-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Masuuliyiinta Falastiiniyiinta ee Gaza ayaa sheegay in dad ka badan 200 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay, weerar isugu jiray cirka, dhulka iyo badda oo ay Isra’il shalay ku qaadday bartamaha Gaza. Saraakiisha ayaa ku tilmaamay weerarkaan kii ugu dhiig-daadashada badnaa tan iyo marki uu billowday duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza muddo hadda laga joogo 8 bilood. Ciidamada Isra’il ayaa sheegay in weerarkaan uu qeyb ka ahaa howlgal ay ku soo badbaadiyeen afar qof oo ka mid ahaa la heystayaasha Isra’il ee ay Xamaas iyo kooxaha kale ku hayaan Gaza. Millatariga Isra’il waxay sheegeen in howlgalkan ay ku soo furteen afarta qof uu ka dhacay xerada qaxootiga Nuseyrat ee bartamaha Marinka Gaza, halkaas oo ka mid ah meelaha ugu dadka badan Gaza. Ilaha caafimaadka ayaa sheegay weerarka ciidanka Israil ay shalay ku qaadeen xerada Nuseyrat ay ku dileen in ka badan 210 ruux oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen dumar iyo carruur. Dhaqaatiirta aan Xuduudda laheyn ee (MSF) ayaa sheegtay in in isbitaalka Al Aqsa ee bartamaha Gaza ay ka tan bateen dhaawacyada, kuwaas oo u badnaa bay tiri hey’adda dumar iyo carruur. Dhaawacyada ayaa laga keenay Kaamka Nuseyraat. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa soo baxeysa inay ballanka uga baxeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isku rogeen. Saddexdan nin ayaa heshiis ka gaaray arrinta maalmahan dambe xiisadeeddu banaanka timid ee qorshaha dalka looga saarayo ciidamada Itoobiya, kaasi oo labadaasi maamul diidan yihiin in ciidankaas laga saaro dalka. Shirkii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran ee ka qabsoomay Muqdisho ayaa waxay labada nin ee Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen ku saxiixeen qorshaha bixista ciidanka Itoobiya, balse ay gadaal iskaga rogeen madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo weli si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeysa arrintaan. Balse diidmada labada hoggaamiye goboleed ayaa banaanka keenaysa cabsida ay ka qabaan haddii ciidanka Itoobiya baxaan inay sii xajisan karaan xukunka, xilli ay dowladda dhexe siisay madax goboleedyada muddo kororsi dheeri ah, si uu meelmar u noqdo qorshaha Villa Somalia ee doorasho dadweyne. Villa Somalia ayaa dhankeeda iska fogeysay in qorshaha bixista oo markii hore wada-ogol lagu gaaray ay ku hoos jiraan qorshayaal kale sida; dano siyaasadeed ama kuwo lidi ku ah labadaasi nin. “Ma garanayo siyaasiyiinta labadaas maamul waxa ay biyaha hoostooda ka arkeen, laakiin waxaan ognahay in aysan jirin wax qalalaase ah oo Villa Somalia laga abaabulaayo oo Baydhaba ku socda,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud oo la hadlay Universal Tv. Waxa uu intaas kusii daray “Inta aan ka ogahay xiriirka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdicasiis Lafta-gareen wax dibindaabyo ah ma jirto ama dowladda federaalka ay ka damacsan tahay Koonfur Galbeed, xiriir kalsooni ka dhisan ayaa ka dhaxeeya labada masuul.” La-taliyaha Madaxweynah oo markale ka hadlay ka warqabka go’aanka bixista ciidanka Itoobiya iyo inay wax ka saxiixeen Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen ayaa yiri “Lafta-gareen iyo Axmad Madoobe waa ogyihiin, weyna taageereen qorshaha ciidamada Itoobiya looga saarayo Soomaaliya, ma ogi waxa cusub ee ku soo kordhay, laakiin go’aankaas waxaa lagu gaaray shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaran.” Inkasta oo la-macaamilka dowlad kale, deris ama mid fog middii ay tahay wax door ah aysan ku laheyn maamul goboleedyada, haddana waxaa muuqata inay Itoobiya go’aansatay in madaxweyne Xasan Sheekh ay kula dirirto gudaha dalka. Si kastaba, diidmada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ee bixitaanka ciidamada Itoobiya waxay kusoo aadeysa xilli ay Itoobiya go’aansatay inay qaadato qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya. The post Aaxmed Madoobe iyo Lafta-gareen oo isku rogay Xasan – Maxaadan ogeyn oo dhacay? appeared first on Caasimada Online.
-
Wargeyska Wall Street Journal, ayaa baahiyay warbixin uu ku sheegay in dalalka Qatar iyo Masar ay dhawaan ku wargeliyeen hoggaamiyeyaasha Xamaas in laga yaabo inay la kulmaan suurtagalnimada ah xarig, xannibaad hanti, cunaqabatayn iyo xitaa in laga saaro Doha, haddii ay aqbali wayaaan soo jeedinta heshiis xabad joojin oo laga dhex sameeyo iyaga iyo Israa’iil. Sida warbixinta lagu sheegay, iyadoo laga duulayo aragtiyo ay qabaan mas’uuliyiin lagu tilmaamay inay aad ugu dhuun daloolaan wadahadalladan,ayaa waxaa ay sheegayaan in hanjabaadadan oo ku wajahan madaxda Xamaas ay tahay codsi ka yimid maamulka Biden. Madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyeh oo ku sugan dalka Qatar ayaa sheegay in aysan aqbali doonin heshiis aan buuxin shuruudaha ururka, isla markaana aan dammaanad qaadeynin in dagaalka la joojiyo. Maqaal uu qoray wariyaha Bariga Dhexe ee Wall Street Journal, Samar Saciid, ayaa intaa ku daray in Xamaas ay toddobaadkan si adag uga soo horjeesatay nuqul qoran oo ah soo jeedintii ugu dambeysay ee xabbad joojinta. Wariye Samar Saciid waxa uu sheegay in kala duwanaanshiyaha yar ee ereyada uu noqday qodob ku dheggan wada xaajoodka, gaar ahaan ka dib markii Netanyahu uu ka jawaabay khudbadii Biden iyo in uu xoogga saaray in aan la soo afjarin dagaalka ka hor inta aan la burburin awoodda milatari ee Xamaas. Agaasimaha CIA-da William Burns ayaa sidoo kale ka codsaday madaxda Qatar iyo Masar inay ku wargeliyaan hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh in dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah ay xaqiijin doonaan bilaabashada wada xaajoodka xabbad-joojinta oo dhammaystiran toddobaadka saddexaad ee wejiga koowaad ee heshiiska, iyo in la isku afgaran doono qodobbada xabbad-joojinta joogtada ah. toddobaadka shanaad, sida uu sheegayo wargeysku. Wargeysku wuxuu intaa raaciyay in Haniyeh hanjabaadaha ka dib uu diiday inuu aqbalo soo jeedinta, wuxuuna qeexay in Israa’iil ay bixiso ballanqaad qoraal ah oo ku saabsan xabbad-joojin joogto ah, gaar ahaan ka dib hadalkii Netanyahu ee ahaa inuusan aqbali doonin joojinta dagaalka. “Sarkaal wadahadallada si dhow ula socda ayaa laga soo xigtay “Waxay og yihiin in Qatar ayna haysan waddo kale oo aan ka ahayn inay eryaan (Hoggamaiyaasha Xamaas) haddii Maraykanku ka codsado,” Daniel Levy oo ah falanqeeya arrimaha siyaasadda ah ayaa yidhi ” kaliya diidmada Netanyahu waxay horudhac u tahay marxaladda koowaad ee soo afjarida dagaalka, Washington way ku fashilantay imtixaankii,” Websi-tka laga leeyahay Mareykanka ee Axios, ayaa sheegay in Benny Gantz la filayo inuu ku dhawaaqo inuu isaga baxayo golaha wasiirada dagaalka ee la dhisay ka dib weerarkii 7-dii bishii October ee Xamaas ay ku qaadday Israa’iil. Waxaa la filayaa in tallaabadaan ay samaeyn yeellan karto “Tallaabadan uma horseedi doonto inay burburiso isbahaysiga Netanyahu, oo weli haysta aqlabiyadda baarlamaanka oo ah 64 xubnood, laakiin waxay u badan tahay inay khalkhal geliso dawladda oo ay uga sii dari doonto qalalaasaha siyaasadeed, iyadoo dagaalka Qasa uu sii socdo, wada-xaajoodkuna uu socdo.” . Weriyaha arrimaha siyaasadda ee Axios iyo khabiirkooda arrimaha Bariga Dhexe, Barak Ravid, ayaa qaba, in maamulka Biden iyo dawlado kale oo badan oo reer galbeed ah iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ay Gantz u arkaan nin qunyar socod ah oo ka tirsan golaha dagaalka Israa’iil, sidaas darteed bixitaankiisu waxay u badan tahay inay kordhiso cadaadiska caalamiga ah ee Netanyahu saaran. Wasiirka gaashaandhigga Israa’iil ayaa sida illo xog ogaal ah ay sheegayaan wuxuu la hadlay horraantii toddobaadkan saraakiil sarsare oo maamulka Biden ka tirsan, wuxuuna ku wargeliyay go’aankiisa dhow wuxuuna waydiistay aragtidooda ku aaddan is casillaadda uu doonayo, laakiin saraakiisha Maraykanku waxay u sheegeen Gantz in tani ay tahay go’aankiisa oo aysan faragelin doonin. arrin siyaasadeed oo gudaha Israa’iil ah. Ravid wuxuu aaminsan yahay in ka bixitaanka Gants ee golaha dagaalka Netanyahu, ay meesha ka saari doonto awoodda golaha maadama inta badan uu go’aannada gaaro Wasiirkiisa difaaca Yoav Gallant, iyo Wasiirka Istaraatijiyadda ee isaga ay isku dhow yihiin laguna agacaabo, Ron Dermer. Websi-tka laga leeyahay Mareykanka ee Axios, ayaa sheegay in Benny Gantz la filayo inuu ku dhawaaqo inuu isaga baxayo golaha wasiirada dagaalka ee la dhisay ka dib weerarkii 7-dii bishii Oktoobar ee Xamaas ay ku qaadday Israa’iil. Waxaa la filayaa in tallaabadaan ay samaeyn yeellan karto “Tallaabadan uma horseedi doonto inay burburiso isbahaysiga Netanyahu, oo weli haysta aqlabiyadda baarlamaanka oo ah 64 xubnood, laakiin waxay u badan tahay inay khalkhal geliso dawladda oo ay uga sii dari doonto qalalaasaha siyaasadeed, iyadoo dagaalka Qasa uu sii socdo, wada-xaajoodkuna uu socdo.” . Weriyaha arrimaha siyaasadda ee Axios iyo khabiirkooda arrimaha Bariga Dhexe, Barak Ravid, ayaa qaba, in maamulka Biden iyo dawlado kale oo badan oo reer galbeed ah iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ay Gantz u arkaan nin qunyar socod ah oo ka tirsan golaha dagaalka Israa’iil, sidaas darteed bixitaankiisu waxay u badan tahay inay kordhiso cadaadiska caalamiga ah ee Netanyahu saaran. Wasiirka gaashaandhigga Israa’iil ayaa sida illo xog ogaal ah ay sheegayaan wuxuu la hadlay horraantii toddobaadkan saraakiil sarsare oo maamulka Biden ka tirsan, wuxuuna ku wargeliyay go’aankiisa dhow wuxuuna waydiistay aragtidooda ku aaddan is casillaadda uu doonayo, laakiin saraakiisha Maraykanku waxay u sheegeen Gantz in tani ay tahay go’aankiisa oo aysan faragelin doonin. arrin siyaasadeed oo gudaha Israa’iil ah. Ravid wuxuu aaminsan yahay in ka bixitaanka Gants ee golaha dagaalka Netanyahu, ay meesha ka saari doonto awoodda golaha maadama inta badan uu go’aannada gaaro Wasiirkiisa difaaca Yoav Gallant, iyo Wasiirka Istaraatijiyadda ee isaga ay isku dhow yihiin laguna agacaabo, Ron Dermer. Source
-
Somalia's information minister expresses excitement over the country's election to the 15-member U.N. Security Council, Zambia's president names a prominent activist as the country's first female justice minister and in Kenya, about 63 percent of the population think the country is heading in the wrong direction. For this and more on Nightline Africa. Source: Hiiraan Online
-
Gunmen in northern Kenya fatally shot four construction workers at a hospital site near a refugee camp and the border with Somalia where a militant group is active, police said Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Somalia’s government said five of its soldiers died in a battle in which they killed nearly 50 fighters from the Islamist militant group Al-Shabab Saturday, about 350 kilometers (215 miles) north of the capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Hogaamiye sare oo ka tirsan Talibanka Afgaanistaan, oo Maraykanku u raadinayo arrimo argagixisanimo, ayaa soo gabagabeeyey booqasho naadir ah oo uu ku joogay Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kula kulmay hoggaanka sare ee dalkaa, sida uu Arbacadii sheegay sarkaal Afgaanistaan ah. Ninkan oo ah wasiirka arrimaha gudaha Sirajuddin Haqqani ayaa hogaamiyihii ugu horeeyey ee safar ugu baxa dalka dibadiisa tan iyo markii kooxda Taliban ay la wareegeen dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee Koonfurta Aasiya ku dhawaad saddex sano ka hor. Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda, oo ah barnaamij ay bixiso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka kaas oo lagula dagaallamo argagixisada caalamiga ah, ayaa ku yahoobahay 10 milyan oo doolar ciddii keenta xog horseedi karta in la xidho Haqqani. Madaxweynaha Imaaraatka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan ayaa ku qaabilay Haqqani magaalada Abu Dhabi ee caasimada imaaraadka Salaasadii. Wakaalada wararka ee WAM oo ku hadasha afka dowlada ayaa ka warantay kulanka waxaana soo bandhigtay sawir ay isku gacan qaadayaan. “Labada dhinac waxay ka wadahadleen xoojinta xidhiidhka iskaashiga ee labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka si loogu adeego danaha wadaagga ah iyo ka qayb qaadashada xasilloonida gobolka,” WAM ayaa werisay. Waxay intaas ku dartay in wada-hadallada “ay diiradda saareen dhinacyada dhaqaalaha iyo horumarinta, iyo sidoo kale taageerada dib-u-dhiska iyo horumarinta Afgaanistaan.” Ma jirto wax jawaab ah oo uu Maraykanku ka bixiyay booqashadii Haqqani iyo kulanka uu la yeeshay madaxweynaha Imaaraadka Carabta. Zabihullah Mujahid, oo ah madaxa afhayeenka xukuumadda Taalibaan ee Kabul, ayaa isna xaqiijiyay kulanka. Warbixin uu soo saaray Arbacadii, ayuu ku sheegay in madaxa sirdoonka ee Taliban, Abdul Haq Wasiq, uu ku weheliyay Haqqani wadahadallada. Mujaahidku waxa uu sheegay in weftigoodu ay ka wadahadleen xoojinta xidhiidhka ay la leeyihiin madaxda Imaaraatka Carabta, waxaanay ka codsadeen in Imaaraadka Carabta in Afganistan ka caawiyaan horumarinta daryeelka caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha ee dawladda Afgaanistaan iyo hay’adda ammaanka ee xukuumadda Kaabul. Wuxuu sheegay in labada dhinacba ay ku heshiiyeen in ay gacan ka geystaan ilaalinta “amniga iyo xasilloonida hadda ka jirta Afgaanistaan, iyada oo diiradda la saarayo xasilloonida gobolka.” Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ballan qaaday in ay ka qeyb qaadan doonto dib u dhiska dalka Afgaanistaan, islamarkaana ay ku dhiirigelineyso shirkadaha Imaaraatka in ay maalgashi ku sameystaan dalka, ayuu hadalkiisa ku daray Mujaahid. Abdul Haq Wasiq ayaa waxa uu ka mid yahay Talibantii lagu hayay xabsiga Guantanamo Bay ee Maraykanka ka hor inta aan la sii dayn isaga iyo afar kale oo ka tirsan fallaagada Taliban sanadkii 2014-kii waxa lagu bedelay askari Maraykan ah oo lagu magacaabo Bowe Bergdahl. Haqqani ayaa ku jira Liiska FBI-da Maraykanka ay sida weyn loo baadi-goobayo iyada oo Haqqani lagu tilmaamay inuu yahay argagixiso caalami ah oo si gaar ah xidhiidh ula leh Al-Qaacida. Inta uu joogo Kabul, Haqqani waxa uu si joogto ah ula kulmo dublamaasiyiinta ajnabiga ah oo uu kala hadlo meel fagaare ah. Diblumaasiyiinta gobolka ayaa sheegay in wasiirka arrimaha gudaha uu si qarsoodi ah ula kulmo dadka soo booqda, isla markaana uu isbedel ku sameeyo goobaha, isaga oo ka baqaya weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka. Source
-
Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddi wasaiirro ah u magacaabay xal u raadinta Colaadda Waqooyiga Gobolka Galgaduud. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa guddi ka kooban shan wasiir u magacaabay xal u raadinta colaadda u dhaxaysa beelaha wada dega inta u dhaxaysa degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga Gobolka Galgaduud. Guddigaasi oo ka kooban 5 Wasiir oo ka tirsan golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Amniga, Owqaafta iyo Arrimaha Diinta, Gargaarka iyo Warfaafinta. Waxa hay’adaha Amniga ee Maamulka Galmudug la faray in ay la shaqeyna xubnaha guddiga si xal waara looga gaaro colaad ka jirta degaanada Caabudwaaq iyo Xeraal waqooyiga Gobolka Galgaduud. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Galmudug oo guddi wasiiro ah u magacaabay xal u helidda dagaal beeleedka Galgaduud appeared first on Puntland Post.
-
Saraakiisha Falastiiniyiinta ee Gaza ayaa sheegay in dad ka badan 200 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay, weerar iskugu jiray cirka, dhulka iyo badda oo ay Israa’iil Sabtidi shalay ku qaadday badhtamaha Gaza. Weerarkan oo lagu tilmaamay kii ugu dhiig-daadashada badnaa tan iyo markii uu billowday duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza muddo hadda laga joogo 8 bilood, ayay ciidamada Israa’iil ku sheegeen inuu qeyb ka ahaa howlgal ay ku soo badbaadiyeen afar qof oo ka mid ahaa la heystayaasha Israa’iil ee ay Xamaas iyo kooxaha kale ku hayaan Gaza. Millatariga Israa’iil waxay sheegeen in howlgalkan ay ku soo furteen afarta qof uu ka dhacay xerada qaxootiga Nuseyrat ee bartamaha Marinka Gaza, halkaas oo ka mid ah meelaha ugu dadka badan Gaza. Saraakiisha Gaza iyo ilaha caafimaadka ayaa sheegay weerarka ciidanka Israa’iil ay shalay ku qaadeen xerada Nuseyrat ay ku dileen in ka badan 2010 ruux oo Falastiiniyiin ahoo ay ku jireen dumar iyo carruur. Dhaqaatiirta aan Xuduudda laheyn ee (MSF) ayaa sheegtay in in isbitaalka Al Aqsta ee bartamaha Gaza ay ka tan bateen dhaawacyada, kuwaas oo u badnaa bay tiri hey’adda dumar iyo carruur. Dhaawacyada ayaa laga keenay Kaamka Nuseyraat. Afhayeen u hadlay Isra’il ayaa sheegay in ay ogyihiin in khasaaraha weerarki ay ku qadeen Nuseyrat uu ka yaryahay 100 qof, balse ayna gadheyn inta argagixiso ka ah dadkaasi ay dileen. Source
-
Caabudwaaq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in haatan uu sii kordhayo khasaaraha dhimashada ee ka dhashay dagaal beeleedkii shalay dib uga qarxay deegaanka Laandheer ee waqooyiga gobolkaasi. Dagaalka ayaa u dhexeeyay laba maleeeshiyo beeleed oo wada daga deegaankaasi oo u dhexeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud, waxayna isku haystaan dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi. Inta la xaqiijiyay tirada dhimashada ayaa kor u dhaaftay illaa 50 qof, halka ay dhaawacmeen 60 kale, kadib dagaal qaraar oo shalay dhex-maray labada dhinac. Maleeshiyaadka diriraya ayaa helay gaadiid dagaal iyo hub, taas oo keentay in dagaalka uu saacado badan qaato, isla markaana uu dhaliyo khasaare baaxad leh. Dowladda federaalka iyo Galmudug ayaa saacadihii ugu dambeeyay sameeyay dadaallo dheeraad ah, waxaana lasoo wariyay in ciidamo Boolisa ah iyo Nabad-Sugid la geeyay deegaanka lagu dagaalamay, kuwaas oo kala dhex-galay labada beelood ee is diriraya. Sidoo kale xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana soconaya dadaallo nabadeed oo lagu qaoobinayo colaadda kasoo cusboonaatay halkaasi. Waxaa kale oo uu jiro guddiga wasiiro ah oo ka kooban illaa 5 xubnood, kuwaas oo uu madaxweyne Qoor Qoor u xilsaaray inay xalka keenaan dagaal beeleedkaasi. Deegaanada Galmudug ayaa waxaa kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana saameynta ugu badan ay ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobollada dhexe. Waxaa sidoo kale dagaal beeleedyadan barbar socda dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay isku gaysanayaan beelaha dagaalamaya, taas oo iyana xaalad kale ka abuurtay gobolka The post Tirada dhimashada dagaal beeleedka gobolka Galgaduud oo kor u dhaaftay 50 qof appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya dalk Niger ayaa sheegaya in diyaarad sida qalab milatari iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Mareykanku ay ka duushay gegi ku taalla duleedka caasimadda Niamey, taas oo ah tillaabadii ugu horreysay ee lagu daadguraynayo ciidamada Mareykanka ee dalkaas ku sugan. Bishii la soo dhaafay, Mareykanka iyo Niger waxay gaareen heshiis ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee dalka, muddo afar bilood gudohood ah, ayadoo la daadguraynayo ku dhawaad 1,000 askari oo Mareykan ah iyo qalab militari. Niger ayaa Mareykanka isbahaysiga muhiim ah ugu ahayd howl-galladiisa ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee gobolka, asagoo saldhigyo waaweyn halkaas ku lahaa, balse afgambigii ka dhacay Niger bishii juulay ee sanadkii hore ayaa hakad geliyay wada-shaqayntii labada dhinac. Intaa ka dib xariirka u dhexeeya Maraykanka iyo taliskii militariga ee dalka Niger ayaa sii xumaanayay, iyadoo maamulka Biden uu ku baaqay in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah, hoggaamiyeyaasha Niamey-na ay Ruushka xulufo u noqdeen. In kasta oo ay jiraan dadaallo lagu doonayay in lagu sii wado joogitaanka milatariga Niger, haddana taliska militariga ayaa ku baaqay horaantii sanadkan in ciidamada Mareykanka laga saaro dalka. Mareykanka ayaa sidoo kale lagu qasbay inuu sugo inta ciidamada militariga Niger ay ansixiyaan ogolaanshaha duullimaadyada si uu ula baxo ciidankiisa iyo qalabka, taasoo keentay in askar badan oo Mareykan ihi ay dayaarado shacab ama kuwo ganacsi dalka uga baxaan. Si kastaba ha ahaatee bixitaanka ciidanka Mareykanka ee Niger ayaa ku soo beegmaya xilli uu sii xoogaysanayo xariirka Ruushka iyo dalalka galbeedka Afrika, mooskona ay ciidamo ka joogaan gudaha Niger. Source: goobjoog.com
-
Dabley hubeysan ayaa waqooyiga Kenya toogasho ku dilay afar ka mid ah shaqaalaha dhismaha isbitaal ku yaalla meel u dhow xuduudka Soomaaliya. Kooxda weerarka fulisay ayaa la aamisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al Shabaab. Koox ka kooban 8 qof oo shaqaale ah ayaa la weeraray, iyadoo afar lagu toogtay goobta uu dhismaha ka socday sida uu sheegay Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka booliska dalka Kenya. Afarta qof ee kale oo shaqaalaha ka mid ahaa ayaa goobta baxsaday iyagoo bad qaba, sida uu sheegay sarkaalku. Goobta laga dhisayo isbitaalka ayaa ku dhow xerada qaxootiga ee ugu weyn Kenya ee Dhadhaab. Degmada Garissa ayaa dhowr jeer oo hore waxaa weerar ku qaaday dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ka gudbay xuduuda. Waqooyiga Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay rabshado sababay dhimashada dhowr qof oo ka dhacay meelo kala duwan. Dowladda ayaa sheegtay in la kordhiyay howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka ee waqooyiga Kenya. Weeraradii ugu dambeeyay ayaa dowladda ku qasbay in ay hakiso qorshaha dib loogu furayo xadka Kenya iyo Soomaaliya ay wadaagaan oo dhan 698-km oo la xiray sanadkii 2011-kii. Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay weerarkii shalay Shabaab ay ku qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaasoo ciidanka dowladda ay si adag iskaga difaaceen. Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibada ayaa lagu sheegay in turkiga uu garab taagan yahay Shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan aad uga xunnahay khasaaraha nafeed iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay Ceel-dheer,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibada. Qoraalka Wasaaradda ayaa intaasi kusii daray “Turkiga waxa uu sii wadi doonaa garab istaagga Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada” Wasaaraddu waxay u rajaysay Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, waxay tacsi u dirtay qoysaskii ay ka geeriyoodeen iyo dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxay caafimaad u rajeysay dadkii ku dhaawacmay. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkii shalay ay ku dishay 47 xubnood oo ka tirsanaa ururka Al Shabaab. Source: goobjoog.com
-
Saraakiisha Falastiiniyiinta ee Gaza ayaa sheegay in dad ka badan 200 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay, weerar isugu jiray cirka, dhulka iyo badda oo ay Isra’il Sabtidi shalay ku qaadday bartamaha Gaza. Weerarkaasi ayaa lagu tilmaamay kii ugu dhiig-daadashada badnaa tan iyo marki uu billowday duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza muddo hadda laga joogo 8 bilood sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta reer Falastiin. Saraakiisha Gaza iyo ilaha caafimaadka ayaa sheegay weerarka ciidanka Israa’il ay shalay ku qaadeen xerada Nuseyrat ay ku dileen in ka badan 2010 ruux oo Falastiiniyiin ahoo ay ku jireen dumar iyo carruur. Dhinaca kale Millatariga Israa’il waxay sheegeen in howlgalkaasi ay ku soo furteen afar maxbuus uu ka dhacay xerada qaxootiga Nuseyrat ee bartamaha Marinka Gaza, halkaas oo ka mid ah meelaha ugu dadka badan Gaza. Dhaqaatiirta aan Xuduudda laheyn ee (MSF) ayaa sheegtay in in isbitaalka Al Aqsta ee bartamaha Gaza ay ka tan bateen dhaawacyada, kuwaas oo u badnaa bay tiri hey’adda dumar iyo carruur. Dhaawacyada ayaa laga keenay Kaamka Nuseyraat. PUNTLAND POST The post Falastiiniyiinta oo sheegay in uu khasaare ba’an geystay Weerarkii Israa’iil ku soo furatay maxaabiista appeared first on Puntland Post.
-
Xukuumada Kulmiye Ee hada joogta wareer ayaa ku dhacay. Abdikariin Xinif Oo Su’aal uu waydiiyay wariye Heelo ayaa ku yidhi 7 Sano Ee aad xilka joogteen maxaad qabateen? Waxaa ugu jawaabay Anagu Kulmiyihii hore wixii uu qabtay ayaanu dhamaystirinay 7 sano. Sida wadadii Ceerigaabo, Dekada Barbara,iyo wada Berber ilaa Wajaale. Xalay Madal buug lagu soo bandhigayay ayaa Maxamuud Xaashi Abdi Kuwaydiiyay. Waxaa laydinka Fadhiyaa 7 Sano Isla Xisaabtan Dalkii Iyo Dadkii midaysnaa Ee laydiin dhiiba ? Wasiir Maxamed Kaahin Hadalkaa Iyo Xisaabta Ka Cadhooday ayaa ugu Jawaabay, in Ay Xaashi iyo Xirsi ba ay Tuug tuug dhashay yihiin. Mujaahid ku Xataa odayaal Xabaasha ku jira ayuu tuug ku sheegay. Mujaahid la waxaa laaga fadhiyaa shacabku uga Fadhiyaa Jawaab waafiya Cay loogama fadhiyo. Ragaa Uu Tuugta ku sheegaya Somaliland waxay markaati uga tahay in hogaaminayeen dawladii Dhistay dalka 1. Wadaarada Dalka in kabadan 15 wasaaradood ayay dabaqyo udhiseen. 2. Lacagtii Geebta ayay ka badaleen Gobolka togdheer. 3. Darajada Ciidamada ayay bixiyeen. 4.waxabashada hoose ayay bilaash ka dhigayn. 5. Dhaqaalaha ayay kor uqaadeen. 6.Dekada Bebera ayay DPW Heshiiska ilaa manta Somaliland ku Faanto lagaleen. 7. Dekada Berbera ayay balaadhiyeen. 8.Wada Ceerigaabo ee Siilaanyo road bay dhiseen. 8. Wajaale to Berbera road bay dhiseen Masoo koobi karo waxay dalka uqabteen we waxaan ku soogaba gabaynayaa 7 Xukun ah dalka Doorashooyin bay ka qabteen nadiif ah. New Kulmiye ama Xukuumada Muuse Biixi Dalka oo Ilaa Saylac. Ilaa Taleex Barwaaqo ah oo Doorashadu ka dhacday baa loo dhiibay. Xagay kaga waramayaan. 2 Sano ee u horeeyay waxay dadka u sheegi jireen in ay kaydiyeen balaayiin dollar lamahayo. DALKII iyo DADKII LOODHIIBAY NA OOG BAY KA JOOGAAN. Maxamed Xirsi Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Onlne) – La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud ayaa mar kale ka hadlay qorshaha dalka looga saarayo ciidamada Itoobiya, isagoo xog cusub ka bixiyey go’aanka la sheegay in Jubbaland iyo K/Galbeed ay ku diidan yihiin in ciidankaas laga saaro dalka. Xuseen Macalin ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo Laftagareen ay saxiixeen qorshaha ciidanka Itoobiya looga saarayo dalka, markii la isugu yimid shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaranka ee Muqdisho lagu qabtay. Wuxuu yiri “Laftagareen iyo Axmad Madoobe waa ogyihiin, weyna taageereen qorshaha ciidamada itoobiya looga saarayo Soomaaliya, ma ogi waxa cusub ee ku soo kordhay, laakiin go’aankaas waxaa lagu gaaray shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaran.” Wuxuu intaas ku sii daray in go’aanka lagula macaamilayo caalamka ay leedahay dowladda federaalka Soomaaliya, “Xafiiska Amniga Qaranka ayaa madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa qaranka u soo gudbiyey intii lagu guda jiray shirka, marka si dhameystiran ayey u ogyihiin go’aankaas, una taageereen,” ayuu yiri Xuseen Macalin. La-taliyaha amniga qaranka ayaa sidoo kale sheegay in madaxda u hadashay K/Galbeed iyo Jubbaland oo kala ah, madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo wasiirka amniga K/Galbeed ay dib ugu laabtaan madaxda ka sareysa oo intii ay Muqdisho joogeen ogolaaday qorshaha ciidanka Itoobiya looga saarayo dalka. Xuseen Macalin Maxamuud oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal ayaa la weydiiyey waxa ka jira wararka sheegaya in dowladda federaalka ay damacsan tahay markii ciidanka Itoobiya laga saaro dalka inay dooneyso in K/Galbeed ka qabato doorasho loogu awood sheeganayo Laftagareen Xuseen ayaa ku jawaabay, “Inta aan ka ogahay xiriirka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdicasiis Laftagareen wax dibindaabyo ah ma jirto ama dowladda federaalka ay ka damacsan tahay K/Galbeed, xiriir kalsooni ka dhisan ayaa ka dhaxeeya labada masuul.” Wuxuu intaas ku sii daray, in kulankii ugu dambeeyey looga tashaday sidii doorasho ay uga dhici laheyd dalka, “Ma garanaayo siyaasiyiinta labadaas maamul waxa ay biyaha hoostooda ka arkeen, laakiin waxaan ognahay in aysan jirin wax qalalaase ah oo Villa Somalia laga abaabulaayo oo Baydhaba ku socda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xuseen Macalin Maxamuud. Hoos ka daawo The post DF oo ka hadashay go’aanka Jubaland iyo K/G ku diideen in Itoobiya laga saaro dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — EgyptAir will begin direct flights from Cairo to Mogadishu on July 11, enhancing connectivity and economic ties between Egypt and Somalia. The airline will operate twice-weekly flights to Somalia's capital, reflecting Egypt's broader strategy to improve African air connectivity. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaalkii maanta ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo waaberigii hore ee saakay ay weerar culus ku qaaday kooxda Al-Shabaab. Mid ka mid ah dagaaladii ugu cuslaa ayaa ka dhacay Ceeldheer, waxaana caawa magaaladii gacanta ku haya ciidanka qaranka iyo kuwa deegaanka oo iska difaacay Khawaarijta Al-Shabaab, jab culusna gaarsiiyey. Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Aadan Gaboobe oo dagaalka uga waramay idaacadda VOA ayaa sharaxay sidii u uku bilowday dagaalkaas, isagoo sheegay in Shabab ay Ceeldheer wax aysan maleysaneyn. “Khawaare weyn ma soo gaarin ciidankeena, laakiin waxaa halkaas lagu laayey Al-Shabaab, waana ku guul dareysteen wixii ay damacsanaayeen, jab culus ayey kala noqdeen halkaas, khasaarihii ay rabeen inay geystaan ayaa iyaga la gaarsiiyey,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug. Wasiirka ayaa sheegay in in dagaalka ay ka qeyb qaateen diyaaradaha dagaalka, kuwaas oo duqeymo culus u geystay kooxda, “Shabaab qorshahooda ma aheyn inay magalaada qabsadaan ee waxay rabeen inay khasaare geystaan taasna waa laga hortegay,” ayuu yiri. Degmada Ceeldheer ayaa ku taalla cirifka bari ee Galmudug, wasiirka amniga waxaa la weydiiyey sababta ay qoysaska qaar ugu laaba waayeen Ceeldheer, wuxuuna qiray inay jirto cabsi ay qabaan dadka qaar. Sidoo kale wasiirka amniga Galmudug ayaa sheegay in loo diyaar garoobay dagaalka, mar dhowna ay qorsheynayaan in dalka laga xoreeyo kooxda, gaar ahaan wuxuu carabka ku dhuftay deegaanada Galmudug iyo HirShabeelle oo lagu xoreynayo wajiga koowaad ee dagaalka oo hadda wax badan laga bedelay, sida uu sheegay wasiirku. Dowladda Soomaaliya oo war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saartay khasaaraha ka dhashay weerarkii saakay ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa sheegtay in 47 xubnood kooxda looga dilay dagaal la isku riiqmay oo ilaa saddex goobood ka dhacay, sidoo kale dowladda ayaa shaacisay in shan askari ay kaga shahiideen dagaalka. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2024/06/01000000-0aff-0242-0e21-08dc87ba3694_16k.mp3The post GALMUDUG oo war ka soo saartay dagaalkii la isku riiqmay ee Ceeldheer (Dhageyso) appeared first on Caasimada Online.