Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Talaadadii ku heshiiyey in dib loo cusboonaysiiyo iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal, kaddib wadahadallo laba sano socday. Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Faransiiska, waxay saxiixeen heshiis ku saabsan “dib u habeynta heshiiska difaaca oo ay ku mideysan yihiin Faransiiska iyo Jabuuti. Heshiiskan oo lagu saxiixay madaxtooyada Fransiiska ayaa ah mid quseeya qabakii loo maareeyn lahaa 1,500 oo askari oo Faransiis ah oo fadhigoodu yahay dalka yar ku yaal bariga Afrika. Heshiiskan ma aha mid cusub ee waa heshiis ay labada dowladood dhowr mar oo hore dib u soo cusbooneysiiyay. Heshiiska difaaca ayaa markii ugu horreysay la saxiixay 1977-kii markaasoo Jabuuti ay xorriyadda ka qaadatay Faransiiska , waxaana dib loo cusbooneysiiyay 2011-kii. Dalku waxa uu ku yaalaa meel ka soo u dhaw dalka Yemen, una dhow badda cas, halkaas oo qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga caalamiga ah ee Aasiya iyo Galbeedka uu mara. Ciidamada Faransiiska ayaa dhawaan xiray saldhigyo ciidan oo ku yaala Mali iyo Niger ka dib afgambiyo militari oo ka dhacay labada dal, laakiin marnaba ma dhicin su’aal ah inay ka tanaasulaan Jabuuti, oo ah saldhigga ugu weyn ee Faransiiska ee dibadda. Maxay tahay faa’idada Jabuuti ugu jirta heshiiskan? Aadan Cumar Cabdillaahi, Agaasimaha Machadka Daraasaadka Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda ee Jabuuti ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid labada dal-ba ay dan ku qabaan. Waxaa uu xusay in Faransiiska uu u arko ciidamada Jabuuti ka jooga kuwa muhiimad gaar ah ugu fadhiya. “Heshiiskan waa heshiis ay dan ku qabaan labada dal-ba, Faransiiska waxaa Jabuuti ka jooga 1,500 oo askari xarun militari ayuu ku lahaa 47 sano ee la soo dhaafay ee ay Jabuuti xorriyadda ahyad, danta Faransiiska waxaa weeye ragga halkan kaa jooga sharciga ay ku joogayaan muxuu yahay, sharcigaas ayayna ku dadaalayaan”, ayuu yiri Mr Aadan. Aadan Cumar Cabdillaahi, ayaa dhanka kale sheegay in Jabuuti ay heshiiskan ka faa’ideyso in la sugo amniga badda cas iyo guud ahaan ammaanka gobolka. Waxaa uu xusay in saldhigyada militari ee ay Jabuuti ku leeyihiin dalalka kala duwan ay dan ugu jirto guud ahaan amniga gobolka iyo badda cas. “Jabuuti waxa ugu jiro waxaa weeye labo faa’ido ayaa ugu jirta tan ugu horeysa waa in ragaasi ay ka qeyb galaan amniga guud ee Jabuuti, badda cas iyo geeska Afrika, ” ayuu intaa ku daray. Agaasimaha Machadka Daraasaadka Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda ee Jabuuti Aadan Cumar Cabdillaahi, ayaa sidoo kale qaba in saldhigyada ay Jabuuti ku leeyihiin dalalka shisheeye ay Jabuuti u soo jiideyso maalgashi caalami ah. “Jabuuti ma ah dal sidaasi loo garanayo aduunyada waa dal yar oo dhaqaalo yar, dadkiisu ay yaryihiin mar jabuti tan waxay siinaysaa way muujinaysaa Jabuuti si ay u hesho maalgalino ajnabi ah iyo si ay u sii sugto jiritaankeeda” ayuu yiri. Heshiiskan iskaashiga militari ee Jabuuti iyo Faransiiska ayaa ku soo begmaya xilli dhawaan ay dalalka Soomaliya iyo Turkiga ay ka saxixdeen heshiis iskaashi militari. Dalalka kale ee saldhigayada ku leh Jabuuti Dalka Jabuuti oo ah dal yar oo xasilooni ay ka jirto Islamarkana ku yaalla gobol ay daganaashiyo la’aan ka jiro ayaa waxaa saldhigyo militari ku leh dalal kala duwan. Jabuuti waxa ay martigelisaa saldhigga milatari ee ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Afrika, Camp Lemonnier, kaas oo ay ku nool yihiin in ka badan 4,000 oo shaqaale ah oo badankood ay askar yihiin. Shiinaha ayaa 1-dii Ogosto ee sannadkii 2017-kii si rasmi ah u furay saldhig miltari oo uu ku leeyahay dalka Jabuuti, kaas oo ah kii ugu horreeyay uu dalkaasi ka dhiso dibedda. Shiinaha ayaa billaabay dhismaha saldhigan sanadkii 2016-kii. Kharasha ahaan wuxuu Shiinaha sheegay in dhismaha xaruntan ay ka baxday lacag dhan 590 million oo doolar. Tiro ahaan militariga ku sugan ayaa lagu sheegay inay yihiin kun ilaa laba kun oo askri. Dalka Japan ayaa dhankooda ku soo biiray loolanka saldhig ee Jabuuti waxaan saldhig yar ay ka fureen dalka Jabuuti. Ma jiro dal kale oo Afrika ku yaalla oo ay saldhigyo intaa dhan ku leeyihiin dalal shisheeye o qaarkood siyaasad ahaan iyo istaraatijayad ahaan is diidan. bbcsomali Qaran News
  2. Magaalada Paris waxaa maanta si rasmi ah uga furmaya ciyaaraha caalamiga ee Olompikada Caalamka taas oo si weyn looga dareemayo dariiqyada magaalada. Xaflada ka dhacday Madxafka Louvre. Madaxeyne Makron waxaa uu marti galiyey wafuuda iyo guddiga olympicada caalamiga ah isaga oo xusay in ciyaarahu yihiin waxyaalaha soo afjara kala qaybsanaanta bulshada u dhexeysa. Ciyaaryahanno kala duwan oo meteli doona noocyada kala duwan ee tartanka, ayaa isgu yimi magaaladan. Waxa sida oo kale maalmihii u danbeeyey buux dhaafiyey Paris, dad dalxiisayaal iyo daawadayaal ka kooban, kuwaas oo raba in ay markhaati ka ahaadaan tartankan Caalamiga ah. Ciidammo kala duwan ayaana daaddan waddooyinka Magaalada Paris kuwaas oo isku deyeya in ay sugaan amniga kumannaanka qof ee isu yimi. Qaran News
  3. Journalist and head of Dawan TV, Alinur Salaad, was detained by regional police in Mogadishu on 22 July on charges of false reporting and insulting the armed forces. Salaad was taken to court on 23 July and remanded in custody for 45-days while investigations are undertaken and potential charges prepared. Source: Hiiraan Online
  4. PARIS: French President Emmanuel Macron and his Djibouti counterpart Ismail Omar Guelleh agreed Wednesday to renew the defense partnership between the two countries, following two years of negotiations. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) - The International Federation of Journalists (IFJ) and the National Union of Somali Journalists (NUSOJ) have condemned the arrest of journalist and head of Dawan TV, Alinur Salaad, in Mogadishu on July 22. Source: Hiiraan Online
  6. Doha: Minister of State for International Cooperation at the Ministry of Foreign Affairs H E Lolwah bint Rashid Al Khater, met yesterday, with State Minister for Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia H E Ali Mohamed Omar, who is on a visit to the country. Source: Hiiraan Online
  7. BAKU, Azerbaijan, July 25. Azerbaijan and Somalia discussed energy partnership prospects, Trend reports. Source: Hiiraan Online
  8. In the second episode of Chasing Gold Olympics 2024, hosts Mike Hove and Muqbil Yabarow are joined by Sam Sasu, a football coach who talks about African teams that are playing at the soccer Olympics, among them Morocco which won their opening game 1-0 against Argentina. Source: Hiiraan Online
  9. Maraykanka ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo Shiinuhu in ay ku soo dhowaadeen xuduudda hawada sare ee Maraykanka gaar ahaan agagaarka xeebaha gobolka Alaska. Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa u sheegay saxaafadda in wararka sheegaya in diyaaradaha Ruushka iyo Shiinaha ee lagu arkay meelo u dhow xeebaha Maraykanku inaanay ahayn wax lala yaabo, isla markaana aanay haatan jirin khatar degdeg ah oo ay ku hayaan amniga Maraykanka. Xoghayaha ayaa sheegay inay leeyihiin awood ciidan oo ku filan oo ay ku ilaalin karaan ammaanka Maraykanka, isaga oo intaas ku daray inay si dhow ula socdeen diyaaradahan, isla markaana ay ka hortageen ciidamada Maraykanku, taas oo muujinaysa in ciidamada Maraykanku ay heegan ku jireen. Waxa uu sheegay in haddii diyaaradaha Shiinaha iyo Ruushku ay mustaqbalka dhow sameeyaan duulimaadyo kuwan la mid ah, in ciidamada Maraykanku ay diyaar u yihiin. Taliska difaaca hawada sare ee Maraykanka ee qaabilsan dhinaca woqooyi ayaa Arbacadii la wadaagay masuuliyiinta Maraykanka, inuu jiro dhaqdhaqaaq ay wadaan diyaaradaha Ruushka iyo Shiinuhu. PUNTLAND POST The post Diyaaradaha dagaalka Ruushka iyo Shiinaha oo galay Soohdinta Hawada sare ee Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  10. Washington (Caasimada Online) – Maraykanka ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo Shiinuhu inay ku soo dhowaadeen xuduudda hawada sare ee Maraykanka gaar ahaan agagaarka xeebaha gobolka Alaska. Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa u sheegay saxaafadda in wararka sheegaya in diyaaradaha Ruushka iyo Shiinaha ee lagu arkay meelo u dhow xeebaha Maraykanku in aanay ahayn wax lala yaabo, islamarkaana aanay haatan jirin khatar deg-deg ah oo ay ku hayaan amniga Maraykanka. Xoghayaha ayaa sheegay inay leeyihiin awood ciidan oo ku filan oo ay ku ilaalin karaan ammaanka Maraykanka. Waxa uuna intaas ku daray inay si dhow ula socdeen diyaaradahan, islamarkaana ay ka hortageen ciidamada Maraykanku, taas oo muujinaysa in ciidamada Maraykanku ay heegan ku jireen. Waxa uu sheegay in haddii diyaaradaha Shiinaha iyo Ruushku ay mustaqbalka dhow sameeyaan duulimaadyo kuwan la mid ah, in ciidamada Maraykanku ay diyaar u yihiin. Taliska difaaca hawada sare ee Maraykanka ee qaabilsan dhinaca woqooyi ayaa Arbacadii la wadaagay masuuliyiinta Maraykanka, inuu jiro dhaqdhaqaaq ay wadaan diyaaradaha Ruushka iyo Shiinuhu. Taliska difaaca hawada sare ayaa sheegay inay dabagal ku sameeyeen labada diyaaradood, kuwaas oo ku soo xadgudbay aagga aqoonsiga difaaca hawada ee Maraykanka ee ADIZ. The post Diyaaradaha dagaalka Ruushka oo lagu arkay xuduudda Mareykanka – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
  11. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xasan ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay sidii loo joojin lahaa daawooyinka aan lahayn nidaamka iyo habraacyada sharci ee ay wasaaraddu ugu talagashay qaabka ka ganacsiga adeegyada daawooyinka. Wasiirka ayaa yiri “haddii Waddo qaldan dalka lagu soo geliyo daawo qaldan waxaan ku qasbanahay in aan wax ka qabanno halista ay wajahayaan dadkeenna”,wuxuuna intaa raaciyay in ganacsiga dawooyinka ay noqdaan kuwo waafaqsan sharciyada dalka. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cafimaadka mudane Maxamed Xasan waxa uu ku baaqay in laga waantoobo iibka daawooyinka aan tayada laheyn,kuwa dhacay iyo maandoooriyaasha . Dhinaca kale wasiirka ayaa xusay in lagu baxay dowlad ahaan cudur la sheegay in uu ka dillaacay Gobolka Shabeellada Dhexe,kaas oo loo yaqaanno cudurka Gowracatada. Wasiirka ayaa sheegay in cudurkaasi ay illaa hadda u dhinteen laba ruux,halka laga daaweynayo 21 qof,waxaana calaamooyinkiisa uu ku tilmaamay dhuun xiran ,neef qabatoow iyo tabaryari. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo mamnuucaysa dawooyinka loo isticmaalo Maandooriyaha appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – La-Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud ayaa shaaciyay sida keliya ee ciidanka Itoobiya uga sii mid ahaan karaan howl-galka Midowga Afrika, oo gudaha Soomaaliya ay xilligaan ku joogaan. Xuseen ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ay dalka kusii joogi karaan, ayada oo xukuumadda Abiy Axmed ka laabato xad-gudubka ay kula kacday Soomaaliya, taas oo ka dhigan “ka laabashada is-afgaradkii badda ee Somaliland.” La-taliyaha amniga qaranka oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa waxa uu si cad u sheegay in ciidanka Itoobiya ay Soomaaliya sii joogi karin inta ay weli dowladda Itoobiya ku taagan taha heshiiskaasi, oo si weyn uga carootay dowladda federaalka Soomaaliya. “Inta is-afgaradka xaaranta ahaa ay dowladda Itoobiya ku taagan tahay qeyb kama noqoneyso ciidanka Afrikaanka ah ee howl-galka gali doono,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin. “Laakiin go’aankaas wuxuu isku beddeli karaa inay ka noqdaan howshaas. Howsha ka noqoshadeeda iyo dadaalkeeda waa howl socota oo dowladda Turkiga ay dhex-dhexaadinteeda wado, haddii lagu guuleysto inta uusan waqtiga naga dhamaan fursad ayay u heli doonaan in ay nabad ilaaliyaal noqdaan.” Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’aankan si rasmi ah ugu wargelisay dhinacyada ay khuseyso ee Itoobiya, ayna weli furan tahay xal ka gaarista arrintaas. “Inta ay khuseyso rasmi ahaan waa ogyihiin, laakiin waqti howshaas lagu xaliyo ayaa weli furan,” ayuu yiri Xuseen Macalin oo sheegay in weli ay Itoobiya haysato fursad ay uga mid noqon karto howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si weyn usii kala fogaaday kadib heshiiskii 1-da Janaayo ee sanadkaan ay magaalada Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo madaxweyne Muuse Biixi, kaasi oo Itoobiya loogu saxiixayo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, midaasi oo ganafka ku dhufatay dowladda dhexe, maadaama uu xad-gudub ku yahay madax-banaanida iyo midnimada dalka. The post Villa Somalia oo shaacisay sida keliya ee ciidanka Itoobiya ku joogi karaan dalka appeared first on Caasimada Online.
  13. 452679057_506573681845929_8231327085162864446_n Qaran News
  14. Prime Minister Abiy Ahmed (PhD) has officially launched the 5 Million Ethiopian Coders Initiative at the Science Museum, aligning with the national Digital Ethiopia 2025 strategy to bridge the digital skills gap.p The initiative is designed to provide digital technology training to five million citizens. By 2026, the program aims to equip these individuals with foundational skills in Web Programming, Android Development, Data Science, and Artificial Intelligence, according to the Office of the Prime Minister. During the launch ceremony, Prime Minister Abiy emphasized the nation’s hope in its forward-thinking youth population. “The 5 Million Ethiopian Coders Initiative we launch today is a great opportunity,” he highlighted. The Prime Minister urged everyone to encourage the youth to register for the program, gain skills, and acquire international certification. He entrusted them with the mission of creating a movement to produce five million Ethiopian coders within the next three years. He also expressed gratitude to the government of the United Arab Emirates for their partnership in this project. “My greatest gratitude goes to the government of the United Arab Emirates for their partnership in this large-scale capacity-building project,” PM Abiy remarked. Furthermore, the Prime Minister stated that these five million coders will not only create innovative local solutions but also become a beacon of hope for the continent. The 5 Million Ethiopian Coders Initiative is a collaborative effort between Ethiopia and the United Arab Emirates, aimed at training five million citizens in digital technology, artificial intelligence, and related digitization skills. Addisinsight Qaran News
  15. Dawladda Djibouti ayaa Markii labaad Cusboonaysiisay Heshiiskii Difaaca ee kala dhexeeyay Wadanka Faransiiska ee Gumaysan jirtay wixii horreeyay gobanimada wadankaasi. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ku sugan Paris, ayaa ku heshiiyey Maanta in dib loo cusboonaysiiyo iskaashiga difaaca ee labada dal, ka dib wadahadalo socday laba sano. Heshiiska la cusboonaysiiyay ayaa dhigaya in ay Djibouti sii joogaan 1,500 oo ka mid ah Askarta Militeriga Faransiiska oo fadhigoodu yahay Djibouti. Heshiiskan difaaca ee la cusboonaysiiyay ayaa markii ugu horreysay la saxeexay 1977-kii markii Djibouti ay xoriyadda heshay, waxaana dib loo cusbooneysiiyay 2011, waana markii labaad ee la cusboonaysiiyo. Source
  16. Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa ka taageeraysa Wadanka Itoobiya Sidii uu xubin uga noqon lahaa Ururka Ganacsiga Aduunka. Ethiopia Waxa ay bilawday Ololaheeda ka Mid noqoshada Ururkaasi, Imaaraadka carabtuna waxay u balan qaadeen ka mid noqoshadeeda. 164 wadan ayaa hada ururkaasi xubno ka ah. Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu ku dhaliilay Xasan Sheekh oo ka aamusay doorashooyinka ka socda Puntland, maalmihii lasoo dhaafay Puntland waxaa ka dhacay doorashooyinka golaha deegaanka oo hanaan qof iyo cod ah loo qabtay. Fahad Yaasiin ayaa su’aal ka keenay sababta Xasan Sheekh oo ku celcelinaya in doorasho qof iyo cod ah uu qabanayo uu uga aamusan yahay doorashooyinka ka socda Puntland oo hanaan qof iyo cod ah ku socda. Hoos ka akhriso qoraalka uu Fahad Yaasiin ku dhaliilay Xasan Sheekh: Madaxweyne Xasan Sheekh, laba sanadood iyo dheeraad oo uu xukunka joogo wuxuu meel walba iyo goor walba la taagan yahay dalka waxaan ka hirgalinayaa doorasho qof iyo cod ah. Shacabka iyo maamulka Puntland waxay qabsadeen doorasho qof iyo cod ah, haddana, Madaxweynaha dalka waa u quuri la’yahay reer Puntland hambalyo iyo boogaadin inuu hawada u mariyo. Waxaan rabaa doorasho qof iyo cod ah inay dalka oo dhan ka qabsoonto, haddana Puntland uma ogoli, haday qabsadaanna kuma boogaadinayo oo waan ka aamusayaa! Madaxweynaha Jamhuuriyadda waa inuu is waafajiyo hankiisa iyo hadafkiisa. The post Fahad Yaasiin oo Xasan Sheekh u jeediyey eedeyn yaab leh oo Puntland ku saabsan appeared first on Caasimada Online.
  18. Iinta la xaqiijiyay 41 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku geeriyooday doon ay saarnaayeen 45 ruux oo ku degtay xeebaha dalka Yemen, waxaana ka badbaaday 4 qof oo kaliya, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR. Hay’adda ayaa dhacdadan ku dhawaaqday Khamiistii, iyadoo sheegtay in doonidu ay habeen hore ku rogmatay meel ka baxsan xeebta gobolka Taiz ee Yemen, taasoo ay sabab u noqdeen dabaylo xooggan iyo culeys xad dhaaf ah oo saarnaa dusheeda. Tani waxay muujinaysaa safarrada halista ah ee u dhexeeya Yemen iyo Afrika,” ayay hay’addu ku sheegtay hadal ay soo saartay oo lagu baahiyay barta X ee horay loo oran jiray twitter, waxayna intaa ku dartay inay la shaqaynayso Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) iyo la-hawlgalayaasheeda si ay u caawiyaan dadka ka badbaaday dhacdadan xanuunka badan. Marin-biyoodyada u dhexeeya Yemen iyo Geeska Afrika ayaa noqday waddo ay ka wada siman yihiin qaxoontiga iyo tahriibayaasha u kala safra labada dhinac, waxayna dadka jidkaas ku socdaalaahi u badanyihiin kuwo geeska Afrika ka tagaya gaar ahaan Eritrea, Itoobiya, iyo Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somalilanad ayaa digniin u diray dowladda Turkiga oo qorsheyneysa inay Markab u soo diraan xeebaha Soomaaliya, kaas oo ilaalinaya sidoo kale sahmin shidaal ka samey doona badda Soomaaliya, sida ku cad heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. Heshiiska ay ka carootay Somaliland ayaa dabo-socday is-afgaradkii Somaliland iyo Itoobiya ay galeen bilowgii sanadkaan, kaas oo qeyb ka mid ah badda Soomaaliya loogu saxiixay Itoobiya. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo wareysi siiyay BBC ayaa ka hadlay qorshaha Turkiga ee Soomaaliya ayaa yiri, “Dowladda iyo Shacabka Somaliland raali kama ahan dhaqdhaqaaqa Turkiga ee Soomaaliya.” Wasiirka ayaa uga digay Turkiga in badda Somaliland ay soo galaan, “Talaabo ayaan qaadi doonaa hadii Turkigu ku soo xadgudbo badeena, hadhow ma yeeli doono Soomaaliya ayaa na qaladay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shuruucda caalamiga ah ay la tiigsa doonaan Dowladda Turkiga, hadii aysan ka waantoobin dibindaabyada Somaliland ee dowladda federaalka ay kala shaqeyneyso, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale Wasiirka ayaa ka hadlay weerar kooxda Xuutiyiintu ay ku qaadeen markab Soomaaliya u rarnaa oo dib ugu noqday Dekeda Berbera. “Anagu waxaan ku dadaalnay oo ku guuleysanay in badeena amnigeeda aan sugno, khatar badan hadda ma jirto waxaana rajeynaa in dhibaato aysan ka dhici doonin biyaha Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Kaahin. Somaliland ayaa u muuqata inay cabsi badan ka muujineyso maraakiib ay dowladda Turkiga u soo direyso badda Soomaaliya, qeybaha ugu daran ee Itoobiya ay ka ilaali doonaan waa badda Somaliland, maadaama qeyb kamid ah loo saxiixay Turkiga. The post Somaliland oo digniin adag u dirtay Turkiga kadib qorshe culus oo soo kordhay appeared first on Caasimada Online.
  20. Magaalada Muqdisho, gobollada kale ee dalka, iyo meelo kale oo dunida kqmida ah waxaa socata tacsida caalimkii weynaa ee Shiikh Cismaan Shiikh Cumar Shiikh Daa’uud Culusow ” Shiikh Cismaan Xiddig” oo billowgii todobaadkan dhintay. Geerida Shiikha ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madaxda dalka ugu sarraysa, bahda waxbarashada, culumo awdiinka, Suugaanyahannada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee dalka iyo daafaha adduunka ku kala nool. Dadka qaar ayaa dhambaallada tiiraanyo leh ku cabbiray dhimashada shiikha iyo milgihii uu dadweynaha Soomaaliyeed ku dhex lahaa, waxaana kamid ah Abwaan Maxamuud Cali Aadan “Hoorri” oo maqaalkan hoos ku xusay ka qoray Sooyaalkii Shiikha iyo saameynta ay geeridiisu bulshada ku yeelatay. “Faaraxow galgaladkaan dhigiyo gama’ la’aantayda Gogoshaan ku jiifsaday hurdada goodkii igu yaacay Gasiinkii la ii dhigay waxaan gawska uga daayey Geeridii Xirsay sheegayeen gacal ha waayeene Abidkii rag waa go’i jiree tani se waa gaw e.”, Cali Jaamac Haabiil. Cali waxa uu gabaygan marshay mar loo soo sheegay geerida nin magac ku lahaa bahdiisa iyo agtiisaba. Isaga oo sheegaya wanaaggii, foolaadnimadii, deeqdii, dunwanaaggii, gobanimadii, dulqaadkii, iyo dadnimadiisii wanaagsanayd ayuu mariyay gabay dheer oo si weyn looga yaqaan dhammaan geyiga Soomaaliyeed. Tuducyadan aan soo sheegnayna waxa ay ka mid yihiin gabaygaas oo laguna garan og yahay: “Lix hal oo u wada gaar ahaa gocanayaa mooyi”. Basharku waa geeri-u-joog, Soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa; “Haddii geeri ku dayso, gabow baan ku daynayn”. Dhimashadii iyo geeridii ku timid caalinkii weynaa, caabidkii baarriga ahaa, foolaadkii mar-la-aragga ahaa, hormuudkii filkii ka tilmaannaa, maqaddimkii qiimiga weynaa, waracii xalaalmiiradka ahaa, macallinkii ka suntanaa culimada Soomaaliyeed iyo kuwa Geeska Afrikaba—geeridani, waxa ay ahayd mid gilgishay dhammaan shacabweynaha kala duwan ee Soomaaliyeed meel ay joogaanba. Madaxda qaranka Soomaaliyeed oo idil ayaa dhanbaallo tacsi ah ka bixiyay, aqoonyahanka kala duwan ayaa iyana si weyn uga tacsiyeeyay, ardayda iyo xerta ku fooggan barashada diinta Islaanka ayaa iyana muujiyey murugo iyo baroordiiq dhulka ruxday. Sidoo kale, geeridani waxa ay noqotay mid ay ka falceliyeen dhammaan hay’adaha iyo xarumaha qaabbilsan arrimaha diinta Islaamka iyo owqaafta sida; golaha culumada dalka Ciraag, majliska culumada dalka Itoobiya, golaha culumada dalka Jabuuti, gola-weynaha caalamka Islaamka, iyo qaar kaloo ka mid ururrada qaabbilsan faafinta dacwada ee diinta Islaamka. Sheekh Cismaan-Xiddig waxa uu xijaabtey 20kii Julaay 2024, isaga oo ku allaystay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Sheekhu waxa uu ahaa macallin ku caanbaxay faafinta diinta Islaanka, fidinta shareecada, baahinta aragtida dhexdhexaadka ah ( الفكر الوسطي أو الفكر المعتدل) iyo yaraynta karaahiyada iyo fikirka gurracan ee xagjirka ah (الفكر المتطرف). Waxa, Alle ha u naxariistee, darka Sheekha arday aad iyo aad u fara badan, waxa ku canqartay ardaaga Sheekha dhallinyaro kala duwan, waxa ka hirqaday durdurka Sheekha boqollaal culimo ah—barasho iyo barbaaridba waxa uu u ahaa astaan lagu soo hirto oo loo la soo irkado meselooyinka diinteenna xaniifka ah; Eebbe-Weyne ha u naxariisto, gokiisana ha ka yeelo beer ka mid ah beeraha jannadee. Sheekh Cismaan-Xiddig waxa uu ka tagay maraxdiimeed, mahadho fac weyn iyo dhaxaldiimeed oo lagu xusuusan doono. Waxa uu allifay ama uu qoray kutub tayadoodu sarrayso, leh dux, dhadhan, dhosoq iyo mullaax aad u qiimo badan. Kutubtiisu, waa mid gaartay dhammaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed, weliba iyadoo u tallowday daafaha caalamka iyo waddamada deriska gaar ahaan kuwa Afrika. Haddii aan soo koobo, way badan yihiine, inta ugu caansan ama shaacbaxay ee waxsoosaarka Sheekha waxaa ka mid ah: المقاصد السنية في أحوال الأولياء وتراجم أعلام السادة الصوفية يقع في4 مجلدات ضخمة التيجان المكلله شرح النصائح المرسلة إقناع المؤمنين بتبرك الصالحين منية اللبيب في التبرك بآثار الحبيب بغية الأريب في التوسل بأسماء الحبيب المنهل في أدلة التوسل التحفة في نشر محاسن البرد اللآلي السنية في مشروعية مولد خير البرية التبيين في أدلة التلقين المنح الوهبية في ذم القبلية والعصبية المنتخب شرح أوراد مرحب التوضيح شرح أذكار التسبيح أنيس الجليس في ترجمة سيد أحمد بن إدريس الرسالة البهية في مشروعية التلفظ بالنية البرهان في جواز الذكر بلفظ هو للملك الديان ديوان القصائد والمدائح النبوية إرشاد الطالب إلى أحكام الشارب تنبيه الأكياس على مساوي الوسواس النصائح المرسلة إلى طلاب العلم لله والآخرة خلاصة النقول والأبحاث في تحرير مجموع الطلقات الثلاث Xogaha qaarkood ayaa tilmaamaya in ay jiraan kutub kale oo aan weli la daabicin ama aan loo gudbin dad weynaha iyo bahweynta xerta Soomaaliyeed. Sheekhu waxa uu ahaa nin aad u kasmo badan, leh garasho iyo gudasho sarraysa, waxa uu ahaa naasix waaya-arag ah, qareen iyo caroog bulsho, kuna hubaysan aqoon iyo xeeldheeri mug leh. Sheekh Cismaan-Xsdig, uu ahaa barbaariye gardaadshay kumanyaal culimo ah iyo dhallinyaro Soomaaliyeed oo harada cilmigiisa ka durduurtay. Sheekh Cismaan-Xiddig, sida aan ilo ku dhowdhow ka soo xigannay, waxa uu muddooyinkii u danbeeyay ee noloshiisa la daalaadhacaayay xanuun daran oo cunaha ka warjeefay—se waa ammuur Alle oo meeshii Alle wax ka wada dameeraaba weylo ka dhalee, Sheekhu xanuunkaas daran oo Kansar ahaa waxa uu kaga caafimaaday ama uu ugu yaraan u la noolaa intiiba muddo ah wardiga Ilaahay iyo salliga Suubbanaheenna (SCW). Mar uu Sheekhu ka hadlayey xuska dhalashada Nebiga (SCW) ayuu ku tilmaamay in tahay arrin mudnaanteeda leh muunaynta ku dheehan darteed. Waxa uu intaas ku daray in ay tahay arrin xanbaarsan weynayn iyo ixtiraam heer sare ah. Weliba waxa uu si qotadheer u tilmaamay in xuska mawliidku yahay mid ku suntan farxad iyo baraare, raynrayn iyo damaashaad; wacyigelin iyo baraarujin; nasasho iyo tamashlayn lagu majeerto carruuraha iyo dhallinyarada kala duwan. قال سَيّدى الشَيخُ عُثمَان حِدِغ الصومالي الأشعري الإدريسي: )اسْتَحسَنَ بَعضُ العُلَمَاء فِيمَا مَضَى وَفَي زَمَانِنَا أنْ يَكُون يَوم المَولِد الشَريف يَوم عُطلة فَلَا يدرسونَ فِيه الدُرُوسَ، وَيرشدُونَ الطَلَبة إلى حُضُورِ مَحَافِل المَولِد وَيَحُثُونَـهم على ذَلِك، وَكَذلِك مُعَلِّمُوا القُرآن الكَريم يُرسِلُون الصِبيَان إلى مَنَازِلهم لِيَشتَرِكُوا مَع أهْلِهِم الفَرَح وَالسُرُور بِعِيدِ المَولِدِ النَبَوِيّ( Sidoo kale, markuu Sheekhu bidhaaminayay foolxumada jahliga iyo halaagga uu u geysto basharka, ayuu iftiimiyey in dhibkuba yahay aqoon darro ka jirta dhanka barashada, fahanka iyo dhuuxidda diinta Islaamka—ereyo kooban oo laga dhegaysto cajilo duuban, muxaadarooyin kooban oo lagu kadsoomo, hanafsi yar oo mareegaha laga bowsado, fadwo golakafuul ah oo ka maran dhiraan-dhirin iyo sugid ayaa sababay jaahwareer iyo jidbo aan dabar lahayn. يَقُولُ سَيّدى الشَيخ عُثمَان حِدِغ الشافعي الأشعري الإدريسي الصومالي فِيْ كتابه “التِيجَانِ المكللة/ِ٣٠٨ (فَأيّ جَهْلٍ أشْنَعُ مِنْ جَهْلِ إنَسَاْنٍ لَمْ يَعرِفْ مِنَ الدِيْنِ إلّاْ كَلِمَاْتٍ سَمِعَهَاْ مِنَ المُحَاْضرَاتٍ وَالخُطَبِ أوْ مِنَ الأشْرِطَةِ وَالتلْفِزيوْنَاتِ وَمَواقِعِ الإنْتَرنَتْ ثُمّ يَدّعِيْ الإجْتِهَادَ وَيُفْتِيْ إرتِجَالاً بِرَأيِهِ عَنِ المَسَائِلِ الدَقِيْقَةِ الَتِيْ لَوْ سُئِلَ عَنْهَاْ الإمَامُ النَوَوِيّ وَأمْثَاُلُهُ رَحِمَهُمُ اللهُ لَم يُبَادِرُواُ إلَىْ جَوَابـِهَاْ بَلْ أجَالُواْ النَظَرَ وَالفِكْرْ أيّاماً أوْ أشْهُراً فِيْ جَوَابِـهَاْ). Sheekh Cismaan-Xiddig waxa ahaa shakhsi fiiro dheer oo indheergarad ah, aragti fog oo buunni ku ah lurbixinta arrimaha iyo xaaladaha bulshadiisa la soo gudboonaada. Waxa kale oo iyadana mudan in la muujiyo, dadkana loo tebiyo qaabka quruxda badan ee uu fahansaa in bulshada lagu ilaaliyo seeraha danaha qaranka iyo jiritaankeeda sooyaal. Waa hubaal inuu si mug leh oo dhidban u sheegay caqiidada suubban iyo mad-habka ummaddani kaga soocan tahay ummadaha kale ee qaafilka ah ama baadiyoobay. يقول سيدي الشيخ عثمان حدغ حفظه الله في كتابه [المنح الوهبية] : (َقَدْ كَاْنَتْ هَذِهِ الْأُمَةِ [الصومالية] كُلّهَاْ مُسْلِمَةٌ مِائة فِيْ المِائَةِ، وَكَاْنَتِ الْعَقِيْدَةُ الْأشْعَرِيّة هِيَ الْعَقِيْدَةُ الوَحِيْدَةُ لَهَاْ، وَمَذْهَبُ الْإمَاْم الْشَاْفِعِيّ مَذْهَبهَاْ، وَكَاْنَتِ الْقِرَاْءَةُ عَلَى قِرَاْءَةِ أبِيْ عَمَرو بن العَلَاْءِ البَصْرِيّ) Intaas ka dib, maansadin, waa baroordiiq iyo duco aan Ilaahay ku tuugayo, waa durraan iyo isbihinbihin aan ku muujinayo tabaryarida iyo xanuunk geeridu leedahay, gaar ahaan, tan ku timaadda culumada iyo dadka indhaha u ah bulshada inteeda kale.Ereydan waxa aan si dgedeg ugu curiyey safar ku jooga magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag 22kii Julaay 2024kiic dhawr cisho ka dib geeridii Sheekheennii caabidka ahaa, xurmadle, Sheekh Cismaan-Xiddig (AHUN): Alraxmaan bismillaahi Alwahaab alraxiimow Alcasiis alwakiilow Alqudduus alfataaxow Aljabbaar alxakiimow Alnaciim alqadiirow Alqafuur alqafaarow Albasiir alcaliimow Albadiic almatiinow Alwudduud almujiibow Ilaahii qudraddiisiyo Awooddiisu sarraysiyo Amarkiisu ahaadayow Adigaa xaq u yeeshay In addoonku ahaado Axad kaa amarqaata Ku adkaada salaadda Oofiyoo xajka booqda Ooga oo saka dhiiba. Ilaahii mulkigiisiyo Awooddiisu sarraysiyo Amarkiisu ahaadayow Adigaa xaq u yeeshay In adduunkan la joogo Amarkaagu ku baahay Ku abuuray makhluuqa Ku ekeeyey sinnaantiyo Inaanuu dhan u iilan. Ilaahii nasrigiisiyo Awooddiisu sarraysiyo Amarkiisu ahaadayow Adigaa xaq u yeeshay Arladaa waxa yaalliyo Wixii uurka ku nooliyo Intii uubba ku aasan Iyagoo u hooggaansan Aayaadkaaga ilhaamkiyo Waxyigaaga yaqiinsan. Ilaahii raxmaddiisiyo Awooddiisu sarraysiyo Amarkiisu ahaadayow Adigaa xaq u yeeshay Inaan maanta ku tuugo Anigoo arrad muujay Anigoo ka afaystay Wixii oon la cunaayay: Anigoo ka fogaaday Ardaagii la ag joogay Anigoo arki waayey Wixii oog la shidaayay. Anigoo socon waayay Ililii dadku jeexday Anigoo garan waayay Ubbadii i ag taallay. Ilaahow aqbalkaagiyo Ajiibtaan sugayaaye Addoonkaaga Allaystay Ka ayaan ka ayaan buu Axkaam noo meerinayee Dhallaankii ababsheeyee Anqarshoo wax baree Ilaahow jannadaadiyo Alfardows ku arsaaq. Ilaahow aqbalkaagiyo Ajiibtaan sugayaaye Addoonkaaga Allaystay Ka ayaan ka ayaan buu Udgoonow Nebigaaga (SCW) Siiradiisa anuuggiyo Asalkeedu wacnaa Aslayoo afnaqaayee Ilaahow jannadaadiyo Alfardows ku arsaaq. Ilaahow aqbalkaagiyo Ajiibtaan sugayaaye Addoonkaaga Allaystay Ka ayaan ka ayaan buu Dadka oo la islaaxshiyo Colaaddoo la afmeeriyo Nabaddoo la asteeyiyo Ummaddoo isku ood ah Isku meelna ujeedda Heshiisoo anbaqaadda Cimrigiis ku afneeyee Ilaahow jannadaadiyo Alfardows ku arsaaq. Alraxmaan bismillaahi Alwahaab alraxiimow Alcasiis alwakiilow Alqudduus alfataaxow Aljabbaar alxakiimow Alnaciim alqadiirow Alqafuur alqafaarow Albasiir alcaliimow Albadiic almatiinow Alwudduud almujiibow Weligaagan allaystay Caabid weeye addoon ah Waa ilayska Islaankiyo Waa amiirka axbaabtiyo Waa cimlaaqa akhlaaqdiyo Waa hormuudka abyoone Axaadiista Rasuulkiyo (SCW) Tafsiirkuu afka saariyo Werdiguu akhrinaayiyo Irsiguu ka xijaabtiyo Acmaashuu ku gaboobey Ilaahow alkumoow Adduun baa waxba oolle Aakhiraa na sugaysee Marka iilka la seexsho Ilaahow jannadaadiyo Alfardows ku arsaaq”. W/Q: Abwaan Maxamuud Cali Aadan ” Hoorri”. Source: goobjoog.com
  21. Dr Beyle: “The civil war affected freedom of movement among people. Hargeisa was a booming capital city.” Hargeisa (PP News Desk) — The former Somali Federal Finance Minister Dr Abdirahman Beyle told SAAB TV that the Laascaanood conflict has had a severe impact on the local economy. “I have been in Hargeisa for more than a year. The economic crisis is a fact. The civil war affected freedom of movement among people. Hargeisa was a booming capital city,” said Dr. Beyle. He said that he was hopeful about economic recovery after the presidential elections. “Only the war causes an economic crisis of this magnitude. After the election, investor confidence will return,” added Beyle. A clip of the SAAB TV interview with Dr Beyle in Somali. Ali Seenyo, the SAAB TV interviewer, shared anecdotal evidence with Beyle, who agreed with the interviewer. “An owner of a private hospital told me that before the Laascaanood conflict, the hospital doctors examined 77-80 outpatients every day, but now, almost a year after the conflict, the hospital doctors examine 22 outpatients,” said Ali Seenyo. Dr Beyle owns Al Jabal Hotel in Jigjiga Yar neighbourhood in Hargeisa. In February 2023, the Vice President of Somaliland Administration, Abdirahman Sayli’i, inaugurated Al Jabal Hotel, owned by Dr. Beyle, in the Jigjiga Yar neighbourhood in Hargeisa. © Puntland Post, 2024 The post Former Somalia Federal Finance Minister Links Laascaanood Conflict to Economic Crisis in Hargeisa appeared first on Puntland Post.
  22. Nairobi (Caasimada Online) – Burburkii dowladdii dhexe ee dalka, dadka Soomaaliyeed waxay waayeen waxkasta oo ku tiirsanaa dowladnimada sida sumacadii, aqoonsigii dibloomaasiyada iyo xurmadii ummadnimo ee dadyowga dunidu u hayeen. Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay waxay meesha ka saareen maqaamkii iyo mansabkii uu lahaa qof xil hayey waxkastana waxay u ekaadeen jaantaa rogan iyo in qofkastaa naftiisa la baxsado. Madaxdii dowladdii kacaanka ee xukunkeedu burburay waxay darrajo ahaan la mid noqdeen intoodii badnayd dadkii shacabka ahaa ee ka cararay colaadda iyagoo qoysaskoodii ula firxaday dalalka dunida iyo kuwa dariska la ah Soomaaliya. Qaar iyaga ka mid ahaa madaxdii dowladaas ayaa dalal ay saaxiib la ahaayeen ka lehay deganaansho siyaasaddeed iyo magangalyo bini’aaddanimo. Dadka xilkii iyo xasaanadiii ay lahaayeen aysan dalalkii qurbaha ee ay tageen waxba ugu goyn waxaa ka mida guddoomiyihii ururada shaqaalaha Soomaliyeed oo isaga iyo saaxiibadiis badani ay degganaansho ka heleen dalka Maraykanka. Wasiirkii waardiyaha noqday Dhammaadkii sagaashamaadkii, isaga oo ku maqan aqoon kororsi waxbarasho oo ku joogay dalka Maraykanka ayaa dalku galay xaalad fowdo ah iyo dagaalo sokeeye ah. Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, wuxuu ka mid ahaa masuuliyiin ka tirsanaa dowladdii Kacaanka ee uu hogaaminayey Jeneral Maxamed Siyaad Barre kuwaas oo waxbarashada heerka labaad u aaday jaamacad ku taalla dalka Maraykanka. Isagoo ku guda jira waxbarashadiisa Jamacadeed, qorshihiisu yahay inuu dib ugu soo laabto Soomaaliya ayuu qarxay dagaalkii sokeeyee ee dalka bilowgii sagaashameyadii Wuxuuna ka dib ku nagaaday Maraykanka isagoo xoogga saaray sida uu BBC-da u sheegay inuu shaqo helo si qoyskiisii oo Soomaaliya ku sugnaa uu wax u taro. “Waxaan bilaabay inaan shaqo raadsado, arjigaygii ayaan u kala diraa tobbanaan meelood oo an shaqooyinka ka codsanayey, warqadahayga codsiga waxaan ku qoraa dhammaan waxaan xilal soo qabtay, aqoontayda iyo waayo aragnimadayda, muddo sanad ah ayaan dirayey codsiga cidna iima soo jawaabin” ayuu yiri Gaashaan. Wuxuu sheegay in markii muddadaas uu waayey wax jawaaba oo laga siiyo dalabkii shaqo doonka in maalin danbe uu nin Ajnabi ah oo madax ka ahaa meelo uu shaqo doontay uu tusiyey CV-giisa balse uu kala kulmay jawaab la yaab lahayd. “Ninkii intuu saa u eegay warqadahaygii codsiga shaqada ayuu igu yiri qofna leh aqoontaan iyo waayo-aragnimadan, mushaarkiisu waa 80 kun oo dollar aniguna ma hayno xitaa anigu ma qaato, wuxuu intaa ii raaciyey waxaa tahay “Over Qualified” ayuu intaas raaciyey. Gaashaan, wuxuu sheegay in maalintaas k adib uu beddelay nidaamkii uu u dalbanyey shaqooyinka oo uu ka dhigay inuu kaliya bowsaday luuqada Ingiriiska oo uu meesha ka saaray xilalkii, aqoonti iiyo waayo-aragnimadiiba. Wuxuu tilmaamay in codsigii danbe shaqada ku codsaday uu ahaa mid ku siman xoogsi ka dina uu helay jawaab uga timi laba shirkadood oo dalab shaqo uu u dirsaday. Waxaa markan soo aqbashay xarun laga dukaamaysto oo doonaysay qof ka mid noqda waardiyaasha xaruntaas. “Waxay igu yiraahdeen waardiyaan ku haynaaye ee ma qaadanaysaa, haa ayaan ugu jawaabay waana qaatay, imtixaan yar ka dib waxaa ka iii qaatay shaqadii, waxaa lay xiray shaati cad iyo surweel madow, waxaana lay dhiibay raadyaha lagu xiriiro ee hallow hallowga la yiraahdo” ayuu yiri Maxamed Faarax. Wuxuu sheegay in isagu ku faraxsanaa shaqadiisa balse u maalin isagoo ku sugan halkii uu waardiyaha ka ahaa ay isha ku dhufatay gabar taqaanay bargii uu wasiirka ka ahaa dowladdii kacaanka “Alla ba’ayeey ma wasiirkayagii baa sidan alle u galay ayey tiri gabdhii ayuu yiri Gashaan. “Waan u yeeray ka dibna waxaa u sheegay inaan shaqadayda raali ku ahay oo anigu dalbaday ee ay iska tag oo adeegato ”ayuu BBC-da u sheegay Maxamed Faarax. Wuxuu intaa raaciyey inuu shaqadaas waardiyanimo ku shaqanayey muddo halsano ah. Arrinta la yaabka leh ayaa ah in wali wasiir hore Maxamed Faarax, uu wali hayo surweelkii uu shaqada waardiyaha ku bilaabay oo gurigiisa yaalla sida uu BBC-da u sheegay Xilalkii uu ka soo qabtay dowladdii kacaanka Maxamed Faarax Ciise oo loo yaqaan Gaashaan , wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii dugsiyada sare ee Talyaanigu maamulayey ka baxay intii ay jirtay dowladdii rayidka ahayd basle ku indha qaaday dowladdii kacaanka ee militarigu hogaaminayey oo sanadkii 1969-kii afgambiga ku qabsaday dalka Sida uu BBC-da u sheegey Gaashaan, wuxuu ka mid ahaa dhalinyaro si xamaasad leh u soo dhaweysay ciidamada markii ay xukunka la wareegeen. “Caleemo qoyan ayaan ku soo dhaweynay kacaanka bilowgiiba, waayo waxaa iska jirtay waxyaabo loo tirinayey dowladdii rayidka ahayd” ayuu yiri Gaashaan. Bilowgiiiba toddobaataneeyadii Maxamed Faarax, wuxuu sheegay inuu ka mid ahaa dadkii la oran jiray kaadiriinta ee ku biiray ololayaashiii kacaanka ee hanuuninta. Sanadkii 1977-dii, shirweynihii ururada shaqaalaha ayaa Gaashaan, loo doortay guddoomiyaha guddiga kormeerka iyo baarista ee ururka shaqaalaha Qaraka. “Waxyaabaha an ka faa’iiday muddadaas an xilkaa hayey waxay ahayd inaan tagay dhammaan 192 degmo ee Soomaaliya” ayuu yiri Gaashaan. Sanadkii 1984-tii, Maxamed Faaax Ciise, wuxuu ka mid noqday wasiiradii dowladdii kacaanka ee xiligaas la magacaabay isagoo noqday wasiir xigeenka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya xilkaas oo uu hayey sanad iyo dheeraad. Wuxuu sheegay in sidoo kale muddaas sanada uu ahaa kusimaha wasiirka markii wasiirkii wasaaradda dib loogu yeerey golaha sare sare ee kacaanka Xilligaas uu wasiir xigeenka ka ahaa wasaaraddda Caafimaad waxaa wasaaradda wasiir ka ahaa allaha u raxmadee Jeneral Cabdalle Maxamed Faadil. Kadibna waxaa loo wareejiyey wasaaradda Maaliyada ee Soomaaliya isagoo noqday wasiir xigeenka wasaaradda muddo laba sano ahaa markaas oo wasaaaradda maaliyada Soomaaliya uu wasiir xilligaas ka ahaa Cabdulaahi Caddow. Bilowgii siddeetamadkii ayuu sidoo kale noqday wasiir xigeenka wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada xiligaas oo wasaaraddaas uu wasiir ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan. Isagoo safar shaqo ku jooga Talyaaniga ayaa isku shaandayn lagu sameeyey golihii wasiirada ayaa xilka looga qaaday. Shirweynihii shaqaalaha, dhamaadki 1985-tii ayaa Maxamed Faarax Ciise loogu doortay guddoomiyahii ururada shaqaalaha xilkaas oo uu haye yilaa burburkii dalka. Maxamed Faarax Ciise, waxa kale oo uu soo noqday xildhibaan golihii shacabka xilligii dowladii militarga sideetameeyadii. Intii dalka Soomaaliya ku jiray dibu dhiska wuxuu Gaashaan wasiiru dowle ka noqday xukuumadii Puntland ee uu madaxeynaha ka ahaa Cabdirixmaan Faroole. Isha: BBC The post Wasiirkii SOOMAALIGA ahaa ee waardiyaha ka noqday MAREYKANKA appeared first on Caasimada Online.
  23. 452582737_1263072061366853_7469950526573675848_n Qaran News