Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo xog dhameystiran ka hayay isku day kooxda Alshabaab inay soo weerarayaan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa ka hortagay weerarka gaadmada ah ee ay soo qaadeen kooxda Alshabaab sida lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay dowladda. Sidoo kale waxay dowladdu sheegtay in dagaalka koowaad uu ka dhacay bannaanka magaalada oo marka hore ay isku fara saareen ciidan loo diyaariyay kooxda weerarka soo qaaday, waxaana halkaas lagu dilay ilaa 9 xubnood oo ka tirsan Alshabaab. Alshabaab dagaalka koobaad looga itaal roonaaday ayaa dib uga baxsaday magaalada, iyaga oo u kala firxaday qeyba kala duwan, ciidanka deegaanka iyo ciidanka Qaranka oo dabin u diyaariyay ayaa ku helay tuulo u dhaxaysa deegaanka Cali Yabaal iyo xarunta degmada ayaana ka diley 18 xubnood, sidoo kalena ka qabdaday gaadiidka sida warbaahinta dowladdu tibaaxday. Sidoo kale, intii ka hartay kooxda waxaa duqeyn dhinaca cirka ah lagula beegsaday deegaanka Cali Yabaal, waxaana xogta horu dhaca ah ee laga helay ay sheegaysaa in lagu laayay in ka badan 20 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal ayaa sidoo lagu sheegay war saxaafadeedka. Meydadka Alshabaab ayaa wali daadsan goobihii ay ka dhaceen dagaaladii ay ku hoobteen kooxdu, waxaana wadarta guud ee khasaaraha horudhaca ah uu muujinayaa in 47 xubnood laga dilay, ciidankana waxaa ka dhintay 5 xubnood ayaa lagu soo gunaanaday bayaanka ay dowladdu soo saartay. Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli saaka goor hore ay kooxda Alshabaab weerar ku ekeeyeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, islamarkaana uu dagaal xooggani halkaas ka dhacay. Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saartay khasaaraha ka dhashay weerarkii saakay ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu laayey kooxda, sida kucad bayaankaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Dowladda ayaa sheegtay in 47 xubnood kooxda Al-Shabaab looga dilay dagaal la isku riiqmay oo ilaa saddex goobood ka dhacay, sidoo kale dowladda ayaa shaacisay in shan askari ay kaga shahiideen dagaalka. Hoos ka akhriso bayaan DF Ciidamada Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka oo xog dhameystiran ka hayay isku day cadowga khawaarijta ah ay ku soo weerarayaan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa u degay qorshe difaac oo lagu burburiyay kooxdii naf la caariga ahayd ee weerarka gaadmada ah soo qaaday. Dagaalka koowaad waxaa uu ka dhacay banaanka magaalada oo marka hore ay isku fara saareen ciidan loo diyaariyay maleeshiyadii la soo khaldey, waxaana halkaas lagu dilay ilaa 9 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta. Dhagarqabayaashii oo ku jabay goobta dagaalka ayaa dib uga baxsaday magaalada, iyaga oo u kala firxaday qeyba kala duwan. Geesiyaasha deegaanka iyo ciidanka Qaranka oo dabin u diyaariyay ayaa ku helay tuulo u dhaxaysa deegaanka Cali Yabaal iyo xarunta degmada, waxaana halkaas ay ku dileen ilaa 18 ka tirsanaa maleeshiyaadkii habqanka ahaa ee ku soo jabay dagaalkii Ceeldheer, waxaana ay ka qabsadeen gaadiid iyo saanad kale. Sidoo kale, intii ka hartay Khawaarijta waxaa duqeyn dhinaca cirka ah lagula beegsaday deegaanka Cali Yabaal, waxaana xogta horudhaca ah ee laga helay ay sheegaysaa in lagu laayay in ka badan 20 Khawaarij ah oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal. Meydadka Khawaarijta ayaa wali daadsan goobihii ay ka dhaceen dagaaladii ay ku hoobteen cadowga, waxaana wadarta guud ee khasaaraha horudhaca ah uu muujinayaa in 47 xubnood laga dilay cadowga. Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka ee cashirka lama ilaawaanka ah u dhigay Khawaarijta, waxaa ka shahiiday 5 xubnood oo naftooda u huray baabi’inta cadowga ku soo gardarooday dadkooda iyo dalkooda. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weli ku dabajooga maleeshiyaadkii cararey oo qaarkood ay dhaawacan yihiin, waxaana dowladdu si joogta warbixin uga siin doontaa dadweynaha hadba sida ay xaaladdu noqoto. The post DF oo shaacisay tirada Al-Shabab looga dilay dagaalkii Ceeldheer iyo askarta shahiiday appeared first on Caasimada Online.
  3. Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen agagaarka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab. Ciidamada ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Cumar Baarey oo hoostaga magaalada Afgooye ee gobolkaasi. Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu dilay ugu yaraan 2 xubnood, sidoo kalena lagu soo qabtay 13 kale “Labo ka tirsan maleeshiyaadka khawaarijta ah ayaa lagu dilay deegaanka Cumar Baareey oo qiyaastii 8-KM u jira degmada Afgooye, waxaana gacanta lagu dhigay 13-kale oo ka tirsanaa Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xubnaha Al-Shabaab ay doonayeen inay gaadiidka iyo dadka safareyda ah ay waddada u galaan, balse laga hortegay. “Maleeshiyaadkaan Khawaarijta ah ayaa isku dayay inay jidka u galaan dadka safarka ah, si ay uga furtaan waxa ay wataan” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ka dhacay duleedka degmada Afgooye. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya aagga deegaanka Cumar Baarey oo ah halka uu howlgalku ka dhacay. Shabeelaha Hoose oo ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa badanaa ka dhaca weeraro iyo dagaallo kala duwan oo gaysta khasaare dhimasho iyo dhaawac. The post Xubno Shabaab ka tirsan oo nolosha lagu soo qabtay iyo kuwa kale oo la dilay appeared first on Caasimada Online.
  4. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/VID-20240608-WA0008.mp4 Qaran News
  5. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ka qabsoomay magaaladda Kismaayo ee xarunta Kumeel gaarka ah ee dowlad gobolleedka Jubaland. Kulanka oo ay ka qeyb gashay Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, wuxuuna ajendihiisu ahaa diyaarinta ajandayaasha guud ee kalfadhigan shanaad ee Golaha Shacabka. Ugu horeyn xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dooday qaabka xulista Xildhibaanada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC), shuruudaha qofka Baarlamaankaas ka mid noqonaya looga baahanyahay, wadamada ururkaas ka mid ah wadan walba waxa looga baahanyahay Iyo kaalinta uu ururka ku leeyahay oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha wadan walba sanadkii laga rabo Inuu bixiyo Iyo sidoo kale dhamaan shuruurdaha ku gaadaaman in ay Soomaaliya si rasmi ah ururkan ula falgasho. Sidoo kale xubnaha guddiga joogtada ah ayaa ansixiyay in la dardar geliyo shuruucdii hore ee qabyada aheyd iyaga oo dhan kale ajandeeyay dhamaan hindise sharciyeedyada cusub ee ay Xukuumadda soo gudbisay. Kulankan waxa uu ka mid ahaa kulamada banbaxa Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka, waana ujeedka safarka Guddoomiyaha Golaha Iyo wafdigiisa ay u yimaadeen magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubaland. Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya aya looga hadlay dagaal beeleed maanta dib uga qarxay waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi. Dagaalka ayaa maanta si gaar ah uga dhacay deegaanka Laandheer oo ku yaalla inta u dhexeysa magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee gobolkaasi. Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa baaq loogu diray beelaha ku dagaalamay halkaasi, ayada oo wasaaradda arrimaha gudaha ka dalbaday inay fursad siiyaan wada-hadallada nabadda. “Waxaan ugu baaqeynaa inay si deg-deg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay fursad siiyaan nabadda iyo wada-hadalka” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda. Sidoo kale dowladda federaalka ayaa ugu baaqday Galmudug iyo waxgaradka deegaanka inay kaalintooda ka qaataan daminta dagaal beeleedka ka socda halkaasi. Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 20 kale, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Maleeshiyaadka dagaalamayaa ayaa sidoo kale haystay gaadiid dagaal, waxayna dhinacyadu helayaan gurmad, taas oo uga sii dareysa xaaladda. Deegaanada Galmudug ayaa waxaa kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana saameynta ugu badan ay ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobollada dhexe. Waxaa sidoo kale dagaal beeleedyadan barbar socda dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay isku gaysanayaan beelaha dagaalamaya, taas oo iyana xaalad kale ka abuurtay gobolka The post Dowladda oo war culus kasoo saartay dagaal beeleedka ka socda GALGADUUD appeared first on Caasimada Online.
  7. Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ayaa ka billowday dowlad gobolleedyada Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaana u fariistay kumanaan ardayda ah oo deegaanadaas ku nool oo u gudbaya dugsiga sare. Madaxweynaha Dowladda Jubbaland mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa saaka si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee deegaanada Jubbaland. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowlad Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax, Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo masuuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa daahfurka Imtaxaanka fasalka 8-aad oo Madaxweynahu uu ka daahfuray Dugsiga Hoose iyo dhexe ee Ganaane. Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee sanadkan ayaa waxaa dhammaan deegaanada Jubaland ka galaya Arday gaaraysa 4,357 kuwaas oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho. Dhanka kale wasiirka waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore ayaa magaalada Cadaado ka daahfuray Imtixaanka fasalka 8-aad ee deegaanada Galmudug, ayadoo tirada ardayda sanadkan u fariistay ay gaarayso 6,715 arday oo ku kala sugan 17 degmo oo dowlad gobolleedkaas ka tirsan. Sidoo kale wasiirka Waxbarashada Hirshabeelle Siciid Hagar Camalow ayaa magaalada Beledweyne ka daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee deegaanada dowlad gobolleedkaas, waxaana sanadkan u fariistay 5,228 arday oo ku kala sugan 13 degmo. Wadarta guud ee ardayda maanta Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad u farriisatay ayaa ah 16,300 oo arday, ayadoo Imtixaankii ardayda gobolka Banaadir iyo Koonfur Galbeed dib loo dhigay. Source: goobjoog.com
  8. Mystery surrounds the fatal shooting of two hospital construction workers in Dadaab, Garissa County. Source: Hiiraan Online
  9. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/VID-20240608-WA0008.mp4 Qaran News
  10. Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay kursiga xubinnimada aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo ay mataleyso wadamada Afrika, waa markii 2-aad 50 sano kadib. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamida ah ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka qeybgalayay kulanka doodadda kulanka X Space ee Goobjoog TV ayaa ka hadlay muhiimadda tilaabadan taariikhiga ah iyo kursigaan u leeyahay Soomaaliya oo sii heyn doonoto 2025-2026 oo muddo 2 sano ah. Wasiirka ayaa tilmamay in ay tahay guul la gaaray oo muddo sanado ah ay lasoo waday dadaalkeeda oo ugu dambeyn lagu guuleystay, waxaana uu u mahadceliyay dowladihii codadkooda siiyay Soomaaliya si ay u noqoto xubinnimada kursiga, kuwaas uu ku tilmaamay kuwa dowladda ka shaqeysay xornimadooda. Wasiirka ayaa intii doodad socotay isdultaagay xiisadda ka dhalatay arrimaha badda, waxuuna arrintaas edeeda dusha uga tuuray maamulka Somaliland madaxdooda oo uu sheegay iney ka quusteen in dunida ay ka gadaan kala go’ynta dalka, kadibna isku dhiibay dal cadaawad kala dhaxeyso oo waliba la daris ah isaga oo intaa raaciyay in Itoobiya damaceeda uu jiray 600 oo sano Wasiirka ayaa tilmaamay in madaxweyne Muuse Biixi iyo hoggaamiyeyaasha kale ee Somaliland ay si damacooda u badbaadiyaan ay heshiiskaas u galeen, Somaliland ayaa diidmo cad dunida kala kulantay 2023 oo loo sheegay in muhiim ay tahay in federalka ay kusoo biiraan, markaas oo wadahada bilowday. Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Axmed Fiqi ayaa dhinaca kale xusay in dadka ku nool gobolka Awdal uu hadda culeyska saran yahay oo lasoo hunguriyeeyay uu waajib saran yahay, lagana rabo in ay u midoobaan sidii ay u diidi lahaayeen damacaas, waxaana uu carabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliyeed ay garab taagan tahay. Halkaan ka daawo https://fb.watch/sA916jxN0e/ Source: goobjoog.com
  11. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleed xooggan maanta ka dhacay degaan ka tirsan gobolka Galgaduud. Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedkaasi oo ka dhacay degaanka Laandheer oo u dhexeeya Caabudwaaq iyo Xeraale. Bayaan ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka iyo culimaa’u-diinka in ay isu taagaan sidii deg deg loogu joojin lahaa dagaalka beeleedkaasi. Bayaanka ayaa sidoo kale mas’uuliyiinta Galmudug u soo jeediyay in ay kaalintooda ka qaataan xal u helidda colaadda beelahaasi ku dagaallamaya gobolka Galgaduud waxaana wasaaraddu xustay in ay diyaar u tahay wax kasta oo lagu baajin karo dagaalka. Halkan ka akhriso baaqa nabadeed ee dowladda PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleed maanta ka dhacay gobolka Galgaduud appeared first on Puntland Post.
  12. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/448035711_1510219979529072_1831613074775209405_n.mp4 Qaran News
  13. Dubai (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u dirtay dalka Isu Tega Imaaraadka Carabta Danjire Xuseen Xalane ayaa maanta qaaday tallaabadiisii ugu horreysay tan iyo markii dhowaan loo magacaabisay xilkaasi. Danjire Xuseen Xalane ayaa maanta warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Kaaliyaha Xog-hayaha Hab-maamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Saif Abdulla Alshamisi, oo ku sugan magaalada Dubai ee caasimada dalka Imaaraadka Carabta Saif Abdulla ayaa u rajeeyay safiirka cusub inuu ku guuleysto howlaha shaqo ee loo igmaday iyo xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka. Dhankiisa Danjire Xuseen Xalane ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in dalkiisa uu ku metalo dalka Isu Tegga Imaaraadka oo kamid ah waddamada Khaliijka Carabta. Sidoo kale waxa uu ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta iskaashiga labada waddan iyo horumarinta danaha labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka. Xiriirka Muqdisho iyo Dubai ayaa haatan ah mid wanaagsan, wuxuuna sii xoogeystay dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh ee 15-kii May ee sanadkii 2022-kii. Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka fuliyaa mashaariic kala duwan, isaga oo sidoo kale taageeta ciidamada. The post Safiirka cusub ee Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta oo tallaabadii u horeysay qaaday appeared first on Caasimada Online.
  14. iyadoo ay ugu yaraan 10 qof ku dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka xooggan oo ka socda deegaanno hoos taga magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud ayay wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya arrintaa war ka soo saartay. Warka ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri” Wasaaradda waxay si dhow ula socataa dagaalka khasaaraha geystay ee beelaha walaala ah ku dhex maraya deegaanka laandheer ee u dhaxeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo xeraale, waxaana ugu baaqaynaa inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda, islamarkaana ay fursad siiyaan nabad iyo wada-hadalka”. Sidoo kale Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa culumada iyo waxgaradka deegaanadaas ka codsatay inay u istaagaan joojinta dagaalka khasaaraha badan dhaliyay ee ka socda gobolka Galguduud. Ka sukow khasaaraha dhimasho ee meleeshiya beeleedka dagaalamaya soo gaaray, waxaa ku naf waayay saraakiil ka tirsan dowlad gobolleedka Galmudug, wararka ugu dambeeyay ee deegaanka ka imaanayaahi waxay sheegayaan in Galmudug ay halkaas u dirtay ciidanka kala dhex gala dhinacyada dagaalamaya. Source: goobjoog.com
  15. Mareykanka ayaa sheegay door taageerro inuu ku lahaa howlgalka lagu soo furtay Afar maxbuus oo Israa’iiliyiin ah oo maanta ciidanka Israa’iil ay ka soo furteen Xamaas. Howlgal ay ka fuliyeen xerada qaxootiga ee Nuseirat oo ku taalla bartamaha Qasa, iyadoo Israa’iil ay sheegtay in labo goobood oo kala duwan laga soo badbaadiyay maxaabiistan. Xamaas ayaa dhankeeda sheegtay 8 bilood kaddib oo dagaalku socdo inay maanta sheegto Israa’iil inay soo furteen 4 maxbuus inaysan waxba ka beddeli karin guul-darrada istiraatijiga ah ee dagaalka ay kala kulmayso Israa’iil. Israa’iil waxay sheegtay howlgalkan inay diyaarinayeen muddo toddobaadyo ah , iyadoo maanta inta uu socday howlgalka ay Israa’iil ku dishay 210 Falastiiniyiin ah oo u badan carruur iyo haween, halka 400 oo kale ay ku dhaawacmeen. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo sheegtay in ay maanta maxaabiis ka soo furatay Xamaas appeared first on Puntland Post.
  16. Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanada maamulkaasi, xilli dowladda dhexe ay qorsheyneyso in gebi ahaanba ciidamadaas laga saaro dalka, kuwaas oo hadda qayb ka ah howlgalka ATMIS. Lafta-gareen ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay ciidamada Itoobiya iyo saraakiishooda, kaas oo looga hadlay amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada maamulkaasi. “Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan looga Hadlayey Amniga guud Deeganada Koonfur Galbeed la qaatay Saraakiisha Ciidanka Itoobiya ee Qeybta ka ah Howlgalka ATMIS” ayaa lagu yiri. Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo la filayo in wajigiisa labaad uu dhawaan ka billowdo gobollada Baay iyo Bakool. Kulankan ayaa imaanaya, ayada oo maalmo dhaweyd dowladda Soomaaliya ay shaacisay go’aan ka dhan ah ciidamada Itoobiya, kuwaas oo ay sheegtay in laga saarayo dalka, hase ahaatee waxaa arrintaas ka horyimid Koonfur Galbeed oo ay ka howlgalaan deegaankeeda. Koonfur Galbeed ayaa ku dooday in ciidamadan ay ka gacan siiyaan amniga iyo dagaallanka Al-Shabaab, isla markaana ay sii joogi doonaan deegananadeeda. Sidoo kale waxa ay u mahad-celisay ciidamada Itoobiya, ayada oo ku amaantay kaalinta ay ka qaataan amniga iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab. Arrimahayan ayaa abuuraya xiisad horleh, maadaama Koonfur Galbeed ay si cad uga hortimid qorshaha dowladda federaalka ee ku aadan ciidanka Itoobiya ee jooga dalka. Itoobiya ciidamada ka jooga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa isugu jiraan labo ciidan; ciidan hoos yimaada hawlgalka kumeel gaarka ah ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo ciidamo aan ka tirsaneyn hawgalkaas oo toos u hoostaga wasaaradda difaaca ee Itoobiya. Si kastaba, waxaa haatan socdo la tashiyo ku aadan ciidanka badali doona hawgalka ciidamadaATMIS kuwaas oo isugu jira kuwo siyaasadeed, muwo dhaqaale iyo arimo farsamo. The post Lafta-gareen oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta ciidanka Itoobiya + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  17. Dhusamareb (HOL) - At least eight people from both sides were killed and ten others wounded in an inter-clan fight in a small village between Heraale and Abudwak districts in the Galgadud region on Saturday. Source: Hiiraan Online
  18. A federal appeals court upheld the conviction Friday of a British national for his role in a hostage-taking scheme by the Islamic State group that took roughly two dozen Westerners captive a decade ago. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka qabsoomay dibad-bax ballaaran oo uu soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, kaas oo ka dhacay xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar. Ujeedka dibad-baxan ayaa ahaa mid lagu soo dhaweynayay guusha Soomaaliya ee ku biirista golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana loogu mahadcelinayay madaxda qaranka. Waxaa dibad-baxa ka qayb-galay dad u badan shaqaalaha gobolka Banaadir, guddoonka dhalinyarada gobolka, haweenka iyo mas’uuliyiinta maamulka sare ee gobolka Banaadir. Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo hadal kooban ka jeediyay madasha ayaa sheegay guushan ay tahay guul Soomaaliyeed oo la gaaray 72 sano kadib. “Guusha aan u dabaal-dageyno waa kamid noqoshada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay marka guusha la gaaray ee maanta xubin ka noqono golaha ammaanka 72 kadib, waana guul usoo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho. Soomaaliya ayaa Khamiistii lasoo dhaafay xubin aan joogta ahayn ka noqotay golaha, iyada oo ku matali doonto labada sano ee soo socota qaarada Afrika. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan gelisay kursigan iyo sidii ay ku heli lahayd, taasi oo ugu dambeyntii maanta mira-dhal noqotay. Soomaaliya iyo afarta dal ee kala ah Denmark, Greece, Pakistan iyo Panama ayaa waxay beddeli doonaan dalalkii horey ugu fadhiyay kuraasta ee kala ah Mozambique, Switzerland, Malta, Japan iyo Ecuador. Guushan wayn ee ay gaartay Soomaaliya ayaa kor usii qaadeyso dowladda federaalka oo sanadihii ugu dambeeyay ku guuleysatay barnaamijyo waa wayn, sida qaadista cuna-qabateynta hubka, deyn-cafinta iyo ku biirista dalladda bulshada bariga Afrika ee EAC. The post Dibad-bax ballaaran oo ka dhacay Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  20. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/442408498_461702756525850_8145112110104627455_n.mp4 Qaran News
  21. Ceeldheer (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerar ku billowday qaraxyo ee ay saaka kooxda Al-Shabaab ku qaadeen gudaha degmada Ceeldheer ee bariga gobolka Galgaduud, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Weerarka oo 4 jiho ay Al-Shabaab uga soo qaadeen magaalada ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday. Dhimasho badan ayaa lasoo warinayaa inuu ka dhashay weerarka, waxaana dadka dhintay ku jiray saraakiil ay kamid yihiin Yoonis Xassan Sabriye iyo Korneyl Cabdulle, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Sidoo kale labada dhinac ayaa guullo ka kala sheegtay weerarka iyo dagaalka xigay ee saaka ka dhacay gudaha degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Kooxda Al-Shabaab oo war kasoo saartay howlgalkan ayaa sheegtay inay kula wareegtay fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada iyo xarumo muhiim ah oo ku yaalla halkaasi. Dhinaca kale dowladda Soomaaliya oo iyadana warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in la jabiyay Al-Shabaabkii weeraray Ceeldheer, khasaare culusna la gaarsiiyay. “Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Ciidammada Deegaanka ayaa saakay jab xooggan u geystay Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah oo waaberigii hore ee saakay weerar kusoo qaaday fariisimmo ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo deegaanka ku leeyihiin degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidammada ayaa horey u hayey xogta iney maleeshiyaadku Khawaarijtu qorsheynayeen Weerarkan taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay qaflad ku qabtaan Maleeshiyaadkii qorshahoodu ahaa iney wax dhagraan taasina ay sahashay in Maleeshiyaad badan halkaasi lagu laayo”. Ceeldheer oo kamid ah magaalooyinka laga xoreeyay Al-Shabaab ayaa waxaa haatan ku sugan ciidamada Gorgor, kuwa Danab iyo ciidamada Macawiisleyda. The post Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha weerarka Al-Shabaab ee CEELDHEER appeared first on Caasimada Online.
  22. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/447991555_1180754123056885_1869483087749046357_n.mp4 Qaran News
  23. Sanadkii 1991-dii markii ay burburtay Xukuumaddii dhexe ee dalku waxaa meesha dhammaan laamihii dowladda iyo hay’adihii kala duwanaa ee dadweynaha u adeegi jirey, balse wixii ka dambeeyay 2000,waxaa socday dib u dhis iyo soo kabasho dhan walba leh. Hannaanka garsoorka dalka oo kamida 3-da tiir ee ugu muhiimsan nadaamka dowladnimada ayaa qeyb ka ahaa hay’adihii uu qaran jabku sida ba’an u saameeyay, hayeeshee sanadihii la soo dhaafay wuxuu ku tillaabsaday hormar iyo hanaqaad baaxad leh oo dhinacyada awoodda iyo hufnaanta ah. Sidoo kale waxaa sare u kacday kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan adeegga ay bixiyaan laamaha garsoorku, balse waxay weli weydiini ka taagantahay inuu gaarsiisanyahay halkii loo baahnaa iyo in kale. Garyaqaan Daahir Maxamed Cali oo ah Xoghayaha Ururka qareenada soomaaliyeed, Kana qeyb-galay dood uu agaasimay TV-ga Goobjoog ayaa faahfaahin ka bixiyay adeegyada ugu muhiimsan ee laga rabo nadaamka garsoorka, asagoo tilmaamay in halbeegga dhabta ah ee hay’adaha caddaaladdu aanu ahayn sida ay dadku u malaynayaan. Hannaanka garsoorka ee dunidu wuxuu u shaqeeyaa 3 qaab oo ku xiran haddaba nadaamka dowladnimada ee uu dalku qaatay, balse Soomaaliya midna kuma dhaqanto, taasina waa mid kamida caqabadaha ay wajahayaan laamaha caddaaladu sida uu qabo Maxamed Shiikh Cismaan oo ah xeer ilaaliyihii hore ee dowlad gobolleedka Jubbaland. Garyaqaan Daahir Maxamed Cali iyo Xeer ilaaliye Maxamed Shiikh Cusmaan ayaa labaduba tilmaamay in loo baahanyahay in garsoorku madax-bannaanyahay si uu waajibaadkiisa u guto, islamarkaana ay dhammaan dhinacyadu ugu wada kalsoonaadaan. Sidoo kale caqabadaha ugu waaweyn ee haysta hannaanka garsoorka ayay ku sheegeen guddiga adeegga garsoorka oo aan weli la dhisin, la’aanta maxkamadda dastuuriga ah, iyo dhinacyada hubaysan oo aan qaarkood diyaar u ahayn inay u qoor dhiibtaan maxkamadaha dalka. Garsoorka dalka oo kamid ah waaxaha ugu muhiimsan dowladnimada ayaa hadda ku jira hannaan dib u kabasho ah, ayadoo madax-bannaanidiisa iyo hufnaantiisu ay soo xoogaysanayaan. Source: goobjoog.com
  24. Dhusamareeb (HOL) - At least 16 al-Shabab militants were killed in a foiled terror attack on a Somali military base in El-Dher district in the Galgadud region on Saturday morning. Source: Hiiraan Online
  25. Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Aboul Gheit ayaa Xarunta Jaamacadda Carabta ku soo dhaweeyey Safiirka Soomaiya ee Masar ahna Wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare. Qoraal ay soo saartay Safaaradda Soomaaliya ee Masar ayaa lagu sheegay in Xogheyaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta uu Safiir Cali Cabdi Awaare si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo. “Xogheyaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Safiir Cali Cabdi Awaare si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo” ayaa lagu yiri Qoraalka Safaaradda. “Danjire Cali Abdi Awaare ayaa dhankiisa uga Mahad celiyay Ururka Jaamacadda Carabta kaalinta wax ku oolka ah ee uu Markasta ka qaato dowlad dhiska Soomaaliya” ayay sii raacisay Safaaradda Soomaaliya ee Masar. Dhinaca kale war saxaafadeed ka soo baxay dowladda Masar ayaa lagu shaaciyay in bisha soo socota 11-July diyaaradda Egypt Air duullimaadyo ka bilaabi doonto Soomaaliya. Shirkadda diyaaradaha Egypt Air ee dalka Masar ayaa jadwalkeeda hordhaca ah lagu qorsheeyay in ay todobaadkii labo jeer duulimaadyo ku gaarto magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay danjire Cali Cabdi Awaare appeared first on Puntland Post.