-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisulwasaaraha Shiinaha Li Qiang ayaa booqasho rasmi ah uga billaabatay dalka Australia. Li Qiang wuxu la kulmay ra’iisulwasaaraha Ausrtalia Anthony Albanese, iyaga oo wada hadlay xiriirka ganacsi, ammaanka gobolka iyo qoraa u dhashay Australia oo ku xiran Shiinaha. Li, oo ah shakhsiga labaad ee ugu sarreeya Shiinaha marka laga yimaado madaxweyne Xi Jinping, ayaa booqashadiisa Australia loo arkaa mid calaamad u ah xasilinta xiriirka labada dhinac. Mad-madow ayaa hore uga jiray xiriirka labada dhinac, kaas oo ku qotomay xannibaad ay Beijing saartay badeecad lagu qiyaasay ilaa $20 bilyan oo dollar oo ay Australia u dirto Shiinaha iyo sidoo kale khilaaf ku saleysnaa arrimaha difaaca. Ra’iisulwasaaraha Australia ayaa wariyaasha u sheegay in ay ay soo dhaweynayaan xasilinta iyo horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee sii socda. PUNTLAND POST The post Shiinaha iyo Australia oo dib u hagaajinaya xiriirkooda diblomaasiyadeed appeared first on Puntland Post.
-
Warbixin uu qoray Brian Bloom oo lagu daabacay wargeyska ka soo baxa Israel ee “The Jerusalem Post” ayaa cinwanaan looga dhigay “Rajada kaliya ee u hartay Israel waa Sacuudiga”. Qoraalka waxaa uu ku bilowday guul buuxda oo Israel ka gaarto Gaza waa wax aan sahal lagu gaari karin Qoraaga waxa uu sheegay Israel waa in ay sameysaa wax ay “Wajiga ku ilaalsan karto”. Dagaalka Israel iyo Xamaas ee socday 8-da bilood laga soo bilaabo Oktoobar 7, waxaa la dhihi karaa Israel kuma guuleysan maadama guutooyinka Xamaas ah ay weli dhulka joogaan, ayna awood u leeyihiin in ay Tel Aviv duqeeyaan iyo sidoo kale in dadka la haysto ay ku jiraan xaalad bani’aadannimada ka baxsan. Ra’yi ururin uu sameeyay Machadka Dimuqraadiyadda Israel ka hor howlgalkii sideedii June ee Nuseirat, waxay muujineysaa in 34 boqolkiiba dadkii ka qeybqaatay ay rajo fiican ka qabaan mustaqbalka ammaanka qaranka. Bishii May, 38 boqolkiiba dadweynaha Israel waxay sheegeen in ay kalsooni weyn u qabaan suurgalnimada in ay guuleystaan halka tiro badan oo 41 boqolkiiba ay sheegeen in ay kalsooni yar ku qabanaan in Israel guuleysaneyso Qoraaga waxa uu isweydiiyay isbeddelka hadii aan la guuleysan ama hadii dadweynaha kalsoonidooda lumiyaan. Bloom waxa uu aaminsan yahay in si weyn looga fakaro arrinta. Waxa uu sheegay in jawaabta ay hortaalo Sacuudiga iyo Imaaraatka. Qoraaga waxa uu sheegay in Sacuudiga uu si weyn u doonayo in uu caadi ka dhigo xiriirka uu la leeyahay Israel taasna waxaa daliil u ah madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo soo bandhigay xabad joojin saddex heer ah iyo siideynta la haystayaasha iyadoo la eeegayo rabitaanka Netanyahu ee ah in aanu ogolaan maamul Falastiin oo halkaa jooga. Sacuudiga iyo Imaaraatka way sameyn karaan qorshahaas. Sacuudiga waxyaabo waa weyn ayuu ka doonayaa Israel oo ay ku jiraan jid laysku haleyn karo oo lagu dhiso dowladda Falastiin ah taas ah oo wax ay Israeliyiin badan iyo maamulka hadda jira ay ka horjeedaan. Hadii Israel ay ku guuleysan weyso dagaalka ay kula jirto Xamaas waa in hab kale la maraa. Qoraaga waxa uu rumeysan yahay hadii Netanyahu uu caadi ka dhigo xiriirka Sacuudiga waxay taasi bedelysaa gobolka oo dhan. Israel waxay gobolka ka helysaa boos ay isbahaysi kula noqoto Carabta Sunniyiinta ee ka horjeeda Iran iyo xulufadeeda. Sidoo kale waxay taasi hogaajineysaa wajiga xumaaday ee Netanyahu. Dhabtii taasi ma dhawa, isbahaysigiisa ma sii jirayo. Marka la gaaro heshiis in badan waxay noqon doonaan howlgab, waana wax aysan marna qiyaasin Carabtii hore. Qoraaga waxa uu qabaa hadii heshiis lala galo Sacuudiga oo dagaalka Gaza la soo afjaro in taasi ay fududeynso culeyska Maxkamadda dambiyada Caalamiga ee ku hayaan Israel iyo hoggaamiyayaasheeda. Dagaalka labada dhinac ee Netanyahu Qorraal uu ku qoray Peter Beaumont wargeyska ka soo baxa UK “The Guardian” ayaa cinwaan uga dhigay “Netanyahu labo dagaal ayuu ku jiraa” mana muuqata in midkoodna uu dhamaanayo. Qoraaga waxa uu muujiyay in dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas iyo kan Xisbullah ee Lubanaan ay yihiin dagaallo iska soconayo oo aan la ogeyn xilliga ay dhammaanayaan. Israel labo dhinac ayey dagaal ugu jirtaa. Si kasta oo ay ugu adeegsato awood iyo hub culus Gaza, hadana in la gaaro guul weyn ma cadda, waana khiyaali. Aragtida hoggaamiyaha Xamaas, Yaxya Sinwar ee ah waxyeelada rayidka Gaza in ay tahay huris lagama maarmaan ah waa mid ay Xamaas u aragto horumarka dagaalka si ka duwan Israel. Qoraaga waa sheegay in hoggaanka siyaasadeed iyo kan militeri ee Israel ay sanado aaminsanaayeen in ay awood u leeyihiin xakameynta dagaalka Xamas ama kan Xisbullah ee Waqooyiga. Waxay iska indho-tireen qodobka siyaasadeed ee hurin kara dagaalka. Falastiin waxay dooneysa dal iyo aayo-katalin Links Xamaas iyo Xisbuulah waxay doonayaan qorshe fog. Xamaas waxay u aragta in aysan jid kale haysan oo aan ka aheyn in ay dagaalka sii wadaan. Qoraaga waxa uu rumeysan yahay in arintu aheyn oo kaliya dagaalka Gaza. Dagaalka Xisbullah ayaa qeyb ka ah colaadda. Fakarka Israel ee ah in dagaalka ay xakameyn karto ayaa la fahmay. Xadka Lubnaan dagaalka ka socda waxa uu noqday mid weyn. Waxyaabaha laga tagay ee dhibaatada keenaya Wargeyska ka soo baxa Lubanaan ee ““Asharq Al-Awsat” maqaal uu ku qoray Maxamed Al-rumayhi kaas oo cinwana uu uga dhigay “Faraqa u dhexeysa carrada iyo fakarka” ayuu kaga hadlay go’aanka Golaha Ammaanka ee ah in dagaalka la joojiyo. Jidka waa dheeryahay maadama aan waxyaabo badan xisaabta lagu darin. Qoraaga waa uu aaminsan yahay in labada dhinaca Israel iyo Falastiin ay haystaan midba rayi’ u gaar ah. Falastiin waxay u aragtaa dhulkooda oo laga qaatay halka Israel-na ay aaminsan yihiin in ay iyaga leeyihiin. Dhibatada waxay bilaabatay marka labada dhinac loo sheegay in ay hal dhul ku heshiiyaan. Labo dal ama hal dal ay wada leeyihiin. Qoraaga waxa uu aaminsan yahay Gaza oo dib loo qabsado in ay tahay in lagu soo laabtay halkii hore loo joogay. Xamaas oo maamulka Gaza ku soo laabatana waxay ka la mid tahay in halkii hore lagu soo laabtay. Bulshada caalamka labada dhinac waxay ugu baaqeen xalka Labo dal ah. Taasi waxay u baahan tahay in si wadajir ah loo aqoonsado dowladda Falastiin. Xamas waxay furtay albaab taariikhi ah. Qoraaga waxa uu ku soo afjaray maqaalkiisa isagoo tilmaamay in bulshada caalamka aysan fulin halku-dhigyadooda xamaasadeysan maadama uu Mareykanku yahay awoodda ugu firfircoon. In kuwa qaar la aflagaadeeyana ma soo dedejineyso calka bbcsomali Qaran News
-
WATCH: Serbia vs England 0-1: Euro 2024 Source: Hiiraan Online
-
Makkah (Caasimada Online) – Ugu yaraan 14-qof oo u dhashay dalka Urdun ayaa ku dhintay kuleyl xooggan oo ka dhacay dalka Sacuudiga, xilli ay ku guda jireen gudashada waajibaadka Xajka, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Urdun ayaa sheegtay in 14 ka mid ah muwaadiniinteeda ay dhinteen “kadib markii ay la soo darseen xanuunno ka dhashay kulaylka ba’an” waxaana la sheegay in 17 kale la la’yahay. Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AFP, hay’adda bisha cas ee Iran ayaa xaqiijisay in 5 xujey Iraniyiin ah ay sidoo kale naftooda ku waayeen, balse ma aysan cadeyn sida ay u dhinteen. Saraakiisha Urdun ayaa sheegay in ay socdaan baadigoobka dadka la la’yahay. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Urdun ayaa lagu sheegay in ay maamulka Sacuudiga kala shaqeyneyso habraaca loo aaso ama loo daabulo meydka dadka dhintay iyada oo la raacayo rabitaanka qoysaskooda. Baraha bulshada ayaa lagu arkayay muuqallada tiro xujey ah oo sanadkan ku geeriyooday xaramka iyaga oo la maamusayo isla markaana si nidaamsan loogu aasayo gudaha Sacuudiga. Xajku waa mid ka mid ah gudashada acmaasha ugu waaweyn iyo isu imaatinka ugu weyn ee adduunka. In ka badan 1.8 milyan oo xujey ah ayaa sanadkan ka qeyb qaadanaya sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Sacuudiga. Laakiin mararka qaar waxaa dhaca dhibaatooyin sababa khasaare kala duwan oo ay ka mid yihiin is buurasho iyo dab ka kaca meelaha teendhooyinka ah ee ay xujeydu ku nastaan. Laakiin sannadaha badankood, caqabada ugu weyni ayaa waxaa ka mid ahaa kulaylka daran ee Sacuudiga ka jira. Heerkulka ayaa ka sarreeyay 46C (114.8F) usbuucan, taasoo ka dhigaysa qaar badan oo ka mid ah gudashada acmaasha lagu sameeyo bannaanka mid adag iyo in socodku uu yaraado gaar ahaan dadka waayeelka ah. Madaxa xarunta saadaasha hawada qaranka Sucuudiga, Ayman Ghulam, ayaa todobaadkii hore ka digay isaga oo yiri: “Cimilada la filayo ee Xajka sanadkan waxa ay muujin doontaa kororka heerku sarreeya oo ka sarreeya heerka caadiga ah ee Makka iyo Madiina.” Sannadkii hore, ugu yaraan 240 qof ayaa dhintay. Musiibadii ugu xumayd ee ka dhacday Xajka, burburkii dhacay 2015-kii ayey ahayd iyada oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 2,000 oo qof. Xajka oo ka mid ah isu imaatinka ugu waaweyn Muslimiinta, waa mid ka mid ah Shanta Tiir ee Islaamka. Dhammaan Muslimiinta ayaa laga doonayaa inay sanadkiiba mar gutaan haddii ay jir ahaan iyo dhaqaale ahaanba awoodaan. BBC The post Tirada dadka sanadkan ku dhintay Xajka oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ku dhiiratay inay si shaacsan u sheegto inay aqoonsaneyso Somaliland, xilli uu socdo qorshe lagu dhaqan-gelinayo heshiiskii Addis Ababa. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa waxa uu shaaciyay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi siiya Somaliland. “Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya. Somaliland ayaa dhawaan calaamadisay dhul badeedka ay siinayso Itoobiya, ayada oo madaxweyne Muuse Biixi uu The Economist u sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah. Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in baahida weyn ee ay u qabaan aqoonsi ay ku qasabtay in ay dhulkaas bixiyaan. “Waxa aanu u halgamaynaa sidii aanu u heli lahayn madax-banaanideena, sida dalalka kale ee qaaradda ay sameeyeen,” ayuu yiri madaxweynd Muuse Biixi. Waxa uu intaas kusii daray “Waxay u baahan yihiin bad sida aan ugu baahanahay aqoonsi. Diyaar ayaan u nahay.” Arrimahan ayaa imanaya xilliabada dhinac ay weli diyaarinayaan heshiiska rasmiga ah. Xitaa haddii ay Itoobiya aqoonsato Somaliland, lama mid ahan in dalal kale ee qaaradda ay ku dayan doonaan. Dalal badan oo caalamka ah ayaa teegeero buuxda u muujiyey Soomaaliya, oo 6-dii June xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka ee QM. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale heshiis difaac la gashay Turkey, kaasi oo dhigaya in Ankara ay ka ilaaliso cid kasta oo ku soo xad-gudubta madax-banaanida iyo qarannimadeeda. The post Itoobiya oo shaacisay go’aan aqoonsiga Somaliland la xiriira – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
-
Gaza (Caasimada Online) – Warbixin uu qoray Brian Bloom oo lagu daabacay wargeyska ka soo baxa Israel ee “The Jerusalem Post” ayaa cinwanaan looga dhigay “Rajada kaliya ee u hartay Israel waa Sacuudiga”. Qoraalka waxaa uu ku bilowday guul buuxda oo Israel ka gaarto Gaza waa wax aan sahal lagu gaari karin Qoraaga waxa uu sheegay Israel waa in ay sameysaa wax ay “Wajiga ku ilaalsan karto”. Dagaalka Israel iyo Xamaas ee socday 8-da bilood laga soo bilaabo Oktoobar 7, waxaa la dhihi karaa Israel kuma guuleysan maadama guutooyinka Xamaas ah ay weli dhulka joogaan, ayna awood u leeyihiin in ay Tel Aviv duqeeyaan iyo sidoo kale in dadka la haysto ay ku jiraan xaalad bani’aadannimada ka baxsan. Ra’yi ururin uu sameeyay Machadka Dimuqraadiyadda Israel ka hor howlgalkii sideedii June ee Nuseirat, waxay muujineysaa in 34 boqolkiiba dadkii ka qeybqaatay ay rajo fiican ka qabaan mustaqbalka ammaanka qaranka. Bishii May, 38 boqolkiiba dadweynaha Israel waxay sheegeen in ay kalsooni weyn u qabaan suurgalnimada in ay guuleystaan halka tiro badan oo 41 boqolkiiba ay sheegeen in ay kalsooni yar ku qabanaan in Israel guuleysaneyso. Qoraaga waxa uu isweydiiyay isbeddelka hadii aan la guuleysan ama hadii dadweynaha kalsoonidooda lumiyaan. Bloom waxa uu aaminsan yahay in si weyn looga fakaro arrinta. Waxa uu sheegay in jawaabta ay hortaalo Sacuudiga iyo Imaaraatka. Qoraaga waxa uu sheegay in Sacuudiga uu si weyn u doonayo in uu caadi ka dhigo xiriirka uu la leeyahay Israel taasna waxaa daliil u ah madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo soo bandhigay xabad joojin saddex heer ah iyo siideynta la haystayaasha iyadoo la eeegayo rabitaanka Netanyahu ee ah in aanu ogolaan maamul Falastiin oo halkaa jooga. Sacuudiga iyo Imaaraatka way sameyn karaan qorshahaas. Sacuudiga waxyaabo waa weyn ayuu ka doonayaa Israel oo ay ku jiraan jid laysku haleyn karo oo lagu dhiso dowladda Falastiin ah taas ah oo wax ay Israeliyiin badan iyo maamulka hadda jira ay ka horjeedaan. Hadii Israel ay ku guuleysan weyso dagaalka ay kula jirto Xamaas waa in hab kale la maraa. Qoraaga waxa uu rumeysan yahay hadii Netanyahu uu caadi ka dhigo xiriirka Sacuudiga waxay taasi bedelysaa gobolka oo dhan. Israel waxay gobolka ka helysaa boos ay isbahaysi kula noqoto Carabta Sunniyiinta ee ka horjeeda Iran iyo xulufadeeda. Sidoo kale waxay taasi hogaajineysaa wajiga xumaaday ee Netanyahu. Dhabtii taasi ma dhawa, isbahaysigiisa ma sii jirayo. Marka la gaaro heshiis in badan waxay noqon doonaan howlgab, waana wax aysan marna qiyaasin Carabtii hore. Qoraaga waxa uu qabaa hadii heshiis lala galo Sacuudiga oo dagaalka Gaza la soo afjaro in taasi ay fududeynso culeyska Maxkamadda dambiyada Caalamiga ee ku hayaan Israel iyo hoggaamiyayaasheeda. Dagaalka labada dhinac ee Netanyahu Qoraal uu ku qoray Peter Beaumont wargeyska ka soo baxa UK “The Guardian” ayaa cinwaan uga dhigay “Netanyahu labo dagaal ayuu ku jiraa” mana muuqata in midkoodna uu dhamaanayo. Qoraaga waxa uu muujiyay in dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas iyo kan Xisbullah ee Lubanaan ay yihiin dagaallo iska soconayo oo aan la ogeyn xilliga ay dhammaanayaan. Israel labo dhinac ayey dagaal ugu jirtaa. Si kasta oo ay ugu adeegsato awood iyo hub culus Gaza, hadana in la gaaro guul weyn ma cadda, waana khiyaali. Aragtida hoggaamiyaha Xamaas, Yaxya Sinwar ee ah waxyeelada rayidka Gaza in ay tahay huris lagama maarmaan ah waa mid ay Xamaas u aragto horumarka dagaalka si ka duwan Israel. Qoraaga waa sheegay in hoggaanka siyaasadeed iyo kan militeri ee Israel ay sanado aaminsanaayeen in ay awood u leeyihiin xakameynta dagaalka Xamas ama kan Xisbullah ee Waqooyiga. Waxay iska indho-tireen qodobka siyaasadeed ee hurin kara dagaalka. Falastiin waxay dooneysa dal iyo aayo-katalin Xamaas iyo Xisbuulah waxay doonayaan qorshe fog. Xamaas waxay u aragta in aysan jid kale haysan oo aan ka aheyn in ay dagaalka sii wadaan. Qoraaga waxa uu rumeysan yahay in arintu aheyn oo kaliya dagaalka Gaza. Dagaalka Xisbullah ayaa qeyb ka ah colaadda. Fakarka Israel ee ah in dagaalka ay xakameyn karto ayaa la fahmay. Xadka Lubnaan dagaalka ka socda waxa uu noqday mid weyn. Waxyaabaha laga tagay ee dhibaatada keenaya Wargeyska ka soo baxa Lubanaan ee ““Asharq Al-Awsat” maqaal uu ku qoray Maxamed Al-rumayhi kaas oo cinwana uu uga dhigay “Faraqa u dhexeysa carrada iyo fakarka” ayuu kaga hadlay go’aanka Golaha Ammaanka ee ah in dagaalka la joojiyo. Jidka waa dheeryahay maadama aan waxyaabo badan xisaabta lagu darin. Qoraaga waa uu aaminsan yahay in labada dhinaca Israel iyo Falastiin ay haystaan midba rayi’ u gaar ah. Falastiin waxay u aragtaa dhulkooda oo laga qaatay halka Israel-na ay aaminsan yihiin in ay iyaga leeyihiin. Dhibatada waxay bilaabatay marka labada dhinac loo sheegay in ay hal dhul ku heshiiyaan. Labo dal ama hal dal ay wada leeyihiin. Qoraaga waxa uu aaminsan yahay Gaza oo dib loo qabsado in ay tahay in lagu soo laabtay halkii hore loo joogay. Xamaas oo maamulka Gaza ku soo laabatana waxay ka la mid tahay in halkii hore lagu soo laabtay. Bulshada caalamka labada dhinac waxay ugu baaqeen xalka Labo dal ah. Taasi waxay u baahan tahay in si wadajir ah loo aqoonsado dowladda Falastiin. Xamas waxay furtay albaab taariikhi ah. Qoraaga waxa uu ku soo afjaray maqaalkiisa isagoo tilmaamay in bulshada caalamka aysan fulin halku-dhigyadooda xamaasadeysan maadama uu Mareykanku yahay awoodda ugu firfircoon. In kuwa qaar la aflagaadeeyana ma soo dedejineyso calka Isha: BBC The post Wargeys Israa’iili ah oo qoray warbixin si weyn u kashiftay fashilka Israel ku haysta Gaza appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay inay jiraan dad fiirsanaya danahooda gaarka ah, kuwaas oo dacaayad la dabajooga dowladda iyo maauuliyiinta dalka. Sidaan oo kale xalay Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh ayaa uga jawaabay weerarrada loo mariyo baraha bulshada, isagoo codsaday in la iska dhaafo been abuurka iyo hadallada damqinaya boogaha. “Dadka faafinaya beenta raqiiska ah ee raba in danahooda kaliya loo fuliyo waa qaldan yihiin ee dadka Soomaaliyeed ha ogaadaan,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Guddoomiyaha oo hadda dalka ka ah kusime madaxweyne ayaa hadalkaan maanta ka sheegay Masjidka weyn ee Isbaheysiga Islaamka oo boqolaal shacab ah uu kula tukaday salaadii ciidda. Aadan Madoobe ayaa sheegay dalku uu ku socdo jihadii ugu fiicneed, isagoo tusaale u soo qaatay guulo ay ku jirto deyn cafintii, kuwaas oo la gaaray intii ay xukunka joogeen isaga iyo Xasan Sheekh. “Dhamaan bulshada Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in dowladda iyo madaxda ay u nasteexeeyaan oo garab istaagaan oo dowladnimada xafitaan, sidaas ayaa lagu wada guuleysanayaa,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in maauuliyadda uu marba qof heynayo oo dadka dhan aysan masuul halmar wada noqon karin. “Umadda Soomaaliyeed waxay maanta u baahan tahay oo ka maqan in iftiinka dowladnimo ee maanta baxaya ay gacanta ku qabsadaan oo khilaafaadka dhan meel la iska dhigo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Aadan Madoobe. The post Aadan Madoobe oo farta ku fiiqay ‘dad dowladnimada u burburinaya danahooda gaarka ah’ appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (Caasimada Online) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo shalay furay kalfadhiga 54-aad ee baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay arrimaha ay isku hayaan ee sababay khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Puntland iyo dowladda dhexe. Sidoo kale Saciid Deni ayaa si cad baarlamaanka maamulkiisa uga hor sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in wadahadal rasmi ah ay arrimaha masiiriga ah kala yeelato dowladda federaalka Soomaaliya. “Puntland waxay diyaar u tahay inay dowladda federaalka wadaxaajood toos ah kala gasho arrimaha masiiriga ah ee hortebinta u leh dowlad-dhiska Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Deni ayaa hoosta ka xariiqay in aysan waxaba iska bedelin mowqifkii ay Puntland qaadatay markii dowladda federaalka ay bilowday inay wax ka bedesho dastuurkii KMG ahaa ee Soomaalidu ku heshiisay. “Sidoo kale Puntland waxay qabtaa in khilaafaadka siyaasiga ah iyo midka khilaafiga ah looga gudbi karo wadahadal, iyadoo la ixtiraamayo ku dhaqanka sharciga,” ayuu yiri Saciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay qorsheyneyso in iskaashi hormarineed ay la yeelato dowlad goboleedyada kale ee dalka, Puntland waxay horay juhdi badan ugu bixisay sidii loo xaqiijin lahaa dowladnimo Soomaaliyeed,” ayuu yiri Saciid Deni. Madaxweynaha Puntland ayaa ku taliyey in awooda dalka aysan marooqsan qolo gaar ah, isla markaana lagu dhaqmo sharciga iyo dimoqoraadiyadda, “Suurtagal maaha in lagu dhaqmo siyaasadaha guracan oo koox gaar ah ay afduubato dalka iyo dastuurka,” ayuu yiri Saciid Deni. Sidoo kale Maxxaweynaha Puntland ayaa ku goodiyey in Puntland ay ku sii dhaqmo doonto awoodaha uu siinayo dastuurka maamulkaas iyo kan federaalka, ilaa inta ay xeyndaabka sharciga ku soo laabanayaan masuuliyiinta dowladda federaalka, sida uu hadalkiisa u dhigay. Madaxweyne Deni ayaa markii ugu horeysay cadeeyey qodobada ay isku hayaan dowladda federaalka iyo Puntland, kuwaasi oo kala ah: 1-Hirgelinta nidaamka federaaliga ah, 2-Awood wlqeybsiga 3-Nidaamka maaliyadeed ee federaalka, 4-Qaab-dhismeedka amniga qaranka, 5-Wadaagga kheyraadka, 6-Iyo Hanaanka Cadaaladda dalka. Qodobadaan ayuu sheegay Saciid Cabdullahi Deni inay isku hayaan Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya. The post Deni oo shaaciyey 6 qodob oo Puntland iyo DF ay isku hayaan kuna baaqay wadahadal appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa shaaciyay inuu dhex-dhexaad ka yahay doorashada Somaliland, taasi oo ka dhigan in Saylici uu dhabarka u jeediyay Muuse Biixi, xilli doorasho la galayo bisha Novermber ee sanadkaan. Saylici oo maanta la hadlay dad isugu soo baxay inay oogaan Salaadda Ciidul-Adxaa ayaa shacabka ugu baaqay inay codkooda ku aaminaan qofka ay u arkaan in uu awood u leeyahay xoojinta isku duubnidooda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in la kala fogeeyo doorashada iyo qabyaaladda, xilli dhowr bilood ka harsan yihiin doorashada madaxtinimada Somailand, oo ay ku loolamayaan saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid. “Shacabka Somaliland waxa aan leeyahay doorashada ciddii aad doontaan u codeeya, waa in la kala fogeeyo doorasho iyo qabyaalad,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici. Waxa uu intaas kusii daray “In ummadda kala dhimato waxa ay ku imaan kartaa in aan loo fakirin si aan wanaagsanayn.” Hadalka madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa imanaya xilli Muuse Biixi uu wajahayo loollan adag oo uga imaanaya mucaaradka, oo ku eedeynaya Biixi inay siyaasad xumaddiisa keentay in Somaliland ay lumiso deegaanada gobolka Sool. Si kastaba, Saylici oo xilligaan aheyd inuu dhiso Muuse Biixi oo uu ku-xigeen u ahaa sanado badan, ayna ka wada tirsan yihiin xisbul xaakimka ayaa sida muuqata garabkiisa ka baxay. Waxaana xilligaan musharax madaxweyne ku-xigeen u ah Muuse Biixi wasiirkiisa ganacsiga Mr. Saajin. The post SAYLICI oo dhabarka u jeediyay Muuse Biixi xilli xasaasi ah – Maxaa dhacay? appeared first on Caasimada Online.
-
Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la filayaa inuu booqdo Kuuriyada Waqooyi horraanta toddobaadka soo socda. Bartamaha Bishan, Sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa kula kulmay Wariyeyaasha goobtii uu Madaxweyne Yoon Seok-yool ka joogay Kazakhstan, wuxuuna si rasmi ah u sheegay qorshaha Madaxweyne Putin uu ku tagayo Waqooyiga Kuuriya. Waxaa sidoo kale jira xog sheegeysa in Pyongyang ay durba bilowday isu diyaarinta booqashada Madaxweyne Putin ee Kuuriyada Waqooyi. Haddii booqashadan Kuuriyada Waqooyi ay dhab ahaantii dhacdo, Madaxweyne Putin waxa uu booqan doonaa Pyongyang markii ugu horreysay muddo 24 sano ah tan iyo 2000, markaasoo uu xukunka hayay hogaamiyaha Difaaca Qaranka Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-il. Bishii Sebtember ee sanadkii hore, hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un iyo madaxweyne Putin ayaa kulan gaara ku yeesha xarunta Vostochny Cosmodrome ee Bariga Fog ee Ruushka, ayuu Putin ku aqbalay martiqaadkii Kim ee booqashada Kuuriyada Waqooyi. Haddii kulankii sanadkii hore dhexmaray Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka uu ahaa mid lagu gogol xaarayey xiriirka labada dal, dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in kulankan uu noqon doono mid muujinaya xiriirka si weyn u horumaray. Waxaa diiradda lagu saarayaa heerka uu marayo iskaashiga ciidan ee labada dhinac ee kulankaan, waxaana la filayaa inuu noqdo fursad lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada kala duwan, sida dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka, beeraha iyo dalxiiska. Waxa xiiso gaar ah leh in la xuso inta uu madaxweyne Putin ka xusi doono is-weydaarsiga hubka casriga ah iyo haysashada hubka Nukliyeerka ah ee Kuuriyada Waqooyi. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta aragti ah in shirkan Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka uu noqon karo ‘kulan dhacdo ahaan’ halkii laga wada hadli lahaa natiijooyinka dhabta ah. Iskaashiga Milatari: Ruushka wuxuu u baahan yahay hub, Kuuriyada Waqooyi waxay u baahan tahay taageero farsamo Iyadoo duulaanka Ruushka ee Ukraine uu socday in ka badan laba sano iyo bar, isku xirnaanta Waqooyiga Kuuriya iyo Ruushka ee bixinta sahayda muhiimka ah, ayaa sii xoogeysaneysa. Bare sare oo ka tirsan jaamacadda Kuuriya qaybteeda midaynta iyo dublamaasiyadda, Nam Sung-wook, ayaa sheegay in marxaladdan, uu ajandaha ugu muhiimsan ee kulankan uu yahay “intee in le’eg oo hubka ah oo Waqooyiga Kuuriya la siinayo mustaqbalka Ruushka.” Qaar kale ayaa sheegaya in kulankaan, ay u badan tahay inay ka gudbi doonaan heshiisyada muddada gaaban ee ku saabsan bixinta hubka caadiga ah ee Kuuriyada Waqooyi, ayna ku heshiiyaan iskaashi ciidan oo aad u dhow, sida horumarinta wadajirka ah ee hababka hubka. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in Kuuriyada Waqooyi ay rabto in ka badan cunno iyo saliid ay ugu beddesho hubka Ruushka. Professor Nam, ayaa si gaar ah u saadaaliyay in Kuuriyada Waqooyi, oo ku guuldareysatay inay hawada sare u dirto dayax gacmeedka kormeerka hawada bishii May ee la soo dhaafay, ay kulankaan kaga hadli doonto taageerada Ruushka ee tignoolajiyada hawada sare. Sharaxaada ayaa ah in Kuuriyada Waqooyi ay u baahan doonto caawinaad ka timaada Ruushka, oo wadan awood badan dhanka tignoolajiyada hawada sare, si ay ugu guuleysato hawada sare ee dayax gacmeedyada. Waxa kale oo jirtay saadaal ah in Kuuriyada Waqooyi ay isku dayi doonto in ay Ruushka ka caawiso dhinaca tignoolajiyada si ay u kordhiso xallinta dayax gacmeedyada indho-indhaynta iyo maraakiibta Nukliyeerka ah. Putin iyo Kim, ayaa kulankoodii kal hore waxay sheegeen inay xoojinayaan xiriirka labadooda dal ka dhaxeeya. Isha: BBC The post Maxaad ka ogtahay qorshaha cusub ee madaxweyne PUTIN iyo Kim Jong Un appeared first on Caasimada Online.
-
Professor Samatar: “People said, ‘Samatar brings recognition [for Somaliland], welcome him.’ However, Somaliland has not earned the right to be recognised. Its case has yet to be cogently fleshed out.” Hargeisa (PP News Desk)— Professor Ahmed Ismail Samatar criticised the Somaliland Administration’s approach to seeking recognition for its unilateral secession, which marked its 33rd anniversary in May. As Chairman of the political association Hillaac, Professor Samatar dismissed the pursuit of recognition as quixotic. “People said, ‘Samatar brings recognition [for Somaliland], welcome him.’ However, Somaliland has not earned the right to be recognised. Its case has yet to be cogently fleshed out,” Professor Samatar stated at a political meeting in Hargeisa. His remarks sparked a flood of tweets accusing him of “arrogance” and “collaborating with the Federal Government of Somalia.” Last week, Professor Samatar met with the President of the Somaliland Administration Muse Bihi Abdi to discuss the implications of the illegal maritime Memorandum of Understanding that the Somaliland President signed with the Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed in January 2024. Professor Samatar informed President Bihi that Ethiopia would be violating both the African Union Charter and the United Nations Charter if it were to recognise Somaliland as a country that seceded from the Federal Republic of Somalia. According to a senior member of Hillaac, Professor Samatar warned President Bihi that “Ethiopia will be classified as an anti-Somalia entity, on par with Al-Shabaab, if the Ethiopian government, in its search for sea access, promotes secession in Somalia.” In an interview with The Economist, President Bihi commented on the illegal maritime MoU, stating, “They [Ethiopia] need the sea as we need recognition.” Some influential politicians in Hargeisa believe that Somaliland’s secession is evolving into a territorial dispute between Somalia and Ethiopia. “Ethiopia understands that its actions could be construed as destabilising and as providing support to Al-Shabaab, a militant, proscribed organisation that opposes the territorial in and political unity of the Federal Republic of Somalia,” said an academic in Hargeisa. © Puntland Post, 2024 The post Professor Samatar Describes Somaliland Administration’s Quest for Recognition as “Quixotic” appeared first on Puntland Post.
-
Iyadoo ay maanta Muslimiin dunida u tahay dharaarta koobaad ee ciiddu adxaha ayaa madaxda iyo hoggaamiyaasha dalalka Islaamku waxay salaadda ciidda la oogeen kumaan dadweyne ah, ayagoo shucuubta Islaamka ugu hambalyeeyay maalintan farxadda iyo niyaayarka huwan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa salaadda Ciidda Carafo kula tukaday Masjid ku yaala magaalada Ankara Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi mudane Cevdet Yılmaz iyo qaar ka mid ah bulshada muslimiinta ah ee ku nool dalka Turkiga. Madaxweynaha ayaa sidoo muuqaal laga soo duubay ugu hambeeyay shacabka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan, asagoo ugu baaqay inay is kaalmeeyaan oo qoysaska dan’yarta ah ka farxiyaan. Dhanka kale dhallinyarada kooxda Alshabaab ka tirsan ayuu ugu baaqay inay isi soo dhiibaan, islamarkaana ay dowladdu soo dhowayn doonto oo nolol wanaagsan u abuuri doonto, haddii ay fikradda ururkaas ka laabtaan. Madaxda Soomaalida ayaa caan ku ah inay maalmaha ciidda cafis u fidiyaan maxaabiista dembiyada fudud u xiran, sidoo kalena ay isi soo dhiibis muddaysan u soo bandhigaan kooxaha hubaysan ee nadaamka dowliga ah ka soo horjeeda. Source: goobjoog.com
-
A Kenyan magistrate who was shot by a senior police officer earlier this week has died, according to the country's chief justice. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaan ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor ayaa shaaciyay inay heleen markii ugu horreysay diyaarad nooca drone-ka ah ee aan duuliyaha lahayn oo lagu magacaabo “TOGAN”. War qoraal ah oo lagu shaaciyay barta Facebook ay ku leeyiiin ciidamada Danab, ayaa lagu sheegay in diyaaraddan ay soo saartay xaruunta Defence Technologies Engineering and Trade ee dalka Turkiga. Diyaaraddan ayaa la tilmaamay in ay ka caawin doonto ciidamada helidda xogaha dahsoon ee muhiimka u ah howlgallada dhanka sirdoonka. “UAS TOGAN waxay leedahay nidaam kontorool duulimaad oo gaar ah oo loogu talagalay sahminta heerka taatikada, ilaalinta iyo howlgallada sirdoonka,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu baahiyay barta Facebook ee ciidamada Danab ‘Special Force,. Sidoo kale diyaaraddan la’ siiyay ciidamada Soomaaliya, ayaa warbixinta lagu sheegay in ay ogaan karta waxyaabo aaney awood u laheyn in ay ogaadaan diyaaradaha kale ee aan duuliyaha laheyn. Tijaabooyin dhanka howl-gallada ah oo lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in xilliyada habeenkii iyo maalintii ay si isku mid ah u shaqeyso, marka ay timaddo xagga aragtida iyo helidda waxa qarsoon. “Diyaaradda caalamiga ah ee UAV, TOGAN, waxay arki kartaa wax aan la arki karin, iyo wax aysan ogaan karin diyaaradaha drooniska kale,” sidaas waxaa lagu sheegay warka ka soo baxay ciidamada. Waxyaabaha ay gacan ka gaysan karto diyaaraddan waxaa ka mid, xeeladaysiga howlgallada iyo aagagga aan laheyn aaladda GPS-ka. Waxtarka diyaaradda iyo wax ay u soo kordhin karto ciidamada Diyaaradaha ay horey u haysteen ciidamada dowladda oo ah kuwa aan duuliyaha laheyn ayaa la sheegay in diyaaraddan ay kaga duwan tahay oo kaliya dhanka masaafada ay gaarayso iyo inta kiiloo mitir ee ay socon karto ama ay hawada ku jiri karto. Taliyahii hore ee ciidamada dhulka Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in diyaaraddan ay heleen hadda ciidamada gorgor ay wax tar weynu leedahay ciidanka iyo howgalladooda. “Runtii waxtar weyn ayay u leedahay ciidamada, sababtoo ah habeenkii oo dhan waxaa laga yaabaa inta betariga loo kala badalaya mooyaane inta kale in ay hawada ku jirto,” Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi. Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa meesha ka saaray in aysan aheyn markii ugu horreysay oo diyaarad noocaan ah ciidamadu helaan ama ay soo iibsadaan maadama sida uu sheegay aaney qarash badan-ba joogin marka laga hadlo qiimaha lagu iibsan karo. Wuxuu sheegay in diyaaradaha caynkaan oo kale ah oo ciidamadu horey u haysteen, ay gaari jireen dhanka masaafada ilaa Lix kiiloo mitir halka tani ay intaa ka badantahay. Hase yeeshee taliyahii hore ee ciidanka dhulka Jenaraal Biixi ayaa intaa ku daray in diyaaraddan ay faa’iido badan u leedahay ciidamada marka la’ eego xagga xogta xiliga ay shaqeynayso iyo aagga loo adeegsan karo oo ah dhulka howdka ah. Jeneraal Biixi oo BBC-da u warramay ayaa sheegay: “Waxay soo sheegaysaa dhaqdhaqaaq kasta oo ah inta ay masaafadeedu gaarto, oo dhulka howdka ah inta badan, wax Allaa waxa ku dhex jira oo dhan way soo sheegaysaa,”. Isagoo hadalkiisa si wata ayuu Jeneraal Biixi yiri:, “Hubka ciidanka, tirada ciidanka, qaabka difaacu u sameysanyahay ciidanku inuu soo socdo iyo inuu difaac ku jiro , waxaas oo dhan ayay si dhab ah uga warramaysa oo looga daawanayaa,”. Qaybaha kala duwan ee ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dagaal kula jira xilligaan Al-Shabaab, oo haysta deegaanno ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana khuburadu aaminsan yihiin in saanad kasta oo waqtigaan ay dowladdu hesho ay ka caawinayso dagaalka iyo horumarrada ay dowladdu ka gaari karto isku dhacyada kala dhaxeeya Shabaab. Isha: BBC The post Xogta diyaarad casri ah oo markii ugu horreysay ay heleen ciidamada GORGOR appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka ayey suurta-gal tahay inay dileen hoggaamiyihii guud ee kooxda Daacish ee caalamka Cabdulqaadir Muumin, sida lagu sheegay warbixin cusub. Cabdulqaadir Muumin ayaa ahaa bartilmaameedka duqeyn uu Mareykanka 31-kii May ka fuliyey meel 50-mile koonfur bari kaga beegan magaalada Boosaaso, sida ay saddex sarkaal oo Mareykan ah u sheegeen NBC News. Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsanaa Daacish, sida lagu sheegay bayaan xilligaas ka soo baxay AFRICOM. Si kastaba, saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in weli aysan go’aamin in Muumin uu ka mid ahaa kuwa lagu dilay howlgalka. Muumin ayey Mareykanku si shaacsan u sheegeen inuu yahay madaxa Daacish ee Soomaaliya, hase yeeshee laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa hadda shaaca ka qaaday in uu si hoose ugu gudbay xilka hoggaamiyaha guud ee Daacish ee caalamka oo dhan, sanadkii tegay. Amiirkii Daacish ee isaga xilka kaga horreeyey Abu al-Hasan al-Hashimi al-Qurashi ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay Suuriya bishii November 2022. Daacish ayaa waxa ay Soomaaliya ku leedahay 100 illaa 200 oo mintidiin ah oo badankood ku sugan waqooyiga, gaar ahaan gobolka Bari, hase yeeshee waxaa jira kooxo kale oo ku fidsan qaaradda Afrika, oo ay ku jiraan dalalka Libya Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo iyo Mozambique. Kooxda argagixisada ayaa weli haysata kumannaan argagixiso oo ku kala sugan adduunka oo dhan, iyadoo badankooda ay ku badan yihiin waqooyiga Ciraaq iyo waqooyi bari Suuriya, sida ay sheegeen hay’adaha sirdoonka Mareykanka. Balse sababtoo ah Maraykanka oo si wax ku ool ah u beegsaday hoggaanka Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya, hoggaamiyeyaasha ISIS waxay u arkaan Afrika “meel ay tahay inay maal-gashadaan, halkaas oo ay awood u leeyihiin inay si fiican oo xor ah uga howl-galaan, waxayna doonayaan inay ballaariyaan unugga Daacish ee halkaas,” ayuu yiri sarkaalka sare oo ka tirsan gaashaandhigga Mareykanka Mareykanka ayaa sheegay in Muumin uu mas’uul ka yahay weerarro lagu hoobtay oo ka dhacay guud ahaan Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay, oo ay ku jiraan dil sannadkii 2019-kii lagu khaarijiyey mas’uul ka tirsanaa hay’adaha garsoorka ee gobolkiisa. Mareykanka ayaa 2016 ku daray liiska argagixisada caalamiga ah, ayaga oo sheegay inuu halis ku yahay amniga qaranka Mareykanka, siyaasadda arrimaha dibedda iyo dhaqaalaha Mareykanka. In Muumin uu la wareegay xilka madaxii ugu sarreeyey ee Daacish ayaan si weyn loo ogeyn, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Mareykan ah. Waxa uu xilka kala wareegay Abu al-Hasan al-Hashimi al-Qurashi, oo lagu dilay dagaal ka dhacay Suuriya dabayaaqadii 2022. Labadii madax ee hore ee Daacish, oo uu ku jiro hoggaamiyihii ugu caansanaa, Abu Bakar al-Baghdadi, ayaa is dilay markii ay hareereeyeen militariga Mareykanka kadib weerar lagu qaaday. The post WAR CULUS: Nin Soomaali ah oo noqday amiirka guud ee ISIS – Kadib maxaa dhacay? appeared first on Caasimada Online.
-
Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culumada ugu caansan Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu saaxiib la yahay dhinacyo dhibsanaya mashruuca dowlad dhiska Soomaaliya. “Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxaan ugu cudurdaareynaa inuu saaxiibo la yahay, sida muuqata, dhinacyo badan oo mashruuca dowlad dhiska Soomaaliya iyo heshiiska taariikhiga ee Soomaaliya iyo Turkiga dhibsanaya,” ayuu yiri Cali Wajiis. Sheekh Cali Wajiis ma shaacin dhinacyadaas ama dowladaha uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur xiriirka la leeyahay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ah siyaasi caan ku ah mucaarado joogto, ayada oo aan weli la arag isaga oo taageersan ama ku qanacsan nidaam dowladeed oo dalka soo maray haddii aanu xubin ka aheyn. Haddaba yey noqon karaan dhinacyada uu Cali Wajiis la xiriiriyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur? Inkasta oo liiska dowladaha ay dhibeyso dowlad dhiska Soomaaliya uu dheer yahay, haddana kuwa dhibsanaya heshiikii Soomaaliya iyo Turkey ayaa ah kuwa kooban, taasi oo fikrad naga siin karta dowladaha uu ka hadlayo Cali Wajiis. Midda ugu horreyso uguna cad waa Itoobiya, maadaama heshiiska Soomaaliya iyo Turkey loo saxiixay in Addis-Ababa looga difaaco badda Soomaaliya kadib heshiiskii xaaraantaa ahaa ee ay la gashay Somaliland. Dowlad labaad oo iyana cad in ay diidan tahay heshiiska Muqdisho iyo Ankara, waa Imaaraadka Carabta, oo marar badan ay Turkey ku loolameen siyaasadda gobolka, lana tuhunsan yahay in ay gadaal ka riixeysay heshiiska Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi. Marka ay noqoto Itoobiya, ma jiro diiwaan ama taariikh muujineysa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu xiriir wanaagsan weli la yeeshay, inkasta oo ay dhici karaan waxyaabo badan oo aan shaacsaneyn. Hase yeeshee hal mid ah oo hubanti ah; waa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu muddo xiriir wanaagsan la lahaa Imaaraadka Carabta, welina la leeyahay. Waxaa la rumeysan yahay in xilligii dowladda Farmaajo ay siin jireen dhaqaale uu ku riixo ololihisia mucaaradada ee ka dhanka ahaa madaxweynihii hore. Siyaasigan ayaa sidoo kale ka mid ahaa musharaxiin ay Imaaraadka Carabta doonayeen inay taageeraan doorashadii uu ku guuleystay Xasan Sheekh 2022, balse markii ay go’aamiyeen in uusan bulshada iyo xildhibaanada ka gadmi karin ay dib uga gurteen. Wararka qaar ayaa sheegaya in ay siiyeen dhaqaale qancin ah oo kooban, balse aanu ku filneyn inuu doorashada ku guuleysato. Sidoo kale waxaa xusid mudan, in mucaarada Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ka dhanka ah dowladda Xasan Sheekh oo aad u xoogeysatay bilihii dhowaa ay la kowsatay markii uu mugdi galay xiriirka Xasan Sheekh iyo Imaaraadka Carabta, taasi oo abuureysa tuhun aad u weyn. Sidaas darteed, waxay u badan tahay in dhinacyada uu Cali Wajiis ka hadlayo ay yihiin Imaaraadka Carabta. W/Q: Cabdinaasir Maxamuud Axmed AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Waa ayo dowladaha cadowga Soomaaliya ah ee Cali Wajiis uu la xiriiriyey CC Shakuur? appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa salaadda Ciidda Carafo boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ah ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo xujayda sanadkan gudanaya waajibaadka xajka Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaashooda suubban. Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isku naxariistaan isla markaana ay is caawiyaan, si farxadda Ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada gaar ahaan inta nugul. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ahna Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Shacabka ku nool caasimadda Muqdisho Salaada Ciida kula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee Magaaladda Muqdisho. Guddomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo Salaada Ciida ka dib la hadlay dadweynihii masaajidka ku sugnaa ayaa ugu hambalyeeyay munaasabada ciida, waxaa uuna dadka Soomaaliyeed ku booriyay garab istaagida dadka danta yar. Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed midnimo, wadajir iyo in ay taageeraan horumarka dowladnimo ee dalka. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya maalinta koowaad ee Ciidul-Adxa, ayada oo inta badan salaadda ciida lagu dukaday goobaha fagaaraayaasha. Magaalada Muqdisho ayaa kamid ahaa goobihii lagu dukaday salaadda ciida, oo qaarkood ay bulshada dukashada salaadda ciida kala soo qeyb-galeen madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Waxaa saxmad ahaa saaka waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, ayada oo indhahaaga ay qabanayeen caruur iyo waalid gacanta haya oo u socda goobaha loo diyaariyay ciida iyo tamashleynta. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo masuuliyiin uu kamid yahay ku-simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa salaadda Ciidda Carafo boqolaal kamid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ah ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo xujayda sanadkan gudanaya waajibaadka xajka Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaashooda suubban. Mudane Xamza ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isku naxariistaan isla markaana ay is caawiyaan, si farxadda Ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada gaar ahaan inta nugul. Guddomiye Sheekh Aadan Madoobe oo isna salaadda Ciidda kadib la hadlay dadweynihii masaajidka ku sugnaa ayaa ugu hambalyeeyay munaasabada Ciidda, isaga oo dadka Soomaaliyeed ku booriyay garab istaagida dadka danta yar. Ugu dambeyn guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed midnimo, wadajir iyo in ay taageeraan horumarka dowladnimo ee dalka. Isku soo wada duubo, Munaasabadda Ciidul-Adxa ayaa si weyn looga dabaal-degay guud ahaan magaalooyinka dalka, waxaana laga dareemaya saxmad waddooyinka waaweyn iyo goobaha ay iskugu imaadan dadweynaha. The post Sawirro: Muqdisho iyo dalka oo dhan oo si weyn looga ciiday iyo madaxda sare oo… appeared first on Caasimada Online.