Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - Somalia’s Office of the Auditor General (OAG) has uncovered a staggering case of embezzlement in government work permits and passport services. A forensic audit spanning from March 8, 2018, to April 20, 2023, has revealed a significant gap between the total revenue collected and the amounts deposited into the Treasury Single Account (TSA). Source: Hiiraan Online
  2. Mogadishu (HOL) - The Ministry of Education of the Federal Government of Somalia, building on the success of a similar recruitment drive last year, has announced its plan to recruit 3,000 teachers to further strengthen the country's education system. Source: Hiiraan Online
  3. Wargaadhi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan furimaha dagaalka ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa soo diray farrin uu ciwaankeedu yahay “SOOMAALIYA WAA AY KA GUULEYSANEYSAA CADOWGA KHAWAARIJTA AH ALLE IDAMKII.” Madaxweynaha oo shalay iyo maanta ku sugnaa deegaanka Wargaadhi ayaa u kuur-galay xaaladda Ciidamada Qalabka Sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa deegaanka Wargaadhi ee Shabeelaha Dhexe kulamo kula qaatay odeyaasha dhaqanka, saraakiisha ciidamada iyo hormuudka bulshada deegaanka. Madaxweynaha ayaa kala hadlay Odeyaasha Wargaadhi, doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada ay gobolka kaga harsan yihiin Al-Shabaab. Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa dadka reer Wargaadhi uga warbixiyey sida ay dowladdu u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray Saldhigga Milatari ee laga hirgeliyey deegaanka Wargaadhi, kaas oo aad u weyn una fududeynaya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed baahiyaha farsamo ee muhiimka u ah jiidda hore ee dagaalka iyo dhammaystirka howlgalka dalka lagaga xoreynayo kooxaha argagixisada ah. Xasan Sheekh ayaa mar kale Tuutaha u xirtay halganka xoreynta dalka, waxaa socda qorshe dib loogu abaabulayo dagaalka, waxaana dhowaan la qorsheeyey in dhowr jiho ay ciidamadu ka dhaqaaqaan, si loo gaaro goobaha ay Al-Shabaab kala dhuumaaleysanayaan gobollada dhexe ee dalka. Madaxweynaha ayaa dhageystay baahiyaha ay qabaan ciidamada xoogga dalka ee u baxay baacsiga Khawaarijta, wuxuuna saraakiisha siiyey waajibaad dagaal, si dalka looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah. The post Aqriso: Xasan Sheekh oo farriin culus ka soo diray furimaha dagaalka appeared first on Caasimada Online.
  4. Mogadishu (HOL) - Somali government forces have recaptured 20 vehicles held for ransom by Al-Shabaab in a series of military operations in the Lower Shabelle region, a defence ministry spokesman announced on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  5. Farriin qoraal oo uu soo diray Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Joe Biden oo nuqul ka mid ah Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ay soo gaarsiisay Safaaradda Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayuu ku muujiyay garab istaaga guulaha Soomaaliya ka gaartay Dowlad-dhiska iyo tahniyadda debbaal degga maalmaha taarriikhiga ah ee xorriyadda iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed. Mudane Biden waxaa uu ugu horeyn ku bilaabay dhambaalkiisa, ”Mudane Madaxweyne, Anigoo ka wakiil ah shacabka Mareykanka, waxaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa xuska sanad guuradii 64-aad ee maalinta xoriyadda.” Madaxweynaha Mareykanka waxa uu ku bogaadiyay Soomaaliya horumarka Dowladda Federaalka ka sameysayso Dowlad dhiska. “Anaga oo ah saaxiib weyn, qarankeena waxaa uu si wadajir ah u dhisayaa duni u wanaagsan carruurteenna iyo carruurta caalamka meelkasta oo ay joogaan. Dowladda Mareykanka waxay Soomaaliya ku taageersan tahay sii socoshada dedaalada lagu horumarinayo amniga, laguna dhisaayo kobac dhaqaale oo isku dhafan, horumarinta hanaanka dowliga ah, xuquuqda aadanaha iyo wax ka qabashada isbedelka cimilada iyo abaaraha,” ayuu yirri Madaxweyne Biden. Madaxweynaha Mareykanka waxa uu tallaabo tusaale cad ah ku tilmaamay doorashada Soomaaliya loo doortay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. “In Soomaaliya dhowaan loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay tusaale u tahay horumarka wadankiinu gaaray iyo kalsoonida caalamku siiyay Soomaaliya,” ayuu yiri. Ugu dambeyn Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in labada dhinac ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay ka go’an tahay sii wadidda xoojinta calaaqaad labada dal. “ Sanadka soo socda, waxaan rajaynayaa in xiriirkeennu xoogaysan doono, maadaama Soomaaliya qaadan doonto masuuliyadda amniga wadanka, kadib bixitaanka ATMIS. Waxaan idin rajaynayaa farxad iyo in aad nabad ku dabbaal degtaan adinkoo maamuusaya maalinta qarannimada Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Biden. Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Farriin qoraal oo uu soo diray Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Joe Biden oo nuqul ka mid ah Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ay soo gaarsiisay Safaaradda Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayuu ku muujiyay garab istaaga guulaha Soomaaliya ka gaartay Dowlad-dhiska iyo tahniyadda debbaal degga maalmaha taarriikhiga ah ee xorriyadda iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed. Mudane Biden waxaa uu ugu horeyn ku bilaabay dhambaalkiisa, ”Mudane Madaxweyne, Anigoo ka wakiil ah shacabka Mareykanka, waxaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa xuska sanad guuradii 64-aad ee maalinta xoriyadda.” Madaxweynaha Mareykanka waxa uu ku bogaadiyay Soomaaliya horumarka Dowladda Federaalka ka sameysayso Dowlad dhiska. “Anaga oo ah saaxiib weyn, qarankeena waxaa uu si wadajir ah u dhisayaa duni u wanaagsan carruurteenna iyo carruurta caalamka meelkasta oo ay joogaan. Dowladda Mareykanka waxay Soomaaliya ku taageersan tahay sii socoshada dedaalada lagu horumarinayo amniga, laguna dhisaayo kobac dhaqaale oo isku dhafan, horumarinta hanaanka dowliga ah, xuquuqda aadanaha iyo wax ka qabashada isbedelka cimilada iyo abaaraha,” ayuu yirri Madaxweyne Biden. Madaxweynaha Mareykanka waxa uu tallaabo tusaale cad ah ku tilmaamay doorashada Soomaaliya loo doortay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. “In Soomaaliya dhowaan loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay tusaale u tahay horumarka wadankiinu gaaray iyo kalsoonida caalamku siiyay Soomaaliya,” ayuu yiri. Ugu dambeyn Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in labada dhinac ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay ka go’an tahay sii wadidda xoojinta calaaqaad labada dal. “ Sanadka soo socda, waxaan rajaynayaa in xiriirkeennu xoogaysan doono, maadaama Soomaaliya qaadan doonto masuuliyadda amniga wadanka, kadib bixitaanka ATMIS. Waxaan idin rajaynayaa farxad iyo in aad nabad ku dabbaal degtaan adinkoo maamuusaya maalinta qarannimada Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Biden. The post Madaxweyne Joe Biden oo dhambaal culus u soo diray DF iyo shacabka Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
  7. Bariire (Caasimada Online) – Howlgal lagu dilay maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay gobolka Sh/Hoose, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya. Afhayeenka wasaaradda gaashanadhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in la dilay 10 xubnood oo Shabaab ah, iyadoo howlgalkaas lagu dhaawacay tiro kale. Howlgalka oo ahaa sifeyn ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay maanta ka fuliyeen deegaanka Nuur-Gare oo u dhow deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose. “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dardargaliyay howlagalada isdaba-jooga ah ee dalka looga ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee dhibaatada ku hayay shacabka ku nool gobolka Sh/Hoose iyo guud ahaan dalka,” ayuu yiri Sheekh Abuukar Afhayeenka Militeriga Soomaaliya oo ku sugan deegaanadii uu maanta howlgalku ka dhacay. Howlgalkaan ayaa soo bilowday shalay subax sida uu sheegay Sheekh Abuukar, waxaana kooxda looga sifeeyey dhul baaxadiisu ku dhowdahay 100 KM, kooxda Al-Shabaab ayaa isaga firxatay deegaanadii ay ciidamadu cagta mariyeen. Afhayeenka oo xalay shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Doonka ee Sh/Hoose ayaa yiri, “Saakay waxaan ka dhaqaaqnay degmada Afgooye, sidoo kale ciidan kale ayaa ka soo dhaqaaqay Walaweyn, waxaan howlgalka ugu culus ka fulinay deegaanka Waraaboole, gaadiid 20 gaaraya oo Khawaarijtu ay baad ka rabeen ayaan ka sii deynay halkaas.” Afhayeenka ayaa sheegay in 300 oo doolar oo baad ah ay Shabaab ka rabeen gaadiidkaas, isla markaana ay halkaas ku xayirnaayeen maalmo badan, balse xogta ay heleen ciidamada qaranka ayaa fududeysay in gaadiidkaas lagu soo furto howlgalkaan. “Howlgaladii maanta waxaa lagu qabtay dhagarqabayaal la tuhunsanaa inay ka tirsan yihiin Khawaarijta, waxaana loo gudbinayaa cadaaladda, caawa waxaan joognaa deegaanka Doonka oo Khawaarijtu ay baad uga qaada jirtay dadka shacabka ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Abuukar oo shir jaraa’id qabtay xalay. The post Ciidamada DF oo maanta fuliyey howlgal Shabaab looga dilay dagaalyahano badan appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaq-dhaqaaqyo xooggan ka wada furinta hore ee dagaalka, kadib markii uu shalay gaaray deegaanka Wargaadhi ee Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha oo u kuur-galaya xaaladda ciidamada qalabka sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa deegaankaas kulan kula qaatay odayaasha dhaqanka iyo hormuudka bulshada deegaanka. Mudane Xasan ayaa kala hadlay odayaasha Wargaadhi doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada ay gobolka kaga harsan yihiin kooxda Al-Shabaab, isaggoo xusay sida dowladdu ay u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray saldhigga milatari ee laga hirgeliyey deegaankan oo u fududeynaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed baahiyaha farsamo ee muhiimka u ah jiidda hore ee dagaalka. Saldhigan ayaa waxa kale oo muhiim aad u yahay dhammaystirka howl-galka dalka lagaga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, kaasi uu hadda dardar-gelinayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Dhawaan ayaa filayaa inuu si rasmi ah u bilowdo wejiga labaad ee dagaalka oo dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid, kaasi oo kooxda siisay nafis ay dib isugu soo abaabuli karaan, ayaga oo weeraro rogaal celin ku qaaday deegaano horey looga qabsaday. Wejiga koowaad ee dagaalka ayaa markii uu bilowday laga gaaray guullo wax ku ool ah, ayada oo ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ay dagaal adag la galeen kooxda, iyaga oo ka xoreeyay deegaan iyo degmooyin muhiim ah. Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa in kooxda looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda weli ku xoogan tahay. The post Xogta dhaq-dhaqaaqyo uu madaxweyne Xasan ka bilaabay furinta + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur-galaya xaaladda Ciidamada Qalabka Sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah Shabaab ayaa deegaanka Wargaadhi ee Shabeelaha Dhexe kulan kula qaatay Odeyaasha dhaqanka iyo hormuudka bulshada deegaanka. Madaxweynaha ayaa kala hadlay Odeyaasha Wargaadhi, doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada ay gobolka kaga harsan yihiin Shabaab, isagoo xusay sida dowladdu ay u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray Saldhigga Milatari ee laga hirgeliyey deegaankan oo u fududeynaya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed baahiyaha farsamo ee muhiimka u ah jiidda hore ee dagaalka iyo dhammaystirka howlgalka dalka lagaga xoreynayo Alshabaab. Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay wada-hadalladii maalmo kahor lagu kala kacay ee ka dhacay Ankara ayaa sheegay in aanay jirin wax muujinaya in Itoobiya ay dib uga laabanayso heshiiskii badda ee ay la gaartay Somaliland. Xasan ayaa waxa uu sheegay in Itoobiya ay iyadu dalbatay in Turkiga oo saaaxiib dhow la’ah Soomaaliya uu dhex-dhexaadiyo xiisadda kala dhaxeysa dowladda federaalka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Itoobiya ay illaa hadda qaadin tallaabo muujinaysa in heshiiskaasi is-afgarad ay ka laabaneyso, xilli ay socdaan dadaallo la doonayo in heshiiskaasi loogu rogo mid rasmi ah, sida ay dhawaan sheegeen madaxda Somaliland. “Ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in Itoobiya ay ka soo laabanayaan waddadaas,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale waxa uu sheegay in ergada Itoobiya iyo Soomaaliya aysan wada-hadal toos ah yeelan, balse Turkiga uu dhex-dhexaad ka yahay, uuna dhinacyada u kala dab-qaaday. Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya kadib markii uu natiijo la’aan kusoo dhamaaday kulankii Ankara ee dowladda Turkiga ugu kala dab-qaadeysay Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii ay labada dhinac isku fahmi waayeen wada-hadalka. Wada-hadallada labada dhinac ayaa markale la isugu soo laaban doona bisha September ee sanadkaan, taasi oo Turkiga uu sheegay inay isku raaceen Soomaaliya iyo Itoobiya. Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa ku adkaystay in aysan gorgortan ka galaynin arrimaha uu khilaafku ka taagan yahay oo ah heshiiskii badda ee sida sharci-darrada ah ay Itoobiya ula saxiixatay Somaliland, taas oo sida muuqata ka cago jiiday xukuumadda Addis Ababa. Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa mawqif adag ka taagan difaaca madax-bannaanida dalka, waxaana go’aankeedaas oo ay meel walba ka caddeysay loo arkaa inuu caqabad ku noqday Itoobiya, oo cadaadis caalami ah kala kulmay heshiiskii Somaliland. Heshiiska badda ayaa Itoobiya quus caalami ah geliyay, kadib cadaadiska diblumasiyadeed, taasi oo Itoobiyaanka ku kallifay inay raadiyaan dowlado wada-hadashiiya iyaga iyo Soomaaliya. The post Xasan oo sheegay in aysan muuqan ifafaalo Itoobiya uga laabaneyso heshiiska badda appeared first on Caasimada Online.
  11. 449837334_1027293404902021_5104267324135787662_n Qaran News
  12. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya, ayaa sheegay in la joogo xilligii ay dadka Soomaaliyeed ka faa’iideysan lahaayeen Kheyraadka ceegaaga baddaheenna. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay qorsheynaysi in sanadaha dhow 50% miisaaniyadda dalka ay ka timaaddo kalluumeysiga, taas oo haddii xoogga la saaro ka faa’iideysigeeda wax weyn ka beddelaysa dhaqaalaha dalka. Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgelin ku sameeyaan kalluumeysiga dalka, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha ka jira suuqyada caalamiga ah ee adduunka, isla markaana ay dowladdu xoogga saari doonto sidii loo dhisi lahaa kaabayaashii muhiimka ahaa ee dalka, gaar ahaan dekedo iyo waddooyin isku xira xeebaha Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah qaban-qaabada shirka, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka shaqayso sidii loo heli lahaa Tamarta awood leh oo qiimo jaban, si maalgashigu u fududaado, dadka maalgashiga sameynayana u helaan koronto jaban. Waxa uu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu in ay ka difaacdaan dalkooda iyo hantidooda cadow walba oo isku daya in uu qaato, isaga oo xusuusiyey kaalintii ay haldoorka Soomaaliyeed ka soo qaateen difaaca dalka iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta khudbad ka jeediyay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee u dhexeeysa dalalka Soomaaliya & Itoobiya. Xamza oo soo hadal qaaday wada-hadalladii ka dhacay Turkiga ee fashilmay ayaa sheegay inay markii hore ay ku yimaadeen dalab ay Itoobiya soo marsiisay Turkiga, balse aanay wax shaqo ku laheyn Soomaaliya oo uu sheegay inay ka go’an tahay difaaca baddeeda. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale mar kale ku celiyay in dowladda federaalka aanay marnaba wax gorgortan ka geli doonin kiiska badda, illaa ay ka laabato Itoobiya. “Dowladda Soomaaliya marna ma aqbaleyso horayna waa u sheegnay taako kamid ah dhulka Soomaaliya in lagu soo xadgdubo” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Dhinaca kale Xamza Cabdii Barre ayaa aad ugu bogaadiyay shacabka gobollada waqooyi sida ay uga horyimaadeen heshiiskaas, gaar ahaa damaca badda ee Itoobiya. “Shacabka gobolada Waqooyi waan ku amaanayaa sida ay iskaga diideen damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso in ay ku boobto qayb ka mid ah baddeena” ayuu mar kale yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda ka dhalatay heshiiska badda, waxaana natiijo la’aan kusoo dhammaaday wada-hadal ay labada dal ku yeesheen magaalada Ankara, balse waxaa lagu balamay in la’isugu yimaado kulamo kale. Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiska badda ee Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay weli fulintiisa ku adkeysanayaan xukuumadaha Hargeysa iyo Addis Ababa. The post Muxuu yahay mowqifka DF ee kiiska badda kadib wada-hadalladii ka dhacay Turkey? appeared first on Caasimada Online.
  14. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud has revealed that the Ethiopian government has sought Turkey's mediation for talks between Somalia and Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  15. Lt. Col. Zakariye (right) with Admiral Manuel Alvargonzalez. Bosaso (PP News Desk) — A high-level Puntland Police Force (PPF) delegation, led by Lt. Col. Zakariye Cabdiraxman , representing Puntland Police Commissioner Brigadier General Mumin Abdi Shire, held a meeting with naval commanders from the European Union Naval Force Somalia (EU NAVFOR) Operation aboard the ESPS NuMANCIA, led by Admiral Manuel Alvargonzalez. Rear Admiral Alvargonzález cordially received the delegation and conducted a guided tour of the ESPS Numancia. The meeting touched on strengthening cooperation between the PPF of Puntland State of the Federal Republic of Somalia and EU NAVFOR to combat piracy, illegal fishing activities, and other maritime perils in Puntland’s coastal waters. Discussions underscored the importance of intelligence exchange and the strategic coordination of combined operations to boost maritime security in the Horn of Africa. “This meeting is crucial for increasing our capabilities to contribute maritime security,” said Lt. Col. Cabdiraxman, who thanked EU NAVFOR for its cooperation. The Spanish Navy frigate escorted the PPF delegation back to Bosaso port after the meeting ended. © Puntland Post, 2024 The post Puntland Police Force Delegation Meets with EU NAVFOR Commander Aboard ESPS Numancia appeared first on Puntland Post.
  16. Madaxweynaha Ruushka,Vladimir Putin ayaa lagu warramaya in uu ka fikirayo inuu kooxda Xuutiyiinta Yemen ku wareejiyo gantaallada lidka maraakiibta ee ballistic-ga. Gantaalladaasi ayaa Xuutiyiinta ku gacan siin kara in ay quusiyaan maraakiibta diyaaradaha xambaara ee Mareykanka oo ku sugan badda cas, sida laga soo xigtay saraakiil sare oo ka tirsan Mareykanka. Xuutiyiinta ayaa horey loo rumeysan yahay in ay heystaan ​​gantaallada lidka maraakiibta ee P-800 Oniks oo Ruushku sameeyay, kuwaaso loo soo mariyay Suuriya iyo Lubnaan ka hor inta aan la keenin Yemen. William Usher, oo hore u ahaan jiray fallanqeeyaha sare bariga dhexe ee hay’adda sirdoonka Mareykanka CIA , ayaa u sheegay wargeyska warbixintan soo bandhigay ee Middle East Eye kororka isku dhacyada Israa’iil iyo Xisbullah in ay u badan tahay in ay sii qoto dheereyso iskaashiga milatari ee ka dhexeeya Iran iyo Ruushka si loo xoojiyo awoodda difaaca ee Xisbullah. PUNTLAND POST The post Ruushka oo Xuutiyiinta Yemen ku wareejinaya gantaallada Lidka Maraakiibta dagaalka appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta ka qayb-galay munaasabad loogu magac daray Todobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya ayaa soo saaray go’aan culus oo la xiriira kalluumeysiga sharci darrada ah ee ay dalkeenna ku hayaan dalalka shisheeye. Xamza ayaa shaaca ka qaaday in aan cidna laga aqbalayn kalluumeysi sharci darro ah, wuxuuna tilmaamay dowlado badan lagu dacweeyay jiriifka ay ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo ay kamid ah tahay IRAN. Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in xadgudub dambe aysan aqbali doonin dowladda Soomaaliyeed, isla markaana ay diyaar u tahay difaaca baddeeda iyo dhulkeeda. Sidoo kale wuxuu intaa ku daray in ay jiraan dowlado iyo shirkado ku jooga badda heshiis, kuwaas oo qaarkood uu waqtigu ka dhamaaday dib u eegisna lagu samayn doono. Waxaa kale oo uu xusay in Soomaaliya ay ku taalla goob muhiim ah, isla-markaana leh kheyraad fara badan ay suurto gal tahay in lasoo damaaciyo, wuxuuna sheegay in aysan gorgortan geli karin dhulka iyo biyaha Soomaaliya, dowladduna uu xil gaar ah ka saaran yahay ilaalinta hantideenna. “Maadaama aan ku naalo meeshaas istiraatiijiga ah, maadaama aan haysanno kheyraad badan oo gaar ah, maadaama aanan si dhameystiran uga faa’iisan kheyraadkaas, waxaa suuragal ah in ay yimaadaan damac shisheeye oo kheyraadkaas ku foogan, sidaa darteed waa inaan u istaagnaa sidii aan kheyraadkaas u ilaashan lahayn, badeenna iyo dhulkeennu midna gorgortan ma gali karo mana galayo, dowladda Soomaaliyeedna waxay u taagan tahay ilaalinta badda, dhulka iyo kheyraadkiisa” ayuu khudbaddiisa ku yiri Xamza. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan uu Adduunku tartan wayn ugu jiro maalgashiga dalkeenna gaar ahaan badaheenna, maaddaama uu uu ku jiro kheyraad aad u fara badan oo ay tahay in la ilaashado laguna fara adeygo. Si kastaba, arrinta badda ee Soomaaliya ayaa noqotay mowduuc taagan, maadaama ay dalal badan soo damaaciyeen sida Itoobiya iyo Kenya oo horay looga adkaaday, kadib markii ay dowladda federaalka isla tageen maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. The post DF Soomaaliya oo dacwad culus ka gudbisay DALAL kusoo xadgudbay BADDA appeared first on Caasimada Online.
  18. Ra’iisul wasaaraha wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada muqdisho ka furay shirweynaha todobaadka kalluumaysiga dalka oo looga hadlayo sidii looga faa’iidaysan lahaa kheyraadka badda. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inaan ciddna laga aqbali doonin burcudnimo iyo kalluumeysi sharci darro ah, islamarkaana loo baahanyahay in kheyraadka badda si quman looga faa’iidaysto, shisheeyaha sharci darrada ku gurayana laga ilaaliyo. Sidoo wuxuu xusay inay dowladaha waaweyn oo kalluumaysi sharci darro ah ka waday badda Soomaaliya ka waday ay dacwado caalami ah ka gudbiyeen, ka dibna ay ka cayriyeen. Badda Soomaaliya oo ay dhex ceegaagaan kumanaan jaad oo xoola biyood ama kalluun ah ayaa 34 tii sanoo la soo dhaafay ku jirtay baylah ay shisheeyuhu siday rabaan ka yeelaan, soomaaliduna ka baahanyihiin, balse hadda waxaa muuqanaysa awood dowladnimo oo lagu ilaalinayo. Source: goobjoog.com
  19. Darawalada gaadiid Bajaajta ka howlgasha magaalada Gaalkacyo ayaa cabasho ka muujinaya maamulka degmada Gaalkacyo, iyagoo sheegay in lagu soo rogay lacago dheeraad ah oo culays ku ah. Maamulka degmada Gaalkacyo ayay ku eedeeyeen inay heshiis la gashay shirkad gaar loo leeyahay, si lacago ka baxsan canshuurta ay uga qaado gaadiidka bajaajta. Bajaajleyda ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka sameeyay muddaharaad ay ku diidan yihiin go’aanka dowladda hoose ku kordhisay lacagtaasi dheeriga ah oo ay qaadayso shirkadda gaarka loo lee yahay. Ciidamada dowladda ayaa rasaas u adeegsaday kala eryida darawalada gaadiidka Bajaajta ee ka shaqeeya magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo sheegay inay ka cabanayaan lacago ka baxsan canshuur oo dowladda hoose ku soo rogtay. PUNTLAND POST The post Puntland: Bajaajleyda magaalada Gaalkacyo oo ku muddaharaaday dowladda hoose appeared first on Puntland Post.
  20. Ceerigaabo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo haatan socdaal ku marayo gobollada Sool iyo Sanaag ayaa ka hadlay arrimo ku aadan maamulka deegaanadaas oo ay isku haystaan SSC iyo Somaliland. Karaash ayaa si gaar ah uga hadlay arrinta magaalada Ceerigaabo, wuxuuna Somaliland uga digay in xoog ku muquuniso bulshada ka aragti duwan ee ku nool magaaladaasi. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlad goboleedka Puntland oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolladaasi ayaa sheegay in magaalada Ceerigaabo ay ku nool yihiin bulshooyin kala duwan, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in loola macaamilo sida magaalada Gaalkacyo oo kale oo ay hadda wada taliyaan maamullada Galmudug iyo Puntland. Hadalka siyaasigan ayaa u muuqda mid ku doonayo in Ceerigaabo ay wada maamulaan SSC-Khaatumo iyo Somaliland, ayna labada dhinac ku wada sugnaadaan halkaasi. Arrintan waxa ay kusoo aadeysaa, ayada oo weli dhaq-dhaqaaqyo u dhexeeya labadan maamul ay ka socdaan waqooyiga dalka Soomaaliya, waxaana mid kasta uu doonayaa inuu isku ballaariyo dhulkaasi, gaar ahaan deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn. Xiisadda u dhexeysa SSC iyo Somaliland ayaa weli qooyan, kadib markii horraantii sanadkii hore Somaliland dagaal looga saaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Si kastaba, lama sida ay wax noqodon doonaan, mana jiro wax war ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan hadalka kasoo yeeray Axmed Karaash. The post KARAASH oo Somaliland uga digay inay maquuniso magaalo ay SSC u hanqal taageyso appeared first on Caasimada Online.
  21. Fadhiga maanta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ahaan kii 7-aad ee Kalfadhiga 54-aad ayaa waxaa Goluhu cod aqlabiyad leh ku meel mariyey mas’uuliyiin magacaaban oo isagu jira Wasiiro ku-xigeeno kamid ah Golaha Xukuummada, Xubno ka tirsan Garsoorka iyo Hantidhowraha guud ee Dawladda Puntland, kuwaas oo ay soo gudbisay Madaxtooyadu. 1) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Maxamed Xassan Ibraahim. 2) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Diiriye Gamaadiid. 3) Wasiir ku-xigeenka Dhalinyaarada iyo Ciyaaraha Siciid Saalax Seed. 4) Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Axmed Yuusuf Taaraan. 5) Ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Cabdiqani Diiriye Cawl. 6) Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhawrka guud ee Dawladda Puntland Cismaan Maxamuud Cali (Qaroofey). PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay mas’uuliyiin uu magacaabay Madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.
  22. Madaxweyne Ismail cumar geelo oo amrey in Baasaboorada dadkii uu hore u siiyey. Dawladda Jabuuti ayaa baasaboorkii kala noqotay masuuliyiinta xukuumadda #Somaliland iyo xisbiga Kulmiye. Dalka Jabuuti ayaa nidaamka ka saaray in ka badan 100 baasaboor oo ay haysteen masuuliyiinta Somaliland. Tan iyo sanadkii 2010-kii, maamuladii kala dambeeyay ee Kulmiye ayaa mas’uuliyiintooda ka qaatay baasaboorka Jabuuti muddo 3-sano ah, iyadoo ay gaartay heer ay mas’uuliyiintani sidoo kale ku qaataan baasaboorka Jabuutiyaanka iyo qoysaskooda iyo taageerayaasha Kulmiye. Ma cadda in Jabuuti ay sidoo kale Baasaboorka kala laaban doonto dad badan oo shacab ah oo sita Baasaboorka Jabuuti iyo in tallaabadani ku kooban tahay masuuliyiinta maamulka Madaxweyne Muuse. Tan iyo markii uu bilaabmay khilaafka labada dawladood, Djibouti waxay qaaday tallaabooyin is daba joog ah oo ay ku doonayso inay cadaadis ku saarto Somaliland. Maxamed Caalin Qaran News