Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa magaalada Boosaaso gaar ahaan Xafiiska Duqa Degmada ka qabsoomay shir u dhexeey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyada dowlad gobolleedka Puntland, iyo Hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR) Xafiiskeeda Boosaaso. Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardar galinta shaqooyinka arrimaha Qaxootiga, Magangalyo-doonka iyo Barakacayaasha ku dhaqan magaalada Boosaaso, waxaana goob joog ka ahaa Masuuliyiinka ka tirsan Wasaraada Arimaha Gudaha federaalka Dimuqraadiyeynta Puntland iyo Dowlada Hoose ee Degmada Boosaaso. Waxaa shirka kasoo baxay In horey loo sii wado diiwaan-galinta magan-galyo doonka, wacyigalinnona laga sameeyo muhaajiriinta kusoo qulqulaya gudaha Puntland. Magaalada Boosaaso ayaa kamid ah meelaha ay soo galootiga iyo qaxootiga dalka soo galaa ku noolyihiin, ayadoo Itoobiyaan, Yemeniyiin, iyo dadyow kale ay joogaan, sidoo kalena barakacayaal gudaha ah ayaa ku dhaqan. Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo maanta warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in kiiska gabadheeda aan wax laga qaban sidii ay u timid dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo ka dhigan in muddo saddex sano ku siman ay weli cadaalad raadineyso. Qaali ayaa waxay sheegtay inay xaalad caafimaad oo adag la soo deristay sidii ay cadaaladda inanteeda u daba joogtay, “Wax ka qabsoomay weli ma jiraan, waa iska dhibanahay oo ma seexdo, sonkor iyo dhiigkar ayaa igu dhacay illaa haddana wax ii damqaday ma jirto.” Sidoo kale waxay ka dalbatay madaxda sare ee dalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe oo hadda jooga hay’addii gacanteeda lagu waayey Ikraan Tahliil inay kiiskaan wax ka qabtaan. “Waxaan halkaan baaq ugu dirayaa madaxda dalka oo ugu horreeyay madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza, Aadan Madoobe oo dhamaantood ay ballan-qaadeen arrintaan, waxaa ka codsanayaa in ay kiiskaan wax ka qabtaan,” ayey tiri Hooyo Qaali. Waxay intaas kusii dartay “Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa halkaan baaq uga dirayaa oo isagu hadda jooga taliskii Nabad-sugidda, waa meeshii lagu waayay gabadheyda waaye, in uu arrintaas wax ka qabto ayaa ugu baaqayaa.” Sidoo kale waxay sheegtay in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay dacwo cusub u geysatay, ayna xilligaan uga fadhido madaxda sare ee dalka inay arrintaas meel-mariyeen, si cadaalad u hesho gabadheeda. “Kiiskaas qof walba oo Soomaaliyeed ayaa isha ayuu ku haaya, wey iga aamusan yihiin oo wax la iiqabtay ma leh oo wal-bahaar ayaa la noolahay. Waxaan ka codsanayaa inay arrintaas meel-mariyaan si ay umadda Soomaaliyeed u badbaadan oo dhibaato loogu geysan.” Hooyo Qaali ayaa ugu dambeyntiina rejo wanaag ka muujisay in sida ugu dhaqsaha badan looga soo jawaabi doono baaqeeda, “Waxaan jeclahay in wax laga qaban doono arrintaan.” Si kastaba, kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo horay dalka uga dhaliyay xiisad siyaasadeed xooggan ayaa illaa hadda meel lagu sheegin, ayada oo xilalka u sareeya dalka ay qabteen siyaasiyiintii shalay u qeylinayay in cadaalad hesho Hooyo Qaali Maxamed Guhaad. Hoos ka daawo The post Daawo: Hooyada Ikraan oo hadashay, farriin culusna u dirtay Xasan iyo Sanbaloolshe appeared first on Caasimada Online.
  3. President William Ruto has called on leaders in the Kenya Kwanza government to tone down on attacks that have characterised his administration recently. Source: Hiiraan Online
  4. Ciidamada Ukraine ayaa duqeeyey diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay oo nooceedu ahaa Sukhoi Su-57, taasoo ku sugneyd saldhig ciidamada cirka ah oo ku yaalla gudaha Ruushka, sida ay sheegtay hay’adda sirdoonka ee Kyiv’s GUR. Mid ka mid ah dadka caanka ah ee Ruushka u dooda dhanka baraha bulshada, iskuna magacaabay Fighterbomber ayaa sheegay in warbixinta duqeynta ee Su-57 ay tahay mid sax ah, isla markaana ay duqeysay diyaarad aan duuliye lahayn. Hay’adda sirdoonka dalka Ukraine waxa ay tibaaxday in diyaarada ay taagneyd garoonka diyaaradaha ee Akhtubinsk, oo 589km u jira jiidda hore ee dalka Ukraine, waxayna intaas ku dartay in diyaaradda ay awood u leedahay in ay qaado gantaallada qarsoodiga ah ee boqollaal kiilo mitir. Dagaalka Ruushka iyo Ukraine oo billowday sanadkii 2022, ayaa sababa khasaare nafeed oo baaxad leh, waxaana hadda muuqanaysa in Ciidanka Ukraine ay sameynayaan weerarro rogaal celis ah oo xoogga leh. Source: goobjoog.com
  5. Ciidanka Daraawiishta , Nabadsugidda ee Jubbaland iyo Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa howlgal ka dhan ah Shabaab ka wada deegaanka Buulo Xaaji oo qiyaastii 80KM dhanka galbeed ka xigta magaalada Kismaayo. Ciidamada ayaa sidoo kale howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay tuulooyinka hoostaga deegaanka Buuloxaaji oo ah deegaan istaraatiiji ah. Ujeedka howlgalkan laga leeyahay ayaa ah in firxadka Argagixisada aysan u jihaysan dhanka degmada Badhaadhe maadama Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ay wadajir howlgal xoogan uga sameenayaan waqooyiga gobolka Jubada hoose. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Ciidanka. waxaa uu sheegay in howlgalka uu yahay mid guuleysatay. “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ciidamada geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Jubbaland oo saaka si buuxda ula wareegay Deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubbada Hoose oo 80KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo” ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxaan ku ammaanayaa saraakiisha hawlgalka hoggaamineysay iyo ciidamada sida geesinimada, Dadaalka iyo Daacadnimadu ku jirto uga xoreynaaya Khawaarijta deegaanada fara kutiriska ah ee ay gacanta ku hayaan”. Ugu dambeyntii Mudane Xamsa ayaa sheegay Dowladdu gacan waxay kula dirirayso Shabaab, gacanna waxay ku daryeelaysaa shacabkeeda, waxaana dadka iyo deegaankuba heli-doonaan adeegyada aas-aasiga ah sida waxbarasho, Caafimaad iyo Nabadgalyo si la mid ah deegaanadii kale ee laga xoreeyay Shabaab. Source: goobjoog.com
  6. Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhow inuu dhameystiro heshiis lala galo Sacuudi Carabiya, kaasi oo u ballan qaadaya in Mareykanka uu difaaco boqortooyada. Heshiiskan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah heshiis looga gol leeyahay dhiiri-gelinta xiriir diblomaasiyadeed oo dhex-mara Riyadh iyo Israel, sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal oo oo soo xiganaya saraakiil Mareykan iyo Sacuudiyaan ah. Heshiiska suurto-galka ah oo ay si weyn uga shaqeeyeen Maraykanka iyo mas’uuliyiin kale muddo toddobaadyo ah, ayaa qayb ka ah xirmo ballaaran oo ay ku jiraan heshiis nukliyeer oo dhex-mara Maraykanka iyo Sucuudiga. Tallaabooyin loo qaadayo dhismaha dawlad Falastiin ah iyo soo afjarida dagaalka Gaza ka socda ayaa qeyb ka ah, halkaasi oo dadaallo xabad joojin oo bilo socday ku guuldareysteen in ay nabad keenaan. Ansixinta heshiiska oo Wall Street Journal, uu sheegay in loo yaqaan heshiiska isahaysiga istaraatiijiga ah ayaa u baahan doonaa saddex-meelood laba-meelood codka aqlabiyadda Senate-ka Mareykanka, taasi oo ay adkaan doonto in la helo haddii aan heshiiska lagu xirin xiriir dhex-mara Israa’iil iyo Sucuudiga. Heshiiska qabyada ah waxaa loo qaabeeyey si u eg heshiiska amniga wadajirka ah ee Washington ay la gashay Japan, sida uu wargeysku ka soo xigtay saraakiisha Mareykanka iyo Sacuudiga. Ayada oo dhaafsaneysa ballan-qaadka Mareykanka ee ah in uu gacan ka gaysto difaacidda Sacuudi Carabiya haddii la soo weeraro, qabyo qoraalka heshiiska ayaa Washington u ogolaanaya in ay adeegsato dhulka iyo hawada Sacuudiga, si ay uga ilaaliso danaha Mareykanka iyo saaxiibadiisa gobolka, sida uu wargeyska ku warramay. Sidoo kale waxaa laga damacsan yahay in uu Riyadh si dhow ugu xiro Washington, ayada oo laga mamuunayo Shiinaha inuu saldhigyo ka dhisto boqortooyada ama uu iskaashi amni la galo Riyadh, ayuu Wall Street Journal ka soo xigtay saraakiisha. Aqalka Cad, Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka iyo safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaan si deg deg ah uga jawaabin codsi ah in ay arrintan ka hadlaan. Reuters + Voa The post Mareykanka iyo Sacuudiga oo qarka u saaran heshiis dhabar-jab weyn ku ah Falastiiniyiinta appeared first on Caasimada Online.
  7. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/448115476_456942553632782_3616066370505832029_n.mp4 Qaran News
  8. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa maanta jawaab rasmi ah ka bixisay go’aanka dowladda Soomaaliya ee ku aadan in ciidamadeeda ay kala baxdo gudaha Soomaaliya, kaas oo uu dhawaan shaaciyay Xuseen Macallin Maxamuud oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Nabiu Tedla oo soo jawaabay ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan wargelin ka helin Soomaaliya oo ku aadan inay la baxaan ciidamadooda qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrka ee lagu magacaabo ATMIS. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan waxba ka ogeyn arrintan, gaar ahaan hadalka kasoo yeeray la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in uusan jirin xiriir diblumaasiyadeed oo rasmi ah oo kasoo gaaray dhanka Soomaaliya oo ku aaddan arintaan, amaba lala soo wadaagay. Nabiu Tedla ayaa xusay inay sii wadayaan howlgalada amni ilaalinta ee ay ka hayaan Soomaaliya, isaga oo ku dooday in weli uu yahay qorshaha bixista, maadaama aan la helin ciidamadii bedeli lahaa ATMIS. Hadalkan kasoo baxay Itoobiya ayaa imaanaya, ayada oo dhowaan la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya uu shaaca ka qaaday in dhamaadka December ee sanadkaan 2024-ka la qorsheeyey in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka bixi doonaan Soomaaliya. ‘’Dabcan annaga halka aan ka taaganahay ka dawlad Soomaaliya ahaan, waan caddeyney ciidanka Itoobiya kama mid noqon doono ciidamada sii joogi doona dalka, Diiseembar sanad kan wixii ka dambeeya, arintaasi waa arin dawladda Soomaaliya go’aan ay qaadatay,’’ ayuu horay u yiri Xuseen Macalin. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa haatan ka dhexeysa xiisad xoogan oo ka dhalatay heshiiska badda ee uu bilowgii sanadkan Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland, kaas oo ay carooray dowladda federaalka Soomaaliya. The post Itoobiya oo jawaab ka bixisay go’aanka ay DF ka qaadatay ciidankeeda jooga Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  9. Garowe (HOL) - Puntland regional state leader Said Abdullahi Deni has asked Somalia's international partners to establish a new mechanism enabling multilateral development banks to directly provide humanitarian support, development aid, and budget support to Puntland amid the increasing political conflict between Puntland and the federal government. Source: Hiiraan Online
  10. Riyadh (Caasimada Online) – Caro iyo dhaleeceyn xooggan ayaa ka dhalatay kadib markii wasiirka Xajka iyo cumrada Sacuudiga uu ku dhowaaqay in boqortooyada aysan ogolaan doonin “hal-ku-dhigyada siyaasadeed” inta lagu jiro xajka, isaga oo ula jeeda ficillada garab is-taagga loogu muujinayo Falastiiniyiinta. Tawfiiq Al-Rabiah oo warbaahinta kula hadlay magaalada Riyaad ayaa sheegay in Xajka “loo yaqaan hab cibaado, waxaana aad u daneyneynaa inaan xaqiijino nabadda si qof walba uu si fudud ugu guto cibaadadiisa.” Waxa uu intaa ku daray “Sidaas darteed, Xajku waa cibaado ee maaha mid loo adeegsado hal-ku-dhegyo siyaasadeed, taasina waa waxa ay hoggaanka boqortooyada doonayaan in ay xaqiijiyaan – in Xajku ka kooban yahay astaamaha ugu sarreeya ee khushuuc, xasillooni iyo diin.” Hadalladan ayaa waxa ay dhaliyeen caro badan oo ka timid dad badan oo Muslimiin ah oo caan ka ah baraha bulshada, kuwaas oo su’aal ka keenay sida aan caddayn ee hadalka loo dhigay, kaasi oo u muuqday mid tixraacaya mudaaharaadyada caalamiga ah ee lagaga soo horjeedo dagaalka burburka leh ee lagu hayo Gaza iyo qul-qulka taageerada Muslimiinta ee qadiyadda Falastiin. “Islaamku waa hab nololeed, ma kala qaybsana qaybta ‘siyaasadda’ iyo ‘cibaadada’ ee Islaamka. Nebi Muxamed NNKH wuxuu siyaasadda iyo istiraatiijiyadda dagaalka uga hadli jiray masjidka,” ayuu yiri qof qoraal soo dhigay baraha bulshada. Mid kale ayaa waxa uu iftiimiyay in Xajku yahay xilli lagu fekerayo nuxurka Muslimnimada, oo ay ka mid tahay “diididda dulmiga”. Qaar kale waxay xuseen in inkasta oo oo uu yahay dal miisaan siyaasadeed ku leh gobolka, haddana Sacuudi Carabiya ay sii waddo mawqifka la dhimay ee ka qaybgalka diblamaasiyadeed, taas oo wiiqday diinta iyo qiyamka qoyska boqortooyada al-Sacuud. “Iyadoo uu socdo xasuuqa Gaza, aamusnaanta maamulka Sucuudiga waa wax uu ka naxo qof kasta oo bani’aadam ah iska daa Muslim,” ayuu yiri qof kale. Qaar ayaa iftiimiyay waxa ay u arkayeen in ay tahay laba wajiyeynta mas’uuliyiinta Sucuudiga iyaga oo xusay in ammaanida amiirka dhaxal-sugaha ah aan loo qaadan doonin dhibaato ‘siyaasadeed’. Dhaleeceyntaas waxaa ka mid ahaa, Saami Xamdi oo ah falanqeeye dhanka siyaasadda oo hadalka Rabiic su’aal geliyay, wuxuuna weydiiyay: “Maxay tani la macno tahay? Ha ka hadlin xasuuqa Gaza marka aad ku sugan tahay Baydka Allah?” Dhaleeceyntan ayaa waxaa ka jawaabay akoonka Inside the Haramain, oo ah kan rasmiga ah ee labada Masjid ee xaramka. “In loo duceeyo Falastiiniyiinta, gaar ahaan walaalaheen Gaza la ma mamnuucin, tani gabi ahaanba waa been abuur, waxa la mamnuucay waa hal-ku-dhegyo siyaasadeed, hadday tahay waddan iyo gobol kasta, keliya xuska Allah ayaa lagu soo qaadi karaa labada Masjid ee barakeysan,” ayaa lagu qoraal ay Inside the Haramain soo dhigeen barta X. Bilihii la soo dhaafay, mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa lagu soo warramayaa in ay sare u qaadeen howlgallada ka dhanka ah shaqsiyaadka dhaleeceynaya duullaanka Israa’iil ay ku hayso Gaza, iyadoo heshiis diblomaasiyadeed oo ay la gasho Israa’iil uu weli miiska u saaran yahay. The post Caro ka dhalatay go’aan siyaasadeed la xiriira Xajka oo Sacuudiga uu ku dhowaaqay appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa laba jibaaray howlgallada amni xaqiijinta ah ee ay haatan ka wadaan caasimada iyo deegaanada u dhow, si looga hortego falalka amni darrada ah. Afhayeenka Booliska, Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qatay wariyeyaasha ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalladan iyo natiijada laga gaaray. Cabdifitaax ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen shabakad isku xiran oo dhac baahsan ka wadday magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda. Sida uu sheegay afhayeenka kooxdan ayaa waxaa horkacayay laba askari oo horay laga eryey ciidanka Xoogga, wuxuuna sheegay inay dhaceen gaadiid iyo moobeelo. “Laba ruux oo horay looga ruqseeyay ciidanka Xoogga dalka oo lahaa shabakad dadka dhacda ayaa waxa ay muwaadiniin Soomaaliyeed ku dhaceen gudaha degmada Dharkenley, waxay qaateen mooto, moobeello, kadibna waxay galeen degmada Garasbaaley” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laba gaari oo kale ay ka dhaceen degmada Garasbaaley iyo deegaanka Ceelasha Biyaha, kadibna ugu dambeyn laga daba tegay “Ciidamada booliska Garasbaaley ayaa daba galay degmada waxay ka dhaceen gaari waxayna la aadeen Ceelasha Biyaha oo ay rabeen inay ku dhuumaaleystaan, gaarigii markii ay taargada booliska baafiyeen lagu daba taagnaa ay dareemeen in aysan baxsan karin waa ay ka tageen gaarigii, hadana waxa ay gaari labaad kasoo dhaceen Ceelasha Biyaha” ayuu mar kale yiiri. “Sidoo kale waxay muwaadin Soomaaliyeed ka dhaceen bistoolad uu sifo sharci ah ku watay, bistooladaas waxay ku dhaawaceen muwaadin kale” ayuu sii raaciyay. Afhayeenka ayaa xusay in sidoo kale kooxdan ay taleefano badan ka dhaceen degmada Dayniile, kadibna ay ka baxsadeen kadib falkaasi. Waxaa kale oo uu tilmaamay inay soo gacan galeen labadan nin iyo lab kale oo caawiye u ahaa, isla markaana isku bahaystaan inay dhac ka gaystaan magaalada Muqdisho “Dhammaantood labadii ruux iyo laba kale oo kal-kaaliyeyaal u ahaa afartoodaba gacanta ayaa lagu soo dhigay, waxayna ku xiran yihiin saldhigga” ayuu kusoo gabagabeeyay. The post Daawo: Shabakad gaadiid ka dhacday MUQDISHO oo gacanta lagu soo dhigay appeared first on Caasimada Online.
  12. Waxa dayacan oo gabi ahaanba aan shaqaynin 3 iskuul hoose/Dhexe oo ku yaala degmadda Sabawanaag ee bariga gobolma Maroodijeex Deegankani oo aan aad iga fogayn caasimadda Somaliland, waxa dayacan dadkii, caruurtii iyo waxbarashadiiba. Waxa xidhan oo dunsan iskuulka Bali Shire. Karin Labi iyo lka ku yaala degmada lafteeda. Iskuulka Bali Shire oo dib u dhiskiisa lagu qiimeeyay 4800 oo doolar gabi ahaanba wasaarada waxbarashadu way diiday, caruurihii iskuuladaasi dhigan jiray qaar guryaha ayay iska joigaan qaar kalena waalieiintood ayaa gaystay deegaano kale oo ay eheladoodu joogaan. Hadaba deegaankani waxa ku dhashay una dhashay oo ka soo jeeda gudoomiyaha Banka Somaliland Cali Cabdilaahi Daahir iyo xildhibaan Jamaal Adan Diiriye oo labaduba taageero u aha xukuumadda Muuse Biixi oo dayacday deegaanadaasi. Mar aanu wax ka waydiinay gudoomiyaha baanka arinkani wax jawaab ah kamaanaan helin. Waxa aanu dhawaan idiin soo gudbin doonaa dadka deegaanka oo aanu arimahani ka waraysanay, isla markaasina aad uga cadhooday dayacnaanta haysata dadkooda iyo deegaankooda waana dadkii soo doortay iyo deegaankii laga soo doortay Xildhibaan Jamaal Adan Diiriye. Waxana arinkani ka sii daran deegaanku waa caafimaad laan, waxana jirtay in 6 todobaad ka hor ay deegaankaasi ku dhinteen laba haween ah oo umulay markaas uun markii loo waayay dhiig joojin iyo gurmad de deg ah, Qaran News
  13. Ururka dhaqaatiirta dalka Suudaan ayaa ku eedeeyay ciidamada gargaarka degdega ah ee RSF ah inay xoog ku galeen isbitaallo ku yaalla dalkaas, islamarkaana ay sabab u noqdeen inay joogsado shaqadii ka socatay. Kooxo u ololeeya barakacayaasha iyo qaxootiga ku sugan Darfur ayaa shaaca ka qaaday in xarun caafimaad oo ku taal xerada Abu Shuk oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah lagu duqeeyay saddex madfac, waxaana ka dhashay dhaawaca in ka badan 30 qof iyo laba ruux oo dhimasho ah. Sidoo hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ayaa ka digaya in cunno yarida ka dhalatay dagaallada ka socda 12 ka mid ah 18-ka gobol ee dalka ay isku badasho macaluul baahsan. tiro ka mid ah laamaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa ku baaqay in Suudaan laga badbaadiyo masiibo bini’aadantinimo oo sababi karta in malaayiin ruux ay ku dhintaan. Dagaalka Suudaan ayaa socda sanad iyo dhowr bilood, waxaana ku dhintay kumanaan qof, halka baraca iyo burburkuna ay gaareen meeshii ugu xumayd. Source: goobjoog.com
  14. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulan Magaaladda Kismaayo ku dhex maray Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana kulanka ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee dowlad goboleedka Jubbaland. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Guddiga Joogtada ah ee Jubbaland warbixin ka siiyay waxyaabihii labadii sano ee lasoo dhaafay u qabsoomay Golaha Shacabka, waxaana uu sheegay in goluhu meelmariyay shuruuc muhiim u ah dowladnimada Soomaaliyeed gaar ahaan arrimaha deyn cafinta, qaadista cunna- qabateyntii hubka ee dalka saarneyd iyo ku biiristii Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa Guddomiyaha Golaha Shacabka Iyo xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyay howlaha Golaha Wakiillada Jubbaland shuruucda ay meel mariyeen, wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay wada shaqeynta labada dhinac iyo in ay arrimaha shuruucda iska kaashadaan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa balan qaaday wada shaqeynta Iyo taageerida golayaasha wakiillada ee dowlad goboleedyada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta Iyo tayada howlwadeenada golayaasha wakiillada ee dowlad goboleedyada dalka. Source: goobjoog.com
  15. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qeylo-dhaan uu u diray saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa u ku dalbaday inay xaqiijiyaan in si cadaalad ah oo siman loo qaybsado deeqaha iyo gargaarka horumarineed, isaga oo eedeyn culus u jeediyey dowladda federaalka. Codsigan oo loo diray hay’ado iyo dalal badan oo caalami ah, ayuu Deni hoosta kaga xariiqay welwelka weyn ee uu ka qabo wax uu ugu yeeray “siyaasadeynta sii kordheysa ee deeqaha” ee dowladda federaalka. Saciid Deni waxa uu qeylo dhaan ka muujiyay lacagaha ka yimaada deeq bixiyayaasha caalamka oo uu sheegay in dowladda federaalka ay adeegsato ajandayaal siyaasadeed, taasi oo uu ku andacoonayo inay socotay tan iyo markii isaga dib loo doortay. “Siyaasadeynta mashaariicda Puntland loo qoondeeyay, barnaamijyada iyo taageerada miisaaniyadeed waxay socotay 18-kii bilood ee u dambeeyay,” ayuu yiri Saciid Deni. Saciid Deni ayaa sheegay in la isku dayey in uu arrintan xal kala gaaro dowladda federaalka iyo bankiyada horumarinta balse aanu ku guuleysan. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey dowladda federaalka inay billaabeen olole war xumo tashiil ah iyo warar been abuur ah, oo la doonayo in lagu qalqal geliyo dowlad goboleedka Puntland, sida uu hadalka u dhigay. Deni ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la helo hanaan loo wada dhan yahay oo ku saabsan deeqaha dibadda, ganacsiga, heshiisyada, kheyraadka dabiiciga ah, iyo arrimo kale ee waaweyn ee saameynta ku leh danaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, oo ay ku jirto Puntland. Waxa uu ku dooday in falalka Muqdisho ay iska indha tirayaan waajibaadkii dastuuriga ahaa, iyo xaaladda taagta daran ee qaranka, taasi oo halis gelin karta xasiloonida iyo midnimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. “Marka la eego xaaladdan halista ah, waxaan ka codsanaynaa saaxiibadeena caalamiga ah inay garwaaqsadaan culeyska xaaladdan,” ayuu yiri Madaxweyne Deni. “Waxaan codsaneynaa in la sameeyo hannaan beddel ah oo awood u siinaya bankiyada horumarinta inay si toos ah u caawiyaan oo ay u taageeraan Puntland, kana madax-banaan siyaasadda Muqdisho.” Qeylo-dhaanka Deni ayaa imaneysa ayada oo Puntland ay wajaheyso xaalad dhaqaale xumo oo liidata, xilli ciidamada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha maamulka aan mushahar la siin muddo bilo ah. Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda federaallka ay Deni ka jartay qaar ka mid ah qoondadii Puntland ay ku laheyd deeqaha caalamiga ah, halka qaar kalena lagu dhibo. Puntland ayaa horey u sheegtay inay u macaamileyso si ka madax-banaan dowladda federaalka, hase yeeshee beesha caalamka ayaa weli deeqaha u soo marisa dowladda federaalka. The post Warqad sir ah: Saciid Deni oo u qeyliyey beesha caalamka, xilli ay dhuun qabatay DF appeared first on Caasimada Online.
  16. Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad, ayadoo ay u fariisteen 35, 307 arday oo ka kala socda 656 dugsi oo ku yaalla gobolka Banaadir. Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa si rasmi ah u daah furay qaadista imtixaanka fasalka 8-aad, asagoo arday ku dhiirigaliyay inay si wanaagsan u dadaalaan. Ardayda maanta imtixaanka u fariisatay ayaa isugu jirta 19,766 wiil iyo 15,541 Gabdhood oo dhigta iskuullada Gobolka Banaadir, waana sannadkii 5-aad oo la qaadayo imtixaanka dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad. Sidoo kale imtixaankan ayaa socda dowlad gobolleedyada Jubbaland, Galmudug, iyo Hirshabeelle oo ay maalintii 3-aad u tahay, waxayna wadarta guud ee ardayda imtixaanka galaysa sanadkani gaaraysaa 51,607 arday markii laga reebo deegaanada Puntland iyo Soomaaliland. Source: goobjoog.com
  17. Hargeisa (HOL) - The chairman of Somaliland's Waddani Party, Hirsi Ali Haji Hassan, has stated that President Muse Bihi Abdi must be held accountable for crimes committed in Somaliland during his term in office. Source: Hiiraan Online
  18. Benny Gantz oo ka mid ahaa wasiirrada xukuumadda dagaalka ee Ra’isulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii shalay is casilay, tallaabadaasi oo cadaadiska ku sii kordhineysa Netanyahu. Gantz ayaa ahaa xubinta kaliyah ee xisbiyada siyaasaddoodu dhex-dhexaadka tahay ee ku jiray xakuumadda ay majaraha u hayaan isbaheysiga midigta fog ee Isra’il. Waxa uu xukuumaddani ka tirsanaa tan iyo inti uu billowday dagaalka Gaza muddo hadda laga joogo siddeed bilood. Is casilaadda Gantz ayaanan khatar deg deg ah hadda ku aheyn dowladda Isra’il, hase yeeshee yeelan karta cawaaqib halis ah, isla markaana ka dhigtay xukuumadda Isra’il ee hadda jirta mid ay isugu soo hareen wasiirro gabigoodba ah kuwo mayal adag oo si aada ah u jira dhinaca midigta fog. Benny Gantz ayaa horay uga digay is casilaadiisa haddii uusan Natanyahu la iman istaraatiijiyad cad oo ku aaddan Gaza, xilli Isra’il ay sii wadday dagaal millatari oo ay ku dishay tobnaan kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur. Netanyahu ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada oo uu uga jawaabayay is cazillaadda Ganz ku sheegay, in aanan hadda la joogin waqti laga tago dagaalka. Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo shir jaraa’id ka qabtay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan Xajka sanadkan oo mar kale cabasho xoogan ay ka timid. Qaar kamid ah xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa ka cawday adeeg xumo ay sheegeen in mas’uul ka tahay dowladda, kuwaas oo ay kala kulmeen goobihii la dajiyay Xujeyda qaar ayaa sheegay in hoteelo fiican aan la dejin, isla markaana kuleyl daran ay ku wajahayaan magaalada Maka oo cimiladeeda ay aad u kulushahay. Wasiirka oo ka jawaabayay arrintaasi ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad gaar ah oo fashilinaya Xajka, iyaga oo ka raadinaya dano kale, sida u hadalka u dhigay. “Waxaa nasiib darro ah in mararka qaar la arkayo qof dhahaya Xajkaan fashilinayaa, subxaanalaah, war xajka waa rukni ka mid ah arkaanul islaam” ayaa yiri Roobow. Isaga oo ka hadlayay dayaacadda la sheegay in lagu sameeyay xujeyda Soomaaliyeed ayuu ku jawaabay “Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaa ogaada Xajku dalxiis ma’ahan”. Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur oo hadalkiisa sii wata ayaa kula dardaarmay guddiga haatan shaqada wada iyo shirkadaha Xajka in looga baahan in ay daacad ka noqdaan shaqadooda, isla markaana ay Alle uga baqaan adeegga ay u hayaan shacbka. “Mukhtaar waa tagayaa ama waa la taksiinayaa ee shaqadiina ha’iska haleynina, Ilaaheyna uga baqa” ayuu sii raaciyay wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee Soomaaliya. Si kastaba, tirada xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan ayaa gaareysa illaa 11,500 oo xaaji, waana tiro ka ag dhow tirada xujeydii sanadihii lasoo dhaafay u soo xajisay Soomaalida, maadaama dal kasta xajka looga qoondeeyey tiro go’an oo la isla ogyahay, Soomaalida ayaa safka hore uga jirta xujeyda qiimaha ugu badan ku tagta Xajka. The post Roobow oo si yaab leh uga jawaabay eedda loo jeediyay: Dalxiis ma ahan XAJKA appeared first on Caasimada Online.
  20. Ciidamada Israa’iil ayaa mar kale duqeeyay badhtamaha Qaza Axadii, maalin kadib markii ay dileen 274 falastiiniyiin ah intii lagu guda jiray howlgal lagu soo furtay dad la haystayaal ah. Tirada dhimashada weerarkii Sabtidii, ayaa ahayd tii ugu xumayd ee dagaalka Gaza muddo bilo ah, ciidamada Israa’iil ayaa weerarkoodii shalay ku dilay shacab u badan haween iyo carruur. Xogta soo baxday maanta oo Axad ah, ayey wasaaradda caafimaadka ee Gaza ku sheegtay in 274 falastiiniyiin ah la dilay – halka 698 qof oo kale ay dhaawacmeen kadib markii ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Israel ay gudaha u galeen xerada Al-Nuseirat oo ay dad badan ku nool yihiin si ay u badbaadiyaan afar la hayste oo ay bishii Oktoobar gacanta kusoo dhigeen Xamaas. Dhinaca kale taangiyo ayaa gudaha u galay deegaano hor leh oo ka tirsan koonfurta Gaza ee Rafah iyaga oo isku dayaya in ay xidhaan qayb ka mid ah magaalada, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo warbaahinta Xamaas. Source
  21. Xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI ayaa Madaxweyne Biixi ku tilmaamay danbiile ay tahay in lala xisaabtamo. Madal ay madaxda xisbigu kula kulmeen qaar kamid ah taageerayaasha ayuu Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, ka sheegay in uu Biixi yahay danbiile. “Hebeenkan caawa ah cid danbiile ah oo in lala xisaabtamo u baahan Muuse ayaa kow ka ah, wixii dalka ka dhacay iyo duruufta uu ku suganyahay adiga ayay tahay in lagaala xisaabtamo” ayuu yidhi Xirsi. Waxa uu sheegay in madaxweynuhu uu ka baxay heshiiskii odayaasha bariga Burco fududeeyeen ee lagu saamaxay Jabhadii Buurtagacanlibaax, si uu iskaha horkeeno bulshada Somaliland oo anay doorasho u dhicin. “Waxaanu ku leenahay dadku wuu ku arkaaye doorasha laga sugayaa, waxaa aad ka sheekaynaysaana meesha maanta ma yaalaan, cid danbi leh anagu iska hortaagi mayno lakiin wixii ay dadka masuuliyiinta ahi ku heshiiyaan waa in ay dhawraan” ayuu yidhi Xirsi. Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo isna goobta ka hadlay ayaa isagu sheegay in madaxweynuhu uu saaxiibkii yahay qudbadiisana aan laga jawaabin, isaga oo sheegay in uu ka shaqayn doono walaalaynta bulshada Somaliland hadii uu guulaysto. Madaxweyne Biixi ayaa shalay sheegay in cadaalada la horgayn doono xubnihii Jabhada Gacanlibaax ee weerarka ku dilay askarta booliiska ah kuwaasi oo xukuumadiisu ay hore u cafisay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ku simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo weli sii wada kulamadiisa gaar gaarka ah ayaa xalay wada-hadal khadka taleefoonka ah la yeeshay madaxweynaashii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isaga oo kala hadal arrimo xasaasi ah. Wada-hadalladan ayaa qayb ka ahaa wadatashiyo uu maalmahan James Swan la yeelanayo daneeyayaasha siyaasadda, si uu xog wareysto xaaladda guud ee dalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee loo yaqaano UNSOM. “Isagoo sii wada xiriirada uu la samaynayo daneeyayaasha Somaaliyeed ayaa Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan uu khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM. Farmaajo iyo James Swan ayaa waxa ay si gooni ah uga wada-hadleen isbeddeladii ugu dambeeyay ee dalka dhacay iyo sida looga shaqeyn karo horumarka Soomaaliya. “Waxay ka wadahadleen is baddalladii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo fursadaha lagu horumarinayo mudnaanta Qaranka” ayaa lagu sii raaciyay warka qoraalka ah ee UNSOM. Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo isla noocaan ah oo ay xalay wada yeesheen madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya kaas oo isna ahaa khadka taleefoonka ah. Shariif iyo Swan ayaa si gaar ah uga wada-hadlay arrimo ku aadan horumarada dalka ka socda iyo sida loo sii ambaqaadi lahaa horumarka jira. “Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan ayaa maanta magaalada Muqdisho khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Waxay ka wada hadleen horumarada dalka ka socda iyo sida loo sii ambaqaadi lahaa horumarka jira” ayaa lagu yiri qoraal kale oo kasoo baxay UNSOM. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho kulamo ka waday James Swan oo markii labaad loo soo magacaabay wakiilka QM ee Soomaaliya, isaga oo horey usoo ahaa ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM iyo madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022, kadib markii uu muddo dheer ka soo shaqeeyay adeegga diblomaasiyadda ee Mareykanka. The post Xogta wada-hadallo dhex maray Shariif, Farmaajo iyo James Swan + Sawirro appeared first on Caasimada Online.