-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Diyaarad milateri oo uu la socday madaxweyne ku xigeenkii Malawi Saulos Klaus Chilima ayaan la ogayn meel ay jaan iyo cidhib dhigtay, ka dib markii ay lumisay xidhiidhkii ay la lahayd isgaadhsiinta goobaha laga hago duulimaadyada ee dalka Malawi, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay dawladda dalkaas. Diyaaradda ayaa duushay barqonimadii wakhtiga dalka Malawi, waxaana duulimaadkaas la socday madaxweyne ku xigeenka iyo sagaal xubnood oo kale. Diyaaradda ayaa ka duushay caasimadda dalka Malawi ee Lilongwe, hase ahaatee waxay ku guuldaraysatay inay ku degto garoonka caalamiga ah ee Mzuzu oo qiyaastii 370Km woqooyi ka xiga caasimadda dalkaas. Dawladda Malawi ayaa sheegtay in dhammaan dedaaladii ay sameeyeen saraakiisha hay’adda duulista hawadu, inay ku guuldaraysteen inay helaan xidhiidhka diyaaradda. Madaxweynaha dalka Malawi ayaa baajiyey safar uu dhowaan ku tegi lahaa dalka Bahamas oo uu booqasho rasmi ah ku tegi lahaa, waxana uu ku baaqay gurmad degdeg ah oo lagu baadigoobayo diyaaradda. Source
-
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar uu ku taageerayo hindise xabbad-joojin ah oo uu Maraykanku soo jeediyay, kaas oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka siddeedda bilood ay Israa’iil ku hayso marinka Qasa. 14 dal oo kamid ah 15-ka xubnood ee golaha ayaa qaraarka oggolaaday, halka Ruushku uu ka aamusay, taasoo ka dhigan in cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay. hindisahan oo uu horey ugu dhawaaqay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dhigaya xabbad-joojin lix toddobaad ah oo bilowga ah iyo in qaar ka mid ah maxaabiista Israa’iil ee lagu hayo Qaza iyo kuwa Falastiiniyiintaah ee ku xiran xabsiyada Israa’iil lays dhaafsado. Ka dibna waxaa loo gudbi doonaa wajiga labaad ee xabbad-joojinta oo noqon doona mid joogto ah iyo sii daynta maxaabiista dhammaan maxaabiista sida qaraarka ku cad. Wajiga saddexaad ayaa asna noqan doona dadaal dib-u-dhis loogu samaynayo Marinka Qaza kaabayaasha iyo deegaanka sida xun u burburay, si nolosha bulshada dib loogu qaabeeyo. Mareykanka ayaa sheegay in Israa’iil ay aqbashay soo jeedintaasi, balse qaar ka mid ah hoggaanka maamulka tele Aviv ayaa ku adkaysanaya in ay sii wadi doonaan dagaalka illaa meesha ka saarto Xamaas oo ah kooxda Falastiiniyiinta ee maamusha Qaza. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay ku dhowaaqday go’aan ay muddo ka meer-meeraysay shaacintiisa, kaasi oo lagu dalbanayo in deg deg qabuuraha Iskuul Buluusiya looga saaro meydadka ku aasan. Masuuliyiinta dowladda ayaa sheegay in muddo 10 cisho ah meydadka looga saaro qabuuraha Iskuul Buluusiya, iyagoo cadeeyey in dhulkaas la deji doono ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya, midaasi oo fajaciso ku noqotay dad badan, xilli ay horey u beenisay arrinkaan. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo tallaabadan ay dowladda qaaday ku tilmaamay mid luminaysa aaminaadda shacabka iyo dowladda u dhaxeeya, ayaa si weyn ugu weeraray madaxda dowladda arrinkaan, oo uu sheegay inay meesha ka saareyso is-aaminaaddii. “Aaminaadda waa cunsurka ugu wayn ee shacabka iyo dowladda u dhexeeya, haddii la waayana aysanba dowladnimadu shaqayn karin,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Xildhibaanka ayaa soo qaatay dhacdaddii bil kahor ay dowladda ku qasabtay wiilka uu dhalay AUN Ajakis inuu beeniyo in amarka dowladda uu ku baxshay maydka aabihii. “Waxay madaxda dowladda maanta caddeeyeen in aan qowlkooda la aaminaynin, lana aami doonin. Waxa keli keli ah ee u haray ayaa ah in ay maalin kasta raadiyaan cid ay kaarkooda xoqdaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Aaminaadda waa cunsurka ugu wayn ee shacabka iyo dowladda u dhexeeya, haddii la waayana aysanba dowladnimadu shaqayn karin. Wiilka uu dhalay AUN Cabdi Muruudi Dheere (AJAKIS) markii uu maydka aabihii la baxay, waxaa lagu qasbay in uu beeniyo in dowladdu ay ku amartay arrinkaas oo ay dhulka doonaysay, laakiin taa bedelkeeda uu iskiis ula baxay. Maadaama ay ogyihiin in la aaminaynin, ayey madaxdii dawlada iska soo hormariyeen culimo si loo aamino. Waa arrin laga xumaado in culimadu ay noqoto marin wax lagu xalaalaysto. Waxay madaxda dowladda maanta caddeeyeen in aan qowlkooda la aaminaynin, lana aami doonin. Waxa keli keli ah ee u haray ayaa ah in ay maalin kasta raadiyaan cid ay kaarkooda xoqdaan. Waxay joogaan halkii uu Suubanaheennu (NNKH) ka yiri; “Haddii aadan sariig lahayn, waxaa doonto fal”. The post Dowladda Xasan Sheekh oo ku kacday arrin fajaciso noqotay oo si weyn loogu weeraray appeared first on Caasimada Online.
-
Hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta ayaa sii socon doona ilaa laga helayo diyaaraddii la la’yahay ee uu la socday madaxweyne ku xigeenka Malawi, Saulos Klaus Chilima, sida uu sheegay madaxweynaha dalkaasi. Chilima, oo 51 jir ah, ayaa la socday diyaarad militari oo ay la socdeen sagaal qof oo kale oo ka soo ambabaxday Lilongwe, caasimadda, 09:17 subaxnimo Xafiiska Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada Malawi ayaa bayaan hore ku sheegay. Waxa ay sheegtay in dadaallo ay sameeyeen maamulka duulista oo ku saabsanaa in xiriir lala sameeyo diyaaradda tan iyo markii ay ka baxday raadaarka uu fashilmay. Diyaaradda ayaa lagu waday inay ku degto garoonka Mzuzu 10:02 subaxnimo. Diyaaradda waxaa u suurtageli weyday inay ku degto garoonka, sababo la xiriira cimilo xumo, waxaana lagu amray inay dib ugu laabato caasimadda, ayuu madaxweyne Lazarus Chakwera ku sheegay khudbad uu telefiishanka kula hadlay shacabka. “Waxaan hayaa rajo kasta oo ah inaan heli doonno kuwa badbaaday, Waxaan amar adag ku bixiyay in howlgalka uu sii socdo ilaa laga helayo diyaaradda” ayuu yiri madaxweynaha Malawi. Wuxuu sheegay in Malawi ay la xiriirtay dalalka deriska la ah, iyo Mareykanka, Britain, Norway iyo maamulka Israel si ay gacan uga geystaan gurmadka. Source: goobjoog.com
-
Ra,iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax jaamac ayaa war kasoo saaray dagaal beeleedyada khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay gobolka Galgaduud gaar ahaan inta u dhaxeysa Xeraale iyo Caabudwaaq. Mudane Saalax ayaa Marka hore waxa uu tacsi u diray dadkii ku dhintay shaqaaqada ka dhacday woqooyiga gobolka Galguduud, waxaana uu Ilaahay u ga baryayay in uu caafimaad siiyo intii ku dhaawacantay. Waxaa uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay aad u ga xuntahay colaadda u dhexeysa dadka ehelka iyo oodwadaagga ah, waxaana uu odayaasha, dhaqanka, waxgaradka, iyo culumada diinta ee guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, iyo si gaar ah kuwa labada deegaan, u gu baaqday in ay dadaalkooda isu gu geeyaan deminta colaaddaas. “Annaga oo ka damqaneyna dhibka dhacay waxa aan maanta guddoomiyey shir ay isu gu yimaadeen mas’uuliyiinta labada gole ee ka soo jeeda labadan deegaan, kaas oo aan u ga arrinsannay sidii loo demin lahaa colaadda.Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa si wadajir ah intii uu shirku socday u la hadlay hoggaanka dhaqanka, dadka deegaanka, iyo waxgaradka labada dhinac oo dhankooda soo dhoweeyey in nabad la gu dhammeeyo colaaddaas”. Waxaa uu intaasi kusii daray “U gu dambeyn, waxa aan mar kale u gu baaqeynaa odayaasha, dhaqanka, waxgaradka, iyo culumada diinta, iyo dadka taladu ka go’do ee bulshadan walaalaha ah in si shuruud la’aan ah colaaddan loo joojiyo, waxa na aan madaxda iyo maamulka Galmudug ku dhiirragelinaynaa dadaalka la gu joojinayo dhibkan iyo in xal waara oo loo aayo la ga gaadho shaqaaqadan.” Source: goobjoog.com
-
A violent clash over the weekend between two clans in central Somalia has killed at least 55 people and injured another 155, residents and medical officials said on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Respiratory diseases affect the health of millions people in Kenya. Cooking with biomass like firewood is a big part of the problem. And government data shows a growing number of Kenyans are doing it. Affordable “clean” cooking options are too expensive for many. (AP Video by Desmond Tiro) Source: Hiiraan Online
-
Musharax Cirro iyo dhalinyarada dalka iyo arimaha ciyaaraha
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/448026620_310970942065000_7380803314573942659_n.mp4 Qaran News -
Muqdisho (Caasimada Online) – Buuqa ka dhashay qorshahay ay xukuumadda federaalka ah ku dooneyso inay ciidanka Itoobiya uga saarto dalka ayaa weli taagan. Labada hoggaamiye ee Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, Cabdicasiis Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay si buuxda markii hore u aqbaleen qorshaha xukuumadda ee bixitaanka ciidamada, balse ay isbeddeleen markii ay deegaanadooda ku laabteen. Shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran waxaa la xasuusto in hal maalin la siiyay sharaxaad amni oo ay soo diyaariyeen xafiiska la-taliyaha amniga qaranka iyo wasaaradda gaashaandhiga. Qeyb kamid ah sharaxaadaas waxay ka hadleysay bixitaanka ATMIS iyo sida ay dowladda damacsan tahay in loo maareeyo deegaanada ay ka baxayaan ciidanka, gaar ahaan deegaanada ay ka baxayaan kuwa Itoobiyaanka. La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya oo wareysi bixiyay ayaa sheegay inay labadaasi maamul wax ka gaareen go’aanka ayna aqbaleen sida loo qorsheeyay fulinta bixitaanka ciidanka Midowga Afrika. Dowladda federaalka waxay sheegtay in aanu qorshuhu aheyn in goobaha ay baneyn doonaan ATMIS inay la wareegto argagixisada, balse taas beddelkeeda uu socdo qorshe kale oo lagu geynayo ciidamo kale oo ka socda Midowga Afrika. Midda gaarka la iskugu hayo oo ah Itoobiyaanka wuxuu La-taliyaha amniga ee madaxweyne Xasan Sheekh ku adkeystay inay Itoobiyaanka ka baxayaan dalka wixii ka dambeeya 31 December ee sanadkaan, oo aanay dalka sharci iyo sharci darro midna kusii joogi doonin. Hal shardi ayaa jira oo Itoobiyaanka qeyb kaga ahaan karaan ciidanka cusub ee kasii howl-gali doona Soomaaliya, kaasina waa inay ka laabtaan heshiiska ay la galeen Somaliland ee la xiriira arrimaha badda. In Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa heshiiska lagu bixinayo ciidanka shisheeye inay dib iska beddelaan waxaa lagu fasiri karaa mid muujinaysa saameynta ay Itoobiya ku leedahay gudaha dalka. Koonfur Galbeed iyo Jubbaland waa labada maamul goboleed ee ugu badan ee ay joogaan ciidanka Itoobiya. Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen wuxuu dorraad la kulmay taliska ciidanka Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda amniga ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo sida loo sii dardar-gelin karo. Kulanka Lafta-gareen iyo Itoobiyaanka ayaa muujiyey sida uu maamulka Lafta-gareen u diidan yahay inay Itoobiyaanka baxaan. Marka halka sharciga caalamiga ah la eego waa adkaan doonta inay ciidanka Itoobiya iska joogaan Soomaaliya, oo ay diidaan amarka dowladda federaalka ee Soomaaliya. Mana cadda inay dhinaca kale aqbali doonaan shuruudda lagu xiray ee ah inay ka laabtaan heshiiska ay la galeen Somaliland, si uu ciidankooda uga sii howl-gallo Soomaaliya oo ay sheegeen in haddii ay kasoo wada baxaan inay halis ugu jiraan in argagixisada ay gudaha usoo gasho dalkooda. The post Xog: Maxaa keenay in Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen ay isku rogaan Xasan Sheekh? appeared first on Caasimada Online.
-
Warbixin ka soo baxday xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, kaddib ansixinta Golaha Ammaanka ee qaraarka xabbad-joojinta Qasa ayaa looga hadlay dhaqan-gelinta qaraarkaasi. Sida ay sheegtay Linda Thomas-Greenfield, Ergayga Qaramada Midoobay ee Mareykanka waxay caddeysay in Maraykanku uu Israa’iil ka caawin doono sidii ay u hirgelin lahayd qaraarka, waxayna sheegtay in Masar iyo Qatar ay Xamaas ka caawin doonaan sidii ay dhankooda u dhaqangelin lahaayeen soo jeedintaasi. Markaa waxay intaa ku dartay; “Sababtoo ah Golaha Ammaanku wuxuu si xad dhaaf ah u meel mariyey arrintan.. hadda waxay u taal dhinacyada inay u hoggaansamaan oo ay fuliyaan.” Maraykanku wuxuu si cad u sheegay in Israa’iil ay ogolaatay soo jeedintan. Taasi waxay cadaadis badan saaraysaa Israa’iil. Waxayna si cad u tahay guul diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay Maraykanka,maaddama uu markaanna hoggaaminayo inuu istaago dagaalka Qasa. Tan ayay dunidda kale sameyn kari waayeen, xilligaa oo Mareykanka uu hub siinayay Israa’iil , codka qayaxana ku diiddayay qaraarradii xabbad-joojinta ee la keenay golaha Ammaanka. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo ka hadashay sida loo dhaqan-gelinayo qaraarka xabbad-joojinta Qasa appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga boqortooyada Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus. Madaxweynaha iyo Boqorka ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, iyagoo diiradda saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha, amniga, isbeddelka cimilada adduunka iyo arrimaha bulshada sida ay sheegtay Villa Somalia. Madaxweynaha Soomnaaliya ayaa uga mahadceliyey Boqorka iyo shacabka Norway taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo ay ku jirto dib u dhiska dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la wadaagay Boqor Harald V horumarka iyo isbedelada waaweyn ee ka socda Soomaaliya, isagoo xusay dadaallada dowladda ee ku aaddan nabadeynta, kobcinta dhaqaalaha, iyo hagaajinta adeegyada bulshada, isagoo adkeeyey nabdda iyo horumarka gobolka. PUNTLAND POST The post Boqorka dalka Norway oo qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud appeared first on Puntland Post.
-
Khilaafka u dhexeeya Israel iyo Qaramada Midoobay ayaa sii xogeystay kaddib markii militeriga Israel ay Qaramada Midoobay ku dartay liiska kuwa ku xadgudubo carruurta. Ergeyga Israel ee Q.M. ayaa si qarsoodi ah bannaanka u soo dhigay warkan ka hor inta aan golaha ammaanka liiskan la horgeyn. Ra’iisulwasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay tahay mid khiyaali ku jirta. Afhayeen u hadlay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ujeedka ka dambeeya warbixintan ay tahay mid hufan oo si fiican looga shaqeeyay. Xadgudubyada waxaa ku jira iskuullo iyo isbitaallo la weeraray iyo gargaar la horistaagay. Afhayeenka sidoo kale wuxuu dhaliilay ergeyga Israel ee warbixinta sida qarsoodiga ah ku bixiyay. Wuxuu ku tilmaamay wax laga naxa oo aan la aqbali Karin. Dhanka kale xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Anthony Blinken, ayaa ka tagay Qaahira maanta. Waxay aheyd booqasho sideed maalmood uu gobolka ku marayay taas oo looga doodayay xabad joojin ka hirgasha Gaza. Shir jaraa’id uu qabtay Kaddib kulanka uu la yeeshay madaxweyne Cabdulfitax El-sisi, waxa uu ugu baaqay dowladaha Carabta in ay cadaadis saaraan Xamaas. bbcsomali Qaran News
-
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markii u horreysay ansixiyay 9 bilood oo dagaalka Qasa socdo qaraar uu soo jeediyay Mareykanka oo ku baaqaya sii deynta maxaabiista iyo xabbad-joojinta Qasa. Qaraarka ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay hindise xabbad-joojinta ah oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo Maraykanku sheegay in Israa’iil aqbashay. Waxay ugu baaqaya soo jeedinta ay ansixiyeen golaha ammaanka Xamaas, oo markii hore sheegtay inay u aragtay soo jeedinta “mid wanaagsan”, inay aqbasho qorshaha saddexda waji ah. Qaraarkaasi waxa uu ku boorinayaa Israa’iil iyo Xamaas inay si buuxda u fuliyaan shuruud la’aan. Qodobbada heshiiska ee Biden uu soo jeediyay; Soo jeedinta waxaa ka mid ah joojinta dagaalka muddo lix toddobaad ah, oo ku dhacaysa wejiga koowaad oo ay ku jirto xabbad-joojin dhammaystiran, in ciidammada Israa’iil laga saaro dhammaan deegaannada ay dadka Qasa ku nool yihiin, iyo in la sii daayo dad waayeel ah, dhaawaca iyo haweenka ah si loo sii daayo maxaabiista Falastiiniyiinta. Marxaladda labaad, waxaa lagu sii deyn doonaa maxaabiista nool oo ay ku jiraan askarta, iyadoo Israa’iil ay billaabayso joojinta dagaalka si dhammeystiran. Wajiga saddexaad waxaa ka mid ah dib u dhiska marinka Qasa. PUNTLAND POST The post Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ansixiyay Qaraar ku saabsan Xabbad-joojinta marinka QASA appeared first on Puntland Post.
-
Lilongwe (Caasimada Online) – Diyaarad milateri oo uu la socday madaxweyne ku xigeenkii Malawi Saulos Klaus Chilima ayaan la ogayn meel ay jaan iyo cidhib dhigtay. Arrintan ayaa timid kadib markii ay lumisay xidhiidhkii ay la lahayd isgaadhsiinta goobaha laga hago duulimaadyada ee dalka Malawi, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay dawladda dalkaas. Diyaaradda ayaa duushay barqonimadii wakhtiga dalka Malawi, waxaana duulimaadkaas la socday madaxweyne ku xigeenka iyo sagaal xubnood oo kale. Diyaaradda ayaa ka duushay caasimadda dalka Malawi ee Lilongwe, hase ahaatee waxay ku guuldaraysatay inay ku degto garoonka caalamiga ah ee Mzuzu oo qiyaastii 370Km woqooyi ka xiga caasimadda dalkaas. Dawladda Malawi ayaa sheegtay in dhammaan dedaaladii ay sameeyeen saraakiisha hay’adda duulista hawadu, inay ku guuldaraysteen inay helaan xidhiidhka diyaaradda. Madaxweynaha dalka Malawi ayaa baajiyey safar uu dhowaan ku tegi lahaa dalka Bahamas oo uu booqasho rasmi ah ku tegi lahaa, waxana uu ku baaqay gurmad degdeg ah oo lagu baadigoobayo diyaaradda. The post Diyaarad sidday madaxweyne ku-xigeenka Malawi oo la waayey – Sidee wax u dhaceen? appeared first on Caasimada Online.
-
Oslo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga boqortooyada Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus. Madaxweynaha iyo Boqorka ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, iyagoo diiradda saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha, amniga, isbeddelka cimilada adduunka iyo arrimaha bulshada. Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey Boqorka iyo shacabka Norway taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo ay ku jirto dib u dhiska dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la wadaagay Boqor Harald V horumarka iyo isbedelada waaweyn ee ka socda Soomaaliya, isagoo xusay dadaallada dowladda ee ku aaddan nabadeynta, kobcinta dhaqaalaha, iyo hagaajinta adeegyada bulshada, isagoo adkeeyey nabdda iyo horumarka gobolka. Xasan Sheekh oo Norway ku jooga booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah, ayaa waxa uu wada-hadallo laba geesood ah la yeelan doonaa madaxda sare ee dalkaasi, si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa khudbad muhiim ah ka jeedin doona shirka sannadlaha ah ee Oslo Forum 2024. Safarkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay dalka Norway tan iyo markii dib loo doortay ee 15-kii May 2022, wallow uu safaro kala duwan ku tagay qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub. The post Maxaa looga hadlay kulanka madaxweyne Xasan iyo boqorka Norway? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Addis-Ababa (Caasimada Online)—Ethiopia has formally responded to Somalia’s demand to withdraw its troops from the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) by the end of 2024. Nebiyu Tedla, the spokesperson for the Ethiopian Ministry of Foreign Affairs, stated in a recent press release that Ethiopia had yet to receive any official communication about this withdrawal. He emphasized that there has yet to be diplomatic communication from the Somali side regarding the matter. The recent “Sea Gate” agreement between Ethiopia and Somaliland has further complicated the situation, reportedly angering the Somali government. The “Sea Gate” agreement Signed in January 2024, the “Sea Gate” agreement, also known as the Maritime Security and Economic Cooperation Agreement, allows Ethiopia to lease a 20-kilometer stretch of Somaliland’s coastline, with plans to establish a naval base. The agreement is part of Ethiopia’s broader strategy to secure its maritime interests and combat piracy in the region. However, Somalia views this agreement as a direct infringement on its sovereignty and territorial integrity. Although Somaliland declared independence in 1991, it remains internationally recognized as part of Somalia. The Somali government sees the agreement as a violation of its territorial claims and an attempt to undermine its authority over Somaliland. The “Sea Gate” agreement has sparked significant controversy, with critics arguing that it undermines Somalia’s sovereignty. It is perceived as an attempt by Ethiopia to extend its influence in the region through strategic maritime access, which has heightened tensions between the two countries, adding another layer of complexity to an already volatile relationship. Somalia’s decisive response In response to the “Sea Gate” agreement, Somalia’s Cabinet of Ministers, led by Prime Minister Hamza Barre, expelled Ethiopian Ambassador Muktar Mohamed Ware and ordered the closure of Ethiopian consulates in Garowe and Hargeisa. The Somali government accused Ethiopia of interfering in its internal affairs and violating its sovereignty. “The plain interference of Ethiopia’s government in the internal affairs of Somalia is a violation of the independence and sovereignty of Somalia,” stated the office of Somalia’s Prime Minister. Somalia’s actions reflect a broader strategy to assert its sovereignty and respond decisively to perceived external threats. By expelling the Ethiopian ambassador and closing consulates, Somalia is sending a clear message that it will not tolerate what it views as violations of its territorial integrity. This move is intended to pressure Ethiopia to reconsider its actions and engage in more respectful diplomatic practices. Demanding troop withdrawal In addition to the diplomatic measures, Somalia has demanded the withdrawal of all Ethiopian troops by the end of 2024. Ethiopian forces are currently stationed in Somalia under the African Union Mission in Somalia (ATMIS) and through bilateral security agreements. The Somali government’s demand has raised concerns about potential security vacuums that militant groups such as al-Shabab could exploit. Some Somali regional officials have expressed the need for a strategic and gradual withdrawal to ensure regional stability and security. The demand for troop withdrawal is a significant escalation in the diplomatic row between the two nations. The Horn of Africa has long been fraught with political and territorial disputes. The recent escalation between Ethiopia and Somalia over the “Sea Gate” agreement is the latest in complex regional dynamics. Historically, Ethiopia and Somalia have had a turbulent relationship marked by border disputes and intermittent conflicts. The current situation underscores the ongoing challenges in achieving lasting peace and stability in the region. The post Ethiopia responds to Somalia’s troop withdrawal demand appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay dib u bilaabista mashaariicdii hormarineed ee ka socotay deegaanada dowlad goboleedka Puntland oo joogsaday wixii ka dambeeyey dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), ayaa soo dhaweeyay dib-u-bilaabista mashaariicda horumarineed ee horay uga socday deegaanada Puntland, kuwaas oo maamulka Puntland hakiyay, balse hadda ogolaaday in dib loo bilaabo. “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan aragno dib-u-bilaabista mashaariicda Barwaaqo iyo Mashruuca Xoojinta Nidaamka Cuntada Soomaaliya (SFSRP) ee Puntland, taasoo dhiirigelinaysa dadaalka lagu horumarinayo nolosha dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Beenebeene. Wasiir Beenebeene ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Mashaariicdani waxay muhiim u yihiin kobcinta horumarka waara iyo xaqiijinta mustaqbal adkeysi leh dhammaan Ummadda Soomaaliyeed.” Mashruuca Barwaaqo, oo ah mashruuc dhammeystiran oo ku saabsan maareynta biyaha iyo horumarinta kaabayaasha, iyo mashruuca SFSRP oo ujeeddadiisu yahay in lagu xoojiyo nidaamyada cuntada ayaa dhammaan laga hirgeliyaan dowlad goboleedyada, iyadoo la xaqiijinayo sugnaanta cuntada iyo kor u qaadista dhaqamada beeraha. Labada mashruuc ee Barwaaqo iyo SFSRP waxaa loogu talagalay dhammaan dowlad goboleedyada dalka, balse dowlad goboleedka Puntland ayaa si iskeed ah uga hakisay fulintooda deegaanada uu ka arrimiyo markii uu xumaaday cilaaqaadkii kala dhexeeyey dowladda federaalka. “Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, waxaa ka go’an in aan la siyaasadayn hawlaha gargaarka iyo horumarinta ee dalka oo dhan, waxaana ku dadaaleynaa in mashaariicdan loo fuliyo si hufan oo caddaalad a,” ayuu yiri wasiirka qorsheynta DF. Wasiir Beenabeene ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ay ka go’antahay in la gaarsiiyo mashaariicda hormarineed ee dalka kuwa u baahan, iyadoo oo aan loo eegin aragtiyo siyaasadeed. Mashruuca Barwaaqo waxaa daahfuray Dowladda Federaalka Soomaaliya bishii Janaayo 2023, waxaana xigay Mashruuca Xoojinta Nidaamka Cuntada Soomaaliya (SFSRP) bishii Juun 2023. The post DF oo war culus ka soo saartay mashaariic ay Puntland joojisay oo hadda dib loo fasaxay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Qeyta Guud ee Boliiska Gobalka Banaadir oo kaashanaya Hay’adaha kale ee ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigay rag badan oo ku dhowlanaa dhaca dadweynaha Muqdisho. Ragga lasoo bandhigay ayaa lagu soo qabtay howlgal ay ciidamadu ka fuliyeen degmooyinka Dharkenley, Wadajir, Garasbaaley iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Waa 16 eedeysane oo loo heysto inay geysteen falal isku jira dil, dhaawac iyo dhac dadweyne, kuwaas oo hadda lasoo bandhigay iyagoo maxaabiis ah. Ragga lasoo bandhigay waxaa ku jira shabakado abaabulan oo burcad ah, taliska booliska ayaa sheegay baaritaan uu ku socdo eedeysanayaasha, iyadoo baaritaan kadibna Maxkamad la horgey doono. Sawirrada 16-kaan eedeysane oo magacyadooda iyo dunuubta loo heysto lagu soo dul qoray ayuu baahiyey booliska Soomaaliya oo gacanta ku haya ragaas. Ragga lasoo bandhigay qaarkood waa odayaal, sidoo kale intooda badan waxay ku hubeysan yihiin tuutaha ciidamada dowladda iyo qoryo AK 47 ah, halka qaarkood ay wataan Tooreeyo ay dadka ku dhici jireen. Booliska ayaa sheegay in la hayo taleefano lacag iyo agab kale oo ragaan ay ka soo dhaceen dadkii lahaa, qof kasta oo wax laga dhacay ayaa lahu war-geliyey in booliska uu la xiriiro. Muddooyinkii dambe booliska Soomaaliya ayaa go’aansaday in la fadeexeeyo oo bulshada loo soo bandhigo qofkii qalad gala ee muteysta xarig, waxaana lagu sawiraa astaanta booliska isagoo maxbuus ah, waxaana bulshada lala wadaagaa dembiga loo heysto. Hoos ka eeg sawirrada ragga lagu soo qabtay dhaca dadweynaha Muqdisho. The post Sawirro: Booliska oo soo bandhigay shabakadii ugu halista badneyd Muqdisho appeared first on Caasimada Online.