-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Somaliland Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, ayaa dib u dhaca doorashada golaha wakiilada ku tilmaamay mid siyaasi ah loona baahan yahay in shacbiga Somaliland ay ka tashadaan saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada. Waxa uu guddoomiye ku xigeenku sheegay in aanu golaha wakiiladu awood u lahayn inuu qaybiyo arimaha saami qaybsiga oo uu ku tilmaamay arin siyaasadeed, waxaanu ugu baaqay xukuumada iyo guud ahaan dadka Somaliland in arinta dib u eegis xoog badan lagu sameeyo. Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle ayaa sidan u sheegay waraysi dheer oo laanta Afka Soomaaliga ee VOA ay wax kaga waydiisay guddoomiye ku xigeenka sababta ay u samayn waayeen xeerkii lagu soo dooran lahaa golahii iyaga badali lahaa. Waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaayay guddoomiye ku xigeenku uu yidhi “Haddii ay arintaasi xeer ahaan u xanibantahay waxaynu odhan lahayn golaha wakiiladu lug ayuu ku leeyahay dib u dhaca doorashada, laakiin xeerkas horena waa loo cadeeyay imikana waan cadaynayaaye xeer ahaan uma xanibna siyaasad ahaan ayuu u xaniban yahay, golaha wakiiladu go’aan kama gaadhi karo mana qaybin karo mana ku heshiin karo inuu isagu sameeyo saami qaybsigii lagu soo dooranaayay arintani waa arin soo jireen ah oo labaatankii sanadood ee ugu danbeeyay laga hadlaayay ilaa wakhtigii Cigaal jirtay, wakhtigii Rayaale jirtay, wakhtigii Axmed Siilaanyo jirtay arintaasina waxay ahayd waar kuraastan baarlamaanka ee maanta lagu fadhiyo si cadaalad ah looma fadhiyee si cadaalad ah loo qaybsado. Guddoomiye ku xigeen Axmed Yaasiin oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Hadaba cadaaladii marka lagu dhaqaaqayo noocee aynu u qaybsanaa, sida tabashada weyn laga muujiyay waa sidii lixdankii 33 kii kursi oo lagu dhuftay 2 iyo badh oo markaas 82 noqday, qaacidadaas cabasho ayaa laga keenay, qaacidooyinka kale ee yaalayna waa kii golihii inaga horeeyay lagu soo doortay oo qabaa’il ku salaysnaa , qaacido kale ayaa iyaduna odhanaysa tirakoob hala qaado dadka dalka ku nool si rasmi ah haloo tiro koobo dabadeedna hala soo saaro kursiga baarlamaanka Somaliland imisa ayuu joogaa, oo kursiga marka lanbarkiisa la heli la yidhaahdo Awdal imisaa iska diiwaangaliyay, Maroodi-jeex waa imisa, Togdheer waa imisa oo Sool waa imisa, wali taas laguma heshiin, golaha wakiiladu horena waa uu u cadeeyay imikana waanu cadaynaynaa arintan in saamiga la qaybsadaa, goluhu waxa uu yidhi arintaas saami qaybsiga goluhu awood uma laha uu ku qaybiyee qaranku talo guud ha ka yeesho oo halaysugu yimaado oo caqabadaha jira iyo dooda jirta iyo gobal walba waxa ay doodiisu tahay hasoo bandhigo, haddii odayaasheenii xigmada badnaa ee caqliga badnaa ee cilmiga badnaa ee caqiidada wanaagsanaa ay sameeyeen haykalkan dawladnimo ee aynu dhawr iyo labaatanka sano ku dhaqmaynay, maanta bal aqoontii jaamacadaynu intaas ka soo baxaynaa, dadkii da’da yaraa ayaa siyaasadii soo galay,rag aanay waayo aragnimadoodu kaba yarayn odayaashaas ayaa taladii haya, maanta maalintii aynu wax qaybsan lahayn miyaynaan joogin.” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wargeyska Bloomberg ee kasoo baxa dalka mareykanka ayaa faafiyay warbixin ku saabsan xaaladda ay ku sugan yihiin 4 kamid ah maal qabeenadii u dhashay wadanka Sucudiga ee loo xidhay la xidhiidha Musuq maasuqa kuwaas oo dhawaan lagusii daayey lacago madax furasho ah. Warbixinta Bloomberg ayaa lagu sheegay in qaar kamid ah dadkii la xidhay intii ay soconeysay xamladii loogu magac daray “ka hortagga musuq maasuqa” ay xabsiga kasoo beexen iyagoo qarka usaaran inay fuqaro noqdan marka loo fiiriyo hantidi ay lahaayeen markii ay xabsiga galayeen. Raggan oo ka koobna 87 qof oo hantiilayaal ah ayaa lagu xidhay Hotelka Retez Karliton ee ku yaala magaalada Riyadh, halkaas oo ciidanka Amaanka maamulka Aala Sucud ay ku waardiyeynayen illaa markii dambe qaar iyaga kamid ah ay lacagahooda isku furteen. Max’med Bin Salmaan ayaa la wareegay kala badh saamiyada shirkadaha waaweyn ee ganacsatadan waxaana kamid ah ninka maalqabeenka ah ee lagu magacaabo Waliid Bin Dalaal oo warbixintu sheegayso in uu qarka usaaranyahay ceyrtoobid. Maxamed Bin Salman ayaa sidoo kale la wareegay shirkaddi qaabilsaneyd dayactirka Xaramka Makka, wuxuuna xabsiga dhigay milkiilayashii shirkaddaa. Tan iyo markii uu Salman kusoo biiray hoggaanka dalka Sacuudiga waxay cabsi weyn soo wajahday maalqabeenada dalka Sacuudiga iyo Amiiro badan kuwsoo oo la dhigay xabsi halka qaar kalana laga xayiray Hantidii ay lahaayeen. Maxamed Bil Salman ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin aad u fudud isla markaasna go’aansado inuu meesha ka saaro cid kasta oo uu u arko inay halis ku tahay hoggaankiisa Sacuudiga. Source
-
Riydh (SMN) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa marti galineysa shir lagu qaban doono magaalada Riyadh oo lagu xalinayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay xukuumadda Riyadh ayaa waxaa ka qeyb gali doona wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo madax ka socota Isutaga Imaaraadka Carabta oo ka wada hadli doona khilaafka siyaasadeed ee labada dal. Dowladda Soomaaliya ayaa horay dalka ka eryiday shirkadda DP World,taasi oo ka dambeysay markii shirkaddaasi ay kala hadashay Somaliland in ay dhisato dekedda magaalada Berbera ee maamulkaasi. Sidoo kale xiriirka diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa cirka isku shareeray markii ciidanka Booliiska garoonka Aadan Cade ay gacanta ku dhigeen boorso ay ku jirtay malaayiin Dollar oo ay siday diyaarad ka timid magaalada Dubai. Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa iska kaashan jiray dhinacyada ganacsiga iyo milatariga,waxaana magaalada Muqdisho ay ku lahaayeen xero ay ku tababari jireen askar ka tirsan dowladda Soomaaliya. The post Sacuudiga oo dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Imaaraadka appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Safiirkii Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii dowladda Kenya ay ku amartay inuu degdeg uga baxo dalkeeda. Diyaaradda siday Safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa la saarnaa Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Seynab oo maalmahan ku sugneyd Nairobi. Sidoo kale waxaa diyaaradda la socday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo xalay soo gaadhay Nairobi, isagoo ka soo laabtay dalka Sweden. Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay jawaab ka soo saarto tallaabadii Kenya ay qaaday ee ay dalkeeda kaga soo saartay Safiirkii Soomaaliya, wada tashina ugu yeertay Safiirkeedii u joogay Soomaaliya. Xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya ayaa meeshii ugu xumeyd gaadhay, kaddib markii wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ay soo saartay war saxaafadeed ay ku cadeneyso inay xidhiidhka u jartay Soomaaliya, iyagoo ku andacooneysa in dowladda Federaalka in xaraashtay shidaalka dhul badeedka dhaca xuduuda Kenya. Source
-
(SLT-Burundi)-Danjiraha Dalka Burundi ee magaalada Addis Ababa Dieudonne Ndabarushimana, ayaa ka hadlay qorshaha Kun kamid ah Ciidanka Burundi lagaga saarayo Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay tahay mid beegsi gaar ah loogu hayo dowladiisa. Waxa uu sheegay iney wadadaan dadaalo ku aadan sidii loo hakin lahaa in dhamaadka bishan Soomaaliya laga saaro Kun askari oo ka socota dowladda Burundi, taa bedelkeedna askartaas la saarayo ay noqoto mid ay wada qeybsadaan dhamaan dowladdaha Ciidamadooda ay ku suganyihiin Soomaaliya. Dowladda Burundi ayaa 14kii bishan xubin ka noqotay Guddiga amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo saddexdii Sanaba mar la doorto, Isagoo sheegay in xubinimadaas ay ka taageereyso iney ku guuleystaan doodooda Sharciga ee arinkan ku wajahayaan. ”waa si wanaagsan in Ciidanka Amisom laga saaro Soomaaliya, maadaama uu dalka ka soo kabanayo dhibaatooyinkii dhinaca amniga, balse maxaa qorshahan ku kaliyeelay dowladda Burundi, hadii Kun askari la saarayo wadan walba tiro halaga soo qaado, wada bixista waan ogolnahay, balse beegsiga gaarka ee nalagu hayo ayaan diidanahay” ayuu yidhi Dieudonne Ndabarushimana. Midowga Afrika ayaa bishii December sanadkii 2017, dalkan ka saaray Kun askari oo kamid ah Amisom, askartaas waxa ay ka wada socdeen dhamaan dalalka Amisom ku jira, balse qorshahan cusub waxaa lagu koobay oo kaliya Burundi, waana taa mida lagu qancin la’yahay xukuumada Burundi. Source
-
(SLT-Malta)-Madixii Shirkadda O & P ports ee shaqo-wadaagta yihiin Shirkadda DP Workd ee maamusha Dekedda magaalladda Bosaaso, Paul Anthony Ramosa ayaa la filayaa in berri subax lagu aaso magaalladda Marsakaba ee dalka uu u dhashay ee Malta. Hadal ka soo baxay Qoyskiisa ayaa lagu sheegay in maydkiisa Khamiistii hore la geeyey dalka Malta, si loogu aaso. Qoyska waxay u mahad celiyeen Warbaahinadda sida ay u xushmeeyeen Arrimaha Khaaska ee Qoyskiisa muddadii ay ku jireen xilligan adag, waa sida ay hadalka u dhigeen. Paul Anthony Ramosa waxaa bishan 4-dii lagu dilay meel ku dhow Dekedda magaalada Bosaaso ee maamul gobolleedka Puntland. Xarakadda Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen dilkiisa, iyagoo ku eedeeyey inuu si sharci-darro ah ku joogay dalka Soomaaliya. Source
-
(SLT-Chicago)-Nin shaqada laga eryay ayaa toogasho ku dilay shan qof waxuuna dhaawacay dhowr askari oo soo gaaray goobta shaqada looga tirayay kuwaasi oo badbaadinayay dadkii uu rasaasta la dhacay. Ninkan oo hubeysnaa ayaa la dilay kaddib markii ay rasaas isdhaafsadeen booliiska. Shanta qof ee uu dilay ayaana haatan la shaaciyay magacyadooda. Israsaaseynta ayaa ka dhacay shirkad ku taalla xaafada Aurora oo 40 mayl u jirta galbeedka Chicago. Booliiska ayaa ku sheegay ninka dilka geystay Gary Martin, oo da’diisu ay ahayd 45, waxuuna 15 sanno ka shaqeynayay shirkadda Henry Pratt. Madaxa booliiska xaafada Aurora Kristen Ziman ayaa sheegay in ninka laga shakiyay uu isi soo hubeeyay kaddibna uu kasoo qeybgalay shir shaqada looga tirayay. Booliiska ayaa sheegay magacyadan: Russell Beyer Vicente Juarez Clayton Parks Josh Pinkard Trevor Wehner Saddex ka mid ah dadka dhintay ayaa ku sugnaa qolki looga dhawaaqay in ninkan shaqada lagaga caydhiyay, halka midka afaraad iyo kan shanaadna ay ku jireen qol kale. Qoyska ninkaan ayaa u sheegay wargeyska The Chicago Sun-Times in ninkaan uu ka welwelay shaqada laga eryayay. Steve Spizewski, oo daris la ahaa Martin, ayaa wargeyskan u sheegay inuu u ahaa saaxiib uuna usoo tacsiyeeyay xilligii ay dhimatay hooyadiis oo uu aad u murugeysnaa. Saraakiisha ayaa si degdeg ah uga hortegay ninkan dilka geystay oo ku hubeysna qori isagoo rasaas la dhacay dadkii goobta ku sugna. Saddex booliis ah ayaa la toogtay xilli ay doonayeen inay dadka kasoo samatabixiyaan dhismaha weerarku ka dhacay. Ninkan ayaa booliisku ugu dambeyn waxay ku hareereeyay dhismaha muddo 90 daqiiqo ah kadibna waa ay toogteen. Dhacdadaan ayaa kusoo beegmeysa kaddib maalin uun xuska sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay weerarkii toogasho ee ka dhacay iskuul ku yaalla Florida kaasi oo galaaftay nolosha 17 qof. Source
-
(SLT-Nairobi)-Dowlada Kenya ayaa sheegtey inay u yeedhey safiirkeeda Soomaaliya inuu dalka dib ugu soo laabto, iyadoo safiirka Soomaaliya ee Kenyana fartey inuu dowladiisa wadahadal la soo yeesho. Kenya ayaa sheegtey in ay ka cadheysan tahay sida ay dowlada Soomaaliya u beecgeysey shidaalka dhulbadeedka Kenya ee dhaca xuduuda Soomaaliya Qoraalkaas ayaa lagu sheegey in xaraashkaas uu ka dhacay magaalda London 7dii February ee sanadkan 2019ka. Talabadaas ayey Kenya ku tilmaantey mid aan loo sineyn, ceeb iyo sharci darana ah in la maroorsado qeyraadka Kenya, waxaana ay sheegtey Kenya in talabadaas aysan jawaab la,aan ahaaneyn isla markaana ay bixin doonto jawaab u dhiganta talaabada loogu gefey dadka reer Kenya iyo qeyraadkooda. Qoraalkan oo ka koobnaa 15 qodob ayaa waxaa kaloo ay ku sheegtey dowlada Kenya in ay arrintan 6dii bishan kala hadashey Safiirka Soomaaliya u jooga Kenya iyadoo ku wargelisey in shirka London lagu soo gudbinayo dhul badeed ay Kenya leedahay iyagoo ka dalbadey in dhulkaas laga saaro meelaha la soo bandhigaayo shidaalkooda. Safiirka Soomaaliya ayey sheegeen inuu u xaqiijiyey inuu heley fariintooda isla markaana jawaab deg deg ah oo walaaltinimo ay ka fishaan, sidoo kale Kenya waxa ay sheegtey in ay safiirkeeda Soomaaliya isna uu u gudbiyey cabashadooda dowlada federaalka balse aan waxba laga qaban. Source
-
FAALLO: Maxaa ka dhalan kara xidhiidhka xumaaday ee Soomaaliya iyo Kenya? Soomaaliya Dhinaca Soomaaliya iyo xukuumadda talada haysa hadda, waxay u tahay tijaabo siyaasadeed, taas oo kaga timi mid ka mid ah waddamadii ay ahayeen saaxiibbada dhow. Waxay noqon doontaa soo celinta xidhiidhkaas in uu qaato wakhti, maaddaama ay xukuumaddani in badan dhisaysay wakhti badanna gelisay dhisitaanka saaxiibtinimada dawladaha deriska. Kenya ayaa noqon doonta ugu yaraan meel ay gabbaad ka dhigtaan cid kasta oo ka soo horjeedda xukuumaddan, tan oo ay in badan Kenya waddankeeda ka baacsanaysay siyaasiyiinta ka soo horjeeda xukuumadda maadama uu xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya ahaa mid ku dhisan is fahan siyaasaddeed. Kenya Haddii aan eegno saamaynta uu yeelaanayo xidhiidhka xumaaday ee Kenya iyo Soomaaliya, waxaad mooddaa in Kenya ay wajihid oonto cidhiidhi ganacsi iyo mid siyaasaddeedba. Siyaasadda aan ka hadlaayo ayaa ah in Kenya ay weyn doonto metaladdii ay Soomaaliya kaga gudbanayd, taas oo inta badan ahayd meesha ay beesha caalaamku ka hagijireen siyaasadda iyo deeqaha Soomaaliay. Dhinaca kale, Kenya waxay Soomaaliya ku qabtay ganacsi badan, kaas oo maalin kasta kordhinaayay dakhliga Kenya, hoosna u dhigaayay kan Soomaaliya. Ugu dambayntii waxaad moodda in ay tahay faa’iido ay in badan Soomaaliya sugaysay oo Afka ka soo gashay. W/Q: Cumar Rodol Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan, oo shalay ay dowladda Kenya ay ku amartay inuu degdeg dalkeeda uga baxo, ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. Wararka aan ka heleyno garoonka Aadan Cadde ayaa sheegaya in diyaaradda siday Tarsan ay goor dhow soo cago dhigatay garoonka, waxaana muuqata in Tarsan uusan kadib dhicin waqtigii 24-ka saac ahaa ee loo qabtay inuu kaga baxo Kenya. Tarsan ayaa waxaa diyaaradda la saarnaa Marwada Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmahan ku sugneyd Nairobi ayada oo kasoo laabatay safari caalami ah oo ay dhowr dal kusoo bixisay iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo xalay soo galay Nairobi, isla markaana Transit ku ahaa magaalada, isaga oo kasoo laabtay dalka Sweden. Tarsan ayaa shalay looga yeeray xarunta wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, halkaasi oo uu kula kulmay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau oo u gacan geliyey go’aanka Kenya. Kenya ayaa sidoo kale u yeeratay safiirkeedii Soomaaliya Lieutenant-General (Rtd) Lucas Tumbo oo isna loo sheegay inuu deg deg ugu soo laabto Nairobi, si arrimahan loogala hadlo. Kenya ayaa arrintan sabab ug dhigtay in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooshin shidaal oo ku yaalla “dhul ay leedahay Kenya”, intii uu socday shirka shidaalka Soomaaliya ee London, sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jamaal Cali Xuseen Iyo Sheeko Taabanaysa Cidhib Xumadda Ay Sababto Markhaati Beenaalaha Iyo Caadilka Xukunka Qalooca Rida “Haddii Ay Adiga Ku Seegto,Ubadkaaga Dhaafi Mayso”. “Kuwan Cadaaladda Loo Dhiibay Ee Xaqdaradda Qof Ugu Sameynaya Iyagoo Hebel Kale U Hiilinaya, Weliba Waxa La Yidhi Haddaad Adigu Badbaadana …” Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Mid ah Siyaasiyiinta ugu miisaanka Culus Somaliland Islamarkaana mudooyinka dambe sheekooyin maldahan ku soo qaata dhacdooyinka maalinlaha ah ee dalka ka dhaca ayaa mar kale sheeko cajiib ah oo ku cibro qaadasho ah ku soo qaatay raadka xun ee ay If iyo Aakhiraba ku keento ninka Markhaati beenaalaha fura iyo Caadilka Xukunka Baadilka ah ridda. Akhri Nin Beerka, Wadnaha iyo kelyuhu istaageen, Muxuu sameeyay”. Qisooyinka inaga dhex dhaca Waxay marwalba hogatusaale u yihiin nolosheena. Sheekadan kooban een idinla wadaagayaa waa mid Ku haboon maantoo Jimce ah. Nin baa doraad iiga sheekeeyey. Nin xanuusanaya oo cisbitaalka jiifa ayaa kelyahiisii in yari shaqaynaysayoo la filayaay inay fadhiistaan, wadna xanuun xun wuu leeyahaa, beerkuna sidoo kale. Xaaladiisa caafimaad ayeey dhakhtaraddii ka dayriyeen. Ninkii ayaa kolkuu xaaladiisii arkay u yeedhay dhakhtarkii Oo ku yidhi waxaad iigu yeedhaa Ninka hebel la yidhaa Oo telefoonkiisa hebel kale weydii. Adigu dhakhtarkii wuxuu helay hebelkii uu raadinaayey ee ninka xanuusanayaa u diray. Kolkii uu la hadlay ayuu dhakharkii u sheegay in hebel Oo xanuusanayaa raadinayo, dhakhtarkana uu jiifo. Dhakhtarkii ayuu weydiiyey sida Ninka loo hayo. Dhakhtarkii Oo aan ogeyn xidhiidhka labada nin ka dhexeeya una haysta inuu ehelkii yahay ayaa ku nuuxnuuxsaday oo u sharaxay sida kelyaha, beerka, iyo wadnahaba looga hayo ninkaasi. Xaguu dhakhtarkii ka filaayey inuu naxo Oo soo cararo Oo Ninka dhakhtarka Ugu yimaado ayuu ninkii ku jawaabay; ” Maanshallah kol haddii Ilaahay ducaddii Iga aqbalay Oo intii aan ku duceystayba uu maanta u jiifo” Dhakhtarkii Oo Ilaahay fajac u keenay ayaa weydiiyey sababta ku keliftay ee uu hadalkaasi u yidhi. Ninkii ayaa ku jawaabay; ” Dhakhtaroow ninkan ku soo diray ayaa kitaab beenaale markhaati ugu furay nin kale Oo Iga qaaday guriga yaroo oon lahaa iyadoo halkii wixii aan sanado badan u shaqaysanayey ay ku qaateen caruurtaydiina ugu guri waayey. Maanta markuu ogaaday inuu dhimanayo ayuu aayar uun rabaa inaan saamaxo. Nin Dhakhtarka ahaana halkii buu ka cago jiiday isagoo labadda dhaban haysta. Odhan mayno waa sax, odhan mayno waa qalad. Laakiin waa hogatusaale in aynaan markhaati beena isu furin, cidna cid kale lugta u jiidin, xaqdarana qof Ugu sameeynin, xaqdaradana laga aamusin.Aakhiradana ha loo tudho, dadkana ruux lagu jiro Ilaahaybaa oge is dhowra weliba kuwan ummadda xaqoodii gacanta ku haya, kuwa baayacmusheriga iyo siyaasadda isu khiyaamaynaya, kuwan cadaaladda loo dhiibay, kuwan xaqdaradda qof Ugu sameynaya iyagoo hebel kale u hiilinaya, weliba waxa la yidhi haddaad adigu badbaadana dhashaada ayeey sugtaa; waar cuqubadda la gelayo halaga digtoonaado dhinac kastaba. Jimce mubaarak. Qaran News
-
Qoryooley (SMN) – Warar dheraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo xalay ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisimo ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin degmadaasi. Sida ay shabeelle u xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka gobolka Sh/Hoose, waxaa dagaalkaasi ku dhaawacmay guddoomiyaha Qoryooley, ku xigeenkiisa, xoghayaha degmadaasi iyo taliyaha Booliska degmada Afgooye oo ku sugnaa xerada la weeraray. Dhaawacyada mas’uuliyiintan ayaa isla xalay loo soo qaaday gudaha magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad. Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wada halkaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. The post Dagaal khasaaro geystay oo xalay ka dhacay Qoryooley appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka Soomaaliyeed ayaa qaabab kala duwan kaga hadlay aragtidooda ku aadan go’aankii dowladda Kenya ay kasoo saartay arrimaha Soomaaliya iyo u yeeritaanka Safiirkii ka joogay magaalada Muqdisho. Baraha Bulshada iyo qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho ayay aragtiyada ugu badan ku dhiibteen, waxaana qaarkood ay soo bandhigeen hanaanka ay doonayaan Shacabka Soomaaliyeed in dowladda Soomaaliga kaga jawaabto go’aanka Kenya. Qaar kamid ah dadka aragtidooda ayaa waxay ku sheegeen inay doonayaan in dowladda Soomaaliya ay Kenya ugu Jawaabto lixdan qodob oo kale ah:- 1 – In Soomaaliya aysan gorgortan ka geleyn buqcadaha shidaalkeeda. 2 – In muran xadeedka badda aaney Soomaaliya aqbalayn luuq-luuq ee Maxkamadda ICJ lagu kala baxo. 3 – Haddii Kenya ay ixtiraami weyso madaxbananida daleed, dhuleed iyo tan dadeed ee Soomaaliya xiriirka diplomaasiyadda hoos loo dhigo, haddii ay waantoobi weysana loo jaro. 4 – Ganacsiga qaadka in laga mamnuuco guud ahaan dalka. 5 – Hay’adaha ka shaqeeya Soomaaliya in lagu qasbo inay ka guuraan Nairobi ayna Muqdisho ama mel Soomaaliya ogol oo ku dhow degaan. 6 – Ciidanka Kenya ee Amisom in dalkooda ay ku laabtaan. Shacabka Soomaaliyeed ayaa u muuqda inay aad kaga xumaadeen hadalka kasoo baxay dowladda Kenya, waxaana la sugayaa jawaabta dowladda Soomaaliya ay ka bixiso go’aanka dowladda Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (SMN) – Madaxda sare ee dalka ayaa xalay kulan gaar ah ka yeeshay warkii ka soo baxay dowladda Kenya ee ku aadanaa arrimaha shidaalka Soomaaliya. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu u dhexeeyay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya. Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankani diirada lagu saaray go’aanka laga qaadanayo dowladda Kenya oo shaacisay in Soomaaliya ay iibgeysay shidaal ku jira dhulkeeda, kadib shirkii todobadii bishan ka dhacay magaalada Lodon ee xarunta dalka Ingiriiska. Madaxda Qaranka ayaa ka fakiraya jawaabta laga bixinayo hadalkaasi, maadaama dowladda Kenya ay u yeertay safiirkeeda u fadhiya M/Muqdisho. Dhanka kale Ugaas Maxamed Weli oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo la hadlay Shabelle ayaa ugu baaqay DFS in ay go’aan deg-deg ah ka qaaadato dalka Kenya. Ugaaska ayaa sheegay in dowladda Kenya ay wado daan daansi ka dhan ah Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Madaxda Qaranka Oo kulan ka yeeshay hadalkii Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa warka subax ee Idaacadda Goobjoog 17-02-2019, waxaana warkeenna maanta akhrinaya wariyaheena C/salaan Cali Xueen. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/WAR-SUBAX-17.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dawlada Somalia oo shaacisay hab qorshaha qaranka looga qeyb gelinayo Somaliland Xoghyaha Joogtada Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumairnta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa ka hadlay sida Maamulka Somaliland looga qaybgelinayo qorshaha qaranka ee ay Wasaaraddu waddo. Waxa uu sheegay Cabdulqaadir in looga talogelinayo sida Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka sare looga siiyay Xubnaha. Arrimaha Somaliland ayuu tilmaamay in ay u marayaan waxyaabaha ay ugu baahan yihiin Xubnaha ku matala Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xoghayaha Joogtada Wasaradda Qorsheynta ayaa meesha ka saaray in shirka qorsheynta uu leeyahay waji siyaasadeed, balse waxa uu xusay in uu ka tarjumayo Baahida shacabka. Qorshaha Horumarinta Dalka ayuu sal ugu dhigay Shirarkooda oo ku saabsan shan tiir oo kala ah: Siyaasada loo dhanyahay, Amniga, Dhaqalaha, Arrimaha bulsha deegaanka iyo mareynta kheyraadka dalka. Isbadalka Wasiirada iyo Xukuumadaha ku yimaado waxa uu sheegay Xoghayaha Wasaaradda Qorsheynta in aan saameyn ku yeelan doono, lagana sii wadi karo marba meeshii uu marayay sida uu hadalka u dhigay. Wajiga 1-aad ee shirka 9-aad ee Qorsheynta Qaranka waxaa shalay diiradda lagu saaray kaalinta Ganacsatada iyo Rugta Ganacsiga ay leeyihiin ugana qaybqaadan karaan,iyada oo ra’yi ururin lagu sameeyay. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in lagu amrayo safiirka Somalia ee Kenya inuu dib dalkiisa ugu laabto, waxaana loo yeeray safiirka Kenya muddo u joogay Soomaaliya. Ka sokow arintaasi waxaa Kenya ay warsaxaafadeedkeeda ay ku adeegsatay erayo ad adag oo saameyn weyn ku yeelan kara xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ugu horeya in qoraalka lagu sheegay in Soomaaliya ay tahay dal cadow ku ah Kenya. Sidoo kale Qoraalka Kenya waxay ku sheegtay in Soomaaliya ay xaraashtay Shidaalka ku jira biyaha lagu murunsanyahay, waana erayga labaad ee adag ee lagu adeegsaday qoraalka kasoo baxay dowladda Kenya. Marka la eego hanaanka diblumaasiyadeed ee labo dowlo waxaa marka horeysa si hoose la iskuugu diraa warqado cabasho ah, haddii marxaladaa laga gudbo, waxaa fariin toos ah dowladda loogu dhiibaa safiirka wakiilka ka ah, waxaa kadib xigta in warqad toos loogu diro wasaaradda arrimaha dibadda, kadibna ayaana arinta banaanka la keenaa marka marxaladaasi oo dhan wax laga qaban waayo. Dadka falanqeeya xiriirka diblumaasiyadeed ayaa sheegaya in dowladda Kenya lagu qabsan karo erayga “Dal cadow ku ah Kenya”, kaasi oo la sheegay inuu lamicno yahay inay ku xigo karto duulaan lagu qaado dalka eedaasi oo kale loo jeediyay. Xiriirka Kenya iyo Somalia ayaa walaac weyn abuuri kara, marka la eego sida ay iskugu wanaagsanaayeen labada dowladood labadii sano ee lasoo dhaafay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dowladda Kenya ayaa xiriirkii u jartay dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo hadal hayn badan dhalisay. Waxa ay dowladda Kenya u yeertay safiirkeedii u joogay Muqdisho, iyada oo sidoo kale iska soo erisay safiirkii Soomaaliya ee Nairobi fadhiyey. Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa arrintan ku sheegtay cabasho ku aaddan shidaalka Soomaaliya. Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo saxaafadda kula hadlay magaalada Nairobi wuxuu sheegay in Soomaaliya ay xaraasheyso xirmooyin shidaal ah, kuna xad-gudubtay kheyraadka dalkooda, taasi oo uu kala jeedo muranka dhanka badda ah ee Kenya iyo Soomaaliya. Kenya oo isku dayeeysa iney boobto qeyb ka mid ah badda Soomaaliya ayaa hadana waxa ay weli kusii adkeysaneysaa in meelaha la baarayo dhulkeeda tahay. Dowladda Federaalka Maxay Ka Tiri Arrintan? Dowladda federaalka Soomaaliya weli wax war ah oo arrintan ku saabsan lagama hayo, waxaana inoo suurtagelin illaa iyo hadda inaan helno xubno mid ah ah dowladda si aan wax uga weydiinno. Waxaa la filayaa in dowladda ay arrintan ka hadasho xilliyada ina soo aaddan. Hadalhaynta bulshada Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad u hadal haya arrintan, waxayna qaarkood is weydiiyeen waxa xilligan ay Kenya u hayso Soomaaliya. Dadka qaar ayaa soo jeediyey in dowladda qudheeda ay ku dhowaaqdo iney xiriirka u jartay Kenya, islamarkaana dalka ay ciidankeeda kala baxdo. Inkastoo xiriirka siyaasadeed uu yahay waxa go’ay hadana Labadan dowladood waxaa isaga xiran dano badan, Kenya qudheeda Soomaaliya waxa ay ku qabtaa dan aad u weyn, waxaana kaga xiran ganacsi badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Toban Talo oo Qorshaha Nolosha ah:- Noloshu waxay u baahan tahay qorshayaal joogto ah si ay u gaadho hadafkeeda iyo Himiladeedaba taasina waxay u baahan tahay innaad Toban kan Qodob fahantid ka dibna ku dhaqantid oo aad ka dhigatid mid aad ku xisaabtamaysid. Haddii aan xooggaa kuu sheego waxa ugu horreeya innaad yeelatid buugga qorshaha ee Naftaada dibna aad raacdid tallaabooyinkan:- 1. Sammayso Qorshe Wiigle ah, kadibna samayso oo liis garee Meelaha aad hiigsanaysid, qorshee qaabkii aad ku gaadhi lahayd iyo waddooyinka ku hor yaalla, sidoo kale shaqooyinkaaga caadiga si aad u qabsatid soo liis garee Maxaad qabanaysaa wiigan Maxaa muhiim ah maxaase aan muhiim ahayn soo horreysii qorshaha muhiimka ah. 2. Sammayso qorshe Bile ah iyo sanadle ahba Bishan maxaad qaban kartaa ama ku hor yaalla shaqo ama waxbarasho ama shaqoraadsi sidoo kale sanadkan maxaad qorshe ka dhiganaysaa waa in aad sanadkasta samaysaa qorshe sanadeed ka dibna ku dedaashaa gaadhistiisa. Liis garee baahida ku hor taagan Xalkana iyo wakhtigana raaci. Maalinkasta qabo wixii aad qorshaysan haddii Alle nabad qab kugu gaadhsiiyo. 3. Maalinkasta Subaxii dhe Alx, ka dibna markaaad toostid Warqad yar ku qoro waxa aad rabtid innaad qabatid kana soo qor Buuggii qorshaha jeebkana ku qaado oo ku xisaabtan. 4. Fuli wixii aad qorsheysay una fuli sidii aad u kala jeclayd, sidoo kalena u fuli sidii aad ay u kala muhiimsanaayeen. 5. Alle tallo saaro subaxkasta u mahadnaq, Xidhiidhka Allena adkee, Ducadda badso, waalidkaa ka duceyso subaxkasta caawina intaad caawin kartid haddii ay kaa hooseeyaanna u ducee. 6. Shaqooyinka Aan qorshaha ku jirin Ha ku degdegin qabashadooda wixii aad muhiim ahayn, iskuna day innaad cidkasta ugu jawaabtid in aanay qorshahaaga kugu jirin se aad wakhti u sammaysanaysid. 7. Alle ha kugu guulleeyo markasta waxaad u dhaqaaqdidba. 8. Markasta iswaydii maxaa kuuqabsoomay maxaa kuu qabsoomay maxaanse kuu qabsoomin, mararka aad guulleysatid sammayso Dabaaldeg yar oo keli kuu ah Allena ugu mahadnaq, mararka aad guulderaysatidna Alle ugu mahadnaq kana bari inuu marlabaadka kugu guuleeyo kuna celi. 9. Guushaadu waa guushayda Guulleyso 10. Sidaan kuu caawiyay ee aan kuulla taliyayna dadka ula talli uguna gudbi haddii aad wax wanaagsan u aragtid qoraalkan. Farxaan Maxamed (Rakad) Farxaanmxd@gmail.com Facebook: Rakad Mxd Sultan Berbera Caawiye Bulsho iyo lataliye Nololeed. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waxyaabaha qasbay in taliska ciidamada AMISOM ay badalaan qorshaha dagaalka ay kula jiraan ciidamada Al Shabaab. Afhayeenka dhanka howlgalada Al Shabaab Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay danta ku qasabtay inay badalaan qorshaha dagaalka ay kula jiraan AL SHabaab 11 kii sano ee lasoo dhaafay. Dagaalka jid galka ah ee Al shabaab ku qaadaan ciidamada AMISOM marka ay dhulka ku safrayaan ayuu sheegay in saameyn weyn uu ku yeeshay AMISOM, islamarkaana uu qasbay inay badalaan qorshaha dagaalka. Arinta kale ee sababtay inay AMISOM badasho qorshaha dagaalka ayuu sheegay inay tahay in ciidamada qaarkood ay ku go’doonsan yihiin magaalooyin iyo deegaano ku yaala Somalia sida Baraawe,Buulo Mareer,Qansax-dheere iyo Maryan Gubaay. Taliyayaasha Howlgalka Midowga Afrika ayaa shir ay shantii maalmood ee la soo dhaafay ku lahaayeen Muqdisho waxaa ay uga soo saareen isbeddel lagu sameeyay howlgalka AMISOM. Qorshaha cusub ayaa lagu sheegay in howlgalka hadda kaddib uu noqonayo mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah islamarkaana la beegsanayo goobaha la rumeysanyahay in Al-shabaab ay ka abaabulaan weerarrada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com