Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne Farmaajo iyo Raysla Wasaare Kheyre ayaa aqbalay casuumada shirkii wadatashiga ahaa ee uu gogashiisa fidiyay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni, si xal looga [...] Source
  2. Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta oo Talaado ah lagu soo gaba-gabeynayaa Caasimadda Muqdisho Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo ay qaban-qaabisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maalgeliyayna Ururka Iskaashiga Islaamka. Shirkan oo shalay uu furay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Waxaa ka qeybgalay 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka OIC, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shalay hadalkiisa diiradda ku saarray dhex dhexaadnimada diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed ee ka beermay nabadda iyo deganaanshaha, isagoo tilmaamay in rabshadda, argagaxisada iyo isqarxinta aanay ahayn wax laga yaqaan Soomaaliya, balse ay tahay aragti wax burburin oo dibadda laga soo minguuriyay. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi oo isna shirkan ka hadlay ayaa sheegay in shir noocaan ah oo ku qabsooma Muqdisho ay tahay guul taariikheed oo dhiirrigelinaysa nabadda iyo dadaallada lagu doonayo in looga takhaluso rabshadda, xagjirnimada iyo argagaxisada. Wasiiru dowlaha Diinta iyo Awqaafta, Mudane Cabdishakuur Xasan Ashkir iyo Mudane Danjire Askar Mussinov oo ah Madaxa Wafdiga Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxa ay shirka ka jeediyeen laba khudbadood, iyadoo shirku galay dhowr fadhi oo furan oo toos looga baahiyay telefishannada iyo warbaahinta bulshada. Shirkan oo maanta la soo gaba-gabeynayo ayaa laga soo saari doono Qodobo ku aadan Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada taas oo Soomaaliya iyo Gobolka intiisa kalaba muhiim u ah. View the full article
  3. Dharkenley (SMN) – Wararka naga soo gaaraya degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xalay Qof rayid ahaa lagu dilay gudaha degmadaasi. Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Dabaqeenka, iyadoona ay geysteen kooxo ku hubeysnaa Bastoolado. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Nuur, kaas oo la sheegay in uu ahaa Farsamaqaan dhinaca Korontada. Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay Marxumkaasi. Raggii ka dambeeyay dilkani aya sidoo kale lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen. Mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan dhacdadaasi. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Saacadihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka socday kulamo kala duwan oo madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed uu la qaadanayay masuuliyiinta dowladda. Sheikh Shariif ayaa xalay la kulmay guddoonada baarlamaanka labada aqal ee dalka, waxaana kulamadaasi ay qeyb ka ahaayeen kulamo maalmahaan uu ka waday magaalada Muqdisho. Kulanka koowaad ayaa dhex maray guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka iyo madaxweyne Shariif Sheikh Axmed waxaana la sheegay in looga hadlayay sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhaxeeya labada aqal. Kadib waxaa Shariif Sheikh Axmed uu la kulmay guddoomiyaha golaha shacabka, waxaana kulamadiisa ku wehlinayay xubno ka tirsan xisbiga HIMILO Qaran. Sheikh Shariif ayaa shalay kulan la qaaday madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo kala hadlay arimaha amaanka iyo sidii loo wanaajin lahaa xiriirka xumaaday ee dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada. Wuxuu magaalada Muqdisho ka wadaa dadaalo ku aadan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka, waxaana uu sidoo kale qeyb ka yahay qorshaha hergelinta shirka la filayo inuu ka dhaco magaalada Garowe. Kulamada uu la qaatay xubnaha labada aqal ee baarlamaanka ayaa waxaa uu xal ugu raadinayaa khilaafka baarlamaanka iyo xal u gaarista is qabqabsiyada ka dhashay dhameystirka Dastuurka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. (SLT-Hargeysa)-Laba Sarkaal oo ka kala tirsan ciidamada Asluubta iyo ciidanka booliska ayaa dabley hubaysani jidgooyo u galeen deegaanka Yagoori ee gobolka Sanaag, halkaasi oo ay ku dileen. Labadda sarkaal ayaa kala ahaaa Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, Taliyihii Xabsiga degmada Gar-adag ee Ciidanka Asluubta iyo Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux, Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska ee Degmada Gar-adag. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa tacsi u direy qoyskii iyo ciidankii ay ka baxeen labadaasi sarkaal, isla markaana amar ku siiyey in sharciga la hor keeno dadkii“Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan Asluubta iyo Booliska, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah:- Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, Taliyihii Xabsiga degmada Gar-adag ee Ciidanka Asluubta. Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux, Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska ee Degmada Gar-adag. Saraakiishaas oo ay shalay galab dablay hubaysani ku dileen weerar jidgooyo ah Deegaanka Gobabka Maxan ee Degmada Yagoori, madaxweynuhu waxa uu laamaha amniga ku amrayaa inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglayaashii gaystay fal denbiyeedkaasi. Waxaanu madaxweynuhu digniin adag u dirayaa cid kasta oo isku dayda falalka noocaas ah in gacan bira lagu qaban doono.”ayaa lagu yidhi qoraal uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac Madaxweynuhu wuxuu uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo ciidamada qaranka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Jidgooyadan ayaa ka dambaysay ka dib markii nin ganacsade ah oo ku xidhnaa xabsiga degmadda Gar-adag oo ku dhex geeriyooday saldhiga, waxaanay sarkaalkii jeelka haystay ka baqday in loogu aaro, taas ayaa keentay inuu deegaankii uu xabsigeeda haystay ka yimaado, haseyeeshee dablay ka kacsan geerida marxuumkaasi hore ee Ganacsadaha jidka u galeen, halkaasi oo ay ku khaarajiyeen labadii sarkaal. Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Somaliland ayaa dhawaan bilaabaysa inay xoolo nool u dhoofiso bariga dhexe kadib markii ay heshiis wada gaadheen wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland iyo dawladda Imaaraadka Carabtu, sida ay daabacday warbaahinta East African Business Week oo Telefishanka HCTV uu ka soo xigtay warkan. Ayaa sheegay in markii Madaxweyne Muuse Biixi uu socdaalkii labaad uu ku tagay Imaaraadka Carabta mudo ka yar laba bilood gudahood uu la gaadhay Imaaraadka Carabta heshiis xooloha lagu dhoofinayo. “Waxaanu ku heshiinay Imaaraadka Carabta in xafiis wadajir ah oo ka shaqeeya dhoofinta xoolaha nool ay aasaasaan labada dal,” sidaasi waxa yidhi Professor Yassin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo ah Wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland. Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in hay’add ku haboon inay raacdo samaysa shuruucda xoolaha la dhoofinayo iyo hubinta caafimaadkooda ay samaynayaan. Waxaana talaabadi ay kor u qaadaysaa gaar ahaan xoolaha loo dhoofinayo Moosimka xajka oo ay inaga xigaan wax ka yar laba bilood. 2016-kii ayay ahayd markii boqortooyada Sucuudi Arabia ay ay ku dhawaaqday in xoolaha Soomaalida ee dalkeeda loo soo dhoofiyo gaar ahaana Idaha iyo Riyaha ay joojisay sababo caafimaad awgeed, taas oo ahayd lacagta adage e dibada ee soomaalida soo gasha. Tan iyo xiligaasina waxa jiray xoolaha tirayo yar oo ka yimaada Somaliland oo gali jiray Jeddah oo ruqsad loo siiyey. Somaliland oo istaraataji ahaan ku taala goob muhiim ah ayaa heshiisyo lagu balaadhinayo dekeda Berbera la gashay shirkadda Dubai fadhigeedu yahay ee Imaaraadka Carabta. Source
  7. (SLT-Washington)-Xoghayaha arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Ruushka uu isku dayayo in uu faragalin ku sameeyo sanadaha soo socda. Moscow ayaa lagu eedeeyay in sanadkii 2016-dii uu fara galin ay ku sameysay doorashadii Madaxtinimo ee Mareykanka. Aniga oo ka hadlin waxa soo socda waxay hanjabaad ku ahaayeen doorashooyinkeena sanadkii 1974-tii waxay sidoo kale faragalin ku sameeyeen doorashadii 80-aadkii,sidaasi waxaa yiri Pompeo. Xoghayaha Arimaha dibeda ayaa intaa ku daray in xitaa ay rajeynayaan in Ruushka uu isku dayi doono hankiisa ilaa 2050-ka. Diblumaasigaan sare ee Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu amray in si taxadar leh loola socda isku dayada Ruushka uu ku doonayo in ku Faragaliyo. Ruushka oo lagu tuhmay in uu gacan ku siiyay Donald Trump guushii uu gaaray sanadkii 2016-kii ayaa baaritaan la sameeyay waxaa lagu waayay cadeyn Muujineysa. Source
  8. Shibis (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal Ciidamada ammaanka xalay ay ka sameeyeen degmada Shibis ee gobolka Banaadir. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in Ciidamadu ay ku soo qab qabteen tiro dad ah, kuwaas oo u badan dhalinyaro. Saraakiil ka tirsan kuwa laamaha ammanka ayaa sheegay in baaritaanadan u jeedkooda uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga demadaasi. Dowladda federaalka Soomaliya, gaar ahaan taliska Booliska ayaa maalmihii dmabe howlgallo oo lagu xaqiijinayo amniga ka waday magaalada Muqdisho. View the full article
  9. (SLT-Washington)-)-Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Mareykaka Rod Rosenstein, ayaa shaaca ka qaaday in uu is casilaayo islamarkaasina uu shaqada ka tagaayo 11-ka bisha May ee soo socota. Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacinin sababta shaqo ka tagistiisa, ayaa haddana waxa hore u jirey kala fikir duwanaashiyo u dhaxeeyay isaga iyo madaxda isaga ka sareysa. Source
  10. (SLT-Nairobi)-Wargeyska Afka dheer ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa qorey in dowladda Kenya ay qorsheynayso in ay xafiis ka furato magaalada Hargeysa si loo yagleelo xiriir dublamaasiyadeed oo ka dhaxeeya Kenya Somaliland. Wargeyska ayaa sheegay in danjire lagu magacaabo Philip Mudia Githiora loo igmaday in uu xafiis ka furo Hargeysa, kadib markii sida la sheegay ay wadahadallo yeesheen wasiirka arrimaha dibedda Kenya Dr Monica Juma iyo wakiilka Somaliland ee Kenya Cumar Baashe. Wargeyska oo qoraalkiisa sii wata ayaa sheegay in Dr Juma ay kulan la yeelatay wasiirkii hore ee Somaliland Sacad Cali Shire. Kulamadaasi kadib, wasiiradda Dr Juma ayuu wargeyska sheegay in ay warqad u qortay Xoghayaha Joogtada ah ee Shaqaalaha Rayidka ah Joseph Kinyua si uu u fududeeyo hawsha xafiiska cusub ee Hargeysa. “Xidhiidh taariikhi ayaa nagala dhaxeeyey Kenya illaa xiligii gumeystihii, tallaabada ay Kenya qaadday in ay xafiis uga furato Hargeysa waxa ay sare u sii qaadaysaa iskaashi dhanka ganacsi iyo bulsho oo na dhexmara” ayuu wargeyska kasoo xigtay Cumar Baashe oo ah wakiilka Somaliland ee Kenya. Somaliland ayaa bishii Diseembar ee sannadkii hore Nairobi ku qabatay shir arrimaha maalgashiga looga hadlayo, shirkaas oo uu furey wasiirka arrimaha dibedda Yaasiin Maxamed, kaas oo maalgashadayaasha Kenya ku dhiirogaliyay in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi jira. Wakiilka Somaliland ee Kenya ayaa soo hadal qaaday ganacsiga qaadka Kenya oo uu sheegay in wax badan laga macaashayo, isaga oo sidoo kale ku taliyay in shirkadda diyaaradda ee Kenya Airways ay biloowdo duulimaadyo toos ah oo ay ku tagayso Hargeysa. Wakiilka Kenya ay u igmatay arrimaha Somaliland Mr Githiora ayaa horey uga hawlgali jiray safaaradda Kenya ee Moscow, Ruushka. Warkan uu wargeyska qoray ayaa imanaya xilli bilihii lasoo dhaafay uu madmadoow soo kala dhexgalay xidhiidhka Kenya iyo Soomaaliya, inkasta oo markii dambe labada dowladood ay sheegeen in ay isfaham ka gaareen wixii jiray. Source
  11. Garowe (SMN) – Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha maamulka Puntland oo Garowe ka daah-furay shirka Kalluumeysatada Soomaaliyeed ayaa sheegay in loo baahan yahay in si dhab ah looga wada faa’ideysto kheyraadka dalka, kaas oo uu tilmaamay in uu wada deeqo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed. Madaxweyne Deni ayaa ganacsatada ka dalbaday in ay isu gacan qabtaan hanaanka looga wada faa’ideysan karo kheyraadka ay leedahay Soomaaliya. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in ka maamul ahaan ay door muuqda ka qaadan doonaan hormarinta ganacsiga Soomaaliyeed. Halkan hoose ka dhagesyo Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/cod-puntland-1.mp3 View the full article
  12. (SLT-Dimishiq)-Hogaamiyaha Kooxda Daacish Abubakar ayaa markii u horraysay muddo 5 sanno wuxuu ka soo muuqday muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada. This image made from video posted on a militant website on Monday, April 29, 2019, purports to show the leader of the Islamic State group, Abu Bakr al-Baghdadi, being interviewed by his group’s Al-Furqan media outlet. Al-Bagdadi acknowledged in his first video since June 2014 that IS lost the war in the eastern Syrian village of Baghouz that was captured last month by the Kurdish-led Syrian Democratic Forces. (Al-Furqan media via AP) Hogaamiyahan oo magaciisa rasmiga yahay Ibrahim Awwad Ibrahim Ali al-Badri, Dhalasho ahaana ka soo jeeda Ciraaq ayaa ku goodiyay inay aargoosan doonaan ka gadaal markii laga qabsaday dhammaan dhulkii ay ka haysteen wadamada Ciraaq iyo Suuriya. Al Baqdadi oo aan la arkin muuqiisa ilaa bishii julay ee sanadkii 2014ka ayaa muuqaal 18 daqiiqo ahaa oo laga sii daayay warbaahinta afkooda ku hadasha al-Furqan media network, waxa uu kaga hadlay guuldaradii kooxdiisu kala kulantay degaanka Baghuz oo ahayd goobtii ugu dambaysay ee ay kaga sugnaayeen wadanka Ciraq Sidoo kale wuxuu ka hadlay Qaraxyadii lagu laayayay boqolaal qof ee u dabaaldegayay ciidada Easterka ee Masiixiga ee wadanka Sirilaanka. dagaalo kooxdiisu ka wadaan wadamada Maali iyo Burkiino Faso ee qaarada Afrika Dagaalkii Baghus wuu dhamaaday, laakiin Dagaalo badan ayaa imaan soo socda” ayuu yidhi baqdaadi. Kooxda Daacish ayaa mar ka talin jirtay dhul ballaaran oo ku yaala wadamada Ciraaq iyo Siiriya ka hore intii aan xoog looga xorayn. Source
  13. Dhoobley (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo xalay lagu qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo ku sugnaa deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarkan oo loo adeegsaday Bam Gacmeed ayaa la sheegay in lagu qaaday Guri ay ku sugnaayeen Ciidamadaasi oo ku yaalla xaafadda koowaad ee degmadaasi. Ugu yaraan hal Askari ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoona ay ku dhaawameen lix kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira taliyaha deegaanka Taabta ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale wararka aya intaasi ku daraya weerarkani kadib Ciidamadu howlgallo dad lagu soo qab qabtay ay ka sameeyeeen halkaasi. Al Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ka fuliya gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
  14. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay waxaa uu Muqdisho kulamo kula yeeshay guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal oo golaha shacabka ah iyo Cabdi Xaashi oo aqalka sare ah. Madaxweyne Shariif oo kulanka ku wehliyeen xildhibaannada xisbiga Himilo Qaran ayaa la sheegayaa inuu bilaabay dadaalo lagu dhameynayo khilaafka labad aqal oo 4 bil jirsaday. Ma cadda waxyaabaha ay isku soo qaadeen labada dhinac, laakin ilo kulanka ku dhow ayaa sheegaya in ujeedka ahaa sidii labada aqal ay dib ugu bilaabi lahaayeen wada shaqeynta, isaga oo Shariif marar hore ku celceliyey in wada shaqeyntooda ay wax badan ku xiranyihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-30042019-bb.mp3 View the full article
  16. Doha (Caasimada Online)-Axmed Ciise Cawad Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in dowladda Soomaaliya marnaba aysan xubin ka noqon doonin isbaheysi ka dhan ah dalalka Qatar iyo Turkey. Wasiir Cawad oo ka qeybgalayay Siminaar lagu qabtay Mac-hadka Diblomaasiyadda ee hoostaga Wasaaradda arrimaha dibadda Qadar ayaa sheegay in waddamada ku midoobey isbaheysiyada Badda Cas, Badda Carbeed iyo Gacanka Caqaba, ay isku dayayaan in ay SOomaaliya ka saaraan Isbaheysiga Badda cas. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay go’aanno ad adag ka qaadatay khilaafkii Waddamada Khaliijka islamarkaana ahaayeen go’aanno ku xirnaa madaxbanaanida Soomaaliya. Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in Soomaaliya ay sidoo kale ka guuleysatay caqabad ka soo wajahday dhinaca Kenya oo la xiriirtay Muranka Badda islamarkaana la dejiyay xaaladda go’aankana loo daayay Maxkamadda ICJ. Danjire Axmed ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay Xeebaha ugu dheer Afrika marka laga reebo Madagascar,waxaa uu xusay in dalkiisu u baahanyahay maalgashi iyo dib u dhis,waxa ugu horreeyana ay ka midyihiin dayactirka 8 Dekadood. Wasiirku waxaa kale oo uu madasha ka sheegay in Soomaaliya iyo 44 Dal kale oo Afrikaan ah ay ka shaqeynayaan mashruuc lagu sameynayo suuqa Afrika oo looga hortagayo abaaraha dhallinyaradana loogu abuurayo shaqo. Caasimada Online Xafiiska Qatar Caasimada@live.com
  17. Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu qaaday guri sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland uu ka deganaa magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa bambaanooyin lagu weeraray guriga oo ku yaala degmada Dhoobleey, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh. Weerarkaasi ayaa lagu waramayaa inuu sababay dhimashada hal askari oo ka mid ahaa ciidamada Jubbaland iyo dhaawaca 7 kale oo ku sugnaa guriga, waxaana dadka dhaawacmay kamid ah taliyaha ciidamada Jubbaland ee deegaanka Taabto. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen rasaas ay ciidamada amaanka ku rideen dadka weerarka ka dambeeyay oo la sheegay inay ka baxsadeen halka ay weerarka ka geysteen. Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi bambaano, hayeeshee waxaa inta badan weerarada noocaas oo kale ah mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo dadka taageera. Maamulka degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose iyo Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee degmadaasi weli kama hadlin weerarkaas,balse Wararka saakey laga helayo degmadaasi Dhoobley ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Jubbaland ay wadaan baaritaano. Al Shabaab ayaa horey u sheegtay masuuliyadda weeraro kala duwan oo lala eegtay saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland, waxaana saraakiisha Jubbaland dhankooda ay sheegeen in xubnaha weerarkii Dhoobleey ka dambeeyay ay ka tirsanaayeen Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Dhoobleey Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wajahaya laba darran mid dooro, xilli aysan weli go’aan ka gaarin shirka la filayo in labada bisha May uu ka dhaco Garoowe ee dowladda iyo dowlad goboleedyada. Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyey in 2-da bisha May uu Garoowe ka furmi doono shirkan, wuxuuna ugu baaqay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda maamul goboleedyada inay ka soo qeyb galaan. Si kastaba, waxaa jirtay inuu horey u baaqday shir uu madaxweyne Farmaajo ku casuumay madax goboleedyada oo la doonayey inuu Villa Somalia ka dhaco 19-22 April, kadib markii ay diideen ama ka cududr darateen qaar ka mid ah madax goboleedyada. Waxaa shirkaas sababo jadwal uga cudur daartay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, halka Xaaf uu ku gacan seeray maadaama weli uu dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyo dowladda. Farmaajo iyo Kheyre, ayaa hadda wajahaya laba darran mid dooro. 1 – Haddii ay ka qeyb galaan shirka Garoowe, waxay u muuqan doonaan in siyaasad ahaan laga adkaaday, maadaama shirkoodii lagu gacan seeray laguna qasbay inay shir kale u tagaan magaalada Garoowe. 2 – Waxay wajahayaan cadaadiska beesha caalamka, waxaana haddii ay diidaan shirka ay u ekaan doonaan inaysan dooneyn in xal laga gaaro khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, xilli dhowaan madax goboleedyada ay wakiilada beesha caalamka kula kulmeen Nairobi, ugana dacwoodeen dowladda dhexe. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Farmajao iyo Kheyre ay maalmihii dhowaa dhowr mar ka shireen arintan, welina aysan wax go’aan ah gaarin, ayada oo ay ku adag tahay in labada qodob mid ay qaataan. Waxaa sidoo kale jirta in Saciid Deni uu shirkan ku dhowaaqay isaga oo aan marka hore la tashan madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha, taasi oo xubno ku dhow Villa Somalia oo la hadlay Caasimada Online ay ku macneeyeen “cayaar siyaasadeed oo la doonayo in dowladda gool looga dhaliyo.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. The leader of the Islamic State group has appeared for the first time in 5 years in a video released by the extremist group’s propaganda arm. The video released by Al-Furqan on Monday shows Abu Bakr al-Baghdadi appearing with a bushy grey and red beard, wearing a black robe with a beige vest and seated on the floor with what appears to be a machine gun propped up next to him. It is his first video appearance since he delivered a sermon at the al-Nuri mosque in the Iraqi city of Mosul in 2014. The SITE Intelligence group said al-Baghdadi acknowledged in the video the defeat in the battle for Baghouz, the group’s last stronghold in Syria, and discussed the bombings in Sri Lanka that killed more than 250 people. Qaran News
  20. Taliyihii Xabsiga Gar Adag Iyo Taliye Xigeenkii Booliska Degmadaas Oo La Dillay + ” Xaaladii Ugu Danbaysay” Labo Taliye ayaa lagu dilay Degaanka Badweyn Oo U Dhaxeeya Gar Adag Iyo Oog Labadan Taliye Ayaa Ahaa Taliyihii Xabsiga Gar Adag Cabdilaahi Axmed Tallan Iyo Taliye Ku Xigeenkii Saldhiga Booliska Gar Adag . Labadan Taliye Ayaa Ka Yimi dhinaca Degmda Gar Adag Kadib Markii Nin Lagu Magacaabo Cali Ciid Oo Ay Xidheen Xabsiga Ceerigaabo Ku Geeriyooday. Wararka Dhimashada Taliyayaasha Ayaa Sheegaya In La Laayay Iyaga Oo Degaankaas Maraya Galbeedna U Socda . Saraakiisha Ayaa Maydkooda Waxaa Kusoo Baxay Ciidamada Booliska Gobalka Saraar.Saraakiishan Ayaa Kasoo Jeeda Gobalka Awdal Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war kasoo saaray kulankii uu habeen hore madaxtooyada Soomaaliya kula yeeshay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo waxyaabihii ay kaga wada hadleen. Sheekh Shariif ayaa qoraal arrintaas ku saabsan oo uu soo dhigay bartiisa facebook, ku sheegay inuu madaxweynaha kala hadlay saddex qodob oo kala ah, xaaladda amniga dalka, xiriirka dowladda iyo maamul goboleedyada, iyo doorashada 2021. Hoos ka aqriso qoraalka Shariif Waxaan rabaa inaan uga mahad celiyo Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay nagu casuumay kulan qada-sharaf, iyo soo dhaweyn isugu jira oo aan sidoo kalena kaga wada hadalnay marxaladda uu maanta dalku marayo. Waxaan si gaar ah iskula soo qaadnay aniga iyo Madaxweynaha duruufaha amniga ee dalka ka jira iyo sida loo sixi karo, xiriirka sii xumaadey ee dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada iyo habka ugu wanaagsan ee loo xalin karo iyo xaqiijinta qabsoomidda doorashada 2020/2021 dalka ka dhacaysa. Madaxweynaha oo martiqaadka kulanka noo fidiyay waxaan kaloo la wadaagnay sida ay xisbiga Himilo Qaran la tahay in lagu xalin karo dhammaan tabashooyinka muuqda ee maanta dalka ka jira, wuxuuna naga ballan qaadey in doorashada 2020/2021 dalka ka dhacaysa ay u qaban doonaan si xor ah oo xalaal ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Hogaamiyaha ISIS oo La sheegay in la dilay oo 5 Sanno kadib Muqaal soo duubay Hogaamiyaha Kooxda ISIS / Daacish Abubakar ayaa markii u horraysay muddo 5 sanno wuxuu ka soo muuqday muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada. Hogaamiyahan oo magaciisa rasmiga yahay Ibrahim Awwad Ibrahim Ali al-Badri, Dhalasho ahaana ka soo jeeda Ciraaq ayaa ku goodiyay inay aargoosan doonaan ka gadaal markii laga qabsaday dhammaan dhulkii ay ka haysteen wadamada Ciraaq iyo Suuriya. Al Baqdadi oo aan la arkin muuqiisa ilaa bishii julay ee sanadkii 2014ka ayaa muuqaal 18 daqiiqo ahaa oo laga sii daayay warbaahinta afkooda ku hadasha al-Furqan media network, waxa uu kaga hadlay guuldaradii kooxdiisu kala kulantay degaanka Baghuz oo ahayd goobtii ugu dambaysay ee ay kaga sugnaayeen wadanka Ciraq Sidoo kale wuxuu ka hadlay Qaraxyadii lagu laayayay boqolaal qof ee u dabaaldegayay ciidada Easterka ee Masiixiga ee wadanka Sirilaanka. dagaalo kooxdiisu ka wadaan wadamada Maali iyo Burkiino Faso ee qaarada Afrika Dagaalkii Baghus wuu dhamaaday, laakiin Dagaalo badan ayaa imaan soo socda” ayuu yidhi baqdaadi. Kooxda Daacish ayaa mar ka talin jirtay dhul ballaadhan oo ku yaala wadamada Ciraaq iyo Siiriya ka hore intii aan xoog looga xorayn. Qaran News
  23. “Mukulaal kama xajiso madax dooli, Madaxweyne gobal na kama koro qaraabka beesha caalamka”. Beesha Caalamka= International Community= المجتمع الدولى waa magac loo adeegsado midawga iyo is raaca dawladaha, shucuubta iyo golayaasha Qaramada Midoobay ama go’aano loo dhanyahay oo kasoo baxay Jamciyada Quruumaha ka dhaxeysa ama Golaheeda Ammaanka! Lkn Siyaasiyiinta Somaalida ayaa u yaqaan Magac kale sida: markii Siyaasigu uu la kulmo Safiir ka tirsan dawladaha reer galbeedka ama hay’adaha fuliya mashaariicda midawga Yurub! In uu dadka u sheego; waxaan la kulmay Beesha Caalamka? Waxaan ka wada hadlnay Beesha Caalamka? Waxaan ku heshiinay Beesha Caalamka? Waxaan bishaaro ka wadaa Beesha Calamka iwm? Xarunta Beesha Caalamka ee Siyaasiyiinta Somaaliya ayaa aheed 1960 – 1990 Rooma, 1991 – 2016 Addis Absba, kadib na u wareegtay Abu Dhabai iyo Nairobi, lamana qiyaasi karo goorta ay meel kale u guuri-doonto maadama aan nahay bulsho reer guuraa ah? Maalmahaan waxaa la hadal hayey qaar ka mid ah Madaxda Gobalada oo kulamo kula qaatay Beesha Caalamka Nairobi iyaga oo ka ashtakoonaya dawladda federaalka! Xalay ayaan dhageystay Madaxweynha cusub ee Puntland Mudane Saciid Deni war-saxaafadeed uu ku qabtay Garoowe isaga oo ku eedeeyay dawladda federaalka in ay khilaaftay Dastuurka Federaalka, kuna xad gudubtay dawladihii gobalada iyo awood qeybsigii beelaha, loogana yeeray Garoowe si loo xisaabiyo iyo in uu ka qeyb-qaadan-doono xallinta khilaafka Galmudug? Madaxweynaha Puntland waxaan rabaa in aan weydiiyo su’aalo ah aqoon kororsi kaliya oo aan laheyn ujeedooyin kale; 1. Xamar oo aad ku dhalatay kuna barbaartay, ugana mid noqotay dawladda aad magaca iyo maamuuska ku yeelatay oo aad ku gaartay ilaa musharax Madaxweyne! Maxaad safarkaaga uga bilaabi wayday inta aadan Beesha Caalamka u aadin Abu Dhabai iyo Nairobi? 2. Cumrigaaga Madaxweynaha Puntland waa 3 bil jir kaliya kadib caleema-saarkaagii, bil ka mid ah waxaad ku maqneed Beesha Caalamka, laba bil kale waxaad ku mashquul-naneed dhismaha Xukuumada Puntland iyo Safaradii Qardho iyo Boosaaso! Goormee ogaatay khaladaadka Federaalku galay? Kadib markii la isku cafiyey, bog cusub na la furtay caleema-saarkaagii Garoowe, dhamaadkii Janaayo ee sanadkaan! Mise waxaad raacday File-kii uu ka tegay Madaxweyne Gaas? 3. Safiirada US, UK iyo UAE horay ayaad ugula kulantay Garoowe iyo Boosaaso ee macnaha iyo qiimaha ay u sameynayso reer Puntland in aad kula kulanto Abu Dhabai iyo Nairobi maxay tahay? 4. Dastuurka Qabyada Federaalka waxaa Hooyo u ah Puntland, mana jirto Maxkamad kale oo fasirta! Ee maxaad ku fasiri laheed Qodobka ah; “kulamada Beesha Caalamka waxaa leh kaliya Dawladda Federaalka”? 5. Hal-ku dhega ugu badan ee ay adeegsadaan Madaxda Puntland ayaa ah “dawladaha xubnaha ka ah dawkadda federaalka”! Puntland miyaa xubin ka ah federaalka? Mise federaalka ayaa xubin ka ah Puntland? 6. Awood qeybsiga dawladaha xubnaha ka ah federaalka! Qodob Dastuurka Qabyada ah ayaa tilmaamaya in dawladaha xubnaha ama beeluhu si siman u qeybsadaan xubnaha Aqalka Sare! Maxaa lagu fasiri karaa qeybta libaax ee ay qaadatay Puntland? 7. Puntland oo diiday bilawgii dhismihii Galmudug, kuna tilmaantay in ay khilaafsantahy Dastuurka Qabyada, kana yartay laba Gobal! Haddii ay hadda rabto in ay wax ka dhisto! Ma Madaxweyne Xaaf oo waqtigiisii dhamaaday ayey wadataa? Mise cid kale? Mise dhihi karnaa faragelintii ay ku eedeysay federaalka ayey iyaduna wadaa? 8. Haddii Madaxweyna Somaaliland uu rabo in uu dadkiisa aqoonsi uga helo Beesha Caalamka! Adiguna aad rabto in aad toos ugu xirto Puntland Beesha Caalamka! Maxaad ku kala duwantihiin? 9. Shirka aad ku baaqday ee Gobalada iyo Federaalka ee Garoowe 2 da May! Sidee ayaad dhex-dhexaad uga noqonee? Kadib markii aad eedeyn usii horumarisay Federaalka? Dooda su’aalahaan iyo kuwa kale waxa ay fure u yihiin Qaran la wada leeyahay oo ku taagan tiirar adag oo ka duwan kii naga burburay! W/Q: Dr. Maxamed Gacal Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  24. PRESS RELEASE World Finance Magazine awards Temenos “Best Islamic Banking & Finance Technology Provider” for second consecutive year Temenos’ market-leading software recognized by industry peers for its exceptional offering in Islamic banking DUBAI, United Arab Emirates, April 29, 2019/ — The 2019 Islamic Finance Awards, presented by World Finance Magazine, has announced that Temenos (SIX: TEMN) (www.Temenos.com) has won the ‘Best Islamic Banking & Finance Technology Provider’, for its breakthrough digital front office product, Temenos Infinity, and next generation core banking system, Temenos T24 Transact. For the second consecutive year, Temenos was recognized after demonstrating remarkable contributions to Shari’ah-compliant banking, finance and investing across the region. The World Finance Islamic Finance Awards bring together key players in the Islamic finance industry, and recognize the most successful operators in the field from around the globe. Shari’ah-compliant financial assets are forecasted to reach $3.8trn by 2023, up from $200bn in 2003. As the industry matures, the 2019 World Finance Islamic Finance Awards shine a light on the companies that are pushing its boundaries. The 2019 World Finance Islamic Finance Awards recognize the institutions that are setting the agenda on the international stage. Nominated by World Finance magazine readers and website users, Temenos Infinity and Temenos T24 Transact, Temenos’ pre-integrated, open, digital banking offering, provide exceptional features for Shari’ah compliance. This winning combination brings together the richest packaged functionality with the most innovative cloud-native technology, allowing banks to implement faster and more cost-effectively. Temenos was able to demonstrate outstanding product and service delivery, growth, market presence and governance. These were the main criteria in the evaluation by the judging panel. During the evaluation process, Temenos was commended by the World Finance Awards committee for the remarkable feedback received from subscribers regarding the solution’s flexibility in supporting both fully-fledged Islamic banks, as well as conventional banks with Islamic windows. Temenos’ products were identified as the leading solution for retail, commercial, investment and wealth management banking operations. Shari’ah-compliant features include Murabaha financing, diminishing Musharaka, Qard Hasan, Bai Al Salam, Istisna’a and parallel, and financing Ijara, Tawaruq, Itsisna’a and many other Islamic finance aspects. Jean-Paul Mergeai, Managing Director Temenos Middle East & Africa commented: “Temenos is delighted to once again receive the ‘Best Islamic Banking & Finance Technology Provider’ award from World Finance in recognition of our historical and continuous investment in Islamic finance. For over 20 years, Temenos has been supporting the Islamic finance community with flexible, scalable and innovative Shari’ah compliant solutions that have been specifically designed around the customer journey across any business line. Our close collaboration with Islamic sector has been rewarded with recent signings including Al Rajhi, the world’s largest Islamic bank, and Palestine Islamic Bank, the largest Islamic finance institution in Palestine. We look forward to continuing to empower Islamic banks with open, flexible and agile technology, enabling them to reap the benefits of end-to-end digitalization with Temenos Infinity and Temenos T24 Transact cloud native and cloud agnostic solutions.” Temenos’ winning combination of Temenos Infinity and Temenos T24 Transact not only enhances efficiency with automation and continuous deployment, but also offers differentiated customer service and solutions. Temenos was once again praised by industry peers for its remarkable features, including an Islamic Treasury module, Islamic Portfolio Management platform, Islamic Retail Banking platform, Islamic Product Builder. Distributed by APO Group on behalf of Temenos. Qaran News