Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,155
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Tooriyaha lagu qabtay dhalinyarada Taliska Booliiska gobolka Nugaal ayaa maanta soo bandhigay in ku dhow 30 dhalinyaro ah oo lagu soo qabtay hawlgallo ay ciidamada amnigu ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee magaalada Garoowe. Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Xassan Cabdullaahi Maxamed oo warbaahinta kula hadlay saldhiga Garoowe ayaa sheegay in dhalinyarada la soo qabtay ay ku eedaysan yihiin dhaca iyo furashada dadweynaha magaaalada isagoo xusay in qaar kamid ah raggan ay ka soo carareen dhinaca magaalada Boosaaso oo hawlgallo culus ka socdan. Taliska ayaa sidoo kale soo bandhigay tooriyo la sheegay in ay dhac iyo furasho ku geysanayeen dhalinyarada la soo qabtay waxaana taliyuhu sheegay in maalinta berri ah maxkamad la isku geyn doono iyaga iyo qalabkoodaba. PUNTLAND POST The post Dhalinyaro tooriyo ku hubaysan oo Garowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
  2. The main streets in Mogadishu have been locked down on Saturday for the commemoration of the 49th anniversary of the establishment of Somali custodial corps. A well-organized ceremony which took place in an army base was attended by Somali Prime Minister Hassan Ali Kheire, the chief of custodial corps, Bashiir Mohamed Jama’a and other officials from security agencies. During the event, the Prime Minister inspected a guard of honour mounted by the forces. After the guard of honour, Mr. Kheire visited newly constructed premises for the custodial corps. The prime minister commended the forces for their achievements after his tour to the construction. For his part, the new chief of custodial corps extended congratulatory message to the forces. “I congratulate the commissioners, deputy commissioners and all the custodial corps on the 49th anniversary of the establishment of the forces,” said the chief. The prison corps who had been working through difficulties since the government of late Mohamed Siyyad Barre who was toppled early 1990s have taken step forward and marked remarkable achievements. The post Mogadishu streets locked as Somali custodial corps marks 49th anniversary appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Taliska ciidanka booliiska amniga gobolka Nugaal ayaa maanta soo bandhigay ku dhawaad 30 dhalinyaro ah oo lagusoo qabtay howlgallo, iyagoo qaarkood ku guda jiray furashada [...] Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Labo sano kadib maanta oo kale ayay aheyd markii la magacaabay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, taasi oo lama filaan noqotay magacaabistiisa. Xasan Cali Kheyre ayaa la magacaabay 23 February sanadkii 2017, waxaana lagu magacaabay qoraalka Barta Twitter-ka uuso dhigay madaxweynaha Soomaaliya. Markii la magacaabay kadib wuxuu codka kalsoonida ka helay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu kadib soo magacaabay golo wasiiro oo marar badan isku shaandheyn iyo wax ka badalid lagu sameeyay. Kheyre ayaa hadda xilka haya muddo labo sano ah, waxaana mudada xilka hayay soo wajahay culeesaad siyaasadeed oo kaga imaanaya siyaasiyiin kala duwan iyo xildhibaanada baarlamaanka. Wuxuu noqanayaa ra’iisul wasaarihii seddexaad oo muddo labo sano oo xiriir ah xafiiska jooga, waxaana sidaan oo kale labo sano dhameystay Cali Maxamed Geedi ra’iisul wasaarihii KMG ahaa iyo Cumar C/rashiid Cali. Labada sano ee soo socota ayaanan la ogeyn in madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ay wada dhameysan doonaan, waxaana sidaasi horey u balanqaaday madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda ayaa saaka xiray qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo dadka shacabka ee shaqooyinka u socda ay yihiin kuwa lugeynaya wadooyinka waaweyn ee Magaalada. Ciidamada Booliska ayaa lagu arkayaa wadooyinka iyaga oo celinaya gaadiidka dadweynaha, balse ogolaanaya kaliya gaadiidka Dowladda inay maraan wadada. Wadooyinka xiran waxaa ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama oo ka xiran illaa Ex-Control Afgooye, halkaasi oo ay buux dhaafiyeen Ciidamada Booliska ee qaabilsan ammaanka Muqdisho. Ujeedada wadada loo xiray ayaa waxa ay tahay in madaxda ugu sareysa dalka ay ka qayb galayaan Xafladda lagu daah furaayo Xabsi wayn oo dowladda Somaliya ay ka dhistay duleedka Magaalada Muqdisho. Sidoo kale Ciidamada Asluubta Somaliya ayaa u dabaaldagaya maanta 49-sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay Ciidamada Asluubta oo maanta ku beegan. Madaxda Dowladda Federalka Somaliya ayaa la filayaa inay ka qayb galaan munaasabada Xabsigaasi xariga looga jaraayo ee maanta ka dhaceysa duleedka dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Agaasimaha Maxadka horumarinta manaahiijta ee Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Cabdilaahi Yaasiin Diiriye, ayaa sheegay in ay wax sharciyadda ka baxsan oo aan meelna kaga jirin qaanuunka dalka iyo ka caalamiga ah ee socdaalka in ay kula kaceen madaxda shirkadda diyaaradaha ee Al-Carabiya masuuliyiinteeda u jooga Somaliland. Waxaanu intaa ku daray in ay xafiiska shirkadda diyaaradaha ula tageen baasaboorka Somaliland oo laba qof ah, isla markaana wata fiiseyaashii dal ku galka ee dalka Turkiga ka dibna ay ka iibiyeen tigidhadii ay ugu safri lahaayeen dalka Turkiga, iyagoo socdaal (Taraansid) ku sii mayara magaalada Shaariga, ballanta socdaalka dhoofkooduna uu ahaa in ay maalinta Jimcaha ay afarta subaxnimo ku kallahaan madaarka oo ay sidaa ku dhoofaan. Waxa kale oo uu aad ugu mahad naqay wasaaradaha waxbarashada iyo sayniska iyo arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah oo uu sheegay in ay dedaal aad u wayn u galeen sidii dhakhtar caafimaad oo dibedda ah loogu diri lahaa iyo qunsuliyadda Turkiga ee Hargeysa oo uu iyadana ku ammaanay in ay fiiseyaashii dal ku galka siisay oo ay u fiisaysay baasaboorka Somaliland. Waxaanu wax laga xumaado ku tilmaamay in shirkad diyaaradeed oo ka hawl gasha Somaliland in ay diido in ay dadku ku raacaan baasaboorka Somaliland iyada oo waliba markii hore tigidhadii diyaaradda kaga iibisay baasaboorka Somaliland. Agaasime Cabdillaahi oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan, ayaa yidhi. “Muddooyinkii u dambeeyay waan xannuunsanayay oo dhakhtar ayaan ku jiray, wasaaraddayda waxbarashada iyo sayniska iyo wasaaradda arrimaha dibedduba waxay dedaal ballaadhan u galeen sidii aan u heli lahaa cisbitaal dibadeed oo aan caafimaad ugu boxo, taasina waxay sababtay in wasaaradaha waxbarashada iyo arrimaha dibeddu ay ka hawl galaan in safaarada Turkigu ku leeyahay Somaliland ee Hargeysa in ay fiise iiga raadiyaan, nasiib wanaag safaaraddaasi waxay na siisay laba fiise oo aanu ku tagno Turkiga aniga iyo xaaskaygu, iyadoo noogu fiisaysay baasaboorka Somaliland oo ay dal ku galkii noogu soo saartay laba baasaboor oo Somaliland ah oo aanu kala leenahay aniga iyo xaaskaygu, markii aanu fiiseyaashii aanu helnay waxaan tigidhadii diyaaradda aanu ku tegi lahayn Turkiga aan ka iibsaday shirkadda diyaaradda ee Al-carabiya oo noo sheegtay in aanu taraansid ahaan ku sii marayno Shaariqa, ballanta dhoofkayaguna waxay ahayd maalinta Jimcaha in aanu afarta subaxnimo tagno madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee Hargeysa oo aanu subaxnidii saaka (shalay) aanu ka dhoofi lahayn.” Agaasime Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa raaciyay in markii ay madaarka tageen in ay kala kulmeen arrin aanay filayn oo u cuntami wayday oo kaga yimi shirkaddii ka iibisay tigidhada diyaaradda ay ku raaci lahaayeen. Waxaanu yidhi “Markii aanu tagnay madaarka ayay shaqalihii diyaaradda u joogay madaarku waxay naga qaadeen baasabooradayadii markii ay arkeen in ay Somaliland yihiin ayay meel gaar ah na fadhiisiyeen waxaanay nagu yidhaahdeen waxaanu la hadlaynaa Shaariga in ay idin aqbasho in aad baasaboorka Somaliland ku tegi kartaan iyo in kale, ka dib waxaan u sheegnay in aanu ku socono Stanbul oo aanaan Shaariqa u socon, laakiin aanu taraansid ku nahay, laakiin siday noo meer meerinayeen ayay gaadhay xilligii ay diyaaraddu kacaysay, waxaanay ugu dambayn noo sheegeen in aanaan ku raacayn diyaaradda baasaboorka Somaliland oo ay diideen, sidaas ayaa diyaaraddii naga iibisay tigidhada aanu kaga soo goosanay baasaboorka qaranka oo fiisaysan oo fiiseyaashii dal ku galka ee Turkiga oo sharci ahna aanu u wadanay ay ku diideen.” Waxaanu agaasime Cabdilaahi oo qiiraysani uu intaa raaciyay, “Haddii aanay ogolayn shirkaddu in baasaboorkeena lagu raaco, waa in aanay dalka ka shaqayn oo aanay macaash inoo soo doonan, iyadoo inna diidan.” Waxaa uu intaa raaciyay in markii ay arrintaasi ku dhacday in uu masuulkii shirkadda Al-carabiya airline u joogay madaarka in uu ka qortay waraaq uu ku caddaynayo in uu isagu ka reebay diyaaradda, sababta uu uga reebayna ay ahayd oo keliya in ay siteen baasaboorka Somaliland oo ku fiisaysan fiisaha dal ku galka ee Turkiga. Waxaanu yidhi “Markii aanu diyaaradda sidaa kaga hadhay waxaan ka qoray masuulkii shirkadda AL-carabia airline u joogay madaarka in uu isagu iga reebay diyaaradda waxaanu ii qoray waraaq uu ku caddaynayo sababta uu diyaaradda noogu diiday in ay tahay baasaboorka Somaliland ee aanu sidano, haddaba waxaa loo baahan yahay in hay’adaheena ku shaqada leh ee ay wada shaqaynta leeyihiin shirkadaha noocaa ula dhaqmaya baasaboorkeena in ay tallaabo ka qaadaan oo aanay madaarkeena bahdilaad dambe kaga dhicin baasaboorkeena oo ka mid ah astaamaha qaran ee aynu leenahay.” Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu tegay madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Source
  8. (SLT-Muqdisho)-Waxaa maanta la filayaa in magaalada Muqdisho xadhigga lagaga jaro Xabsigii ugu weynaa ee qaab casri ah loo dhiso, kaasoo dhismihiisa uu socday muddo sanado ah. Xabsigan ayaa furitaankiisa lagu soo beegay sanad-guurada 49aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliya. Saraakiisha Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in xabsigan uu la mid yahay sida xabsiyada caalamka ku yaalla, waxaana lagu tilmaamay mid ka mid ah xabsiyada ugu weyn Geeska Afrika. Munaasabadda lagu xusayo sanad-guurada ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa maanta ka dhaceysa Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galayaan Madaxda ugu sareysa Soomaaliya. Xabsigan oo uu sanadkii 2016 dhagax dhiggay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa dhisay hey’ado caalami ah, waxaana lagu tilmaamay inuu ka mid yahay xabsiyada ugu weyn ee Afrika. Source
  9. (SLT-Switzerland)-Maxkamadda Federalka ee dalkaasi ayaa xaqiijisay Xukun ay Maxkamad Heer Gobal horey ugu riday Haweeney Soomaali ah oo lagu helay inay 2 gabdhood ay dhashay u dhoofisay Somalia si loogu soo sameeyo Gudniinka Fircooniga oo mamnuuc ka ahaa dalka Switzerland iyo inta badan dalalka aan Muslimka ahayn. Haweeneydaasi oo aan magaceeda la shaacinin ayaa la sheegay in lagu xukumay Xabsi 8 bilood ah, waana Xukunkii ugu horreeyey ee Kiiskaasi ee ka dhaca dalka Switzerland. Xukunkaasi oo dhacay shalay oo Jimco ahayd waxay Maxkamadda Federalka ee dalkaasi ku gacan-sayrtay sheegasho ay Haweeneydaasi ku sheegtay inaysan ka war haynin inuu Gudniinka fal Dembi ah ka yahay dalka Switzerland. Gabdhaha ay Haweeneydaasi dhashay ee lagu sameeyey Gudniinka FGM ayaa la sheegay in sannadihii 2013-kii iyo 2015-kii loo dhoofiyey dalalka Somalia iyo Somalia, si loogu soo gudo, waa sida ay Dacwad-oogayaasha u gudbiyeen Maxkamadda. Hooyadda Soomaalida ee xukunka lagu riday ayaa la sheegay inay ku nooshahay Gobalka Nejutel ee dalka Switzerland ee looga hadlo Luqadda Faransiiska Haweenydaasi ayaa la sheegay in Somalia loo soo dhoofin doono marka ay dhamaysato Xukunka 8-da bilood, halka ay carruurteeda la joogi doonaan Aabahooda oo isna ku nool dalka Switzerland. Sannadkii hore DFS waxay bilowday kiiskii ugu horreeyey Dacwadda Gudniinka FGM, kadib, markii ay gabar 10-jir ah u geeriyootay markii lagu sameeyey Gudniin nooca FGM. Si kastaba ha ahaatee, 55 million oo gabdho ku nool Qaraadda Afrika ayaa lagu sameeyey gudniinka FGM, iyadoo Somalia heerka ugu sarreeyo kaga jirto Gundniinka noocaasi ah oo 98% gabdhaha lagu sameeyo Gudniinkaasi oo loogu dhaqmo dhaqan ahaan. Source
  10. Muqdisho (SMN) – Qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay wadahadallada cusub ee u bilaabanaya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Dadkan oo la hadlay Shabelle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadalladan oo uu hormuud ka yahay R/wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Halkan hoose ka dhageyso codka. The post Shacabka Muqdisho Oo soo dhaweeyay wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland appeared first on Shabelle. View the full article
  11. (SLT-Venezuela)-Wararka laga helayo dalkaasi Venezuela ayaa sheegaya in koox dadka asal ahaan ka soo jeeda Venezuela ay isku dhaceen ciidammada ammaanka ee uu soo amray madaxweyne Nicolas Maduro – kuwaasoo isku dayayay inay ka hortagaan gargaar ka soo gala xadka Brazil. Hoggaamiyaha mucaaradka Juan Guaido, oo isagu bishii hore isku magacaabay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalkaasi, Mareykankuna uu u sacabba tumay, ayaa sheegay inuu doonayo in gargaar ka socda Mareykanka iyo mid caalami ah la geeyo dalkaasi. Waa tallaabo uu madaxweyne Maduro hore u diiday, isagoo dafiraya in xasarad bani`aadannimo ay dalkiisa ka jirto. Dhanka kale, Xadka Venezuela uu la wadaago dalka Colombia, tobnaan kun oo qof ayaa ka qayb galay isu imaatin uu soo qaban qaabiyay bilyaneerka Richard Branson. Madaxweynayaasha Chile iyo Colombia ayaa ka soo qayb galay. Isu imaatin kale oo uu meel halkaasi 300m u jirta uu ka soo abaabulay madaxweyne Nicolas Maduro ayaysan dad badan ka qayb galin. Source
  12. (SLT-Khartoum)-Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo uu ku soo rogay dalkiisa muddo sanad ah, iyadoo kala diray Xukuumadda iyo Maamulada Gobolada dalka. Al-Bashiir oo la hadlayay shacabka Sudan ayaa sheegay inuu si weyn u qiimeynayo banaan baxyada ka socda Sudan iyo xaalada murugsan ee ay ku jirto dalkiisa. Waxaa uu ku wargeliyay Baarlamaanka inuu dib u dhigo is bedelka Dastuurka dalkaas, kaasoo u ogolaanaya inuu mar kale isku soo sharaxo doorashada Madaxtinimada sanadka 2020. Dibad baxyo looga soo horjeeday Madaxweyne Al-Bashiir ayaa bilihii la soo dhaafay ka dhacayay qeybo ka mid ah dalkaas, waxaana dibad baxyadaas ay sababeen dhimasho iyo dhaawac. Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa muddo 30 sano hayay talada dalka Sudan, waxaana sanadkii 2016 uu ku dhawaaqay in aanu dib dambe isku soo sharaxi doonin. Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyada ICC ayaa sanadkii 2009-kii ku soo oogtay dacwad la xidhiidha dambiyo dagaal iyo xasuuq ka dhacay Gobolka Darfur, inkastoo uu beeniyay eedeymahaas. Source
  13. Muqdisho (Caasimada online)-Ciidamadii ugu horeeyay oo ka socda dalka Burundi ayaa isaga baxay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, kuwaasi oo qeyb ka ah ciidamada la filayo inay dhawaan ka baxaan dalka. Ciidamada oo gaaraya ku dhawaad 200 oo askari ayaa la sheegay inay isaga baxeen magaalada Muqdisho gelinkii dambe ee shalay, waxaana ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee Bujumbura. Ku dhawaad kun askari oo kamid ah ciidamada dalka Burundi ayaa la qorsheynayaa inay shan maalin kadib isaga baxaan Soomaaliya, waxaana horey loogu heshiiyay qorshaha ciidamadan ay kaga baxayaan Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan ciidamada Burundi ayaa xaqiijiyay in ciidamadan diyaarad gaar ah ay ka qaaday magaalada Muqdisho islamarkaana laga dajiyay caasimada Dalka Burundi ee Bujumbura. Dowladda Burundi ayaa walaac ka muujisay in ciidankeeda oo kaliya laga saaro Soomaaliya, waxaana ay ku hanjabtay in dhamaan ciidamadeeda ay ka saari doonto Soomaaliya. Dhawaan waxaa magaalada Bujumbura tagay madaxweynaha Soomaaliya isaga oo madaxweynaha dalkaasi kala hadlay arimaha bixitaanka ciidamada, iyaga oo ku baaqay in madaxda dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay tagaan dalka Burundi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. (SLT-Washington)-Alexandria Ocasio-Cortez, Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib waxaa lagu soo doortay doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka ka dhacday bishii Nofembar ee sannadkii hore. Dabcan shaqada way ku cusub yihiin laakiin taas kama aysan hor istaagin iney qabsadaan hadal heynta baraha bulshada. Saddexdan dumarka, ee dhawaan ku biiray golaha wakiillada dalka Mareykanka ee Koongareeska ayaa abuuray isbaddal weyn oo ku dhacay wajigii ay lahayd siyaasadda dalkaas. Dhammaan saddexdan haweenka ah waxay guusha doorashada kuraastooda usoo hoyiyeen xisbiga Dimuqraaddiga. Inkastoo ay saaxada siyaasadda heerkeeda sare ku cusub yihiin, hadda waxay xilli horeba awood u yeesheen iney baddalaan qaab dhismeedkii siyaasadda arrimaha gudaha iyo tan arrimaha dibadda ee waddanka Mareykanka. Ilaa iyo hadda waxay kasbadeen taageerayaal aad u faro badan oo ku garab taagan ficil walba oo ay ku dhaqaaqaan iyo hadal kasta oo ay ku dhawaaqaan. Siyaasiyiin taariikh sameeyay 1- Alexandria Ocasio-Cortez: Gabadhanoo ay da’deedu tahay 29 sano, waxay noqotay qofkii ugu da’da yaraa ee abid ku biira aqalka Koongareeska Mareykanka, halkaasoo ay isugu tagaan siyaasiyiinta ugu waaweyn Mareykanka. Alexandria Ocasio-Cortez waxay Koongareeska kula biirtay tiradii dumarka ahayd ee ugu badneyd abid Gabadhan oo horay uga shaqeyn jirtay makhaayad waxaa laga soo doortay gobolka New York waxayna asal ahaan kasoo jeedda jasiiradda Puerto Rico. Waxay aad ugu caan baxday hadalladeeda codka dheer ee ay ku gil gishay siyaasadda waddanka uu madaxweynaha ka yahay Donald Trump. 2- Ilhaan Cumar: Waa 38 jir, waxaana laga soo doortay gobolka ay Soomaalida badan daggan tahay ee Minnesota. Waa gabar Soomaali-Mareykan ah, Muslimad ah, oo xijaabka xirata, waxayna Dalka Mareykanka iyadoo qaxooti ah tagtay sannadkii 1995-kii. Doorashadii xilliga dhexe ee mareykanka ka dhacday bishii Nofembar waxay iyada iyo gabadha ay koongareeska iskula biireen ee Rashida Tlaib ka noqdeen gabdhihii ugu horreeyay ee muslimiin ah ee abid ka mid noqda aqalkaas. 3- Rashida Tlaib: waa 42 jir muslimad ah oo laga soo doortay gobolka Michigan, waxaana loo arkaa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu hadalka adag ee ku jira Koongareeska. Tlaib oo qareen ah waxay ka soo jeeddaa dalka Falastiin waxayna ayeeyadeed iyo qaraabadeeda kaleba ilaa hadda ku nool yihiin dhulka ay Israa’iil heysato ee Daanta Galbeed. Muuqaal si weyn u faafay ayey hadda ka hor ku sheegtay iney dadaal u gali doonto sidii xilka looga qaadi lahaa Donald Trump, iyadoo xitaa aflagaaddeysay madaxweynaha Mareykanka. Saddexdan gabdhood waxay tan iyo markii lasoo doortay culeys weyn saareen Aqalka Cad ee hadda ay majaraha u hayaan xisbiga Jamhuuriga, waxayna u muuqdeen iney dagaal dhanka siyaasadda ah kula jiraan xukuumadda madaxweyne Trump. Ilhaan Cumar ayaa dhawaan warbaahinta ruxday ka dib markii ay si adag su’aalo u weydiisay danjiraha cusub ee uu madaxweynaha Mareykanka u magacaabay dalka Venezuela. Source
  15. Madaxda sare ee dowladda federaalka aya alagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay xarigga ka jaraan xabsi la sheegay inuu ka mid yahay kuwa ugu weyn Afrika ee laga dhisay magaalada Muqdisho. Dhismaha xabsigan ayaa socday Saddex sano, waxaana sanadkii 2016 dhagax dhigay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke. Waxaa xabsigan loo dhisay qaab casri ah, iyadoo loo dhammeystiray adeegyada ay u baahan yihiin maxaabiisa. Furitaanka xabsigan ayaa lagu soo aadiyay munaasabadda 49 guuradii kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Boosaaso)-Warka ka imaanaya deegaanka Dhaadaar ee gobolka Bari ee maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in uu dagaal ku dhex maray tuulada Afgaraar maleeshiyaadka Daacish iyo Al-Shabaab. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa VOA u sheegay inay maqlayeen dhawaaqa rasaasta labada dhinac ay is weydaarsanayeen. Waxa lagu soo waramayaa in dhinacyada halkaas ku dagaalamayay ay jareen isgaarsiinta deegaannadaas, balse dadka ku nool deegaamada ka durugsan goobaha uu dagaal ka socda ayaa sheegaya inay maqlayeen dhawaqa rasaasta iyo hugunka qoryaha garbaha laga tuuro oo ay dhinacyadu is-weydaarsanayeen. Halka ay ku dagaalamayaan labada kooxood ayaa ah dhul buuralley ah oo dhinaca bari ka xigta magaalada Boosaaso qiyaastii 80 km. Mana jirto illaa iyo hadda cid si rasmi ah u sheegi karta khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi. Waa markii saddexaad ee uu dagaal ku dhex maro agagaarka deegaanka Dhaadaar labada dhinac ee Daacish iyo Al-Shabaab. Maamulka Puntland ayaan wali dagaalkaasi ka hadlin. Source
  17. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxa ay xireen waddooyinka Muqdisho qaarkood. Gaadiidka dadweynaha ayaa loo diidayaa iney isticmaalaan wadada dheer ee Makka Al-mukarrama iyo sidoo kale waddooyinka yar yar ee soo gala wadadaasi. Ulajeedka waddooyinkan loo xiray ayaa ah madaxda sare ee dowladda federaalka oo ka qeybgaleysa munaasabadda 49 sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Shacabka ayaa la arkayaa iyaga oo cagta maalaya, waxaana ay kuu sheegayaan dadka inaanay ku tashan waddooyinkan la xirayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Taliyaasha Ciidanka Asluubta iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Sanadguurada 49Aad ee kasoo wareegtay Aas Aaskooda Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareye Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa hambalyo u diray ciidanka Asluubta Soomaaliya oo maanta u dabaaldagaya Sanadguurada 49Aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo General Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa ciidamada Asluubta Soomaaliya waxaa uu ugu hambalyeeyeen sanadguuradii kasoo wareegtay 49Aad xuska Maalinta Ciidanka Asluubta oo ku beegan 22-February sanadkii 1970kii taas oo maanta loo dabaaldagayo kadib shalay oo jimca ah Owgeyd la dhigay dabaaldageeda maanta oo sabti ah 23-February . “Sanadguurada 49aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed awgeed, Anigoo ku hadlayo Magaceyga iyo kan Taliska Ciidanka Ciidanka Xoogga waxaan Hambalyo leeyahay, Sareeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda dableyda Ciidanka Asluubta, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed inay horumar ku gaaraan Sanadkan kiisa kale” ayuu yiri S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe. “Waxaan Hambalyo leeyahay, Sareeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda dableyda Ciidanka Asluubta, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed oo u dabaaldagayo 49-guuradii ka soo wareegatay Aas-aaskooda.”ayuu yiri Taliye Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac Source: goobjoog.com
  19. Maanta oo Sabti ah waxa ay ciidamada Asluubta Soomaaliyeed u dabaaldegayaan markii la aas-aasay ciidankaasi, waxaana Muqdisho iyo meello kale oo dalka ah lagu qabanayaa munaasabadda maalintan. Madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa iney ka qeybgalaan munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacaysa xarunta taliska ciidanka Asluuubta ee magaalada Muqdisho. 1970-kii ayaa la aas-aasay ciidanka Asluubta, waana ciidamada gacanta ku haya xabsiyada dalka iyo sidoo sidoo kale dhaqan celinta maxaabiista. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Afgooye (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Al Shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, kadib dagaalo xoogan oo labada dhinac dhexmaray. Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in dagaalo xoogan ay ka dhaceen deegaano hoos taga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, islamarkaana ciidamada dowladda ay qabsadeen deegaano ay Al Shabaab ku sugnaayeen. Maxamed Cabdulle Caraaye oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Al Shabaab ay kala wareegeen deegaanada Kaxarroow, God-Doofaar, Xaawo Adduunyo iyo meelo kale oo ay Al-shabaab ku sugnaayeen. Ciidamada ayaa todobaadyadii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo kala duwan ka waday Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana habeen ka hor ciidamada kumaandoosta Soomaaliya ay weerar ka fuliyeen deegaanka Sabiib oo ku yaalla duleedka Afgooye. Al Shabaab ayaa dhankooda wali ka hadlin dagaalka ka dhacay Shabeelaha Hoose, waxaana ciidamada dowladda la sheegay inay gacanta ku hayaan deegaanadii kala wareegeen Al Shabaab. Maxamed Cabdulle Caraaye, ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin deegaano kale oo Al Shabaab ay kaga sugan yihiin Shabeelaha Hoose, islamarkaana ay ku jiraan qaban qaabadii ugu dambeysay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Xarardheere (SMN) -Wararka naga soo gaaraya Galmudug ayaa ku warramayaa in saaka Al Shabaab dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan gobollada Mudug iyo Galgaduud ee maamulkaasi. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa si aad ah looga dareemayaa koonfurta gobolka Mudug, sida ay xaqiijiyeen dad deegaanka ah. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal uu ka qarxo halkaasi. Dhanka kale Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay ku dhawaad 20 Oday dhaqameen ku xiray agagaarka degmada Xarardheere ee G/ Mudug. Odayaashan ayaa lagu eedeeyay in ay ka biyo diideen amar ka soo baxay Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Illaa iyo hadda ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowlad goboleedka Galmudug oo ku aadan arrintaasi. The post Al Shabaab Oo dhaq dhaqaaqyo ka wada Galmudug appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Taliyeyaasha Ciidanka Asluubta iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Sanadguurada 49Aad ee kasoo wareegtay Aas Aaskooda Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareye Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa hambalyo u diray ciidanka Asluubta Soomaaliya oo maanta u dabaaldagaya Sanadguurada 49Aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo General Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa ciidamada Asluubta Soomaaliya waxaa uu ugu hambalyeeyeen sanadguuradii kasoo wareegtay 49Aad xuska Maalinta Ciidanka Asluubta oo ku beegan 22-February sanadkii 1970kii taas oo maanta loo dabaaldagayo kadib shalay oo jimca ah Owgeyd la dhigay dabaaldageeda maanta oo sabti ah 23-February . “Sanadguurada 49aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed awgeed, Anigoo ku hadlayo Magaceyga iyo kan Taliska Ciidanka Ciidanka Xoogga waxaan Hambalyo leeyahay, Sareeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda dableyda Ciidanka Asluubta, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed inay horumar ku gaaraan Sanadkan kiisa kale” ayuu yiri S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe. “Waxaan Hambalyo leeyahay, Sareeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda dableyda Ciidanka Asluubta, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed oo u dabaaldagayo 49-guuradii ka soo wareegatay Aas-aaskooda.”ayuu yiri Taliye Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac The post Taliyeyaasha Ciidanka Asluubta iyo Xoogga Dalka oo U hambalyeeyay Ciidamada Asluubta appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho. Isgoysyada xiran ayaa waxaa ka mid ah Sayidka, Dabka, Taleex, Tarabuunka, Zoobe, Banaadir, Danwadaagta, Exkoontarool Agooye iyo kuwa kale. Ujeedada loo xiray waddooyinkan ayaa la xariirta munaasabad loogu dabaal dagayo aas-aaska ciidanka Asluubta oo maanta ka dhaceysa M/Muqdisho. Madaxda ugu sarreysa DFS ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaaan munasaabadaasi oo lagu xusayo sanad guuradii 49-aad ee ciidankaasi. Arrintan ayaa saameyn xoogan ku yeelatay dadka shacabka oo saaka maalaya cagahooda, si ay u gaaraan goobahooda shaqo ama waxbarasho. The post Ciidanka amniga Oo xiray waddooyinka Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article