Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jowhar (HOL) — Five people were killed and eight others injured on Monday when a car carrying civilians struck a roadside mine and exploded in the Golaley area of the Bal'ad district, Middle Shabelle region, according to Balcad District Governor Qasim Ali Noor. Source: Hiiraan Online
  2. Garowe (HOL) - Puntland and Galmudug authorities have announced plans on Monday to use military force to stop the ongoing clan conflict in the eastern region of Mudug. The decision comes after a recent clash between two clan militias in the Labi Maygaag area, which resulted in the deaths of about ten people and left 15 others injured. Source: Hiiraan Online
  3. (ERGO) – Poor sanitation and lack of healthcare are increasing the risks of vulnerable displaced families living in crowded camps in the Somali capital Mogadishu to the spread of diseases like acute watery diarrhoea and cholera. Source: Hiiraan Online
  4. Tension rises between Addis Ababa and Mogadishu after agreement signed between Ethiopia and self-declared Republic of Somaliland Source: Hiiraan Online
  5. Hargeisa (HOL) — President Muse Bihi Abdi of Somaliland has issued a presidential decree banning traditional elders, or clan leaders, from adjudicating rape cases, mandating that such cases be handled solely by the judicial system. Source: Hiiraan Online
  6. 449192544_1128729128417904_5595038663635203565_n Qaran News
  7. Mogadishu (HOL) — Somalia's ambassador to the United Nations, Abukar Dahir Osman, announced that Ethiopia's recent incursions forced Somalia to postpone the next withdrawal of African Union peacekeeping troops (ATMIS) from July to September. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) — Somalia faces critical humanitarian and security challenges exacerbated by climate impacts and terrorist threats from Al-Shabaab, as highlighted in a recent UN Security Council meeting. UN and US officials emphasized the urgent need for international support to address these issues. Source: Hiiraan Online
  9. Mogadishu, the capital city of Somalia, has experienced devastating flash floods that transformed streets into difficult to pass waterways. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo naxdin leh ayaa caawa laga soo weriyey degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, kadib markii nin uu dilay Hooyadiis iyo Abtigiis. Falkaan xanuunka badan ayaa ka dhacay xaafadda Warlaliska ee degmada Deyniile, waxaana geystay nin dhimirka ka xanuunsan. Goobjoogayaal Caasimada Online uga waramay dhacdadaan ayaa sheegay in ninkaas uu dilka u adeegsaday Toorey, isla markaana uu Hooyadiis gowracay. Abtigiis oo isku dayey inuu duqda badbaadiyo ayuu isna dilay, kadibna waxaa la sheegay inuu ag-seexday meydka Hooyadiis iyo Abtigiis. Dadka deegaanka ayaa ku soo baxay guriga uu falkaani ka dhacay, kadibna waxaa la qabtay ninkii, iyadoo loo gacan geliyey hey’adaha ammaanka. Sida ay noo sheegeen dadkii deriska la ahaa, ninka ayaa la’aa dhimirka iyo dhegaha, waxaana adkaatay in la ogaado sababta ku kaliftay inuu sameeyo falkaan argagaxa badan. Ciidamada ammaanka ayaa sida la sheegay ninkii u kaxeeyey xarunta dembi baarista booliska ee CID-da, halkaas oo baaritaan adag uu uga bilowday. Sidoo kale meydadka labadii marxuum ee uu dilay ayaa la geeyey CID, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo sababta ka dambeysay in ninkaasi uu halgoob ku dilo Hooyadiis iyo Abtigiis. The post Dhacdo argagax leh: Nin hal-goob ku gowracay Hooyadiis iyo Abtigiis appeared first on Caasimada Online.
  11. Ahmed Gutale, the Auditor General of the Federal Republic of Somalia. Garowe (PP Comment) —Puntland State of Somalia is rightly described as the promoter of the federal system in post-1991 Somalia. The formation of federal member states in Somalia since 2013 paved the way for the implementation of fiscal federalism. The cornerstone of this macroeconomic policy is to share information on how tax is collected and spent at the central government and federal member levels. Bihi Egeh, the Somali Federal Finance Minister. Fiscal federalism obliges federal member states to submit details about the different types of taxes authorities levy. The tax revenue disclosures from federal member states are kept online by the Federal Finance Ministry. In 2023, Hirshabelle, Jubaland, Southwest, Galmudug, and Banadir submitted the tax revenues collected during the 2022 fiscal year. Puntland, a founding federal member state, has not committed to disclosing its tax revenues. Disagreements between the Federal Government of Somalia and the Puntland State Government affect the exchange of public finance data. Puntland Auditor General Osman Mohamud Ali. In the Financial Governance Report 2023, the Financial Governance Committee urged Puntland to “be brought into the new framework so that its [fisheries] licensing arrangements are not conducted separately.” Puntland features in the report ten times, whereas Somaliland appears five times, all in reference to the illegal maritime Memorandum of Understanding signed by Somaliland Administration President Muse Bihi Abdi and the Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed. The Somaliland Administration has representation in the federal institutions. The Finance Minister, Bihi Egeh, hails from areas controlled by the Somaliland Administration, but the report gives the impression that the Somaliland Administration is exempt from disclosing its tax revenues. When President Bihi claims that previous agreements with the Federal Government of Somalia entitle the Somaliland Administration to lease a coastal district to Ethiopia, he is misinterpreting clauses in the agreement that presuppose common adherence to the imperatives of sovereignty. Although fiscal federalism provides opportunity for accountability, it creates schism and erodes institutional trust when applied selectively or halfheartedly. Puntland argument against tokenistic and divisive representation of Somaliland Administration in the federal institutions of Somalia has strong merits on the basis of the national interest. © Puntland Post, 2024 The post Fiscal Federalism Unwittingly Promotes Secession in Somalia appeared first on Puntland Post.
  12. New York (Caasimada Online) – Wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Cusmaan, oo maanta khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa iftiimiyay horumarka laga gaaray hannaanka dowladnimada iyo arrimaha amniga ee dalka. Danjire Abuukar Baale waxa uu carrabka ku dhuftay inuu billaawday dadaal u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, kaas oo la xiriira sidii loosoo gabagabeyn lahaa howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Danjiraha ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in koox farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban xubno ka kala socda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay bilaabeen wada tashiyo ku saabsan sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka ah, iyada oo ujeedadu tahay in la hagaajiyo isuku duwidda iyo hannaanka taageeridda Soomaaliya. Nidaamkan ayaa la filayaa inuu xoojiyo qaab-dhismeedka iyo dadaallada horumarineed Soomaaliya Danjire Abuukar oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Soomaaliya ugu heelan tahay dib u habeynta lagu hirgelinayo nidaamka doorasho ee ku dhisan hal qof iyo hal cod. Talaabadaan ayaa muujinaysa in laga guurayo habkii ku dhisnaa awood qaybsiga qabiilka, waxeyna daliil u tahay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya in la helo maamul loo dhan yahay oo meteli kara shacabka. Doorashooyinka soo socda ee dalka, waxaa loo qorsheeyay in la xoojiyo awoodda shacabka. Danjiraha ayaa sidoo kale tilmaamay howlgallada ka dhanka ah kooxda aragagixisada ah ee Al-shabaab ee ay fulinayan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyaga oo taageero ka helaya saaxibada caalamaka. Howlgalladaas waxaa ka dhashay in la xoreeyo deegaano muhiim ah oo ay hore uga talinaysay argagixisadu. Guulahaas ay soo hoyeen ciidanku waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadanayaan nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya iyo xasilloonida, waxeyna albaabada u furayaan dadaallo dheeraad ah oo isagu jira dib u dhis iyo horumarin. Danjire Abuukar Baale waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay sii xoojiso taageerada Soomaaliya iyaga oo bixinaya agabka iyo kaalmada farsamo ee loo baahan yahay, si loo dhaqan geliyo isbedelada la qorsheeyay iyo talaabooyinka la xiriira arrimaha amniga. Isla falgalka dowladda iyo Qaramada Midoobay waxay astaan u tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday in dalku gaaro isku filanaansho. Xafiiska UNSOM waxa uu ka qaybqaatay hirgelinta doorashooyin iyo guulaha laga gaaray kooxda Al-shabaab, waana arrin ka marqaati kaceysa horumarka iyo adkeysiga Soomaaliya. Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si wanaagsan uga riyaaqay warbixinta Danjire Abuukar Cusmaan (Abuukar Baale), waxeyna xaqiijiyeen taageerada ay u hayaan hiigsiga Soomaaliya ee nabadda iyo horumar mustaqbalka. The post DF oo shirka QM ka jeedisay warbixin xasaasi ah iyo go’aankeeda xafiiska UNSOM appeared first on Caasimada Online.
  13. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/VID-20240624-WA0012.mp4 Qaran News
  14. Moscow (Caasimada Online) – Kremlin-ka ayaa Isniinta maanta ah uga digay Maraykanka “cawaaqib” waxayna u yeertay safiirkeeda, maalin kadib markii Moscow ay sheegtay in weerar ay Ukraine u adeegsatay gantaal Mareykanka uu sameeyey uu afar qof ku dilay Crimea. Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa ku tilmaamay weerarka Sevastopol “wuxuushnimo,” wuxuuna ku eedeeyay Washington “inay dishay carruur Ruush ah.” Laba ka mid ah dhibanayaasha ayaa ahaa da’yar. Peskov ayaa tilmaamay hadallo ka soo baxay madaxweyne Vladimir Putin horraantii bishan oo ku saabsanaa hubeynta waddamo ay suurtagal tahay in ay weerarro ku qaadaan bartilmaameedyada Reer Galbeedka. “Ku lug lahaanshaha Mareykanka, ku lug lahaanshaha tooska ah, oo horseeday dilka shacab Ruush ah, ma noqon karto cawaaqib la’aan,” Peskov ayaa sidaas u sheegay suxufiyiinta. “Waqtiga ayaa sheegi doona waxa ay noqon doonaan,” ayuu yiri. Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa sheegtay in ay u yeertay ergayga Mareykanka Lynne Tracy Isniintii. Bayaan ay goor dambe soo saartay ayey ku sheegtay in Washington “ay Kyiv la xambaareyso mas’uuliyadda dilalkan” islamarkaana weerarka uusan noqon doonin “mid aan la ciqaabin”. Ruushka ayaa sheegay in weerarkii Axadii lagu qaaday magaalada Sevastopol loo adeegsaday gantaalka ATACMS ee uu Maraykanka siiyey Ukraine. Saraakiisha maxalliga ah ee ay magacowday Moscow ayaa sheegay in gantaalku uu ku dhacay meel ka mid ah magaalada dekadda ah oo leh xeebo iyo hoteello. Kulan uu bishan la yeeshay wakaaladaha wararka caalamiga ah oo ay ku jirto AFP, Putin waxa uu dhaleeceeyay hubka riddada dheer ee reer galbeedka ay geeyeen Ukraine. “Haddii qof uu isleeyahay waa suurtogal in hub nocoaas ah la geeyo goob dagaal oo dhulkeena lagu soo weeraro oo dhibaato na loo abuuro, maxaa noo diidaya in aan hub la mid ah aan gaarsiino gobolo ka mid ah caalamka oo ay ka dhici doonaan weeraro ka dhan ah xarumaha xasaasiga ah ee wadamadaas (galbeedka)?” ayuu yiri Putin. “Taasi waa, jawaabtu waxay noqon kartaa mid aan sinneyn. Waan ka fikiri doonnaa,” ayuu u sheegay suxufiyiinta. Peskov ayaa sidoo kale dib ugu celiyay hadallada Putin ee ah in xogta bartilmaameedyada ay weerartay Ukraine ay bixiyeen waddamada reer galbeedka. Crimea ayaa waxaa goostay oo ku darsaday Ruushka 2014-kii. Andriy Yermak, oo ah madaxa xafiiska madaxweynaha Ukraine, ayaa Isniintii yiri: “Crimea waa Ukraine”. “Ruushka waa inuu ka baxaa jasiirad u yaalka. Ciidankooda iyo agabkooda militari ee halkaas ku sugan waa inay meesha ka baxaan,” ayuu ku yiri baraha bulshada. Kaaliyaha sare ee madaxweynaha Ukraine, Mykhailo Podolyak, ayaa sidoo kale soo jeediyay in Crimea ay tahay bartilmaameed militari oo sharci ah. “Crimea sidoo kale waa xero militari oo weyn iyo bakhaar, oo ay ku yaalaan boqolaal bartilmaameed millatari oo toos ah, kuwaas oo Ruushku ay isku dayayaan inay qariyaan oo ay ku hoos qariyaan shacabkooda,” ayuu yiri. The post Ruushka oo digniin adag u diray Mareykanka kadib weerarkii… appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho xilliyada roobka waa magaalo ay nolosha adag tahay. Haddii uu roob socdo wax hal saac ka badan waxaa xirma waddooyin badan, iskuulo iyo goobo ganacsi. Waa waqtiga uu cambaareynta u badan la kulmo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho. 24-kii saac ee lasoo dhaafay caasimadda Soomaaliya waxaa ka da’ay roobab xooggan, waxaana ka dhashay biyo fariisimo badan, burbur iyo inay qeybo magaalada kamid ah xirmaan. Roobabkan waxay kusoo aadeen iyada oo kumanaan ardeyda reer Muqdisho ah ay Sabtidii u fariisteen imtixaankii dugsiga sare. Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa la arkayay shalay iyaga oo gaadiidka dagaalka kaga gudbinaya biyaha qaar kamid ah ardeyda galeysa imtixaanka. Marwalba oo uu roob da’o waa waqtiga ugu adag dhanka guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale. Caasimadda goobihii ay biyaha mari lahaayeen ama laga sameyn lahaa biyo-mareennada waxaa degay oo guryo ka dhistay dad hubeysan, maamulkuna waa ku dhici waayey inuu ka kiciyo. Haddii maamulka uu sameyn lahaa biyo-mareenno cusubna qorshe uma hayo, haddii qorshihii la helana kharash looma hayo oo lacagta caasimadda kasoo xaroota waxaa 85% qaadata dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, 15-ka soo hartayna waxay u dhaxeysa mushaarka maamulka gobolka Banaadir iyo laaluushka laga bixiyo madaxda Villa Somalia timaada, kuwaas oo inta badan kharashka yar ee loo qoondeeyay maamulka gobolka Banaadir u adeegsada sida keyd shaqsi ah oo meel u yaalla oo ay dad gaar ah iskaga xaliyaan. Yuusuf Madaale oo hadda caasimadda xukuma, markii labaadna fursadan helay weli sooma bandhigin xalka dhibaatada caasimadda gasho xilli roobaadyada. Dadka qaar ayaa laga yaaba inay ku doodayaan in caasimaddo badan dhibaato la kulmaan xilliyada roobabka, laakiin farqigu waa in caasimadahaasi saacado kadib ay biyuhu ka baxaan, halka Muqdisho biyo fariisino ma ahane ayna bixin laheyn. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku dhacay markale inuu caasimadda u dhiibo duq magaalo oo wata qorshe lagu xalinaayo baahiyaha soo noq-noqday ee nuucan ah, ayaa markii uu xaalka sidaan noqdo haddii uu safar aadayo xitaa isaguna jidkiisi hore ma ahane jid kale adeegsada, oo xaaladdani waa saameyn safmar ah laakiin aan la rabin in xalkeeda si dhab ah loo wajaho. Roobabkii saacadihii u dambeeyay ka da’ay waxay dhaliyeen burbur hanti. Weli dadka caasimadda waxay qabaan baahi la xiriirta biyo fariisinnida, waxayna marwalba oo xilligaan oo kale la gaaro soo xasuustaan magaca duqa magaalada, itaal yarida jirta iyo qorshe xumada sii jiitameysa. Dad badan oo xal soo jeedinaya ayaan helin cid ka talo dhageysata, caasimadda iyo duqa magaaladuna waxay noqdaan kuwo isla duma xilliyada roobka. The post Muqdisho: Magaalo ay hagradeen hoggaankeeda – Sidee loo kala qaata dakhligeeda? appeared first on Caasimada Online.
  16. Journey to Somaliland’s Independence – Part One Archive 1. U.N. UNIT ENDORSES A FREE SOMALILAND – October 18, 1949 Source: The New York Times On October 18, 1949, The New York Times reported a significant milestone in the journey towards Somaliland’s independence. The United Nations Political and Security Subcommittee endorsed a United States proposal advocating for the freedom of Italian Somaliland by 1959. This proposal aimed to grant liberty to the former Italian colony, stipulating a ten-year timeline for achieving self-governance. The vote was a decisive 15 to 3, with the Soviet Union, Czechoslovakia, and Poland opposing the motion due to their concerns about the region’s stability and strategic interests. At the same time, France, India, and Pakistan abstained. Dr. Philip C. Jessup, the United States representative, played a cruwas crucial role in recommending the United States proposal. He emphasized the necessity of setting a definitive timeline for independence, countering opposition led by the Soviet and Polish representatives. Despite the heated debates, the endorsement marked a crucial step towards Somaliland’s self-determination. 2. SOMALILAND REFORMS URGED IN U.N. REPORT – February 9, 1952 Source: The New York Times Three years later, on February 9, 1952, The New York Times reported another pivotal development. A #UN. mission to Italian Somaliland underscored the urgent need for establishing democratic institutions as a foundation for self-governance. With these reforms, the mission highlighted that Somaliland would only be ready for its planned independence in 1960. The report highlighted significant challenges, including the need for a representative territorial council and inadequate legislative powers. The mission members called for comprehensive political and economic reforms to ensure a successful transition to independence. This included a robust plan for economic development to support the 1.2 million inhabitants of Somaliland. 3. FREEDOM DATES URGED – December 6, 1957 Source: The New York Times On December 6, 1957, The New York Times covered the U.N. General Assembly’s Trusteeship Committee’s call for setting clear goals for trust territories’ independence. The resolution, adopted despite British opposition, urged administering powers to announce timelines for when these territories could expect independence. The resolution aimed to provide a framework for increasing degrees of self-government, emphasizing the need for economic development measures in Somaliland under the Italian administration. The vote on this resolution was 44 to 15, with 12 abstentions, reflecting a robust international push towards decolonization. 4. Somali Delegation in London – May 1, 1960 Source: The New York Times As the target date for independence approached, The New York Times reported on May 1, 1960, that a Somali delegation had arrived in London for crucial talks led by Mohammed Ibrahim Egal, British Somaliland’s Minister of Local Government, the six-man delegation engaged in discussions with Colonial Secretary Iain Macleod to finalize the terms of independence. These negotiations were critical in ensuring a smooth transition to self-rule, aligning the Somali people’s aspirations with the #British government’s administrative processes. The talks highlighted the determination and preparedness of Somaliland’s leaders to achieve full sovereignty. Ethiopian News Qaran News
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xeer madaxweyne kusoo saaray go’aan dhigaya in fal-dambiyeedka kufsiga loo daayo maxkamadaha awoodda u leh. Madaxweyne Biixi ayaa mamnuucay in kiisaska kufsiga la xiriira lagu xaliyo hanaan dhaqan, islamarkaana looga dambeeyo hay’addaha garsoorka, waxa uuna faray in faray taliyaha ciidanka booliska iyo xeer-ilaaliyaha guud ay xaqiijiyeen dhaqan-galka arrintaan. Go’aankan ayaa meesha ka saaraya doorkii dhaqanka ee kiisaska noocaan ah, wuxuuna imaanayaa xilli muddooyinkan dambe ay deegaanada Somaliland ku soo badanayaan fal-dambiyeedka kufsigu, kuwaasi oo khatar ku ah nabad-gelyada guud, sida uu xusay madaxweynaha. Hoos ka aqriso wareegtada Biixi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ka soo saaray Wax-ka-qabashada Fal-dambiyeedka Kufsiga oo ay Golaha wasiirradu fadhigii 129aad, ee qabsoomay 13/06/2024, ku go’aamiyeen in nidaamka garsoorka loo daayo go’aan ka gaadhidda arrimaha kufsiga; Waxaanay u dhignayd wareegtada Madaxweynuhu sidan:- Wareegto Madaxweyne Wax-ka-qabashada Fal-dambiyeedka Kufsiga Markaan Arkay: Qodobbada 90aad iyo 36aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wasiirrada ee fadhigii 129aad, ee qabsoomay 13/06/2024, fadhigaas oo uu Goluhu ku go’aamiyey in nidaamka garsoorka loo daayo go’aan ka gaadhidda arrimaha kufsiga; Markaan Arkay: In muddooyinkan dambe ay Gobollada iyo Degmooyinka dalka ay ku soo badanayaan fal-dambiyeedka Kufsigu, falalkaas oo khatar ku ah nabad-gelyada guud ee Qaranka; Markaan Garwaaqsaday: Muhiimadda ay leedahay in sharciga la-horgeeyo eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyeedka kufsiga; Waxaan Go’aamiyey; 1) In fal-dambiyeedka kufsiga loo daayo Maxkamadaha dalka ee awoodda u leh, si eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyadaas loo mariyo ciqaabta sharci ee ay mutaysteen, sidoo kalena loo xaqiijiyo dhawridda xuquuqaha iyo xoriyaadka aas-aasiga ah ee muwaadiniinta. 2) Waxaan farayaa Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku ay xaqiijiyaan in eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyeedka kufsiga la horgeeyo maxkamadaha awoodda u leh, waxaana ka reeban in lagu xaliyo nidaam aan ahayn nidaamka garsoorka. The post Muuse Biixi oo ku dhowaaqay go’aan culus oo meesha ka saaraya arrin xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  18. Ruushka ayaa u yeeray danjiraha Mareykanka sababo la xiriira weerarkii gantaalaha ahaa ee lagu qaaday xeebta Crimea, halkaasoo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen ugu yaraan afar ruux, oo ay ku jiraan carruur, ayna ku dhaawacmeen 151. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Moscow ayaa sheegtay isniintii in ay u yeertay danjire Lynne Tracy si ay ugu sheegto in ay si toos ah Mareykanka ugu eedeyneyso weerarkii gantaallada ee Axaddii ka dhacay meel u dhow magaalada Sevastopol. Tan iyo markii Ruushku soo weeraray Ukraine bishii Febraayo 2022 Moscow waxay si joogta ah u sheegatay inay si wax ku ool ah ula dagaalamayso colaad ay reer galbeedku soo xawileen oo ay Ukraine wakiil ka tahay. Go’aan dhowaan uu Maraykanku ku oggolaaday in Ukraine ay u isticmaasho hubka uu siiyo bartilmaameedyada gudaha dhulka Ruushka ah ayaa halis ayaa keenaya inuu sii xumaado xariirka labada dhinac, waxaana ka dhalan doonaa cawaaqib xun, sida lagu sheegay war ka soo baxay Kremlin-ka. Weerarkii Ukraine ee lagu qaaday Jasiiradda Crimea ee uu Ruushku haysto ayaa loo adeegsaday shan gantaal oo ah nooca loo yaqaanno Tactical Missile System (ATACMS) oo uu Maraykanku siiyay Ukraine, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Ruushka. Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in khubaro Mareykan ahi ay dejiyeen isku xirka duulimaadyada gantaallada, iyadoo lagu saleynayo xogta laga helay satalaytka basaaska ee Mareykanka, balse M ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay Mareykanka, oo bilaabay in uu Ukraine u keeno gantaalada horaantii sanadkan. Source: goobjoog.com
  19. The Second Regional High-Level Meeting on Young People’s Learning, Skilling, and Transition to Decent Work The International Labour Organization, the United Nations Development Programme, the United Nations Educational, Scientific and Cultural Organization، the United Nations Population Fund and the United Nations Children’s Fund are partnering in organizing the second Regional High-Level Meeting on Young People’s Learning, Skilling and Transition to Decent Work. The second edition of the high-level meeting is hosted by the Government of Tunisia. The meeting will build on the success of the first edition held in Amman, Jordan in 2022 and provide a platform for young people to meaningfully participate and shape solutions for the challenges they face in a region characterized by the largest youth cohort it has ever seen with young people between the ages of 15 and 24 making up around 30 per cent of the population while 60 percent of the population has not yet reached the age of 30. Governments and policymakers, international organizations،, civil society, youth, and other stakeholders will explore better policies and initiatives for adolescents and youth’s learning, skilling, and transition to decent work across the region. Qaran News
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay shirweynaha wadatashiga ee Dallada Bulshada Bariga Afrika ayaa sheegay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay daris-wanaagga iyo in la xoojiyo iskaashiga heer gobol, si waafaqsan danaha wadajirka ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dhiirri-gelinta maalgashiga iyo in dowladuhu si sharci ku wadaagaan fursadaha jira, isaga oo hoosta ka xariiqay in damaca dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qayb ka mid ah biyaha Soomaaliya uu yahay mid meesha ka saaraya iskaashiga iyo wax isdhaafsiga dowladaha, isla markaana wiiqaya Nabadda iyo Xasilloonida gobolka. “Waxaan Ummadda soomaaliyeed iyo caalamkaba u caddeynayaa, Itoobiya waxaan isku haysanaa qaabka sharci-daarada ah ee ay dooneyso in ay Baddeen kusoo gaarto, waxaan dooneynaa in ay Baddeenna ku timaado hab sharci ah, sida Yugaandha ay ku gaarto Badda Kenya iyo sidoo kale sida Itoobiya qudheedu ay ku gaarto Badda Jabuuti”. Shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, khubarada dhaqaalaha, safiirro iyo wakiillo ka socday jaamacadaha dalka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee Dallada Bulshada Bariga Afrika, gaar ahaan fursadaha ugu jira ganacsatada iyo bulshada rayidka ah. Sidoo kale, khubarada ayaa si qoto dheer u falanqeynaya hanaanka loo horumarinayo xiriirka ganacsi iyo midka bulshada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalka kale ee ku bahoobay Dallada Bulshada Bariga Afrika. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi iyo wadajir si loo horumariyo dhaqaalaha dalka, loona abuuro fursado shaqo oo waara. Source: goobjoog.com
  21. Asalaamu Calaykum Shacbiga reer Somaliland waxaan u sheegayaa in Cismaan Cumar Dool uu yahay muwaadin Ciiddiisa iyo Calankiisa hoos jooga oo la xidhi karo, la eedayn karo, la xukumi karo, dembi lagu heli karo, dembina lagu waayi karo si la mid ah muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay. Cismaan arrinkiisa waxa gacanta ku haya laamaha sharciga, cid dulmiyi karta ama waxaanu qabin dusha ka saari kartaana ma jirto, cid ka difaaci karta dembi uu galayna ma jirto, arrinkiisana waan ku gudo jirnaa. Cismaan waxaanu ku booqanay Xabsiga aniga iyo masuuliyiin sare oo Xukuumada ka tirsan, waxaanan si 100% ula soconaa xaalkiisa, waana muwaadin hoos jooga ciiddiisa iyo calankiisa. Waxaan leeyahay kuwa arrinta Cismaan ka dhiganaya Kubad siyaasadeed ee ka shaqaynaya kicinta bulshada, inaan meeli uga bannaanayn ee ay ku foofaan danahooda. Waxaa kale oo aan jecelahay inaan bulshada la wadaago in hadalkii Suldaanka Guud iyo salaadiinta kale ee arrintan ka hadlay ay ujeedadoodu ahayd dejinta dhalinyaradii Madaarka ka mudaharaaday, balse aanay jirin wax kale oo xumaan ah oo ku jiray hadalkoodii, balse si khaldan loo turjumay. Waad mahadsan tihiin Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Hargeisa. Qaran News
  22. Boosaaso (Caasimada Online) – Inta badan isbtaalada ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Barri ayaa xiran maalmihii u dambeeyay. Sida ay ogaatay Caasimada Online, isbitaalladan ayaa la xiray kadib amar kasoo baxay kooxda Daacishta Soomaaliya, kadib markii ay kooxda kusoo rogtay lacago baad ah oo fara badan. Isbitaallada xiran oo ah kuwa gaarka loo leeyahay ayaa waxaa kamid ah National, Kaafi iyo kuwa badan oo ku yaalla magaalada, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo si dhow ula socda arrinkaan. Waa markii ugu horreysay oo xarumo caafimaad albaabada la isugu laabo, xilli kal hore ay kooxda lacago baad ah kusoo rogtay goobaha ganacsi ee magaalada, kuwaasi oo qaarkood la xiray. Shirkado badan oo ganacsi ayaa iyana albaabada la isugu laabay oo diiday inay bixiyaan baada kooxaha argagaxisada ah ee Daacish. Maamulka Puntland iyo madaxweyne Saciid Deni ayaa lagu eedeynayaa in magaalada ku daawanayaan culeyska amni ee Daacishta Soomaaliya ay saartay reer Boosaaso, si gaar ahna ganacsatada, oo laf dhabar u ah dhaqaalaha maamulka. Si kastaba, Boosaaso oo ah magaalada ugu dhaqaalaha badan maamulka Puntland ayaa muddooyinkii dambe la daala dhacaysa khatarta amni ee kooxaha argagixisada, welina wax muuqda kama qaban arrintaan maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Deni. The post Xog: Isbitaallada Boosaaso oo hal sabab u xiran maalmo badan – Maxay tahay? appeared first on Caasimada Online.
  23. Xisbiga KULMIYE oo culays wayni ka haysto kasbashada taageerayaasha ayaa maanta shaqaalihii dowladda iyo taagerayaal Safaari ah la tagay Balligubadle. Arrinta foolxumada wayn ah ee ay sameeyeen dadkuna aad ula yaabeen waxa weeye inay soo kalifeen oday wayn oo ah Gudoomiyeha Maxkamadda Gobol/Degmo ee Gobolka Hawd. Sh. Cabdillaahi Maxamuud Aw Cabdi! Xeerka Nidaamka Garsoorka Somaliland Xeer Lr.24/2003 Qodobkiisa 28aad ayaa si cad u sheegaya Dhowrsanaanta Sharafta Garsooraha/Xeer Ilaaliyaha Garsoorka waxa ka xaaraan ah inay siyaasada ku milmaan. Waxa ay dhex u yihiin dhamaan xisbiyada iyo ururada siyaasada, xisbi gaar ah kuma biiri karaan kamana dhex muuqan karaan. Si waafaqsan Dastuurka JSL iyo xeerk nidaamka Garsoorka waxa reeban inay xisbi/ urur ku biiraan, u ololeeyaan ama astaantiisa qaataan. Talaabada uu ku kacay guddoomiyaha maxkamada gobol/degmo Baligubadle waxa ay wax u dhimaysaa kalsoonida lagu qabo garsoorka. Guddoomiyaha Maxkmada Sare waxa laga filayaa isaga oo dhawraya haybada iyo sharafta garsoorka inuu foolxumadaas talaabo ku haboon ka qaado, hadii kale waxa muuqanaysa in uu raali kaga yahay! Very Shocked!. Afhayeenka garabka dhallinyarada heer Qaran Cabdiraxmaan Ismaaciil Qaran News
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay si qoto dheer uga hadlay xiisada badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo salka ku haysa heshiiskii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya. Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya aysan isku haysan in Itoobiya badda gaarto, balse ay isku haystaan sida ay Itoobiyaanka badda kusoo gaarayaan ama wadada ay usoo marayaan. “Waxaan isku haysanaa sidee Itoobiya badda kusoo gaaree. Dadka Soomaaliyeed iyo caalamkaba waxaan rabaa in aan markale u caddeeyo Itoobiya haddii ay dooneyso xeebaha Soomaaliya soo gaarto waa soo dhaweynayna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaan rabnaa in ay usoo gaarto sida Uganda ay xeebta Kenya usoo gaarto, sida Burundi iyo Rwanda u gaaraan xeebta Tanzania, iyo sida Itoobiya laftigeeda xeebta Jabuuti u gaarto oo xeebta Kenya usoo gaarto oo kale ay Soomaaliya usoo gaarto.” Sidoo kale waxa uu sheegay in wax ka duwan midaasi aysan yeelayn Soomaaliya, islamarkaana sida keliya ee Itoobiya baddeena kusoo gaari karto ay tahay hab lamid ah kuwa dalalka deriska oo kale. “Annaga iyo Itoobiya iskuma haysanno in ay Itoobiya badda gaarto, waxaan isku haysannaa Itoobiya sidee bay badda ku gaaraysaa, maaha dagaalku in ay Soomaaliya dowladda Itoobiya bad u diiddan tahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. “Soomaaliya mushkilad ma qabto, wax intaas ka duwan ma yeelayno, wax Soomaaliya u gaar ah oo isticmaalka baddeeda u gaar ah oo dal deris iyo mid fogba midba ka leeyihiin marnaba ma dhaceyso.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida muuqata diidan in Itoobiya la iska siiyo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, balse wuxuu ogol yahay in heshiis dekedeed la siiyo Itoobiya, si ay uga baxdo baahida badda, sida dalalka jaarka oo kale. “Adduunyadu xeerar ayay leedahay oo ay ku dhaqanto oo dowladdaha ka dhaxeeya oo mushtamaca adduunka ku wada nool yahay, Soomaaliyana taas ay kamid tahay una hoggaansan tahay.” The post Xasan oo shaaciyay in uusan diidanayn in Itoobiya hesho bad iyo shuruud uu ku xiray appeared first on Caasimada Online.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Isxaaq Sheekh Cali Cabdullaahi oo tirsanaa Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya. Ninkan oo muddo 14 sano kamid ahaa kooxda Al-Shabaab ayaa waxa hadda gacanta ku haya taliska qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka, oo uu isku soo dhiibay. Isxaaq Sheekh ayaa dagaalo badan kala qeyb qaatay kooxda, isaggoo muddo dheer kamid ahaa Shabaabka ku dhuumaaleysata gobolada Baay iyo Bakool, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Ninkan ayaa la sheegay inuu u adkeysan waayey xaaladda adag ee soo wajahday kooxda iyo sidoo kale gulufka ka dhanka ah, ee ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. Isxaaq Sheekh Cali ayaa sidoo kale wuxuu saaxiibadiis kula taliyey inay isku soo dhiibaan dowladda, ayna ka faa’iideystaan fursada cafis ee loo fidiyay xubnaha ka barbar dagaalamaya kooxda. Isa-soo dhiibista Isxaaq oo muddo dheer kamid ahaa kooxda ayaa qeyb ka ah Shabaab badan oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay u soo gacan galayey ciidamada dowladda. Dowladda ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda oo isku soo dhiibayay, kuwaasi oo inta badan sheega in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen in aysan waxba ka jirin iyo inay u adkeysan waayeen gulufka ay kooxda wajaheyso. The post Isxaaq Sheekh oo 14 sano kadib isku soo dhiibay dowladda iyo sababta ka dambeysa appeared first on Caasimada Online.