Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Qaban-qaabada Xuska 28-guurada Jamhuuriyadda Somaliland ee sannad kasta loo dabbaal-dego 18-ka bisha May, ayaa u muuqata sannadkan 2019-ka mid ka liidata sidii sannadihii hore loo abaabuli jiray ee la isugu xidhi jiray qaybaha Bulshada, Warbaahinta iyo Dowladda-ba. Inkasta oo loo magacaabay sidii horeba caadada u ahayd Guddi qaban-qaabo oo badi Masuuliyiinta dowladda ah, haddana guddiga, ayaa u muuqata mid kooxo ah oo aan isugu xidhnayn sidii ay awalkii hore isugu xidhnaan jirtay, taasina waxay keentay maamul-xumo iyo wax kala jiidasho sababtay habacsanaanta ka muuqata amma laga dareemayo diyaarintii xuska Qaran ee 18-ka bishan May. Xuska 18 ka May oo Somaliland aad looga wayneeyo, isla markaana ku suntan maalintii ay madax-bannaanideeda dib ugala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya 18-kii May 1991-kii,xuska maalintan waxa doorka ugu mudan ka qaadan jiray amma ka qaata Warbaahinta kala duwan ee dalka ka hawlgasha ee Website-yada (Shabakadaha wararka), TV-yada, Wargeysyada iyo Idaacadaha dalka dibeddiisa laga leeyahay. Hase-yeeshee, doorka ugu muhiimsan waxa qaata Shabakadaha Online-ka ee Website-yada loo yaqaanno oo isku xidha dal iyo dibed, baahiyana Qoraal, Sawirro, Muuqaallo live iyo Fiidyawyo, kuwaas oo, ah isha ugu fiican ee gudo iyo dibedba si toos ah wararka iyo waxa jiraba kala socoto Bulshada gudaha iyo dibeddaba ku nool ee Somaliand iyo dadyowgaa kale ee Af-soomaaliga ku hadla iyo ajaanibkaba, iyagoo qaarkood Luqadaha kale ku baahiya dhacdooyinka iyo wararka Somaliland,munaasibadan iyo kuwa kaleba. Balse, nasiib-darro, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ayaa dafirtay doorka shariifka ah ee Warbaahinta online-ku ugu jirto Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana kala saartay warbaahinta oo kharashkii loogu talo-galay hawlgalka maalintaas u gaar yeeshay TV-yada iyo Wargeysada, sida laga soo xigtay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mukhtaar Maxamed Cali oo iska indha tiray doorka muhiimka ah ee ay leeyihiin warbaahinta Online-ka ee ka hawlgala Somaliland. Agaasime Mukhtaar, wuxuu sheegay inaanay kharash ugu talo-gelin Website-yada, halka ay Madaxtooyadu Guddiga Ururka Website-yada ee (Somaliland Media Online) oo loo soo gaabiyo SOMA, iyo Mulkiileyaasha Shabakadaha wararka qaarkood la kulantay, una sheegtay in qorshaha lagu halgalayo iyo wixii kharash ah loogu weeciyey Wasaaradda Warfaafinta oo Wasiirka wasaaraddaas Maxamed Muuse Diirye yahay Guddoomiye ku-xigeenka guddiga qaban-qaabada 18 May, balse Masuuliyiinta Wasaaraddu dafirtay arrintaa. Haddaba, tani waxay u muuqataa, caaglaysi iyo musuqmaasuq ay ku kacday Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta oo ay masuuliyiinta hadda hoggaamisaa muddo kooban oo bilo ah joogeen amma xilkeeda hayeen, iyagoo u muuqda inay gabeen amma ku fashilmeen kaalintii maamul-wanaag, hufnaan iyo musuqmaasuq la’aan ee laga filayey, maaddaama oo madaxdii iyaga Wasaaradda uga horreeyey intii Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi jirtay xilka looga qaaday eedo musuqmaasuq iyo maamul-xumo. Shabakadaha online-ka ee Somaliland ka shaqeeya oo Tiradoodu boqollaal Website ah, ayaa ah kuwa wararka iyo warbixinnada qoraalka, codadka, muuqaallada iyo sawirrada ah maalmaha qaranka iyo guud ahaan horumarka iyo hawlaha hadba dalka ka socda si waddaniyad leh dunida u gaadhsiiya, iyaga oo aan kab, taakulo iyo mahad-naq midna kaga helin dawladda, balse iyagu inta awooddooda ah muujiya karti iyo xilkasnimo ay waajibaadkooda si mutaddawacnimo ah ula garab-taagan yihiin Qarankooda. Hase-yeeshee, iyaga oo doorkaas leh may mudnayn, manay filayn in dowladdooda, weliba Wasaaraddii Warfaafinta qaabbilsanayd oo ay ahayd in ay isku ururiyaan ay sidaa u kala faquuqdo amma u kala saarto Saxaafadda dalka oo waaxdii ugu mudnayd ay doorkeeda iska indha-tiraan Wasiirka, Wasiir Ku-xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Warfaafintu. Dastuurka Qaranka iyo Xeerka Saxaafadda Somaliland, ayaa waajibiyey inay Warbaahintu u sinnaato Wararka, Xogaha iyo Manfacba wixii dowladda ka soo baxaya. Hase-yeeshee, iyadoo marka horeba warbaahintu ka cabanaysay nidaamka war-helista Xukuumadda, ayey tanina muujinaysaa faquuq Warfaafintu kula kacday Saxaafadda isku-duubnida Qaranka ugu adeegi jirtay iyo inay jebisay shuruucda waajibisay inay dowladdu Warbaahinta u sinnaato. Sida ra’yul-caamka badi bulshadu qabto, warbaahintuna xog-ogaalka u tahay, waxay arrintan warbaahinta lagu kala saaray sii murginaysaa natiijada ka dhalan karta, habacsanaanta iyo maamul-xumada hadhaysay Guddiga Xukuumaddu u saartay qaban-qaabada 18-ka May ee sannadkan 2019-ka. Waxa kale oo maamul-xumada iyo wax-kala-jiidashada Guddiga qaban-qaabada iyo hay’adaha Xukuumaddu u xil-saartay Xuskani sababeen inay meesha ka baxdo isku duubnidii bulshadu ku qaabbili jirtay waynaynta Maalintan Qaran, iyada oo aan magaalooyinka waawayn ee dalka sidii looga dareemi jiray iyo diyaar-garawgii bulshada midna si wacan uga muuuqan, iyadoo ay hal maalin oo keliyi innaga xigto 18-ka May, isla markaana taa beddelkeeda maalmihii ugu dambeeyey caasimadda Hargeysa lagu xidh-xidhay dhalinyaro si badheedh ah ugu labbistay Dhar ka samaysan Calanka Buluugga ah ee Soomaaliya, halkii Calanka Somaliland ay kaga labbisan lahaayeen. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumaddiisa, ayaa ku dhalliilan wax kasta oo iska beddela Xuska Maalinta Qaranka ee 18-ka May iyo isku-duubnimada Bulshada iyo Saxaafadda, isla markaana waxa looga fadhiyaa in Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta uu dirsaday saxaan nidaam-xumada muuqata, si Qarankani isugu sii duubnaado. Source
  2. Mahadaay (SMN):-Wararka ka imanaya deegaanka Buulo Axmed Cigow oo ka tirsan degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in wabiga Shabelle uu ku fatahay deegaankaas kuwo kale oo hoostaga Mahadaay, waxaana halkaasi ka barakacay dadkii degenaa. Wabiga Shabelle oo Maalmihii ugu Danbeeyay Biyuhiisu ay kor dhayeen ayaa ku fatahay Deegaanka Buulo Axmed Cigow oo dhinaca Galbeed ka xiga Wabiga Shabelle. Fatahaada wabiga ayaa geysatay qasaare lixaadleh, taasoo gaartay beeraleyda ku nool Tuulada, iyadoo uu ku fatahay qeybo kamid ah xaafado ay dadku degenaayeen islamarkaana baabi’iyay beero ay ku abuurnaayeen dalagyo kala gedisan. Guddoomiyaha Tuulada Buulo Axmed Cabdiqaadir Muuse Cumar ayaa ka codsaday Maamulka Gobolka Sh/dhexe iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle in ay ka caawiyaan sidii loo xiri lahaa buqda ka fatahday deegaankaas. Wabiga Shabelle ayaa xilliyada jiilaalka qalala halka uu xilliyada Guga iyo deyrtana uu fataho, waxaana loo aaneynayaa sababaha fatahaada inay tahay iyadoo Wabiga Salkiisa ay fadhido Ciid badan, taasoo aan laga saarin tan iyo markii ay Burburtay Xukuumadii Siyaad Barre. View the full article
  3. J/Hoose (SMN):-Wararka laga helayo Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in Deegaano ka tirsan Gobolkaasi ay dhaqdhaqaaqyo Militari ka wadaan Ciidamo Huwan ah oo Ka tirsan Jubaland iyo Kenya. Howlgaladan ayaa waxaa looga gol leeyahay sida ay Shabelle u xaqiijiyeen Ilo Xog-ogaal ah sidii Al Shabaab looga saari lahaa meelaha ay kaga sugan yihiin Gobolkaasi iyo kuwa kale ee Jubooyinka iyo Gedo. Xoogag taabacsan Xarakadda Al Shabaab ayaa shalay gacanta ku dhigay Deegaan lagu magacaabo Diif oo hoostaga Gobolka Jubadda Hoose ee Maamulka Jubaland. Al Shabaab ayaa soo dhigey Barahooda Internetka in ay Deegaankaasi kala wareegen Ciidamadda Maamulka Jubaland, xili uusan wax dagaal ah dhexmarin. Sidoo kale Al Shabaab ayaa tilmaamay in ay Ciidamada Maamulka Jubaland kala wareegen Saldhigyo ku yaala Deegaanka iyo Saanad Ciidan. Dhinaca Kale majirto wax war ah oo kazoo baxay Jubaland oo ku aadan Deegaanka Diif ee Gacanta looga Dhigay. View the full article
  4. (SLT-Hargeysa)-Guddiga baadhista Xasuuqa Somaliland, ayaa Meydadka 29 Ruux Xabaal-wadareed ugu sameeyay Xabaalaha Masallaha ee Koonfurta Magaalada Hargeysa. Meydadkan Xabaal-wadareedka loo sameeyay ayaa waxa bishii Afraad ee sannadkan laga soo saaray Xabaal-wadareedyo ku yaalla Xaafadd 150-ka ee Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo la aamisan yahay inay ku aaseen Ciidammadii Dawladdii Milletariga ahayd ee Soomaaliya oo badan ku dilay Somaliland, siddeetamaadkii. Aaska loo sameeyay Meydadkan Xabaal-wadareedyada lagu aasay, markii si Diinta Islaamka waafaqsan loogu tukaday ka dib, waxa Saxaafadda uga warramay Guddoomiyaha Guddiga baadhista Xasuuqa Khadar Axmed Like iyo Agaasimaha fulinta ee Guddiga baadhista, Axmed Ismaaciil Cali. “Waa markii labaad ee aanu Dumar ku dhex aragno Dadkaa la aasayey, waxaanu u ku aragnay Saddex dumar ah iyo laba Carrur ah, kuwaasi oo ka mid ah Dadka ay Diyaaraddu bannaanka ka heshay ee ay Garaacaysay. Dadkan aanu Qalfoofkooda meesha ku haynaa waa Ummad aan qori sidanin oo Shacab ah oo wax Alaale iyo wax ay geysteen aanay jirin oo gacan ka xaq-darani dishay. Dadkan waxaanu ka soo saarnay Xabaashii 18-aad, Dadkii aanu hore halkan ugu aasnayna waxay marayaan 203 hore iyo 29-kan.”ayuu yidhi, Guddoomiye Khadar Axmed Like. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Shirkadda Facebook ayaa sheegtay inay xidhay 265 baro warbaahineed oo ay lahaayeen shirkad Israa’ilyiin ah oo lagu bartilmaameedsan jiray Lix wadan oo qaarada Afrika ku yaalla iyo wadamo ku yaalla koonfurta Maraykanka iyo koonfur bari ee Aasiya. Barahan ayaa lagu faafin jiray warar maxali ah, xogo qarsoon oo leeyihiin siyaasiyiinta iyo wararka la xidhiidha doorashooyinka wadamada Nigeria, Senegal, Togo, Angola, Niger and Tunisia ”Kooxaha waxay isku muujinayeen inay yihiin degaanka, iyagoo faafinaya wararka maxaliga ah ee degaanka iyo xogo sir ah oo laga soo ururiyo siyaasiyiinta wadamada Africa qaarkood” Sidaas Waxaa yidhi madaxda ka hortega dambiyada internetka ee shirakdda Facebook Nathaniel Gleicher Baadhitaano ay samaysay shirkadda Facebook waxau ku ogaatay in qaar kamid ah Baraha la xiray lala xiriirinayo Shirkadda Archimedes oo laga leeyahay wadanka Israa;iil. Shirkadan ayaa laga joojiyay dhammaani Akoomadii ay ku lahaayeen facebooga. 5 ka mid ah Lixda wadan ee bartilmaameedku ahaa ayaa doorasho madaxweyne iyo Barlamaanka qabsaday saddex sanno ee la soo dhaafay, iyadoo dalkasi Tuuniisayana uu bisha December ee sanadkan uu doorasho gali doono Dhinaca kale, Facebook waxay sheegtay in Kooxahan baraha la xidhay ay ku kharash gareeyeen xayaysiinta iyo faafinta wararkooda lacaga dhan $812,000 intii u dhexaysay December 2012kii iyo April 2019kii. Lacagaha inta badan waxaa lagu bixin jiray Dollar, lacagta Israal ee Sheke iyo lacagta Riyaaska la yiraahdo ee Baraasiil. Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sameeyey dakhli ah 434 milyan oo dollar sannadii 2018, sida ku cad warbixin uu ugu gudbiyey Xafiiska Anshaxa Dowladda oo shaaca laga qaaday. Lacagtaas ayaa waxyar ka yar dakhligii madaxweynaha soo galay sanadii 2017 oo ahaa 450 milyan dollar. Trump ayaa dhaqaalahan ka sameeyey hantidiisa ma guurtada ah, sida hoteello iyo daaro kirooyin loogu jiro oo uu leeyahay, taasi oo dib usoo noolaysay su’aalaha ku sabsan in madaxweynaha uu lacag ka helayo dowlado ajnabi ah, isaga oo ka faa’iidaysanaya xilka uu ka hayo dowladda. Hotel-ka Trump International Hotel ee magaalada Washington DC ayaa waxa uu madaxweynaha sanadii 2018 ka sameeyey 41 milyan oo dollar. Si kastaba, hoteellada madaxweynaha ayaan faa’iido wada sameyn, ayada oo hotelka Mar-a-Lago ee gobolka Florida, oo xiliiyada qabowga uu madaxweynaha ku nasto, uu dakhligiisa hoos u dhaca 2.5 milyan oo dollar oo uu ahaa 22.7 milyan dollar sanadii 2018. Hotel-ka Trump ee Washington oo la furay 2016, islamarkaana wax yar un u jira Aqalka Cad ayaa waxaa aad u adeegsaday diblomaasiyiinta ajnabiga iyo madaxda shirkadaha. Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan in madaxweynaha uu saraakiil ajnabi ah lacag ka sameynayo, isaga oo magaciisa madaxweynenimo ka faa’iideysanaya, waxaana dadka dhaliila ay sheegeen in dad badan ay hoteelkiisa usoo degayaan kaliya inuu leeyahay madaxweynaha. Source
  7. (SLT-Jubba)-Dowlada Suudaanta Koonfureed ayaa Khamiista shalay sheegtay in 40 diblumaasi ay shaqada ka caydhisay kadib markii waajibaadkooda shaqo ay gudan Waayeen. War saxaafadeed ka soo baxay xarunta wasaarada Arimaha dibada ee magaalada Jubba ayaa lagu xaqiijiyay in shaqaalahan si aan sharci aheyn ay u qaateen fasax ayna wasaaradu Ogolaan. Diblumaasiyiintaan ayaa qaarkood ka howlgalayay safaaradaha ku yaalla Mareykanka iyo UK. Wasaarada ayaa sheegtay in ay ka xun tahay go,aanka ay ka qaadatay shaqaalahaan, balse aysna doorasho kale ayna laheyn si loo dardar galiyo howlaha Safaarada. Afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibedda Suudaan ta Koonfureed Mawien Makol ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in magacyada diblumaasiyiintan shaqada laga joojiyay ay soo daabici Doonaan. Shaqaalahaan ayaa qaarkood loo magacaabay xilalka muddo hada laga joogo afar Sanno Source
  8. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-170519.mp3 View the full article
  9. (SLT-Iran)-Dowladda Iiraan ayaa ku eedeysay Mareykanka ficilada uu ka wado bariga dhexe iyo cunaqabateynya uu ku soo rogay arin aan la aqbali Karin. Arintaan ayaa timid iyadoo Washington ay xoojisay cadaadiska ay ku heyso dowlada Islaamiga ah ee Iiraan. Wasiirka arimaha dibeda Iiraan oo Javad Zarif oo Khamiista maanta ah ka hadlayay magaalada Tokyo ee dalka Japan ayaa wuxuu sheegay in Tehraan aysan wadahadal la gali doonin Washington. Wuxuu intaa raaciyay in ficilka ku haboon ay ka bixin doonaan millatariga Mareykanka uu ku daabulay bariga Dhexe. Zarif ayaa intaa raaciyay in ay aaminsan yihiin xadgudubka Mareykanka uu yahay wax aan la aqbali Karin. Wasiirka arimaha dibeda Iiraan oo mudo todobaad ah safar dibada ah uga maqan dalka Iiraan ayaa la filayaa in Jimcaha barri ah uu u duulo dalka Shiinaha. Source
  10. (SLT-Afghanistan)-Duqeyn ay militariga ajnabiga ah ee jooga dalka Afghanistan ka fuliyeen gobolka koonfureed ee Helmand ayaa si qaldan u dishay 17 ka mid ah ciidamada dowladda, islamarkaana dhaawacday 14 kale. Sarkaal amni oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa VOA u xaqiijiyey dhimashadan, isaga oo sheegay in weerarkan uu ka dhacay duleedka magaalada caasimadda u ah gobolka ee Lashkar Gah, halkaasi oo ciidamada booliiska ay kula dagaalamayeen kooxda Taliban. Attaullah Afghan, oo ah madaxa guddiga gobolka Helmand, ayaa VOA u sheegay in taliyaha guutada booliska waddooyinka uu ka mid yahay dadka dhintay. Goor sii horeysay, wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan ayaa bayaan ku sheegtay in duqeynta lagu dilay sideed boolis ah, 11 kalena lagu dhaawacay, ayada oo xustay in baaritaan lagu hayo dhacdadan. Wasaaradda ayaa sheegtay in isbahaysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ee Afghanistan ay fuliyeen duqeynta kadib markii ay ka codsatay dowladda Afghanistan, si gacan looga siiyo iska caabinta weerar culus oo Taliban ay kusoo qaadeen degmada Nahr-e-Saraj. Ciidamada isbahaysiga weli kama aysan jawaabin codsi ay VOA ku weydiisatay inay ka hadlaan dhacdadan. Source
  11. ISIOLO, Kenya (Reuters) – A youth recruited while watching football. A Catholic school graduate. Girls desperate for cash and jobs. The al Qaeda-linked al Shabaab insurgency is using some unconventional accomplices to step up attacks beyond Somalia’s borders. January’s assault on an office and hotel complex in the Kenyan capital, Nairobi, was the first to be led by a someone who is not an ethnic Somali since al Shabaab began major cross-border operations in 2010. Twenty-one people were killed. The attack’s leader, Ali Salim Gichunge, nicknamed Farouk, was a 26-year-old Kenyan who attended a Catholic school and whose largely Christian Meru ethnic group has no ties to Somalia. He led four other assailants, including at least one non-Somali used as a suicide bomber, Kenyan security officials said. All died in the attack. They are among a growing number of Kenyans with no family links to Somalia drafted by the militants in recent years, according to relatives, security officials and analysts. Widespread poverty and unemployment mean al Shabaab can tempt recruits by offering cash or promises of work, researchers who interviewed defectors said. Even small gifts have lured some young men, their families said. These new recruits have expanded the militants’ reach and complicated efforts by Kenyan security forces to thwart them. “In the past, the security forces concentrated their efforts in parts of the country that are Muslim majority, Muslim-dominated,” said Murithi Mutiga, a project director for the International Crisis Group think-tank. “Now it’s much harder because al Shabaab has shown its adaptability by recruiting from outside the traditional areas.” At the same time, al Shabaab has expanded operations from Somalia into East Africa, where it has shown it can hit high-profile targets, such as the offices of Western multinational companies. FOOTBALL, DRUGS AND MOTORBIKES Gichunge, the son of a Kenyan military officer, was radicalised while working at a hotel Internet cafe in Isiolo town, his sister told Reuters. “It all started there. He was able to access new materials online, go to Facebook. He started studying Arabic language and all sorts of things,” Amina Sharif said. His Muslim family had sent him to a mission school in Isiolo, a dusty northern town that is a gateway to three vast, arid counties neighbouring Somalia. Many in Isiolo were reluctant to discuss him, fearing police attention. But some said al Shabaab recruiters had been targeting young, unemployed men from outside the ethnic Somali community there for years. Abdi Bidu, 53, said smooth-talking recruiters befriended his son Boru, then 20, three years ago while the young man was watching European football matches at video parlours. They offered cigarettes, motor-bike rides and khat, a mildly narcotic leaf, he said. The Bidu family are ethnic Boranas, a religiously mixed community not previously associated with Islamist violence. Police caught Boru trying to join al Shabaab near the Somali border in 2017, his father said. The young man went to court, but authorities inexplicably dropped the charges. His father keeps him at home now, forbidding him to use the phone. Bidu refused to allow Reuters to speak to his son, fearing a backlash. “There is a big problem in Isiolo,” Bidu said. “Many have been persuaded to join the militants. Many others have been caught by authorities and returned.” He said he knew three other families whose sons were recruited. Parents feel angry and helpless, and want the government to step up security. Martin Kimani, Kenya’s chief counter-terrorism official, said statistics on al Shabaab recruitment are classified. But a USAID-funded study in 2018, quoted in a local government strategy document, estimated the group had recruited about 200 young men in the county to which Isiolo belongs since 2013. Another 2018 survey asked 190 young Kenyans and 23 community leaders about violent extremism in Isiolo, neighbouring Garissa county, the coastal counties of Kwale, Kilifi and Mombasa, and Nairobi. Seventy percent of respondents had a family member, close peer or neighbour involved in such activities, including recruitment, the British-funded study found. SOPHISTICATED MESSAGING Al Shabaab grew out of a political movement that used Islamic courts to impose order on war-ravaged Somalia. U.S.-backed Ethiopian soldiers defeated the Islamic Courts Union in 2006, but its youth wing split off and launched an insurgency. Al Shabaab pledged loyalty to al Qaeda four years later, as the insurgency battled African Union peacekeepers in Somalia. Kenya sent troops there in 2011 after al Shabaab started recruiting and kidnapping on Kenyan soil. Two years later, the insurgents massacred 67 people at Nairobi’s Westgate mall. As al Shabaab morphed from a nationalist insurgency into an al Qaeda franchise, it increased its messaging to other nationalities. The first such outreach came after it killed 76 people watching the World Cup football final in twin suicide attacks in Kampala in 2010. Al Shabaab released a video threatening further attacks from militants who “speak your language and walk your streets”. Since then, the group’s messaging has grown more sophisticated. Kenya’s 2012 election was denounced in a press release and radio statement as a tool for infidels. Ahead of the 2017 election, the group released seven videos in local languages. In one video, eight al Shabaab fighters from Kenya spoke about grievances specific to their ethnic groups, such as land-grabbing on Kenya’s coast, according to a 2019 report by the London-based Royal United Services Institute for Defence and Security Studies. Other videos discussed the rising price of flour, or used graphics and statistics to build an economic case for Kenyan troops to leave Somalia. “Religious ideology … is entirely absent,” the report said. “It seeks to relate to educated, non-Muslim audiences.” COUNTER RADICALISATION Kenya launched counter radicalisation programs in 2014. Reuters attended one meeting organised by a grassroots peace group two weeks after the January attack. Fifteen parents who feared their sons had been recruited met at Isiolo’s dilapidated main police station. Organisers asked not to be named. Over samosas, boiled eggs and milky tea, police explained they needed information to thwart the militants. The police had been criticised after previous attacks for making mass arrests and hauling in suspects’ families for questioning. This was a softer approach. “These meetings encourage us … We are not alone,” said a mother whose son disappeared three years ago. She is furious at Islamist recruiters she blames for targeting her son. “We don’t know them. If we knew, we would lynch them,” she said. NEW TARGETS About two hours drive west from Isiolo, officials in Nyeri town say al Shabaab recruiters have penetrated one of its biggest slums. The central Kenyan town, far from traditional militant hotspots along the Somali border and the coast, is a staging point for Mount Kenya hikers and home to the grave of Boy Scouts founder Lord Baden-Powell. “It is not (only) people of Somali origin; we also have Kikuyu who have become members of the al Shabaab movement,” said Fredrick Shisia, the county commissioner. The recruiters were mainly local Kikuyus who had converted to Islam, two intelligence sources in Nyeri told Reuters. Shisia declined to provide figures on recruitment but confirmed that promises of cash and gifts are often made, sometimes under false pretences. One female recruiter in the city of Mombasa approached a tailor who was struggling to feed her family and offered the woman 30,000 shillings ($300) to make dresses, according to a 2018 study by Fathima Badurdeen, a researcher at the Technical University of Mombasa. When the woman went to deliver the dresses near the Somali border, she was seized and taken to an al Shabaab camp in Somalia, the report said. It did not say what happened next or how she escaped. Others were lured to Somalia for as little as 3,000 shillings ($30), said Badurdeen. The first female-led attack in Kenya came in September 2016. Three women entered a Mombasa police station, stabbed an officer and set off a petrol bomb before being shot dead. Gichunge’s wife, Violet Kemunto, was another non-traditional recruit. The Nairobi-born woman from the mainly Christian Kisii ethnic group described herself as an al Shabaab bride on social media. Police believe she has fled to Somalia. Editing by Katharine Houreld, Alexandra Zavis and Giles Elgood Source: Reuters
  12. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ururka Al Shabaab ay deegaan muhiim ah kala wareegeen ciidamada dowladda Kenya iyo kuwa Jubbaland. Al Shabaab ayaa baahiyay wararka la xiriira inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka DIIF ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Kenya iyo Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in dagaal dhowr Jiho ahaa Al Shabaab ay ku qaadeen deegaanka, kaasi oo sababay in ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay isaga baxaan, kadibna Al Shabaabla wareegtay gacan ku heynta deegaanka. Al Shabaab ayaa shaaciyay in dagaal xoogan uu ka dhacay deegaanka, islamarkaana khasaaraha ugu badan ay gaarsiiyeen ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM. Sidoo kale Al Shabaab ayaa baahiyay inay hub badan ka qaateen saldhiga deegaanka oo ay la wareegeen, waxaana muuqata inay saacado kadib ay isaga baxeen saldhiga deegaanka Diif oo weerarka uu ka dhacay. Inta badan deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ayaa waxaa mararka qaar weeraro ku qaada Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM. Majiro war kasoo baxay dowladda Kenya iyo maamulka jubbland oo ku aadan weerarka Al Shabaab ay sheegeen inay kula wareegeen gacanta ku heynta deegaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Although sports media rarely highlights this facet of the soccer star, Ronaldo has always been close to the Palestinian cause Source: Hiiraan Online
  14. Elders from Mandera County are said to have gone back to Somalia to renegotiate the Sh150 million ransom that Al-Shabaab militants are demanding for the release of two Cuban doctors kidnapped last month. Source: Hiiraan Online
  15. Gedo (SMN):-Xarakadda Al Shabaab ayaa guulo ka sheegtay Dagaal Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Duleedka Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo. War ay Al Shabaab ku faafiyeen barahooda internetka ayaa waxa ay ku sheegteen in Dagaalkaasi ay ku dileen askar ka tirsanaa Ciidamada Jubaland, waxaana ka mid ah dadka ay Al Shabaab Geeridooda sheegteen Taliyihii Ciidamadda Sirdoonka Magaalada garbahaarey ee Gobolka Gedo, Cornel Siyaad Caga laab. Dhinaca Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa iyaguna waxa ay guulo ka sheegteen Dagaalka Shalay ayaa Dagaal u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, Jubaland, iyo Ethiopia, oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab waxaa uu ka dhacey Deeegaano u dhaw Degmadda Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, waxana ka dhashay qasaaro labadda dhinac ah. View the full article
  16. Jowhar (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno deegaanada maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya inuu dhaqan galay amar madaxweyne Waare uu kusoo rogay shaqaalaha wasaaradda iyo kormeerayaasha ilaalinayay imtixaanadkii la joojiyay oo ahaa inay isaga baxaan deegaanada maamulkaasi. Wararka ayaa sheegaya in kormeerayaasha ay isaga soo baxeen magaalooyinka Jowhar, Beledweyne, Balcad iyo Buulo-barde, waxaana ay kusoo laabteen magaalada Muqdisho, sida xubno maamulka ka tirsan ay xaqiijiyeen. Xubnahaan ayaa madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare wuxuu ku eedeeyay inay ku fashilmeen ilaalinta iyo dhowridda howlihii loo xilsaaray, waana maamulkii ugu horeeyay oo ay kasoo baxaan kormeerayaasha ka socday wasaaradda waxbarashada. Kadib Joojintii wasaarada waxbarashada ay ku dhawaaqday inay joojisay Imtixaanaadkii Dugsiyada Sare waxaa madaxweyne Waare uu amar ku bixiyay in kormeerayaashii ka socday ay isaga baxaan deegaanada maamulkaasi, taasi oo hadda u muuqata inay dhaqan gashay. Isla maalintaasi Madaxweyne Waare ayaa magacaabay 11 Xubnood kuwaasi oo ku howlan sidii ay go’aan uga qaadan lahaayeen hadalkii wasaaradda waxbarashada ee ku aadanaa in la joojiyay dhamaan imtixaanaadkii dugsiyada Sare. Baraha Bulshda ayaa lagu faafiyey maadooyin ka mid ah Imtixaanka ay Sanadkaan qaadeysay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya taas oo keentay in imtixaanka la joojiyo,waxaana ka dhashay banaanbax ay dhigeen qaar ka mid ah ardaydii laga joojiyay Imtixaanka. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  17. Somaliland: Reports Of Police Officer Killed In Las Anod Reports are coming in of the killing of one police officer and the wounding of another at the RRU barracks in Las Anod. The killing occurred after an exchange of gunfire in the compound between members of the Somaliland Police Force’s anti-riot squad, the RRU. Unconfirmed reports suggest that the one fatality and the wounded officer came from the same community, and the attack appears to be a retaliation for the killing of two other Somaliland officers near the town of Garadag earlier this month. Neither the Somaliland Police Force nor the ministry of the Home Affairs have yet to comment on the situation. Somaliland will be celebrating it’s 28th anniversary of the reclamation of sovereignty on the 18th of a May, with dignitaries from several foreign nations attending the celebrations. Qarannews will endeavour to report any further development on this story. Qaran News
  18. Boosaaso (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, Kaasi oo sababay waxyeelo kala duwan, sida masuuliyiin ka tirsan Puntland ay sheegeen. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino wadada dhinaceeda lagu aasay, waxaana uu haleelay gaari ay la socdeen ciidamo Boolis ah oo marayay agagaarka xaafada Al Raxma ee magaalada Boosaaso. Qaraxaasi Miinada dhulka lagu aasay ayaa waxaa ku dhaawacmey seddex kamid ah ciidamada maamulka Puntland, kuwaasi oo la dhigay xarumaha caafimaadka ee ku yaala magaalada Boosaaso. Warar kale oo aan wali xaqiijin waxa ay sheegayaan iney sidoo kale jiraan khasaare soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta, walow Saraakiisha Maamulka Puntland ay sheegeen ineysan arintaasi xaqiijin karin. Ciidamada amaanka oo qaraxa kadib sameeyay howlgallo baaritaano ah, ayaa goobta isaga dhaqaaqay iyagoo aan wax dad ah u soo qaban weerarka, maadaama qaraxa kadib oo ay rasaas xooggan xigtay ku kala carareen dadka aaggaas ka agdhawaa. Waa qaraxii labaad oo todobaadkaan gudahiisa ka dhaca magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasi oo sababay waxyeelo kala duwan oo soo gaartay ciidamada amaanka ee maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  19. My family and I wake up before sunrise so we can eat as much as we can to get through the day,” Ugbad Abdi tells Vogue of her Ramadan experience. The model, who has walked in shows for Valentino, Fendi, Marc Jacobs and Burberry, starts her day in such a way for a month as she fasts. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (SMN) – Barnaamijka Tartan Aqooneedka Shabelle waxaa xalay isku arkay degmooyinka waa weyn ee Howlwadaag iyo Kaxda oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Labada degmo oo ku wada jiray Groupka A ee is araga labaad ee tartanka ayaa waxa ay soo bandhigeen tartan aad u xiiso badan. Guddoomiyaha gudiga tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle Maxamed Axmed Jimcaalle oo natiijadda ku dhawaaqay ayaa sheeciyay in Kaxda looga awood roonaaday tartankii xalay. Caawa waxaa isaga hor imaan doona tartan aqooneedka Shabelle degmooyinka Dharkenley iyo Xamarweyne oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Labadaani degmo ayaa ku wada jira Groupka B ee is araga labaad wareega koowaad ee Tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Taaba gelinta sanadkan ee baratanka Shabelle waxaa si wadajir ah u bixinaya Shirkadaha Becco iyo Coco-Cola. View the full article
  21. LONDON (AP) — The choice of Azerbaijan capital Baku to host the Europa League final has caused “unacceptable” and “extreme” travel problems for Arsenal fans, the English club said on Thursday. Source: Hiiraan Online
  22. Nairobi (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa Xaaf ku tilmaamay inuu diiday qaadashada Daawada xalka u aheyd Galmudug, taasi oo aheyd in waqti kordhinta uu doonayo uu kala tashada shacabka deegaanada Galmudug, islamarkaana ay iyaga u ogolaadaan. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa si cad u sheegay inaysan aqbaleyn muddo kororsi ay sameeyaan madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay in lagu kala tago shirkii magaalada Garowe. Madaxweyne Xaaf oo ka jawaabayay hadalkii madaxweyne Farmaajo isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu weydiistay Hub, balse uu ugu jawaabay “Ma Caabudwaaq ayaad ku weerari rabtaa” sida uu sheegay Xaaf. Madaxwayne Xaaf ayaa halkaasi ka jeediyay Hadalo Dhinacyo badan Taabanayay isagoona walaac ka muuniyay in Dowladda soomaaliya ay ku socoto Wadadii Bur burka, sida uu hadalka u dhigay. Dhankale Madaxwayne Xaaf ayaa ku eedeeyay Hoggaanka Dowladda Soomaaliya in ay Dhibaatooyin Hor leh ka wadaan Deegaanada Maamulada Jubbaland iyo Galmudug, taasi oo caqabad kale noqon doonto. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadeyso masuuliyadda dhibaatooyinka ka dhaca deegaanada maamuladaasi. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (SMN):– Taliye ku xigeenka Ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye-Guuto Zakiyo Xuseen Axmed oo ka warbixinaysay falalkii Amni daro ee saacadihii ugu danbeeyay ka dhacey muqdisho ayaa shaaca ka qaaday Boolisku gacanta in ay kusoo dhigeen 20 ruux oo looga shakisan yahay Alshabaab. Zakiyo waxaa ay sidoo kale sheegtay Laamaha amnigu in ay Bakaaraha ku toogteen nin isku day dil damacsanaa, islamarkaana dhinaca kale ay gacanta kusoo dhigeen Nin isna lagu eedeaynayo in uu Qarax ku xiray Gaari nooca yar ah oo ku qarxay Wadada Maka Almukarama gaar ahaan nawaaxiga Ex Shaleemadii Soomaaliya. Dhinaca kale Taliye ku Xigeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa shacabka uga Digtay in ay Guryahdooda ka kireeyaan Shaqsiyaad aysan ahayntooda aqoon, hadii ay taasi dhacdana waxaa ay hoosta ka xariiqday Gurigiii lagu qabto Xubin ka tirsan xoogaga Dowladda kasoo horjeeda ama Walxo lidku ah Amniga in sharciga la horgeyndoono. Taliye ku xigeenka ayaa Intaas raacisay boolisku in aysan aqbalayn banaanbaxayo ay sharci daro ku tilmamatay oo mararka qaar ay muqdisho ka dhigaan dad muujinaya afkaartooda Howlgaladan ayaa imaanaya xili saacadihii ugu danbeeyay ay muqdisho ka dhaceen falal amni daro oo kala duwan. View the full article
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Hormuud Foundation ayaa maanta Deeq Rashiin gar gaar ah u qeybiyay Qaar ka mid ah Qoysaska Dadka laga tira badan yahay ee ku dhaqan Magaaladda Muqdisho iyo Daafaheeda. Deeqdan oo ka Kooban Bur, Bariis, Sonkor, Baasto, Salliid & Timir ayaa Hay’adda Hormuud Telcom Foundation waxay Magaaladda Muqdisho ugu qeybisay in ka badan 250 Qoys oo ka mid ah Qoysaska ka soo jeeda Dadka laga tira badan yahay. Qeybinta Deeqdan ayaa Loogu talagalay in Qoysaskan ay u kaashadaan Gudashada Waajibaadka Bisha Barakeysan ee Ramadan. Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa Warbaahnta u sheegay in Ahmiyadda Qeybinta Deeqdan Raashiinka ay tahay sidii ay Dadka u baahan gar gaarka u caawin lahaayeen ilaa inta lagu guda jiro bishan Barakeysan ee Ramadaan. Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya iyo Suldaan Xasan Cabdulle Suldaan Kaariye oo ka qeyb galay munaasabadda deeq bixinta ah ayaa Shirkadda Hormuud uga Mahad Celiyay deeqdan oo ay ku tilmaameen in sanad walba ay sidan usoo gaadho, waxayna maamulka Hormuud ku amaaneen in ay yihiin kuwo aad ugu dhega fudud Codsiyada uga yimaada dadka gargaarka u baahan. Qaar ka Mid ah Dadka la Siiyay Deqdan oo ka mahad Celiyay Madaxda Shirkadda Hormuud iyagoo qeybinta deeqdana ay ku tilmaameen mid lagu soo beegay xiliga loo baahnaa. Tan iyo Markii la guda galay Bisha Ramadaan Hey’adda Hormuud Telcome Foundation ayaa waxay sidan oo kale u Qeybisay Deeqo isugu jira Raashiin iyo Lacag loogu talagalay in lagu Caawiyo Dadka u baahan.