-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-SHabaab ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda qaraxyo is xigxigay oo maanta barqadii ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Al-Shabaab waxay sheegtay in laba qarax ay labeegsatay ciidamada dowladda kadib ay ciidamadeedu ay xoog ku galeen dhismayaasha wasaaradaha shaqada shaqaalaha iyo Howllaha guud oo kuyaal meel aan ka fogeyn isgoyska Jubba ee degmada Shagaani. “Ciidamada Al-Shabaab ayaa howlgal ballaaran ka wada xarumaha wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha, iyo Wasaaradda Howlaha Guud, howlgal aad u xooggan ayaana socda” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada Al Shabaab. Al-Shabaab ayaa sheegtay sidoo kale inay Qaraxa labaad la beegsadeyn ciidamo doonayey inay la dagaalamaan kooxdii Shabaabka aheyd ee gudaha u galay Xarunta Wasaaradaha. Rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa dhismayaasha wasaaradaha ee ay gudaha ugaleen ciidamada Al Shabaab. Weeraradan ayaa ka socda goob ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo waxayna imaanayaan laba maalmood kadib markii ciidamada Dowladda ay sameeyeen gadoodka dhanka Mushaaraadka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay albaabka hore ee xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, taasi oo ku dhow isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Sida ay inoo sheegeen dad ku dhow halkaasi, rag hubeysan ayaa gudaha u galay xarunta wasaaradda, waxaana ay iska caabin kala kulmeen ciidamada ammaanka ee halkaasi ku sugnaa. Daqiiqado kadib ayaa goobta waxaa ka dhacay qarax Labaad, waxaana qarxay sida la sheegay gaari ay kasoo degeen dableydii hubeysneyd ee gudaha u galay xarunta wasaaradda. Waxaa jirta khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, balse weli lama hayo tirada saxda ah ee dadka waxyeelladu halkaasi kusoo gaartay. Goobta waxaa gaaray ciidamo badan oo dowladda federaalka ah, kuwaasi oo u gurmanaya shaqaalaha wasaaradda oo howlmaalmeedkooda watay markii la weerarayey. Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa goobta kasoo qaadaya dadka ay waxyeelladu soo gaartay. Muqdisho maalmahan dambe waxaa kusoo badanayey falalka amni darrada ah, xilli dowladda federaalka ay xoojisay ammaanka guud ee magaalada, islamarkaana waddooyinka ay taagan yihiin askar gaadiidka baarta. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ka dhacay dhismaha wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo ku taala isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Weerarka ayaa ku bilowday gaari qarax ah oo lala eegtay dhismaha wasaaradda oo ku dhow xarunta taliska ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir, waxaana kadib la maqlay rasaas xoogan oo ka dhacday gudaha wasaaradda. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ku dhawad afar ruux oo hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha wasaaradda Qaraxa kadib, waxaana ay ka dagaalameen muddo daqiiqado ah, inkastoo wali dowladda aysan ka hadlin weerarka. Inta weerarkaasi uu socday ayaa sidoo kale waxaa la maqlay qarax xoogan oo ka dhacay isgoyska Jubba, kaasi oo la sheegay inuu ahaa mid goobta lagu diyaariyay. Waxaa la arkay shaqaalo ka tirsan wasaaradda la weeraray oo jaranjaro kaga soo dagaya daaqadaha wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, waxaana jira dhimsho iyo dhaawac ka dhashay weerarkii maanta. Ciidamada amaanka ayaa xiray dhamaan waddooyinka ku hareereysan goobta weerarka uu ka dhacay, waxaana hadda muuqata in xaaladda ay degan tahay, iyadoo ay joogsadeen rasaastii laga maqlayay goobta weerarka uu ka dhacay. Maalmihii ugu dambeyay waxaa jiray hadal heyn la xiriirta weeraro amaan oo ka dhaci kara magaalada Muqdisho. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Two explosions occurred in Mogadishu, the Somali capital on Saturday morning. The first blast which was a car bombing happened near the buildings of Labour and social affairs Ministry between Jubba and Shangani junctions, according to the witnesses. Details of the casualties are still unclear. View the full article
-
Gaari wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhawayd lagu dhuftay xaruta wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ee dowladda Soomaaliya . jugta qaraxa ayaa [...] Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa gudaha u galay Xarun ay dagan yihiin laba wasaaradood oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Sida aan Wararka ku helnay qaraxa koobaad ayaa lagu weeraray xarunta Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha dowlada Soomaaliya oo kutaala degmada Shangaani una dhaw Isgooska Jubba. Rasaas ayaana laga maqlayaa halka ay qaraxyadu ka dhaceen, lamana oga wali in rasaastaasi ay tahay mid la is dhaafsanayo iyo mid kale. Qaraxa labaad ee goobta ka dhacay ayaa loo maleenayaa in uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa isna laga soo buuxiyay oo ku qarxay meel aan ka fogeyn halka qaraxuu hore uu ka dhaca. Qaraxa kaddib ayaa la sheegay in rag hubeysan ay gudaha u galeen xarunta, isla markaana la maqlayo rasaas culus. Wararka ayaa intaa ku daraya in rasaasta ay gudaha Wasaaradda ka socoto, waxaana la maqlay qarax labaad. Dhismaha la weeraray ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa waxay isla degan yihiin Wasaaradda Howlaha Guud. Waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxyada. La soco wixii soo kordha Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Goordhow waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo si weyn looga maqlay guud ahaan caasimada. Qaraxyada ayaa ahaa ilaa labo qarax oo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa. Qaraxyada ayaa lagu weeraray xarunta Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo ku taala isgooyska Jubba ee Muqdisho. Sidoo kale rasaas ayaa laga maqlayaa halka ay qaraxyada ka dhaceen. Faah faahinta dib kala soco insha allah Puntland Post The post Qaraxyo iyo rasaas ka socoto Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wali adag in la helo faahfaahin la xiriirta qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Qarax kale oo xooggan ayaa ka dhacay isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, waxaana la ogeyn khasaaraha ay geysteen qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa koowaad oo aad u xoogan ayaa ka dhacay Jubba, waxaana qaraxa labaad laga maqlay bartamaha Isgoyska Jubba, waxaana adag in la ogaada xaaladda goobta qaraxyada ay ka dhaceen. Rasaas xoogan ayaa la maqlayaa, waxaana la ogeyn halka uu ahaa bartilmaameydka. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa koowaad ay u badan tahay in bartilmaameydkiisu ahaa xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo Howlaha Guud ama taliska qeybta Booliska ee gobolka Banaadir. Ciidamada amaanka ayaa xiray goobta qaraxyada ka dhaceen, waxaana la maqlayaa rasaas xoogan oo ka dhacaysa halka qaraxyada ay ka dhaceen. La soco waxii kasoo kordhaa Insha allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo xoogan oo goor dhow dhacay agagaarka Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Qaraxa koowaad oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu weeraray xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo ku taalla degmada Shangaani ee gobolka Banaadir. Rag hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in qaraxa kadib ay gudaha u galeen wasaaraddaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in gaari kale oo ay ka dageen raggaasi hubeysan uu ku qarxay isla goobtaasi. Meesha ay qaraxyadu ka dhaceen waxaa ka agdhow wasaaradda howlaha guud, xarunta dad dhigista dowladda hoose ee xamar iyo taliska Booliska G/Banaadir. Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, waxaana haatan socda gurmad xoogan oo ay fidinayaan gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee Ambalaasta. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay gaareen halkaasi. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. View the full article
-
Qarax aad u xooggan loona adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa kadibna la maqlay rasaas badan oo dhacaysa. Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan, xaaladduna waa mid aad u kacsan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Komishanka doorashooyinka qaran ayaa waxa ay maanta kulan albaabadu u xidhan yahay la yeesheen golaha guurtida Somaliland oo dhawaan warqad yeedhmo ah u diray. Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa warbaahinta la hadlay markii kulankaasi soo dhammaaday waxaanu si cad u sheegay in komishanka doorashooyinku ay u sheegeen in aan doorashooyinka ku qabsoomaynin wakhtigii loo asteeyay. Dhan kale guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdiqaadir Iiman oo isaguna warbaahinta la hadlay markii uu soo dhammaaday kulan ay la yeesheen golaha guurtida ayaa waxa uu sheegay in doorashooyinku ay ku qabsoomayaan wakhtigooda. Goor-dhaw la soco muuqaalka warkan Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa laga maqlay magaalada Muqdisho, waxaana daba socday rasaas xoogan oo laga maqlay halka uu qaraxa ka dhacay. Uuro iyo Qiic ayaa hawada isku shareeray, waxaana uu qaraxa ku aadanaa dhanka Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa hadda dhawaqiisa laga maqlay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana la ogeyn rasmi ahaan halka uu qaraxa ka dhacay. Isgoysa Jubba waxaa ku dhow xafiisyo badan oo dowladda ah, waxaana u dhow xarunta qeybta booliska ee gobolka Banaadir, Xarunta Nabad sugidda iyo xarumo wasaaradeed. La soco waxii kusoo Kordhaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shalay magaalada Istanbul kula saxiixday dhiggiisa Turkiga Mudane Mevlüt Çavuşoğlu heshiis kaas oo salka ku haya arrimaha diblomaasiyadda. Heshiiskan ay kala saxiixdeen Soomaliya iyo Turkiga ayaa ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed labada dal ee walaalaha ah ay ku kala yeelanayaan magaalooyinka Ankara iyo Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho waxa ay horay uga siisay dowladda Turkiga dhul ay ka dhisatay safaaradeheeda caalamka mida ugu weyn, uguna qurux badan. Soomaaliya iyo Turkey waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo xooggan iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag ah. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa tababar kala duwan siisa ciidamada xooga dalka, waxaana si gaar ah Mareykanka uu tababar gaar ah u siiyaa ciidamada DANAB oo ah kuwo Kumaandoos ah. Kulan dhexmaray safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha dalka, taliyaha ciidamada xoogga Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa oo ka dhacay magaalada Muqdisho waxay kaga hadleen kordhinta ciidamada Kumandooska dowladda Soomaaliya. Generaal Thomas Waldhauser oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in ciidamada DANAB la gaarsiin doono 3,000 oo askari, kuwaasi oo fulin doono weerarada gaarka ah ee ka dhanka ah Al Shabaab. Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa, ayaa sheegay in ciidamada DANAB ee kumaandooska ah logu bogay sida dhaqsiyaha badan ee ay kaga jawaabaan weerarada ka dhanka ah Al Shabaab. Dhinaca kale Afhayeenka Ciidanka AFRICOM, Karl Wiest, ayaa sheegay in caqabada ugu weyn ee Mareykanka ka heysta tababarka ciidankaas ay tahay qabyaaladda. “Ciidanka ka soo jeeda Jubaland ee aad u tababartay dagaalka Al-shabaab, howlgal kama fulin karaan Puntland, qabyaalad darteed,waxaa loo arkayaa kuwo banaanka ka yimid”ayuu yiri Afhayeenka. Walow aan la shaacin tirada ay hadda yihiin ciidamada DANAB haddana waxaa la isla gartay in la gaarsiiyo ku dhawaad seddex kun oo askari, kuwaasi oo tababar gaar ah ka heli doono Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Sarreeye Gaas Daahir Adan Cilmi ( Indho-Qarshe) oo saraakiisha Xooga dalka Soomaaliyeed kula hadlayay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa cod dheer ku sheegay in madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay tirakoobka Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed , si loogu qorsheeyo, xarumo , agab milatary iyo miisaaniyad ku filan oo ay ku dar dar geliyaan waajibaadkooda. Sidaas daraadeed ayuu xusay taliyuhu in looga baahan yahay Ciidamada mlatariga Soomaaliyeed in ay ku sugnaadaan deegaanada loo igmaday , halkaasna lagu soo diiwaan galin doono. Waxaana uu ka digay Sarreeye Gaas Indho-Qarshe in Askarigii cudur daar la’aan laga waayo meeshii loogu tala galay , uu weyn karo xubinimadiisa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Dhinaca kale taliye Indho-Qarshe ayaa hoosta ka xariiqay in haddii aan la helin talis iyo Ciidan nidaamsan aysan guuleysan karin dowladda Soomaaliyeed , sidaas aawgeed ay lagama maarmaan tahay in qof kasta uu ka soo dhalaalo masuuliyaddiisa. Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa maalmihii dambe waday dib u habeyn ballaaran oo lagu sameynayo dhammaanka ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. View the full article
-
(SLT-Geneva)-Golaha Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Aadan ayaa Jimcihii shalay fadhi uu ku yeeshay xarunta Geneva ee dalka Switzerland waxaa ugu dooday islamarkaana uu cod u qaaday go’aanka madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu Buuraha Golan Heights ugu aqoosaday dhul ay Israa’iil leedahay. Inta badan wadamada reer Galbeed oo xitaa ay ku jiraan dowladdo saaxiib la ah Mareykanka ayaa siweyn uga soo horjeestay tallaabadan Mareykanku uu ku bixinayo ama Golan ugu aqoosanayo dhul ay Israa’iil leedahay. Guud ahaan marka la eego fadhiga waxaa gabi ahaanba ka soo horjeestay in dhulkaasi ay qaadato Israa’iil 26 dowladdood, halka 16 ay taageereen go’aanka Mareykanka. Waxaa la yaab leh in codbixintan ay ka aamustay dowladda Soomaaliya oo waliba xiligan ah guddoonka ururka Jaamacadda Carabta, waxeyna ka mid noqotay shan (5) dowladdood oo ka aamusay qaraarkan oo ay ka mid yihiin dalalka Cameroon, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Fiji iyo Rwanda. Safiirka Soomaaliya ee Golaha Xuquuqda Aadan Geneva u fadhisa Faadumo Insaaniya ayaa wali ka hadal sababta dowladda Soomaaliya ay u taageeri weyday codbixintan ka dhanka ah go’aanka Mareykanka ee Golan. Buuraha Golan Heights ayaa Israel ku qabsatay dagaalkii 1967dii waxayna Israa’iil sheegatay in uu buurahaas uu ka mid yahay dalkeeda sanadkii 1981kii mana jirto wadan ka mid ah caalamka oo aqoonsaday. Source
-
(SLT-Washington)-Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompe ayaa sheegay iney suuragal tahay Madaxweyne Trump inuu madaxweyne ka noqdo Mareykanka uu illaahay ugu talla galay inuu Israa’iil kaga badbaadiyo Iiraan. Pompeo oo wareysi la yeeshay shabakadda Christian Broadcasting xilli uu booqasha ku marayo Israa’iil ayaa sheegay inuu diinta uu aaminsan yahay ay ka keentay inuu sidaasi aamino. Wuxuuna sida oo kale bogaadiyey dadaalka Mareykanka uu ugu jiro sidi waddamada bariga dhexe dimuqradiyad looga meel marin lahaaa si ay u sii jirto dowladda Yahuudda. Hadalka Pompeo ayaa imanayaa xilli ay yahuudda u dabbaaldagayaan xuska dadka yahuudda ee gumaadka laga soo badbaadiyey. Dabbal degga looga magac daray Purim, ayaa sanad walba lagu xusaa dadka yahuudda ee ay boqoradda Esther ka soo badbaadisay Faarisiinta. Mr Pompeo ma aha mas’uulki ugu horreeyey oo ka tirsan maamulka Trump oo hadal noocaasi ku hadla. Bishi January xoghayaha arrimaha saxaafadda aqalka cad Sara Sanders waxay warbaahinta dad kirishtaanka leeyihiin u sheegtay “inuu ilaahey doonay inuu Trump uu madaxweyne noqdo”. Tani iyo inta uu Trump uu madaxweyne ka noqday Mareykanka waxaa sii xumaanayey xiriirka Mareyknaka iyo Iiraan u dhaxeeya iyada oo awlaba uu wanaagsaneyn. Bishi May 2018-ka Madaxweyne Trump wuxuu ka baxay heshiiska Niyuukilarka ee lala galay Iiraan isaga oo Tehraan ku eedeyey iney barnaamijkeeda Niyuukilarka ay sii wadato taasina ay dunida halis weyn gelineyso. Jimcahanna maamulka Trump wuxuu cunaqabateyn saaray 14 qof oo Iiraan ka soo jeeda iyo 17 hay’adood oo xiriir la leh barnaamijka Niyuukilarka iiraan. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa la saxeexday Wasiirka Arrimaha Dibbada Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu heshiis ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed labada dal ay ku kala yeelanayaan Ankara iyo Muqdisho. Heshiiskan ayaa dhigaya in labada dhul ee ku kala yaalla labada magaalo uu dalba midka kale kiisa yeesho. Arrintan ayaa ah mid caadi ah oo inta badan dalalka caalamka ay sameeyaan. Soomaaliya iyo Turkey waxaa ka dhexeeya xidhiidh diblomaasiyadeed oo xooggan iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag ah. Turkiga waa dalka ugu weyn ee taageerada siiya Soomaaliya, waxaana uu dalka ka fuliyey mashaariic waa weyn, sida garoon diyaaradeed, Cisbitaallo, waddooyin iyo goobo waxbarasho. Source
-
(SLT-Nayansa)-Maxkamadda Sare ee dalkaasi waxay shalay oo Jimco ahayd xukun ku riday 15-qof, kuwaasi oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Alshabaab iyo Daacish iyo inay taageero siiyaan. Eedeysanayaasha oo la soo taagay Maxkamad ku taalla Gobalka Nayansa ee Koonfurta dalkaasi, waxay 13 ka mid ah dadkaasi ku xukuntay min 5 sanno, halka 2 kalena lagu xukumay xabsi 10-sanno, iyadoo 25 kalena la sii daayey. Mid ka mid ah dadka la xukumay oo lagu magacaabo Salim Fundi waxaa lagu eedeeyey inuu ahaa Xidhiidhiyaha dadka ku sugan gudaha Ruwanda ee doonayey inay ku biiraan Daacish, sidaa waxaa yidhi Garsoore Eugene Nadagijimanaoo isagu xukunka ku riday Eedeysanayaashaasi. Sidoo kale, Eedeysanayaasha la xukumay waxaa ka mid ahaa 3 Haweene, oo 2 ka mid ah lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Casaimadda dalkaasi ee Kigaali, iyadoo ku sii jeeday dalka syrai si ay ugu biirto Kooxda Daacish, halka haweeneyda kale lagu helay inay Eedeysanayaasha ku taageerto 1,000 Dollar oo ay ku iibsadaan Tikidhada Duullimaadkooda. Dhinaca kale, Boliska dalka Ruwanda waxay bishii Janaayo ee sannadkii 2016-kii gacanta ku dhigeen 40 qof oo lala xiriirinayo Alshabaab iyo Daacish, waxayna qabashadooda xilligaasiku soo beegantay wax yar hal isbuuc, kadib, markii ay Boliska toogasho ku dileen Waddaad lagu magacaabi jirey Maxamed Mugemangango, oo ay ku eedeeyeen inuu dhallinyarada dalkaasi ku dhiiri-gelin jirey inay ku biiraan Kooxaha Alshabaab iyo Daacish, waa sida hadalka loo dhigay. Source
-
Popular Contributors
