Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,347
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Riyadh (Caasimada Online) – Muranka dhanka xuduudda ah ee u dhexeeya dalalka Sucuudiga iyo Imaaraatka Carabta, oo imika gaaray miiska Qaramada Midoobay, ayaa iftiimiyay wax lagu tilmaami karo “xifaaltan qarsoon” ama “muran ku saabsan hoggaanka gobolka” oo u dhexeeya labada waddan ee deriska ah ee Khaliijka tobankii sano ee la soo dhaafay. Sida ku cad qoraallada iyo warqadaha loo diray Qaramada Midoobay ee labada dal waxaa muuqata in farqiga u dhexeeya labada dhinac iyo muranka soohdinta uu sii kordhay, waxana laga yaabaa in ay jiraan khilaafyo kale, taas oo keentay in la wajaho Qaramada Midoobay iyada oo ujeedadu tahay in la isku dayo “in la caddeeyo xuquuqaha madaxbannaanida, caalami ahaan,” sida ay qabaan falanqeeyayaasha. Inkastoo khilaafkan iyo arrimo kale oo la xiriira khilaafka Sucuudiga iyo Imaaraatka, haddana dadka wax indha indheeya ayaa aaminsan inay weli jirto fursad wanaagsan oo lagu soo afjari karo farqigaas, xataa si ku meel gaar ah, iyadoo la og yahay inay jiraan dano guud oo ka miisaan culus qodobbada ay isku maandhaafsan yihiin labada dhinac. Si dhif iyo naadir ah ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay, muranka xuduudda Sacuudiga iyo Imaaraatka ee ku aadan deegaanka “Al Yasat” uu u soo shaac baxay kadib warqad ay dowladda Sacuudiga u dirtay 18-kii bishii March Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay taa oo ku saabsaneed ku dhawaaqista Imaaraatka Carabta. “Al Yasat” oo ah meel Imaaraatka laga ilaaliyo baddeeda. Waraaqadan, ayaa Riyad waxay ku tilmaamtay in ku dhawaaqista Imaaraadka ay ka soo horjeedo shuruucda caalamiga ah iyo in aanay tixgelin ama aqoonsanayn wax kasta oo sharci ah oo ay ku yeelanayso goobtaasi. Imaaraatka Carabta ayaa fariin cad kaga jawaabtay 16-kii May in “Al Yasat” ay ku taallo dhul badeedkeeda. Muranka ma waxaa uu ku kooban yahay xuduudda mise arrimo kale ayaa jira? Warbixinnada ay qorayeen wargeysyada aan ahayn kuwa Carabta ayaa muddo dheer ka hadlayay waxa ay ugu yeereen “saaxiibka-cadowga”, taas oo ah, in Imaraadka iyo Sacuudiga, iyo tartanka juqraafiyeed iyo loolanka awoodeed ee u dhexeeya. Abdullah Baaboud, oo madax ka ah xarunta cilmibaarista Malcolm Kerr-Carnegie ee Bariga Dhexe, ayaa sheegay in ay jiraan murano badan oo dhanka xuduudaha ah oo u dhexeeya dawladaha Khaliijka, sababtoo ah xuduudaha qaar ayaan si cad loo kala saarin, mararka qaarkoodna khilaafyadani waxay soo baxaan, gaar ahaan marka ay jiraan khilaafyo kale oo qarsoon. Baaboud waxa uu intaa ku daray in khilaafkii dhawaan dhacay aan la eegi karin xaaladiisa guud, maadaama ay jiraan kala duwanaansho qarsoon oo u dhexeeya Sucuudiga iyo Imaaraadka. Kala duwanaashiyahan ayuu khabiirka sheegay inay la xiriiran tartan dhaqaale oo gaar ah, maadaama Sacuudiga uu isku dayayo, iyadoo loo marayo Hiigsiga 2030-ka inuu noqdo dalka ugu muhiimsan gobolka, wuxuuna isku dayayaa inuu noqdo xarunta dhaqaalaha adduunka, halka Imaaradka gaar ahaan Dubai loo arko inay u tartamayso isla meeqaamkan. Baaboud waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dal oo ay ka mid tahay arrinta Yemen oo ay ku kala gadisan yihiin hadafka iyo taageerada ciidamada maxalliga ah, Afgaanistaan iyo loolanka saamaynta ay ku leeyihiin dalalka Geeska Afrika, Bariga Afrika iyo waliba wadamada Waqooyiga Afrika. Cilmi-baarahan ayaa sidoo kale intaa ku daray in sidoo kale ay jiraan kala duwanaansho gudaha wadamada soo saara shidaalka ee OPEC ah, iyada oo Imaaraadku ay isku dayayaan inay muujiyaan awoodda ay ku leeyihiin gobolka, halka Sacuudi Carabiya ay sidoo kale leedahay istiraatijiyad u gaar ah.” Mustaqbalka khilaafka iyo saamayntiisa In kasta oo qaarkood ay isku dayayaan in ay yareeyaan saamaynta muranka soohdinta badda ee u dhexeeya Sucuudiga iyo Imaaraadku ku yeelanayo xiriirka labada dal, kuna qanacsan yihiin in ay u arkaan “farqi yar oo u dhaxeeya” oo uusan ahayn “khilaaf,” ayaa Professor Fawaz Girgis, oo Xiriirka Caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda London, waxa uu aaminsan yahay in qaabka Sucuudigu arrintan ugu gudbiyay Qaramada Midoobay “ay muujinayso baaxadda farqiga u dhexeeya labada dal, iyo awood la’aanta labada waddan inay xaliyaan murankan soohdinta badda. Waxa kale oo ay tilmaamaysaa in xiriirkii dhowaa ee ka dhexeeyay aanu sidii hore u sii adkayn. Girgis waxa uu intaa ku daray in xiriirka labada dal uu marayo meel mugdi ah, waxaanu aaminsan yahay in xiisadan ka dhalatay xiriirka labada dal aanay midna dan u ahayn, isla markaana ay saamayn ku yeelan doonto golaha iskaashiga Khaliijka, marka la eego baaxadda arrintan. Sacuudiga iyo Imaaraadka Waxay ayaa waxay laf-dhabar u yihiin Golaha Khaliijka, sidaas darteed xiisadda xiriirka waxay horseedi doontaa nooc kala duwanaansho, wuxuuna khilaafakan sidoo kale sababi karaa in golahaasi ay Awoodi waayaan inuu dhaqaajiyo faylalka muhiimka ah. Marka laga soo tago Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka, Golaha Iskaashiga Khaliijka waxaa ka mid ah Cumaan, Kuwait, Bahrain iyo Qatar, waana gole la aasaasay saddex iyo afartan sano ka hor, xaruntiisuna tahay Sacuudi Carabiya. Muxuu sharciga ka leeyahay Yasat? Sharci ahaan, uma taallo Qaramada Midoobay inay go’aan ka gaarto soohdinta iyo kala soocidda xudduudaha, balse waa arrin ay tahay in dalalku si laba geesood ah u xalliyaan. Ku xigeenka afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Farhan Haq, wuxuu yiri: “Ma hayno hadda wax faallo ah oo faahfaahsan oo aanu ka bixinno, waxaan si fudud u dhiirigelinaynaa dhammaan dadaallada ay dalalku sameeyeen si caadi looga dhigo xiriirkooda laba geesoodka ah.” Sida laga soo xigtay Wasaaradda Isbeddelka Cimilada iyo Deegaanka ee Imaaraatka, aagga badda ee “Al Yasat” waxaa ku jira jasiirado badan oo leh biyaha ku hareeraysan, waxayna ku taallaa koonfur-galbeed ee Abu Dhabi, oo ku taal xeebta kala qaybisa Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka. Taariikhda muranka xuduudka Muranka soohdinta ee Sucuudiga iyo Imaaraadku waxa uu soo billowday sannadkii 1974-kii, markaas oo ay labada waddan kala saxiixdeen heshiis ay ku xallinayaan khilaafaadkooda xuduudeed ee loo yaqaanno heshiiskii Jiddah, kaas oo Sucuudigu ka tanaasulay sheegashadiisa qayb ka mid ah meel Saliida Qani ku ah ee loo yaqaano Buraimi Oasis. Xuduudaha saliidda qaniga ku ah ee u dhexeeya labada dal, sida Jaziiradda Al-Huwaisat, halka Imaaraadku uu ka tanaasulay boqolkiiba 80 ceelka shidaalka ee Shaybah, iyo 50 kiiloomitir oo xeebta ah. Sida uu dhigayo heshiiskaas, Sacuudiga wuxuu sidoo kale u aqoonsaday Imaaraadka inuu yahay dowlad madax-bannaan, tanina waxay ahayd bilowgii wejigiisii aasaaska. Cabdul Khaleq Cabdullah, oo ah borofeesar cilmiga siyaasadda ka dhiga Imaaraadka, ayaa u sheegay in heshiiska lagu saxiixay si degdeg ah iyo duruufo adag oo dhanka hay’adaha ah, lagana yaabo in duruufahaas ay ku kaliftay in Imaaraadku saxiixdo iyada oo aan xisaabta ku dareynin tafaasiil badan oo muhiim ah. Waxa uu intaa ku daray in isaga oo ka duulaya xogtan, Abu Dubi ay bilaabeen in ay dib u eegis ku sameeyo Riyadh si wax looga bedelo qaar ka mid ah qodobbada heshiiska, balse sacuudiga ay diidan yhiin. Heshiiskii 1974 kii ma baabi’in xurguftii labada dal, taasoo gaartay heer ay Imaaraadku qaadacaan shirkii wasiiradda arrimaha dibadda iyo shidaalka khaliijka 1999-kii ee ka dhacay Sacuudi Carabiya, iyagoo ka soo horjeeday furitaanka goob shidaal oo ku taal gobolka Shaybah iyo ku guuldareysiga inay ku lug yeelato Abu Dhabi ka faa’iidaysiga dakhliga goobtaas. Xiisadda ayaa sii xumaanaysay sannadihii xigay, waxayna gaartay meeshii ugu sarreysay sannadkii 2010-kii, markaasoo Imaaraadku ku eedeeyay Sacuudiga inay ku xad-gudbeen ilaalada badda ee ay ku sugan yihiin dhul-badeedkiisa, waxayna arrintu gaartay heer ay xabbado digniin ah ku riddo. Sannadkii 2004-tii, Imaaraadku wuxuu hoggaanka Sucuudiga la soo qaaday arrinta wax ka beddelka heshiiska xuduudka, iyagoo u arkayay inay “caddaalad-darro ku tahay arrintaas,” illaa uu Madaxweynihii hore ee Imaaraadka, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, soo saaray wareegto sannadkii 2005-tii uu ku sheegayo markii ugu horeysay in “Al Yasat” ay Imaaraadka ka tirsan tahay. Sida laga soo xigtay falanqeeyaha siyaasadda iyo lataliyaha xarunta warbaahinta iyo daraasaadka Carabta, Abdulaziz bin Razen, ma jiro khilaaf dhab ah oo u dhexeeya labada waddan, laakiin taa beddelkeeda waxaa jiri kara farqi ama kala duwanaansho xagga aragtida ah. Waxa uu sheegay in arrinta “Al-Yasat” la soo afjaray, lahaanshiyaheedana ay ku soo laabatay Sacuudiga sida uu qabo heshiiskii 1974 oo lagu qoray khariidadaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay. Bin Razen waxa uu intaa ku daray in wareegtada Imaaraadku soo saartay 2019 ay ka hor imanayso heshiiskaas, sidaas darteedna aanay Boqortooyadu aqbali karin in heshiiskan hal dhinac laga beddelo maadaama uu dhacay. Balse dhanka kale waxa uu rumeysan yahay in aysan saameyn xun ku yeelan doonin xiriirka labada dal. Isha: BBC The post Muran dhanka xududda ah oo ka dhex qarxay Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka dowladda Hindiya u qaabilsan Soomaaliya. Safiirka Hindiya Namgya Choden Khampa ayaa wasiirka kala hadashay sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya. Sidoo kale, kulankaan oo ka dhacay xafiiska Wasiir Fiqi ayaa lagu gorfeeyey fursadaha lagu ballaari karo iskaashiga wadajirka ah ee labada dal oo ku kala yaalla qaaradaha Afrika iyo Aasiya. Safiirka Hindiya ayaa Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya u sheegtay in ay ka go’an tahay fududeynta codsiga dal ku galka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan inay caafimaad u aadaan Hindiya. “Waa naga go’antahay inaan hubino in ay Soomaalidu si degdeg ah u heli karaan fiisaha, iyada oo aysan jirin cid kale oo na dhexdhexaadi doonta,” ayey tiri Namgya Choden safiirka Hindiya u joogta Soomaaliya. Hindiya ayaa safka hore uga jirta dalalka ay dadka Soomaaliyeed u aadaan caafimaadka, hadana dhibaato weyn ayaa lagu qabaa sidii qof Soomaali ah uu Hindiya ku tegi lahaa. Inta badan Soomaalida u socota Hindiya waxay aadaa Addis Ababa – Itoobiya, halkaas ka jartaan fiidaha ama dal ku galka Hindiya, dad badan ayaa cabasho ka muujiyey wareegaas dheer, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ka dalbaday in safarada Hindiya la fududeeyo. Hadda waxaa xaaladda sii adkeysay arrinta Itoobiya iyo Soomaaliya oo dagaal culus oo diblomaasiyadeed uu ka dhex qarxay, dadka Soomaaliyeed waa ku sii dhibtoodeen helidda dal ku galka Hindiya, balse hadda waxaa muuqata in dowladda garowsatay inay raadiso xal deg deg. The post DF iyo Hindiya oo go’aan ka gaaray arrin ay baahi weyn u qabeen dadka Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
  3. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/Ciroqudbad.mp4 Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo ayaa si faahfaahsan uga hadlay arrinta qabuuraha Iskuul Buluusiya, isagoo si weyn u difaacay go’aanka dowladda, tusaaleyn dhanka diiniga ahna ka bixiyey qodobada uu ku difaacayo go’aanka qabuuraha looga rarayo dhulkaas. Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis ayaa shaaciyey in dowladii Farmaajo ay mar sidaan oo kale isugu dayday in qabuurahaas lasoo fago oo laga saaro dhulkaas, balse ay ka diideen, maadaama la sii rabay shakhsiyaad gaar ah. Hadda oo dowladda Xasan Sheekh ay go’aankaan la qaateen iyo xiligii Farmaajo oo ay ka diideen wuxuu sheegay Sheekh Cali Wajiis inuu jiray kala duwanaasho, maadaama dowladda Xasan Sheekh ay dhulkaas uga faa’iideysaneyso, si dan-guud ah, halka dowladii Farmaajo ay ka kirey rabtay shakhsiyaad ganacsato ah. Shiiqa oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal ayaa sidoo kale sheegay in xiligii Farmaajo ay mar kale dowladda ka diideen in dadka ku shaqeysta laga saaro dhul u badan hoteelo uu ku jiro Hotel Afrik oo dowladda u jireysan. “Guddoomiye Injineer Yariisow ayaa noo keenay liis dheer oo qiyaastii 30 ah, kuwaas oo u kireysan dowladda oo Hotel Afrik uu ku jiro, waxaan R/Wasaare Kheyre ku dhahnay dhulkaan hadii dadka ku shaqeysta laga saaro dan-guud maka hirgelinee? Wuxuu yiri maya, ka leexo ayaan dhahnay dadka degan ayaa u xaq leh oo sanado badan laga kireeyee, waana naga aqbalay,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis. Sidoo kale Sheekh Cali ayaa sheegay in xiligaas ay dowladii Farmaajo ka aqbashay culimada is hortaagii ay ku sameeyeen go’aanka lagu fagi lahaa qabuuraha iskuul Buluusiya, balse hadda dowladda Xasan Sheekh ay halkaas ka fulineyso qorshe danguud ah oo dhulkaas la dejinayo in ciidanka ilaalada xeebaha dalka oo baahi weyn loo qabo. Sheekh Cali Wajiis waxaa la weydiiyey waxa la gudboon culimada, hadii dhulkaas laga dhigo dhul ganacsi oo shakhsiyaad la siiyo, isagoo sheegay markaas ay ka hor imaa doonaan dadkana u cadey doonaan in balantii ay uga baxday dowladdu, balse hadda qorshaha loo sheegay oo dowladda ay ku raaceen uu yahay in dhulkaas hanaan danguud ah loo isticmaalo. Wuxuu intaas ku sii daray, in diinta islaamka aysan baneyn in dangaar ah loo isticmaalo dhul danguud ah, inta laga saaro dadkii ku xabaalaa, sidoo kale wuxuu faahfaahin dheer ka bixiyey marka la ogolyahay in meyd laga saaro meel ee meel kale lagu aaso, isagoo ka bixiyey tusaalooyin waaweyn oo ku qanciyey in culimadu ay go’aankaas la qaadayo dowladda. Hoos ka daawo The post Daawo: Cali Wajiis oo xaqiijiyey in Farmaajo dalbaday in qabuuraha Iskuul Polizia loo beddelo goob ganacsi appeared first on Caasimada Online.
  5. Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray deegaanno ka tirsan waqooyiga Gobolka Galgaduud, kuwaas oo maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya beelo walaala ah oo wadaag ahaa. Madaxweyne Qoor qoor oo gogol nabadeed u faray beelihii halkaas ay dirirtu ku dhex martay ayaa la kulmay odayaasha iyo wax garadka labada dhinac, isagoo kala hadlay sida ay muhiim ugu tahay in ay gaaraan xal deg deg ah iyo nabad waarta oo labada dhinac dhex marta. Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo dhaqanka labada beelood ee gogosha isugu yimid ayaa isku raacay saddex qodob oo kala ah: 1: In xabbad joojinta la is la qaatay, sidoo kalena lala shaqeeyo ciidammada amniga. 2: In la kala qaado maleeshiyaadka. 3: In dhinacyadu usoo diyaar garoobaan gogol nabadeed oo caasimadda Dhuusamareeb la dhigay. Colaaddii dhowaan ka dhacday deegaanka laandheer oo u dhexeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo xeraale ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 70 ruux, balse hadda waxaa socda waam waan nabadeed iyo wada hadal. Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa iska dhago tirtay baaqyaddii u dambeeyay ee madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka u jeediyeen, kaasi oo la xiriira xaaladda ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya, kadib markii kasoo baxay dowladda. Agaasimaha Madaxtooyadda oo u jawaabay qaar kamid ah madaxdii hore iyo siyaasiyiinta u jeedisay in deg deg looga laabto arrinta Iskuul Buluusiya ayaa ugu jawaabay qoraal ay ka dhalatay fal-celin xooggan, kaasi oo uu ku weeraray kooxda madaxweyne Farmaajo ee Nabad iyo Nolol iyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. “Siyaasiga kabahooda ku aasay meydka askar Soomaaliyeed oo uu xaqdaro ku laayay islamarkaana qabriyadooda ilaa maanta aysan ehelkoodu aqoon meesha ay ku yaalaan, mayahay qofkii dhihi lahaa “Waxaan aad uga damqanayaa, jirkeyguna la jiriricoonaya,” ayuu yiri agaasime Dige. “Ma waxaa xurmada qabuuraha ka hadli kara siyaasiga askari Soomaaliyeed oo nool gacanta u galiyey cadawga maanta baddeena doonaya?. Siyaasiga baddii uu muranka geliyay la soo celiyay miyaa garan kara muhiimadda ay Qaranka u leedahay dhismaha xarunta ciidamada badda Soomaaliyeed?.” Dadka qaar ka fal-celiyay qoraalka jawaabta ee uu soo saaray agaasime Dige ayaa tilmaamay in laga wanaagsanaa in Madaxtooyadda ay sidaan uga jawaabto baaqyaddii ka dhashay go’aanka fajicisada ku noqday bulshada Soomaaliyeed ee ahaa “in dowladda u baahan tahay dhul ay ku aasan yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, ayna tahay in looga saaro maydadka muddo 10 cisho ah.” Haddaba, sidee looga fal-celiyay? Xasan Boss: “Sidii la idinku aamini lahaa ayaa dhib ka taagan yahay. Dhul Airport dhiniciisa ku yaalla ayaa hadda ka hor sidaan oo kale loo sheegay in xero ciidan laga dhisayo kadibna siyaasiyiin ayaaba qeybsaday oo laga gaday.” Maxamed Axmed ayaa isna waxa uu yiri “Agaasime, hadalka siyaasiyiinta soo dhaafa, hoos usoo daadaga, arrinta qaabka loo maareeyay aad bay u fool xuntahey, dadku waxay idinku xukumayaan waa ficilladiina & go’aannadiina ee ma ahan hadal siyaasi kale.” “Dowladda dhul kale oo cidanka lagu tababaro miyey weyday markii la dhahayo qabuuraha hala soo faago mise qadaraas ayaa halka niga kalay,” ayuu yiri Ilyaas Muxiyadiin. “Waad asiibtay agaasime,” ayuu yiri Maxamuud Maxamed Cabdulle. Sakariye Maxamed Isticmaar: “Wax uun damiir ah haddii aad leedahay way ku dhibi lahayd wixii shalay ka dhacay qabuuraha Iskool Boolisiyo. Dowlada dhul ma waayin waliba daafaha magaalada ayay ka sameysan kartaa xero ciidan oo waliba amniga Muqdisho ka qeyb qaadata. Waxa kaliya aan ka naxay waa in aad Sheekh Bashiir Salaad dabin dhex dhigteen.” “Dowladdu inay dhulkeedi ceshato waa garanay ee mayd la canshuurayo naga dhaadhiciya sida ay ku dhacday,” ayuu yiri Maxamuud Ducaale. Axmed Cabdinuur “Warkuba waa intaas danqasho ka mahan ee waa dacaayadayn.” “Agaasime dhulka ciidamada badda waa naqaan waa inyar oo dhanka qorax u dhac ka xigta qabuuraha ee umadda yaan been loo sheegin, dhulkaas waa lakala tuurtay inta badan dowladdii Farmaajo ayaa la isku wada qoray kaliya waxa dhiman in la rabo in ganacsatada laga iibiyo,” ayuu yiri Cabdifataax Cusmaan Xirsi. Cali Cusmaan Xaaji ayaa isna sidoo kale waxa uu yiri “Warku waa dhan yahay.” The post Fal-celin culus oo ka dhalatay jawaabta Villa Somalia ay ka bixisay baaqyadii loo diray appeared first on Caasimada Online.
  7. Nairobi (HOL) — A Busia court has sentenced Jackton Jacob Kanoti, also known as Abdul Hakim, to 30 years in prison for his involvement with the terrorist organizations Al-Shabaab and the Islamic State of Iraq. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) — Somalia is hosting 39,286 registered refugees and asylum seekers as of May, according to new information released by the United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  9. MOGADISHU, June 12 (Xinhua) -- The World Health Organization (WHO) announced Wednesday that it has launched a new project to reach nearly 900,000 people with life-saving interventions by 2024. Source: Hiiraan Online
  10. In her first book, Guardian journalist Aamna Mohdin explores her Somali family’s refugee experience in Kenya, Saudi Arabia, the Netherlands and Britain, confronting many different versions of herself in the process. As she rests in a hotel after visiting the Kenyan beach where her mother had landed, heavily pregnant with her, after fleeing the carnage in Mogadishu, Mohdin reflects on a quote from William Faulkner’s novel Requiem for a Nun: “The past is never dead. It’s not even past.” Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) — Somalia's Defense Minister, Abdiqadir Mohamed Nur, claimed that the previous administration under President Farmajo had plans to construct a commercial hotel on cemetery land at Blue School in Mogadishu, sparking significant controversy. Source: Hiiraan Online
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Heshiis ka kooban 3 qodob ayaa laga gaaray colaadkii dadka badan lagu laayey ee beelaha Dir iyo Mareexaan ku dhex martay waqooyiga gobolka Galgaduud, waxaana ku baxay madaxda ugu sareysa Galmudug. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo hoggaaminaya wafdi culus oo maamulkiisa ka tirsan ayaa gaaray deegaanadii lagu dagaalamay maalmihii lasoo dhaafay ee u dhaxeeya Caabudwaaq iyo Xeraale. Madaxweyne Qoor Qoor oo halkaas ka furay gogol nabadeed ayaa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac, isagoo kala hadlay sida ay muhiim ugu tahay in ay gaaraan xal deg deg ah iyo nabad waarta oo labada dhinac dhex marta. Isla maanta waxaa la gaaray heshiis bilow u ah gogosha, kaas oo ka kooban 3-qodob oo kala ah: 1: In xabbad joojinta la is la qaatay, sidoo kalana lala shaqeeyo ciidammada amniga. 2: In la kala qaado maleeshiyaadka. 3: Iyo in dhinacyadu usoo diyaar garoobaan gogol nabadeed oo caasimadda Dhuusamareeb la dhigay. Dadka ku geeriyooday dagaal maalmo kooban ka socday deegaanada u dhaxeeya Xeraale iyo Caabudwaaq waxaa ku geeriyootay ku dhowaad 100 qof oo labada dhinac ah, waxaana ku dhaawacmay dad intaas ka badan. Deegaano ayey kala qabsadeen labada beelood, waxaana adkaatay in la kala dhexgalo, waxayna dileen askar boolis ah oo lagu amray inay dagaalka joojiyaan oo beelaha kala dhexgalaan. The post Sawirro: QOOR QOOR oo heshiis 3 qodob ah dhex-dhigay beelihii is laayey appeared first on Caasimada Online.
  13. Kismayo (HOL) — Federal government forces and the Jubbaland administration have moved to support Badhaadhe district in the Lower Jubba region, according to reports on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  14. Dowlada Puntland ayaa joojisay dhamaan qorista, magacaabista, ansixinta iyo wax ka bedelka shaqaalaha Puntland. Amarkaan ayaa kasoo baxay Madaxweyne Siciid Deni, sidda lagu sheegay digreeto kasoo baxday xafiiska wasiir ku xigeenka shaqada iyo arimaha bulshada Puntland Jaamac Faarax Boos. Wasiirada cusub ee dhawaan la magacaabay ayaa qaarkood bilaabay inay qoraan shaqaale cusub oo u badan dad ay iyagu wataan. Sidoo kalena waxay sameeyeen in shaqaalaha qaarkood ay boosaaskooda ka bedelaan. Talabaadaas ayaa meesha ka saaraysaa in shaqaale tiro badan layska qoro, wasiirada yo madaxda hay’adaha madaxa banaana ay awood u yeesheen ku tagrifalka xaquuqda shaqaalaha. Halkan ka akhriso warqadda PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo joojisay qorista iyo ansixinta dhammaan shaqaalaha cusub appeared first on Puntland Post.
  15. Kooxda Xizbullah ee ka dagaalanta dalka Lubnaan ayaa gantaalo is xigxigay ku garaacday waqooyiga Israa’iil, ka dib markii Israa’iil ay duqeyn cirka ah ku dishay taliye sare oo ka tirsan oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan maalin ka hor. Xizbullah ayaa si maalinle ah waxa gantaallo ka gudba xuduudda isku weydaarsanayeen Israa’iil tan iyo markii ay xulafadooda Falastiin ee Xamaas ay weerar ku qaadeen koonfurta Israa’iil 7-dii October, taasi oo dhalisay dagaalka ka socda Gaza. Is-dhaafsiga gantaallada ayaa kordhay toddobaadyadii tegay, ayada oo Xizbullah ay sare u qaaday adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha la socon, si ay u weerarto xarumaha militariga Israel, halka Israa’iil ay ku jawaabtay weerar beegsi oo ka dhan ah kooxda. Xizbullah ayaa sheegtay in ay “tobanaan gantaalaha Katyusha ah” ku garaacday saddex saldhig iyo xero ku taalla waqooyiga Israa’iil. Kooxdan ay Iiraan taageerto ayaa sheegtay inay gantaallo la hagayey ku garaaday “warshad militari” ayada oo “ka jawaabeysa dilka ay fuliyeen cadowga Sahyuuniyadda.” PUNTLAND POST The post Xizbullah oo gantaalo is xigxigay ku garaacday waqooyiga Israa’iil appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa-soo tareysa cabsida caafimaad ee laga muujinayo soo faagista maydadka ku aasan qabuuraha Iskuul Buluusiyo, kadib amarkii dowladda ay 10 cisho gudahood ugu qabatay dadka eheladooda ku aasan yihiin inay kula baxaan. Yuusuf Garaad oo qoraal kasoo saaray arrinkaan ayaa sheegay inay sareyso khatarta caafimaad ee ka dhalan karta tallaabadan, maadaama dadka qaarkii ee halkaasi ku aasan ay u dhinteen Covid iyo cudurro kale oo halis ah. “Dadka godadka fagaya, kuwo dul dhooban ee murugeysan, kuwa daawanaya ee aan shalay arkay iyo ciidanka dul tuban ma jirtaa cid hubin karta in aanay cudurro ka qaadin qabuuraha marka la faago?,” ayuu yiri Yuusuf Garaad. Sidoo kale waxa uu muujiyay sida uu uga xun yahay go’aanka dowladda, waxa uuna yiri “Waan ka murugooday xaaladda ka taagan qabuuraha Scuola Polizia. Dhan kasta marka aan ka eegay waxay iigu muuqata go’aan aan aad looga fiirsan.” Waxa uu intaas kusii daray “In ehelka meytada laga xishoon waayo, lagana horkeeno Dowladda, ma aha talo u adeegeysa danta dadka iyo Dowladda toona. Ma aha in sas la qaadsiiyo agoon iyo rajo waalidkood ku aasan yahay qabuurahaas.” Hoos ka aqriso qoraalka Yuusuf Garaad Waan ka murugooday xaaladda ka taagan qabuuraha Scuola Polizia. Dhan kasta marka aan ka eegay waxay iigu muuqata go’aan aan aad looga fiirsan. Marka hore, qabuuro waa la kor degaa, laakiin waa marka sannado hore dadka lagu aasi jiray. Qabuuro weli la adeegsado, murugadii geerida dadka ku aasan aan weli ehelkoodu ka soo kaban, ma ahan in logo yeero in ay soo fagaan meydka. Marka labaad, meyd in la aaso waxaa ka dhib badan oo ka culus in la soo saaro lafahiisa oo dhammaystiran iyo haddii xubnihiisa kale ay wax ka hareen. Waxay u baahan tahay farsamo iyo aqoon u gaar ah. Qofka qodayaa ma og yahay in 206 lafood ay ku jiraan jirka aadanaha? Mise og yahay sida ay u eg yihiin iyo sida uu u raadin karo? Midda kale, dadka qaarkii waxay u dhinteen Covid iyo cudurro kale oo halis ah. Dadka godadka fagaya, kuwo dul dhooban ee murugeysan, kuwa daawanaya ee aan shalay arkay iyo ciidanka dul tuban ma jirtaa cid hubin karta in aanay cudurro ka qaadin qabuuraha marka la faago? Muqdisho dhul Dowladeed kuma yara. Hore ayaan ugu nooleyn caasimad laga waayay beer lagu nasto, bannaan lagu lugeeyo iyo Xeeb munaasib ah oo dhismayaashu ka fog yihiin oo nadiif ah oo lagu dabaasho, lagu nasto, lagu fekero ama lagu istareexo. In ehelka meytada laga xishoon waayo, lagana horkeeno Dowladda, ma aha talo u adeegeysa danta dadka iyo Dowladda toona. Ma aha in sas la qaadsiiyo agoon iyo rajo waalidkood ku aasan yahay qabuurahaas. Ugu dambeyn, Soomaaliya ma aha Xamar oo keliya. Maxaa qasab ka dhigay in dhul kasta oo Federaalku u baahdo, laga doondoono Xamar gudahihiisa? Maskaxdu ha shaqeyso, shacabkana yaan lagu dhiirran ee ha la xaqdhowro. The post Cabsi horleh oo kasoo korortay ‘dib u faagista’ qabuuraha Iskuul Buluusiya appeared first on Caasimada Online.
  17. Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta yeeshay kulankoodii 2aad ee Kalfadhiga 10aad, waxaana shir Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Dr Maxamed Nur Gacal oo ay ku wehliyeen labadiisa Ku xigeen. AJANDAHA KULANKA: 1. Ansixinta Sharciga Degmeynta Degmooyinka Gadoon, Godinlabe iyo Xeradhagaxley 2. Taageerada dadaalka Nabadda ee Guddiga Xukuumaddu ka wado Deegaanada Cabuudwaaq iyo Xeraale 3. Dhaarinta Wasiirada Cusub ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Galmudug. Ugu horey Kulanka maanta ee Golaha ayaa lagu dhaariyey Wasiirada Gaadiidka iyo Duulista Hawada, ku xigeenkiisa iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug. kadib Golaha ayaa Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyey kuna meel-mariyey Sharciga Degmeynta, Degmooyinka Gadoon, Godinlabe iyo Xeradhagaxley oo kamid noqonaya Degmooyinka Dawlad Gobaleedka Galmudug, kadib markii ay soo buuxiyeen Shuruudihii Degmanimo ayna soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Galmudug. Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gadoon, Godinlabe iyo Xeradhagaxley ayaa Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiillada Galmudug uga mahad-celiyay Ogolaashaha iyo Ansixinta Degmooyinkaas. Kulanka Golaha ee maanta ayaa baaq nabadeed loogu diray beelihii ay dirirtu ku dhex martay deegaanada Cabuudwaaq iyo Xeraale, waxaana Goluhu Magacaabay Guddi Baarlamaan oo kala shaqeeya Xukuumadda Heshiisiinta Beelaha uu dhex maray Dagaalka Sokeeye. Source: goobjoog.com
  18. Beirut (Caasimada Online) – Kooxda Xizbullah ee ka dagaalanta dalka Lubnaan ayaa gantaalo is xigxigay ku garaacday waqooyiga Israa’iil Arbacada, ka dib markii Israa’iil ay duqeyn cirka ah ku dishay taliye sare oo ka tirsan oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan maalin ka hor. Xizbullah ayaa si maalinle ah waxa gantaallo ka gudba xuduudda isku weydaarsanayeen Israa’iil tan iyo markii ay xulafadooda Falastiin ee Xamaas ay weerar ku qaadeen koonfurta Israa’iil 7-dii October, taasi oo dhalisay dagaalka ka socda Gaza. Is-dhaafsiga gantaallada ayaa kordhay toddobaadyadii tegay, ayada oo Xizbullah ay sare u qaaday adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha la socon, si ay u weerarto xarumaha militariga Israel, halka Israa’iil ay ku jawaabtay weerar beegsi oo ka dhan ah kooxda. Xizbullah ayaa sheegtay in ay “tobanaan gantaalaha Katyusha ah” ku garaacday saddex saldhig iyo xero ku taalla waqooyiga Israa’iil. Kooxdan ay Iiraan taageerto ayaa sheegtay inay gantaallo la hagayey ku garaaday “warshad militari” ayada oo “ka jawaabeysa dilka ay fuliyeen cadowga Sahyuuniyadda.” Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in; in ka badan 150 “gantaal” looga soo weeraray koonfurta Lubnaan, kuwaas oo ka koobnaa saddex duqeymo oo xiriir ah. “Waqti yar ka hor, ku dhawaad 90 madfac ayaa la aqoonsaday iyagoo ka soo gudbaya Lubnaan,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay ciidamada Israa’iil, oo intaas ku daray in dhowr laga qabtay hawada, balse kuwa kale ay ku dhaceen gudaha Israa’iil, ayna dhaliyeen dab ka kacay qeybo ka mid ah waqooyiga. Duqeymihii hore ayaa waxaa xigay wareeg labaad oo duqeymo ah oo ka koobaa 70 gantaal, iyo wareeg saddexaad oo ahaa 10 gantaal. Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ayaga oo ka jawaabaya ay beegsadeen goob gantaallada laga soo tuuro oo ku taalla koonfurta Lubnaan, iyo “afar xarumo argagixiso oo horey weerar gantaallo looga soo qaaday waqooyiga Israa’iil. Weeraadan ayaa imanaya kadib markii duqeyn ay fuliyeen ciidamada Israa’iil lagu dilay taliye sare oo ka tirsan Xizbullah Talaadadii. Kooxda Xizbullah ayaa magaca taliyaha ku sheegtay Taleb Sami Abdallah, oo sidoo kale loo yaqaan Abu Taleb, kaasi oo dhashay1969-kii. Waxaa lala dilay saddex saaxiibadiis ahaa oo ka tirsanaa Xizbullah, weerar ay Israa’iil ku qaadday Jouaiyya, oo 15 kilometer u jirta xudduudda, sida ilo-wareedyo ku dhow kooxda ay u sheegeen AFP. Ilo-wareedyo ka tirsan militariga Lubnaan ayaa sheegay in taliyaha uu ahaa “kii ugu muhiimsanaa ee Xizbullah lagu dilo ilaa hadda tan iyo markii uu dagaalka bilowday”. The post Xizbullah oo weerar culus ku qaaday ISRAEL kadib dilka taliye sare appeared first on Caasimada Online.
  19. Oslo (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud reiterated that his government has liberated vast areas from al-Shabab over the last two years, despite the group increasing its attacks on army bases in Galmudug and Hirshabelle States. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed u magacaabay Taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliyeed. Ninkan oo beddelaya Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed, ayaa horey usoo noqday taliye ku-xigeenka hay’adda NISA, ayada oo shaqada laga eryay waqtigii dowladda madaxweyne Farmaajo. Cabdalla Cabdalla ayaa waxaa lagu xasuusta inuu shaqadiisa ku waayay dacwad uu xilligaasi ka gudbiyay Fahad Yaasiin, isaggoo sheegay inuu Fahad la shaqeeyo kooxo argagixisada, uuna cadeymo hayo. Madaxweyne Farmaajo oo markaasi ka carooday dacwadda uu Cabdalla Cabdalla ka gudbiyay Fahad ayaa xilligaasi ka qaaday xilkii iyo weliba darajaddii ciidannimada. Ninkan oo dib u helay darajadiisi ciidamo kadib dib usoo laabashadii madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana haddana loo magacaabay taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka ilaaladda gaarka ah. Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa xajiisay in xilkii laga qaaday, uuna beddelay Jeneraal Cabdalla Cabdalla, iyadoo qoraal ay soo saartay ciwaan uga dhigtay “Xilku waa meerto Difaaca qaranka waa joogto.” “Adeerkeey Gen Abdalla Abdalla Maxamed waxaa leeyahay soo dhawoow, dhaqsana ku soo laabo aan xilka kugu wareejiyee!,” ayey Jeneraal Zakiya ku tiri qoraalka ay ku shaacisay in Cabdalla Cabdalla lagu beddelay. Cabdalla ayaa madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dib ugu soo celiyay dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka 30-kii Ogoosto 2022. The post Ninkii Fahad kusoo oogay dacwaddii uu Farmaajo ka carooday oo xil loo magacaabay appeared first on Caasimada Online.
  21. Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) James Swan ayaa magaalada muqdisho ku yeeashay kulan looga hadlayay horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka kooxda Alshabab, dhimista ATMIS, iyo dib u habeynta ammaanka dalka. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed oo ka warbixiyay horumarka baaxadda leh ee laga gaaray howl-galadda ay ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanku ka wadaan gobollada ddalka, dhanka kalena wuxuu tilmaamay muhiimada ay xiligan leedahay xoojinta taageerada UNSOM. Siihayaha ergayga gaarka ee Qaramada, Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) James Swan ayaa dhankiisa Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadiyay sida naf hurnimada le ee uu uga go’anyahay dagaalka ka dhanka kooxda Alshabaab, si Soomaaliya looga dhigo dal nabad oo xasilloon. Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Soomaaliya dhowaan xubin ka noqatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, islamarkaana ay qeyb ka noqan doonto go’aamo iyo tillaabooyin badan oo nabadyada dunida ku saansan. Source: goobjoog.com
  22. Oslo (Caasimada Online) – Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali Dige oo haatan qayb ka ah wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ee ku sugan magaalada Oslo ee caasimada dalka Norway ayaa usoo jawaabay kooxda Nabad iyo Nolol iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo siyaabo kala duwan uga hadlay xaalada ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya, kadib markii kasoo baxay dowladda. Ugu horeyn agaasime Dige ayaa sharraxaad ka bixiyay baahida keentay in dhulka Iskuul Buluusiya laga saaro maydadka, wuxuuna tilmaamay in laga dhigayo xero ciidan oo loo diyaarinayo ciidanka badda Soomaaliyeed. “Dhulka qabuuraha laga rarayo waa halkii ahaan jirtay Xaruntii Ciidanka Badda Soomaaliyeed, waxayna dowladdu hadda ka hirgalineysaa dhismaha xarun lagu tababaro, dibna loogu hawlgaliyo Ciidankii Badda Soomaaliya, oo hada Qaranku baahi weyn u qabo in ay kaalin tooda ka qaataan difaaca madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalkeenna.” Intaas kadib wuxuu u jawaabay kooxda Nabad iyo Nolol iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuuna sheegay in labadaas dhinac aanay u doodi karin shacabka, isaga oo sheegay inay horay u gaysteen dambiyo waa wayn oo ay ka galeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed. “Siyaasiga kabahooda ku aasay meydka askar Soomaaliyeed oo uu xaqdaro ku laayay islamarkaana qabriyadooda ilaa maanta aysan ehelkoodu aqoon meesha ay ku yaalaan, mayahay qofkii dhihi lahaa “Waxaan aad uga damqanayaa, jirkeyguna la jiriricoonaya. Ma waxaa Xurmada Qabuuraha ka hadli kara siyaasiga askari Soomaaliyeed oo nool gacanta u galiyey cadawga maanta baddeena doonaya?” ayuu qoraalkiisa ku yiri agaasimaha Dige. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Siyaasiga baddii uu muranka geliyay la soo celiyay miyaa garan kara muhiimadda ay Qaranka u leedahay dhismaha xarunta ciidamada badda Soomaaliyeed?”. Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ah agaasimihii hore ee warfaafinta madaxtooyada, haatana afhayeen u ah Farmaajo ayaa isaga oo ka hadlay xiisadda qabuuraha Iskuul Buluusiya sheegay in dowladda hadda jirta lagu wareejiyay iyada oo la dhowray dhammaan dhulalka danta guud ee ku yaalla magaalada Muqdisho, hadana ay ku kacday dhul boob. “Ummadda Soomaaliyeed way ka dheregsan yihiin labada madaxweyne, midka ay caadada u tahay musuqmaasuq, wayna xusuustaan in Maxadweyne Farmaajo wareejiyey dhulkii danta guud iyada oo la dhawray iyo Madaxweynaha hadda xilka haya oo isaga oo aan sannad joogin xafiiska dhaxal wareejiyey inta badan dhulkii danta guud” ayuu yiri. Dhankiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu horay uga yiri arrintan “Aaminaadda waa cunsurka ugu wayn ee shacabka iyo dowladda u dhexeeya, haddii la waayana aysanba dowladnimadu shaqayn karin. Wiilka uu dhalay AUN Cabdi Muruudi Dheere (AJAKIS) markii uu maydka aabihii la baxay, waxaa lagu qasbay in uu beeniyo in dowladdu ay ku amartay arrinkaas oo ay dhulka doonaysay, laakiin taa bedelkeeda uu iskiis ula baxay. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Maadaama ay ogyihiin in la aaminaynin, ayey madaxdii dawlada iska soo hormariyeen culimo si loo aamino. Waa arrin laga xumaado in culimadu ay noqoto marin wax lagu xalaalaysto”. The post Villa Somalia oo u jawaabtay kooxda N&N iyo CC Shakuur appeared first on Caasimada Online.
  23. Hargeisa,(Qaran news)-Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Somaliland kana mid ah aqoonyahanada reer Somaliland oo ka soo jeeda gobolka Gabiilay oo aad looga qadariyo ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Xaflad soo dhawayn ah oo ay maanta xisbiga Waddani u sameeyeen Dr Maxamed Cabdillaahi ayuu ku sheegay in uu garab taaganyahay musharaxa xisbiga Waddani oo uu sheegay in uu maanta Somaliland ka saari karo dhibka haysta. Waxa uu yidhi waxa aan maanta si rasmi ah ugu soo biiray xisbiga rajada Somaliland ee Waddani. Waxana aan dhisyaa Dr Cabdiraxmaan Cirro Qaran News