-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sharm El-Sheikh (SMN) – Khudbadda Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub. Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxa sharaf ii ah inaan kamid ahaado masuuliyiinta iyo saaxiibbada sharafta leh ee ka qayb-gelaysa Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay qabsoomaya. Waxaan Dowladda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar uga mahadcelinayaa martisoorka heerkiisu sarreeyo ee aniga iyo wafdigayga na loo fidiyey iyo inay martigelisay wadahadalladan taariikhiga ah ee ku aaddan mustaqbalka iskaashiga dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub. Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Carabtu waxa uu qabsoomay wakhtigii loo baahnaa, wuxuuna adkeynayaa xiriirka labada dhinac oo ku dhisan is-ixtiraam iyo kalsooni, asaaskiisuna yahay iskaashi siyaasadeed iyo dhaqaale oo miradhal ah. Xiriirka saaxiibtinnimo ee u dhexeeya dalalka Carabta iyo Midowga Yurub waa mid taariikhi ah balse waxaan u baahannahay inaan sii xoojinno innaga oo abuurayna iskaashiyo cusub oo laga wada faa’ido. Mudanayaal iyo Marwooyin, Cinwaanka Shirka “Maalgelinta Xasiloonideenna” waa mid wakhtigan la jaanqaadaya maadaaama oo uu caalamku uu si xawli ah isu beddelayo. Dalalka Carabta iyo Midowga Yurubba waxay waajahayaan caqabado ay wadaagaan oo la xiriira amni darrada, dhaqaale xumada, tahriibka iyo dhibaatada deegaanka. Caqabadahani waa kuwo caalami ah oo aan hal dal keligiis wax ka qaban karin—si kasta oo uu hodon u yahay ama u diyaarsan yahay. Sidaasi awgeed, iskaashiga dalalka Carabta iyo Midowga Yurub waxa uu muhiim u yahay xallinta caqabahan caalamiga ah. Iskaashigeenna laba-geesoodka ahi waa inuu ahaadaa mid ay hagayso aragti iyo ujeeddo guud isla markaana ku salaysan natiijooyin waxtar u leh shucuubteenna iyo caalamka intiisa kale. Wadashaqaynta dhanka dhaqaalaha iyo ganacsigu waxay gundhig u noqon doontaa iskaashiga Carabta iyo Midowga Yurub. Labada dhinacba , dowladuhu waxay dadaal ku bixinayaan inay badiyaan ilaha dhaqaalahooda, dhiirrigeliyaan halabuurka ganacsi, abuuraan marinno ganacsi oo cusub, isla markaana ganacsatada u suurtageliyaan deegaan ay ku kobci karaan, shaqooyin cusubna ku abuuri karaan. Marka arrintan laga hadlayo, waxa jira heshiisyo badan oo ku saabsan ganacsiga xorta ah balse waxaa muhiim ah inaan xoojinno wadashaqaynteenna iyo tan ganacsatadeenna si aan si dhab ah uga faa’idaysanno iskaashigeenna. Waxaan rabaa inaan hadalkayga ku soo koobo ku celinta muhiimadda uu leeyahay iskaashiga dalalka Carabta iyo Midowga Yurub wakhtigan la joogo ee ku suntan isku xirnaanta iyo isku tiirsanaanta. Waxaan ku kalsoonahay inaan caqabad kasta ka gudbi karno, kana faa’idaysan karno fursadaha waaweyn ee ina horyaalla haddii aan si dhaw isula shaqayno. Innaga oo wadajirna, iskaashi waxtar lehna ina dhex yaallo waxay ka dhigan tahay inaan xooggannahay, isku xirannahay, sidii horena ka hodonsannay. Kani waa maalgashiga ugu weyn ee aan ku samayn karno xasiloonideenna mustaqbalka iyo barwaaqada guud. Dhammaantiin waad mahadsan tihiin. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-25022019.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in dalal kale ay ku biireen wadahadal siinta madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, waxaana muuqata in isbadal uu ku yimid wadahadalka labada dhinac. Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markale shaaciyay in Dowladda Turkey ay u gudbiyeen qoraal ay ku cadeynayaan inaysan dhexdhexaad ka aheyn wadahadalka labada dhinac. Wuxuu sheegay in Turkey uu taageero dowladda Soomaaliya, sidaasi daraadeedna ay ku diideen inuu kaligii wadahadalsiiyo dowladda Soomaaliya iyo maamulka uu madaxweynaha ka yahay ee Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale sheegay in Turkey uu kasoo jawaabay warbixin ay u direen oo aheyd in dowlado kale lagu soo daro wadahadalka. Muuse Biixi ayaa sheegay in Turkiga uu arrintaas ka aqbalay islamarkaana ay wadahadalka ku soo biirayaan dalalka Mareykanka,UK iyo kuwo ka mid ah Jaamacadda Carabta. Hadalkiisa ayaa imaanaya iyadoo dhawaan uu tagay magaalada Addis Ababa halkaasi oo uu kula soo kulmay madaxda Ethiopia, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in arintaasi ay taageersan yihiin qaar kamid ah dalalka reer Galbeedka oo dagaal kula jira Turkey. Bisha soo socota ee April ayaa la filayaa inay dib u bilowdaan wadahadalada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo hakad ku jiray labadii sano ee lasoo dhaafay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa warka subaxnimo ee Idaacadda Goobjoog, waxaana akhrinaya Hanad Cali Guuleed. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/SAAKAY-IYO-GOOBJOOG-25-02-2019.mp3 Source: goobjoog.com
-
Waxaan ku jiray aamusnaan sharaf ku dheehan tahay muddada ugu dheer marka laga hadlayo Xasan Cali Kheyre. Maadaama uu raadracayo tayada hoggaamiyaasheennii 1960kii. Aniga waxaan ka soo jeedaa qoys waddaniyiin ah. Aabahay wuxuu ahaa, yahanya waddani Soomaaliyeed oo la xushmeeyo, ahna hoggaamiye qaran oo dhab ah. Waxaanu nahay dad waxbartay, waddaniyiin ah, hal qof oo qoyskeenna ka mid ahna weligiis laguma soo eedeyn musuqmaasuq iyo qabyaalad (ruux jecleysi). Waayo-aragnimadeyda shaqo, waxaa jira labo Xasan Cali Kheyre oo kala geddisan – Mid jeediya hadallada ubexeysan (macaan), oo ugu khudbeeya Soomaalida dib u heshiisiin, la dagaalanka qabyaaladda, ruux tooxsiga iyo musuqa. Sida xaqiiqda ah, waa isaga kan ugu bahdillaada badan, is qaad-qaad badan, qabyaaladeyste iyo masuulka dowladeed ee ugu musuqmaasuqa badan, jecelna khiyaameynta iyo ku gardaroodka. Wuxuu xushmad dilaa Ra’isul Wasaare ku Xigeenkiisa, wasiiradiisa, Xildhibaannada, wuxuuna aad ugu raaxeystaa markay jiraan dad dhageysanaya si uu ugu markhaati-geliyo gardarradiisa. Sida daacadda ah, waxaan u bandhigay is casilaadeyda markaan ogaaday in qiyamkeena aanu isku meel u jeedin. Wuu iga diiday, wuxuuna igu booriyay inaan dib uga fiirsado waayo dalka ayaa u baahan hibadeyda. Markaan isla oggolaanay inaan si dhow u wada shaqeyno, wuxuu farxadiisa ka heley inuu xilka iga qaado 4am (saqdii dhexe), wuxuuna eedeeyay Madaxweynaha. Nasiib wanaag, ka sokow in shaqada indhaha dadweynuhu ku jeedaan la iga fariisiyay, waxaan si gaar ah u heley inaan ka nastay fadhiga 5ta saacadood ah ee la dhex fadhiyo Golaha Wasiirada oo uu ula hadlo si xadgudub ah, kulana hadlo ereyo qiimo liidis ah oo kala bar been tahay. Wuxuu nala wadaagi jiray xog been ah oo la soo allifay markastuu doono inuu ceyriyo masuuliyiinta sare, wuxuuna dhiirigaliyay dhiibista saraakiisha Soomaaliyeed iyadoo sal looga dhigayo warar been ah si uu u helo codadka “NACAMTA”. Nasiib darro, waxay ahayd goor dambe markaanu ogaanay in nala isticmaalay. Wuxuu maroorsadaa wax kasta oo uu is leeyahay inuu ku dhibaateyn karo nooc kasta oo horumar ah. Wuxuu abuuraa xaalado uu isku qaniinsinayo (isku dir) wasiiradiisa dhexdooda – farsamadii duqowday ee qeybi oo xukun. I aamin, waxay ii ahayd nabar iga fuqay in la iga qaado booskeyga. Talada kaliya ee uu i siiyay waxay ahayd, muddadii halka sano ahayd ee aan la shaqeynayey, inaan aaminin Wasiiru Dowlahayga, Wasiir ku Xigeenka, Xildhibaanada, Xafiiska Madaxweynaha iyo badi Golaha Wasiirada. Markay halkaa mareyso ayaan shaahid u noqday hoggaamiye waxkasta ka cabsada oo dareemay inuu go’doon yahay. Muddadii waayo aragnimadeyda iyo la shaqeyntiisa, waxa kaliya ee han geliya waa rabitaanka qofeed qiime kastoy ku kacaysaba. Soomaaliya way hagaagi wayna inay hagaagtaa. Waddanku wuxuu u baahan yahay hoggaamiye aragti leh, qaangaar ah, dhab ah oo ka run sheega hadalladiisa iyo ka go’naantiisa. Fadlan ha aaminina – ereyadiisa waa kuwo maran oo eber ah. Madaxweynaha, haddaad ka aragti duwan tahay, iyo haddii kalaba, ugu yaraan waxaad ka heleysaa ixtiraam, wada hadal sharaf leh, xitaa haddaad siyaasadaha isku diidan tihiin. Wuu ku faa’idi lahaa hadduu qoran lahaa la taliyayaal badan oo xirfadyahanno ah. Qalbigiisu meesha san ayuu jiraa laakiin wuxuu u baahan yahay Ra’isul Wasaare aan lugaha qabanin, oo aanna kula jirin tartan toos ah. Xasan Cali Kheyre wuxuu ku faanaa inuu annaga nagu yiraahdo inuu isagu waddanka xukumo — laga yaabee inuu dhageysto heestii fannaanada Beyonce ee ahayd “Dunida yaa xukuma” Haddaba isla weynidii ayaa xarko goosatay. Xasan Kheyre wuxuu abaalmariyaa kuwa isaga “shakhsiyan” daacadda u ah ee ma’ahan kuwa qaranka daacadda u ah. Wuxuu isku saf ka dhigtaa kuwa xisaabtiisa bangiga u badin kara, heerkiisa awoodeed, ama kuwa ku quudiya xanta cadowgiisa – ama haloo arko ama si ka duwan ha ahaadeene. Way i murug gelisaa inaan arko isagoo weli isku dayaya inuu doqomeeyo Soomaalida. Ugu yaraan, waxaan joogaa marxalad aan sheegi karo aragtideyda si xor ah. Wuu cabsi galiyay waddanka intiisa kale. Madaxweynuhu wuxuu sameyn karaa wax wanaagsan, waddankuna wanaag ayuu u qalmaa. Illaahay ha naga badbaadiyo xukunka dhagarta Xasan Cali Kheyre. Intani waa fekerkeyga shakhsiga ah oo ku saleysan la macaamilkeygii shaqo. Intan nagu filan. Soomaaliya way dhibtootay muddo dheer. W/Q: Khadra Dualeh, Wasiir hore ee ganacsiga iyo warshadaha Tarjumidda: Abdalle Ahmed Mumin Tixraac: https://www.facebook.com/khadra.dualeh.3
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali ayaa loo heystaa dilka Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, dilkaasi oo ka dhacay degmada Mahadeey ee Gobalka Shabeelada Dhexe 26-11-2018. Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud ayaa aha wada gaari oo ku safrayay qeyba kamid ah gobalka Shabeelada dhexe, waxa uu caan ka ahaa deeganada gobalkaasi, marxuumka ayaa istaagsanaa halka loogu tala galay hubinta gaadiidka ee ah meesha laga soo galo degmada Mahadeey ee gobolka Shabeelada Dhexe, ciidamada amniga ee ku sugnaa goobta ayaa hubinyay gaariga iyo laba qof oo kale oo la socday balse nasiib xumo Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali ayaa ka soo toogtay meel fogaan u jirto taasi oo sababtay geerida Marxuumka. Isla maalintaas ayay ciidamada amniga ku soo wareejiyeen saldhiga Boliska Degmada Jowhar Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali oo ah eedeysanaha dilka Marxuumka loo heysto. Ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay hey’adaha dambi baarista, waxa ay sidoo kale hey’adaha ku wareejiyeen Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali xafiiska Xeer ilaalinta 22-12-aad ee sanadii tagtay, Xafiiska ayaa xilligaas codsaday in loo gudbiyo xabsiga dhexe Gar-suge ahaan. Muddo kadib baaristooda ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali 12-01-aad ee sanadkan, waxaana loo ballamay fadhiga hore ee maxkamadda 9-ka Bishii 2-aad ee sanadkan. Garsoorayaasha ayaa garowsaday in aysan ku filneyn dhageysiga dacwadda fadhi qura, waxa ayna xafiiska xeer ilaalinta amreen in la soo dhameystiro cadeymaha dambi ee loo heysto eedeysanaha. Afar cisha kadib ayaa markale loo ballamay fadhiga Maxkamadda, waxa ayna xafiiska Xeer Ilaalinta soo bandhigeen , Qiraalka eedeysanaha, Markhaatiyaal gaariga la saarnaa marxuumka, Warqadda cadeynta dhimashada oo ku lifaaqan sawirka Marxuuumka iyo qoreygii lagu toogtay Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud. Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in eedeysanaha oo ku liif bartay Marxuumka maadaama aysan jirin sabab qasbeyso in uu toogto muwaadin marayay hubinta howlaha nabad-gelyada, waxa uuna weydiistay garsoorayaasha in lagu xukumo dil toogasha ah oo kaga filan abaalka ficilkii uu geystay eedeysanaha. Dhanka kale Qareenada ayaa ku dooday maadaamaa qiraal uu yahay eedeysanaha in loo fududeeyo oo ay bixiyaan magta marxuumka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta dalka Kenya ayaa daraf saddexaad ku eedeeyey inay mas’uul ka yihiin xiisadda siyaasadeed ee ka dhex ooggan Nairobi iyo Muqdisho, sida uu qoray wargeyska The East African Standard ee Nairobi kasoo baxa. Darafka saddexaad ayay Kenya rumeysan tahay inay dano ka leeyihiin shidaalka iyo kheyraadka Soomaaliy, ayna ku riixayaan dowladda Soomaaliya siyaadado Kenya ay u aragto kuwa qaldan. Shirkadaha Soma Oil and Gas iyo Spectrum oo labadaba ka diiwaan gashan UK, ayaa horey dowladda Soomaaliya ula saxiixday heshiis shidaal sahmin iyo xog-ururin ah, waxaana dhowr jeer ay London ku qaabteen shir ku saabsan shidaalka Soomaaliya. Hase yeeshee, Kenya ayaa rumeysan inay jiraan shirkado kale oo Soomaaliya ka leh dano shidaalmiyo mid kalluumeysi, oo ka diiwaan gashan dalal ay ka mid yihiin Holland, France, Norway, Canada, China iyo Japan. Kenya ma aysan magacaabin shirkadaha ay ku eedeyneyso xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya. Kenya ayaa sheeganeyso dhul-badeed ay leedahay Soomaaliya oo uu kheyraad ka buuxa, waxaana dhulkan haddii ay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ u xukmiso Soomaaliya uu macnaheedu yahay in Kenya ay weyn doono 26% aagga dhaqaalaha (EEZ) ee hadda ay xogga ku sheegato. Dowladda Kenya ayaa isku dayeysa inay dowladda Soomaaliya ku cadaadiso wada-hadal si loo baajiyo kiiska maxkamadda ICJ, hase yeeshee Soomaaliy ayaa xalka kaliya ee xiisaddan u aragta go’aanka maxkamadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee UPD ayaa baaritaan deg deg ah oo lagu sameeyo dilkii xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre, waxa uu ka dalbaday laamaha amniga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Xildhibaan Boqorre, oo ahaa xubin ka mid ah xisbiga UPD, islamarkaana ka tirsanaa aas-aasayeesheeda, ayaa sabtidii lagu dilay degmada Kaaraan ee Muqdisho, waxaana dilkiisa sheegtay kooxda Al-Shabaab. Qoraal uu soo saaray xisbiga ayaa lagu yiri “Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ayaa ugu baaqay laamaha amaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya in ay si deg deg ah baaritaan dhab ah ugu sameeyaan arxanlaaweyaashii ka dambeeyay dilka marxuum xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo axaddii lagu aasay magaalada Muqdisho, si cadaaladda loo horkeeno, isagoo ka mid ahaa aasaasayaasha xisbiga.” Dhinaca kale xisbiga UPD ayaa sheegay inuu qaban doono kulan baroor-diiq ah. “Insha allah dhowaan xarunta dhexe ee xisbiga UPD ayaa lagu qaban doonaa kulan baroor diiq ah oo lagu xusayo taariikhihii kala duwanaa ee marxuumka iyo kaalintiisa muga weynd ee uu xisbiga kaga baxay.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha dibada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa sheegay inay Somaliland diyaar u tahay cid kasta oo Soomaaliya dhex-dhexaadin karta oo aanay Itoobiyana ka madhnayn. Waxa uu wasiirku sida oo kale uu si kooban uga hadlay in shirkii madaxweyne Biixi iyo raysal wasaaraha Itoobiya layskula soo qaaday wadahadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaana wasiirku uu sidan u sheegay laanta afka Soomaaliga ee VOA oo waraysi ka qaaday. Ugu horayntii wasiirka waxa la waydiiyay kulankaas wadahadaladii Somaliya iyo Somalilad wax layskala soo qaaday, waxaana uu yiri “Somaliland iyo Somaliya inay wada hadlaan arimaha ay isku maan dhaafsan yihiin iyo khilaafaadka jira iyo afkaarta siyaaadeed ee ay kala wataan in laga wada hadlo waa arimo mar walba dhaca maaha arimo maanta bilaabmay mar walba waa la soo hadal qaadaa, haday dalalka Geeska Afrika tahay iyo haday dalalka waaweyn ee caalamka ay tahayba had iyo goor way la soo qaadaan Somaliland qodobada la soo qaadayna waa ay ka mid ahayd.” Waxa la waydiiyay wasiirka in raysal wasaaraha Itoobiya uu doonayo in uu meel wada fadhiisiyo madaxweyne Biixi iyo Farmaajo, waxaanu ku jawaabay “raysal wasaaruhu inuu isbadalo Geeska ka wado waa la og yahay anaguna waa mid aanu ayidsanahay In Geeska laysku soo dhaweeyo dadkiisa ganacsiga iyo nolasha,nabadgalyadba in laysku soo dhaweeyo waa arimaha aanu waafaqsanahay taasna waanu u sheegnay, taas ku saabsan Somaliland iyo Somaliya raysalwasaaruhu waa uu soo hadal qaaday anaguna waxaanu u sheegnay hadaanu nahay Somaliland nabad iyo wada hadal iyo khilaafaadka Somaliya na dhex yaala in aan ka wada hadalno inaanu diyaar u nahay horena aanu u sheegnay imkana ay jiraan dadaalo caalami ah oo socda oo arintaas ku saabsan in wax lagaga qabto halkaas ayaanu ku eekaynay oo intaas ayuunbaan ka odhanayaa” Ugu danbayntii waxa wasiir Faratoon la waydiiyay sida uu u arko hadii Itoobiya ay dhex dhexaadiso iyaga iyo Somaliya“ Anagu cid kasta oo aanu u aragno inay ka daacad tahay oo qaabka hawsha ay u qabanaysaa ay tahay qaab lagu gaadhi karo ujeedooyinkii la lahaa ee ahaa in khilaafaadka dhabta ah la dhameeyo diyaar ayaanu u nahay ama kuwii hore ha noqoto ama kuwo cusub oo danbe ha noqoto cidii loo arko marka la eego ajandaha iyo sida ay arinta u soo qabanqaabiyaan dabcan Somaliland diyaar ayay u tahay.” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Reccep Tayyip Erdogan, ayaa weerar xoogan ku qaaday dhiggiisa dalka Masar Cabdifataax Al-Sisi, oo xurguf xooggan ay ka dhaxeyso. Weerarka Erdogan ayaa yimid kadib markii dowladda Masar xukun dal-dalaad ah ku fulisay 9 xubnood oo ka tirsan mucaaradka Masar oo lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen shirqoolkii lagu dilay xeer-ilaaliyihi guud ee hore ee dalka Masar Hishaam Barakaat. Erdogan oo wareysi siiyay labada muuq-baahiye ee lagu kala magacaabo (CNN Turk iyo Kannel D), habeenimadii sabtida ahayd waxa uu yiri “tan iyo markii uu xukunka dalka Masar la wareegay Sisi xukuumaddiisa waxa ay daldaleen 422 qof, ugu dambayntii sagaal dhallinyaro ah, tani waa mid aan la aqbali karin.” Madaxweyne Erdogan waxaa uu hadalkiisa sii raaciyay “Tani waa jawaabtayda kuwa i weydiiya maxaad ula kulmi la’dahay Sisi? Xiisadda Erdogan iyo Sisi ayaa waxaa qeyb ka ah cadaadiska dowladda Masar ay ku hayso kooxda Ikhwaanul Muslimiin oo Erdogan uu taageersan yahay balse dowladda Masar ay ku sheegto koox argagixiso. Sanadii tagtay Erdodan oo ku sugan shirka QM ee New York ayaa kursi uu qadi kulka cuni lahaa madaxweyne Trump ka kacay kadib markii uu soo fariistay Sisi. Caasimada Online Xafiiska Ankara caasimada@live.com
-
Waxaan safar ku joogay baryahaan dagmada Garbahaareey ee gobalka Gedo. Maalinti shalay ahayd waxaa dhagtayda kusoo dhacay hadal la hayay oo Qur’aan akhris ahaa. Waxaan sheekadi ka helay in ujeedku yahay duco iyo xirsi-xir loo sameeyo Soomaalida qurbaha ku nool. Waxaan jeclaystay inaan wax badan ka ogaado waxaana codsaday in maanta aan ka qayb galo Alla bariga taasoo la ii ogolaaday. Salaaddi Casar ka dib ayaan tagay goobta la ii sheegay in muraadku ka dhacayo. Waxaan koox koox u yimid wadaaddadi ducayn lahaa. Waxaa soo xaadiray 21 wadaad oo dhalinyaro aan labaatan gaarin u badan. Waxaa la keenay cunno fudud sida bun, daango, timir iyo cabbitaanno kala duwan. Cunto ka dib waxaa naloo qaybiyay boqol boqol kun oo Soomaalli ah. Waxaana la yiri akhriya waxaad kartaan oo Qur’aan ah duceeyana. Waxaa loo duceeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed ducadina waxaa lagu khatimay qurba-joogta oo aad iyo aad loogu duceeyay in Eeebbe dhowro iyaga iyo caruurtooda. Waxaan codsaday in aan la kulmo agaasimayaasha Alla-bariga waxaana la yeeshay waraysi kooban. Waxaa howsha wado hooyooyin iksu xiran oo koox ah. Waxay qofkiiba ka qaadaan 100 kun oo Soomaali ah oo u dhiganta $4. Alla-bariga waxaa loo qabta bille mararna waxaa dhacda inuu noqdo bil dhaaf. Waxaa la ii sheegay inuu socday muddo saddex sano oo uusan baaqan. Waxaase jirtay in shan sano ka hor mar la billaabay laakiin u kala go’ay marka bilowgiisa marka danbe ayaa loo nisbeeyaa maadama inuusan marnaba baaqan. Hooyooyin caruuro waxbarsho ooga aadeen waddamada Aasiya iyo Afrika ayaa bilowgi lahaa. Hooyinkaas ayaa u kulmay inay caruurtooda u xirsi-xirtaan maaddaama ay ahaayeen kuwa yaryar oo tahriibna looga cabsi qabay. Marki in muddo ah ducudu socotay kuna jihaysnayd ardayda kaliya una muuqatay hooyooyinki waday in baryadi la aqblay ayay go’aansadeen inay ballaariyeen oo u ducooyeen inta qurbaha nool oo dhan. Waxaan waydiiyay sidi ay ku ogaadeen in ducadi la aqbalay. Waxay iigu jawaabeen caruurti ducada lagu jiheeyay midna kama tahriibin, kama saaqidin wax dhib ah lama kulmin intii ay maqnaayeen. Maadaama arrimihi laga ducaystay ay baaqdeen waxaa loo sababeeyay Alla-barigi. Waxay ii sheegeen hooyooyinkaas in hadda dad badan kusoo xirmeen oo uu batay dadka danaynayo inay lacag ku bixiyaan ducadi kheyrkaasna aysan ma maqnaan. Halkaas waxaa laga dheehan karaa qiimaha hooyooyinka Soomaaliyeed. Waxaa muuqato jeceylka iyo lexojeclada ka haysa dadka Soomaaliyeed. Waxaa muuqdo sida dadka daggan Garbahaareeey walwal ooga qabaan dhib ku dhaca ummada soomaaliyeed taasoo tusaysa waddaniyad iyo galgacayl. Waxaa kaloo iyana jirta, inkastoo ay dalka intiisa badan la qabaan, in dibadda dad badan ka jiro Garbahaareey tasoo ay dhici karto inay qayb ka tahay in loo gooni yeelo qurba-joogta. Sida ay doonto ha noqotee tani waa arrin u gaar ah Garbahaareey. Waa jid wanaag ah oo ay billaabeen mudanna in lagu daydo. Eebbe ha inoo aqbalo ducadooda hana nagu nabad yeelo meel walba oo aan joogno. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/
-
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda dalalka Ciraaq, Sweden iyo Talyaaniga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaala Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar. Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay taariikhda la qabanayo ayaa waxa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda iskaashiga u dhexeeya dalalka Yurub iyo kuwa Carabta, xallinta caqabadaha ay wadaagaan iyo in laga hawlgalo sidii xasilooni buuxda looga suurtagelin lahaa dalalka Carbeed ee ay amni darradu ka jirto. Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaq Mudane Barham Salih, Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte. Madaxweynaha iyo dhiggiisa dalka Ciraaq Mudane Barham Salih ayaa kulankooda ku lafo-guray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagaxisada, sare u qaadidda ganacsiga labada dal iyo sidii deeqo waxbarasho loogu suurtagelin lahaa ardayda Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Madaxweynaha dalka Ciraaq kala hadlay cafinta deynta ay Dowladda Ciraaq ku leedahay Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii Sweden ay Soomaaliya uga taageeri lahayd dhisidda iyo tayeynta hay’adaha dowladda. Madaxweyne Farmaajo oo shir-doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga ayaa kala hadlay xiriirka soojireenka ah ee labada waddan, isaga oo Dowladda Talyaaniga ka codsaday inay door weyn ka qaadato dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, tayeynta waxbarashada iyo hirgelinta dugsiyo farsamo. DHAMMAAD Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda dalalka Ciraaq, Sweden iyo Talyaaniga appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Deni oo khudbad u jeediyay Qurba-joogta Puntland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Garoowe kaga qayb galay shir sanadle ah oo Qurba-joogta Puntland Dalka ku yeeshaan sanadkiiba mar. Ka qayb galka shirkani ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland, Guddoomiyaha iyo masuuliinta Hay’adda xiriirka Jaaliyadaha Puntland. Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyey shirka jaaliyadaha Puntland ayaa ku dheeraaday doorka qurba-joogta Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu xusay inay muhiim tahay in dalka la maalgashado, laga sameeyo ganacsi, lasoo kordhiyo khibrado shaqo iyo abuuridda fekrado wax soo saar oo soo kordhinays horumar iyo bilicsan. “Waxaan aad ugu faraxsanahay sida quruxda badan ee shirkan loo soo agaasimey, waxaan halkaan ka cadeynayaa in xagaaga soo socda in halkaan lagu qabanaayo shir ku saabsan maalgashiga, oo dadka jecel maalgashiga dalkooda aan u soo bandhigno fursadaha maalgashi ee dalka ka bannaan, iyo in ay indhaha caalamka ay ku nool yihiin u soo jiidaan fursadaha maalgashi ee dalka ka bannaan”. “Dowladdan waa dowladdiinii waxaa loo baahan yahay in aad dalka wax muuqda oo la taaban karo aad ku soo kordhisaan, ma aha jagada dalka ka bannaan mid siyaasi ah oo kaliya, dalka waxaa ka bannaan fursado badan oo loo baahan yahay in laga faa’iidaysto waxaana laga qabsado” Ayuu yiri madaxweynaha Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo khudbad u jeediyay Qurba-joogta Puntland appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-24022019.mp3 View the full article
-
(SLT-Manchester ) Manchester United iyo Liverpool ayaa barbaro gool la’aan ah ku galay Old Trafford kulan laysku caajisay isla markaana dhaawacyo badani qaybtii hore ka dhaceen. Man United ayaa qaybtii hore ee kulankan ku wayday Herrera, Mata iyo Lingard oo isla qaybtii hore badal ciyaarta ku soo galay . Sidoo kale Liverpool ayaa isla qaybtii hore ee kulankan ku wayday Roberto Firmino kaas oo gabi ahaanba ay Reds u jabtay maadaama oo uu ahaa xidiga bilawgii ciyaarta Liverpool kubabda hal abuurka leh u qaabilsanaa waxayna Liverpool gabi ahaanba lumisay in ay hal abuur fiican samayso. Liverpool waxay lumisay laba dhibcood, halka Man United lafteedu ay laba dhibcood ku seegtay kaalintii afraad ee ay ku soo jirtay. Liverpool iyo Man United ayaa markii ugu horaysay kulan Old Trafford ah oo horyaalka Ingiriiska ah barbaro gool la’aan ah ku galay tan iyo waqtigii magaca Premier league la bixiyay 1992 kii. Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda labada ee kooxood ee kulankii Old Trafford ee ay labada kooxood barbaraha gool la’aanta ah ku kala baxeen. Xidigii Garoonka: Goolhaye Allison Becker ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu joojiyay fursado halis ahaa oo ay Man United hwshay laakiin waxa uu xidigii garoonka ugu fiicnaa ku noqday in aanu jirin xidig kale oo bandhig fiican sameeyay taas oo muujinaysa heerka uu kulankani u liitay. Allison Becker ayaa sameeyay saddex gool badbaadin, waxa uu sameeyay taakal uu ahaa ninkii ugu danbeeyay, waxa uu haystay baas bixin booqlkiiba 91% ah taas oo ka dhigtay xidigii garoonka ugu fiicnaa. Laakiin waxaa kulankan ku fashilmay Mohamed Salah kaas oo wax badan laga filayay iyada oo Klopp uu ciyaarta badal kaga saaray si uu ugu muujiyo in aanu booska iska yeelan karin haddii aanu bandhig fiican samayn waxaana Salah si buuxda ula degay Luka Shaw oo caawin ka helay difaaca iyo khadka dhexe ee kooxdiisa United. Mata, Herrera, Firmino, Lingard oo dhamaantood dhaawacyo ku baxay ayaa qiimayn hoose helay halka Pual Pogba iyo Luka shaw ay yihiin labada xidig ee ugu qiimaynta sareeya Man United. Qiimaynta Ciyaartoyda Man United iyo Liverpool. Man Utd: De Gea (6), Young (6), Smalling (7), Lindelof (7), Shaw (8), Herrera (5), McTominay (7), Pogba (8), Mata (5), Rashford (7), Lukaku (6). Badalkii: Pereira (7), Lingard (5), Sanchez (6). Liverpool: Alisson (8), Milner (6), Van Dijk (7), Matip (6), Robertson (6), Fabinho (6), Henderson (6), Wijnaldum (6), Firmino (5), Mane (6), Salah (5). Badalkii: Sturridge (5), Shaqiri (n/a), Origi (n/a). Maxaa Labada Kooxood u Xigi Doona?: Man United waxay arbacada u safri doontaa kooxda Crystal Palace halka Liverpool ay soo dhawayn doonto kooxda Watford. Source
-
Are Somalis Far Too Emotional To Debate And Negotiate Rationally? The Somali people, wherever they may live have many admirable traits and share a common language, religion and culture. However, we as a people are far, far too emotional to ever debate or negotiate rationally. From grassroots discussions at rural level to high political debates, we are not able to put emotions aside and deal with the issues facing us in a rational manner. I must admit, I am on occasions guilty of such high emotions. I am a fervent Somalilander, and I make no apologies for that. However, that doesn’t mean I do not wish the best for all Somali people wherever they may be, both in the Horn of Africa or in the diaspora. I take great pride and pleasure in the success of those whom we share a common ethnicity with and commiserate with those who suffer the trails and the tribulations of daily life. Having said that, it is worth remembering that it was extreme emotionally ecstasy that led to the ill-considered and ill-fated union in 1960, and truth be told, more ecstasy on the Somaliland side than in Somalia. History is a great teacher, and those who pay attention to it and learn from it will progress and prosper, and those who don’t, will be forever condemned to repeat the same mistakes. Just recently, I watched a debate in Djibouti, with participants from both Somaliland and Somalia. These debaters considered themselves the intellectual elite. Fair enough. There were more than enough professors, doctors and MBA’s present. However, rationality and sensibility are something either one is born with or learns from life experience. As I listened to both sides of the debate, and heard the same narrative repeated over and over again, the need for a new dispensation, the need to respect and understand each other and so on and so forth. There was one young woman from Somaliland on the panel, who hit the nail on the head. She said “We should never deny history, what has taken place, why it happened and it’s consequences” that in a nutshell is the whole essence of the debate between Somaliland and Somalia. We come together as two separate independent entities in 1960 to form a union that we hoped would benefit all Somalis in the Horn of Africa. That ambition was not realized and subsequently, the union failed. So, the question that faces both Somaliland and Somalia, is where do we go from here? The overwhelmingly majority of Somalilanders are happy with their lot. Somaliland is not perfect, no nation is, but what is has achieved on it’s own, among it’s people, through dialogue, discussion and consensus is undeniable. There will always be cultural, social and economic ties between Somaliland and Somalia. However, in order to move the relationship forward to it’s inevitable conclusion; two independent states, enjoying brotherly and neighbourly relationship; We need to have meaningful and honest dialogue, with substantive discussions and accept and honour the conclusion. At the end of that debate, a gentleman originally from Somaliland and currently working for the federal government of Somalia, gave a speech full of emotion, hyperboles and invective. He quoted from Quraanka Kariimka and Karl Marx at the same time! He quoted from Hadraawi and many other distinguished Somali scholars. Sadly, however heartfelt and emotional his speech was, it was not rational and did not offer any meaningful way forward. This was exactly the kind of emotional rhetoric designed to appeal to the core of Somalis and hide the truth. This is not the way forward. It was not in 1960, or 1969 nor can be the way forward 2019 and beyond. Somaliland and Somalia need to have discussions based on the truth and the reality on the ground. It is the only way. The people overwhelming majority of the Somaliland people are not missing or longing for another union with Somalia. The people of Somalia have to accept that and respect that decision. Then we can proceed to what our future relationship will be. Axmed Kheyre Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa faro-gelin ku sameeyey xiisad ka taagneyd dekedda Muqdisho oo u dhaxeysay ganacsato iyo shirkad dowladda Soomaaliya ay siisay qandaraas. Xiisadda ayaa u dhaxeysa shirkadda Kulmiye Transportation and Logistics oo dowladda ka haysata qandaraaska soo saarita buugaagta lahaanshaha baabuurta iyo taargooyinka iyo ganacsatada dalka kasoo dejiya baabuurta. Xiisadda ayaa timid kadib markii shirkadda ay ku guul-darreysatay in baabuur laga soo dejiyey dekedda ay u sameyso sharciyadii iyo warqaaihii ay u baahnaayeen si dibedda loogu soo saaro, inkasta oo ganacsatada ay sheegeen in lacagtii canshuurta ee laga rabay laga qaaday. Baabuurta ganacsatada ay keeneen ayaa dekedda ku xayirnaa muddo ku dhow laba bil, waxaana intaas dheer in shirkadda Albayrak oo dekedda maamusha ay kusoo rogtay lacag kiro ah muddada ay dekedda yaaleen baabuurta. Dhinaca kale, shirkadda Kulmiye ayaa iyana dhankeeda ku doodday inay lacag uga maqan tahay wasaaradda maaliyadda, sidaas darteedna aysan soo saari karin taargooyinka cusub. Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaare Kheyre uu tegay dekedda islamarkaana amray in lasii daayo dhammaan baabuurta kadibna arrimaha taagaan gadaal laga xaliyo. Si kastaba, inkasta oo baabuurtii xayirneyd lasii daayey, haddana arrintan ayaa soo cusboonaan doonta oo haddana saameyn doonta baabuurta cusub ee imanaya illaa xal buuxa laga gaaro kiiskan, sida ay sheegeen ganacsatada baabuurta soo dejisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Tan iyo markii uu bilowday wadahadalka Siyaasadeed (Political dialogue) ee u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, Feb 2012ka ilaa maanta, waxa la qabtay kulano heerkoodu kala duwan yahay, kuwaas oo ka kala dhacay magaalooyinka London (February, 2012), Dubai (June, 2012), Istanbul (April, 2013, Jan, July, 2014) iyo Djibouti (Dec, 2014). Shirarkan waxa lagaga wada hadlay, laguna heshiiyey arrimo muhiim ah sida wadaagida deeqaha caalamka, iyo tababarrada, dhiirrigelinta horumarinta Somaliland, ka wada shaqaynta sugidda ammaanka, dagaalka lagula jiro argagaxisada, is-dhaafsiga xogaha, la dagaalanka burcadbadeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah, ka hortagga sunta lagu shubo badaha, dambiyada badaha ka dhaca iyo dambiyada waaweyn, iyo qodobo kaleba. Marka la eegayo dhinaca Aviationka ama xal u helida muranka ka taagan Maamulka hawada sare ee ex-Somalia, shirka keliya ee qodobo arinkaa khuseeyaa ka soo baxeen waxa uu ahaa shirkii ka dhacay Istanbul July, 2014, kaas oo Somaliland iyo Somalia ku heshiiyeen in la dhiso gudiga maamulka hawada “Air Traffic Control Board” oo Xaruntoodu Hargeysa noqonayso iyo guddi farsamo oo ka kooban afar xubnood “Laba xubnood dhinac walba” oo ay kormeerayaan labada Wasiir ee u xil saaran. Hase yeeshee heshiiskani waxa uu ku burburay muddo kooban, ka dib markii dawlada Somaliya fulin weydey qodobada 7aad iyo 8aad ee dhigayey in xarunta gudida maamulaysa hawada sare ay noqoto Hargeisa, iyo in la magacaabo guddi farsamo. Heshiis jebintan ay xukuumada Somaliya ku kacday waxa barbar socday dedaalo aan gabasho lahayn oo ay ku doonayso inay kula wareegto Maamulka hawada sare. Ugu dambayntiina waxa u suurtogashay dawlada Soomaaliya inay Muqdisho u soo wareejiso xaruntii laga maamulayey hawada Soomaaliya ee ku taalay Nairobi. Intaa waxa dheer dedaal Soomaaliya ugu jirto in ay si buuxda ula soo wareegto maamulka Hawada inkasta oo taasi aanay sahlanayn. Sidaan marar badan sheegay habkii ay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya u socdeen dan umuu ahayn Aviationka Somaliland, waanay adkayd in xal waara lagaga gaadho muranka hawada sare ee u dhexeeyey Somaliland iyo Somaliya. Sababta oo ah Somaliland iyo Somalia, waxay isku diidan yihiin waa mabda` “principal” iyo masiir ummadeed kaas oo ay adag tahay in si fudud heshiis looga gaadhaa. Halkaa hadaan sii jilciyo, dhinaca Somaliland, gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland waa muqadas, lama taabtaan iyo waxaan gorgorton geli karin, sidaa si la mid ahna dhinaca Somaliya, midnimada Somaliya (oo ay Somalilandna ku jirtaa) waa muqadas, lama taabtaan iyo waxaan gorgorton geli karin! Ma muuqato inay Somaliland ka tanaasulayso gooni-isutaageeda, sidoo kalena lama filayo inay Somaliya ogolaato madaxbanaanida iyo jiritaanka Somaliland. Waa kaaf iyo kala dheeri, waa laba mabd`a oo aan lahayn meel dhexe iyo xal dhexdhexaad ah oo la isugu yimaado. Taa macnahedu waxa weeye, wada hadal kasta oo siyaasadeed oo labada dhinac dhex maraa wuxuu ku dhex burburayaa ama caqabad ku noqonaya “labadaa Muqadas”, xaalkuna wuxuu ku dambeynayaa i jiid aan ku jiidee, gacmo daalis, iyo kulamo is daba taxan oo aan xal waara iyo heshiis buuxa midna lagu gaadhin. Sida aan marar horeba sheegay, dawlada Somaliya (sharciyan) iyada ayaa ka masuul ah dhamaanba maamulka hawada ex-Somaliya (oo Somalilandna ku jirto), maadaama ay tahay dawlad caalamku ictiraafsan yahay, halka Somaliland aanay haysan ictiraaf caalami ah. Taasina waa ta keentay inay Somaliya keligeed mar walba dedaal ugu jirto la soo wareegida maamulka hawada sare. Hadaba, si Somaliland awood iyo saameyn (influence) weyn ugu yeelato go`aanada laga gaadhayo arimaha ku saabsan maamulka hawada sare ee ex-Somaliya, si aan hakad ugu iman koboca aviationka Somaliland oo hadda meel wanaagsan maraya, si aan khalkhal ugu iman habsami u socdka duulimaadyada rayidka ee u kala goooshaya Somaliland iyo Somaliya, isla markaana looga hortago colaad hor leh oo ka dhex qaraxda Somaliland iyo Somaliya taas oo salka ku haysa arimaha aviationka, waxaan talo ahaan ku soo jeedinayaa; 1. In la furo wada hadal farsamo oo u gaar ah arimaha aviationka kaas oo dhex mara khubarada arimaha duulimaadyada rayidka ee Somaliland iyo Somaliya. 2. Wada hadaladani waa inay ahaadaan kuwo ka madax banaan arimaha siyaasada (dabcan gebi ahaanba siyaasadi kama madhnaan karto wada hadalkan ee waa in lagu soo koobaa arimaha u danta ah aviationka) 3. Maadaama dhinaca Somaliland ay jirto Hay`ada Duulista iyo Madaarada oo madax banaan, balse dhinaca Soomaaliya aanay Hay`ada Duulistu madaxbanaani buuxda haysan, sidoo kalena Soomaaliya leedahay Wasiirka Duulista Cirka balse dhinaca Somaliland aanuu hadda jirin wasiirkaasi, waa in wada hadalada lagu bilaabaa heer Maareeye aviation (Directors of Civil Aviation Authorities). 4. Waa in gudiyada farsamo ee labada dhinac ee ay ku jiraan dhalinyaro leh aqoonta cusub ee aviationka iyo ruug cadaagii hore oo wata sanado badan oo khibrad ah. 5. In goobta wada hadalka ama kulanka gudida farsamo ka dhacayaa noqoto Djibouti, sababta oo ah Djibouti waa dad/dal aynu asal, midab, diin, luqad, iyo dhaqanba wadaagno oo labada dhinac isku soo dhoweyn kara. Intaas oo keliya maaha, ee dalka Djibouti fogaan ahaan waa kambalka taas oo u sahlaysa labada guddi inay si fudud Muqdisho iyo Hargeisa ugu dhoofi karaan, haddii ay u baahdaan inay la tashiyo la sameeyaan madaxdooda sare. Guntii iyo gabogabadii arimaha aviationku waxay u baahan yihiin in lagu dhameeyo wada shaqayn (Cooperation), balse uma baahna iska horimaad (Conflict) iyo is muquunin. Cabdikariim Cali Cilmi (Baarjeex) MSc, MA, BSc, Dip Aviation Consultant Herer Aviation Solutions www.havisol.com abdikarimwais@gmail.com https://www.linkedin.com/in/abdikarim-elmi-wais Qaran News
-
(SLT-Washington)-Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in afar duqaymood oo cusub ay ka gaysteen Soomaaliya xalay. Marayanku waxa uu sheegay in laba ka mid ah afarta duqyamood ay ka dhaceen nawaaxiga Kuunyo Barrow, halka duqayn kale ay ka dhacday agagaarka Jannaale, tan afraadna Awdheegle. Maraykanku waxa uu sheegay in laba ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab lagu dilay weerarrada, isla markaana lagu burburiyey baro kontorool iyo adeegyo kale oo Al-Shabab ay canshuuraha ku qaataan. Dhinaca kalena, maleeshiyada Al-Shabab ayaa sheegtay in saddex qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqaynta ka dhacday Kunyo Barrow, hase yeeshee milatariga Maraykanku waxay dhinacooda sheegeen in dad rayid ahi aanay ku dhiman kuna dhaawacmin weerarkan. Dhinaca kale wararka ka imanaya Gobolka Bay ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka dawladda uu ku dhintay iska horimaad dhexmaray ciidanka iyo maleeshiyada Al-Shabab. Maleeshiyada Al-Shabab ayaa la sheegay inay ciidanka weerareen iyaga oo kusii jeeda Daynuunay. Magaalada Muqdishana waxaa maanta lagu aasay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo shalay lagu dilay magaalada Muqdishu. Xildhibaanka waxaa dilkiisa sheegtay maleeshiyada Al-Shabab. Mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya iyo xildhibaannada ayaa cambaareeyey dilkaas. Source
-
Muqdisho (SMN) – War-saxaafadeed uu soo saaray taliska Mareykanka ee AFRICOM ayuu faahfaahin uga bixiyay duqeymo uu ka fuliyay deegaano dhaca gobolka Shabeelaha Hoose. Mareykanka ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay afar duqeyn oo khasaaro geystay ay ka geysteen deegaanada Kuunya Baroow, Awdheegle iyo Janaale oo ka tirsan gobolkaasi. Sidoo kale, warka ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu xaqiijiyay in duqeymahaasi ay la beegsadeen fariisimo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deeganadaasi isla markaana ay ku dileen laba dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsanaa. Mareykanka ayaa sheegay in duqeymahaasi aysan khasaaro ka soo gaarin dadka shacabka ee ku nool deegaanada duqeynta ay ka dhacday. Ugu danbeyn, Mareykanka ayaa balan qaaday in uu xoojin doono wada shaqeynta kala dhexeysa AMISOM iyo ciidanka dowlada Soomaaliya, si ay uga adkaadaan Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowlada Soomaaliya. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay safiirka dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Ambassador Andreas Von Vexkull iyo wefdi uu hogaaminayey. Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiiru dowlaha Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, Wasiiru dowlaha madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Kulankan uu madaxweynaha dowladda Puntland laqaatay wadanka Sweden u fadhiya Soomaaliya, oo ay qayb ka ahaayeen madax ka socotay hay’adda Diakonia oo uu hogaaminayey Xog-hayaha guud ee Diakonia Mr. Georg Andren iyo madaxa Africa ee Diakonia Johan Romera ayaa looga hadlay mashaaricda ay ka fuliso dowladda Sweden Puntland oo ay fududeeyaan hay’addaha Qaramada Midoobey, sida barnaamijyada caafimaadka, horumarinta haweenka iyo Horumarinta Ganacsiga Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya ayaa kulan gaara oo ay yeesheen kadib shir jaraa’iidka oo ay qabteen kaga hadlay arrimaha muhiim ka ah ee ay ka wadahadleen, Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo dhaweeyey waftiga Puntland, waxaana uu hay’adda Diakonia ugu hambalyeeyey 25 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay ka shaqo bilowday Puntland. “Waxaa farxad weyn noo ah inaan ku soo dhaweyno Puntland safiirka dalka Swedan iyo hay’adda Diakonia oo booqasho halkaan noogu yimid, in safiirku nagala soo qayb galo iyo Madaxda Diakonia dabaaldegga 25 sano guuradii kasoo wareegtay markii ugu horeeyey ee Diakonia laga furey Puntland, runtii taariikh weyn bey ku leedahay Puntland waxbadan bay kasoo qayb qaadatay waxbrashada dhalinyarada, Haweenka, Caruurta iyo mashaariicda horumarinta ee inta badan ku salaysnaa dib u hishiisiinta iyo dib u dhiska Puntland.” ayuu yiri madaxweynaha Puntland. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Dani ayaa dalka Sweden iyo hay’adda Diakonia uga mahadnaqay garab is taagga ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu balan qaaday inuu si dhaw ula shaqaydoono safiirka iyo saraakiishan hay’adda Diakonia. “Waxaan uga mahadcelinayaa madaxda Diakonia iyo Dalka Sweden mudadii dheereyd ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ay garab taagnaayeen, waxaana u balan qaadaynaa in aan si dhow ula shaqayn doono, marxaladda soo socotana waxaan ka fileynaa dalka Sweden in aysan ku ekaan dhinaca gargaarka oo keliya ee ay ganacsatada iyo shirkadaha dalka Sweden ay u yimaadaan maalgashi dalka”. ayuu yiri Madxweyne Deni Safiirka Sweden ayaa dowladda Puntland uga mahadceliyey wada shaqaynta wanaagsan ee kala dhaxaysa Puntland iyo dawladda Sweden, sidoo kalena waxa uu dowladda Puntland iyo shacabkeedaba ugu hambalyeeyey horumarka baaxadda leh ee ka jira dalka, wuxuu uu bogaadiyey guushii Madaxweynaha ee 08 Janaayo 2019, safiirka ayaa hambalyo u direy Hay’adda Diakonia oo ay u buuxsantay 25 sano guuradii markii ay ka shaqo bilowday Puntland, waxaana uu ugu dambayn safiirku gudoonsiiyey Madaxweyne Deni hadiyad gaara oo ay ku maamuuseen. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo qaabilay safiirka Sweden ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Click here Qaran News