-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Taageerada QM ee Somalia ee UNSOS ayaa cabasho u gudbiyey wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, ayaga oo sheegay in beegsi ula kac ah iyo dhibaateyn lagu hayo shaqaalaha howl-galka QM ee Soomaaliya ee UNSOM. Warqad loo diray wasaaradda, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa UNSOS waxa ay ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay xadgudubyo joogto ah ku hayso heshiiska howl-galka QM iyo Soomaaliya ee loo yaqaan SOMA. QM ayaa ashtako ka muujisay in kulamo dhowr ah oo la doonayo inay isugu soo dhowaadaan labada dhinac islamarkaana wada-shaqeyn wanaagsan ku yeeshaan oo dhex-maray wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo madaxa USOS Lisa Filipetto aysan wax miro-dhal ah sameyn, islamarkaana ay soo baxayaan dhibaatooyin sii xoogeysanaya oo lagu hayo shaqaalaha QM ee Soomaaliya. Warqadda ayaa lagu sheegay in shaqaalaha QM ee Soomaaliya ay wajahayaan dhibaatooyin la xiriira xagga socdaalka iyo canshuurta oo si joogto ah loogu gaysto, kuwaas oo ay tahay inaysan marin, sida ku cad heshiiska UNSOS. Waxyaabaha QM ay ka cabaneyso ayaa waxaa ka mid ah in shuruudo lagu xiro aqoonsiga dokumentiga safarka QM ee loo yaqaan United Nations laissez-passer (UNLP), iyo in shaqaalaha aan haysan UNLP ee Soomaaliya imanaya loo diido dal-ku-galka. QM waxa ay sidoo kale sheegtay in shaqaalaheeda loo diido fiisooyinka u ogolaanaya inay dhowr mar dalka soo galaan kana baxaan (Multiple Entry). Warqadda ayaa wxaa sidoo kale lagu sheegay in si joogto ah shaqaalaha QM loo weydiiyo canshuur laga qaado dakhliga soo gala, taasi oo ka reeban shaqaalaha caalamiga ah, sida ay sheegtay QM iyo ganaaxyo lacageed oo culus oo la dul-saaray shaqaalaha kasoo daaha inay cusbooneysiiyaan kaarka fasaxa shaqada Soomaaliya (Work Permit). Canshuuro la dul-saaro alaabahaa QM ee loo sido dowlad goboleedyada Soomaaliya, ayaa sidoo kale qeyb ka ah cabashada QM. Dhammaan cadaadisyadan, ayay sheegtay QM, inay ka dhashaan in shaqaalaheeda iyo qandaraaslyadaasha la shaqeeya lagu xanibo ama muddo kooban ay xabsi ku galaan garoonka diyaaradaaa Muqdisho. Warqadda ayaa wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ka dalbatay in arrintan uu baraitana ku sameeyo, kalana hadlo hay’adaha iyo wasaraadaha ku lugta leh. Cabashada QM ayaa imanaysa ayada xiriirka labada dhinac uu aad u xumaaday kadib markii dowladda Soomaaliya ay 1-dii Janaayo ee sanadkan Soomaaliya ka cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom. Hoos ka aqriso warqadda loo diray wasaaradda arrimaha dibedda Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay madax ka socotay mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG oo uu hoggaaminayey maamulaha guud ee mashruuca Mr. Paul Sinkins. Mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG ayaa ah mashruuc lagu horumariyo degaannada Puntland oo ay ka faa’iidaystaan Isla’markaana waddooyin loogu sameeyo degmooyinka Puntland. Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay qodoba ay kamid yihiin dardar-gelinta & dhammaystirka maamul-daadejinta baahinta mashruuca si loo gaarsiiyo dhammaan degmooyinka Puntland iyo soo dhammaystirka doorashada gollayaasha degaanka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtootada Puntland. PUNTLAND POST “ The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo kulan la qaatay madaxda mashruuca JPLG appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (SMN) – Kadib warqad ka soo baxday maxkamadda darajada koowaad ee Gaalkacyo ayaa lagu amray in ciidanka amniga ay soo qabtaan Yaasir Aadan Cali oo ah eedeysane loo heysto dilkii arxan darada ahaa ee loo geystay Caas’isho Ilyaas Aadan. Sidoo kale maxkamadda ayaa amar ku bixisay in la soo qabto gaari lagu tuhmayo in Marxuumadda lagu keenay, kadib markii la soo dilay. Dhacdadan oo aheyd mid xanuun badan ayaa reebtay dareen murugo leh, kadib markii dil iyo kusfi la’iskugu daray gabadhaasi yar oo 12 jir aheyd. Hakan hoose ka akhriso:- View the full article
-
Baladweyne (SMN) – Dhame C/nuur Carab oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Booliska Baladweyne ayaa ka warbixiyay isku day dil ah oo la doonayay in lagu khaarijiyo wiil 10 jir ah oo ku dhaqan gudaha magaaladaasi. Sarkaalkan ayaa sheegay in falkaasi uu ka dhacay xaafadda Howlwadaag degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Waxaana uu tilmaamay in ay ka war heleen dhaawac halis ah oo wilkaasi ka soo gaaray isku day la doonayay in qoorta looga gooyo. Sidoo kale taliye Carab ayaa intaasi ku daray in shaqsigii ka dambeeyay dhacdadaasi uu goobta ka baxsaday, balse ay ku raadjoogaan. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli saacadihii la soo dhaafay dhacdooyin dilal ah ay ka dhaceen xaafadda Howlwadaag ee galbeedka magaaladaasi Baladweyne. View the full article
-
Ardayda dugsiga Gambool Boqollaal kamid ah ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Gambool oo ku yaalla magaalada Garoowe ayaa duhurnimadii maanta muddaharaaad ka dhigay barxadda weyn ee caasimadda Garoowe. Ardayda ayaa muddaharaadka ku dalbanaysay in ay caddaalad hesho Caa’isha Ilyaas oo si waxashnimo ah loogu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Caa’isha oo da’deedu ahayd 12 sano jir ayaa dhiganaysay dugsiga hoose/dhexe Salaama ee waqooyiga Gaalkacyo gaar ahaanna fasalka lixaad. Guddoonka waxbarashada gobolka Mudug Puntland oo maanta booqday dugsiga Salaama ayaa fasalkii gabadha la dilay ka tirsaneyd u bixiyay “Fasalkii Caa’isha” si loogu xasuusto mustaqbalka. PUNTLAND POST The post Garoowe: Ardayda Gambool oo dalbanaya in Caa’isha ay caddaalad hesho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ku maadeystay wasiirka Maaliyadda xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo kasoo muuqday sawir uu la galay ruux Kaluun badda kasoo dabtay. Xildhibaan Mahad ayaa soo dhigay bartiisa Facebook sawirka iyo qoraal kooban oo uu ku sheegay in wasiirka aysan u muuqan culeeska saaran ruuxa Kaluunka weyn kasoo helay badda. Wuxuu sheegay in kaliya uu damacsanaa inuu sawir la galo, dad kale ayaa sawirkaan siyaabooyin kale uga fal celiyay. Qaarkood ayaa si kaftana u sheegayay in wasiirka uu lacagta canshuurta ka doonayay ruuxa Kaluunka watay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Puntland regional state president, Said Abdullahi Deni has vowed to punish culprits behind the rape and death of 12-year-old girl in Galkacyo on Monday. The lifeless body of Isha ilIlyasdan was found dumped near their home after she disappeared on Sunday. “I expect the authorities to take stiff action against those responsible for the heinous act,” President Deni said.“We need to take part in the safeguarding of our people.” The regional leader pointed the finger to the drugs and substance abuse as a kea y driver of rape in the state administration mainly in the city of Galkacyo where the attack took place. Deni said young people who use drugs in the area might be responsible for the rape and death of the 12-year-old girl. “The increasing abuse of drugs among our young people and advance in the education sector is two contradicting issues,” he said. Security agencies have arrested several suspects in connection to the incident after operations and are conducting investigations according to the police. Lessons across the schools in Galkcayo has been suspended to allow students to take part in the funeral ceremony of the young girl scheduled today. View the full article
-
Maamul Goboleedyada Hirshabeele,Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa dhawaan yeeshay wasiiro cusub ee dhinaca ciyaaraha iyo dhalinyarada waxaana dhalinyarada deegaanadaas ay wasiiradan ka sugayaan horomaro iyo in ay u abuuraan tartamo kala duwan. 22-Janaayo 2019- Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada waxaana wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada loo magacaabay xidigii hore kooxda kubbadda kolayga L.L.P Jeenyo Cabdiqani Cabdullahi Hilowle (Cabdiqani Jeenyo),isagoo xlika wasaaradaas horay u soo qabtay sanadii 2017. “Shaqsigii ugu haboonaa ayaa loo magacaabay wasaarada ciyaaraha Hirsahbeele waa nin aqoon u leh isboortiga soo ciyaaray wuxuu fahmi karaa baahida ay qabaan dhalinyarada iyo bahda ciyaaraha deegaanka”waxaa Barnaamijka Xeyndaabka isboortiga Goobjoog TV u sheegay Daa’uud Axmed Dheere oo ah madaxa horomarinta isboortiga Gobolka Banaadir. 02-Febraayo 2019-Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdi Casis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa isna soo dhisay golihiisa wasiirada waxaa wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada loo igmaday Cali Dhuux Maxamed oo ka mid ah qurbajoogta dalka dib ugu soo laabtay sanadihii lasoo dhaafay wuxuuna wasaarada kala wareegay Cabdullahi Cumar Fanax oo horay wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada K.Galbeed. “Koonfu Galbeed waxaa ku yaalo garoomo badan oo u baahan in lagu sameeyo dib u dhis Wasiir Cali Dhuux waxaan ka sugaynaa in uu la yimaado qorshayaal lagu horomarinayo isboortiga deegaanka”waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay Macalin Daa’uud Axmed oo horay usoo ciyaaray kubbadda kolayga. 10-Febraayo 2019-Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isna soo dhisay golihiisa wasiriada waxaana wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada loo magacabay Jaamac Faarax Muuse Xiriirka kubbadda cagta iyo bahda isboortiga Puntland ayaa sheegay in wasiirkooda cusub ay ka sugayaan horomarinta iyo kor u qaadida ciyaaraha Puntland. “Puntland waxa ay ka mid tahay marka loo eego ka qeyb galka tartamadda kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir koox ugu adag labadii sano ugu horeesay mid iyaga ayaa hantay kan kalane waxa ay galeyn kaalinta 2-aad maamulka cusub waxaan kula tali lahaa in ay xooga saaraan dhiiri gelinta iyo garab istaagida bahda isboortiga”waxaa Goobjoog u sheegay Cumar Axmed oo ah falanqeeye ciyaaraha. Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Wasiirada Cusub Ee Maamul-Goboleedyada Dalka W/D-axamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil barqanimadii maanta Qof rayid ahaa loogu geystay suuqa degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir. Dilka ayaa ka dhacay agagaarka Afar Irdood, iyadoona la sheegay in loo geystay nin ganacsade ahaa. Marxuumka la dilay ayaa dhar ku iibinayay suuqa Xamar Weyne, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in ninkani uu ka tirsanaa ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Raggii ka dambeeyay dilkani oo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo Meydka ka qaaday halkaasi. Ma jirto illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo ay laamaha amniga dowladda Soomaaliya ka bixiyeen dilkaasi. Balse waxa ay dhacdadan qeyb ka noqoneysaa dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-26022019.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ugu yaraan 7 Qof ayaa maanta ka soo muuqday maxkamadda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayada oo lagu soo eedeeyay dambiyo badan. Raggan ayaa waxaa ay Taleefan u eg midka Madaxweynaha Uhuru Kenyatta ka waceen madaxa sharikadda Sameer Africa ,oo lagu magacaabo Naushad Meralli. Ninkan ayaa markii la soo wacay waxaa uu ku maqnaa dalka dibaddiisa, waxaana lagu yiri “waxaa kula hadlaya madaxtooyada Kenya, waxaan dooneynaa inaad fududeyso iibsiga dhul, lacagta dib ayaan kaa siinayaa”. Naushad Meralli, ayaa madaxa maaliyadda ee sharikaddiisa Sameer Afrika amar ku siiyay in lacagta la weydiistay oo dhan 10Milyan oo Shilinka Kenya ah uu ku shubo Akoon Bangiga Equity Bank, kaas oo ay raggan u sheegeen. Todobada qof ee Qiyaanadan loo xiray ayaa kala ah; Joseph Waswa, Duncan Muchai, Isaac Wajekeche, William Simiyu, David Luganya, Gilbert Kirunja iyo Anthony Wafula. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu soo dhaweeyay sii daynta Abwaan Cabdiraxmaan Abees, oo Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex maalintii shalay xorriyadiisa u soo celisay kadib markii ay danbi ku wayday. Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu sheegay in taasi tusaale u tahay madax-bannaanida Garsoorka Somaliland, waxaanu yidhi “waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in maanta garsoorka Somaliland ay sii daysay wiil yar oo dhallinyarro ah oo gabay tiriyay oo xukuumadda ammaanay oo booliska ammaanay inay yidhaahdeen idinka ayuunbaa baqdaye inanku wax weyn muu gaysan ee waa xor, waanu qaadanaynaa garsoorku waxa uu yidhi, garsoorka waanu aaminaynaa waxa ay noo bixiyeen, haddii isaga laga xukumi lahaa waxa uu odhan lahaa waa lay xaqiray ee waxa aan qaadanayaa ambiil, waxaanu leenahay annagu waanu ku kalsoonahay, qofka ma xidhno haddii aanu aragno dadka xeerka ilaaliyaa arkaa in uu qaldamay waa la qabtaa oo waa eedaysane maxkamadda ayaa noo kala gar goysa..” ayuu yidh Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Halkan hoose ka daawo https://www.youtube.com/watch?v=BUfYMgtJXq0&t=152s Source
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho shaqo oo labo maalmood ah. Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta. “Booqashada Madaxweynuhu waxay daba socotaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha. Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa cod u qaaday muddo kordhin loo sameeyay shirweynaha xisbigaasi. Xubnaha golaha dhexe ayaa waxa ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in muddo sannad ah dib loo dhigo shirweynaha xisbigaasi, waxaana loo asteeyay in uu qabsoomo bisha April 2020-ka. Shirakan la asteeyay April 2020 ayaa waxa la filayaa in lagu dooran doono hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE. Waxaana la soo gabogabeeyay shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo laba maalmood ka socday magaalada Boorama. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Kooxo hubeysan ayaa goor dhow dil u geystay nin dhalinyaro ah oo ku ganacsanayay Suuqa Xamar weyne. Wararka ayaa sheegaya in labo dhalinyaro oo bastoolado ku hubeysan ay toogasho ku dileen ninka dhalinyarada ahaa oo ku ganacsanayay halka loo yaqaano Afar Irdooka Xamar weyne. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in raggii dilka geystay ay ka baxsadeen goobta, iyadoo markii dambe ay goobta gaadheen ciidammada amniga. Dilkan ayaa ka mid ah dilal qorsheysan oo muddooyinkii u dambeeyay ku soo kordhayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho Source
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhaw u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho shaqo oo labo maalmood ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa martiqaad ka helay Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani, waxayna ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta. “Booqashada Madaxweynuhu waxay daba socotaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya.” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha. Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac. Ugu dambeyn, booqashadan ayaa waxay imaanaysaa isagoo shalay kasoo laabtay dalka Masar oo uu kaga qayb-galay shrkii Carabta iyo Yurub, kaas oo qodobbadii looga hadlay ay ka mid ahaayeen horumarinta Qaaradda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Dalka Qatar appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya magaalada waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu ka socdo muddaharaad lagu muujinayo dareenka murugo iyo xanuunka uu reebay dilkii waxashnimada ahaa ee loo geystay Caa’isha Ilyaas. Dad u badan haween iyo dhalinyaro ayaa muddaharaad ku maraya qeyba kamid ah magaalada waxaana ay dalbanayan in caddaalad loo raadiyo marxuumad Caa’isha Ilyaas oo si banii’aanimada ka baxsan kufsi iyo dil loogu geystay Gaalkacyo. Sidoo kale guud ahaanba waxaa maanta la fasaxay xarumaha waxbarashada waqooyiga Gaalkacyo waxaana ardaydii dugsiyadu ka qeyb qaadanayan muddaharaadka ka socda magaalada ee caddaalada loogu dalbayo Caa’isha oo ka tirsaneyd bahda waxbarashada. Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa isna haatan la shiraya laamaha amniga mas’uuliyiinta maxkamadaha ganacsatada iyo isimada gobolka iyadoo laga arrinsanayo kiiska gabadha yar. Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdulqaadir Xuseen Nuur (Dirir) ayaa kulanka ka sheegay in goob fagaare ah lagu ciqaabi doono cid kasta oo ay ku caddaato jariimada Caa’isha laga galay. Guddoonka waxbarashada gobolka Mudug ayaa isna maanta booqday dugsiga hoose/ dhexe Salaama oo ay dhiganaysay Caa’isha Ilyaas gaar ahaanna fasalka lixaad ee ay ka tirsaneyd. Maamulka ayaa ku dhawaaway in fasalka lixaad ee dugsiga Salaama loo bixiyay “Fasalkii Caa’isha” si loogu xasuusto mustqabalka. Dhinaca kale maxkamadda darajada kowaad ee magaalada Gaalkacyo ayaa soo saartay waaran lagu soo soo qabanayo magacyo lagu tuhmayo dilkaasi Halkaan ka akhriso PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in fagaare lagu ciqaabi doono ciddii lagu helo dilkii Caa’isha appeared first on Puntland Post.
-
Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo left Mogadishu Tuesday for Qatar, a day after he returned from Egypt where he attended EU-Arab League summit. Farmajo will meet Qatari Amir His Highness Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani at the Amiri Diwan, on Wednesday and are expected to discuss bilateral relations between the two countries and means of boosting. The state of Qatar and the Federal Government of Somalia developed close diplomatic relations since Somalia neutral stance on gulf blockade on the tiny wealthy nation. Saudi Arabia, UAE, Bahrain, and Egypt imposed a blockade on Qatar one year ago blaming Doha for supporting terrorism accusations denied by the monarch government. Qatar is supporting the Somali government in several development projects across the country. The Gulf state donated $200 million and more than 67 armored vehicles last month to Somali armed forces in its efforts to help fight against the militant group in the country View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacado kadib markuu kasoo laabtay dalka Masar wuxuu maanta u ambabaxay magaalada Doha ee dalka Qatar. Caasimada Online ayaa xalay heshay xogta safarka madaxweynaha, waxaana halkaasi uu ku tagayaa safar muddo labo maalin ah oo uu kula kulmayo masuuliyiinta kala duwan ee dowladda Qatar. Wafdiga madaxweynaha waxaa kaga horeeyay magaalada Doha Fahad Xaaji Yaasiin, waxaana socdaalka ku wehliya wasiiro iyo xubno ka tirsan baarlamaanka. “Booqashada Madaxweynuhu waxay daba socotaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha. Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac ayaa qeyb ka ah wafdiga madaxweynaha ee maanta u duulay dalka Qatar. Qatar ayaa dhawaan dhagax dhigtay mashaariic ay kamid yihiin dhismaha waddooyinka Muqdisho ku xira magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The U.S. military said on Monday that a recent airstrike in central Somalia killed 35 al Shabaab fighters. The United States carries out regular air strikes in Somalia in support of a United Nations-backed government there, which has been fighting against an al Shabaab insurgency for years. In a statement, U.S. Africa Command said the strike took place on Sunday near Beledweyne, Hiran Region in Somalia. “This air strike targeted armed al Shabaab militants as they were transitioning between locations in a rural area,” the statement added. While the pace of strikes has increased recently, it is unclear what lasting impact, if any, the strikes are having on the militant group. Al Shabaab wants to overthrow the weak, U.N.-backed Somali government and impose strict Islamic law. View the full article