Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,224
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mariam iyo caruurteeda Wakaaladda Wararka ee Reuters, ayaa sheeko cajiiba ka qortay, haweeney u dhalatay waddanka Uganda oo haysata 38 caruura oo dhammaantood mataano ah. Haweeneyda oo lagu magacaabo, Mariam Nabatanzi ayaa la guursaday iyadoo aad u da’yar, wxaana ay laba mataano ah ku curatay, iyadoo ay da’deedu tahay 12 sano jir. Haweeneydan ayaa markasta oo ay uur qaado, waxay dhashaa carruur mataano ah: sida laba, saddex , afar, shan ilaa ay ugu dambeyntii hal mar wada-dhashay lix mataano ah, inkastoo da’daasi ay dhammaantood ka dhinteen. Warbixinta ay qortay Reuters, waxaa lagu sheegay in haweeneydan uu ninkeedii ka tegay, saddex sano ka hor, iyadoo haysata 38 carruura oo dhammaantood mataano ah. Mariam iyo carruurteedu, waxay hadda ku nool yihiin tuulo 50 km u jirta magaalada Kampala ee caasimadda dalkaasi Uganda, waxaana guri u ah afar qol oo ku dhex yaalla mid kamid ah beeraha bunku ka baxo ee tuuladaasi. Sida ay sheegayso Mariam, markii u horreysay ee ay mataano dhashay, waxay tagtay xarun caafimaad, waxaana dhakhtarkii u sheegay, in cabbirka ugxan-sidayaasheedu ay aad u weyn yihiin, isagoo kula teliyay in aysan qaadan dawooyinka dhalmada lagu joojiyo, si aysan dhibaato caafimaad uga dhaxlin. Mariam ayaa wakhtigan la daala-dhacaysa korinta ubadkeedan badan, kadib markii uu ka tegay ninkii ka dhalay oo sida ay sheegtay kolkii horeba aad u dayici jiray qoyska. (Sheekada oo dhan halkaan ka akhriso) Waxay sheegtay in wakhtigeeda badankiisa ay ku qaadato, daryeelka ubadkeeda oo uu culays weyni ka haysto, maadaama ay cunto, dhar, daweyn iyo waxbarasho ka sugayaan 38 carruur ah oo aan cid kale la korinayn. Taasi oo ay sii dheertahay in aysan helin shaqa fiican oo ay noloshooda ku maarayn karto. PUNTLAND POST The post Sheeko Cajiiba: Haweeney dhashay 38 mataano ah appeared first on Puntland Post.
  2. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland ayaa maanta ku wareejisay Gudoomiyeyaasha Waxbarashada Gobolada ID kaaradii ardayda imtixmaadka u fariisanaysa Bisha may 18/2019. Gudoomiyeyaasha [...] Source
  3. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed ayaa waxaa lasoo gaarsiiyay dacwad ka dhan ah madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle, Maxamed Cabdi Ware iyo ku-xigeenkiisa Cali Xuseen Guud-laawe, waxaana dacwadaas gudbiyay 11 xubnood oo ka mid ahaa wasiirradii hore ee maamulka Hir-Shabeelle. Mas’uuliyiinta dacwadda gudbiyay qaarkood ayaa waxay sheegeen inay la xiriirto dacwadooda xaquuq mushaari ah oo ay ku leeyihiin madaxda Hir-Shabeelle, isla markaana ay doonayaan in sharciga uu ka siiyo xuquuqda uga maqan. Wasiirkii hore ee Xanaanaha Xoolaha Hir-Shabeelle, Dr. Xuseen Cismaan oo ka mid ah xubnaha dacwada gudbiyay ayaa sheegay in dacwadaas ay soo martay heerar kala duwan, isla markaana shalay ay gaartay maxkamadda sare ee dalka, sidoo kalena maalinta Isniinta ah dacwada la guda geli doono. Waxa uu sheegay in dhamaan xubnaha dacwada gudbiyay ay shaqeynayeen muddo 15-bilood ah, isla markaana aysan helin wax mushaar ah, ayna tahay sababta ay dacwadda u gudbiyeen. “Innagu waxaan hoos-tagi jirtay madaxtooyada, iyada ayaana mushaarkii aan lahayn na siin waday, waana taas midda keentay inaan dacwaddan u gudbinno maxkamadda sare ee dalka, si aan xuquuqdeenna u helno,” ayuu yiri Dr. Xuseen Cismaan Cilmi. Dacwaddan ayaa noqonaysa middii ugu horreysay oo mas’uuliyiin ka tirsan kuwa maamul-goboleedyada dalka laga gudbiyo, waxaase dacwaddan ay ku soo beegmaysaa iyadoo khilaafyo siyaasadeed oo xooggan ay soo wajaheen dalka, gaar ahaan xukuumadda federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn, Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle iyo ku xigeenkiisa oo dacwaddan laga gudbiyay ayaan iyagu ka jawaabin dacwadda la sheegay in laga gudbiyay, taasoo aan la ogeyn go’aanka kasoo bixi doona. PUNTLAND POST The post Dacwo xasaasi ah oo laga gudbiyay Madaxda Maamul ka mid ah kuwa gobollada dalka appeared first on Puntland Post.
  4. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa Sabtida berriya ku soo wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan xafiiskiisa. Madaxweynaha ayaa sida qorshaysan magaalada Garoowe kulan kula qaadan doona xildhibaanno ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda degaannada Puntland kuwaasi oo shalay soo gaaray caasimadda Puntland. Senetorada ayaa la sheegay in Puntland u yimaadeen wada-tashi ku aaddan arrimaha ka dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xukuumadda Puntland. Dr Cabdiraxmaan Faroole oo shalay soo dhoweeyay xubnaha ka socda aqalka sare ee Garoowe yimid ayaa dhaliilo culus u jeediyay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyay in ay fara-gelin ku hayaan dowlad goboleedyada iyo in ay Dastuurkii dalka marin-habaabiyeen. Madaxweynaha Puntland oo maalmahan safar ku joogay magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya ayaa halkaasi kula kulmay wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo qaar kamid ah safiirada dalalka dunida u jooga Soomaaliya oo sida la sheegay uu kala hadlay arrimaha u gaarka Puntland. Sidoo kale madaxweynaha ayaa la kulmay madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan dalka Kenya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo soo geba-gabeeyay safarkiisi Nairobi appeared first on Puntland Post.
  5. Garowe (Caasimada Online)-C/raxmaan Maxamed Faroole oo kamid ah xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka ayaa markaan kamid noqonaya xubnaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya oo markii hore saaxiib dhow uu la ahaa. C/raxmaan Faroole wuxuu kamid ahaa xubnaha dowladda Soomaaliya ku matalayay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe, isaga oo mar walbaa doonayay isbadal ka dhaca Puntland, maadaama uu dagaal adag kula jiray madaxweyne Gaas. Senetor Faroole ayaa walaac xoogan kamuujiyay dhaqan gelinta heshiisyadii ugu dambeeyay ee dowladda Soomaaliya ay la gashay madaxweynaha Jubbaland, isaga oo sheegay inuu qeyb ka ahaa xubnaha loo qorsheeyay dhaqan gelinta heshiiskaasi. Wuxuu sidoo kale sheegay dowladda Soomaaliya xubno ay u qorsheysan inay doorashada Jubbaland u matalaan inay dhaqaalo ku qaataan magaalada Muqdisho, taasi ay wali cadeyneyso inay faragelin ku heyso Doorashada Jubbaland Dhaqaalo badan ayuu sheegay in dowladda ay ku bixisay doorashadii Puntland iyo Koofur Galbeed, haddana ay dooneyso sidaasi oo kale inay dhaqaalo ku bixiso Jubbaland. “Halkaan markaan imaanayay faragelin xoog leh ayaa ka dhacday oo dowladda dhexe lacag badan ku bixineysay, 21 ruux oo halkaan ku tartamayay badankood ayaa dowladda lacag siisay” “Arinta Jubbaland ayaa hadda taagan, oo heshiis hadda lala galay markii xamar la iskuugu yimid, waxaan isku daynay inaan ka shaqeyno sidii loo dhaqan geli lahaa heshiiskaasi, balse waxaa muuqata inaan la dhaqan gelin waxii lagu heshiiyay”. “Dad badan oo Xamar lagu masruufo ayaa oo halkaasi ka tartamaya, Faragelin ayaa wali lagu hayaa doorashada Jubbaland, caalamka wuu og yahay, shacabkana hadda ha ogaadaan”ayuu yiri Senetor Faroole. Dhawaan Jubbaland waxaa ka dhacaya doorashada madaxweynaha iyo soo xulista xildhibaanada, waxaana dowladda Soomaaliya markale culeesyo kaga imaanayaan maamul goboleedyada dalka. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  6. Baydhabo(SMN):-Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil ibraahim oo ku sugan Magalada Baydhabo Janaay ayaa sheegtay in ay Dardargalinayan Buuxinta Sedex Kursi oo ka banana Parlamaanka Soomaaliya Kuwaaso Matalaya Shacabka Koonfur Galbeed. Kuraasta lagu tartamayo ee ka banaaan Golaha shacabka waxaa kamid ah Midkiiuu Baneeeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xassan maxamed Lafta Gareen Xaliimo yarey ayaa Xaqiijisay Xubinimadii Parlamanka ee uu Lumiyey Lafta Gareen in uusan wax damac ah uga Jirin Hada islamarkana uu isagu u balanqaadey in uu kala qayb qaadan doono sidii xubnahasi maqan loogu dooran lahaa Baydhabo. Dhanka kale waxaa ay ugu Baaqday Murashaxiinta u hanqal tagaya Kuraastan in ay Sharuudaha soo buuxiyan. Cod Xubno katirsan Parlamanka Soomaaliya ayaa Marar ka qaar lumiya Xasaanadooda ha noqoto in ay iyagu si isgood ah uga tanaasulan iyo in ay lasoo gudboonaato Xalado Dabiici ah sida in uu Mudanuhu Geeriyoodo ama Geeriyooto. View the full article
  7. Sh/Hoose(SMN):-Rakaabkan oo saarnaa Gawaari Xamuul ah ayaa Ragan Hubaysan waxa ay ugaysteen Boob iyo dhibaatooyin kale, sida ilo Deegaanka ah ay u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle ee Magalada Muqdisho. Ilaa 5 Ruux oo haween ah ayey jirdileen Kooxda, iyadoo 2 kamid ah Dumarkaasi la sheegay in ay qabaan Dhaawacyo halis ah. Inta badan wadooyinka isku xira Degmooyinka iyo Deegaanada hoostaga Gobolkaasi waxaa ka dhaca falal lagu dhibaateynayo shacabka masaakiinta ah, waxaana Mas’uuliyadda arintaasi dhabarka u ridanaya Maleeshiyaad Hubaysan oo mararka qaar xiran Tuutaha Ciidamada Dowladda. View the full article
  8. Sh/Hoose(SMN):- Wararka laga helayo Deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ku waramaya in halkaasi uu xalay ka dhacay Dagaal u dhaxeeya Xarakadda Alshabaab iyo Ciidamadda Dowladda. Alshabaab ayaa Weerar kusoo qaadey Saldhigyo kuyaala Deeganadaasi, waxaana halkaasi ka dhacay Dagaal toos ah sida ay Shabelle xaqiijiyeen Ilo Madaxbanaan oo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Goobta ay wax ka dhaceen xalay laga maqlayey dhawaaqa Hub culus. Xarakadda Alshabaab ayaa sheegtay in Dagalkasi ay ku hantiday fariisimo muhiim u ah Ciidamadda Dowladda. Majirto wax hadal ah oo kazoo baxay Taliska Ciidamada Dowladda balse Sabiid iyo Caanoole ayaa Alshabaab waxa dhawaan kala wareegay Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed. View the full article
  9. Jowhar (Caasimada Online)-Wasiiro ka tirsanaa golihii wasiirada Hirshabeelle ayaa cadeeyay in dacwad ka dhan ah madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ay u gacan geliyeen maxkamadda sare ee dalka. Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa socday diyaarinta Dacwadaasi oo ay wadeen wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle, kuwaasi oo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay, waxaana hadda ay sheegeen in maxkamadda sare ee dalka ay aqbashay qabashada dacwadaasi. Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha Hirshabeelle Dr Xuseen Cismaan Cilmi oo kamid ah wasiirada mushaaraadkooda ka maqan yahay ku dhawaad 15 bilood ayaa sheegay inay xaq u leeyihiin inay mushaarkooda raadsanadaan, maadaama si qaldan loo maareeyay dhaqaalaha horey loogu qorsheeyay. Wuxuu sidoo kale sheegay inay dacwadaasi ka gudbiyeen masuuliyiinta ugu sareyso madaxtooyada oo kala ah Maxamed Cabdi Waare iyo Cali Guudlaawe Xuseen. “Madaxtooyada ayay quseysaa, madaxtooyadana Waare iyo Guudlaawe ayaa ka shaqeeya, dacwadaasina waan gudbinay, waxaana u dacwooneynaa waa Xuquuqda Mushaarkeena, wasiir kastaa 2000, ayuu leeyahay, wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dowlaha waxay xaq u lahaayeen 1500, muddo 15 bil ayuuna xaqa naga maqan yahay” “11 Wasiir ayaa hadda xaqooda raadsanaya, waan ka badneyn laakiin kuwa kale waxyaabo kale ayay xiirinayaan, mana ahan wax isku xiran, qofna xuquuqdiisa wuu ka tanaasuli karaa, qofna wuu raadsan karaa, anagana waan raadsaneynaa xaqeena oo si qaldan loo maamulay”ayuu yiri Wasiirkii hore xanaanada Xoolaha. Dhaqaalaha ugu badan ee Hirshabeelle kasoo gala Deegaanada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo lacagta dowladda u qorsheyso maamulka waxaa la tuhmayaa inay kala qeyb sadaan Waare, Guudlaawe iyo Sheikh Cismaan Barre oo ah guddoomiyaha baarlamaanka. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka madaxda ugu sareyso maamulka Hirshabeelle oo ay kaga hadlayaan dacwadda laga gudbiyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Senetor C/risaaq Cusmaan Jurille oo ka mid ah xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka ayaa ka hadlay muddada u hartay dowladda Soomaaliya iyo culeesaadka ka jira doorasho dalka ka dhacda 2020/2021. Isaga oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Garowe ayuu sheegay inay u tageen Puntland inay kulamo la qaataan madaxda maamulkaasi, iyaga oo kala hadlaya arimo badan oo ay kamid yihiin siyaasadda dalka labada sano ee u hartay dowladda. Wuxuu sheegay in xildhibaanada labada aqal iyo madaxtooyada kaliya labo sano ay kaga hartay muddo xileedkooda, islamarkaana ilaa iyo hadda aan la iska wareysan hanaanka doorashada xigta ee dalka ka dhaceyso iyo qaabka ay noqoneyso. Wuxuu walaac badan ka muujiyay in doorasho ka dhici weyso dalka, maadaama aan ilaa iyo hadda go’aan cad laga gaarin qaabka ay noqoneyso doorasho ka dhacdo dalka. Wuxuu sheegay in magaalada Garowe ay u tageen sidii arimahaasi ay kagala hadli lahaayeen madaxda Puntland, islamarkaana xubnaha Puntland ku matala dowladda ay go’aano u qaadan lahaayeen. “Labo sano ayaa naga dhamaatay labadaasi sano wax isku yimid ilaa maanta ma jirto oo ka wada hadlay arimaha doorashada, ma waxaan ku noqoneynaa qaabkii hore, ma qaab cusub ayay noqoneynaa doorashada, waa inaa isku nimaadaa oo arimahaan ka wada hadalnaa”ayuu yiri Senetor Jurille. “Khilaaf xoog leh oo dastuurka dalka ah ayaa jira, waxaa todobaadkaan Meel ka baxsan Somalia ku shiray xubno badan oo dhaliilsan dowladda iyaga oo ka walaacsan Soomaaliya iyo halkay ku socoto, dalkoodana culees ayay kaga shiri waayeen.”ayuu hadalkiisa kusii daray. Dowladda Soomaaliya ayaa wajahday mucaaradkii ugu badnaa, waxaana xubnaha Puntland matala ay qabaan dhaiilo badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Afgooye (Caasimada Online)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helaya weerar xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab ku qaadeen saldhiga deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeelaha Hoose ku leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada Al Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen deegaanka oo dhawaan ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen, islamarkaana uu tagay madaxweyne Farmaajo. Dadka deegaanka Sabiid ayaa sheegay in dagaalka u dhaxeeya Ururka Al Shabaab iyo ciidamada dowladda uu muddo halkaasi ka socday, waxaana jira khasaaro soo gaaray dhinacyada dagaalamay. Saraakiil u hadashay ciidamada xooga dalka oo ku sugan Sabiib ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka Al Shabaab ay iska difaaceen, islamarkaana Al Shabaab ay ka dileen xubno badan. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha internet-ka waxa ay ku sheegeen in weerarkaas ay ku qabsadeen mid ka mid ah Saldhigyada Ciidamada Dowladda ee deegaanka Sabiib,isla markaana askar ay ku dileen. Deegaanada Sabiib iyo Caanoole ee duleedka degmada afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dhowr todobaad ka hor waxaa Ciidamada Dowladda ay kala wareegeen Ururka Al-Shabaab. Al Shabaab ayaa waxay sido kale sheegay in markii hore weerarka uu ku bilowday madaafiic, kadibna ciidamadooda ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Mareykanka tababaray ku lahaayeen deegaanka Sabiib. Caasimada Online Xafiiska Sh/Hoose Caasimada@live.com
  12. Magaalada London ee caasumada wadanka Britain ayaa waxaa lagu shaaaciyey xisbi siyaasadeed loogu magac daray “Xisbiga Wadaniga Soomaaliyeed”. Xisbigan waxaa dhisay siyaasiyiin caan ka ah [...] Source
  13. Sawir hore: Burcad-badeed la qabtay Hawlgalka Midowga Yurub ee ka hortagga iyo la’dagaallanka burcad-beedda xeebaha Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay qabteen 5 ka tirsan burcad-beedda Soomaalida oo weerarro geystay maalmihii la soo dhaafay. War qoraal ah oo ka soo baxay hawlgal Midowga Yurub ee loo yaqaan EU NAVFOR ayaaa lagu sheegay in kooxda la qabtay ay jimcihii hore ee ku began 19-kii bishan April ay xeebaha Soomaaliya ka af-duubteen doonni kalluumeysi oo laga leeyahay waddanka Yemen kadibna ay doontaasi ku weerar tageen. Sida qoraalka lagu sheegay kooxda burcad-badeedda ah oo adeegsanaya doontii ay af-duubteen ayaa maalintii talaadada ee 23 bishan April weerar ku qaaday doonni kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Koonfur Kuuriya xilli ay maraysay badweynta Hindiya gaar ahaanna meel 280 nautical miles u jirta xeebaha Soomaaliya. Doonnida Kuuriyaanka oo magaceeda lagu sheegay Adria ayaa si xawli ah ku socotay kadib markii ay soo weerareen kooxda burcad-badeedda waxaana ay u tagtay doonni kale oo kallluumeysi taasi oo iyadana laga leeyahay dalka Spain sida ay sheegtay EU NAVFOR. Doonnida Spanish-kaa oo magaceedu yahay Txori Argi iyo doonta Kuuriyaanka ee Adria oo iskaashanayaa ayaa sida qoraalka lagu sheegay iska difaacay kooxda burcad-badeedka ee weerarka qaaday. Isla maalintaasi doonni kale oo magaceedu yahay FV shin Shuen Far ayaa sheegtay in ay u soo dhowaadeen laba doonyood oo nooca yar yar ah balse ay dib u laabteen kadib markii ilaalo hubaysan oo doonta saarnaa ay rasaas huwiyeen. Hawlgalka Midowga Yurub ayaa sheegay in kadib dhacdooyinkaa isxigay ay direen diyaarad nooca sahanka ah oo soo heshay halka lagu haysto doontii Yemen ee la af-duubtay jimcihii hore dabadeedna hawlgal ay ku qaadeen halkaasi lagu qabtay 5 burcad-beeda oo af-duub u haystay doonnida islamarkaana laga sii daayay doontii iyo 23 qof oo saarnaa. Hawlgalka EU NAVFOR ayaa sidoo kale doonyaha iyo maraakiibta maraya xeebaha Soomaaliya ku boorriyay in ay xoojiyaan ilaaladooda gaarka ah si ay isaga difaacaan haddii weerar uga yimaado kooxaha burcad-badeedda Soomaalida. Af-duubta marakiibta iyo doonyaha ay u gaystaan burcad-badeedda Soomaalida ayaa si weyn hoos ugu dhacay tan iyo sannadkii 2012 kadib markii la wiiqay awoodooda balse waxaa jiray dhacdooyin af-duub oo ay geysteen sannadihii tegay. PUNTLAND POST The post Koox ka tirsan burcad-badeeda Soomaalida oo 3 weerar qaaday kadibna la qabtay appeared first on Puntland Post.
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in saddex Gabdhood oo Soomaali ah lagu la’yahay Dalka Cyprus. Xafiiska UNHCR ee Cyprus, ayaa baahiyay xogtan waxaana xafiisku uu sheegay in Gabdhahaas la waayay hal Todobaad ka hor. UNHCR ma sheegin magacyada iyo xogta Gabdhaha Soomaalida ah ee lagu la’yahay dalkaasi kuwaas oo xeradii ay ku jireen laga waayay. Hay’addu waxaa ay sheegtay in ay u baahantahay baadgoob dhameystiran,waxaa kale oo ay soo jeedisay in wax laga qabto baahiyaha dadka qaxootiga ah eek u jira Xeryaha Dalka Cyprus, kuwaas oo aan heli Karin shaqo iyo dhaq dhaqaaq kale. Dadka aan qaan gaarin eek u jira xeryaha ku yaalla Dalka Cyprus ayaa loo oggolyahay in ay halkaas degganaadaan inta ay ka gaarayaan da’da 18 jir,waxaana kaddib qofkasta laga doonayaa in uu banneeyo halka uu ku noolyahay noloshiisana maareeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi; Aqristoow waxaa maalintii Isniinta, taariikhduna kubeegneyd 22-kii bishan Abriil ee 2019-ka, shir lagu qabtay caasimada Nairobi, ee dalka xurgufta arinta badda inaga dhaxeeysee Kenya. Shirkaa oo ay isugu yimadeen qeyb ka mid ah, siyaasiyiinta mucaaradka ku ah, dowladda dhexee loowada dhanyahee Soomaaliyeed. Shirkaa waxaa laga soosaaray war-Murtiyeed ka koobnaa dhowr qodob, oo eey ka mid aheyd, ineey xukuumad cusuboo tan hada jirta garab-yaacda, soodhisi doonaan bisha Juune 2019-ka (Bil kabacdi), hadaan sideey rabaan looyeelin. Marka aad eegto sawirka guude siyaasadeed (The bigger political picture), iyo xurgufta dhanka baddeena ah, ee qarankeena Soomaaliyeed kala dhaxeeysa dalka Kenya, waxaa kuu muuqaneeysa, in Kenya oo hore uga mamnuucday siyaasiyiinta mucaaradka sheegta, ineey dalkeeda kuqabtaan shirar lagu duminayo dowlada Soomaaliya, ay hada iskadaa ineey ufasaxdo’e, eeyba wax ka abaabuleeyso shirarkii dowlada Soomaaliya horeyba loogu foowdeeyn jiraye dalkeeda lagu qaban jiray, si eey cabur siyaasadeed (Political pressure) uga dhigto doowlada Soomaaliya. Nasiibdarrada! Ugu weyn ayaase ah, ineey isticmaaleeyso siyaasi-isku sheegyo, duubka sare Soomaali ka ah, balse aan garan karin, ama aanba kala jecleyn, meesha Kenya ka dabaaqtameeyso ee ah, ineey dowlada Soomaaliya cadaadis siyaasadeed saarto, buuq iyo foowdana ku furto, maadaama dowlada maanta jirta, ee matasha qaranka ummadeena Soomaaliyeed iska diiday, ineey la laabato kiista badda, ee yaalla maxkamada caalamiga ah, si loogu wada hadlo maxkamada bannaankeeda, xeer jajabna loogu xalliyo, maadaama Kenya sidaa dalbatey, una aragto ineey danta qarankeeda sidaa ugu jirto, ogtahayna in laga guuleeysanayo, mar hadii lagu kala baxayo maxkamada aduunka. Waa su’aale, maxaa damiirka, iyo dadnimada kaqaaday, kuwan laga dhiganayo, dubbihii dalkooda lagu garaacan lahaa, si dalkaa shisheeyee Kenya ugaaro danaha qarankiisa? Waxaa jirta xikmad aduunkoo dhan caan ka ah, oo uu yiri nin la dhoho Mark Twain, ninkaa oo noolaa intii u dhaxeeysey (30-kii Nofeembar 18350-kii–Illaa- 21-kii Abriil, 1910-kii). Ninkaa wuxuu ahaa qoraa, macallin, daabacaa, iyo garacsade intaba. Wuxuu af-qalaad ku yiri sidatan: “Patriotism is supporting your country all the time, and your government when it deserves it”, taasoo micnaheedu yahay: “Wadaniyadu waa in aad taageero, ama garab-istaagto dalkaada markasta, doowladaadana marka eey u qalanto, ama istaahisho”. Waa yaabka yaabkiise! Siyaasiyiintaa eey Kenya kushirisey Nairobi, ma intaa ayey garan waayeen subxaanallaahiye! Bal hadana aan iftiiminno kooxdan Kenya inoo isticmaaleeysee, xerada eey kusoo xareeysatay. Siyaasiyiinta meesha isugu yimid waxeey ahaayeen illaa shan (5) qeeybood: 1-Qeeybta koobaad; Waa kuwii in mudo ahba qeeylada, sawaxanka, iyo buuqa kawaday caasimada qarankee Muqdisho. Kuwan waxaa ugu caansan “Afarta Isku Jufada ah”, iyo “Qeeyla-Quutayaasha” aan kaxishoone, meelaha la taagan ereyada ah: 91-kiibaa loo noqonayaa, iyo RW Xasan Cali Kheyre sidee raysalwasaare looga dhigay, Sida: C/Raxmaan C/Shakuur Warsame (Mr. Farmaajo ayaa xamar marti ku ah), Axmed Macalin Fiqi (Mr. 91 ayaa loo noqonayaa), Kamaal Daahir Gutaale, & C/Qaadir Cosoble, …. Iyo kuwa la midka ah. Raysalwasaaraha hala eryo, oo midkeen halagu badaladii eey bilaabeen isla maalintii raysalwasaaraha lamagacaabay, ayey maantana ku sooceliyeen. Wax cusub masoo kordhin, illeen hadafkoodu waa intaase. Nasiibwanaag! Illaa maanta weey ushaqeyn la’dahay, beriba yeelkeede. 2-Qeybna labaad; Waa kuwo xilal looga qaaday sababo kala duwan, kana caareeysan xil ka qaadistaa, oo dowlada uga aargoosanaya shirkan, iyo fowdada laga soosaaray, Sida: Cabdi Faarax Juxa (kaasoo xilka looga qaaaday qabyaaladeyntii ba’neyd, ee Wasaarada Arimaha Gudaha), iyo Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe (kaasoo xilka looga qaaday, iskudaygii gudaha ka fashilinta doowladada maanta jirta, waa siduu u abaabulay kiiskii Qalbi-Dhagax’e ), …. Iyo kuwa la midka ah. 3-Qeybta sadexaad; Waa koox in mudo ahba doowlada ka taageereeysey/difaaceeysey dhanka warbaahinta, maadaama qaarkood madaxda dowlada saaxiibo dhow la yihiin, halka qaar kalana saaxiibtinimadaa ku darsadeen, ineey isku xisbiba (Tayo) ahaayeen madaxweyne Farmaajo, balse markii eey ku hungoobeen, rajadii aheyd in arimahaa dartood xil culus loogu magacaabidoono, ayey furka ku tuureen doowlada, si eey umuujiyaan caradooda xargaha goosatay, isuguna diyaariyaan sidii eey ulasii qabsan lahaayeen, madaxda imaandoonta mutaqbalka, waa hadii madaxda maanta joogta aaneey soonoqone, maadaama dowlada maanta jirta, waqtiga kasii dhamaanayo. Dadkaa waxaa ka mid ah: Dr. Cabdi Nuur Sheekh Maxamed, …. Iyo kuwa la midka ah. 4-Qeybta afaraad; Waa kuwo dagaal qabyaaladeedoo fac weyn kujira, oo mabda’a qabyaaladeed shalayna madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku weerarayey, in mudo ahna madaxweyne Farmaajana ku taageerayey. Waxeey rajeeynayeen ineey arkaan madaxweyne Farmaajo oo dhankasta ugu sad-buriya maamullada qaarkood (Sida Jubbaland iyo Puntland), kuwa kalana u geysta, burburin eeysan abidkood kasoo kaban (Sida Gal-Mudug iyo Hir-Shabeelle). Waxeey sidoo kale filayeen, inuu madaxweeynuhu isku darsandoono awoodaha qarankoo dhan, sidii hore u dhici jirtayba.Waxeey aad uga careeysan yihiin, madaxweynahan awoodiisii sharciga aheyd udaayey raysalwasaaraha, kuna ekaaday tiisa dastuuriga ah. Ragaa waxaa horboodaya: Feeysal Cabdi Rooble (Mr. No diin Islaam!). Waxaana ka mid ah Prof. Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi), …. Iyo kuwa la midka ah 5-Qeybta ugu dambeeyseysee shanaad, Waa qeyb tirade lagu badsado, iskana ah “Sumeeynu Dhaan Raacday”, iyo halagaa dhex arko wixiiba doowlada ushiraya. Mahadsanidiin Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor) Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed. abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. Muqdisho (PP) ─ Dagaal culus ayaa xalay ku dhexmaray ciidamada DF iyo xoogag ka tirsan kuwa Al-shabaab deegaannada Sabiid iyo Caanoole oo ku dhaw degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, inkastoo aan weli la ogeyn khasaarha ka dhashay inta ay le’eg tahay. Iska-hor-imadkan ayaa billowday kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerareen saldhig ay ciidammada dowladda Spmalia ku leeyihiin labadaan deegaan, deegaannadaas oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada DF uuna booqday madaxweyne Farmaajo. Wararrka ayaa sheegaya in dagaalkan uu socday muddo saacado ah, balse illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay, inkastoo dadka deegaankaas ku nool ay sheegayaan inay khasaarooyin kala duwan jiraan. Saraakiil ka tirsan ciidanka millateriga Soomaaliya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-shabaab, isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale, Kooxdas Al-Shabaab ayaa warar ku qoreen baraha internet-ka ay ku leeyihiin waxay ku sheegeen in weerarkaas ay ku qabsadeen mid ka mid ah saldhigyada ciidamada Dowladda ee deegaanadaas, isla markaana ay ku dileen tiro askar ah. Ugu dambeyn, Deegaanada Sabiib iyo Caanoole ee duleedka Afgooye ayaa waxaa dhowr todobaad ka hor la wareegay ciidamada DF, iyadoo saraakiisha ciidamada hoggaamineysa ay sheegeen inay sii wadi doonaan hawl-galka ka dhan ah Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo xalay weerartay Saldhigyo ay Ciidamada DF ku leeyihiin Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamuud Ow-Cabdulle Cariif oo kamid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan islamarkaana wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda qoyskii Marxuum Caasho Ilyaas oo dil iyo kufsi loogu geestay Gaalkacyo. Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in falkii ka dhacay Gaalkacyo hadii aan loo helin Ciqaab la marsiiyo dadkii ka dambeeyay ay ka dhalan doonto Ciqaab iyo Aafo xun oo saamayso dhamaan umadda Soomaaliyeed. Sheekha ayaa sidoo kale fal aad u xun ku micneeyay in qoyskii dhibka gaaray hadana ay la sii kulmaan jir xumeen iyo faquuq bulshada dhaxdeeda ah. Sheekh Maxamuu ayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Gaalkacyo ka dalbaday in ay ka dhiidhiyaan cadaalad darrada dadkii falkaasi fuliyay iyo faquuqa lagu sameeyay qoyska oo Ciqaab laga dhaxli karo aduun iyo Aakhiro. Halkan ka dhageyso Codka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Sheekh-Maxamuud-Aw-Cabdulle-Cariif-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Soomaaliya oo kasoo dhex muuqatay liis halis ah oo uu soo saaray Mareykanku Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay warbixin dheer oo ay kaga hadashay waddamada ugu halista badan Caalamka ee ay tahay in ay ka fogaadaan muwaaddiniinteeda. Waddamadan oo guud ahaan ka kooban 35 dal, ayaa loo kala sameeyay heerarka 4aad, 3aad, 2aad iyo 1aad. Heerka ugu halista badan waxaa uu yahay midka 4aad,waddamada kujira waxaa ka mid ah Soomaaliya,waxaana loo aqoonsaday in ay ka mid tahay meelaha ugu badan ee lagu afduubto dadka Mareykanka ah. Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa uga digtay muwaaddiniinteeda in guud ahaan heerka 4aad waddamada ku jira ay u safraan halka heerarka kale la faray in ay feejignaadaan. Haiti Iran Iraq Libya Mali Somalia South Sudan Syria Venezuela Yemen. Qaran News
  19. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee wasaarada qorsheynta Somaliland Cawaale Ibraahim Shirwac oo dhawaan uu xilkii ka qaaday Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta ka hadlay xil ka qaadistiisa. Wasiirka ayaa beeniyey in sababta uu Madaxweynuhu xilka uga qaaday ay tahay inuu ka qayb-galay dood lagu marti-qaaday Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo xiligan ay siyaasiyan is hayaan Madaxweyne Biixi. Wasiirkii hore ee wasaarada qorsheynta oo arrimaha ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “Dadku waxay leeyihiin anigu jawaab uma hayo, Bani-aadamkuna boqol sababood ayay sameyn karaan, laakiin anigu taan qirayaa waxa weeyaan Madaxweynuhu aniga ayuu xilka ii dhiibay oo shuruud kale igala muu gelin, oo shaqada ayaa noo ahayd shuruud oo aan shaqadeyda kasoo baxo oo dadkuna ii sinaadaan, oo aan noqdo Wasiir tusaale ah, sidaan qabo Madaxweynuhu markuu xilka iga qaaday kulamadii ka dambeeyay ee aanu yeelanay, wax shaqadayda khuseysa oo dhaliil ah maan arag, jewi wanaagsan ayaanu Madaxweynaha ku kala tagnay”. Wuxuu intaas kusii daray “Anigu shaqsiyan ma qabo hadaad i waydiiso, mana qabo in Madaxweynuhu uu qaabkaa u dhaqmo, Sannad iyo badh baanu soo wada shaqaynay, Madaxweynuhu waa qof arrimahaa ka sareeya, aragtidiisuna wax kale ayay ku mashquulsan tahay, markaa waxaan qabaa in Madaxweynuhu jeclaystay inuu Qof kale xilka u dhiibo”. Wasiirkii hore ee wasaarada qorsheynta Somaliland Cawaale Shirwac ayaa maanta si rasmi ah u wareejiyey xilkii Wasaaradda qorsheynta oo uu hayey muddo sannad iyo badh ku dhow. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Muuse Biixi ayaa soo jeedisay in caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee ku gudban doorashooyinka Somaliland looga gudbo hab sharciya. Shirkii Golaha Wasiirrada ee khamiistii qabsoomay oo uu Shir-gudominayey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biix Cabdi, ayaa waxa Golaha Wasiirradu ku go’aamiyeen in caqabadaha siyaasadeed ee doorashooyinka looga gudbo hab waafaqsan sharciga. Qoraal kasoo baxay Shirkaas ayaa waxa lagu yiri “Goluhu isaga oo ka duulaya dareensana ahmiyadda ay doorashooyinku u leeyihiin Somaliland iyo inay ku qabsoomaan wakhtigoodii, waxay go’aamiyeen in hab sharciga waafaqsan looga gudbo caqabadaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ku gudban arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan” Caqabadaha siyaasadeed ee ku gudban Doorashooyinka Somaliland ayaa waxa kamid ah isla markaana ugu muhiimsan muranka ka taagan Saami-qeybsiga kuraasta Golaha Wakiillada, kaasi oo ilaa hadda aan wax xal ah laga gaarin. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  21. Korneyl Gelle Guhaad oo ka mid ahaa saraakiishii Ciidanka ee dawladii kacaanka ee uu hogaamin jiray Maxamed Siyaad ayaa ku taliyey in dagaal sokeeye laga [...] Source