Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya shirka Garoowe ayaa sheegaya in madaxda halkaas ku shirsan ay gaari la’yihiin wax heshiis ah, hase yeeshee aysan haysan wax ikhtiyaar ah oo ay halkaas uga soo tagaan. Ilo-wareedyo ku dhow xafiisyada qaar ka mid ah madax goboleedyada iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in waxa kaliya ee hadda madaxda ku haya shirkan oo galay maalintii afaraad ay tahay cadaadiska safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto. Yamamoto, oo la kulmay dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda federaalka maalmo ka hor shirka ayaa la sheegay inuu uga digay in haddii aysan Garoowe ku gaarin heshiis dhab ah in beesha caalamka ay ka niyadjabi doonto Soomaaliya, una arki doonto Soomaalida kuwa aan dooneyn in dalkooda hore u socdo. “Waxa kaliya ee hadda madaxda ku haya halkan ayaa ah digniinta safiirka Mareykanka, ee mar hore ayay tagi lahaayeen” Waxaa sidaas yiri mas’uul ku sugan shirka oo magaciisa qariyey. Shirka ayaa waxaa maalmihii koowaad uu waqti kaga kulmay xiisadda madaxda dowladda federaalka iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xalay shirka ka baxay. Waxaa sidoo kale la isku qabtay qodobka doorashada ayada oo madax goboleedyada ay dalbadeen in dowladda ay dib ugu laabto sharcigii ay meel-mariyeen golaha wasiirada, taasi oo madaxda dowladda ay diideen. Qodobkan ayaa caqabadda ugu weyn noqday, wuxuuna hor-istaagay in heshiis buuxa la gaaro, ayada oo qodobo kale oo dhowr ah oo la isku raacay aan la saxiixi karin qodobkan la’aantiisa, maadaama uu yahay qodobka ugu muhiimsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.om
  2. Wasiir kuxigeenka wasaarada amniga ee dowladda Puntland Yuusuf Maxamed Ismaacii ayaa Warbaahinta lawadaagay qodobadii ka soo baxay shirkii wadatashiga Amniga Soomaaliya ee udhexeeyay dowladda iyo. [...] Source
  3. Darawal Mooto bajaajle ah ayaa maanta lagu dilay Isgoyska Tarbuunka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaddib markii askari ka tirsan ciidanka dowladda oo rasaas ku furay. dilka darawalka ayaa ka dambeeyay ka dib markii uu muran soo kala dhex galay askariga iyo darawalka mooto bajaajka, waxaana taasi ay keentay in dhowr xabadood uu ku dhufto. Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, inkastoo aanay u suura gelin inay gacanta ku soo dhigeen askarigii dilka geystay oo goobta ka baxsaday. Darawalkan Mooto bajaajlaha ayaa noqonaya kii u horeeyay ee la dilo, tan iyo markii ay dhalatay bisha Ramadaan, waxaa muddooyinkii u dambeeyay isa soo tarayay dilalka loo geysto darawalada mooto bajaajta Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo dhowaan warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa xisbiga Waddani, ayaa waxa uu ka dhawaajiyey mowqifkooda ku aadan Wada-hadalada Soomaaliyo iyo Somaliland. Guddoomiye Ciro ayaa sheegay in xiligan aysan munaasib aheyn in Wada-hadal lala furo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ciro ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumada Muuse Biixi ay kala qeybisey bulshadii reer Somaliland, isagoona ka dhawaajiyey in wada-hadaladaasi ay ka horeeyan in bulshada Somaliland la mideeyo. Guddoomiyaha xisbiga Waddani oo arrimahaasi ka hadlayey ayaa waxa uu yiri “Xukuumadda Somaliland iyada oo leh boqolkiiba konton shacbiga waan ka maarmay, oo aan rumays nahay kontonka ay tirsanaysaana in aanay maanta kalsooniba ku qabin, waxaan qabaa inaanay ahayn waqtigii ugu haboona ee ay bilaaban lahaayen wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya”. Wuxuuna intaas kusii daray “Xisbi ahaan Anaga oo mabda ahaan ogol in la wada-hadlo haddana waxa ka horeeya in aynu gurigeena hagaajino, inaynu shacbiga midayno, in aynu tacadiga, xeer jebinta iyo ku tumashada shuruucda, jidh dilka shacbiga iyo xariga ka dayno oo inaga oo midaysan oo shacbigu gudaha ka midaysan yahay ayuu gali karaa in uu la hadlo”. “Marka ay ku haboonaato in wada-hadal la galo waxa loo baahan yahay in qorshihii hore iyo istaraatijiyaddii hore wax laga bedelo loona diro dad ka midho dhalin kara, wada-hadal kasta oo la galayaana waa inay u dhanaadan metelayaasha shacbiga oo uu ka mid yahay xisbiga Waddani”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  5. Wasiirka wasaarada qorshaynta ee dowladda Puntland cabdiqafaar Xange ayaa Warbaahinta u akhriyay War-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii wasaaradaha qorshaynta ee dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha [...] Source
  6. Xukuumadda Qadar ayaa sheegtay in ay u direyso dadka reer Falastiin lacago doolar ah oo gaaraya 480 milyan,gaar ahaan dadka ku sugan deegaanka Daanta Galbeed [...] Source
  7. The family of a British woman who was radicalised while studying in Kenya have appealed for her to be allowed to return home after being severely injured in a coalition attack on Islamic State. Source: Hiiraan Online
  8. Ku soo dhawaada barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa qeybtii 470-aad, waxana soo jeedinaya Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Read More
  9. Roobabkii xalay ka da’ay gobolka Cayn Roobabka gu’ga, ayaa xalay miray degaanno ka tirsan gobolka Cayn oo abaaro baahsan iyo biya la’aani ka jirtay, sida ay soo sheegayaan bulshada ku nool degaannada roobsaday. Tuulooyinka xalay roobku miray waxaa kamid ah: Dan-Dan, Sarmaan, Dhillaalo, Balli-cad, Carra-weyn iyo Banyaal oo dhammaantood ka tirsan gobolka Cayn, inkastoo roobabka halkaasi ka da’ay ay kala duwan yihiin, iyadoo meelaha qaar doogsimo keliya laga soo sheegayo, halka degaanna kalena ay roobab badan ka da’een. Tuulooyinka Dan-Dan, Balli-cad iyo Dhillaalo ee gobolka Cayn iyo dhulka miyiga ah ee ku xeeran, ayaa waxa isu raacay roobabkii gu’ga oo mir iyo mayay leh(bariise), kuwaasi oo buuxiyay balliyada, saaxaha iyo gal-gelimaha sida lagu soo warramayo. Sidoo kale, roobab teel-teel ah oo aan sidaasi u badneyn, ayaa ka da’ay degaanno kamid ah gobollada Sool iyo Mudug, balse sida la sheegayo waa jaamo yar yar, marka loo eego abaarta daran ee dhulkaasi ka jirta. PUNTLAND POST The post Roobabka gu’ga oo ka da’ay degaanno kamid ah Puntland appeared first on Puntland Post.
  10. Garowe (Caasimada Online)-Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa wali ka soconaya kulamada kala duwan ee u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada. Kulamada ka dhacaya magaalada Garowe ayaanan wali wax go’aan ah laga soo saarin, waxaana socda kulamada u dhaxeeya madaxda matalaysa Ummada Soomaaliyeed. Gelinkii dambe ee shalay waxaa muuqday in is faham laga gaaray arin ku saabsan maamulka Galmudug, iyadoo la isku raacay in muddo sanad ah loo kordhiyo Madaxweyne Xaaf, walow kulamadii dambe ee xalay uu ka dhashay isfaham waa kale oo keenay in shirka lagu kala boodo. Madaxweyne Xaaf ayaa marka hore aqbalay muddo kordhinta sanadka ah, balse markii dambe ayuu diiday in muddo kordhintaasi uu aqbalo, taasi oo keentay in shirarkii xalay lagu kala boodo. Madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa doonaya in uu rabitaankooda ka hirgalo Madasha Garoowe, halka ay dawlad gobaleedyada qaarkoodna doonayaan in wax wadajir ah ay kasoo baxaan kulankan. Ma jiraan ilaa hadda wax heshiis ah rasmi ah oo la gaaray, iyadoo Arrinta Galmudug ay ahayd caqabada ugu badan ee shirka hareysay, shalayna heshiis laga gaaray ayaa markale xalay burburay. Waxaa la is weydiinayaa shirkaasi maalintiisii Afaraad galay in ugu dambeyn xal waara laga gaari doono kulamada magaalada Garowe iyo in shirkaasi lagu kala tagi doono iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin. Shirka ayaa u muuqdo mid waqti dheer qaadan doono, haddii madaxda kusugan magaalada Garowe aysan isku fahmin qodobada qaar ee xasaasiga ah, sida arimaha doorashooyinka, amaanka, Kheyraadka dabiiciga iyo arimaha Galmudug iyo Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ku riday ruux ku eedeysan inuu Al Shabaab u daabuli jiray hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu ka iibin jiray. Eedeysane Cadow Cabdulle Axmed oo loo yaqaan Cadow Carab, ayaa maxkamadda ciidamada qalabka sida waxay ku xukuntay sideed sano oo xabsi ah, waxaana xukunkiisa ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Xasan Cali Nuur Shuute. 30-kii April ee Sanadkan ayay Maxkamadda Ciidamada ballamisay dhageysiga Dacwadda, waxaana xilligaasi looga yeeray fadhiga Maxkamadda dhinacyada ay qoseyso. Si cad ayuu fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in uu u furnaa suuq uu ku iibiyo Hubka oo cid kasta oo daneysa Hubka uu ka iibin jiray laakiin arrinta la yaabka leh ayaa ahayd in uu safarro ku bixiyay si’uu Alshabaab ugu geeyo Nuucyada Rasaasta iyo Hubka. Kuunya Barrow, Toorotoorow iyo Mubaarag ayuu geyn jiray hubka isaga oo ku kala wareejin jiray shaqsiyaad Alshabaab u qaabilsanaa Keydinta Hubka sida uu garsoorka ka hor caddeeyay Cadow. Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) uusan ahayn dhallinyaro la marin habaabiyay balse uu go’aansaday in uu hanti ka sameeyo dhiigga Umadda, waxa uu garsoorka u sheegay in Eedeysanaha uu ku qanacsanaa shaqada Alshabaab uu u hayay. “Dadaal iyo Juhdi ayuu ku bixiyay si’uu Alshabaab ugu geeyo goobaha ay ku dhuumaaleysteen hubka iyo Rasaasta, waxa uu isticmaalay farsamo kasto uu Alshabaab ugu geeyo Hubka “ ayuu Hadalkiisa sii raaciyay ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida, garsoorka Maxkamadda ayuu weydiistay isaga iyo kuwa lamidka ah in la marsiiyo ciqaab u dhiganta qodobada sharciga ah oo ay ku soo eedeeyeen. Todobaad kadib Maanta ayay Maxkamadda kasoo saartay go’aan eedeysanaha, waxaana Eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) lagu xukumay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida. Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka digtay iibinta hubka Qarsoodiga ah (Cir-toogte), waxa ayna Maxkamadda fartay hey’adaha Ammaanka in ay baaris iyo daba gal ku sameeyeen Shqsiyaadka ka ganacsada Hubka. “Shaqsigii ay ku cadaato in uu gacan ku siiyo cid kasta oo lid ku ah dowladnimada hub iyo Rasaas waxa uu inooga dhigan-yahay sida kooxaha arga-gixisada, waxa uuna heli doonaa ciqaab u dhiganta miisaanka dambi uu galay, Ogaada cid loogu dulqaadan doono ma jirto ficillada nuucaas oo kala ah” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) ayaa heysta fursad uu ku dalban karo rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Deegaano hoose yimaada degmada Baran ee gobolka Sanaag ayaa waxaa laga soo sheegayaa abaar saameen ku yeelatay dadka iyo duunyada. Tuulada Xarigle ayaa kamid aha [...] Source
  13. Ceerigaabo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sool ayaa sheegaya in maamulka magaaladaasi ay diideen amarkii kasoo baxay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogay deegaanada gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana madaxweyne Biixi uu amray in la dhaqan geliyo xaaladaasi deg degaasi. Guddoomiyaha degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa sheegay in Gobollada Sool iyo Sanaag marka ay dhibaatooyin ka dhacaan aad loo buun buuniyo, halka Gobollada Galbeedka aysan sidaas ahayn. Arrinta ismaadhaafka keentay ayaa ka dhalatay markii labo Sarkaal lagu dilay Gobolkaasi, kuwaas oo laftooda loo heystay in ay Xabsi ku dhex dileen Ganacsade deegaanka ah oo ka doontay deyn uu kulahaa. Baarlamaanka Somaliland ayaa sidoo kale diiday xaaladda deg degga ah iyada oo kulan Arbacadii ay qaateen uu buuq ku dhamaaday loona qabtay sabtigii la soo dhaafay hayeeshee ka horba la fasaxa. Dhawaan ayaa madaxweynaha maamulka Somaliland wuxuu xaalad deg deg ah kusoo rogay deegaanada gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana la ogeyn sida go’aanka guddoomiyaha degmada Ceerigaabo uu wax uga badali karo go’aanii madaxweyne Biixi. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
  14. Iyadoo lagu guda jiro xiligii xagaa baxa ee magaalada Bosaaso, ayaa waxaa dhanka kale aad u soo badanaya shilalka gawaarida safarka ah. Shilkii udambeeyay ayaa [...] Source
  15. Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa. Ajendaha xalay loo diray xildhibaannada waa akhrinta sharciga Batroolka oo dhowaan ay xukuumadda federaalka ah wax ka badalkiisa soo gudbisay. Dhinaca kale, warar ay Goobjoog News ka heshay magaalasa Garoowe ayaa sheegay in madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada isku afgarteen in dib loo dhigo sharciga, laakin golaha ayaa muuqato in aaney arrintaas la socon. Isniintii ayey golaha shacabka ku balansanaayeen in la akhriyo sharcigan balse waxaa uu u baaqdey kooram la’aan, taasi oo keentay in maanta mar kale la soo celiyo. Sharciga Batroolka waxaa horay uga soo horjeestay Puntland iyo Jubbaland iyaga oo sheegay in aan lagala tashan markii hore. Waxaa kale oo shaki laga qabaa sababta sharci horay loo ogolaadey ay wasaaradda Batroolka usoo celisay, iyada oo wax ka badalka aan cidnka kala tashan, oo isku keli yeeshay. Goobjoog News ayaa wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed wax ka weydiisay hannaanka sharciga Batroolka, dedejinta, kala tashi la’aanta dowlad goboleedyada iyo haddii shirkado ajnabi ku lug leeyihiin, laakin Axmed waa diiday inuu ka hadlo isaga oo yiri” Ciddii sheegtay information”kaas haloo raadiyo”., Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Nugaal ayaa lagu mamnuucay in la qabto shirar iyo kulamo aysan ka war-hayn maamulka gobolka Nugaal [...] Source
  17. Taliyaha qaybta Booliska gobolka bari Xuseen Cali Maxamed oo maanta waraysi gaar ah siiyay warsidaha Puntlandi.com ayaa ka hadlay dilal habeenadii la soo dhaafay ka [...] Source
  18. Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyay degmada Wadajir ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay Wiil iyo Aabihiis oo dhac ka geysanayay gudaha degmadaasi. Cabdraxmaan Maxamed Macalin Cali guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in labada qof ee la soo qabtay ay ka tirsan yihiin Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa magacyada raggaasi ku kala sheegay Cumar Qaboobe Xasan iyo Khadar Cumar Qaboobe oo labaduba ah Wiil iyo Abihiis. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in raggani ay ku wareejiyeen xeer ilaalinta Qaranka, si loo horkeeno cadaaladda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/cod-guuleed.mp3 View the full article
  19. Somaliland: Saudi Arabia Eager To Facilitate Any Future Somaliland-Somalia Talks Hargeisa,(Qaran newa)-The Kingdom of Saudi Arabia has clearly stated it’s desire to hold and facilitate any future Somaliland-Somalia talks. The Saudi Arabian government recently sent the ambassador accredited to neighbouring Somalia on a visit to the Somaliland capital, Hargeisa, to meet and discuss areas of mutual interest with the administration of President Muse Bihi Abdi. On of the areas discussed between Somaliland and Saudi Arabia was the possibility of any future Somaliland-Somalia talks taking place in the kingdom. There are many countries actively jockeying for the opportunity to holds these talks that are expected to determine the future relationship between the two countries. Previous talks held in Turkey have failed due to the inability of the Turkish government to enforce any of the basic agreements, such as the air space issue, and the unwillingness of the federal administration in Somalia to adhere to a single undertaking from the Istanbul accords. A recent delegation from Turkey to Somaliland was told in no uncertain manner that ” the international community must be involved in any future talks between Somaliland and Somalia, since Turkey has not proved itself to be an impartial arbiter”. Several countries, including, Eritrea, Ethiopia, and Djibouti have also shown keen interest in facilitating these prospective talks. Qaran News
  20. Garowe (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga ee Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil ayaa ka warbixiyay kulan magaalada Garowe ay ku wada qaateen wasiirada amniga ee maamul goboleedyada dalka. Wasiir Yuusuf ayaa sheegay in wasiiradu ay ku heshiiyeen in meel looga soo wada jeesto dhibaatooyinka amniga ee ka jira guud ahaan dalka, islamarkaana la’iska kaashado ka hortaga dadka dambiyada ka geysta deegaanada dowlad goboleedyada dalka, kuwaas oo qaarkood u baxsada gobollada kale. Sidoo kale waxa tilmaamay in arrintaasi ay muhiim u tahay amniga dhammaan maamul goboleedyada dalka. Arrintan ayaa waxa ay ku soo aadeysaa, xilli qaar ka mid ah deegaanada dowlad goboleedyada ay haatan ka jiraan dhibaatooyin ka dhan ah amniga. View the full article
  21. US President Donald Trump's taxes show that he lost USD1.7 billion over a decade starting in the mid-1980s, The New York Times reported Tuesday. Source: Hiiraan Online
  22. Somaliland: President Muse Bihi Receives Egyptian Delegation. Hargeisa,(Qaran news)-The Somaliland President Muse Bihi Abdi received a delegation from the Arab Republic of Egypt in Hargeisa. The Egyptian delegation is led by deputy Foreign minister, Ambassador Hamdi Loza paid a courtesy call on the president on Tuesday. Upon their arrival in Somaliland, the delegation was met at Egal International Airport by the Somaliland deputy ministers of Foreign and of Health, Abdilkadir Omar Jama and Liban Yusuf Duale. The Egyptian delegation are expected to holds talks with senior officials from the Somaliland government and visit some of the cultural centres of the country. Qaran News
  23. Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay tartan aqooneedka Shabelle ku loomay degmooyinka Kaxda iyo Baraawe oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Labada degmo oo ku wada jira Group-ka A ayaa xalay ku kulmay is araga koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Tartamayaasha labada dhinac ayaa soo bandhigay tartan xiiso badan, iyagoona kala keensaday 14 dhibcood oo ay heshay Kaxda iyo 8 buundo oo ay la timid Baraawe. Hayeeshee labada degmo ayaa jabiyay tiirar ka mid ah xeerka u yaalla barnaamijka tartan aqooneedka Shabelle, waxaana guddigu mid laba dhibcood ay ka jareen labada dhinac, waxaana natiijo ahaan tartanka uu ku soo gabagaboobay Kaxda oo keensatay 12 Dhibcood, iyo Baraawe oo la timid 6 Dhibcood. Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba gelinaya Shirkadaha BECO iyo Coca-Cola. View the full article
  24. The revived Uganda National Airlines has secured seven regional routes. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho ( SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-08052019.mp3 View the full article