Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliye ku xigeenka Golaha Milatariga ee maamula dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay Jimcihii in ay aad u danaynayaan inay xoojiyaan xiriirka kala dhexeeya Ruushka dhinac walba.Jenaraal Malik Aqar ayaa Jimcihii shalay kula kulmay magaalada Saint Petersburg ee dalka Ruushka Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli warbaahinta Sudan ay sheegeyso in Miltariga Sudan iyo dowladda Ruushka ay ka wadahadlayaan sidii Ruushka saldhig military looga siin lahaa xeebaha badda cas ee dalka Sudan iyada oo ciidamada Sudaan ay taas ku bedelanayaan hub ay kula dagaalamaan Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee uu dagaalaku u dhexeeyo Source
  2. Shirkadda Diyaaradda EgyptAir, ayaa ku dhawaaqday in bisha July ay bilaabayso duulimaadyo cusub oo dhexmara qaaradda Afrika, sida caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo Abidjan, oo ah caasimadda Ivory Coast, iyo sidoo kale khad aada Jabuuti. Waxaa la qorsheeyay in duulimaadyo lagu tago caasimadda Ivory Coast ee Abidjan, laga bilaabo 9-ka Luulyo ee soo socota, iyada oo saddex duullimaad todobaadkiiba ay tahay Axadaha, Talaadada iyo Jimcaha. EgyptAir waxa kale oo ay samaynaysaa duulimaadyo isku xidha Djibouti iyo Muqdisho laga bilaabo July 11 ilaa dhamaadka xagaaga iyada oo jadwalkiiso yahay laba duulimaad todobaadkiiba (Qaahira – Djibouti – Mogadishu – Djibouti – Qaahira). ). EgyptAir waxa ay waddaa qorshe wakhti dheer ah oo ay ku doonayso in ay ku balaarato Afrika oo ay ku gaadho suuqyo cusub si ay u beegsato macaamiisha cusub. Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay xirirka ay la leedahay dowladda Masar, iyadoo labadii sano ee lasoo dhaafay sare u qaaday horumarinta garoonka caalamiga ah ee Muqdisho. Sidoo kale Shirkadda diyaaraddaha ee Kenyaan Aiways ayaa todobaadkaan si rasmi Soomaaliya uga shaqo bilowday halka duulimaadyo kale oo caalami ah ay soo gaaraan codsigooda Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  3. Xaalada Badda Cas ayaa ah mid aad u kacsan iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan. Kooxda la socodka maraakiibta ee Midowga Yurub ayaa ka digaysa ugu yaraan saddex kooxood oo budhcad-badeed ah oo ku hawlan laba isku day weerar, halka Xuutiyiintu ay kordhiyeen dhaqdhaqaaqooda ku aadan badda Cas. Isku daygii ugu dambeeyay ayaa shalay ka dhacay markab ganacsi oo marayay meel u dhow Soomaaliya ka dib markii ay isku dayeen in ay gacanta ku dhigaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida. Ciidanka ilaalada Midowga Yurub ee xeebaha ayaa sheegay in ay ka gaareen kooxdaasi inta aysan gacanta ku dhigan. Ciidanka ayaa sagaal xabadood ku riday doonta markii ay usoo dhawaaday markabka. Markabka laga badbaadiyay kooxaha burcadbadeeda ayaa waxaa ka dul babanaayay calanka Jasiiradda Marshall . Toddobaad ka hor, markab nooca saliida ceyriin ah oo ka babanayay calanka Jasiiradda Cook Island,balse qeylo dhaan uu diray uu ka badbaaday markii ciidanka xeebaha Midowga yurub ay soo gaareen. Howlgalka Atalanta ayaa sheegay in lix ilaa todobo doonyood aan la garanayn meel ay ku sugan yihiin ay ku jiraan gudaha badda iyadoo laga cabsi qabo in kooxaha burcadbadeeda ah ay afduubtaan. Dhowr saacadood ka hor, Ururada Ganacsiga Badaha UK waxay sidoo kale heleen warbixin ku saabsan laba qarax oo ka dhacay meel u dhow markab 27 nautical miles koonfurta Al Mukha, Yemen oo u dhow Bab el-Mandeb. Markabka oo aan la magacaabin ayaa la sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray. Source: goobjoog.com
  4. Tiradda shacabka ay Israa’iil ku xasuuqday Marinka Gaza ayaa shalay gaadhay 36,731, sida ay shalay oo Jimce ahayd xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin. War ka soo baxay wasaaradda ayaa intaa ku daray in 83,530 qof oo kale ay sidoo kale ku dhaawacmeen duulaanka Israa’iil. “Weerarada Israa’iil ayaa lagu dilay 77 qof 221 kalena waa lagu dhaawacay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, Dad badan ayaa wali ku jira guryaha burburay hoostooda iyo goobaha ay adag tahay inay si fudud ku gaadhaan kooxaha gurmadka deg degta ah” ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda. Israa’iil ayaa sii wada weerarka naxariis darada ah ee ay ku hayso Gaza tan iyo bishii October ee sannadkii hore, inkastoo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray qaraar uu ku dalbanayo xabbad joojin degdeg ah. Source
  5. Weerar cirka ah oo Israel ay ku qaaday iskuul ay maamusho Qaramada Midoobay oo hoy u ah dadka reer Falastiin ee ku barakacay xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha Gaza ayaa lagu dilay inta u dhaxaysa 35 iyo 45 qof. Dadka halkaasi lagu dilay ayaa u badnaa haween iyo carruur. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay bartilmaansadeen Xamaas iyo dagaalyahanada Islamic Jihad oo gabaad ka dhiganayay Iskuulka, hadalkaas oo saraakiisha Xamaas ee Gaza ay beeniyeen. Sam Rose, oo ah agaasimaha qorsheynta ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin (UNRWA), ayaa sheegay in maamulka uu beegsanaayo carruurta loona baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto. Dhan kalena Philippe Lazzarini, oo ah guddoomiyaha guud ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin, ayaa sheegay in la joogo waqtigii suxufiyiinta caalamiga ah loo ogaan lahaa soo tabinta dhibaatada maamulka uu ku haayo shacabka Falastiin. Dalalka Caalamka ayaa qeylo dhaan ka muujiyay xasuuqa aan loo meel dayin ee Israel ay ka waddo marinka Qasa iyadoo lagu eedeeyay in ay beegsanayso shacabka. Source: goobjoog.com
  6. Garowe (HOL) - The Puntland Security Force (PSF) has apprehended two ISIS foreign nationals who they said survived last week’s US airstrike in northeastern Somalia. Source: Hiiraan Online
  7. Dagaal oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo kala dega Caabudwaaq iyo Xeraale ayaa saaka ka bilowday inta u dhaxaysa deegaanada Laandheer iyo Qalaanqalle oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Dadka deegaanka ayaa noo xaqiijiyay in dagaalka uu yahay mid culus, islamarkaana dhaawacyo la kala geeyay magaalooyinka Xeraale iyo Caabudwaaq. Maleeshiyaadkaan ayaa horay ugu dagaallamay deegaanadaan iyadoo ay xusid mudan in aan lagu guuleysan in laga dhex galo. Odayaasha dhaqanka ayaa wadda dadaallo ay ku joojinayaan dagaalka xilli maamulka Galmudug uusan awoodin in uu kala dhex galo Maleeshiyaadka sababo la xariira in uusan heysan ciidan awood leh oo kala dhex gali kara. Maalmihii u danbeeyey waxaa jiray xiisad colaadeed oo ka soo cusboonaatay aagga dagaalku saaka ka socdo. Dagaal beeleedyada ka socda deegaanada Galmudug ayaa kordhay sanadyadii lasoo dhaafay iyadoo Galmudug lagu eedeeyay in aysan waxba qaban. Source: goobjoog.com
  8. Refugees from Sudan's civil war who fled into neighbouring Ethiopia say they have been forced to move on again and take shelter in a forest and on roadsides after repeated attacks by gunmen left their tents pock-marked with bullet holes. Source: Hiiraan Online
  9. Kenyans are learning the truth of the old adage that taxes - along with death - are the only two certainties of life. Source: Hiiraan Online
  10. Prosecutors accused the defendants of stealing millions of dollars from programs meant to feed children. A juror was replaced after officials said she was apparently offered a bribe of $120,000 to acquit. Source: Hiiraan Online
  11. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ciidamada Israa’iil ku daray, diiwaanka caalamiga ah ee denbiilayaasha ku kaca xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda caruurta ee sannadkii 2023. Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Nidoobey Gilad Erdan ayaa xaqiijiyay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu Ciidamada Israa’iil ku daray liiska denbiilayaasha ku kaca xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda caruurta. Gilad Erdan ayaa sheegay in arrintan si rasmi ah loogu wargeliyey Jimcihii waxaana uu tallaabadaasi ku tilmaamay mid laga xishoodo. Diiwaankan caalamiga ah ayaa qayb ka ah warbixin ka hadlaysa caruurta iyo colaadaha hubaysan, taasoo la filayo in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu u gudbiyo golaha ammaanka bishan June 14-keeda. Warbixintan ayaa lagu eegaa, illaa lix nooc oo xadgudubyo ah oo ay ku jiraan, dilka, naafaynta, xadgudubyada jinsiga ah, afduubka, ku shaqaysiga iyo in la isticmaalo caruurta, iyo in la hor-istaago gargaarka bini-aadanimo lana bartilmaameedsado dugsiyada iyo cusbitaalada. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobey oo Millatariga Israa’iil ku dartay Liiska denbiilayaasha ku xad-gudba Carruurta appeared first on Puntland Post.
  12. Dagaal aad u xooggan ayaa lagu soo warramaya in uu saaka ka dhacay degmada Ceeldheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan bilowday kadib markii maleeshiyaadka Al-shabaab aroornimadii hore ee saaka weerareen saldhigyo ciidamada dowladda iyo macawisleey ku lahaayeen Ceeldheer. Kooxda Al-shabaab ayaa cagmarin ku tilmaantay weerarka ay ku qaadday magaalada Ceeldheer waxaana ay sheegtay in ay soo afjartay 4 saldhig ciidan islamarkaana la wareegtay gacan ku-haynta degaankaasi. Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin dhacdadaasi iyo sheegashada maleeshiyaadka Shabaab, mana jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay khasaaraha ka dhashay weerarka. Ciidamada dowladda federaalka oo kaashanaya macawisleyda degaanka ayaa hore Al-Shabaab uga qabsaday degmada Ceeldheer bishii Janaayo 2023-kii. PUNTLAND POST The post Maleeshiyaadka Al-shabaab oo saaka weerar xooggan ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud appeared first on Puntland Post.
  13. Ciidamada Maraykanka ayaa gudaha Yemen ku burburiyey afar diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn iyo laba gantaal oo an nooca loo adeegsado weerarada maraakiibta. Goobta lagu burburiyey saanaddan milateri ayaa ka mida, degaanada gacanta ugu jira kooxda Xuutiyiinta Yemen ee gacan saarka la leh Iran. Xuutiyiinta ayaa beryahan ugu dambeeyeyba bartilmaameedsanayey gaadiidka badda ee maraya marin biyoodka badda cas iyo gacanka cadmeed, tan iyo wixii ka dambeeyey bishii November ee sannadkii hore. Weerarada Xuutiyiinta ayaa halis weyn ku keenay ammaanka marin biyoodkan caalamiga ah, waxaana taasi ay keentay in Maraykanka iyo Ingiriisku inay qaadaan weeraro dhinaca cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta. PUNTLAND POST The post Maraynkanka oo burburiyay hub Xuutiyiinta Yemen u isticmaalayeen weerarada badda appeared first on Puntland Post.
  14. Minneapolis (Caasimada Online) – A Minnesota jury convicted five individuals and acquitted two others on Friday for their involvement in a scheme that siphoned over $40 million from a program meant to provide meals to children during the COVID-19 pandemic. The case garnered considerable attention due to an attempt to bribe a juror with $120,000 in cash, leading to the juror’s dismissal before deliberations commenced. A second juror informed about the bribe was also dismissed. The FBI continues to investigate this attempted bribe, but no arrests have been announced. Assistant U.S. Attorney Joe Thompson condemned the bribery attempt as “an attack on our criminal justice system,” vowing a thorough investigation using all available resources. Despite the scandal, Thompson expressed satisfaction with the fraud convictions, emphasizing the severe impact of the defendants’ actions. The convicted individuals lied about providing millions of meals to Minnesota children during the pandemic, exploiting the crisis to defraud the state and steal tens of millions of dollars. Thompson described their actions as not only criminal but also depraved and brazen. In contrast, defense attorneys argued that their clients delivered real meals to real people. These seven defendants were the first to face trial among 70 individuals indicted in what federal prosecutors have dubbed one of the largest COVID-19-related frauds in the country. The relaxed regulations designed to prevent economic collapse during the pandemic were manipulated, allowing more than $250 million in federal funds to be stolen, with only $50 million recovered. The mechanism of the fraud The fraudulent operation involved funds from the U.S. Department of Agriculture, which were administered by the state through nonprofit organizations and other partners. The accused allegedly submitted false invoices for meals that were never served, ran shell companies, laundered money, committed passport fraud, and accepted kickbacks. According to federal prosecutors, only a small portion of the funds received through the Feeding Our Future nonprofit went towards feeding low-income children, with the majority being spent on luxury cars, jewelry, travel, and real estate. The defendants faced multiple counts, including conspiracy, wire fraud, money laundering, and federal programs bribery. Each was charged based on their specific roles and had individual legal representation, resulting in a mixed verdict from the jury. Abdiaziz Shafii Farah, Mohamed Jama Ismail, Abdimajid Mohamed Nur, Mukhtar Mohamed Shariff, and Hayat Mohamed Nur were found guilty on most counts. Abdiaziz Farah considered a ringleader, faced the most charges and was convicted on 23 of the 24 counts against him. Said Shafii Farah and Abdiwahab Maalim Aftin were acquitted of all charges. Defense and legal reactions Following the verdict, Andrew Garvis, representing Aftin, acknowledged the case’s complexity and appreciated the jury’s thorough consideration. Steven Schleicher, Said Farah’s attorney, expressed his client’s gratitude for the acquittal. Other defense attorneys either declined to comment or did not respond to requests for comments. Sentencing hearings for the convicted defendants will be scheduled later. This case is part of a broader issue highlighted in an Associated Press analysis, documenting how thieves nationwide plundered billions in federal COVID-19 relief funds. Fraudsters potentially stole over $280 billion, with another $123 billion wasted or misspent, amounting to 10% of the $4.3 trillion disbursed by the government. The Bribery Incident The bribery attempt in this case further complicated the proceedings. After a juror reported the attempt, the judge ordered the surrender of all seven defendants’ cell phones for investigation. All defendants were taken into custody, and the jury was sequestered. According to an FBI affidavit, a woman delivered a gift bag containing $120,000 in cash to the “Juror #52” home in Spring Lake Park, urging the juror to vote “not guilty.” The juror immediately reported the incident to the police. The list of people with access to juror information included prosecutors, defense lawyers, and the seven defendants. Following the bribery incident, FBI agents conducted a search at Abdiaziz Shafii Farah’s residence. While the FBI confirmed their presence in the city, they did not disclose any details about the search’s connection to the bribery investigation. The federal charges for bribing or influencing a juror carry a maximum penalty of 15 years in prison, a potential outcome that is eagerly awaited by the public. Eighteen additional individuals have pleaded guilty in the broader $250 million fraud scheme. Among those awaiting trial is Aimee Bock, founder of Feeding Our Future, who maintains her innocence, asserting that she never stole and saw no evidence of Fraud among her subcontractors. The post Five Somalis convicted in $40m Minnesota fraud scheme appeared first on Caasimada Online.
  15. Minneapolis (Caasimada Online) – Xeerbeegtida ayaa dambi ku helay shan qof oo Soomaali ah oo degan Minnesota, waxayna ku waayeen labo qof oo kale Jimcihii, doorarkii ay ku lahaayeen shirqool lagu xaday in ka badan $40 milyan oo qeyb ka aheyd barnaamij loogu talo-galay in lagu quudiyo carruurta intii uu socday Coronavirus. Kiiskan ayaa soo jiitay dareen badan ka dib markii qof uu isku dayay in uu laaluusho xeerbeegti, isaga oo u keenay shandad ay ku jirto lacag dhan $120,000 oo caddaan ah. Xeerbeegtigaas ayaa la beddelay ka hor inta aan la guda gelin go’aan gaarista, waxaana sidoo kale la eryay xeerbeegti labaad oo arrintaas loo sheegay. Baaritaanka FBI-da ee isku dayga laaluushka ayaa sii socda, iyadoo aan la shaacin cid loo qabtay. Ka dib markii la akhriyay xukunnada, kaaliyaha xeer ilaaliyaha Mareykanka Joe Thompson ayaa isku dayga laaluushka ku tilmaamay “weerar lagu qaaday nidaamkeena cadaaladda dembiyada,” wuxuuna u sheegay suxufiyiinta in mas’uuliyiintu ay baari doonaan. Ma bixin wax faallo ah oo kale oo arrintan ku saabsan, wuxuuna muujiyay inuu ku qanacsan yahay xukunnada kiiskan khiyaanada ah. “Been ayey sheegeen waxayna si khiyaano ah u sheegteen inay malaayiin cunto ah ku quudinayeen carruurta Minnesota intii uu socday COVID-19. Eedaysanayaashu waxay ka faa’iidaysteen masiibada COVID-19 si ay khiyaameeyaan gobolka Minnesota waxayna xadeen tobanaan milyan oo dollar,” ayuu yiri Thompson. “Dhaqankani ma ahayn dambi oo kaliya, ee wuxuu ahaa dhaqan xumo iyo nacasnimo.” Qareennada difaaca ayaa ku dooday intii ay maxkamadda socotay in kalyantigooda ay cunto dhab ah siiyeen dad dhab ah. Toddobada qof ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee 70 eedeysane oo la soo taago maxkamadda waxa dacwad oogayaasha federaalku ay ugu yeereen mid ka mid ah khiyaanooyinkii ugu weynaa ee la xiriira lacagaha lagu lunsaday COVID-19 ee Mareykanka. In ka badan $250 milyan oo lacagta federaalka ah ayaa lagu lagu xaday Minnesota guud ahaan, iyadoo kaliya $50 milyan oo ka mid ah la soo celiyay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta. Gargaarka cunnada ayaa ka yimid Waaxda Beeraha ee Mareykanka, waxaana maamulayay gobolka, kaasi oo lacagta cuntada ku shubi jiray hay’ado aan macaash doon ahayn iyo ururo ku xiran kuwaas oo maamulayey, qorshuhuna ahaa inay caruurta ku quudiyaan. Eedaysanayaasha ayaa lagu eedeeyay in ay soo saareen qaan sheegadka cunnooyin aan waligood la bixin, ayna abuureen shirkado been ah, sidoo kalena sameeyeen been xalaaleyn lacag iyo khiyaanooyin kale. Dacwad-oogayaasha federaalka ayaa sheegay in kaliya wax aad u yar oo ka mid ah lacagtii dowladda ay bixisay loo adeegsaday in lagu quudiyo caruurta qoysaska saboolka ah, halka inta kale loo adeegsaday in lagu iibsado baabuur raaxo, dahab, guryo iyo safarro. Xubnaha dambiga lagu helay ayaa kala ah; Abdiaziz Shafii Farah, Mohamed Jama Ismail, Abdimajid Mohamed Nur, Mukhtar Mohamed Shariff iyo Hayat Mohamed Nur, kuwaas oo lagu helay inta badan dacwadihii lagu soo oogay. Dacwad-oogayaasha ayaa ku sheegay Abdiaziz Farah inuu hoggaaminayey kooxda xatooyada sameysay, waxaana lagu helay 23 ka mid ah 24-kii dacwad ee lagu soo oogay. Said Shafii Farah iyo Abdiwahab Maalim Aftin ayaa lagu waayey dhammaan dambiyadii lagu soo oogay. Xukunka xabsiyada ay wajahayaan kuwa dambiga lagu helay ayaa la waqtiyeyn doonaa goor dambe. The post Xukunka kiiska xatooyada $250 milyan ee Soomaalida Minnesota oo lagu dhawaaqay appeared first on Caasimada Online.
  16. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/BuuhoodleHospital.mp4 Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa afduubatay ku dhawaad 20 ka mid ah culumada Suufiyada ee Ahlu-Sunna Waljameeca, halka culimo kale oo aad u badan ay si dirqi ah uga badbaadeen afduubkaas, sida ay ogaatay Caasimada Online. Arrintaan waxay ka dhacday deegaanka Laantabuuro ee gobolka Sh/Hoose, halkaas oo culimada la afduubtay ay ku dhigayeen sayaarada Shiiqoodii diinta soo baray oo geeriyooday. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, culimada ay Shabaab Afduubteen ayaa ka kala timid Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka, sida Bay, Sh/Dhexe iyo Sh/Hoose qeybo kamid ah, waxayna halkaas ku dhigayeen siyaaro ay sanad kasta isugu yimaadaan. Afduubkaan wuxuu dhacay subaxnimadii hore ee Jimcaha, culimada oo habeenkii ku dhafartay Alle bari, quraan akhris iyo digri ayaa la soo weeraray markii ay tukadeen salaada subax, waxaana halkaas cagahooda uga baxsatay culimada badan. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in qiyaastii 20 ka mid ah culimada oo carari waayey ay gacanta u galeen kooxda Al-Shabaab oo halkaas ka kaxdysatay, lana aaday dhulka howdka ah. Sida ay sheegayaan xogaha hordhaca ah ee aan ka heleyno afduubka culimada, Al-Shabaab waxay la aadeen dhanka deegaanka Jilib-Marka, halkaas oo kooxdu ay saldhigyo ku leedahay. Xaalad jaho wareer ah ayey abuurtay arrintaan, waxaana laga cabsi qabaa in Shabaab ay laayaan culimadaan ka tirsan dariiqada Ahlu-Sunna, maadaama ay isku hayaan caqiido ahaan. Iyadoo kooxda Al-Shabaab ay dil ugu xukuman tahay qof kasta oo aan ku aragti aheyn, hadana markii la eego culimada Ahlu-Sunna ayey ugu necebyihiin umadda, maadaama ay yihiin raggii markii ugu horeysay la dagaalay oo farta ku fiiqay fidnada ka soo socota Shabaab-ka. The post Xog: Kooxda Al-Shabaab oo afduubatay 20 ka mid ah culimada Ahlu-Sunna appeared first on Caasimada Online.
  18. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/448039164_806372914804736_7035374764647109610_n.mp4 Click here to learn more Qaran News
  19. 448045418_3343838322418719_1199155784337299369_n Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habka fogaan aragga ah kaga qayb galay kulanka 23-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika. Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey Madaxda dalalka ku bahoobay Dalladan garab istaagga iyo u qareemidda codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hadal jeedintiisa ugu horreysay ee Shir madaxeedkan kaga hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya waddamada xubnaha ka ah EAC, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga, ganacsiga, iyo horumarinta dhaqaalaha. Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya dhowaan ay soo direyso wakiilladeeda labada gole ee Baarlamaanka iyo Maxkamadda Caddaaladda Bulshada Bariga Afrika. “Maanta, Soomaaliya waxa ay u tahay meerto taariikhi ah, inaga oo ka qeyb galnay shir madaxeedkeenii ugu horeeyay innaga oo ah xubin rasmi ah oo ka tirsan Dalladdan,” ayuu yiri. Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri “Soomaaliya waxa ay dhowaan soo direysaa wakiilladeeda labada Gole ee Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika iyo Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika.” Madaxweynaha ayaa ku booriyey madaxda kale ee EAC in la sii ambaqaado qorshayaal cad oo lagu xallinayo caqabadaha amniga iyo dhaqaalaha ee hortaagan gobolka, isagoo sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo xiriirka ka dhexeeya dowladaha xubnaha ah ee EAC. Soomaaliya ayaa dhowaan ku guuleysatay inay noqoto dalkii ugu dambeeyey ee ku biira daladda iskaashiga dhaqaalaha ee bulshada Bariga Afrika, dalal ay ku jirto Itoobiya ayaa hadda raadinaya fursad ay ugu biiri karaan daladda. The post Xasan oo isaga oo xubin ah markii u horreysay ka qeyb-galay kulan madaxeedka… appeared first on Caasimada Online.
  21. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo habka fogaan aragga ah kaga qayb galay kulanka 23-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa ku bogaadiyey Madaxda dalalka ku bahoobay Dalladan garab istaagga iyo u qareemidda codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hadal jeedintiisa ugu horreysay ee Shir madaxeedkan kaga hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya waddamada xubnaha ka ah EAC, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga, ganacsiga, iyo horumarinta dhaqaalaha, isagoo timaamay in Soomaaliya dhowaan ay soo direyso wakiilladeeda labada gole ee Baarlamaanka iyo Maxkamadda Caddaaladda Bulshada Bariga Afrika. “Maanta, Soomaaliya waxa ay u tahay meerto taariikhi ah, inaga oo ka qeyb galnay shir madaxeedkeenii ugu horeeyay innaga oo ah xubin rasmi ah oo ka tirsan Dalladdan. Soomaaliya waxa ay dhowaan soo direysaa wakiilladeeda labada Gole ee Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika iyo Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku booriyey madaxda kale ee EAC in la sii ambaqaado qorshayaal cad oo lagu xallinayo caqabadaha amniga iyo dhaqaalaha ee hortaagan gobolka, isagoo sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo xiriirka ka dhexeeya dowladaha xubnaha ah ee EAC. Source: goobjoog.com
  22. Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Fagaaraha magaalada Dhuusamareeb waxaa shalay lahu toogtay saddex nin oo lagu helay inay dileen Macallin Liibaan Xasan Cismaan iyo Dr Axmed Xasan Cismaan oo walaalo ahaa, ragga la toogtay waxay dilkaas ka geysteen deegaan dhanka bari ka xiga Guriceel, balse iyagoo baxsad ah ayaa lagu qabtay degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe. Labo arrin ayey dalbadeen ragaasi, waana loo fuliyey intii aan la toogan, taasi oo inta badan aan fursad loo siin maxaabiista la tooganayo, markii ay maxkamaduhu xukumaan. Ugu horeyn dhalinyarada markii fagaaraha toogashada la keenay intii aan lagu xirin tiirka waxay dalbadeen in la siiyo weyso iyo sali ay ku tukadaan salaad sunno ah, kadibna waala siiyey. Markii ay tukadeen tiirka ayaa lagu xiray, kadibna mar kale waxay codsadeen in fursad loo siiyo inay la hadlaan Aabaha iyo Hooyada dhalay wiilashii walaalaha ahaa ee horay ay u dileen oo goobta ku sugnaa. Waa loo ogolaaday, waxayna ka codsadeen inay cafiyaan si ilaahey raali uga noqdo markii la qisaaso kadib, labadii waalid ayaa wiilasha u cadeeyey inay cafiyeen xaqana ay ka oofsanayaan, sidaas ayaa lagu toogtay 3-dii wiil iyagoo aan qabin wax codsi ah oo u haray. Arrinta la yaabka leh waxay aheyd in dhalinyaradaasi ay toogashada ay u diyaarsanaayeen oo waalidiinta wiilashii ay horay u dileen aysan ka codsan in laga baajiyo, balse markii tiirka lagu xiray kaliya waxay ka codsadeen inay u cafiyaan dembigii ay ka galeen, xaqana ka oofsadaan. Qisada wiilashaan ayaa si weyn uga yaabisay bulshada, waxaana aad loogu falanqeeyey baraha bulshada, dad badan waxay qabeen in la cafiyo, maadaama ay kuwii horay loo dilay iyo kuwa loo tuuganayo ay ka dhasheen jufooyin walaalo ah oo ka soo wada jeeda Beesha Cayr ee Habargidir. 3-da dhalinyarada ah ee shalay Dhuusamareeb lagu toogtay waxaa lagu kala magacaabo jiray Nuur Cabdi Maxamed, Shucayb Maxamed Faarax iyo Bile Cabdullaahi Xasan, kuwaas oo 27-kii Febraayo ee sannadkan ay dil toogasho ah lagu xukumay maxkamadda gobolka Galgaduud. The post Xog: Maxay kala ahaayeen labada arrin ee ay codsadeen raggii lagu toogtay Dh/mareeb? appeared first on Caasimada Online.
  23. Gudoomiyaha degmada Baladxaawo mudane Cabdicasis oo uu wehlinayo madaxa arimaha bulshada maamulka degmada mudane Nuur Cadawe Baadow ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu dhiirigelinayay in ka badan 423 arday oo galaya imitixaanka shaahdiga fasalka 8-aad ee ay qaadayso wasaasadda waxbarashada dowlad gobolleedka Jubbaland. Ardaydan oo ka kala timid 19 Dugsi oo ku yaala degmada Baladxaawo iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa uu gudoomiyaha kula dardaarmay in ay ilaaliyaan qaanuunka imitixaanka wuxuuna ku dhiiragaliyay in ay kaalmo muuqda ka galaan imitixaankan. Gudoomiyaha ayaaa dhanka kale Alle uga baryay in uu u fududeeyo imitixaanka isagoo dhanka kale u balan qaaday in ka maamul ahaan ay si buuxda u garab taaganyihin. Source: goobjoog.com
  24. Ciidanka Amniga Puntland ee PSF ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen xubno ajaanib ah oo ka tirsan maleeshiyaadka Daacish. Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Ciidanka PSF ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen laba xubnood oo ka tirsan Daacish kuwaas oo ka soo jeeda dalka Tanzania. Taliska PSF ayaa tilmaamay in labada xubnood oo ka badbaaday duqayn 31 May ka dhacday buuraha Calmis haddana laga soo qabtay meel 30KM u jirta goobtii la duqeeyay. Magacyada xubnaha la qabtay ayay PSF ku sheegtay Cimraan Maxamed Calawi iyo Mabruuk Naasoor Saciiddi oo da’doodu tahay 25 sanno jirro. PUNTLAND POST The post Puntland: Ciidanka PSF oo shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen ajaanib ka tirsan Daacish appeared first on Puntland Post.