Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Puntland State President Said Abdullahi Deni took seriously the appeal of Puntland State Police Commissioner Brigadier General Mumin Abdi Shire, who brought to the government’s attention the state of the prison service in Puntland. Garowe (PP Comment) — The arrest of senior officers of the Puntland Military Court for releasing men suspected of piracy is unprecedented in the 26-year history of the first multi-regional, pro-union administration in Somalia. There was a concern in Puntland that piracy cells could might be plotting to resume kidnapping ships. The other important aspect of the swift action by Puntland law enforcement agencies against the suspects is that President Said Abdullahi Deni took seriously the appeal of Puntland State Police Commissioner Brigadier General Mumin Abdi Shire, who brought to the government’s attention the state of the prison service in Puntland after men sentenced to jail had been released to commit crimes again. If a convicted person who doesn’t serve a sentence is released without a presidential pardon, it is clear that lawlessness prevails. The crisis in the justice system of Puntland State (both civil and military) has its roots in the contradictions that emerged after the establishment of a hybrid, traditional-modern system of government, where customary law is deemed to complement the constitution of Puntland and the laws enacted by the Puntland State Government. That is partly why decentralisation has yet to take effect in Puntland despite a commitment to advocating and implementing a federal system throughout the Federal Republic of Somalia. The rift between the Puntland State Police and the Puntland Security Force accentuates the challenges the new administration faces. General Shire accused the PSF of targeting the Puntland State Police officers. Since the PSF is a legitimate but semi-independent security apparatus, it is unclear if the work of the police is being usurped by PSF operatives or if the rift pertains to an earlier conflict between the Puntland Presidency and the PSF leadership. In 2021, when the PSF and Puntland State Government forces clashed in Bosaaso, many people lost their lives over what could have been addressed through negotiations. Successive Puntland State Governments have been content with the status of the PSF as a force within and outside the Puntland system. That is how the PSF came into existence in 2002 as the Puntland Intelligence Service (PIS), long before Al-Shabaab and other transnational militant outfits emerged in Somalia. The hybrid political system does not only limit the constitutional powers of the Puntland State President but also undermines good governance and the administration of justice, leading to the decay of Puntland State institutions. It has already outlived its usefulness. © Puntland Post, 2024 The post Puntland State of Somalia Enforces Accountability in the Military Court appeared first on Puntland Post.
  2. Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dowladda Sacuudiga mudane Towfiiq Binu Fowsaan. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac, in xujeyda Soomaaliyeed ay helaan adeeg aad u sarreeya. Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali oo uu wehliyo Madaxa xafiiska Arrimaha xajka Wasaaradda Awqaafta Dr Khadar Xaaji Daahir ayaa wasiirka Xajka Sacuudiga la wadaagay in dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay in la kordhiyo tirada xujeyda Soomaaliyeed oo hadda ah kaliya 11 kun iyo shan boqol taas oo ka dhigan in sacuudigu u aqoonsan yahay bulshada Soomaaliyeed in ay tahay 12 Malyan. “Waxaan u sheegay Wasiirka in bulshada Soomaaliyeed ay ka Badan tahay intaas balse aan Tira koob lagu sameyn waqt dhow, tusaalena waxaa noogu filan markii ugu dambeysay ee tirakoob lagu sameeyo bulshada Soomaaliyeed qoyska reer Roobow waxaa uu ahaa 12 ruux maantana boqol ayuu kor u dhaafay” ayuu yiri Wasiir Mukhtaar. Wasiirka Xajka iyo Cumrada dowladda Sacuudiga ayaa dowladda Soomaaliyeed ku amaanay dadaalka ay ku bixisay hagaajinta xajka isagoo ballan qaaday in ay kala shaqeyn doonto sidii loo sii hor Mari lahaa. Source: goobjoog.com
  3. Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa ka hortimid go’aankii ay shalay soo saartay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada, kaas oo lagu amartay shirkadaha isgaarsiinta in ay joojiyaan dhisidda taawarrada inta laga hubinayo waxyeello ay u geysan karaan degaanka iyo bulshada. Warqad ka soo baxday wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa lagu sheegay in shaqada isgaarsiinta ay leedahay wasaarada warfaafinta iyo isgaarsiinta, sidaas darteed khataraha deegaan iyo caafimaad ee ka iman kara qalabka iyo shaqooyinka isgaarsiinta ay kawada xaajoonayaan wasaaradda, shirkadaha isgaarsiinta iyo cidda khatartaas dareemaysa ama ka cabanaysa. PUNTLAND POST The post Puntland: Wasiirka warfaafinta oo ka horyimid go’aankii wasiirka deegaanka appeared first on Puntland Post.
  4. Afar macalin oo Mareykan ah oo wax ka dhiga jaamacad yar oo ku taal Magaalada jilin ee bariga Shiinaha ayaa tooray lagu weeraray sida ay warinayso warbaahinta dalka maraykanku, waxaana jira dhaawacyo soo gaaray. Mid kamida ehelada dhibanayaasha ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in walaalkii uu ka mid ahaa dadka waxyeeladu gaartay, kuwaas oo dhamaantood ka tirsanaa Koleejka Cornell. “Walaalkey David Zabner ayaa ka dhaawacmay gacanta intii lagu jiray weerar mindi ah oo lagu soo qaaday isagoo booqanaya macbad ku yaal magaalada Jilin ee Shiinaha,” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray in Kooxdu ay booqanayeen macbad ku yaal Beishan Park markii uu nin mindi ku weeraray. Muuqaal laga soo duubay dad dhulka jiifa oo ku jira beer lagu nasto oo wada dhiigaya ayaa ku wareegayay baraha bulshada gaar ahaan X, inkastoo aysan jirin wax calaamad ah oo sawirada lagu arkay baraha bulshada ee Shiinaha. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadan oo ka soo baxay mas’uuliyiinta Shiinaha ama warbixinnada laga helay warbaahinta Shiinaha, lamana oga sababta weerarkan ka dambaysa. Source: goobjoog.com
  5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Oslo, Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre. Madaxweynaha ayaa Boqortooyada Norway uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo sida Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay uga go’an tahay ka lib keenidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo xaqiijinta xasiloonida dalka iyo tan gobolka. Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha ka mahad celiyay taageerada dhinacyada kala duwan ee Norway u fidineyso Soomaaliya, taas oo kaalin weyn ka qaadaneysa dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre ayaa bogaadiyay horumarka ay DFS sameyneyso, waxaana uu ballanqaadey in dalkiisu sii wadi doono iskaashiga iyo taageerada Soomaaliya. Soomaaliya iyo Norway ayaa waxaa la dhexeeya xiriir wanaagsan oo qoto dheer, iyadoo socdaalka Madaxweynaha uu haatan ku tegay Norway uu muujinayo sida labada dal ay uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda iyo Iskaashiga ka dhexeeya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Norway ku jooga booqasho shaqo oo saddex maalmood ah. Source: goobjoog.com
  6. Oslo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Oslo, Ra’iisul wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre. Madaxweynaha ayaa Boqortooyada Norway uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo sida dowladda federaalka ee Soomaaliya ay uga go’an tahay ka lib keenidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo xaqiijinta xasiloonida dalka iyo tan gobolka. Waxaa sidoo kale uu madaxweynuhu ka mahad-celiyay taageerada dhinacyada kala duwan ee Norway u fidineyso Soomaaliya, taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre ayaa bogaadiyay horumarka ay DFS sameyneyso, waxaana uu ballan-qaaday in dalkiisu sii wadi doono iskaashiga iyo taageerada Soomaaliya. Soomaaliya iyo Norway ayaa waxaa la dhexeeya xiriir wanaagsan oo qoto dheer, iyadoo socdaalka Madaxweynaha uu haatan ku tegay Norway uu muujinayo sida labada dal ay uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda iyo Iskaashiga ka dhexeeya. Madaxweyne Xasan Sheekh oo Norway ku jooga booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah, ayaa sidoo kale waxa uu qasriga boqortooyada Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus. Safarkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay dalka Norway tan iyo markii dib loo doortay ee 15-kii May 2022, wallow uu safaro kala duwan ku tagay qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub. The post Xasan oo ballan-qaad muhiim ah ka helay Norway kadib kulan ka dhacay Oslo appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Laba madaxweyne oo hore ayuu durba toos ula xiriiray Ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan. Labada nin ee mar wada shaqeeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa waayahan dambe siyaasad ahaan isku aragti ka ahaa inay qaldan tahay jihada uu dalka u wado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Markii QM si kumeel-gaar ah usoo magacawday Danjire James Swan waxaa durba bilaabatay dood ku saabsan in caalamka dareensan yahay culeyska kasoo socda Soomaaliya, halkaas oo aan haatan isku aragti laga aheyn qadiyaddaha waaweyn sida; dastuurka, haykalka dowladnimada iyo hanaanka doorashooyinka soo aadan. Xafiiska QM ee Soomaaliya wuxuu sheegay in Danjire Swan uu kala hadlay Farmaajo iyo Sheekh Shariif xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka iyo sidii loogu midoobi lahaa mudnaanta. Laakiin marka indhaha siyaasadda lagu eego xiriiradan waa inay saddex arrimood kugu soo dhacaan. 1. Waqtiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu dhawaan iyada oo la diidan yahay uu meel-mariyay afar cutub oo kamid ah dastuurka, haddana waxa uu durba u dhaqaaqay dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sharciga doorashooyinka. Waa ogyahay madaxweyne Xasan in qodobbada uu hadda u socdo inay yihiin kuwo buuq badan oo aan ka dhib yareyn dastuurka, mucaaradkuna waa kasii digeen. Inuu xilligaan Ergeyga QM raadiyo madaxdii hore ee dalka waxay muujineysa in beesha caalamka si dhab ah u qaadatay digniinaha laga bixinayo xukunka madaxweyne Xasan Sheekh iyo halista ka dhalan karta haddii aan laga heshiinin arrimaha waaweyn ee masiiriga. 2. James Swan Part 2 Kal hore Danjire James Swan wuxuu si dhow ula shaqeeyay mucaaradkii Farmaajo, illaa uu nidaamkaasi la gaaray in cadaadis caalami ah lagu saaro inay kasoo laabtan dariiqi ay ku socdeen, madaxweyne Farmaajo laga wareejiyo maamulkii doorashada dalka. Hadda waxaa muuqata bilaabashada isjiid-jiid kale oo uu isla James Swan garwadeyn ka yahay. 3. Guda-galka marxaladdii mucaaradnimada Sida ay sheegayaan wararka aan ka haleyno dhanka mucaaradka, xubnaha banaan jooga ah ee mucaaradka Soomaaliya ayaa damacsan inay toos ugu wareegaan gudaha dalka wixii ka dambeeya bisha July ee sanadkaan. Xiriirada nuucaan ah waxay hordhac u yihiin muujinta in madaxweyne Xasan Sheekh ay kusoo food leeyihiin mowjado mucaarad ah oo waaweyn. The post Saddex arrin oo xasaasi ah ka ogow wada-hadallada Farmaajo, Shariif iyo James Swan appeared first on Caasimada Online.
  8. Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in difaacyadooda cirka ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil koonfurta Lubnaan Isniintii, milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyey khasaaraha diyaaradda laga soo riday. Xisbullah ayaa ku dhawaaqday in ay duqeysay diyaarad nooceedu yahay Hermes 900, oo ahayd sahanka militariga Israa’iil. Tani waxay ka dhigan tahay ugu yaraan diyaaradii saddexaad oo ay Xisbullah soo riddo. Milatariga Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in diyaaradahooda dagaalku ay duqeeyeen laba dhismo oo milatari oo ay leeyihiin Xisbullah iyo fadhiisin ay ka sameysteen deegaanada Aitaruun iyo Ayta ash Shab ee koonfurta Lubnaan. Source
  9. Dhusamareb (HOL) - Somali army forces have displayed ten bodies of al-Shabab militants killed in a recent foiled terror attack in the El-dher district of the Galgadud region. Source: Hiiraan Online
  10. Diyaarad milateri oo uu la socday madaxweyne ku xigeenkii Malawi Saulos Klaus Chilima ayaan la ogayn meel ay jaan iyo cidhib dhigtay, ka dib markii ay lumisay xidhiidhkii ay la lahayd isgaadhsiinta goobaha laga hago duulimaadyada ee dalka Malawi, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay dawladda dalkaas. Diyaaradda ayaa duushay barqonimadii wakhtiga dalka Malawi, waxaana duulimaadkaas la socday madaxweyne ku xigeenka iyo sagaal xubnood oo kale. Diyaaradda ayaa ka duushay caasimadda dalka Malawi ee Lilongwe, hase ahaatee waxay ku guuldaraysatay inay ku degto garoonka caalamiga ah ee Mzuzu oo qiyaastii 370Km woqooyi ka xiga caasimadda dalkaas. Dawladda Malawi ayaa sheegtay in dhammaan dedaaladii ay sameeyeen saraakiisha hay’adda duulista hawadu, inay ku guuldaraysteen inay helaan xidhiidhka diyaaradda. Madaxweynaha dalka Malawi ayaa baajiyey safar uu dhowaan ku tegi lahaa dalka Bahamas oo uu booqasho rasmi ah ku tegi lahaa, waxana uu ku baaqay gurmad degdeg ah oo lagu baadigoobayo diyaaradda. Source
  11. Mogadishu (HOL) - The Somali federal government has restarted development projects in Puntland State after political tensions between the two sides affected several ongoing projects in Somalia. Source: Hiiraan Online
  12. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar uu ku taageerayo hindise xabbad-joojin ah oo uu Maraykanku soo jeediyay, kaas oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka siddeedda bilood ay Israa’iil ku hayso marinka Qasa. 14 dal oo kamid ah 15-ka xubnood ee golaha ayaa qaraarka oggolaaday, halka Ruushku uu ka aamusay, taasoo ka dhigan in cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay. hindisahan oo uu horey ugu dhawaaqay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dhigaya xabbad-joojin lix toddobaad ah oo bilowga ah iyo in qaar ka mid ah maxaabiista Israa’iil ee lagu hayo Qaza iyo kuwa Falastiiniyiintaah ee ku xiran xabsiyada Israa’iil lays dhaafsado. Ka dibna waxaa loo gudbi doonaa wajiga labaad ee xabbad-joojinta oo noqon doona mid joogto ah iyo sii daynta maxaabiista dhammaan maxaabiista sida qaraarka ku cad. Wajiga saddexaad ayaa asna noqan doona dadaal dib-u-dhis loogu samaynayo Marinka Qaza kaabayaasha iyo deegaanka sida xun u burburay, si nolosha bulshada dib loogu qaabeeyo. Mareykanka ayaa sheegay in Israa’iil ay aqbashay soo jeedintaasi, balse qaar ka mid ah hoggaanka maamulka tele Aviv ayaa ku adkaysanaya in ay sii wadi doonaan dagaalka illaa meesha ka saarto Xamaas oo ah kooxda Falastiiniyiinta ee maamusha Qaza. Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay ku dhowaaqday go’aan ay muddo ka meer-meeraysay shaacintiisa, kaasi oo lagu dalbanayo in deg deg qabuuraha Iskuul Buluusiya looga saaro meydadka ku aasan. Masuuliyiinta dowladda ayaa sheegay in muddo 10 cisho ah meydadka looga saaro qabuuraha Iskuul Buluusiya, iyagoo cadeeyey in dhulkaas la deji doono ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya, midaasi oo fajaciso ku noqotay dad badan, xilli ay horey u beenisay arrinkaan. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo tallaabadan ay dowladda qaaday ku tilmaamay mid luminaysa aaminaadda shacabka iyo dowladda u dhaxeeya, ayaa si weyn ugu weeraray madaxda dowladda arrinkaan, oo uu sheegay inay meesha ka saareyso is-aaminaaddii. “Aaminaadda waa cunsurka ugu wayn ee shacabka iyo dowladda u dhexeeya, haddii la waayana aysanba dowladnimadu shaqayn karin,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Xildhibaanka ayaa soo qaatay dhacdaddii bil kahor ay dowladda ku qasabtay wiilka uu dhalay AUN Ajakis inuu beeniyo in amarka dowladda uu ku baxshay maydka aabihii. “Waxay madaxda dowladda maanta caddeeyeen in aan qowlkooda la aaminaynin, lana aami doonin. Waxa keli keli ah ee u haray ayaa ah in ay maalin kasta raadiyaan cid ay kaarkooda xoqdaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Aaminaadda waa cunsurka ugu wayn ee shacabka iyo dowladda u dhexeeya, haddii la waayana aysanba dowladnimadu shaqayn karin. Wiilka uu dhalay AUN Cabdi Muruudi Dheere (AJAKIS) markii uu maydka aabihii la baxay, waxaa lagu qasbay in uu beeniyo in dowladdu ay ku amartay arrinkaas oo ay dhulka doonaysay, laakiin taa bedelkeeda uu iskiis ula baxay. Maadaama ay ogyihiin in la aaminaynin, ayey madaxdii dawlada iska soo hormariyeen culimo si loo aamino. Waa arrin laga xumaado in culimadu ay noqoto marin wax lagu xalaalaysto. Waxay madaxda dowladda maanta caddeeyeen in aan qowlkooda la aaminaynin, lana aami doonin. Waxa keli keli ah ee u haray ayaa ah in ay maalin kasta raadiyaan cid ay kaarkooda xoqdaan. Waxay joogaan halkii uu Suubanaheennu (NNKH) ka yiri; “Haddii aadan sariig lahayn, waxaa doonto fal”. The post Dowladda Xasan Sheekh oo ku kacday arrin fajaciso noqotay oo si weyn loogu weeraray appeared first on Caasimada Online.
  14. Hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta ayaa sii socon doona ilaa laga helayo diyaaraddii la la’yahay ee uu la socday madaxweyne ku xigeenka Malawi, Saulos Klaus Chilima, sida uu sheegay madaxweynaha dalkaasi. Chilima, oo 51 jir ah, ayaa la socday diyaarad militari oo ay la socdeen sagaal qof oo kale oo ka soo ambabaxday Lilongwe, caasimadda, 09:17 subaxnimo Xafiiska Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada Malawi ayaa bayaan hore ku sheegay. Waxa ay sheegtay in dadaallo ay sameeyeen maamulka duulista oo ku saabsanaa in xiriir lala sameeyo diyaaradda tan iyo markii ay ka baxday raadaarka uu fashilmay. Diyaaradda ayaa lagu waday inay ku degto garoonka Mzuzu 10:02 subaxnimo. Diyaaradda waxaa u suurtageli weyday inay ku degto garoonka, sababo la xiriira cimilo xumo, waxaana lagu amray inay dib ugu laabato caasimadda, ayuu madaxweyne Lazarus Chakwera ku sheegay khudbad uu telefiishanka kula hadlay shacabka. “Waxaan hayaa rajo kasta oo ah inaan heli doonno kuwa badbaaday, Waxaan amar adag ku bixiyay in howlgalka uu sii socdo ilaa laga helayo diyaaradda” ayuu yiri madaxweynaha Malawi. Wuxuu sheegay in Malawi ay la xiriirtay dalalka deriska la ah, iyo Mareykanka, Britain, Norway iyo maamulka Israel si ay gacan uga geystaan gurmadka. Source: goobjoog.com
  15. Ra,iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax jaamac ayaa war kasoo saaray dagaal beeleedyada khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay gobolka Galgaduud gaar ahaan inta u dhaxeysa Xeraale iyo Caabudwaaq. Mudane Saalax ayaa Marka hore waxa uu tacsi u diray dadkii ku dhintay shaqaaqada ka dhacday woqooyiga gobolka Galguduud, waxaana uu Ilaahay u ga baryayay in uu caafimaad siiyo intii ku dhaawacantay. Waxaa uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay aad u ga xuntahay colaadda u dhexeysa dadka ehelka iyo oodwadaagga ah, waxaana uu odayaasha, dhaqanka, waxgaradka, iyo culumada diinta ee guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, iyo si gaar ah kuwa labada deegaan, u gu baaqday in ay dadaalkooda isu gu geeyaan deminta colaaddaas. “Annaga oo ka damqaneyna dhibka dhacay waxa aan maanta guddoomiyey shir ay isu gu yimaadeen mas’uuliyiinta labada gole ee ka soo jeeda labadan deegaan, kaas oo aan u ga arrinsannay sidii loo demin lahaa colaadda.Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa si wadajir ah intii uu shirku socday u la hadlay hoggaanka dhaqanka, dadka deegaanka, iyo waxgaradka labada dhinac oo dhankooda soo dhoweeyey in nabad la gu dhammeeyo colaaddaas”. Waxaa uu intaasi kusii daray “U gu dambeyn, waxa aan mar kale u gu baaqeynaa odayaasha, dhaqanka, waxgaradka, iyo culumada diinta, iyo dadka taladu ka go’do ee bulshadan walaalaha ah in si shuruud la’aan ah colaaddan loo joojiyo, waxa na aan madaxda iyo maamulka Galmudug ku dhiirragelinaynaa dadaalka la gu joojinayo dhibkan iyo in xal waara oo loo aayo la ga gaadho shaqaaqadan.” Source: goobjoog.com
  16. A violent clash over the weekend between two clans in central Somalia has killed at least 55 people and injured another 155, residents and medical officials said on Monday. Source: Hiiraan Online
  17. Respiratory diseases affect the health of millions people in Kenya. Cooking with biomass like firewood is a big part of the problem. And government data shows a growing number of Kenyans are doing it. Affordable “clean” cooking options are too expensive for many. (AP Video by Desmond Tiro) Source: Hiiraan Online
  18. US intelligence has learned of discussions between Houthis in Yemen to provide weapons to the Somali militant group al-Shabaab, in what three American officials described to CNN as a worrying development that threatens to further destabilize an already violent region. Source: Hiiraan Online
  19. Asho Ahmed Nur, 37, is the only woman driving a tuk-tuk taxi in Burao city in Somaliland. Although this has offered her a living, it has also presented unique challenges for her as it is known to be men’s work. Source: Hiiraan Online
  20. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/Ceelafweynmudaharaad.mp4 Qaran News
  21. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/448026620_310970942065000_7380803314573942659_n.mp4 Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Buuqa ka dhashay qorshahay ay xukuumadda federaalka ah ku dooneyso inay ciidanka Itoobiya uga saarto dalka ayaa weli taagan. Labada hoggaamiye ee Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, Cabdicasiis Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay si buuxda markii hore u aqbaleen qorshaha xukuumadda ee bixitaanka ciidamada, balse ay isbeddeleen markii ay deegaanadooda ku laabteen. Shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran waxaa la xasuusto in hal maalin la siiyay sharaxaad amni oo ay soo diyaariyeen xafiiska la-taliyaha amniga qaranka iyo wasaaradda gaashaandhiga. Qeyb kamid ah sharaxaadaas waxay ka hadleysay bixitaanka ATMIS iyo sida ay dowladda damacsan tahay in loo maareeyo deegaanada ay ka baxayaan ciidanka, gaar ahaan deegaanada ay ka baxayaan kuwa Itoobiyaanka. La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya oo wareysi bixiyay ayaa sheegay inay labadaasi maamul wax ka gaareen go’aanka ayna aqbaleen sida loo qorsheeyay fulinta bixitaanka ciidanka Midowga Afrika. Dowladda federaalka waxay sheegtay in aanu qorshuhu aheyn in goobaha ay baneyn doonaan ATMIS inay la wareegto argagixisada, balse taas beddelkeeda uu socdo qorshe kale oo lagu geynayo ciidamo kale oo ka socda Midowga Afrika. Midda gaarka la iskugu hayo oo ah Itoobiyaanka wuxuu La-taliyaha amniga ee madaxweyne Xasan Sheekh ku adkeystay inay Itoobiyaanka ka baxayaan dalka wixii ka dambeeya 31 December ee sanadkaan, oo aanay dalka sharci iyo sharci darro midna kusii joogi doonin. Hal shardi ayaa jira oo Itoobiyaanka qeyb kaga ahaan karaan ciidanka cusub ee kasii howl-gali doona Soomaaliya, kaasina waa inay ka laabtaan heshiiska ay la galeen Somaliland ee la xiriira arrimaha badda. In Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa heshiiska lagu bixinayo ciidanka shisheeye inay dib iska beddelaan waxaa lagu fasiri karaa mid muujinaysa saameynta ay Itoobiya ku leedahay gudaha dalka. Koonfur Galbeed iyo Jubbaland waa labada maamul goboleed ee ugu badan ee ay joogaan ciidanka Itoobiya. Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen wuxuu dorraad la kulmay taliska ciidanka Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda amniga ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo sida loo sii dardar-gelin karo. Kulanka Lafta-gareen iyo Itoobiyaanka ayaa muujiyey sida uu maamulka Lafta-gareen u diidan yahay inay Itoobiyaanka baxaan. Marka halka sharciga caalamiga ah la eego waa adkaan doonta inay ciidanka Itoobiya iska joogaan Soomaaliya, oo ay diidaan amarka dowladda federaalka ee Soomaaliya. Mana cadda inay dhinaca kale aqbali doonaan shuruudda lagu xiray ee ah inay ka laabtaan heshiiska ay la galeen Somaliland, si uu ciidankooda uga sii howl-gallo Soomaaliya oo ay sheegeen in haddii ay kasoo wada baxaan inay halis ugu jiraan in argagixisada ay gudaha usoo gasho dalkooda. The post Xog: Maxaa keenay in Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen ay isku rogaan Xasan Sheekh? appeared first on Caasimada Online.
  23. Warbixin ka soo baxday xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, kaddib ansixinta Golaha Ammaanka ee qaraarka xabbad-joojinta Qasa ayaa looga hadlay dhaqan-gelinta qaraarkaasi. Sida ay sheegtay Linda Thomas-Greenfield, Ergayga Qaramada Midoobay ee Mareykanka waxay caddeysay in Maraykanku uu Israa’iil ka caawin doono sidii ay u hirgelin lahayd qaraarka, waxayna sheegtay in Masar iyo Qatar ay Xamaas ka caawin doonaan sidii ay dhankooda u dhaqangelin lahaayeen soo jeedintaasi. Markaa waxay intaa ku dartay; “Sababtoo ah Golaha Ammaanku wuxuu si xad dhaaf ah u meel mariyey arrintan.. hadda waxay u taal dhinacyada inay u hoggaansamaan oo ay fuliyaan.” Maraykanku wuxuu si cad u sheegay in Israa’iil ay ogolaatay soo jeedintan. Taasi waxay cadaadis badan saaraysaa Israa’iil. Waxayna si cad u tahay guul diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay Maraykanka,maaddama uu markaanna hoggaaminayo inuu istaago dagaalka Qasa. Tan ayay dunidda kale sameyn kari waayeen, xilligaa oo Mareykanka uu hub siinayay Israa’iil , codka qayaxana ku diiddayay qaraarradii xabbad-joojinta ee la keenay golaha Ammaanka. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo ka hadashay sida loo dhaqan-gelinayo qaraarka xabbad-joojinta Qasa appeared first on Puntland Post.
  24. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga boqortooyada Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus. Madaxweynaha iyo Boqorka ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, iyagoo diiradda saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha, amniga, isbeddelka cimilada adduunka iyo arrimaha bulshada sida ay sheegtay Villa Somalia. Madaxweynaha Soomnaaliya ayaa uga mahadceliyey Boqorka iyo shacabka Norway taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo ay ku jirto dib u dhiska dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la wadaagay Boqor Harald V horumarka iyo isbedelada waaweyn ee ka socda Soomaaliya, isagoo xusay dadaallada dowladda ee ku aaddan nabadeynta, kobcinta dhaqaalaha, iyo hagaajinta adeegyada bulshada, isagoo adkeeyey nabdda iyo horumarka gobolka. PUNTLAND POST The post Boqorka dalka Norway oo qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud appeared first on Puntland Post.