Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,165
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Maareeyihii hore ee Madbacadda Qaranka Somaliland Siciid Saalax Shire ayaa muddo todobaad ka badan ku xidhan Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa, iyadoo la sheegay in loo haysto arimo Musuq Maasuq. Mareeyihii hore Madbacadda Qaranka Somaliland Siciid Saalax Shire oo xilka Madbacada Qaranka uu ka qaaday Madaxweyne Biixi dhamaadkii sanadkii hore December 31, 2018 ayaa isla wakhtigaasi waxa loo taxaabay Xabsiga, waxaa saacado yar kadib markii uu xidhnaa damaanad loogu soo daayay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadaw oo soo damiintay. Balse waxa haddana mar kale dib loogu celiyay xadhigii Muddo todobaad ah ka hor, waxaanu ku xidhan yahay Saldhiga Dhexe ee Magaaladda Hargeysa, mana jirto sida la sheegay wax Maxkamad ah oo wali la horgeeyay. Inkasta oo aanay Xukuumaddu ka hadal sababta masuulkan lagu haysto, haddana illo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxay inuu lacag kor u dhaafaysa 80-Milyan oo Shilinka Somaliland ah uu baanka Somaliland kala baxay isla maalintii Xilka laga qaaday, taasi oo ka dhigan in loo haysto arimo musuq maasuq iyo lacag aanu sharcigu u banayn oo uu la baxay. Warar kale ayaa sheegaya in inuu si weyn gacan ugu leeyahay xadhiga masuulkani Maareeyaha Cusub ee Madbacadda Qaranka Somaliland ee masuulkan Xilka kala wareegay Maxamud Raage Ibraahim oo aad uga cadhooday Lacagtaasi uu masuulkii ka horeeyay kala sii baxay Baanka, walaw ay odayaal reerkooda ahi isku dayeen inuu saamaxo oo uu dusha u rito bixinta lacagtaasi haddana wuu diiday, waxaanu talada u daayay Xukuumadda iyo hay’addaha ay arintani khusayso inay talaabada ku haboon ka qaadaan masuulka xidhan. Source
  2. Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa warka subax ee Idaacadda Goobjoog, waxaana idiin tabinaya wariyaheenna Hanad Cali Guuleed. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/SAAKAY-IYO-GOOBJOOG-24-02-2019.mp3 Source: goobjoog.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa maalinta isniinta ah ka furmaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa kulan uu la qaatay madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo waxa uu ugu sheegay ajandaha shirka golaha dhexe kuwaas oo uu ku soo daray qodob ku saabsan in guddida fulinta ee xisbiga lagu soo dari doono xubno cusub qaar hore ugu jirayna lagu ansixiyo. Wararka ayaa sheegaya in xubnaha lagu darayo guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE uu ugu horeeyo wasiirkii hore ee madaxtooyada md Maxamuud Xaashi Cabdi. Sidoo kale wararka xaqiijiyey in kursiga gudoomiyaha xisbiga KULMIYE oo hunguri kaga jiro siyaasi Maxamuud Xaashi aan si ku meelgaadhnimo ah loo wareejinayn, taas oo guul kale oo siyaasigaas isku diyaarinaya la wareegida hogaanka xisbiga Kulmiye. Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere iyo ex Wasiir Cabdicasiis Samaale ayaa ka mid ah xubnaha ku jira guddida fulinta ee codka loo qaadi doono, iyada oo la buuxin doono jagooyin ay guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye ka baneeyeen siyaasiyiin uu ka mid yahay Cabdilaahi Jawaan oo iska casilay. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay madax u noqoneyso Golaha Wasiirrada ee Jaamacada Carabta. Amb. Cawad ayaa sheegay in lixda bilood ee soo socota ay Soomaaliya qaban doonto Hoggaanka Golaha Wasiirrada Jaamacadda Carabta tan iyo sanadkii 1974-kii. Soomaaliya ayaa 10 sano ka hor shir guddoomisay Shirka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Qaahira, waxaana xilligaas shir guddoomiyay Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Wasiir Cawad ayaa ka mid ah waft Madaxweyne Farmaajo ee ka qeyb galaya shirka hoggaamiyayaasha dalalka Carabta iyo kuwa Midowga Yurub ee maanta ka furmaya Magaalada Sharma Sheekh. Shirka maanta ka furmaya Magaalada Sharma Sheekh waxaa ka qeybgelaya 22ka Hoggaamiye ee Waddamada Jaamacadda Carabta iyo 28-ka Hoggaamiye ee Waddamada Midowga Yurub. Waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa Maalgashiga, xidhiidhka, la dagaallanka Argagixisada iyo sidii loo yareyn lahaa Muhaajiriinta ka baxa Waddamada Carabta ee u tahriiba dalalka Yurub. Source
  5. (SLT-Riyadh)-Sucuudiga ayaa sheegay in Amiiradda Riima Bint Bandar ay noqon doonto danjirahiisa cusub ee dalka Maraykanka, taas oo aha haweenaydii ugu horraysay ee boqortooyadu xil danjirenimo u magacawdo. Magacaabideeda waxa lagu shaaciyey digreeto boqortooyo oo soo baxday Sabtidii. Amiirad Riima waxay qayb ka mid ah caruurnimadeedii ku qaadatay Washington oo ay ku kortay. Waxay xilkan qabanaysaa xilli adag oo Sucuudigu isku dayeyeyo in uu dejiyo cadhadii heerka caalami ahayd ee ka dhalatay geeridii weriye Jamaal Khaashoqji. Warar is burinaya oo ay ku faahfaahinayso wixii dhacay ka dib, ayaa boqortooyadu waxay kama dambaystii qiratay in Khaashoqji lagu dilay sanadkii hore qunsuliyadda dalkiisu ku leeyahay Istanbul oo uu galay. Amiirad Riima waxay xilka kala wareegi doontaa dhaxal sugaha taajka boqortooyada walaalkii oo ka yar, Amiir Khaalid Bin Salmaan, oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga. Waxa kale oo ay qaadaysaa dhabbihii aabaheed Bandar Bin Suldaan oo ahaa danjireha Sucuudga u fadhiya Maraykanka 1983 ilaa 2005. Maadaama oo aabaheed xilkaa hayey waxay caruurnimadeeda qayb ka mid ah ku noolayd dalka Maraykanka, waxaanay shahaadada koobaad ka qaadatay jaamacadda George Washington oo ay ka baratay daraasaadka matxafyada. Tan iyo markii ay ku noqotay magaalada Riyaad 2005-tii, Amiirad Riima waxay ka shaqaysay xarumaha dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay labadaba. Waxay xilal ka qabatay dhawr shirkadood oo kuwa ganacsiga ah oo ay ka mid tahay shirkadda Harvey Nichols oo ay madax ka noqotay qaybteeda Sucuudiga. Amiiradda waxay dad badani u arkaan in ay tahay qof xuquuqda haweenka uga doodda dal badanaa lagu dhaliilo heerka sinnaan la’aanta labka iyo dheddiga. Markii ugu dambaysay waxay ka shaqaynaysay wakaaladda maamulka ciyaaraha, waxa aanay xoogga saartay sidii loo kordhin lahaa ka qayb galka haweenka ee ciyaarah iyo jimicsiga. Waxa kale oo lagu yaqaannaa dedaalka ay ugu jirto wax ka qabashada cudurka kansarka ee naasaha ku dhaca. Source
  6. (SLT-Pyongyang)-Warbaahinta qaranka Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay xaqiijisay in hogaamiye Kim Jong-un uu u kicitimay shirka uu Vietnam kula yeelanayo Madaxweynaha waddanka Mareykanka Donald Trump. Warbixinn lagu baahiyay warbaahinta qaranka ee Kuuriyada waqooyi ayaa ah qirashadii ugu horeysay ee xukkumadda Pyongyang ay ku shaacinayso in shirka Hanoi uu dhici doono. Warbixinn lagu baahiyay warbaahinta qaranka ee Kuuriyada waqooyi ayaa ah qirashadii ugu horeysay ee xukkumadda Pyongyang ay ku shaacinayso in shirka Hanoi uu dhici doono. Socdaalkiisa waxaa la shaaciyay saacado uun ka dib markii tareen gaashaaman oo midabkiisu yahay cagaar iyo huruud uu ka gudbay xadka dalkaasi la leeyahay Shiinaha. Safarka dalka Vietnam ayaa la filaya in uu qaato 60 saacadood. Waxaa la aaminsanyahay in safarka ay ku weheliyaan walashiis Kim Yo Jong, iyo mid kamid dadkii wadahadalada ugu qeybgalayay Jeneraal Kim Yong Chol. Waxaa jirto hadal hayn sheegaysa in Mr Kim uu booqani doono xarumaha ganacsiga ee Vietnam shirka ka hor. Donald Trump ayaa waxaa uu isku deyi doona in uu siiyo Kim kaalmo loogu talagalay in lagu kaabo dhaqaalaha dalkiisa ee sii liicayay hadii uu joojiyo barnaamijkiisa nukliyeerka. Shirka madaxeedkan labaad ee aadka looga dhursugayo ayaa waxaa uu dhici doona maalinta Arbacada. Image captionVietnam waxa ay leedahay mid ka mid ah dhaqaalaha sida wayn u kobcaya ee Aasiya Maxaa Vietnam lagu doortay? Vietnam oo ay maamulaan shuuciyiin balse dhaqaalaheedu uu hanti-goosadku yahay ayaa haatan waxaa loo arkaa inay saaxiib la tahay Washington iyo +Pyongyang. Dalka ayaa waxaa haatan waxaa loo arkaa inuu yahay “goob dhexdhexaad ah” oo buuxin karo dhammaan shuruudaha ay doonayaan Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, sida uu sheegayo Carl Thayer, oo khabiir ku ah arrimaha Vietnam oo uu saldhiggiisu yahay Jaamacadda New South Wales, ee dalka Australia. Prof Thayer ayaa waxa uu u sheegay BBC-da laanta Viernam: “Doorashada Vietnam loo doortay inay martigaliso kulanka labaad ee Trump iyo Kim ma ahan oo kaliya mid xulasho un ku timid.” “Vietnam waxaa loo doortay in dhab ahaantii dhammaan dhinacyadu ay ku kalsoon yihiin awoodda ay u leedahay inay sugto ammaanka kulankaasi. Dhammaan dhinacyaduna waxa ay rumaysan yihiin in Vietnam ay tahay goob dhexdhexaad ah”. Source
  7. Sucuudiga oo Haweenay u magacaabay Safirkiisa u fadhiyi doona Dalka Maraykanka Riima Bint Bandar Bin Suldaan Sucuudiga ayaa sheegay in Amiiradda Riima Bint Bandar ay noqon doonto danjirahiisa cusub ee dalka Maraykanka, taas oo aha haweenaydii ugu horraysay ee boqortooyadu xil danjirenimo u magacawdo. Magacaabideeda waxa lagu shaaciyey digreeto boqortooyo oo soo baxday Sabtidii. Amiirad Riima waxay qayb ka mid ah caruurnimadeedii ku qaadatay Washington oo ay ku kortay. Waxay xilkan qabanaysaa xilli adag oo Sucuudigu isku dayeyeyo in uu dejiyo cadhadii heerka caalami ahayd ee ka dhalatay geeridii weriye Jamaal Khaashoqji. Warar is burinaya oo ay ku faahfaahinayso wixii dhacay ka dib, ayaa boqortooyadu waxay kama dambaystii qiratay in Khaashoqji lagu dilay sanadkii hore qunsuliyadda dalkiisu ku leeyahay Istanbul oo uu galay. Amiirad Riima waxay xilka kala wareegi doontaa dhaxal sugaha taajka boqortooyada walaalkii oo ka yar, Amiir Khaalid Bin Salmaan, oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga. Waxa kale oo ay qaadaysaa dhabbihii aabaheed Bandar Bin Suldaan oo ahaa danjireha Sucuudga u fadhiya Maraykanka 1983 ilaa 2005. Maadaama oo aabaheed xilkaa hayey waxay caruurnimadeeda qayb ka mid ah ku noolayd dalka Maraykanka, waxaanay shahaadada koobaad ka qaadatay jaamacadda George Washington oo ay ka baratay daraasaadka matxafyada. Tan iyo markii ay ku noqotay magaalada Riyaad 2005-tii, Amiirad Riima waxay ka shaqaysay xarumaha dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay labadaba. Waxay xilal ka qabatay dhawr shirkadood oo kuwa ganacsiga ah oo ay ka mid tahay shirkadda Harvey Nichols oo ay madax ka noqotay qaybteeda Sucuudiga. Amiiradda waxay dad badani u arkaan in ay tahay qof xuquuqda haweenka uga doodda dal badanaa lagu dhaliilo heerka sinnaan la’aanta labka iyo dheddiga. Markii ugu dambaysay waxay ka shaqaynaysay wakaaladda maamulka ciyaaraha, waxa aanay xoogga saartay sidii loo kordhin lahaa ka qayb galka haweenka ee ciyaarah iyo jimicsiga. Waxa kale oo lagu yaqaannaa dedaalka ay ugu jirto wax ka qabashada cudurka kansarka ee naasaha ku dhaca. Qaran News
  8. (SLT-Sharma-sheekh)-Shirweynihii Koowaad ee Hoggaamiyayaasha dalalka Carbeed iyo kuwa Midowga Europe ayaa la filayaa inuu maanta ka furmo magaalladda Sharma-sheekh ee dalka Masar. Shirkaasi oo socon doona muddo 2 maalmood waxaa La-guddoomiye ka nodonaya Guddoomiyaha Ururka Midowga Europe, Donald Task iyo Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Al-siisii, waxayna Hoggaamiyayaasha kaga wada xaajoon doonaan Ajendayaal ay ugu muhiimssan yihiin Iskaashiga Carabta iyo EU-da, Ammaanka, Tahriibka, Siyaasadda, Horumarinta Dhaqaalaha, Xalladaha dalalka Syria, Libya, Falastiin iyo Yemen iyo qoddobo kale. Madax sare oo uu ka mid Boqorka Sacuudiga iyo Madax kale oo Carbeed ayaa iyagana ka qeyb galaya shirkaasi oo muhiimad u leh Danaha Guud ee dalalka Carabta iyo kuwa Midowga Europe. In ka badan 20 Hoggamiye oo ka socda Dowladaha EU-da ayaa la filayaa inay Kulankaasi ka soo qeyb galaan, halka Tiro aan la cayiman oo Madaxda dalalka Carabta ku wehlin doonaan Shirka Sharma-sheekh. Dhinaca kale, Dowladda Qatar waxaa Shirkaasi u matalaya Wakiilkooda Joogtada ee u jooga Ururka Jaamacadda Craabta, Ibraahim Al-sahlaawi. Wargeyska Arabi Al-jadiid ee ka soo baxa magaalladda London waxa u uka soo ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Qatar inay go’aankaasi qaateen, kadib, markii ay Dowladda Masar warqadda Casuumaadda Ka-qeybgalka Shirkaasi ay ugu soo dhiibeen Safaaradda dalka Giriigga ku leeyihiin dalka Qatar, halkii u unidaamku ahaa in si toos ah loogu soo dhiibo Wakiilka Joogtada ee Dowladda Qatar u jooga Xarunta dhexe ee Ururka Jaamacadda Carabta ee magaalladda Qaahira. Source
  9. Duqa caasimadda Puntland ee Garoowe, Axmed Siciid Muuse ayaa guddi u magacaabay, xallinta khilaafaadka dhulka iyo bogcadaha lagu muransanyahay ee ku yaalla magaaalada Garoowe. Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gollaha degaanka ahna duqa caasimadda, ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban 5 xubnood oo u xilsaaran, xallinta khilaafaadka dhulka, gaar ahaan bogcadaha lagu muransanyahay. Guddigan ayaa maamulka, maxkamadaha iyo Booliiska Garoowe kala shaqeyn doona, xallinta khilaafaadka ka yimaada dhulka ku yaalla gudaha iy nawaaxiga magaalada. PUNTLAND POST The post Duqa caasimadda Garoowe oo guddi u magaacabay xallinta khilaafaadka dhulka appeared first on Puntland Post.
  10. (SLT-Minnesota)-Gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka ee ay deggan yihiin inta badan Soomaalida dalkaasi u haajirtay ayaa waxaa laga soo sheegayaa inay ka jirto baahi baahsan oo dhanka macallimiinta ah. Arrintan ayaa waxaa loo aanaynayaa bulshadaasi oo aanan soo saarin macallimiin ku filan dadkooda. Haddaba si taa looga gudbo ayaa mas’uuliyiinta deegaanku waxa ay Soomaalida ku dhiirigeliyaan inay iska diiwaangeliyaan macaahidda lagu bixiyo tababarrada macallinimada. Mas’uuliyiinta ayaanan intaa ku ekaannee waxa ay dadka doonaya ku dhiirigeliyaan inay ka dabari doonaan wixii kharashaad ah ee la xiriira kuliyadaha culuumtaasi lagu barto. Source
  11. Benjamin Netanyahu oo lagu haysto xidhiidh uu sheegay inuu la leeyahay Somalia & Jabuuti Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa lagu haystaa inuu ka been sheegay xidhiidh diblomaasiyadeed aan jirin oo uu sheegay in dowladdiisa ay la leedahay Soomaaliya iyo Jabuuti. Dooddan ayaa ka dhalatay Khariirad uu maamulkiisa diyaairiyey, oo Netanyahu uu dhowaan tusay hogaamiyayaasha Yahuudda-Mareykanka. Khariiradda ayaa waxaa midabo kala duwan ay ku muujineysaa xidhiidhada kala duwan ee Israel la leedahay dalalka Afrika. Sida uu qoray wargeyska Times of Israel, warbixinta la socota Khariiradda ayaa cinwaan looga dhigay “Israel waxay ku laabaneysaa Afrika” waxaana dalalka Afrika ay u qeybineysaa afar nooc oo afar midab kala ah. Mid ka mid ah afartaas midab oo ah midabka buluga khafiifka ah, ayaa waxaa lagu muujiyey inay yihiin dalalka Israel ay la leedahay xidhiidhka diblomaasiyeed, balse aysan wax safaarad ah ku lahayn. Waxaa dalalkaas ku jira Soomaaliya iyo Jabuuti, hase yeeshee wargeyska Times of Israelayaa qoray in maamulka Netanyahu uu arrintaas ka been sheegay, islamarkaana labadaas dal aysan wax xidhiidh ah la lahayn Israel. Xafiiska Netanyahu iyo wasaaradda arrimaha dibedda oo wargeyska uu wax ka weydiiyey arrintan ayaa diiday inay wax jawaab ah ka bixiyaan. Si kastaba, sarkaal sare oo ka tirsan dowladda oo codsaday inan magaciisa la sheegin ayaa wargeyska u sheegay in la midabeeyo Soomaaliya iyo Jabuuti laguna sheego inay xidhidh la leeyihiin Israel ay ahayd Khalad ay sameeyeen kooxdii diyaarisay Khariiradda. Netanyahu oo wajahaya doorasho adag oo dhowaan dhaceysa ayaa loo arkaa inuu sidan u sameeyey inuu ku xoojiyo guulihiisa siyaasadda arrimaha dibedda. Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ay duqeeyeen degmadaasi Awdheegle. Duqeynta ayaa lagu waramayaa in lala eegtay maxkamad Al Shabaab ay leeyihiin oo ku taala degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay ku qaadi jireen dacwadaha ka dhanka ah dadweynaha. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in duqeynta ay haleeshay goob ay Al Shabaab canshuurta ku qaadi jireen oo ku taala degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Al Shabaab ayaa dhankooda sheegay in duqeynta lala eegtay Shacabka ku nool degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida lagu baahiyay qoraal AL Shabaab ay ku faafiyeen barahooda ay wararka ku faafiyaan. Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaanka KuunyaBarow ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ay sheegeen in seddex ruux oo shacab ah ay ku dhinteen. Duqeymo kale ayaa sidoo kale ka dhacay degmada Janaale iyo deegaanka Dacaar ee gobolka SHabeelaha Hoose, waxaana adag in la helo xog dheeri ah oo ku saabsan duqeynta ka dhacday Shabeelaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Hablihii Somaliland oo Muuse Biixi ka yaabban Maansona u soo tiriyey! Ninkii fiixda qodaayee Ee xabaalaha faagee Sidii fiinta u qayshee Hablaheennii fogeeyee Na faraayey jihaadka Sawkan maanta fayaamee Faqashtii deriskeenna Muuse feedha ka raacee Fiiqsanaaya kafeega Naa bal fiirsha iclaamka Warka fooraha yaallee Fiinfiin ay tebinayso Furihii handaraabka Ma Farmaajaa u keenay? Fanacuudu Billaahi! Dharaar aan sii fogayn Wixii faan ka baxaayey Waxbaan fayda u gooyey Awoowgiin fadal dheeriyo Anaa Faarax eryooday Kii haweenka faraayey Sawkan maanta Farmaajo Furihii handaraabka Felliseey uba doontay Naa bal faashlahan eega Fanacuudu Billaahi! Naa Fariido bal kaalay Foosiyaay ila daawo Gaadhsii Fiito warkayga Farduus Layliyo Kaaha Iyo Aamina Foosa Inantii ina Foore Fayaanbiiriyo Nuura Ayaantii ina Faalso Tii Fahiima isbuufis Filsantii ina Qaaje Hablihii fooqa agtiinna Fartuuntii laba eefa Falastiin Indhadeeqa Iyo Faadumo duula Islaantii fadal weyn Iyo eeddo Fagaasa Laba Faysiyo Luula Facsadii ina Yoonis Foodley oo dhan dirkeed Furdaraan inantiisa Iyo Faysal Waraabe Kuwii foodda ku qaatay Fashiluu kuwii raacay Intii Shaani u fooday Firkii Shiikha dhammaan Warkii maanta la faafshiyo Filanwaagakan taagan Bal maxayni ku faani Wakaa Muuse Farmaajo Federaalka u raacee Fanacuudu Billaahi Fanacuudu Billaahi! By Mohamoud Ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@gmail.com Qaran News
  14. Muqdisho (SMN) – Allaha u naxariistee waxaa maanta M/ Muqdisho lagu aasi doonaa Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya. Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb gali doona madax ka tirsan DFS iyo ehelladii uu ka baxay. Xildhibaanka geeriyooday waxaa uu xubin ka ahaa muddo fog Golaha Shacabka, isaga oo ka soo galay gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya. Dhinaca kale Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Aadan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeysay geerida Marxuumka. Fowsiyo oo wareysi gaar ah siisay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka sheekeysay taariikhda Xildhibaankaasi. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. The post Xildhibaan Cismaan Boqore Oo lagu aasayo Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  15. DJIBOUTI NATIONAL MOVEMENT The Djibouti National Movement, “DNM”, is a political Organization dedicated to the Liberation of Djibouti from the Dictatorship of President Ismail Omar Gelle. On the basis of a common democratic platform. We the DNM-North American Branch, has a responsible opposition branch of the DNM and concerned with the well being of our fellow citizens, have the duty and responsibility to expose to the international community the atrocities being committed by Ismail Omar Gelle and his cronies against the Djiboutian People. We would like to bring to the attention of the American Government, the Public and the International community in North America that the vicious Dictator. Ismail Omar Gelle, who Presided over the Djibouti affairs for the last 20 years, and before that was the first hand of the last President has escalated his Hitler-Like repression the past few months. It has become customary for the totalitarian regime in Djibouti. At this critical stage in our struggle for freedom and our Endeavour to restore democracy and the rule of law in our beloved homeland, we call upon all people and governments to come to the moral and material aid of the Djibouti people and againt the Abhorrent Dictatorship that oppresses them. WE “DNM” officially, call upon those governments with special interests in Djibouti and all freedom loving nations to support the liberation movement so as to prevent the genocide, Illegally imprisoned and tortured being Engineered by Ismail Omar Gelle and his Cronies. We also take this opportunity to call on all Governments, Particularly the United States, World Bank, IMF, France, to stop all kind of Aids. Military aid to the repressive regime in Djibouti such an aid will only increase and encourage the arrest and massacre innocent people and will escalate the tension in the Horn of Africa. We, the DMN there fore, appeal to the American government, the public and the international community to look closer to the appalling situation prevailing in Djibouti. In the light of the renewed violence by the government against the innocent civilians and nomads, We particularly urge the United States government to put pressure on Ismail Omar Gelle government to end the gross human rights violations that have characterized Djibouti over the past 20 years. Such Pressure could be applied by examining foreign aid authorization to Djibouti and its record of human rights. GUDOOMIYAHA URURKA DHAQDHAQAAQA JABUUTI XAAJI COLHAYE SEED GOBDOON WASHINGTO DC, USA Qaran News
  16. Muqdisho (SMN) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay tallaabooyinkii ay qaadeen, kadib dilkii shalay loo geystay Xildhibaan Cisman Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. General Cabdullaahi Xasan Bariise taliyaha hogganka ilaalinta Canshuuraha iyo dhaqaalaha Booliska Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in gacanta lagu soo dhigay illaa labo nin iyo gaari ay wateegn, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay geysteen dilkaasi. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in haatan baaritaano dheeraad ah ay ku socdaan Raggaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Labo qof oo loo soo qabtay dilkii Xildhibaan Boqore appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Somalia is a country torn by long-lasted civil war. The conflict affects the lives of civilians and the countrywide. Since 1991, Somalia has been in a political mess but the country is gradually recovering which lead reconstruction and little headway though still Somalia is anguishing. On this editorial, I would point out the jeopardy that Somali people are facing, a danger that is more hazardous than AK47, the terrorist extrajudicial killings and the other menaces. That is counterfeit medicine and the fake-labelled food we consume every single day. This is certainly vital subject and needs extensive coverage, what I am exposing is based on authenticity but I do toughly grant that this topic deserves more search. Recurrent conflict has blocked progress towards improving health in Somalia, like other sectors in the nation such as the security, economy, education and the decency of the society. Somalia mainly imports foods and medicines from these producing states, Pakistan, United Arab Emirates, India, Iran, Oman, China and Egypt. The medicine arriving in Somalia’s territory comes from two main sources by either Somali private companies or International humanitarian organizations. However, the foods come in through many ports and find their way into market; food aid also reaches through these ports and airports. Somalia lacks Food and Drug Quality Control Authority, which officially scrutinises and inspects the foods and drugs moving into the country. There is no private nor public quality control agency that is operational, which inspects and examines the drugs and foods except ineffective agencies, which operates parts of the country. Only what government reacts to when it senses threat of counterfeit drugs and foods is to appoint a committee that investigates that recent case, but there is no an enduring inspection. Somalia has been a market for counterfeit foods and drugs for the last two decades meanwhile numerous moneygrubbing and mercenary companies have known, that Somalia has no effective government and benefited this huge market. The nation become a hub for illegal and some world-widely banned foods and medicines. Fake labelled drugs and false plastic foods such as plastic rice could be easily shipped into the Somalia, which recently seen in many other countries in the continent. In Somalia, It is not strange to see a pill that is entirely made of chalk or ash. Number of people have poisoned after consuming fake labelled and out dated foods, which even results a death but a few able to cognize the side effect of this. This counterfeit foods and medicines endanger the lives of Somalis; identically this hidden tragedy ends the lives of our people without having awareness. Nurto Hassan is among counterfeit drug victims, she said an interview with Aljazeera English ”the medicine they gave nearly killed me into blisters and white marks, I cannot feel anything if I stepped on fire”. Mostly Pharmacists in Somalia give drugs to patients without a prescription and this can put patient’s life in danger. Dr Dufle said in a talk with Aljazeera English ”expired and fake medicines have killed more than bombs and rockets, they continue to kill thousands, these drugs are silent killers this worse than bombs because bomb kills ten or twenty people but these drugs can kill hundreds of people and no one will hear about it”. In Somalia, prevalence of strange diseases is increasing, Cancer rates are growing and these could possibly have direct relationship with counterfeit drugs and forged foods in the market, although other sources might exist. However, this requires a quick mitigation to terminate the hazards of these uncontrolled drugs and foods incoming in the country. Government of Somalia should promptly establish an authority that regulates the Food and Drug that is arriving the nation’s land at any cost. Certainly, that is expensive and require skilled-trained labours but it is strongly vital. In addition, it is more significant than building infrastructures. Local pharmacist should obtain awareness seminars to boost their knowledge on drug quality control and to interpret physician orders properly. Drug and Food traders should understand the standard and regulations on quality control. Authored by Mohamed Aidarus The post Somalis: Victims of counterfeit drugs and forged foods appeared first on Puntland Post.
  19. Munaasabad siweyn loosoo agaasimay Hoolka Dallada PYAN “ oo isku jirtay doorashada Guddoomiye ku xigeenka iyo xil wareejin ayaa loogu doortay Cabdinuur Maxamad Aw Aadan Guddoomiye ku xigeenka Dallada Dhalinta Puntland [...] Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay labo ruux oo la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilkii xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore. Taliyaha waaxda Canshuuraha ee ciidamada booliska Cabdullaahi Xasan Bariise oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in la qabtay labo ruux oo la tuhunsan yahay iyo gaari ay wateen. Taliye Bariise ayaa waxaa uu bulshada Soomaaliyeed u sheegay in kiiskaas aan laga hari doonin lagu raad joojo kuwo kale,isla markaana eedeysanayaasha loo soo qabtay dilkaasi la horgeeyn doono Cadaaladda. Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada booliska ay baaritaan ka sameeyeen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, islamarkaana ay soo qabteen dadka falkaasi ka dambeeyay kadib xog ay ka heleen shacabka. Kooxo Hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Kaaraan xildhibaan Boqore oo kamid ahaa guddiga difaaca ee baarlamaanka, waxaana la sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay ay sii yaraanayeen ilaaladiisa. Hadal uu ka jeediyay golaha shacabka ayuu u sheegay inuu waayay mushaaraad uu siiyo ciidamada ilaalada u ahaa, waxaana uu deganaa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Unidentified gunmen have killed a Somali MP in the Somali capital, the latest in string of attacks targeting the country’s legislative body members, officials said Saturday. Osman Elmi Boqore was assisinated by two gunmen in Karan district, north of Mogadishu. Witnesses told that the attackers escaped the scene. There was no immediate claim of responsibility for the attack, however, it carries the hallmarks of Al-Shabab group. Somalia’s security officials said investigations were underway as security forces moved to pursue the attackers. Hon. Boqore is the first law maker killed this year in Somalia. Qaran News
  22. Maxamed Bin Salmaan oo taageeray gumaysiga lagu hayo muslimiinta… Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa difaacay gumaysiga dowladda Shiinaha ay ku hayso muslimiinta dalkaas. Bin Salmaan ayaa xerooyinka xabsiyada ah ee lagu hayo muslimiinta Shiinaha ugu yeeray “Mid Beijing ay xaq u leedahay inay sameyso” “China waxa ay xaq uleedahay inay sameyso howl-gal ka hortag argagixiso iyo ka saaris xagjirinimo oo ay ku sugeyso amnigeeda” ayuu yidhi Bin Salmaan oo Beijing u jooga inuu China la saxeexdo heshiis ganacsi. China ayaa xabistay ku dhowaad hal milyan oo qof oo ah muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighur, kuwaas oo lagu hayo xerooyin la sheegay in wax lagu barayo, taasi oo qeyb ka ah barnaamij la sheegay in lagula dagaalamayo xagjirnimada. Uighur ayaa ah dad jinsiyad ahaan Turki ah oo haysta diinta Islaamka oo ku nool Galbeedka Shiinaha. Beijing ayaa ku eedeysay muslimiinta laga tirada badan yahay ee ku nool gobolka Xinjiang inay taageeraan argagixisada, waxaana lagu hayaa kormeer joogto ah. Uighur ayaa ka codsaday dhaxal-sugaha Sacuudiga inuu arrintan kala hadlo dowladda Shiinaha inta uu ku guda jiro socdaalkiisa, hase yeeshee Bin Salmaan ayaa kala hadal iska dhaaf’e, sheegay in China ay xaq uleedahay ficilladeeda. Hoggaamiyayaasha muslimiinta ayaa inta badan ka aamusay xadgudubka lagu hayo muslimiinta Uighur, marka laga reebo madaxweynaha Turkiga Erdogan, oo dhowaan sheegay in ficillada China ay yihiin “kuwa ka baxsan bani aadannimada” Qaran News