Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargaysa)Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtey kana soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa. Guddoomiyaha ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey safaro ugu maqnaa Waddamada Yurub gaar ahaan dalalka Ingiriiska Faransiiska iyo Finland. . Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa waxa galabta ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xil Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde iyo Xoghaye ku xigeenka xisbigaasi Jamaal Jaamac Xaamud . Soo laabashada Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa ku soo beegmaysa xilli uu safar Ugu baxay Gobolada Bari Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Somalilamdtoday/Hargaysa/Office Source
  2. Kulankii xalay ee odayasha West Burco Clan ee burco la yeesheen madaxwayne biixi Wuxu ahaa kulan albaabadu u xidhan-yiin waxaa laga wada hadlay arimo adag oo xasaasiya, Dhinac odayaasha 5qodob ayay miiska soo sareen 5nina waa loo qoondeeyey in ay madaxwaynaha la hadlaan nin walba hal qodob ayuu kala hadlay. Qodobada dooda 1.Saami qaybsiga guud ee beesha GX 2.Dadka xidhan in shuruud la’aan ooda looga qaado 3. Ganacsiga dalka oo muwaadiniintu si siman u ganacsadaan 4.in ciidamada qaranka loo cadaalad sameeyo oo aan qaarna garbaha loo casayn qaarna xidigta macaa laga ilaaliyo 5. In jabhada caare wada hadal lala furo . Ragaa la kulmay madaxwayne biixi waxay sheegeen in beesha GX gudideedu hargeisa joogto gudida reerkuna taas tahay inuu iyaga la deal gareeyona ay tahay, ●Jawaabtii Madaxweynaha Muuse Biixi Madaxwaynuhu dhamaan wuu ka garaabay intaas ba isagoo yidhi hadii aan fulin waayo waa hadii ay dhabtahay wixii layga kiin sheegi jiray, Sidoo kale wuxuu ka garaabay ayaa layidhi in xukuumadii ka xoreysay isaga beeshan GX ay saami geedii lumisay, ●Gabo-gabadii muxu yidhi Wuxuu sheegay in dhamaan hawshaa uu dhamaynayo waxaanu sheegay uu doonaaye in uu la kulmo gudoomiye cabdiraxmaan ciro iyo gudida guud ee beesha GX, Waxaynu eegi doonaa halkay ku dambayso haw-shaasi. Wabilahi Tawfiiq..dii ay dhabtahay wixii layga kiin sheegi jiray, Sidoo kale wuxuu ka garaabay ayaa layidhi in xukuumadii ka xoreysay isaga beeshan GX ay saami geedii lumisay, ●Gabo-gabadii muxu yidhi Wuxuu sheegay in dhamaan hawshaa uu dhamaynayo waxaanu sheegay uu doonaaye in uu la kulmo gudoomiye cabdiraxmaan ciro iyo gudida guud ee beesha GX, Waxaynu eegi doonaa halkay ku dambayso Qaran News
  3. Riyadh (Caasimada Online) – Iyadoo ay jirto kacdoon caalami ah oo ku aaddan dilka saxafiga Jamaal Khaashuqji, ayaa qaar ka mid ah qoyska reer Aala Sacuud waxay billaabeen kacdoon ka dhan ah in la difaaco dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, sida ay Reuters u xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow boqortooyada. Daraasiin dhaxal sugayaal ah iyo kuwo ilmo adeeryaal ah ayaa doonaya inay arkaan isbadal ku yimaada hanaanka boqortooyada, laakiin ma dhaceyso inta uu boqor Salmaan nool yahay. Boqor Salmana oo dhalay Maxamed Bin Salmaan waa 82 jir. Sidaas oo ay tahay, waxay ka wada hadleen dhamaantood suurtagalnimada xubnaha kale ee qoyska inay xukunka qaban karaan kadib dhimashada Boqor Salmaan, gaar ahaan Axmed Bin Cabdulcasiis oo ah 76 jir la dhashay boqor Salmaan. Boqor Axmed ayaa ku laabtay magaalada Riyadh bishii October kadib muddo uu ku maqnaa dibadda. Intii safarkaasi uu ku jiray, waxa uu u muuqday mid cambaareynaya hoggaanka Sacuudiga iyo dagaalka ay ka wadaan Yemen, isaga oo u jawaabayay banaanbaxayaal ku sugnaa halka uu ka daganaa duleedka magaalada London. Qoyska reer Aala Sacuud ayaa ka kooban boqolaal amiiro ah. Si ka duwan boqortooyooyinka Yurub, ma jiro qad dhaxal oo degsan oo la maro marka boqor uu dhinta oo mid cusub uu xilka la wareegayo. Sidaas darteed, boqorka cusub waa mid laga wada xaajoodo. Wada xaajoodka noocaas ah ayaa dhabaha u xaari karaa in la doorto boqor ka duwan Bin Salmaan. Saraakiil Mareykan ah ayaa dhowaan tilmaamay inay diyaar u yihiin inay taageeraan in Amiir Axmed oo mudd 40 sano ka badan ahaa wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda uu noqdo boqorka cusub. Sababta Amiir Ahmed loo doorbidayo ayaa ah ayada oo la rumeysan yahay inuusan wax ka beddeli doonin is-beddelada dhaqaale ee uu sameeyey Maxamed Bin Salmaan iyo heshiisyadii milatari ee uu galay. Si kasta oo ay ahaataba, amiiro badan ayaa carreysan, waxaana ay sugayaan inta uu boqorka ka geeriyoodo, taasi oo xiisad iyo dagala ka dhex qarxin karta boqortooyada reer Aala Sacuud. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Fallan-qayn ku saabsan isbaddalka ka socda geeska Afrika iyo saameynta uu ku yeelan karo xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, Halkan hoose ka DAAWO, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Muqdisho (PP) ─ Hanti-dhawrka guud ee Qaranka, Maxamed Maxamuud Cali [Afgooye] ayaa xafiiskiisa kasoo saaray qoraal uu uga jawaabay eeddii Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya uu u jeediyay Wasaarada Maaliyadda iyo Hay’addaha Dowladda inay ku kaceen wax is-daba-marin, maamul xumo iyo musuq lagu sameeyay miisaaniyadda dalka ee sannadkan, lana lunsaday dhaqaale badan. Warbixinta Hanti-dhawraha Guud oo Cinwaan looga dhigay Iftiimin iyo Talo, ayaa loo diray guddoomiyaha golaha shacabka, iyadoo lagu ogeysiiyay madaxweynaha, waxaana lagu sheegay inay walaac ka qabaan qoraalka ka soo baxay guddiga maaliyadda, isla markaana uu ahaa qoraal gudaha baarlamaanka, balse u gudbay warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Hanti-dhawraha guud ayaa xusay in dhamaan warqada guddiga shaaciyay ay kasoo hormareen waqtigooda, isla markaana aanay jirin talo ama xog hubin ah oo ay ka dalbadeen xafiisyadii u idmanaa hawlahan inta aanay soo bandhigin qoraalkooda. Dhanka kale, Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ayaa ku taliyay saddex qodob oo kala ah: 1. in dhammaan hey’addaha kala duwan ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan xafiisyadooda u qaabilsan ilaalinta iyo kormeerka maamulka Maaliyadda iyo hantida umadda ayna ka war sugaan fulinta waajibaadkooda qaran. 2. in hey’addaha dowladda ay dhowraan habraacyada maamulka maaliyadda ee dalka isla xisaabtankuna uu ku dhacaa si waafaqsan hanaanka dowladnimo. 3. in ay ciwaaqib yeelato marka la dhinac maro nidaamka dowliga isla markaana la qalqal geliyo xasillinooda iyo horumarka qaranka Ugu dambeyn, Qoraalka kasoo baxay xafiiska hanti-dhawrka guud ee dalka oo u muuqda mid difaacaya xukuumadda ayaa kusoo beegmaya, xilli berri loo balansan yahay in baarlamaanka uu cod u qaado sharciga Hanti-dhawrka guud. PUNTLAND POST The post AKHRISO: Jawaabta laga bixiyay eeddii Musuq-maasuq ee Guddiga Maaliyada Baarlamanka appeared first on Puntland Post.
  6. Soomaalida oo dhan, marka Djibouti laga reebo, waxaa ugu yaraan midkiiba mar gumeystay Ingiriiska*. Marka laga reebo Soomaalida Kenya oo 1963 xornimada la qaadatay Kenya inteeda kale, wuxuu ugu dambeeyay Somaliland oo uu ka baxay 26 Juun 1960. Gobolka Soomaalida Kenya, markii uu Ingiriisku ku daray Kenya, Soomaaliya waxay Ingiriiska u jartay xiriirka Diblomaasi oo safaaraddiisii waa laga saaray Muqdisho. Soomaali kaliya ma ahan ee Boqortooyada Ingiriiska xilligii gumeysiga waxaa lagu tilmaamay Boqortooyada aan calankeeda cadceeddu u dhicin. Waayo? Boqortooyada Ingiriiska marka waddankeeda ay qorraxdu u dhacdo oo calanka la dejiyo, waxaa calankeedu saarnaa oo uu ka babbanayay dal ay gumeysato oo dhaca cirif kale oo caalamka ah oo maalin jooga. Boqortooyadii ay awooddeedu caynkaa ahayd, haddana xubin joogta ah ka ah Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa si aan mugdi ku jirin uu shacabkeeda inta badani afti caadyaal ah ku go’aansaday in uu ka baxo Midowga Yurub. Ka bixitaanka Yurub oo uu go’aankeeda Shacabka Ingiriisku qaatay, Yurubna ay aqbalsan tahay, ayaa keliya sidii kala baxaasi u dhici lahaa waxaa laga furay wadahadal maaratoon noqday welina aan dhammaan oo u dhexeeya Yurub iyo Ingiriiska. Wadahadalkaas oo loo bixiyay Brexit weli ma dhammaan. Midowga Soomaaliya waa ka fac weyn yahay, kana qoto dheer yahay Midowga Yurub, waayo Yurub iyadu ma ahan dal qura oo leh hal hoggaamiye. Markaa, Somaliland haddii ay dooneyso in ay ka baxdo Midowga ay kula jirto Soomaaliya inteeda kale, waanan ogahay in ay dad aad u badan oo reer Somaliland ahi ay sidaa ku taamayaan, wadiiqada ugu habboon, ugu sharciyeysan, ugu nabadgelyada badan, uguna ilbaxsan waa in ay taa ku gaarto wadahadal ay la gasho dalka intiisa kale oo cidda qaanuun ahaan u matashaa ay tahay Dowladda Federaalka. Wadahadalkaas oo mabda’ ahaan socda, laga soo billaabo June 2012 markii uu ku curtay Chevening, oo ah hoyga nasashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, oo ku taal meel aan ka fogeyn London, oo aniga oo suxufi ah aan goobjoog u ahaa iyo dhowr jeer oo aniga oo ergay metalaya Soomaaliya ah aan uga qeyb qaatay Djibouti iyo Istanbul, waan ogahay in uu yahay gaabis diinku ka dheereeyo. Haddana Somaliland waxaa la gudboon in ay wadahadalkaa dardar hor leh geliso si uu natiijo u dhalo. Ogow natiijadu waxay noqon kartaa midow lagu qanacsan yahay ama kala go’ la isla qaatay. Wixii ay labada dhinac isla qaataan, ma jirto Dowlad ama Urur is-hor taagi kara. Sidoo kale ayaan u soo jeedinayaa Dowladda Soomaaliya in ay u aragto qaddiyadda Somaliland oo dhul ahaan iyo dad ahaanba aan la xaqiri karin in ay leedahay mudnaanta koowaad si uu dalku isu raaco ama iyada oo raalli la isaga yahay fagaare loogu kala faataxeysto. Hadalkeygu jawaab uma aha mowqifka uu qaatay Madaxweyne Muuse Biixi oo dhowaan Burco hadal ka jeediyay, laakiin waa aragtideyda shakhsiga ah. —————— *Ingiriiska waxaan ula jeedaa Boqortooyada Midowday ee Great Britain iyo Ireland-ta Woqooyi. Source
  7. Waxaan xareystay Liisanka waddida Gaadiidka taariikhdu markay ahayd 17/03/2018 waxa aan shubay dhamaan lacagihii la iga doonaayey ee uu sharcigu igu Waaajibey Kuwaasi oo u kala qaybsamaayey Liisanka laftiisa iyo Caafimaad waxay noqonaysaa Guud ahaan 800,000 SL.SH oo u dhiganta $80 dollar. Waxa la iga qaaday Imtixaankii Waddida Gaaddiidka oo laba qaybood ahaa PRACTICAL iyo THEARY qaybta koowaad waxay ahayd Gaadhiga waddidiisa qaybta Labaad imtixaanka Calaamadaha Wadida Gaadiidka oo la i waydiiyey dhamaan si fiican ayaan uga Gudbey SHuruudihii iyo Wadimihii dhinaca Waddida Gaadhigana Gaadhigana 90% si Fiican ayaan isna uga gudbay waxa la i siiyey waraaqihii aan ku gudbay ee aan ku qaadan lahaa Sharciga Ama Liisanka Waddista Gaadiidka Dhexe waxaana ii saxeexay shan masuul (5) oo kala ah saddex askari oo Ciidanka nabadgelyada Wadooyinka ah (trafic) iyo Laba masuul oo Wasaaradda Gaadiidka iyo jiddadka ka tirsan kuwaasi oo dhamaan isku raacay in aan ahay Qof Buuxiyey DHamaan Shuruudihii la iiga baahnaa sababteyna in la i siiyo Warqada Cadaynta ah ee aan ku qaadan Doono Liisanka Sharciga ah ntaas Ka Dib waxa la igu war galiyey in aan Sugo inta ay imanayaan Liisamadii Lasoo Daabacayey, Mudadaasi ilaa intii wixii ka dambeeyey waaley cel celinaayay oo waxa la igu lahaa wali may soo bixin Liisamadii ee iska Sug mararka qaarna waxa la ii qabtay Bilba Bisha ay ka Dambayso. waxa uu Xaalku sidaa ahaadaba waxa aan Dib ugu Laabtay Goobta Wasaaradda Gaadiidka iyo JIdadka ee lagu Bixiyo LIisamada Maanta oo ay Taariikhdu tahay 22/11/2018 waxa markii aan goobta gaadhey waydiiyey Hawlwadeenadii Goobta ku sugnaa in uu diyaar yahay Liisankaygii aan Xereystey Taariikhdu Markay ahayd 17/03/2018. waxa ay iigu Jawaabeen Maya Wali muu soo bixin ee waxa lagaa Rabaa hada in aad dib u gasho Imtixaankii aad hore usoo gashey sido kalena aad qaadato Buug Cusub oo Qiimihiisu yahay $5 Buugaasi oo mid ka mid ahi uu gacanta ku hayay oo uu inta uu kor u qaday i Tusey. Arinkaasi Cusub ee ay igu Wargaliyeen waxa uu igu noqday Fajac iyo Amakaag waxanan mar kale ku war galiyey in aan hore u soo wada galay dhamaan waxaasi oo dhan balse waxa ay jawaab Cad iiga dhigeen mar kale la iiga baahan yahay in aan dhamaan maro waxaasi oo dhan isla markaana aan Iibsado Buugaasi Qiimihiisu yahay $5 Doollar ama 50’000 SL SH. yaab !!! ayay igu noqotay waxaan waydiiyey halka uu ka yimi amarka in dib loogu celiyo dadkii ka gudbey Imtixaanka Lacagtana hore u bixiyey, waxaanay iigu Yidhaah deen Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo JIdadka Cabdilaahi Abokor ayaa sidaasi nagu war galiyey amarka nasiiyey. Waxaana ii Cadaatey in Wasiir Cabdilaahi Abokor uu Shacabka SOmaliland ee Maatida ah u dhigtey Isbaaro Wasaaraddiisa iyada oo aynu dhamaan ka dharagsanahay in uu Gacanta Dawlada Dib ugu soo celiyey Dhamaanba qaybihii kala duwanaa ee Wasaaradda Sida Bixinta Liisamada oo Dad gaar ah ay hore u siisey Xukumadii Siilaanyo isla markaana ay Shacabku soo Dhaweeyeen arintaasi iyaga oo ka Filaayay Wasiirka in ay Meesha ka Baxdo Lacagihii dulsaarka ahaa ee Muwaadiniinta Laga Gurey jirey. Balse Taas bedelkeeda Wasiirka Gaadiidka ayaaba hada Dhigtey Bar Kantaroolo uu Shacabka Masaakiinta ah ku Baadho iyada oo ayna wali cadayn halka ay Lacagahaasi gaarka ahi ku dhacayaan balse u eeg qaar Jiibka Wasiirka Si Toosa ugu dhacaya. Wasiir ka Shaqaysta Shacabkiisa Somaliland ayaa Laga helaa Sida Cabdilaahigan Wasiiradda Gaadiidka iyo JIdadka. Allow usoo Gar gaar Shacabka Masaakiinta ah ee Kiishashka gaarka loo Samaystey. Mawliid Cabdi Ibraahim Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Korneylkii dhawaan ka goostey ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan magaalada Badhan ayaa waxaa uu hanjabaad u soo diray madaxweynaha Somaliland iyo golihiisa wasiirada. Korneyl Caare ayaa waxaa uu ka war bixiyey weerar oo habeen dhaweyd ku soo qaadey magaalada Ceel Afweyn waxaana uu sheegay in Ujeedkiisu ahaa wasiiro halkaas ku sugan. Jabhadda Korneyl Caarre ee saldhiggeedu yahay magaalada Qardho ayaa beesha caalamka ugu baaqday in ay Somaliland ka joojiyaan deeqaha la siiyo. Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. (SLT-Abudhabi)Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ka dalbatay dalka Suudaan inuu door weyn uu ka qaato dadaalada lagu heshiisiinayo Qatar iyo Xulufada Sacuudiga, sidaasina waxaa shaaciyay sarkaal sare oo katirsan dowladda Qatar. Masuulka u hadlay dowladda Qatar oo ka hadlay xaaladda jirta ayaa sheegay in Xukuumadda Qatar ay ku wargelisay dowladda Sudan halka ay ka taagan yihiin wadahadal ay la galaan Imaaraatka Carabta. Sida uu sheegayna, Masuuliyiinta Qatar ma doonayaan soo celinta xiriirka ay horey u jareen Imaaraatka bishii June ee sanadkii 2017, “Ma dooneyno inaan xiriirka soo celino ha ahaato hadda ama mustaqbalka, maxaa yeelay Qatar waxay aamisan tahay in Imaaraat-ka uu yahay waxa ka dambeeya xiisadda dhalatay”. Wuxuu sheegay in xukuumadda Doxa aysan waxba u arag in dib loo bilaabo Mustaqbalka xiriirkii kala dhaxeeyay Sacuudiga, laakiin ay sugayaan inta laga dhameynayo kiiska Dilkii wariye Jamaal Kashoqji oo bishii lasoo dhaafay lagu dilay Istanbul. Sanadkii 2017 ayaa dowladaha uu hogaaminayo Sacuudiga waxay xiriirka u jareen dowladda yar ee Qatar, waxaana ay ku eedeeyay falal ay kamid tahay taageerada argagixisada. Waxaa Muuqata in Qatar ay u dhowdahay inay mustaqbalka soo celiso xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Sacuudiga, balse aysan marnaba soo ceshan doonin xiriirkii kala dhaxeeyay Imaaraatka maadaama ay aamisan yihiin inay dhibaatada dhan ka dambeeyeen. Suudaan ayaanan la ogeyn go’aanka ay qaadan doonto maadaama Qatar ay u cadeysay Mowqifka ay ka qabto inay xiriir la sameyso markale Imaaraatka Carabta. Source
  10. Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha Somalia, ayaa sheegtay inay waddo dadaal ay ku doonayso inaan dalka laga dhoofiyo gabi ahaan waxyaabaha ay mamnuucday Dowladda Somalia oo ay ka mid tahay dhuxusha, sidoo kalena dalka lasoo galiyo waxyaabo aan tayo lahayn. Wasiirka Ganacsiga Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] ayaa maanta u sheegay hadalka warbaahinta qaybaheeda kala duwan, isagoo xusay inay ka go’an tahay soo saarista shuruuc adag oo looga hor-tagayo dhoofinta dhuxusho oo horay loo mamnuucay. Sidoo kale, Golaha Wasiiradda iyo Baarlamaanka ayuu sheegay inuu hor-keeni doono dhawaan sharciyo xadidi doona dhoofinta dhuxusha iyo ciqaabta ay la kulmi karaan kuwa ka ganacsada. “Waxay dhoofinta dhuxushu dalkeenna ka dhigaysaa meel lama dagaan ah oo roobku ku yar yahay noloshuna adag tahay, Waayo dhirtii ayaa si xoog leh looga jarayaa, illaa maantana waxaa wada dhoofinta dhuxusha dad Soomaaliyeed oo ka faa’iideysanaya dekedaha badan ee dalku leeyahay ee laga dhoofin karo dhuxusha,” ayuu yiri Wasiir Maareeye. Dhanka kale, Wasiir Maareeye ayaa xusay inay jiraan ganacsato aan shacabkooda u naxayn oo dhoofiya dhuxusha kuwaasoo uu xusay inay ka faa’iideysanayaan dowlad awood badan oo dalka oo ka talisa oo aan jirin xilligan, ayna la tiigsan doonaan sharciyo adag oo Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay ina wadaan qorshayaal ay doonayaan in waxyaabaha aan dalka looga baahnayn ama aan bulshada munaafacaad u lahayn laga joojin doono dalka, qaarkoodna lagu kordhin doono canshuurta si loo yareeyo keenistooda. DHAGEYSO: Hadalka Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Somalia; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/DHAGEYSO_Wasiir_Maareeye_Dhuxusha.mp3 PUNTLAND POST The post Wasiir Maareeye oo ku hanjabay in shuruuc ay kasoo saari doonaan Dhoofinta Dhuxusha appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Istanbul) Madaxweynaha Dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed, oo maalmihii ugu dambeeyay Safar ku joogay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa gaadhay magaalada Istanbul ee dalka Turkey. Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu magaalada Istanbul maanta kula kulmo madaxweynaha Turkey Mr Erdogan, iyaga oo ka wada hadli doono taageerada Turkey ee Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa sida la Sheegay. Xidhiidhka Waddamada Turkey iyo Soomaaliya ayaa mugdi hadheeyay kaas oo salka ku hayay kiiskii Dilkii Wariye Jamaal Kashoqji, kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda Soomaliya ay soo saartay warsaxaafadeed lagu taageerayo Sacuudiga. Arimahaasi ayay labada masuul ka wada hadli doonaan iyo isbadalka lagu sameeyay safiirkii Turkey ee magaalada Muqdisho. Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo ayaa u mahadceliyay madaxda dalka Talyaaniga oo muddooyinkaan uu wadahadalo kula lahaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga. “Waxaan aad u mahadcelinayaa Madaxweyne Mattarella, Ra’iisul Wasaare Conti iyo Afhayeennada labada aqalka sida dirran ee ay noo soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigayga. Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii aan horumar faa’iido wadaag ah aan u gaarsiin lahayn labadeenna shacab.” Ayuu ydhi Madaxweyne Farmaajo oo Saxaafadda la hadlaayay ka hor intaanu Talyaaniga ka soo anbabixin. Somalilandtoday-/Muqdisho/Office Source
  12. (SLT-Minnesota) Ciidanka Booliska Minnesota ayaa xidhay Lloyd Edward Johnson, oo 55 jir ah, ka dib markii lagu eedeeyay falal ka baxsan Sharciga in uu kula dhaqmay dhalinyaro Soomaali ah oo ku sugnaa goob Makhaayad ah oo ku taall degaanka Eden Prairie. Xadhiga ninkaan ayaa yimid ka dib markii Muuqaal looga duubay taleefanka gacanta ay ku baahisay Baraha bulshadda gabadh ka mid aheyd kuwii dhibaatada la kulantay. Johnson ayaa lagu eedeeyay in uu rasaaseeyay koox dhallinyaro ah oo Soomaali ah gudaha Makhaayadda lagu Magacaabo McDonald. Waaxda Ciidanka boliiska ee degaanka Eden Prairie ayaa sheegtay in Johnson la xidhay “sababo macquul ah oo ku aadan in uu qorsheeyay weerar”. Boolisku waxa ay sheegeen in kiiska ninkaan loo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Degmada Hennepin si uu u xukumo. Source
  13. (SLT-Goobweyn) Gabadhan yar oo d’ahaan Lagu qiyaasay 15-jir laguna magacaabo Naciima Bashiir ayaa la Sheegay inay Sunay u qooshtay ay ku dishay Ayeeyadeed Hooyo. Gabadha ayaa Ayeeyadood oo lagu Magacaabi jiray Dahabo Maxamed waxay Raashinkii Cashada ugu dartay Sunta, sida uu sheegay Guddoomiyaha deegaanka goobwyen Cumar Cabdullaahi Maxamed. Dad ku sugan deegaanka Goobweyn ee dhacdadaan xalay ka dhacday ayaa waxa ay sheegeen in sababta ay Gabadhaa yari Ayeeyadeed Sunta u siisay ay tahay in ay ku qeylisay ama ay canaanatay taa soo keentay in Cashada ay suntan ugu darto,isla markaana goobta ay ku geeriyootay. Sunta ayay Gabadha yari waxay xalay ka soo iibisay Goob Ganacsi oo ku taalla deegaanka Goobweyn ee Gobolka Jubabda Hoose,waxaana sida la sheegay ay suntan aheyd mida loo Isticmaallo beeraha ee lagu dilo Cayayaanka. Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubaland ayaa saakay gaaray deegaanka Goobweyn,waxaana ay soo qaadeen Meydkii,iyaga oo gacanta ku dhigay Gabadhii Sunta ku dishay ayeeyadeed,waxaana dhacdadaas aad uga naxay Shacbaka ku nool deegaanka Goobweyn ee Gobolka Jubbada Hoose. Source
  14. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo safaro ku maraya goboladda Togdheer iyo Sool ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu doonayo inuu weeraro dekedda magaalada Berbera, isagoo adeegsanaya ciidamo ka socda Caalamka. ” wuxuu yidhi Berbera waa in aan weeraraa oo caalamku ila qabtaa, waa in aan Somaliland la dagaalamaa, ninkaa Soomaali magaalo-magaalo ula dagaalamaya ayaanu Annaguna leenahay illaahayow sharkiisa idinka ururi oo aynu u baahnay in aynu u caqli celino, haddii loo caqli celin waayana in la iska qabtee” ayuu yiri Muuse Biixi Wuxuu ku tilmaamay xaalada Soomaaliya in ay tahay magaalo iyo magaalo kale ku duulaysa, isagoo tusaale u soo qaatay khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada “Dabka ka kacaaya Soomaaliya waa mid aan hore uga kicin, Kismaayo iyo Xamar way is-haystaan oo kismaayo waxay ku duulaysaa Xamar oo maamul goboleedkii ayuu ku duulayaa Farmaajo, wuxuu ku duulayaa tii baydhabo, oo qaylada ka yeedhaysa aad maqlaysaan maantana uu madaxa isu geliyey Baarlamaankii, waxaad arkaysaan ta ka socota cadaado iyo dhuuso mareeb, waxaad arkaysaan gaalkacayo oo qaybsan, waxaad arkaysaan Puntland oo siday uga cabanayso aad arkayseen maalmihii u danbeeyey” ayuu yiri Muuse Biixi, waxaana uu sii raaciyay Dhinaca kale wuxuu ka hadlay xiisadda ka taagan degaanka Tukaraq iyo war-saxafadeedkii ay shalay Puntland soo saartay ee safarka Muuse Biixi ku eedaynayay in uu dagaal ka ridayo gobolka Sool,wuxuuna yiri”annagu Puntland iyo garoowe uma soo socono gacan nabadeed ayaanu u fidinaynaa Puntland Iyo Ummaddoo Dhanba” Hadalka Muuse Biixi ayaa ku soo beegmaya iyadoo Gollah wasiiradda Puntland ay ku eedeeyeen inuu ciidamo badan ka soo kaxaystay Hargaysa si uu u caburiyo shacabka Laascaanood, dagaal iyo nabadgelyo xumana uu ka abuuro degaanka. waxaa kaloo jira in maleeshiyo ka soo horjeeda Maamulka Somaliland ay xalay weerar ku qaadeen saldhigyada Booliiska Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo si adag u dhaliilay siyaasadda madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  15. (SLT-Garoowe) Wararka aan ka heleyno Garoowe ayaa sheegaya in maamulada Puntland iyo Jamhuuriyadda Somaliland ay aqbaleen afar qodob oo Beesha Caalamku ay usoo jeediyeen. Afarta Qodob ayaa u muuqdo kuwo wadamada IGAD, Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa ay doonayaan in lagu dhameeyo xiisadda dagaal ee Tukaraq iyo murunada gobolka Sool. Qodoba Afarta qodob ee ay isla qaateen labada dhinac ayaa kala ah:- In xabadda la joojiyo, lana qaato nabadda oo lasameeyo aagag ka caaga ciidamada labada dhinac. In la ogolaado in gargaarka aadanuhu uu gaaro dadka ku barakacay dagaaladan ee gobalka Sool. In maxaabiista dagaalka la sii daayo si loo abuuro jawi wada hadal Taliyaasha ciidamadda. In lasii wado dadaalada la xariira nabadda, gaar ahaana kulamada dhaqanka iyo dhalinyaradda si colaaddan xal rasmi ah looga gaaro. Laakiin Wararka dadka deegaanka ay warbaahinta la wadaageen ayaa ah in dhinaca Somaliland iyo Puntland ay ka hor yimaadeen in Afti laga qaado dadka deegaanka maadaama labada dhinac ay aamisan yihiin inay gobolka leeyihiin. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in diidamada ugu badan ay ka timid dhanka Somaliland, waxaana arintaasi ay kordhin kartaa xiisadda u dhaxeysa labada dhinac ee ka taagan gobolka Sool. Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa war kasoo saaray warbixintii guddiga maaliyadda baarlamanka ee musuq-maasuqa xooggan ku eedeysay xukuumadda Kheyre. Qoraalka kasoo baxay Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo loo diray guddoomiyaha baarlamanka ayaa lagu sheegay inuu ka walaacsan yahay in warbixinta guddiga oo ahayd mid qarsoodi ah oo ayaga u gaar ah inay gaartay warbaahinta. Waxaa kale lagu sheegay in warbixinta guddiga aan hanti-dhowrka lagala tashan islamarkaana ay tahay mid waqtigeedak kasoo hormartay. Xafiiska Hanti dhowrka ayaa ku taliyay saddex qodob oo kala ah:- 1- In dhammaan hey’addaha kala duwan ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan xafiisyadooda u qaabilsan ilaalinta iyo kormeerka maamulka Maaliyadda iyo hantida umadda ayna ka war sugaan fulinta waajibaadkooda qaran 2 – in hey’addaha dowladda ay dhowraan habraacyada maamulka maaliyadda ee dalka isla xisaabtankuna uu ku dhacaa si waafaqsan hanaanka dowladnimo 3 – in ay ciwaaqib yeelato marka la dhinac maro nidaamka dowliga isla markaana la qalqal geliyo xasillinooda iyo horumarka qaranka Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Hantidhowrka Guud oo u muuqda mid difaacaya Xukuumadda ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalinta berri loo balansan yahay in Baarlamaanka uu cod u qaado sharciga Hanti dhowrka Guud.
  17. Muqdisho (Sh.M.Network) – Koox Hubaysan ayaa nin dhalinyara ah waxay ku dishay nawaaxiga Suuqa-wayn ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, maanta oo Jimco ah, sida ay idaacadda Shabelle ay u xaqiijiyeen Goobjoogayaal. Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxay waxa uu ahaa shaqsiga la khaarijiyay – Fahfaahinadda qaar waxay tilmaamaya inuu ahaa ganacsade tukaan ku lahaa meel ku dhow halka lagu toogtay. Warar kale oo dheeraad ah ayaa iyaguna tibaaxaya in ruuxa uu kamid ahaa ergadii soo xulay Xildhibaanada haatan shaqeeya ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, inkasta oo aanan la hubin. Ma jirto koox dhabarka illaa iyo haatan saaratay masuuliyadda dilkaan, oo qayb ka ah falalka liddiga ku ah amniga caasimadda. Hay’adda amaanka ayaa meesha ay wax ka dhaceen gaarey si ay u hubiyan arintan iyo cida ku lugta leh xili qof kamid ah dadka degaanka uu soo wariyay inay sameeyeen howlgalo baaris ah. Dilalka qorshaysan iyo weerarada loo adeegsado qaraxyadda ayaa inta badan kusoo noq-noqda Muqdisho xili laamaha nabad-gelyada ay ku howlan yihiin sugitaanka amaanka magaalada. The post Dabley hubeysan oo qof ku dishay degmada Wadajir appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Waatii maalin dhawayd madaxwaynuhu isagoo kaftamaya uu yidhi awala handaraab bay ahayd ,hadeerna waa quful 9/9 ah , markaa wàan Yara fikirayoo waxaan is waydiiyay sida handarsabkii dadka u saameeyay iyo qufulka soo socda siduu noqon doono , markaa , – dawladii siilaanyo kooxo badan oo hoos qaadi jirey,hadeerna meelahaa fadh fadhiya iyagoo durba ay Ka muuqato dabayshii suuqyadu , waa qolada koobaad ee handaraabkaasi sameeyay hadeerna ay kasii qufulantay qum qum . – kooxo badan oo xagaa iyo berbera mara usii yaaci jirey , mara kasoo yaaci jirey ,iyana waa kaalinta labaad – hoteelddii hoolalka iyo cashooyinku iska socon jireen iyana liiska Ku dar . – dhalinyaro iskaga ladnaan jirtay meelahas oo aan Ku qadi jirin iyana Ku dar . – baabuurta verasa ha loo yaqàano oo mar la wada iibsaday ,hadeerna la iska ba dhigay badankoodii , mar walbana iibkoodu la Isla baryayana iibkooda iyana Ku dar . – qolyihii xagaa iyo dabada Ka soo yaaci jirey intay xilal soo doontaan ee hotelada lagu balamin jirey iyana Ku dar . – siyaasiyiinta bilaacamalka ah ee iyagana laga war hayn jirey iyana Ku dar . – salaadiintii barayaha qaar ay macradada buubuurta saaxiibka noqdeen iyana Ku dar . Si kastaba ha ahaatee, handaraabka ayaaba la qaataye kol hadii a Imika ay quful noqotay qum xaalku waa adag yahay, hasa yeeshee aniga iyo saaxiibkay badhaani namay saamaynoo ,saaxiibkayna intii hawlahani yimaaadeen dhoof ayaabu Ka qaaday ana mabaan dareeminoo awalba maan dareensanayn . Source
  19. (SLT-Caynaba) Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo gaadhay Magaaladda Caynaba ee Xarunta Gobolka Saraar ayaa hadal uu ka jeediyay halkaas Wuxuu Sheegay In ciddii nabad gelyo loogu taagwaayo Inuu Edbin doono waa siduu hadalka u dhigaye. Hoos ka DAAWO Source
  20. Tan iyo intii uu Maxamed Bin Salmaan (MBS); Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudigu ku dhawaaqay in “faafinta wahaabiyadu ay ku timid wakhtigii dagaalkii qaboobaa codsi ka yimid saaxiibbada sucuudiga ”waxaan aad u xiisaynayey inaan fahmo cilaaqaada ka dhexeeya dhaqdhaqaaqyada islaamiga ah gaar ahaan midka u nasab sheegta salafiga iyo danaha siyaasadeed ee dowladda Sucuudiga. Waxaan ogahay in hadalkaas ka soo yeeray dhaxal-sugaha siyaabo kala duwan looga falceliyey. Dadka qaarkood waxay si fudud ugu doodeen inuusan wiilkan yar matalin Sucuudiga amaba uusan hadalkani waxba u dhimaynin doorka sooyaalka ah ee ay Sucuudigu ku leeyihiin u khidmaynta Islaamka. Aragtidan ayey qabaan dadka ay ku weyntahay muhimadda doorka ay dowladda Sucuudigu ku leedahay dhowridda Sunniyiinta amaba sida ay jecelyihiin ilaalinta manhajka saxda ah ee salafiyada. Dadka qaarkood waxay isla markiiba la boodeen inuu wiilkan yari si ku talogal la’aan ah ugu dhawaaqay mowqifka awalba u caddaa iyaga laakiin ay dowladda Sucuudigu ku qarinaysay ceeryaamada diin isku qarinta ee ay horboodaan culimo-lakoodka dowladda u shaqeeya. Haddaba, waxaan jeclahay in qormadan kooban aan ku eegno xiriirka ka dhexeeya dowladda sucuudiga iyo xarakaadka salafiga ah iyo dhaqdhaqaaqyada diiniga ah ee ay ka wadaan dacallada dunida oo ay ku jiraan kacdoonnada hubeysan ee ay wadaan ururo lagu sifeyn karo Salifiyiin hase ahaatee aan la mid ahayn salafiyada ay ictiraafsan tahay dowladda sucuudigu. Waxaan yaraha milicsanaynaa taariikhda soo jireenka ah ee ka dhexeysa awoodda dowladda Sucuudiga iyo salafiyada ama “wahaabiyada” sida ay dadka qaar u yaqaaniin. Bilowgii “Isbahaysiga” Reer Sacuud iyo Aala Sheekha Waxaa la sheegay in kadib markii Sh. Mohamed Bin Abdulwahab uu si qiiro leh ugu istaagay soo noolaynta towxiidka saafiga ah “in cibaadada ilaahay loo kali yeelo” iyo la dagaalanka shirkiga, qubuuriyiinta iyo raafidada uu la kulmay iska caabbin badan oo kaga timid dhinaca culimadii wakhtigaas joogtay iyo waliba madaxdhaqameeddkii u talinayey qabaa’ishii Carabta oo uu ku jiro sheekhii qabiiladiisa oo la oran jiray Cusman ibnu Mucamar. Sanadku markuu ahaa 1156 hijriga oo ku aadan sanadkii 1744-kii miilaadiga ayey heshiis laba geesood ah ku galeen amiirkii magaalada dirciya Mohamed ibn Saud oo ay ku kala sixiixdeen heshiiska saldhigga u ah isbahaysiga reer Aala Sacuud iyo reer Aala Sheekh. Miisaanka Awood Qeybsiga Reer Sacuud iyo Reer Aala Sheekh Taariikhda laga qoray isbahaysigan waxay tibaaxaysaa in Sh. Maxamed ibnu Cabdulwahab uu si mug leh uga qeyb qaadan jiray dhinaca siyaasadda, dagaalka, iyo arrimaha diintaba, islamarahaantaana saameyn weyn uu ku lahaa qaab socodka nidaamkii u dhisnaa iyo hab dhaqameedka uu lahaa. Wuxuu sheekhu sugay in caqiidada towxiidku ay noqoto mid ay qaadato dowladda Sucuudigu iyo waliba mad-habka Xambaliga ee ilaa maanta sida rasmi ah loogaga dhaqmo Boqortooyada Sucuudiga. Haseyeeshee waxaa la isku waafaqsan yahay in culimadii dhaxashay doorkii Sh. Maxamed ibnu Cabdulwahaab aysan adkaysanin doorkaas oo markii dambe lagu soo reebay door ku kooban diinta furuucdeeda gaar ahaan wixii aan taabanaynin arrimaha awoodda siyaasadda, amniga, iyo arrimaha dibadda. Middaas beddelkeedii ayey Aala sucuud ku guulaysteen in culimadu ay difaacaan sharciyada xukunka Aala Sucuud ee markii dambe u xuubsiibtay boqortooyada ay iska dhaxlaan qoyska reer Aala Sacuud kaliya. Labada Xaramyn ee Barakaysan iyo Huwanaanta Diinta Dalka Sucuudiga waxaa ku yaala labada masjid ee ugu fadliga badan dhul lagu cibaadaysto. Maka waa qiblada muslimiinta oo ilaahay ku adoonsaday qof kast oo muslim ah meel kasta oo adduunka uu ka joogo lagu amray inuu u soo tudkado. Arkaanta islaamak waxaa ka mid ah gudashada xajka oo qof kasta waajib ku ah inuu guto hal mar cimrigiisa. Arrimahan oo dhan waxay mar kasta siinayeen boqortooyada Sucuudiga sharciyad iyo aqbalid ay muslimiintu ogolaanayaan xukunkooda iyadoo mararka qaarkood dambi loo arkayo in laga hadlo gabbood-fallada iyo tacadiyada ay ku kaceen xukuumadihii kala dambeeyey ee soo xukumay dalka sucuudiga. Iyadoo haddaba dowladda Sucuudigu ay ka faa’iidaysanayso shicaarkaas islaamka ayey waxay mar kasta reer Aala Sheekh iyo culimadooda ku dhiiri galinayeen inay aragtida salafiga ku faafiyaan waddamada u badan muslimiinta dhaqaale badanna ku bixiyeen. Hase ahaatee mar kast faafinta dacwadaas waxaa Boqortooyada ugu lammaanaa inay ku fushadaan danahooda siyaasiga ah iyo kuwa xulufadooda muslim iyo gaalo waxay doonaanba ha ahaadaane. Labo tusaale oo kooban waxaan ku soo qaadanaynaa dowladda Sucuudigu doorkii ay ku lahayd sameynta iyo faafinta labada koox-diimeed ee kala jooga labada daraf ee shishe ee iska soo horjeeda ee salafiyada. Salafiyah Jihaadiyah Waxaa la ogsoon yahay billowgii 80-naadkii markii uu Ruuskhu qabsaday Afghanistan in dowladaha reer Galbeedku dadaal badan ugu jireen sidii loo hor istaagi lahaa isbalaadhinta Midowgii Sofiyeetka. Waxaa markaas si xowli ah wali adduunka uga jiray dagaalkii qaboobaa oo u dhaxeeyey xulafadii reer Galbeedka oo uu hoggaaminayey Maraykanku iyo Midowgii Sofiyeetka oo markaas ku tartamayey hoggaanka caalamka. Sida uu qirayo hadda dhaxal-sugaha Sucuudigu, Maxamed bin Salmaan, waxay dolwadda Sucuudigu qeyb weyn ka ahayd sidii loo abaabuli lahaa dhalinyaro Muslimiin ah oo Jihaad kaga hortagta shuuciyada ku soo duushay waddanka muslimka ah ee Afganistan. Sida uu ku qoray Cabdishakuur Mire Aadam (Cobol) buuggiisa kobaca islaamiyiinta Soomaaliya, Taliyihii sirdoonka ee Sucuudiga wakhtigaas Amiir Turki Al-feysal oo boqor fahad adeer u ahaa ayaa mas’uul ka ahaa tababarka la siinayo dhalinyarada carbeed (Mujaahidiinul-carab) iyadoo loo diyaarinayey sidii ay midowgii sofiyeetka uga saari lahaayeen Afganistan. Amiir Turki oo hayey talada sirdoonka sucuudiga in ka badan 20 sano ayaa la sheegaa in ay xiriir hoose lahaayeen Islaamiyiinta iyadoo xilkan laga qaaday 10 maalmood ka hor inta aysan dhicin qaraxyadii Sebtember 11, sanadkii 2001-dii. Dagaalka Afghanistaan ayaa la sheegaa inay si toos ah u maalgelinayeen dowladaha reer Galbeedka oo uu hoggaaminayo Maraykanku loona sii marin jiray sirdoonka Sucuudiga iyo kan Pakistan oo labaduba olog la ahaa bahweynta reer Galbeedka iyagoo markaas ka duulayey danaha dowladahooda ee aan marna u dan iyo heelo midna ka lahayn dan islaam iyo midda reer Afghanistaan toona. Markii Ruushku jabay reer Galbeedka iyo xulafadoodii ay ka mid ahaayeen Sucuudiga iyo Pakistan waxay ka alaaba uruursadeen saaxadii dagaalka, waxaana meel cidlo ah lagaga tagay dhalinyaradii lagu yiri jihaada oo islaamka u dhinta. Waxaaba intaas kaaga sii daran waxaa laga mamnuucay inay waddamadoodii ku noqdaan oo si nabad ah ugu noolaadaan iyagoo laga cabsanayo inay aqoonta dagaalka iyo xeeladihiisa ay soo barteen ku waxyeeleeyaan dowladahoodii. Sidaas ayaa waxaa ku samaysantay Al-Qacida oo u aragtay in ballankii lagaga baxay markii lagu dan gaadhay. Xiriirka ka dhexeeyey sirdoonka dowladda Sucuudiga, iyo kuwa dalalka kale ee Carabta marna meesha kama bixin oo dowladuhu si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada abuurmaya waxay mar kasta hubinayeen inay dad ku dhex lahaadaan dhammaan ururada jihaadiga sheegta iyadoo inta badan hoggaanku uu matalayo danaha dowladaha carbeed ee dhaqaalahooda siiya. Dowladda sucuudigu marna kalama lug bixin dacminta dhaqdhaqaaqyada jihaadiga ah iyadoo marna u sii marisa dad ay ugu yeedho muxsiniin marna si toos ah sirdoonkeedu u siiyo iyadoo markasta ka turjumaysa ilaalinta iyo horumarinta danaha dalka Sucuudiga. La soco qaybta xigta Insha Allah W.Q: Aqbal Aabi Wardheernews.com
  21. (SL-T Burco) Iyadoo ay Xukuumadda Muuse Biixi hadda sannad jirsatay ayaa waxa isasoo taraya masuuliyiinta iskooda shaqada uga cararaya ee iska casilaya. waxaana muddadaasi hadda sanadka ah ee uu Madaxweyne Biix Hogaanka dalka hayay Xukuumaddiisa iska casilay sadex masuul oo xilal sare ka hayay, waxaanay arintaasi Bulshada ku abuurtay wal wal horleh iyo walaac horleh. Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo ka mid ahayd masuuliyiintii Shidhka ugu jiray Xukuumadii hore ee Siilaanyo islamarkaana ahayd Agaasimihii guud ee Wasaaraddii Madaxtooyadda ee wakhtigaasi ayuu Madaxweyne Biixi markii uu talada dalka ku guulaystay u magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Tayada Somaliland, waxaanay iyadoon Xilkaasi la wareegin February 25, 2018 ku dhawaaqday inay iska casishay iyadoo sheegtay inaan waxba lagala tashina islamarkaana aanu meeqaamka kursigaasi leeyahay ahayn mid u cuntama, iyadoo sheegtay inay hiigsanayso halkii ay joogtay meel ka saraysa,taasi oo bulshada u muujisay inaan Booskaasi magacaabistiisa waxba laga waydiin,waxaanay noqotay masuulkii ugu horeeyay ee Xukuumadda Muuse Biixi iska casilay ama diiday xil loo igmaday. April 11, 2018 waxaa isaguna Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iska casilay Agaasimihii guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Cabdi Cali Jaamac kaasi oo noqday Masuulkii labaad ee iska casilay Xukuumadda Muuse Biixi. Agaasime Cabdi Cali ayaa sheegay inuu Arimo layaableh kala kulmay Madaxweyne Muuse Biixi taasi oo sababtay inuu gabi ahaanba iskaga huleelo Xukuumadda, oo uu iska casilo. Waxa uu ka sheekeeyay qisas dhex maray isaga iyo Madaxweynaha isagoo bartiisa Facebookga qoraal kooban oo uu kaga warbixiyay iscasilaadiisa ku qaadaa dhigay hadalo ay is waydaarasadeen Madaxweynaha. Waxa arinta Agaasimahaasi dhawr todobaad lagu faaqidayay baraha Xidhiidhka Bulshashada isagoo markii dambena bilaabay qoraalo taxane ah oo uu kaga sheekaynayay uurkutalooyinkii ku suntanaan Iscasilaadiisa iyo dhacdooyinkii ku lamaan ee aakhirkii gayaysiiyay inuu xilkii uu hayay iskaga huleelo oo uu iska casilo. Masuulkii saddexaad ayaa Shalay iska Casilay Xukuumadda Muuse Biixi. Masuulkan oo ah Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuseen Laki) ayaa ka mid ahaa Waftiga Madaxweynaha ee shalay ku sugnaa Magaaalada Burco waxaanu si rasmi u sheegay inuu xilkaasi iska Casilay. Masuulkan ayaa ku sababeeyay inuu shaqada uga tagay “Nidaamka dawliga ah ee dalka ka jiraa Waa mid askariya oo aanay ka muuqan dhaqan kii dawladnimada lagu yaqaanay, waxaa gacanta ku haya koox ciil qabayaala oo qofkii maalin eray ku yidhi ama ka qoray aan ilaawin”. Ayaa hadalkiisa ka mid ahayd. Isku soo wada duuboo waxa isasoo taraya masuuliyiinta saluugsan hanaanka hogaamineed ee dalka islamarkaana ka tirsan Xukuumadda, kuwaasi oo aan wali wax go’aan ah qaadan balse ay suurtagal tahay inay iyaguna iscasilaan. Source
  22. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxda xiriirka kubada cagta ee Soomaaliyeed ayaa si balaaran waxaa loogu amaanay horumarka baaxad wayn oo ay ka sameeyeen xaga ciyaaraha gudaha iyo dibadda ee wadanka. Xoghayaha xiriirka, Jamaal Xaashi Tuure, oo maanta qeyb ka ahaa martida Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay, ayaa sheegay in madaxda xiriirka oo uu ugu horeeyo gudoomiye Cabdiqani Saciid Carab ay guulo soo hooyeen. Tuure oo fahfaahinaya guulaha ayaa ku tilmaamay in la nidaamiyay ciyaaraha heer Qaran, isaga oo tibaaxay inay haatan hiigsanyaan heer maamul goboleed si looga aas-aaso xiriiro kala duwan Xaliimo Sacdiyo Sheekh Cumar, oo ah waayajoog hore islamarkaana ku xeel dheer arimaha ciyaaraha ayaa dhankeeda sheegtay in gudoomiyaha xiriirka uu dhabarka u xirtay horumarinta Sportiga dalka xili dhibaatooyin badan ay ka jireen. Wasaaradda Ciyaaraha xukuumada Soomaaliya ayay Xaliimo si lamid ah ku bogaadisay kaalinta ay ka qaadatay dhisitaanka tuulada Sportiga ee Stadium Muqdisho, halkaasi oo dayactir lagu bilaabay. Xaliimo oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay tilmaamtay garoonka marka uu dhismo uu xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed uu ku marti qaadi doono wadamo kale si ay ula dheelaan kulamo. Cabdi Qani Saciid [Carab] ayaa la aaminsan yahay in ciyaaraha Soomaaliya soo gaarsiiyay heerka uu maanta marayo, waana tan keentay in markale loo doorto gudoomiye xilka sii haynayo afarta sano ee soo aadan kadib doorasho Muqdisho ka qabsoontay. The post Khuburo soo dhaweysay dadaalada horumarineed C/qani Saciid Carab appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Waxbrashadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle [Jaabiri] oo u waramaayay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay in ay dhawaan sameyn doonaan guddi taclinta sare. Guddiga ayuu daboolka ka qaaday Mr Jaabiri inuu qiimeyn rasmi ah ku sameyn dona tayada tacliinta dalka iyo sidii loo wanaajin lahaa Waxbarashadda Dhalinyaradda Soomaaliyeed. “Masuuliyadda gaar ah oo nasaaran waxaa ay tahay in ardayga Soomaaliyeed helo Waxbarasho tago leh taasna waxaa looga shaqeyn karaa in aan helno Sharuucdii Waxbarashadda dalka,” ayuu yiri. Sidoo kale, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda ayaa cod dheer ku qeexay in Macalinta Waxbaraya Ardayda Soomaaliyeed laga doonayo in uu soo buuxiyo dhamaan Sharuudihii looga baahnaa Macalin. Isaga oo sii hadlaya Wasiiro Dowlaha Waxbrashadda ayuu ku daray hadalkiisa: “Taasna waxay tahay mid aan dhamaanteen kawada shaqeyneyno muhiimad gaar ah ayeyna inoo leedahay taas. Wasaaradda Waxbarashadda xukuumada Soomaaliya ayaa waxay dadaal ugu jirtaa siddii loo sameyn lahaa dhamaan Sharciyadii Waxbarasho ee dalku lahaa xili ay dhowaan soo bandhigtay waxbarasho bilaash ah. The post Shuruucdii Waxbarashada dalka oo dib loosoo celinayo appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Muqdisho (Sh.M.Network) – Xaalada degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa degan markii saacadihii lasoo dhaafay ay dagaalo xoogan ku dhex-mareen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab. Dhanka kale, Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu guulo ka sheegtay dagaaladdaasi. Cabdifitaax Xaaji Cabdulle, gudoomiye ku xigeenka gobolka oo la hadlay idaacadda Shabelle ayaa shaaciyay in rag ka tirsan xoogaga Al-Shabaab lagu dilay dagaaladaasi. Gudoomiy ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in degaanada ay ka dhaceen dagaaladda ay haatan ku sugan yihiin ciidamada xoog dalka, ayna baaqi kusii ahaan doonan. Ciidamada dowlada iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa maalmihii udambeeyay dagaalo iyo howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka wadeen degaano iyo degmooyin dhaca duleedka magaalada Marka ee gobolkaasi. The post Xaalada degaanadii lagu dagaalamay ee Sh/Hoose oo degan appeared first on Shabelle. View the full article