Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed S/Guuto, Sulub Axmed Firin ayaa xilka u kala wareejiyey Taliye ku xigeenkii hore ee Ciidanka Boliiska S/Guuto, Zakiya Xuseen Axmed iyo Taliyaha howlaha gaarka ah ahna Taliye ku xigeenka 2-aad Ciidanka Boliiska S/Guuto, Cabdalla Cabdalla Maxamed. Xil-wareejintaan ayaa ka dhacday munaasabad kooban oo ka dhacday Taliska Ciidanka Boliiska Soomaliyeed. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa ugu mahadceliyey Taliye ku xigeenkii hore ee Boliiska Jeneraal Zakiya mudadii ay xilkaas ugu adeegaysay Bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey Taliyaha Howlaha gaarka ah, ahna Taliye xigeenka cusub ee Ciidanka Boliiska. Taliye Sulub ayaa Cabdalla Cabdalla kula dardaarmay in uu horay u sii wado shaqada balaaran ee hortaala xafiiska loo magacaabay. Arrinta aan faahfaahinta laga bixin ee shakiga abuurtay waa “Howlaha gaarka ah” oo Cabdalla Cabdalla loo magacaabay markii laga soo tago xafiiska uu kala wareegay Zakiya Xuseen. Jeneraal Cabdalla Cabdalla waxaa darajada iyo xuquuqda ciidanimo ka xayuubiyey madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo oo ku eedeeyey arrimo argagixiso iyo qiyaano qaran, balse Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u soo celiyey xuquuqdiisa ciidanimo. Shakiga xilka “Howlgalka Gaarka ah” ee Cabdalla Cabdalla loo magacaabay wuxuu sii xoojinayaa shaki horay uga taagnaa “Hoggaanka Ciidanka gaarka ah” oo dhowaan laga dhex abuuray Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, howlaha hoggaanadaas ayaan ilaa hadda laga heyn wax faahfaahin ah. The post Sawirro: Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo la wareegay xil xasaasi ah oo loo dhiibay appeared first on Caasimada Online.
  2. ( إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ) سورة الحجرات Waxaan bogaadinayaa Dowladda Galmudug oo gogol nabadeed u fidisay beelihii Cabdudwaaq iyo Xeraaale ee dhawaan ku dagaalamay waqooyiga Galgaduud . Waxan u mahadcelinayaa Hogaanka Galmudug ee Xiligiisu Dhamaaday oo Gogashaan Dhigay Dhuusamareeb, sidoo kale waxaan mahad ballaaran ujeedinayaa culimadii , waxgaradkii , odoyaashii ,siyaasiyiin deegaanka ah oo isugu jira xildhibaano iyo wasiiro heer Federaal iyo heer Galmdug oo howshani suurtagaliyay in xal-nabadeed lag xaliyo ,masuuliyiintaas oo waqti iyo dadaal dheeraad ah galiyay joojinta dhiiga walaalaha reer Galmudug . Waxaan si gaar ah mahad ballaaran u jeedinayaa taliyiaha Ciidanka Booliska Federalka qaybtiisa Galmudug Khaliif Cabdulle Maalin iyo Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Qaranka (NISA) qaybtiisa Galmudug Faysal Ibraahim Caanood oo xilwayn iska saaray illaahay kasokow sababna u ahaa joojinta colaadaas. Waxaa sidoo kale BAAQ NABADEED u dirayaa beelaha walaalaha ah ee Galdogob iyo Bandiiradleey ee dirirta dhaxmertay , beelahan oo dhaqan, dhalyo iyo darisba wadaaga waxaan leeyahay dagaalka shuruud la’aan hala joojiya oo xal nabadeedna halagu xaliya colaada Maamulada Puntland iyo Galmudug , culimada , isimada , cuqaasha iyo siyaasiyiinta labada deegaan iney ka wada qayb-qaataan joojinta colaada iyo dhiiga walaaalaha daadanaya. Dagaal beeleedyada waxay ay shaki la’aan fursad siinayaan cadawga ummadda Soomaaliyeed oo ah Argagaxisada arxanka daran Al-Shabaab, sidaa darteed dhiiga walaalaha muslimiinta ah ee dhaqan iyo dhalyaba wadaaga nabad iyo xal waaro laga gaara. Source: goobjoog.com
  3. UNITED NATIONS - A Chinese envoy on Monday called on all parties in Somalia to prioritize the interests of the country and its people, and resolve differences through dialogue and consultation. Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (HOL) — The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) announced on Monday that it handed over the Middle Shabelle region's Ceel Eglow military base to the Somali National Army (SNA). This marks the third base transferred during the third phase of ATMIS's troop drawdown, which aims to prevent a security vacuum in Somalia. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) — Somali police have apprehended a fugitive murderer at Aden Adde International Airport in Mogadishu. The suspect, Mohamed Omar Isse, is accused of killing Mohamed Ahmed Farah in the Nugal region on May 17, 2023. Source: Hiiraan Online
  6. JIGJIGA, Ethiopia (HOL) — ONLF spokesman Adani Hirmooge has raised concerns about irregularities in the recent repeat election for the Jigjiga city administration, predicting that the ruling Prosperity Party (PP) will secure more votes despite ONLF's widespread support. Source: Hiiraan Online
  7. Hargeisa (HOL) — Somaliland officials have dismissed Somali President Hassan Sheikh Mohamud's proposal to Ethiopia, citing the plan's impracticality due to Somalia's lack of accessible ports. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay geysay cabasho ka dhan ah ciidamada Itoobiya ee sida sharci darrada ah u soo galay gudaha Soomaaliya, iyagoo ka soo gudbay xuduudda wadankooda. Kulanka looga hadlayay xaalka amni ee Soomaaliya oo ay xaadir kuwada ahaayeen masuuliyiinta Qaramada Midoobay iyo kuwa ka socday Midowga Afrika, ayaa safiirka Soomaaliya u qaabilsan Abuukar Cusmaan Baalle waxa uu ku eedeeyay ciidamada dawladda Itoobiya. Danjire Abuukar Baale ayaa shirkaas ka sheegay in si sharci darro ah ay ciidamadaasi uga soo tilaabeen xadka Soomaaliya. “Sababo la xiriira talaabooyin ay qaadeen ciidamada Itoobiya, oo ay kamid tahay in si sharci darro ah ay u soo jiireen xadka Soo jiireen xadka Soomaaliya, ayaa waddanka ku qasabtay in uu wax ku kordhiyo qorshihii bixitaanka ee Septemper,” ayuu yiri Abuukar Baalle. Dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saareysa in Ciidamada Itoobiya ay noqdaan kuwa ugu horeeya ee ku baxa qorshaha ATMIS looga saarayo dalka, inkastoo howlgalka uu bilaabanayo, hadana qorshaha Soomaaliya kuma jirto in ciidamada Itoobiya ay sii joogaan wadanka. “Dawladda Soomaaliya waxay ku boorineysaa golaha in ay tixgalin siiso caqabadaha ka imaan kara talaabooyinkaan xasilooni darrada ku sababaya Soomaaliya iyo gobolkaba,” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee QM. Hadaba dacwada Somalia cawaaqib intee la eg ayay ku yeela kartaa Itoobiya? Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay BBC ayaa sheegay inay qalad dublumaasiyadeed tahay talaabada ay ku dhaqaaqday dawladda Itoobiya. Sidoo kale Wasiir hore Cawad ayaa sheegay in Ciidmada Itoobiya ay muddo ku sugnaayeen Soomaaliya, iyagoo aan gudaneyn waajibkii ahaa inay Shabaab la dagaalamaan, sidaas oo ay tahana wuxuu sheegay in Afrika iyo dunida inteeda kale ay ka war-hayaan dhaqanka ciidamada Itoobiya ay la joogaan gudaha Soomaaliya. “Waxaa laga yaabaa in innaga naloo maleeyo inaan nahay qolyo aan abaal aqoon,” ayuu yiri Cawad oo ka warrmayay qiimeynta lagu sameyn karo kiiskaan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa aad u xumaaday wixii ka dambeeyey markii bilowgii sanadkaan ay Itoobiya heshiis beenaad badda ku saabsan la gashay maamulka Somaliland, dowladda Soomaaliya ayaa aad uga dhiidhisay qorshaha Itoobiya waxaana labada dal u bilowday dagaal diblomaasiyadeed. The post DF oo QM ku dacweysay ciidankii Itoobiya ee xuduuda ka soo gudbay + Cawaaqibka appeared first on Caasimada Online.
  9. Somaliland’s 64th Anniversary 1960-2024 On Wednesday, Somaliland is celebrating its 64th anniversary of independence from Britain on 26th June 1960. It was 64 years ago when Britain granted us our independence. This ended 76 years of being under British protection (1884-1960). The celebration of the important event will be attended by Somaliland government officials led by the president. It is the day the president his Excellency Muse Bihi Abdi addresses the Somaliland nation and shares with them the value of this day and the long journey that the country has gone through to gain independence. It is important to clarify that this week starting from June 26, there are generally significant and valuable days for Somalilanders. Six million Somalilanders including hundreds of thousands more in Diaspora are celebrating their Independence in our home country. Somaliland Diaspora played an important role in all the different struggles Somaliland has been through to achieve its independence. Somaliland must not be confused with Somalia or with Djibouti. Somaliland has been a distinct country with its distinct history for centuries and since modern history of Africa had began with the demarcation of colonial borders. As we know, the majority of the population of Somaliland who are now living in Somaliland did not witness independence gained in 1960. It can be said that 2/3 of the population of Somaliland are people born after 1991 when Somaliland regained its independence from Somalia. Therefore, the younger generations of Somaliland must know that Somaliland was never under the British colony, but it was under the protectorate administration. During this period, the administration situation in Somaliland was very much different from other territories where Somalis live. For example, Italy and France have implemented a colonial system in Somalia and Djibouti. What are the things we remember on our Independence Day? This day has its memories that are considered by the people of Somaliland. June 26, 1960, reminds the people of Somaliland that they became the 12th country in Africa and gained its independence from Britain. It is a history that shows that the existence and independence of Somaliland are older than most of the countries of the African continent. As a nation, we have to be grateful and remember all those who sacrificed their lives to achieve Somaliland’s independence. These people included business community, faith and traditional leaders and ordinary men and women of different ages. On the occasion of June 26, Somalilanders should be thankful and remember the days and memories that our youth need to be aware of: First of all, from the earliest time when the protectorate system started, the people of Somaliland have been on a long journey with their challenges and difficulties. They have shown resilience towards the circumstances they have been through. Traditional leaders had a great role in the internal affairs of Somaliland, and they had a great influence on People’s lives and their culture. The role of traditional leaders was important, and it was a role that the people needed whether they were in a peaceful or conflict situation. The most important task of the traditional leaders during the time of the protectorate administration was to bring closer the relationship between people and also to build trust between communities. They were always representing the interests of their country and making sure Somaliland clans lived together in peace. Traditional leaders, including elders representing different clans in Somaliland, were the ones who agreed with the British Government to establish Somaliland as a protectorate with its own borders. Second, we must remember, on a day like this, all the patriots who fought for Somaliland’s independence. We cannot mention them all in this short note. Sayid Mohamed Abdulla Hassan who led Darawish fighters, their struggle took 20 years. The movement and resistance of the Darawish were based in Taleh (Sool region of Somaliland). The struggle of Sayid Mohmed and his fighters influenced society to be ready to participate in the struggle for independence. We cannot forget other heroes who fought for the independence of Somaliland such as Sheikh Bashir, Farah Omar and other comrades who were fighting alongside them. We should also appreciate other Somaliland movements who fight for the independence of Somaliland. SNS (Somaliland National Society) was the first movement that was announced in Buroa in 1945. As Somaliland historians have mentioned, this movement was mainly created to make the community aware of the problems of tribalism and for the community to live together in peace and tranquility. SNL (Somali National League) was a political organization founded in Buroa in 1951. The objectives of SNL were based on a political movement aimed directly at Somaliland’s independence from Britain. The founders of this movement and its thousands of members contributed to the fight and struggle for independence. Among the other historical events that mark this day is to remember other pro-independence groups in Somaliland. We can take as an example USP (United Somali Party), NUF(National United Front) and Hesbollah. Although these political groups were working on different agendas, they were united in the goal of achieving Somaliland’s independence. On this day, we remember the institutions Somaliland established before the union, such as the legislative assembly, which consisted of 33 seats. It was the first parliament that Somaliland had as a state before the union. We remember a day like this when we shared our excitement and freedom with the other countries of the world on 26 June 1960. It is the day Somaliland was officially recognised by 35 countries, including all five permanent members of the UN Security Council. We also remember our first Somaliland cabinet whose names were: 1. Mohamed Ibrahim Egal (Prime Minister) 2. Garad Ali Jama (Minister) 3. Ahmed Haji Duale (Keyse) (Minister) 4. Haji Yusuf Iman (Minister) 5. Haji Ibrahim Nur (Minister). Today, 64 years ago, we also remember the concept of unifying Somalis under the Greater Somalia dream. This is why Somaliland formed a union with Somalia four days after its independence. As stated by the people who are knowledgeable about international laws, that union was not based on agreements that are signed when two countries form a union, therefore there was no act of union signed together by Somaliland and Somalia. Today is a special day in the history of Somaliland. It is the day we remember poems such as Abdillahi Sultan Tima-cadde, Abdi Iidaan etc. Poems that were presented during Independence Day were those that expressed or elaborated the value of Independence Day. We also cannot forget the artists who created our most precious songs on Independence Day: Ismail Cagaf, Ali sugule, Abdillahi Qarshe, Hussein Aw-Farah, Sahardiid Maxamed (jebiye), Yusuf Haji Adan, Abdi Muhumed Amiin, Hassan Sheikh Muumin, Ahmed Ismail Diriye(Qasim), Maxamed Ismail (Barkhad Cas) and others. Their heir literature, poems, songs and music have influenced Somalilanders to become more patriots. The songs composed at the time of Somaliland’s independence are memorable. Listening to these songs is very enjoyable to listen to. The lyrics of these songs show the unity of the people of Somaliland and their struggle during the independence time. These are the songs sung by: Mohamed Saleebaan Tubeec, Mohamed Ahmed Kuluc, Mohamed Yussuf, Guduudo Arwo, Magool, Maandeeq, Baxsan, Omer Dhuule, Maxamed Adan (Dacar), Cismaan Gacanlaw etc. Third, it is important to point out the disappointment and the frustration of the Somaliland people. Immediately after the union, they faced injustice and oppression under the successive governments of Somalia. This issue hurt the people of Somaliland, which led to the failed coup that was initiated by junior officers from Somaliland in 1961. The purpose of the coup was to restore the independence of Somaliland. Therefore, on this day, we remember all 23 officers who made sacrifices for their country. We especially remember Abdillahi Said Abby who was killed in the coup confrontation Fourth, it is also very important to mention that as a result of the oppression, torture, and killing of thousands of the people of Somaliland, the SNM (Somali National Movement) was formed in London in 1981. After a long struggle, Siad Barre’s forces were defeated. The sovereignty of Somaliland was restored on the 18th of May 1991. The two celebration days of May 18 and June 26 have a historical connection. The celebration of 18th May is (regaining sovereignty Day) and the 26 June is (Independence Day). Both of them are national days. Fifth, we also remember and are grateful for the state and the system we have rebuilt since 1991. What we have accomplished is something we and other nations in the region as a whole should be proud of. Our young people need to study and reflect on the long journey we have gone through. We, finally remember all the leadership of the successive Somaliland governments and the progress they have achieved and also reflect on the setbacks faced. Finally, as we celebrate Somaliland’s 64th anniversary, the challenges we are facing today are huge. Because of the MOU agreement between Somaliland and Ethiopia, Somaliland’s neighbors have created a diplomatic war against Somaliland since January 2024. The hostility of these two countries is increasing day by day. The November 13 election is one of the other challenges ahead. What we need today is to strengthen our unity and togetherness so that we as a nation can peacefully overcome all the challenges that are in front of us. I wish you a happy and successful celebration Abdirahman Abdillahi Jibril (Awliyo) Email: jabdi35@yahoo.com Rerefernce: https://commons.wikimedia.org/wiki/File:Somaliland_independence_26_June_1960.jpg: accessed 24/06/2024 Boobe Yusuf Duale (60 sano ka dib xoriyadda: Sooyaalkii Xisbigii SNL ee 1960-kii – BBC News Somali: https://www.bbc.com/somali/war-53190048 (Last accessed 23 June 2024) Abdirahman Abdillahi Jibril (18 May 2021) Somaliland-30th-anniversary-2021-pdf-new.pdf (horndiplomat.com) accessed 25 June 2024 Brock Millman (2014) British Somaliland an administrative history, 1920-1960: Routledge in Middle Eastern Histor Colonial Office (1960) Report of the Somaliland protectorate constitutional conference http://www.somalilandlaw.com/state-of-somaliland-1960.htm: last accessed 21 June 2024 Qaran News
  10. Hay’adda difaaca madaniga ah ee Gaza ayaa sheegtay in weerar cirka ah oo ay Israa’iil fulisay aroornimadii salaasada ay ku dileen 10 xubnood oo ka tirsan qoyska hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyah. Weerarka ayaa lala beegsaday guriga qoyska Haniyeh ee xerada qaxootiga Al-Shati, ee waqooyiga Marinka Gaza, ayuu yiri Mahmud Basal, afhayeenka difaaca madaniga ah ee Gaza. “Waxaa jira 10 qof oo shahiiday oo ay ku jirto Sahra Haniyeh, oo la dhalatay Ismail Haniyeh,” ayuu yidhi Mudane Basal oo la hadlayey wakaalada wararka ee AFP. Waxa uu sheegay in tiro meydad ah ay u badan tahay in ay wali ku hoos jiraan burburka laakiin aysan haysan qalabkii loo baahnaa si loo soo saaro. Haniyeh, oo ah hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas ee fadhigiisu yahay Qatar, ayaa saddex wiil iyo afar uu awoowe u ahaa ku waayay weerar ay Israa’iil ka geysatay badhtamaha Gaza bishii Abriil maalintii ciidul fitriga. Haniyeh waxa uu wakhtigaas sheegay in ilaa 60 xubnood oo qoyskiisa ah la dilay tan iyo markii uu bilowday duulaanka Israa’iil ee Gaza bishii Oktoober 2023. Source
  11. Caasimada Kenya ee Nairobi ayaa maanta oo Salaasa ah laga dareemayaa mudaharaad xoogan oo ka socda badhtamaha magaalada, kaasi oo looga soo horjeedo sharciga cusub ee sare loogu qaadayo Canshuurta dalkaasi. Baarlamaanka Kenya ayaa maanta u codeenaya sharcigan rabshadaha keenay oo ay shacabka si weyn uga soo horjeedaan. Waxaan lagu guuleysan dadaalo ay dowlada dooneysay inay ku qanciso shacabka, iyadoo sharcigan cusub laga saaray qodobo xasaasi ah, balse taasi weli maysan ku qancin dadweynaha mudaharaadaya oo sheegay in canshuurtan si weyn u saameyn doonto noloshooda. Dadka mudaharaadaya ayaa u badan dhalinyarada iyo shaqaalaha, waxaana hada kusoo biiray qaar kamid ah shirkadaha kuwaasi oo dhamaantood isku raacay in canshuur kordhinta aysan la jaan-qaadi karin sicir-bararka jira, dakhliga shacabka soogala iyo kororka dhaqaalaha wadankaas. Source
  12. 448987042_1508942623038553_4851423532527055773_n Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xuska 26-ka June oo caawa ku beegan, waxaana jirta munaasabad wayn oo loogu dabaal-dagayo xuska maalintan qaran. Booliska ayaa soo saaray amar culus oo ku aadan inta lagu guda jiro dabaal-dagga maalmaha xorriyadda dalkeena oo caawa bilaabanayo. Taliska booliska ayaa faray dhammaan ciidamada qalabka sida in wax rasaas ah aysan ridi karin inta lagu jiro dabaal-degga 26-ka June iyo kowda Luulyo. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay “in kaliya dabaal-degga la ogol yahay in la adeegsado Bululeer”, kaas oo aan wax saameyn dhalineyn, looguna tala-galay dabaal-degga. “Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed wuxuu ku wargalinayaa in dhamaan ciidanka qalabka sida iyo bulshada Soomaliyeed goob kasta oo ay joogaan inta lagu guda jiro dabaal-dega 26 Jun iyo 1 Luulyo, marka la gaaro saacada calan saarka aan wax rasaas ah la ridi karin marka laga reebo Bululeerka ay loogu tala-galay dabaaldegga” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska. Horay xabado loo riday dabaal-deg darteed ayaa dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waana sababta keentay inuu mamnuuco booliska in la rido wax rasaas ah. “Maadaama ay horey uga dhasheen dhaawacyo soo gaarey qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed waa mamnuuc” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Dhammaan Laamaha amniga waxaa la farayaa inay u hogaansamaan amarkaan, ayna talaabo ka qaadaan cidii Ku xad gudubta Mahadsanidiin”. The post BOOLISKA oo soo saaray amar culus oo caawa dhaqan-galaya – Muxuu yahay? appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda Itoobiya iyo wada-hadalka la sheegay in lala galayo kooxda Al-Shabaab. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isku xiray labadaan qodob, wuxuuna tilmaamay haddii laga wada-hadalyo in loo baahan yahay in aysan noqon qudbo siro ama qof kaliya in uu go’aan qaato. “Wadaxaajoodka Itoobiya lagala yeelanayo arrimaha Is-afgaradka, iyo wadahadalka la sheegay in kooxda argagexisada AS lala gelayo waa in aysan noqon khudbosir qof kaligii go’aansado” ayuu yiri siyaasiga caanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa looga baahan yahay in qaab qaran u wajahdo, ayada oo wakiil laga noqonayo shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena lala socodsiiyo xogta. “Waa in lagu wajaho talo qaran oo loo dhanyahay, shacabka wakiilka laga yahayna si daahfuran loola socodsiiyo” ayuu mar kale yiri Xildhibaanku. Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aaday, ayada oo shalay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan SHeekh Maxamuud uu sheegay in Itoobiya aysan u diidanayn inay hesho bad, balse ay rabaan inay soo marto wadadeeda sharciga ah. “Annaga iyo Itoobiya iskuma haysanno in ay Itoobiya badda gaarto, waxaan isku haysannaa Itoobiya sidee bay badda ku gaaraysaa, maaha dagaalku in ay Soomaaliya dowladda Itoobiya bad u diiddan tahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale madaxweynaha ayaa horay u sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay wada-hadal ay la gasho kooxda Al-Shabaab oo weli dagaal ka wadda gudaha dalka. The post Xasan oo loo jeediyay dalab la xiriira wada-hadallada Al-Shabaab iyo Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  15. Mogadishu (HOL) - Somali police have arrested Mohamed Hassan Ali Dhiblawe, who is accused of killing his mother and nephew in the Denyiile district of Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  16. Mattias Zaccagni's last-grasp 1-1 equalizer against Croatia sent reigning champion Italy through the Euro 2024 group stage while Spain capped a perfect Group B run with 1-0 win over Albania in the last round of group play on Monday. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo bandhigay nin baxsad ah oo ku eedeysan dil ka dhacay gobolka Nugaal ee Puntland, kaas oo dalka ka cararay. Soo qabashada eedeysanahan oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Ciise ayaa waxaa iska kaashaday Booliska Soomaaliyeed iyo kan caalamiga ah ee Interpol, waxaana maanta lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii xogtiisa ay Interpol kusoo wargelisay Booliska Soomaaliya. Ninkan ayaa ku eedeysan inuu 17-05-2023 gobolka Nugaal ku dilay marxmuum Maxamed Axmed Faarax, isaga oo kadib u baxsaday dalka Kenya oo ugu dambeyn laga soo qabtay. Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ninkan oo isticmaalay magaca been abuur ah uu ka gudbay xadka Soomaaliya, kadibna ay la wadaageen Interpol oo maanta soo qabatay. “Waaran soo qabasho ah oo usoo jarey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo tixgeliyey codsiga ka yimid Maxkamada gobolka Nugaal ayaa hoggaanka xiriirka dibadda (Interpol) ee Booliiska Soomaaliyeed Ka codsadey in lasoo qabto eedeysane Maxamed Cumar Ciise 30 jir ah, kuna eedeysan inuu dilay, Marxuum Maxamed Axmed faarax taariikhda marka ay aheyd 17-05-2023, isagoo isticmaalay Qori AK47 ah kadibna u baxsaday dalka Kenya.” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Booliska Soomaaliya. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Hoggaanka xiriirka dibada ee Booliiska Soomaaliyeed ayaa xogtiisa la wadaagay xafiisyada Kala duwan ee Booliska caalamigga ah ee Interpol, waxaana la ogaadey inuu ku noolyahay Kenya, uuna Isticmaalay magaca Cabduqaadir Cumar Cali si aan loo aqoonsan”. Kahor inta aan lasoo qaban eedeysanaha ayaa 21-06-2024 tegay safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya, si uu u jarto dukuminti laabasho ah (Go Home), wuxuuna ku jartay magaca been abuurka ah ee Cabduqaadir Cumar Cali. “Xarunta Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa si toos ah ugu soo wargelisay hoggaanka xiriirka dibadda ee Booliiska Soomaaliyeed in eedaysanaha uu kusoo wajahan yahay magaalada Muqdisho 25-06-2024, aroortii hore ee saaka ayaana garoonka Diyaaraha Aadan Cadde laga soo qabtay eedeysanaha ,waxaan lagu wareejin doonaa maxkamada gobolka Nugaal si loo marsiiyo Cadaaladda” ayaa gabagabadii lagu yiri warka qoraalka ah. The post Nin ay Interpol bixisay xogtiisa oo maanta lagu qabtay garoonka Muqdisho (Sawirro) appeared first on Caasimada Online.
  18. Sida ay ku waramayso warbaahinta dalka Kenya dalkaasi waxaa hadda ka socdo dibadbaxyo ay dhigayaan dadka kenyanka ah ee ka soo horjeeda hindse-sharciyeedka maaliyadda ee canshuurta lagu kordhinayo. Nairobi, Mombasa, Nakuru iyo magaalooyin kale ayaa boqollaal dad ahi isugu soo baxeen. Dadkaan ayaa wata boorar ay ku xardhanyihiin hal ku dhigayo ay ku diidanyihiin sharciga lagu kordhinayo canshuurta xilli dad badan ay sheegayaan in ay dareemayaan culeys dhanka nolosha ah. Shacabka Magaalada Nairobi ayaa meel Fagaare ah ka sheegay in aysan awoodin bixinta canshuurta ay qorshaynayso dowladda Kenya. Xarunta Baarlamaanka Kenya ayaa la gaarsiiyo waxyeelo weyn. waxaana ciidanka ay toogteen dhowr qof sida ay sheegeen warbaahinta Kenya. Go’aankaan ayay sheegeen haddii aysan ka laaban in ay sii wadi doonaan banaanbaxyada ilaa laga joojinaayo. Dowladda ayaa ciidamo badan gaysay xaruumaha dowladda si ay uga hortagaan in rabshado ay dhacaan. Mudaharaadkan oo loogu magacdaray “Bishii Diidmada-Maaliyadda ee Kenya 2024,” ayaa sii xoogaysanayay maalmihii la soo dhaafay, waxaana uu kumanaan dad ah isugu soo baxayeen waddooyinka todobaadkii hore si ay u muujiyaan diidmadooda. Baarlamaanka ayaa sharcigaani horyaallaa hadda waxaana lagu wadaa in ay ka doodaan.Sharcigan ayaa todobaadkii hore gudbay wareeggii labaad kadib markii 204 mudane ay taageereen halka 115 ay kasoo horjeesteen. Intaasi ka dib waxaa loo gudbi doonaa wajigii saddexaad ee Baarlamaanka oo wax ka bedel cusub lagu sameyn doono. Source: goobjoog.com
  19. Madaxii hore ee sirdoonka Turkiga , oo hadda ah Wasiirka Arrimaha dibadda , Hakan Fidan ayaa soo bandhigay dhaqdhaqaaqa halista ah ee ka socda Qubrusta Yurub Wasiir Hakan Fidan wuxuu sheegay inay oggaadeen jasiiradaa in loo beddelay saldhig militari oo lagala socdo dhaqdhaqaaqa Qasa iyo koonfurta Lubnaan. “Oktoobar 7 kaddib, waxaan aragnay warbixinno sirdoon oo tilmaamaya in Qubrus loo adeegsanayo saldhigyo … Xarun hawlgal oo ay isticmaalaan waddamada kale si ay u maareeyaan dagaalka Qasa”. “Xiriir ayaanu la samaynay oo u sheegnay madaxda Giriiga in koonfurta Qubrus iyo jasiiradaha Giriiga loo isticmaalo xarun hawleed, taasi inay dhaxalsiinayso khatar weyn oo aysan dani ugu jirin Giriiga” ayuu yiri Hakan Fidan. Toddobaadkii hore Xisbullah ayaa sheegtay in ay weerarri doonto Qubrus , haddii weerarro looga soo qaado saldhigyadooda oo ay adeegsadaan diyaaradaha Israa’iil iyo Mareykanka. PUNTLAND POST The post Turkiga oo sheegay in jasiiradda Qubrus loo beddelay saldhig lagaga duulo Qasa iyo Lubnaan appeared first on Puntland Post.
  20. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada, George Conway, oo uu kala hadlay sare u qaadida iskaashiga, isuduwidda, iyo dadaalka wadajirka ah. Kulanka ayaa lagu qaadaa-dhigay dadaalka dheeraadka ah ee Guddiyada farsamo oo ka kala socdaay labada dhinac ay muujiyeen iyo sameynta istiraatiijiyad dhammaystiran oo hagaysa qorshaha kala guurka Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ,si loo dhiso xafiis Q.M ay ku yeelato dalka, oo la mid ah kuwa ka dhisan dalalka kale, si loogu dhaqaaqo horukac barwaaqo leh, loogana guul keeno himillooyinka, loona gaaro horumar waara. Source: goobjoog.com
  21. Ciidanka booliska Soomaliyeed ayaa gacanta Ku soo dhigeen eedeysane gacan Ku dhiiglenim loo haysto, kaas oo lagu Magacaabo Maxamed Cumar Ciise, waxaana lagu heystaa dil ka dhacay deegaannada Puntland, xilli laga qabtay garoonka Muqdisho. Waaran soo qabasho ah oo uu soo jarey Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo tixgeliyey Codsiga ka yimid Maxkamada Gobolka Nugaal ayaa Hoggaanka Xiriirka Dibadda (Interpol) ee Boliiska Soomaaliyeed Ka codsadey in Lasoo Qabto Eedeysane MAXAMED CUMAR CIISE 30 JIR AH kaas oo Ku Eedeysan inuu Dilay. Marxuum MAXAMED AXMAD FAARAX 17-05-2023 Asagoo isticmaalay Qori AK47 ah kadib asagoo baxsad ah ayuu Safar lugta ah ku Galay Xuduuda Dalka Kenya, Hoggaanka Xiriirka Dibada ee Boliiska Soomaaliyeed ayaa Xogtiisa la wadaagay Xafiisyada Kala Duwan ee Interpol waxaana La ogaadey inuu Ku noolyahay Kenya uu Isticmaalay Magaca Cabduqaadir Cumar Cali Si aan loo aqoonsan 21-06-2024 wuxuu tagay Safaarada Soomaaliya ee Dalka kenya si uu U jarto Dukumintiga u Safar Dalkaaga (Go Home ) Wuxuuna ku jartey Magaca Been abuurka ah ee Cabduqaadir Cumar Cali Interpol HQ ayaa Sitoos ah usoo wargilisay Hoggaanka Xiriirka Dibada ee Boliiska Soomaliyeed in uu eedaysanaha Kusoo Wajahan yahay Magaalada Moqdisho 25-06-2024 waxaana Saaka aroorti Garoonka Diyaaraha Aadan Cadde laga soo Qabtey Gacan ku dhiiglihii waxaan lagu wareejindoonaa Maxkamada Gobolka Nugaal si loo Marsiiyo Cadaaladda Source: goobjoog.com