-
Content Count
213,166 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xudur (Caasimada Online) – Ciidamada daacadda u ah Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo u xiran dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa dagaal culus uu ku dhe-maray qeybo ka mid ah gobolka Bakool. Ciidamada daacadda u ah Roobow oo loo yaqaan Caaro Caaro ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay xaafadda Abay oo qiyaastii 18km dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Xudur. Illaa iyo hadda wax faah-faahin ah lagama hayo khasaraaha ka dashay dagaalka labada dhinaca. Ciidamada daacadda u ah Roobow ayaa ku urursan agagaarka magaalada Xudur, waxaana weli la hir-gelin qorshe la doonayey in loogu biiriyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Heshiiska ay ugu biirayaan ciidamada dowladda ayaa qeyb ka ahaa kii dhex-maray dowladda iyo Roobow markii Mukhtaar uu isku soo dhiibay dowladda, hase yeeshee qorshahaas ayaa iminka u muuqda inuu fashilmay. Ciidamada taageersan Roobow ayaa la rumeysan yahay inay dib uga dideen dowladda wixii ka dambeeyey markii ay xiratay hogaamiyahooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somalia’s Al-Shabaab has paraded 10 soldiers from Southern regional state, Jubbaland at its stronghold town of El-Adde in Gedo region. The soldiers are said to have deserted from Bardere and Garbaharey in the Jubbaland state and joined the group which tries to topple Somalia’s UN-backed federal government. The group has released photos of the soldiers posted on the group-affiliated websites, showing the soldiers armed with AK-47 rifles in military clad in uniform sitting side by side in El-Adde town. The soldiers are reportedly surrendered to Al Shabaab after deserting from Jubbaland state army over unknown circumstances. Jubbaland authorities are yet to comment on the defection of its soldiers who are said to have deserted the state before joining the militant group. View the full article
-
The northeastern Federal state of Puntland said it has postponed a key meeting between the Somali government and the regional states set to kick off in Garowe city on Thursday, May 2. Sources at Puntland presidency revealed to Radio Shabelle that the forum has been delayed over technical reasons and is due to open on 5th May. The conference seeks to find a lasting solution to the political crisis in the country as the leaders of the Federal government and regional administrations are in deadlock over national issues, including resource sharing. Puntland president Said Abdullahi Deni who has been elected last January has called the meeting and invited all leaders to come to the negotiating table and iron out their differences. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Axmed Cadow oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Qeybta Qaraxyada ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka, Gaar ahaan Kuwa Ka howlgala Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobalka Gedo, sida ay baahisay Warbaahinta Dowladda. Yuusuf oo xiriira kale duwan la soo sameeyay Sarakiisha Ciidanka, iyadoona ay suuro gashay saakay in uu soo gaaro oo uu iska soo dhiibay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Magaalada Garbahaarey. 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland eek u sugan gobolka Gedo waxa ay soo bandhigeen ilaa 4 Ruux oo ay sheegeen inay ahaayeen Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab balse dowladda isku soo dhiibay. Xubnaha Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda ayaa sii kordhaya. Shalay ayaa sidoo kale waxaa degmada Doolow ee gobolka Gedo isku soo dhiibay labo xubnood oo ka mid ah Ururka Al-Shabaab. Labadaas nin ayaa ka tirsanaa qeybta Jabhadaha ee Al-Shabaab, waxaana raggan ay wateen laba qori oo A-K47 ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
CONCORD, N.H. – A federal lawsuit says an asylum seeker from Somalia has been detained for 2 ½ years without a bond hearing and should be released. Source: Hiiraan Online
-
Xukuumadda Muuse Biixi Farsamo Xumada Af-Soomali Xumo Ayaa U Dheer” Muniir Axmed Cigaal “Xukuumadda Muuse Biixi Farsamo Xumada Af-Soomali Xumo Ayaa U Dheer” Muniir Axmed Cigaal In kasta oo aynu ku jirno bilihii khayrka laha Ramadaana sanka inoo saarantahay hadana Xaalada Dalkaygii Somaliland ku sugan yahay ayaa marar badan ku odhanaysa midh iyo laba ka dheh. Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ilaa bilawgii Xukunka ay qabteen laba sanno ku dhawaad Mucaarid iyo Muxaafid waxa marageeda laysku raacay inay farsamo xuntahay. Dhacdooyin badan oo maarayn kaliya u baahnaa ayay Xukuumadda Muuse Biixi is maqiiq ku gashay kuwaas oo natiijo la’aani ka dhalatay. Midan iminka ee Xaalada Deg Deg ah lagu galiyay Gobolkii Sanaag ayaa u danbaysay. Madaxweynuhu amar adag ayuu bixin laha lagu soo qabto danbilayaashi Sarakiisha laayay, adduunka oo dhan way ka dhacaan shilal noocan oo kale ahi, talaabadii ku haboonayd maha Bandow iyo awood Millatari oo ahayd halkii u danbaysay ee Madaxweynaha iyo Qaranku miciin san la hayeen… Duufaano iyo Dabaylo inamay rogin alle haynaga hayee,, layskumana rogman oo xaaladu faraha kamay bixin, koox shar wadayaal ah ayaa faldanbiyeed gaystay waxayna ahayd in la soo qabto oo cadaaladda la mariyo.. Midda kale waxa weeye farsamo xumadaas ayay Af-soomaali xumo ku darsatay Xukuumadeeni. Xalay waxa hadlay Wasiirka Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye, dee anigu Wasiir Qaran la hadlaaya meesha kuma arkayn ee Nin ka soo kacay Marfash oo wixii Marfashka shubaaya ayuunban u arkaayay. Kulaha “Dadkii Gobta aha way qanci jireen “ Yaa markaa gun gunuunucaysa ah. ? Isagu markaana UDUB tii Guul wadaynta la daxalaysatay ayuu aha oo TV-ga Qaranka ayuu joogay, KULMIYE yihii Axmed Siilaanyo ee 2003-doorashada galayna Rer ma ahayn WADDANI-ga 2017-kii doroashada galayna rer ma ahayn oo Somaliland oo dhan ayuu aha.. Masuuliyiinta Xukuumaddeena iyo ilaa Madaxweynaha mararbadan aamuska u Khayr badan, waayo looma wada dulqaadan karo farsamo xumo iyo Af-somaali xumo wada socda.. Tusan .. Muniir Axmed Cigaal Sweden .. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Mareykanka ayaa shaaciyay inay u aargudeen askari ka tirsanaa ciidamadooda kaga sugan Soomaaliya oo horey Al Shabaab ay ku dileen Jubbada Hoose, kadib weerar ka dhacay Deegaanka Baar Sanguuni. Afhayeenka Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay inay dileen Dagaalame ka tirsanaa Alshabaab, kaasi oo qeyb ka ahaa Dagaalamayaal Alshabaab oo sannadkii hore weerar Hoobiyayaal ku qaaday Askar Maraykan ah oo ku sugnayd Deegaanka Baar Sanguuni. Kolonel Chris Karns oo la hadlay Wargeyska Military Times ayaa sheegay in ruuxa ay dileen lagu magavaabo C/llaahi Jibiyow, kaasi oo lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa duqeyntii Hoobiyaha ee bishii June sanadkii 2018 ka dhacday Jubbada Hoose. Askariga Maraykan ee ku dhintay weerarka ka dhacay deegaana Baarsanguuni ayaa lagu magacaabi jirey Saddex Alifle Alexander Conrad, iyadoo 4 kalena lagu dhaawacay weerarkii Jubbada Hoose. Afhayeenka AFRICOM waxa uu tilmaamay in Duqeyn diyaaradeed oo ay geysteen bishii la soo dhaafay ee April 19-dii ku dileen 2 Dagalaamayaal Alshabaab, oo mid ka mid ahaa C/llaahi Jibiyow oo madax ka ahaa Dagaalamayaal weeraro badan oo Hoobiyayaal ah ka geystay Gobalka J/Hoose. Askariga Maraykanka ee lagu dilay duqeyntii sannadkii hore ka dhacday Deegaanka Baar Sanguuni ee Alexander Conrad, ayaa ka tirsanaa ciidamada Mareykanka tan iyo sannadkii 2010-kii, isla markaana uu ahaa Soo-ururiyaha xogaha Sirdoonka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Afgooye (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo culus wali ka wada gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dagaalo u dhaxeeyay Al Shabaab iyo ciidamada dowladda ay ka dhaceen gobolka. Ciidamada dowladda ee dhawaan la wareegay gacan ku heynta deegaanada Bariire iyo Sabiib ayaa weeraro iyo cadaadis joogto ah kala kulmay ururka Al Shabaab, waxaana Al Shabaab ay ka hadleen la wareegista deegaanka Bariire. Al Shabaab ayaa qoraal ay soo dhigeen baraha ay wararka ku faafiyaan waxay ku sheegeen inay wali gacanta ku hayaan deegaanka Bariire ee gobolka SHabeelaha Hoose, iyaga oo beeniyay in lagala wareegay gacan ku heynta deegaanka. Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay arkayeen ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa DANAB, kuwaasi oo shalay la wareegay gacan ku heynta deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada ayaa waxay howlgalada ka wadaan deegaanada gobolka Shabeelada Hoose ee hoostaga Bariire iyo Sabiid, waxaana ay doonayaan inay Al Shabaab ay ka saaraan deegaanada ay kasoo qaadaan weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda. Sananadkii 2017 ayaa Ciidamada Dowladda Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Bariire,hayeeshee dhowr bil kadib ay Ciidamada isaga baxeen,waxaana intaasi wixii ka dambeeyey gacanta ku hayey Ururka Al-Shabaab. Al shabaab ayaa dhankooda sheegay inay howlgalo ay kula dagaalamayaan ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaano hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ceerigaabo ( SMN)Taliyaha Booliska Soomaaliland ayaa awaamiir siiyay Ciidamada fulinaya xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay Xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay deegaanno hoostaga Gobolka Sanaag. Sareeye Gaas Cabdullaahi Fadal Iimaan Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Somaliland ayaa Warbaahinta la wadaagay awaamiir ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi kaas oo xaalad deg deg ah loogu soo rogayo deegaanada Gobolka Sanaag. Meelaha ay saameyneyso xaaladani deg deg ah ayaa waxaa ka jira colaad beeleedyo ka dhex aloosan Beelo walaalo ah oo Soomaaliyeed. Dhawaan ayaa 2 Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada maamulka Soomaaliland waxaa lagu dilay deegaanno ka tirsan Gobolka Sanaag sababo la xiriira aanooyin qabiil. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtida/Wakiillada), ayaa saaka iskugu yimid fadhi aan Caadi ahayn oo lagaga doodayay xaalada deg-deg ah ee Madaxweyne Biixi ku soo rogay degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag. Fadhigan hore waxa si wada jir ah ugu iclaamiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Guurtida, Siciid Jaamac Cali. Kulanka saaka waxaa ka soo xaadiray 107 xildhibaan, markii codeynta la bilaabay waxaa ogolaaday xaalada deg dega ah 40 xildhibaan, markii la doonayay in gacanta loo taago inta diidan ayaa guddoomiyaha Golaha wakiiladu fadhiga deg deg u xidhay iyada oo ay codeyntii socoto, buuq iyo sawax ayaa hadheeyay xaruntii Baarlamaanka, Sabtida ayaa dib loo balamay, hadda warbaahinta la hadlay Xildhibaanno aad u cadhaysan. Warkan oo faah-faahsan goordhaw kala soco Somalilandtoday Source
-
Muqdisho ( SMN):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia Mudane Xasan Cali Kheyre oo hadal ka jeedinayay munaasabad lagu maamuusayay maalinta shaqaalaha Aduunka oo ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in ay wax ka bedeli doonaan hanaanka loo qaato shaqaalaha dowladda Somalia. Mr Kheyre ayaa hoosta ka xariiqay In Xukuumaddiisu meesha ka saari doonto in Masuuliyiinta Dowladdu shaqaalaha iyagu soo xulaan balse taas bedelkeed Tartan loo gali doono shaqada dowladda. Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muuqda Tallaabo kale oo Xukuumaddu u qaadeyso ka hortagga Musuqmaasuqa. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Boosaas ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan ay la waregeen xarun Bank oo ku taala magaalada Boosaaso. Ciidamada maamulka Puntland ayaa la wareegay xarunta Bangiga dhexe ee magaalada Boosaaso, waxaana xiisad laga dareemaya magaalada, maadaama ciidamada la sheegay inay careysan yihiin. Ciidamada maamulka Puntland ee maanta la wareegay xarunta Bangiga dhexe ayaa ka carooday mushaar la’aan heysatay ciidamada maalmihii ugu dambeeyay, waxaana ka hor inta aysan la wareegin bangiga ay rasaas ku fureen xarunta iyo agagaarkeeda. Intaasi kadib saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa tegay Xarunta Bangiga oo ay la wareegeen Ciidamada Gadooday, isaga oo ku qanciyey inay dib ugu laabtaan halkee ay ka yimaadeen,isla markaana mushaarkooda ay heli doonaan,sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha Ciidamada. Wararkii ugu dambeyey ee haatan laga helayo Magalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana ay dib u bilaawdeen howlihii Shaqo ee Bangiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso. Waa markii labaad oo ay gadoodaan Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,waxaana horay u gadooday Ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Galgala ee Gobolka Bari. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Garbahaareey ( Sh. M. Network):-illaa 10 askari oo kasoo goostay degmooyinka Baardheere iyo Garbahaarey ayaa iyagoo hubkooda wata isku dhiibay maamulka deegaanka Ceelcadde ayaa lagu sheegay War Qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internetka ku leeyihiin Al Shabaab. Maxamuud Maxamed Ibraahim, Aadan Axmed Jilacoow iyo Isxaaq Aadan Ibraahim ayaa kasoo goostay saldhigga ciidamada dowladda ee degmada Garbahaarey halka 7 kale ay ka goosteen dhanka degmada Baardheere waxaana dhammaantood lagu soo bandhigay xarunta maamulka Al Shabaab ee Gedo. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay DFS oo ku aadan Askartaan la sheegay in ay isku dhiibeen Xarakada Al Shabaab. View the full article
-
Garoowe ( Sh. M. Network):-Waxaa dib u dhac uu ku yimid shir maanta la filayay in Siyaasiyiin iyo qaar ka tirsan Madax Goboleedyadu ku yeeshaan Magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland. Sida aan ka heleyno ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha Puntland waxaa la filayaa in 5-ta Bishaan May lagu qabto shirkaasi Magaalada Garoowe halkii maanta 2 May ku beegan shirku qabsoomo. Wararka qaar ayaa sheegaya in shirka ay ka soo qeyb galayaan Madaxda sar sare ee DFS sida ay ku warrameen ilo lagu kalsoonaan karo. Dhinaciisa Axmed Maxamuud Xasan ( Axmed Baasto) oo aragtidiisa shirkaas ka warbixiyay ayaa sheegay mid aan sharci ahayn oo lagu majaxaabinayo aayaha dalka. View the full article
-
(SLT-Addis Ababa)-Suxufiyiin iskaga kala yimid Aduunka ayaa isugu yimid caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa, halkaas oo uu uga bilaabmay shir saddex maalmood socon doona iyo dabaal dega maalinta madaxbanaanida Saxaafada Aduunka ee May 3 oo lagu qaban doono. Wariyeyaasha shalay shirku uga furmay dalka Ethiopia ayaa doodo yeeshay intii shirkaasi socday, waxaana diirada lagu saaray doorka saxaafadu ku leedahay bulshada iyo sidii looga fogaan lahaa hadalada nacaybka dhalinaya ee lagu baahiyo baraha bulshada. Intii shirkaasi socday ayaa la tilmaamay in heerka xirsafada saxaafada oo la dabaqaa ay yarayn karto hadalada nacaybka ah, sida uu sheegay Alistair King Smith oo arimaha dibada ee UK ugu qaabilsan u ololaynta saxaafad madaxbanaan. David Kaye, oo isna ah Wariyaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta xuquuqda iyo madaxbanaanida hadalka ayaa sheegay in dawlada iyo ururada bulshadu ay eegaan sidii meesha looga saari lahaa hadalada nacaybka abuuraya. Maalinta Madaxbanaanida Saxaafada Aduunka ayaa waxa ku dhawaaqay Golaha guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhacaysa bishii December 1993-kii, waxaana daba socday taloooyin shirar ay UNESCO qabatay loogu dabaal degay ilaa xiligaasi in May 3 ay noqoto maalinta Madaxbanaanida Saxaafada Aduunka loo dabaal dego. Waxaana Ethiopia laga dabaal degayaa 26th guurada maalinta Madaxbanaanida Saxaafada Aduunka oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen UNESCO, Midawga Afrika iyo dawladda Ethiopia, waxaana la filayaa in shirkaasi lagaga hadlo wararka khaldan iyo badbaadada suxufiyiinta. Waxaana la xusay in sanadkii u dambeeyey la dilay 94 suxufi, halka sanadkii hore ay ahayd tirada suxufiyiinta la dilay 71 suxufi. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wiil 16-jir ah oo aanay cidina la socon kana soo jeeda wadanka Guatemala ayaa xanuun dartii ugu dhintay mid ka mid ah xabsiyada ay dowlada Mareykanka ku ooday dadka soo Galootiga. Saraakiil ka tirsan dowlada ayaa arbacadii shalay sheegay in wiil loo badalay 20 kii bishan April xafiiska dib u dejinta qaxootiga ee gobolka Taxes. Afhayeenka xafiiska xanaanada caruurta aan waalidka laheyn Evelyn Stauffer ayaa sheegtay in waqtigaas wiilka aysan ka muuqan xumad iyo xanuun haya intaba. Balse subixii ku xigay ayaa waxuu dareemay Qando iyo madax xanuun loo dhigay isbitaal ku yaal aagaasi oo lagu dabiibay ka hor inta aanu geeriyoon maalintii Xigtay. Si kastaba ha ahaatee dowlada Mateykanka ayaa sheegtay in ay dib u baadhis ku sameyso sababta dhalisay geerida wiilkaan Qaxootiga. Source
-
(SLT-London)-Xaakim Ingiriis ah ayaa aasaasihii shabakada siraha faafisa ee WikiLeaks Julian Assange ku xukumay 50 todobaad oo xabsi ah kadib markii uu ka fakaday damiin mudo hada laga joogo todoba sanadood oo uu ku sugnaa Safaarada dalka Ecuador. Garsooraha Deborah Taylor ayaa sheegtay in ay adag tahay in la qiyaaso qayb ka mid ah ciqaabta dembiga ah sida ay u bixisay in 47 sano jirkan xogaha qarsoon jabsada in lagu xukumo ugu badnaan hal sano oo xabsi ah. Waxaanay tilmaantay in Assange todoba sanadood oo uu joogay safaarada Ecuador, laguna tixgaliyey magangalyo doonimo ujeedadeedu tahay inuu ka baaqsado cadaalada. Ninkan timaha Cad ee Assange ayaa taagnaa isagoo gacmaha ka xidhan markii loo akhriyayay xukunkiisa, waxaana taageerayaashiisu ay la taagnaayeen afaafka Maxkamada Southwark Crown Court, iyagoo ku qaylinaya waa in la xukumaa siidaynta Assange. Muwaadinkan u dhashay dalka Australian ee Assange ayaa galay isagoo magangalyo doon ah Safaarada dal ku yaala Koonfurta America uu ku leeyahay London bishii June 2012-kii si uu uga baxsado kiisas la doonayey in su’aalo laga waydiiyo oo ahaa eedo kufsi. Waxaana Qareenka u doodayey Assange oo la yidhaa Mark Summers uu ka sheegay qolkii maxkamada ee dacwadu ka dhacaysay oo ay ku sugnaayeen suxufiyiinta iyo taageerayaasha WikiLeaks in Assange uu magangalyo ka dalbaday Safaarada Ecuador maadaama oo uu cabsi ka qabay in loo gacan galiyo Maraykanka. Source
-
(SLT-Washington)-Magangelyo-doon Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Cali oo sabab la’aan u xidhnaa muddo 2 sanno ayaa la filayaa in la sii daayo. Iyagoo wakiil ka ah Maxamed Axmed Cali ayaa waxay Ururka Xorriyadda Maddaniga Maraykanka ee ACLU ee ka shaqeeya inay dhibanayaasha ka difaacaan Maxkamadaha ayaa la sheegay inay fureen dacwad ka dhan Madaxda Waaxyaha Caddaaladda, Ammaanka Gudaha, Socdaalka iyo Xoojinta Canshuuraha ee dalkaasi iyo kuwo kale. Dacwadda ayaa lagu sheegay in Muwaadinka Soomaaliga uu iska xiran yahay, iyaado oaan marnaba la dhegeysanin Kiiska loo haysto. Hay’adda dacwadda u gudbisay ayaa sheegtay inuu Maxamed Axmed Cali iskiisa isaga soo dhiibay magaalladda San Diego sannadkii 2016-kii, isla markaana la xiray, loona gudbiyey xarumo dadka lagu hayo oo ku yaalla 6 Gobal. Maxamed Axmed Cali waxa u uka mid ahaa 92 qof oo Soomaali ah oo dacwad ka gudbiyey Dowladda Maraykanka, kadib, markii lagu jeebadeeyey Kuraasta Diyaarad muddo 2 maalmood ah sannadkii 2017-kii, xilli loo masaafurin lahaa Somalia. Dacwadaasi ayaana u muuqata mid ay Dowladda Maraykanka laashay, iyadoo Hay’addaha Federalka laga sugayo faahfaahin kiiskaasi iyo xadhiga Maxamed Axmed Cali Source
-
(SLT-Washington)-Xeeri Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka William Barr ayaa Arbacadii shalay hortagay Congresska si uu u difaaco sidii uu u maareeyey warbixin 22kii bishii March uu u soo gudbiyey dambi baaraha gaarka ah ee eegayey faragalintii Ruushka ee doorashadii Maraykanka ee sanadkii 2016kii. Barr ayaa sheegay in go’aanka uu warbixin kooban kaga qoray warbixinta dheer uu ahaa mid isaga u gaar ah. Barr waxa uu diiday su’aalo laga weydiiyey sida uu u sawiray waxyaabihii baadhista Mueller ka soo baxay. Dhageysigan oo uu ka muuqday cadaawad xisbiyada u dhaxaysa ayaa Dimoqraadiyiintu ay su’aalo kulkulul ka weydiiyeen warbixintii afarta bog ahayd ee uu ku soo koobay warbixintii dambi baaraha gaar ah iyo waliba cabasho daba socotay oo Meuller uu isaga u gudbiyey. Dimoqraadiga ayaa Barr ku eedeeyey si hoos u dhigay caddeymihii habdhaqankiii Trump isaga oo dadaal ugu jiray inuu sabab u yeelo go’aankiisii muranka dhaliyey ee uu doonayey inuu madaxda kaga dhigo mid ka maran inuu caddaaaladda horjoogsaday. Source
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-020519-sax.mp3 View the full article
-
(SLT-London)-Gavin Williamson ayaa la eryay xilka wasiirka gaashaandhiga ee UK kadib baaritaan lagu ogaaday in uu bixiyay sir qaran oo la xidhiidhta shirks Golaha Amniga Qaranka. War laga soo saaray xafiiska Raysal wasaare Theresa May ayaa lagu sheegay in Williamson uu lumiyay kalsoonida Raysal wasaaraha. Baaritaanka ayaa dabo-socda kadib markii dibada loo dusiyay xog la xidhiidhta in shirka telfoonada ee Huawei loo oggolaado UK si ay gacan uga geysato dhismaha adeegga internetka UK ee 5G. Williamson oo ahaa wasiirka gaashaandhiga ee Boqortooyada Ingiriiska ilaa 2017dii ayaa beeniyay in uu xogtaas dibada u dusiyay.Laakiin Raysal wasaare May ayaa u sheegtay wasiirka la eryay oo ay la kulantay xalay inay heyso cadeymo waa weyn oo muujinaya in uu yahay qofka xogta qarsoodida ah dibada dhigaya. Kahor inta aan xilka laga qaadin, wasiirka wuxuu diiday codsiga Raysal wasaaraha ee ahaa in uu iscasilo isaga oo sheegay inay taasi ka dhignaaneyso in uu aqbalay eedaha loo jeediyay. Wuxuu sheegay in uu kalsooni weyn ku qabi lahaa baaritaan qotodheer oo rasmi ah oo lagu ogaanayo qofka dusiyey sirta shirka golaha amniga qaranka. Penny Mordaunt oo horey u ahayd wasiirka horumarinta caalamiga ah ayaa loo magacaabay wasiirka cusub ee gaashaandhiga. Waxay noqoneysaa haweeneydii ugu horreysay ee xilkaa qabata. Source
-
Jowhar (Caasimada Online)-Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa amar kasoo saaray ganacsatada deegaanada Hirshabeelle ee u dacwad taga deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Xubnaha ganacsatada ayaa la sheegay inay u dacwad tagaan ururka AL Shabaab, taasi ayaana keentay in maamulka gobolka SHabeelaha Dhexe uu kasoo saaro amarkaasi. Guddoomiyaha Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa amarkaasi kusoo rogay shacabka gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana uu sheegay in ganacsatada marka ay kasoo laabtaan Al Shabaab inay xukumi doonaan. Ciidamada Amniga ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayuu amar ku siiyay in ay qab qabtaan Ganacsatada la shaqeysata Al-shabaab ama xiriirka la wadaagta sida uu hadalka u dhigay. Axmed ayaa sidoo kale sheegay in Ganacsadihii aada Al-shabaab uusan ka soo noqon iyagana la joogo, haddii uu soo laabtana uu maaamulka Gobolka tallaabo ka qaadayo. Al Shabaab ayaa u kala garqaada ganacsatada iyo xubnaha dacwadaha isku qabta ee kusugan deegaanada ay dowladda Soomaaliya maamusho. Arrintan ayaa imaneysa iyada oo Al-shabaab Maxkamad ay leeyihiin ku taallo degmada Gamboole ee Gobolka Shabeellaha dhexe taas oo 50KM dhinaca galbeed uga beegan Jowhar badanaana halkaas tagaan dadka isku qabsada dhulalka sida beeraha iyo guryaha. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey sharciga doorashooyinka qaranka, oo muddo la sugayey. Isla fadhigaas waxaa ay sidoo kale meel-mariyeen Sharciga Axsaabta Siyaasadda oo Dib-u-eegis lagu sameeyay Sharciga doorashada ayey aheyd in mar hore ay soo gudbiso xukuumadda, taasi oo ku xiran arrimo badan. Wararkan oo faahfaahsan, kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sawir hore ee ciidamada Puntland oo gadooday Cutubyo ka tirsan ciidanka Birmad dowladda Puntland oo ka cabanayaa mushahar la’aan, ayaa saaka mudda kooban la wareegay xarunta Bankiga dhexe ee magaalada Boosaaso, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Qof kamid ah shacabka magaalada, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in ciidanka halkaasi qabsaday ay rasaas xooggan ridayeen, taasina ay hakisay isu’socodkii dadweynaha ee nawaaxiga Bankiga dhexe, islamarkaana ay khal-khal iyo jaah-wareer ku abuurtay shacabka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. “Markii hore waxaan moodnay dagaal laba dhinac u dhexeeya, dad badan ayaana guryahooda ku cararay. Xataa anigu shaqo ayaan u socday markii rasaastu bilaabatay dib ayaan guriga ugu cararray, runtii khal-khal bay na geliyeen weliba isu’ socodkii gaadiidka baa xirmay” ayuu yiri qof goob-jooge ah. Dhinaca kale, sarkaal ka tirsan ciidanka gadooday, ayaa isna warbaahinta Puntland Post u sheegay in ay dib uga baxeen xarunta Bankiga dhexe ee magaalada Boosaaso oo ay mudda kooban haysteen , kadib markii taliyahooda oo goobta tegay uu u ballan-qaaday, in ay mushaharka iyo xuquuqda kale ee ka maqan si dhakhso ah u heli doonaan. “Dee waxaan u sheegnay in mushaharka iyo xuquuqda naga maqan nala siiyo, haddii kale aanan fasaxayn shaqada Bankiga, isaguna waa noo ballan-qaaday in aan xaqayaga heli doono sida ugu dhakhsaha badan, markaas baan ka baxnay xarunta Bankiga” ayuu yiri sarkaalka. Xaaladda ayaa hadda ku soo laabatay si caadiya, kadib markii ciidanka lagu qanciyay in ay heli doonaan mushaharka iyo xuquuqda kale ee ka maqan, ayna banneeyeen xarunta Bankiga dhexe ee dowladdu ku leedahay magaalada Boosaaso. Tan iyo markii la doortay madaxweyna Puntland Siciid Cabdullaahi deni ,waa markii labaad oo ay gadoodaan ciidamada Puntland iyadoo horay u gadoodeen ciidankii joogay tuulada Galgala laakiin kolkii dambe lagu qanciyay in ay xuquuqdooda heli doonaan. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Ciidan gadooday oo qabsaday xarunta Bankiga dhexe ee dowladda appeared first on Puntland Post.