-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Villa Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in imaatinkoodu ka tarjumayo xidhiidhka walaaltinimo ee labada dal isaga oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay inuu Soomaaliya ugu garab galo la dagaalanka Al-shabaab. “Waa maalin taariikhi ah oo xaqiiqatan ka tarjumaysa xiriirka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah. Waa inaan xoojinno iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga. Arrinta ugu muhiimsan waa iskaashiga arrimaha amniga iyo la dagaallanka qolooyinkan argagaxisada ah. Waxaan aad iyo aad runtii kaaga mahadcelinayaa hoggaankaaga oo aad qayb uga tahay la dagaallanka argagaxisada.” Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa sheegay inuu farriin walaaltinimo, hambalyo iyo dhiirrigelin uga sido shacabka reer Jabuuti, isaga oo hoosta ka xarriiqay in labada waddan ay wadaagaan xiriir walaaltinimo oo soojireen ah, dowladdiisana ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ku taageerto sidii ay ula soo noqon lahayd maqaamkii iyo sharaftii ay ku lahayd caalamka. “Dadweyneheennu waxa ay jecel yihiin inaan iskaashiga sii biirinno (kordhinno), waxa uu jecel yahay inaan wadaagno dhib iyo dheefba, waxa uu jecel yahay inaan isku duubnaanno, annaguna waxaan fulinaynaa waxa uu dadweyneheennu leeyahay. Wehel baad noo tihiin, annaguna wehel baan idiin nahay.” Wafdiga qaybta ka ah safarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo La-taliyayaal ayaa maanta iyo berri kulamo wadatashi ah la yeelan doona dhiggooda Soomaaliya si ay uga wada xaajoodaan adkeynta iyo sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war-saxafaadeed kasoo saartay wada-hadallo magaalada Muqdisho ku dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Villa Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah ee u taagan daadinta dhiigga shacabka iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in imaatinkoodu ka tarjumayo xiriirka walaaltinimo ee labada dal isaga oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay inuu Soomaaliya ugu garab galo la dagaalanka argagaxisada. Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan nabadgelyada dalka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, taasi oo ka tarjumaysa sida ay Dowladda Jabuuti daacadda uga tahay garabsiinta walaalahooda Soomaaliyeed. “Waa maalin taariikhi ah oo xaqiiqatan ka tarjumaysa xiriirka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah. Waa inaan xoojinno iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga. Arrinta ugu muhiimsan waa iskaashiga arrimaha amniga iyo la dagaallanka qolooyinkan argagaxisada ah. Waxaan aad iyo aad runtii kaaga mahadcelinayaa hoggaankaaga oo aad qayb uga tahay la dagaallanka argagaxisada.” Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa sheegay inuu farriin walaaltinimo, hambalyo iyo dhiirrigelin uga sido shacabka reer Jabuuti, isaga oo hoosta ka xarriiqay in labada waddan ay wadaagaan xiriir walaaltinimo oo soojireen ah, dowladdiisana ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ku taageerto sidii ay ula soo noqon lahayd maqaamkii iyo sharaftii ay ku lahayd caalamka. “Dadweyneheennu waxa ay jecel yihiin inaan iskaashiga sii biirinno (kordhinno), waxa uu jecel yahay inaan wadaagno dhib iyo dheefba, waxa uu jecel yahay inaan isku duubnaanno, annaguna waxaan fulinaynaa waxa uu dadweyneheennu leeyahay. Wehel baad noo tihiin, annaguna wehel baan idiin nahay.” Wafdiga qaybta ka ah safarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo La-taliyayaal ayaa maanta iyo berri kulamo wadatashi ah la yeelan doona dhiggooda Soomaaliya si ay uga wada xaajoodaan adkeynta iyo sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac. DHAMMAAD
-
Xog:Xafiis Xidhiidh Sirdoon oo Xukumada Farmaajo uga furnaa Hargeysa oo Banjaray,Lana fashiliyey!. Sida ilo-wareedyo xogogaal ahi u soo dusiyeen warfidiyeenka Qarannews waxaa Saldhiga dhexe ee Hargeysa ku xidhan muddo laba Todobaada ku dhawaada Naasir Saleebaan oo ah xidhiidhiyaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha & Hayadaha Caalamiga ah ee ku shaqada leh Amniga sida Sirdoonka caalamiga ah ee Dalalka UK & Maraykanka ee ka hawlgala Gudaha Somaliland.Naasir ayaa Waxaa xidhay oo uu Gacantooda ku jiraa Ciidamada Amniga Somaliland,Dhawr jeer ayaanu maxkamad ka soo hor muuqday,Ha yeeshee dib ayaa loo ceshay. Naasir Saleebaan ayaa waxa ayaa la shaqo geliyey xilligii xukumadii Siilanyo Talada Somaliland haysay,Yeelkeede Naasir intii Xukumadii Siilanyo dalka ka talinaysay ayaa la xidhay ka dib markii lagu helay Khiyaamo & inuu fojar-gareeyay,Sifooyin Khaldana u adeegsaday Saxeexii Wasiirka Arimaha Gudaha Xilligaa oo uu Wasaarada Warancade Wasiir ka ahaa,Balse waxa xogguhu tibaxayaan in lagu sii daayey Naasir Qaab beelaysan maadaba Siilanyo oo Talada Dalka hayey Adeer dhaw u yahay. Naasir Saleebaan wuxuu xafiis hawluhu u igman yahay ku fushado ka dhex samaystay ama ku dhex leeyahay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland,wuxuuna si dhaw & si toosaba ula shaqeeya Wasiirka Wasaarada & Hayadaha Sirdoonka Caalamiga ah Labadaba.Sidoo kale wuxuu Naasir wada shaqeyn dhaw la leeyahay Sirdoonka iyo Safaarada Turkigu ku leeyahay Hargeysa,Isagoo jila ama ula shaqeysta sidii qaab Mukhalas fiisayaasha dadka u soo saara ama u fududeeya, halkaas oo uu ka urursado ama ka helo Qadar Lacaga oo Buuran. Geesta kalena Naasir wuxuu Arimaha Amniga kala shaqeyn jiray Shirkadii fashilantay ee shidaal baadhista Genel Energy ee Dalka ka carartay, isagoo metelaayey inuu ka socdo Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland,Wuxuuna gebi ahaanba la wareegay Gaadiidkii & Agab kale ee ay Genel Energy ka tagtay oo uu badhkood xaraashay Badhna Gobollada Dhexe & Garoowe u diray & badh uu Hanti uu leeyahay ka dhigtay. Naasir ayaa sida xoggaha Warfidiyeenka Qarannews helay sheegayaan wuxu hadda u xidhan yahay ama loo haystaa Kiisas Culculus,Sida Khiyaamo Qaran & Bixin Sir Qaran oo muhiima oo uu u gudbiyey Sirdoonada uu la shaqeeyo & Somali xidhiidh wada shaqeyneed ka dhexeeyo oo ku sugan Muqdisho & Meelo kaleba.Waxayna Arintani xoojinaysaa ama marag u tahay Tuhuno jira & Hadallo Madaxweyne Farmaajo ka sanqadhiyey dhawr jeer ee ahaa in Unugyo & Hawl-wadeen toos ula shaqeeya Hargeysa & Gudaha Somaliland u joogaan.Taas oo laga dheehan karo ama laga dhex akhriyi karo in Naasir wada shaqeyn joogto ah la yeeshay xafiisyada sirdoonka Somalia,Farmaajo & Kheyraba,Siin jireyna Xoggo xasaasiya & Warbixino ku saabsan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Wasaarada Arimaha Gudaha & Somalilandba ka socda,Ku darsoo Masuulkii Xilkan uu hayo hadda Naasir uga horeeyay Maanta waa Madaxa Xidhiidhka Hayadaha Sirdoonka Caalamiga & Sirdoonka Somalia,Fadhigiisuna waa Muqdisho. Sidoo kale kiisaska loo haysto Naasir ayaa waxaa kaloo mid ahaa isagoo ku maxaafsada Saxeexa & Magaca wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland oo uu Gaadiid,Lacag iyo Agabyo kala duwan kaga helo Hayadaha Sirdoonka Caalamiga,Gaadiidkaa & qalabkaasna la sheegay inuu dib u sii iibiyo,Macaash buurana ka helo. Taa ka sakow Tibaaxo kale ayaa waxay iftiiminayaan inuu Naasir Horjooge & Xidhiidhiyaba u yahay Shebekad Dhalinyaro isku xidhan oo dalka Gudihiisa ku sugan oo wadashaqeyn joogto ah la leh Xafiisyada Madaxda Somalia. Isku soo wada duuboo inuu Naasir Galaangal u yeesho Sirraha Qaranka,xoggaha Xasaasiga ah ee Wasaarada Arimaha Gudaha & Saxeexyada ee uu Foojar-gareebayaba waxa la sheegayaa inuu u fududeeyay oo wada shaqeyn khusuusiya ka dhexeyso Agaasimaha Guud ee Maamulka Wasaarada Arimaha Gudaha ee Somaliland Cabdi Guray. Filasho wacan:Warbixino & Xoggo kale oo xasaasiya oo qadiyadan la xidhiidha. Qaran News
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Fanaaniinta Soomaaliyeed ee Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo ku dhowaad 30 sano ka hor ay ugu dambeysay. Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal, iyo sidoo kale fanaanka reer Jabuuti ee Cawaale Aadan, ayaa ka mid ahaa waftiga madaxweynaha Jabuuti ee maanta soo gaaray caasimadda Soomaaliya. Axmed Cali Cigaal iyo Xasan Aadan waa Fanaaniin Qaran oo ka mid ahaa Hoboladda Waaberi, waxay codkooda halaasiga ah magac iyo maamuus uga kasbadeen bulshadda Soomaaliyeed. Markii la ogaaday in ay dalka yimaadeen waxaa Baraha Bulshadda qabsaday sawirkooda, iyadoo dadkuna ay aad usoo dhaweeyeen in fanaaniintu muqdisho ku soo laabtaan. Sidoo kale fanaanka reer Jabuuti ee Cawaale aadan ayaa ka mid ah fananiinta maanta yimid Muqdisho. Wefdiga Madaxweyne Geelle ayaa waxaa kamid ah Wasiirro, Xildhibaano iyo Fanaaniin, waxaana Qorshuhu uu yahay in Madaxweynaha Jabuuti uu furay Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya oo ku taala Degmada C/casiis ee gobolka Banaadir. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi la socda Madaxweynaha ay dhankooda kulamo la qaadan doonaan madaxda Dalka, kaasi oo looga hadli doono xiriirka iyo Iskaashiga labada dal iyo sidii loo adkeyn lahaa. Halkaan hoose ka daawo wareysiga fanaaniinta Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Boosaaso (SMN) – Ciidamada maamulka Puntland ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay dib uga soo baxeen deegaanada Buuraleyda Galgala ee G/Bari. Ujeedada ay ciidanku u soo faarujiyeen deegaanadaasi ayaa lagu sheegay in ay la xariirto cabasho ay ka qabaan mushaar la’aan heysata in muddo ah. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan arrintaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona cabsi xoogan ay ka taagan tahay meelaha ay soo baneeyeen ciidamadu, maadaama ay halkaasi ay ku xoogan yihiin Al Shabaab. View the full article
-
A visiting African Union and United Nations (AU-UN) delegation wind up its weeklong assessment tour of Somalia this weekend, after evaluating progress made by the African Union Mission in Somalia (AMISOM), in the implementation of specified tasks, stipulated in the Somalia Transition Plan. The AU-UN delegation travelled to the port city of Kismayo in Jubbaland State; and Jowhar, the administrative capital of HirShabelle State this week, to assess the reconfiguration of AU troops, in line with the Transition Plan. The troops have played a significant role in cushioning the Federal Member States from Al-Shabaab insurgency, since setting up base in the regions. “The objective of our visit is to discuss with AMISOM military, police and civilian components, the progress made in the past year, assess the implementation of the Transition Plan; and the recent UN Security Council Resolution on Somalia,” Vincent Pasquini, the Team Leader of the visiting delegation said. Mr. Pasquini, who is from the UN Department of Political and Peacebuilding Affairs (DPPA) and the Department of Peace Operations (DPO), noted that the delegation made an assessment of the transition activities being undertaken by military contingents from Troop Contributing Countries to AMISOM, and their interface with the Somali National Security Forces. While in Jowhar, the delegation held closed-door consultations with senior Burundi military officials, to understand the magnitude of the challenges facing their troops. Captain Melance Nkengurutse, the Spokesperson for the Burundian troops said discussions with the delegation was centred on operational issues and joint operations between the AU troops and the Somali National Army. Before their departure from Somalia, the visiting delegation is expected to hold consultative talks with the Federal Government of Somalia, AMISOM leadership, the UN and international partners, on various issues; among them the implementation of the recommendations contained in the AMISOM Operational Readiness Assessment (ORA) report; and the political and security situation in the country, ahead of the one-person, one-vote elections, due in 2020/2021. View the full article
-
Awdheegle (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabelaha Hoose ayaa ku warramaya in maanta Al Shabab goob fagaare ah oo ku taalla degmada Awdheegle ay ku gubeen gaari Hoomey ah oo siday dhuxul. Ilo deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho u xaqiijiyay in Al Shabaab ay dab qabadsiiyeen gaarigaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Al Shabaab ay xireen darawakii waday gaariga. Muddooyinkii dambe Al Shabaab ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah gaadiid daabula dhuxusha ee isticmaala deegaanada ay arrimiyaan ee K/ Soomaaliya. View the full article
-
Waxaa maanta magaalada Muqdisho yimid Fanaaniinta caanka ah ee Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal oo muddo dalka ugu dambeysay. Cigaal oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay muddo kadib inuu dalka dib ugu soo noqdo. Xasan Aadan Samatar ayaa isna dhankiisa sheegay in 30 sano oo uu dalka ka maqnaa maanta ku faraxsan yahay sida loo soo dhoweeyay. Waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyey madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay la yimaadeen fanaaniintan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/Cod-Samatar.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Balcad (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyadan, xilli ay marayeen deegaanka Haan-Sheekh ee gobolkaasi. Lama oga illaa iyo hadda khaaaraha dhabta ah ee ciidamada AMISOM ka soo gaaray qaraxaasi. Dhinaca kale Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxani ayaa baahiyay in ay ku burburiyeen gaari Gaashaaman oo ay lahayeen ciidanka Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka HirShabelle iyo kan gobolka oo ku aadan dhacdadaasi. Al Shabaab ayaa inta badan weeraro dhaba gal ah ku qaada ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta M/Muqdisho si weyn loogu soo dhaweeyay fanaaniinta Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal oo ah hormuudka fanka Soomaaliya. Labada fanaan oo muddo dheer ku maqnaa dalka dibaddiisa ayaa waxaa ay maanta si lama filaan ah u soo gaareen Muqdisho, iyagoo qeyb ka wafdigii madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Gelle. Imaashaha labadaasi fanaan oo dalka ka maqnaa mudo sodon sano ah ayaa waxaa socdaalkoOda soo dhaweeyay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho. Sidoo kale socdaalka Samatar iyo Cigaal ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa oo fanaaniin Soomaaliyeed ay ku yimaadaan dalka, kadib burburkii Soomaaliya. Safarka labada fanaan ayaa waxaa sidoo kale ku wehlinaya fanaanka caanka ah reer Jabuuti Cawaale Aadan oo sanadihii la soo dhaafay ku noolaa waqooyiga Ameerika. View the full article
-
MUqdisho (Caasimada Online) – Waxa ay Faah faahin ka soo baxeysaa iska hor imaad barqanimadii maanta Muqdisho ku dhexmaray ciidan ilaalo u ah Gudoomiyaha Yaaqshiid & Ciidan ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya. Iska Hor imaadkaan ayaa waxa uu ka dhacay isgoyska Sanca oo kala qaybiya degmooyinka Yaaqshiid, Karaan iyo Shibis halkaas oo ay uxirneyd ciidamada booliska . Inta la ogyahay waxaa dagaalka ku geeriyooday hal askari oo magaciisa lagu soo koobay Abkoow, kaas oo kamid ahaa ilaalada gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Cabdiweli Cabdullaahi Maxamed oo dhawaan degmadaasi loo magacaabay. Iska hor imaadka ayaa waxa uu yimid, sida dad goob joogayaal ah sheegeen, kadib markii gudoomiyaha degmada Yaaqshiid uu isku dayey inuu isgoyska Sanca u gudo dhanka waddada soo aada Nasiib Buundo oo u xirneyd ciidamada booliska. Ciidamada ayaa la sheegay inay markaas ka biyo diiden waxaana muran soo kala dhex galay labadii ciidan, kadibna halkaas ay ka billaabatay is-rasaaseyn xooggan oo dhex-martay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The suspected white supremacist who allegedly slaughtered 49 people in mass shootings at two separate mosques in New Zealand appeared in court in the city of Christchurch and was charged with murder Saturday morning local time, authorities said. Brenton Tarrant, 28, was hit with just one murder charge, New Zealand Police said, but more charges were expected. Tarrant, who was handcuffed and clad in a white prison jumpsuit, made an “OK” hand gesture during his appearance — a symbol used by white nationalists and racist internet trolls, according to a photo published by the New Zealand Herald. He was remanded without bail and is expected back in court April 5. He killed 41 people at the Al Noor Mosque in the center of the city, then slaughtered seven more at the Linwood Mosque about 3 miles away, authorities said. Another victim died at a nearby hospital. Tarrant livestreamed his attack on Facebook and left behind a manifesto, in which he rambled about white supremacy and racism. View the full article
-
Aqoonyahan Idiris Sheekh Xasan Faarax oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa ayaa sheegay in shirkii kusoo dhammaaday Kismaayo ee Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Axmed Madoobe yahay mid fashilmay. Waxa uu ku eedeeyey Ra’iisul wasaare Kheyre in uu dhegaha ka fureystay dad uu sheegay iney ku dulman yihiin deegaannada Jubbaland. Idiris ayaa sheegay in ay ka filayeen Ra’iisul wasaare Kheyre in uu ka shaqeeyo sidii uu wax uga qaban lahaa maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe, balse ay arkeen in xukuumadda ay ku faraxsan tahay waxa ka jira Jubbaland waa sida uu hadalka u dhigaye. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WAREYSI-IDIRIS-SHEEKH-XASAN.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-16032019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa kalsoonidii kala noqday dallada ururrada dhalinyarada Somaliland ee SONYO. Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga Waddani ayaa sheegay, in sababta ay ugala noqdeen kalsoonida SONYO ay tahay; ka dib markii horraantii bishan ay madaxda ururku shir kaga qayb-galeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, shirkaasi oo lagaga hadlaayay arrimo la xidhiidha wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
