-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaran News
-
Garowe (HOL) - Puntland regional state leader Said Abdullahi Deni has asked Somalia's international partners to establish a new mechanism enabling multilateral development banks to directly provide humanitarian support, development aid, and budget support to Puntland amid the increasing political conflict between Puntland and the federal government. Source: Hiiraan Online
-
Riyadh (Caasimada Online) – Caro iyo dhaleeceyn xooggan ayaa ka dhalatay kadib markii wasiirka Xajka iyo cumrada Sacuudiga uu ku dhowaaqay in boqortooyada aysan ogolaan doonin “hal-ku-dhigyada siyaasadeed” inta lagu jiro xajka, isaga oo ula jeeda ficillada garab is-taagga loogu muujinayo Falastiiniyiinta. Tawfiiq Al-Rabiah oo warbaahinta kula hadlay magaalada Riyaad ayaa sheegay in Xajka “loo yaqaan hab cibaado, waxaana aad u daneyneynaa inaan xaqiijino nabadda si qof walba uu si fudud ugu guto cibaadadiisa.” Waxa uu intaa ku daray “Sidaas darteed, Xajku waa cibaado ee maaha mid loo adeegsado hal-ku-dhegyo siyaasadeed, taasina waa waxa ay hoggaanka boqortooyada doonayaan in ay xaqiijiyaan – in Xajku ka kooban yahay astaamaha ugu sarreeya ee khushuuc, xasillooni iyo diin.” Hadalladan ayaa waxa ay dhaliyeen caro badan oo ka timid dad badan oo Muslimiin ah oo caan ka ah baraha bulshada, kuwaas oo su’aal ka keenay sida aan caddayn ee hadalka loo dhigay, kaasi oo u muuqday mid tixraacaya mudaaharaadyada caalamiga ah ee lagaga soo horjeedo dagaalka burburka leh ee lagu hayo Gaza iyo qul-qulka taageerada Muslimiinta ee qadiyadda Falastiin. “Islaamku waa hab nololeed, ma kala qaybsana qaybta ‘siyaasadda’ iyo ‘cibaadada’ ee Islaamka. Nebi Muxamed NNKH wuxuu siyaasadda iyo istiraatiijiyadda dagaalka uga hadli jiray masjidka,” ayuu yiri qof qoraal soo dhigay baraha bulshada. Mid kale ayaa waxa uu iftiimiyay in Xajku yahay xilli lagu fekerayo nuxurka Muslimnimada, oo ay ka mid tahay “diididda dulmiga”. Qaar kale waxay xuseen in inkasta oo oo uu yahay dal miisaan siyaasadeed ku leh gobolka, haddana Sacuudi Carabiya ay sii waddo mawqifka la dhimay ee ka qaybgalka diblamaasiyadeed, taas oo wiiqday diinta iyo qiyamka qoyska boqortooyada al-Sacuud. “Iyadoo uu socdo xasuuqa Gaza, aamusnaanta maamulka Sucuudiga waa wax uu ka naxo qof kasta oo bani’aadam ah iska daa Muslim,” ayuu yiri qof kale. Qaar ayaa iftiimiyay waxa ay u arkayeen in ay tahay laba wajiyeynta mas’uuliyiinta Sucuudiga iyaga oo xusay in ammaanida amiirka dhaxal-sugaha ah aan loo qaadan doonin dhibaato ‘siyaasadeed’. Dhaleeceyntaas waxaa ka mid ahaa, Saami Xamdi oo ah falanqeeye dhanka siyaasadda oo hadalka Rabiic su’aal geliyay, wuxuuna weydiiyay: “Maxay tani la macno tahay? Ha ka hadlin xasuuqa Gaza marka aad ku sugan tahay Baydka Allah?” Dhaleeceyntan ayaa waxaa ka jawaabay akoonka Inside the Haramain, oo ah kan rasmiga ah ee labada Masjid ee xaramka. “In loo duceeyo Falastiiniyiinta, gaar ahaan walaalaheen Gaza la ma mamnuucin, tani gabi ahaanba waa been abuur, waxa la mamnuucay waa hal-ku-dhegyo siyaasadeed, hadday tahay waddan iyo gobol kasta, keliya xuska Allah ayaa lagu soo qaadi karaa labada Masjid ee barakeysan,” ayaa lagu qoraal ay Inside the Haramain soo dhigeen barta X. Bilihii la soo dhaafay, mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa lagu soo warramayaa in ay sare u qaadeen howlgallada ka dhanka ah shaqsiyaadka dhaleeceynaya duullaanka Israa’iil ay ku hayso Gaza, iyadoo heshiis diblomaasiyadeed oo ay la gasho Israa’iil uu weli miiska u saaran yahay. The post Caro ka dhalatay go’aan siyaasadeed la xiriira Xajka oo Sacuudiga uu ku dhowaaqay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa laba jibaaray howlgallada amni xaqiijinta ah ee ay haatan ka wadaan caasimada iyo deegaanada u dhow, si looga hortego falalka amni darrada ah. Afhayeenka Booliska, Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qatay wariyeyaasha ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalladan iyo natiijada laga gaaray. Cabdifitaax ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen shabakad isku xiran oo dhac baahsan ka wadday magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda. Sida uu sheegay afhayeenka kooxdan ayaa waxaa horkacayay laba askari oo horay laga eryey ciidanka Xoogga, wuxuuna sheegay inay dhaceen gaadiid iyo moobeelo. “Laba ruux oo horay looga ruqseeyay ciidanka Xoogga dalka oo lahaa shabakad dadka dhacda ayaa waxa ay muwaadiniin Soomaaliyeed ku dhaceen gudaha degmada Dharkenley, waxay qaateen mooto, moobeello, kadibna waxay galeen degmada Garasbaaley” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laba gaari oo kale ay ka dhaceen degmada Garasbaaley iyo deegaanka Ceelasha Biyaha, kadibna ugu dambeyn laga daba tegay “Ciidamada booliska Garasbaaley ayaa daba galay degmada waxay ka dhaceen gaari waxayna la aadeen Ceelasha Biyaha oo ay rabeen inay ku dhuumaaleystaan, gaarigii markii ay taargada booliska baafiyeen lagu daba taagnaa ay dareemeen in aysan baxsan karin waa ay ka tageen gaarigii, hadana waxa ay gaari labaad kasoo dhaceen Ceelasha Biyaha” ayuu mar kale yiiri. “Sidoo kale waxay muwaadin Soomaaliyeed ka dhaceen bistoolad uu sifo sharci ah ku watay, bistooladaas waxay ku dhaawaceen muwaadin kale” ayuu sii raaciyay. Afhayeenka ayaa xusay in sidoo kale kooxdan ay taleefano badan ka dhaceen degmada Dayniile, kadibna ay ka baxsadeen kadib falkaasi. Waxaa kale oo uu tilmaamay inay soo gacan galeen labadan nin iyo lab kale oo caawiye u ahaa, isla markaana isku bahaystaan inay dhac ka gaystaan magaalada Muqdisho “Dhammaantood labadii ruux iyo laba kale oo kal-kaaliyeyaal u ahaa afartoodaba gacanta ayaa lagu soo dhigay, waxayna ku xiran yihiin saldhigga” ayuu kusoo gabagabeeyay. The post Daawo: Shabakad gaadiid ka dhacday MUQDISHO oo gacanta lagu soo dhigay appeared first on Caasimada Online.
-
Waxa dayacan oo gabi ahaanba aan shaqaynin 3 iskuul hoose/Dhexe oo ku yaala degmadda Sabawanaag ee bariga gobolma Maroodijeex Deegankani oo aan aad iga fogayn caasimadda Somaliland, waxa dayacan dadkii, caruurtii iyo waxbarashadiiba. Waxa xidhan oo dunsan iskuulka Bali Shire. Karin Labi iyo lka ku yaala degmada lafteeda. Iskuulka Bali Shire oo dib u dhiskiisa lagu qiimeeyay 4800 oo doolar gabi ahaanba wasaarada waxbarashadu way diiday, caruurihii iskuuladaasi dhigan jiray qaar guryaha ayay iska joigaan qaar kalena waalieiintood ayaa gaystay deegaano kale oo ay eheladoodu joogaan. Hadaba deegaankani waxa ku dhashay una dhashay oo ka soo jeeda gudoomiyaha Banka Somaliland Cali Cabdilaahi Daahir iyo xildhibaan Jamaal Adan Diiriye oo labaduba taageero u aha xukuumadda Muuse Biixi oo dayacday deegaanadaasi. Mar aanu wax ka waydiinay gudoomiyaha baanka arinkani wax jawaab ah kamaanaan helin. Waxa aanu dhawaan idiin soo gudbin doonaa dadka deegaanka oo aanu arimahani ka waraysanay, isla markaasina aad uga cadhooday dayacnaanta haysata dadkooda iyo deegaankooda waana dadkii soo doortay iyo deegaankii laga soo doortay Xildhibaan Jamaal Adan Diiriye. Waxana arinkani ka sii daran deegaanku waa caafimaad laan, waxana jirtay in 6 todobaad ka hor ay deegaankaasi ku dhinteen laba haween ah oo umulay markaas uun markii loo waayay dhiig joojin iyo gurmad de deg ah, Qaran News
-
Ururka dhaqaatiirta dalka Suudaan ayaa ku eedeeyay ciidamada gargaarka degdega ah ee RSF ah inay xoog ku galeen isbitaallo ku yaalla dalkaas, islamarkaana ay sabab u noqdeen inay joogsado shaqadii ka socatay. Kooxo u ololeeya barakacayaasha iyo qaxootiga ku sugan Darfur ayaa shaaca ka qaaday in xarun caafimaad oo ku taal xerada Abu Shuk oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah lagu duqeeyay saddex madfac, waxaana ka dhashay dhaawaca in ka badan 30 qof iyo laba ruux oo dhimasho ah. Sidoo hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ayaa ka digaya in cunno yarida ka dhalatay dagaallada ka socda 12 ka mid ah 18-ka gobol ee dalka ay isku badasho macaluul baahsan. tiro ka mid ah laamaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa ku baaqay in Suudaan laga badbaadiyo masiibo bini’aadantinimo oo sababi karta in malaayiin ruux ay ku dhintaan. Dagaalka Suudaan ayaa socda sanad iyo dhowr bilood, waxaana ku dhintay kumanaan qof, halka baraca iyo burburkuna ay gaareen meeshii ugu xumayd. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulan Magaaladda Kismaayo ku dhex maray Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana kulanka ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee dowlad goboleedka Jubbaland. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Guddiga Joogtada ah ee Jubbaland warbixin ka siiyay waxyaabihii labadii sano ee lasoo dhaafay u qabsoomay Golaha Shacabka, waxaana uu sheegay in goluhu meelmariyay shuruuc muhiim u ah dowladnimada Soomaaliyeed gaar ahaan arrimaha deyn cafinta, qaadista cunna- qabateyntii hubka ee dalka saarneyd iyo ku biiristii Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa Guddomiyaha Golaha Shacabka Iyo xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyay howlaha Golaha Wakiillada Jubbaland shuruucda ay meel mariyeen, wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay wada shaqeynta labada dhinac iyo in ay arrimaha shuruucda iska kaashadaan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa balan qaaday wada shaqeynta Iyo taageerida golayaasha wakiillada ee dowlad goboleedyada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta Iyo tayada howlwadeenada golayaasha wakiillada ee dowlad goboleedyada dalka. Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qeylo-dhaan uu u diray saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa u ku dalbaday inay xaqiijiyaan in si cadaalad ah oo siman loo qaybsado deeqaha iyo gargaarka horumarineed, isaga oo eedeyn culus u jeediyey dowladda federaalka. Codsigan oo loo diray hay’ado iyo dalal badan oo caalami ah, ayuu Deni hoosta kaga xariiqay welwelka weyn ee uu ka qabo wax uu ugu yeeray “siyaasadeynta sii kordheysa ee deeqaha” ee dowladda federaalka. Saciid Deni waxa uu qeylo dhaan ka muujiyay lacagaha ka yimaada deeq bixiyayaasha caalamka oo uu sheegay in dowladda federaalka ay adeegsato ajandayaal siyaasadeed, taasi oo uu ku andacoonayo inay socotay tan iyo markii isaga dib loo doortay. “Siyaasadeynta mashaariicda Puntland loo qoondeeyay, barnaamijyada iyo taageerada miisaaniyadeed waxay socotay 18-kii bilood ee u dambeeyay,” ayuu yiri Saciid Deni. Saciid Deni ayaa sheegay in la isku dayey in uu arrintan xal kala gaaro dowladda federaalka iyo bankiyada horumarinta balse aanu ku guuleysan. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey dowladda federaalka inay billaabeen olole war xumo tashiil ah iyo warar been abuur ah, oo la doonayo in lagu qalqal geliyo dowlad goboleedka Puntland, sida uu hadalka u dhigay. Deni ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la helo hanaan loo wada dhan yahay oo ku saabsan deeqaha dibadda, ganacsiga, heshiisyada, kheyraadka dabiiciga ah, iyo arrimo kale ee waaweyn ee saameynta ku leh danaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, oo ay ku jirto Puntland. Waxa uu ku dooday in falalka Muqdisho ay iska indha tirayaan waajibaadkii dastuuriga ahaa, iyo xaaladda taagta daran ee qaranka, taasi oo halis gelin karta xasiloonida iyo midnimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. “Marka la eego xaaladdan halista ah, waxaan ka codsanaynaa saaxiibadeena caalamiga ah inay garwaaqsadaan culeyska xaaladdan,” ayuu yiri Madaxweyne Deni. “Waxaan codsaneynaa in la sameeyo hannaan beddel ah oo awood u siinaya bankiyada horumarinta inay si toos ah u caawiyaan oo ay u taageeraan Puntland, kana madax-banaan siyaasadda Muqdisho.” Qeylo-dhaanka Deni ayaa imaneysa ayada oo Puntland ay wajaheyso xaalad dhaqaale xumo oo liidata, xilli ciidamada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha maamulka aan mushahar la siin muddo bilo ah. Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda federaallka ay Deni ka jartay qaar ka mid ah qoondadii Puntland ay ku laheyd deeqaha caalamiga ah, halka qaar kalena lagu dhibo. Puntland ayaa horey u sheegtay inay u macaamileyso si ka madax-banaan dowladda federaalka, hase yeeshee beesha caalamka ayaa weli deeqaha u soo marisa dowladda federaalka. The post Warqad sir ah: Saciid Deni oo u qeyliyey beesha caalamka, xilli ay dhuun qabatay DF appeared first on Caasimada Online.
-
Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad, ayadoo ay u fariisteen 35, 307 arday oo ka kala socda 656 dugsi oo ku yaalla gobolka Banaadir. Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa si rasmi ah u daah furay qaadista imtixaanka fasalka 8-aad, asagoo arday ku dhiirigaliyay inay si wanaagsan u dadaalaan. Ardayda maanta imtixaanka u fariisatay ayaa isugu jirta 19,766 wiil iyo 15,541 Gabdhood oo dhigta iskuullada Gobolka Banaadir, waana sannadkii 5-aad oo la qaadayo imtixaanka dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad. Sidoo kale imtixaankan ayaa socda dowlad gobolleedyada Jubbaland, Galmudug, iyo Hirshabeelle oo ay maalintii 3-aad u tahay, waxayna wadarta guud ee ardayda imtixaanka galaysa sanadkani gaaraysaa 51,607 arday markii laga reebo deegaanada Puntland iyo Soomaaliland. Source: goobjoog.com
-
Benny Gantz oo ka mid ahaa wasiirrada xukuumadda dagaalka ee Ra’isulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii shalay is casilay, tallaabadaasi oo cadaadiska ku sii kordhineysa Netanyahu. Gantz ayaa ahaa xubinta kaliyah ee xisbiyada siyaasaddoodu dhex-dhexaadka tahay ee ku jiray xakuumadda ay majaraha u hayaan isbaheysiga midigta fog ee Isra’il. Waxa uu xukuumaddani ka tirsanaa tan iyo inti uu billowday dagaalka Gaza muddo hadda laga joogo siddeed bilood. Is casilaadda Gantz ayaanan khatar deg deg ah hadda ku aheyn dowladda Isra’il, hase yeeshee yeelan karta cawaaqib halis ah, isla markaana ka dhigtay xukuumadda Isra’il ee hadda jirta mid ay isugu soo hareen wasiirro gabigoodba ah kuwo mayal adag oo si aada ah u jira dhinaca midigta fog. Benny Gantz ayaa horay uga digay is casilaadiisa haddii uusan Natanyahu la iman istaraatiijiyad cad oo ku aaddan Gaza, xilli Isra’il ay sii wadday dagaal millatari oo ay ku dishay tobnaan kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur. Netanyahu ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada oo uu uga jawaabayay is cazillaadda Ganz ku sheegay, in aanan hadda la joogin waqti laga tago dagaalka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo shir jaraa’id ka qabtay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan Xajka sanadkan oo mar kale cabasho xoogan ay ka timid. Qaar kamid ah xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa ka cawday adeeg xumo ay sheegeen in mas’uul ka tahay dowladda, kuwaas oo ay kala kulmeen goobihii la dajiyay Xujeyda qaar ayaa sheegay in hoteelo fiican aan la dejin, isla markaana kuleyl daran ay ku wajahayaan magaalada Maka oo cimiladeeda ay aad u kulushahay. Wasiirka oo ka jawaabayay arrintaasi ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad gaar ah oo fashilinaya Xajka, iyaga oo ka raadinaya dano kale, sida u hadalka u dhigay. “Waxaa nasiib darro ah in mararka qaar la arkayo qof dhahaya Xajkaan fashilinayaa, subxaanalaah, war xajka waa rukni ka mid ah arkaanul islaam” ayaa yiri Roobow. Isaga oo ka hadlayay dayaacadda la sheegay in lagu sameeyay xujeyda Soomaaliyeed ayuu ku jawaabay “Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaa ogaada Xajku dalxiis ma’ahan”. Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur oo hadalkiisa sii wata ayaa kula dardaarmay guddiga haatan shaqada wada iyo shirkadaha Xajka in looga baahan in ay daacad ka noqdaan shaqadooda, isla markaana ay Alle uga baqaan adeegga ay u hayaan shacbka. “Mukhtaar waa tagayaa ama waa la taksiinayaa ee shaqadiina ha’iska haleynina, Ilaaheyna uga baqa” ayuu sii raaciyay wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee Soomaaliya. Si kastaba, tirada xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan ayaa gaareysa illaa 11,500 oo xaaji, waana tiro ka ag dhow tirada xujeydii sanadihii lasoo dhaafay u soo xajisay Soomaalida, maadaama dal kasta xajka looga qoondeeyey tiro go’an oo la isla ogyahay, Soomaalida ayaa safka hore uga jirta xujeyda qiimaha ugu badan ku tagta Xajka. The post Roobow oo si yaab leh uga jawaabay eedda loo jeediyay: Dalxiis ma ahan XAJKA appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Israa’iil ayaa mar kale duqeeyay badhtamaha Qaza Axadii, maalin kadib markii ay dileen 274 falastiiniyiin ah intii lagu guda jiray howlgal lagu soo furtay dad la haystayaal ah. Tirada dhimashada weerarkii Sabtidii, ayaa ahayd tii ugu xumayd ee dagaalka Gaza muddo bilo ah, ciidamada Israa’iil ayaa weerarkoodii shalay ku dilay shacab u badan haween iyo carruur. Xogta soo baxday maanta oo Axad ah, ayey wasaaradda caafimaadka ee Gaza ku sheegtay in 274 falastiiniyiin ah la dilay – halka 698 qof oo kale ay dhaawacmeen kadib markii ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Israel ay gudaha u galeen xerada Al-Nuseirat oo ay dad badan ku nool yihiin si ay u badbaadiyaan afar la hayste oo ay bishii Oktoobar gacanta kusoo dhigeen Xamaas. Dhinaca kale taangiyo ayaa gudaha u galay deegaano hor leh oo ka tirsan koonfurta Gaza ee Rafah iyaga oo isku dayaya in ay xidhaan qayb ka mid ah magaalada, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo warbaahinta Xamaas. Source
-
Xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI ayaa Madaxweyne Biixi ku tilmaamay danbiile ay tahay in lala xisaabtamo. Madal ay madaxda xisbigu kula kulmeen qaar kamid ah taageerayaasha ayuu Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, ka sheegay in uu Biixi yahay danbiile. “Hebeenkan caawa ah cid danbiile ah oo in lala xisaabtamo u baahan Muuse ayaa kow ka ah, wixii dalka ka dhacay iyo duruufta uu ku suganyahay adiga ayay tahay in lagaala xisaabtamo” ayuu yidhi Xirsi. Waxa uu sheegay in madaxweynuhu uu ka baxay heshiiskii odayaasha bariga Burco fududeeyeen ee lagu saamaxay Jabhadii Buurtagacanlibaax, si uu iskaha horkeeno bulshada Somaliland oo anay doorasho u dhicin. “Waxaanu ku leenahay dadku wuu ku arkaaye doorasha laga sugayaa, waxaa aad ka sheekaynaysaana meesha maanta ma yaalaan, cid danbi leh anagu iska hortaagi mayno lakiin wixii ay dadka masuuliyiinta ahi ku heshiiyaan waa in ay dhawraan” ayuu yidhi Xirsi. Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo isna goobta ka hadlay ayaa isagu sheegay in madaxweynuhu uu saaxiibkii yahay qudbadiisana aan laga jawaabin, isaga oo sheegay in uu ka shaqayn doono walaalaynta bulshada Somaliland hadii uu guulaysto. Madaxweyne Biixi ayaa shalay sheegay in cadaalada la horgayn doono xubnihii Jabhada Gacanlibaax ee weerarka ku dilay askarta booliiska ah kuwaasi oo xukuumadiisu ay hore u cafisay, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ku simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo weli sii wada kulamadiisa gaar gaarka ah ayaa xalay wada-hadal khadka taleefoonka ah la yeeshay madaxweynaashii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isaga oo kala hadal arrimo xasaasi ah. Wada-hadalladan ayaa qayb ka ahaa wadatashiyo uu maalmahan James Swan la yeelanayo daneeyayaasha siyaasadda, si uu xog wareysto xaaladda guud ee dalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee loo yaqaano UNSOM. “Isagoo sii wada xiriirada uu la samaynayo daneeyayaasha Somaaliyeed ayaa Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan uu khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM. Farmaajo iyo James Swan ayaa waxa ay si gooni ah uga wada-hadleen isbeddeladii ugu dambeeyay ee dalka dhacay iyo sida looga shaqeyn karo horumarka Soomaaliya. “Waxay ka wadahadleen is baddalladii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo fursadaha lagu horumarinayo mudnaanta Qaranka” ayaa lagu sii raaciyay warka qoraalka ah ee UNSOM. Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo isla noocaan ah oo ay xalay wada yeesheen madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya kaas oo isna ahaa khadka taleefoonka ah. Shariif iyo Swan ayaa si gaar ah uga wada-hadlay arrimo ku aadan horumarada dalka ka socda iyo sida loo sii ambaqaadi lahaa horumarka jira. “Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan ayaa maanta magaalada Muqdisho khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Waxay ka wada hadleen horumarada dalka ka socda iyo sida loo sii ambaqaadi lahaa horumarka jira” ayaa lagu yiri qoraal kale oo kasoo baxay UNSOM. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho kulamo ka waday James Swan oo markii labaad loo soo magacaabay wakiilka QM ee Soomaaliya, isaga oo horey usoo ahaa ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM iyo madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022, kadib markii uu muddo dheer ka soo shaqeeyay adeegga diblomaasiyadda ee Mareykanka. The post Xogta wada-hadallo dhex maray Shariif, Farmaajo iyo James Swan + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga qabanqaabada maalmaha xoriyadda ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa shaqada guddiga, waxaana shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka mudane Cali Yuusuf Cali oo Guddoomiyaha guddiga. Guddoomiye Cali Yuusuf iyo xubnaha guddiga ayaa sii wada kulammada aan kala go’a lahayn ee diyaargarowga xuska maalmaha qaran oo nagu soo aadan, kulankaan ayaa ka dhacay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed, waxaana kasoo qeybgalay mas’uuliyiin kale duwan oo xubno ka ah. Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Xubnaha Golaha Wasiirrada XFS, Taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada Amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo bandhigay qorshaha iyo u diyaargarowga todobaadka Xorriyadda oo nagu soo wajahan, taas oo ay qayb ka yihiin dhammaan Hay’adaha Dowladda heerarkooda kala duwan. Guddigaan ayaa waa dhowaan magacaabay Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre waxaana loo idmaday qabanqaabinta maalmaha qaran ee nagu soo aadan ee 26-ka June iyo 1-da Luulyo, oo sanadkaan dhaca Mudishoo xasiloon. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Puntland oo baaq degdeg ah u dirtay Beesha Caalamka ayaa sheegtay in dowladda Muqdisho siyaasadeysay gargaarka bini’aadanimo ee la siiyo Soomaaliya. Qoraal ku qoran luuqadda English-ka oo ay Puntland u dirtay deeq-bixiyaasha Caalamka ayay ku sheegtay in Muqdisho siyaasadeysay gargaarka bini’aadanimo iyo mashaariicda horumarinta ee la siiyo Soomaaliya. Dowladda Puntland ayaa deeq-bixiyaasha ka dalbatay in ay wax ka qabtan tallaabada Muqdisho ku siyaasadeysay gargaarka iyo mashaariicda horumarinta ee lagu bixiyo magaca Soomaaliyeed. Xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale deeq-bixiyaasha ka codsatay in caddaalad loo qeybiyo gargaarka bini’aadanimo iyo mashaariicda kale ee la siiyo Soomaaliya islamarkaana lagu maamulo mas’uuliyad maaliyadeed. “Waxa aan adkaynaynaa in si caddaalad ah loo qaybiyo taageerada deeq-bixiyaasha, iyada oo diiradda la saarayo maamul wanaagga iyo mas’uuliyadda maaliyadeed” ayaa lagu yiri baaqa ka soo baxay Puntland. Halkan ka akhriso baaqa Puntland PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo deeq-bixiyaasha Caalamka ku dacweysay Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) – Heightened security measures are now in place in the Landhere area of Galgaduud Province, central Somalia, following violent intercommunal clashes that began on June 8. The conflict, involving two rival local militias, has resulted in at least 50 deaths and more than 60 injuries. Authorities have deployed armed troops to the region to control the violence and prevent further conflict. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada Oslo ee dalka Norway, waxaana halkaas kaga qeyb-galayaan shir caalamiga ah ee Oslo forum oo dhowaan halkaas ka furmaya. Shirkan oo uu guddoominayo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Norway ayaa looga hadlayaa nabadda iyo xasiloonida adduunka, waxaana ka qeyb-galaya madax iyo wakiillo ka socda in ka badan 50 dal, hay’ado waaweyn iyo ururro caalami. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la filayaa inuu shirka socdo kulamo doceedyo kala duwan la yeelan doona madaxda ka qeyb-galaysa, iyo hoggaanka dalka Norway, asagoo la wadaagi doona hormarka ay Soomaaliya ka gaartay nabadda iyo dib u dhiska dowladnimo ee dalka, iyo guulaha dagaalka ka dhanka kooxda Alshabaab, iyo kobaca dhaqaalaha. Sidoo kale madaxweynaha ayaa kulan la yeelan doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway iyo dalalka iskaandaneefiyaanka, wuxuuna kala hadli doona halka ay marayso xaaladda dalku, guulaha la gaaray, iyo qorshaha dowladda sida ay sheegtay villa Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga billowday imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad. Imtixaanka ayaa waxaa u fariistay maanta illaa 35,307 arday oo dhigata 656 iskuul, sida uu shaaciyay gobolka Banaadir. Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa si rasmi ah u daah-furay qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir oo ay u fariisteen ardeydii u badneyd. Ardayda maanta imtixaanka u fariisatay ayaa isugu jirta 19,766 wiil iyo 15,541 gabdhood. Maamulka gobolka Banaadir ayaa sannadkii 5-aad qaadaya imtixaanka dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad. Mr Yabooh oo ku hadlay afka Duqa Muqdisho maadaama uu ka maqnaa goobta waxa uu Ardayda ku dhiirra-geliyay in ay dedaalkooda waxbarashada ka mira-dhaliyaan. “Waxaan u mahadceliyay dadkii ka shaqeeyay ama isku dabariday xarumahii lagu gali lahaa imtixaanka iyo xarumaha saaka lagu galaayo oo ay ugu horreyso jaamacadda ummada sida ay uga qeyb qaateen na aad ayaan uga mahadcelinaayaa,” ayuu yiri guddoomiye Yabooh. Ardeyda maanta imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8-aad u fariisatay ayaa waxaa qayb ka ah ardeyda baahiyaha gaarka ah qaba (naafada) kuwaasi oo iskuullo gaar u ah wax ku barta. The post Ardeydii ugu badneyd oo maanta Muqdisho u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah appeared first on Caasimada Online.
-
ANKARA - Türkiye on Saturday condemned a terrorist attack in Somalia. Source: Hiiraan Online