Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha oo ka socda magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto falalka sharci darrada ah ee badaha. Madaxweynaha ayaa la wadaagay madaxda, masuuliyiinta iyo ka qeyb galayaasha shirka dhibaatooyinka lagu hayo badda Soomaaliya, mowqifka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taagan tahay arrinkaas iyo tallaabooyinka lagaga hortagayo dhammaan xad gudubyada lagu hayo xeebaheenna. “Caqabadaha deegaan ee saamaynta ugu badan ku leh xeebta Soomaaliyeed waxa kamid ah maraakiib shisheeye oo si aan sharci ahayn uga kalluumaysta, ka ganacsiga dhuxusha aan sharciga ahayn iyo in qashin sun ah lagu soo daadiyo.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey muhiimadda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee badda Soomaaliya, qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan ka faa’iideysiga khayraadka badda iyo dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha. “Dowladdaydu waxa ay garoowsan tahay in khayraadka baaxadda weyn ee aan leenahay ee weli aan la adeegsan ay wax badan ka beddelayaaan dhibaatooyinka saboolnimada, cunto la’aanta, biyo yaraanta, baahiyaha tamarta iyo caqabadaha shaqo la’aanta. Sidaasi darteed, waxaannu dejinaynaa istaraatijiyad ballaaran.” Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa lagu soo bandhigaya fursadaha maalgashiga iyo ganacsiga badaha, xoojinta iskaashiga, xal u helidda caqabadaha ku xeeran kafaaiidaysiga khayraadka iyo isu-socodka gaadiidka badda. The post Madaxweyne Farmaajo Oo khubad ka jeediyay shirka dhaqaalaha Ee Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Baydhabo (Caasimada Online)-Musharixiinta Koofur Galbeed ee maalinta beri ah ka qeyb galaysa doorashada Koofur Galbeed ayaa loo jeediyay digniintii ugu dambeysay ee dhanka amaanka ah. Wasiirka amniga Koofur Galbeed Xasan Maxamed Xuseen ayaa ugu digay musharixiinta inay sameeyaan dhaqdhaqaaqyo carqalad ku noqon kara amaanka magaalada Baydhabo oo beri ay doorasho ka dhaceyso. Wasiirka ayaa ugu baaqay musharixiinta tirada badan inay ka shaqeeyaan xil iska saarida amaanka magaalada Baydhabo, isaga oo ka digay gaadiidkooda tirada badan inay qeyb ka noqdaan amni darada magaalada. Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Musharaxiinta aysan ku xad gudbin hanaanka lagu xaqiijinaayo Ammaanka xilli ay jiraan Musharaxiin hub badan la galay Magaalada Baydhabo, sida uu wasiirka sheegay. Talaabo sharciga waafaqsan ayuu sheegay inay ka qaadi doonaan dadka isku daya inay ka hor yimaadaan hanaanka sugidda amaan ee magaalada Baydhabo xiliga doorashada ay dhaceyso. Beri oo ah maalin arbaco ah ayaa la qorsheynayaa inay doorasho ka dhacdo magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  3. Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii shalay ka kala dhacay Gaalkacyo iyo Muqdisho ee lagu dilay dad rayid ahaa. “Weerarradii lala beegsaday dad rayid ah ee joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo waxay muujinayaan sida kooxada xagjirka ah ayna ugu aabayeelin una qadarinin xurmada ay leedahay nolosha baniaadanka,” ayuu yiri Mudane Haysom. “Ma jiro ajenda siyaasadeed ee xalaal ah oo lagu gaari karo dil aan loo meel-dayin ee loo geysto dad rayid ah oo isugu jira rag, haween iyo carruur, Qaramada Midoobayna waxay la garab taagantahay dadka iyo dowladda Soomaaliya sida ay u diidanyihiin xagjirnimada. Waxaan tacsi u diraynaa qoysaska iyo asxaabta dadkii dhintay, waxaana inta dhaawaca ah u rajeynaynaa inay si buuxda uga soo kabtaan dhaawacyadooda.”ayuu raaciyay Mudane Nicholas Haysom. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-271118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib warbixintii guddigha maaliyadda baarlamanka ee banaanka usoo saartay musuq-maasuqa xukuumadda Kheyre, ra’iisul wasaaraha ayaa dagaal siyaasadeed billaabay isaga oo adeegsanaya qaar ka mid ah xubnaha guddiga oo xukuumadda ku xiran, kuwaasi oo soo saaray qoraalo lagu taageerayo xukuumadda. Hase yeeshee marka aad si wanaagsan u eegto qoraaladooda iyo habka ay u difaacayaan xukuumadda, waxaa kusoo baxaysa in ayaga oo aan is ogeyn ay xukuumadda ku qirayaan xatooyada markii hore ay warbixinta guddiga ku eedeysay xukuumadda. Bal si wanaagsan u fiirso qodobada hoose, kadibna is-weydii. 1 – Xubnaha guddiga ee tobanka gaaraya ee taageerada u muujiyey xukuumadda kadib warbixinta, iyo kadib markii uu Kheyre lasoo hadlay, waxay ku doodeen in kooramkii baarlamanka ee lagu soo bandhigay warbixinta uu ahaa mid aan buuxin, sidaa darteedna aysan sharci ahayn warbixinta guddiga maadaama sida ay sheegeen sharciga la hareer maray. 2 – Xubnahan waxay kale oo ku doodeen in warbixinta guddiga aysan ahayn mid loogu talo-galay in lasoo bandhigo ama warbaahinta lala wadaago ayna ahayd mid u gaar ah baarlamanka, sidaas darteedna ay qalad tahay warbixintaas. Marka aad labadaas qodob u fiirsato waxaa kuu soo baxaya laba su’aal oo kuu xaqiijinya in xubnaha guddiga ee difaacaya xukuumadda ay xaqiiqdii ayaga oo aan is ogeyn dambiga ku xaqiijinayaan ra’iisul wasaaraha, bal is-weydii labadan su’aal. 1 – Xubnaha ilaa iyo hadda waxay dood ka qabaan habka warbixinta loo soo bandhigay. Weli lagama hayo dood ku saabsan sax ahaanshaha warbixinta, mana beeninayaan waxa meesha ku qoran. Haddii difaacooda xukuumadda uu yahay mid sal leh, maxaysan ugu doodin sax ahaanshaha warbixinta intii ay ka doodi lahaayeen arrimo farsamo? 2 – Haddii ay dood ka qabaan warbixinta, maxaysan uga doodin inta aan la shaacin ama maalintii lasoo bandhigay, maxay ugu qaadatay dhowr maalmood inay jawaab soo saaraan. Tani soo ma muujineyso in lala soo hadlo oo kaash uu gaaray ama dano kale oo siyaasadeed ay dhaqaajiyeen? Xaqiiqda ayaa ah in xukuumadda aysan hayn wax ay isku difaacda iyo caddeymao muujinaya halka ay ku maqan tahay lacagta malaayiinta dollar ah ee lagu helay in ay musuq-maasuqday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabeelle ayaa sheegaya in ruux ka tirsan maamulka Hirshabeelle inuu dilay xaaskiisa. Wararka ayaa sheegaya in ruux dilka geystay uu ahaa maareeyihii garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, waxaana magaciisa lagu koobay Cali Dheere. Haweeneyda Geeriyootay ayaa magaceeda lagu sheegay Jamiilo Sheikh Cali, waxaana da’deeda lagu sheegay 32 jir, iyadoo la sheegay inay xaamilo aheyd. Waxyaabaha ka dambeeya dilka haweeneyda ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay bastoolad ay ku murmeen kadibna uu toogtay, halka wararka qaar ay sheegayaan in haweeneyda ay ka maseertay haweeney lala guursaday. Rasaas ayuu ku furay sida wararka aan ku heleyno, iyadoo u geeriyooday, waxaana laamaha amaanka ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen xili uu doonayay inuu ka baxsado magaalada. Saraakiisha amaanka waxay sheegeen in ruuxa falkaasi geystay uu ku xiran yahay saldhiga magaalada Jowhar, baaritaan kadibna maxkamad lasoo taagi doono. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  7. Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Faarax Macallin ayaa ka hadlay dilalkii qorsheysnaa ee dhowaanahan magaalada Muqdisho loogu geysanayey qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda is-gaarsiinta Hormuud. Inkasta oo aysan jirin cid si rasmi ah u xaqiijin karta, haddana waxaa aad loo rumeysan yahay in dilalkan ay ka dambeyso kooxda Daacish, oo Hormuud ka dooneysa lacag baad ah, oo sida la sheegay Hormuud ay ku gacan seertay inay bixiso. Faarax Macallin ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku bogaadiyey shirkadda Hormuud inaysan u hogaansamin baadda iyo cabsi-gelinta kooxda Daacish, kuna adkeysatay inay ilaaliso mabaadi’deeda. “Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee ka farcamay sida Daacish waa dambiileyaal abaabulan oo lacag ka baadaya bulshada gacansiga Soomaaliya. Qof kasta waa inuu ku garab is-taagaa Hormuud la dagaalanka dambiileyaashan” ayuu ku yiri Faarax Macallin qoraalka uu soo dhigay twitter. Waxa uu intaas ku daray “Waxaan ku bogaadinayaa Hormuud inay u taagan tahay ilaalinta mabaadi’da” Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa inta badan ku tiirsan dhaqaalaha ay ka baadaan ganacsatada Soomaaliya, oo ay ugu yeeraan Zako. Waxay sidoo kale baadaan dadka shacabka ah sida xoolaleyda iyo beeraleyda, ayaga oo dila ciddii diida inay lacag siiso. Inta badan shacabka ayaa bixiya lacagahan, sababtoo ah ma jirto cid ka difaaci karta kooxahan, maadaama dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay aad u awood liitaan. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  8. Baydhabo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socoto qaban qaabadii ugu dambeeyay ee doorashada Koofur Galbeed. Guddiga ayaa diiwaan geliyay musharixiinta dooneysa inay ka qeyb galaan doorashada madaxweynaa Koofur Galbeed, waxaana maalinta beri ah la filayaa inay doorashada ka dhacdo magaalada Baydhabo. Maanta Guddiga ayaa kormeeraya goobta ay ka dhaceyso doorashada Koofur Galbeed, waxaana ay doonayaan inay xaqiijiyaan amaanka iyo inay suurta gal tahay in doorashada ku qabsoonto. Ciidamo oo amaanka xaqiijinaya ayaa la dhigay goobta doorashada ay ka dhaceyso, iyadoo la adkeeyay guud ahaan amaanka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Musharixiin badan ayaa labo maalin ka hor u tanaasulay musharax Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waxaana muuqata in doorashada ay dhexmari doono labo dhinac oo mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya taageero ka kala helaya. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay shir jaraa’id qabtay tiro xildhibaanno ah oo eed u jeediyey guddoonka baarlamaanka oo ay ku tilmaameen in aysan doodda golaha ee musuqii lagu soo eedeeyey xukumadda ka ahayn dhexdhexaad. Golaha baarlamaanka ayaa dhawr maalmood ka hor looga dooday musuqii lagu soo eedeeyey xukumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre kaddib markii gudiga maaliyadda ee golaha shacabka ay shaaciyeen in ay la musuq maasuqay dhaqaale deeqo ahaa gaaraya 40 milyan. Hase ahaatee, xukumadda oo hortimid golaha ayaa iska difaacday eedemahaas iyada oo uu guddoonka sheegay in wadaddii ay gudiga mareen aysan waafaqsaneyn sharica sidaasna ku tahay mid aan waxba ka jirin. Xubinhii baarlamaanka ee markii hore qeyb ka ahaa eedda xukumadda loo jeediyey ayaa shir jaraa’id ay qabteen ku sheegay in la doc faruuray dooddii oo uu gudoonka dhinac la saftay. Maxaa arrintaas macnaheedu yahay Sida muuqata go’aankaas waxa uu horseedi doonaa in golaha uu u kala jabo laba qeyb oo ay adkaato in mar dambe laga doodo arrimiaha noocaas ah iyo waliba waxyaabo kale oo wax ku ool u ah dowladnimada dalka. Xubnaha shalay hadlay waxa ay qisheen in golaha oo markii hore ay ka buuxeen Wasiiro ahaa xildhibaano ay afduubeen golaha sharci dajinta oo ay meesha ka baxday isla xisaabtankii goleyaasha dowladda ama waxa loo yaqaan korjoogteynta (Check and Balance). Ma aha arrin ugub ah in guddoonka baarlamaanka lagu eedeeyo in uu u afduuban yahay xukumadda tan iyo markii meesha laga saaray guddoomihii hore Maxamed Shiekh Cismaan Jawaari. Guddoomiyaha baarlamanka Mursal iyo ku xigeenkiisa Mahad Cawad, ayaa ku xiran xukuumadda, taasi oo saddexdii qeyb ee dowladda (Xukuumadda, baarlamanka, garsoorka), kusoo koobeysa hal qeyb oo ah xukuumadda, maadaama baarlamanka la safan yahay, garsoorne uusanba jirin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Halkan ka aqri qeybtii koowaad Salafiya Jadiidiyah Inkastoo aysan salafiyada magacan loogu yeero aysan ogolayn tilmaantan ayey haddana ku sifaysanyihiin macnaha uu xambaarsan yahay. Taariikhda dhaqdhaqaaqan ayaa asal ahaan loo tiriyaa inuu soo ifbaxay wakhtigii dagaalkii “duufaantii saxaaraha” ee maraykanku uu ku qaaday dalka Ciraaq kadib waxyar markii uu Saddaam Xuseyn qabsaday Kuwait. Markii uu keligii taliye Saddaam si lama filaan ah ula wareegay Kuwait ayaa cabsi badani soo wajahday wadanka Sucuudiga iyagoo ka yaabay inuu ku soo siqo dhanka sucuudiga oo markaa cudud ciidan oo ay iskaga caabbiyaan aan lahayn. Maraykanka oo ay xulufo taariikhi ah yihiin Sucuudiga ayaa markiiba u soo bandhigay inay keenaan ciidamo Boqortooyada Sucuudiga, si ay uga difaacaan Saddaam. Waxaa markiiba billowday dood diini ah oo salka ku haysa “Gaal ma la kaalmaysan karaa? Dhulka Xaramaynka gaal inuu difaaco oo Muslim ka difaaco ma bannaan tahay? Waxaa la soo sheegaa in Usama bin Laden oo markaas ka soo noqday Afghanistan oo carcartiisa qabay uu soo jeediyey in isaga iyo ciidamadiisu ku filan yihiin inay difaacaan Sucuudiga oo aanan loo baahnayn in ciidamo gaalo ah dhulka barakaysan la soo dhoobo. Wuxuu ka digay Usama in cawaaqib xumo ay ka dhalanayso in gaalo loo ogolaado inay soo degaan Xarameynka. Culimada ka hor yimid arrintan waxaa ka mid ahaa Sh. Salman Al-Cawdah, Sh. Safar Xawalah, Sh. Caa’id Alqarni iyo kuwo kale oo badan. Markii dambe Sh. Ibnu baaz ayaa fatwooday inay bannaan tahay in la kaalmaysto gaalo haddii saa’il laga celinayo Muslimiinta awood kale oo lagu difaacana aan loo heynin. Sida dadka la socday saxwada islaamka ay ka warhayeen markaas iyada ah culimadan ka hortimid doonista dowladda Sucuudiga ee ah in Maraykanku difaaco jiritaanka Boqortooyada sumcad badan ayey ku dhex lahaayeen saaxadda saxwada iyo midda Caalamka Islaamkaba, waxayna u muuqdeen kuwo Khalkhal gelin kara jiritaanka Boqortooyada iyo danaheeda siyaasadeed. Sida uu mar kale ku qoray Cabdishakuur Mire Aadam buuggiisa Koboca Islaamiyiinta ee Soomaaliya, waxaa loo baahday dhaqdhaqaaq diini ah oo dheeli-tira midka salafiyada jihaad doonka ah ee ka hortimid siyaadada dagaalka ee Sucuudiga. Wuxuuna Amiir Naa’if bin Cabdilcaziiz qaabeeyey amaamudkii ugu horreeyey ee kooxda loogu yeero Salifyah Jadiidah. Koox diimeedkan ayaa dadaalkooda ugu badan ku bixiya ladagaalanka waxa ay ugu yeeraan bidcada iyo xisbiyada oo ay ku duraan salafiyada kale oo ay ku eedeeyaan inay urur-diimeedyo diintu diiday ay sameysteen. Waxay ku andacoodaan in xukuumadaha islaamka nooca ay doonaanba xukunka ha ku qabsadaane in ay yihiin amiirkii mu’miniinta, in laga horyimaadana ay tahay khawaarijnimo. Ujeedada ugu weyn oo loo aasaasay waxay ahayd inay sharciyad siiyaan istiraatiijiyaadka Boqortooyada una galiyaan shaadh diimeed. Waxaan la inkiri karin in culimada hoggaanka u qabtay aragtidan cusub marka laga reebo kuwa ay sida tooska ah ugu tallaaleen dowladdu, ay diin iyo Alle u dhawaansho ka tahay waxa ay dadka ugu yeerayaan laakiin waxaad xusuusataa in aragtida asal ahaan la sameeyo ciddii maraakis iyo dhaqaale u haysatana warkeedaba daa. Fartayda Yaa Subagga ku Dhuuqay Iyadoo Maxamed bin Salmaan (MBS) uu ku faanayo in faafinta dhaqdhaqaaqa saxwada islaamiga ah ama wahaabiyada ay ka turjumaysay rabitaanka saaxiibbadii dagaalkii qaboobaa, ayaa wuxuu sheegay in haddana loo noqonayo wuxuu ugu yeeray wakhtigii ka horreeyey 1979-kii oo ku aaddan markii ay kacaankii Khumeyni iyo shiicadiisii ay la wareegeen hoggaanka dalka iiraan. Haddana waxay wali waddamo badan oo muslimiin ah oo Soomaaliya ka mid tahay ay la il-xunyihiin duuflaalintii iyo dhaqan roggii lagu sameeyey dhalinyaro badan oo jihaad beeneed inta badan lagu waxyeelaynayo shucuubtooda lagu halakeeyey. Haddaba iyadoo beryahan adduunku muslim iyo gaalba ay la argagaxsan yihiin falka foosha xun iyo dilka arxan la’aanta ee lagula kacay wariyihii Jamal Khashoqji oo loo tiirinayo inuu ka dambeeyo dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudigu, Maxamed bin Salmaan, iyo culimada tirada badan oo ay ka mid yihiin Salman Al-cowdah iyo Safar Xawaalah ee ku silicsan xabsiyada waddankaas, cidna miyey ka dahsoon tahay in danaha dowladda sucuudigu ka horreeyaan midda diinta, xuquuqda insaanka, xorriyada shaqsiga iyo waliba dhiigga muslimku?Dhaqadhaqaaqa Alshabaab oo lagu sheego inuu ka mid yahay ururada ay aadka u dhex galeen sirdoonada waddamada Carabta iyo kuwa caalamkuba ayaa wali dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed u haystaan inuu raadinayo ama doonayo soo celinta khilaafadii islaamka. Nin waddaad ah ayaa waa hore igu yiri ninayhow wadaaddada Soomaalida maxaa saraakiishii ciidamada ee Soomaaliya u badiyey? Hoos uma aanan fiirinin su’aasha uu markaa ninku I weydiiyey laakiin waxaa hubaal ah in sida khamiisyadu u wada cad yihiin aysan arrintu suusuubi u wada ahayn. Waxaa nin waa hore laga sheegay: war nimanyahow fartayda yaa subagga ku dhuuqay? W.Q: Aqbal Aabi Wardheernews.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah waxaa ay Febraayo 7, 2019-ka, bixin-doontaa qandaraas balook- yo dhan 206 oo ku saabsan baarista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya, shirka waxaa uu ka dhici-doonaa London. Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa halka ay Soomaaliya maanta joogto diyaar-garow ahaan iyo maxaa naga dhimman oo loo baahanyahay in la qabto ka hor shirka London, waxaan ku soo koobnay 12 qodob, oo aan la bilaabi karin wax shaqo am heshiis ah iyada uu hal qodob ka dhimman yahay. (1): Ma Jiraan Wax Diyaar Ah: Meesha Soomaaliya ay iminka joogto ayaan ka bilaabaynaa. Hawsha hadda u qabsan Dawladda Federaalka waxaan ku soo gaabin karnaa sidaan: Heshiiska maamulka iyo wadaagga kheyraadka oo ay wada saxiixdeen Dawladaha Xubin Federaalka ah iyo Dawladda Federaalka. Sharciga Batroolka oo Baarlamaanka Federaalka la yaalla Xeerar hoosaadyo ku saabsan bii’ada (deegaanka) iyo caafimaadka (Health /safety and environment) Xeer-hoosaadka Hayadda Soomaaliyeed ee Shidaalka (Somali Petroleum Authority)- Hayaddan waxay bixinaysaa laysanada iyo ruqsadaha, waxayna daba-galaysaa hawlaha socda, iyo sida ay u socdaan hadday waafaqsan tahay heshiiska Soo-saar wadaagga shidaalka (Production sharing agreement. Waxaa la diyaariyay Modeelka Soomaaliyeed ee Soo-saar Wadaagga Shidaalka (Model Production Sharing Agreement). Shirkad kasta oo Soomaaliya la galayso heshiis waxay kula galaysaa Modeelka Soomaaliyeed. Waxaa kaloo diyaar ah xogahii saysmikada ee badda (2-D seismic data), oo tilmaamaya meelaha laga yaabo inuu shidaal ku jiro oo biyaha badda ka hooseeya. (1): Maxay Tahay In La Qabto Ka Hor Shirka: Waa muhiim in aan isweydiinno, maxaa naga dhimman oo loo baahan yahay inay diyaar noo ahaato? Intaan ayaa naga dhimman ka hor bid -round ga (bixinta qandaraas balook- yada): Si sax ah in loo ogaado shidaalka ku jira balook-yada kala duwan iyadoo sal looga dhigayo xogaha 2-D saysmikada. Balookyada ka dib waxay noqonayaan kala qiimo, oo ay ku kala duwanaanayaan mugga shidaalka oo la qiyaasay. Waxaa xiga in la sameeyo qiimaynta saamaynta hawalaha shidaalka ay ku yeelan karaan deegaanka badda ah (Environmental impact assessment). Ka dib Wasaaradda Batroolka waxay soo xulaysaa balookyada shidaalka ee u diyaarsan inay qandaraaska ka mid noqdaan. Dokumeentiyada, xogaha seismikada, iyo maabab oo diyaar ah ayaa la hor-geynayaa Golaha Wasiirada oo ka dib markay ansixiyaan u gudbinaya Baarlamanka Federaalka, si u soo ansaxiyo. Dhinaca kale waa inay diyaar ahaadaan Sharciyada iyo xeer-hoosaadyada kor ku xusan oo dhammaan is-waafaqsan. Is-waafajinta sharciyada waa hawl weli ka dhimman shaqada. Waxaa kale loo baahan yahay Sharciga Cashuuraadka (a Modern Tax Law) inuu diyaar yahay. Sidaan og nahay Wasaaradda Maaliyadda ayaa faraha ku hayso hawshaas. Waxaa dhawaan la billaabayaa daraaf-garaynta Sharciga Cashuuraadka. Hawlaha. Ma lihin dad nagu filan oo aqoon iyo khibrad u leh hawlaha qandaraas-bixinta iyo gorgortanka la xiriirka ee shirkadaha caalamiga ah ee sahmiya, soona soo-saara shidaalka. Waa in la diyaariyaa khayraad aadami ah oo hanan karo hawlaha ilaalinta iyo horumarinta khayraadka in loo soo bixiyo. Sidaas awgeed, waxaa muuqata in loo baahan yahay hawlaha dhimman si wanaagsan in loo dhammaystiro. Ma dhici karto si qabyo ah in loo gudo galo hawsha bixinta balookyada. Haddii kale, waxay la mid noqonaysaa inaan gadno khayraadka waddanka qiimo raqiis ah oo aad iyo aad u yar.
  12. Tukaraq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xiisad cusub ay maalintii labaad ka taagan tahay deegaanka, taasi oo u dhaxeysa dhinacyadii ku dagaalamay deegaankaasi. Xiisadda ayaa ka dambeysay kadib markii maalin ka hor deegaankaasi uu tagay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isaga oo askarta ku sugan aaga dagaalka u sheegay inaysan dagaal diyaar u aheyn oo xuduudooda difaacayaan. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada labada dhinac ee ku sugan aagaga dagaalka ay bilaabeen dhaqdhaqaaq ciidan, taasi oo cabsi gelisay shacabka deegaanka ku nool. Dhaqdhaqaaqa cusub ayaa laga dareemayaa dhinaca Puntland, waxaana ciidamada Somaliland la sheegay inay wali ku sugan yihiin goobtii ay joogeen. Waa socda xaalad la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland, waxaana dadaalka qeyb ka ah Urur goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka. Waxay horey labada dhinac horey u aqbaleen inay dib u heshiisiin qaataan, waxaana wali jira xiisad ka taagan deegaanka oo u dhaxeysa dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Tukaraq ee gobolka Sool. Caasimada Online Xafiiska Sool Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar__Qubanaha-261118.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho (PP) ─ Mas’uulyiinta ugu sarreysa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay qaraxyo ay maanta Al-shabaab ka kala geysatay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Muqdisho, waxayna sheegeen inay ka xun yihiin falalkaas. Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyanha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu ka tacsiyeynayo geerida dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay weeraradii maanta ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo. “Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed oo ay Al-shabaab ku dileen qaraxyo ay ka geysteen Gaalkacyo iyo Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka oo ahaa mid kooban. Sidoo kale, Tacsi ayaa waxaa diray guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre. “Falalka ay Al-shabaab ku dishay dadka shacabka ah waa kuwo aad u xun oo naxariis-darro ah, waxaana intii dhimatay aan u rajeynaynaa naxariis ALLE, kuwii dhaawacmayna waxaan u rajeynaynaa caafimaad dhaqso ah,” ayaa lagu yiri warbixinta madaxda Qaranka. Marka ay dhacaan qaraxyo waxyeello xooggan geysta ayay madaxda dalka waxay ku ekaadaan cambaareyn, iyadoo aysan jirin wax ka qabasho intaas dhaafsiisan iyo in kooxaha falalkaan geysanaya tallaabo adag laga qaado. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa Qaraxyo ay maanta ka geysteen Gaalkacyo iyo Muqdisho waxay ku dileen ku dhawaad 20-ruux oo shacab ah oo ay carruur iyo haween ka mid yihiin. PUNTLAND POST The post Madaxda Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay dadkii lagu dilay qaraxyadii Xamar iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  15. Istanbul (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo kaashanaya Booliska Turkiga ayaa baaritaano lagu baadi goobayo dad lala xiriirinaayo ku lug lahaasha dilkii Wariye Jamaal Kashoggi ka bilaabay labbo guri oo ku yaala Gobolka Yalova oo dhaca Waqooyi Galbeed dalkaasi Turkiga. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada wada baaritaanka oo habeenkii xalay ahaa gaaray goobtaasi in ay bartilmaameedsadeyn labbada guri oo kaliya iyagoo isku gadaamay una diiday dadkii ku jiray in ay ka baxaan ilaa amar dambe. Mid kamid ah guryahaasi ayaa waxa iska leh ganacsade caan ah oo Sacuudiga u dhashay. Baaritaankaani ayaa la sheegayaa in loo adeegsaday Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo Eeyaha wax baara ee sida gaarka ah u tababaran si xaalada si fiican ay ula socdaan. Ilaa iyo haatan laamaha amaanka Turkiga kama aysan warbixian howlgalkaasi waxaase la filaayaa in goor dambe oo maanta ah ay ka warbixin doonaan sida ay xaqiijiyeen saraakiil u hadlay Booliska dalkaasi. Wariye Kashoggi oo wargeyska Washington Post ee dalka Mareykanka ka tirsanaa ayaa ka hor intaan la dilin galay qunsuliyada Sacuudiga ay ku leeyihiin dalka Turkiga bishii Oktoobar labbadeeda halkaasi oo lagu dilay. Xigasho: Aljazeera TV
  16. (SLT-Badhan)-Murrashax u tartamaya Madaxweynenimada Puntland oo lagu magacaabo Saciid Cabdullaahi Denni ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Badhan oo ka tirsan gobolka Sanaag oo uu maanta ku sugan yahay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. (SLT-Nazareth)-Madaxweynaha maamulka Oromada dalka Itoobiya Lemma Megersa ayaa waxaa uu shaaciyey inuu martiqaad u fidin doono madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha Oromada ayaa sheegay in sababta uu Itoobiya ugu casuumayo madaxweynaha Somaliland ay tahay isaga oo raba in aan lagula tartamin qaadka ay ganacsatada dalkaasi u iib keento Somaliland isla markaana Miirooga dalka Kenya aanu saameyn ugu yeelan laheyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Xubno ka socday dowlada Talyaaniga ayaa maanta tegay xarunta dowlada hoose ee Xamar, halkaasi oo ay kula kulmeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir. Kulanka kadib, xubnaha ka socday dowlada Talyaaniga ayaa ku wareejiyay gobolka Banaadir gadiidka dab-damiska, kaasi oo muhiim u ah shacabka ku nool magaalo madaxda Soomaaliya. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, mudane Saalax Xasan Cumar, ayaa wuxuu warbaahinta fahfaahin buuxda uu ka siiyay agabka lagu wareejiyay maamulka iyo muhiimada uu leeyahay. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Mutawakil-2.mp3 The post Talyaaniga oo gadiidka dab-damiska ku wareejiyay G/Banaadir appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Ra’isilwasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shir gudoomiyay shir looga hadlayay dib-u-habaynta qorshayaasha amniga dalka. Shirkaasi ayaa waxaa sidoo kale looga hadlayay arimo la xariira taageero beesha caalamka ay siiso Soomaaliya oo ku aadan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Shirkaasi waxaa si wadajir ah u shir gudoominayay Ra’isilwasaare Kheyre iyo Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya Amb.Don Yamamoto . Ra’isilwasaare Kheyre oo kulankaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageero siiyaan Soomaaliya. “Waxaa la joogaa xilligii la samayn lahaa maal-gelin waqtiga la jaanqaadaysa, si toos ahna looga wada qayb qaato fulinta qorshayaasha Qaranka ee amniga dalka lagu sugayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Shirkaasi waxaa kaloo ka soo qeeybgalay xubno sar sare oo ka socdo beesha caalamka wadamada ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo xubno katirsan wasiirada Soomaaliya. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post RW Kheyre oo shir gudoomiyay shir looga hadlayay Amniga appeared first on Puntland Post.
  20. Xubno isugu jira masuuliyiin iyo shaqaale oo kala socda Madaxtooyada dawladda Puntland iyo Wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland ayaa tababar aqoon kororsi ah u jooga waddanka Kenya. Xarumaha bixiyey casumaadda tababarkaan ayaa ayaa waxaa kamid ah Xafiiska Madaxweynaha Kenya, Wasaaradda Qorshaynta, Xarunta Iskaashiga gobollada, Jaamacadda Nairobi iyo Xarumo kale oo Muhiim ah. Ujeedada ugu muhimsan ee tababarkaan ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland iyadoona ay shaqaalahaan ka socda Puntland ay booqasho kusoo wada mareen dhammaan xafiisyadaasi si’ay u arkaan qaababka kala duwan ee ay u shaqaynayaan xafiisyada dawladda Kenya. Dawladda Puntland iyadoo kaashaanaysa Mashruuca tayaynta shaqaala ee CIP oo Baanka adduunka ka caawiyo Puntland ayay dedaal u gashay sidii ay kor ugu qaadi lahayd tayada shaqaaleheeda iyadoona biyodhaca qorsheyaashani ay noqon doonaan sidii bulshada Puntland loo gaadhsiin lahaa adeegyo tayo leh. The post Xubno ka tirsan Madaxtooyada iyo Wasaaradda Qorshaynta Puntland oo Tababar uga socdo Kenya appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-261118-web.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Turkish police searching for the remains of the Saudi journalist Jamal Khashoggi have scoured the grounds of two adjoining villas in north-western Turkey, the country’s state-run news agency has reported. Crime scene investigators and other officials, aided by sniffer dogs and a drone, first sealed off one of the villas near the town of Termal in Yalova province and later expanded their search to the grounds of the neighbouring villa, Anadolu Agency said. The focus of the search was a well in the grounds of the first villa, which was being drained of water with special equipment brought to the scene. Turkey has maintained pressure on Saudi Arabia over the killing on 2 October of the US-based columnist for the Washington Post. Khashoggi was a critic of the Saudi crown prince, Mohammed bin Salman. Turkey says the journalist was killed by a 15-member assassination squad sent from Riyadh. The assassins strangled and dismembered him before removing his remains, which have yet to be found. Anadolu, without citing a source, said the villas belong to two Saudi businessmen, including one who had allegedly been contacted by telephone by some members of the Saudi assassination squad. The agency did not name the businessman but said he was outside of Turkey at the time of the killing and had not returned in the past two months. Ankara insists the orders for the killing came from the highest levels of the Saudi government, but not King Salman. The Saudi agents blamed for the killing included some members of the crown prince’s security entourage. Saudi Arabia initially said Khashoggi had walked out of the consulate before shifting its account of what happened amid Turkish intelligence leaks. Riyadh is now seeking the death penalty for five members of the hit squad in a move that appeared to be aimed at appeasing international outrage over the killing and distancing the killers and their operation from the crown prince. Saudi prosecutors maintain the 15-man team sent to Istanbul exceeded its authority when the lead negotiator in the team decided to kill Khashoggi for refusing orders to return. An official confirmed a search related to Khashoggi’s killing was taking place, but said any announcement concerning the search would come from Istanbul’s chief prosecutor, who is leading the Turkish investigation into the killing. Source The guardian Qaran News
  23. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf ayaa ka hadlay weerar qaraxyo ahaa oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Xaaf ayaa ugu horeeyn tacsi u diray dhamaan ehelada dadkooda ay ku geeriyoodeen qaraxii ka dhacay Gaalkacyo. “Aniga oo ku hadlaya magaceeyga iyo ka shacbiga Galmudug, waxaan tacsi u dirayaa Eheladii, Qaraabadii& Asxaabtii ay ka baxeen dadkii Saaka lagu laayay weerarkii ay Al-shabaab ay la beegsatay Magaalada Gaalkcayo, kaasi oo sababay Dhimashada ku dhawaad 20 ruux iyo tiro dhaawac ah” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf Madaxweynuhu waxa uu weerarkaasi ku sifeeyay mid bahalnimo, waxa uu-na aad u boggaadiyay ciidamada ammaanka Galmudug oo si dhaqsi leh u soo afjaray, islamarkaana noolasha ku qabtay mid kamid ah alshabaab weerarkaasi ka danbeysay. Uga danbeyntii waxa uu madaxweynuhu faray laamaha Amniga in ay xoojiyaan dadaalkoodu ku aadan xaqiijinta Nabadgalyada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweyne Xaaf oo ka hadlay weerarkii ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.