-
Content Count
213,136 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddida dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiilada ayaa ku dhawaaqay in xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay la ildaran tahay dayn dhan 80 milyan oo dollar taas oo ay ku wareejisay xukuumadii madaxweyne Siilaanyo. Gudidan ayaa shaacisay hadalkan culus kadib markii ay kulan la qaateen wasiirka maaliyada Dr. Sacad Cali Shire isla markaasna ay su’aalo ka waydiiyeen waxyaabo ay sheegeen in madaw badan ku jiro oo ka mid ah miisaaniyada dawlada ee sanadkii ina dhaafay 2017. Sida oo kale gudidan ayaa shaaciyay in si aan haboonayan loo maamulo lacagta loogu talo galay horumarinta gobalada bariga Somaliland ee 2% ah, waxaanay gudidu soo bandhigeen in 2017-kii masaajidka madaxtooyada laga dhisay lacagtaas isla markaasna ay lacagtaasi ku baxdo qaab bilaa tixraac ah. Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah gudidan oo warbaahinta la hadlay isaga oo uu barbar taagan yahay wasiirka maaliyada Sacad Cali Shire ayaa ugu horayntii waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaanu u mahad naqaynaa wasaarada maaliyada , wasiirka maaliyada iyo xisaabiyaha guud oo kulan aanu u yeedhnay oo xog waraysi ah oo ku saabsan xisaabxidhkii 2017-ka oo hadda gudida horyaala kal fadhigan soo socdaa marka uu furmana aanu golaha horgeyn doono aanu su’aalo ka waydiinaynay, wakhtigooda ay nasiiyeen iyo kulanka ay nagala soo qaybgaleen way ku mahadsan yihiin” Waxa uu intaas ku daray “Waxyaabo badan oo uu madmadow ku jiray ayaanu isla iftiiminay oo isla garanay wasiirka iyo kooxda la socota intaba inyar haddaan hoos ugu dego waxa ka mid ah in xukuumada maanta joogtaa ay dayn dhan 80 milyan oo doolar ay kala wareegtay xukuumadii hore oo naloo sheegay siyaasiyan markii la’la wareegaayay xilka in aan wax dayn ah oo xukuumadii hore ay ka tagtay aanu jirin,dayntaasna ay la ildaran taay ama ay culays ku hayso xukuumada bixinteedu.” Sida oo kale xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa waxa uu ka hadlay qaabka loo maamulo lacagta loogu talo galay horumarinta gobalada bariga “Waxa kale oo jira oo aan isla garanay inay jirto dhibaatooyin faro badan oo soo jireen ahaa ilaa imikana aan xal loo helin loona baahan yahay in xal guud loo helo oo ay ka mid tahay 2% gobalada bariga mar kasta oo golaha la hor keeno miisaaniyada waxa lagu ansaxiyaa iyada oo talooyin la raaciyay ilaa iyo 2011-kiiba ahaydna talooyinkaasi in la mashaariiceeyo oo aanay 2% kani noqon wax si guud siyaasad uun loogu bixiyo ama meelo kaba baxsan gobalka lagu isticmaalo kharashkaas loo ururiyo ee cashuurta ganacsatada dekedaa wax kala soo degaysa loo saaray in gobalada bariga horumarkooda lagaga qayb qaato”. “Waxa soo baxday oo aanu wasiirka hor dhignay oo aanan cidnaba ka qarinayn in masaajidka madaxtooyada ku yaala 2017-kii laga dhisay gobalada bariga taas oo ah waxaan loo baahnayn, waxaanu isla garanay wasaarada iyo wasiirka iyo kooxda la socotaba in aanay dib u dhicin sanadada soo socda ee sanadkan aynu ku jirnaa ka midka yahay in 2% gobalada bariga aan wax aan iyaga ahayn oo aan horumarkooda ahayn aan lagu isticmaali karin, lana joojiyo qaladaadka sharci ee sidii golaha miisaaniyada looga ansixiyay si aan ahayn loo isticmaalayo.” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
waa qaybtii sedexaad faalo tixane aheed ee aan cinwaankeeda ka dhignay “xil-sidashadii iyo xil-sugashadii Xasan shiiq iyo xanjafintii Febraayo” taasoon qaybaheedii kale horay u wadaagnay. Madaxwaynahu markuu xil ka kadego waxaa u taala hawl balaaran taasoo ah in uu ka qayb qaato hormarinta nolosha bulshada, in uu saadaal iyo talo ka bixiyo geedi socodka siyaasadda dalka, kana qiiliyo khatara siyaasadeed ee uu dalku gelayo. Madaxwaynihii hore Xasan Shiiq wuxuu xilka u wareejiyay si xarago leh, dabacsanaan kujirto, bisayl ka muuqdo ka dib markii doorashaddii looga adkaaday uu na aqbalay si geesinimo ku jirto khilaafsanna, dhaqanka Afrika looga bartay, waa faqsanna dhaqankii hore ee Soomaaliyaddii hooyadda u aheed dimuquraadiyadda Afrika. Wuxuu jeediyay khudbaddo abuuraya qalbi furnaan (“Soomaliyada cusub halaga qaybqaato”), ka turjumaya bisayl iyo in Xasan ogolyahay in uu marna wax xukumo marna la xukumo. Xasan Shiiq waxaa ka codeeyay oo uu waayay codadkii xildhibaanaddii xukuumadduu hogaaminayay ay soo xushay, xulista xildhibaanadda tacab ayaa oga baxay sife uu u dhamaystiro waxyaabo uu ku taamayay. Madaxwayne Xasan Shiiq wuxuu noqday xildhibaan golaha shacabkaa wuxuu qaatay siyaasad xasiloon, siyaasad aan lahayn xanaf iyo dhaliilo ka dhan ah dawladda asaga ka danbaysay. Waxaa jira siyaasiyiin jeediya hadallo kala qaybinaya bulshadda Soomaaliyeed oo runtii rajo xumo kubeera shacabka. Xasan wuxuu qaatay siyaasad ka duwan taas, siyaasad iimaan ka muuqdo, siyaasad ‘sugasho’ leh. Xasan Shiiq wuxuu isku maaweeliyaa in uu dadka la wadaago khibradihiisa waayo aragnimo, wuxuu u dhawaaday dhalinyaradda Soomaaliyeed oo intuu xilka hayay fursaddu u diiday. Madaxwayne Xasan Shiiq wuxuu u dhaqmay wuxuu yahay (waa in uu yahay madaxwaynihii hore dalkaan) wuxuu sugay in uu san ku dhex carcararin xasradaha siyaasadeed e dalka soo maray in tii uu xilka ka sii maqnaa. Arintaas waxay noqotay dhaqan dadbadan soo dhaweeyeen. Xanjafintii febweri Madaxwayne Xasan Shiiq wuxuu galay doorasho uu sifiican oga soo shaqeeyay, doorasho uu dhinac walba ka soo qaabeeyay, runtiina uu rajo wayn ka lahaa. {(Waxaan is oran karaa Xasan wuxuu eer saday qaabkii ay u meteleen wakiiladdiisii, kudladdii la oran jiray “Damjadiid”. Dhalinyaraddii waziiraddii Damjadiid ee faraxsanaa waxay riiqiyeen, si aan haboonayna u mataleen Xasan Shiiq, waxay xurgug ku beereen, siyaasiyiintii, xildhibaanadii iyo salaadiintii deegaanadii ay kasoo kala jeedeed, taas ayaa keentay in xasan la ‘xanjafiyo’ lugu la na dhaco caro ay dhaliyeen dhalinyaraddii gacanta u aheed saas na looga codeeyay}). Waxaa jira doodo dhahaya Madaxwayne Xasan Shiiq wuxuu eer saday in uu gacan saar la lahaa Dawladaha deriskaa ayadoo laga shidaal qaadanayo booqashadiisii iyo ereyaddii uu ka jeediyay Jigjiga. Haa’ cadaadis waa lama huraan haddaad hayso hogaan un hayso dawlad daciif ah kuna taal meel istiraatiiji ah, ciidanna waa lagama maarmaan hadaad cidaan wax ba reebayn is haysaan, ayadoo saas jirto, Maya calanku waa lama ciilaan!! xaqa cod bixinta waxaa lahaa xildhibaanno la soo xulay oo kooban loona arkayay in la jahayn karo codbixintooda. Xasan Shiiq maxamuud wuxuu dadaal badan ku bixiyay siddii uu u soo laaban lahaa markale taasoo uu u ogolaanayay Axdi-qarameedka qabyadda ah iyo damaciisa binu’aadamnimo. Waa wax markasta dhaca in qof siyaasi ah isku dayo, soo laabasho, waa haddii uu heli karo qiil u saamaxaya. Kooxdii Damjadiid e uu hogaanka u hayay madaxwayne Xasan Shiiq waxay galeen hardan siyaasadeed, soo saareen xildhibaanno lala balamay, lugu la na balamay sii wadista rajada iyo guusha kudladdii Damjadiid loo yaqaanay. Kudladdaas waxay ka dhexjirtay quluubta dadka, maahayn kaadiriin tirsi beelay e wada daadihinayay siyaasad gaamurtay, waxaad ka garan kartaa inay ahaayeen fara kutiris, hebeenkii doorashadda Xasan garbihiisa waxaa taagnaa/joogay oo kaamirooyinku qabteen Waziirkii arimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa’ oo ah runtii shaqsi wacdare kasoo dhigay deegaan doorashaddiisa wuxuu ahaa ninyaroo lugu aamino meeshii loo diro, deegaanka iyo damjadiid labudba waa ku danqabeen, iyo Ustaad Faarax Shiiq Cabdulqaadir oo asagu aamusnaanta wax ku kala jara, meel dheerna natiijooyinka iyo ribixa siyaasadda ka qaabeeya, waxaa dheer labadaas ee rag kale oo ka mid yahay Cabdikariin Xuseen Guuleed oo aan asagu waqtigaas la joogay waxba ka galin kudladana abaal badan ku lahaa, runtiina kudladdu abaalkii waa uguday oo hadba inta la gardaadsho ayaa kursi iyo xil la saari jiray, Damjadiid waxay ahaayeen koox aan gaarsiisnayn xizbi ninwalbaalaa Waxa lugu eedayn jiray xukuumaddii Xasan Shiiq in uu isku meegaaray koox ayaka kaliya uu wax u ogolyahay xilalka u wakiisho. Runtu waxay tahay in Xasan uu dalka iyo dawladnimadda masuul ka yahay, wixii xumaadana ay dushiisa yihiin. Aduunku wuxuu leeyahay meel qofka laga eego waxa uu yahay, qof kastaa lamabar ayuu leeyahay halkaas ayaa laga eegaa waxa uu galo iyo waxa uu gooyo, Soomaaliya taasi kama jirto, dadka dhan way kala shakisan yihiin, qof ku dhacaa majiro in uu xil u dhiibo qof uu san aqoon. Arintaas Xasan sameeyay ee ah in koox is bahaysatay, intay rabaanba hala ekaadeene ee aan qabiil wadaagin dalka xukumaan waxay aheed wax wanaagsan, kudladii Damjadiid waxan ognahay inay ahaayeen dhalinyaro kala jufooyin duwan aragtina ka dhexaysay tiradoodu intay rabto ha ahaadeene, markaa kudladu dhibmalahayn. Madaxwayne Xasan Shiiq wuxu wajahay mawjado siyaasadeed sidda in lugu eedeeyo in uu yahay nin koox u xiran, in uu yahay nin hoosta ku watta dawladaha deriskaa iyo shisheeye, in uu yahay nin maaliyadda ku tagri falay ayuu eersaday, iyo xurguf siyaasadeed oo kala dhexaysay dhamaan siyaasiyiinta ka aragtida duwan. Waxaa jiray siyaasiyiin iyo beelo ku doodayay in la daba marsiiyay xaqii wakiilashadda iyo ergo dirashada, dhaqankay rabeena aanu matelin. Sidoo kale waxaa ayaduna aan la inkiri karin in Xildhibaanaddii xiligaas kusoo biireen dhalinyaro farabadan ku waa soo aad u caaboonaa imbadanna Xasan looga waramay arkayna dhaqdhaqaaqyo lugu tilmaamay in ay ka yimaadeen dawladaha deriskaa, u na yimid in ay Xasan caawiyaan, waxaa dheeraa shacabka oo qiiro geliyay dhalinyaradaas fartana ugu fiiqay meel aan Xasan ahayn iyo Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Faramaajo oo markii hasytay isla ogloonshiyaha shacabka Soomaaliyeed baddi. Xasan Shiiq wuxuu isu arkayay in uu san jirin qof ka mudan. Xasan sida ay u weriyeen wakiiladdiisu wuxuu qabay kalsooni, waxay ka qariyeen sidii ragnimadu ku jirtay ee ay umateleen iyo in ay rag soo riiqiyeen. Waxaa u rooneed Xasan in uu beelaha ayaka isku diro wiilashii faraxsanaa e awooda haystayna uu yiraa ka danbeeya dhaqanka saxdaa intii suurtagal ah. Si kastaba Xasan waa la xanjafiyay waana laga codeeyay waxay ku noqotay layaab, aaway tacabkii dadaalkii iyo juhudigii la galay wuxuu ogaaday waxa dadku rabaan waxaan ahayn inaan cidi qaabayn Karin, casharbuu qatay maantana u malayn mayo in uu ku laabanayo wadadii uu horay u maray. XASAN WAA XIL-DOON Qofka siyaasigaa ee xilsare qabtaa waa bir madoow oo kale, birtu markay xumaato ee gaariga laga furo lama tuuro waa la xareeyaa si looga faa’iidaysto markii mida aadku bedeshay kaaga xumaato, oo meel geeri go’an ah kaaga jabot, ama ay noqon wayso saal-baashkii aad malaynaysay. dawladuhu siyaasiyiinta rugcadaagaa dib ayay oga faa’iidaystaan waxayna u yaqaanaan “experts, human liberary” aduunka lagama yaqaanno dhaqanka ah cirka gee’ dhulka ku dhufo Soomaaliya un baa laga yaqaanaa, siyaasadda Soomaaliya waxaa la yiraahdaa nin soo maray ma soo celiso dhaqankaas waa dhaqan u baahan in la bedelo waayo markii qofka waqti iyo xoog laynlin kaaga baxo waa dhibaato inaad degdeg iyo sahal u oga tagto. Waxaan rabaa in aan idinla wadaago in aanan Xasan Shiiq u la dhacsanaan lahayn sidda aan u la dhacsanahay hadda oo aan qorayo maqaalkaan. Waxa dhacay ee keenay in aan la dhacaa waxay tahay in Xasan cashar lama ilaa waana loo dhigay doorashaddii Febweri asagoo xeelad badan u soo galay siddii uu u soo laaban lahaa hadana iridaa laga bixiyay, waxaa la tusay in aanu maal, iyo xulufo lasoo qaabeeyo midna aanay kursiga ku haynkarin. Xasan wax cajiiba ayuu sameeyay hadana waa laga guday, waa la edbay ayaan oran karaa Xasan. Hadan sidaas la yeeli lahayn wuxuu is moodi lahaa in uu dadka leeyahay dalkana warkiis daa’. Xasan Shiiq hadaan doorashadaas looga raayeen waxbadan ayaa ka dahsoonaan lahaa odaga maanta wax ka dahsoon malahan. Ii la fiirsadda oo is waydiiya muxuu Xasan u bedelay magacii ururkii sii hore? Ii la kuur gala khudbadihii uu ka jeediyay fagaarayaashii caalamiga ahaa iyo ku wii maxaliga ahaa. Ila taxliiliya salaantii togneed iyo madax raaricintii markii uu xilka wareejinayay waxay aheed bisayl iyo garasho dawladnimo, iyo is dhiibid shaqsi ah. Madaxwaynihii hore Xasan Shiiq wuxuu tijaabiyay waayo aragnimo badan, wuxuu maanka ku hayaa wadaddii hore ee ay qaadsiiyeen dhalinyaraddii faraxsaneed ee muruq maalka aheed ee ka shaqaysan jirtay dalka, wuxuu sidoo kale maanka ku hayaa dariiqyaddii ay ka leexatay xukuumaddii asaga ka danbaysay iyo godadkii ay ku dhaceen. Xiligii xukuumaddii Xasan Shiiq geeska Afrika waxaa ka jiray culaysyo farabadan, xaladda geeska Afrika way xasilantahay siddiina wayka degantahay culaysyaddii Xasan haystayna majiraan hadda hadduu sidaas ugu yimaaddo wuxuu u arkaa farsad, sidoo kale madirsan doono wiilashii uu waagii dirsan jiray e wuxu isku dhiib doonaa dhaqanka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed igana talsha orandoonaa. Madaxwayne Xasan Shiiq waa siyaasi leh damac hogaamineed, waa siyaasi la yaqaanno waxa uu ku fiican yahay, waxa uu kuliito, iyo inta ay dhantahay waayo aragnimaddiisu. Xasan Shiiq wuxuu soo xukumay dalka xilli adag. wuxuu yaqaanaa halka danbasku ka kululyahay iyo halka uu ka qaboowyahay, wuxuu yaqaanaa sidda loo miisaamo, loona dheeli tiro qaybtanka iyo kaltanka awoodaha beelaha Soomaaliyeed. Dalku hadba wuxuu qaadanayay sistam dawladnimo wali dalku wuxuu haystaa sistamkii la haystay xiligii Xasan soo ahaa madaxwaynaha sidaas darteed waa siyaasiga kaliya e la garanayo, lana tijaabiyay e aan ugub nugu ahayn, waa siyaasi waqti ku filan ku soo qaatay awoodda dalka sidoo kale waqti ku soo qaatay awood la’aan, helayna, fursad is barbardhig xili madaxnimo iyo xili shacabnimo. Xasan Shiiq wuxuu awood u leeyahay in uu ka leexdo humaagta guul wadaynta iyo sacabtunka aan xaqiiqadda ku salaysnayn e laga caadaystay geyigeenna Soomaaliyeed. Xasan Shiiq wuxuu ku dhacay godad dhawr ah, qaar waxaa ku riday xaaladda cakiran ee geeska Afrika iyo xaaladda aduunkaan maanta faragalintu noqotay caadada, qaar waxaa ku riday xaaladda siyaasadeed e dalka oo ah mid aan anshax iyo dhawr si luguu ogolayn, qaarna waxaa ku riday damaca binu’aadamka iyo berri maanta ku deberta siyaasadda Siyaasiyiinta Soomaalida, maanta waxaa soo dhan Xasan wuxuu u leeyahay awood garasha, Xasan Shiiq waxaa nagagalay waqti, maal, iyo maskax waxaa la joogaa xiligii aan ka soo ceshan lahayn, Xasan Shiiq waa hanti dalkaan iyo umadaan leedahay, waxaa quman in laga faa’iidaysto. Shaki malahan in Xasan khaladaad ka dheceen hadana inta aan soo sheegay e kuriixay waa midaan in dhaha laga qarsan karin, u malayn mayo in qofaan khalad galayn haduu jiro qof aan khalad galayn uma baahnin qof khalad galaya sida Xasan. Dadbaa xusuusta markay Xasan Shiiq maqlaan dhulkii Galmudug loo yaqaanay, dhulkii ayraboorka u dhawaa’ iyo 11heshiis Xasan asagaa laga rabaa in uu qurxiyo arintaas ama dafiro oo diido, amaba xalaaldhimadooda daaha ka qaado. Madaxwayne Xasan Shiiq sedex meel waxaa oga kordhay waayo aragnimo iyo caqli wayn. Siddii uu doorashaddii 2016 u soo qaabeeyay iyo sidii natiijaddu isu bedeshay caqli waynnaa oga kordhay wuxuuna su’aal geliyay shaqaddi uqayb sanayaashii faraha fududaa (Adowaa’ iyo ragiisii) sidoo kale dhaqdhaqaaqyaddii dawladdii asaga ka danbaysay waxaa oga kordhay waayo aragnimo wayn. Dawladdii Shariif Xasan u ma diyaar sanayn in uu waayo aragnimo ka kororsaddo halka uu aad ugu diyaarsanaa in uu dawladd Faramaajo wax ka kororsaddo. Madaxda Soomaaliya waxay u baahan yihiin la taliyayaal aan kula jirin xayn daabka maadashadda iyo Amaanka (dhagaxda iyo baabuurta buled-buruufkaa) e ay madaxdu u galeen duruufaha amani. Waxay u baahan yihiin in ay lataliyaal ka dhigtaan dad ka war qaba xaaladda dadka la rabo in la xukumo, waxay u baahan yihiin lataliye sedex kun caasi ku raaca, la taliye sidda badan lugeeya, la taliye sedex kun shaax ku caba, fariistana maqaayadaha xogta iyo xaaladda saxdaa taallo e cid walbaa soo gaarto. Gabangabo: Soomaaliya dhibaato ayay ku qabtaa in hadba qofkii xukuma waxyar lacayriyo ee la caayo. Waxay u baahantahay in laysu dulqaato layla shaqeeyo ee aan xashaadada oo kale laysku noqon, in aan lugaha laysku dheegnaan ayay u baahantahay Soomaaliya. Maalinkasta qof aan la aqoon aan tijaabino maahan wax aan ku gaari karno umadaha horumaray. Hadaan qof ku siranno nooma furna in aan cayrino kaliya in aan kabkabano oo ku meel gaarnana way noo furantahay. Konton musharax ee aan la aqoon waxaa ka fiican labo la yaqaan midkastaa waxa uu ku liito iyo waxa uu ku fiican yahay. Maqaalkaan cidna ugu daraan mayo cidna ugu roonaan mayo waxaan marsiiyay meel dhexdhexaad ah. W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla Imaam www.calicabdalla.blogspot.com www.facebook.com/cccimaam Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
A former member of Geert Wilders’ far-right Dutch party announced Monday that he has converted to Islam. Joram Van Klaveren said he made the switch from critic to convert while writing a book about Islam. “During that writing I came across more and more things that made my view on Islam falter,” he told Dutch radio. Van Klaveren was a member of parliament for the Freedom Party (PVV) from 2010 to 2014, but quit the party after Wilders’ asked supporters during a rally in 2014 if they wanted more or fewer Moroccans in the Netherlands, to which the crowd chanted “Fewer! Fewer! Fewer!” After leaving the PVV, Van Klaveren set up his own party, For Netherlands, but failed to win a seat in the 2017 national election and quit politics. Van Klaveren was a harsh critic of Islam during his time as PVV politician, saying “Islam is a lie” and “The Quran is poison,” newspaper NRC reported. Asked in the newspaper interview if he feels guilty about these statements, Van Klaveren said he had been “simply wrong,” adding that it was “PVV policy: everything that was wrong had to be linked to Islam in one way or another.” Arnoud van Doorn, a former PVV official, was an earlier convert to Islam. Van Doorn congratulated Van Klaveren on his decision via Twitter, writing: “ never thought that the PVV would become a breeding ground for converts.” Source: Politico
-
Somalilan is a country that has lost a vital hold on its past. It is the historical equivalent of leaving an ailing mother alone in her home, closing the door, and never seeing her again. A moral lobotomy occurs; the central decency perishes and after that, any deed is possible. Indecency began on national level. The year 2010 was a defining year in the career of indecency, when Somaliland people became unabel to digest the significance of the value of their votes and emotions led them to elect Siilaanyo into the nation’s highest post. History reminds us who Siilaanyo has become after winning 2010 presidential election. That he never vibed with the masses either in his political or private life is nothing new. Nor is his hypocrisy a discovery. His promises and political programmes during his election campaign did not also sell anything and were just a tangle of vague outlines that did not even embellish speech or writing. Here’s an age-old question: Is Siilaanyo actually more corrupt than any other Somaliland elected president? Or do Somaliland people make fuss about Siilaanyo since he was not up and around in most of the time? What we’re sure about is that 2010 wound up being the year in which a disgrace and dirty politics began in Somaliland and Somaliland citizens were plunged into abject, bottomless despair. Siilaanyo’s reign was an era in which the rich grew richer, the poor poorer, the crooks got the convenient time for corruption avenues, the elected officials ignored their constituencies, everybody tried to achieve deceptively what they could not gain diligently, horrible deals got rammed through government offices, and alleged diaspora scams even ran many ministries, and barely anyone faced real consequences. The scandal of eighty-million-dollar debt that the previous Kulmiye administration transferred to the current administration is just a fraction of what Siilaanyo and his gang have stolen from Somaliland public treasury. Just imagine how many government premises were sold for no reason, how much money DP world had given to Siilaanyo and his entourage. A mansion in Dubai is among the rewards DP has offered to Siilaanyo. None of us is aware of where the prospects of Berbera port in two half years go. None of us has seen the original contract between Somaliland and DP World. The yearly Berbera Port prospects are millions of dollars, but all that money, which is also a fraction of the debt MPs just discovered yesterday, goes into few peoples’ pockets, while 90 percent of Somaliland citizens live below the poverty line. If the opposite is true, why the prospects did not appear in the government budgets for 2018 and 2019? Colonel Muse Biixi will not sit idle. He will label the information of the debt as a dream of every opposition, and will intervene. He will turn into Saad Ali Shire and force him for denying the debt allegation. Muse Biixi has been in politics and Kulmiye politics is about survival first and consequences later. What does the system do when it does not have an answer for such a case as this? It changes the route of resolving the scandal. Witness how the rage against the cover up of the debt in parliament will be manoeuvred into a debate. In our country, corruption has become mainstream; bribery a polished armor that adorns and defends, which is why Kulmiye system has developed technical expertise at deflecting street anger. The game will be played out not in legal procedures, but in payments of bribe, and we will see hypocrisy trapping all prominent people in slow motion. That is how a corrupt state defines victory over public anger. A protest is a form of liberation. Bearing the payment of an unjustifiable debt deserves a public protest. Covering up and concealing it intentionally is a crime that deserves condemnation. A casino has its rules. If you are not playing for money, you will always lose your reputation. Many of us knew that Kulmiye party will breed non but wicked politicians. Who is the thief to be impeached? The one who transferred the unjustifiable debt? Or the one who covered up and concealed the debt? By : Jama Falaag Hargeisa, Somalilandm jafalaag@gmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Kheyraadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hor-yimid shirka shidaalka Soomaaliya ee la qorsheeyey inuu London ka dhaco 7-da Febraayo. Qoraal kasoo baxay guddoomiyaha guddiga xildhibaan Ilyaas Cali Xasan ayaa lagu sheegay in shirkan uu yahay sharci-darro, islamarkaana Soomaaliya aysan qaban karin shir noocan oo kale ah ilaa laga ansixiyo sharciga shidaalka dalka. Hoos ka aqriso qoraalka.
-
(SLT-London) Badhasaabkii hore ee Gobolada Awdal iyo Maroode Jeex Mustafe Cabdi Shiine ayaa sheegay in la waydiiyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi lacagta daynta ah ee Xukuumadda Mauuse Biixi sheegtay inay Qaranka ka maqantahay. Waxaanu yidhi. “Marwo Samsam waa taa diyaarka u ah inay hortimaado cid walba oo su’aal uga baahanee Maxamuud Xaashi hala weydiiyo daynta la sheegay ee 80milyan ah.” Sidaa waxa yidhi Ex Badhasaab Mustafe Shiine Source
-
Inkastoo Aan dhaliilahayga u Badin jirey Xukuumada iyo Dhacdooyinka Xiligan, Waxaan Ka adkeysan Kari Waayay Qoddob aan Si Badheedh ah u arkey oo aanan ka Warqabin in Mujtamaca Somaliland Igala aragti Qabaan iyo Inkale Taas, oo ah Isweydiin Mar Walba igaga soo Baxa Mucaaridada Xisbiga Waddani ee Mucaaridka ah oo aan Mararka Qaarkood Arimaha ay ka falceliyaan Ka dhex Akhristo in ay Xisbigaasi Gunta hoose u Fadhiyaan Koox Difaac u ah Dhegxumada Xukuumadii Hore ee Madaxweyne Siilaanyo. Marka Gees Kasta laga eego Sida La isugu Baddelay Barkhad Jaamac Batuun oo Loo Magacaabey Afhayeenka Xisbiga Waddani iyo Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Waxa ay ku Tusaysaa in Koox gaar ahi Kusii Siqeyso in ay Meelo Muhiim ah Xisbiga kaga baacsadaan Raggii Cabdiraxmaan-ciro oo Koox gaar ahi hadda Gacanta ku Wada dhigayso Xilalka Xisbiga,Waxaan Qarsoonayn in Markii Xirsi Cali Xaaji Xasan Kusoo Biirey Waddani in uu Sigaar ah gacanta ugu Dhigay Koox dhalinyar ah oo ku hareeraysnaa Gudoomiyaha iyo Murrashaxa Xisbigaasi Cabdiraxmaan-ciro Waxaana kamid ah Ragaa Dhalinyarada ah ee Xirsina u Gacan Galey Cirona ka Xuubsiibtey Barkhad Jaamac Batuun,Sadiiq Dhame,Nuuradiin Diini,iyo Xoghayaha Gaarka ah Cabdiqaadir Ciidle, oo isaguna Mudadii ololaha Xoghayn u ahaa Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Waliba Xubno kale oo iyaguna hadda aan Wali Soo Wada mudhbixin inkastoo Muniir iyo Safiina isaga hore ula Socdeen. Sikasta oo ay Tahey Su,aasha Isweydiinta lihi Waxa weeyi Xilkaqaadistan Lagu Sameeyay, Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Islamarkaana, Lagu Badelay Barkhad Jaamac Batuun Miyaanay aheyn, Mid kusoo Beegantey Sheegistii Xildhibaanku Ku Xusey Dayntii at Gashey Xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo, Geesta kalena Miyaanay aheyn Mid ay Ka Dhex Muuqdaan Kooxdii u Gacan Gashey Kooxda Xirsi oo Iyaguna Fursadan Ka Faa.ideystay Hadii la isku Badelayo Buubaa iyo Barkhad maxaa Wakhti kale iyo Fadhi Wayne Xisbigu u Dhan yahey loogu Beegi Waayay. Gabagabadii hadii ay Arimuhu Sidaa kusii Socdaan Waxaa Suurtagal ah in Cabdiraxmaan-Ciro looga Faa,ideysto in Xisbiga Banaanka laga dhigo Ragiisii Islamarkaana, uu Faro madhan ka joogsado Dhalinyaradii uu Kusoo Tabcey ee Iyaguna ka Xuubsiibtey Markii Xirsi Kusoo Biirey Xisbiga. Source
-
Bello ku degtay, waxay ciiriyo, midab cawlaan, casar galabeed, carca-reef socod, cidhbaa orodkii, ay ku carar-taba, sidda ciyaw-ggii, camal xumidiis, cidna weheshanin, cabaad ka wadhoo, cidla ban-jartoo, oo curyaan-nimo, cagaagna u raac, cago yaw noqon, haday is cuntoo, carrab iyo cirid, is calaashatay, cilad-dooddii, cuudkay lumiyeen, wixii la cunaa, cadceedoon dhicin, wax cunaha maray, culaaftii shalay, cadaan loo sheeg, haday cabatoo, cudurkii helay, caqli xumiddii, can-can-tuuggii, cad la waayoo, caanii la qubiyo, caymarkii hilib, laysku caayoo, khasnad camirayd, hebel baa cunay, hadba dhan u carar, canteen ma hayee, yaan u cawdaa, la calaacale, cawo darantaa, caways ugu dhacay, yaa u ciidamin? Intaasi waa hor dhaciiye. Akhristaw, Haddii taladda. cishadda loo og-yahay, cidina yeelaynin, asay cidhii-dhiga gashoo col iyo qaaq gaadho, ceeb weeye, geelaw ninkii soo calaacalaye. Ayaxan inagu habsaday, ee xataa aan ilkaha wax calaalin, ee laba-lib-qinaaya hantiddii ummadda, si aan loogu soo gaadhin, tallo-na hore u qaadan waayey, wixii loo sheegaayey dhegaha ka xidhay, ee dhabarka inoo jeediyey, siddii geel intuu dhane soo cabay, oo dabo iyo dacal duudka simay, sidisii oo kale, markay dibiradu daafaha ay kelyaha la dhaaftay, ee haantii lacagta ( waa khsana-diiye) la foorariyey ee gunta la soo taabtay, bay hada mid-ba-mid farta ku fiiqayaa, hebel baa deyn igaga tegay iyo aniga maahee isaga baa ku takri falay, baa hadeer la isku ahystaaye, yaa u gara qaadi doona macaan jeceshii. way ka dhabaqsan tahaye. Duul-kani kal xishoodda ma laha, oo hunguri ma yaqaan, waxaasi waa ceeb ilaa la jaro’e, maamulkii askartu shalay baa huu-haaddii ay dhura-yeen, uu soo dabar go’ay, oo ay iska hor iyo daba yimaadeen, is qabsadeen, oo weliba ay sanka isla galeen, ilaa imikana ay isku jiq yihiin, wiish la sare kacay, tallo faro ka haaday, isku meerey-satay siddii oday geelii ba’ay, dhaxaa la lahaa waar sidaa ka daaya kuma dhashee, oo ummadan aan dheg loo jalaq-siin, ee ay askariga la yidhaaho Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo Shaaximani ( Ina Kaahin), ee gaar ula baxeen boob iyo fadha-taysi. Yaan idinku raajin halka I heemaysee. Kii lagu xil qarsan jirey, ee kolba halkay ka shidan tahay ama qoyan ee wax lagu cunayao loo dhiiban jirey, kaas oo iska soo daba maray, Wasaarado ku sheega Qorshaynta, Arimaha debedda iyo waxay yidhaahaan Iskaashiga caalamiga ah, imikana dhaqaalaha loo dhiibtay in uu askariga u ururyo, baa shalayto ay caleen-tiisii cadaatay, oo markii la soo murdiyey khasnaddii, isla soo taagay wax-ba ma hayee, maxaan wax ku maamulaa, inta ku soo dhacda-ba keen baa la I leeyahaye. Waxay kolba jar isku qaado-ba, naqai dabadda ka sii dayso-ba, siddii baabuur uu igsooskii ka dalooshamay, hadaa la isla oog-saday, oo ay runtii banaanka timi ( Waxan Leeyahay Alxamduli-laah yaa rab) hadaad xaga samadda ka kashiftay budh-caddhii noo heshiisay. hadaa qolo-ba-qolo ay ku riix-riixayaan, anaka ma ay ahayn mushki-ladu iyo iyaka bay ahaayeen, fartu diidaye ma fulaa dhaqay. Sireey soo caad oo sadexda ha gaadhin, baa ruux la khiyaameeyey, isaga oo illaahy baryaaye uu ku ducaystaye, hor illaahay baa laga soo aqabalay baryadddii shicibkan ay yuug-iyo-yamaayuug u tashadeen. Wuxu yidhi ninka Khasanadda hayaa ( Sacad Cali Shire), waxanu la dhacdha-caynaa $80 Milyan oo doolar, oo ay nagaga tageen, maamulkii siilaanyo, oo uu isaga laf-tiisu uu hormood ka ahaa ( Bal yaabe), taas oo aan la ogayn meel ay ka sooo baxday, lacagta intaas le’egi, hore-na aan loo shaacin, markii maamulkii siilaanyo uu wareeji-naayey, ee uu askari-gani ka fara-maroojiyey, Ilayn nin iska buka buu ahaaye, siilaanyo oo bed-qaba, cayn-kaas askari kuma sameeyeene. Arin-taas oo haba-yaraatee been ah, aanay wax-ba ka jirin, laakiin hamuuntii lala galay hantiddii ummadda, siddii dhurwaa neef bakhtiyey ku soo baxay, oo yidhi tanba miyaan filaayey? Waa maxay barwaaqo soorankan aad mar qudha uun daf u soo tidhi? Humaaggii shicibka lagu khawysiin jirey baa isi soo gabaye. Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee Siilaanyo, Marwo ZAmZam Abdi Aadan, oo ah tii gole loo dhan yahay ku wareejisay khasanadda, si cad-na loogala wareegay, baa ka daba-qaadatay, oo tidhi waxa ay sheegayaan maamulka askartu waa “hal bacaad lagu lisay” waxana kama jiraan, waxay u xisaabisay beysteyn-beysteyn, oo ay tidhi ma jiraan deyn aanu kaag tagnay, ee ha is waydii-yeen, halka xoolihii ummadda la mariyey, oo ha ka warameen? Waxay gaadhay heer ay isku sheeg-sheegaan, hebel baa cunay iyo heblaayaa mas ii dhiibtay, ee maantana maxay odhan saw ” Ceebeey Tacaal Maaha” Maxay kaloo inoo sheegi doonaan?, beentii la isku soo gaadhye, oo saaka meel ay ka baxdo bay la’dahay, xaadhaddii la laba-gacmoodi-naayey, baa siniina laga la’yahay, oo askartii safarad baa laabtu la qayli-naysaa maanta, ee caloolaa ba’ay maxaa lagu guri. N. B Curyaan-nimaddii Cagaagna U Raac Qore:- Abdi-Shotaly. ashotaly5@gmail.com Source
-
Intii ka dambaysay sannadkii 1967 oo ahayd xilliyadii u horreysay ee Axmed Mooge Liibaan heesay, Axmed wuxuu macallin dadban oo faneed u ahaa Hoboladii kala duwanaa ee isaga lawaqtiga ahaa amaba ka dambeeyey . muddadaasi ka dib way yartahay fannaan Soomaaliyeed oo aan qaadin hees uu Axmed Mooge hore u qaaday , fanka ha ku bilaabo amaba Masrax iyo fadhi midkood bulsho ha ku maaweeliyee. Axmed Mooge wuxuu ku jiraa shanta qof ee Fanka Soomaalida ugu heesaha badnaa , Sida Cabdinuur Alaale , Sahra Axmed Jaamac, Maxamed Axmed Kuluc , isaga “Axmed Mooge” iyo Xasan Aadan Samatar. Shantan qof tiro ahaan siday u kala badanyihiin waa arrin dood ah , dadka qaar Kuluc ayey horreysiiyaan kuwana Cabdinuur Alaale . Axmed Mooge wuxuu lahaa luuq iyo qaab heesid saamaxaysa in godkasta oo tumista muusikada ah ka heesi karo waxaana jira fannaaniin ay adagtahay inay codka dheer ka heesaan oo ku xidhma “Alta” , iyo kuwa codka gaaban “Baasa” aan ka heesi karin , Axmed se labadaba wuu ka heesi jiray , taasi ayaana sababtay in fannaan oo dhan badi uu qaaday heesaha Axmed Mooge . Dadka Kabanka bartay wixii ka dambeeyey 1967 badankoodu waxay ku barteen tumista heesaha uu Axmed Mooge qaaday oo dabcan dhuuntiisa ka samaysan , waxaana badi heesihiisa uu qaaday ay u laxamaysanyihiin qaabka loo yaqaano {Scales} ama Iskaalooyin/Jaran , oo ah in daadeg iyo fuulis loo tumo Kabanka taasi oo qofka baranaya u fudud . Alle ha janneeyo Axmed. Sidee kuula muuqdaa fanka Axmed Mooge? Axmed Mooge oo ku heesaya Laxanka Ciil . Source
-
Sheekaba sheeko ayay keentaaye , beribaa waxaa la yidhi qoys reer miyi ah ayaa damcay in uu ducaysto , dabeeto wadaad reeraha u akhriya mawliidka ayay dooneen in uu reerka munaaqibka u akhriyo , ka dibna wadaadkii bay cid u direen , hadii la tagay rugtii wadaadkana waxaa loo sheegay inuu safar ku maqan yahay oo aanu joogin. Reerkii hadii lagu soo noqdayna waxaa loo sheegay in wadaadkii maqan yahay ,ka ka dibna wadaad kale ayay doonteen , wadaaudkii cusbaa ee loo yeedhayna wuu yimi . Markii xoolihii la qalay , wadaadkiina kutubtii furtay , ayuu wadaadki damcay in uu salaad u waysaysto , isagoo waysadii diyaarsanaya ayaana wadaadkii reeraha mawliidka u akhriyi jirey la arkay isagoo soo socda , oo i ntuu warkii gaadhay soo garoobay . Markii xoolihii la qalay , wadaadkiina kutubtii furtay , ayuu wadaadki damcay in uu salaad u waysaystao , isagoo waysadii diyaarsanaya ayaana wadaadkii reeraha mawliidka u akhriyi jirey la arkay isagoo soo socda , oo intuu warkii gaadhay soo garoobay . Reerka iyo wadaadku ilayn xidhiidh bay lahaayeen socodkiisa way ku farxeen , in wadaadkii cusbaa ee loo yeedhay ay iska fasaxaana way goosteen , laakiin waxaa ku adkaatay sidii loogu sheegi lahaa , dabeeto nin reerka martidiisa ka mida baa yidhi anaa u sheegayee igu daaya , markaasuu intuu wadaadkii oo waysadii bilaabaya u tagay ku yidhi aw hebeloow wadaadkii reerka mawliidka u akhriyi jirey baa yimiye ha is qoyn , aw hebeloow ha is qoyn . imika waa halkaase , maxamuud xaashi oo baryahan lalahaa waxbuu doonayaa , waxaynu leenahay , aw hebeloow ha is aqoon meeshu way daymaysan tahaye . W/Q Axmed Nuur Guruje Source
-
(SLT-El Salvador) Waxaa dhawaan doorashada Madaxweynaha dalka El Salvador ee kuyaala Bartamaha Amerika ku guuleestay Nayib Bukele oo la sheegay in asal ahaan kasoo jeedo Dhulka Falastiin. Nayib Bukele oo ah ganacsade da’yar sidoo kale horey usoo noqday Duqa Caasimada dalka El Salvador, waxa uuna doorashadii dhacday Axadii ku guuleestay in ka badan 54% codadkii la dhiibtay. Siyaasigan asal ahaan kasoo jeeda Falastiin ayaa sameeyay olole doorasho oo aad u xoogan, waxa uuna soo afjaray Nus qarni ee dalkaasi taladiisa hayeen labo Xisbi siyaasadeed. Madaxweynaha Cusub ee loo doortay dalka El Salvador Nayib Bukele oo 37-sano jir ah ayaa dhawaan la filayaa in xilka si rasmi ah ula wareego, Maxkamada sare ee dalkaasi ayaana xaqiijisay guusha Siyaasigan dhalinyarada ah. Dalka El Salvador ayaa ah dal yar oo kuyaala bartamaha Qaarada Amerika, waxaana dalkan kunool dad lagu qiyaasaday 6.3 Malyan oo qof, dadka kunool dalkan ayaana u badan kuwa faqri ah . Source
-
(SLT-Nairobi)Danjiraha Somalia u jooga dalka Kenya, Ambassador Maxamuud Axmed Nuur “Tarzan” waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi dheer oo uu siiyey Wargeyska The East African ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, wuxuuna Wareysigiisa kaga hadlay Ammaanka Gobalka, Siyaasadda Somalia, Xayiraadda Hubka ee Somalia iyo xiriirka wadajirka ee Somalia iyo Kenya. Danjiruhu waxa uu sheegay in loo baahan yahay inay Dowladda Kenya si toos ah ula shaqeeyaan DFS, oo aysan la shaqeynin Dowlad-gobaleedyadda oo ka koobaan Qabaa’ilo ay colaado ka dhex jiraan. Waxa uu intaasi ku daray inay Maamul-gobaleedyadda ay xuddun u yihiin hubinta Ammaanka, balse ay MG ka kooban yihiin dhowr Qabaa’il oo ay dhexdooda ka jiraan colaado, taasina ay iyaga dhibaato ku tahay si ay Dowladda Kenya kula heshiiyaan Ammaanka Gobalka. Danjiraha Somalia u jooga dalka Kenya, waxa kale oo wax laga weydiiyey Arrimaha Ammaanka, wuxuuna sheegay inaysan DFS dagaal kula jirin Alshabaab oo kaliya, balse ay dagaal kula jiraan Daacish-ta Somalia. Waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka DFS u baahan yihiin Hub Casri iyo Tababar, isagoo sheegay inay Ciiddanku haystaan Hub la mid ah kuwa ay Alshabaab haystaan. Waxa kale oo uu tusaale u soo qaatay Maraykanka oo ah dal ugu xoogga weyn inay Ciiddankiisa 17-sanno dagaal kula jiraan Ururka Daalibaan ee dalka Afganistan. Danjiraha Somalia u jooga dalka Kenya, Ambassador Maxamuud Axmed Tarzan waxa kale oo uu wareysigiisa ku sheegay inay dhibaato kale ka soo wajahayaan Hubka ka imaanaya dalka Yemen. Danjire Maxamuud Axmed Tarsan waxa uu sheegay haddii Somalia laga qaado Cunaqabataynta Hubka inay awoodi karaan inay horumar ka sameeyaan Hawlgalladda ay kula dagaalamayaan Alshabaab iyo Daacish. Waxa uu intaasi ku daray inay Somalia ka war dhowrayso inay aragto Dowladaha Gobalka oo ay Kenya horkacayso inay u ololeeyaan sidii Somalia looga qaadi lahaa Xayiraadda QM ee Hubka. Ugu dambeyntii, Danjire Tarzan waxaa wax laga weydiiyey inay Somalia ka dhici doonto doorasho hal qof iyo hal cod sannadka soo socda ee 2020-ka, waxa uu rajo ka muujiyey inay dhici doonto dabayaaqadda sannadka soo socda, balse waxa uu hoosta ka xariiqay inay hubin doonaan marka la gaaro doorashadaasi. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar____Qubanaha-050119.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hordhaca waraysi xasaasi ah oo lala yeeshay gudoomiye Cirro
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay dilkii manta ee korneyl Cabdisalaan Sheekh Aaden oo ahaa abandulaha qaybta 12-ka Abril iyo Korneyl Cabdiraxmaan Jimcaale Muuse oo ahaa madaxa maamulka lacagta Guutada 1-aad. Labadan sarkaal ayaa maanta ku dhintay qarax lala eegtay gaari ay la socdeen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada dowladda oo ka dhacay degaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan. Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxaas lagu dilay dhammaan ilaaladii la socotay saraakiisha. Cabdi Salaan Aadan Kurjow ayaa ahaa Abaanduulihii lagu badalay General Cabdi Cali Jamaame oo ku dhintay qarax bilooyin ka hor ka dhacay isla deegaanadaasi. Al-Shabaab ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay sii laba jibaartay weerarada qorsheysan ee lagu beegsanayo saraakiisha dowladda federaalka. Shalay ayay ahayd markii magaalada Muqdisho lagu dilay Gaashaanle sare Cabdi Nuur Kadiye oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka xoogga, kaas oo ka mid ahaa ku dhawaad 10 qof oo lagu dilay qarax ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda Somaliland marayso, abwaanno xukuumadda xabsiga u taxaabtay iyo 80 milyan ah xukuumaddihii kala dambeeyay ee xisbiga KULMIYE sheegeen inay isku wareejiyeen, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Somaliland: The National Armed Forces Are The Vanguard Of Defence The Somaliland National Armed Forces are celebrating the 25th anniversary of it’s creation this month. The forces were inaugurated in 1994 after the amalgamation of the various militias that took part under the umbrella of the Somali National Movement (SNM) which liberated the country from the yoke of the Barre regime. It cannot be underestimated the effort it took to bring together heavily armed fighters into a cohesive force with discipline and order. It is worth noting that until the last few years, the Somaliland Armed Forces did not have proper military rankings and the chain of command was based on experience, mutual respect and discipline. The late President Mohamed Ibrahim Egal (AUN) and those working with him from all across the Somaliland communities deserve all the accolades for putting together these forces that are today the vanguard of the nation’s defence and security. The Somaliland Armed Forces have come a long way in terms of training, communications, weaponry, logistics and administration. There are now several military training centers, a police training academy, naval and coastguard co-operation with European Union partners and custodial corps facilities. The current President Muse Bihi Abdi, a former Air Force officer and a veteran of the liberation war is currently tasked with creating the final component of the Somaliland Armed Forces, an Air Force. We have the seasoned veterans and the willing youth, it is only a matter of national will. The people of Somaliland support their armed forces both materially and spiritually, and in return the forces take part in relief operations during times of extreme environmental conditions, such as drought, floods and other events due to the forces of nature. So, for this whole month, Qarannews, will print articles and post videos dedicated to the Somaliland Armed Forces and its 25 years of existence. Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulan sagootin ah Muqdisho kula yeeshay safiirkii Ingiriiska ee Soomaaliya, David Concar oo dhamaystay xilli howleedkiisii wadanka. Safiirka xilli hawleedkiisu dhammaaday, David Concar, ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre iyo guud ahaan madaxda dalka uga mahadceliyay hannaanka wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen intii uu ahaa safiirka iyo sida sharafta badan ee loo sagootiyay. “Waxa aan kulan sagootin ah maanta Muqdisho ugu sameeyey danjire David Concar oo dhamaystay xilligii shaqo ee dalkeenna.”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Khayre oo safiirka uga mahadceliyay shaqadii wanaagsanayd ee dawladda Soomaaliya uu la qabtay xilligii uu dalka ka shaqaynayay, ayaa guddoonsiiyay haddiyado guddoonsiiyay safiir David Concar. Dhanka kale, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ethiopia ee Soomaaliya, jamaamulidiin Mustafa Cumar iyo Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya, Olgan Bakar. The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo sagootiyay safiirkii Ingiriiska appeared first on Shabelle. View the full article