Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Barnaamijkii Galka Baadhista waxa uu maanta ku saabsan yahay xanuunada dhimirka, waxaana inoo soo diyaariyey islamarkaana inoo soo jeedinaya Haaruun Macruuf. Read More
  2. 07/05/2019 PRESS RELEASE British Embassy Launches Somali Journalism Prize Mogadishu: To celebrate World Press Freedom Day and the ‘Global Conference for Media Freedom’ (#DefendMediaFreedom), to be hosted by the Governments of the United Kingdom and Canada in July 2019, The British Embassy Mogadishu is delighted to announce the launch of Young Somali Voices journalism prize (YSV). We are seeking short videos and photographs from media students and early career journalists based in Somalia including which demonstrate a positive, original and unique story about Somalia. This award will highlight the importance of defending media freedom and demonstrate the key role that the media play in creating an inclusive and open society in Somalia. It will also seek to identify and project young Somali voices including Somaliland and positive stories about Somalia. The new prize was announced during World Press Freedom Day celebrations held at the British Embassy Mogadishu and co-hosted by Her Majesty’s Ambassador to Somalia, Ben Fender, and representatives from the United Nations office in Somalia. The event provided a platform for a cross section of Somali journalists to raise awareness of the challenges and opportunities they face with regard to media freedom in Somalia. Speaking after the event, the British Ambassador to Somalia said: “A free press is our best defence against corruption, extremism and abuse of power. Media freedom is under increasing attack in Somalia as journalists are rroutinely subjected to intimidation, harassment and persecution. I look forward to continuing our work with the media, civil society organisations, international partners and the Government of Somalia to address these challenges together. ” “The objective of the British Embassy’s Somali Journalism Award is to celebrate and promote the important role that a free media plays in Somalia and to identify and recognise emerging talent; we encourage all young Somali media students and new journalists to actively participate.” Criteria for entry · The competition is open to media students and early career journalists (3 years work experience and below, directly employed or freelance). · Applications from women and marginalised groups are particularly encouraged. · All entrants must be Somali nationals and have a valid travel document. · The deadline for entries is 23:59 on Friday 7 June 2019. Any work submitted after this time will not be accepted. How to enter Submit either: · A video of up to 2 minutes highlighting a positive and unique story about any aspect of life in Somalia. The video can be in Somali but must have English subtitles or · a black and white or colour photograph depicting a positive and unique story about Somalia. The photograph should have a title or short caption. The video/ photograph should be sent via WeTransfer or Google Drive to UKinSomalia@gmail.com . If you have any questions, or problems with the submission process, please contact the awards team at UKinSomalia@gmail.com before Friday 7 June 2019. Include a one-page CV which includes your name, date of birth, education, employment history, copy of your travel document with your entry. Qaran News
  3. Golaha Horumarinta Qaranka (GHQ) ayaa shirkiisii labaad ee sanadkan 2019-ka ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta Dowladda Puntland, kaas oo furmay Maajo 5, 2019 socdayna [...] Source
  4. Dadka la nool xanuunka HIV/AIDS ee ku dhaqan Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay xilligan wajahaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Read More
  5. Shirkii maalmihii laso dhaafay ka socday magaalad Garoowe ee u dhexeeyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwo dowlad-goboleedyada ayaa waxaa is afgarad laga gaaray qodobadaan [...] Source
  6. Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku soo biirtay dalalka Geeska Afrika iyo kuwa beesha caalamka ee tar-tanka ugu jira dhex-dhaxaadinta Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaana martigelinta wada hadaladii ugu horeeyey ee dhex-mari lahaa Xukuumadda Farmaajo Iyo Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi. Tobaadkii hore ayey ahayd markii uu safiirka Sucuudiga u fadhiya dalka Soomaaliya, Dr Mohammed Abdi-kani Khayat uu booqasho ku yimid dalka Somaliland, kaasi oo kulamo la yeeshay Madaxweyne Muus Biixi iyo Xukuumaddiisa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo 2-dii bishan May Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Sucuudiga u fadhiya dalka Soomaaliya, Dr Mohammed Abdi-kani Khayat oo booqasho ku yimid Somaliland, ayaa war-murtiyeed ay Maadaxtooyadda Somaliland kasoo saartay kullanka dhex-maray denjiraha Sucuudida u fadhiya Somaliya iyo Madaxweyna Somaliland ku sheegtay mid la isku afgradtay qodobo ay ka mid ahayeen siciid Sucuudigu gacan uga siin lahaa Xukuumadda dadka Abaaruhu Sameeyeen iyo sidii xayiraada xoolaha saaran laga qaadi lahaa, shuruudaha dawladda sucuudigu qabtana looga jawaabi lahaa. Dhanka kalene waxa xusid mudan in kulan-kaa uu Madaxweyne Biixi qasrigiisa Madaxtooyadda kula yeeshay danjire Dr Mohammed Abdi-kani Khayat aan lagu sheegin in ay ka wada hadleen in Dowlada sucuudigu ay danaynayso sidii wadda haddalada Somaliland iyo Somaaliya loo soo celin lahaa, isla markaana ay iyadu doonayso inay ku dhexdhaxaadiso. Geesta Kalene Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay Dowlada Sucuudigu kusoo biirtay dalalka doonaya inay dhex-dhexaadiyaan Somaliland iyo Soomaaliya ee rabba inay martigeliyaan wada hadaladii u dhaxeeyey Hargeysa iyo Muqdhisho, sidaana waxa sheegay Raysal Wasaare xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed “Horta runtii waddamada rabba inay Somaliland iyo Soomaaliya dhax-dhaxaadiyaan maanta wey badan yihiin Turkiga, Sucuudi Arabiya,Itoobiya Ereteriya iyo waddamo kale oo badan .” Qaran News
  7. Berbera (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil gaari oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Berbera ee maamulka Somaliland. Shilka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen gaari xamuul ah iyo Bas siday Rakaab, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Lafaruug iyo Xamaas. Ugu yaraan lix Qof ayaa ku dhimatay shilkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, kuwaas oo dhaawacyadooda la geeyay gudaha M/ Hrageysa. Inta badan waxaa deegaanada Somaliland ka dhaca shilal geysta khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac intaba. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  8. Balcad (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in maanta Ciidamada dowladda ay dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo Milatari ay ka wadaan deegaano hoostaga degmada Balcad ee gobolkasi. Howlgallada ayaa si gaar ah Ciidamadu waxa ay uga fuliyeen deegaanada Raas Qabow iyo Yaaqle ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Intii ay socdeen howlgalladan ayaa waxaa ay Ciidamada Milatarigu iska hor imaadyo kala kulmeen Dagaalyahannada Al Shabaab oo ku xoogan halkaasi. Lama oga illaa iyo haatan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaallada dhex maray labada dhinac. Dhaq dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda ay ku dagaalameen duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe. View the full article
  9. Dharkenley (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil barqanimadii maanta nin hubeysan uu ka geystay qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee G/Banaadir. Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay in Wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Cabdow, kaas oo ku sugnaa xaafadda Dabakaanyo Madow ee degmadaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in ninka dilka geystay uu horay Marxuumka uga qaatay Mobile uu watay. Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo Meydka ka qaaday halkaasi. Xiriiro aan la sameynay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Dharkenley ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan dilkaasi. Ammaanka degmooyinka G/ Banaadir ayaa maalmihii dambe ahaa mid dagan, iyadoona ay howlgallo ballaaran ka wadeen Ciidamada dowladda Soomaaliya. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Waxaa si rasmi ah caawa u bilaabanaya Tartan Aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle, kaas oo sanadkiiba mar la qabto bisha Barakeysan ee Ramadaan. Tartanka oo ah mid xiiso badan ayaa waxaa ku baratamaya illaa 16 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir iyo qaar ka ka mid ah gobollada dalka. Illaa 4 Group ayaa loo qeybiyay degmooyinka, iyadoona horin walba ay ku wada jiraan illaa iyo 4 degmo. Degmooyinka Kaxda iyo Baraawe ayaa nasiib u yeeshay furitaanka Tartanka, kuwaas oo caawa isku arki doona Barnamamijka tartan aqooneedka Shabelle. Kaxda waa degmo ku taalla Muqdisho waxa ay dhacdaa koonfur galbeed ee gobolka Banaadir, waxaana koofureed ka xiga degmada Dharkenley. Sidoo kale waxaa dhanka galbeed ka xiga deegaankla Lafoole ee gobolka Sh/hoose, waqooyina degmada Deyniile ee gobolka Banaadir. Baraawe waa magaalo xeebeed ku taalla gobolka Shabeelaha Hoose waa degmo taariikh dheer leh, koonfur waxaa ka xiga Jilib, galbeed Sablaale, bari badweynta Hindiya, woqooyina Marka. Tartamayaasha labada dhinac ayaa haatan u tafa xeydanaya ka qeyb galka Tartanka Caawa, iyadoona degmo walba ay isku diyaarineyso dhanka guusha. Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba gelinayaha shirkadda adeegga Korontada ee BECO iyo shirkadda Cabitaanada ee Kooka Koola. View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa soo bandhigtay Sawirrada qaar ka mid ah saraakiil ka tirsanaa Al Shabaab oo ay sheegtay in ay isku soo dhiibeen Ciidamada dowladda Soomaaliya. NISA ayaa boggeeda Twitter-ka ku baahisay in todobaadyadii la soo dhaafay gobolka Gedo ay iska soo dhibeen illaa 9 sarkaal oo ka tirsanaa Al Shabaab. Hay’addu ma shaacin magacyada xubnahaasi, marka laga reebo Sawirrada labo sarkaal oo ay tilmaamtay in Xarakada Al Shabaab ay u qaabilsanaayeen maktabka Dacwada (Propagandada) iyo Maktabka Fursaanul Xizbiga “Sagaal (9) sarkaal oo Al Shabab ah ayaa asbuucii la soo dhaafay iska soo dhiibay gobolka Gedo. waxaa ka mid ah laba sarkaal oo kala qaabilsanaa Maktabka Dacawada( Propagandada) iyo Maktabka (Fursaanul Xizba)”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay taliska NISA. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, xilli muddooyinkii la soo dhaafay Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ay sare u qaadeen howlgallada milatari ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  12. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-070519-sx.mp3 View the full article
  13. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno shirka Garoowe uga socda madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, ayaa sheegaya in la isku afgartay in hal sano loogu daro madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf. Go’aankan ayaa imanaya kadib maalmo arrintan si aad ah la isugu hayey. Caasimada Online ayaa shalay qortay in dowladda diiday in ay u hogaansato heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-Sunna oo Xaaf siin lahaa 3 sano oo dheeri ah. Xaaf ayaa la sheegayaa in weli uusan aqbali halka sano oo uu doonayo laba sano, waxaana socda dadaal lagu qancinayo. Waxaa kale oo heshiiska ka mid ah in baarlamaanka ku sugan Cadaado ee Gacal Casir guddoomiyaha ka yahay uu sii joogo, lana soo celiyo. Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in uu haatan wada hadal u socdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweyne Xaaf iyaga oo ka wada hadlaya arrimaha labada dhinac, iyo inuu aqbalo yabooha dowladda. Madaxweyne Xaaf ayaa marar badan ka sheegtay faragelinta dowladda dhexe, isaga oo ka cabanayey in laga goostay lacagtii loogu talo galay. Arrintan ah in hal sano loogu dar, ayaa hadduu Xaaf aqbalo waxaa ay soo afjareysaa khilaaf u dhaxeeya hey’adaha Galmudug wax ka badan hal sano. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  14. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, ayaa sheegaya in uu shil gaari oo culus uu ka dhacay duleedka magaaladaasi. Shilkan gaari ayaa goordhweyd waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegannada Lafaruug iyo Xamaas oo ku yaala duleedka magaalada Berbera ee gobolka Saaxil. Shilkan ayaa waxa ka dhashay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo ilaa hadda aan la xaqiiji karin tirada rasmiga ah ee shilkaasi ku wax-yeelowday. Sida ay Caasimada Online wararka ku helayso waxa hadda socota daabulida meydadka iyo bad-baadinta dhaawaca. Shilkan ayaa waxa uu ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo waaweyn oo loo yaqaano Waaraadka ama Candho-Meydle iyo Bas kuwa dad-weynaha ah oo ay leedahay shirkadda socdaalka ee Damal. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  15. Wararka ay Goobjoog News ka heshay shirka Garoowe ayaa sheegaya in la isku afgartay in hal sano loogu daro madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf. Waxaa kale oo heshiiska ka mid ah in baarlamaanka ku sugan Cadaado ee Gacal Casir guddoomiyaha ka yahay uu sii joogo, lana soo celiyo. Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in uu haatan wada hadal u socdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweyne Xaaf iyaga oo ka wada hadlaya arrimaha labada dhinac. Madaxweyne Xaaf ayaa marar badan ka sheegtay faragelinta dowladda dhexe, isaga oo ka cabanayey in laga goostay lacagtii loogu talo galay. Arrintan ah in hal sano loogu daro waxaa ay soo afjareysaa khilaaf u dhaxeeya hey’adaha Galmudug wax ka badan hal sano. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in iska horimaad uu shalay gelinkii dambe dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab meel dhinaca waqooyi bari ka xigta magaalada Balcad. Read More
  17. Wararka ay Goobjoog News ka heleyso shirka madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada ugu socda Garoowe ayaa sheegaya in la isla soo qaadey, isla markaana is afgarad laga gaarey qodobo muhiim ah. Qodobadaas waxaa ku jira: Sameynta golaha iskaashiga dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah In dib loogu noqdo xeerarka doorashooyinka iyo Petroolka ee baarlamanka horyaala La dagaalanka argagixisada Arinta Galmudug( halsano in maamulka xaaf loogu daro, Baarlamankana Cadaado la soo celiyo, si taasu loo dhmaeeyo waxaa kulan gaar ah wada leh Madaxweyne Farmaajo iyo Xaaf-ka Galmudug. Wadaxaajoodka Soomalilnad in la bilaabo. Wadashaqeynta Wasaaradaha. Wararkan wixii ku soo kordha, kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay howlgalo adag oo lagu xaqiijinayo amaanka magaalada inta lagu gudo jiro bisha Ramadaan. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu badnaa dhigtay waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana ciidamada ay ahaayeen kuwo maalmihii ugu dambeeyay lagu tababarayay magaalada Muqdisho. Ciidamada ayaa habeenadii ugu dambeeyay baaritaano ka waday xaafadaha magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada ay baarayaan gaadiidka iyo xaafadaha magaalada Muqdisho. Ciidamada Booliska ayaa sanadkii lasoo dhaafay lagu amaanay adkeynta amaanka magaalada Muqdisho, iyadoo Ramadaankii hore aysan wax qaraxy ah ka dhicin magaalada Muqdisho. Ciidamada ayaa xalay waxay Howlgal ka sameeyeen Xaafada ku teedsan Cali Kamiin ilaa Furayaasha ayaa waxaa lagu qab qabtay Dhallinyaro farabadan, Ciidamada dowladda ayaa 30-kii March howlgallo habeen waliba ah oo u badan guri guri inta badanna lagu beegsado Dhallinyarada waxaa ay ka billaabeen magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa isaga oo ku sugan magaalada Garowe wuxuu sheegay in 40-kii maalin ee lasoo dhaafay ay ku guuleysteen adkeynta magaalada Muqdisho. Caaismada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Rammadan Mubaarak: wali waxaan xasuusnahay oo aan marna qalbigayga ka go’in weedho uu igu yiri nin ka mid ahaa diplomats-iyiintii wax ka qaban qaabinayay shirkii Soomaalida loogu qabtay Kenya sanadkii 2002dii, waxaase iigu darnayd oo mar kasta oo la gaaro bisha Rammadaan si gaar ah dib ugu soo noqda xasuustayda weerihii u dambeeyay sheekadii aniga iyo ninkaas ina dhex martay. Bishii Oktoober bartamaheedii isla sanadkaas bay ahayd, maalmihii uu shirkaas bilowday, waxaan isugu nimid dhismaha wazaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya, intii uu ii waramayay ninkaas wax farxad i geliya marna iima sheegin, waxaana innagu soo fool lahaa bishii Nofeember oo horaanteeda (afarteeda ama shanteeda) ay ku beegnayd bishii barakaysnayd ee Ramadaan, markaan ka tagayay baan malaha si gocosha ah aadna moodayso inaan wali isaga la hadlayo ama aan sheekadii la sii wado waxaan iri “Waa soonkii 12aad oo ay ummdda Soomaaliyeed colaado iyo dagaalo ku soomayso!” markaasuu intuu garabka iga dharbaaxay si uu i sagootinayo oo dhowr talaabo albaabkii xafiiskiisa i soo dhaafiyay i yiri “Waan ka xumahay inaan sidaas ku iraahdo, adigu soonkii 12aad baad ka hadlaysaayee waad arki doontaa iyadoo soonkii 20aad colaado iyo dagaalo ku soonta!”…Maanta waxaa inoo curatay bishii barakaysnayd ee Ramadaan waana Soonkii 29aad!…Ramadaan Mubaarak!… Sida muuqata shirkan Garowe laysugu yimid wuxuu ku soo aaday shin-khayr, wuxuu ku soo aaday bishii barakaysnayd ee Rammadaanka!…bil ay muhiim tahay inuu qofka muslimka ah wanaagga labo jibbaaro, xumaanta iyo beentana ka fogaado, shacabkuna waxay qabaan rajo weyn oo ah inuu shirkaan ka duwanaan doono dhammaan shirarkii ka horeeyay ee dhex maray xukuumadda federal-ka iyo madaxda maamul goboleeddada, waxayna rajaynayaan in go’aannada ka soo baxaya shirka Garowe ka socda ay noqon doonaan kuwo looga gudbo danaha shaksiyadeed isla markaasna soo dedejiya in shirku garowsado sidii looga gudbi lahaa xaaladda qalafsan ee dadka iyo dalka ku suganyihiin, isla markaasna uu soonkaan noqdo kii is af-garadka iyo nabadda ay ka bilaabanayeen. Hasa yeeshee waxaa rajada natiijo wanaagsan oo shirka ka soo baxda ay dhab ahaan ku xirantahay hadba sida ay xukuumadda federal-ka ama madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaarihiisa KHeyre u tanaazulaan, iyadoo waliba sida laga war qabo ay xukuumadda federalka si weyn ugu tagri fashay awooddeeda lana oran karo dalka waxay dib ugu celisay heer uu mar hore so dhaafay oo ah sharci daro iyo in qofka madaxda ah uu ka sareyn karo sharciga. Waxaa iyadana xusid mudan in madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha ay iyaga noqdeen golihii xeer dejinta oo ay soo jeediyaan waxa qaynuun noqonaya iyo wixii aan noqonayn, golohooda waziiradana ay u ansixiyaan, lana inkiray hay’adihii shaqdaas lahaa, waana arrintaas sababta ugu weyn ee madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaare KHeyre aysan khaladkooda u fahmi karayn. Waxaa iyadana tallaabo wanaagsan ah mowqifka ay qaateen maamul goboleeddada si ay u xaqiijiyaan in qawaaniinta dalka u taala lagu dhaqmo, xukuumaddana lala xisaabtamo, waayo golayaashii shacabka sida muuqata xukuumadda waxay ku soo hubsatay xabaasha, guddoomiyihii golaha shacabka Max’ed Cabdi-Raxmaan Mursal wuxuu si dadban laakiin muuqata u noqday ninka seddexaad ee golaha xukuumadda, waana midda keentay in golaha fulinta uu si aan baqdin ku jirin ay u bedelo qaabkii doorashada, diyaariyana sidii ay muddada u kororsan lahaayeen. Madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaare KHeyre illaa iyo hadda sida muuqata shirka waxay ku joogaan qaab ay is leeyihiin ama ay doonayaan inay iska hor keenaana maamul goboleeddada. Maamullada Koonfur-Galbeed iyo Hir-SHabeelle oo iyagu la rumaysanyahay inay taageersanyihiin madax-weyne Farmaajo iyo xukuumadda KHeyre ayeey haboonaan lahayd inay ka fiirsadaan taageeradooda inay waafaqsantahay dastuurkii lagu heshiiyay, taasoo macnaheedu yahay inay danta ummadda ku jirto iyo in kale, waana inay ka fekeraan natiijada ka soo baxaysa inay ka go’aan golaha maamul goboleeddada, waayo waxay dhaawac ku keeni karaysaa isu soo dhowaanshihii dad-weynaha ku kala nool maamulada kala duwan. Muddo kororsi marna sharci kuma noqdo xaalad deg-deg ah oo uu wadanku galo, maxaa yeelay qawaaniinta dalka ayaa hagaya dhammaan xaaladaha dalka la soo gudboonaada, xaaladdaha degdegga ah waa qayb ka mid ah arrimaha dastuurka uu qeexayo,waliba dal kasta, waxaana sida mararka qaarkood dhacda aad arkaysaa dal xaalad degdeg ah soo rogaya laakiin soo maray sababaha sharciga ah ee dastuurku siiyay adeegsanayana awoodda uu qaynuunka u xaddiday ee xaaladdaas la dhamaanaysa iyadoo aan waxba muddo la kordhin…Donald Trump baaba caqli dhaamay oo hadalkii mid ka mid ah taageerayaashiisa oo yiri “Trump waxaa ka khasaaray labo sano oo Muller uu baaraayay sidaas daraadeed waa in loo gudaa labadaas sano” jeer soo dhigay tweeter-ka laba jeer, anigu maba is lahaynba nin ka sarrigasha Trump baa jira. Waxaa intaas oo dhan ka daran madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha maba oggolaba in awood iyo is maamul hoose ay leeyihiin maamul-goboleeddada waxayna doonayaan inay marin habaabiyaan dadka shacabka oo intooda badan aysan wali fahmasanayn nidaamka lagu soo heshiiyay iyo waxa uu uga duwanyahay kii hore ee ay yaqaaneen, waxayna macanihii ku soo koobeen inu yahay nidaam wax kala qaybinaya oo keliya iyagoo aan marna sheegayn intiisa fiican iyo sida dadku wax u wada leeyihiin iyo in nidaamku diidayo awood marooqsi iyo keli talisnimo sida ay hadda rabaan inay dalka ku maamulaan Farmaajo iyo KHeyre iyo kuwa la fikirka ah. Waxaana sida hadda la ogyahay ay Farmaajo Kheyre hadda soo galeen heshiisyo aan waafaqsanayn dastuurka dalka waxayna markii horaba garbo duubeen golayaashii la xisaabtami lahaa, dagaalka ay ku jiraan waa mid indho sarcaadin ah inta ay wax uga fulayaan, waxyaabaha ay heshiisyada ku soo galeen waxaa ka mid ah badaha iyo dekadaha, kheyraadka dalka, dhammaantoodna waa heshiisyo wasakh ah oo aan la hor keeni karin umadda…Farmaajo wuxuu Itoobiya kula soo heshiiyay 4 dekedood oo Soomaaliya ah qaabkee buu ugula heshiiyay lama yaqaan, waan ognahay Itoobiya iyadii baa baqtinaysa oo dalkeedii maal gelin u raadinaysa… way ina weydiisan kartaa inay dekedaheen wax uga soo degaan kana dhoofsadaan annagoo kula heshiinayna hadba xaaladda suuqa sida ay tahay!…… KHeyre, shidaalkii dalka oo dhan buu suuq geeyay laakiin waxay su’aashu tahay talo aysan maamul goboleeddadu wax ka ogeyn, golayaasha kale ee dowladuna aysan ansixin waxba kama soconayaan, ama mugdi ha lagu soo heshiiyo ama arkab dushiisa ha lagu soo kala qorto, dadka Soomaaliyeed iyagay u taalaa siday badahooda iyo kheyraadkooda u ilaashan lahaayeen, walaacna kama qabaan inay ilaashan karaan… dowladaha raba inay saxiixyo dad daneystayaal ah ku boobaan kheyraadka ummadda waxba kama qaadayaan shacabka Soomaaliyeed. Way fiicnaan lahayd, aad bay u fiicnaan lahayd Farmaajo iyo saaxiibkiis KHeyre inay iimaanka isku sugaan oo dadka aysan kala fogeyn, waxaa hubaal oo aan cidna ka qarsoonayn maamul goboleeddadu waxay taaganyihiin meeshii u dambaysay oo ay uga go’i lahaayeen xukummadda federal-ka ah. DHibaatadaba waxay ka timid guddoomiyaha golaha shacabka Mursal oo kaalintiisii u hadiyadeeyay Farmaajo iyo KHeyre oo awooddoodii inay ku tagri falaan u saamaxay xummaan kasta oo timaadana isaga ayaa qayb ka ah, hadana shirka lama keenin, sababta laysaga reebayna ma uu garanayo…sida hadda wax ku socdaan waxay tagaysaa in wax Beesha Caalamka isugu yeera ay mar kale ay soo dhex galaan labada dhinac, taasin danta ummadda kuma jirto… Sow ma fiicnaan lahayn marka Farmaajo iyo saaxiibkiis KHeyre inay intaas fahmaan soonkaan uu noqdo kii ugu dambeeyay ee shacabka Soomaaliyeed ay ku soomaan is-qab-qabsi iyo khilaaf oo aan lagu darin soonkii soddonaad oo colaad iyo khilaaf iyo dagaal lagu soomo!… Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Puntland Post The post SHirka DF iyo Maamul Goboleeddada: Maamulada awwooddooda dastuurku siiyay ha garowsato xukuumadda federalka appeared first on Puntland Post.
  20. The U.S. army said on Monday evening that it had killed three al-Shabab militants in a precision airstrike in southern Somalia on Sunday. The U.S. Africa Command (AFRICOM) said in a statement that Sunday’s airstrike was in self-defense after al-Shabab fighters attacked Somali forces near Tortoroow. AFRICOM said the Somali forces were conducting an operation to disrupt the terrorist network in the area and to bolster local support for the government when they came under al-Shabab attack, adding that no civilians were injured or killed. Sunday’s airstrike is the latest in a series of similar missions by the U.S. forces in Somalia in collaboration with Somali and African Union forces in the Horn of Africa country. The strikes have largely targeted al-Shabab figureheads based in southern Somalia where the group still maintains a strong grip in some regions. View the full article
  21. South Africa has signed a deal to explore for oil in South Sudan, as part of a potential $1bn investment that the petroleum minister in the war-torn east African country hopes will eventually help to boost production. Source: Hiiraan Online
  22. Xiriirka kubbadda cagta Galmudug ayaa sheegay in uu socda qorshe ay ku doonayaan horomarinta kooxda kaga qey galaysa tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo la rajaynayo in la qabto dhamaadka sanada 2019. “Waxaa iminka gacanta ku haynaa ilaa 30 ciyaartooy oo aan kasoo xulnay tartankii kubbadda cagta degmooyinka Galmudug ee aan qabnay bishii September 2018 waxaana kaloo u baahan nahay tiro kale ka dibna waxaana ka xulandoonaa xirfadlayaasha ugu tirada wanaagsan kuwaas oo guul u soo hooyi kara shacabka reer Galmudug” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Galmudug Cabdifitaax Cabdullahi Warsame (Badshaa). Sanadihii 2016 & 2017 oo ay kooxda Galmudug ka qeyb gashay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobalka Banaadir ayaa waxa ay ku dhamaysteen kaalamaha ugu hoosaysa,iyadoo dadka reer Galmudug ay aad uga xumaadeen qaabka ciyaareedka llita ay kusoo bandhigeen garoomada kubbadda cagta caasimada Muqdisho oo tartanka marti geliyay. “Is badal weyn ayaan ku samayndoonaa kooxda Galmudug waa in aan wax badan ka barnaa casharadii hore ee kaalmihii liitay ee aan teegsanay labadii sano ee lasoo dhaafay iminka wasaarada ciyaaraha waxa ay xooga saaraysaa in ciyaartooyda matalaysa Galmudug laga soo xulo dhamaan deegaanada maammulkeena”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Bashiir Maxamed AW Cali oo ah wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug. Iminka degmooyinka Galmudug waxaa ka socda dib u dhiska garoomada kubbadda cagta taas oo ay dhalinyarada iyo bahda ciyaaraha ay u arkaan mid dabooli karta baahida ay qabaan ciyaartooyda matalaysa Galmudug maadaama ay tababar ku qaataan goobo aan u wanaagsan jirka ciyaaryahanada. “Isku tashi ayaan ku dhisanaynaa garoomada kubbadda cagta Galmudug waxaana xooga saaraynaa in qaar ka mid ah garoomada ay iminka shaqada ka socoto gudaha sanadkan xariga laga jaro,iyadoo loo dhisidoono qab casri ah” waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Bashiir Maxamed AW Cali oo ah wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada maamulka Galmudug. Dhinaca kale macalimiin badan ayaa doonaysa laylinta Galmudug waxaan horomuud u ah macalinkii hore xulka qaranka Maxamed Cabdulle Farayare,isagoo dhinaca faramsada kaalin weyn ka qaatay tartankii kubbadda cagta degmooyinka Galmudug sanadkii lasoo dhaafay 2018. “Macalin Farayare waxa uu kasoo jeedaa Galmudug hadii xitaa uu tababaraha 1aad noqonin waxaa qorshaynaynaa in uu door wacan ka ciyaaro soo xulista iyo dhiiri gelinta macalimiinta waxaanse u arkaa fursad weyn hadiiba uu naga o gaadlo qabashada shaqadaa madaama uu iminka qeyb weyn ka yahay waxaaada farsamada xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya”waxaa sidaas markale Goobjoog u sheega Cabdifitaax Cabdullahi Warsame oo guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Galmudug. Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Is Badalka Kooxda Galmudug W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com