Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,337
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dabley hubaysan ayaa lagu soo warramaya in ay ganacsade lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Cabdi Daahir Axmed ay ku dileen xalay degaanka Kalabayr Gobolka Nugaa. Kalabayr waa deegaan u dhexeeya Garoowe iyo Buurtinle islamarkaana qiyaastii 60km u jira caasimadda Garoowe. Sida ay Goobjoognews u sheegeen dadka deegaanka ganacsadaha la dilay ayaa ka mid ahaa dadka sida weyn uga shaqeyn jiray horumarinta bulshada deegaanka Jalam. Dilka ganacsadaha ayaa salka ku haya arimo la xariira anooyin qabiil. Kooxdii dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta si nabad ah uga tageen. Ciidanka Booliiska Puntland ayaa la sheegay in ay waddaan dadaallo ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiiglayaasha dilay ganacsadaha. Source: goobjoog.com
  2. Danyeerka nooca loo yaqaan Chimpanzee ee duurjoogta ah, waxay cunaan dhirta ka hor tagta bakteeriyada iyo xanuunada kale, sida ay sheegeen seynisyahanada. Waxay baaris ku sameyeen xayawaanada ku nool keymaha dalka Uganda, gaar ahaan kuwa dhaawaca soo gaara iyo kuwa xanuunsanayaba, inay dhirta isku daweeynayaan iyo on kale. Marka xayawaanku dhaawacmo oo uu keynta u raadsado wax gaar ah oo uu cuno. Cilmi-baarayaashu waxay soo ururiyeen dhirta uu xayawaanka cuno, kadibna baaris ayay ku sameeyeen. Inta badan dhirta la baaray, waxay noqdeen kuwo leh maadooyin ka hor taga bakteeriyada. Seynisyahannada, oo natiijada baaritaankooda ku daabacay wargeyska PLOS One, waxay rumeysanyihiin in chimpanzeega uu xitaa ka caawin karo raadinta dawooyin kale oo cusub. “Ma baari karno noole kasta oo ku nool kaymahaas, ayuu yiri cilmi-baare, Dr Elodie Freymann, oo ka tirsan Jaamacadda Oxford. “Marka maxaa noo diidaya inaan baarno nooca dhireed ee ay raadiyaan daanyeerka chimpanzee?” ayuunyiri. Afartii sano ee la soo dhaafay, Dr Freymann waxa ay muddo bilooyin ah si taxadar leh ula socotay xaaladda chimpanzee duurjoog ah oo ku noola keynta Budongo Central Forest Reserve ee dalka Uganda. Iyada iyo saaxibadeeda shaqada, waxay si gaar ah isha ugu hayeen dhirta uu sida gaarka ah u cuno chimpanzeega dhaawaca ah ama midka xanuunsanaya, dhirtaas oo ah kuwa aysan hore u cuni jirin. “Waxaan baaritaan ku sameyneynay hab-dhaqanka iyo tuhunka ah ah in laga yaabo in dhirtu dawo tahay ayay tiri” Dr Freymann. Waxay arkeen mid kamid ah xayawaankaasi oo dhutinaya isla markaana raadinaya geedka loo yaqaano ferns. Cilmi baarayaashu waxay sidoo kale uruuriyeen oo ay falanqeeyeen geedka nooca Christella parasitica, kaas oo isna leh maaddo yareysa xanuunka. Guud ahaan, baarayaashu waxay soo uruuriyeen 17 tijaabooyin oo lagu sameeyay 13 geed oo kala duwan, waxaana loo diray Dr Fabien Schultz, oo ka howl gasha jaamacadda Neubrandenburg ee dalka Jarmalka. Baaristaas waxaa lagu ogaaday in ku dhowaad boqolkiiba 90% ee dhirtaas ay leedahay maaddo ka hor tagta bakteeriyada isla markaana ay yareeyaan xanuunada. Ma uusan isticmaaleyn gacanta si uu u lugeeyo, wuu dhutinayay,” ayay tiri. Iyadoo inta kale ee kooxdan xayawaannada ay ag fadhiyeen oo ay wax cunayeen, daanyeerka dhaawacan ayaa dhutinayay isagoo raadinayay dhir. “Wuxuu ahaa kan keliya ee raadinayay ee cunayay dhirtaas.” Baarayaasha ayaa dhirtaas soo qaaday oo baaritaan ku sameeyay. Waa dhir lagu magacaabo Christella parasitica, taasoo la ogaaday inay tahay qallajiye xooggan. Guud ahaan, baarayaasha ayaa ururiyay 17 nooc oo 13 dhir kala duwan laga soo qaaday waxayna u direen inuu baaro Dr Fabien Schultz, oo ka howlgala Jaamacadda Neubrandenburg ee jarmalka. Waxay natiijadu sheegtay in ku dhowaad 90% dhirtaasi ay bakteeriyada ka hortagaan, halka saddex meeloodna ay leeyihiin maaddooyin dabiici ah oo qallajiye ah, taasoo micnaheedu yahay inay yareyn karaan xanuunka ayna bogsashada wax ka taraan. Dhammaan daanyeerrada dhaawacan iyo kuwa xanuunsan ee lagu sheegay daraasaddan ayaa si buuxda u caafimaaday, iyadoo Dr Freymann ay ku faraxsaneyd. “Kii cunay dhirta ayaa isticmaalayay mar kale gacantiisa maalmihii yaraa ee xigay,” ayay tiri. “Dabcan, ma caddeyn karno 100% in kiisaskan ay yihiin natiijada tooska ah ee ka dhalatay cunidda kheyraadkan,” ayay u sheegtay BBC. “Balse waxay diiradda saartay aqoonta caafimaad ee laga dhaxlay u kuurgelidda dhirta kale ee keymaha.” Ayay tiri. bbcsomali Qaran News
  3. Ardayda Dugsiyada sare ee dalka ayaa saaka u fariisanaya Imtixaanka shahaadiga ah oo ay qabanayso Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Soomaliya, kaas oo sanad waliba wasaaraddu qaado. In ka badan 37-kun oo arday ayaa galaysa Imtixaanka, oo ka bilaabanaya xarumo ku yaalla Muqdisho, Galmudug, Koofur Galbeed, SCC Khaatumo, Hirshabeelle iyo Jubbaland, marka laga reebo Somaliland iyo Puntland. Goobaha lagu gelayo Imtixaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxeyna dowladda sheegtay in ay u diyaarisay ku dhawaad 2,000 askari oo ilaalinaya. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay soo saartay digniino kala duwan oo ku saabsan ilaalinta anshax Imtixaanka iyo hanaanka saxda ah iyadoo sanadkaan Imtixaanka laga ilaaliyay in uu banaanka u baxo. Source: goobjoog.com
  4. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud received credentials from the newly appointed U.S. Ambassador to Somalia, Richard H. Riley, inside Mogadishu's airport on Friday. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo gobollada dalka waxaa maanta ka furmay imtixaanaadka shahaadiga ah ee dusiga sare, kaas oo ay sanadkii 10-aad qaadeyso wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare. Sanadkan waxaa imtixaanka ka qayb-galaya arday ka badan 37 kun, sida uu shaaciyay wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Wasiirka oo ka hadlay furitaanka imtixaankan ayaa sheegay in ay gaarsiiyeen magaalooyin cusub iyo deegaano laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab. “Wax badan ayaa sanadkan lagu soo kordhiyay imtixaanka tirada ka qayb-galayaasha waxay gaartay 37038 arday, tirada xarumaha waa 136 goobood, tirada dugsiyada ka qayb-galaya 736 dugsi, tirada shaqaalaha kormeerayo 2,870 ah iyo tirada ciidanka booliska ee ka howlgalaya oo ah 2176 askari” ayuu yiri wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in imtixaanka uu sanadkan ka duwan yahay sanadihii hore, ayna ku dadaaleen dhanka tayada iyo ilaalintiisa. “Lixdii bilood ee lasoo dhaafay waxaa aad looga shaqeeyay inuu imtixaanka ka duwanaado imtixaanadii hore dhanka tayada iyo dhanka gaarsiinta” ayuu sii raaciyay wasiirku. Dhankiisara’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo imtixaanaadkan ka daah-furay Muqdisho ayaa farriin guud u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna yiri “Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa inay imtixtaanka qayb ka noqdaan oo ay kala shaqeeyaan wasaaradda”. Waxaa kale oo ra’iisul wasaaruhu boggaadiyay in sanadkan imtixaanka lagu galaayo degmooyinkii u dambeeyay ee laga xoreeyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. “”Goobo badan oo xagga amniga sanadihii hore aan imtixaanka laga gelin ayay hadda suurtagal noqotay in imtixaanka la geeyo” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaruhu. Dhinaca kale magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle waxaa 33 sano kadib maanta looga fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaadeyso dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana imtixaanka u fariistay illaa 1,154 arday oo wiilal iyo gabdho isugu jira. The post Ardeydii ugu badnayd oo u fariisatay imtixaanaadka dugsiyada sare + Video appeared first on Caasimada Online.
  6. At least 200 people were injured and more than 100 arrested across Kenya in nationwide protests against government tax hike plans, rights groups have said. Source: Hiiraan Online
  7. After living as a pastoralist for 15 years, Osman Mohamed Elmi is now making a living as a driver at the new port in Hobyo, in central Somalia’s Mudug region. Source: Hiiraan Online
  8. Midowga Afrika ayaa taageeray codsigii ay Soomaaliya ku doonaysay in kaddib bixitaanka ciidamada ATMIS la billaabo hawlgal muddo kooban ah oo dowladda looga caawinayo dhammeystirka dadaallada la-wareegista amniga iyo ciribtirka argagaxisada. War-murtiyeed ka soo baxay shir ay yeesheen xubnaha Golaha Amaanka iyo Nabadgaliyada Midawga Afrika ayaa waxaa sidoo kale lagu aqbalay soojeedin Soomaaliya ka timid oo ahayd in la kala qeybiyo wejiga saddexaad ee hawsha dhimista ciidamada ATMIS oo kutalogalkeedu uu yahay 2 kun askari oo dhammaadka June baxaysa, iyo 2 kun kale oo dhammaadka September noqonaysa. War saxaafadeedka ayaa waxaa lagu ammaanay dadaalka ay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xukuumaddiisa ku bixinayaan dhinacyada kala duwan ee hawlaha dawlad-dhiska Soomaaliya, iyadoo saaxiibbada caalamkana loogu baaqay in ay joogteeyaan taageerada ay ku bixinayaan ka-miro-dhalinta dadaalladan. Waxyaabaha lagu ammaanay dowladda Soomaaliya waxa lagu sheegay inay ka mid yihin horumarrada laga gaaray qorshayaasha amniga, joogteynta shirarka Golaha Wada-tashiga Qaran, la-dagaalanka argagaxisada iyo weliba u-diyaar-garowga la-wareegista amniga dalka ka dib marka ay baxaan ciidamada ATMIS. PUNTLAND POST The post Midowga Afrika oo ansixiyay in Hawlgal Nabad Ilaalin ah la keeno Soomaaliya kadib bixitaanka ATMIS appeared first on Puntland Post.
  9. Christoph Baumgartner and Marko Arnautovic were on target in the second half to secure Austria's first three points with a 3-1 win over Poland while wasteful France couldn't score against uninspired Dutchmen in the second round of the Euro 2024 group stage on Friday. Source: Hiiraan Online
  10. Female members of the Kenya Defence Forces (KDF) and National Police Service are actively involved in Somalia, primarily under the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). Source: Hiiraan Online
  11. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee 2023-2024 oo sanadkan ay ka qeyb galayaan in ka badan 37,000 oo arday. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay u horumarisay habka loo qaadayo Imtixaanka oo laga dhisay mid casri ah, isaga oo xusay in waxbarashadu ay tahay mid kamid ah waxyaabaha mudnaanta u leh Xukuumadda DanQaran. “Maanta waa maalin weyn oo la xaqiijiyey mid kamid ah himillooyinka shacabka Soomaaliyeed, waxbarashadu waa himillo weyn oo ay xukuumaddu u aragto mudnaan lamid ah amniga. Maalmaha uu imtixaanku socdo dhammaanteen waa in aan askar u noqonnaa Wasaaradda Waxbarashada oo aan kala shaqeyno sidii uu guul ugu soo dhammaan lahaa imtixaanku” Mudane Xamsa ayaa intaas ku daray in sanadkan lagu qaadayo imtixaanka magaalooyin kala duwan oo aysan horey uga dhici jirin, taas oo xaqiijinaysa guulaha la gaaray ee fursadda u ah ardayda, waxuuna kula dardaarmay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in gacan lagu siiyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Ciidanka amniga sidii imtixaanku ugu soo dhammaan lahaa si guul ah. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo daah-furay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee 2023-2024 appeared first on Puntland Post.
  12. Markab nooca dalxiiska ah ayaa badbaadiyay 68 qof oo tahriibayaal ah, kuwaas oo dooni ay la socdeen laga helay meel u dhaw jasiiradda Canary. Markabka ayaa sidoo kale helay meydadka shan qof oo ka mid ahaa muhaajiriinta. Sida ay sheegtay Wakaaladda Howlaha Badbaadinta Badda ee Dalka Spain, markab kuwa shidaalka qaada ah oo ka soo socdaalay waqooyi-galbeed ee Spain, kuna sii jeeday Brazil ayaa arkay Arbacadii la soo dhaafay doonidan muhaajiriinta ay saaraayeen oo dul sabeeneysa badda Atlaantigga. Doonta ayaa mareysay meel qiyaastii 815 kiiloomitir u jirta koonfurta Jaziiradda Tenerife, oo ka mid ah todobada jasiiradood ee Jasiiradaha la isuku yirahdo Canaries, ka dibna ku wargeliyay Markabka dalxiis. Maamulka Isbaanishka ayaa u weeciyay markabka dalxiiska ee Insignia, dhinaca Jaziiradaas si uu u badbaadiyo muhaajiriinta. Shaqaalaha markabka Insignia ayaa sidoo kale soo saaray saddex ka mid ah shantii meyd ee saarnaa doonida kalluumeysiga, iyagoo ka soo tagay meydadka labada qof ee kale sababo dhinaca cimilada oo xumeyd la xiriira. PUNTLAND POST The post 68 tahriibayaal ah oo laga soo badbaadiyay jasiiradda Canary ee badda Atlaantigga appeared first on Puntland Post.
  13. Fowziya Yuusuf Xaaji Aden waa gabar karti badan oo xilal qiima badan ka soo qabatay dalkaan, waana ka soo dhalaali karta xil kasta oo ay qabato mid qaran iyo mid caalamiba. Kurisiga AU waa kursi muhiim ah oo dalka ay dano badani ugu jiraan, waana mudan yahay in loo tartamo, laakiin akhriste dalku wuxuu leeyahy hortabyo qofka ka muhiimsan kuwaas oo la rabo inay dowladda iyo dadkaba ay qimeyn karaan. Waxaa baraha bulshada iyo shir jaraa’id oo Marwo Fowziya qabatay ka muuqday inay arrinkan shakhsiyadeynayaan siyaasiyiin la hubo inay runta iyo xogta dhabta ah ee arrinaan ay ogyihiin, laakiin dano siaasadeed oo tii naga dhaxesay ee ka dalka uga sokeeya iyaga ka dhex arkay. Madaxda dalka waa aamninsan tahay inay u qalanto jagadaas ay hadda daba joogto ee Xoghayaha Guud ee AU xildhibaan Fowziya. Laakiin waxaa masakaxshiil iyo maanka oo si qarameysan loo gedgediyo u baahan inaan dhinacyo badan ka fiirinno fursafaha iyo caqabadaha ku gadaaman kuisgaan kuwee badan? Jagada waxaa xogahaya guud ee African Union, waa jago muhiim oo siyaasadeed oo cid walba oo codkeeda ku siineysaa kaa sugeyso inay wax kaaga badalato ama aadan ku dhibeyn marka aad qabatid ama aysan idinka dhaxeyn colaad kale. Haddaba, ma jiraan caqabadda keeni kara inay kursiga naga hor joogsadaan marka aynu isu soo taagno kuwaas oo aan xuman ahayn laakiin dano daleed ah oo keeni kara inaan ku guuldarreysanno, kadibna ay nooga yimaadaan dhibatooyin waaweyn oo dalkeena jiritaankiisa saameya, in dalka lakala gooyo? Haa waxaana ka mid ah: Qodobka kowaad: Soomaaliya waxaa jooga ciidan ka kooban 12 dal oo Afrikaan ah oo taageera dowladda Somaliyeed taas oo ay waddamada qaar u arkaan inaadan ka noqon karin dhexdhexaad go’aanada qaar ama uu go’aankeennu uu noqdo mid jilicsan ama jihaysan oo janjeer leh. Taas waxay noo keeni kartaa inaan kuriska weyno oo waddamada nala tartamaya ay doodooda ku dhisaan qodoobkaas, codkana aan ku weyno. Qodobka labaad: Waxaa qeybsamaya codadka dalalka Afrika, taasina ay hiil u noqoto inuu soo baxo qof annaga dhib nagu ah kaas oo la hubo inuu noqon doono qof saameyn ku dhex golaha, kadibna dhiirrigelin kara inuu wax ka badalo qodobka midnamadeenna ilaaliya hadda oo ah “In xuduudaha Afrika loo dhaafo sidii uu gumeysiga uga tagay.” Waxaana ka mid shakhsiyaadka qaba in Soomaaliya la kala gooyo oo musharraxa ruug caddaaga reer Kenya ee Raila Odinga oo ah tartame dalkiisa iyo isgaba ay cukus yihiin ah. Halkaan ka daawo isago leh Soomaaliya waa in la jaraa https://saxafimedia.com/raila-odinga-somaliland-quest-recognition/. Qodobka seddexaad: Waxaan Afrika codsannay inay nagu taageeraan kursiga xubinimada aan joogtada ee golaha ammaanka kaas oo wax badan ka awood badan kan AU-da, waxayna siyeen dhamaan codadka AU. Ogow taas hadiyad Soomaali lala jeclaaday ma ahayn ee waxay ku timid dadaallo siyaasadeed oo isdaba texnaa, waxaana ka mid ahaa in wax na lookaga badasho oo aan ka harno kursigan AU, walow aan hadda kor lo sheegeyn. Haddaba dadka maanta rabaa inaay arrinkaan ka dhigaan mid gabar iyo qof gaar ah loogu dan leeyahay waa doqonimo weyn oo u baahan in dib loo eego galalkooda taariikheed dadka ku doodaya arrimahan oo uu Fahad Yasiin ka mid yahay. Ugu dambeyn dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed waa inaysan fududeysan inuu kursigaan yimaado ruux raba inuu Soomaaliya kala gooyo si awooddeeda daleed loo wiiqo. Sidaas darteed, dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, siyaasiyiinta iyo dadka Soomaaliyed waa inay qaataan go’aan ay caadifadda ka maran tahay oo ay Soomaaliya ka tanasushaa kursiga AU codkeedana ku biirisaa musharraxa dalka aan walaalaha nahay ee Jibuuti oo mar waliba u taagan midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, waa wasiirkiisa arrimaha dibadda ee Djibouti muddo 15 sano ah Maxamud Cali Yuusuf. Ogow Musharraxa reer Djibouti, waxaa uu heli karaa codadka Afrikaanka ku hadla luqadda Faransiiska oo tiradoodu badan tahay iyo kuwa ku jira Jamacadda Carabta, laakiin haddii ay Soomaaliya tartanto waxay kala qeybin kartaa codadkaas waxaana si fudud ku soo bixi kara Raila Odinga oo la hubo inaan maalin ka shallaay doonno haddaan caadifad ku shaqeyno oo aan xisaabta dhinac fiican manta la eegin. Dowladda waxay sameysay dadaal aad u weyn sida ay Fowziya ku sheegtay shirkeeda: 1- Inay waraaqo u qirtay 50 dal oo Afrikaan ah, hal dal oo kaliya ayaa ku soo jawaabay inay codsigeenna texgelin doonaan. 2- Qiimeyn ay dowladda sameysay waxaa u soo baxday kursigii Golaha Amaanka ka dib inay xaalado badan is badaleen. 3- Tartan oo markii hore ay Kenya Raila soo sharraxatay ma jirin waddo ay Soomaaliya ku ogolaan kartay inay Raila taageerto, waxayna soo shaarxday Marwo Fowziya laakiin markii ay Jibuuto soo dhigtay Muasharaxeeda ayaa waxaa dowladda u soo baxday inay codadka kala jabi karaan oo uu Raila heli karo fursad uu ku soo baxo. Marka dadaalkaas dheer ayey dowladd u gashay kursiga kadibna ay u aragtay inuu Soomaaliya danaheeda dhaawacayo. Gabagabadii walaasheen Fawziya waxaan ka sugeynay inay tiraahdo waan u tanasulayaa dadkeyga iyo midnimada aan weligey u taagnaa waxaana la ololeynayaa walaakey Maxamud Cali Yusuf oo codadkeyga ku biirinayaa. Sabatuna waa tan: Fowziya waxay noqon lahayd halyeeyad mustaqbal hogaamineed u soo istaagi karta dalkan waa qof qaadan kara go’aan kharaar waayo waxay leedahay taariikh mug weyn leh oo ay ka dhaxashay laba waddani oo ay guri kula noolaatay Gen. Abukar Aftooje iyo xurmadle Yuusuf Xaaji Allah ha u naxariistee oo maanta haddii ay joogi lahaayeen ku oran lahaa Fowziya ka joog waa siriq iyo booraan hadimo oo noo soo dhuman karta keenina karta waxaan u noleyn inay halkaas ka baxaan taas oo midnimadii aan u so halgannay. W/Q: Cabdiraxmaan Gacal Muqdisho, Soomaaliya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Fowziya iyo kursiga AU-da – Maxay tahay xaqiiqda? appeared first on Caasimada Online.
  14. Canary (Caasimada Online) – Markab nooca dalxiiska ah ayaa badbaadiyay illaa 68 qof oo tahriibayaal ah, kuwaas oo dooni ay la socdeen laga helay meel u dhaw jasiiradda Canary. Markabka ayaa sidoo kale helay meydadka shan qof oo ka mid ahaa muhaajiriinta, sida ay sheegtay Wakaaladda Howlaha Badbaadinta Badda ee Dalka Spain, markab kuwa shidaalka qaada ah oo ka soo socdaalay waqooyi-galbeed ee Spain, kuna sii jeeday Brazil ayaa arkay Arbacadii la soo dhaafay doonidan muhaajiriinta ay saaraayeen oo dul sabeeneysa badda Atlaantigga. Doonta ayaa mareysay meel qiyaastii 815 kiiloomitir u jirta koonfurta Jaziiradda Tenerife, oo ka mid ah todobada jasiiradood ee Jasiiradaha la isuku yirahdo Canaries, ka dibna ku wargeliyay Markabka dalxiis. Maamulka Isbaanishka ayaa u weeciyay markabka dalxiiska ee Insignia, dhinaca Jaziiradaas si uu u badbaadiyo muhaajiriinta. Shaqaalaha markabka Insignia ayaa sidoo kale soo saaray saddex ka mid ah shantii meyd ee saarnaa doonida kalluumeysiga, iyagoo ka soo tagay meydadka labada qof ee kale sababo dhinaca cimilada oo xumeyd la xiriira. Doonta ay saaraayeen Muhaajiriinta ayaa aheyd nooca loo yaqaanno Pirogues oo ay isticmaalaan kalluumaysatada dalalka Mauritania iyo Senegal. The post Ku dhowaad 100 tahriibe oo laga soo badbaadiyay badda Atlaantiga appeared first on Caasimada Online.
  15. Ciidamada Israa’il ayaa duqeymo culus Jimcihi ku garaacay degaanno ka tirsan koofurta iyo bartamaha Marinka Gaza, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 45 qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay xaqiijiyeen ilaha caafimaadka Gaza. Dadka deegaanka ayaa sheegay, in ciidamada Isra’il ay labadi maalin ee lasoo dhaafay xoojiyeen duqeymaha cirka iyo dhulka ah ee Rafax, halkaas oo ay isku dayayaan in ay qabsadaan. Ciidamada Isra’il ayaa weerarka Rafax billaabay horraantii bishi May, waxay qabsadeen waqooyiga, koofurta, iyo bariga, iyaga oo hadda kusii siqaya dhanka galbeed. Rafax oo bilooyin ka hor aheyd hoyga in ka badan 2 milyan oo Falastiiniyiin u badan qaxooti iyo barakac, ayaa hadda u muuqata mid haawaneysa. Qaramada Midoobay iyo saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay, in dad lagu qiyaasay 100 kun ay ku hareen Rafax, iyadoo dadka intiida badan ay u barakaceen dhinaca xeebta badda Meditareeniyaanka ee Gaza. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee duqaymaha Israa’iil ka waddo marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
  16. Siyaasiyiinta Isaaqu iyagaa Somaliland Dhibaato ugu filan. 1》AHUN madaxweeyne Cigaal 1991 wuxu ka mid ahaa qabanqaabiyayaashii shirkii Jabuuti ee lagu dhisay “Dawladdi Manifesto” taasi oo AHUN Cali Mahdina loogu doortay madaxweyne, halka AHUN Cumar Carte Qaalibna loo doortay Raysal Wasaare, dabadeedna, Cumar Carte u magaacabay Cigaal wasiirkiisii Ganacsiga. 《1.1》1993 ayeey Cigaal iyo Cumar Carteba Somaliland ku soo laabteen. —Weliba intaanu Cumar Carte dalka ku soo laaban, intuu diyaarad shakhsi ah ka qaatay sucuudiga ayuu AHUN Siyaad Bare Nigeria ugu tagay, halkaasna lacag ugu geeyey. 《1.2》Cigaal iyo Cumar Carte shirkii Borama ee 1993 ayey xilkii Madaxweynanimo kula tartameen AHUN Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo ahaa madaxweeynihii u horeeyey ee Somaliland. 《1.3》 Guuldaradii kadib, Cabdiraxmaan tuur iyo Wasiirkiisii Maaliyada AHUN Ismaaciil Hure Buubaa waxay ku biireen “Dawladdii Salbalaadh” ee Itoobiyaha lagu dhisay, taasi oo Caydiid madaxweyne ka noqday, halka ay Madaxweyne ku xigeenana ka noqdeen Cabdiraxmaan Tuur iyo AHUN Maxamed Faarax Cabdillaahi (Xasharo) oo reer Borama ahaa. 2》AHUN Maxamuud Cabdillahi Sifir oo ahaa Xoghayihii Arimaha Dibeda Xisbiga Kulmiye 2003, kadib markii Xisbigii UDUB helay doorashadii madaxtooyada ee 2003, wuxu iska dhiibay Xamar, isagoo noqday Raysal Wasaare ku Xigeen. 2010 markii Kulmiye xilka ku guuleystana wuxu ku soo laabtay Somaliland, waxana loo magacaabay Safiirkii Somaliland ee Kenya. 《2.1》Intaa waxa dheer in 2005 markii Doorashadii Baarlamanka Somaliland la qabtay, waxa Madaxweyne Daahir Rayaale lagu casuumay inuu khudbad ka jeediyo Gollaha Wakiillada Ingiriiska (house of commons), dabadeed wuxu ka codsaday wakhtigii Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye iyo Ku xigeenkiisii oo London joogay wakhtigaas —Waa Madaxweyen Siilaanyo iyo Madaxweyne Biixiye— inay u raacaan madasha. Labadooduba codsigii Madaxweyne Rayaale way ka muquurteen, iyadoo weliba maalmo kadib Siilaanyo wareysi uu siiyey idaacadda BBC ku sheegay in qorshihii SNM aanu aheyn inay ka go’aan Somaliya. 《2.2》2009 Xukuumadii Daahir Rayaale waxay soo saartay go’aan uu saxaafadda la wadaagay Wasiiru Dawlihiisii Arimaha Dibedu, kaasi oo ahaa in aanu Siilaanyo dalka soo gali karin, maadaama uu soo saxeexay hadii uu Doorashadii 2010 Xisbiga Kulmiye ku Guuleysto inuu Somaliland ku darayo Federalka Somaliya. Ergooyin badan oo u tagay Madaxweyne Rayaale, kana baryey in Siilaanyo la cafiyo, kadib wuu ogalaaday in Siilaanyo dalka soo galo. 《2.3》2012 xukuumadii Siilaanyo waxay “Baarlamanka Somaliland” ka codsatay in la laalo, qodob dastuurka ku jiray oo dambi ka dhigayey in Somaliya lala kulmo, arinkaas oo sababay in shirkii London ee 2012 Somaliland la meeqaam noqoto ama ka mid noqoto Maamul Gobaleedyada Federaalka Somaliya. 3》2012, markii la galay Doorashadii Ururda Somaliland, seddex urur (Damal, NDP iyo Gurmad) oo soo bixi waayey, godoomiyaayashoodii waxay cadhadii u nafis doonteen Xamar. 《3.1》Maxamed Cumar Carte, Gudoomiyihii Ururkii Damal, markiiba waxa laga dhigay Raysal Wasaare Ku Xigeenkii Somaliya, mudo ka dibna Foosiya Xaaji Aden, Gudoomihihii Ururka NDP ayaa loo magaacabay Raysal Wasaare ku Xigeenkii Somaliya, halka Nuur oo ahaa gudoomiyihii Ururka Gurmadna laga dhigay Wasiirkii Dekaddaha Somaliya. 4》Madaxweyne Muuse oo isaguna soo noqday Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, wuxu ka mid ahaa gudi Cabdiraxmaan Tuur u saaray inay ka soo talo bixiyaan inay Somaliland ka sii mid ahaato Somaliya iyo inay ka go’do. Gudidaas oo uu Gudoomiye u ahaa Saleebaan Gaal, Gudoomiyaha Guurtida Somaliland, waxay dhamaantood go’aamiyeen in Somaliya laga sii mid ahaado. 《4.1》February 2020, waxa xafiiska gaarka ah ee Raysal Wasaaraha Itoobiyee ku yaala Xaafadda Afaraad ee Addis-Ababa kulan gaar ah oo saacado socday ku yeeshay, Madaxweyne Muuse iyo Farmaajo. Maalmo kadib waxaynu maqalnay Madaxweyne Farmaajo ayaa Hargeysa ka soo degaya, iyadoo weliba xataa sida Cabdiqaadir Jirde oo reer Hargeysa ahi inoo sheegay roogii casaaa ee lagu qaabili lahaa Madaarka Hargeysa la geeyey. 《4.2》Axmed Keyse,Wasiiru Dawlihii Arimaha Dibedda ee Xukuumaddii Siilaanyo oo dhawaan Hargeysa saxaafadda kula hadlay wuxu sheegay in Muuse berigaa ogalaaday, kadib markuu Farmaajo ku qanciyey in Muuse Madaxweynaha Somaliya noqdo, Jamhuuriyaddii Soomaaliddana kol kale boodhka laga jafo. Sidaa si la mid ah, waxa saxaafadda isaguna la wadaagay Maxamed Dheere, Agaasimihii Madaxtooyada Somaaliya ee Xukuumadii Farmaajo oo reer Berbera ah. 《4.3》December 2023, waxa Djibouti ku kulmay Madaxweynaha Dawladda Federalka Somaliya iyo Madaxweynaha Dawladda Somaliland, maalmo kadib, wasiirkii Arimaha Gudaha Federaalka Somaliya wuxu inoo sheegay in la kala saxeexday sidii Somaliya iyo Somaliland hal dawlad u wada noqon lahaayeen ma jirto cid Dawladda Somaliland ka tirsan oo arinkaa ka jawaabtay. 5》Intaa waxa dheer, Garyaqaan Caydiid Cabdillahi (Ilka xanaf) Wuxu ahaa Garyaqaankii Guud ee Somaliya, wuxu ahaa nin reer Somaliland ah. Waxa lagu badaley Ibraahin Iidle Saleebaan oo markii la magacaabayay ka tirsanaa Xukuumada Kulmiye, isla marka la magaacabayeyna ahaa Garyaqaankii Guud ee Dawladda Somaliland. Isagana waxa lagu bedelay Baashe Yuusuf Axmed oo xukuumadii Siilaanyo ahaa Agaasimihii guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha bulshada, intaanu xamar tagina wuxu xil muhiim ah ka hayay Xisbiga Waddani, isagoo ahaa Agaasimihii Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani. Ruwaayadani waa lacag la’aan, waxana la jilayey dhawr iyo sodon sano. Abdirahman Mohamed Ibrahim cabdiraxmanmid@gmail.com Qaran News
  17. Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa taageeray in la sameeyo howl-gal cusub oo Midowga Afrika uu hoggaamiyo ka dib markii howl-galka hadda ee ATMIS Soomaaliya uu ka baxo bisha December ee sanadkan 2024. Golaha ayaa sheegay in howl-galka cusub ee AU-da ay hoggaaminayso ay diiradda saari doonaan taageeridda dowladda federaalka ah si loo sii xoojiyo dagaalka Shabaab, loona sugo amniga iyo in mudnaanta la siiyo ilaalinta rayidka Soomaaliya, sidoo kalena laga caawiyo xasilinta iyo amniga Soomaaliya, ayadoo xoogga la saarayo mudnaanta dowlad-dhisidda, iyo ka qayb qaadashada hawlgalada ka hortagga argagixisanimada. Dhanka kale AUC PAPS waxay si adag u taageertay codsiyadii ay gudbisay dowladda Soomaaliya 16-kii May 2024 ee ahaa in qaab taxadar leh loo wajaho Wajiga 3-aad ee ATMIS, iyadoo 4000 oo askar ah loo qaybiyey laba qaybood, kuwaas oo kala ah 2000 dhamaadka June baxaya iyo 2000 oo dabayaaqada Sebtembar 2024 ah. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay dhowaan qeyb ka noqatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, sidoo la sheegay inay codsatay in hoos loo dhigo bixitaanka ciidanka ATMIS sababa la xariira walaac nabad-galyo. Source: goobjoog.com
  18. Matabaan (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliya ee ku sugan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa maanta is hortaagay ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay gudaha Soomaaliya. Ciidankaas oo wata gaadiid dagaal ayaa Soomaaliya ka soo galay dhanka deegaanka Feerfeer ee gobolka Hiiraan, waxaana lagu guuleystay in Matabaan lagu hakiyo. Ciidanka Booliska Soomaaliya ee ku sugan Matabaan ayaa maanta hor istaagay ciidanka Itoobiya oo u socday dhanka Galmudug, gaar ahaan Dhuusamareeb. Saraakiisha hoggaamineysa booliska hor istaagay ciidankaas ayaa Caasimada Online u sheegay inay ciidamada Itoobiyaanka ah weydiiyeen sababta ay u soo galeen dalka iyo hadii uu jiro ogolaansho ay ka heystaan madaxda qaranka. Saraakiisha ciidamada Itoobiya ayaa sheegi diiday halka ay u socdaan iyo qorshaha ay wataan, sidoo kale waxay ku guul dareysteen inay keenaan ogolaansho ay ka heystaan madaxda dalka Soomaaliya. Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa difaac ka xirtay koontoroolka laga soo galo degmada Matabaan, waxayna u diideen ciidamada Itoobiya inay ka gudbaan halkaas. Muran iyo isku day dheer kadib, ciidamada Itoobiya ayaa dib uga laabtay Matabaan, ma dhicin wax gacan ka hadal ah, balse dadka deegaanka ayaa noo sheegay in ciidamadu ay ku sigteen inay isku dhacaan. Ma cadda qorshaha ciidamada Itoobiya ay u soo galeen Soomaaliya, xilli dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in guud ahaan ciidamada Itoobiya dalka laga saaro bisha 12-aad ee sanadkaan. The post DF oo awood ciidan ku hor istaagtay ciidamada Itoobiya oo xoog ku soo galay dalka appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa taageeray in la sameeyo howlgal cusub oo Midowga Afrika uu hoggaamiyo, maadaama howlgalka hadda socda ee ATMIS uu dhamaanayo bisha December ee sanadkaan 2024. Midowga Afrika ayaa warbixinta ay soo saareen ku sheegay in howlgalka cusub ay diiradda ku saari doonaan taageeridda dowladda federaalka Soomaaliya, si dalka looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah. Howlgalka bilaabanaya ee ATMIS bedelaya ayaa mudnaanta lagu siinayaa ilaalinta rayidka Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin. Howlgalka cusub ayaa Soomaaliya ka caawi doona xasilinta iyo amniga dalka, iyadoo awood la siinayo mudnaanta dowlad-dhiska, sida lagu sheegay warbixinta. Dhanka kale, Midowga Afrika waxay si adag u taageereen codsigii ka yimid Soomaaliya ee 16-kii May 2024 iyo 17-kii May 2024, kaas oo ahaa in qaab weji leh loo wajaho Wajiga 3-aad ee howlgalka Midowga Afrika. Sanadkaan waxaa Soomaaliya ka baxaya 4,000 oo askari oo ciidamada ATMIS ka tirsan, kuwaas oo 2,000 oo askari ay baxayaan dhamaadka bisha June 2024, halka 2,000 oo kale ay baxayaan dhamaadka Sebtembar 2024. Qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ah in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dalka bisha December ee sanadkaan, in kastoo aan la ogeyn sida uu u dhaqan geli doono go’aankaas. Arrintan ayaa meesha ka saaraysa cabsi laga qabay in kadib bixitaanka ATMIS oo dhammaadka sannadkan loo qabtay uu yimaado firaaq amni oo fursad siin kara argagaxisada. War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu ammaanay dadaalka ay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xukuumaddiisa ku bixinayaan dhinacyada kala duwan ee hawlaha dawlad-dhiska Soomaaliya, iyadoo saaxiibada caalamkana loogu baaqay in ay joogteeyaan taageerada ay ku bixinayaan ka miro-dhalinta dadaalladan. Waxyaabaha lagu ammaanay dawladda Soomaaliya waxa lagu sheegay inay ka mid yihiin horumarrada laga gaaray qorshayaasha amniga, joogteynta shirarka Golaha Wada-tashiga Qaran, la-dagaalanka argagaxisada iyo weliba u-diyaar-garowga la-wareegista amniga dalka, kadib marka ay baxaan ciidamada ATMIS. Hoos ka akhriso warbixinta The post Howlgalka cusub ee ATMIS bedelaya oo lagu dhowaaqay appeared first on Caasimada Online.
  20. The law aims to give refugees access to education and improved rights. Somalia hosts about 40,000 registered refugees, according to the country’s National Commission for Refugees and Internally Displaced Persons. Source: Hiiraan Online
  21. The African Union backed Somalia's request to slow the withdrawal of its troops fighting Islamist militants and called for a new international force to replace the AU peacekeeping mission. Source: Hiiraan Online
  22. Hargeisa (HOL) — The Grand Sultan of the Isaaq clan, Daoud Sultan Mohamed Sultan Abdiqadir, claims that he narrowly escaped an assassination attempt yesterday after being shot at by a soldier during a protest in Hargeisa. Source: Hiiraan Online
  23. Hargeisa (HOL) — Faisal Ali Warabe, chairman of the opposition party UCID, has expressed support for the arrest of Osman Omar Dool from the Waddani party. Source: Hiiraan Online
  24. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dowladda Maraykanku u soo magacowday Soomaaliya Mudane Richard H. Riley. Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka diblomaasoyadeed iyo wax wada qabsiga labada dowladood. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Richard H. Riley mas’uuliyaddiisa cusub, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday. Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael E. Langley, ayaa kala hadlay xoojinta iskaashiga amniga, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada iyo xasilloonida gobolka. Source: goobjoog.com