Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya waxay caddeyneysaa: 1. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineysaa in ay [...] Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal rasmi ah, oo ay uga jawaabeyso go’aankii dowladda Kenya, kaasi oo loogu talo-galay shacabka iyo warbaahinta. Qoraal goor-dhow ay baahisay warbaahinta, oo ay Caasimada Online ku jirto, islamarkaana kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda, ayaa la sheegay inuu ahaa qoraal loogu talo-galay dowladda Kenya oo kaliya, balse ay dusisay. Hoos ka aqriso qoraalka cusub ee kasoo baxay dowladda Soomaaliya. WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo 2019, waxay caddeyneysaa: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineysaa in ay u taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida, qarannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay warsaxaafadeedka aan xaqqiiqda kunsalaysnan ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, kuna amartay danjiraha Soomaaliya ee Kenya in uu wada tashi ugu laabto Soomaaliya, sidoo kalena wada tashi ugu yeertay danjiraheeda. War saxaafaddksaas oo ay ku jireen qodobo meel ka dhac weyn ku ah dowladnimada, sharafka, iyo deris-wanaagga ka dhaxeeya labada shacab. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa in khariidadda shidaalka Soomaaliya ee lagu soo bandhigay shirkii London ay ku muujineysay badda Soomaaliya, islamarkaasna aysan jirin wax xirmooyin (Blocks) ah oo la xaraashay. Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay xaqnimada dacwadda ay u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, waxayna aaminsan tahay in ay maxkamaddu u qaadi doonto dacwadaas si xaq ah. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in laga war dhowro go’aanka Maxkamadda. Dowladda Soomaaliya iyada oo mareysa wadiiqooyinka diblamaasiyadeed ee caalamiga ah waxay dowladda Kenya la wadaagtay qoraal rasmi oo ay uga falcelineyso war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaraddeeda Arrimaha Dibadda. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xusuusan tahay kaalintii wanaagsaneyd ee ay Dowladda Kenya ku garab istaagtay Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celineysaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan oo muujiyay midnimo iyo waddaniyad, taageerana la garab istaagay dowladdooda. Dhammaad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo 2019, waxay caddeyneysaa: 1. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineysaa in ay u taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida, qarannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 2. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay warsaxaafadeedka aan xaqqiiqda kunsalaysnan ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, kuna amartay danjiraha Soomaaliya ee Kenya in uu wada tashi ugu laabto Soomaaliya, sidoo kalena wada tashi ugu yeertay danjiraheeda. War saxaafaddksaas oo ay ku jireen qodobo meel ka dhac weyn ku ah dowladnimada, sharafka, iyo deris-wanaagga ka dhaxeeya labada shacab. 3. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa in khariidadda shidaalka Soomaaliya ee lagu soo bandhigay shirkii London ay ku muujineysay badda Soomaaliya, islamarkaasna aysan jirin wax xirmooyin (Blocks) ah oo la xaraashay. 4. Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay xaqnimada dacwadda ay u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, waxayna aaminsan tahay in ay maxkamaddu u qaadi doonto dacwadaas si xaq ah. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in laga war dhowro go’aanka Maxkamadda. 5. Dowladda Soomaaliya iyada oo mareysa wadiiqooyinka diblamaasiyadeed ee caalamiga ah waxay dowladda Kenya la wadaagtay qoraal rasmi oo ay uga falcelineyso war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaraddeeda Arrimaha Dibadda. 6. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xusuusan tahay kaalintii wanaagsaneyd ee ay Dowladda Kenya ku garab istaagtay Soomaaliya. 7. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celineysaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan oo muujiyay midnimo iyo waddaniyad, taageerana la garab istaagay dowladdooda. The post DF Soomaaliya oo ka jawaabtay hadalkii ka soo baxay Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
  4. (SLT-Rita’s) Raysal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Dalkaasi Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadaer) oo ay wehliyaan wasiirrada maaliyadda iyo xannaanada xoolaha ayaa dalka Sucuudiga kula kulmay wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha boqortooyada Sucuudiga, Eng. Abdulrahman bin Abdulmohsen Al-Fadley. Kulanka ay yeesheen wadfiga uu hoggaaminayo Raysal Wasaare ku-xigeenka iyo wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha boqortooyada Sucuudiga ayaa looga hadlay qorshaha xoolaha Soomaaliya loogu iib-gaynayo suuqyada dalka Sucuudiga. Raysal Wasaar ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadaer), iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray dalka Sucuudi Carabiya oo kamid ah dalalka xariirka walaaltinnimo ee soo jireenka ah uu kala dhexeeyo Soomaaliya. Source
  5. (SLT-Nairobi) Xoghaya Joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegay inaysan dowladda Kenya dalkeeda ka eryin safiirkii Soomaaliya Maxamud Ahmed Nuur (Tarsan) isagoo sixitaan ku sameeyay sida tallaabadii Kenya Warbaahinta u bahisay. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Danjire Macharia Kamau oo ahaa masuulkii u yeeray Danjire Tarsan ku sheegay inaysan u yeereen safiirkooda Muqdisho, isla markaana aysan eryin Safiirkii Somalia, wuxuuna yidhi: &Waxaan safiirkeena ugu yeernay la-tashi, waxaanan Safiirkooda weydiisanay inuu tago si ay dhinacooda wadahadal u yeeshaan, si aan u xalinno arrintan oo warbixinno cad oo sax ah labada dhinac u helaan.. Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa sidoo kale sheegay inaysan Kenya ku faraxsaneyn sida dowladda Somalia u iib geystay xuduudka Badda Kenya ay leedahay, sida uu yiri. Waxaa muuqata isbedel weyn oo Kenya ku yimid ku dhowaad 24 saacadood markii uu soo baxay go’aankeedii la yaabka lahaa ee ay dowladda Somalia ugu yeeray caddow ay leedahay. Source
  6. Xilwareejin, Wasaaradda Caafimaadka Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa maanta xilka ku wareejiyay Wasiirka cusub Jaamac Faarax Xasan. Xil wareejinta oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddi Madaxweyne Deni magacaabay, Agaasimayaasha Wasaaradda iyo shaqaalaha xarunta dhexe ayaa Wasiir Cuuke ku wareejiyay Wasiirka cusub lacag deyn ah oo ka maqan qaar kamid shaqaalaha. Wasiirkii hore ee Caafimaadka Puntland Cabdinasir Cismaan Cuuke ayaa sheegay in lacag dhan 2.1 milyan doolar oo mushaar ah ka maqan yahay 785 shaqaale oo mushaari ka ah dowladda, sidoo kale Cuuke ayaa sheegay in khasnadda Wasaaradda ay ku jirto lacag mushaar ah oo dhan $781,045.08 iyo Sh. So. 117,847,000. Cabdinaasir Cuuke ayaa faahfaahin dheer ka xibin, sababta lacagta intaas le’eg ay uga maqan tahay qaar kamid ah shaqaalihii Wasaaradiisa. Qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa warbaahinta PUNTLAND POST, u sheegay in mushaar dowladeed ay ugu dambeysay bishii labaad ee sanadkii 2016. Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxaa kaba hay’addo ay kamid yihiin UNICEF, Save The Children, World Vision iyo GIZ, kuwaas oo si joogto ah u siiya mushaarooyin. Cabdinasir Cismaan Cuuke ayaa Wasaaradda Caafimaadka Puntland Wasiir ka ahaa muddo 4 sano ah. PUNTLAND POST The post Wasiirkii hore Caafimaadka Puntland oo deyn wareejiyay appeared first on Puntland Post.
  7. (SLT-Hargeysa)-Allaab Dhacday Oo Lagu Daadiyay Duleedka Magaalada Hargeysa Oo Xoolo Badan Ku Dhinteen Iyo Dad Lala Tacaalayo Xaaladooda Caafimaad, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay go’aankii ay Kenya ugu yeertay safiirkeeda Soomaaliya, islamarkaana Muqdisho ugu soo dirtay safiirkii Soomaaliya ee dalka Kenya. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya oo loo diray Kenya, ayaa lagu sheegay inuusan jirin dhul ay leedahay Kenya oo shidaalka ku jiray ay xirmooyinkiisa xaraashtay dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay caddeysay in dhul-badeedka ay ku yaalaan xirmooyinka shidaal ee lagu soo bandhigay London uu yahay dhul-badeedka Soomaaliya, uuna waafaqsan yahay mowqifka Soomaaliya ay ku dheggan tahay muddada fog, ayna ku jirto sheegashada Soomaaliya ee ku cad kiiska badda ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda. Dowladda Soomaaliya waxa ay sidoo kale sheegtay in aagagga ay ku yaalaan xirmooyinka shidaal ee ay yaboohday ay waafaqsan yihiin go’aanada maxkamadda ICJ, islamarkaana aysan iib-geyn wax xirmooyin shidaal ah oo ku yaalla dhul-badeedka lagu muransan yahay. Soomaaliya waxay ay sheegtay in Kenya u xaqiijineyso inaysan qaadan doonin go’aan hal dhinac ah, oo ay dhaq-dhaqaaqyo uga sameeyneyso dhul-badeedka lagu mursan yahay ka hor inta maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee iCJ ay go’aan ka gaareyso kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Soomaaliya waxa ay sidoo kale sheegtay in Kenya ay u xaqiijineyso in marka ICJ ay gaarto go’aankeeda ay ixtiraami doonto una hoggaansami doonto. Soomaaliya waxa ay sheegtay inay ka xun tahay go’aanka ay dowladda Kenya ugu amartay safiirka Soomaaliya inuu ka baxo dalkeeda, ayada oo aan wax wada-tashi ah kala yeelan dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay inay ka go’an tahay in Kenya kala shaqeyso sidii wax looga qaban lahaa arrimaha ay wada wajahayaan labada dal. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Nairobi (SMN) – Musalia Mudavadi, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ANC ee dalka Kenya ayaa ka hadlay xiisada diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo wadankaasi. Mudavadi, oo horey u soo noqday madaxwayne ku xigeenka Kenya ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay soo farageliyaan khilaafka. Waxa uu sheegay in hadii aanan si deg deg ah xal looga gaarin ay ka dhalan karto dhibaatooyin, sida uu hadalka udhigay. Xiisada diblumaasiyadeed oo cirka isku sii shareeraysaysa ayaa timid markii Kenya ay ku amartay danjiraha Somalia inuu dalkeeda isaga baxo. Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u soo bandhigtay caalamka shidaal ku jira dhul badeed ay ku muransan yihiin labada dowladood. Labada dal ee dariska ah ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir ganacsi oo qoto dheer, iyada oo aanan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto arrintani. Madaxda dowlada Soomaaliya illaa iyo haatan kama aysan hadlin arrintaan, inkasta oo la filayo in saacadaha soo socda ay war kasoo saaraan. The post Mucaaradka Kenya oo ka hadlay xiisada kala dhaxeysa Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Nairobi (PP) ─ Xog-hayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay inaysan Dowladda Kenya dalkeeda ka cayrin danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Maxamud Ahmed Nuur (Tarsan), isagoo wararka ay warbaahintu baahisay ku tilmaamay kuwo marin-habaabin ah. Macharia Kamau, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay inaysan u yeereen safiirkooda Muqdisho, isla markaana aysan eryin safiirkii Soomaaliya, isagoo xusay in tan ay tahay mid uu ku saxayo wararkii saxaafaddu ay baahisay. “Waxaan safiirkeena ugu yeernay la-tashi, waxaan safiirka Soomaaliya isna weydiisanay inuu tago dalkiisa si ay dhinacooda wada-hadal u yeeshaan, isla markaana aan u xallino khilaafka u dhexeeya labada dhinac,” ayuu Danjirhu ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Sidoo kale, Xog-hayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, ayaa intaas ku darya inaysan Kenya ku faraxsanayn sida Dowladda Soomaaliya u iib-geysay xuduudka Badda Kenya ay leedahay, taasoo uu sheegay in weli dhulkaas uu muran ka taagan yahay. “Kaydadka Shidaalku ku jiro ee ay beec-gaysay Dowladda Soomaaliua, gaar ahaan kuwa xuduud badeedka labada dal ku yaalla waa kuwo weli lagu muransan yahay, illaa dacwadoodu ay dhinac u dhacdana ma jirto dowlad isku dayi karta inay ka faa’iideysato khayraadka ku jira,” ayuu mar kale yiri Danjire Macharia Kamau. Dhanka kale, Hadalka kasoo yeeray Xog-hayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa kusoo beegmaya iyadoo Muqdisho uu dib ugu soo laabtay saakay danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan. Ugu dambeyn, Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax jawaab ah ka bixin hadalka dowladda Kenya kasoo yeeray ee dhaliyay khilaaf siyaasadeedka soo dhex-galay labada waddan, kaasoo si aad ah loo hadal-hayo. PUNTLAND POST The post Kenya oo war cusub ka soo saartay qaabkii lagu soo eryay Danjiraha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Muqdisho)-Dawladda Soomaaliya ayaa goor dhowayd jawaab ka bixisay tallaabadii ay shalay qaadday dawladda Kenya ee ay kula soo laabatay safiirkeeda Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in khariiradaha ay sheegtay dawladda Kenya ay muujinayso badda Soomaaliya ayna waafaqsan tahay mowqifka weligeed ee dawladda Soomaaliya iyo dawcadda ku saabsan xadka badda ee hortaalla maxkamadammada caalamiga ah ee Adudunka ee Hague. Waxay sheegtay Soomaaliya in mowqiifkaasi uu ka turjumanayo mas’uuliyadda saaran dawladda Soomaaliya ee ay ku ilaalinayso midnimada iyo madaxbannaaniddeeda siyaaso iyo dhuleed. Soomaaliya waxay sheegtay inay aad uga xuntahay waxa ay Kenya ku sheegtay inay Soomaaliya bixinayso xidhmooyin bad ay lahaan karto Kenya. Waxay sheegtay inaysan qandaraas ku bixin xidhmooyin, qorshahana ugu jirin inay ku bixiso wax xidhmooyin ah oo ku yaalla degaanka lagu muransan yahay ilaa inta maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay go’aan ka gaadhayso. Soomaaliya waxay sheegtay inay u ballanqaadayso Kenya inaysan ku kicin falal dhinac keliya ah oo ku saabsan degaanka lagu muransan yahay ilaa maxkamaddu go’aan ka gaadho. Soomaaliya waxay sheegtay in markii maxkamaddu go’aankaas gaadho inay ixtiraami doonto go’aanka maxkamadda. Soomaaliya waxay sheegtay inay aad uga xuntahay go’aanka ay Kenya ku amartay safiirkii Soomaaliya Kenya inuu ka baxo Kenya iyadoo aan wax la tashi ah la samaynin dalwadda Soomaaliya. Source
  12. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Guray Oo Dib-U-Dhaca Doorashada Ku Eedeeyay Muuse Biixi Iyo Golaha Wakiilada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Goor sii horeysay oo maanta ah Caasimada Online waxay qortay war ku saabsanaa in hanti-dhowrka uu xiray xafiiska maaliyadda hay’adda NISA, islamarkaana baaritaan lagu billaabay. Qoraalkaasi waxaa ku jiray in qaar ka mid ah shaqaalaha NISA ay mushahar qaadan muddo 3 bilood ah, lacagtooadana laga soo qaaday bankiga dhexe balse aan la siin. Baaritaan dheeri ah, oo aan sameynay kadib wax caddeyn ah waan u weynay in shaqaalaha NISA aysan qaadan mushahar iyo in lacago lagu lunsaday midna. Warka aan sii daynay waxaa nala wadaagay ilo-wareedyo aan muddo ku kalsooneyn, waxaase cad inuu ahaa qalad. Waan ka cudur-daaranaynaa qaladkaas dhacay, waana ka raali-gelineynaa hay’adda NISA.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu soo dhigay facebook uga hadlay xiisadda cusub ee Soomaaliya iyo Kenya iyo waxa uu ka yaqaan Macharia Kamau oo ah ninka soo cayriyey Tarsan. Macharia Kamau waa xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, balse waxa uu horey u ahaa wakiilka Kenya ee QM, sida uu sheegay Yuusuf Garaad. Yuusuf Garaad ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in khilaafka labada dal uu ku dhammaan doono is afgarad, uuna rajeynayo in uu dhakhso u soo laabto “xiriirka derisnimo iyo iskaashi ee labada bulsho ee walaalaha ah, sinnabana aan u kala maarmin.” Hoos ka aqri qoraalkiisa oo dhameystiran Danjire Macharia Kamau oo shalay u sheegay Danjiraha Soomaaliya ee Nairobi, Maxamuud Axmed Nuur, in uu ku laabto Muqdisho, waa Danjirihii Kenya u fadhiyay xarunta Qarammada Midoobay ee New York markii aan anigu matalayay Soomaaliya. Markii aan ku booqday Xafiiskiisa Xarunta Ergada Kenya ee Qarammada Midoobay wuxuu ii muujiyay saaxiibtinnimo, wuxuuna ii ballan qaaday in uu gacan igu siiyo howlaheyga. Waxaa iigu dambeysay xafladdii New York ee xornimada Kenya ee 2016. Sawirka waxaa ka muuqda Danjirayaashii Qarammada Midoobay xilligaas ku matalayay, ka billow Midig: Sweden, Soomaaliya, Ireland, Kenya iyo Mareykanka. Waxaan ku kalsoon ahay in khilaafka labada dal uu ku dhammaan doono is afgarad. Waxaan rajeynayaa in uu dhakhso u soo laabto xiriirka derisnimo iyo iskaashi ee labada bulsho ee walaalaha ah, sinnabana aan u kala maarmin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo ah xoghayaha arimaha gudaha ee xisbiga UCID ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay lacago cashuuro ah oo shirkada Dp World ku kordhisay ganacsatada dekadda Berbera wax kala soo degta waxaana uu arrintaasi ku tilmaamay mid aan marnaba la aqbali Karin, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. The government of Somalia has disowned a statement suggesting it has declared all Kenyans within its boundaries persona non grata. While responding to inquiries regarding the viral communication, Directorate of Communications, Office of the President in Federal Republic of Somalia termed the message as fake. The statement comes with that backdrop of a diplomatic tiff pitting Kenya and Somalia. This is after it emerged that Somalia auctioned off several gas and oil block in the Indian Ocean to the UK on Thursday, February 7. The development saw the government send away Somalia Ambassador to Kenya Mohammed Muhamud Nur. The government also recalled its Ambassador to Mogadishu Lucas Tumbo for consultation on the matter. The post Somalia denies ordering Kenyans out of country appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa ka hadashay sababta ay Safiirkeeda ugala baxday Soomaliya isla markaasna ay u amartay in midka Soomaaliya uu deg deg ugu laabto dalkiisa. Kenya ayaa Fasiraad nooc kale ah ku sheegtay sababta ay safiirkeeda ugala baxday Soomaaliya. Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau ayaa sheegay in aanay Kenya eryin Safiirkii Soomaaliya u joogay Nairobi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, kaasoo saaka dib ugu laabtay magaalada Muqdisho. Amb. Macharia ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku qoray waxaa uu sixitaan ku sameeyay sida Warbaahinta uga hadashay tallaabadii Kenya ay ugu yeeratay Safiirkeeda, kuna wargelisay Safiirka Soomaaliya inuu ku laabto dalkiisa. “Uma aanan yeerin safiirkeena, mana aanan eryin safiirka Soomaaliya balse waxaan ugu wacnay wadatashiyo, waxaana waydiisannay safiirkooda inuh dowladdiisa lasoo tashaso si aan u xallino arrintan annaga oo ka duuleyna macluumaad sugan iyo xogo saxan oo labada dhinac ah”. Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. (SLT-Hargeysa)-Madaxwaynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Si Kadisa Loogu Dhex Arkay Magalada Wajaale Ee Dhinaca Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. MOQDISHO VS LONDON United Kingdom of Great Britain waa dawlad wayn oo qarniyo soo jirtay waxay aad iyo aad u tix-galiyaan arimaha Dublumaasiyada, Dawlada kasta oo ka hortimaada siyaasadeeda Arimaha Dibada waxay kala dagaalantaa gacanta 16aad. Xukuumada Fadaraalka Somalia ee Nabad & Nolol oo labadii bilood ee u dambeeyay daan-daansi Dublumasiyadeed kula kacday Great Britain siday ku aamintay in UK u qabato shirka arimaha PATROL ka Somalia ee lagu qabtay London 7 Feb. 1- N & N miyay iloobeen caydhintii ay kula kaceen Ergaygii Qaramada Midoobay u fadhiyay Somalia ee ingiriiska ahaa Mr. Nicholas Haysom . 2- N & N miyay iloobeen daan daansigii ay kula kaceen wasiirka difaaca ingriiska Mr. Gavin Williamso markuu booqasho ku tagay Hargaysa Somaliland. Labadaa xiisadoo oo wali taagan wax-heshiis ahna wali laga gaadhin ayay N&N raali ka noqdeen shirkay Great Britain u qabanayso Patrol ka Somalia, kubad fiican intay lala soo ciyaartay ayaa kildhi madaxa loo soo galisay. Imika iyo haatan Talaabada ay Kenya qaaday maaha mid dublumaasi-yadeed ( Kenya’s undiplomatic ) Arintani waxay u muuqataa in xiisadan gacan sadexaad ku jirto. Waxaan kula talinayaa MUQDISHO inay LONDON laheshiiso NAIROBI ka hor. Tusaale waxaa iga ah Somaliland oo wali guranaysa midhihii qaladkii 1960kii ay ka galeen Great Britain, waa caydhin tii ingriis ee wakhtigaa fog iyo calankii ay soo saxeexday boqorada ingiriisku oo mudo afar cisho gudahood talyaaniga lagu wareejiyay, waa siduu ingriisku u arko hashiiskii midaynta ee dhacay 1/July/1960. 31 sano ayuu Talyaanigu ugu faanaya ingiriiska inuu kaga guulaystay cariga somalida gaar ahaan midayntii dhacday 1/July/1960 kii, ingiriisna 31 kaa sano wuxuu ka shaqay-nayay siduu ku fashilin lahaa farxadaa iyo faanka Talyaani ee hirgalay taariikhaada jor ku xusan. Ingiriisku wuxuu Talyaani ka guulaystay 18/5/1991 markii Somaliland dib loogu dhawaaqay, faan kii talyaanina halkaas ayay ku soo afjareen, ilaa hada oo ah 28 sano madaxda Somaliland wali madareen-sana qaladka wakhtigaa lagalay, halka laga haysto, iyo faranta dagaal ee gacanta 16aad ah ee wali ku furan. Alaa mahad leh . Amb Ahmed Safiina Xoghayaha xidhiidhka dawladaha carabta iyo wadamada islaamka ee xisbiga WADDANI Qaran News
  21. (SLT-Washinton)-Haweeney uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u magacaabay danjiaha Mareykanka ee Qaramada Midobaay ayaa ka cudurdaaratay xilkaas sababo dhanka qoyska ah. Heather Nauert oo hadda ah afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa bishii December ee sannadki tagay uu madaxweyne Trump u magacaabay xilka danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay si ay u badasho Nikki Haley oo xilkas iska casishay dhamaadkii sannadkii 2018-ki. Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Nauert ay u diidday xilka loo magacaabay kaddib marki la ogaaday in gurigeeda ay muddo 10 sano ah ka shaqeysay haweeney si sharci darro ah ku daganeyd Mareykanka, taasoo u heyn jiray carruurta. Wargeyska The Washington Post ayaa sheegay in haweeneyda guriga uga shaqeynaysay Heather Nauert aysan bixinin muddo 10 sano ah lacagihi canshuuraha waajibka ahaa, isla markaana ay mushaharka ku qaadan jirtay lacag caddaaan ah. Nauert waxaa kale oo ay iska casishay xilka afhayeenka Waaxda aArrimaha Dibadda oo ay kasoo shaqeysay labadii sano ee lasoo dhaafay. Heather Nauert ayaa ka hor inta aysan ku biirin maamulka madaxweyne Trump waxay ay ka tirsaneyd wariyeyaasha TV-ga Fox oo ay warka ka akhrin jirtay. Source
  22. Nuxurka Qoraalka Kenya Qoraalka ama Jawaabta Somalia Qaran News