Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,347
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhusamareb (HOL) — A newly appointed committee by Galmudug President Ahmed Abdi Kariye Qorqor has issued strict orders to address the tribal war in North Galgaduud, which has claimed more than 50 lives. Source: Hiiraan Online
  2. Diyaarad siday madaxweyne ku xigeenka dalka Malawi Saulos Klaus Chilima iyo sagaal qof oo kale ayaa la waayay, Sida laga soo xigtay xafiiska madaxweynaha dalkaas, dadaallada lagu raadinayo diyaaradda ayaa socda. “Dhammaan dadaallada ay sameeyeen mas’uuliyiinta duulista si ay xiriir ula sameeyaan diyaaradda tan iyo markii ay ka baxday radar-ka waa ay guuldareysteen,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha iyo Golaha Xukuumadda Malawi. Chilima oo 51 jir ah ayaa la socday diyaarad ay leeyihiin Ciidanka Difaaca Malawi oo ka soo duushay caasimadda Lilongwe saacadu markay ahayd 09:17 subaxnimo, iyadoo intaa ka dibna raadaarka laga waayay sida ay sheegtay madaxtooyada dalkaasi. Diyaaradda ayaa lagu waday inay ku degto garoonka caalamiga ah ee Mzuzu saacadu markay tahay 10:02 subaxnimo,balse illaa hadda waa la’yahay. Dabayaaqada bishii May ayay ahayd jeerkii madaxweynihii Iiraan Ebrahim Raisi iyo wefdi la socday la waayay diyaaraddii ay saarnaayeen, ka dibna la xaqiijiyay inay dhammaantood geeriyoodeen. Source: goobjoog.com
  3. MAPUTO, Mozambique (HOL) - Somalia's hopes for a resurgence in the 2026 FIFA World Cup qualifiers were dealt a blow as they suffered a 3-1 defeat to Botswana at Estádio do Zimpeto on Monday. The loss leaves Somalia at the bottom of Group G, still searching for their first points in the campaign. Source: Hiiraan Online
  4. WASHINGTON — A deadly clash over the weekend between two clans in central Somalia has killed at least 50 people, residents and medical officials told VOA on Monday. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Deegaanka oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku hawlanaa baadi goobka haraadiga Khawaarijtii lagu laayay dagaalkii ay ku jabeen ee ka dhacay degmada Ceeldheer ay heleen meydadka ilaa 10 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijtii soo weerartay magaalada waaberigii Sabtidii tagtay. Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay tiro maleeshiyaad ah, intii lagu jiray baadigoobka iyo sifeynta Khawaarijta dagaalkii Ceeldheer kadib, sida lagu sheegay warkaan ka soo baxay dowladda. “Ciidamada Dowladda ayaa ku hawlan aasidda meydadka la helay, waxaa sidoo kale ay sii wadaan hawlgalka uruurinta, maadaama ay jiraan maleeshiyaad kale oo dhaawac ahaa oo daryeel xumo qaarkood u dhintay, wadarta guud ee maleeshiyaadka la dilay ayaa ilaa hadda kor u dhaafay 60 xubnood oo ay Horjoogayaal ku jiraan,” ayaa lagu yiri bayaanka. Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday waalidiinta Soomaaliyeed ee ay carruurtooda qaldeen Al-Shabaab in ay kala soo baxaan. “Dowladda waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, dhalinyarada ay qaldeen waxa ugu yeeraynaa in ay si deg deg ah uga soo baxaan nabad-diidka arxanka darran, inta aysan ku bixin gacanta Ciidinka Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka, si lamid ah kuwii la midka ahaa ee alle ku ciqaabay gacanta ciidamadeenna,” ayaa lagu yiri warka dowladda. Warbaahinta dowladda ayaa barta Telegram ku faafisay sawirrada meydadka kooxda Al-Shabaab ee shalay lagu laayey duleedka Ceeldheer, kuwaas oo saraakiil la aqoonsaday ay ku jiraan. Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay lagu jebiyey weerar gaadmo oo ay ka fulisay degmada Ceeldheer, kadib markii ay aad u dagaalameen ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Ceeldheer. Dhowr jidgooyo ayaa loo dhigay kooxda Al-Shabaab markii ay ka firxadeen Ceeldheer oo looga taag roonaaday, taasi oo sababtay in lagu laayo dhulka howdka ah oo meydadkooda ay weli daadsan yihiin, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka. The post Dowladda oo war cusub ka soo saartay tirada Shabaab-kii lagu laayey CEEL-DHEER appeared first on Caasimada Online.
  6. Wasiirka wasaaradda qorshaynta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Puntland ay oggolaatay in dib loo billaabo mashaariicdii ay dowladdu ka fulin jiray deegaanadeeda, ayadoo ay xukuumadda Federaalku tibaaxday inay arrintaa soo dhowaynayso. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda qorshaynta ayaa lagu yiri ” dowladda federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa dib u bilaabashada mashaariicda horumarineed ee horay uga socday Puntland, oo ay ku jiraan mashruuca Barwaaqo iyo mashruuca Adkeysiga Nidaamka Cuntada (SFSRP)”. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa asna sheegay inay muhiimad leedahay in mashaariicda horumar waara iyo sugnaanta cuntada dib looga billaabo deegaanadaas. Arrintan ayaa la filayaa inay horseedo isku soo dhowaasho dowladda Soomaaliya iyo dowlad gobolleedka Puntland, ayadoo hadda uu ka dhex aloosanyahay khilaaf meeshii ugu sarraysay gaaray. Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Booliska, guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee gobolka Banaadir iyo culimo ay ka mid yihiin Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa galabta shir jaraa’id ku qabtay qabuuraha Iskuul Buluusiya ee degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir. Masuuliyiintaan oo dhamaantood la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey amar ka soo baxay dowladda, kaas oo lagu dalbanayo in deg deg qabuurahaas looga saaro meydadka ku aasan. Masuuliyiinta ayaa sheegay in muddo 10 cisho ah meydadka looga saaro qabuuraha Iskuul Buluusiya, iyagoo cadeeyey in dhulkaas la deji doono ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in wararka la faafi doono inta la iska dhaafo loo hoggaansamo awaamiirta dowladda, maadaama dhulkaan loo qorsheeyey howlo dan-guud ah oo la deji doono ciidanka ilaalada xeebaha dalka. Dhankiisa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Yabooh ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir oo qoysaska eheladooda ay ku aasan yihiin qabuurahaas ay ka gacan sii doonaan sidii ay ula bixi lahaayeen. Yabooh ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay saari doonaan meydadka hadii la waayo ehello kala baxa qabuurahaan loo bedelayo xerada ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya. Culimadii joogtay goobta oo ay ugu waaweynaayeen Sheekh Bashiir iyo Sheekh Cali Wajiis ayaa diiniyan uga hadashay arrintaan, iyagoo sheegay inay banaan tahay in meydadkaan laga saaro qabuuraha, hadii loo soo baahday dhulka oo dan-guud lagu qabanayo. Sidoo kale culimada ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqday inay u hoggaansamaan awaamiirta dowladda, maadaama dowladdu ay masuul ka tahay dadka iyo dalka, dhulkii ay u soo baahatana ay waajib tahay inay hesho. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo amartay in 10 cisho meydadka looga saaro qabuuraha Iskuul Buluusiya appeared first on Caasimada Online.
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Khasaaraha dagaal beeleed qaraar oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa aad u kordhay, ayada oo dhinacyadu dhowr jeer isku laabteen shalay. Dadka haya xogta dagaalka waxay warinayaan geerida ku dhowaad 40 qof iyo dhaawac intaas ka badan. Dagaalka u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ee wada dega gobolka Galgaduud ayaa rejo xumo ku abuuray dad badan oo filaayay in loo sii dhawaanayo marxalad ay dadka reer Galmudug ka guuri doonaan khilaafka dhexdooda ah oo ay u midoobi doonaan la-dagaalanka argagixisada. Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Qoor-Qoor ayaa qaaday dhowr tallaabo oo lagu badbaadinayo dhiigga walaalaha ku dagaalamaya deegaankaas. Mid kamid ah tallaabooyinka ugu muhiimsan waa in maamulka ciidankiisa ku amray inay kala dhex galaan labada beelood oo ay ku guuleysteen in xabadda la joojiyo. Illaa saddex askari oo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen intii ay shalay ku howlanaayeen inay xabadu joogsato. Cambaareynta iyo tacsidu waxay ahaayeen mid uu maamulka ku kabay qoraalkiisa. Waxaase kale oo bogaadin leh inuu Qoor-Qoor deg deg u magacaabay guddi heer wasiir ah oo si buuxda u kala dhex gala labada reer, xaaladdana soo gaarsiiya marxalad wada-hadal ah. Hoggaamiyaha Galmudug ayaa sidoo kale waxa uu gogol nabadeed dhigay magaalada Dhuusamareeb, si loo soo afjaro xiisadda labadaan beelood ee walaalaha ah. Dagaal sidaan u qaraar oo u khasaare badan waayahan kama dhicin deegaanada Galmudug. Hoggaanka maamulka Galmudug ayaa sidoo kale lasoo wariyay inay ku mashquulsan yihiin bixinta gurmad caafimaad oo la siinayo dhaawacyada labada dhinac. Ku baaqida nabadda, dhiig joojinta ciidanka maamulka ee loo diray goobta dagaalka, dhismaha guddiga xal doonka ah iyo gogosha uu Qoor-Qoor dhigay magaalada Dhuusamareeb ayaa dhamaan si togan wax uga beddeli kara xaaladda. Waxaana maamulka Galmudug laga rabaa inuu la yimaado aragti si buuxda usoo afjareysa colaaddan. Dagaalkan u dhaxeeya labada beelood ee walaalaha ah ee kasoo kala jeeda magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale wuxuu kusoo aadaya iyada oo la qorsheynayo inay dhowaan deegaanada Galmudug dib uga bilowdaan dadaaladda lagu soo afjaraayo kooxaha argagixisada. Waxay dhacdooyinka nuucaan ah culeyska ku baddinayaa maamulka Galmudug iyo ciidankii loogu tala-galay inay la dagaalamaan argagixisada. Dadka walaalaha ah ee halkaa ku dagaalamaya waxaa la gudboon inay wax u reebtaan Islaamnimada, Soomaalinnimada iyo derisnimada, ayna dhinaca kale fursad siinin argagixisada, oo marwalba iyagu faa’iido ka dhex raadiya colaadda qabaa’ilka. The post Shanta tallaabo ee uu Qoor-Qoor u qaaday dagaalka lagu hoobtay ee Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga boqortooyada Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus. Madaxweynaha iyo Boqorka ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, iyagoo diiradda saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha, amniga, isbeddelka cimilada adduunka iyo arrimaha bulshada. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Boqorka iyo shacabka Norway taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo ay ku jirto dib u dhiska dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la wadaagay Boqor Harald V horumarka iyo isbedelada waaweyn ee ka socda Soomaaliya, isagoo xusay dadaallada dowladda ee ku aaddan nabadeynta, kobcinta dhaqaalaha, iyo hagaajinta adeegyada bulshada, isagoo adkeeyey nabdda iyo horumarka gobolka. Source: goobjoog.com
  10. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta daah-furay shirka dib-u-habeynta Maaliyadda ee Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adda lacagta Adduunka ee IMF, kaasi oo lagu gorfeynayo Lix Bilood kadib hannaankii deyn cafinta waxa iska badalay dhaqaalaha Soomaaliya iyo halka la hiigsanayo 3-da sano ee soo socota. Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaankii Shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan hey’adaha Dowladda Soomaaliya ay gaareen hormar la taaban karo oo ay ugu horeeyaan, horumarinta ilaha dakhliga oo dadaal dheer ay galisay Wasaaradda Maaliyadda oo kaashanaysa Wasaaradaha Dowlad-Goboleedyada Dalka. Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa ku amaanay Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka sida hufan oo ay ula shaqeeyaan Dowladda Soomaaliyeed, sidoo kale Wasiirka ayaa u mahadceliyay dhammaan hey’adaha ka soo qeybgalay kulankaan oo ay ka mid yihiin, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Cadaaladda, Bangiga Dhexe, Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Xisaabiyaha Guud. Source: goobjoog.com
  11. Booliska Soomaaliya gaar ahaan Taliska qeyta guud ee Gobalka Banaadir oo kaashanaya Hay’addaha kale ee nabad-galyada caasimada iyo Maamulka Gobalaka Banaadir ayaa Howlgal ka fuliyay Dagmooyinka Dharkeynley, Wadajir Garasbaaleey, iyo Yaaqshiid, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Booliiska. Howl-galka waxaa lagu soo qabtay 16 eedeysane oo geestay falal isku jira dil dhaawac iyo dhac dadweyne, waxaana ku jira shabakado abaabulan, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaanno kala duwan, islamarkaana la horgeyn doono Maxkamadda awooda uleh. Booliska ayaa dalbaday dadweynaha in hadii ay la kulmaan falal ammaanka liddi ku ah ay la xariiraan 991, ama ku wargeliyaan saldhigga ugu dhow goobta ay joogaan. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli maalmihii la soo dhaafay degmooyinka Dharkeynley iyo Garasbaaleey laga soo warinayay falal isugu jira dil iyo dhac oo ay kooxo hubka fudud wataahi shacabka u gaysanayaan Source: goobjoog.com
  12. Xukuumadda Puntland ayaa ku amartay shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u joojiyaan dhisidda taawarrada cusub ee xaafadaha iyo bannaanka magaalooyinka. Qoraal ka soo baxay wasaaradda degaanka iyo isbeddelka Cimilada Puntland ayaa lagu amray shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u joojiyaan dhisidda taawarradaasi cusub. Wasaaradda ayaa sheegtay in shirkadaha isgaarsiinta aysan wax taawarro cusub ah ka dhisi karin xaafadaha iyo bannaanka magaalooyinka ilaa laga hubiyo in dhismaha taawarada cusub aysan waxyeello u geysan degaanka iyo bulshada. Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in ay cabasho ka soo gaartay dadka degan xaafadaha taawarada isgaarsiintu ku dhexyaallaan kuwaas oo aan horey loogu sameyn cilmi-baaris saamaynta ay ku leeyihiin dadka iyo deegaanka. Cabashada ugu badan ee laga soo gudbiyay taawarrada ayay wasaaraddu ku sheegtay halista shucaaca electromagnet-ga ah, buuqa matoorada iyo dabaysha oo keenta dhibaato caafimaad iyo bilic-xumo. Halkan ka akhrido qoraalka PUNTLAND POST The post Puntland oo shirkadaha isgaarsiinta ka joojisay in ay taawaro cusub ka dhistaan magaalooyinka iyo bannaankooda appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta kooxda Al-Shabaab ka xoreeyey deegaanka Buulo-Xaaji oo 90KM dhanka galbeed kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ciidanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Buulo-Xaaji, ayada oo howl-galkan ay ka fuliyeen deegaankaasi ay ku bur-buriyeen fariisimo ay kooxda Al-Shabaab baada uga qaadi jireen dadka shacabka ah. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Jubbaland guusha ay ka gaareen dagaalka kooxda Al-Shabaab looga sifeynayo deegaannada Jubbaland. “Waxaan ku ammaanayaa Ciidammada halyeeyada Qaranka ee sida geesinnimada, dadaalka iyo daacadnimadu ku jirto uga xoreynaya Khawaarijta deegaannada fara kutiriska ah ee ay gacanta ku hayaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaruhu hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay gacanna kula dirirayso Khawaarijta gacanna ay ku daryeelayso shacabkeeda. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ballan-qaaday in sida ugu dhaqsaha badan goobaha la xoreeyey la gaarsiin doono adeegyadii aas-aasiga ahaa sida waxbarasho, caafimaad iyo nabadgalyo, si la mid ah deegaanadii kale ee laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab. Dagaalka Al-Shabaab ayaa xilligaan maraya meel xasaasi ah, waxaana socda dadaallo dowladda ku dardar-gelinayso howl-gallada ka dhanka ah kooxda oo muddooyinkii dambe uu gaabis ku yimid, kaasi oo uu qeyb ka yahay howl-galka saaka lagu xoreeyay deegaanka Buulo-Xaaji oo 90KM dhanka galbeed kaga beegan Kismaayo. The post Kadib GUUSHII maanta la gaaray, R/Wasaare Xamza oo sameeyay ballan-qaad culus appeared first on Caasimada Online.
  14. Kismayo (HOL) - Somali army forces, backed by local clan militias, recaptured Bulo Haji, a strategic area located approximately 80 kilometers south of Kismayo, the capital of the Lower Jubba region on Monday. Source: Hiiraan Online
  15. Ciidanka Booliska Puntland ayaa saraakiil ka socda dowlad degaanka Soomaalida DDS ku wareejiyay laba nin oo ku eedaysan fal dil ah kuwaas oo laga soo qabtay magaalada Boosaaso. Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta degmada Bursaalax ayaa saraakiisha ka socday dowlad degaanka ku wareejiyay labada shakhsi ee ku eedaysan dilka. Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Cali ayaa qoraal uu soo saaray ugu mahadceliyay Taliska Qaybta Booliska Mudug ee wareejiyay labada eedaysane. “Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Qaybta Booliska Gobolka Mudug iyo maamulka Degmada Bursaalax oo saraakiil ka socota DDS gaar ahaan Gobolka Doollo ku wareejiyay laba nin oo ku eedaysan fal dil ah, kuwaas oo laga soo qabtay gudaha Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso, soo qabashadooda waxaan sigaar ah uga mahadcelinayaa Qaybta Booliska Gobolka Bari iyo Maamulka Gobolka Bari” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug. “Soo qabashada gacanku dhiiglayaasha, tuugada iyo dhamaan wixii wax u dhimaya amaanka sida argagixisada Labada Dawaladood waxaanka leenahay iskaashi xoog leh oo marba marka ka dambaysa sii xoogaysanaya” ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Puntland oo dowladd degaanka Soomaalida ku wareejisay laba eedaysane oo loo haysto fal dil ah appeared first on Puntland Post.
  16. Waxaa magaalada Boosaaso gaar ahaan Xafiiska Duqa Degmada ka qabsoomay shir u dhexeey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyada dowlad gobolleedka Puntland, iyo Hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR) Xafiiskeeda Boosaaso. Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardar galinta shaqooyinka arrimaha Qaxootiga, Magangalyo-doonka iyo Barakacayaasha ku dhaqan magaalada Boosaaso, waxaana goob joog ka ahaa Masuuliyiinka ka tirsan Wasaraada Arimaha Gudaha federaalka Dimuqraadiyeynta Puntland iyo Dowlada Hoose ee Degmada Boosaaso. Waxaa shirka kasoo baxay In horey loo sii wado diiwaan-galinta magan-galyo doonka, wacyigalinnona laga sameeyo muhaajiriinta kusoo qulqulaya gudaha Puntland. Magaalada Boosaaso ayaa kamid ah meelaha ay soo galootiga iyo qaxootiga dalka soo galaa ku noolyihiin, ayadoo Itoobiyaan, Yemeniyiin, iyo dadyow kale ay joogaan, sidoo kalena barakacayaal gudaha ah ayaa ku dhaqan. Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo maanta warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in kiiska gabadheeda aan wax laga qaban sidii ay u timid dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo ka dhigan in muddo saddex sano ku siman ay weli cadaalad raadineyso. Qaali ayaa waxay sheegtay inay xaalad caafimaad oo adag la soo deristay sidii ay cadaaladda inanteeda u daba joogtay, “Wax ka qabsoomay weli ma jiraan, waa iska dhibanahay oo ma seexdo, sonkor iyo dhiigkar ayaa igu dhacay illaa haddana wax ii damqaday ma jirto.” Sidoo kale waxay ka dalbatay madaxda sare ee dalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe oo hadda jooga hay’addii gacanteeda lagu waayey Ikraan Tahliil inay kiiskaan wax ka qabtaan. “Waxaan halkaan baaq ugu dirayaa madaxda dalka oo ugu horreeyay madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza, Aadan Madoobe oo dhamaantood ay ballan-qaadeen arrintaan, waxaa ka codsanayaa in ay kiiskaan wax ka qabtaan,” ayey tiri Hooyo Qaali. Waxay intaas kusii dartay “Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa halkaan baaq uga dirayaa oo isagu hadda jooga taliskii Nabad-sugidda, waa meeshii lagu waayay gabadheyda waaye, in uu arrintaas wax ka qabto ayaa ugu baaqayaa.” Sidoo kale waxay sheegtay in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay dacwo cusub u geysatay, ayna xilligaan uga fadhido madaxda sare ee dalka inay arrintaas meel-mariyeen, si cadaalad u hesho gabadheeda. “Kiiskaas qof walba oo Soomaaliyeed ayaa isha ayuu ku haaya, wey iga aamusan yihiin oo wax la iiqabtay ma leh oo wal-bahaar ayaa la noolahay. Waxaan ka codsanayaa inay arrintaas meel-mariyaan si ay umadda Soomaaliyeed u badbaadan oo dhibaato loogu geysan.” Hooyo Qaali ayaa ugu dambeyntiina rejo wanaag ka muujisay in sida ugu dhaqsaha badan looga soo jawaabi doono baaqeeda, “Waxaan jeclahay in wax laga qaban doono arrintaan.” Si kastaba, kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo horay dalka uga dhaliyay xiisad siyaasadeed xooggan ayaa illaa hadda meel lagu sheegin, ayada oo xilalka u sareeya dalka ay qabteen siyaasiyiintii shalay u qeylinayay in cadaalad hesho Hooyo Qaali Maxamed Guhaad. Hoos ka daawo The post Daawo: Hooyada Ikraan oo hadashay, farriin culusna u dirtay Xasan iyo Sanbaloolshe appeared first on Caasimada Online.
  18. President William Ruto has called on leaders in the Kenya Kwanza government to tone down on attacks that have characterised his administration recently. Source: Hiiraan Online
  19. Ciidamada Ukraine ayaa duqeeyey diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay oo nooceedu ahaa Sukhoi Su-57, taasoo ku sugneyd saldhig ciidamada cirka ah oo ku yaalla gudaha Ruushka, sida ay sheegtay hay’adda sirdoonka ee Kyiv’s GUR. Mid ka mid ah dadka caanka ah ee Ruushka u dooda dhanka baraha bulshada, iskuna magacaabay Fighterbomber ayaa sheegay in warbixinta duqeynta ee Su-57 ay tahay mid sax ah, isla markaana ay duqeysay diyaarad aan duuliye lahayn. Hay’adda sirdoonka dalka Ukraine waxa ay tibaaxday in diyaarada ay taagneyd garoonka diyaaradaha ee Akhtubinsk, oo 589km u jira jiidda hore ee dalka Ukraine, waxayna intaas ku dartay in diyaaradda ay awood u leedahay in ay qaado gantaallada qarsoodiga ah ee boqollaal kiilo mitir. Dagaalka Ruushka iyo Ukraine oo billowday sanadkii 2022, ayaa sababa khasaare nafeed oo baaxad leh, waxaana hadda muuqanaysa in Ciidanka Ukraine ay sameynayaan weerarro rogaal celis ah oo xoogga leh. Source: goobjoog.com
  20. Ciidanka Daraawiishta , Nabadsugidda ee Jubbaland iyo Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa howlgal ka dhan ah Shabaab ka wada deegaanka Buulo Xaaji oo qiyaastii 80KM dhanka galbeed ka xigta magaalada Kismaayo. Ciidamada ayaa sidoo kale howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay tuulooyinka hoostaga deegaanka Buuloxaaji oo ah deegaan istaraatiiji ah. Ujeedka howlgalkan laga leeyahay ayaa ah in firxadka Argagixisada aysan u jihaysan dhanka degmada Badhaadhe maadama Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ay wadajir howlgal xoogan uga sameenayaan waqooyiga gobolka Jubada hoose. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Ciidanka. waxaa uu sheegay in howlgalka uu yahay mid guuleysatay. “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ciidamada geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Jubbaland oo saaka si buuxda ula wareegay Deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubbada Hoose oo 80KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo” ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxaan ku ammaanayaa saraakiisha hawlgalka hoggaamineysay iyo ciidamada sida geesinimada, Dadaalka iyo Daacadnimadu ku jirto uga xoreynaaya Khawaarijta deegaanada fara kutiriska ah ee ay gacanta ku hayaan”. Ugu dambeyntii Mudane Xamsa ayaa sheegay Dowladdu gacan waxay kula dirirayso Shabaab, gacanna waxay ku daryeelaysaa shacabkeeda, waxaana dadka iyo deegaankuba heli-doonaan adeegyada aas-aasiga ah sida waxbarasho, Caafimaad iyo Nabadgalyo si la mid ah deegaanadii kale ee laga xoreeyay Shabaab. Source: goobjoog.com
  21. Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhow inuu dhameystiro heshiis lala galo Sacuudi Carabiya, kaasi oo u ballan qaadaya in Mareykanka uu difaaco boqortooyada. Heshiiskan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah heshiis looga gol leeyahay dhiiri-gelinta xiriir diblomaasiyadeed oo dhex-mara Riyadh iyo Israel, sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal oo oo soo xiganaya saraakiil Mareykan iyo Sacuudiyaan ah. Heshiiska suurto-galka ah oo ay si weyn uga shaqeeyeen Maraykanka iyo mas’uuliyiin kale muddo toddobaadyo ah, ayaa qayb ka ah xirmo ballaaran oo ay ku jiraan heshiis nukliyeer oo dhex-mara Maraykanka iyo Sucuudiga. Tallaabooyin loo qaadayo dhismaha dawlad Falastiin ah iyo soo afjarida dagaalka Gaza ka socda ayaa qeyb ka ah, halkaasi oo dadaallo xabad joojin oo bilo socday ku guuldareysteen in ay nabad keenaan. Ansixinta heshiiska oo Wall Street Journal, uu sheegay in loo yaqaan heshiiska isahaysiga istaraatiijiga ah ayaa u baahan doonaa saddex-meelood laba-meelood codka aqlabiyadda Senate-ka Mareykanka, taasi oo ay adkaan doonto in la helo haddii aan heshiiska lagu xirin xiriir dhex-mara Israa’iil iyo Sucuudiga. Heshiiska qabyada ah waxaa loo qaabeeyey si u eg heshiiska amniga wadajirka ah ee Washington ay la gashay Japan, sida uu wargeysku ka soo xigtay saraakiisha Mareykanka iyo Sacuudiga. Ayada oo dhaafsaneysa ballan-qaadka Mareykanka ee ah in uu gacan ka gaysto difaacidda Sacuudi Carabiya haddii la soo weeraro, qabyo qoraalka heshiiska ayaa Washington u ogolaanaya in ay adeegsato dhulka iyo hawada Sacuudiga, si ay uga ilaaliso danaha Mareykanka iyo saaxiibadiisa gobolka, sida uu wargeyska ku warramay. Sidoo kale waxaa laga damacsan yahay in uu Riyadh si dhow ugu xiro Washington, ayada oo laga mamuunayo Shiinaha inuu saldhigyo ka dhisto boqortooyada ama uu iskaashi amni la galo Riyadh, ayuu Wall Street Journal ka soo xigtay saraakiisha. Aqalka Cad, Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka iyo safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaan si deg deg ah uga jawaabin codsi ah in ay arrintan ka hadlaan. Reuters + Voa The post Mareykanka iyo Sacuudiga oo qarka u saaran heshiis dhabar-jab weyn ku ah Falastiiniyiinta appeared first on Caasimada Online.
  22. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/448115476_456942553632782_3616066370505832029_n.mp4 Qaran News
  23. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa maanta jawaab rasmi ah ka bixisay go’aanka dowladda Soomaaliya ee ku aadan in ciidamadeeda ay kala baxdo gudaha Soomaaliya, kaas oo uu dhawaan shaaciyay Xuseen Macallin Maxamuud oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Nabiu Tedla oo soo jawaabay ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan wargelin ka helin Soomaaliya oo ku aadan inay la baxaan ciidamadooda qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrka ee lagu magacaabo ATMIS. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan waxba ka ogeyn arrintan, gaar ahaan hadalka kasoo yeeray la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in uusan jirin xiriir diblumaasiyadeed oo rasmi ah oo kasoo gaaray dhanka Soomaaliya oo ku aaddan arintaan, amaba lala soo wadaagay. Nabiu Tedla ayaa xusay inay sii wadayaan howlgalada amni ilaalinta ee ay ka hayaan Soomaaliya, isaga oo ku dooday in weli uu yahay qorshaha bixista, maadaama aan la helin ciidamadii bedeli lahaa ATMIS. Hadalkan kasoo baxay Itoobiya ayaa imaanaya, ayada oo dhowaan la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya uu shaaca ka qaaday in dhamaadka December ee sanadkaan 2024-ka la qorsheeyey in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka bixi doonaan Soomaaliya. ‘’Dabcan annaga halka aan ka taaganahay ka dawlad Soomaaliya ahaan, waan caddeyney ciidanka Itoobiya kama mid noqon doono ciidamada sii joogi doona dalka, Diiseembar sanad kan wixii ka dambeeya, arintaasi waa arin dawladda Soomaaliya go’aan ay qaadatay,’’ ayuu horay u yiri Xuseen Macalin. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa haatan ka dhexeysa xiisad xoogan oo ka dhalatay heshiiska badda ee uu bilowgii sanadkan Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland, kaas oo ay carooray dowladda federaalka Soomaaliya. The post Itoobiya oo jawaab ka bixisay go’aanka ay DF ka qaadatay ciidankeeda jooga Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.