Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa agab isboorti iyo daawo gaar siiyay Xarunta Barbaarinta Caruurta Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho. Taliyaha xarunta Barbaarinta Caruurta Cali Xirsi Bare Cali gaab ayaa maamulka Gobolka Banaadir uga mahad celiyay sida ay u garab taaganyihiin caruurtaan agoonta ah waxa uuna ka codsaday in ay mar walbo garab tagnaadaan si loo horomariyo mustaqbalka caruurtan. “Hadii aanu nahay maamulka isboortiga Gobolka Banaadir waxa aan diyaar u nahay in horomarino xirfadlayaasha halka ku sugan sababtoo ah waxaa laga yaabaa in ay ku jiraan ciyaartooy badan oo matali kara xulka qaranka dalka”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish. Dowladda waxa ay waqti ku bixisay gacan ku haynta iyo bar baarinta xarunta barbaarinta Caruurta ee booliska waxaana markii aad booqato aad kuu soo jiidanaya qaabka wanaagsan ee loo dayac tiray. Cali Xirsi Bare (Cali Gaab) oo ah taliyaha xarunta barbaarinta caruurta booliska mar uu la hadlay Goobjoog bishii Janaayo 2019 waxa uu qeexay in ay tartamo kala duwan ay u qabtaan caruurta waxaana xarunta loogu diyaariyay garoomada kubbadda cagta iyo kubbadda kolayga. Caruurta ku sugan Xarunta waxaa lagu barbaariyaa casharrada la xiriira wadaniyadda badanaa waxaa ay qaataan Casharro kala duwan oo ay ugu weyntahay in ay noqdaan jiil ku soo hano qaado gacan dowladeed si qarannimada dalka ay ugu noqdaan difaac. Basmo Caamir Shakeeti oo ah guddoomiye ku xigeynka arimaha bulshada iyo wacyi galinta maamulka Gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadashay waxa ay sheegtay iyada oo wakiil ka ah maamulka Gobolka ay diyaar u yihiin garab istaagida iyo ka war qabida xaalada caruurta agoonta ciidanka boolsika. Si kastaba Xarunta Agoonta ciidamada Booliska ayaa la dhisay 05-May 2018 iyada iminka lagu xanaaneeyo caruurtii ay ka geeriyoodeen Ciidanka Booliska. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  2. Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah ayaa la sheegay in ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan, ayna ku dileen dagaalyahano iyo saraaki ka tirsan Al-shabaab Howlgalka ayaa laga fuliyay deegaanada Orantan, Masaaro Jabis, Dhiri Maadle, Miir cado, Garxamud, Wab Galeey iyo Afar Irdood oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan halkaasi oo la sheegay in ay saldhigyo ku lahayeen Al-shabaab Saldhigyadii Al-shabaab ayaa lagu burburiyay howlgalka sida ay inoo sheegeen saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka Taliyaha guutada 5Aad qeybta 27Aad ee ciidanka Xoogga Dalka G/sare Faarax ayaa sheegay in howlgalo laga fuliyay deegaano hoostaga gobolka Hiiraan lagu burburiyay saldhigyo Al-shabaab Kornel Faarax Kooshin waxa uu sheegay in howlgalka Al-shabaab looga dilay ku dhawaad 40 dagaalame iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab Ugu dambeynti Taliyaha ayaa sheegay in Al-shabaab howlgalka looga gubay 3 gadiid oo ah kuwa dagaalka. PUNTLAND POST The post DFS oo sheegtay in howlgal lagu dilay 40 dagaalame oo Al-shabaab ah appeared first on Puntland Post.
  3. Maxkamada sare ee Puntland ayaa maanta shaacisay inay dil wajahayaan dadkii dilay islamarkaana kufsaday Caa’isha Ilyaan Aadan oo ahayd gabadh 12 jir ah oo ku [...] Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Suldaan deegaan ahaan ka soo jeeda gobollada galbeedka Somaliland ayaa waxa uu si cad u sheegay in Somaliland ay ka quusatay aqoonsi caalami ah oo ay ka hesho beesha caalamka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT-Pakistan)-Dowladda Pakistan ayaa shaacisay inay soo ridday Labo diyaaradood oo laga leeyahay dalka Hindiya, kadib markii ay soo galeen hawada dalkaasi. Gen. Asif Ghafoor oo ah afhayeen u hadlay ciidanka Pakistan ayaa sheegay in diyaaradahan ay soo galeen hawada Kashmir, dhanka ay Pakistan maamusho. Sidoo kale, Afhayeenkan ayaa sheegay in ay diyaaradahan mid ka mid ah ay kusoo dhacday gudaha dalkooda, halka midda kale ay ku dhacday dhanka Hindiya. Gen. Asif Ghafoor ayaa xaqiijiyey iney nolosha ku hayaan duuliye ka tirsan dalka Hindaya. Dowladda Hindiya ayaa shalay shaacisay iney duqeysay xarumo ay lahaayeen kooxda Jesh Mohamed oo sheegtay qaraxyo lagu laayay askar ka tirsan dalkaasi. Xiisadda u dhaxeysa Pakistan iyo Hindiya ayaa noqotay mid cirka isku sii shareertay, iyadoo xaaladda Labadan dal ay meel adag mareyso. Source
  6. Gaalkacyo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay waqooyiga M/Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dilka koowaad ayaa waxaa loo geystay wiil 12 jir ahaa oo lagu magacaabi jiray Xaaji C/rashiid Faarax, kaas oo uu dilkiisu ka dhacay xaafadda Israac ee magaaladaasi. Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay wiilkaasi yar, kuwaas oo la sheegayay in ay doonayeen in ay ka qaataan Mobile uu watay sida ay xaqiijiyeen dad goobjoog ah. Sidoo kale waxaa xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lagu dilay nin ka mid ahaa dadka deegaanka. Dabley hubeysan ayaa la sheegay in rasaas ay ku fureen ninkaasi oo uu dhaawac ka soo gaaray, balse markii dambe ku geeriyooday isbitaalka. Dhacdooyinkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii la soo dhaafay falal ammaan dari ay ka dhacayeen degmada Gaalkacyo, gaar ahaan qeybta maamulka Puntland. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Shirka Wadajir ee Hannaanka Qaran ee Dowladdaha Hoose oo ay ka Qeyb galayaan Wasiirada Arimaha Gudaha iyo dib u heshiista Dowlad goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad galay. Shirka waxaaa diirada lagu saarayaa dhismaha golayaasha deegaanka, Dhab u heshiisiinta iyo xal u helida dhibaatada barakacayaasha. Wasiirka Arrimaha Gudaha ,Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye oo shirka ka hadlay waxuu sheegay iny ka wada hadlayaan madaxda heer Qaran iyo heer dowld Goboleed sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha meesha ugu muhiimsa ee xal ka imaanayana ay tahay ilaa heer degmo la sameeyo qorsho isku xiran oo shirkaan ay qeyb ka tahay. Shirka Madasha waxaa kale oo qeyb ka ah xubna ka socda hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka kuwaas oo warbixinno ka bixinaya marxalada barakacayaasha. Shirkaan ayaa lagu wadaa in la soo xiro maalinka berrita ah lagana soo saaro qorshaha saddexda bil ee soo aadan ee xasilinta, dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka iyo dhab u heshiinta heer Qaran ilaa heer gobol. View the full article
  8. Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubbaland uu magacaabay guddoomiyaha guddiga doorashada Jubbaland, kaasi oo aan wali la shaacin. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu xilkaasi u dhiibay ruux la aamisan yahay in ku adkaaneyso inuu dhex dhexaad ka dhaceyso, maadaama uu keensaday madaxweyne Axmed Madoobe. Waxaa Muuqata in durba uu bilaabay Axmed Madoobe inuu abaabulo sidii markale uu xilka Jubbaland markii seddexaad dib ugu soo laaban lahaa, isaga oo keenay guddoomiye isaga taageersan. Sidoo kale wuxuu bilaabay inuu cadaadiyo musharixiinta ku sugan magaalada Kismaayo oo la rumeysan inuu Axmed Madoobe awood ku heysto marka la eego dhanka ciidamada iyo fulinta amarada uu soo saaro. Axmed Madoobe ma wanaagsana xiriirka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya waxaana jira howlo badan oo qabyo u ah, taasi oo caqabad ku noqon doonto sii socoshada howlahaa haddii aanan markale lasoo dooran. Wuxuu taageero ka heystaa dowladda Kenya oo la rumeysan yahay inay ku ilaashato danaha ay ka leedahay deegaanada Jubbaland, waxaana la sheegaa in khilaafkii dhawaan soo if baxay ee Kenya iyo Somalia in isaga madaxii uu ku yimid. Waa Madaxweynaha ugu waqtiga dheer madaxda maamul goboleedyada wuxuuna xilkaasi hayaa tan iyo sanadkii 2013. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Dowladda Pakistan ayaa shaacisay in ay soo ridday Labo diyaaradood oo laga leeyahay dalka India, kadib markii ay soo galeen hawada dalkaasi. Gen. Asif Ghafoor oo ah afhayeen u hadlay ciidanka Pakistan ayaa sheegay in diyaaradahan ay soo galeen hawada Kashmir, dhanka ay Pakistan maamusho. Sidoo kale, Afhayeenkan ayaa sheegay in ay diyaaradahan mid ka mid ah ay kusoo dhacday gudaha dalkooda, halka midda kale ay ku dhacday dhanka India. Gen. Asif Ghafoor ayaa xaqiijiyey iney nolosha ku hayaan duuliye ka tirsan dalka India. Dowladda India ayaa shalay shaacisay iney duqeysay xarumo ay lahaayeen kooxda Jesh Mohamed oo sheegtay qaraxyo lagu laayay askar ka tirsan dalkaasi. Xiisadda u dhaxeysa Pakistan iyo India ayaa noqotay mid cirka isku sii shareertay, iyadoo xaaladda Labadan dal ay meel adag mareyso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay taageerida horumarka dhalinyarada Somaliland, gaar ahaan dhinaca waxbarashada. Khudbad uu Wakiilka xafiiska UK ku leedahay Somaliland Mr. Stuart Brown ka jeediyey shirweynahii dhalinyarada Somaliland ee dhawaan lagu qabtay magaalada Hargeysa wuxuu ku sheegay in iyadoo ay hore dawladda Britain u taageeri jirtay waxbarashadda Somaliland in hadana ay imika sii xoojinayso. “Xukuumada Ingiriisku waxay taageero ka gaysataa dhinaca waxbarashada goboladda Sool iyo Sanaag, oo loo soo mariyo sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF). Annagoo si dhaw ula shaqayna wasaaradda waxbarashada Somaliland, una fududayna helitaanka fursado waxbarasho dhalinyarada la’aanteed taageeradan aan fursado waxbarasho u suurtowdeen”ayuu yidhi Mr. Brown. Mr. Brown, ayaa sidoo kale shaaciyay inuu bisha dambe xafiiskiisu bilaabayo imtixaan loo gelayo deeqo waxbarasho oo jaamacadaha UK bilaabi doonaan. Waxaanu yidhi, “Sidoo kale, xukuumada Ingiriisku sannad walba waxay qabataa fursado deeqo waxbarasho lagu siinayo ardayda Somaliland. Waxaanan rejaynayaa in aan bisha dambe imtixaan ka qaadno ardayda nasiibka u yeelata deeqahaa waxbarasho. Waxaanan u rejaynayaa nasiib wanaagsan dhamaan inta ka qayb qaadan doonta imtixaanka”. Source
  11. Guddiga amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray amarro ku aaddan doorashooyinka dhowaan la filayo iney ka dhacaan Jubbaland. Qoraal kasoo baxay gudiga ayaa lagu sheegay in maamulka Jubbaland uu damaanad qaadayo ammaanka guud ee musharraxiinta maamulkaasi. Waxaa loo diiday musharraxiinta in ay sameystaan ilaalo gaar ah si aanu amniga qalqal u gelin, sidoo kalena musharraxiinta aan ku sugneyn gudaha deegaannada Jubbaland waxaa laga dalbaday iney soo wargeliyaan maamulka si amnigooda loo sugo. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa ka hadlay dab qabsaday galabta Xafiiska Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Waxaanu tilmaamay in dabkaasi la xakameeyey. “Galabta waxa dab ka dilaacay Xafiiska Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta,dabkaasi wax dhibaato ah oo nafeed kama dhalan, waxa markiiba u soo gurmaday Ciidanka Dabdamiska oo bakhtiiyey,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta oo caawa ay shir jaraa’id wada jir u qabteen Wasiirka Arrimaha Gudaha. Wasiir Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo waxa uu tilmaamay in aanay waxba jirin war sheegayey in Idaacadda Radio Hargeysa iyo Wasaaradda Warfaafintu gubatay. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in dabka ka kacay Xafiiska Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta loo xil-saaray baadhitaankeeda Ciidanka Booliska iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye. Source
  13. Dilal qorsheysan ayaa ka kala dhacay magaalooyinka Gaalkacyo dhanka Puntland iyo sidoo kale magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Nin bistoolad ku hubeyan ayaa gaari rakaab ah oo uu saarnaa waxa uu ku dhex dilay askari ka tirsan ciidanka Puntland, kaasi oo la sheegay in lagu magacaabi jiray Shuceyb Cismaan, waxaana goobta isaga baxsaday ninkii dilka geystay. Dhanka kale, nin watey bistoolad ayaa Gaalkacyo ku toogtay C/rashiid Faarax oo 12 sano jir ahaa, xalay xilli uu ku sugnaa banaanka kore ee gurigiisa. Ninkii wax dilay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo halkaasi ay gaareen ciidfamada ammaanka oo howlgallo sameeyey. Deegaannada Puntland waxaa maalmahan dambe kusoo badanayey falalka amni darri, waxaana magaalooyin dhow ah ka dhacay dilal qorsheysan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. “Horumarinta Aqoonta Waxbarasho iyo Gargaarida Shacabkeenu waa muhiimadayada koowaad…” Safiir Ayaan Maxamuud Cashuur. London- (Somalilandtoday) Safiir Ayaan Maxamuud Cashuur ayaa shaaca ka qaaday in shan dhakhar oo ka socda cusbitaalada guud ee magaalooyinka Ceerigaabo, Laascaanood, Burco, Berbera & Boorama dhowaan socdaal aqoon-korodhsi ku tegi doonaan dalka Taiwan. Qoraal safiir Ayaan M Cashuur ku baahisay barteeda Facebook oo lagu sheegay in dhakhaatiirtaasi tababaro ku soo qaadan doonaan Cusbitaalada ugu wanaagsan dalka ayaa u dhignaa sidan: “La-taliyaha Ganacsiga xafiiska JSL ee dalka Ingiriiska Maxamuud Warsame Boos & Annigu waxaan casuumad ku qaabilnay wakiilo ka socday Xafiiska Taiwan ee UK,isla markaana uga mahadcelinay saaxiibtinnimada, taageeradooda, qeyb ka tahay deeqaha waxbarasho ee dhakhaatiirta Somaliland. Qoraalka ayaa la raaciyey, “Waxaan ku faraxsan nahay in shan dhakhtar oo ka kala socda Cusbitaalada guud ee magaalooyinka Ceerigaabo, Laascaanood, Burco, Berbera & Boorama ayaa dhowaan u socdaali doona tababar ay ku soo qaadanayaan cusbitaaalda ugu wanaagsan ee dalka Taiwan. Waxa sidoo kale ku xigi doona deeq waxbarasho dhamaystiran oo laba dhakhtar ku biiri doonaan, deeqaha Dr Musa Xassan & kuwa kale ku joogaan. Horumarinta aqoonta waxbarasho iyo gargaarida shacabkeenu waa muhiimadayada koowaad.” Dedaaladan Safiir Ayaan & hawlwadeenada xafiiska Somaliland ee dalka Ingiriiska u qaadeen kordhinta aqoonta dhakhaatiirta Somaliland iyo xidhiidhada dhow ee dhexmaray dhigooda dalka Taiwan ayaa la saadaalinayaa inuu wax badan ku kordhin doono horumarka dalka & dadka Somaliland. Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Saameyn aan wanaagsaneyn ayaa ka dhalatay Khilaafkii mudada dheer u dhaxeeyay madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxdii hore ee dowlad goboleeydada qaar, kaasi oo ka bilowday Khilaafkii dalalka Carabta. Kadib Markii madaxdii ugu badneyd ee Soomaalida ay markale isku arkeen 26 Janaayo xafladii Caleemo saarka madaxweynaha Puntland, waxaa muuqatay isku soo dhawaansho iyo iscafin ay ku dhawaaqeen madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo. Ka hor bisha Maarso oo lagu balamay in gogol lagu yeelanayo magaalada Garowe waxaa muuqata inay soo baxayaan hadal xanaf leh oo warbaahinta ay mariyeen madaxda seddexda maamul ee aan xiriir wanaagsan uusan kala dhaxeyn dowladda. Maamulada Jubbaland, Galmudug iyo Puntland ayaanan si wanaagsan saaxiib ula noqon madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana markale madaxda maamuladaasi ay jeediyeen hadalo ay ku muujinayeen tabashooyin ay ka qabaan dowladda. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan sheegay in Beesha caalamka ay si gaar ah kaga dalbanayaan inay helaan taageero dhanka amaanka ah, maadaama sida uu sheegay dowladda Soomaaliya aysan gaarsiin hubka iyo qalabka dhanka amaanka ee loogu dhiibo dowladda. Wuxuu si cad isla maalintaasi u sheegay in Puntland ay isku filan tahay oo ay ka tashaneyso dowladda, maadaama ay la dagaalamayaan Al Shabaab iyo Kooxda Daacish oo iyagana isku haya buuraha Puntland. Hadalkaasi wuxuu ahaa midkiisii ugu horeeyay uu jeediyo tan iyo markii xilka loo doortay bishii Janaayo siddeedii, maadaama uu toos u muujiyay sida uusan ula dhacsaneyn durba dowladda. Dhankiisa madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf madaxweynaha Galmudug ayaa ka sheegay magaalada Gaalkacyo in dowladda Soomaaliya wali ay hurineyso colaadaha gobolka, wuxuuna hadalkaasi ahaa mid uu jeediyay kadib kasoo laabashadii magaalada Garowe oo is cafin lagu wada balamay. Axmed Madoobe waxaa hadda hortaala doorashada madaxtinimada Jubbaland, waxaana dhawaan Kismaayo lagu weeraray Musharax doonaya inuu la tartamo Axmed Madoobe Mr Seeraar oo afhayeen Jubbaland ka ahaa, waxaana uu Aamisan yahay in dhanka dowladda uu ka socdo. Marka la eego hadalada xanafta leh iyo talaabooyinka maamuladaasi ay qaadeen waxaa la isweydiin karaa miyuu markale soo laaban karaa khilaafkii dowladda iyo maamul goboleedyada ka hor shirka bisha March ka dhacaya magaalada Garowe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in golaha cusub ee wasiirada maamulka K/galbeed hortagaan baarlaaanka maamulkaasi. Madaxweyne C/casiis Laftaga Gareen ayaa baarlamaanka ka codsan doona iney codkooda siiyaan wasiirada si ay waajibaadkooda u gutaan. Codeynta ayaa ah mid gacan taag ah, iyadoo haddii ay wasiirada K/galbeed maanta gudbaan ay hortaallo shaqooyin aad u adag. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Gaadiid xamuul ah oo aad u badan ayaa lagu soo waramayaa in xilligan ay ku xayiran yihiin inta u dhaxeysa B/weyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan. Darawallada gaadiidkan oo la hadlay warbaahinta waxa ay sheegeen in maamulka gobolka Hiiraan uu kusoo rogay lacag badan, iyaguna aanay awoodin bixinta lacagtaasi. Waxa ay sheegeen in waddooyinka burbursan aan loogu dhisin qarashaadkii horey looga qaaday, haatanna la saaray culeys aad u badan. Culeys weyn ayaa na saaran, lacagtaan ma ahan mid aan bixin karno, inaan safarkeenna sii wadanna waa uu inoo diiday maamulka gobolka Hiiraan Dhanka kale, maamulka gobolka Hiiraan weli kama aanu hadal arrintan, iyadoo mas’uuliyiintan arrintan qaabilsan ay ka gaabsadeen ka hadlista waxa jira. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waalidiinta, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed farxaan Maxamed oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu ahayd 26/02/2019, Magaalada Hargeysa. Wiilka geeriyooday oo ka soo rawaxay mid ka mida dugsiyada gaarka loo leeyahay ayey geeridiisa sababtay baskii siday ardayda oo shil ku galay gudaha magaalada Hargeysa. Waxaanu madaxweynuhu farayaa wasaaradda waxbarashada, maamulayaasha dugsiyada, ciidanka nabadgelyada waddooyinka, wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo cid kasta oo ku shaqo leh sharciga waddo marista, qarankana uga masuulka ah inay tallaabo ka qaadaan wadayaasha baabuurta gaar ahaan basaska qaada ardayda dugsiyada oo ay ka muuqato sida soo noq-noqota masuuliyad daro balaadhani, inay mariyaan sharciga wado marista, si looga hortago shilalkaasi oo kale. Madaxweynuhu waxa uu qoyska qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ardaygaasi uga baryayaa inuu ka siiyo samir iyo iimaan saadiqa. Aamiin Aamiin Aamiin Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  19. (SLT-Boosaaso)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo xalay Askari ka tirsanaa Ciidamada maamul gobolleedka Puntland ku dilay gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Dad deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in dilkan uu ka dhacay badhtamaha Boosaaso gaar ahaan halka loo yaqaano Gaaca, isla markaana kooxo hubeysan oo watay Bastoolado ay toogteen Askariga xili halkaas uu ku sugnaa. Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Askariga la dilay lagu magacaabi jiray Shucayb Cismaan Caluula,waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday ragii ka dambeeyay falkaasi oo la sheegay in ay wateen Mooto laba lugaaleey ah. Source
  20. (SLT-Hanoi)-Kulan maanta loo ballansan yahay ayaa fariinta uu Madaxweynaha Maryakanka D. Trump uu u dirayo hogaamiyaha dalka K. Woqooyi Kim Jong Un ayaa ah mid cad oo fudud. Waa ka tanaasul hubka nuclearka ah, adigana waxa kuu imanaya maal badan oo sida daadkii kuu soo gala. Hase yeeshee, su’aasha xanafta leh ayaa ah: run ahaan arrintaasi ma waxa Kim Jong Un doonayaa? Labada hogaamiye ayaa markii labadaad kulmaya. Magaalada Hanoi ee xarunta dalka Vietnam oo ah goobta uu shirku ka dhacayo waxaa la is leeyahay Kim Jong Un ha arko sida ay barwaaqo u noqotay, iyada oo dalkaasi ay horay cadaawad uga dhaxaysay dalka Maryakanka, si isaguna uu dalkiisa ugu furo maalgashiga dibadda dibadda iyo ganacsiga uu dalalka kale la leeyahay. Wararka shirka labada hogaamiye ayaa faafhaahintiisa aan idaacahayaga maalmaha idiinku soo gudbin doonaa Source
  21. (SLT-Washington)-Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay inay bilaabeen inay Ciiddankooda kala baxaam Qaaradda Afrika, iyadoo muhiimad la siinayo qorshaha Maamulka Madaxweyne Donald Trump. Taliyaha AFRICOM, Jeneral Thomas Waldhauser ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay saddexda sanno ee soo socota la bixi doonaan ugu yaraan 10% ka mid ah lixda kun ee Askarta Mraaykanak ka joogta dalalka ka hooseeya dhulka Saxaraha ee Qaaradda Afrika. Jeneral Thomas Waldhauser ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan dhinaca Amniga oo lagu qabtay magaalladda Munikh ee dalka Jarmalka, wuxuuna xusay in Ciiddanka Maraykanka loo daad-gureyn doono Hawlgalladda muhiimka ee Maraykanka. Go’aanka lagu dhimayo tirada Ciiddankaasi ayaa la sheegay inay ka dambayso Dareenka Maraykanka ugu diyaar garoobayaan isku-dhac laga yaabo inay kala kulmaan Raashiya ama Shiinaha. Source
  22. (SLT-Pakistan)-Dowaladda Pakistan ayaa sheegtay inay ka jawaabi doonto “waqtiga iyo goobta ay iyadu doorato” kaddib markii Hindiya ay duqeymo dhanka cirka ah ku qaadday maleeshiyaad ku sugan gudaha waddanka Pakistan. Hindiya ayaa sheegtay in ay dishay tira badan oo maleeshiyaad ah hasayeeshee Pakistan ayaa warkaasi ugu yeertay mid ay “mas’uuliyad darro” ku dheehan tahay. Xiisadaha u dhaxeeya dalalka dariska ah ee hubka nukliyeerka ah haysta ayaa aad sare ugu kacay kaddib markii weerrar lagu qaaday ciidammada Hindiya ee ku sugan Kashmir. Weerrarka ayaa waxaa sheegtay urur uu saldhiggiisu yahay waddanka Pakistan, waa Jaysh Muxamed ee, Hindiyana waxa ay markaasi wacad ku martay inay aargoosan doonto. Hindiya waxa ay Pakistan ku eedaynaysaa in maleeshiyaadka ay u ogolaatay inay dalkeeda ka howlgalaan, arrintaas oo ay Pakistan diidan tahay. Hindiya iyo Pakistan-ba waxa ay ku andacoodaan lahaanshiyaha dhulka Kashmir oo ay u badan yihiin dadka Muslimiinta, hasayeeshee qeyba un ayey ka maamulaan. Labadan arrintaas daraadeed ayey saddex goor oo hore u dagaalameen, iskudhacooduse waa uu xadidnaa tan iyo markii ay xorriyadda ka qaateen Britain 1947 – kuwaas oo mid ma ogiyee inta kale la isku haystay Kashmir. Duqeymahan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee laga gaysto meel ka baxsan barta koontarool ee kala qeybisa Khasmir-ta ay Hindiya maamusho iyo midda ay Pakistan maamusho – tan iyo dagaalkii labada dal dhexmaray 1971. Maxaa dhacay? Labada dhinac ayaa waxa ay baahiyeen dhacdooyin aad u kala duwan. Saraakiisha Hindiya ayaa waxa ay sheegeen in duqeymaha dhanka ah ay ku garaaceen xero ku taal Balakot, waqooyi galbeed waddanka Pakistan. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Pakistan Vijay Gokhale ayaa sheegay in “tira badan” oo maleeshiyaad ah la dilay, isagoo difaacay weerrarka kuna tilmaamay “duqeymo ka hortag ah” oo la doonayay in Jaysh Muxammed loogaga joojiyo weerrarada ay soo qaadaan. Dadka ku noold deegaanka Balakot ayaa BBC-da u sheegay inay ku soo tooseen dhawaqa qaraxyo waa weyn hasayeeshee lama xaqiijin cid wax ku noqotay. Milateriga Pakistan ayaa meesha ka saaray inay jiraan cid wax ku noqotay duqeymaha cirka. Waxa uu milaterigu sheegay in diyaaradahiisa ay ku qasbeen kuwa Hindiya inay goobta dib uga gurtaan gantaalladii ay sideenna ay ku tuuraan deegaan aanan la deganayn. Maxay aheyd jawaabcelintu? Wasiirka Arrimaha Dibadda ee waddanka Pakistan Shah Mahmood Qureshi ayaa sheegay in Hindiya “ay maciin bidday sheegasho iyada un ku kooban, oo jahawareer iyo khiyaali miiran ah”, isagoo farta ku fiiqaya doorashooyinka dalkaasi Hindiya ka dhici doona bisha May. Kulan uu yeeshay Golaha Ammaanka Qaranka ee Pakistan, oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Imran Khan, ayaa waxa uu ku soo gebagaboobay digniin ah in Pakistan ay “jawaabi doonto waqtiga iyo goobta ay iyadu doorato”. Image captionDadka Hindiya ayaa dabaaldegay kaddib markii uu soo baxay warka sheegaya in ciidammada dalkaasi ay howlgal fuliyeen Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaanan si toos ah u soo hadal qaadin duqeymaha dhanka cirka ah mar uu ka hadlayay isu soo bax siyaasadeed oo Talaadadii ka dhacayay deegaanka Rajasthan hasayeeshee waxa uu dadkii halkaas isugu soo baxay u sheegay: “Waan fahmi karaa xamaasadda iyo quwadda aad leedihiin. Maanta waa maalintii aannu sharfaynay halyeeyadayada.” Haddaba iyadoo laga cabsi qabo in arrinta ay cirka isku sii shareerto, ayaa Midowga Yurub waxa uu labada dalba ugu baaqay “inay aad isku xakameeyaan”, Shiinaha ayaa isna codsi noocaas oo kale ah diray. Source
  23. (SLT-Nigeria)-Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa ku guuleystay doorashadi Sabtidi ka dhacday dalkaasi, isaga oo Nigeria maamuli doono afarta sano ee soo socota. Kaddib marki lasoo gaba gabeeyay Talaadadi tirinta codadka marka laga reebo hal gobol, ayay guddiga doorashada sheegeen in Mohammadu Buhari uu aad ugu horreeyo ninka la tartamayay oo ah madaxweyne ku xigeenki hore ee dalkaasi Atiku Abubakar. Buhari ayaa lagu waday inuu taageerayaasha la hadlo, hase yeeshee hadal uu ku qoray barta twitterka ayuu ku sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay shaqada uu qabtay. Xisbiga ugu weyn mucaaradka People’s Democratic Party ayaa ka dalbaday guddiga doorashada inuu hakiyo tirinta codadka, isaga oo ku andacooday in mashiinada la marsiiyo kaararka codadka la baddalay. Xisbiga mucaaradka wali kama aysan hadlin natiijada doorashada. Source
  24. Baardheere (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa ku warramaya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareeyamo magaalada Baardheere ee gobolkaasi. Xiisada oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in u dhexeyso ciidamo kala taabsan guddoomiyaha degmadaasi iyo ku xigeenkiisa. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisadu ay salka ku heyso arrimo la xariira maamulka magaaladaasi. Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in dagaal culus uu ka qarxo halkaasi, inkastoo Odayaasho Dhaqanku ay wadaan dadaallo loo hortago colaadaasi. Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ku dhaqan halkaasi. View the full article
  25. Baladweyne (SMN) – Ciidamada ammaanka maamulka HirShabelle ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo dad lagu soo qab qabtay ka sameeyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa yimid, kadib markii falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan ay ka dhaceen xaafado ka tirsan magaaladaasi. Dhame c/nuur Carab oo ka mid ah saraakiisha Booliska Baladweyne ayaa Shabelle u xaqiijiyay in tiro dad ah lagu qabtay howlgalladaasi, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaanada ka tirsan gobolka Hiiraan ku soo badanayay falal liddi ku ah ammaanka sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba. View the full article