Scholz. Dalka Faransiiska, xisbiga midigta fog ee NR ee ay hoggaamiso Marine Le Pen ayaa guul kasoo hooyay, arrintaas oo sababtay in madaxweyne Macron uu xalay kala diray golaha baarlamaanka kuna dhawaaqay doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay. Tallaabadan ayaa loo arkaa qar-iska-tuurnimo siyaasadeed oo uu ku kacay Macron maadaama xisbigiisa uu doorashadi Axaddii kala kulmay jab weyn. Haddii uu lumiyo doorashada uu ku baaqay ee 30-ka bishan June, waxaa suuragal noqon doonta inuu xilka ka dago saddex sano ka hor inta aanan la gaarin dhammaadka muudo xileedkiisa oo ku eg sannadka 2027. Dalka Jarmalka, In Germany, waxaa guul lama filaan ah gaaray xisbiga midigta ee AfD oo kasoo kabtay fadeexado hareeyay murashaxiintooda ugu sarreeyay. Xisbigaan ayaa 16.5% kor ugu kacay codadka ay haleen marka loo eego doorashadi 2019-ki oo ay haleen 11%. Xisbiga hogaamiyaha Jarmalka Scholz ee Social Democratic-ka ayaa ka hoos maray xisbiga midigta fog ee aad xahg-jirka u ah, arrintaas oo loo arko guuldarro siyaasadeed oo soo gaartay xisbul xaakimka. PUNTLAND POST The post Xisbiyada garabka midig oo ku soo baxay doorashada baarlamaanka Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
  12. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Oslo ee dalka Norway, halkan oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo saddex maalmood ah. Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu ku sugan yahay Norway uu wadahadallo laba geesood ah la yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha dalkaas si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal. “Madaxweynaha ayaa wadahallo laba geesood ah la yeelanaya Ra’iisul Wasaaraha Norway si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Villa Somalia. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay magaalada Oslo ee dalka Norway appeared first on Puntland Post.
  13. Doorashada Madaxweynaha Iran ee la qorsheeyay in ay dhacdo 28 bishan June , ayaa la soo saaray musharrixiinta u tartamaya , iyadoo illaa 80 musharrax ay codsadeen inay u tartamaan xilkaas. Doorashada ayaa la go’aamiyay kaddib markii uu shil diyaaradeed ku geeriyooday madaxweynihii xilka hayay, Raisi, balse waxaa loo ansixiyay inay doorashada u tartami karaan lix musharrax oo ay magacyadooda soo bandhigeen Golaha ilaalada oo ka kooban 12 culimo iyo sharci-yaqaano ah, kuwaasoo kala bar ay soo doorteen baarlamaanka, kala barna uu magacaabay Khamenei. Waxay go’aamiyan musharrixiinta xilka madaxweynaha u tartamaya, kuwaaso kaliya soo magacaaba xubnaha daacada u ah Khamenei. 6 musharrax ee doorashada ka qaybgalaya; •Siciid Jalili •Mohamed Bagher Ghalibaf •Alireza Zakani •Amir-Hossein Ghazizadeh Hashemi •Mostafa Pourmohammadi •Masoud Pezeshkian. Musharixiinta kale ee laga reebay doorashada , waxaa ku jira madaxweynihii hore Axmadinejad. Siciid Jaliili iyo Ghalibaf ayaa ah 2-da musharax ee ugu cadcad inay ku guulaystaan ​​doorashada. Ghalibaf waa 62 jir ah, horey wuxuu usoo noqday taliyaha ciidamada cirka ee ilaalada kacaanka Iran (IRGC), waxa uu ahaa afhayeenka baarlamaanka muddo afar sano ah, waxa uu ahaa duqa magaalada Tehran 2005 ilaa 2017, ka horna waxa uu ahaa taliyaha booliska. . Waxa uu u tartamay madaxweyne sannadihii 2005, 2013 iyo 2017, illaa uu u tanaasulay Raisi. Musharraxa kale Siciid Jalili, wuxuu ahaa madaxii hore ee wada-xaajoodka Iran ee nukliyeerka , wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta ku dhow Khamenei , wuxuu ka mid ah musharrixiintii doorashada hore isaga haray, isagoo u ololeeyay Raisi. PUNTLAND POST The post Liiska Musharrixiinta u tartamaya doorashada Madaxtinimada Iran oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  14. Tel Aviv (Caasimada Online) – Benny Gantz oo ka mid ahaa wasiirrada xukuumadda dagaalka ee ra’iisal wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii shalay is casilay, tallaabadaasi oo cadaadiska ku sii kordhineysa Netanyahu. Gantz ayaa ahaa xubinta kaliyah ee xisbiyada siyaasaddoodu dhex-dhexaadka tahay ee ku jiray xakuumadda ay majaraha u hayaan isbaheysiga midigta fog ee Isra’il. Gantz ayaa waxa uu xukuumadda Israel ka tirsanaa tan iyo inti uu billowday dagaalka Gaza muddo hadda laga joogo siddeed bilood. Is-casilaadda Gantz ayaanan khatar deg deg ah hadda ku aheyn dowladda Isra’il, hase yeeshee yeelan karta cawaaqib halis ah, isla markaana ka dhigtay xukuumadda Isra’il ee hadda jirta mid ay isugu soo hareen wasiirro gabigoodba ah kuwo mayal adag oo si aada ah u jira dhinaca midigta fog. Benny Gantz ayaa horay uga digay is casilaadiisa haddii uusan Natanyahu la iman istaraatiijiyad cad oo ku aaddan Gaza, xilli Isra’il ay sii wadday dagaal millatari oo ay ku dishay tobnaan kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur. Netanyahu ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada oo uu uga jawaabayay is cazillaadda Ganz ku sheegay, in aanan hadda la joogin waqti laga tago dagaalka. The post Gantz oo is-casilay iyo Israel oo wajaheysa cadaadis weyn appeared first on Caasimada Online.
  15. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/447987462_1451457698910049_736458127897549743_n.mp4 Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ku sugan degmada Ceeldheer oo shalay dagaal qaraar uu ka dhacay, waxaa jira rag nolosha lagu qabtay oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaas loo soo qaaday Muqdisho, si baaritaan loogu sameeyo. Ragaas waxay gaarayaan afar nin, waxaana qabtay ciidanka dowladda oo sii raacdeysanaya Shabaab-kii soo weeraray Ceeldheer oo dagaalka lagu jebiyey. Saraakiisha noo warantay waxay sheegeen in ragga la qabtay ay wateen gaari yar oo Suuksuuki ama Kabtabuud ah, waxayna ka yimaadeen dhinaca deegaanka Cowsweyne oo hoos taga Ceeldheer. Ciidanka ayaa soo jeebeeyey ragaas, waxayna keeneen Ceeldheer, isla shalay waxaa lagu soo qaaday diyaarad military oo keentay Muqdisho, si baaritaan loogu sameeyo, inkastoo aan weli xog laga helin waxa ka soo baxay baaritaanka ragaas. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya ragga la qabtay, saraakiisha qaar waxay noo sheegeen inay ahaayeen Shabaab gurmad ah, halka qaar ka mid ah dadka deegaanka ay noo sheegeen in ragaasi ay raadinayeen qoryo ay bililiqeystaan. Sidoo kale xogaha aan dadka deegaanka ka helnay waxay sheegayaan in ragga shalay lagu qabtay duleedka Ceeldheer ay ka mid yihiin shacabkii qoryaha ciidanka dowladda ku bililiqeystay Cawsweyne, markii lagu jabiyey ciidanka qaranka Shabaab-na ay isaga carareen deegaanka. “Ragaan inta aan ka naqaan Shabaab ma aheyn waxay iska ahayeen reer miyi, balse waxay barteen bililiqo oo dagaalkii Cawsweyne ayey dhowr qori ka heleen, marka sidii oo kale ayey rabeen inay Ceeldheer qoryo ka helaan markii la jebiyo ciidanka dowladda, balse waxaa qabtay ciidankii oo sii ceyrsanaya firxadka Al-Shabaab,” ayuu yiri nin aan magaciisa u qarinay sababo amnio o Ceeldheer ku sugan. Dhinaca kale, dadka deegaanka waxay noo sheegeen in hareeraha degmada Ceeldheer ay buuxaan meydadka Shabaab-kii shalay lagu laayey dagaalka, ilaa seddax goobood ayaa la sheegay in meydadku ay toban-toban u yaalaan. Arrinta murugada leh ayaa ah in askari ay Shabaab nolosha ku wateen duleedka magaalada laga helay meydadka isaga iyo raggii afduubtay oo lagu laayey jid-gooyo ay u dhigeen ciidamada GorGor ee xoogga dalka, oo shalay aad uga dagaalamay gudaha iyo hareeraha degmada Ceeldheer. The post Xog: 4 nin oo lagu qabtay dagaalkii Ceeldheer iyo geerida askari u gacan-galay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  17. Israeli minister Benny Gantz has announced his resignation from Prime Minister Benjamin Netanyahu’s emergency government, withdrawing the only centrist power in the embattled leader’s far-right coalition, amid a months-long assault on Gaza. Source: Hiiraan Online
  18. The legitimacy and political relevance of the Somali Federal Government have been increasingly declining in recent years. This analysis examines the government's effectiveness and authority, focusing on federalism adoption, the power-sharing formula, political and constitutional crises, and evolving federal-regional relations. Source: Hiiraan Online
  19. Wasiirkii Difaaca Israel oo ka tirsanaa Glaha Wasiiradda Dagaalka ee Israa’iil, Benny Gantz ayaa iska casilay xilkii uu ka hayey dowladda. Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu ku sheegay in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu ka hortagayo waxa uu ugu yeeray guul dhab ah oo laga gaaro dagaalka ka dhanka ah Xamaas, wuxuuna sheegay in ay tahay in uu muddeeyo waqtiga doorashada. Mr Gantz waxa uu damacsanaa in uu hadalkan jeediyo sabtida balse waxa uu dib ugu dhigay iyada oo la eegayey howlgalka soo furashada la haystayaasha Israel. Bishii la soo dhaafay, Mr Gantz ayaa 8 June u qabtay Mr Netanyahu si uu u qeexo sida Israa’iil ay ku gaari lahayd lixda qoddob ee “Himilooyinka istaraatiijiyadeed”, oo ay ku jiraan dhammaadka xukunka Xamaas ee Gaza iyo sameynta maamul rayid ah oo caalami ah oo dhulka ah. PUNTLAND POST The post Wasiirkii Difaaca Maamulka Israel oo xilkii iska casilay appeared first on Puntland Post.
  20. Mogadishu (HOL) — The Federal Government of Somalia announced that Somali government forces took full control of Ruunirgood on Sunday. The area is strategically located on the border of the Galgaduud and Middle Shabelle regions. Source: Hiiraan Online
  21. Nairobi (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa maanta loo doortay guddoonka wakiiladda joogtada ah ee dalalka Afrika (Africa Group) ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Xilkan ayaa waxa Soomaaliya ku meteli doona Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, islamarkaana ah Wakiilka Joogtada ah ee UNON, UNEP & UN-Habitat, Jabriil Ibraahim Cabdulle. Danjire Jabriil iyo howl-wadeenada safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa hoggaamin doona qorshe howleedka waddamada ku bahoobay Africa Group, iyada oo safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ay hoggaan u noqon doonto kooxda Afrika. Danjiraha ayaa uga mahad-celiyay dalalka Africa Group kalsoonida ay u muujiyeen dalka Soomaaliya, gaar ahaan hoggaanka safaraadda Soomaaliya, isagoo ballan-qaaday in uu si buuxda ula shaqeyn doono wakiillada dalalka Afrika. Soomaaliya ayaa sanadihii dambe horumar ballaaran oo dhanka xiriirada caalamiga ah ku tallaabsaneysay, ayada oo maalmo kahor ay aheyd markii ay ku guuleystay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qarmaada Midoobay. Soomaaliya ayaa Khamiistii kamid noqotay shanta xubnood ee cusub ee buuxinaya kuraasta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inta u dhaxeyso sanadka 2025 iyo 2026-ka. Golaha ayaa u codeeyay shanta dal ee kala ah Soomaaliya, Pakistan, Denmark, Greece iyo Panama. Soomaaliya ayaa xubin aan joogta ahayn ka noqotay golaha, iyada oo ku matali doonto labada sano ee soo socota qaarada Afrika. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan gelisay kursigan golaha ammaanka iyo sidii ay ku heli lahayd, taasi oo ugu dambeyntii mira-dhal noqotay. The post Sawirro: Soomaaliya oo loo doortay hoggaanka midowga… appeared first on Caasimada Online.
  22. Mogadishu (HOL) — Somalia will face Botswana in an important 2026 FIFA World Cup qualifying match on Monday, June 10, at Estádio do Zimpeto in Maputo, Mozambique. After a series of disappointing results, the Ocean Stars aim to secure their first win in Group G. Source: Hiiraan Online
  23. Tirada guud ee Falastiiniyiinta ku dhintay dagaalka marinka Gaza ayaa maanta gaartay 37,084 kun oo qof sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Caafimaadka ee Gaza. Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa ku dhawaaqday in ka badan 37,084 qof lagu dilay Marinka Gaza muddada ka badan siddeedda bilood ee uu socday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin. Waxay intaas ku dartay in tiradan ay ku jiraan ugu yaraan 274 qof oo lagu dilay weerarkii Israa’iil ay Sabtidii ku qaadday xerada qaxootiga ee Nuseirat, xilligaas oo afar la haystayaal ah nolol lagu soo badbaadiyay, tiradaas oo aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin. Wasaaraddu waxay sheegtay in 84,494 qof oo kale ay ku dhaawacmeen dagaalka tan iyo markii uu qarxay 7-dii October. PUNTLAND POST The post Tirada Falastiiniyiinta lagu dilay marinka Gaza oo gaartay in ka badan 37 kun appeared first on Puntland Post.
  24. Abudwak, Somalia – The death toll from the ongoing civil war in the Galgaduud region has surpassed 50 as tribal conflict continues to escalate. Reports indicate that violence erupted yesterday in the Landheer area, located in the northern part of the region. The clashes involve two tribal militias vying for control over grazing land between Caabudwaaq and Xeraale. The confirmed number of fatalities has now reached 50, with an additional 60 individuals reported injured following intense fighting yesterday. Both militias have access to war vehicles and heavy weaponry, which can prolong the conflict and result in significant casualties and destruction. In response, both the federal member state and Somalia’s central government have intensified efforts to restore peace. Security forces have been dispatched to the area to intervene between the warring parties. A ministerial committee, comprising five members appointed by Ahmed Abdi Kariye, the state’s leader, is now working towards a resolution of the tribal dispute. Despite recent stabilization and ongoing peace initiatives aimed at preventing further violence, the risk of renewed and bloody conflict remains high in the region. Tribal militias continue to face off against each other, with no significant deterrent to halt the fighting. The primary cause of this deadly conflict is competition over grazing land, as no other substantial resources appear to be driving the violence. The resurgence of tribal conflicts in Galmudug has had a devastating impact on local communities, particularly in central regions. Clan warfare and targeted killings have compounded the crisis, further destabilizing the area. Abubakar Mohamed Ali The post Tens dead in fresh fight in central Somalia appeared first on Caasimada Online.