-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
RIYADH, Saudi Arabia (HOL) — Authorities in Saudi Arabia have arrested 14 individuals from India, Egypt, Pakistan, and Indonesia for allegedly selling fake Hajj identity cards. The arrests, part of a broader crackdown, underscore the kingdom’s efforts to preserve the sanctity of the Hajj pilgrimage. Source: Hiiraan Online
-
A major agreement in the long-running cases to repair the lasting harms of the so-called "Muslim ban" that former President Donald Trump enacted in 2017 calls for the government to provide a clear visa reconsideration process, free of charge, to nearly 25,000 people from Iran, Libya, North Korea, Somalia, Syria, Venezuela and Yemen who were prevented from getting U.S. visas. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Puntland ayaa ballan-qaaday bixinta magta marxuum Axmed Saxane oo dhawaan lagu dilay magaalada Garoowe. Qoraal ka soo baxay wasiirka Amniga Puntland Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin ayaa lagu sheegay in dowladda Puntland bixinayso magta marxuum Saxane. Alle ha u naxariistee marxuun Axmed Saxane ayaa ku dhintay hawlgal ciidamada amniga Puntland ka sameeyeen caasimadda Garoowe. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xukuumaddu bixinayso kharashaadka daawaynta dad kale oo ku dhaawacay hawlgalkaasi ciidan. Halkan ka akhriso qoraalka PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay bixinayso magta marxuum Axmed Saxane oo lagu dilay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Sirdoonka Maraykanka ayaa ogaaday in Xuutiyiinta Yemen ay ka wada hadleen sidii hub loo siin lahaa kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee Al-Shabaab. Saddex sarkaal oo Maraykan ah oo la hadlay CNN ayaa arrintan ku tilmaamay mid welwel leh oo halis gelinaysa xasilloonida gobolka oo markii horeba ay rabshado ka socdeen. Saraakiisha ayaa hadda raadinaya cadeymo muujinaya in hubka Xuuthiyiinta la soo gaarsiiyay Soomaaliya, waxayna isku dayayaan in la ogaado haddii Iran oo taageero ciidan iyo mid dhaqaale siisa Xuutiyiinta ay ku lug leedahay heshiiska. Mareykanka ayaa uga digayay dalalka gobolka iskaashigan suurtagalka ah toddobaadyadii la soo dhaafay, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka. Dalalka Afrika ayaa sidoo kale billaabay in ay si firfircoon ula soo xiriiraan Mareykanka, si ay u gudbiyaan walaacooda, oo ay u helaan macluumaad dheeraad ah. “Tani waa wada hadallo joogto ah oo aan la yeelanayno dalalka labada dhinac ee Badda Cas,” ayuu yiri qof xog-ogaal ah. “Oo waxaa loo eegayaa si dhab ah.” Ma aha isbahaysi dabiici ah inay yeeshaan labada kooxood, kuwaas diin ahaan kala ah Sunni iyo Shiico is-neeb, islamarkaana aan horey xiriir u yeelan. Laakin waxaa kala qeybiya hal biyo oo kaliya – Gacanka Cadmeed oo istaraatiijiyad ahaan muhiim u ah – waxayna labadooduba Mareykanka ku tiriyaan cadowgooda ugu sarreeyaa. Sirdoonka Mareykanka ayaa sare u qaaday suurtagalnimada in xiriirka danta ku dhisan uu xaaladda uga sii dari karo Soomaaliya iyo Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halkaas oo Xuutiyiintu ay weeraro joogto ah ku hayaan maraakiibta ganacsiga iyo hantida ciidamada Maraykanka tan iyo markii uu billaabmay dagaalka Gaza. Heshiiska suurtagalka ah wuxuu dhaqaale cusub u yaboohi karaa Xuutiyiinta, xilli saraakiisha Mareykanka ay sheegeen inay jiraan calaamado muujinaya in taageeraha koowaad ee kooxda, Iran, ay walaac ka qabto istaraatiijiyadda weerarada kooxda ee Badda Cas. “Inaad awood u yeelato inaad iibiso hubka qaar waxay ku siineysaa dakhli aad loogu baahan yahay,” ayuu yiri sarkaalka sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden. Dhanka al-Shabaab, waxay siin kartaa fursad ay ku hesho ilo cusub oo hub ah – oo ay ku jiraan suurta-galnimada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) – kuwaas oo aad uga casrisan hubkooda hadda, waxayna siin kartaa kooxda awood ay ku weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka. Waxaa jiray tahriibin joogto ah oo isugu jira hub fudud iyo agab ganacsi oo u dhexeeya kooxo kala duwan oo Yemen iyo Soomaaliya ku sugan muddo sanado ah. Laakin heshiis hub ah oo dhex mara Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta ayaa noqon doona mid cusub, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka. “Waxay noqon doontaa calaamadda ugu cad, in laba urur oo, fikrad ahaan, si isku mid ah uu uga soo horjeedo midba midka kale – in ay mudnaanta siiyaan wax ay wadaagaan, taas oo ah cadaawadda ay u hayaan [Mareykanka],” ayuu yiri Christopher Anzalone, oo ah wax ka dhiga Marine Corps University, qaybteeda daraasaadka Bariga Dhexe. “Waxay noqon doontaa mid aad muhiim u ah sababtoo ah waxay muujineysaa inuu jiro isbeddel dhanka labada ururba ah.” Nooc kasta oo iskaashi milatari ah oo u dhexeeya Xuutiyiinta iyo al-Shabaab ayaa sidoo kale wiiqi kara xabad-joojin aan rasmi ahayn, oo jilicsan, oo u dhaxaysa Xuutiyiinta iyo Sucuudiga oo soo jirtay tan iyo 2022, ayuu yiri sarkaalka sare ee maamulka Biden. Waxayna si dhab ah uga hor imanaysaa nuxurka qorshaha Qaramada Midoobay ee ay soo jeedisay ee nabad waarta, ayuu yiri sarkaalku. “Weli waxaan dan weyn ka leenahay taageeridda geeddi-socodka nabadda Yemen,” ayuu sarkaalku hadalkiisa raaciyay. “Laakin ganacsiga noocan ah ee ka dhexeeya Xuutiyiinta iyo al-Shabaab waxaa hubaal ah in ay adkeyn doonto oo wiiqi doonto dadaalkaas.” Saraakiisha ayaa sheegay in xilligan aysan hubin nooca hubka Xuutiyiinta ay siin karaan Al-Shabaab. Hadda, kooxda Soomaalida waxay heli karaan oo keliya gantaallo, hoobiyeyaal iyo miinooyin, oo ay u adeegsato dagaalka ay kula jirto dawladda Soomaaliya – hub yar balse dilaa ah. Xuutiyiinta, marka la barbardhigo, waxay haystaan hubka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka, oo ay ku jiraan kuwa biyaha hoostooda mara. Mareykanka waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 480 askari, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah. Waxay Soomaaliya ka fuliyaan duqeymo joogto ah oo ka dhan ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. The post Xuutiyiinta oo wada-hadal ka leh codsi xasaasi ah oo uga yimid kooxda Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray deegaanno ka tirsan waqooyiga Gobolka Galgaduud, kuwaas oo maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya beelo walaala ah oo wadaag ahaa. Madaxweynaha oo halkaas ka furay gogol nabadeed ayaa la kulmay odayaasha iyo wax garadka labada dhinac, isagoo kala hadlay sida ay muhiim ugu tahay in ay gaaraan xal deg deg ah iyo nabad waarta oo labada dhinac dhex marta. Si guud billawga gogosha ayaa la isla qaatay saddex qodob oo kala ah; 1: In xabbad joojinta la is la qaatay, sidoo kalana lala shaqeeyo ciidammada amniga. 2: In la kala qaado maleeshiyaadka. 3: In dhinacyadu usoo diyaar garoobaan gogol nabadeed oo caasimadda Dhuusamareeb la dhigay. PUNTLAND POST The post Galmudug oo xabbad-joojin kala dhex dhigtay beelo ku dagaallamay Galgaduud appeared first on Puntland Post.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Muranka dhanka xuduudda ah ee u dhexeeya dalalka Sucuudiga iyo Imaaraatka Carabta, oo imika gaaray miiska Qaramada Midoobay, ayaa iftiimiyay wax lagu tilmaami karo “xifaaltan qarsoon” ama “muran ku saabsan hoggaanka gobolka” oo u dhexeeya labada waddan ee deriska ah ee Khaliijka tobankii sano ee la soo dhaafay. Sida ku cad qoraallada iyo warqadaha loo diray Qaramada Midoobay ee labada dal waxaa muuqata in farqiga u dhexeeya labada dhinac iyo muranka soohdinta uu sii kordhay, waxana laga yaabaa in ay jiraan khilaafyo kale, taas oo keentay in la wajaho Qaramada Midoobay iyada oo ujeedadu tahay in la isku dayo “in la caddeeyo xuquuqaha madaxbannaanida, caalami ahaan,” sida ay qabaan falanqeeyayaasha. Inkastoo khilaafkan iyo arrimo kale oo la xiriira khilaafka Sucuudiga iyo Imaaraatka, haddana dadka wax indha indheeya ayaa aaminsan inay weli jirto fursad wanaagsan oo lagu soo afjari karo farqigaas, xataa si ku meel gaar ah, iyadoo la og yahay inay jiraan dano guud oo ka miisaan culus qodobbada ay isku maandhaafsan yihiin labada dhinac. Si dhif iyo naadir ah ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay, muranka xuduudda Sacuudiga iyo Imaaraatka ee ku aadan deegaanka “Al Yasat” uu u soo shaac baxay kadib warqad ay dowladda Sacuudiga u dirtay 18-kii bishii March Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay taa oo ku saabsaneed ku dhawaaqista Imaaraatka Carabta. “Al Yasat” oo ah meel Imaaraatka laga ilaaliyo baddeeda. Waraaqadan, ayaa Riyad waxay ku tilmaamtay in ku dhawaaqista Imaaraadka ay ka soo horjeedo shuruucda caalamiga ah iyo in aanay tixgelin ama aqoonsanayn wax kasta oo sharci ah oo ay ku yeelanayso goobtaasi. Imaaraatka Carabta ayaa fariin cad kaga jawaabtay 16-kii May in “Al Yasat” ay ku taallo dhul badeedkeeda. Muranka ma waxaa uu ku kooban yahay xuduudda mise arrimo kale ayaa jira? Warbixinnada ay qorayeen wargeysyada aan ahayn kuwa Carabta ayaa muddo dheer ka hadlayay waxa ay ugu yeereen “saaxiibka-cadowga”, taas oo ah, in Imaraadka iyo Sacuudiga, iyo tartanka juqraafiyeed iyo loolanka awoodeed ee u dhexeeya. Abdullah Baaboud, oo madax ka ah xarunta cilmibaarista Malcolm Kerr-Carnegie ee Bariga Dhexe, ayaa sheegay in ay jiraan murano badan oo dhanka xuduudaha ah oo u dhexeeya dawladaha Khaliijka, sababtoo ah xuduudaha qaar ayaan si cad loo kala saarin, mararka qaarkoodna khilaafyadani waxay soo baxaan, gaar ahaan marka ay jiraan khilaafyo kale oo qarsoon. Baaboud waxa uu intaa ku daray in khilaafkii dhawaan dhacay aan la eegi karin xaaladiisa guud, maadaama ay jiraan kala duwanaansho qarsoon oo u dhexeeya Sucuudiga iyo Imaaraadka. Kala duwanaashiyahan ayuu khabiirka sheegay inay la xiriiran tartan dhaqaale oo gaar ah, maadaama Sacuudiga uu isku dayayo, iyadoo loo marayo Hiigsiga 2030-ka inuu noqdo dalka ugu muhiimsan gobolka, wuxuuna isku dayayaa inuu noqdo xarunta dhaqaalaha adduunka, halka Imaaradka gaar ahaan Dubai loo arko inay u tartamayso isla meeqaamkan. Baaboud waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dal oo ay ka mid tahay arrinta Yemen oo ay ku kala gadisan yihiin hadafka iyo taageerada ciidamada maxalliga ah, Afgaanistaan iyo loolanka saamaynta ay ku leeyihiin dalalka Geeska Afrika, Bariga Afrika iyo waliba wadamada Waqooyiga Afrika. Cilmi-baarahan ayaa sidoo kale intaa ku daray in sidoo kale ay jiraan kala duwanaansho gudaha wadamada soo saara shidaalka ee OPEC ah, iyada oo Imaaraadku ay isku dayayaan inay muujiyaan awoodda ay ku leeyihiin gobolka, halka Sacuudi Carabiya ay sidoo kale leedahay istiraatijiyad u gaar ah.” Mustaqbalka khilaafka iyo saamayntiisa In kasta oo qaarkood ay isku dayayaan in ay yareeyaan saamaynta muranka soohdinta badda ee u dhexeeya Sucuudiga iyo Imaaraadku ku yeelanayo xiriirka labada dal, kuna qanacsan yihiin in ay u arkaan “farqi yar oo u dhaxeeya” oo uusan ahayn “khilaaf,” ayaa Professor Fawaz Girgis, oo Xiriirka Caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda London, waxa uu aaminsan yahay in qaabka Sucuudigu arrintan ugu gudbiyay Qaramada Midoobay “ay muujinayso baaxadda farqiga u dhexeeya labada dal, iyo awood la’aanta labada waddan inay xaliyaan murankan soohdinta badda. Waxa kale oo ay tilmaamaysaa in xiriirkii dhowaa ee ka dhexeeyay aanu sidii hore u sii adkayn. Girgis waxa uu intaa ku daray in xiriirka labada dal uu marayo meel mugdi ah, waxaanu aaminsan yahay in xiisadan ka dhalatay xiriirka labada dal aanay midna dan u ahayn, isla markaana ay saamayn ku yeelan doonto golaha iskaashiga Khaliijka, marka la eego baaxadda arrintan. Sacuudiga iyo Imaaraadka Waxay ayaa waxay laf-dhabar u yihiin Golaha Khaliijka, sidaas darteed xiisadda xiriirka waxay horseedi doontaa nooc kala duwanaansho, wuxuuna khilaafakan sidoo kale sababi karaa in golahaasi ay Awoodi waayaan inuu dhaqaajiyo faylalka muhiimka ah. Marka laga soo tago Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka, Golaha Iskaashiga Khaliijka waxaa ka mid ah Cumaan, Kuwait, Bahrain iyo Qatar, waana gole la aasaasay saddex iyo afartan sano ka hor, xaruntiisuna tahay Sacuudi Carabiya. Muxuu sharciga ka leeyahay Yasat? Sharci ahaan, uma taallo Qaramada Midoobay inay go’aan ka gaarto soohdinta iyo kala soocidda xudduudaha, balse waa arrin ay tahay in dalalku si laba geesood ah u xalliyaan. Ku xigeenka afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Farhan Haq, wuxuu yiri: “Ma hayno hadda wax faallo ah oo faahfaahsan oo aanu ka bixinno, waxaan si fudud u dhiirigelinaynaa dhammaan dadaallada ay dalalku sameeyeen si caadi looga dhigo xiriirkooda laba geesoodka ah.” Sida laga soo xigtay Wasaaradda Isbeddelka Cimilada iyo Deegaanka ee Imaaraatka, aagga badda ee “Al Yasat” waxaa ku jira jasiirado badan oo leh biyaha ku hareeraysan, waxayna ku taallaa koonfur-galbeed ee Abu Dhabi, oo ku taal xeebta kala qaybisa Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka. Taariikhda muranka xuduudka Muranka soohdinta ee Sucuudiga iyo Imaaraadku waxa uu soo billowday sannadkii 1974-kii, markaas oo ay labada waddan kala saxiixdeen heshiis ay ku xallinayaan khilaafaadkooda xuduudeed ee loo yaqaanno heshiiskii Jiddah, kaas oo Sucuudigu ka tanaasulay sheegashadiisa qayb ka mid ah meel Saliida Qani ku ah ee loo yaqaano Buraimi Oasis. Xuduudaha saliidda qaniga ku ah ee u dhexeeya labada dal, sida Jaziiradda Al-Huwaisat, halka Imaaraadku uu ka tanaasulay boqolkiiba 80 ceelka shidaalka ee Shaybah, iyo 50 kiiloomitir oo xeebta ah. Sida uu dhigayo heshiiskaas, Sacuudiga wuxuu sidoo kale u aqoonsaday Imaaraadka inuu yahay dowlad madax-bannaan, tanina waxay ahayd bilowgii wejigiisii aasaaska. Cabdul Khaleq Cabdullah, oo ah borofeesar cilmiga siyaasadda ka dhiga Imaaraadka, ayaa u sheegay in heshiiska lagu saxiixay si degdeg ah iyo duruufo adag oo dhanka hay’adaha ah, lagana yaabo in duruufahaas ay ku kaliftay in Imaaraadku saxiixdo iyada oo aan xisaabta ku dareynin tafaasiil badan oo muhiim ah. Waxa uu intaa ku daray in isaga oo ka duulaya xogtan, Abu Dubi ay bilaabeen in ay dib u eegis ku sameeyo Riyadh si wax looga bedelo qaar ka mid ah qodobbada heshiiska, balse sacuudiga ay diidan yhiin. Heshiiskii 1974 kii ma baabi’in xurguftii labada dal, taasoo gaartay heer ay Imaaraadku qaadacaan shirkii wasiiradda arrimaha dibadda iyo shidaalka khaliijka 1999-kii ee ka dhacay Sacuudi Carabiya, iyagoo ka soo horjeeday furitaanka goob shidaal oo ku taal gobolka Shaybah iyo ku guuldareysiga inay ku lug yeelato Abu Dhabi ka faa’iidaysiga dakhliga goobtaas. Xiisadda ayaa sii xumaanaysay sannadihii xigay, waxayna gaartay meeshii ugu sarreysay sannadkii 2010-kii, markaasoo Imaaraadku ku eedeeyay Sacuudiga inay ku xad-gudbeen ilaalada badda ee ay ku sugan yihiin dhul-badeedkiisa, waxayna arrintu gaartay heer ay xabbado digniin ah ku riddo. Sannadkii 2004-tii, Imaaraadku wuxuu hoggaanka Sucuudiga la soo qaaday arrinta wax ka beddelka heshiiska xuduudka, iyagoo u arkayay inay “caddaalad-darro ku tahay arrintaas,” illaa uu Madaxweynihii hore ee Imaaraadka, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, soo saaray wareegto sannadkii 2005-tii uu ku sheegayo markii ugu horeysay in “Al Yasat” ay Imaaraadka ka tirsan tahay. Sida laga soo xigtay falanqeeyaha siyaasadda iyo lataliyaha xarunta warbaahinta iyo daraasaadka Carabta, Abdulaziz bin Razen, ma jiro khilaaf dhab ah oo u dhexeeya labada waddan, laakiin taa beddelkeeda waxaa jiri kara farqi ama kala duwanaansho xagga aragtida ah. Waxa uu sheegay in arrinta “Al-Yasat” la soo afjaray, lahaanshiyaheedana ay ku soo laabatay Sacuudiga sida uu qabo heshiiskii 1974 oo lagu qoray khariidadaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay. Bin Razen waxa uu intaa ku daray in wareegtada Imaaraadku soo saartay 2019 ay ka hor imanayso heshiiskaas, sidaas darteedna aanay Boqortooyadu aqbali karin in heshiiskan hal dhinac laga beddelo maadaama uu dhacay. Balse dhanka kale waxa uu rumeysan yahay in aysan saameyn xun ku yeelan doonin xiriirka labada dal. Isha: BBC The post Muran dhanka xududda ah oo ka dhex qarxay Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka dowladda Hindiya u qaabilsan Soomaaliya. Safiirka Hindiya Namgya Choden Khampa ayaa wasiirka kala hadashay sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya. Sidoo kale, kulankaan oo ka dhacay xafiiska Wasiir Fiqi ayaa lagu gorfeeyey fursadaha lagu ballaari karo iskaashiga wadajirka ah ee labada dal oo ku kala yaalla qaaradaha Afrika iyo Aasiya. Safiirka Hindiya ayaa Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya u sheegtay in ay ka go’an tahay fududeynta codsiga dal ku galka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan inay caafimaad u aadaan Hindiya. “Waa naga go’antahay inaan hubino in ay Soomaalidu si degdeg ah u heli karaan fiisaha, iyada oo aysan jirin cid kale oo na dhexdhexaadi doonta,” ayey tiri Namgya Choden safiirka Hindiya u joogta Soomaaliya. Hindiya ayaa safka hore uga jirta dalalka ay dadka Soomaaliyeed u aadaan caafimaadka, hadana dhibaato weyn ayaa lagu qabaa sidii qof Soomaali ah uu Hindiya ku tegi lahaa. Inta badan Soomaalida u socota Hindiya waxay aadaa Addis Ababa – Itoobiya, halkaas ka jartaan fiidaha ama dal ku galka Hindiya, dad badan ayaa cabasho ka muujiyey wareegaas dheer, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ka dalbaday in safarada Hindiya la fududeeyo. Hadda waxaa xaaladda sii adkeysay arrinta Itoobiya iyo Soomaaliya oo dagaal culus oo diblomaasiyadeed uu ka dhex qarxay, dadka Soomaaliyeed waa ku sii dhibtoodeen helidda dal ku galka Hindiya, balse hadda waxaa muuqata in dowladda garowsatay inay raadiso xal deg deg. The post DF iyo Hindiya oo go’aan ka gaaray arrin ay baahi weyn u qabeen dadka Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo ayaa si faahfaahsan uga hadlay arrinta qabuuraha Iskuul Buluusiya, isagoo si weyn u difaacay go’aanka dowladda, tusaaleyn dhanka diiniga ahna ka bixiyey qodobada uu ku difaacayo go’aanka qabuuraha looga rarayo dhulkaas. Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis ayaa shaaciyey in dowladii Farmaajo ay mar sidaan oo kale isugu dayday in qabuurahaas lasoo fago oo laga saaro dhulkaas, balse ay ka diideen, maadaama la sii rabay shakhsiyaad gaar ah. Hadda oo dowladda Xasan Sheekh ay go’aankaan la qaateen iyo xiligii Farmaajo oo ay ka diideen wuxuu sheegay Sheekh Cali Wajiis inuu jiray kala duwanaasho, maadaama dowladda Xasan Sheekh ay dhulkaas uga faa’iideysaneyso, si dan-guud ah, halka dowladii Farmaajo ay ka kirey rabtay shakhsiyaad ganacsato ah. Shiiqa oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal ayaa sidoo kale sheegay in xiligii Farmaajo ay mar kale dowladda ka diideen in dadka ku shaqeysta laga saaro dhul u badan hoteelo uu ku jiro Hotel Afrik oo dowladda u jireysan. “Guddoomiye Injineer Yariisow ayaa noo keenay liis dheer oo qiyaastii 30 ah, kuwaas oo u kireysan dowladda oo Hotel Afrik uu ku jiro, waxaan R/Wasaare Kheyre ku dhahnay dhulkaan hadii dadka ku shaqeysta laga saaro dan-guud maka hirgelinee? Wuxuu yiri maya, ka leexo ayaan dhahnay dadka degan ayaa u xaq leh oo sanado badan laga kireeyee, waana naga aqbalay,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis. Sidoo kale Sheekh Cali ayaa sheegay in xiligaas ay dowladii Farmaajo ka aqbashay culimada is hortaagii ay ku sameeyeen go’aanka lagu fagi lahaa qabuuraha iskuul Buluusiya, balse hadda dowladda Xasan Sheekh ay halkaas ka fulineyso qorshe danguud ah oo dhulkaas la dejinayo in ciidanka ilaalada xeebaha dalka oo baahi weyn loo qabo. Sheekh Cali Wajiis waxaa la weydiiyey waxa la gudboon culimada, hadii dhulkaas laga dhigo dhul ganacsi oo shakhsiyaad la siiyo, isagoo sheegay markaas ay ka hor imaa doonaan dadkana u cadey doonaan in balantii ay uga baxday dowladdu, balse hadda qorshaha loo sheegay oo dowladda ay ku raaceen uu yahay in dhulkaas hanaan danguud ah loo isticmaalo. Wuxuu intaas ku sii daray, in diinta islaamka aysan baneyn in dangaar ah loo isticmaalo dhul danguud ah, inta laga saaro dadkii ku xabaalaa, sidoo kale wuxuu faahfaahin dheer ka bixiyey marka la ogolyahay in meyd laga saaro meel ee meel kale lagu aaso, isagoo ka bixiyey tusaalooyin waaweyn oo ku qanciyey in culimadu ay go’aankaas la qaadayo dowladda. Hoos ka daawo The post Daawo: Cali Wajiis oo xaqiijiyey in Farmaajo dalbaday in qabuuraha Iskuul Polizia loo beddelo goob ganacsi appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray deegaanno ka tirsan waqooyiga Gobolka Galgaduud, kuwaas oo maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya beelo walaala ah oo wadaag ahaa. Madaxweyne Qoor qoor oo gogol nabadeed u faray beelihii halkaas ay dirirtu ku dhex martay ayaa la kulmay odayaasha iyo wax garadka labada dhinac, isagoo kala hadlay sida ay muhiim ugu tahay in ay gaaraan xal deg deg ah iyo nabad waarta oo labada dhinac dhex marta. Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo dhaqanka labada beelood ee gogosha isugu yimid ayaa isku raacay saddex qodob oo kala ah: 1: In xabbad joojinta la is la qaatay, sidoo kalena lala shaqeeyo ciidammada amniga. 2: In la kala qaado maleeshiyaadka. 3: In dhinacyadu usoo diyaar garoobaan gogol nabadeed oo caasimadda Dhuusamareeb la dhigay. Colaaddii dhowaan ka dhacday deegaanka laandheer oo u dhexeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo xeraale ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 70 ruux, balse hadda waxaa socda waam waan nabadeed iyo wada hadal. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa iska dhago tirtay baaqyaddii u dambeeyay ee madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka u jeediyeen, kaasi oo la xiriira xaaladda ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya, kadib markii kasoo baxay dowladda. Agaasimaha Madaxtooyadda oo u jawaabay qaar kamid ah madaxdii hore iyo siyaasiyiinta u jeedisay in deg deg looga laabto arrinta Iskuul Buluusiya ayaa ugu jawaabay qoraal ay ka dhalatay fal-celin xooggan, kaasi oo uu ku weeraray kooxda madaxweyne Farmaajo ee Nabad iyo Nolol iyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. “Siyaasiga kabahooda ku aasay meydka askar Soomaaliyeed oo uu xaqdaro ku laayay islamarkaana qabriyadooda ilaa maanta aysan ehelkoodu aqoon meesha ay ku yaalaan, mayahay qofkii dhihi lahaa “Waxaan aad uga damqanayaa, jirkeyguna la jiriricoonaya,” ayuu yiri agaasime Dige. “Ma waxaa xurmada qabuuraha ka hadli kara siyaasiga askari Soomaaliyeed oo nool gacanta u galiyey cadawga maanta baddeena doonaya?. Siyaasiga baddii uu muranka geliyay la soo celiyay miyaa garan kara muhiimadda ay Qaranka u leedahay dhismaha xarunta ciidamada badda Soomaaliyeed?.” Dadka qaar ka fal-celiyay qoraalka jawaabta ee uu soo saaray agaasime Dige ayaa tilmaamay in laga wanaagsanaa in Madaxtooyadda ay sidaan uga jawaabto baaqyaddii ka dhashay go’aanka fajicisada ku noqday bulshada Soomaaliyeed ee ahaa “in dowladda u baahan tahay dhul ay ku aasan yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, ayna tahay in looga saaro maydadka muddo 10 cisho ah.” Haddaba, sidee looga fal-celiyay? Xasan Boss: “Sidii la idinku aamini lahaa ayaa dhib ka taagan yahay. Dhul Airport dhiniciisa ku yaalla ayaa hadda ka hor sidaan oo kale loo sheegay in xero ciidan laga dhisayo kadibna siyaasiyiin ayaaba qeybsaday oo laga gaday.” Maxamed Axmed ayaa isna waxa uu yiri “Agaasime, hadalka siyaasiyiinta soo dhaafa, hoos usoo daadaga, arrinta qaabka loo maareeyay aad bay u fool xuntahey, dadku waxay idinku xukumayaan waa ficilladiina & go’aannadiina ee ma ahan hadal siyaasi kale.” “Dowladda dhul kale oo cidanka lagu tababaro miyey weyday markii la dhahayo qabuuraha hala soo faago mise qadaraas ayaa halka niga kalay,” ayuu yiri Ilyaas Muxiyadiin. “Waad asiibtay agaasime,” ayuu yiri Maxamuud Maxamed Cabdulle. Sakariye Maxamed Isticmaar: “Wax uun damiir ah haddii aad leedahay way ku dhibi lahayd wixii shalay ka dhacay qabuuraha Iskool Boolisiyo. Dowlada dhul ma waayin waliba daafaha magaalada ayay ka sameysan kartaa xero ciidan oo waliba amniga Muqdisho ka qeyb qaadata. Waxa kaliya aan ka naxay waa in aad Sheekh Bashiir Salaad dabin dhex dhigteen.” “Dowladdu inay dhulkeedi ceshato waa garanay ee mayd la canshuurayo naga dhaadhiciya sida ay ku dhacday,” ayuu yiri Maxamuud Ducaale. Axmed Cabdinuur “Warkuba waa intaas danqasho ka mahan ee waa dacaayadayn.” “Agaasime dhulka ciidamada badda waa naqaan waa inyar oo dhanka qorax u dhac ka xigta qabuuraha ee umadda yaan been loo sheegin, dhulkaas waa lakala tuurtay inta badan dowladdii Farmaajo ayaa la isku wada qoray kaliya waxa dhiman in la rabo in ganacsatada laga iibiyo,” ayuu yiri Cabdifataax Cusmaan Xirsi. Cali Cusmaan Xaaji ayaa isna sidoo kale waxa uu yiri “Warku waa dhan yahay.” The post Fal-celin culus oo ka dhalatay jawaabta Villa Somalia ay ka bixisay baaqyadii loo diray appeared first on Caasimada Online.
-
In her first book, Guardian journalist Aamna Mohdin explores her Somali family’s refugee experience in Kenya, Saudi Arabia, the Netherlands and Britain, confronting many different versions of herself in the process. As she rests in a hotel after visiting the Kenyan beach where her mother had landed, heavily pregnant with her, after fleeing the carnage in Mogadishu, Mohdin reflects on a quote from William Faulkner’s novel Requiem for a Nun: “The past is never dead. It’s not even past.” Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Heshiis ka kooban 3 qodob ayaa laga gaaray colaadkii dadka badan lagu laayey ee beelaha Dir iyo Mareexaan ku dhex martay waqooyiga gobolka Galgaduud, waxaana ku baxay madaxda ugu sareysa Galmudug. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo hoggaaminaya wafdi culus oo maamulkiisa ka tirsan ayaa gaaray deegaanadii lagu dagaalamay maalmihii lasoo dhaafay ee u dhaxeeya Caabudwaaq iyo Xeraale. Madaxweyne Qoor Qoor oo halkaas ka furay gogol nabadeed ayaa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac, isagoo kala hadlay sida ay muhiim ugu tahay in ay gaaraan xal deg deg ah iyo nabad waarta oo labada dhinac dhex marta. Isla maanta waxaa la gaaray heshiis bilow u ah gogosha, kaas oo ka kooban 3-qodob oo kala ah: 1: In xabbad joojinta la is la qaatay, sidoo kalana lala shaqeeyo ciidammada amniga. 2: In la kala qaado maleeshiyaadka. 3: Iyo in dhinacyadu usoo diyaar garoobaan gogol nabadeed oo caasimadda Dhuusamareeb la dhigay. Dadka ku geeriyooday dagaal maalmo kooban ka socday deegaanada u dhaxeeya Xeraale iyo Caabudwaaq waxaa ku geeriyootay ku dhowaad 100 qof oo labada dhinac ah, waxaana ku dhaawacmay dad intaas ka badan. Deegaano ayey kala qabsadeen labada beelood, waxaana adkaatay in la kala dhexgalo, waxayna dileen askar boolis ah oo lagu amray inay dagaalka joojiyaan oo beelaha kala dhexgalaan. The post Sawirro: QOOR QOOR oo heshiis 3 qodob ah dhex-dhigay beelihii is laayey appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Dowlada Puntland ayaa joojisay dhamaan qorista, magacaabista, ansixinta iyo wax ka bedelka shaqaalaha Puntland. Amarkaan ayaa kasoo baxay Madaxweyne Siciid Deni, sidda lagu sheegay digreeto kasoo baxday xafiiska wasiir ku xigeenka shaqada iyo arimaha bulshada Puntland Jaamac Faarax Boos. Wasiirada cusub ee dhawaan la magacaabay ayaa qaarkood bilaabay inay qoraan shaqaale cusub oo u badan dad ay iyagu wataan. Sidoo kalena waxay sameeyeen in shaqaalaha qaarkood ay boosaaskooda ka bedelaan. Talabaadaas ayaa meesha ka saaraysaa in shaqaale tiro badan layska qoro, wasiirada yo madaxda hay’adaha madaxa banaana ay awood u yeesheen ku tagrifalka xaquuqda shaqaalaha. Halkan ka akhriso warqadda PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo joojisay qorista iyo ansixinta dhammaan shaqaalaha cusub appeared first on Puntland Post.