Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Inta laxaqiijiyay ilaa iyo 10 qof oo kamid ah beelihii ku dagaalamay deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud ayaa ku dhintay , waxaana dhaawaca lagu sheegay [...] Source
  2. Warar deg deg ah oo hadda naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu qarax qasaare geeystay ka dhacay. Qaraxa ayaa ahaa miino ayaa waxaa uu ka dhacay guriga Cumar Baadiyow Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan. Cumar Baadiyoow ayaa ka bad baaday qaraxaasi waxaase halkaasi ku dhintay dad rayid ahaa oo goobtaasi ku sugnaa. Ciidamada amaanka ayaa goobta soo gaaray oo xiray halka uu qaraxaasi ka dhacay baaritaanana wada. Wixii ku soo kordha dib kala soco Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Cumar Baadiyoow oo ka bad baaday qarax la doonayay in lagu qaarijiyo appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka oo ay soo diyaarisay wasaaradda haweenka iyo iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Soomaaliya. Hoos ka aqri qoraal uu Mahad Salaad soo dhigay faceebok Waxaan ka digeynaa in Goleyaasha Barlamaanka la horkeeno sharci kasoo horjeeda shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Umadda Soomaaliyeed! Sharaf iyo Karaamo ayaan u haynaa Wasiiradeena iyo Xildhibaanada Goleyaasha Barlamaanka ee shirkaan fadhiya. Lkn hindise sharciyeedka ay soo bandhigtay, soona diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee la rabo inla horkeeno Goleyaasha Barlamaanka, wuxuu si toos ah uga horimaanayaa Shareecada Islaamka ee ummadda Soomaaliyeed dhammaantood ay aaminsan yihiin. Sida ku cad qodobka 2aad, faqradiisa 1aad, 2aad iyo 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya: Islaamku waa Diinta Dawladda. Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka. Lama soo saari karo sharci aan waafaqsaneyn Mabaadi’da Guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasiiddeeda. Haddaba, hadii aan si kooban u iftiimiyo qodobada Hindise Sharciyeedkaan uga horimaanayo Shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Umadda Soomaaliyeed waxay kala yihiin: Sharcigaan wuxuu weerarayaa guurkii Nabigeena Muxammad NNKH kuna tilmaamayaa xadgudub iyo fal dambiyeed. Sida ku cad qodobka 27aad ee sharcigaana: Qof kasta waxa uu galayaa fal dambiyeed guursi carruur ah haddii uu si ula kac ah u guursado carruur aan qaangaar ahayn”. Da’da qaangaarka ee sharcigaani xeerinayo waa 18 sano sida ku cad qaybta eray bixinta ee hindise sharciyeedkaan iyo qodobka 29aad, faqradiisa 8aad ee dastuurka. Qof kasta oo gala fal dambiyeedka ku xusan qodobkaana waxaa lagu xukumayaa xabsi aan ka yareyn 10 sano kana badneyn 15 sano”. Haddaba, maxay diinteenu ka qabtaan arintaan? Sida ku sugan shan kitaab oo ka mid ah kuwa asalka u ah xadiiska Nabigeena NNKH ( Bukhaari (3894), Muslim (1422), Abu daawuud (2121), Nasaa`i (3378) iyo Ibnu maajah (1876) ) in uu Nabi Muxammad NNKH Caa`isha ku guursaday iyadoo sagaal jir ah. Haddaba in fal dambiyeed loo arko wax Nabi Muxammad NNKH sameeyay waxay meel ka dhac ku tahay sharafkiisa iyo maqaamkiisa mana aha wax uu qaadan karo qof u rumeysan rasuulnimo. Sharcigaan kala saari maayo nikaaxa sharciga ah iyo sinada (dhileysi). Sida ku cad qodobka 6aad ee sharcigaan wuxuu si cad u leeyahay: Qof kasta wuxuu galayaa fal dambiyeed ku xadgudub jinsiyeed ah haddii uu fal jinsiyeed la sameeyay oggolaansho la`aanta qof kasta oo kale. Lagama reebin haddii uu nikaax ka dhexeeyo labada qof sida uu tilmaamayo ereyga QOF KASTA. Sidoo kale labada aan isqabin hadii fal jinsiyadeed uu dhex maro iyagoo raali iskaga ah iyadana denbi maahan sida meesha ka muuqata. SUBXAANALLAAH! Sida ku cad Qodobka 65aad, faqradiisa 2aad ee sharcigaan wuxuu si cad u leeyahay: Xeer kasta ama qodob sharciyeed KASTA oo ka hor imaanaya sharcigaan ama aan waafaqsanayn sharcigaan waa la baabi`iyay, waxaana lagu baddalay qodobbada sharcigaan. Taasoo micnaheedu yahay in sharcigaan uu si toos ah u laalayo una burrinayo sharci kasta oo aan waafaqsanayn, taas oo aan laga soo reebin Shareecada Islaamka. Haddaba, dooda ka taagan sharcigaan waxaa horay iskaga arkay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arimaha Diinta ee Golaha Shacabka, Culimada iyo Wasaarada. Talo ayaana loo soo jeediyay Wasiirada iyo Wasaaradeeda. Sidaas daraadeed waxaan kula talin lahaa Wasiiradeena sharafta badan taladii loo soo jeediyay ee ku saabsaneed dulduleelada sharcigaani leeyahay inta dib ula noqoto in ay soo saxdo. Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed na aan dhibaato loo horseedin iyada oo la fulinayo ajandeyaal ay leeyihiin quwado shisheeye. Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad
  4. Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal maanta mar kale ka qarxay degaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud. Iska hor-imaadka oo udhaxeeya Beelo walaalo ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Isku-dhacyada Beelahaan walaalaha oo in muddo ah soo jiitameysay ayaa salka ku haysa Dhul-daaqsimeed ay isku hayaan. Dagaalkaan maanta qarxay ayaa kusoo aadaya iyadda oo todobaadkaan gudahiisa ay dhowr jeer dirireen maleyshiyaadka kala taabsan labada dhinac. Wax-garadka Soomaaliyeed ayaa baaqyo nabadeed oo isa soo taraya ujeediyay labadda Beel, waxaana loogu baaqay inay wadahadal ku xaliyaan waxay kala tabanayaan. Degaanka Kaxandhaale oo ay xiisaddan ka aloolsan tahay ayaa ku yaala xadka uu gobolka Galgaduud la leeyahay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka qarxay Kaxandhaale appeared first on Shabelle. View the full article
  5. (SLT-Burco) Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa lagu qabtay kulan qaadhaan loogu uruurinaayay dhismaha Waddada isku xidhaysa Gobolada Saraar Iyo Buhoodle . Kulankan oo ay ka qayb galeen Wafti u socotay dhismaha waddada oo qurbaha ka timi, Ganacsato siyaasiyiin iyo Odayaal waxa lagaga hadlay muhiimada Jidkaasi u leeyahay degaa ka. Dhinaca kale Xubnaha guddida dhismaha waddada ayaa hore kulan ula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Mud. Muuse Biixi Cabdi waxaana la filayaa inay doorwayn inay Xukuumaddu ka qaadato. Somalilandtoday/Burco/ Office Contact@somalilamdtoday.com Source
  6. Garowe (Sh.M.Network) – Amniga magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa si wayn loo adkeeyay kahor doorashada Madaxwaynaha ee dowlad goboleedkaan oo loo balansan yahay 8-da bisha Janaayo 2019. Ciidamo horleh ayaa lagu soo daabay wadooyinka waawayn ee xarunta gobolka Nugaal, kuwaasi oo xaqiijinaya inaanu dhici falal lidi ku ah nabad-gelyada inta ay socoto isku diyaarinta doorashada. Olalaha doorashada ayaa si aad ah looga dareemayaan magaalada, iyadda oo wadooyinka lagu xar-dhay xayeysiino ay sameysteen Musharaxiinta oo tiradoodu kor-udhaafeyso 40 Musharax. The post Amaanka Garowe oo la adkeeyay kahor doorashada appeared first on Shabelle. View the full article
  7. ‘Hoggaamiye looma baahna; waxa muhiim ah xisbi xoogan’ Sidaa waxa qabay hawl-iyo-hanti waddaagii burburay. Shiinaha ayaa wali ku dhaqma aragtidaas. Qof waliba waa hoggaamiye; haga nagtiisa. Sida waxa ku dooda kuwa neceb dawladnimada ee rumaysan aragtida odhanaysa: Qof waliba naftisa ha hagaajiyo – Anarchism. Basharka intiisa badan waxa ay rumaysan yihiin: Hoggaamiye waa lagama maarmaan. ‘Horumar kasta oo ummaddi ku talaabsato, waxa horseeda hoggaamiye’. Waa aragtida ugu xooggan ee tageersan jiritaanka hoggaamiyaha. Hoggaamiyuhu hadaba waa kee? Laba tafsiir ayaa ay saraan khuburadda wakhtiga galiyey qeexidda hoggaamiyaha. Dhalasho ha noqdo hoggaamiyuhu amaba barasho’e; waxa ay ka siman yihiin, mar walba in qofka hoggaamiyaha noqonaya, laga hello callaamado tirsan oo u gaar ah hoggaamiyaha, sidda: Garaad Feejignaan Masuulliyad Hal-Abuur Kalsooni Adkaysi Dad ururin Dadka aragtidaa qaba, waxa ay sawiraan hoggaamiye quwi ah. Aragti kale ayaa jirta oo odhanaysa hoggaamintu waa hawl; hawl isbedbedel badan. Hoggaamiyuhu waxa xuddunta kaga xidhan yahay hooyadda oo ah dadka uu maamulayo. Hoggaamiyaha waxa abuura dadka uu maamulayo. Jaamacadda Michigan iyo ‘Ohio State University’ iyaga oo ka duulaya aragtida isku ladhaysa hoggaamiyaha iyo raaciyiinta waxa ay soo saareen laba qodob oo hal-bawle u ah madaxtinimada, kuwaas oo kala ah: Hawsha la qabanayo Xidhiidhka dadwaynaha. Labada qodob waxa ay hoggaaminta la mataneeyaan cilmiga maaraynta. Maarayn ayaa noqonaysa furayaasha dhaqaajinaya hawl kasta oo uu rabo hoggaamiyuhu in uu ku talaabsado sidaa daradeed hoggaamintu kuma koobmayso sifooyin la barto ama lagu dhasho. Hoggaamintu waa dhalan-rog uu qof ku sameeyo qofaf kale caaddooyinooda la xidhiidha qiyamkooda nololleed. Hoggaamiyaha qeexista leh – Transformational Leader – waa kan ugu sareeya dunnidda hoggaaminta. Hoggaamiyahan waxa lagu baadi-soocdaa dhawr qodob: Aragti – Vision Qiyam – Values Charisma – Awood Rabaaniya. Qeexistan waxa ay galbeedka ka shaac qaaday 1990. Saddexdan hoggaamiyaha isku darsadaa, waa mid qooya quluubta raaciyiintiisa – followers. Haddaba haddii aynu qeexnay hoggaamiyaha haybadda leh. Su’aasha soo baxaysaa waxa weeye sidee ayuu hoggaamiyahaasi uga midho dhaliyaa hiraalkiisa? Maarayn ayaa aynu kor ku xusnay in ay tahay furayaasha dhaqaajiya hiraalka hoggaalinta ha-yeeshee, nolosha ayaa ay caaddadeed tahay kac oo kuf. Nin ayaa hadda ka hor laga soo xigtay: Hoggaamintu waa wax iibin, wax iibintuna hadal bay rabtaa, sidaa daradeed hoggaamintu waa hadal. Insaanku waa noollaha xayawaanka kale dheer wax-is-waydiinta hadalka ku dhisan. Xidhiidhku waxa uu noqon karaa ereyo la is dhaafsado; waxa uu noqon karaa is-fahan maskaxeed ama fariimo la isugu gudbiyo xubnaha jidhka. Luuqad ayaa jirta ka duwan hadalka ay ku hadlaan basharka caaddiga ahi; lahjadan waxa ay madaxdu isticmalayeen tan iyo maalintii Nabi Muuse ‘cs’ ALLAH ‘swt’ ka codsaday in walalkii Haruun ‘cs’ uu uga dhigo ‘speechwriter’ ka caawiya toosinta ummadda iyo gudbinta kalmadda tolmoon. Waxa aynu xal ka gaadhnay mushkiladii: Waa kuma Hoggaamiye. Waxa aynu abuurnay mushkilad kale: Luuqadda Hoggaaminta! Axmed-xiis Dharbaan Nantes France dharbaan00@gmail.com Source
  8. Maalintii labaad ayuu nagu soo noqday, markaasuu sidii dhaqanka u ahayd halkiisii ka miisaay dhacdooyinkii uu waxna soo akhriyey waxna sheeko dhagoolka ku soo maqlay. Markaasuu yidhi horta intii hore wax ma ka faa’iideen, nacam ayuu si wadajir ah ugu afcelinayey, waa hagaag ayuu isku qanciyey. Markaasuu bilaabay oo uu yidhi” = Qofka caqliga wanaagsan waxa lagu gartaa. Kow, wuxuu maqlo kuma kalsoonaado ee wuu baadhaa. Laba, wax kastana ma dhaleeceeyo ilaa uu ka gun gaadho. Saddex, hadalka qofka wuu dhegaystaa, markuu fahmo ayuu asluub iyo aqoon ku jawaabaa. Haddana wuxuu ku xigsiiyey shan dhacdo oo kale, mar kasta oo uu sheekada wado dhallinyarta goobta fadhida fari ma dhaqaaqayso oo waxaad moodaa inay roob ka jirsayaan. Waxaanu yidhi” = Badhtamihii sannadkii 1962-kii ayey Hargaysa yimaadeen Fannaaniin suudaan u dhashay, oo bandhig faneed ka dhigay Hargaysa. Dhallinyaradii reer Hargaysa ayaa buux dhaafiyey goobtii bandhiga. Dumar badan ayaa dahabkoodii ugu deeqay fannaaniinti mashraxa joogtay, markay dib ugu noqdeen ragoodii ayey u sheegeen inay dahabkii bixiyeen, halkaasina qoys burbur ayaa ka dhacay. Dumarkii ayaa ku hal-qabsaday” maanaa soodaanta keenay.” = Ninba waa mare mus ma kula koray. 1896-kii dagaalkii Adwo talyaaniga ayaa six un loogu jabiyey oo Itoobiya ayaa adkaatay, afartan sanno ayuu talaanigu soo tabaabushaysanayey, waxaanu 1936-kii soo qaaday dagaal aargoosi ah, oo Itoobiya si xun loogu jabiyey. = Nin masaajid salaad tukinaayey ayaa qur’aankii khalday, markaasuu saxay kii safka hore ku jiray, haddana mar kale ayuu khalday, haddana mid kale oo kii hore ay ilmaadeer yihiin ayaa saxay, markaasuu is-hayn kari waayey mid ninka salaada tukinaayey ay ilaamaadeer yihiin oo uu yidhi” waar ninka u kala hadha”. = Daayeer dhalo ah iyo cago-baruur (Libaax dhal ah) ayaa wada ciyaaray ka dib Libaaxii ayaa cago-baruurkii ku yidhi xageed tagteen shalay, waxa ay ku yidhaaheen waxaanu la ciyaaraynay Daayeero dhalo ah. Libaaxii ayaa ku yidhi idinka ayaa na cunto tiray caawa, beri markay idiin yimaadaan cuna. Daanyaarkii ayaa dhalihiisii xageed shalay tagteen, waxa ay ku yidhaaheen cago-baruuur ayaanu la ciyaarynay. Daayeerkii ayaa ku yidhi waad sigateen way idin cuni gaadheen. Beri geedka ka fuula oo ha u soo degani. Cag-baruurkii ayaa yimid iyada oo Daayaarki dhasha ahaa geedka fuushan yahay. Markaasuu cago-baruurkii yidhi” soo dega aynu wada ciyaarnee” Daayeerkii dhasha ahaa ayaa ugu jawaabay” nimbi hooyadii dhegta wax ug soo sheegtay”. = Wiil la dhashay 8 hablood oo dhirbaaxo iyo laag ku bartay hablaha badan, oo aan weligii dhirbaaxo laga jarin ayaa kibray, waxaanu u yimid dhallinyaro meel fadhida. Waxaanu ku yidhi yaa iska kay celinaaya. Mid ayaa u baxay oo dhawr jeer dhulka dhigay. Markaasuu ku calaacalay tan may ii dambaysay. = Oday Soomaali ah oo aan weligii arag nin cad, ayuu aroor u yimid nin caddi oo sahamiye ahi. Odaygii ayaa la fajacay middabka ninkan, waxaanu u maleeyey inuu cudur halis ahi hayo oo diirka sare kaga dhacay oo middabkii ka siibay. Markaasuu wiil uu dhalay oo ka ag-dhawaa ku yidhi” waar intaan geela caano uga soo lisayo ninkan martida ah ee maqaarku ka maqan yahay ka sii ilaali shimbiraha si aanay hilibkiisa u cunin”. = Horraantii sannadkii 1964-kii waxa isku beegmay dagaalkii xudduudaha ee u dhexeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya iyo doorashadii madaxtooyada ee Soomaaliya, markaasay warfidiyeennadu weydiiyeen Raysal-wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke, bal waxa laga yeelayo labadan dhacdo, markaasuu ku jawaabay” gacanta midig waanu ku dagaalami, gacanta bidixna codka ayaanu ku ridi”. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@hotmail.com Source
  9. Afgooye (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay fal dil ah. Dilka ayaa loo geystay labo kamid ah askarta ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan, iyo qof shacab ahaa, oo la sheegay inay Dumar ahayd. Askarta ayaa xiliga la dilayay ku sugnaa Suuqa Khudaarta ee degmada Afgooye, waxaa ku mashquulsanaayeen qaadista Canshuurta. Dableydii falka ka dambeysay ayaa meesha ay wax ka dhaceen isaga baxsatay wax-yar kadib markii ay toogashada geysteen. Laamaha amniga ee dowlada Soomaaliya oo meesha ay wax ka dhaceen soo gaarey ayaa qaaday howlgalo baaris ah. Ma cadda hadii ay jiraan shaqsiyaad lagu soo qabtay howlgaladaasi xili aaney jirin illaa iyo haatan cid dhabarka saaratay mas’uuliyada dilalkani. The post Askar ka tirsan ciidanka DFS oo lagu toogtay Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Dadkan reer soomaaliya ee maanta laga fadhiyi la’yahay ee meel walba la taagan soomaali weyn baanu doonaynnaa iyo Somaalilaan yaanay naga tagin, waxay ahaayeen dadkuu ugu necbaa ama ugu yaraan aan dank a lahayn in shanti soomaaliyeen meel iskugu yimaaddaan. Fikradda soomaali weyn waxa markii u horraysay 1948kii ka dhawaajiyay wasiirkii arrimaha dibadda ee Ingiriiska ee wakhtigaasi oo la odhan jiray Ernest Bevein. Bevin ayaa shirkii qaramada midoobay ee isla sannadkaa ka soo jeediyey talo ah in loo ogolaado dawladda Ingiriiska inay dhulka ay degan yihiin Soomaalidu uu hoos yimaado gumeysigii Ingiriiska, maadaama oo ay gacanta ku hayaan afar qaybood oo Soomaali degto. Wakhtigan wuxuu Ingiriisku gacanta ku hayey Soomaaliya oo uu ka qabsaday Talyaaniga, Soomaalida Kiiniya, Soomaalida Itoobiya iyo Soomaalilaan oo hal meel laga maamulo. Arrintaasi uu soo jeediyey wasiirku waxa markiiba ganafka ku dhuftay dawladdii Midowga Soofiyadka, oo Igiriiska ku eedeesayey in uu ballaadhsanayo dalalka uu gumeysto. Dabadeed Qaramada Midoobay ayaa oggolaatay in guddi ka kooban afar dawladood ay tagaan Muqdisho, si ay u soo ogaadaan waxa ay dadka Soomaalidu rabaan. Kulannadii Ay Guddidu La Yeeshay Soomaalida Guddigii ay soo direen Qaramada Midoobay ayaa u ambabaxay dhinacaa iyo magaalada Muqdisho , waana fursaddii ugu fiicnayd ee soo marta dadka af-soomaaliga ku hadla ee deggan geeska afrika. Weftigii ayaa ka degay Muqdisho, waxaana loo diyaariyey inay la kulmaan weftiyo ka kala socda meelaha ay Soomaalidu degto, sida Soomaaliya, Soomaalilaan iyo Soomaalida Itoobiya, balse waxa weftiyada laga reebay Soomaalilaan iyo Soomaalida Kiiniya. Xubnaha weftiga Soomaalilaan ka socday waxa ay ahaayeen, Ismaaciil Naxar, Dubbde Cali-yare, Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye, Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye iyo Suldaan Maxamed Suldaan Faarax. Weftigii Soomaalilaan ka socday waxa markiiba u muuqatay in aanay siyaasyiinta Soomaaliya dan ka lahayn fikirka Soomaaliweyn. Cabdilaahi Ciise iyo xisbigii SYL ayaa kulan la yeeshay weftigii qiimaynt Soomaaliweyn, waxa aanay u sheegeen inay doonayaan in dawladnimadooda la siiyo sida Liibiya. Weftigii ka socday Soomaalida Itoobiya oo uu hogaaminaayey Maqtal Aw Daahir waxa ay weftiga u sheegeen inay doonayaan inay ku sii hoos jiraan Boqor Xayle Salaase xukunkiisa. Weftigii ka socday xisbigii Digil iyo Midhifle oo uu hogaaminaayey Cabdiqaadir Soobe waxa ay weftigii u sheegeen inay doonayaan in maamul gaar ah la siiyo, oo Soomaalida kale aanay waxba la qaybsan. Weftigii ka socday Qaramada Midoobay ee ka koobnaa afarta dawladood ayaa dib ugu laabtay magaalada NEW YORK, iyaga oo ku qancay in Soomaaliya iyo Soomaalida Itoobiya aanay haba yaratee doonayn ama aanay dan ka lahayn Soomaaliweyn. Wixii intaasi ka dambeeyey Ingiriisku wuxuu qaaday tallaabooyin uu kaga hor imanaayo danaha Soomaalida Geeska Afrika. Sidoo kale dawladaha reer Galbeedku may oggolayn damaca Soomaaliweyn, iyaga oo ka cabsi qabay inay xasillooni-darro ku abuuri karto geeska Afrika. Tallaabooyinka Ingiriisku uu kaga horyimid danaha Soomaalida waxa ka mid ahaa markii uu wareejiyey dhulkii” HAWD and RESERVE AREA” una gacan geliyey Boqor Xayle Salaase, dhinaca Soomaalida Kiiniya wuxuu ka qaaday afti, waxa aanay u codeeyeen inay 80% raacaan Soomaali, balse wuxuu raaciyey Kiiniya. Siyaasiyiinta Soomaaliya may aaminsanayn fikirka Soomaaliweyn, balse riyada Soomaaliweyn waxa ay ka dhiman weyday dhinaca abwaanada iyo dadweynaha kale. Waxa sidoo kale fikirka Soomaaliweyn aaminsanaa shacabka ku nool Soomaalilaan iyo Soomaalida ku nool Kiiniya. Siduu Soomaalilaan ku soo galay dareenka Soomaaliweyn? Sida uu madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal laga hayo dabaysha soomali weyn waxa somaali laan keenay oo u sabab ahaa laba muwaaddin: Marxuum Ismaaciil Naxar iyo Marxuum Cumar Maxamed Cabdiraxamaan(Cumar dheere). Ismaaciil naxar waxa uu ahaa nin ganacsade ah oo somalilaan u dhashay balse ganacsiyo waaweyn ku lahaa Somaaliya, waxaanay shuraako ahaayeen marxuum Ina Uun laaye oo ahaa ganacsade reer Xamar ah iyaga oo wada lahaa shirkad gaadiid waqtigii dalwadda Ingiriisku ay wada xukumi jirtay dalalka geeska afrika kadib dagaalkii labaad iyaga oo gaadkiidkoodu u kala gooshi jiray dhulkaas weyn. Ismaaciil naxar waxa uu u guuray Xamar markii la kala jaray mustacmaraddii boqortooyada midowday(UK) ee geeska Afrika, waxaana soo baxay hadal hays ah “ Hargeysaay Ina Naxar ba kaa socoy!” waxa uu dib u soo noqday markii xornimaa Soomaaliya soo dhawaatay, isaga oo u ololaynaya soomali weyn waayo maslaxaddiisa ayaa uu ka dhex arkay iyo in ganacsigiisu sii kobco Cumar Maxamed Cabdiraxmaan (Cumar dheere), isagu waxa uu ahaa macallin afka carabiga ku gabya oo raad weyn ku lahaa dadka wax bartay, wakhtigaas oo afka carabiga aad loo jeclaana waa la xiisayn jiray gabayadiisa iyo heesaha Soodaaniga ah. Wakhtigaa waxa Somaliland ka jiray saddex Xisbi oo kala ahaa NUF(National United front), SNL( Somali National League) iyo USP( United Somali Party) oo ku tartamayay ololaha soomaali weyn. Sannadkii 1964kii ayaa Cumar dheere, oo ka soo jeeday kililka shanaad ee Itoobiya laga doortay Hargeysa xisbi la odhan jiray oo uu ka mid noqday Baarmaankii Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa uu yidhi: ‘labada nin markay noo yimaaddeen ayaa Jibbadan Soomaali-weyn dadkii gashay oo ay na jiidhay’. C/raxmaan Hayaan. cbdrxmngeni@gmail.com Tixraac. Danjire Xuseen Cali Ducaale” Cawil”…….Raad-Raac Taariikh Soomaaliyeed(2016). “Maxamed Siciid Gees” Dharaaro Xuusuustood. Source
  11. Muqdisho (Sh.M.Network) – Odayaasha Dhaqanka Iyo Midnimada Beelaha Mogadishu Clan ayaa baaq nabadeed kasoo saarey dagaalada dib uga qarxay degaano hoos-yimaada gobolada Galgaduud iyo Hiiraan. Dagaalada oo khasaarooyin sababay una udhaxeeya Beelo walaalo ah ayaa ka kala taagan tuulada Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud iyo degaano hoos-yimaada degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Iyo Midnimada Beelaha Mogadishu Clan, Cabdinuur Axmed Maxamed [Diiriye], oo uwaraamay idaacada Shabelle, ayaa ku baaqay in dagaaladda si deg deg loo joojiyo. Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay udirto degaanadaasi wafdi ukala dab-qaada Beelahaasi ay dirirto dhextaalo. Odayaasha Soomaaliyeed ayuu Afhayeenka daboolka ka qaaday inay aad uga xun yihiin inuu si macno darro ah ku daato Dhiig Soomaaliyeed. Baaqa kasoo yeeray Odayaasha Dhaqanka Iyo Midnimada Beelaha Mogadishu Clan ayaa imaanaya iyadda aanan wali xal laga gaarin waxyaabaha dhaliyay dagaalada oo ah Dhul-daaqsimeed ay isku haystaan. The post Waxgarad baaq kasoo saarey dagaalada Gaglgaduud iyo Hiiran appeared first on Shabelle. View the full article
  12. (SLT-Hargaysa) Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu Iftiiminayaa inaanu ka qayb galayn shirka Qaran ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ku dhawaaqday inay u qabanayso Warbaahinta Somaliland 29-30-ka bishan December oo ku beegan Sabtida iyo Axada toddobaadkan soo socda. Ururka SOLJA, isagoo metelaya Saxaafadda Somaliland waxa uu u arkaa shirkaasi inaanu ka turjumayn ujeeddada ay wasaaraddu ugu magac dartay maadaama sida ka muuqata Jadwalka shirkaasi uu yahay uun mid wasaaraddu ugu yeedhinayso ka soo qayb galayaasha wax ay soo qorshaysay ee aan fursad loo siinaynin Daneeyayaasha Saxaafadda inay aragtidooda ka dhiibtaan shirka. Ururka SOLJA, waxa uu arkaa inaanu shirkani xal keenayn inta Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu ku dirqiyayo inay yeelaan saxaafadda Somaliland waxa uu doonayo ee aanu tixgalinayn xuquuqda Dastuuriga ah. Ururka SOLJA waxa uu soo jeedinayaa shirkan inay ka horeeyaan Qorshayaal farabadan oo kaga maqan saxaafadda dhinaca Xukuumadda, kuwaas oo u baahan inay Xukuumaddu fuliso. Sidaas daraadeed; Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu usoo jeedinayaa Madaxweynaha Qaranka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in uu wax ka qabto Cabashada iyo duruufaha Saxaafadda Somaliland haysta ee aanay Wasaaradda Warfaafintu waxba ka qaban karayn. Maxamuud Cabdi Jaamac Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) Source
  13. (SLT-London)Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelintu waxa muuqata in aanu xogogaal u ahayn warbaahinta madaxabannaan iyo waayaheeda. Waayo ma aanu barbardhigeen wadhato suuqa wax ku iibisa oo kharashka joogtada ah ee ka baxaa ka yar yahay kharashka ka baxa TV marka la eego waxsoosaarka labada meheradood iyo kharashyada baxa. TV-yadu waxa ay bixiyaan lacago badan oo joogto ah oo mararka qaarkood xilliyada qaar kabitaan u baahda sida: Airtime qaali ah (satellite) Kiro guri oo aan sahlanayn Laydh, biyo iyo internet Lacag shaqaale oo ah (mushahaaro ama khidmad) Qalab si joogta ah dayactir ugu baahan Shiidaal iyo stationary joogto ah iwm Sidaas oo ay tahay ilaha kharashku ka soo galaa ma badna. Xayaysiis aan badnayn, la iskuna hallayn karin Wararka oo qaar lacag yar laga qaado Barnaaminyo aan badnayn oo maalgelin hela iwm. Marka aan kaashado waayo-aragnimadayda muddo aan ka soo shaqeeyey TV madaxbannaan, sida ay isku bixiyaan waa “feedh iyo harraati”. Waxa kale oo jirta in dhaqaalaha waddanku hoos u dhac weyn sameeyey muddooyinkii dambe, sicir-bararkiina uu halkiisii yahay. Taasi waxa ay keentay kalsooni-darro soo foodsaartay dhaqdhaqaaqii suuqa iyo wareeggii lacagta markii dadkii wax iibsanayey yaraadeen. Marka ay sidaas tahay, waa hubaal in aanay TV-yadu qaadi karin cashuuro xaf-dhaaf ah oo lagu soo rogo. Ma lihi yaan cashuur laga qaadin, hase yeeshee waa in cashuurta laga qaadayaa aanay ku keenin culays geyeysiiya in TV badani xidhmaan. Warbaahinta madaxabannaani uma baahna ka takhalus dadban, wax se ay u baahan tahay xeerar dhiqi kara iyo tayayn waxsoosaar. Fiiro Gaar ah: ogow iminkaba uma shaqeeyo warbaahinta madaxabannaan iyo ta aan madaxabannaanaynba’e. Source
  14. Muqdisho (Sh.M.Network) – Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa soo dhaweysay isbedal uu Taliyaha ciidanka xooga dalka sameeyay. Maxamed Xasan Daahir, oo kamid ah ciidamada xooga ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku tilmaamay isbedalka mid muhiim u ah gulufka Al-Shabaab. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay inay sii dar-dargelin doonan dagaalka ka dhanka ah ee Al-Shabaab ee guud ahaan dalka ka socda. Dhinaca kale, Maxamed Xasan Daahir ayaa ka hadlay howlgalo ay ciidamada dowladda ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose. Waxa uu sheegay in howlgaladaasi ay guulo la taaban karo ay ka gaareen ciidamada xooga dalka Soomaaliya. Shalay ayey ahayd markii digreeto kasoo baxda xafiiska Taliyaha ciidamada xooga dalka, Jenaraal Indha-qarshe, uu isku shaadhayn ku sameeyay qaybaha kala duwan ee milatariga dalka. Hoos ka akhriso wareegtadda The post Isbedal lagu sameeyay ciidanka xooga oo lasoo dhaweeyay appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-28122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Digteero ka soo baxday Taliyaha ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa isbadal loogu sameeyay Taliska ciidamada Milatariga Soomaaliya. General Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe ayaa isbadal ku sameeyay talisyada kala duwan ee hogaamisa ciidmada. Isbadalkaan ayaa lagu sheegay in uu yahay mid la doonayo in dalka looga saaro Al-Shabaab. Ciidamada Milatariga ayaa isku diyaarinaya howlgal culus oo lagu qaado Al-Shabaab. Hoos ka Aqriso. Xasan Maxamed Samatar Cowke. Puntand Post Muqdisho The post Isbadal lagu sameeyay taliska ciidamada Milatariga Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  17. Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha Maamulka Punland ayaa sameeyay qorshe cajiib ah oo uu kaga hortagi karo in dhaqaalo la geeyo magaalooyinka Puntland, isaga oo cabsida ugu badan ka qabo dowladda Soomaaliya. Warar aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas uu sameeyay qorshe uu ciidamo cusub ku dhigayo dhamaan magaalooyinka leh garoomada diyaaradaha, isaga oo og in dhaqaalaha badan aan dhulka la marsiin karin. Ciidamada ugu badan ayaa la geeyay magaalada Boosaaso oo uu ku yaalo garoon diyaaradeed caalami ah oo laga hergeliyay magaalada, waxaana la doonayaa inay ka hortagaan in lacag cadaan ah laga soo dajiyo garoonka, kadibna dhulka la marsiiyo. Ciidamada ayaa hadda la geeyay garoomada diyaaradaha ee Boosaaso iyo Garowe, waxaana ciidamada ugu badan ay joogaan magaalada Boosaaso, iyadoo dadka lagu qanciyay inay amaanka xaqiijin doonaan. Siddeeda bisha soo socoto ee Janaayo ayaa la qorsheynayaa inay dhacdo doorashada madaxweynaha Puntland, waxaana hadda muuqan saameyn dowladda Soomaaliya ay ku leedahay arimaha doorashooyinka, walow mar walbaa wax isbadali karaan. Bilowga bisha soo socota waxaa dhici doona doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, waxaana xigi doona doorashada madaxweynaha Puntland oo inka badan 20 musharax ay u taagan yihiin. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ahaa xoghiyihii hore ee guddiga maaliyadda baarlamanka Soomaaliya, oo dhowaan laga saaray, ayaa qoraal uu soo dhigay facebook faah-faahin uga bixiyey sida xukuumadda Kheyre ay ugu guuleysatay inay gacanta ku dhigto guddiga. Akhriso qoraalka Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur BISMILAAH, Waxaan rabaa in aan halkaan kula wadaago Shacabka Soomaaliyeed si kooban arimaha la xariira Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka sida:- 1. Shaqada Guddiga 2. Khilaafka la sheegay ee ka dhex jiray guddiga 3. Sharciyadda guddonka guddiga iyo habraaca gudoonka guddiga lagu bedeli karo 4. Sida dhabta ah ee ay wax dheceen iyo waxa ka dhalan kara 5. Aragtiydada gaarka ah Shaqada Guddiga: Guddiga maaliayada shaqadiisu si kooban waa diyaarinta iyo horkeenida golaha shacabka shuruucda la xariirta arimaha maaliyada, Korjoogtaynta iyo la xisaabtanka maaliyadeed ee hay’adaha dowlada. Khilaafka la sheegay: Khilaafku waxaa uu ahaa mid ay xukuumadu abuurtay ee marna majirin wax khliaaf ah oo si dabiici ah ugu dhex jiray, sababaha ay xukuumadu guddiga khilaafka uga dhax abuurtana waxaa ay ahayd in ay baabi’iso jiritaanka guddiga maadaama aysan diyaar u ahayn isla xisaabtan. Sharciyadda guddonka guddiga iyo haraaca gudoonka guddiga lagu bedeli karo waa sida tan: Sida ku cad qodobka 58aad, farqadiisa 4aad, 5aad iyo 6aad ee xeerhoosaadka Golaha Shacabka, gudoonka gudiyada waxa uu xilka ku wayn karaa: 1. Istiqaalo qoraal ah. 2. Haddii uu dhinto. 3. Haddii ay ku timaado xil gudasho la’aan joogto ah ama uu si joogto ah uga maqnaado kulammada gudiga. 4. Guddiguna waxaa uu arrinkaas ku wargalinayaa guddoomiyaha Golaha si ay u doortaan gudoon cusub. Hadaba waxaa xaqiiqa ah sababaha sare ku xusan in aan midna dhicin. Sida ay wax u dhaceen iyo waxa ka dhalan kara: Muda sanad ka hor ah ayey xukuumada bilowday in ay dhibsato guddiga maaliyadda sababa la xariira arimaha isla xisaabtanka iyo qabashada doodadaha dhagaysiga dadweynaha ee miisaaniyadda iyo shuruucda la xariirta maaliyada, waxaa ay marar kala duwan shirar gaar gaar ah naga dalbadeen balse marna ma aqbalin in nalaga weeciyo shaqadi aan u dhaaranay wakiilkana uga ahayn golaha shacabka, waxaa ay xukuumadu juhdi badan ku bixisay in guddiga shaqadiisa la car qaladeeyo ugu danbayna waxaa ay xukuumadu iska hor keentay khilaafna ka dhax abuurtay guddiga 24 Nov. 2018, sidoo kale xukuumadu waxaa ay ku qancisay labada gud. k/xigeen in ay sifo sharci dara ah kula diraan guddiga balse guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ka hor yimid kuna timaamay sharci daro kala diristaas Hadaba maxaa kusoo xigay, Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisulwasaaraha dalka waxaaay sheegeen in laba motion laga keenay oo kala ah xil kaqaadis iyo isla xisaabtan waxyna sheegeen in midki xil ka qaadista ay noqdeen xildhibaanadi keenay balse kan labaad oo ah isla xisaabtanka xalkiisu waa in guddiga maaliyadda lakala diro ( SHARCI AMA SHARCI DARO, GAR AMA GAR DARO), halku dhegyadaas waxaa iigu horaysay xilligu Gud. Jawaari lagu soo duulay maalmahaan danbane waxaan ku maqlayay in loo adeegsado Dowlad gobaleedyada balse hada waxayba soo gaartay guddi hoosaadyadi golaha shacabka, waxaana igu maqaala ah in dood dheer kadib ayada oo lawada qirayo in ay sharci dara tahay la’isku raacay in qaab qoraaleed aan qaanuunka waafaqsanayn wax looga bedelay guddiga, guddomiyuhna sidaas xal mooday si loo furo golaha. Maxaa ka dhallan kara: waxaa adkaan doonta in golaha shacabku usii shaqeeyo si madax banana, waxaana xigi doonta in uu dhaco xad gudub dastuuri ah iyo dhammaan shuruucda kale dalka, waxaan jiri doonin isla xisaabtan haba yaraatee, hadii aan la dhowrin kala madax banaanida hay’ahada dowlada iyo shuruucda dalka waxaa dhumi doonta kalsoonida shacabka waxaana mugdi galaya rajada dowladnimo ee sida adag lagu soo yagleelay. Aragtidayda gaarka ah: Go’aanka marka aad qaadanayso waxaa lagu saleeyaa laba uun mid XAL ama XUL, Xulku waa kan kuugu fiican ee aad dooran lahayd ama saxda ah, xalkuna waa sida aad u aragto danta guud balse ay dhici karto in aadan jeclayn ama aadan ku qanacsanayn, hadaba waxaan u sheegayaa umada Soomaaliyeed aniga oo u arka xal in aan ka tanaasulay xilki iyo xubinimadi guddiga maaliyadda ee golaha Shacabka si waafaqsan xeer hoosaadka golaha shacabka qodobkiisa 58aad, inkasta oo aan aaminsahay in aan xal waara lagu gaari Karin marna dastuurka iyo shuruucda dalka oo aan loo hogaansamin balse marna anigu sabab uma noqonayo in maalin qura hay’adaha dowlada howlahoodu hakad galaan. Shcabkana waxaan xasuusinayaa in aanan ka tagin kana tanaasulin shaqadi aan u dhaartay oo ay ka mid tahay ilaalinta hantida shacabka waxaana mar walba la wadaagi doonaa warbixino kusalaynsan xaqiiqda watana cadayma waafi ah, waxaan u heli doonaa fursad fiican waxaana si furan shacabka ula kulmi doonaa maalin walba oo TALAADA ah hadii alle idmo.
  19. (SLT-Washington) Marwadii koobaad ee hore ee waddanka Mareykanka Michelle Obama ayaa waxa ay soo afjartay 17 sanadood oo ay Hillary Clinton aheyd haweeneyda loogu qadarinta badan yahay waddankaasi. Mrs Clinton, oo horay ugu tartantay madaxtinimada Mareykanka, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalkaasi iyo marwadii hore, ayaa kaalinta saddexaad hoos ugu dhacday codbixinta Gallup ee sanadkiiba mar la qabto, iyadoo kaalinta labaad ay soo gashay haweeneyda TV-ga wararka ka baahisa ee Oprah Winfrey. Boqoradda Ingiriiska ayaa markii 50-aad waxa ay soo gashay 10-ka qof ee ugu sarreeya codbixinta sida ay Gallup sheegtay. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sanadkii 11-aad ee xiriir ah waxa uu noqday ninka loogu qadarinta badan yahay. Madaxweyne Donald Trump ayaa markii afraad oo xiriir ah waxa uu soo galay kaalinta labaad. Codbixinta ayaa waxaa la qabanayay sanadwalba tan iyo 1946 markii laga reebo 1976. 1,025 qof ayaa la waydiiyay inay magacaabaan ninka iyo haweeneyda dunidan ku nool ee ay qadarinta weyn u hayaan. Haweeneyda loogu qadarinta badan yahay Michelle Obama – 15% Oprah Winfrey – 5% Hillary Clinton – 4% Melania Trump – 4% Queen Elizabeth II – 2% Ninka loogu qadarinta badan yahay Barack Obama – 19% Donald Trump – 13% George W Bush – 2% Pope Francis – 2% Bill Gates 1% Mrs Clinton, oo horay u soo noqotay senator xisbiga Dimuqraadiga ah iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka 2016-kiina u tartantay Aqalka Cad ayaa kaalinta koobaad ka gashay codbixintan 22 jeer oo ay ku jiraan 17 sanadood oo xiriir ah. Walow Oprah Winfrey aanay weligeed gelin kaalita koobaad haddana waxa ay kaalinta labaad soo gashay 14 jeer. Haddii Mr Obama uu kaalinta koobaad soo galo sanadka soo socda waxa uu la siman doonaa madaxweynihii hore Dwight Eisenhower kaas oo biladda ninka loogu qadarinta badan yahay ku guulaystay 12 jeer, Gallup ayaa sidaasi sheegtay. Mr Trump ayaa ilaa iyo haatan ah mid ka mid ah labada madaxweyne ee aanan biladdan ku guulaystay iyagoo xilka haya, madaxweynaha kale ayaa ahaa Gerald Ford. Gallup ayaa waxa ay sheegtay in codbixintan la qaaday intii u dhaxaysay 3-12 bisha Diseembar. Source
  20. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal markale dib kaga bilowday deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo la geeyay ciidamo laga kaxeeyay Dhuusomareeb iyo Cadaado. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka oo aad u xoogan uu dib kaga bilowday deegaan ku dhow Kaxandhaale, halkaasi oo ay ku dagaalamayaan beelihii labadii maalin ee ugu dambeysay ku dagaalamay xuduuda Somalia iyo Ethiopia. Khasaaraha ayaanan la ogaan karin, iyadoo ciidamada laga kaxeeyay Dhuusomareeb iyo Cadaado qaarkood la sheegay inaysan wali gaarin deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud. Odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac ayaa sheegaya inay doonayaan in dagaalka la joojiyo, balse ay jiraan dad sii hurinaya xiisadda colaadeed ee labada beelood u dhaxeysa. Labadii maalin ee ugu dambeysay ayaa xaalad dagnaasho laga dareemayay halka uu dagaalka uu ka socdo kadib markii dagaalka uu iskiisa u istaagay iyadoona dagaalka u dambeyay uu geystay khasaaro isku jiro dhimasho iyo dhaawac . La soco Wararka dagaalka la xiriira. Caasimada Online Xafiiska Galgaduud Caasimada@live.com
  21. (SLT-Toronto) Fanaankii caanka aha ee Kooshin Yare ayaa kugeeriyooday Dalka Canada . Alle hawnaxariiste Kooshin ayaa kamid aha Fananiintii sagashanaadkii siwayn Fanka uga shiday Dalka Canada. Wuxuu tumijiray Kabanka. Bahda Somalilandtoday waxay Tacsi u diraysa eheladii uu ka baxay Fanaan Kooshin iyo shacabka Soomaalida . Source
  22. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-28122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu geeyay magaalada Ciidamadii ugu badnaa, kadib dilal badan oo bartamaha magaalada ka dhacay. Dilalkaasi ayaa waxaa masuuliyadooda sheegtay kooxaha Daacish iyo Al Shabaab, waxaana ciidamada la geeyay baraha laga ilaaliyo amaanka magaalada Boosaaso gaar ahaan bar Ilaalineedka Koofureed ee magaalada. Ciidamada oo wata gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay inay difaacyo ka sameysteen duleedka magaalada, waxaana jirta baqdin laga qabo in ciidamada Daacish ay weeraro ka geystaan Boosaaso. Sidoo kale wararka kale ayaa sheegaya in ciidamada loogu tala galay in ay ka hor tagaaan falal amni daro ee ka dhaca magaalada Boosaaso inta gudo jiro doorashada Puntland ay sugi doonaan amaanka magaalada. Guddiga amniga Boosaaso ayaa maalmo ka hor shaaciyay inay adkeyn doonaan amaanka waddooyinka gala magaalada Boosaaso, inta ay socoto doorashada Puntland, waxaana qorshahan uu qeyb ka yahay xaqiijinta amaanka. Musharixiin badan ayaa hada waxaaay ku sugan deegaano ka tirsan Puntland, waxaana bilowga sanadka 2019 lagu wadaa in ay dhacdo doorashada madaxtinimada Puntland. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
  24. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa isbeddal ku sameeyay Saraakiisha Talisyada qeybaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobollada Dalka Soomaaliya. General Daahir Aadan Cilmi, ayaa S/guuto Tawane Axmed Maxamed, u Magacaabay Taliyaha Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka. Abbaanduulaha Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa loo Magacaabay ,G/sare , C/salaam Aaden Axmed. Waxaa sidoo kale wareegtada kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilalka looga qaaday Taliyeyaasha qeybaha 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka qeybta 60-aad, qeybta 21-aad iyo qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Wareegtadan ayaa sidoo kale waxaa lagu Magacabay Taliyeyaasha qeybaha 27-aad 60-aad, 21-aad iyo 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Halkan ka aqriso wareegtada kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo dhammaystiran:- Source: goobjoog.com