Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Barnaamijka waxa aan toddobaadkan ku soo qaadaneynaa adeegyada caafimaad ee dowaldda maraykank ugu talo gashay dadka Mareykanka, gaar ahaan kuwa danta yar oo ay Soomaalidu ka mid tahay. Read More
  2. Dawladda Maraykanka ayaa dhalashadii dalkeeda kala noqotay Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Kaariye oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, waxaanu toddobaadkii hore soo gaadhay dalka Somaliland. Warbaahinta magaalada Portland ee gobalka Oregon ee dalka Maraykanka ayaa shalay qortay in Sheekh Kaariye oo ay dawladda Maraykanku ku dartay liiska dadka aan dhoofi karin ee aan Maraykan dibada uga bixi karin ayaa waxay u diyaarisay bishii January qaab uu Kaariye kaga baxo Maraykanka oo uu ku tago Somaliland, isagoo marka uu Somaliland soo gaadho DHL dib ugu diri doona Baasaaboorka Maraykanka ee uu ku soo socdaalay. Waa isfaham ay gaadheen dawladda Maraykanka iyo Sheekh Kaariye. Sida ka muuqata is afgaradka ay gaadheen Sheekh Kaariye iyo dawladda Maraykanku, Sheekh Kaariye kama hor iman doono amarka Maraykanka ee ah in dhalashadii lagala noqdo, iyadoo lagu eedeeyay inuu warbixin aan rasmi ahayn bixiyay bishii Julay ee sannadkii1997 markii uiu dalbanayay degenaanshaha Maraykanka. Sheekh Kaariye oo 57 jir ah waxa uu Arbacadii toddobaadkii hore duulimaad diyaaradeed oo 14 saacadood ah ka soo raacay dalka Maraykanka isagoo afar cisho dib uga dhacay wakhtigii ay ahayd inuu soo gaadho Somaliland, sababta dib u dhiciisa keentayna waxay warbaahintu ku sabaysayay hay’adaha ammaanka ee dalka UAE oo ay diyaaradu kula soo hakatay ayaa ku qabsaday madaarka oo su’aalo weydiiyay. Isla markii uu ka soo duulay Maraykanka wuxuu subaxnimadii soo gaadhay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, halkii ay ka ahayd inuu toos u soo dhaafo oo uu soo gaadho magaalada Hargeysa, sida ay warbixintu sheegtay hay’adaha ammaanka ee UAE ayaa qabsaday, waxaanu Sheekh Kaariye farriin qoraal ah telefoonkiisa ugu diray looyarkiisa, oo uu ku yidhi, “Waxbaa khaldan.” 7 saacadood oo ay hay’adaha Maraykanku waraysanayeen waxay weydiiyeen su’aao ku saabsan arrimo ku saabsan koox lagu magacaabo “Portland Seven” oo ah koox Maraykan Muslimiin ah oo u dhashay Portland oo lagu xukumay inay doonayeen inay ku biiraan kooxda Al-qaaciida. Waxa kale oo wax laga weydiiyay Masaajidka As-Saber oo uu iimaan ka ahaa iyo dadka ku cibaadaysan jiray, looma ogolaan inuu looyarkiisa la hadlo markii UAE su’aalaha lagu weydiiyay iyadoo alaabtiisii oo dhan laga qaatay, sida uu sheegay looyarka u doodaya Philip Smith. Waxa Wuxuu Maraykanku ku eedeeyay Sheekh Kaariye inuu ka mid ahaa raggii Ruusha kula dagaalamay dalka Afganistaan Ugu dambayn Sheekh Kaariye, wuxuu soo gaadhay Jimcihii toddobaadkii hore caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanay looyarada Sheekh Kaariye ku eedaynayaan dawladda Maraykanka inay jabisay sharcigii maadaama oo Sheekh Kaariye ay su’aalo weydiiyaan hay’adaha ammaanka ee UAE, iyagoo ku dooday inaanay hay’adaha ammaanka ee UAE su’aalo weydiin karin Sheekh Kaariye iyaga oo aan xog ka helin dawladda Maraykanka, waxaanay maxkamada ka dalbadeen looyarada Sheekh Kaariye inay dawlada ku amarto inay sharaxaan sababta Sheekh Kaariye loogu qabtay Dubai ama loo ogolaado inuu dib u helo sharcigiisa oo aan laga qaadin, lana tuuro eedaha hore loogu jeediyay ee ah inuu ka been abuuray markii uu dalbanayay dhalashada Maraykanka. Sheekh Maxamed Cabdiraxmaan Kaariye ayaa ka soo jeeda qoys reer Hargeysa ah oo caan ku ahaa fidinta diinta Islaamka, waxaana aabihii Alle haw naxariiste ahaa Iimaamkii masjid jaamacii ugu horeeyay magaalada Hargeysa Qaran News
  3. Tottenham waxay caawa cashar u dhigtay Kooxda reer Holland ee Ajax, kadib markay 3-2 ku garaacdey guriga Ajax. Ciyaartii hore ee Guriga Tottenham waxay Ajax [...] Source
  4. The eight Ivy League schools are among the most prestigious colleges in the world. They include Brown, Harvard, Cornell, Princeton, Dartmouth, Yale, and Columbia universities, and the University of Pennsylvania. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay inuu meel wanaagsan marayo wada hadalka u socda madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada, kuwaasoo shir galay maalinkii 4-aad u socdo. Mahdi Guuleed waxa uu sheegay in arrimaha diirada la saarayo ay yihiin kuwo muhiim u ah dalka, uuna rajeynayo in is fahan ay ka gaaraan dhamaan dhinacyada Soomaalida ee fadhiga ku leh Caasimada mamaulka Puntland. Waxa uu cadeeyay in shirka si aad ah loogu gorfeynayo arrimaha Amaanka, Siyaasada, Dhaqalaaha iyo arrimaha Bulshada, qoodbadaas oo uu sheegay inuu ka qabo yidadiilo ku aadan iney ka soo baxaan natiijo wax ku ool ah. Shacabka Soomalaiyeed ayuu ugu danbeyn ka codsaday Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya iney taageeraan shirka, una duceeyaan madaxda sidii ay u soo saari lahaayeen qodobo ay ku mideysan yihiin oo dalka iyo dadkaba wax u tara. Hoos ka dhageyso ra’iisul wasaare ku xigeenka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/COD.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. A federal judge summoned Minneapolis city leaders to court on Wednesday after learning that the city had rejected an offer to settle a lawsuit over the killing of a black man by police in 2015 Source: Hiiraan Online
  7. Somaliland: Egyptian Delegation Visit The Port Of Berbera Berbera,(Qaran news)-The Egyptian delegation led by deputy Foreign minister Hamdi Loza paid a visit the city of Berbera in order to see the new developments at the port. The delegation accompanied by the Director of the Port Authority, senior officials from DP World Berbera and the Mayor of the city toured the new facilities and the ongoing work taking place at the new port. The delegation also visited some of the new facilities in the city of Berbera. The delegation are in Somaliland to discuss areas of mutual interest including fishing and maritime issues. Egypt the home of the mighty Suez Canal is the hub of the sea faring traffic in the Red Sea leading to the Indian Ocean and the Straits of Hormuz. The Egyptian delegation are also expected to visit the ancient cave paintings at Las Geel on their way back to Hargeisa. Qaran News
  8. Iranian President Hassan Rouhani announced Wednesday that his country was taking steps to halt its compliance with elements of a landmark nuclear accord, in a move that appeared certain to aggravate tensions with the United States. Source: Hiiraan Online
  9. I have written this note as a tribute to our late President Mohamed Ibrahim Egal: 17 years ago, on May 03, 2002, the late President Egal passed away at a hospital in Pretoria, South Africa.Egal was my hero. He was a patriot and wiseman.He was an elder statesman.He had good judgment. He had the courage to make tough decisions.He was a gifted leader. He was a fighter for Somaliland cause.He was a nation builder while the U.S. and United Nations failed to recreate Somalia.He led our young nation during the most turbulent time in our history. He was the founder of the present day functioning government structure and institutions in Somaliland.He knew how the government functioned. He knew well the political dynamics of the clans in the region. In fact, Egal was the architect of Somaliland’s referendum for independence in May 2001.But Egal did not live to see his dream realised.During his leadership he brought cohesiveness, peace and stability to the nation.As the result, Somaliland had achieved, albeit imperfect, development in the areas of education, and basic services.But still a massive work needs to done on human development area in our country.He believed a true free market economy. So far, we do not have anyone from Somaliland or even Somali peninsula politicians who can fill the vacuum Egal left.But he was not a flawless individual because he was not only a human being, but he was also in the public life for over four decades.Ramadan is next Monday, let’s pray for Allah to open for us the gates of the paradise and meet him there.Amen. Ali Mohamed Founder and Editor Gubanmedia.com, an online source of news and commentary about the Horn of Africa. He can reached @ aliadm18@gmail.com Qaran News
  10. Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa maalintii Afaraad galay Shirka magaalada Garowe ee Puntland uga socda Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Gobaleedyada kaas oo ilaa hadda ay taagan tahay doodiisa iyo muranka u dhaxeeya dhinacyada shiraya. Shirka ayaa u dhaxeeya inuu fashil ku dhamaado iyo in lagu heshiiyo marka loo eego heerka ay xiligaan taagan tahay xaaladda siyaasadeed ee dhinacyada ku shirsan Garowe. Dad badan ayaa aaminsan in kulankaan uu yahay kii ugu adkaa uguna waqtiga dheeraa waxaana dhinacyada ay u hadlayaan si ay caro iyo doodo ku dheehan tahay. Dad ku sugan magaalada Garowe ee Puntland ayaa Caasimada Online u sheegay in maamul Gobaledayda ay soo bandhigeen tabashooyin tiro badan oo ay sharuud ku xiran tahay sidii loo xalin lahaa. Maamul gobaleedyada ayaa u sheegay hogaanka Dowladda Soomaaliya in aysan ka aqbali doonin sida ay hadda wax u wado iyo sidii ay u soo maamushay xaalado laga soo gudbay oo ku laabasho u baahan. Waxay u muuqataa hadii shirkaan guul darro ku soo dhamaado in aysan qabsoomin doorasho, in aan la dhameestirin dastuurka qabyada ah, in aan waxba laga qaban dhismaha Ciidamada iyo in aysan halkaan dhaafin dhamaan shaqooyinka horyaala dowladda Soomaaliya. Khubaro dhanka siyaasadda ah ayaa qaba in dalka uu gali karo xaalad siyaasadeed iyo mid amni dowladana ay weyn karto degaanada ay maamulaan dowlad Gobaleedyada islamarkaana aysan saameyn ku yeelan doonin doorashooyinka ka dhacay Kismaayo iyo Dhuusamareeb. Sidoo kale hadii aan guul laga gaarin Shirka Garowe waxay u muuqaataa in xaalad rajo beel ah ay geli doonto wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland. Dadka qaar ayaa sheegaya in Afarta sano ee Farmaajo dhamaan doonto iyadoo aan maalinna aan kulan lala yeelan Somaliland. Waxaa muuqata in walaac xoog leh laga qabo sida ay noqon doonto natiijada Shirka ka socda Garoowe waxayna dad badan oo Soomaaliyeed ay ku talinayaan in ay dhinacyada muujiyaan tanaasul iyo isu dulqaadasho ballaaran si looga gudbo caqabada horyaala Dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  11. Lionel Messi broke down in tears after his dream of winning the Champions League for a fifth time with Barcelona collapsed against Liverpool. The Argentina international was inconsolable in the Barcelona dressing room following the 4-0 defeat at Anfield, where the Spanish champions were on the receiving end of an incredible comeback in Europe for the second season running, having won the first leg 3-0 at the Camp Nou. Last season in the quarter-finals Barça beat Roma 4-1 at home but collapsed in the away leg to lose 3-0 in Rome and go out on away goals. Messi was then selected for a drugs test by anti-doping officials and the team coach departed for Liverpool John Lennon Airport without him as a consequence. Reports in the Spanish media have claimed that, on his eventual arrival at the airport, Messi was involved in an angry confrontation with a group of Barcelona supporters furious at their team’s latest collapse in the Champions League. Luis Suárez apologised for the manner of Barcelona’s exit and insists the players are ready to face the criticism heading their way. “We are very sad, hurt,” he said. “We are human beings, we feel the pain, the frustration. We have to put our chest out for the bullets that will come now. “It cannot be that in a minute we concede two goals. [For] the fourth goal we looked like youngsters. We have to understand all the criticism that is going to rain on us.” Barcelona’s president, Josep Bartomeu, described the defeat as a “disastrous night” for the club and the manager, Ernesto Valverde, accepted questions would be asked of his future following another European failure Source Theguardian Qaran News
  12. (SLT-Hargaysa) Xildhibaan Dhakool oo ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa Sheegay In 18 May aanay ahayn maalin tariikh ku Leh Somaliland, balse ay tahay maalin beeshii SNM waa siduu hadalka u dhigaye ay iyadu calaamad satay Oo xusto. Hoos ka DAAWO Source
  13. (SLT-Hargaysa) Axmed Xaji Cali Cadami oo kamid ah siyaasiyiinta Ugu waayo aragsan Dalka xilal badana Ka Soo qabtay ayaa ka hadlay xaalada Somaliland maanta ku sugan tahay . Hoos ka DAAWO Source
  14. (SLT-Hargaysa) Dawladda Hoose ee Hargaysa ayaa bulshada fariin u dirtay munaasibada diyaar garowga 18-may . Hoos ka DAAWO Source
  15. Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa markii u horeysay ka hadlay xayiraad ay dhawaan ay kusoo rogtay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Xukuumada Biixi ayaa hore ugu diiday Prof Samatar in uu kulan ku qabto gudaha magaalada Boorama ee Gobolka Awdal, iyada oo markii dambe dadaal badan kadib loo ogolaaday. Prof. Samatar ayaa doqonimo ku tilmaamay in gobalka uu ka soo jeedo ee Awdal ay xukuumada Biixi isku daydo in aanu ku qabsan karin xaflad uu dadka kula hadlaayo. Waxa sidoo kale uu ka hadlay Prof Samatar saraakiishii ka tirsanaa ciidamada Somaliland ee dhawaan lagu dilay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag. Prof Samatar ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in dastuurka Somaliland u ogol yahay inuu shir qabsado oo uu wixii sharcigu ogol yahayna uu ka hadlo, isagoona u mahad-naqay bulshada reer Boorama oo ku tilmaamay inay ka adkaadeen xukuumada Biixi. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka hadlaya arrimahaasi, isagoo kulan ku qabtay Borama ayaa wuxu yiri “Shirkan aan ku jirno oo in muddo ahba uu guuxeedu isoo gaadhayay in la yiri yaan shirkaas la qaban, Axmed Samatar iyo inta la socotaana yaanay Boorama iman, warkaasi waa uu i soo gaaray, qodobka 32-aad ee dastuurka Somaliland waxa uu dhigayaa in qofka reer Somaliland uu xaq u leeyahay inuu si xor ah u abaabulo shir inuu dad isugu yeedho wax alle iyo waxii uu doono ee sharciga dalku uu ogol yahayna uu ku hadli karo”. “Anigu waxaan qabaa dastuurkana in aanay waafaqsanayn sidaas laysku dayay in la sameeyo, nacasnimo iyo doqonimo weyna ay tahay in qof la yiraahdo degmadii aad u dhalatay ma iman kartid, laakiin waxa farad weyn ii ah dadkii magaaladan deganaa iyo hareeraheeda iyo inta dibada ku maqan inay isku tageen oo si aad iyo aad ah oo qiimo leh ay uga adkaadeen hadalkaasi meeshii uu ka yimi iyo dadkii ka danbeeyay oo waynagaas caawa inaga oo is ogol wada sheekaysanayna, markaas aad ayaad u mahadsantihiin”. Wuxuuna intaas kusii daray “Anigu waxaan qabaa labadaas sarkaal ee tolka ah ee iyaga oo aan waxba galabsan oo shaqadii dawlada ee loo diray gacanta ku haya in la ugaadhsado oo la dilo, dilka caynkaas ah waa uu ka duwan yahay dilalka kale waayo dadka socda ee sharcigii ku socda ee hawshiisii qabsaday in dad gaar ah ay doortaan inay dilaan, dilka arimaha ugu xun ayay ka mid tahay markaas anigu aad iyo aad ayaan taas uga murugaysanay wax la ilaabi karana oo mar dhacayna iilama muuqato oo waa wax xasuusta galaaya tolka iyo umaddaba” “Marka arimaha waaweyn laga hadlayo arimahaas waaweyn ayay ka mid noqonaysaa waxaanan ku talinayaa in dilka caynkaas ah uu yahay mid deg deg wax looga qabto dadkii waxaas gaystayna degdeg loo soo qabto ee aanu wareegin hore ayay noo soo martay, dad tolka ah oo lagu laayay magaalada Dilla duleedkeeda oo iska wareegtay iska wareegtay arintaasi mar labaad, mar idage Alle ha dago mar labaad I dagana aniga ayaa is dagay markaas ma yeelayn”. “Anaga oo toban indhood leh ayaanu ku eegaynaa dacwadaasi halkay marto iyo deg-degeeda,waxaan intaas ku darayaa qoyskii labadaas sarkaal laga dilay iyagana waxii umaddi ay samayn karto ee kartida aadmi gaadhi karto in la abaal mariyo ileen carruur agoon ah ayaa jirta iyo xaasas, Somalilandna waxii maanta ka danbeeya dawladeeda iyo dadkeedu in aanay u dulqaadan karin waa in laysla gartaa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  16. Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-haben-08052019.mp3 View the full article
  17. Marka hore waqtigiinu ha idiin samaado dhamaan bahda wax akhrida. Waqtigan hadda la joogo waxa aduunka xaquuqda u badan la siiyaa xarfaha qoraalka oo la ilaaliyaa inaan si qaldan loo qorin. Waxa jira qaladaad dhaca marka wax la qoraayo ha ahaado Wargeys Maqaal Fariin SMS ah Xayeysiis Tv boodh meharadeed Hambalyo aroos Qoraal uu kof dhigayo barahiisa bulsha IWM. Haddaba aduunyada waxa aad loo tixgeliyaa ama loo hubiyaa qoraalada la qoraayo sababtoo qalad yar oo dhaca ayaa macno badan bedeli kara. Inta badan waxa tixgelinta xoogan loo siiyaa hubinta qoraalku waa inaanu qofka ama madbacada ama wargeyska ka bixin qoraal qaldani waayo qoraalkani wuxuu gaadhayaa kumanaan qof oo aqoon leh taasina waxa ay hoos u dhac ku tahay isha qoraalkaasi ka yimid. Bal aan yara hogetusaaleeye ereyo luqada soomaaliga ah oo aan si qaladan loo qoray kadibna macno kale yeeshay. Daaska ***** macanheedu waa dukaanka hebel. waxa dhacay qalad xaga qoraalka ah oo wuxuu noqday Daafka ***** macanaheedu waa hargabkii hebel. Ninkii farshaxanka ahaa oo gacantiisa ku qoraayey ama ku buufinaayey uma uu fiirsan waxa uuna noqday macnihii magaca meheradu mid waji kale leh. Hilaadii 2004kii anigoo macalim ka ah dugsiga Sheikh Bashiir ee Hargeysa ayaa anigoo geed dugsiga ku yaala hoos fadhiya ishaydu waxay ku dhacday gobol yar ama jeex yar oo wargeys ama jaraa’id ah oo ay ku qoran tahay Xarunta wasaarada xabaalaha xoolaha. Waan fahmay wuxuu u jeeday oo ahayd xarunta Wasaarada xanaanada xoolaha lkn waa qalad aad u weyn oo dhacay. Dukaan ku yaala xaafada Ibrahim Koodbuur ee Hargeisa ayaa waxa uu nin Artst ahi ku buufiyey ama ku xardhay ****** PIG SHOP aad baan intii u qaadan kari waayey lkn daqiiqadiiba waxaan maskaxdayda kusoo dhacay dukaan weyn ayuu u jeedaa, macnaha HEBEL HEBEL BIG SHOP lkn qaladkaa halka xaraf ahi wuxuu keenay qalad weyn oo ah inuu noqdo DUKAANKII DOOFAARKA iibinayey. Xiligaa wuu xidhnaa dukaanku fiidkii ayaan tagay aniga iyo inan kale oo aanu u sheeganay waxa ugu qoran dukaanka iyo macnihiisa si fiicana wuu iila qaatay oo laba cisho ka dib waxaan arkay qoraalkii oo laga tirtiray oo dib loo saxay. Waxa la sheegaa qalad qoraalku xitaa inuu ummado dhan ama nafo dhan galaaftay xiliyo hore, waxa jirey nin sheekha oo kitaab weyne ahaa cilmiga dibigana dadka ku daweeya ayaa dad u yimaadeen oo ku yidhaahdeen “ sheekh hebelow beesha safbaa wada maraye maxaanu safka ama hargebka u cunaa”. Sheekhii kitaabkiibuu ee gay waxana uu ku yidhi “XAYA TU SAWDAA ayaa idiin dawo ah oo kitaabku sheegay”. Sida la sheegayna kitaabka khad ayaa ku daatay oo dhibco madmadow u yeelay. Waxan uu dadka u direy ee Xayatu Sowdaa waa abeesada sunta badan ee madow ayuu yidhi cuna. lkn sida saxda ah waxa ay ahayd XABATU SAWDAA oo ah xabaasuuda. Reerihi abeesadii ayey raadgadeen oo meel walba ka raacdeeyeen muddo ka dib bay heleen oo kariyeen oo cuneen maraqiina cabeen nasiib-daro se ardaagiiba lagama kicin oo suntii ayaa wadnahii ku dhufatay oo halkii ayey kaga wada aguugtay. Qaladkaa waxa keenay hal xaraf oo qaldamay oo ay nafo badani u allaysteen. qaybaha dambe waxaan idiinku soo gudbin doona xariiqyar oo warqad ku qaldamay ayaa nina madaxweyne ka dhigay nin soo bixi lahaana ridey. Guntii iyo gebogabadii qaybta koowaad. Intii uu qofka ama wargeyska ama madbacadu sixi karayso haku dadaasho waayo waa waran qoraalku haduu faraha ka baxana lama soo celin karo. qof walbaaba inuu hubiyo maqaalka ama qoraalka uu dhigaayo barihiisa bulshada. Siyaabaha loo yarayn karo qalad_qoraalka Lasoco ……………….. Qalinkii Cabdi Cawiye +252634115877 Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari looga shakisan yahay qarax uu yaalo agagaarka Hotel Afrik. Gaariga oo ah nooca raaxada ayaa la dhigay albaabka Hotel Afrik oo ku yaala wadada aada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba xeray wadada aada garoonka diyaaradaha, waxaana dad weynaha loo diiday inay halkaasi adeegsadaan. Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay tan iyo bilowga bisha Ramadaan, waxaana waddooyin badan la dhigay ciidamo boolis ah oo dhawaan tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho. Gaariga ayaanan la ogeyn inay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa iyo in kale, balse laamaha amaanka oo ka shakiyay muddada uu meesha Yaalo ayaa ku amray dadweynaha inay ka fogaadaan. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Wasiirka Caddaalada iyo arrimaha Diinta Puntland, Cawil Sheekh Xaamud Maxamed, ayaa ka hor yimid guddi kala saara shirkadaha Xujeyda sanadkan qaadaya, Guddigaas oo uu soo [...] Source
  20. Abaarihii ugu daraa ayaa ka jira qaybo ka mid ah Puntland gaar ahaan Degmada Baran ee Gobolka Gardafuu, qaylo dhaan biyo la’aan ayaa kasoo yeertay [...] Source
  21. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku qasban in ay xaliyaan khilaafka madaxda maamul Gobaleedyada oo gaaray meeshii ugu sareysay tan iyo markii ay xilka qabteen Farmaajo iyo Kheyre. Culeesyo badan ayaa ka dhashay khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo maamul gobaleedyada waxayna horseedeen in ay qabsoomi waayeen waxyaabo badan oo shaqooyinka dowladda ah. Beesha caalamaka ayaa dowladda Soomaaliya ku dhaliishay in ay kasban waysay maamul Gobaleedyada guul darro kastana ay mas’uul ka tahay dowladda Soomaaliya sida laga sheegay in kulamo ka dhacay Muqdisho. Wadamada taageera Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya hogaankeeda ka dalbaday in ay kasbanaan oo ay xaliyaan tabashoyinka maamul Gobaleedyada si looga gudbo caqabadaha ku horgudban shaqooyinka dowladda. Caasimada Online ayaa ogaatay in dowladda Soomaaliya ka hor inta aysan Wafdigeeda u bixin Garowe laga dalbaday in ay xal ka keenaan tabashada maamul gobaleedyada hadii ay dhici waysana ay dowladda mas’uul ka noqon doonto dib u dhac kasta oo ku yimaada geedi socodka Nabadda Soomaaliya. “Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha waxaa looga baahan yahay in ay soo laabtaan iyagoo xal kawada tabashada maamul Gobaleedyada waana ku qasban yihiin, sababtoo taageerada dowladda ayaa ku xiran iyo shaqo la qabto” ayuu Caasimada Online u sheegay Xildhibaan hore Cabdi Barre Yuusuf. “Waxaa muuqata in hogaanka dowladda Soomaaliya aysan noqon sidii laga filayay sanadkii 2017 markii ay doorashada dhacday balse hada waxay leedahay daba-qabasho maadaama ay u harsantahay waqti, waana in ay la heshiisaa dowlad Gobaleedyada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan hore Cabdi Barre Yuusuf. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  22. Wajeer (Caasimadda Online) – Waxaa faah faahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan weerar Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay deegaan u dhow Magalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya weerarkaas oo geystay khasaaro kala duwan. Wararka ka imaanaya gobolka Wajeer ayaa sheegaya in ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ay weerar dhabbagal ah u dhigeen kolonyo katirsan ciidanka Melleteriga Kenya xilli ay ku socdaalayeen nawaaxiga tuulada Gumaaray oo katirsan gobolka Wajeer. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in khasaara dhimasho iyo dhaawac leh uu ciidamada melleteriga Kenya ee KDF loo yaqaan uu kasoo gaaray weerarka, ugu yaraan Meydka hal askari ayay ciidamada Kenya uga carareen goobta dagaalka, khasaaraha dhaawac ee ciidamada gaaray ayaa loo qaaday isbitaallo kuyaal magaalooyinka Wajeer iyo Mandheera. Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaas lagu qaaday Gaadiid ay la socdeen Ciidamada Kenya,iyaga oo sheegay inay ku dileen hal askari sidoo kalena ay ku qabsadeen Afar Qori oo isugu jira 2 qori AK47 ah, hal qori M16 iyo qori RPG ah. Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Kenya oo ku saaban weerarkan khasaaraha dhaliyay ee ciidamadeeda lagula beegsaday gobolka Wajeer. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  23. Afgooye (Caasimadda Online) – Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo muddooyinkii dambe Howlgallo lagu baacsanayo Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ka waday Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin deegaanada Awdhiigle, Mubaarak iyo Janaale. Taliyaha Ciidanka gaarka ah ee Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Gashaanle Cabdiraxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyey sida Ciidanka Danab ay Kooxda Alshabaab uga saareen deegaanka Bariire iyo sidoo kale Howlgallo kale oo lagu xoreynayo deegaanada Nabad diidka hadda ay ku dhuumanayaan. Gaashaanle C/raxmaan Shiikh Cumar ayaa sheegay in ay doonayaan in Shacabka Ku nool Awdheegle, Mubaarak iyo Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay ka dulqaadaan dhibaatada Kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, isaggoo xusay in Cadowga hadda aysan laheyn Awood ay isaga difaaca Ciidanka Geesiyaasha ah ee Xoogga dalka. Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa howlgallo ay sameeyeen Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB waxa ay la wareegeen deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose,sida Sabiib Caanoole iyo deegaanka Bariire oo ay horay u heysteen Al-Shabaab.