-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa isku beddeshay safiiradeeda u kala fadhiyey dalalka Switzerland iyo India, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda u xaqiijiyeen Caasimada Online. Sida aan xogta ku helnay, wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Labada Safiir ugu yeertay magaalada Muqdisho, halkaasi oo loogu sheegay go’aanka is-beddel ee laga gaaray shaqooyinka ay horey u hayeen. Safiirkii Soomaaliya ee dalka India, Abyan Maxamed Saalax oo xilkaas haysay muddo ku dhow 12 sano, ayaa hadda loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland ahna Ergeyga Soomaaliya ee Xafiiska QM ee Xuquuqda Aadanaha ee Geneva. Danjire Abyan ayaa xilka safiirka Soomaaliya ee India loo magacaabay sanadkii 2007-dii, xilligii dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waana safiiraddii ugu waqtiga dheereyd dowladdihii KMG iyo tii rasmiga aheyd. Dhinca kale, Faadumo Cabdullaahi Maxamuud (Insaaniya) oo ahayd safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland iyo xafiiska QM ee Geneva ayaa loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee India. Dowladda ma aysan shaacin sababta is-beddeladan loo sameeyey. Insaaniya ayaa bishii tagtay lagu amray inay deg deg ku timaado Muqdisho, kadib markii ay ka aamustay qaraarka golaha xuquuqda aadanaha QM uu ka cambaareeyey aqoonsiga Donald Trump ee dhulka Golan Heights ee dalka Syria uu ugu aqoonsado dhul Israel. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)Urur hanti badan leh oo horumarka u dhaqdhaqaaqa ayaa aqoonsigooda ugu horreeya ee taageerada doorashada aqalka Koongareeska Mareykanka ee 2020-ka siiyay Ilhaan Cumar, oo ah gabar muslim ah oo ka tirsan aqalka wakiillada, sida ay shaacisay warbaahinta Fox News. Arrintan ayaa kusoo aadday xilli ay Ilhaan wajaheyso eedeymo xoog leh oo la xiriira Yuhuud Naceyb iyo waxyaabo kale oo muran salka ku haya. Bogga uu ururkan ku leeyahay internet-ka oo lagu magacaabo MoveOn.org ayaa Arbacadii lagu shaaciyay taageerada loo muujiyay Ilhaan Cumar oo Koongareeska u matasha xisbiga Dimuqraaddiga Mareykanka. Waxay ururku sheegeen inay arrintan kusoo beegeen dhaleeceynta daba socotay hadalladii ay jeedisay gabadhan laga soo doortay gobolka Minnesota. “Iyadoo ay jiraan falal cunsurinnimo ah iyo isku dayo lagu doonayo in lagu hor istaago gabadhan, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee Madow ah, muslinna ah ee ku biirtay Koonagreeska Mareykanka, iyo isku dayada qaawan ee lagu kicinayo qalalaasaha ka dhanka ah iyada iyo bulshooyinka Muslimiinta ah, Ilhaan Cumar waxay sii wadday dadaalka ay ugu dagaallameyso bulshadeenna, mana aha dadka ay u doodeyso kuwa maalqabeennada iyo kuwa awoodda leh oo kaliya”, waxaa sidaas lagu yidhi warbixinta ay soo saareen ururka taageerada u muujiyay Ilhaan. Hase ahaatee, taageeradan ayaa noqon karta mid ku adag Ilhaan, maadaama ay horay marar badan uga hadashay sida ay uga soo horjeeddo siyaasadda lacagta dabada looga riixo. Ururka MoveOn ayaa caan ku ah inuu mar walba xabadka u garaacdo musharraxiinta xisbiga Dimuqraaddiga, kuwaasoo uu dhaqaale badan ku garab istaago. Doorashadii 2018-kii ka dhacday Mareykanka, wuxuu ururkan ku taageeray lacag dhan $3.5 malyan oo doolar. Ilhaan Cumar ayaa dhawaanahan wajaheysay dhaleeceyn uga timid hadallo ay jeedisay, kuwaasoo siyaabo kala duwan loo arkay. Waxaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn loogu eedeynayay hadallo la sheegay inay ku buun buunisay khasaaraha Soomaalida kasoo gaaray howlgalkii uu mareykanka Muqdisho ka fuliyay sannadkii 1993-kii. Isniintii ayaa dib loo soo saaray qoraal ay Ilhaan kusoo bandhigtay barteeda Twitter-ka sannadkii 2017-kii. “Xasuustiisa gaarka ah, wuxuu illoobay inuu ku soo hadal qaado kumanaanka Soomaalida ah ee ay maalintaas dileen askarta Mareykanka!”, sidaas ayey Ilhaan Cumar ku qortay Twitter-ka, mar ay ka jawaabeysay hadal uu qof ka mid ah dadka bartaas isticmaala ku xusay in dagaalkii Muqdisho Mareykanka looga dilay 19 askari, 73 kalena looga dhaawacay. Qiyaasta lagu sameeyo dadkii Soomaalida ahaa ee xilligaas la dilay ayaa lagu kala duwan yahay, dadka qaar waxay ku sheegaan 133 ruux halka kuwo kalena ay gaarsiiyaan ilaa 1,000 qof, balse laguma tilmaamo “kumannaan”, sida ay qortay warbaahinta Fox News. “Ciidankeennu waxay difaacayeen naftooda” Dadka dhaleeceeyay Ilhaan, oo ay ka mid yihiin rugcaddaayadii ka qeyb galay dagaalkaas ayaa eedeyn culus u jeediyay gabadhan oo ka mid ahayd dadkii qaxootiga ahaa ee ka tagay Soomaaliya, haddana noqotay mid ka mid ah haweenkii muslimiinta ahaa ee ugu horreeyay aqalka Koongareeska. “Ciidankeenna aad baa looga tiro batay, waxayna u dagaallamayeen inay naftooda difaacaan. Dhammaan maleyshiyaadka Soomaalida ah waxay u carari kareen meesha ay doonaan laakiin kuweenna wax waddo ah uma aysan furneyn”, waxaa sidaas yidhi Mike Durant, oo ah sarkaal howlgab noqday. Mr Durant ayaa ahaa duuliyihii diyaaraddiisa dhulka lasoo dhigay 3-dii bishii Oktober ee sannadkii 1993-kii, kadibna ay afduubteen xoogaggii Muqdisho ka dagaallamayay. Ilhaan Cumar ayaa dhowr jeer jeedisay hadallo liddi ku ah madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyadoo mar sii horreysayna lagu dhaliilay inay soo qortay hadal muujinaya waxa loogu yeeray “Yahuud Naceyb”. Gabadhan ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ugu firfircoon ee u dhaqdhaqaaqa xisbiga dimuqraaddiga Mareykanka. Horraantii bishanna, Ilhaan Cumar waxa ay sidoo kale wajahday eedeymo ku saabsan sida ay uga hadashay weerarradii daaraha Mareykanka lagu qaaday 11-kii bishii Sitembar ee sannadkii 2001-dii. Source
-
(waxaa bir ku gooya talo markay gondihiisaa taal nimaan geesaha ka dayin). Ex Wasiir Maxamuud Xaashina wuxuu taagnaa halkii Nuur Xaashigii yidh: Wallaahi xayntuna ha iska-oontee inaanu runta sheegi. Saaxibayaal waxaan isku dayi doonnaa in aan falan qayn kooban ku sameeyo Dooddii xiisaha badneyd ee todobaadkan, Hargeysa lagu qabtay ee lagaga doodayey wada hadaladii Soamaliland iyo Soomaaliya hore ugu socday ee hakadka galey. Somaliland ma waxay dani ugu jirtaa in ay wada hadaladaasi sii socdaan mise in halkaa lagu joojiyo? Doodan xiisaha badneyd waxa ka qayb galey Lixda siyaasi ee kala ahaa: 1: PROF Axmed Ismaacil Samatar 2: ENG Maxamed Xaashi Cilmi 3: Sucaad Carmiye 4 : PROF: Abyan 5: Ex Wasiir Maxamuud Xaashi 6: Hogaamiye Xirsi. Haddaba saaxibayaal waxaan falan qayntan ku soo koobayaa doodii dhex martay. Hogaamiye Xirsi iyo Ex Wasiir Maxamuud Xaashi sababta aan labadooda u doortay waxay tahay labadooduba waxay ka tirsanaayeen xukuumadii madaxweyne Siilaanyo waana labada xubnood ee kaliya ee dooda ka qayb galey ee wada hadaladii Somaliland iyo Somaaliya ka qayb gali jiray markaa labadooduba waxay goob joog u ahaayeen sidii ay wax u dhaceen. In kasta oo afarta xubnood ee kale ee dooda ka qayb galeyba ay ahaayeen dhammaantood dad leh miisaan siyaasadeed haba ugu horeeye PRO Axmed Ismaacil Samatar sidaa darteed Ayaan u doortay in aan is bar bar dhig ku sameeyo doodii hogaamiye Xirsi iyo EX Wasiir Maxamuud Xaashi. Hogaamiye xirsi waxa uu si aan gabasho lahayn ugu dooday in xukumadii uu ka tirsnaa ee Siilaanyo ay ku saxneyd inay wada hadal la furto Somaliya iyo waliba faa’dooyin la taaban karo laga helay iyo in wada hadalada la sii wado. Doodani waxay waafaqsan tahay intii uu xirsi markii uu Wasiirka Madaxtooyada ahaa ummda u sheegi jiray. Ex Wasiir Maxamuud Xaashi wuxuu ku dooday in wada hadaladii Soamliland iyo Soomaaliya ay noqdeen ma dhaleys laguna khasaarey wax faa’iido ah oo Somaliland ay ka heshayna aanu jiri wada hadalkaasi. Hadalkani waxa uukhilaafsanyahay Maxamuud Xaashi markii uu Wasiirka Duulista ahaa iyo markii uu Wasiirka Madaxtooyada ahaa wixii uu ummada u sheegi jiray. Haddaba, marka aynu eegno doodii dhex martay labadaa Wasiir ee hore ee ka wada tirsanaa xukumadii hore xogogaalkana ahaa aynu falan qayno waxay aniga iila muuqadtaa sidan: Hogaamiye Xirsi wuxuu si geesinimo leh u difaacay mawqifkii ama rayigii uu ka rumaysnaa wada hadaladii u socday Soamaliland iyo Soomaaliya waana calaamada muujineysa in uu yahay siyaasi aan ka gabanin waxa uu rumaysan yahay waxana laga hayaa Alle ha u naxariistee Abwaankii Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye) waxaa bir ku gooya talo markay gondihiisaa taal nimaan geesaha ka dayin. Ex Wasiir Maxamuud Xaashi doodiisii waxay ku saleys neyd sida dadka qaarkii aaminsan yahay oo ah mar haddii ay xukumadi Meesha ka baxdo Madaxwenuhuna xilka ka dago in la difaaco in aanay faa’iido ku dhex jirin isaga oo Maxamuud Xaashi isku qanciyey in aanu Siilaanyo Maanta madaxweyne aheyn isaguna aanu Wasiirkii Madaxtooyada aheyn. Sidaa darteed wuxuu isticmaaley maah maahdii aheyd (Nin bari ayaa socod ku roon) ee wixii eed ah u sii xambaari Madaxweynihii xilka ka dagay ee Siilaanyo iyo xukumadiisii oo uu ku calaamadiyey in ay Soamliland u hor seedeen wada hadalo lagu khasaarey oo ma dhaleys noqday sidoo kalena waxa ka muuqatay raali galin badan oo uu u hayey madaxweynaha hada xilka haya Mudane Muuse Biixi iyo xukamadiisaba oo iyagu shaki badan ka qaba wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Hadaba waxaan qoraalkayga ku soo gunaanadayaa qisadan soo socota . Nin oday ah, (oo xayn yar oo adhiya lahaa) ayaa maalin maal-maha ka mida, waxaa markhaati been ah, u qabsaday odaygii lahaa barkada ay xayntan adhiga ahi ka cabto oo waliba si bilaash ah ama lacag la’aan ah odayga xaynta yar haysta loogu waraabin jiray. xilliguna waa jiilaal oo biyo la‘aan badan baa jirtay xayntii yareyd-na kalkeedii-baa taagan oo waxay u sii jeedaa xaggii barkada markaasaa odaygii barkada lahaa intuu waxaan jirin sheegay amma arrin aan dhicin sheega- iyada oo meel makhaayada la wada fadhiyo ayuu yidhi: Qoodhii iyo xeradiin-ba waakan I hor fadhiyee Nuur Xaashi-ba waydiiya isaggaa markhaati goob joog ka ahaaye, Nuur Xaashi mar xayntii yareyd iyo biyo la’aantii jirtay ayuu eegay marna xaga Ilaahey buu eegay iyo markhaatiga beenta ah, ee loo qabsaday dabadeed hadalkii uu Nuur Xaashi naftiisa kula faqayey ayaa dibadda u soo baxay oo la maqley si aan ku talo gal aheyn, waxaanu yidhi: wallaahi xayntuna ha iska oontee inaanu runta sheegi. Nin oday ahaa oo goobta fadhiyey oo barkada eeryada ugu wayna lahaa ayaa dhaar iyo xilo fur ku maray oo yidhi: Nuur Xaashiyoow intaan Noolahay xayntaadu waxay ka cabeysaa barakadayda ee runta sheeg Nuur Xaashina sidii buu runta ku sheegay oo markhaatigii beenta ahaana kaga badbaaday Hadaba qisadan waxaan u soo qaaday siyaasiyiinta Soomaalida ah ee wixii ay shaley markay xilka hayeen sheegayeen wax ka duwan Maanta dadka u sheega. Qallinkii: C/risaaq Suudi Nuur Tell: 4425243 Email: suudi786@gmail.com Hargeysa/Somaliland Source
-
Afartan marin-biyood waxa mara maraakiibta shidaalka qaada 80%, taasina waxa ay keentay mihiimada ay leeyihiin. Quwadaha adduunku waxa ay saldhigyo kala duwan ka samaysteen afartaa marin-biyood si ay uga ilaashadaan danahooda dhaqaale. Dalalka kulaalaya afartan marin-biyood ayaa noqday istaraatijiyada weyn oo ay u kala dheereeyaan quwadaha adduunku. Waxa aynu qormadan ku soo qaadan doonaa afartaa marin-biyood meelaha ay ku yaalaan iyo dalalka ku herdamaya: = Marin-biyoodka Hurmus (Strait of Hormuz): Marinkani wuxuu u dhexeeyaa gacanka Beershiya iyo gacanka Cumaan. Dhinaca waqooyi/galbeed waxa ka kulaalaya dalka Iiraan, dhinaca bari dalka Imaaraadka halka dhinaca koonfureedna uu ka kulaalayo dalka Cumaan. Marin-biyoodka waxa maalintii mara ku dhawaad 17 Milyan oo foosto oo shidaal ah una dhigtan 20% ganacsiga shidaalka adduunka. Waxaanay shidaalka u kala qaadaan dalalka Japan, Shiinaha iyo Kuuriyada Koonfureed. Sida laga soo xigtay ((U.S Energay Informatiho Adminstration). Marin-biyoodani waa mid aad u dhuuban oo dhererkiisu yahay 33 Kiiloomitir. Halka ugu dheerina ay tahay 95 Kiiloomitir. Mihiimada uu marinkani leeyahay ayaa keentay inay Iiraan ku hanjabtay inay xidhi doonto sannadkii 1980 ee ay socdeen dagaalkii u dhexeeyey Iiraan iyo Ciraaq, hasayeeshee Maraykanka ayaa hanjabaadaasi markii ka jawaabay oo ku yidhi Iiraan inay weerari doonaan haddii ay falkaasi ku dhaqaaqdo. Marinkan waxa saldhig ciidanka badda ah ku leh Maraykanka oo danihiisa ka ilaashada. = Marin-biyoodka Malaaka (Strait of Malacca): Marinkani wuxuu u dhexeeyaa dalalka Maleesiya iyo Indooniisiya. Waana marin-biyoodka isku xidha badweynta Hindiya iyo badda Baasifiga. Waa marin dhuuban, balse ka weyn marin-biyoodkii hore, waxaanau dhererkiisu yahay 890 Kiiloomitir. Marin-biyoodkan waxa maalintii mara ku dhawaad 14 Milyan oo foosto oo shidaal ah. Waa meesha keliya ee shidaalku u maro dalalka bariga Aasiya ku yaalla. Dalalka Maraykanka iyo Shiinaha ayaa si weyn isugu haya marin-biyoodkan. Maraykanka oo iska ilaalinaaya Shiinuhu inuu gacanta ku dhigo marin-biyoodkan ayaa saldhigyo ku leh dalalka kulaalaya marin-biyoodka, oo haddiiba ay isku dhacaan Shiinaha inuu ka ilaaliyo inuu xidho marin-biyoodkan. = Marin-biyoodka Baabul Mandab (Bab el-mandeb Strait): Marinkani wuxuu u dhexeeyaa dalalka Jabuuti iyo Yaman. Waxa maalintii mara ku dhawaad 6 Miylan oo foosto oo shidaal ah. Meesha uu ugu dhuuban yahay waa 16 Mayl. Dhinaca waqooyi waxa ka kulaalay dalka Yaman, halka dhinaca koonfur/galbeedna ay ka kulaalayaan dalalka Jabuuti iyo Eratariya. Waana qoorta kala qaybisa biyaha badda cas iyo badweynta Hindiya, taasina waxa ay keentay in dalalka Midowga Yurub, Ruushka, Shiinaha, iyo Maraykanku ay maraakiib dagaal ugu soo direen badda cas iyo badweynta Hindiya ee ay ku sheegeen inay budhcad-badeeda la dagaalamayaan. Mihiimada marin-biyoodkani leeyahay waa ta keentay in dalka Jabuuti ay saldhiyo ay danahooda kaga ilaalashanayaan uga samaysteen dalalka Maraykanka, Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka iyo Talyaanigu. M arin-biyoodkan waxa shantii sanno ee ugu dambeeyey ku soo kordhay oo sameyn ku yeeshay dagaallada ka socda dalka Yaman oo ay ku dagaalamayaan jabhada Xuutiyiinta iyo dawlada taageerada ka haysta xulufada Sucuudigu hoggaaminaayo. Sannadkii tegay ayey jabhada Xuutiyiintu gantaal ku soo rideen laba markab oo marayey marin-biyoodka Baabul Mandab, waxaanay taasi keentay inay ku khasbaan labadii markab oo Sucuudiga laga lahaa inay dib u noqdaan. Dalka Imaaraadka Carabta ayaa hadda saldhig ciidan ka samaysanaya magaalada Berbera oo uu doonaayo inuu danahiisa ka ilaashada dalalka ka ag-dhaw marin-biyoodka Baabul Mandab. Soomaalilaan waa dalka ugu dhaw marin-biyoodka Baabul Mandab marka la yimaado dalalka kulaalaya, taasina waxa ay mihiimad siisay inay wakhtigan xiiseeyaan dalal badani. = Marin-biyoodka Suweys Kanal (The Suez Canal): Marin-biyoodkani wuxuu isku xidhaa dalalka reer galbeedka, bariga dhexe iyo Eeshiya. Waxa sii mara dhammaan maraakiibta shidaalka sida ee ka gudubta marin-biyoodka Baabul Mandab. Wuxuu isku xidhaa badda cas iyo Medhatareeniyaanka. Waxa furay sannadkii 1869. Wuxuu kulaalaya dalka Masar. Intii aan furin Suweys Kanalka waxa ay maraakiibtu ka soo wareeji jireen dhankaa iyo Koonfur Afrika. Xeebaha Soomaalidu waxa ay mihiim noqdeen markii la furay Suweys Kanalka. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Tixraacyo: 1. Strait of Malacca – World Oil Transit Chokepoints Archived 2014-11-22 at the Wayback Machine, 2. Strait of Hormuz – History and Importance – ThoughtCo https://www.thoughtco.com/strait-of-hormuz-1435398 3. https://gcaptain.com/explainer-what-is-the-bab-el-mandeb-strait-and-why-is-it-important/ 4. https://www.quora.com/What-is-the-Suez-Canal-Why-is-it-important Source
-
Wararka ka imaanaya degaanka Timirshe oo hoostaga degmada Isku-shuban ee gobolka bari ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta halkaasi ay duqeymo ka geysteen diyaarado aan la aqoon dalka laga leeyahay. Qof goobjooge ah oo magaciisa diiday ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in diyaarado dagaal aan la garaneyn ay duhurnimadi maanta duqeyn ka geysteen nawaaxiga tuuladaasi Timirshe balse uusan wax faahfaahin ah ka hayn cidda lala beegsaday iyo khasaaraah gaaray midna. Goobjoogaha ayaa sheegay in duqeynta oo si xiriir ah u dhacaysay aysan beegsan halmeel oo keliya isagoo xusay in ay u muuqatay mid lagu garaacayo meelo kala duwan oo isku dhow. Tuulada Timirshe waxaa ku dhow buuraleyda Cal-miskaad ee gobolka bari halkaasi oo ay ku dhuumaalaystan malayshiyaad xiriir la leh Daacish oo uu hoggaamiyo wadaadka lagu magacaabo Cabdulqaadir Mu’min. Sidoo kale malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo dagaal kula jira kooxda Daacish ayaa ku sugan isla buurahaasi oo ay marar hore ku dallaameen labada dhinac. 14-kii bishan April ayay ahayd markii diyaaradaha dagaalka Maraykanku ay duqeyn ku dileen ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacish ee Puntland xilli uu marayey meel u dhow tuulada Xiriiro oo hoostagta isla degmada Isku-shuban ee gobolka bari. Faahfaahinta kala soco Puntland Post The post Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in sugida Amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho dhibaato ku yihiin siyaasiyiin danleey ah. Waxa uu sheegay in Siyaasiyiintaas ay yihiin kuwo xaasid ah oo doonaya inay maamulka ridaan, isla markaana amniga ay dhibaato ku yihiin, iyaga oo og wixii la soo maray, kuwaas oo amniga siyaasadeynaya. “Waxaa jira dhaqan oo laga yaabo in dhalinyarada hadda jira kusoo koreen oo mar walba loo dhaxeeya, sida Hoggaamiye Kooxeed ama burcad, laakin hadda lama joogo waqti la dhaho iska gaabso yeysan Al-Shabaab ku arkine, laakin anaga hadaan shacabka fahmin amni lama sugi karo ayuu yiri Duqa Muqdisho. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahana Duqa Magalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa weerar dhinaca Afka ah ku qaaday xildhibaano iyo Siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda, kuwaas oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin dowladnimada Soomaaliya. Hoos ka dhageyso Yariisow https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/cod-yariisow-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kulanka madaxweynaha iyo safiirka Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Nairobi kula kulmay, safiirka dalka Norway u qaabilsan Soomaliya Mrs Elin. Kulanka madaxweynaha waxaa ku wehelinayey, wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, waxaana looga wad-hadlay arrimaha: amniga, dimuqoraaddiyadda, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta doorka haweenka ee siyaasadda doorashooyinka xisbiyada badan, maalgeshiga, waxbarashada iyo la’dagaallanka argagixisada sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ambassador Ms. Elin ay dowladda Puntland ku ammaantay biseylka siyaasadeed ee ay gaartay iyo sida mar waliba, si nabdoon ay uga qabsoonto doorasho xalaal ah, waxayna xustay in ay taasi muujinayso in Puntland ay u diyaarsan tahay, sidii ay ula tartami lahayd caalamka, isla markaana Ms. Elin ayaa balan qaaday in dowladdeedu ay si dhow ula shaqaynayso Puntland, ayna kordhinayaan mashaariicda ay Norway ka fuliso Puntland. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku ammaanay dowladda Norway doorka wanaagsan ee ay mar waliba ka qaataan Horumarinta Soomaaliya oo dhan, gaar ahaan doorkooda wanaagsan ee Puntland khaasatan dhinacyada waxbarashada, Caafimaadka iyo doorashooyinka, waxaana uu kulanku kusoo dhammaaday is af-garad iyo guul. Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa sida qorshuhu yahay, maalinta berriya oo sabtiya dib ugu soo laabanaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, kadib markii uu soo dhammaystay safar shaqo oo uu Nairobi ku joogay. PUNTLAND POST The post Dowladda Norway oo kordhinaysa mashaariicda ay siiso Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-duhur-260419.mp3 View the full article
-
Muqdisho ( SMN):-Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Mogadishu Clan Mudane Maxamed Xasan Xaad oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa ku eedeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya qaarkood oo loo igmaday samo ka talinta shacabka in ay haatan hor boodayaan shirar ka dhacay dal Somaliya uu khilaaf Masiiri ah kala dhexeeyo. Nabadoon Xaad ayaa tibaaxay in mucaaradka micnihiisu yahay in la saxo dowladda balse uusan ahayn wax dumin sida uu hadalka u dhigay. Waxaana eedeymo kulul uu u jeediyay siyaasiyiintii dhawaan ku kulmay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Waxaa isi soo taraya Cambaareynta loo jeedinayo shirkii Nairobi ee ka dhanka ahaa DFS. View the full article
-
Muqdisho ( SMN):-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka hadlay shirka Magaalada Nairobi dhawaan ku yeesheen qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha maamul Goboleedyada , Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Somalia iyo xubno matalayay xibsiyada Siyaasadeed ee dalka ayaa ka soo horjeestay qodobadii ka soo baxay shirkaasi. Mudane Dalxa ayaa hoosta ka xariiqay in dalka haatan uu ku tallaabsanayo Horumarro la taaban karo sidaas daraadeed aan loo baahneen in la carqaladeeyo dowladda Soomaaliyeed. Eedeymaha Mucaaradka ayuu sheegay Xildhibaan Dalxa in ay niyad jab ku keeneyso dadaalada iyo Taageerada beesha Caalamku u fidiso Somalia. Si kastaba dhawaan ayaa waxaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda waddanka Kenya waxaa ku kulmay Siyaasiyiin Mucaarad ah oo dhaliilo kala duwan u jeediyay DFS. View the full article
-
Mas’uuliyiin ka kala socda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Norway ayaa wada hadallo laba geesood oo miradhal ah ku yeeshay shalay Magaalada Muqdisho, kaasi oo diiradda lagu saarray wax wadaag joogta noqonaya, saaxiibtinimada iyo iyo ka guul keenidda dano is dhaafsiga. Norway waxa ay gacan ka geysanaysaa Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo tubaha Xukuumadda ee kobcinta dhaqaallaha, siyaasadda loo dhanyahay iyo horumarinta adeegyada bulshada, ammaanka iyo garsoorka. Labada dhinac ayaa waxa ay markale caddeeyeen sida ay uga dhab tahay qoto dheereynta xiriirka laba geesoodka, iyada oo loo marayo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo xooggan, taasi oo lagu taabagelinayo xiriirka wada-shaqayn iyo baahida loo qabo dardargelinta dadaallada hore loogu sii dhaqaajinayo danaha labada shacab. Wafdiga Soomaaliya waxaa madax u ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi oo ay ku wehliyeen mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta iyo Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka. Dhanka Wafdiga Dowladda Norway waxaa hoggaaminaysay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Gobolka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway Marwo Tine Mørch Smith oo ay ku wehliyeen Safiiradda Norway ee Soomaaliya Marwo Elin Bergithe Rognlie iyo saraakiil sar sare oo ka kala tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway iyo Safaaradda Norway ee Soomaaliya. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo safar ku jooga deegaan doorashadiisa ayaa kulamo kula qaatay magaalada Dhuusmareeb madaxda Galmudug. Kulan u dhaxeeyay madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka dhacay magaalada Dhuusomareeb, waxaana kulanka ay kaga hadleen xaaladaha Galmudug. Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kulan gaar ah oo soo dhaweyn ah uu xildhibaanka kula yeeshay Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Sheekir Cali Xasan, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Madaxda Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa Xildhibaanka uga Mahadceliyay Booqashadii uu ku tegay Deegaanada Galmudug.Sidoo kale waxa uu ku Xildhibaanka ku booriyay in uu ka qeyb qaato midnimada Soomaaliya. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa dhankiisa u mahadceliyay madaxda Galmudug, wuxuuna sheegay inuu waxyaabo badan kala shaqeyn doono, sida dib u heshiisiinta iyo horumarinta deegaanka. Xildhibaanka ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana uu sidoo kale tagayaa deegaano galmudug ka tirsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mariam iyo caruurteeda Wakaaladda Wararka ee Reuters, ayaa sheeko cajiiba ka qortay, haweeney u dhalatay waddanka Uganda oo haysata 38 caruura oo dhammaantood mataano ah. Haweeneyda oo lagu magacaabo, Mariam Nabatanzi ayaa la guursaday iyadoo aad u da’yar, wxaana ay laba mataano ah ku curatay, iyadoo ay da’deedu tahay 12 sano jir. Haweeneydan ayaa markasta oo ay uur qaado, waxay dhashaa carruur mataano ah: sida laba, saddex , afar, shan ilaa ay ugu dambeyntii hal mar wada-dhashay lix mataano ah, inkastoo da’daasi ay dhammaantood ka dhinteen. Warbixinta ay qortay Reuters, waxaa lagu sheegay in haweeneydan uu ninkeedii ka tegay, saddex sano ka hor, iyadoo haysata 38 carruura oo dhammaantood mataano ah. Mariam iyo carruurteedu, waxay hadda ku nool yihiin tuulo 50 km u jirta magaalada Kampala ee caasimadda dalkaasi Uganda, waxaana guri u ah afar qol oo ku dhex yaalla mid kamid ah beeraha bunku ka baxo ee tuuladaasi. Sida ay sheegayso Mariam, markii u horreysay ee ay mataano dhashay, waxay tagtay xarun caafimaad, waxaana dhakhtarkii u sheegay, in cabbirka ugxan-sidayaasheedu ay aad u weyn yihiin, isagoo kula teliyay in aysan qaadan dawooyinka dhalmada lagu joojiyo, si aysan dhibaato caafimaad uga dhaxlin. Mariam ayaa wakhtigan la daala-dhacaysa korinta ubadkeedan badan, kadib markii uu ka tegay ninkii ka dhalay oo sida ay sheegtay kolkii horeba aad u dayici jiray qoyska. (Sheekada oo dhan halkaan ka akhriso) Waxay sheegtay in wakhtigeeda badankiisa ay ku qaadato, daryeelka ubadkeeda oo uu culays weyni ka haysto, maadaama ay cunto, dhar, daweyn iyo waxbarasho ka sugayaan 38 carruur ah oo aan cid kale la korinayn. Taasi oo ay sii dheertahay in aysan helin shaqa fiican oo ay noloshooda ku maarayn karto. PUNTLAND POST The post Sheeko Cajiiba: Haweeney dhashay 38 mataano ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed ayaa waxaa lasoo gaarsiiyay dacwad ka dhan ah madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle, Maxamed Cabdi Ware iyo ku-xigeenkiisa Cali Xuseen Guud-laawe, waxaana dacwadaas gudbiyay 11 xubnood oo ka mid ahaa wasiirradii hore ee maamulka Hir-Shabeelle. Mas’uuliyiinta dacwadda gudbiyay qaarkood ayaa waxay sheegeen inay la xiriirto dacwadooda xaquuq mushaari ah oo ay ku leeyihiin madaxda Hir-Shabeelle, isla markaana ay doonayaan in sharciga uu ka siiyo xuquuqda uga maqan. Wasiirkii hore ee Xanaanaha Xoolaha Hir-Shabeelle, Dr. Xuseen Cismaan oo ka mid ah xubnaha dacwada gudbiyay ayaa sheegay in dacwadaas ay soo martay heerar kala duwan, isla markaana shalay ay gaartay maxkamadda sare ee dalka, sidoo kalena maalinta Isniinta ah dacwada la guda geli doono. Waxa uu sheegay in dhamaan xubnaha dacwada gudbiyay ay shaqeynayeen muddo 15-bilood ah, isla markaana aysan helin wax mushaar ah, ayna tahay sababta ay dacwadda u gudbiyeen. “Innagu waxaan hoos-tagi jirtay madaxtooyada, iyada ayaana mushaarkii aan lahayn na siin waday, waana taas midda keentay inaan dacwaddan u gudbinno maxkamadda sare ee dalka, si aan xuquuqdeenna u helno,” ayuu yiri Dr. Xuseen Cismaan Cilmi. Dacwaddan ayaa noqonaysa middii ugu horreysay oo mas’uuliyiin ka tirsan kuwa maamul-goboleedyada dalka laga gudbiyo, waxaase dacwaddan ay ku soo beegmaysaa iyadoo khilaafyo siyaasadeed oo xooggan ay soo wajaheen dalka, gaar ahaan xukuumadda federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn, Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle iyo ku xigeenkiisa oo dacwaddan laga gudbiyay ayaan iyagu ka jawaabin dacwadda la sheegay in laga gudbiyay, taasoo aan la ogeyn go’aanka kasoo bixi doona. PUNTLAND POST The post Dacwo xasaasi ah oo laga gudbiyay Madaxda Maamul ka mid ah kuwa gobollada dalka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa Sabtida berriya ku soo wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan xafiiskiisa. Madaxweynaha ayaa sida qorshaysan magaalada Garoowe kulan kula qaadan doona xildhibaanno ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda degaannada Puntland kuwaasi oo shalay soo gaaray caasimadda Puntland. Senetorada ayaa la sheegay in Puntland u yimaadeen wada-tashi ku aaddan arrimaha ka dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xukuumadda Puntland. Dr Cabdiraxmaan Faroole oo shalay soo dhoweeyay xubnaha ka socda aqalka sare ee Garoowe yimid ayaa dhaliilo culus u jeediyay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyay in ay fara-gelin ku hayaan dowlad goboleedyada iyo in ay Dastuurkii dalka marin-habaabiyeen. Madaxweynaha Puntland oo maalmahan safar ku joogay magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya ayaa halkaasi kula kulmay wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo qaar kamid ah safiirada dalalka dunida u jooga Soomaaliya oo sida la sheegay uu kala hadlay arrimaha u gaarka Puntland. Sidoo kale madaxweynaha ayaa la kulmay madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan dalka Kenya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo soo geba-gabeeyay safarkiisi Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Caasimada Online)-C/raxmaan Maxamed Faroole oo kamid ah xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka ayaa markaan kamid noqonaya xubnaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya oo markii hore saaxiib dhow uu la ahaa. C/raxmaan Faroole wuxuu kamid ahaa xubnaha dowladda Soomaaliya ku matalayay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe, isaga oo mar walbaa doonayay isbadal ka dhaca Puntland, maadaama uu dagaal adag kula jiray madaxweyne Gaas. Senetor Faroole ayaa walaac xoogan kamuujiyay dhaqan gelinta heshiisyadii ugu dambeeyay ee dowladda Soomaaliya ay la gashay madaxweynaha Jubbaland, isaga oo sheegay inuu qeyb ka ahaa xubnaha loo qorsheeyay dhaqan gelinta heshiiskaasi. Wuxuu sidoo kale sheegay dowladda Soomaaliya xubno ay u qorsheysan inay doorashada Jubbaland u matalaan inay dhaqaalo ku qaataan magaalada Muqdisho, taasi ay wali cadeyneyso inay faragelin ku heyso Doorashada Jubbaland Dhaqaalo badan ayuu sheegay in dowladda ay ku bixisay doorashadii Puntland iyo Koofur Galbeed, haddana ay dooneyso sidaasi oo kale inay dhaqaalo ku bixiso Jubbaland. “Halkaan markaan imaanayay faragelin xoog leh ayaa ka dhacday oo dowladda dhexe lacag badan ku bixineysay, 21 ruux oo halkaan ku tartamayay badankood ayaa dowladda lacag siisay” “Arinta Jubbaland ayaa hadda taagan, oo heshiis hadda lala galay markii xamar la iskuugu yimid, waxaan isku daynay inaan ka shaqeyno sidii loo dhaqan geli lahaa heshiiskaasi, balse waxaa muuqata inaan la dhaqan gelin waxii lagu heshiiyay”. “Dad badan oo Xamar lagu masruufo ayaa oo halkaasi ka tartamaya, Faragelin ayaa wali lagu hayaa doorashada Jubbaland, caalamka wuu og yahay, shacabkana hadda ha ogaadaan”ayuu yiri Senetor Faroole. Dhawaan Jubbaland waxaa ka dhacaya doorashada madaxweynaha iyo soo xulista xildhibaanada, waxaana dowladda Soomaaliya markale culeesyo kaga imaanayaan maamul goboleedyada dalka. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Baydhabo(SMN):-Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil ibraahim oo ku sugan Magalada Baydhabo Janaay ayaa sheegtay in ay Dardargalinayan Buuxinta Sedex Kursi oo ka banana Parlamaanka Soomaaliya Kuwaaso Matalaya Shacabka Koonfur Galbeed. Kuraasta lagu tartamayo ee ka banaaan Golaha shacabka waxaa kamid ah Midkiiuu Baneeeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xassan maxamed Lafta Gareen Xaliimo yarey ayaa Xaqiijisay Xubinimadii Parlamanka ee uu Lumiyey Lafta Gareen in uusan wax damac ah uga Jirin Hada islamarkana uu isagu u balanqaadey in uu kala qayb qaadan doono sidii xubnahasi maqan loogu dooran lahaa Baydhabo. Dhanka kale waxaa ay ugu Baaqday Murashaxiinta u hanqal tagaya Kuraastan in ay Sharuudaha soo buuxiyan. Cod Xubno katirsan Parlamanka Soomaaliya ayaa Marar ka qaar lumiya Xasaanadooda ha noqoto in ay iyagu si isgood ah uga tanaasulan iyo in ay lasoo gudboonaato Xalado Dabiici ah sida in uu Mudanuhu Geeriyoodo ama Geeriyooto. View the full article
-
Sh/Hoose(SMN):-Rakaabkan oo saarnaa Gawaari Xamuul ah ayaa Ragan Hubaysan waxa ay ugaysteen Boob iyo dhibaatooyin kale, sida ilo Deegaanka ah ay u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle ee Magalada Muqdisho. Ilaa 5 Ruux oo haween ah ayey jirdileen Kooxda, iyadoo 2 kamid ah Dumarkaasi la sheegay in ay qabaan Dhaawacyo halis ah. Inta badan wadooyinka isku xira Degmooyinka iyo Deegaanada hoostaga Gobolkaasi waxaa ka dhaca falal lagu dhibaateynayo shacabka masaakiinta ah, waxaana Mas’uuliyadda arintaasi dhabarka u ridanaya Maleeshiyaad Hubaysan oo mararka qaar xiran Tuutaha Ciidamada Dowladda. View the full article
-
Sh/Hoose(SMN):- Wararka laga helayo Deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ku waramaya in halkaasi uu xalay ka dhacay Dagaal u dhaxeeya Xarakadda Alshabaab iyo Ciidamadda Dowladda. Alshabaab ayaa Weerar kusoo qaadey Saldhigyo kuyaala Deeganadaasi, waxaana halkaasi ka dhacay Dagaal toos ah sida ay Shabelle xaqiijiyeen Ilo Madaxbanaan oo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Goobta ay wax ka dhaceen xalay laga maqlayey dhawaaqa Hub culus. Xarakadda Alshabaab ayaa sheegtay in Dagalkasi ay ku hantiday fariisimo muhiim u ah Ciidamadda Dowladda. Majirto wax hadal ah oo kazoo baxay Taliska Ciidamada Dowladda balse Sabiid iyo Caanoole ayaa Alshabaab waxa dhawaan kala wareegay Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed. View the full article
-
Jowhar (Caasimada Online)-Wasiiro ka tirsanaa golihii wasiirada Hirshabeelle ayaa cadeeyay in dacwad ka dhan ah madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ay u gacan geliyeen maxkamadda sare ee dalka. Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa socday diyaarinta Dacwadaasi oo ay wadeen wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle, kuwaasi oo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay, waxaana hadda ay sheegeen in maxkamadda sare ee dalka ay aqbashay qabashada dacwadaasi. Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha Hirshabeelle Dr Xuseen Cismaan Cilmi oo kamid ah wasiirada mushaaraadkooda ka maqan yahay ku dhawaad 15 bilood ayaa sheegay inay xaq u leeyihiin inay mushaarkooda raadsanadaan, maadaama si qaldan loo maareeyay dhaqaalaha horey loogu qorsheeyay. Wuxuu sidoo kale sheegay inay dacwadaasi ka gudbiyeen masuuliyiinta ugu sareyso madaxtooyada oo kala ah Maxamed Cabdi Waare iyo Cali Guudlaawe Xuseen. “Madaxtooyada ayay quseysaa, madaxtooyadana Waare iyo Guudlaawe ayaa ka shaqeeya, dacwadaasina waan gudbinay, waxaana u dacwooneynaa waa Xuquuqda Mushaarkeena, wasiir kastaa 2000, ayuu leeyahay, wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dowlaha waxay xaq u lahaayeen 1500, muddo 15 bil ayuuna xaqa naga maqan yahay” “11 Wasiir ayaa hadda xaqooda raadsanaya, waan ka badneyn laakiin kuwa kale waxyaabo kale ayay xiirinayaan, mana ahan wax isku xiran, qofna xuquuqdiisa wuu ka tanaasuli karaa, qofna wuu raadsan karaa, anagana waan raadsaneynaa xaqeena oo si qaldan loo maamulay”ayuu yiri Wasiirkii hore xanaanada Xoolaha. Dhaqaalaha ugu badan ee Hirshabeelle kasoo gala Deegaanada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo lacagta dowladda u qorsheyso maamulka waxaa la tuhmayaa inay kala qeyb sadaan Waare, Guudlaawe iyo Sheikh Cismaan Barre oo ah guddoomiyaha baarlamaanka. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka madaxda ugu sareyso maamulka Hirshabeelle oo ay kaga hadlayaan dacwadda laga gudbiyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com