Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua ayaa weerar afka ah ku qaaday Agaasimaha Sirdoonka, Nordin Haji ka dib markii shalay khudbad ka jeediyay magaalo xeebeedka Mombasa, kadib dibadbaxyo dalka hareeyay maalmahaan. Waxaa uu ku tilmaamay Agaasimaha sarkaal hoose oo aan awood u lahayn inuu hoggaamiyo Hay’adda sirdoonka , isagoo ku sheegaya haddii ay sirdoonka shaqo wanaagsan qaban lahaayeen inaysan dhici lahayn xaaladda ay wajahayaan. Waxaa uu sheegay in Agaasimaha looga baahan yahay in uu shaqada ka taggo sidoo kalena uu qaato mas’uuliyada wixii dhacay. “Waxaan leenahay adeeg Sirdoon oo aan shaqeyneyn… Nordin Haji waa inuu qaataa mas’uuliyadda dhimashada iyo dhacdada xarunta baarlamaanka,waa inuu is casilaa waa inuu u oggolaadaa Ruto inuu soo doorto agaasime karti leh oo uu miyir qab ku soo celiyo NIS.”ayuu yiri Gachagua. Gachagua, oo ay ka muuqaatay in uu aad u careysan yahay ayaa intaasi kusii daray “Waa inuu mas’uul ka yahay dhimashada dhacday iyo qalalaasaha ka dhashay, waa inuu u oggolaadaa Ruto inuu soo doorto DG karti leh oo uu miyir qabo dib ugu soo celiyo NIS.” Madaxweynaha Kenya ayaa bishii March ee sanadkii 2023 kii u magacaabay Agaasimaha Sirdoonka Nuuradiin Haajji oo kasoo jeedda Soomaalida Kenya. Nuuradiin, kahor inta aan xilkan loo magacaabin wuxuu ahaa dacwad oogaha guud ee Kenya, isagoo intii uu xilkan hayay dacwado ku oogay siyaasiyiin caan ah oo qaarkood ay hayaan xilal sare oo lagu eedeeyay musuqmaasuq. Wuxuu sidoo kale Nuuradiin soo noqday agaasime ku xigeenka waaxda ka hortagga dembiyada abaabulan, isagoo isla waaxdan NIS ka shaqeynayay markaas. Source: goobjoog.com
  2. Warar dheeraad ah oo laga helayo dagaal beeleed ka socda gobolka Mudug Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya meleeshiyo beeleed uu ka socdo deegaannada miyiga ah ee ku yaalla galbeedka. Dagaalka oo bilowday foogtii hore ee saaka ayaa weli socda sida wararku ay sheegayaan, waxaana adag in la ogaado khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay ilaa iyo hadda dagaalka, maadaama dhulka uu ka socdo uu yahay aag miyi ah oo ay ku badanyihiin dadka xoolo dhaqatada ah. Colaadda u dhaxeeysa beelaha halkaa wada dega ayaa ku soo noqnoqotay degaannadaasi waxaana ay salka ku haysaa inta badan daaqqa iyo deegaanka, iyadoo isku dhicii ugu dambeyay ay ku dhinteen dad ka badan soddon qof. Wixii warar ah ee ku soo kordha halkaan kala soco Qaran News
  3. Madaxweynaha dalka Bolivia Luis Arce ayaa sheegay in ay fashiliyeen isku day afganbi oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan millatariga dalkaasi, kuwaas oo muddo kooban heystay madaxtooyada iyo aqalka baarlamaanka, ka hor inta aysan dib uga soo laaban. Cutubyo ka tirsan milatariga oo uu hoggaaminayay Jeneral Juan Jose Zuniga, oo dhawaan laga xayuubiyay xilka taliyaha ciidanka xoogga, ayaa isugu soo baxay fagaaraha u dhaw qasriga Plaza Murillo, oo ay ku yaallaan madaxtooyada iyo Congress-ka. Kolonyo baabuurta gaashaamman ah oo ay saarnaayeen askarta qabsatay madaxtooyada Bolivia, ayaa iyaga oo si saf ah ku socda dib uga soo laabtay qasriga madaxtooyada. Bqollaal ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha ay si dhaqso ah waxa ay buuxiyeen fagaaraha ku yaalla bannaanka qasriga madaxtooyada. Iyaga oo lulaya calanka kuna heesaya astaanta qaranka Bolivia, ayaa waxaa u gacmo-haatiyay madaxweynaha oo ay hareeraha ka joogeen wasiirradiisa. Madaxweyne Arce ayaa u mahadceliyay dadki isugu soo baxay fagaaaraha. Wuxuu wacad ku maray inuu meel adag ka istaagi dooni afganbiga, isaga oo markiiba taliye cusub u magacaabay ciidanka millatariga. Saacado yar kaddib, booliska Bolivia ayaa xiray jeneraalki ka danbeeyay isku-dayga afgani, kaddib marki uu xeer-ilaaliyaha guud uu furay dacwad ka dhan ah jeneraal Juan José Zúñiga. Wasiirka arrimaha gudaha Bolivia, Eduardo del Castillo ayaa warbaahinta u soo bandhigay Jen. Juan José Zuñiga, oo hoggaaminayay iskudaygii afgambiga laga hortagay ee Bolivia , kaaso markii warbaahinta loo soo bandhigay katiinad looga xiray gacmaha, isagoo gashan jaakadda aan xabbadu karin oo ay ku qorantahay ‘waa la xiray’. Sarkaalkan wuxuu wajahaya inuu halis galiyay nolashada madaxweynaha iyo nidaamka Bolivia, iyadoo sidoo kale lagu soo oogi karo mas’uuliyada illaa sagaal qof oo ku dhaawacmay rasaas la riday inta uu afgambiga socday, kaa oo ay si adag uga hortageen shacabka Bolivia. Source: goobjoog.com
  4. Dagaal beeleed xooggan ayaa saaka mar kale deegaanka Saaxa-qurun ee galbeedka Gobolka Mudug ka qarxay kaasoo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo deegaanka ah, waxaana fashilmay isku day dadaal nabadeed oo socday. Dagaalka ayaa yimid, ka dib is maandhaaf ka dhashay ceel biyood, sida la sheegay ay mid ka mid ah labadaasi beelood ka hirgelineysay duleedka deegaankaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsadayo. Labada maleeshiyo ee dagaalka uu u dhaxeeyo ayaa ka soo kala jeeda koonfurta Magaalada Gaalkacyo iyo Degmada Galdogob. Ma jirto cid illaa iyo hadda kala dhex gashay maleeshiyadaasi, balse odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ayaa ku baaqaya in dagaalka la joojiyo, nabaddana laga wada shaqeeyo. Colaadda beelahan deriska ah ayaa ku soo noqnoqotay gobolka, iyaga oo ka dhaxlay dib-u-dhac, amni darro iyo in dhiig badani oo dhexdooda ah ay iska daadiyaan. Dhowrkii sano ee ugu dambeysay beelahan ayaa nabad iyo iskaashi dhinaca horumarka ah ku wada joogay gobolka, ka dib heshiis nabadeed oo sanadkii 2020 ay ku gaareen Degmada Bandiiradley. Source: goobjoog.com
  5. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka uu dib uga qarxay dagaal u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed, kaas oo hadda ka socda galbeedka gobolkaasi. Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa ka qarxay deegaanka lagu magacaabo Maygaagta, waxaana uu u dhexeeyaa laba beelood oo isku haysta dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi. Labada dhinac oo horay ugu dagaalamay aaggan ayaa mar kale saaka is-farasaaray, kadib gurmadyo ay heleen, waxaana dagaalka la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan. Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in xaaladda ay faraha ka baxday, isla markaana ay dagaalka ku dhinteen in ka badan 10 qof, halka ay ku dhawaacmeen tiro intaas ka badan. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada Galmudug iyo Puntland oo ku aadan dagaalkaasi oo u dhexeeyo laba beelood oo kasoo kala jeeda maamulladaasi. Gobollada dhexe waxaa ka socda dagaal beeleedyo kala duwan, kuwaas oo gaystay khasaare aad u xoogan, kuwaas oo ka qarxay meelo kala duwan oo kamid ah gobolladaasi. Si kastaba, dagaalladan ayaa kusoo aaday, ayada oo weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo dib uga qarxay gobolka MUDUG appeared first on Caasimada Online.
  6. Dowladda Itoobiya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka ku saabsan in ay baabi’say is-afgaradkii dhinaca badda ee ay hore ula gashay maamulka Somaliland. Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa been abuur ku tilmaamay warqad lagu faafiyay baraha bulshada oo muujinaysa in Itoobiya ka baxday is-afgaradkii dhinaca badda ee Somaliland. Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in ay been abuur tahay warqadda ku faaftay baraha bulshada ee sheegaysa in Itoobiya baabi’isay is af-garadkaasi. “Xafiiska Ra’iisul wasaaruhu waxa uu dadwaynaha kula talinayaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuur ka ah ee wareegaya baraha bulshada ee ku saabsan isfahankii aanu la galnay Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalkaasi. Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sidoo kale sheegay in keliya wararka iyo go’aannada rasmiga ah ee dowladda Itoobiya lagala socon karo bogga xafiiska Ra’iisul wasaare Abiy. PUNTLAND POST The post Dowladda Itoobiya oo beenisay in ay ka laabatay is-afgaradkii badda ee Somaliland appeared first on Puntland Post.
  7. Madaxweynaha dalka Bolivia Luis Arce ayaa sheegay, in Arbacadi shalay ay fashiliyeen isku day afgenbi oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan millatariga dalkaasi. Madaxweyne Luis Arce ayaa sheegay in ciidanka af-genbiga sameeyay ay mudda kooban haysteen aqalka madaxtooyada iyo xarunta baarlamaanka dalkaasi ka hor inta aysan dib uga soo laaban. Af-genbiga waxa sameeyay cutubyo ka tirsan milatariga oo uu hoggaaminayay Jeneral Juan Jose Zuniga, oo dhawaan laga xayuubiyay xilka taliyaha ciidanka xoogga dalkaasi. Kolonyo baabuurta gaashaamman ah oo ay saarnaayeen askarta qabsatay madaxtooyada Bolivia, ayaa iyaga oo si saf ah ku socda dib uga soo laabtay qasriga madaxtooyada iyo xarunta baarlamanka. Dhinaca kale boqollaal ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha oo lulaya calanka kuna heesaya astaanta qaranka Bolivia ayaa si dhaqso ah ku buuxiyay fagaaraha ku yaalla bannaanka qasriga madaxtooyada. Saacado yar kaddib, booliska Bolivia ayaa xiray jeneraalki ka danbeeyay isku-dayga afgani, kaddib marki uu xeer-ilaaliyaha guud uu furay dacwad ka dhan ah jeneraal Juan José Zúñiga. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha dalka Bolivia oo ka badbaaday inqilaab millatari appeared first on Puntland Post.
  8. Dagaal beeleed culus ayaa lagu soo warramaya in uu mar kale saaka dib uga bilowday degaanno ka tirsan galbeedka gobolka Mudug. Dagaalka ayaa saaka ka socda nawaaxiga degaanka lagu magacaabo Jiicboor waxaana halkaasi ku dagaallamaya maleeshiyaad ka soo kala jeeda Galdogob iyo Bandiiradley. Dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac ayaa laga maqlayaa aga-gaarka Jiicboor oo uu ka socdo dagaalka sida laga soo xigtay dadka degaanka. Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa laga soo sheegaya dagaalka saaka oo lagu tilmaamay mid ka xooggan dagaalladii hore halkaasi ugu dhex maray maleeshiya-beeleedka labada dhinac. Sidoo kale dagaalka ayaa imaanaya iyadoo uu socday dadaal lagu raadinayay in la joojiyo colaadda islamarkaana la kala qaado maleeshiyaadka labada beelood. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed culus oo mar kale saaka ka bilowday galbeedka gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  9. Makka (Caasimada Online) – Maamulka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay Cabdul Wahab bin Zain Al Abidin Al Shaibi inuu yahay shakhsiga furaha Kacbada Kacbada hayn doona kadib markii uu geeriyooday Sheikh Saleh Al Shaibi. Munaasabada lagu wareejinayay furayaasha Kacbada iyo Maqaam Ibraahim (Maqaamka Nabi Ibraahim) ayaa Isniintii lagu qabtay magaalada Makkah. Sheikh Cabdul Raxmaan bin Salex Al-Shaibi, oo wiil uu dhalay Sheikh Salex Al-Shaibi, ayaa furaha ku wareejiyay Sheekh Cabdul Wahaab bin Zain Al-Abidin Al-Shaibi, oo ah mas’uulka 78-aad ee Kacbada. Sheekh Abdul Wahaab oo ah qofka ugu da’da weyn qoyska Al-Shaiba, ayaa loo magacaabay inuu beddelo Sheikh Saleh Al-Shaibi, oo ahaa sii hayaha sare ee Kacbada oo geeriyooday Jimcihii la soo dhaafay. Waxaa caado ah in furaha Kacbada iyo Maqaam Ibraahim lagu wareejiyo qofka ugu da’da weyn qoyska Al-Shaiba. Ka dib markii uu la wareegay furaha Kacbada, Sheekh Cabdul-Wahaab wuxuu yiri: “Ilaahay ha igu guuleeyo gudashada waajibaadkan iyo mas’uuliyadda labada masjid ee barakeysan.” Sheekh Cabdul-Wahaab waxa uu furi doonaa Kacbada si uu u fududeeyo dhaqidda munaasibka ah ee sanadlaha ah ee Muxaram 15, 1446. Ilaaliyaha Kacbada waa qofka kaliya ee haysta furaha Kacbada, wuxuuna u xil-saaran yahay wax kasta oo la xiriira arrimaha Beydka Alle, oo ay ka mid yihiin beddelidda Kiswada (marada ku daboolan), dhaqidda, iyo carfinta. Tan iyo waagii Nebi Muxamed (scw) qoyska reer Banii Shayba waxa loo igmaday ilaalinta Kacbada, furaheedana ay hayaan. Qoyska Shaiba waxay sii wadaan inay ixtiraamaan sunnadii Nebiga (NNKH) iyagoo u dhiibaya jagada ilaaliyaha (sadin) ee Kacbada xubintooda ugu da’da weyn. Markii uu Nebigu (NNKH) galay Kacbada markuu Makka qabsaday ayuu burburiyay dhammaan sanamyadii ku jiray, wuuna mayray, albaabkiina wuu xidhay, dabadeedna wuxuu u yeedhay Cusmaan Bin Talxa oo ka mid ahaa qoyska Bani Shaiba, wuxuuna u dhiibay furihii isagoo leh, “Furayaashani way sii jiri doonaan ilaa maalinta qiyaame. Cid kaa qaadi karta ma jirto aan ahayn daalim. Qoyska Al-Shaiba waxa ay ilaa waagaas ahaayeen kuwa ilaaliya Kacbada sida uu Eebbe u doonayey iyaga oo lagu soo dajiyay aayadda keliya ee ku soo degtay gudaha Kacbada. “Runtii, Allaah wuxuu ku amrayaa inaad u dhiibto ammaanada cidda leh. Axmed Adan Dagaal (Axmed Safiina) oo ka faalooda taariikhda islaamka ayaa BBC Somali u sheegay: “Wakhtigii Nebigu dhashay beelaha Qureysh shaqada Xaramka way u qaybsanayd”. “Reer Banii Haashim oo uu Nebigu ka dhashay waxay lahaayeen oo ay hayeen furaha ceelka Zamzamka iyo waraabinta xujayda oo loo yaqaanay (Al-Siqaaya). Furaha Kacbadan waxa hayay beesha reer Baniishayba,” ayuu yiri. Dr. Saleh Al-Shaibi, oo ahaa caalim weyn, aqoonyahan iyo qoraa, waxa uu ahaa ilaaliyaha sare ee Kacbada, muddo toban sano ah. Waxa uu qabtay booska 77-aad ee furaha Kacbada kadib geeridii adeerkiis Sheikh Abdulqadir Al-Shaibi Oktoobar 2014, wuxuuna hayay booskan ilaa dhimashadiisa. Al-Shaibi wuxuu ahaa ilaaliyaha sare ee 10-aad inta lagu guda jiro xilliga casriga ah ee Sacuudiga, wuxuuna la socday xaaladda labada masaajid ee barakeysan. Sheikh Saleh Al-Shaibi waxaa xilka kala wareegay Sheikh Abdul Wahhab Al-Shaibi oo ahaa qofka ugu weyn qoyska. Muxuu furaha Kacbada ka sameysan yahay? Waxa uu sheegay in furaha uu ka samaysan yahay bir, dhererkiisuna yahay 35 sentimitir. Waa la beddelay oo la casireeyay dhawr jeer qarniyadii la soo dhafay oo dhan. Maanta furaha iyo qufulka Kacbada waxaa laga sameeyay Nikkel oo lagu dhejiyay dahab 18-carat ah halka Kiswada gudaha ama gogosha Kacbada ay tahay cagaar. Al-Zulfah wuxuu sheegay in qaabka furaha la bed-bedelo had iyo jeer. Dalka Turkiga waxa ku yaala madxaf ay yaallaan 48 furo oo kacbada lagu furi jiray laga soo bilaabo dawladdii Cusmaaniyiinta, halka Sucuudiga ay yaalaan laba nuqul oo furahaasi ah oo ka samaysan dahab saafi ah. Isha: BBC The post Xog: Waa kuma ninka lagu wareejiyay furaha Kacbada kadib geeridii Sheikh Saalax? appeared first on Caasimada Online.
  10. Mogadishu (HOL) - Police in Mogadishu have arrested nine members of the army who fired celebratory live ammunition on the Independence Day anniversary on Tuesday night. Source: Hiiraan Online
  11. The Australian government has committed an additional funding for humanitarian aid in the Horn of Africa region. Source: Hiiraan Online
  12. Kenya’s President William Ruto says he will withdraw a finance bill containing controversial tax hikes after deadly protests which saw parliament set ablaze on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  13. Somalia, an impoverished nation in the horn of Africa, has begun celebrating 65 years of independence, though it comes amid a backdrop of division and a pivotal security transition. Source: Hiiraan Online
  14. Julian Assange has landed back home in his native Australia, after a plea deal allowed him to walk free from a London prison. Source: Hiiraan Online
  15. Türkiye advanced as Group F runner-up into the last 16 after goals from Hakan Calhanoglu and Cenk Tosun eliminated ten-men Czech Republic 2-1 while third-placed Georgia also progressed after beating leader Portugal 2-0 in the last round of group play on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  16. Khartoum (Caasimada Online) – Khubarro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay dhinacyada ku lugta leh colaadda sokeeye ee Sudan in ay gaajada u adeegsanayaan sida hubka lagu dagaallamo. Warkan ayaa yimid xilli ay sii xoogeysanayaan digniinaha ay hey’adaha caalamiga kasoo saarayaan baahida daran ee ka jirta Sudan, taas oo ay ku sheegeen in ay qarka u saaran tahay in ay macluul isu baddasho. Khubarrada warbixintan soo saartay oo si gaar ah ugu shaqeeya Guddiga Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa yiri: “Ciidanka Millatariga Sudan iyo Kooxda Gargaarka Deg-degga labaduba waxay cunnada u isticmaalayaan hub ahaan waxayna gaajo ku dilayaan dad rayid ah, baaxadda gaajada iyo barakaca aan ku aragnay Suudaan maanta waa wax aan horay loo arag,” ayay yiraahdeen. Khubarrada ayaa ka digay in macluusha ay hadda aad u soo dhawaatay ka gadaal marki si ula kac ah loo hor istaagay cuntooyinka gargaarka bani’aadannimo si dadka loo gaajeysiiyo, in la weeraray ururrada bulshada rayidka ah halka qaar badan oo ka mid ah dadka dhaq-dhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha la xiray. Warbixin uu soo saaray machadka Clingendael ayaa bishii hore lagu sheegay, in ku dhawaad 2.5 milyan oo qof oo ku nool Sudan ay gaajo u dhiman karaan dhammaadka Sebtembar, iyadoo qiyaastii 15% dadka ku nool gobollada Darfur iyo Kordofan ay u badan tahay inay yihiin kuwa ugu daran. Warbixinta ayaa labada dhinac ku boorrisay inay “joojiyaan xannibaadda, bililiqada iyo ka faa’iidaysiga gargaarka bani’aadamnimada.” Sudan ayaa gunta u gashay dagaal sokeeye bishii April ee sannadki hore, kaddib marki muran u dhaxeeyay millatariga iyo kooxda sida milatariga oo kale u tababaran ee loo soo gaabiyo RSF uu isu baddalay gacan ka hadal. 14 bil oo dagaal ah, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dalka Sudan lagu dilay 14,000 oo ruux, halka ay ku dhaawacmeen 30,000 oo kale. Malaayiin ayaa ku barakacay ama u qaxay dalal dibadda ah. The post War yaab leh oo kasoo kordhay dagaalka ka socda SUDAN appeared first on Caasimada Online.
  17. Sucre (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Bolivia Luis Arce ayaa sheegay, in Arbacadi shalay ay fashiliyeen isku day afganbi oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan millatariga dalkaasi, kuwaas oo muddo kooban heystay madaxtooyada iyo aqalka baarlamaanka, ka hor inta aysan dib uga soo laaban. Goor sii horreysay oo shalay ah, ayay cutubyo ka tirsan milatariga oo uu hoggaaminayay Jeneral Juan Jose Zuniga, oo dhawaan laga xayuubiyay xilka taliyaha ciidanka xoogga, ayaa isugu soo baxay fagaaraha u dhaw qasriga Plaza Murillo, oo ay ku yaallaan madaxtooyada iyo Congress-ka. Goob-joogayaal ayaa VOA-da u sheegay, in ay arkeen gawaari gaashaaman oo albaabka madaxtooyada xoog ku galaya iyo askar orod ku sii galeysa. Kolonyo baabuurta gaashaamman ah oo ay saarnaayeen askarta qabsatay madaxtooyada Bolivia, ayaa iyaga oo si saf ah ku socda dib uga soo laabtay qasriga madaxtooyada, xilli ay boqollaal ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha ay si dhaqso ah ku buuxiyeen fagaaraha ku yaalla bannaanka qasriga madaxtooyada. Iyaga oo lulaya calanka kuna heesaya astaanta qaranka Bolivia, ayaa waxaa u gacmo-haatiyay madaxweynaha oo ay hareeraha ka joogeen wasiirradiisa. Madaxweyne Arce ayaa u mahadceliyay dadki isugu soo baxay fagaaaraha. Wuxuu wacad ku maray inuu meel adag ka istaagi dooni afganbiga, isaga oo markiiba taliye cusub u magacaabay ciidanka millatariga. Saacado yar kaddib, booliska Bolivia ayaa xiray jeneraalki ka danbeeyay isku-dayga afgani, kaddib marki uu xeer-ilaaliyaha guud uu furay dacwad ka dhan ah jeneraal Juan José Zúñiga. Isku-daygi afganbi ee Arbacadi ayaa yimid, kaddib bilooyin ay kacsaneyd xiisadda siyaasadeed ee Boliva, kaddib marki ay madaxweyne Arce iyo madaxweynihi hore Evo Morales ay isku qabsadeen maamulka xisibiga talada haya. Arrintaasi ayaa dhalisay bannaanbaxyo sii xoogeysanaya oo ay taageerayaasha Morales dhigayaan. Morales ayaa xakunka xoog looga tuuray sannadki 2019-ki, kaddib kacdoon dadweyne oo Bolivia ka dhacay, kaddib muddo tobnaan sano ah oo uu dalkaasi dhaca bartamaha Koofurta America soo xakumayay. Wuxuu hadda doonaya inuu u tartamo doorashada madaxtinimada ee Bolivia ka dhaceysa sannadka 2025-ka. The post Dowladda Bolivia oo ka badbaadday isku day afgambi – Sidee wax u dhaceen? appeared first on Caasimada Online.
  18. Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu ansixiyay Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka, oo uu warbixin guud oo qiimeyn ah uu ka diyaariyay Xafiiska Amniga Qaranka. Iyada oo laga duulayo aragtida cusub ee dowladda Soomaaliyeed ee ku saleysan Amniga Qaran, si looga gaashaanto khataraha waaweyn ee halista galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, ayaa goluhu waxa uu soo saaray, isla markaana ansixiyay qaraar ka kooban 8 qodob oo qeexaya Khataraha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo kala ah: 1. Argagixisada; 2. Aragtida Gooni-goosadka; 3. Dowlad-nugeylka; 4. Xuduudaha Beylahda; 5. Faragelinta Shisheeye; 6. Isbeddelka Cimilada; 7. Khatarta Tiknoolajiyadda; 8. Khataraha Bulshada; Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixin ku saabsan munaasabadaha dabaaldegga maalmaha Xorriyadda, waxa looga dhageystay Guddiga qabanqaabada oo soo bandhigay sida ay u qabsoontay munaasabaddii 26-ka Juun iyo diyaar garowga 1-da Luuliyo. Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ku saabsan howlgalladii u danbeeyey ee xasillinta dalka iyo ciribtirta Khawaarijta waxa uu ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Maanta ansixiyay Qaraar ka dhan ah Argagixisada iyo Gooni-goosadka appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isisoo taraya war sheegaya in dowladda Soomaaliya ay wadahadal la fureyso Khawaarijta Al-Shabaab, wadahadalkaas ayaa la qorsheeyey inuu ka furmo dalka Qatar, sida ay xogtaan ku heshay Caasimada Online, waxaana gar-wadeen ka ah ilaa 3 dowladood oo waaweyn. Xogtaan oo Caasimada Online ay ka heshay ilo xog ogaal ah oo kala duwan ayaa tilmaameysa in qorshaha wadahadalka dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ay dharaan-dhirinayaan dowladaha Qatar, Turkiga iyo Norway. Inkastoo aan la cayimin waqti, hadana waxaan ogaanay in qorshahaan uu si hoose u bilowday, waxyaabaha la qorsheeyey ee go’aanka laga gaaray ilaa hadda waxaa ka mid ah ergada dowladda Soomaaliya ku meteleysa wadahadalkaas oo gaareysa 300 oo qof, sida aan ku helnay xogta. Warkaan oo ilaa hadda aan toos u soo shaac-bixin, balse Caasimada Online ay u soo dusiyeen xubno muhiim ah oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya, waxaan heynaa ilo wareedyo kale oo xoojinaya jiritaankiisa. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida dul-marka ah uga hadlay wadahadalka la qorsheeyey in dowladda Soomaaliya ay la yeelato argagixisada Al-Shabaab, isagoo dowladda ka dalbaday in bulshada Soomaaliyeed aan waxaba laga qarin. “Wadahadalka la sheegay in kooxda argagexisada AS lala gelayo waa in aysan noqon khudbosir qof kaligii go’aansado. Waa in lagu wajaho talo qaran oo loo dhanyahay, shacabka wakiilka laga yahayna si daahfuran loola socodsiiyo,” ayuu yiri CC Shakuur. Dhankiisa Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda NISA Cabdisalaan Guuleed oo ka mid ah siyaasiyiinta xog ogaalka ah ayaa arrintaan ka soo saaray qoraal uu ciwaan uga dhigay, “WADA HADALKII AL-SHABAAB MIYAA BILOWDAY?” “Shir ay kasoo qayb geleyaan ilaa 300 qof oo qurbajoogta Soomaalida u badan ayaa 22-ka July ka furmaya Doha Qatar. Shirkaan waxaa soo abaabulay sida la sheegay Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya iyo safaradda Soomaalida ee Qatar. Inkasta uu yahay shir soconaya 2 maalmood, hadana ujeedkiisa lama shaacin. Dadka ka qayb geleya waxay leeyihiin ‘Aniga si hoose ayaa la iigu casuumay cidna hala wadaagin baa la igu yiri’ Waxan isweydinayaa muxuu yahay shirkaan, maxaase loo qarinayaa?” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdisalaan Guuleed. Sidoo kale Cabdisalaan ayaa sheegay in shir 300 oo qof oo Soomaali ay ka qayb geleyso uusan aheyn wax la qarin karo, “Mid waa iska cadahay, in Doha muujineyso saameynta iyo xariirka dhow ee dowlada xasan Sheekh ay la leedahay, sidoo kale wuxuu shirkaas tusaale u yahay in Qatar ay Soomaaliya uga dhowdahay Imaaraadka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri taliye ku xigeenkii hore ee NISA. Maalmo ka hor Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku tegay dalka Norway ayaa madal ay dad badani ku sugnaayeen ka sheegay inay dhici karto in colaada Al-Shabaab ay wadahadal ku soo dhamaa karto, in kastoo uu aad u soo kooban ka hadalka arrintaas, hadana waa farriin muujineysa in damac noocaas ah u uku jiro dowladda Soomaaliya. Bilo ka hor sidaan oo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kulan Muqdisho ka dhacay ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Shabaab wadahadal la gasho hadii ay dilka, qaraxyada iyo dhibaatooyinka kale ka dhaafayaan shacabka Soomaaliyeed. Xogta ugu muhiimsan ee qorshahaan la qarinayo daaha ka qaadeysa waa in magaalada Dooxa ee Dalka Qatar ay ka socoto qaban-qaabada shirweyne ay Soomaali badan ka qeyb geli doonto, kaas oo ajendihiisa aan ilaa hadda la shaacin, balse Caasimada Online ay la hadleen qaar ka mid ah ergada lagu casuumay. The post DF iyo Al-Shabaab ma waxaa u bilaabanaya wadahadal? Xogta shir ka furmaya dalka Qatar appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hoygooda ku booqday Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka dalka Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Sidoo kale isla maanta Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xafiiskiisa ugu tegay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre oo ay wehliyaan wasiiro hoggaaminaya guddiga loo xil-saaray qaban-qaabada munaasabadaha toddobaadka xoriyadda. Qoraal ay Madaxtooyadu ka soo saartay kulamadaas ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu madaxdaas ugu tegay inuu “lasoo qaybsado farxadda maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada dalka.” Faahfaahin intaas dhaafsan lagama bixin kulamada Xasan Sheekh uu guryahooda kula yeeshay 3 masuul ee dalka ugu sareysa markii laga soo tago isaga oo madaxweynaha jamhuuriyadda ah. Xogta ay kulamadaas ka heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in Xasan Sheekh uu masuuliyiintaas kala hadlay arrimnta dastuurka oo aad uu u daneynayo in la dhameystiro. Madaxweynaha ayaa dib u bilaabay ololihiisa dhameysrtirka dastuurka, maadaama ay maalmaha soo socda furmayaan kulamada baarlamaanka, horay waxaa loo ansixiyey ilaa afar cutub, hadan waxaa la qorsheynayaa in golayaasha la hor geeyo cutubyo hor leh. Sida ay ogaatay Caaasimada Online, ilaa 5 cutub oo cusub ayaa diyaarsan, kuwaas oo muhiim u ah Xasan Sheekh inay meel maraan, guddiga ka shaqeynaya dastuurka ayaan helin wax fasax ah, waxayna diyaariyeen 5 cutub, labadii bilood ee fasaxa ay ku jireen labada Aqa lee baarlamaanka. Madaxweynaha ayaa labada guddoomiye ee baarlamaanka ku adkeeyey inay taageeraan qorshiisa waxkabedelka iyo dhameytirka dastuurka, waxaana la sheegay inay ka ogolaadeen, sidoo kale ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadiisa ayaa door weyn ku leh meel marinta qorshaha dastuurka ee madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa dhegaha ka fureystay qeylo dhaanta siyaasiyiinta mucaaradka ah ee diidan hanaanka wax ka bedelka dastuurka, 4 cutub ayaa la ansixiyey waxaana hartay 11 cutub, 5 kamid ah ayaa hadda diyaarsan sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaana la horgeynayaa kulamada ugu soo horeeya ee labada Aqal. The post Xog: Xasan oo dib u bilaabay qorshiisa dastuurka, lana wadaagay guddoonka BF appeared first on Caasimada Online.
  21. Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo kaashanaya Hay’adaha nabad-galyada Caasimadda ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 9 Askari oo ka kala tirsan Ciidammada qalabka sida. Askartan ayaa loo haystaa inay jabiyeen amar boolisku ay soo saareen oo ku saabsanaa in aan la ridi karin rasaas loogu dabaaldagayo maalmaha xoriyada, si aan dadweynaha waxyeello u soo gaarin. Raggan waxaa hadda ku socda baaritaanno kala duwan maadaama ay jiraan khasaaro ka dhashay xabadihii sharci darada ahaa ee ay ridee xalay, sida lagu yiri war ka soo baxay booliska. Hay’addaha amaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale baadi goob ugu jira oo raadinaya askar kale iyo gaadiid xabada riday, waxayna taliska booliisku shacabka Caasimadda ku nool ka codsadeen in ay la soo wadaagaan cid walba oo ammniga lid ku ah. Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir oo kaashanaya hey’adaha ammaanka caasimadda Muqdisho ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 9 Askari. Askartaan ayaa ka kala tirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda, kuwaas oo jebiyey amarkii shalay ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya. Amarka ay askartaani jabisay ayaa ahaa in aan la ridi karin rasaas loogu dabaal-dagayo maalmaha xoriyadda Soomaaliya, maadaama ay marar hore khasaare nafeed geysteen xabadaha ay askartu u rido dabaal-degga maalmaha xoriyadda. “Waxaa socota baaris, maadaama uu jiraan khasaare ka dhashay xabadihii sharci darada ahaa ee la riday xalay,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay booliska Soomaaliya. Booliska Soomaaliya ayaa warkaan ku sheegay in askartaan markii uu soo dhamaado baaritaanka ku socda la horgeyn doono Maxakamadda awooda u leh inay qaado kiiskaan. “Hay’addaha ammaanka waxa ay baadi goob ugu jiraan tiro intaan ka badan iyo gaadiid xabado riday xalay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay booliska gobolka Banaadir. Ugu dambeyntii booliska ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara in la jebiyo amar soo baxay, sidoo kale waxaa shacabka looga codsaday qoraalkaan inay booliska ama hey’adaha kale ee ammaanka la soo wadaagaan xogta qof kasta oo caqabad ay u arkaan. “Waxaan shacabka Caasimadda ku nool ka codsanaynaa in ay nala soo wadaagaan cid walba oo amniga lidi ku ah, adiga oo nagala soo xariiraya xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo wacaya 991,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska. Ciidamada booliska gobolka Banaadir ayaa muddooyinkaan kordhiyey howlgallada iyo shaacinta dembiilayaal lasoo qabtay, taas oo ka dhigan in wax badan ay iska bedelayaan amniga caasimadda. Hoos ka eeg sawirrada askarta la soo qabtay The post Sawirro: Askar jebisay amar ay bixisay dowladu oo lasoo xiray – Maxaa loo haystaa? appeared first on Caasimada Online.
  23. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/VID-20240626-WA0027.mp4 Qaran News