-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Bariire (Caasimada Online) – Taliska howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa saldhigga deegaanka Bariire ku wareejiyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo qayb ka ah qorshaha ku aadan bixitaanka ciidamadan oo hadda ku socdo si tartiib ah. Munaasabad ka dhacday Bariire ayaa waxaa si rasmi ah saldhigga loogu wareejiyay cutubto ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay mas’uuliyadda amniga. Si gaar ah waxaa ATMIS saldhigga ugala wareegay sarkaal lagu magacabao Muxudiin Axmed, oo kamid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo munaasabadda uga mahadceliyay taliska ciidanka Midowga Afrika ee muddada joogay halkaasi. ATMIS ayaa saldhiggan oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoos gacanta ku haysay tan iyo sanadkii 2019, waxaana ay sheegtay inuu leeyahay muhiimad istiraatijiyad ah, maaddaama uu yahay goob difaac ah oo qiyaastii 60 KM dhanka galbeed kaga beegan Muqdisho Taliyaha ciidamada Uganda ee ATMIS Anthony Lukwago Mbuusi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in mudaddii ay joogeen halkan wax badan ka qabteen Bariire, isaga oo u rajeeyay ciidamada dowladda inay gaaraan guullo kale oo waa wayn. “Wareejinta saldhiga ciidamada Bariire kaliya ma ahan wareejinta hantida maguurtada ah, balse waxay astaan u tahay horumarka aan si wadajir ah uga sameynay howlgalka aan wadaagno,” ayuu taliyaha ciidamada Uganda ee ATMIS Anthony Lukwago Mbuusi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii garab istaagi doonaan ciidanka Soomaaliyeed, si uu amniga dalka ugu guuleysto mustaqbal dhow, maadaama ay ka baxayaan dalka. “Waxaan si wadajir ah uga shaqeyn doonaa sidii Soomaaliya ay u heli lahayd mustaqbal ifaya, kaasoo ku dhisan iskaashi, is-ixtiraam, iyo hadafka guud ee ah in la helo nabad waarta,” ayuu yiri Mbuusi oo si rasmi ah u wareegjiyay saldhigga deegaanka Bariire ATMIS ayaa horay u wareejisay dhowr saldhig oo ku kala yaalla HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana haatan ka howlgala ciidamada Xoogga dalka. The post Ciidanka xoogga oo si rasmi ah ATMIS ugala wareegay saldhig istiraatiji oo ku yaala… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Muqdisho ka taagan xiisadda ka dhalatay dhulka Qabuuraha Iskuul Buluusiya, kadib markii dowladda Soomaaliya ay amartay in lagala baxo maydadka, waxaana dhaqan-galay go’aankaas, ayada oo maydadkii ugu badnaa laga saaray dhulkaasi oo hadda loo rabo in laga dhiso xerada ciidamada badda. Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ah oo ah guddoomiyaha guddiga xeer hoosaadka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay faagista Qabuuraha, wuxuuna sheegay in xilligan aysan baahi loo qabo in meytada dib lasoo faago. Cabdisamad Macallin oo wareysi siiyay Shabelle Tv ayaa shaaca ka qaaday in dowladda looga baahnaa in marka hore ay qorshe u keento arrinta qabuuraha, kadibna ay dhaqan-geliso go’aankeeda oo uu tilmaamay in haatan uu ahaa mid degdeg ah oo lagu fududaaday. “Haddii ay dowladdu daneyneyso qabuuraha, waa in la xiro oo labo sano iyo dheeraad ay xirnaadaan kadibna la joojiyo dadka lagu aasayo ka bacdina la daneeyo, xittaa wax aqli geli karo ayay ahaan lahayd” ayuu wareysigan ku yiri xildhibaan Cabdisamad Macallin. Xildhibaanka ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digay in Qabuuraha Iskuul Buluusiya iyo dhulalka ka kale ee dowladda ay iska gelin hantidooda, isaga oo sheegay inay khasaare kala kulmi karaan mustaqbalka dhow, maadaama aysan sii joogi doonin xukuumaddan. “Dadka ganacsatada ah ee hantidooda faraha badan gelinaya dhul ay dowladdu leedahay oo aan loo marin sharciga, haddee iskama sii ahaaneyso xukuumaddan oo weligeed joogi mayso, laakiin waxaa imaan kara in khasaare fara badan ay la kulmaan” ayuu kusii daray. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in sharciyadii ay meesha ka maqan tahay, isla markaana aan hanaan sax ah loo marin dhulalka dowladda ee la iibiyay, sida uu hadalka u dhigay. “Marka laga hadlaayo dhul ay dowladda leedahay, haddana wax dadweyne ah aan dan u ahayn laga dhisayo, waxaana la rabaaa in dhulka la iibinayo loo maro sifo sharci ah” ayuu sii raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo si weyn loogu dhaliilay dowladda federaalka go’aankeeda ku aadan faagista Qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho, kaas oo saameyn wayn ku yeeshay ehellada ay dadkooda ku aasnaayeen halkaasi. The post Daawo: Ganacsatada oo looga digay inay hanti geliyaan Qabuuraha Iskuul Buluusiya appeared first on Caasimada Online.
-
Marka laga yimaado khasaaraha ka dhasha dagaalka lagula jiro kooxda Shabaab, dagaal beeleedyada waa kaalinta 2aad ee lagu hoobto, iyada oo ay ka dhashaan dhimasho, dhaawac, barakac iyo dhibaato qaarkeed jirta qarniyo. Haddaba, Goobjoog News ayaa baaris ku sameysay asteynta goobaha ay dalku ka jiraan colaadaha, iyada inta badan maamullada ay ka jiraan dagaal beeleedyo haba ugu darnaadeed dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed. Somaliland: Maamullada Somaliland iyo maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, waxaa sanadkii hore dhex maray dagaallo socday muddo dheer, lagana dhaxlay khasaare aad u badan. Hadda xadka u dhaxeeya Somaliland iyo SSC- Khaatumo waa goob dagaal, tan iyo dagaalladii lagu hoobtay ee sanadkii hore waxaa mar weliba jira xiisad. Puntland: Dowlad Goboleed-ka Puntland kuma badna dagaallada beelaha, waxaase marar qaar dhaca dilal la xiriira aano qabiil oo ka dhacay deegaanno badan, taasi oo ay kala wadaagaan meelo badan oo daalka ah. Galmudug: Deegaannada Galmudug waxaa meelo badan ka dhaco colaado beelaha dhexdooda ah, taasi oo keenta khasaare naf iyo maalba leh, iyo barakac. Culeyska ugu badan waa xakameyn la’aanta colaadaha beelaha taasi oo ay ka faa’ideystaan nabad-diidka. Dagaalkii ugu dambeeyay waxaa uu ka dhacay Laandheer, Galgaduud. Deegaanka oo u dhaxeeya Cabudwaaq iyo Xeraale ayaa waxaa la sheegayaa khsaare badan, in ka badan 30 dhimasho iyo dhaawac intaasi kasii badan taasi oo keentay baaqyo badan oo heerar kala duwan iyo inuu Madaxweynaha Galmudug tago, laguna dhawaaqo xabdjoojin. Dagaal beeleedyada kuma koobna oo keliya Laandheer, ee bilihii ugu dambeeyay waxaa ay ka dhaceen degmooyin iyo deegaanno badan sida; Xananbuure, Bali-Sonkor, laanjaamac, Jiic-Boor, Duleedka Dhusamareeb, Balanbale iyo inta u dhaxeyso Guriceel iyo meelo kale. Hirshabelle: Hirshabelle waxaa ay dagaallo beeleedyo ka dhaceen bilihii ugu dambeeyay degmooyin iyo deegaanno badan. Hiiraan; Degmada Baladweyn, ayaa ka mid ah meelaha ay ka dhaceen, tani oo la xiriirtay xiisado siyaasadeed ayaa weli taagan. Deegan dhaca inta udhaxeysa Aadan yabaal iyo Moqokori xuduudada labada gobol Hiiran & shabeelaha Dhexe ee Hirshabelle ayaa ka mid ah colaadaha dhacay. Inta u dhaxeysa Isku dhaca labadan beel ee deeganadan ayaa ah mid soo laa laabta waxayna salka ku heysa aanoyin, deegameysi iyo lahaansho dhul beered, haatan waa dagantahay waa gacan ka geystey waxgaradka labada dhinac waxaase saameyn ku leh isku dhaca khawaarijta . Dhanka Shabeellada dhexe, Buurka-dirin, Raage Ceelle iyo Cadale waxaa ka socda, oo weli aan laga gaarin xal kama dambeysa dagaal beeleed sadex geesood ah, oo dhex maraya 3 beel oo halkaasi degta. Koonfur Galbeed: Saddexdii bilood ee ugu dambeysay sanadkan 2024-ka waxaa deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ka dhacay dagaal beeleedyo sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac. Gobolka Bay: Gobolkaan oo ka mid ah meellaha ay go’doomiyeen Kooxda Al-Shabaab waxaa ka dhacay billihii lasoo dhaafay dagaal beeleedkii ugu xumaa tan iyo markii la dhisay maamulka Koonfur Galbeed. Degmooyinka Diinsoor, Bardaale iyo Buurhakaba waa Saddexda degmo ee ay ka dhaceen dagaalladii ugu adkaa. Dagaallada oo ay ka dhasheen barakac iyo hoy la’aan dad badan soo wajahday ayaa Sarkaal Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Koonfur Galbeed kana mid ah dadka dhexdhexaadinta ku howlan ayaa Goobjoog News u sheegay in ilaa hadda tirada guud dadka ku dhintay Saddexdaasi degmo ay gaarayaan 51 qof, halka dadka ku dhaawacmay ay ka badan yihiin 150 ruux. Yuusuf Axmed oo ka mid ah Saraakiisha hay’addaha gargaarka ee ku sugan Koonfur Galbeed ayaa Goobjoognews u sheegay in xog aruurino ay sameeyeen ay muujinayso in tirada dadka ku barakacay ay kor u dhaafeen 5,000 oo qoys. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay ku guuleysteen xabad joojin ay kala dhex dhigaan beellaha dagaallamayay ka dibna loo fadhiisan doono dib u heshiis rasmi ah oo beellaha laga dhex dhigo. Sababaha dagaalka ayaa lagu sheegay ilaa 3 arrin; (1) Sida aan kasoo xiganay Odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed dagaalka waxaa uu salka ku haya isku heysashada ilo dhaqaalle sida Jidgooyooyin magaalooyinka meelaha laga soo galo yaallay oo dhaqaallaha kasoo baxa lagu qeybsan jiray hab beeleed. (2). Waxaa sidoo kale jiray mas’uuliyiin, iyo taliyeyaal loo soo magacaabay degmooyinkaasi oo beellaha qaar ay diideen iyo (3). Waxaa kaloo dagaalladaan sababay aanooyin qabiil oo horay loogu guuldareystay in wax laga qabto. Dhanka Gobolka Bakool waxaa dagaal beeleedyo khasaare geystay ay ka dhaceen Ceelbarde iyo Tayeglow deegaano hoos yimaada. waxaa ka dhacay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo Barakac. Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 12 qof. waxaa ku dhaawacmay in ka badan 50 qof. Gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ayaa xaqiijiyay in la joojiyay dagaal beeleedyada haddana lagu howlan yihiin sidii loo dhameyn lahaa. Sida ay Goobjoog ku ogaatay xiriiro kala duwan oo ay la sameysay odayaasha dhaqanka iyo maamulka Koonfur Galbeed dagaal beeleedka waxaa kuu saleysan yahay dhul daaqsimeed beellaha ay ku murmeen cida iska leh. Ugu dambeyntii, Gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuu ka mid yahay meelaha ay ragaadiyeen dagaal beeleedyada sanadyadii lasoo dhaafay balse Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay deegaano badan oo ku yaalla gobolka waxaa ka dhacay dagaal beeledyo sababay dhimasho iyo dhaawac. Inkastoo magaalooyinka Marko ay heshay xaalad deeganaan ah, Haddana Qoryooley, Wanlaweyn iyo Baraawe waxaa ka dhacay dagaallo lagu hoobtay, iyada oo Baraawe ay u gaar ahayd isku dhac labo ciidan oo Federaalka iyo maamulka ah. Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa Goobjoognews u xaqiijiyay in ku dhawaad 30 ruux ay ku dhinteen dagaal beeleedyada, sidoo kale dad ku dhow 100 ruux ayaa ku dhaawacmay. hadda ma jiro dagaal socdaa balse waanwaan uu maamulka garwadeen ka yahay ayaa socota iyada oo ay ka dhasheen barakac sababay in ay dadka soo aadaan xeryo barakac uu ku yaallo Xamar. Dagaalka ka socda Shabeellaha Hoose waxaa kuu saleysan yahay isku heysashada dhul beereed. Maamulka Shabeellaha Hoose ayaa joojiyay in dhul beereedkaasi wax falid ah lagu sameeyo ilaa xal laga gaarayo Xiisada. laba dhinac ayaa midba midka kale sheeganaya lahaanshaha dhulkaasi. Ugu dambeyntii, Jubbland asteynteeda inta badan kama jiraan dagaal beeleedyo hadda daaran, waxaana inta badan kusoo laablaabta khilaafyo siyaasadeed. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa salaasadii shalay ku dhawaaqay siyaasad cusub oo ku saabsan muhaajiriinta, taasoo deganaashaha joogtada ee Mareykanka ka caawin doonto boqollaal kun oo xaasas oo aanan sharci ku joogin Mareykanka. Sharcigana ayaa waxaa ka faa’iideysa doona nus milyan qof oo aanan sharci ku joogin Mareykanka, balse qaba xaasas heysta dhalashada Mareykanka ama ay qabaan muwaadiniin Mareykan ah. Sidoo kale, waxaa kaloo qeyb ka ah carruurta aanan sharciga heysan ee Mareykanka ku noolaa 10-kii sanno ee lasoo dhaafay. Shuruudaha lagu xidhay dadka xaqa u yeelan doono in ay dal-badaan sharcigan cusub ayaa ah, in ay Mareykanka ku noolaayeen muddo 10 sanno ama wax ka badan. Source
-
Safiirka Suudaan ee Qaramada Midoobay Al- Harith Idriss Al- Harith ayaa shalay weerar afka ah ku qaaday Imaaraadka Carabta shir Golaha Ammaanka, isagoo ku eedeeyay dowladda dalkaasi inay colaad ka dhex hurineeyso dalkiisa, eedeyntaasi oo ergayga Imaaraadka Carabta uu si cad u diiday. Muddo bilo ah, ayaa ciidanka Sudaan waxay ku eedeynayeen Abu Dhabi inay taageerto xoogaga RSF ee dagaalka kula jira ciidanka qalabka sida ee Sudan. Bishii Abriil, Suudaan waxay codsatay kulan degdeg ah oo Golaha Amaanka oo ku saabsan eedeeyntaasi kaas oo aan meel marin. Sudan ayaa cagaha la gashay dagaalka sokeeye bishii April 2023-kii oo ay iska hor-yimaadeen militariga caadiga ah ee uu hogaamiyo taliyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan iyo xoogaga RSF ee uu hogaamiyo ku xigeenkiisii hore Mohamed Hamdan Daglo. Qaraar la ansixiyay todobaadkii hore oo lagu dalbanayay in la soo afjaro “go’doominta” RSF ee El-Fasher ee gobolka Darfur ee Suudaan, ayaa golaha amaanka wuxuu ugu baaqay dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay “iska ilaaliyaan faragelin dibadeed wuxuuna ku booriyay in la ixtiraamo cunaqabateeynta hubka ee Sudaan. Source
-
Dowladda Kenya ayaa dib uga laabatay qorshe muran dhaliyay oo ay ku soo rogtay canshuuro badan, madaxtooyada Kenya waxay sheegtay in wax laga beddelayo hindise sharciyeedka ka caraysiiyay dadweynaha, iyadoo booliska ay sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsadeen dibadbaxayaal isugu soo baxay agagaarka xarunta baarlamaanka. Sharciga Maaliyadda ayaa wax laga beddelay si loo kordhiyo canshuurta laga qaado rootiga, sonkorta, adeegyada maaliyadeed, wax kala iibsiga lacagaha qalaad iyo sidoo kale canshuurta baabuurta,” ayay madaxtooyadu ku tiri hadal ay soo saartay Talaadadii, balse Sharcigani waxa uu dhaliyay mucaaradad baahsan iyo gadood bulsho. Ururrada bulshada rayidka ah ayaa sheegay in 210 qof la xiray, oo ay ku jiraan dibad-baxayaal, suxufiyiin iyo kormeerayaal ka tirsan kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha, hay’adda Amnesty Kenya ayaa sheegtay in qaar ka mid ah shaqaalaheeda oo indha indheynayay dibadbaxyada la xiray. Kenya ayaa wajahaysa Sicir barbar iyo hoos u dhacda dhaqaale oo baaxad leh tan iyo markii la doortay Madaxweyne William Ruto sanadkii 2022, waxaana muuqata in dowladdu hadda ay wajahayso cadaadis xooggan oo dhanka shacabka ah. Source: goobjoog.com
-
Mareykanka ayaa sii xoojinaya inuu diiradda saarayo la dagaalanka kooxaha mintidiinta Soomaaliya, kadib markii ay sii kordhayaan bartilmaameedyada inayo kooxda Daacish ee ka soo cusboonaatay saldhiga ay ku leeyihiin Geeska Afrika. Saraakiisha Mareykanka ayaa ka walaacsan in Daacishta Soomaaliya ay halbowle u tahay isku xidhka maaliyadda caalamiga ah, iyo martigelinta hoggaamiyaha ugu sarreeya kooxda. Hogaamiyayaasha ugu sareeya IS waxay u arkaan Afrika meel ay tahay inay maalgashadaan, halkaas oo ay ka heli karaan inay si ka wanaagsan oo xor ah ugu shaqeeyaan, waxayna rabaan inay isku ballaariyaan Soomaaliya,” ayuu yidhi sarkaal sare oo ka tirsan difaaca Mareykanka. Qiimaynta Maraykanku waxa ay daba socotaa wararka sheegaya in amiirka Daacish, Abu Xafs al-Hashemi al-Qurashi, uu ka soo safray Suuriya ama Ciraaq ka dibna uu Yemen uga sii gudbay maamul-goboleedka Puntland. Sidoo kale waxa ay daba socotaa digniino ka soo baxay saraakiil badan oo ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya oo sheegayay in IS-Soomaaliya ay sii xoogaysatay, taas oo ay ugu wacan tahay dagaalyahanno iyo hawl-wadeenno ka soo qulqulaya Yemen. Sarkaal Maraykan ah ayaa xaqiijiyey Isniintii in weerar xagga cirka ah oo dabayaaqadii bishii hore ka dhacay agagaarka deegaanka Dhaadaar, oo 81 kiiloomitir koonfur bari ka xigta magaalada Boosaaso, lala beegsaday hoggaamiyaha IS-Somalia Cabdulqaadir Muumin. Qiimaynta ugu horraysa ee Taliska Maraykanka ee Afrika ee 31-kii May ayaa lagu sheegay in saddex ka mid ah maleeshiyada IS lagu dilay. Inkastoo aysan cadddayn in Muumin uu ka mid yahay dadka dhintay. Source
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqasho ku tagay deeegaanka BuuloXaaji ee gobolka Jubada Hoose oo dhawaan laga xoreeyay Al-shabaab, xillli uu halkaas kula hadlay boqolaal shacabka deegaanka ah, isagoo Tuutihiisa xiran dhiilana muujinayey. Madaxweynaha ayaa goobtaas ka sheegay in deegaanka Buulo Xaaji aan dib looga noqon doonin lagu sugnanayo, in dhammaan hay’adaha Dowladda ay bilaabi doonaan Adeegyada bulshada gaar ahaan Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo adeega internetka oo deegaannadaan muddo aan ka jirinba. Waxaa Madaxweynahu uu balanqaaday in deegaanka laga dhisayo maxkamad isla markana aan la aqbali doonin in dacwad loo aado kooxda Al-shabaab, waxaana uu reer Buulo Xaaji ku booriyay in ay ciidanka soo dhoweyn iyo wadashaqeyn ay la yeeshaan si ammaanka loo wada ilaaliyo. “Culeys iyo dhib wixii aad soo aragteen la isweydiin maayo, laakiin waxaan rabnaa dowladnimo nabad wixii dad ku noolaan jiray in la idin kala shaqeeyo, magaaladuna ay noqoto magaalo gacan dowladeed soo gasha aysan noqon Shabaab Duur ku jir ay heysato” ayuu yiri xilli uu la hadlayay. Deegaannada Juubaland ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday howlgallo ay wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland oo u jeedkoodu uu yahay sidii oo looga saari lahaa inta badan deegaannada ay kaga sugan yihiin Jubbaland, gaar ahaan magaalada caasimadda ee Bu’aale. Tagitaanka madaxweynaha Jubbaland ee deegaanka Buulo Xaaji ayaa ka dhigan in Jubbaland u diyaar garowday sidii loo qaadi lahaa guluf dagaal inta aan la gaarin xilli Roobaadka Deyrta oo laga cabsan inuu go’doon uu imaan karo maadama Wabiga Jubba uu sameyn karo fatahaado hakin kara dagaalka. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta oo Arbacada gaadhay Kuuriyada Waqooyi, kaddib markii uu sheegay in labada dal ay doonayaan inay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen cunaqabateynta uu Mareykanku ee saaran labada waddan. Putin ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Pyongyang kula kulmay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, oo ay is qacan qaadeen isuna haayoodeen kadibna wada raceen gaadhiga Kim oo loogu galbiyay guriga martida ee Kumsusan ee Pyongyang sida ay sheegtay wakaaladda wararka Kuuriyada Waqooyi. Labada hogaamiye ayaa kulankooda ku tilmaantay dhacdo taariikhi ah, oo muujinaysa sii waarida saaxiibtinimada iyo wadajirka labada waddan. Putin, oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Kuuriyada Waqooyi muddo 24 sano ah, ayaa faallooyin ka soo muuqday warbaahinta dowladda saacado ka hor inta uusan ka degin Pyongyang ku sheegay in uu aad uga mahadcelinayo taageerada adag ee dalkaasi u fidiyay falkiisa milatari ee Ukraine. Kremlin-ka ayaa duullaan ballaadhan ku qaaday dalka deriska la ah ee Ukraine sanadkii 2022-kii. Source
-
Kooxda Al-shabaab ayaa wax ka beddeshay dhammaan qorshahoodii shaqo ka dib guulihii ay gaareen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed labadii sano ee la soo dhaafay, taas oo looga saaray deegaanno iyo degmooyin badan. Kooxda ayaa hadda kooxda Xuutiyiinta kala shaqeynayaan sidii ay awoodooda u ballaarin lahaayeen, sida ay sheegeen saraakiisha sare ee difaaca Mareykanka. “Waxay la shaqeynayaan Xuutiyiinta, hadda kooxda waa wax la yaab leh ” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan difaaca Mareykanka, oo la hadlay warfidiyeenka. Sarkaalku waxa uu sheegay in Xuutiyiinta Yemen ay u arkaan wada shaqayntan cusub “in si dhab ah loo qaato” iyagoo isku dayaya inay khatar ku noqdaan maraakiibta Maraykanka iyo Ingiriiska ee ka baxsan Badda Cas. “Xuutiyiintu waxay weerareen ama u hanjabeen ciidamada badda iyo maraakiibta ganacsiga ee Maraykanka in ka badan 190 jeer badda cas iyo gacanka cadmeed laga soo bilaabo Nov. 19, 2023″af hayeenka Pentagon-ka Sabrina Singh ayaa u sheegay wariyeyaasha. “Xuuthiyiintu waxay sheeganayaan inay u dhaqmayaan magaca Falastiiniyiinta Gaza, haddana waxay halis gelinayaan nolosha kuwa aan wax lug ah ku lahayn iskahorimaadka,” ayuu yiri Singh. Guuleed Axmed oo ka mid ah aqoonyahanada Geeska Afrika ee machadka Bariga Dhexe ayaa sheegay in Xuutiyiinta oo gacan ka helaya dowladda Iran ay doonayaan in ay abuuraan jiho cusub oo badweynta Hindiya ah oo Al-Shabaab ay ka heli karaan gantaalada casriga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Waxa uu sheegay in Xuuthiyiinta ay horay ugu soo direen Al-Shabaab 3 Injineer oo ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya si ay gacan uga geystaan dhismaha Hubka casriga ah iyo Bambaanooyinka. Mareykanka ayaa isku dayaya in uu xakameeyo qulqulka hubka ee Soomaaliya sanado badan. Bishii Noofambar 2022, Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday cunaqabateyn ka dhan ah siddeed qof iyo hal shirkad oo ku lug leh dadaal sanado ah oo lagu doonayay in hub qiimihiisu yahay malaayiin doollar ay isaga kala gooshaan Yemen iyo Soomaaliya. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dagaallo adag la galay labadii sano ee lasoo dhaafay kooxda Shabaab, taasoo keenay inta badan laga qabso kooxda degmooyinka ku yaalla bartamaha Soomaaliya. sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa xayirtay Malaayiin doollar oo u socotay kooxda taasoo dhaqaalle daro ku riday kooxda Source: goobjoog.com
-
Minneapolis, USA (HOL) — Former Somali Prime Minister H.E. Hassan Ali Khaire will be the keynote speaker at the 2024 Somali Week Celebration. He will address the Town Hall and the Somali American Business Conference. The event, starting on June 26 at the National Press Club, aims to strengthen U.S.-Somali relations and celebrate the contributions of the Somali community in the United States. Source: Hiiraan Online
-
Safiirka Suudaan ee Qaramada Midoobey Al- Harith Idriss Al- Harith ayaa weerar afka ah ku qaaday Imaaraadka Carabta shirka Golaha Ammaanka, isagoo ku eedeeyay dowladda dalkaasi in ay colaad ka dhex hurineeyso dalkiisa, eedeyntaasi oo ergayga Imaaraadk Carabta uu si cad u diiday. Mudda bilo ah, ayaa ciidanka Sudaan waxay ku eedeynayeen Abu Dhabi in ay taageerto xoogaga RSF ee dagaalka kula jira ciidanka qalabka sida ee Sudan. Bishii Abriil, Suudaan waxay codsatay kulan degdeg ah oo Golaha Amaanka oo ku saabsan eedeeyntaasi kaas oo aan meel marin. Sudan ayaa cagaha la gashay dagaalka sokeeye bishii April 2023-kii oo ay iska hor-yimaadeen militariga caadiga ah ee uu hogaamiyo taliyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan iyo xoogaga RSF ee uu hogaamiyo ku xigeenkiisii hore Mohamed Hamdan Daglo. Qaraar la ansixiyay todobaadkii hore oo lagu dalbanayay in la soo afjaro go’doominta RSF ee El-Fasher ee gobolka Darfur ee Suudaan, ayaa golaha amaanka wuxuu ugu baaqay dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay iska ilaaliyaan faragelin dibadeed wuxuuna ku booriyay in la ixtiraamo cunaqabateeynta hubka ee Sudaan. PUNTLAND POST The post Imaaraadka Carabta oo lagu eedeeyay hurinta Colaadda Suudaan appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqasho ku jooga Kuuriyada Waqooyi, kaddib markii uu sheegay in labada dal ay doonayaan inay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen cunaqabateynta Mareykanka ee saaran labada waddan. Putin ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Pyongyang kula kulmay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, oo ay is qacan qaadeen kadibna wada raceen gaariga Kim oo loogu galbiyay guriga martida ee Kumsusan ee Pyongyang sida ay sheegtay wakaaladda wararka Kuuriyada Waqooyi. Labada hogaamiye ayaa kulankooda ku tilmaantay dhacdo taariikhi ah, oo muujinaysa sii waarida saaxiibtinimada iyo wadajirka labada waddan. Putin, oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Kuuriyada Waqooyi muddo 24 sano ah, ayaa faallooyin ka soo muuqday warbaahinta dowladda saacado ka hor inta uusan ka degin Pyongyang ku sheegay in uu aad uga mahadcelinayo taageerada adag ee dalkaasi u fidiyay falkiisa milatari ee Ukraine. PUNTLAND POST The post Vladimir Putin iyo Kim Jong Un oo shir taariikhi ah ku yeeshay Pyongyang appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo siyaasad cusub oo ilaalinaysa dadka magangalyo doonka ah ee dalkaas tagay muddo hore si aan loo masaafurin, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka. Siyaasadan cusub ayaa caawin doonta kumanaan qof oo muddo 0 sano ah ku noolaa Maraykanka balse an la siin sharciga dalkaasi. Dadkaas ayaa isugu jira kuwo iyagoo carruur ah waalidkooda si tarhiib ah kula galeen Maraykanka, kuwo qaangaar ahaa oo si sharci darraa ku galay dalkaas balse markii danbe guursaday muwaadinad ama muwaadin Maryakanka ah. Waxaa kale oo sharcigu caawin kari doonaa dadka dalka Maraykanka ku galay Viso balse aan laaban markii uu dhacay oo muddo tobban sanaana ku noolaa dalkaasi. Dadkaas waxaa kale oo ku jira kuwa muddo dheer wax ka baranayey Maraykanka iyo kuwo bixinayey canshuuraha oo shaqooyin ku helay sharciyo kumelgaara oo bini’aaddanimo ah. Sida uu BBCda u sheegay sharciyaqaan Aamiin Haruun oo ka howlgala magalaad Minneapolis, ku dhawaad shan boqol ilaa hal milyan oo qof ayaa la rajaynayaa inay ka faa’iidaysan doonaan siyaasadan cusub ee maamulka Biden. Waxaa jira Soomaali badan oo dalka Maraykanka ku galay qaab tahriib sanado badan ka hor kuwaas oo inta gaarta mudda 10 sanaa sidoo kale ay heli karayaan fursadan sida uu xusay garyaqaan Aamiin Haaruun. “ Dabcan haa, Soomaali ayaa ku jiri karaan, laakiin sidaa uma badna waxaa laga yaabaa inay yihiin ilaa boqolaal hadaysan kunba gaarayn oo Soomaali ah. “Marka dadkaas waxay hore u haysteen sharci la yiraahdo ‘TPS’ ee bini’aadanimo oo ah mid la cusboonaysiiyo, marka waxaa suura gal in dadkaas Soomaalidaa ka faa’iidaysan karaan” ayuu yiri Aamiin Haaruun. Aamiin, ayaa sidoo kale xusay inay jireen dad Soomaali ah oo muddo sharci darro ku ahaa Maraykanka oo ka faa’iidaystay sharcigii ‘DACA’ ee labo iyo tobban sano ka hor soo saaray Madaxweynihii hore ee Maraykanka Obama. Aqalka Cad ayaa rumeysan in in ka badan 500,000 oo xaasas ah oo haysta dhalashada Mareykanka ay ka faa’ideysan doonaan, marka lagu daro 50,000 oo dhallinyaro ah oo ka yar 21 sano oo ay dhaleen waalidiin haysta dhalashada Maraykanka. Barnaamijku wuxuu u oggolaanayaa lammaanaha iyo carruurtaba inay codsadaan deggenaansho rasmi ah iyaga oo aan ka tagin Maraykanka, nidaamka ayaana Meesha ka saaraysa habraac dheer oo suurtagal ah haddii uu tarxiil imaan lahaa in qoysasku go’aan. Maxaa xilligan ugu soo beegmay sharcigan Tani waxay waxay muujisay in socdaalku uu yahay walaaca koowaad ee codbixiyeyaal badan ka hor doorashada madaxweynaha ee Noofambar. Sida uu qabo sharci yaqaan Aamiin Haaruun, tani waxay jawaab u tahay balanqaadkii madaxweyne Biden kalkiisii hore ee doorashada iyo cadaadiska ay saareen kooxaha u dooda soogalootiga oo ka hor yimi sharciyada xaddidaya dadka magangalya doonkaa ee Maraynka galaya. “Madaxweyne Biden, waxaa ku soo foodleh doorasho marka wuxuu doonayaa inuu ku dajiyo dadka maadama uu hore u sameeyey tallaabooyin ka dhana soo galootiga” ayuu yiri sharci yaqaan Amiin Haaruun. Tallaabadan uu qaadayo madaxweyne biden ayaa daba socota iyadoo labo iyo tobban sano ka hor xukuumadii madaxweyne Obama ee ku xigeena ka ahaa isla biden ay furtay barnaamij loogu magac daray “DACA” kaas oo sharciyo lagu siiyey dad ka badan 530,000 oo ahaa muhaajiriin Maraykanka ku galay carruurnimo. Horaantii bishaan, Biden wuxuu ka mamnuucay inta badan muhaajiriinta ka soo gudbaysa xadka Mareykanka iyo Mexico inay codsadaan magangalyo, siyaasad ka turjumeysa mamnuucid magangalyo oo la mid ah xilligii Trump. Barnaamijka sharciyaynta ee Biden ee la qorsheeyay ee xaasaska muwaadiniinta Maraykanka ayaa xoojin karta fariintiisa ololaha ee ah inuu taageersan yahay nidaamka socdaalka ee bini’aadantinimada iyo muujinta sida uu uga duwan yahay Trump, oo muddo dheer mawqif adag ka taagnaa socdaalka sharci iyo sharci-darrada ah labadaba. bbcsomali Qaran News
-
NAIROBI, Kenya (HOL) — Kenya's proposed tax hikes have ignited widespread protests, with Hanifa Farsafi, a Somali activist, emerging as a prominent leader. Videos of Farsafi at the forefront of the protests have gone viral on social media, drawing significant attention to the cause. The government's tax plan, part of the new annual budget, included a 16% increase on bread and higher taxes on cooking oil and mobile phone bills. Following intense public outcry and clashes between police and protesters, the government suspended the proposal. Source: Hiiraan Online
-
WATCH: Portugal vs Czechia 2-1: Euro 2024 Source: Hiiraan Online
-
Garowe (HOL) — Puntland police and Somali security forces conducted an anti-piracy operation in Galkayo, arresting Abshir Abdi Kheyre Jowfe, 38, the commander behind the hijacking of the MV Abdalla. The arrest marks a significant step in the ongoing efforts to dismantle pirate networks in the region. Source: Hiiraan Online
-
Somalia has deposited its roadmap of fully integrating into the East African Community, signalling an extra market for the region of close to 20 million people when the process is completed. Source: Hiiraan Online
-
On June 17, Somali President Hassan Sheikh Mohamud met with Turkish Foreign Minister Hakan Fidan in Ankara. It was the fourth high-level meeting between the two countries this year, and the pace of dialogue between Somalia and Turkey is set to increase, following two major agreements between Turkey and Somalia signed earlier this year—a comprehensive maritime and defense agreement signed in February and an oil and gas cooperation deal reached in March. Source: Hiiraan Online