-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Afgooye (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ururka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaankaasi. Deegaanka Bariire ayaa dhawaan lagala wareegay Al Shabaab waana markii labaad oo todobaad gudahiis ay weerar xoogan ku qaadeen xubno ka tirsan ururka Al Shabaab. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalka xalay uu ahaa mid xoogan, waxaana uu bilowday kadib markii Al Shabaab ay rasaas ku bilaabeen ciidamo ku sugnaa halka laga difaaco deegaanka. Lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii xalay waxaase dadka deegaanka ay sheegeen in dagaal muddo saacad ku dhow socday uu xalay ka dhacay Bariirre. Weerarka Al-shabaab ee Bariirre ayaa ku billowday sida ay sheegeen goobjoogayaal qoryaha culus,waxaana ku xigay iska hor imaad toos ah oo labada dhinac ku dhexmaray deegaanka. Saraakiisha Ciidamada DANAB ee deegaankaas dhawaan kala wareegay Al-shabaab ayaa sheegay in ay iska difaaceen duulaankii xalay ee Al-shabaab, islamarkaana dhankooda qasaaro ay ku gaarsiiyeen. Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaanka Bariire ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay ku baadi goobayaan Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee xalay weerarka kusoo qaaday. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-subax-09052019.mp3 View the full article
-
Shirka magaalada Garoowe uga socda dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ayaa galay maalintii 5-aad iyada oo aan wax la taaban karo la qaban. 2-badii maalin ugu dambeysay waxaa lagu mashquulsanaa arrinta dowlad goboleedka Galmudug, waxaana wada hadal arrintaasi ka lahaa madaxda dowladda federaalka ah iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf, wararka qaar ayaa sheegaya in arrimihii la isku heystay aan weli xal laga gaarin. Dhinaca kale, shirkan waxaa la filayaa in lagu dhiso gole iskaashi oo ay yeeshaan dowladda federaalka ah iyo dowladda dhexe, kaas oo ay ka shaqeyn doona arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha. Fikraddan waxaa lahaa oo soo-jeediyey dowlad goboleedyada kadib markii 2-badii sano ee la soo dhaafay oo fashilmay golaha amniga oo labada dhinac ay ku bahoobeen. Dowladda Xasan Sheekh waxaa ay leedahay Madasha Wadatashiga Qaranka, taas oo keentay in lagu heshiiyo arrimo badan oo ay ku jirtay doorashadii dadbaneyd ee la qabtay 2016/2017. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN):– Xalay Tartan Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle, ku loo lamay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaaga ee gobolka Banaadir. Tartamayaasha labada dhinac ayaa soo bandhigay tartan wanaagsan oo ku dhisan Aqoon, wadatashi iyo is faham intaba. Labadani degmo ayaa u dambeeyey Group A oo ay ku wada jireen illaa 4 degmo oo kala ahaa Kaxda, Baraawe, Hodan iyo Howlwadaag. Hodan ayaa la timid 6 buundo, halka Howlwadaag oo guushu ay raacday ay keensaTay dhibco gaaraya 14 , sida uu ku dhawaaqay natiijada guddoomiyaha guddiga tartan aqooneedka Shabelle Maxamed Axmed Jimcaale. Howlwadaag ayaa noqoneysa degmadii labaad oo badisa, tan iyo markii uu bilowday tartanka, waxaana ka horreeyay Kaxda oo guul ka gaartay dhiggeeda degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose. Caawa tartan aqooneedka Shabelle waxaa ku baratami doona degmooyinka Dharkenley iyo Wanlaweyn oo ku wada jira Groupka B ee tartanka. Sidoo kale labad degmo ayaa ka kala tirsan gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coc-Cola. View the full article
-
Garoowe (SMN):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudan Xasan Cali Khayre ayaa Xalay ka qeyb galay kulan afur ah uu maamulka gobolka Nugaal u sameeyay wafidiga Ra’iisul Wasaaraha ee magaalada Garowe. Afurkan ay maamulka gobalku Ku Casuumeen Ra’iisulWasaare xassan ayaa waxaa ku wehlinayey wasiirro xukuumadda ka tirsan, xildhibaanno, guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo Mas’uuliyiin Kale. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xalay booqday qaar kamid ah goobaha ay bulshadu ku kulanto ee magaalada Garowe, wuxuuna mid mid ula sheekaysatay dadkii ay kulmeen. Ra’iisul Wasaaraha oo dadka uu la kulmay ka dhagaystay talooyin iyo fikrado muhiim ah ayaa bogaadiyay wada shaqaynta ka dhexeysa shacabka iyo madaxdooda iyo nabad gelyadda ay iska kaa shanayaan. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu cadaadiyay inuu heshiisyo wax-ku-ool ah la galo maamullada ka jira dalka, kaddib kulan uu si qarsoodi ah kula qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Somalia. Danjire Donald Yamamoto ayaa ku boorriyay madaxweynaha DF inuu soo af-jaro dhammaan khilaafyada kala dhexeeya madaxda maamullada waddanka ka jira, kuawasoo uu sheegay inay qabaan tabooyin ku aaddan habka ay DF wax ku waddo. Kulanka Farmaajo iyo Yamamoto ayaa toddobaadkii hore si qarsoodi ah uga dhacay Muqdisho, iyadoo warbaahinta laga qariyay inay wax ka ogaato wixii looga hadlay, balse ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa soo dusiyay wararkan. Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa wuxuu sheegay in khilaafyada DF kala dhexeeya madaxda maamul-goboleedyada ay curyaamiyeen hawlihii ay dowladdu qaban lahayd, taasna ay tahay caqabad weyn oo haysata. “Hawlaha dowladda waxay xilliyadii u dambeeyay ka socon waayeen khilaaf aan kala joogsi lahayn oo u dhexeeya madaxda maamul-goboleedyada iyo dowladda aan madaxda u ahay, waxaana isku dayayaa inaan khliaafyadaas soo af-jaro, si hawlaha ay dowladdu ay horay ugu socdaan labada sano ee ka hartay xukunkayga,” ayuu Farmaajo u sheegay Danjire Yamamoto. Dhanka kale, Danjiraha Mareykanka u jooga Somalia ayaa kulankan ka hor wuxuu magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula soo qaatay kulammo wajiyo badan lahaa madaxda maamul-goboleedyada, isagoo dhageystay dhammaan cabashooyinka ay qabaan. Kulammadan ayaa waxay keeneen in shir lagu qabto Garoowe, kaasoo ay goobjoogayaal ka yihiin dhammaan madaxda maamullada dalka ka jira iyo xubno ka socda beesha caalamka, inkastoo aanay weli kasoo bixin natiijo lagu qanci karo. Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa waxay weli u muuqataa inay dhan isaga riixayso cabashooyinka ay maamul-goboleedyada qabaan qaarkood, inkastoo ay ogolaatay inay qaarkood ka tanaasul ka muujiso. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Famaajo oo lagu boorriyay inuu la heshiiyo madaxda Maamul-goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Dagaalka culus ayaa xalay ka dhacay deegaanka Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo u dhexeeyay ciidamada dowladda Somalia iyo xoogag k tirsan ururka Al-shabaab. Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii xoogagga kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Bariirre oo hoos-taga degmada Aw-dheegle, halkaasoo ay dhawaan ciidamada DF la wareegeen, waxaana shacabka deegaanka ay sheegeen inuu dhacay dagaal culus oo muddo saacado ah socday. Sidoo kale, illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay inta uu le’g yahay maadaama ay aheyd xilli habeen ah oo shacabka ay jiifeen, isla markaana aan la ogaan karin khasaaraha ka dhashay. Balse, saraakiil ka tirsan ciidamada DF ayaa laga soo xigtay in Al-shabaab ay doonayeen inay dib ula wareegaan deegaankaas, balse ciidamada DANAB oo ku sugan halkaas ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid xoogagga kooxda Al-shabaab. Dhanka kale, wararkii ugu dambeeyey ee saaka naga soo gaaraya Bariirre ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay ku baadi goobayaan xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee weerarka xalay ku qaaday deegaankaas. Al-shabaab ayaan ka hadlin weli dagaalkii xalay ka dhacay Bariirre oo ay iyadu weerarkiisa lahayd, waxaana shacabka deegaanka laga soo xigtay in dhinacyadu ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa dhawr jeer oo isku xigta weerarta deegaanka Bariirre oo ka mid ah deegaanno dhawaan lagala wareegay, iyadoo la sheegay in deegaankaas uu muhiimad gaar ah u leeyahay Al-shabaab, maadaama ay ku qaadi jireen Zakawaat-ka. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanno dhawaan lagala wareegeen Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Xubno ka agdhow madaxda ku shirsan Garoowe ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in isfaham laga gaaray qaar kamid ah qodobada looga hadlayo shirka wada-tashiga madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ka socda magaalada Garoowe. Sida la sheegayo qodobada heshiiska laga gaaray waxaa kamid ah arrimaha dowlad goboleedyada Galmudug oo maalmihii u dambeeyay muran ka dhex aloosay shirka iyadoo hadda la isla gartay in la isu keeno dhinacyada is khilaafsan ee Galmudug iyo in madaxweyne Xaaf laga aqbalay mudda kordhin uu ku gorgortamay. Sidoo kale waxaa la isku raacay in doorashada Jubaland wakhtigeeda la qabto iyadoo xukuumadda Federaalka Soomaaliya laga saxiixay in aysan wax fara-gelin ah ku samayn doonin doorashada madaxtinimada Jubaland. Qodobada kale ee heshiiska laga gaaray waxaa kamid ah xeerarka doorashooyinka iyo betroolka oo la go’aamiyay in dib loogu noqdo islamarkaana xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyadu isla diyaariyaan. Waxaa kale oo la isla gartay in la xoojiyo wada-shaqeynta xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo in wax kasta oo tabasha yimaada laga wada-hadlo iyadoo la qaban doono kulamo dambe oo lagu sii wadayo wada-shaqeynta. Qodobada kale ee heshiiska laga gaaray waxaa kamid ah Amniga Qaranka iyadoo la isku raacay in la sameeyo qorshe amni oo midaysan kaasi oo ay ku wada-shaqeeyaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada gaar ahaanna xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada. Qodobada aan weli heshiiska laga gaarin ayaa la filayaa in saacadaha soo socda kulamo kale laga yeesho sida ay sheegayaan xubno ka war-haya shirka. Shirka ayaa sida qorshuhu yahay ugu dambayn la soo geba-gabayn doona jimcaha berriya haddii laga heshiiyo qodobada harsan. Afeef: Xogtan waxan ka helnay xubno ka agdhow shirka balse mar kasta wax baa iska beddeli kara maadaama aysan si rasmi ah u soo bixin PUNTLAND POST The post Qodobada la isku raacay shirka Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN):-Washington ayaa shalay oo Arbaco ahayd war ay soo saartay waxa ay eedeyn kulul dusha uga tuurtay dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta. Imaaraatka Carabta ayaa lagu eedeeyay ku lug lahaanshiyaha dagaallo iyo Khilaafyo ka aloosan gudaha dowlado dhowr ah oo carbeed kuwaas muddo sanado ah ay hareeyeen muranno xoogan. Madaxa Guddiga Xiriirka Dibadda Golaha Baarlamaanka Maraykanka Jim Rish ayaa hoosta ka xariiqay in dalkiisa uu dabagal ku sameyn doono kaalinta Isutagga Imaaraatka Carabtu ku leeyihiin , Xiisadaha ka jira dalalka Sudan , Libya iyo Somalia. Warbixin sanadlo ah oo looga hadlayay Xaaladaha Nabad Gelyada ee Qaaradda Africa ayaa daaha ka rogtay in faragalinta Imaaraatka ee Geeska Africa ay wiiqday xiriirada dalalka Gobolkaasi dhaca taas oo sidoo kale fashilisay dadaaladda dib hagaajinta ee Gobolka Geeska Africa muddooyinkii dambe ka hana qaaday. Sidoo kale Warbixinta ayaa tilmaamtay in Heshiisyada Iskaashi ee Imaaraatku la saxiixday , Somaliland iyo Puntland ay u muuqdaan kuwa caqabado ka dhex abuuraya Labadaasi maamul iyo dowladda Dhexe ee Somalia. Ugu dambeyn ayaa Warbixinta waxa ay Imaaraatka ku eedeysay in cirka ku sii shareereyso Xaa ladda dalka Sudan ee dhawaan Milatarigu Afgambi kula wareegeen. Imaaraatka Carabta ayaa horay shaaca uga qaaday in ay taageereyso Maleeshiyada uu horkacayo Sarkaalka lagu Magacaabo Khaliifa Xaftar ee doonaya in awoodda dalka Libya uu xoog kula wareego iyadoona Dowladda Caalamku ka aqoonsan yahay ee dalkaas Imaaraatku ku tilmaameen Argagixiso. Imaaraatka ayaa galaangalkiisa Gobolka Geeska Africa billaabay Tobankii sano ee u dambeysay iyagoo uga gollahaa sida warbixintu xustay damaceeda ku aadan in danaheeda garaka ah ay ka fushato Gobolkaasi Geeska Africa maadaama Gobolku yahay marin isku xir oo Muhiim u ah Qaaradda Assia. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee Puntland ay howlgalo ka sameeyeen xaafadaha magaaladaasi. Ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso ayaa baaritaankaan ka sameeyay xaafadaha magaalada, waxaana lagu raad joogay dad la tuhunsanaa inay abuuri lahaayeen falal amniga magaalada Boosaaso wax u dhimaya. Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa howlgalkaasi kusoo qabtay aalado qaraxyo ah oo lagu qarinayay xaafadaha magaalada Boosaaso iyo shaqsiyaadkii ku howlanaa, sida saraakiisha ay sheegeen. Saraakiisha ciidamada amaanka Puntland ayaa sheegay in baaritaanka ay sameeyeen kadib markii ay xog kaheleen laamaha amaanka, taasi oo dhalisay inay toos u weeraraan halka lagu tuhmayo inay qaraxyada yaaleen. Saraakiisha ayaa sheegay in shaqsiyaadka lagu soo qabtay howlgalka ay baaritaan ku socdaan islamarkaana ay saxaafadda la wadaagi doonaan, marka uu baaritaanka dhamaado. Ugu dambeyn saraakiisha ciidamada amaanka Puntland ayaa ka dalbaday shacabka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari inay la shaqeeyaan laamaha amaanka si looga hortago dadka falalka amni darada ka geysan kara magaalada. Inta lagu gudo jiro jiro bisha Ramadaan waxaa laga baqayaa in kooxaha Daacish iyo Al Shabaab weeraro ka fuliyaan magaalada Boosaaso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Bariire (SMN):-Wararka ka imaanaya Deeganada Gobolka Shabellaha hoose ayaa waxa ay ku waramayaan in Xalay Goor fiidkii ah ay Alshabaab Weerar ku qadeen Fariisin Ciidan oo kuyaala Deegaanka Bariire oo ay dhawaan la wareegen Ciidamad dowladda. Weerarka Kadib waxaa goobtaasi ka dhacey Dagaal mudo socdey oo u dhaxeeya Libada Dhinac, waxayna ilo deegaanka ah sheegayan in la isku adeegsaday Hub Culus. Majirto Ilaa hadda Qasaaro Sirasmi ah loo shaaciyey. Dagaalyananadda Alshabaab ayaa tiro dhawr jeer ah weerar ku qaadey Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose. Saraakiisha Hogaaminaysa Ciidamada La Wareegay Bariire ayaa Warbaahinta kal hore u sheegay in ay Xaqiijiyeen Amniga Bariire, Islamarkaana uu Qorshahoodu Yahay in ay la wareegan Goobo Kale. View the full article
-
Muqdisho ( SMN) – Dhageyso Barnaamijka Tartan Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Bar___Tartanka-Aqoonedka-Hodan-Vs-Howlwadaag-090519-web.mp3 View the full article
-
For decades the Eritrean economy has struggled due to a combination of war, dictatorship and the impact of United Nations sanctions. Source: Hiiraan Online
-
A recent strike in Somalia raises questions about whether Africom investigates civilian casualties. Source: Hiiraan Online
-
The administration’s hardline stances and tough rhetoric have brought us to a tense standoff. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta wareysi gaara siinayey mid kamida Tv-yada Soomaalida, ayaa Madaxweyne Farmajo ku eedeyay inuu wax ku wado hab qabyaaladeysan. Guddoomiye Faysal ayaa sheegay inuu arrin kasta ka eego Madaxweyne Farmaajo dhanka Qabyaaladda, isagoona ka dhawaajiyey inay taasi keentay inuu ku fikiro Shirkadaha Daalo iyo Jubba inay leeyihin beelo gaar ah. Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu doonayo inuu shirkadaha diyaaradaha ee Jubba iyo Daalo ka wareejiyo Daabulidda xujaajta Soomaalida, isagoona u wareejinaya shirkado reerkiisa oo u rabo iney dhaqaalo ka abuuran. Guddoomiyaha oo ka hadlaya Arrimahaas ayaa wuxuu yiri “Muraayadda uu Sito Farmaajo waa Muraayad Qabyaaladeed, wax kasta qabyaalad ayuu ku eegayaa”. “Shirkadaha diyaaradaha ee Dadka Xujayda ah qaadi jiray waxay ahaayeen Daalo iyo Jubba, waa shirkado Soomaaliyeed, laakiin isagu (Farmaajo) wuxuu u arkaa Shirkado Qabiil, markaa wuxuu damacsan yahay inuu wixii Qabiil u beddelo oo Shirkado yaryar oo uu doonayo inuu Reer ahaan Lacag ugu sameeyo oo aan jirin inuu abuuro (Si ay u daabulaan Xujaajta)”. Wuxuuna intaas kusii daray “Sanadihii hore waxa la inna siin jiray 9300 Xaaji oo Kooto ah Somaliland iyo Soomaaliya, illaa 3500 waxay ka tagi jireen Hargeysa, illaa 5000 waxay ka tagi jireen Muqdisho, inta kalena waxay ka tagi jireen Gobollada dhexe, sida Gal-mudug iyo Gal-guduud ama Puntland iyo Gal-mudug. Markaa imika wuxuu wadaa inuu wixii Qabaa’il ka dhigo oo uu yidhaahdo Magaalooyinka ayaan u qayb-qaybinayaan, shirkado yaryar oo Qabaa’ilna sameeyo”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu kulan qarsoodi ah la qaatay todobaad ka hor safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya magaalada Muqdisho Donald Yamamoto. Farmaajo iyo Yamamoto ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Khilaafka dowladda Soomaaliya iyo maamul Gobaleedyada. Kulanka Farmaajo iyo Mareykanka ayaa daba-joogay kulan kale oo dhaxmaray madaxweynayaasha maamul gobaleedyada iyo safiirka Mareykanka u fadhiya magaalada Muqdisho kaas oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Farmaajo iyo safiirka Mareykanka ay ka wada hadleen sidii loo xalin lahaa tabashada maamul Gobaleedyada oo hoos u dhigay qabashada waxyaabihii laga filayay dowladda Soomaaliya. Dowladda Mareykanka ayaa Madaxweyne Farmaajo ka dalbatay in ay xaliso dhamaan tabashooyinka ay qabaan maamul Gobaleedyada islamarkaana ay muujiso daganaan iyo tanaasul. Mareykanka waxa uu Madaxweyne Farmaajo u sheegay in dowladda Soomaaliya shaqada kasta oo ay qaban laheyd ay curyaamiyeen khilaafka maamul Gobaleedyada sidaas darteedna waqtiga yar ee haray Farmaajo uu la heshiiyo maamul Gobaleedyada dalka ka jira. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Wasaaraddaha diinta ee maamul goboleedyadda ayaa ku eedeeyay wasaarada diinta iyo awqaafta Soomaaliya in ay qaaday tilaabooyin ay ku doonayso in ay ku musuq maasuqdo tiradda Xujeyda Soomaaliyeed ee loogu tala galay in ay ka yimaadaan maamul goboleedyadda. Wasaarada diinta iyo awqaafta Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay doonayso in ay Musuq maasuqdo Shirkaddaha loogu tala galay in ay qaadaan Xujeyda Soomaaliyeed oo ay sameysay Guddi u gaar ah oo aysan kala tashan maamulada kale ee dalka ka jira. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta maamulka Galmudug Cabdishakuur Macalin Ciise ayaa sheegay in Galmudug ay si cad uga soo horjeedo habdhaqanka Wasaaradda diiinta ay ku magacowday Guddi la sheegay in ay kala saarayaan Shirkaddaha qaadda Xujeyda. Waxaa uu sheegay in tilaabadda guddiggaasi lagu Magacaabay ay tahay Mid ku saleysan Musuq maasuq iyo wax isdabamin, islamarkaana Galmudug marna aysan taageeri doonin. Wasiirka Caddaalada iyo arrimaha Diinta Puntland, Cawil Sheekh Xaamud Maxamed, ayaa ka hor yimid guddi kala saara shirkadaha Xujeyda sanadkan qaadaya, Guddigaas oo uu soo saaray Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Soomaaliya Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xasan. Wasiir Cawil oo galabta Shir Jaraa’id u qabtay suxufiyiinta waxa uu sababta ay u qaadaceen guddiga ku micneeyay la tashi la’aan, isagoo si toos ah Wasaarada uga dalbaday in maamulkooda ay ugu soo wareejiso qoondada ay guddigaas ku lahaayeen, si arrimohooda ay si gaar ah u maamushtaan. “Xaq baanu u leenahay in nagula soo wareejiyo, si aan u ogaano tirada xujeyda Puntland ee halkaan ka baxi doonta, Wasiirka Diinta Federaalka waanu wadahadalnay, waxaana ka sugeynaa in uu nagu soo wareejiyo, hadii ay jiraan awood ka sareysana u cadeeyo shacabka Puntland,” ayuu yiri Wasiir Cawil Sheekh. Guddiga uu muranka badane ka dhashay ayaa dhawaan waxaa Magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, waxaana ay ka kooban yihiin dhowr Xubnood oo kala socda Wasaaradda, culimadda iyo Ururada bulshadda rayidka ah. C/Xakiin Xasan Ibraahim Ashkir Wasiiru dowlahha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya. Sheekh Cali Maxamuud Xasan Wajiis (Cali Wajiis) Culumo Sheekh C/qaadir Maxamed Soomoow-Culumo Sheekh Cumar Maxamuud Wardheere-Culumo Sheekh Cabdi Qani Qorane Maxamed-Culumo Maxamed Cabdi Xaliim Sheekhoow-Bulshada Rayidka Xamdi C/raxmaan Ismaaciil-Bulshada Rayidka Wasiirkii ka horreeyay Sheekh Nuur ayaa shaqadiisa ku waayay in uu xalin waayay Khilaaf kaga yimid Shirkaddaha qaadda Xujeyda iyo maamulada qaarkood oo kasoo horjeeday, waxaana bulshadda ay welwel badan ka qabtaa sidda ay wax ku waddo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Amiirka Sacuudiga Cabdullaahi Bin Sultaan Aala Sacuud ayaa xayiray waxyaabaha laga soo saaro dalka Turkey ee la geeyo dalka Sacuudiga “ilaa dowadda Turkey ay dib u eegis ku saameyneyso siyaasadeeda dhanka boqortooyada”. Amiirka ayaa soo dhigay bartiisa Twitter-ka Muuqaal kooban oo ah amiirka magaalada Riyadh Faysal Bin Bander oo diidaya inuu cabo Coffee uu sheegay in lagu sameeyay dalka Turkey. “Aniga ka muwaadin Sacuudiyaan ahaan, waxaan ku dhawaaqayaa maanta inaan mamnuucay ama xayiray wax walbaa oo laga soo saaro dalka Turkey, ilaa ay dib uga saxayaan siyaasadooda dhankeena ku wajahan, xitaa haddii aan wax soo saarkooda u baahanay”ayuu yiri. Dadka adeegsada baraha Bulshada dalka Sacuudiga ayaa ku jeesjeesay amiirka, iyaga oo ka dalbaday inuu mamnuuco ama xayiraad uu saaro alaabaha uu soo saaro Mareykanka, ee la geeyo dalka Sacuudiga, iyaga oo tusaalo usoo qaadanayay aflagaadadii Trump ee boqorka dalka Sacuudiga. Bishii October sanadkii lasoo dhaafay madaxweynaha Mareykanka ayaa ku yiri boqorka Sacuudiga “Boqorow waan ku difaaceynaa, Halkaasi ma joogi kartid annaga la’aanteena muddo labo isbuuc ah, waa inaad bixisaa lacagta [ciidamada] meletariga, waa Inaad bixisaa” Xiriirka u dhaxeeya dowladaha Sacuudiga iyo Turkey ayaa hoos u dhacay tan iyo sanadkii 2013 markii Turkey uu taageeray ikhwaanul Muslimiinta Masar. Sidoo kale xiriirkooda ayaa mugdi galay markale markii wariyihii Sacuudiyaanka ahaan Jamaal Khashoqji lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay. Caasimada Online Xafiiska Sacuudiga Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Dhakool oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay xuska Somaliland ee 18-May, isagoona si adag uga hor-yimid xaaladii deg-dega aheyd ee Madaxweyne Muuse Biixi. Dhakool ayaa sheegay in aanu aaminsanayn in 18-May oo sannad kasta laga xuso deegaanada Somaliland ay tahay maalin qaran oo bulshada Somaliland ay wada leedahay. Xildhibaan Dhakool oo kamid ah xildhibaannada golaha wakiillada ee laga soo doorto gobolka Sool, ayaa waxa uu sheegay in xuskaasi uu yahay mid ku saleysan beel gaar ah, wuxuuna yiri “18-ka May waa Maalin Beesha SNM ay calaamadsatay oo ay u dabbaal-degayso, welina Beelaha Darafyadu maalin madow bay u yaqaanan”. “Midnimadii lala galay Soomaaliya ayaa Beesha SNM Xanuun ka qaadday, Xanuunkaasi ayaa kelifaya inay ka guuraan 1960-kii, Maalin ay Carruurta iyo Dumarka soo saaraana ay samaystaan, markaa waa Maalin reerkaasi leeyahay 18-ka May, markaa uma naqaano Maalin Qaran”. Wuxuuna intaas kusii daray “Gobolka Sanaag oo awalba sii dhutinayey oo kala laalaaday uma baahnayn, munaasibna kuma ahayn in la yiraahdo Xero Milletari ayaa laga dhigayaa, marka Laascaanood la yiraahdo waa Xero Milletari oo wixii Rasaas iyo Tuute ah la geeyo, tanna la geeyo (Sanaag), maxaa soo hadhaya”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) ― Senator Mustaf Maxamuud Qodax oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ka hadlay fursad uu sheegay Raysal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya inay lumisay Somaliland. Senator Mustaf Qodax, ayaa sheegay in aanay Somaliand wax fursad ahi ugu jirin inay Hargeysa ka soo wada dagaan Abiy Ahmed iyo Madaxweyne Farmaajo. Senator Mustaf Qodax ayaa waxa uu ku dhawaajiyey inaysan jirin wax wanaag ah oo ka dhalan lahaa booqashadaas, isagoona ku sababeeyay dhowr arrimood oo kala duwan. Senator-ka ayaa qoraal uu arrimahaas kaga hadlaya wuxuu soo dhigey bartiisa Facebook, wuxuuna ku yiri qoraalkiisa: “Fursad noocee ah ayaa Somaliland ugu jirtay inay raysalwasaare Abiy Ahmed iyo Madaxweyne farmaajo ka degaan Egal international airport? Raysal wasaare Abiy Axmed u daa nin dhalinyaro ah oo si weyn uga dhexmuuqda madaxda Africa ee kursiga jecel, shakina kuma jiro inuu sameeyay geesinimo iyo Kudhac dhabbaha u xaadhay isbedello iyo daahfur siyaasadeed (political breakthrough) oo wax weyn ka bedelay hab-nololeedka siyaasadeed ee bariga Africa. aniga oo ku salaynaya aragtidayda siyaasadeed ee xal-u-helida arimaha Soomaaliya iyo Somaliland, iima muuqdo wax wanaag ah oo ka dhalan lahaa booqashadaas, waxaanan ku sababaynayaa arimahan soo socda: 1-arinta soomaaliya iyo Somaliland waa mid u baahan diyaar garaw dhab ah oo labada dhinacba u heensaystaan wadahadalo fool ka-fool ah iyo ka go’ naansho siyaasadeed oo xal u noqon kara is mari waaga, iyadoo hindisaha booqashadanina uu u ekaa mid kayimi Raysalwasaaraha dalka Ethiopia islamarkaana aanu jirin qorshe dawlada soomaaliya (all the Somali political stakeholders) isku raacsanaayeen sida; waxyaabaha somaliland looga tanaasuli karo iyo wixii lamid ah. 3- inta badan dadka reer somaliland oo dawlada madaxweyne Farmaajo u arka inay la gashay dagaal cad oo dhinaca siyaasada iyo bulshadaba ah; sida warqadii kasoo baxday wasaarada qorshaynta ee qaadhaan bixiyayaasha lagaga dalbanayay inaanay wax gargaar ah oon soomaaliya soo marin somaliland la siinin, qaabkii ay dawlada soomaaliya u waajahday arrintii DP world iyo arimo kale oo dawlada soomaaliya u samaynaysay si aamusnaan ah laakiin maxsuulka laga dheehanayey arimo awood sheegasho ah oo dawlada soomaaliya ay ka samaynaysay fagaarayaasha siyaasadda ee caalamiga ah, taasoo batrool kusii shubaysay kala fogaanshaha labada dhinac. 4-madaxweynaha somaliland oo ah madaxweyne shacabku doortay suurogal umay ahayn inuu sidaa dhibta yar ugu soo dhaweeyo hargeysa madaxweynaha soomaaliya oo isagu booqasho ku tagayey gobolada woqooyi. Arimahaas iyo qaar kale oo aanan halkan kusoo koobi karin awgood ayaanay booqashadaasi natiijo wanaagsan u keenteen. Waxbyaabaha ka dhalan kari lahaa hadday dhacdo booqashadaasi aniga aragtidayda gaaban: A- in madaxweyne muuse biixi wajihi lahaa kacdoon dadweyne. B- in xisbiyada mucaaradka somaliland ay suurogal ahaan lahayd inay ku qaadaan dagaal hubaysan. C- iyo inuu xumaado xidhiidhka u dhexeeya Ethiopia iyo somaliland kadib marka Abiy Axmed laga dhoofiyo garoonka diyaaradaha Hargeysa iyadoo qiiqa taayirada gubanayaa magaalada hadheeyeen, taasoon marna raali galiseen ninka ugu awooda Badan madaxda bariga iyo badhtamaha Africa. Shin malaha haddaynu arintan ku kala aragti duwanahay waxa meelo badan oo anynu isku aragti ka nahay Wa billaahi tawfiiq”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com