Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,165
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Muqdisho)-Sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska ayaa ku dhintay qarax lagu xidhey mid ka mid ah gaadiidka ciidamada booliska ee magaalada Muqdisho maanta. Sarkaalka dhintay ayaa lagu magacaabi jirey Xasan Dheere sida ay VOA u sheegen ilo dhinaca ammaanka ah. Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Saybiyaano ee isla degmada Hodon. Qaraxa ka dib, ciidanka ayaa gaaray goobta qarxa uu ka dhacay. Xasan Dheere ayaa la sheegey in uu ka howl-gali jirey saldhigga ciidamada booliska ee degmada Hodan. Source
  2. KAAF IYO KALA DHEERI Habeen iyo maalin walba bulshada Somaliland waxay la hadashaa Madaxwayne Muuse biixi isna uma jawaabo. Khudbad kasta madaxwayne Muuse wuxuu la hadlaa madaxwayne Farmaajo isna uma jawaabo. Labada jeerba waxa qaldan madaxwayne Muuse, Mar wuxuu la hadlayaa madaxwayne aanuu geelu iskugu jirin oo isaga layaaban, Marna wuxuu iska dhagatiray dhawaq-yada bulshada Somaliland ee cabashada u bada una dhaw inay isku badalaan kacdoon shacab. Waxa kala cabanaya M/Muuse na ka aamusay 1- Xukuumaddii vs Darbi-jiifkii ! 2- Xukuumaddii vs Wadhatadii ! 3- Xukuumaddii vs Hal-abuurkii ! 4- Xukuumaddii vs Saxaafaddii ! 5- Xukuumaddii vs Xisbiyadii ! 6- Xukuumaddii vs Danahii dalka ! Bulshadu Somaliland waxay qaadayaan (Naftaydu nafbay rabtaa, Naftuna nafkalay rabtaa) Amb.Axmed Safiina Qaran News
  3. The newly appointed cabinet members of Puntland regional state of Somalia has been sworn in on Tuesday. The cabinet was sworn in by the regional state’s chief justice, Dr Yusuf Hajji Noor. The Puntland leader Said Abdullahi Deni and his deputy Ahmed Elmi Osman Karash also witnessed the swearing-in ceremony. Some new cabinet members were absent due to trip abroad, but they are expected to return for duty. Puntland leader and his deputy have urged the new cabinet members to perform their duties diligently and put the interest of the people first. Said Abdullahi Deni who was elected into office on 8th January unveiled his 48 cabinet members on Sunday. Only three female ministers were appointed. The post Puntland swears in new cabinet members appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Baladweyne (SMN) – Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen guddoomiyaha degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka digay dhibaato ka dhalata biyo la’aan ka jirta magaaladaasi, kadib markii uu guray wabiga Shabelle oo ay ku tiirsanaayeen shacabka ku dhaqan halkaasi.. Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in ay gurmad u fudiso dadkaasi dhibaateysan. Biyaha wabiga Shabelle oo ay inta badan ku tiirsan yihiin dadka reer miiga iyo sidoo kale beeraleyda ayaa saameynta ugu daran ay ku yeelatay biyo la’aantaasi. The post Biyo la’aan xoogan oo ka jirta gobolka Hiiraan appeared first on Shabelle. View the full article
  5. (SLT-Hargeysa)-Prof. Cabdi Cali Jaamac ayaa shaaciyey in qadiyada somaliland ay maanta marayso halkii ugu hoosaysay. Prof Cabdi Cali oo soo saaray qoraal uu kaga hadlayo qadiyada somaliland ayaa sheegay in mudadii ay talada dalka haysay xukuumada madaxweyne Muuse Biixi uu hoos u dhacay qiimihii ay lahayd somaliland. Proff Cabdi Cali ayaa qoraalkiisu waxa uu u dhignaa sidan: Faahfaahinta Saddex Hal oo Badheedha ah. 1- Waa iga Mabda’ Ma jirto maalin dadka reer Somaliland ee jecel la soo noqoshada qaranimadeena uga cabsi badan yihiin qaddiyadooda; lama filayn taas maanta oo kale oo kuwii u soo halgamay hoggaanka hayaan aniga iyo dadka ila midka ahi iska daa kuwa Xamar lagu xamanayo’e, waxanu qabnaa in dawladda lafteedu markay ugu yar tahay ka seexatay ama dayacday soo noolaynta rajada Somaliland; waxaba xukuumaddani kow ka tahay waxyaalaha ay ku marmarsoodaan kuwa Xamar doonaya. Kuma raacsani oo gar iyo daw toona uma laha; laakiin ma ka war haysaa xukuumaddani in ay kuwaasi ay rabaan in ay ka dhigtaan rajo xumadaas musbaarkii u danbeeyay ee naxashka Somaliland lagu dhufto; maalin walba waxan ku waaniyaa kuwaas in ay kala saaraan Qaranimada iyo xukuumadda maanta talada haysa; Laakiin rajo xumo badan oo u muuqata ayay iyaguna ii miisaan. Horta gari Alley taqaanaaye, mid waan qirayaa; haddii aynu badeecad ka dhigno Somaliland, dee Ilaah baa ina dilaayee, intii xukuumadani talada qabatay qiimaheedii suuqu hoos buu u dhacay!!!!. Ma qabo sida xukuumaddu inoogu khudbadayso in cidda dubaha la dhacaysa Somaliland ay tahay Farmajo iyo Kheyre; waxan qabaa in gudaha laga dubaynayo, taasina ay soo dedejinayso kala diridda Somaliland. Aniga iyo kuwa ila midka ah Somaliland tu waa ka Mabda’a; suuqeedana cirkaanu geyn lahayn; laakiin cidda maanta middida daabkeeda haysaa ama ha is ogaadaan ama yaanay is ogaane qiimihii Somaliland dhulka ayay galiyeen. Ma ka bes baa mise arrinku waxa weeye halkii la yidhi: Hashu maankayga gaddee, ma masaar bay liqday!!!; War jiraaba cakaaruu iman; qodobka sagaalaad ee Qaxoolajiguna wuxu dhigaa sidan: Qaladka aad adigu ku jirto, ku eedee ka kale intaanu kugu eedayn!!! Dhinaca kale, ma qabo dhalinyarta iyaga laftoodu isku khaldaysa taageerada xukuumadda maanta iyo qaranimada Somaliland (labada qolo waa isku xanuun) in iyana ay difaaci karayaan jiritaanka Somaliland; aniga iyo dadka ila mid ka ah ee xukuumadda saluugsan ayaa ku dhaana u caqli celinta walaalahaas niyad jabsan. Waxan uga digayaa qolooyinka Social media ha wax ku qora ee xukuumadda taageeraa in aanay qodaxda sii fogeyn!!! 2-Midna waa Iga Go’aan: La Soco Postiga danbe Cabdo; Maamul wanaagga iyo hoggaanka suuban. Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Xogo wargeyska Waaberi helay ayaa tilmaamaya in xubnahan uu sugayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si uu kulan ula qaato todobada xubnood ee Komishanka doorashooyinka. Kulanka oo la filayo in uu maalmaha soo socda qabsoomo ayaa la filaya in madaxweynuhu kala hadlo xubnaha Komishanka arrimo ku saabsan muranka hadheeyay ee ah in la kala diro. Wararku waxay intaas ku dareen in madaxweyne Biixi doonayo in guddida uu kala hadlo sidii ay xilka u bannayn lahaayeen, iyada oo guddida lafteedu aan ku adadkayn sii joogista xilka maaddaama mudda xileedkoodu ka soo horeeyo doorashada Wakiillada oo muranka Komishanku caqabad ku noqday. Geesta kale xogo wargeyska Waaberi helay ayaa sheegay in madaxweyne xigeennadii hore ee Somaliland iyo ergooyin wehelinayay oo hore kulamo ay qabanqaabiyeen xisbiyadu ugu kala kaceen dib u abaabulayaan dhexdhexaadin udub dhexaadkeedu yahay sidii guddida doorashada ee aan wakhtiga badan u hadhin xilka uga tagi lahaayeen si loo helo Komishan lagu wada kalsoon yahay oo dardar geliya qabsoomidda doorashada dhammaadka sanadkan qorshaysan. Siyaasi Axmed Cali Ubaxle oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa waraysi uu shalay siinayay telefishanka Somali Cable ku sheegay in loo baahan yahay in Komishanku arrinta fududeeyo oo iscasilo “Waxaan jeclaan lahaa guddida Doorashada laftoodu dad badana way yidhaahdeene dalka iyo dadka in ay u daneeyaan oo iyaga oo aan cidna dambi ka gelin ay iscasilaan oo yidhaahdaan ‘haddii ay anaga arrintii(Doorashadii) noo taaggan tahay billaa caleeg halkaas ayaanu dhignay ee ummadda reer Somaliland eey ka taliya’ in ay yidhaahan baan jeclaan lahaa,” Sidaas ayuu yidhi Mr Ubaxle. Afhayeenka Guddida Doorashooyinka Siciid Cali Muuse, Komishaneer. Cabdifataax Ibraahim Xasan iyo Komishineer Maxamed Jaamac Maxamed.oo dalka dibaddiisa ku maqna ayaa dhawaan soo laabtay kuwaas oo hore wargeyska Waaberi u sheegay in madaxweyne Biixi sugayo si uu mawqifkiisa Komishanka ugu bandhigo taas oo maalmaha foodda inagu soo haya la filayo in ay kulmaan. Dhinaca kale Beesha Caalamka ayaa Xukuumadda Madaxweyne Biixi cadaadis ku saartay inay xaliso muranka la xidhiidha arrimaha Doorashooyinka , kaasi oo ay ubucdiisu tahay qaddiyadda la xidhiidha 7 xunood ee Komishanka doorashooyinka in xal laga gaadhi inta ka horaysa bisha Maraaj si ay doorashadu ugu qabsoonto wakhtigii loogu talagalay, Madaxweyne Muuse Biixi oo ku dedaalayaa sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd wakhtigaa loo qoondeeyey, isla markaana tixgelinayaa dhawaaqa Beesha caalamka ayaa hadda isku diyaarinayaa inuu xal ka gaadho qaddiyadda Komishanka Doorashooyinka,iyada oo uu murankaa Komishanku ahaa carqalad soo taagnayd in badan isla markaana dib u dhigay doorashadii mudaysnay inay dalka ka qabsoonto Bisha Maraaj ee sanadkan. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa waraysi uu dhawaan siiyay telefishanka Saab ku sheegay in aanu madaxweyne Biixi wax tallaabo ah oo qabsoomidda doorashooyinka ku saabsan qaadin tan iyo markii Guurtidu muddo kordhinta samaysay. Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa istaagay mawqif ah in aanu sinaba ku galin doorasho ay qabanayaan guddida doorashada ee hadda joogta kadib khaladaad xisbigu ka tirsaday doorashadii madaxtooyada. Arrintan ayaa ka mid noqotay caqabadaha ugu waaweyn ee hor yaalla doorashooyinka waxaanay u muuqata in doorashadu xilligeeda ku qabsoonto haddii madaxweyne Biixi ka tanaasulo mawqifkiisa oo ahaa in guddidani sii joogto. Source
  7. Kismaayo (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay la wareegeen deegaanka Kobon oo hoos yimaada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Ciidanka ayaa weerar ku qorsheysan ku qaaday deegaankaasi, iyagoona gacan ku heynta kala wareegay dagaalayahannada Al Shabaab. Sidoo kale ciidamada ayaa soo saaray ku dhawaad 20 Miino oo lagu aasay halkaasi, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan weerarkaasi. Muddooyinkii dambe ciidamada DFS iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgallo milatari ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. The post Ciidamada DFS Oo la wareegay deegaan ka tirsan J/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muddo bil ah oo laga dhursugayay in Madaxwayne Siciid C/llaahi Deni uu soo dhiso xukuumadiisa, ugu dambanytii maalin axada taariikhduna ku beegnayd 10/02/2014 ayaa lugu dhawaaqay liiska golaha wasiirada maamulka Puntland. Maadaama 14 bari dheeri ah loogu daray waxaa la filanayay inuu soo dhiso xukuumad dhinac walba ka misaaman marnaba lama filayn in uu soo dhisi doono xukuumad shacabweynaha kala kulmaan niyad jab iyo muraaro-dillaac oo sida shacab badani qabo la mid noqotay duddumadii foolatay ee jiirka dhashay. Run ahaantii marka laga eego dhinaca rikaabki uu watay Deni, ma ahayn mid la fogaysan karay inuu ka badin waayo magacaabidda wasiiradiisa qayb ka mid ah oo ka aradan dadnimo, aqoon iyo sooyaal wanaagsan intaba oo waliba qaarkood iska daaye in xil loo dhiibo e, dambiyada ay bulshada ka galeen oo ay ugu wayntahay lunsashada iyo boobka hantida dadwayne ku mutaysan lahaa ciqaab iyo xarig. Dadka yaqaanna Deni kuma sheegaan nin aragti hogaamineed iyo hiraal aragnimo wayn ku fadhiya, hase ahaatee xumaan shakhsi ah qof ka sheegaya wuu yar yahay; balse dhibaatada xukuumadiisa haysata waa isaga oo gacanta u galay koox danleey dhaqaale ah oo aan dad iyo dal midna u diirnaxaynin. Kooxdaas waxaa loo yaqaan Aaranjaan, waxay samaysmeen oo ay bulaaleen xilligii C/raxmaan Faroole talada Puntland hogaanka u hayay, sanadihii 2009-2014, waa xayn ganacsata ah oo u badan gobolka Nugaal oo awoodda dowladda mar walba u adeegsada xaqiijinta dano dhaqaale iyo maslaxado shakhsi ah. Kooxdaan waxaa ugu miisaan culus ganacsade Maxamuud Warsame Shiddo iyo wasiirka la magaacabay ee Xasan Shire Abgaal, labadan kaaba laadaro iyo kooxdooda aaran jaan waxay maalgaliyeen ololihii doorashada federaalka ee 2016kii ee Mudane Deni wareegii horeba ku haray iyo doorashadii u dambeesay ee ka dhacday Puntland uu mudanuhu Puntland madaxwaynaha kaga noqday. Maxamuud Shiddo, hogaamiyaha kooxda Aaran jaan, waa ninkii imaaraatka gacantiisa uga soo qaaday adduun dhan 3 malyan 2014kii si ay uga qayb qaataan doorashada puntland uu doonayay faroole inuu dib u hanto xukunka puntland, lakin faroole ma soo bixin halkaasna guusha waxa ay kuu raacday c/wali . Maxamuud shiddo oo ah nin firfircoon ayaa doorashadii danbe waxa uu ka shaqeeyay isku-xirka kooxda Islaax iyo Imaaraad,. Sidoo kale hay’adda PMPF oo ay garwadaynka ka yihiin kooxda Aaranjaanka , taageerana ka hesha dowladda isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa kaalin lixaad leh ka qaadatay kuna taageertay dhaqaale ahaan Siciid C/llaahi Deni ka soo hadda u muuqda magac mooyee nin aan talo badan gacanta ugu jirin. Waxyaalaha aadka loo la yaabo doorashadii u dambeesay ee Puntland waxa ay ahayd in ay danwadaag iyo xulufo jaal ahi noqon karaan islaax oo laan ka mid ah dhaqdhaqaaqa Ikhwaan Muslimiinka dunida islaamka ka jira iyo Dowladda Imaaraat ee aad uga la dhaxayso cadaawadda , dadku waxay isweediinyaan mudda intee le’eg ayay sii wada joogi karaan , yaase daaqadda laga la bixi doonaa. kooxda aaran jaan oo hadda ah isku xiraha labada koox waa koox pragmatic ah oo aan mar walba masalxdooda eegta kuna fiican inay qiyaasaan meeshii danta ay ugu jirto ayaa waxaa loo badinayaa inay tuuri doonaan markay muummuudsadaan ka gadaal. Madaxweynaha oo qudhiisa ah islaax ah ayaa warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in mudda ahba iska fogeynayay islaaxa si ayan uga horimaan hankiisa siyaasadeed , taas oo ka dhigan in Kooxda Aaranjaan ku kaliyaysan doonaan madaxweynaha, meesha ay rabaanna u jihayn doonaan. Doorashada Madaxwayne Deni ma ahayn mid farxad galisay Dowladda Federaalka oo iyada culayskeeda dul dhigtay Eng. Jabiye oo isaga ku haray wareegii hore, taasi waxay dowladda federaalka kala kulantay wajji gabax wayn iyadoo Dr. Deni lugu yaqaanno calool-kuhayn badan iyo aar-gudasho jacayl, hase ahaatee dhibaatooyinka gudaha Puntland ka haysta oo aad u tira badan ayaa u oggolaan Karaynin in uu xilligaan colaad u muujiyo Dowladda Federaalka. Xukuumadda Deni u-adeeg bulsho mise ka-adeegashadooda? Madaxwayne Deni ayaa soo dhisay xukuumadiisa axadii la soo dhaafay oo ku beegnayd 10 kii bishan aan kujjirno, waxay ku qaadatay bil iyo 2 beri, Wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay oo waqti dheeri ah loogu daro soo dhisidda xukuumaddiisa . Waxaynu wada xasuusannaa doorashadiisii in lugu soo dhoweeyay mudaharaad iyo bannaanbaxyo ka dhacay inta badan deegaannada puntland oo lagu diidanaa madaxweynaha iyo kooxda aaran jaan, sidaas darted waxaa la filayay in uu soo dhisi doono xukuumad shaki saarta shacabwaynaha oo ah mid tayo leh uu soona magacaabo dad karti iyo aqoon u leh, saami qaybsiga beelahana uu ixtiraamo, waxaa kaloo laga filinayay in raadka kooxda Aaranjaan ee sumcadda-darrada u saaxiibka ah aysan ka muuqan xukuumadda uu dhisayo. Nasiib-darro xukuumadii dhalatay waxay noqotay mid cabsidii la qabay sii xoojisay, waxay noqotay xukuumadda kaliya ee Puntland soo marta oo aan si wayn loogu farxin curashadeeda. Waxaan qodobada soo socda ku soo koobayaa qaabka lugu dhisay xukuumada Deni iyo tilmaamaheeda: Xukuumada waxaa aad uga soo muuqday shakhsiyaadkii Aaranjaan ahaa ee la wada yaqaannay iyo kuwo badan oo dan wadaag xigto iyo xidid la ah Aaran jaan . Waxay reer walba ka soo xusheen dadkii ololaha af ama addin ku taageeray, iyadoo xukuumadihii hore ahaan jireen kuwo ay ka soo dhex muuqan kari jireen inta badan kooxaha loolanka qaybta ka ah iyo xattaa musharrixiinta tartanka ku hartay qaarkood. Aaranjaan waxay culayska saareen wasaaradaha ugu muhiimsan ee halbowlaha u ah shaqada dowladda. Wasaaradda Maaliyadda waa midda ugu muhiimsan dowladda Puntland, waana meesha lacagaha ku kala goostaan Madaxtooyada sida dhaqanka ahaan jirtay, waana taas sababta keentay in ay kooxdani ku mintido oo dagaal dheer u gasho sidii ay ku hanan lahayd Wasaaradda Maaliyadda waxaana loo magacaabay Xasan Shire Abgaal ( waa ninka labaad ee kooxda Aaranjaan dhanka kala-sarraynta awoodda). Madaxwayne Deni bisha uu xilka hayay wuxuu ssoo saaray dhowr digreeto oo ku saabsan maaliyadda oo uu ku xayirayo dhaqdhaqaaqyada akoonnada wasaaradda Maaliyada, waxay mutaysatay bogaadin waliba tii lugu joojiyay daabacaadda shilinka Soomaaliga balse magacaabidda Xasan Abgaal ayaa shaki weyn abuurtay in madaxweynaha dhab ka tahay la dagaalanka musuqa , maxaa ku qasbay Deni inuu magacaabo xasan abgaal isagoo heli kara dad shaatigoodu nadiif oo aan lahayn sooyaal taariikheed oo dhinaca musuqa, nin hanti badan ka sameeyay mucaawinaadka yar e soo gala Wasaaradda Caafimaadka oo uu muddo 10 sano ah ka ahaa agaasimaha waaxda Maamulka iyo Maaliyadda, mushaharkiisu dhowr boqol oo dollar ma dhaafsiisna, sidaas oo ay tahay waa mid ka mid ah dadka ugu maal iyo hantida badan Puntland!, wuxuuna ka mid yahay dadkii Madaxwayne Deni dhaqaale lacageed oo boqolaal kun oo dollar gaaraya ku taageeray . Wasaaradaha ugu muhiimsan sida: Amniga, Qorshaynta iyo Gudaha ayaa loo dhiibay rag aad ugu dhow kooxda Aaranjaan oo ay yihiin danwadaag hoose. Waxay noqotay xukuumaddii ugu horraysay ee la soo magacaabo oo isugu keentay golaha wasiirada waasiiro isku family ah oo isku ah xigto iyo xigaal, ilaa ay gaareen dadka qaarkii inay ku kaftamaan xukuumaddiii (nikaax & naas) xididnimo iyo abtinimo, taas oo laga yaabo in noqoto shaqadii ahayd u-adeegida bulshada mid isu bedasha ka-adeegashada bulshada. Madaxwayne ku-xigeenka Axmad Karaash wuxuu noqday ninka kaliya ee gaashaanka u daruuray qorshayaasha Aaranjaan isaga oo inta badan meelmarsaday wasiirrada beesha Sool clan xukuumadda kaga soo aaday; arrintaas waxay aad uga caraysiisay garwadeenka xukuumadda Maxamuud Shiddo, waxayna saadaal hor-u-dhac ah u tahay qaabka ay u wada shaqayn doonaan garbaha isdiiddan ee ka wada tirsan xukuumadda Deni Waxaa soo baxaysa ifafaalo muujinaya dagaal qabow oo durbadi ba ka dhex curtay kooxda Al-islaax oo iyaga ka qaybqaatay abaabulkii ololaha Deni, raggaasi waxay u badanyihiin dhalinyaro aqonyahanno, kaalin mug lehna ka qaatay soo saaridda Madaxwayne Deni hase ahaatee waxay u muuqdaan kuwa looga gudbay marxalad taagneed balse aan dib loo milicsan. Deni waxaa ololihiisa halkudhig u ahaa (Tiigsi iyo Tayo). Waxaa laga filan karay xukuumad kooban oo tayo leh, waxayse noqotay mid tiro badan balse qabiilooyin yar yar oo tiro badan oo xukuumaddii hore matalaad ku lahaa haatan afkaas wax loo saari waayay. W/Qoray: Maxamed Xusni Wardheere wardheere114@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo dhawaan Waraaqaha aqoonsiga ka Gudoomey Madaxweynah Kenya Uhuru Kenyata oo Wareysi siinayey Talefishinka Universal oo ay si gaar u Wareysaneysey Wariye Xamdi Maxamed Kediye,wareysigaas oo saakey ahaa mid si aad ah looga hadal hayey Dalka , waliba dadka waxay faafinayeen in Tarsan uu wareysigaas ku sheegey Dhaliil uu u jeediyey Dowlada Madaxweyne Farmaajo iyadoo Bulshada ay in badan igu riixayeen wax ka qorista Warkaas oo qaarkood waxay igu celcelinayeen n warkaas uu Muhiim yahay Qoristiisa Waxaan damcay in aan wax ka qoro Dhaliisha Danjire ee la sheegey in Tarsan uu u jeediyey Dowlada ,sidaa darteed inta aanan Qorin baa Go’aansadey aan hubsado Warkaas , waxaan soo Xasuustey Maahmaahdii ahayd “Hubsiimo Hal dhan baa la siistaa” waxaan Dib u dhageystey Wareysigaas oo soconayey muddo Saacad ku dhawaad . Kor iyo Hoose baan u fiiriiyey Wareysigaas aad baan ugu lab laabtey , waxaan ka waayey Dhaliiliihii uu Tarsan u jeediyey Dowlada Farmaajo Waxaa uu ahaa Wareysi kii ugu fiicnaa oo aan dhageysto ama aan daawado ,waxaa uu ahaa wareysi u badnaa soo celinta Karaamada iyo sharafta Ummada Soomaaliyeed marka la fiiriyo Howsha Safaarada Soomaalida ee Kenya iyo sida Dadka Soomaaliyeed Xiriir ula yeelan lahaayeen safaaradda islamarkaana loo xalin karo Caqabadaha jira Hase yeeshee waxaan Wareysigaas ka dhex heley Su’aal ay Xamdi Kediye Weydiisey Danjire Tarsan oo ahayd Shirkii London ee Shidaalka waxaa uu Tarsan ku jawaabey “ Shidaalkaas aanan arkeyn ee Dhulka ku jira oo aan la soo bixi Karin, oo Ilmaheenna Bakeeri Biyaa u dhimanayaan, maxay noo tarI Badrool baan haysanaa iyadoo Dhinac waliba aan ka liidano marka waxaan DadKa Soomaaliyeed leeyahay ka digtoonaada Siyaasi Danleey ah oo aan dooneyn Horumarkiina , Anigana waxaan leeyahay warbaahinta iyo Bulshada Soomaaliyeed in ay mar waliba ay Hubsadaan wararka ay Faafinayaan ee Been Abuurka ah, sidaa Darteed Waaya aragnimadeyda Saxafadeed baa Iga joojisey Warkii Tarsan . W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
  10. The newly appointed cabinet members of Puntland regional state of Somalia has been sworn in on Tuesday. The cabinet was sworn in by the regional state’s chief justice, Dr Yusuf Hajji Noor. The Puntland leader Said Abdullahi Deni and his deputy Ahmed Elmi Osman Karash also witnessed the swearing-in ceremony. Some new cabinet members were absent due to trip abroad, but they are expected to return for duty. Puntland leader and his deputy have urged the new cabinet members to perform their duties diligently and put the interest of the people first. Said Abdullahi Deni who was elected into office on 8th January unveiled his 48 cabinet members on Sunday. Only three female ministers were appointed. The post Puntland swears in a new cabinet appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Somaliland waxay jirsatay 28 sano, intii ay jirtay Somaliland waxa la shaqalaysiiyay shaqaale gaadhaya 20.000 oo shaqaale ah. Shaqalahaas dhamaantood waxay u tacabireen G/maroodijeex, si ay u helaan shaqo qaran. Shaqsi walba oo shaqa qaran doonaya waxaa waajib ku ah inuu yimaado G/maroodi jeex, sugana waqti aan cayinayn kana mid noqdo dadka customers ka u ah G/maroodi jeex. Hadaba marka uu noqdo shaqaale qaranka u shaqeeya haduusan oran shaqaalaha G/maroodi jeex hala igu daro waxuu noqonayaa shaqalaha ka hawl gala gobolada kale ee aan helin xuquuqda ay helaan shaqalaha G/maroodi jeex ka hawl gala. Xuquuqaha ay is dheer yihin waxaa kamid ah. 1. Shaqaalaha G/maroodi jeex waxay mushaharka qataan bil kasta halka kuwa gobolada kale ay qataan mushaharkooda 3 biloodba mar 2. Shaqaalaha G/maroodi jeex waxay helaan dalacsiin iyo darajooyin halka kuwa gobolada kale aysan helin dalacsiin iyo darajooyin 3. Shaqaalaha G/maroodi jeex waxay helaan tababaro halka kuwa gobolada kale aysan helin tababar ama wax u dhigma 4. Shaqalaha G/maroodi jeex way ka mushahar badan yihin kuwa gobolada kale xitaa marka la eego kuwa isku darajada ah sida A. B, C 5. Shaqaalaha G/ maroodi jeex waxay helaan guno aan helin kuwa gobolada kale ka shaqeeya Hadaba su aalaha la is waydiinaya waxay tahay Maxaa sababa inay sidan u kala sareeyaan shaqaalaha G/maroodi jeex iyo kuwa gobolada kale? Sharciga kala saraysiinta xuquuqda shaqaalaha xagay kaga talaa? Ilaa intay sii socon kartaa arinkaa? Madaxda gobolada kale miyaysan inaba ka dareen celin falkaa cadaalad darada ah? Su alahaas iyo qaar badanoo kale ayaa la iswaydinayaa Jawaabta waxaan u daynayaa shaqaalaha qaranka u shaqeeya ee ku sugan gobolada kale, madaxdooda iyo hay addaha sharciga Hadaba madaxwaynaha dalka jamhuuriyada Somaliland waxuu gacanta saaray kitaabka musxafka ah, qawlkii uu ku dhawaaqayayna waxaa kamid ahaa inta aan xilka hayo inaan cadaalad iyo sinaan dadkan iyo dalkan ku dhiqi doono. Ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan ugu baqayaa madaxwaynaha dalka inuu arinkaa hoos u eego talaabo ay ku farxaan shaqaalaha la dulmiyay ee ka hawl gobolada kalena sameeyo iyadoo aan gobolna lagu xadgudbaynin Source
  12. A senior Somali police officer was killed in a car bomb explosion in Mogadishu, witnesses said, the latest in a series of attacks by the Al-Qaeda-linked Al shabaab in the capital. The incident took place at Sey Piano junction after an explosive device fitted into a police vehicle that he was travelling in exploded in the area early on Tuesday morning. The officer, Hassan Dheere died on the spot following the blast resulted from the bomb concealed under his car’s seat, according to an eyewitness who spoke to Radio Shabelle. In the aftermath of the incident, Somali security forces condoned off the scene and launched an investigation into the blast. No arrest was reported. No group has yet claimed the responsibility for today’s car bombing in Mogadishu, but, Al-Shabaab often carries out regular attacks against Somali government and the AU forces. The post Car Bomb Blast Kills Security Official In Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Q.1aad: Waa Qiimayn guud oo aan isku dultaagayo casharada lama ilaawaanka ahaa , ee aynu ka baranay mudadii uu xilka hayey Xisbiga kulmiye iyo Xukuumadihiisii kala danbeeyey , dhanka kale waxaan rabaa inaan kaga jawaabo Suaal muhiimadeeda leh (waa siday aniga ila tahay ) oo odhanaysa ,Xisbiga kulmiye mudadaas uu hayey. talada dalka ilaa imika , maka Jawaabay baahiyaha kala duwan ee bulshada ? , Dhaymo mow sameeyey dhaawacyadii kala duwanaa ee bulshadu la dhutinaysay , Mise wuu damqay , qallay , dhaawacay , kala jabiyey quluubta umada reer Somaliland ?. Waxaad kaga boggan doontaa qormadan . Hordhac yar oo kooban : Somaliland waa wadan aan wali la aqoonsan , kana go’ay dalkii la odhan jiray jamhuuriyadii Somalia , oo ay ku biirtay 1960 kii ,iyadoo markaas ahayd dowlad taam ah oo aduunku aqoonsanyahay oo leh shacab iyo xuduudba. Halgan dheer ka dib oo naf iyo maalba ku baxeen , waxa Somaliland u suuro gashay inay la soo noqoto dowladnimadeedii ay u hibaysay inay abuurto wax la yidhaa somalinimo , laakiin lala garanwaayey ,kana dhaxashay waxii ay ka dhaxashay . Somaliland oo xoriyadeeda heshay 1991 dii , ujeedada looga soo go’ay Somalia waxa kow ka ahayd in la helo cadaalad ,sinaan ,wax wada la haansho iyo dowladnimo ku dhisan sharciga oo dadku u simanyihiin . 27 sano oo Somaliland jirtay wali hadafkaasi waa qabyo , lagamana midho dhalin . Somaliland waxay soo martay marxalado kala duwan oo mid waliba xaladeeda iyo duruufaheeda siyaasadeed ,dhaqan dhaqaale lahayd ,tusaale waxay soo martay waqti lagu jiray iscafin guud iyo in la abuuro jawi guud oo nabadgelyo oo lagu wada noolaado ,quluubta shacabka laysu keeno oo dowladnimo lagu dhiso ku salaysan duruuftaas, waxay soo martay waqti kale oo dagaalo sokeeye dhaceen oo lagu jiray dib u heshiisiin iyo dib-u curasho shacab iyo inay dowladnimadu salka dhigto, waqtiyadaas waxaa ku suntanaa labadii madaxweyne ee kala danbeeyey AUN Mudane Abdirahman Ahmed Ali ahaa aabihii xoriyada ama ilaahay u fududeeyey inuu dalka qabto, kuna dhawaaqo dowladnimo , iyo AUN Mudane Mohamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa hogaamiyihii ugu khibrada badnaa ee dowladnimada Somaliland iyo hanaankeeda dimiquraadiga ahaaba salka u dhigay ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo labadoodaba. Waqti laga joogo 18 sano , waa 2001 diiye , ayaa hanaanka xisbiyada badan ka hanaqaaday Somaliland , uguna horaysay taariikhda cusub ee Somaliland tartan siyaasadeed ku dhisan sawir guud oo xisbinimo ( waxii kaleba how hooseeyaane),waqtigaas oo uu ay hormuudka xisbiyada ahaayeen xisbigii Udub ee talada hayey iyo Xisbiga Ucid. Goorma ayuu kulmiye inoogu horaysay?. Xisbiga kulmiye waxa uu ka mid ahaa xisbiyadii galay tartankii ugu horeeyey ee dowladaha hoose , kuna soo baxay , waxaanu ahaa ururkii ugu danbeeyey ee la aasaaso geeridii cigaal ka dib alle how naxariistee , waxaana la aasaasay 2002, kana qayb galay doorashadii ugu horaysay ee dhacday december 2002 , galayna kaalinta labaad ururadii tartamaayey , kuna guulaystay inuu noqodo xisbi qaran . waqtigaas ayaa digadiisa qiiqeeda inoogu horaysay.Intaas halkaas aan kaga hadho . Waqtigaas talada dalka uu ku guulaystay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin , dowladnimadii la dhisay eek u timid hanaanka dimiquraadiga ah , waqtigaa shacabka somaliland waxa uu maraayey meel wacan markaad ka eegto dhanka walaaltinimada , wax wada lahaanshaha , quluubtooduna way isu soo dhawaanaysay ,dadkana maankoodu muu kala taganayn . Waqtigaas dowladii udub wax badan ayay qabatay , sida dhanka aminiga , isu soo dhaweynta bulshada , fidinta maamulka , dhismaha ciidanka qaranka , hirgalinta dimuquraadiyada iyo doorashooyinka ,inay u samaysay somaliland saaxiibo badan oo caalamiya mudadaas ay xilka hayeen . dhanka kale intaasba iyadoo jirto ayaa hadana shacabku waxay muujinayeen saluug badan oo ay saluugsanaayeen dowlada , kuna dhaliilayeen inay qaban karo waxaas wax ka sii badan . shacabku waxay ka cabanayeen maamul xumo , musuqmaasuq , danta guud oo markaas bilow ahayd iibinteeda , dhanka xoriyatul qowlka oo xadidnaa ,iyo arimo la la xidhiidha in rag badan oo siyaasiyiin ah iyo salaadin in la xidhxidho , cabudhin shacab . iyadoo bulshadu aaminsanayd inay waxqabadka la koriyo oo waqtigaas u fikiraysay horumar midnimo ,isu soo dhawaansho , is aamin , isku codna ay ka ahayd cabashada guud ee ay qabto . Halkaas ayuu kulmiye gaadhigiisii ugu horeeyey ka rakaabsaday ,isagoo dhibaatooyinkaa bulshadu ka cabanaysay farta ku fiiqaayey , kana dhigtay daliil , isagoo ujeedooyinkiisa kalena ee dhanka qabyaaladana u raacinaayey , isagoo fogaynaayey madaxweyniihi qaranka ee waqtigaa , kuna maxaafsanaayey dhaliilahaas jiray iyo qabqabiileed ku dhisan in beesha dhexe oo dhan laga horkeeno madaxweyne riyaale ,si uu cod ugu helo doorashadii markaas xigtay hab reeraysan , isagoo isticmaalaayey SNM iyo Faqash dhacdooyinkii dhexmaray , hadafkuna ahaa uun in Mudane madaxweyne Daahir riyaale khadka laga saaro , oo looga saaro hab beelaysan ,sidii dhaxdayba 2010. Siyaasada Qashinka ah ee Kala qoqobka , kala dilka , naxli abuurida , munaafaqada iyo kala sooca maanta ka dhex muuqda bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland , waxa uu kulmiye bilaabay ololihii doorashadii reeraysnayd ee laga badiyey madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin. 2010 kii markii doorashadii dhacday ee xilka uu tiriyey Mudane Daahir Rayaale kuna wareejiyey madaxweyne Mudane Ahmed Siilaanyo iyo kooxdiisii , ninkastoo xasuustow dalku meel buu maraayey dadkuna aragtidiisu waa saraysay . Dadku laba nooc ayay ahaayen codeynaayey , dad ay dabayshii kulmiye iyo siyaasadii qashinkinka ahayd sixirtay oo howshooda wata , iyo qab kale oo bulshada ka mida oo isbadal doonaayey waliba ahayd inta badan bulshadii codaysay. Halkaas markaan intaa dhigo , aan furfuro suaashan hoose; Maxaa laga filaayey kulmiye (National Expectations):? Maxaa laga cabanaayey ? halkuuse kulmiye ka bilaabay ? La soco qaybta 2aad oo aan ku furfuri doono , waxii laga rajaynaayey , waxii markaas bulshadu u baahnayd ,halkay ka bilaabeen , iyo afrariirkii bulshada ku dhacay ,yaabka yaabkii!!. Sir-Abdirashid HUssein Doha Qatar. Email:Gahaydhle@live.com Source
  14. Somali government officials, international development partners and civil society organisations engaged in humanitarian operations in Somalia met at the African Union Summit to lobby African leaders to approve a massive debt cancellation for war-ravaged Somalia. The Somalia Non-Governmental Organisation (NGO) Consortium, comprising international civil society organisations and government officials met during a high-level event at the AU heads of state summit to voice calls for the debt cancellation for Somalia. They say this would enable the Horn of African nation to rebuild its war-torn infrastructure and work on resettling millions of people uprooted by conflict. “Somalia requires cooperation because the debt cancelation would help us to ignite our national development plan,” Gamal Hassan, Somalia’s Minister of Planning, Investment and Economy, said. The African Union Commission announced it would support plans by the Somali authorities to seek an international debt cancellation which would allow the country to receive international assistance. According to Somali foreign minister Ahmed Isse Awad , the debt cancelation for Somalia would act as a means to one of the durable solutions being sought by the African leaders to end the cycle of forced displacements. “We will need to mobilise political actors to give debt cancellation to Somalia. We welcome the selection of this year’s theme on the search for durable solutions to the issue of forced displacements. We believe the resolution of our debt issue could allow more resources to be channeled to the displaced,” Awad said. To qualify for the debt cancellation, Somalia needs to convince the IMF, which would possibly convene its board of directors to review the country’s progress. Should the IMF board give an approval for the debt cancellation, Somalia would be required to hold bilateral talks with private donors on the terms of debt forgiveness. The post Somalia lobbies AU Summit for international debt cancellation appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Muqdisho ( SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkiisii Shir Madaxeedka 32-aad ee Midowga Afrika oo shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa. Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee sannadkan waxaa diiradda lagu saaray arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka ay la nool yihiin. Madaxweyne Farmaajo oo Shirka khudbad ka jeediyay ayaa soo bandhigay qorshaha dowladda ee ku aaddan qaxootiga iyo barakacayaasha, isaga oo dalalka Afrika u soo jeediyay inay qaxootiga u fududeeyaan xuquuqda lahaanshaha dhulka, isu socodka, adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyo sharciyada muhiimka u ah. Midowga Afrika ayaa soo saaray go’aan ay ku taageerayaan dayn cafiska Soomaaliya, waxayna baaq u direen hay’adaha maaliyadeed ee caalamka iyo waddamada Soomaaliya daynta ku leh, iyaga oo sheegay in dayn cafisku uu qayb weyn ka qaadan karo xal-u-helidda dhibaatada barakacayaasha ee Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa muddadii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa waxa uu shir doceedyo la yeeshay madaxda dalalka Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea, Uganda iyo Koonfur Afrika, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Madaxweyne K/Xigeenka Midowga Yurub iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar, isaga oo kala hadlay sidii uu u dhexmari lahaa xiriir iyo iskaashi miradhal ah. The post Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay dalka appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya oo saaka ka dhacay xaafadda Seybiyaano degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray gaari uu watay sarkaalkaasi, kaas oo ahaa Kaarib ay lahaayeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Dheere, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan kuwa laamaha amniga Soomaaliya. Ma jirto cid kale oo wax ku noqotay qarxan, marka laga reebo sarkaalka geeriyooday, sidoo kalena illaa hadda qofna ma sheegay masuuliyaddiisa. Toddobaayadii la soo dhaafay ayaa waxaa siyaabo kala duwan falal amni darro ah ay uga dhacayeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho. The post Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Hodan appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Waydiimaha ugu badan ee la waydiiyo xilliggan aynu joogno hablaha markay gayaankood guursadaan ha yeeshee inta badan ka wer-wareegaan war celintooda waxaa ka mida ; · Odaygaaga magacii? · Waa qoloma? · Deegaankoodu waa halkee? · Hargeysa haddii uu deggan yahay, daantee ayuu ka deggan yahay? · Muxuu ka shaqeeyaa? ma Hay’ad? ma dawladda? ma jaamacad? ma Dugsi? ma warbaahinta, ma shirkad? mise iskii buu u shaqaystaa (ganacsade)? · Ma dalka ayuu joogaa mise dibadda ayuu ka yimid? Haddii uu dibadda ka yimid dalkee ayuu ka yimid, intee in leeg ayuu se joogay? · Ma waddaad baa mise dadkiisa ayuu iskaga dhex jiraa? · Wax hanti ah ma leeyahay, jago, amase guri? · Gaadhi ma leeyahay? Haddii uu leeyahay waa noocee? · Ma min weyn, min yaro, magmagato, amase meelmadayato, afartaa tee baad tahay? · Reer hore ma leeyahay, haddii uu leeyahay imisa carruur ah ayuu dhalay? · Hooyadii iyo aabbihii ma noolyihiin? · Imisa hablood buu la walaalo yahay? · Da’diisu waa ilaa intee? · Mushahar intuu u xaadiraa? ( Intuu qaataa) · Ma dheer yahay mise wuu gaaban yahay miseba waa dhexdhexaad? · Midabkiisu waa caynkee (casaan, maariin, amase madow)? · Jaadka ma cunaa? Noocuuse cunaa? · Gabbaati intuu keenay? · Maxaad qabsatay meherkaagii, imisa garaam oo dahabaad se’ qabsatay? · Imisuu yarraduu keenay? · Sheekhee ku meheriyey? · Imika inteed u mehersan tahay? · Goormaad wareegaysaa? · Hudheelkee laguugu tumayaa? · Arooska ma is-xanbaar baad ka dhiganaysaa mise 7-dii aroos? Mise waabad iska wareegaysaa? · Imisa fujaan ayaa laguu soo xidhayaa? · Is-barashadii labada reerood ma dhacday? · Hadday dhacday maxaa laguu keenay ? Ma guri bay ka dhacday mise hudheel? Waaba sida Sheekadan ku kala dhex dhacday hooyo Canbaro iyo hooyo Cibaado bookhasho gaabanna iskugu yimi. Sheekadu waxay u dhacday sida tan: Hooyo Canbaro: Alla waa Cibaado. Cibaado soo dhawoow hore u soo dhaaf guriga. Hooyo Cibaado: Mahadsanid Canbaro. Hooyo Canbaro: Reerihii ma lagu nabad qabay? Hooyo Cibaado: Haaye maxaad sheegteen? Hooyo Canbaro: Nabad iyo waxaan lagu waarayn! Hooyo Cibaado: Naa maalmahan waan maqnaaye labadaadii hablood waa lagaa soo doonay baan maqlee ii warran? Hooyo Canbaro: Haayoo saddex bilood baabay kala danbeeyeen. Hooyo Cibaado: Waa nimcee, oo yaa kaa soo kala doonay? Hooyo Canbaro: Tii weynayd reer baal Shinbiro tii yaraydna reer baal Digaag. Hooyo Cibaado: Waaban isku soo galnay haye, oo maxay ka kala shaqeeyaan? Hooyo Canbaro: Ta weyn dibadda ayuu ka yimid. Hooyo Cibaado: Maansha Allah. Waan ogaa inay meel roon marto tahay dibaddaabu ka yimid ba, waa nimcee! Dibadduu ka yimid markay maqashay farxad bay muusootay. Dibaddu la weynaa! Hooyo Cibaado: Oo heedhe ta’ yarna muxuu ka shaqeeyaa? Hooyo Canbaro: Waa Aqoonyahan dalka jooga, walina shaqo ma helin haddase wuu sugayaa. Hooyo Cibaado: Naa anigu aqoontiisa kumaan waydiisane muxuu shaqo haystaa? Hooyo Canbaro: Yur, naa waa Aqoonyahan baanu ku nidhi shaqadu ma faral baa? Hooyo Cibaado: Oo haddaa reerkoodu lacag ma leeyihiin? Hooyo Canbaro: Oo lacagtooda maxaa ka galay hadday haystaan? Hooyo Cibaado: Dee mayee inantaaday ku masruufi doonaan. Hooyo Canbaro: Naa ma iyagaa inantayda guursaday? Isagaa guursadee, waa uu u shaqaysan reerkiisa. Islaantii Canbaro inta ay adkaysan kari wayday xanaaq, labadii dhabanna casaadeen ayey islaantii Cibaado dug ku tidhi timahana la boodday, labada gacmood la isla gal dhulkana la isku rif. Alla kala qabta….Kala qabta iyo Shaydaanka naara badatay, labadii islaamood la soo kala gaadh garna looba fadhiisay. “Naa kaalay ma maantay aqoontii, shaqo kaala waynaatay. Cajuusad yahay aqoonta iyo shaqada tee baa horraysa?! Waad arki doontaa indhahaagoo shana, hadday hablahaaga Jaahiliin kaa soo dooni waayaan, imikana ina kala daa’ dhabarkaagana i tus, naa gurigaygana ii dhaaf wuxu waydiimo badanaa ma Weriyaa?” Ayey tidhi islaantii Canbaro iyadoo labada dhaban casaadeen xanaaq dartii! Cibaado: Naa waanu kuu dhaafi habar yahay dhammaatay. albaabkii qab ..qab kaba siisay si uu maaggay iyada ! Dhammaad Faadumo Buuni Hargeysa, Somaliland libaaxo.77@gmail.com Source
  18. Muqdisho (SMN) – Taliyeyaasha ciidamada howlgalka Midowga Africa ayaa shir aan caadi aheyn maanta ku leh M/Muqdisho ,kaas oo diirada lagu saarayo qorshaha kala guurka oo ay ciidanka AMISOM ammaanka dalka ugu warejinayaan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. Shirkani ayaa la sheegay in uu dabo socda heshiis ay horay u wada gaareen Midowga Africa, QM iyo DFS bishii November ee sanadkii tagay, kaas oo quseeya sidii AMISOM ay u qaadi lahaayeen dulaano ay ku wiiqayaan awooda Al Shabaab, ka hor inta aysan dalka ka bixin sanadka 2021-ka. Sidoo kale taliyeyaasha AMISOM ayaa ka wada hadlaya caqabadaha illaa iyo haatan uu wajahayo qorshahooda iyo sidii taageero dhanka Saanada loogu caawin lahaa howlgalkooda Soomaaliya. Ku xigeenka madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Ambassador Simog Malungo ayaa ugu baaqay in taliyeyaashu in ay xaqiijiyaan, sidii qorshahaasi looga dhigihii lahaa mid dhab ah oo guuleysta. AMISOM ayaa dhawaantani ku dhawaaqday in ay kun askari oo katirsan ciidankeeda ay ka saari doonto deegaanada maamulka HirShabelle. The post Taliska AMISOM oo shir ku leh magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Shirkada DPWorld waxay Somaliland heshiish la gashay 9/5/2016 taa soo ilaa iyo maanta aan hawl muuqata oo la taaban karo ka qaban Dekedii Berbera oo ay 2 sanadood maamuleysay . Heshiiskii Somaliland iyo DPW wada galeen 9/8/2016 oo ahaa heshiis 30 sanadood oo ( Bilateral Contract agreements) ayaa ahaa heshiis sife qarsoon oo daaha dabadiisa ah loogu heshiiyey in ay heshiiskaas ku bixi doonto lacag dhan $442 Million dollar. Waxaana lagu heshiiyey in DPW yeelato saami dhan 65% oo udhiganta lacag ahaan $280 million. Somalilaana yeelato Saami dhan 35% oo u dhiganta lacag ahaan $162 Million dollar. Heshiiskan oo aan dhameystirneyn oo ahaa nuxur yar oo qabyo qoraal ah ayaa laga ansixiyey Golaha Baarlamaanka Somaliland ka dib markii dhaameel badan loo daadiyey, Sidaas ayaana ay DPW Dekedii Berbera ku hantiday kulana wareegtay taariikhdii 1/3/2017. Fashilaada 1-aad ee Heshiiska : Mudadaa 2-da sanadood ah ee Shirkada DPWorld Dekeda maamulaysay waxay ku fashilantay inay hirgeliso dhamaan qodobadii lagu heshiiyey oo ay ka mid ahaayeen : 1- In Dekedii hore la qalabeeyo oo la dayac tiro 2- In Beked cusub oo 800 Mitir ah la kala dhisto laba jeer oo min 400m ah. 3- In Wadada Rajada ee Berbera Corridor la dhisto ( Wadada isku xidhidha Berbera iyo Wajaale ) 4- In Madaar Madani ah Berbera laga dhisto maadaama Madaarkii hore ee Berbera ay Saldhig ciidan ka dhigteen xulufada imaaraatigu. 5- In ay dalka ka fuliyaan Mashaariic fara badan oo arimaha bulshada kor loogu qaadayo sida Caafimaadka, tamarta, beeraha , biyaha iyo waxbarashada 6- In Berbera laga dhiso Suuqa xorta ah ( free zone ) Dhamaan qodobadan lagu heshiiyey ayaan midina ka fulin, qaarna waabay dafireen sida mashaariicda arimaha bulshada. Fashilaada 2-aad ee Heshiiska: Waxaa beryahan danbe debeda u soo baxday oo isa soo taraayey in Itoobiya ay ka maaran tahay Saamiga Dekeda Berbera , maadaama dawlad cusubi ka dhalatay oo ay Ereteriya heshiiyeen. Waxaana ay dawlada Ereteriya kula heshiiyeen in ay Dekedooda xooga saari doonaan oo ay maalgashan doonaan. artintan waxaa markhaatiga u furay iyada oo Itoobiya aanay xunbo metela ku lahayn Shirkada cusub ee hada Maamusha Dekeda Berbera ee loo bixiyey Shirkada DPWorld Berbera. Ka maqnaashan ay ka maqnaatay Itoobiya maamulka cusub ee Dekeda Berbera waxay keentay in Saamiyadii heshiisku ay halkoodii hore ku soo noqdaan oo Somalilaana yeelato saami dhan 35%, DPW-na yeelato 65%. Itoobiyana meesha laga saaro. Shirkada DPWorld waxay ku caan baxday in ay kala xado oo kala laaluushto madaxda ay heshiisyada la gasho, waxaa kale oo ay ku caan baxday in ay dabino u daadiso madaxda ay kala xaajoonayso heshiisyada Dekedaha iyada oo isticmaalaysa mar kasta gacan-wadaag, xaqul qalin iyo kala laaluush ay xadhkaha ugu soohanayso si kasta oo ay heshiisyada u kala khiyaamayso sida ay Jabouti ku khiyaamaysay, Cadan ku sameysay, L ubnaan, Sinigaal,iyo indonisa ku khiyaameysay ee USA lagaga eryey maantana ay damacsan tahay in ay Somaliland oo aan la ictiraafin ku khiyaameyso xeelad iyo xoog. Fashilaada 3-aad ee Heshiiska: Bal ka warama DPW lacagtii $240 million aheyd ee ay ku balan qaaday in ay ku maalgeliso mashruucii dhismaha wadada Berbera ilaa Wajaable ( Berbera Corridor ) oo ay ku leedahay waxaan awoodaa hada $80 million dollar oo keliya? Bal ka warama iyada oo aan fulin balan qaadkii heshiiskii ay hore Somaliland ula gashay 9/8/16 ee ay laheyd sanad gudahood ayaanu ku dhisaynaa Dekedii 400 oo mitir ah, ayey iyagu iska dhisteen Dekad Ciidan oo balaadhan iyo Saldhig Ciidan oo bilaash lagu siiyey. Muwaadin ma ogtahay qiimaha ama kirada dhabta ah ee Saldhiga Berbera uu ahaan jiray? Sanadihii 1981 ilaa 1991 Shirkadii USA ee NASA ayaa Madaarka Berbera oo keliya oo Saldhig Ciidan u ahaan oo weliba Dayaaradaha madaniga ahi la isticmaali jireen ay ku kireysteen lacag dhan $40 Million oo dollar sanadkiiba maantana DPWorld waxay ubadheedheen in ay faro guudkood iyo xaqul qalin yar inaga dhaafsadaan Saldhig Ciidan oo 20 km2 iyo Dekad Ciidan oo Dhererkeedu yahay 10km2. Muwaadin ! Ma ogtahay in Saldhiga yar ee Mareykanku ku leeyahay Jabouti uu ku kiraysan yahay $58 million dollar sanadkiiba, Saldhiga yar ee Fransiisku ku leeyahay Jabouti kiradiisu tahay 30 Million oo yuro sanadkiiba, Saldhig yar oo 3km ah oo dalka China ku leedahay dalka Jabouti kiradiisu tahay $20 million dollar sanadkiiba. Saldhig yar oo 1 mile ah oo dawlada Jabanku ku leedahay Jabouti kiradiisu tahay $ 4-Million sanadkii. Hadaba waxaa layaab iyo amankaag shacabka reer Somaliland ku noqotay markii dhawaan uu Wasiirka Maaliyada Dr Sacad Xaji Ali Shire uu cadeeyey in aan la kireyn Saldhiga Berbera ee mashaariic Aabahood goblamay oo aan la fulin aynu ku bedelanay Saldhiga berbera oo dhererkiisu yahay 20 km2 iyo weliba Saldhiga Badda oo isna dhan ilaa iyo 10 km2 – Arintani waxay u baahan tahay in hayadaha ay khuseysaa ay dabo galaan oo baadhitaan mug leh ku sameeyaan. Waa in Saldhiga Berbera kiro badan aynu dhaafsanaa ama ictiraaf inoogu bedelaan. Gunaanad: Waa in nuxurka dhabta ah ee Heshiiska DPW iyo heshiiska Saldhiga Berbera oo isku sidkan Baarlamaanka dib loogu soo celiyaa si ay uga doodaan una naaqishaan faa’idada iyo khasaaraha uu heshiisku u leeyahay qaranka Somaliland. Waana lama huraan in caadka iyo ciirada qarsoon ummadda looga qaado Heshiiskan ilaa iyo kirooyinkiisii la sii Carbuuntay ee la sii qadintay ee dalka lagu dhacay. Aniga Daaha kama rogin ee dadkuba way arkaayaan ! Shacaboow tiraa kaa gedmane wax isu gey-geyso! Alleh ayaa Mahad Leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London Source
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) ayaa ka jawaabay dhaliilaha Siyaasiyiinta qar ay ka muujiyeen shirkii looga hadlayay arrimaha shidaalke ee dhawaan ka qabsoomay Magalada London ee dalka Britain. Waxa uu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid qorshihiisa ay horay Wasaaradda Batroolka u soo bandhigtay,isla markaana uu ahaa mid daba socday mid horay uga qabsoomay bishii Noveber ee Sanadkii tegay dalka koonfur Afrika. Siyaasiyiinta dhaliilaha ka muujiyay shirkaas ee sheegay in xirmooyin ka mida ah shidaalka Soomaaliya in lagu xaraashayo ayuu ku tilmaamay inay yihiin kuwo xumaanta kaliya raadiya,balse aan wanaagsan dowladdu qabato arkin. “Waxaa jira si xun wax u sheeg sixiroole wuu ka daran yahay,waxaad moodaa in mucaaradka inay u gurteen in dhagahooda ay maqlaan kaliya xumaanta balse aysan fiirin wanaaga,laakin cid kasta waan soo dhaweyneynaa waayo waa sababtii aan xisbiyo badan u sameysanay ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka. Isaga oo la hadlayay geba-gabadii mid ka mid ah tv-yada ku hadla afka Soomaaliga ayuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay masuuliyad weyn ka saran tahay inay qabato wax walba oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin. Ka hor inta uusan qabsoomin shirka looga hadlayay arrimaha shidaalka ee Magalada London,waxaa shirkaasi kasoo horjeestay kuna baaqay in la joojiyo qaar ka mid ah Xisbiyada dalka,balse warkooda aan dheg jalaq loo siinin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. (SLT-Hargaysa)Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa arin layaableh ku tilmaamay shirkii jaraa’id ee uu Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysi ku soo bandhigay Dacwado uu sheegay in Wargeyska Foore ku Xukumay, Jamaal ayaa Dhaar ku maray inaanay dacwadahaasi mid koodna ka mid ahayn kiiskii lagu qaaday Foore ee uu dhagaysigiisa ka qayb galay, waxaanu sheegay in haddii aanu ka qayb galeen uu rumaysan lahaa wixii shubay Garsoore Dalmar. Jamaal Cali Xuseen ayaa intan ku dul qoray Muuqaalka Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi jeex kaga hadlay arintan, waxaanu soo dhigay Barta uu Facebookga bulshada kala xidhiidho, waxaana qoraalkiisa ka mid ahaa. Waar ileyn anagaa wax aragnay. Dacwaddii dhegaysiga ee Foore hadaanan joogi lahayn waxa uu sheegayo garsoorahu waan rumeysan lahaa anigoo sharaf u haya. Waxaa uu listka dacwadaha uu tirinayo run baan u qaadan lahaa. Ilaahay baa Igu og in waxaas uu tirinayo oo dhami aanay ku jirin dacwaddii Foore lagu soo oogay Oo Hal shay ahayd. Kolkii imika aan waraysi tegay halkuu ka keenay waxan Oo dacwado ah oo aan ku jirin dhegaysigii aan ka qayb galay, waxa la ii sheegay, ka dib markii aan hadlay, intuu xeera ilaalinta intuu u tegay uu yidhi keena listkii dacwadihii hore ee Foore Oo kuligood qaarna sanado ka hor banaanka lagu dhameystay Oo SOLJA ay uga garnaqday gudiggii Abaaraha iyo Wargeyska Foore; kuwa kalena kolkay wax cadeyn ah keeni waayeen ay xeera ilaalinta sooba dhaafi waayeen. Listka uu tiriyey ee aan isaga hor iman maan filaneynin inuu bulshadda uga dhigo in lagu haystay Foore iyo in aniga wax i dhaafeen. Runtii dacwad dhegaysigii Si fiican buu u agaasimayey Garsoore maxkamadda iyo dacwad dhegaysiga laakiin inay xoogag kale xukunkii carqaladeeyen ayaa dhici karta Oo culeys la saaray. Laakiin hadaan talo siin lahaa laba qodob: Horta waa ka mamnuuc in Garsoore maxkamadeed inuu shir saxaafadeed sameeyo isagoo ay tahay inuu isagu dhexdhexaad noqdo Oo aanu gelin halkii xeer ilaaliyaha. Qaladkaa Waxaa hore u galay yarka joogga Maxkamadda sare Oo intuu cadaalad daraddii ugu weynayd nagu sameeyey haddana maalintii danbe intuu shir saxaafadeed soo fadhiistay na caayey Oo noo hanjabay ( Caydiidna gar leh Cali Mahdina gar leh). Garsoorayaashiina ma waxay noqdeen siyaasiyiin iyaguna shir saxaafadeedyo sameeynaya. Anigoo ixtiraamaya Garsoore Dalmar Oo runtii isaga ixtiraam u hayo; Ilaahay baa ina dilayee yaanu dadka uga dhigin in list dheer Oo dacwado hore ah oo aan dacwadan ku jirin aanu ummadda uga dhigin in waxaas Oo dacwad ah darteed loo xukumay Foore. Waar Miyaan Ilaahay laga baqaneeynin. Walaahi meel xun baynu ku soconaa haddii Maxkamadihii iyo cadaaladdii dalku sidan tahay Oo xataa dacwaddii aan anigu fadhiyey wax kale lagu sheegayo subxaanaka yaa cadiim. Source
  22. Garoowe (SMN) – Golaha xukuumadda cusub ee uu soo magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland ayaa maanta lagu dhaariyey xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe. Dhaarinta wasiirada cusub ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, guddoomiyaha maxkamadda Sare ee Puntland Dr.Yuusuf Xaaji Nuur, xubno ka tirsan maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka socotay madaxtooyada Puntland Waxaana goob joog u ahaa dhaarta 44 Wasiir halka 4 Wasiir oo qaarkood dalka dibaddiisa jira aan weli la dhaarin. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay dhaarta kadib golaha Xukuumadda cusub waxaana uu madaxweynuhu kula dardaarmay Wasiirada in ay si hufan, daacad ah, hawl-karnimo ah, sharciya ugu adeegaan diinta, dalka iyo dadkoodaba. Sidoo kale madaxweynaha ayaa u sheegay golahan wasiirada in ay sugayso shaqo balaaran oo dasduuriya taas oo ay ugu adeegayaan shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba isla’ markaana waxa uu madaxweynuhu ku adkeeyey in ay ka feejignaadaan waxkasta oo ka xagal daacinaya shaqadooda. Ugu manbayntii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey Xukuumadda cusub inuu ku asturo shaqadooda, kana yeelo kuwii si daacada, oo wanaagsan ugutaan. The post Golaha wasiirada maamulka Puntland Oo la dhaariyay appeared first on Shabelle. View the full article